-
Content Count
213,146 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
By Harun Maruf Dozens of European citizens of Somali origin who joined the Islamic State terror group in Syria and Iraq want to go to Somalia due to European countries’ reluctance to take them back. Through their parents, the so-called Islamic State brides and their children have urged the Somali government to take them in. VOA Somali service’s Investigative Dossier program has obtained the list of 23 women and 34 children who are now being held at al-Hol camp in northern Syria. The relatives say the IS brides have expressed “regret” and accept they made a “mistake” in leaving Europe to travel to Syria. Some of the women have lost their European citizenship. Nasra Abdullahi Abukar is one of them. She left London’s Lewisham Borough on June 3, 2014 and travelled to Syria. In October 2017 the British government revoked her citizenship. Her mother, Kaha Gure Hassan, says her daughter was born in Somalia and wants to go there to live with her father. “I appeal to the (Somali) president, Mohamed Abdullahi Farmajo, and Prime Minister Hassan Ali Khaire and the Somali people to get those children returned,” Hassan says. “If they rescue, we will take responsibility for her.” ‘She was groomed’ Hassan says her daughter was not a religious person. “She used to wear trousers and was not particularly connected to a mosque,” she told Investigative Dossier. “She was groomed [recruited] through the internet.” Seven days after leaving London, Abukar called her mother and told her she went to Syria to “help the women and children” of Syria. Hassan says within a year her daughter “regretted” the move and wanted to return to Britain. “My daughter was not a free person, she was afraid when speaking on the phone,” Hassan said. The mother of five is now appealing to the Somali government to take her to Somalia where Abukar’s father lives. Somali German family On September 9, 2014, a family of four caught a flight from Frankfurt, Germany to Turkey. Two sisters, their brother and his pregnant wife flew to Istanbul and then proceeded to Syria. Their father, who lives near the town of Mainz, was in Denmark attending a wedding when they traveled. His son called him three days later from Turkey and assured him they would return, but the father was not sure he was telling the truth. “I plead with him to at least return the children,” says the father, who did not want to be named. By “children” he means the two daughters who were 14 and 18 at the time. Their brother was 23. Within six months, the two sisters married jihadists, and their brother was killed. The younger daughter, who is now 22, has married three jihadists in all – two Somalis and an Eritrean. All three were killed in Syria’s war. She had a child with the Eritrean jihadist and twins with her last husband. The twins died shortly after birth. The two in-law families from Germany and Denmark now want the widows and orphans rescued from the refugee camps. “These were just housewives, they are destitute, sick due to lack of health support,” says the Somali-German father. He says his younger daughter recently had anemia and was ill for a week. “They were not participating in fighting,” he said. “They are desperate to be rescued; nothing else is in their mind. They were brainwashed.” Traveler from Sweden Ayni is another IS bride who lost two husbands in the war in Syria. She has arrived in the al-Hol refugee camp after fleeing from the town of Baghuz in March this year following heavy bombing. Ayni traveled with a group of girls from Sweden in May 2014. She was preparing to get married when a man changed her mind and told her she is marrying someone who is not very religious, according to her mother Saido. He not only changed her mind about marriage but convinced her to “migrate” to Syria. The two married in Syria and had two children before he was killed in a bombing in October 2017. Months later she married again and had a third child but her new husband was wounded and captured by allied forces. “Their survival depended on marrying men as a safety guarantor,” says Saido. Saido says her daughter tried to escape the group but found no safe way out. She alleges Kurdish forces raid and confiscate mobile phones and money from the women. She says her grandchildren are malnourished. “Who are these women?” Somali government officials say they have received the list of Islamic State brides and their children in al-Hol camp, but have not yet made a decision on whether to make an offer to them. Somalia’s ambassador to the European Union, Ali Said Faqi, who has been in touch with the families says the Somali government is investigating the situation. “We are investigating, we need a full information,” he said. “Who are these women? There are Somali men [in Syria] who had children with foreign women, they want their children to come here too. This is complex, it needs careful consideration.” Former intelligence officer Colonel Abdullahi Ali Maow says the Somali government should exercise “caution” and make sure they do not get released to the community until they are thoroughly rehabilitated. But Ambassador Faqi sees a way out for them if they are sincere about renouncing their jihadist ideology. “If someone with a terrorist organization renounces the government welcomes them, at this time; they will fall under this category,” he says. Source: VOA
-
Tan iyo todobaadkani markii aanu baahaniyay xubnaha ka soo jeeda beesha West Burco Clan ee ku jira xukumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxa aad noogu soo noqday fal celin aad u balaadhan taasi oo meesha ka saartay wax wada lahaanshihii iyo is aaminkii, waxana ay tageerayaasha Muuse Biixi ku doodeen in tii Siilaanyo ay ka sii darnayd oo ay tahay in aan taasna Isla eegno. Hadaba xilalka Waraabo u taaga ah ee uu madaxweyne Muuse Biixi ku miisay beesha West Burco Clan ee ku jira xukumaddiisa, waxa aynu garab dhigaynaa xilalkii uu madaxweynahii hore ee Somaliland siiyay beesha West Burco Clan halkani hoose ka akhriso, xaga ka sii hoosaysana ka akhriso kuwa madaxweyne Muuse Biixi uu hada siiyay, marka la is bar bardhigay waxa soo baxday in ay yihiin kaaf iyo kala dheeri Xukumadii Siilaanyo xilalkii ay u hayn jireen beesha West Burco Clan 1 Wasiirka arimaha gudaha 2 Wasiirka xanaanada xoolaha 3 Wasiirka warfaafinta 4 Wasiirka deegaanka 5 Wasiirka Caafimaadka 6 Wasiiru dawlaha maaliyada 7 Wasiiru dawlaha madaxtooyada 8 Wasiiru dawlaha biyaha 9 Wasiir ku xigeenka arimaha dibada 10 Wasiir ku xigeenka qorshaynta 11 Wasiirka Kaluumaysiga iyo dekadaha 12 Hay’ada ICT 13 Wakiilka Itoobiya 14 Wakiilka Shiinaha 15 Garyaqaanka guud ee Qaranka 16 Wasiir ku xigeenka qorshaynta 17 Wasiiru dawlaha macdanta 18 Wasiir ku xigeenka qorshaynta 19 Taliyaha ciidanka bada 20 Taliyaha laanta socdaalka 21 Agaasimaha guud ee duulista iyo hawada 22 Hogaanka Hawlgalinta ciidamada qaranka 23 Agaasimaha guud ee hay’ada shaqaalaha 24 Badhisaabka gobolka Gabiilay 25 Badhisaabka gobolka Gabiilay 26 Badhisaab ku xigeenka gobolka Saaxil 27 Agaasime waaxaadka arimaha gudaha Waxa jiray agaasimo waxeedyo dhowr ah iyo xilal aan halkani lagu soo koobi karin oo aan qaybta labaad ku soo dari doono Xagan hoosena ka akhriso hadaba xilalka Waraaba u taaga dawlada Muuse Biixi, 1 Wasiirka deegaanka 2 Wasiirka ciyaaraha 3 Badhisaab ku xigeenka gobolka Saaxil 4 Agaasimaha wasaarada warfaafinta 5 Badhisaabka gobolka Togdheer 6 Afhayeenka madaxweynaha 7 Lataliyaha madaxweyanaha ee arimhaha naafada 8 Taliyaha ilaalada madaxtooyada 9 Wakiilka Somaliland ugu qoran dalka Shiinaha 10 Gudoomiyaha Baanka Ciidagale 1 Wasiirka waxbarashada 2 Wasiir ku xigeenka arimaha gudaha 3 Wasiir ku xigeenka maaliyada 4 Agaasimaha wasaarada biyaha 5 Agaasimaha wakaalada hawlaha guud Isaxaaq 1 Gudoomiyaha hay’ada shaqaalaha (Laba bilood hada xulkaasi haya) 2 Gudoomiyaha hay’ada ICT. (Siilaanyo kaga tagay) Muuse Care 1 Badhisaabka gobolka Hawd 2 Masuul ka tirsan hay’ada quality control 3 Wakiilka Somaliland u jooga Itoobiya La soco sida loo kala haysto qandraasyada Qaranka Iyo warbixin xassasi ah iyo cida u badan shaqaalaha dawlada ee lagu naas nuujiyo inaga oo is full taagi doona wasaarada maaliyada oo ay ka hawl galaan dhowr boqol dadka Garxajiska ah ee u shaqo tagaana ay yihiin faro Ku titis. Sad bursiga Iyo cadaalad darida marna ha ku sifayn xurguftii doorashada oo dhamaatay Qaran News
-
Guddiga Dhaqaalaha iyo Xisaabaadka Golaha wakiilada Puntland, oo Khamiistii warbixin siiyay fadhiga Baarlamanka, ayaa shaaciyay in lixdii bilood ee sannadkan u horraysay uu dhaawac culus gaaray dhaqaalaha Puntland. Guddiga oo mudda lix bilood ah ku hawllanaa uruurinta xogta Dhaqaalaha Puntland, ayaa Golaha u sheegay in guud ahaan Dhaqaalaha Puntland uu hoos u dhac weyni gaaray tan iyo bilowdii sannadkan, iyadoo meelaha qaarkood saddex-meelood oo hal-meel aysan ka soo xaroon dakhligii laga filayay, sida uu guddiga xusay. Warbixinta ayaa lagu sheegay in dakhliga Kastamka iyo Canshuuraha barriga ay fadhiid noqdeen lixdii bilood ee u horraysay sannadkan, taasina ay dhaawac culus gaarsiisay dhaqaalaha Puntland. Qodobka labaad ee curyaamiyay shaqaalaha Puntland, ayaa guddigu ku sheegay badeecooyin sharci-darro ah oo ka soo furmay dhinaca Somaliland, kuwaasi oo wasaaradaha ku shaqada’leh ee Puntland ay ka qaadan canshuur yar oo aysan u qalmin in laga qaado. Badeecadaha ka yimaada Somaliland, oo badankooda laga soo daabulo magaalooyinka waaweyn ee maamulkaas, kadib marka la ogaado in ay dhaceen, ayaa suuq-xir iyo dhaawac mugleh gaarsiiyay ganacsatada Puntland ee bixiya canshuurta, sida ku cad warbixinta guddiga. Sidoo kale, guddiga ayaa sheegay in lixdii bilood ee u horraysay sannadkan uu gebi ahaanba fadhiid noqday Bankiga dhexe ee Puntland, uuna haatan u shaqeynayo “sida bakhaar kiro ka qaata wasaaradda Maaliyadda Puntland”. Guddiga Dhaqaalaha iyo Xisaabaadka Golaha wakiilada Puntland oo ka tala-bixiyay, sida looga gudbi karo hoos u dhaca dhaqaale ee soo wajahay Puntland, ayaa soo jeediyay in la hawl-geliyo Bankiga dhexe ee dowladda Puntland, si loo nidaamiyo hannaanka maaliyadeed ee dalka. Waxaa kale oo guddigu soo jeediyay, in lagu dhaqmo Miisaaniyadda dowladda, islamarkaana wasaaradda Maaliyadda Puntland iyo madaxtooyadu ay joojiyaan lacagaha ay kala baxayaan akoonnada dowladda ee aan Miisaaniyadda ugu qorneyn. Halkaan hoose ka daawo warbixinta guddiga PUNTLAND POST The post Dhaqaalaha Puntland oo curyaamay mudadii uu xilka hayay Xassan Abgaal appeared first on Puntland Post.
-
Shirka ayaa oo xirmay Jimcii shalay Shir weyne mudda ku dhow laba todobaad magaalada Badhan ee gobolka Sanaag uga socday, hoggaanka Dhaqanka beesha u badan gobolkaasi oo shalay soo xirmay, ayaa laga soo saaray go’aanno masiiriya oo ku saabsan sheegashada Somaliland ee degaannada beelweyntaasi. Bayaan ka soo baxay shirka oo ka kooban saddex qodob, ayaa lagu caddeeyay in bulshada u badan gobolka Sanaag ee shirka qabsatay, aysan ka tirsaneyn waxna ku darsan maamulka Somaliland ee ka taliya gobollada Waqooyi Galbeed Soomaaliya, islamarkaana aysan jirin cid ku matasha Somaliland. Waxaa kale oo bayaanka lagu caddeeyay, in beelweynta shirka qabsatay ay u taagantahay, ilaalinta midnimada iyo wadajirka umadda Soomaaliyeed, ayna si buuxda uga tirsantahay dowladda Puntland oo beeshu wax ka dhisatay, ayna xubno matala ku leedahay golayaasha Puntland. Bayaanka ayaa ku baaqay, in bulshada ku abtirsata magaca beelweynta shirka qabsatay, ay adkaystaan midnimada iyo isku’ duubnidooda, meelna uga soo wada’jeestaan difaaca dhulkooda ay lagaga soo duulay Hargeysa. Beesha ayaa dowladda Puntland ugu baaqday, in ay gudato waajibka ka saaran ilaalinta iyo difaaca gobolka Sanaag oo maamulka Somaliland uu ku soo qaaday duullaan qaawan sida bayaanka loo dhigay. Halkaan hoose ka akhriso bayaanka oo dhan PUNTLAND POST The post Badhan: Hoggaanka Dhaqanka gobolka Sanaag oo daba-geliska u siibay maamulka Somaliland appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweyne Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, AHN, sidii aynu soo xusnay waxa uu sameeyey waxyaalo aanu qaran kastaa ka maarmi karin oo astaamo iyo baadisooc u ah. Markii uu madaxweynaha noqday wax waliba waxa ay ahaayeen ku-meel-gaadh ama waa ay maqnaayeen. Waxa uu sameeyey lacag (shilinka Somaliland), waxa rasmi ka dhigay oo ku-meel-gaadhnimadii ka saaray oo uu sameeyey calan cusub, heestii qaranka iyo astaamihii kale qaranka oo idil. Qodobka 7aad ee dastuurka Somaliland oo ansixintiisa lagu dhawaaqay, Arbaca 13/06/2001 markii afti loo qaaday ee 97% oggolaadeen waxa uu qeexayaa calanka, astaanta iyo heesta qaranka. Waxa kale oo is qodobkaasi tilmaamayaa in wax-ka-beddelka ama beddelaadda calanka, astaanta iyo heesta calanka uu jidaynayo go’aan Golaha Wakiillada ka soo baxa. 18-ka May oo loo aqoonsan yahay maalinta madaxbannaanidu meelna kaga qorna distoorka, waxana muddooyinkii dsmbe soo baxayey dhawaaqyo ku saabsan maalintaas 18-ka May iyo xuskeeda. Dad kala duwan ayaa qaba in maalintaasi barabixisay maalintii xornimada laga qaatay Ingiriiska ee 26-ka Juun. Maalintan lagama weyneeyo Somaliland sida loo weyneeyo 18-ka May. Halkaas ayaa dhawaqu ka soo jeedaa. Prof Axmed Ismaaciil Samatar ayaa 2015 arrintaas soo hor dhigay shirka Jaaliyadda Somaliland ee Yurub ku qabatay magaalada Stockolm ee dalka Sweden. Dooddaasi waa ay sii socotay ilaa haddana waa ay taagan tahan oo dad badan ayaa qaba in 26-ka Juun noqoto maalinta weyn ee madaxbannaanida Somaliland loo faltansiyeeyo, 18-ka Mayna maalin kale oo la soo noqoshadii madaxbannaanida lagu xusuusto. Dadka sidaas qabaa waxa ay ku doodaan in 26-ka Juun ay dhashay oo ka weyn tahay 18-ka May, hooyana u tahay, oo aanay ahayn in ilmaha yari uu hooyo ku caasi garooba amaba uu liqo oo hadheeyo. Waxa kale oo ay ku doodaan in 18-ka May aanay dadka Somaliland ku dhaqan isku si uga dhaxayn si la mid noqon karta sida aan loo kala sheegan karin 26-ka Juun. Dadkaasi waxa dooddooda u cuskadaan in aanay 26-ka Juun dadka kala qaybin ee ay weel wax ku wada wadaajin karto, halka 18-ka May dadka kala qaybiso. Hase yeeshee Cabdillaahi Cabdi Xaaji Cumar oo ka mid ahaa madaxdii SNM ee shirkii Burco wax ka maamuleysey ayaa tilmaamay in aan shirkaas oo go’aankiisu soo baxay 17/05/1991 lagu soo qaadin wax la yidhaa 18-ka May. Isaga oo Jawaan taas ka hadlaya axdigii ku dhawaaqa Somaliland oo uu goobjoog ka ahaa ayaa yidhi, “waxa Axdigii Burco ee May 1991 ku jirey in maalinta 26 Juun ay noqoto maalinta qaranka ee loo samaynayo dabbaaldegga weyn ee nashada qaran “National Holiday” ee fasaxa yeelanaysa. 17-ka May oo ah maalinta la soo celiyey madaxbannaanida in iyana loo sameeyo xus fudud oo ah guusha la gaadhey iyo qarannimada la soo celiyey dhiirrigelinaysa oo fagaarayaal khudbado laga jeediyo”. Cabdillaahi Jawaan waxa uu yidhi, “18-ka May waxba looma qoondayn. Waxa ay ahayd maalintii ay dadweynuhu soo baxeen ee go’aamada, naguna taageereen. Waxa aan xusuustaa nin naga soo horjeeddey oo ka mid ahaa qolyihii lahaa yaan dalka kala jarin, iyada oo cadceedku kulushahay oo aad mooddo Yoomal Qiyaamihii oo dadkii oo dhami soo bannaanbaxay, ayuu dhabanka iyo gacanta isa saaray oo uu calaacalay. Aniga ( Cabdillaahi Jawaan) iyo Prof Maxamed Yoonis oo ka dambayna ayuu nagu soo jeestey oo nagu yidhi, ‘horta waa aad naga rayseen oo ummaddii baa idin raacday oo idiin hiilisey. Bal se waxa aan eegayaa bal in 17-ka May ay tahay maalin nasiib wacan iyo in ay tahay maalin xun’. Waa uu kaftamayoo, waxa uu yidhi, waa aan faalinayaa’! 17 kii buu sagaal tuuray oo siddeed baa soo hadhoo waa ‘LUCKY’ buu yidhi. Bal ‘midh’ ku dar buu yidhi oo 18 ka dhig. ‘18 kii sagaal tuur, maxaa hadhay? Waxa hadhay sagaal. Waxa uu yidhi ‘sagaalkaana tuur’. Waxa uu yidhi ‘waa madhan. Madhantaas baannu ugu xuddun xidhnay, wax ay noqonaysaa ma jirto oo waa sifir’!! Waa Xuseen Saalax Muuse waxba qarin maayo’e, isaga oo Muqdisho jooga ayaa iigu dambeysey, in uu nool yahay iyo in kalena garan maayo”. 17 – 9 = 8, sagaal kale kama sii go’i karo. 17 + 1 = 18 – 9 = 9 – 9 = Madhan!! Cabdillaahi waxa uu ku adkaystay oo yidhi, “Axdigii ku-meel-gaadhka ahaa ee dalka lagu maamulayey 17 May 1991 – 16 May 1993 meelna kagama taallo in 18-ka May, garanna maayo meel laga keenay iyo goor la beddeley. Labadii sano ee SNM dalka maamulaysey waxa la xusay 26-ka Juun”. La soco qaybta 18aad, HAI, oo ku saabsan bilowgii dagaalladii habar habar ama munaafaqadda. Maxamed Baashe Xaaji Xasan Qaran News
-
Riyadh and Abu Dhabi are putting their bets on Trump's re-election to realise their vision for regional hegemony. Source: Hiiraan Online
-
Shirka xoojinta wada-shaqeynta degmooyinka gobolka Nugaal ee dhinacyada adkaynta amniga iyo horumarka ka socda gobolka oo ay ka soo qayb-galeen guddoomiyaasha degmooyinka Nugaal ayaa lagu qabtay degmada Dangoroyo ee gobolka Nugaal. Kulanka oo uu shir-guddoominayey guddoomiyaha gobolka Nugaal Cabdisalaan Xassan Xirsi (Gu’jir) ayaa waxaa ka soo qeyb-galay duqa caasimadda Garoowe iyo guddoomiyaasha degmooyinka Eyl Dangoroyo iyo Godobjiraan waxaana looga hadlay xoojinta wada-shaqeynta degmooyinka gobolka Nugaal iyo adkaynta amniga iyo horumarka degmooyinka Nugaal. Shirka waxaa ka maqnaa guddoomiyaha cusub ee sida ku meel gaarka ah loogu magacaabay degmada Buurtinle kaasi oo aan weli xilka la wareegin kadib markii guddoomyihii ka horreeyay ku baxay kala-diristii golaha degaanka degmada Buurtinle. Sida lagu sheegay war-murtiyeed ka soo baxay shirka oo uu warbaahinta u akhriyay duqa caasimadda Garoowe Axmed Siciid Muuse waxaa la isku raacay qodoba ay kamid yihiin: In shirka laga dhigo mid saddexdii biloodba mar la qabto si la isaga xog-waraysto xaaladaha ka jira degmooyinka gobolka. In la sameeyo sanduuq dhaqaale oo ay leeyihiin degmooyinka gobolka Nugaal si loogu qabto hawlaha horumarinta degmooyinka gobolka . In la ilaaliyo degaanka iyadoo bulshada lagu wacyi-gelinayo in ay ilaaliyaan degaanka si looga dhowro xaalufinta iyo nabaad-guurka. In degmooyinka gobolka Nugaal ee aan mashaariicda badan ka fulin laga caawiyo dhinaca mashaariicda horumarinta islamarkaana degmooyinka aan ku jirin mashaariicda JPLG loogu qareemo sidii ay u heli lahaayeen mashaariicdaasi. Ugu dambeyntii waxaa lagu ballamay in shirka kan xiga lagu qabto magaalada caasimadda ah ee Garooowe laguna sii amba-qaado hirgelinta qodobada ka soo baxay shirkaan. PUNTLAND POST The post Degmooyinka gobolka Nugaal oo hirgelinaya sanduuq dhaqaale appeared first on Puntland Post.
-
Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Cabdi Maxamed Sabriye ayaa ka degay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta u ah Maamulka Galmudug. Diyaaradda siday wafdiga ayaa si nabad uga degtay garoonka, iyadoo markii hore ay soo baxayeen warar sheegaya in Ciidamo daacad u ah Madaxweyne Xaaf ay gaadiidka dagaalka la galeen garoonka, si aanay garoonka diyaarad uga soo degin, hase ahaatee warkaas ayaa waxba kama jiraan noqday. Wasiirka ayaa waxaa wehliya Wasiiro ka tirsan Xukuumadda iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka, iyadoo garoonka diyaaradaha ku soo dhoweeyeen Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Galmudug, Ahlusuna, rag ku dhow dhow Madaxtooyada Villa Somalia. Goor sii horeysay war ka soo baxay Madaxtooyada Galmudug ayaa lagu faray Shirkadaha diyaaradaha in aanay soo qaadi karin Mas’uuliyiinta dowladda Federaalka ee ka imaanaya Muqdisho, hase ahaatee amarkaas ayaa ka dhaqan geli waayay magaalada Dhuusamareeb oo ay ku xooggan yihiin Ahlusuna. Wararkii ugu dambeeyey ee ka imaanayo Dhuusamareeb ayaa xaqiijinayo inuu Madaxweyne Xaaf galay go’doon siyaasadeed kadib markii ay Ahlu Sunna ku adkaysatay in ay dhageesaneyso qorshaha ay Dowladda wadato. Xaaf oo qorsheenayey inuu Galabta isaga baxo Magaalada Dhuusamareeb kadib markii ay Ahlu Sunna u wareegtay dhanka Dowladda Soomaaliya ayaa laga codsaday inuusan ka bixi karin Magaalada. Xaaf ayaa Galabta kusii jeeday Magaalada Gaalkacyo, waxaana la filayey inuu safarkiisa noqdo mid dhanka dhulka ah balse waxaa arrintaas ka hor imaaday Ahlu Sunna oo ka codsaday inuu sii joogo. Wararka kale ee ugu dambeeyo wada hadalka Dowladda iyo Ahlu Sunna u dhaxeeyo diiradda lagu saarayo sidii Ahlu-Sunna u aqbali lahayd doorasho dhacdo taasi oo meesha ka saareysa Xaaf. Wararka ayaa sheegaya inay Dowladda halkaas geysay lacag u dhaxeyso 1.5 Malyan illaa 2 Malyan taasin ay diideyn Ahlu Sunna Wal Jameeca oo sheegay inaysan lacagtaas ku filneyn agoontii ay ka dhinteyn ciidamadii u dagaalamay Ahlu Sunna. Gudoomiyaha Guud ee Ahlu Sunna Wajmacaada ee Gobalada Dhaxe Sheekh Macalin Maxamuud Xasan ayaa heshiis qarsoodi ah la saxiixday Dowladda Soomaaliya si meesha looga saaro Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo ah Madaxweynaha Galmudug, waxaana muuqato inay Dowladda xataa ka baxday is afgaradkii hore ay la gaartay Macalin Maxamuud iyo lacagtii la isku afgartay. Macalin Maxamuud ayaa la ogaaday inuu Dowladda Soomaaliya la galay is afgrad ku aadan in Galmudug ay ka dhacdo doorasho si loo soo dhameeyo xiisadda u dhaxeyso Dowladda Dhexe iyo Maamulkaas. Sida illo wareedyo rasmi ah u xaqiijiyeen Shabakadda Caasimada Online, Macalin Maxamuud ayaa Dowladda Soomaaliya la afgartay inay bixiso 4 Malyan oo Dollar si uu Maamulka Ahlu Sunna uga dhaadhacsiiyo inay aqbalaan doorasho ka dhacdo Galmudug balse waxaa hadda soo baxayo inay Dowladda halkaas geysay lacag intaas ka yar. Sidoo kale Macalin Maxamuud ayaa Dowladda kula heshiiyey in wiilka uu dhalay ee Cabdisamad Macalin Maxamuud la siiyo xil warsiirka arrimaha gudaha ah. Macalin Maxamuud ayaa sidoo kale Dowladda kula heshiiyey in Gabar uu dhalay loo magacaabo Safiir inkastoo aysan weli noo suurtagelin inaan helno wadanka Safiirka looga dhigi doono. Waxaa Magaalada Dhuusamareeb ka socdo wadahadlo xasaasi ah, waxaana la filayaa in illaa berri la heshiiyo ama lagu kala tago, sidoo kalana warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegayo inuu Xaaf Berri isaga tagi doono Magaaladaas isagoo saldhigan doono Magaalada Gaalkacyo. Xaalada siyaasadeed ee ka jirta Galmudug ayaa labadii maalmood ee la soo dhaafay xoogeysatay, kaddib markii Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka ay soo saartay war saxaafadeed ku aadan doorashada Galmudug, in la qabto shirweyne dib u heshiisiin iyo in muddo xileedka Madaxda Galmudug ay ku egtahay 4-ta July. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Dhuusamareeb caasimada@live.com
-
Dozens of European citizens of Somali origin who joined the Islamic State terror group in Syria and Iraq want to go to Somalia due to European countries' reluctance to take them back. Source: Hiiraan Online
-
Mohamed Hassan has been described as one of the freedom fighters of Kenya who funded the nationalist movement Kenya African Union (KAU) and the Mau Mau, a major nationalist revolutionary movement that originally sought to reclaim land that the British settlers had taken away from them in the 1950s. Source: Hiiraan Online
-
Khilaaf dhinaca awoodaha sharci ansixinta ah oo muddooyinkii u dambeeyey ka dhex taagnaa labada gole ee baarlamaanka Somaliland ayaa markan ku fiday golaha xukuumadda, oo isaguna dhankiisa qayb ka noqday weerarka iyo weerar celiska labada gole hore ugu socday. Sida ay dhigayaan shuruucda dalku xeerarka uu ansixiyo golaha wakiilada Somaliland waxa ay maraan golaha Guurtida oo mar labaad ansixiya, laakiin waxaa jira xeerar, aan marin oo sida uu golaha wakiilladu ku doodayo ah dhammaan xeerarka khuseeya arrimaha maaliyadda. Xoghayaha guud ee golaha wakiillada Somaliland mudane Cabdirisaaq Siciid Ayaanle, oo daba socda eedo hore uga yimi golaha guurtida oo ah in wakiilladu ay xeerar aan Guurtida marin u gudbiyeen madaxweynaha, ayaa golaha Guurtida ku eedeeyey in ay faragelin ku samaynayaan xeerar aanu sharcigu u fasaxayn oo uu golaha wakiillada meel mariyey, kuwaas oo uu sheegay in ay yihiin xeerka maaliyadda. Laakiin isla saacad gudaheed ayaa uu arrintan ka jawaabay xoghayaha guud ee golaha Guurtida Somaliland mudane Cabdirisaaq Aadan beegsi, isaga oo golaha wakiilada ku eedeeyey in ay madaxweynaha hadda iyo kuwii ka horreeyeyba u gudbiyeen xeerar aad u badan oo sidii sharcigu dhigayey aan la marin golaha Guurtida. Waxa se uu madaxweynaha hadda mudane Muuse Biixi Cabdi ku ammaanay in uu xeerarkaas qaar ka mid ah soo celiyey kaddib markii uu golaha Guurtidu u diray warqad uu ku wargeliyey in sifo aan sharciga waafaqsanayn loogu gudbiyey. Xeerarka uu Xoghaye guud ee Guurtidu sheegay in loo tahriibiyey madaxweynaha, sida uu hadalka u dhigay, isla markaana ay xukuumaddu dhaqangelisay iyada oo aan ku soo celin, waxaa ka mid ah; xeerka Hantidhawrka guud, xeerka kufsiga, xeerka maamuuska madaxweyeyaashii iyo madaxweyneyaal ku xigeennadii hore iyo xeerka qandaraasyada qaranka. Waxa aanu sheegay in uu dastuurku dhigayo in aanu xeerna sharci noqonayn illaa uu golaha guurtidu ansixiyo. Mar labaad ayaa ay xildhibaanno ka tirsan golaha Guurtida ee Somaliland, warbaahinta la hadleen waxa aanay marka garyaqaanka guud ee xukuumadda Somaliland ku eedeeyey in uu qariyey xeerar golaha wakiilladu ansixiyeen, kaddibna iyaga oo aan Guurtida marin u gudbiyeen madaxweynaha oo sidaas ku saxeexay. iyaga oo si gaar ah u magacaabay xeerka xawaaladaha. Garyaqaanka Guud ee qaranka mudane Cabdisamad Cumar Maal ayaa isla shalay hadlay oo isaguna iska fogeeyey eedahaas uga yimi xildhibaannada Guurtida. Garyaqaanka guud ee qaranku waxa uu sheegay in aanay jirin cabasho uga timi golaha guurtida oo ay ku dalbanayaan in dib loogu soo celiyo xeerkaasi xawaaladaha. Mudane Maal waxa uu sheegay in mudadii uu xafiiska garyaqaanka guud ku sugnaa ay dhaceen in labada xeer oo aan soo marin golaha guurtida loo soo gudbiyey madaxwaynaha, balse eegis kadib ay dib ugu celiyeen golaha guurtida si ay waajibaadkooda dastuuriga ah uga gutaan. Dhinaca kale Garyaqaanka guud ee Somaliland waxa uu ka hadlay khilaafka sharaci ee ka dhex qarxay labada gole ee Baarlamaanka, isaga oo sheegay in xeerka Maaliyadda uu ansixintiisa iyo wax ka badalkiisu gooni u yahay golaha wakiilada, balse hadii ay arrinkaasi isku fahmi waayaan shirgudoonka labada gole, ay waajib ku tahay inay u gudbiyaan maxkamadda dastuuriga ah. Haddaba, muranka ka dhextaagan labada gole ee baarlamaanka oo ah kuwa ka masuulka ah sharci dejitna iyo sida oo kale murankan cusub ee ka dhex aloosmay golaha Guurtida iyo xukuumadda oo dhaqangelisay xeerar aan marin Guurida, ayaa u muuqda in aanay ka maarmayn in la helo habkii uu murankoodu ku gaadhi lahaa maxkamadda sare ee dastuuriga ah oo ay tahay in ay fasirto, xalna ka gaadho muranka awoodaha sharci ee labada gole. Xukuumadda Somaliland ayaa ah hay’adda uu saamaynta ku yeelanayo muranka labada gole, maadaama oo uu madow badani gelayo xeerar madaxweynuhu saxeexay oo dalka lagu dhaqo ama hay’ado qaran ku dhisan yihiin, sidaa awgeed haddii ay labada shir guddoon ee labada gole baarlamaan oo aan weli arrintan ka hadlin ku guuldarraysteen in ay xal sharci ah gaadhaan, waxaa la sugayaa doorka ay xukuumaddu ku yeelanayso arrintan iyo sida ay uga shaqayso soo afmeerista murankan sii socoshadiisu shuruucda dalka khatarta ku tahay. In arrintan xaal mastuur lagu dhammeeyaana waxa ay keenaysaa mugdi gala guud ahaan sharciga, mustaqbalkana keeni kara muran la xidhiidha ansaxnimada shuruuc arrimo muhiim ahi ku dhisan yihiin ama muwaadiniinta saamayn toos ah ku yeelanaya. Geeska Qaran News
-
(SLT-Nairobi)-Wakiilka Somaliland u fadhiya Kenya Baashe Cawil Cumar iyo Maareeyaha Hay’adda Duulista iyo Madaarrada Jamhuuriyadda Somaliland Cabdi Maxamed Rodol, ayaa la kulmay Safiirka Dalka Switzerland u qaabilsan Geeska Afrika Dr. Ralf Heckner, kaas oo fadhigiisu yahay Nairobi. Danjire Baashe Cawil ayaa Wakaaladda Wararka Somaliland (SOLNA) u xaqiijiyey in ay Safiirka Switzerland kala hadleen sidii dawladaha Somaliland iyo Switzerland u sii xoojin lahaayeen cilaaqaadkooda gaar ahaan dhinaca horumarinta. Baashe Cawil waxa kaloo uu intaas ku daray inay Danjiraha Switzerland ay sidoo kale isla soo qaadeen wada hadalkii Jamhuuriyadda Somaliland iyo Soomaaliya. Source
-
(SLT-Boorama)-Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha Somaliland Md. Axmed Muumin Seed ayaa sheegay in deegaanno ka mid ah Gobollada Awdal iyo Saaxil uu ka dillaacay Ayax, kaasi oo faro-baas ku haya Wax soo saarkii Beeraha. Wasiirka Beeraha oo Maanta La hadlay Telefiishanka HCTV isagoo ku sugan Magaalada Boorama, ayaa sheegay in deegaannada ay Ayaxu ka dillaacay ay ka mid tahay Degmada Lughaya ee Gobolka Awdal iyo Bariga Gobolka Saaxil. Wasiirka oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Waxa ka dillaacay Bariga Berbera Ayax marka uu dillaacayo la yidhaahdo Koronkor, Ayaxaas wuxuu nagaga yimid Xeebaha Buuraha Golis, dooxa Guban ayuu ku soo horreeyay, Lafa-ruug ayuu soo maray, Xalay wuxuu u hoyday Shacabaleey iyo Go’da yar iyo dooxa weyn Gulaalay. Ayaxu wuxuu sidoo kale ka dillaacay degmada Lughaya, Dadku siday ii soo sheegeen Gargaara, Garaaxo, Usuli, Karuure, Ceel la helay iyo Ceel Sheekh waa laga soo sheegay iyo Agabar-na waa laga soo sheegay oo wuu ka dillaacay.” Wasiir Seed wuxuu sheegay inay qaylo-dhaan u direen hay’adaha ay wada-shaqaynta leeyihiin Wasaaradda Beeraha “Xalay markaanu arka helnay waxaanu si deg-deg ah Emaillo ugu kala dirnay Hay’adda FAO iyo Hay’adda Kaantaroolka Ayaxa oo fadhigeedu yahay Itoobiya, jawaab deg-deg ahna waan ka sugayaa, si ay inooga caawiyaan Aafadaa Dalka ku habsatay.”ayuu yidhi Source
-
(SLT-Baqdaad)-Dhowr qof ayaa lagu dilay qarax ka dhacay masaajid ay leedahay shiicada oo ku yaalla magaalada caasimada ah ee Baqdaad sida ay booliska Xaqiijiyeen. Qaraxaan ayaa salaadii jimcaha ee maanta ka dhacay masaajidka Imam Mahdi al-Muntadhar ee ku yaalla xaafada Baladiyat ee ka tirsan degmada Sadr. Taliye ka tirsan ciidanka Booliska oo lagu magacaabo Ahmed Khalaf ayaa u xaqiijiyay wakaalada wararka Turkiga ee Anadolu in nin watay jaakada uu isku qarxiyay Masaajidka. Captain Axmed ayaa sheegay in isla goobta ay ku dhinteen 10 qof oo ku sugnaa gudaha masaajidka, inkastoo wararka kale ay sheegayaan in dhimashada ay intaa ka badan tahay. Ma jirto ilaa iyo hada cid si rasmi ah u sheegatay mas’uuliyada Weerarkaan. Dalka Ciraaq ayaa mudo sanado ah la daala dhacay amni-darro baahsan iyo weeraro ku saleysan dhanka diimaha oo lagu dilay kumanaan qof. Dowlada Baqdaad ayaa sanadkii 2017 sheegatay inay ka adkaatay kooxda la magac baxday dowlada Islaamka, walow taasi ayna baajin weerarada lagu qaadayo goobaha ay dadweyanaha iskugu Yimaadaan. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Wasiirkii Hore Ee Biyaha Somaliland Baashe Cali Jaamac ayaa waraysi lala yeeshay waxa uu ku sheegay in Madaxweyne Muuse Biixi iyo wasiir Maxamed Kaahin ay bulshadii kala qaybiyeen, waxa kale oo sheegay in xukuumadda Somaliland ay heshiiskii kaga baxday Khaatumo, Halkan hoose ka DAAWO Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee waxaa maanta magaalada Jigjiga ee xarunta Gobolka Soomaalida ee Ethiopia lagu aasay abwaan Maxamuud Cabdillaahi Ciise Singub oo bilowgii todobaadkan ku geeriyooday magaalada Addis Ababa. Abwaanka ayaa ku geeriyooday da’da 76 jir, waxa uu ka tagay 23 carruur ah iyo laba xaas. Dowladda Soomaaliya ayaa horey guddi u saartay in aas qaran loogu sameeyo magaalada Muqdisho, hase yeeshee arrintaas ma dhicin waxaana dad badan layaab ku noqotay in abwaanka lagu aaso magaalada Jigjiga. Wasiirka warfaafinta dalxiiska iyo dhaqanka ee dowladda federalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa sheegaya in sababta abwaanka loogu aasay Jigjiga ay tahay codsi ka yimid qoyskiisa. Waxa uu sheegay in dowladda ay isku dayday abwaanka aas qaran loogu sameeyo Muqdisho, hase yeeshee qoyskiisa ay aad ugu adkeysteen in abwaanka lagu aaso Jigjiga, lana aqbalay. Hoos ka dhageyso codka Maareeye https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/06/Wasiir-Maareeye.mp3Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com