Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,146
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. “Tv-Gii Localka Ahaa Iyo Idaacadii Radio Hargeysa Ee Goboladda Gaadhi Jirtay Oo Xidhmay, Lacagihii Kasmaal Iyo Kobci Garaadkaaga Ee Telesom Iyo Somtel, Iyo Waliba Lacagtii 18-May Ee Warbaahinta Oo La Cunay + Ismarin Waaga Ka Jira. (SLT-Hargeysa)-Jahwareer culus oo dhinaca Maamulka ah ayaa Maalmahan u dambeeyay ka taagan Wasaaradda Warfaafinta Somaliland kaasi oo sababay inay gabi ahaanba istaag gasho shaqo maalmeedkii iyo hawl socodsiintii Wasaaradda Warfaafinta Somaliland. Waxa gabi ahaanba hawada ka maqan Idaacadii waynayd ee Gobolaladda Dalka iyo goobo badan gaadhi jirtay ee RADIO HARGEYSA, Waxaanay idaacadda hadda baxdaa ku kooban tahay oo qudha Caasimadda Hargeysa taasi oo uu tahli kari waayay inuu dayactiro wasiirka hadda Wasaaradda horjoogaha ka ahi Maxamed Muuse Diiriye oo ah masuulkii ugu liitay ee Wasaaraddaasi soo maray intii ay jirtay, waxa ay ciidankeenii qaranka ee Furinta joogay oo Idaacaddani maaweelo u ahayd, hadda dhagaystaan muddo afar bilood ku dhawba Idaacadda Cadawga ee GAROWE ka baxda ee afka Maamulka Puntland ku hadasha, arintaasi oo niyad jab ku diray Ciidanka Qaranka oo walaac gaar ah ay arintani ku abuurtay. Sidoo kale waxa isna muddo afar bilood ku dhaw fadhiya Tv-gii qaranka gaar ahaan qaybtii gudaha “Local-ka”, ahayd kaasi oo u fadhiya farsamo Xumo iyo Maamul Xumo ragaadisay Wasaaradda Warfaafinta Wakhtigan. Majirto xiitaa wax dadaal ah oo fadeexadahan iyo idaacadahan xidhan lagu hagaajiinayaa, waxaanay Wasaaradda Warfaaftintu wakhtigan Hoy u noqotay Masuuliyiin aan ehel u ahayn shaqada Wasaaradda oo ka fikiraya oo qudha lacag halkii ay ka heli lahaayeen. Ceeb weyn ayay ku tahay Wasiir Maxamed Muuse Diiriye inuu sii dhex joogo madaama oo labadii Idaacadood ee Halbawlaha u ahaa dalkani ay ku dul Xidhmeen. Waxa Lagu tilmaamaa inuu yahay masuul aan wax qorshe maamul lahayn keli ah inuu iska dhex joog joogo shaqada mooyee. Wasiirka Maxamed Muuse Diiriye, Ku Xigeenkiisa iyo Agaasimaha guud ee Wasaaraddaasi ayaa madaxa iskula jira oo isla jaan qaadi la’. Sida ay noo xaqiijiyeen Shaqaalaha Wasaaraddu, waxa ay wasaaraddu kujirtaa Xaaladii Ugu adkayd, waxa la cunay oo ay afka iska mariyeen lacagtii 18-May ee Warbaahinta loo qorsheeyay Doorkii dhawayd, waxa kale oo iyagana la cunay oo ay isku qab qabsadeen masuuliyiinta Wasaaradda ugu sareeyaa lacagaha u qoondaysan Barnaamijyadda ay maalgaliyaan Shirkadaha Isgaadhsiinta Telesom iyo Somtel, lacagtaasi oo ah mid buuran oo haddii la iskula xisaabtamo wax ka tari lahayd duruufaha dhaqaale xumo ee wasaaradda lasoo darsay, lacagtaasi oo aan waxba laga siin Shaqaalaha Wasaaradda, islamarkaan buuq iyo kalsooni daro ku abuurtay shaqaalihii Wasaaradda Warfaafinta. Wasiirka wasaaradda Warfaafinta Maxamed Muuse Diiriye oo ah masuulka ugu sareeya Wasaaradda ayaan wax qorshe ah illaa hadda la iman, waxaanay Wasaaraddu hoy u noqotay Maamul Xumo iyo isku dhexyaac dhinaca shaqada ah. Arimaha ugu layaabka badan waxaa ka mid ah, iyadoo wasaaraddu xaaladaasi ku jirto, ayaa haddana waxa ay qorteen shaqaale kale iyo lataliyayaal qaab qabiil lagu qoray, waxaanay arintaasi niyadjab ku riday guud ahaana hawl wadeenadii hore u sii joogay Wasaaradda. Wasiirka ku xigeenka Wasaaraddaasi Naasir Cumar Yare ayaa isna Khilaaf awgii looga soo badelay Wasaaradda Caafimaadka kadib markii uu shaqaale badan si aan qarsoodi ahayn oo beeshoodda ah u qortay, waxaanu haddana Wasaaradda Warfaafinta ka bilaabay hawl kale oo taasi uun la mid ah. wasiirka wasaaradda Warfaafinta oo aan isna dhaamin ayay muddadan ay imika wasaaradda wada joogaan ay isku dawakheen, waxaanu mid waliba raadinayaa meel lacag leh ama dhaqaale kasoo galo. Waxa ay wasaaraddii Warfaafintu ku jirtaa xaalad adag oo xagga maamulka ah, waxaanay shaqaalihii ka hawlgalayay ku kaliftay inaanay shaqadaba iman niyad jab ay ka qaadeen awgeed. Madaxweyne Biixi ayaa laga dhursugayaa inuu talaabo ku haboon ka qaato xaaladda ka taagan Wasaaradda oo aan ka qarsoonayn, dhawr jeerna la gaadhsiiyay muruga iyo ismarin waagga wasaaradda ka taagan. Wariye Shiine Axmed Calim (Sokeeye). Source
  2. (SLT-Berbera)-Xukuumadda Somaliland ayaa la sheegay in shirkad gaar loo leeyahay ay ku siisay Qandaraas in dhammaan maraakiibta iyo doonyada ku soo xidha dekedda Berbera ay ka baadho hub. Markabkasta waxa laga qaadayaa $ 3,500 halka mar ee uu dekedda ku soo xidho. Arrintan ayaa debadda u soo baxday kadib markii markab ku xidhan dekedda uu diiday in uu bixiyo lacagtaasi kadibna maareeyaha dekedda ayaa ka codsaday maxkamadda gobolka Saaxil in ay xayirto markabkaasi. Maxkamadda ayaa qoraal ay soo saartay ku xayirtay markabka ilaa amar danbe ka soo baxaayo. Shirkadda ayaa lagu magacaabaa Somaliland documentation and Control declared, Accounka lacagta loogu shubayana waxa ku qoran Somaliland Maritime Security Organization. Lacagta ayaa ku dhacaysa Bangi ku yaalla waddanka Jabuuti. Weli ma cadda cidda leh shirkaddan iyo maamulkeeda. Source
  3. (SLT-Hargeysa)-Siyaasiyiinta Madasha Wadda Tashiga Oo sheegay In Xukuumadda Madaxweyne Biixi Ay Xayndaabkii Sharciga Laga Baxay, Halkan hoose ka DAAWO Source
  4. Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo shir jaraa’id ku qabtay maanta magaalada Dhuusamareeb ayaa ka hadlay waxyaabo badan oo ay kamid tahay Xasuuqii dhawaan Magaalada Gaalkacyo loogu geystay dad kasoo jeeday Deegaanada Koonfur Galbeed iyo Hirshabelle. Madaxweynaha Maamul Goboleedka Galmudug ayaa ku tilmaamay dilkii ka dhacay Koofurta Gaalkacyo inuu ahaa mid siyaasad ay ka dambeysay isagoo sheegay in dilkaas ay ka dambeeyeen ciidamo ka tirsan qeybta 21aad ee xoogga dalka Soomaaliyeed. “Waxbaayala dhaca Galmudug, wax badan oo ka mid ahi waxaad moodaa iney siyaasadeyn yihiin, sidii Ciidanka 21aad ee dadka ku tumanaya, oo dadka leynaya, annagu markii shilka ka dhacay Galkacyo hal nin oo booliis ah ayaa ku jiray, ninkii waa xiranyahay, inta kale military ayey ahaayeen” ayuu yiri Xaaf. Wuxuu hadalkiisa sii raaciyey inaysan Galmudug xaq u laheyn inay soo qabtaan Ciidamada Militariga maadaama aysan maamul ahaan hoos tagin oo ay maamusho dowladda, wuxuuna yiri ” Marka 10 nin oo xoogga dalka ah, oo Xamar laga xukummo, innaga nagama amarqaataan, cid kasta waan u sheegeynaa, haddii ay dambi galaan, cidda amarka ku leh ayaa qaban karta ee annagu ciidankeenna xaq uma laha iney wax ka qabtaan” Dowladda Soomaaliya ayaa xasuuqii Gaalkacyo ka dhacay horey uga hadashay waxaana arrintaas saxaafadda uga waramay wasiirka warfaafinta Maareeye isaga oo yiri “ waxaa ballanqaadeynaa dowlad ahaan, anagoo kaashaneyna hey’adaha dowladda heer federaal iyo heer maamul goboleed, inagoo kaashaneynaa oday dhaqameedyada, inagoo kaashaneyna culimada iyo waxgaradka Soomaaliyeed in ficilkaas baaris lagu sameeyo, oo dadkii ka dambeeyey ficiladaas cadaaladda la horkeeni-doono”. Hadalka Xaaf kasoo yeeray ayaa ka dhigan inuu meel xun sii gaari doono xiriirka sii dabar go’ayey ee u dhaxeeyo Dowladda iyo Maamulkaas oo aan muddo 2 sano ah shaqeyn. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/06/Xaaf.mp3Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  5. Aqoonyahan Cabdirisaaq Aadan Shire oo ku taqasuskiisay arimaha Juqraafiga haystana Master Degree kana tirsan Jaamacada Baddacas Bosaaso ayaa warsidaha Puntlandi.com waxa uu wax ka waydiiyay [...] Source
  6. Caabudwaaq (SMN) – Ciidamada ammaanka Galmudug ayaa maanta howlgallo ballaaran ka sameeyay degmada Caabudwaaq ee waqooyiga gobolka Galgaduud. Ujeedka howlgallada ayaa ahaa kuwa lagu xaqiijinayay amniga magaaladaasi oo mararka qaar ay ka dhacaan falal liddi ku ah nabadgalyada. Saraakiil ka tirsan kuwa Galmudug oo la hadlay Shabelle ayaa sheegay in baaritaanadan ay sii socon doonaan, tan iyo inta laga xaqiijinayo amniga. Sidoo kale waxa ay ugu baaqeen shacabka ku dhaqan Caabudwaaq in ay kala shaqeeyaan amniga degmadaasi. Galmudug ayaa maalmihii dambe xoojisay amniga, waxaana Ciidamadeeda ay howlgallo ka wadeen magaalooyinka hoos yimaada maamulkaasi. View the full article
  7. Dhismaha jaamacada Jariiban Universaty ayaa maraya meel gabo gabo ah, waxaana lagu dhisayaa qaab isku tashi ah. Madaxweynhii hore ee dowladda Puntland Cabdiwali Gaas ayaa [...] Source
  8. At the age of 65, Jamaad Farah Mohamed has rebuilt her life around the sale of myrrh that she collects from the mountainous area near the camp they have settled in at Anjiid, 20 km north of Lasanod, in northern Somalia. Source: Hiiraan Online
  9. Garowe (SMN) – Wasiirka Maaliyadda Puntland Xasan Shire Cabdi (Abgaal) oo maanta la hadlay Warbaahinta ayaa digniin u diray qaar ka mid ah wasiirada maamulkaasi. Wasiir Abgaal ayaa tilmaamay in wasaaradaha qaar aysan illaa iyo haada bixin Canshuurtii ku waajibtay. Sidoo kale waxa uu intaasi ku daray haddii ay ka dhaga adeegan digniintay uu dacwad u gudbin doono xeer ilaaliyaha iyo hanti dhowrka guud ee Puntland. Sidoo kale waxa uu carabka ku dhuftay in hay’adaha kale ee madaxa banaan uu ka gudbin doono dacwad, haddii aysan si deg deg ah ku bixin Canshuurta laga rabo. Dhanka kale wasiirka Maaliyadda Puntland oo hadalkiisa sii wata ayaa ku amnray in hay’adaha kale ee madaxa banaan in ay si deg deg ah ku bixiyaan Canshuurta laga rabo. Muddooyinkii la soo dhaafay Puntland ayaa waday qorshe guud oo kor loogu qaadayo Canshuuraha laga qaado deegaanada maamnulkaasi. View the full article
  10. Two children have died and 300 others are infected in a diarrhoea outbreak in Eldibir village, Galmudug state health ministry has reported. Source: Hiiraan Online
  11. Muqdisho (SMN):-Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/06/Warka-Duhur-20062019.mp3 View the full article
  12. Guddoomiyaha baarlamaanka Gamudug garabka Cadaado Cali Gacal Casir ayaa qoraal uu maanta soo saaray ku sheegay in baahi weyn loo qabo in doorasho ay dhacdo waqtigeeda. Casir waxaa uu intaasi raaciyey in inta laga dooranayo baarlamaan cusub ay sii shaqeyn-doonaan 89-kii xildhibaan ee Galmudugtii hore. Halkan Ka Akhriso: Source: goobjoog.com
  13. (SLT-Boorama)-Madaxweyne ku ixgeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) iyo waftigii uu hoggaaminayey ee hawlaha shaqo u joogay Gobolka Awdal ayaa kulamo kala duwan la qaatay Laamaha Dawladda ee heer Degmo iyo heer Gobol, Sidoo kalena qeybaha kala duwan ee Bulshada ayey la kulmeen. Madaxweyne ku xigeenka iyo wafigiisu waxay Xalay Kulan balaadhan la qaateen dhalinyarada iyo aqoonyahanka Gobolka Awadal, shirkaasi oo ka qabsoomay Hotel Saw ee Magaalada Boorama, waxaa lagaga wada hadlay Horumarinta Gobolka iyo sidii ay dhalinyaradu uga qeyb qaadan lahaayeen mashaariicda horumarineed ee gobolka. Wasiiradda Wasaaraddaha Beeraha, Axmed Muumin Seed, Ganacsiga Warshadaha iyo Dalxiiska Maxamuud Xasan Sacad (Saajin) oo kulankaasi ka hadlay ayaa dhalinyarada ku bogaadiyey hannaanka wanaagsan ee ay uga soo qeyb galeen kulanka, waxaana ay sheegeen in loo baahan yahay in dhalinyaradu kaalin mugleh ku lahaato horumarinta Gobolka Awdal maadaama ay yihiin mustaqbalka berrito hoggaamin doona Waddanka. Madaxweyne ku ixgeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), oo isagu ugu danbayntii ka hadlay kulaankaasi ayaa sharraxaad ka bixiyey awooda dhalinyarada, qaabka ay uga faa’idayn karaan qarankooda iyo gobolkooda, waxaana uu Madaxweyne ku xigeenku dhalinyaradii halkaasi joogtay u sheegay in la joogo wakhtigii aqoonta wax loogu tari lahaa guud ahaan qaranka iyo gaar ahaan gobolka, loona baahan yahay in dhalinyaradu kaalin mugg leh ka qaataan mashaariicda horumarineed iyo midnimada ummadda reer Somaliland. Dhalinyaradii kasoo qeyb gashay kulankaas ayaa Madaxweyne ku xigeenka iyo Waftigiisa uga mahad celiyey kulankaasi oo ay sheegeen inuu ahaa mid loo baahnaa ka dhalinyaro ahaana ay markasta danaynayaan kulamada noocaasi ah, waxa ay Madaxda ku bogaadiyeen dhiiri-gelinta iyo maamuuska ay maamuuseen, waxaana halkaasi ay ku waydiiyeen su’aalihii ay qabeen dhalinyaradu iyagoo usoo bandhigay qaab aqooni ku dheehan tahay, Madaxweyne ku xigeenka ayaa isna mid mid uga jawaabay su’aalihii la waydiiyey waxaana uu fadhigaasi kusoo dhammaaday jawi wanaagsan oo is afgarad. Source
  14. Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo Maanta dib ugu laabtay Magalada Dhuusamareeb ayaa si kulul uga hadlay Warqadii Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya kasoo baxday ee looga hadlay doorashada Galmudug iyo mudada xilheyntiisa. Shir jaraa’id oo uu ku qabtay Dhuusamareeb ayuu Xaaf ku sheegay in maamulka Galmudug uu yahay mid xur ah, islamarkaana warqadii kasoo baxday Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya ay tahay mid loogu xad gudbay Galmudug. Waxa uu sheegay in Galmudug ay tahay maamul jira oo dastuurkiisa u dhisan yahay, islamarkaana cid gaar ah maamuli karin, waxaana uu eedeyn kulul u jeediyay madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya. Madaxweyne Xaaf ayaa ugu baaqay shacabka degaannada Galmudug in ay ilaashadaan amaankooda isaga oo dhaliilay waxqabadka dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya. Hoos ka dhageyo codka madaxweyne Xaaf https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/06/Cod-Xaaf.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  15. Three suspects were on Wednesday convicted over the 2015 Garissa University terror attack. Nairobi Chief Magistrate Francis Andayi found Mohamed Ali Abdikar, Hassan Aden Hassan and Rashid Charles Mberesero, a Tanzanian, were involved in the attack that left 148 people dead. Andayi, however, freed Sahal Diry Hussein, saying he cannot be linked to the attack just because he was found in the company of one of the attackers. Prosecutors had proven “beyond a reasonable doubt” that “they knew the plot,” he said but did not give further details of the alleged conspiracy. The Nairobi court will sentence the trio on July 3. The three convictions are the first to result from a long-running investigation and prosecution. All four gunmen were killed by security forces. The operation’s suspected ringleader, Mohamed Mohamud, also named “Kuno,” a former professor at a Koranic school in Garissa, was killed in southwestern Somalia in 2016. The Shabaab said he had been killed by “US crusaders”. The group is fighting to overthrow the internationally backed government in Mogadishu. But it also regularly carries out attacks in neighboring Kenya, which has troops in Somalia as part of an African Union force. View the full article
  16. (SLT-Tehran)-Dawladda Iran ayaa sheegtay inay soo ridday Diyaarad kuwa aan duuliyaha lahayn ah oo ku soo xad-gudubtay Hawadeeda. Telefiishanka Dawladda Iran ayaa baahiyey in Ciidammada ilaalada Kacaanta Iran ay dhulka soo dhigeen Diyaarad Drone ah oo nooca wax basaas ah, ka dib markii ay soo gashay Xuduudka Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee IRAN. Laakiin, Masuul Maraykan ah oo Magaciisa la qariyey ayaa Wakaaladaha Wararka Adduunka u sheegay in diyaaradda Drone-ka ay ku jirtay hawada Caalamiga, ka hor intii aan la soo ridin. “Diyaarad nooca wax kormeera ah oo Maraykanku sameeyo ayaa la soo riday.” ayuu ku warramay Telefiishanka Afka Ingiriisiga ku warrama Press Tv. Website ay Ciidammada IRAN leeyihiina wuxuu sheegay “Waalla toogtay oo way soo dhacday, markii ay soo gashay hawada Iran, gaar ahaan meel u dhow Degmada Kouhmobarak oo koonfurta Dalka ah..” ayaa lagu sheegay Qoraalka uu Website-ku baahiyey, sida ay qortay Al-jazeera. Arrintan ayaa kor u sii qaadi karta Xiisadda u dhaxaysa Maraykanka iyo IRAN. Source
  17. Bayaan kasoo baxay kalfadhiga Afaraad ee Baarlamaanka Carabta oo lagu qabtay Magaalada Qaahira ayaa laga soo saaray baaq ku aaddan in Biyaha Soomaaliya ay yihiin hanti Carbeed. Baarlamaanka Carabta ayaa gaashaanka u daruuray sheegashada beenta ah ee ay Kenya ku dooneyso in ay ku calaamadaysato Baadda Soomaaliya. Sidoo kale wuxuu Baarlamaanka Carbeed ka hor yimid Fara gelinta arrimaha Soomaaliya iyo in lagu xad gudbo arrimaha gudaha ee Dalkeeda,mabaadii’da deris wanaagga iyo heshiisyada caalamiga ah. Baarlamaanka ayaa sidoo kale Dowladaha Carbeed ugu baaqay in ay Soomaaliya Garab istaagaan, oo dedaal ugu jirto sugidda amniga iyo sidii ay u cirib tiri lahayd argagixisada. Hoos ka akhriso Bayaanka oo turjuman Baarlamaanka Carbeed waxa uu taageerayaa Jamhuuriyadda Soomaaliya si loo dhowro midnimadeeda, nabadgelyadeeda, deganaanshaheeda, bedqabka dhulkeeda, xorriyaddeeda, milgaheeda, Beri, Bad iyo Cir , waxa uu ugu baaqayaa Kenya in ay faraha kala baxdo Biyo Goboleedka Jamhuuriyadda Soomaaliya, oo ah qeyb aan ka go’ayn biyaha Carbeed oo lama taabtaan ah, waxa uu ku gacan seyrayaa sheegashada beenta ah ee ah calaamadeyn cusub oo raad lahayn, xaqiiqdana ka fog, sidoo kale waxa uu ganafka ku dhufanayaa hanjabaadda faragelin ee Kenya ee arrimaha gudaha Soomaaliya iyo ku tumashadeeda mabaa’diida deris wanaagga iyo heshiisyada caalamiga. Baarlamaanka Carbeed waxa uu ugu baaqayaa wadamada Carbeed ee xushmadda mudan in ay garab istaagaan Jamhuuriyadda Soomaaliya oo tallaabooyin wanaagsan u qaadaysa dhinacyada ammaanka, deganaanshaha iyo ka takhalusidda argagaxisada iyo waxyaabaha ka hor’imaanaya xuquuqul insaanka. PUNTLAND POST The post Baarlamaanka Carabta oo Kenya ugu baaqay in ay Faraha kala baxdo Badda Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  18. Foreign Ministers from Inter-Governmental Authority on Development (IGAD) convened in the Ethiopian capital, Addis Ababa on Wednesday. The 68th Extraordinary Session of the IGAD Council of Ministers discussed the situation in Sudan and as well as political developments in neighboring South Sudan. The Foreign Ministers of Ethiopia, Somalia, Djibouti, Kenya, South Sudan, Sudan and the State Minister for Foreign Affairs of Uganda were present. IGAD special envoy to South Sudan briefed the council of ministers on the implementation of the revitalized peace agreement in Africa’s youngest nation. In his opening remarks, Minister of Foreign Affairs of Ethiopia’s and Chairperson of the IGAD Council of Ministers, H.E. Gedu Andargachew noted the importance of encouraging the Sudanese stakeholders to return to negotiation and finalize their discussion on the remaining outstanding issues with a view to ensuring a smooth and peaceful transition. Recalling the efforts of H.E. Prime Minister Abiy Ahmed and noting that the Premier also deployed a Special Envoy to defuse the tension and assist the parties to reach a peaceful solution, Minister Gedu said today’s Session would offer an opportunity for IGAD to work to enhance this initiative. The Minister also called on Sudanese stakeholders to refrain from inflammatory statements and de-escalate tensions. On South Sudan, IGAD chair emphasized the need to review the progress of the implementation of the revitalized peace process in accordance with the direction set at the 67th Extraordinary Session of the IGAD Council of Ministers, which recently convened in Juba. View the full article
  19. Madaxweynaha Galmudug Axmed Geelle Xaaf oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Dhuusamareeb ayaa sheegay in dadkii 9-ka ahaa ee lagu dilay Galkacyo 14-kii bishan ay dileen 10 askari oo ka tirsan ciidamada xoogga dalka. Mudane Xaaf oo arrintaas ka hadlaya waxa auu yiri “Waxbaayala dhaca Galmudug, wax badan oo ka mid ahi waxaad moodaa iney siyaasadeyn yihiin, sidii Ciidanka 21aad ee dadka ku tumanaya, oo dadka leynaya, annagu markii shilka ka dhacay Galkacyo hal nin oo booliis ah ayaa ku jiray, ninkii waa xiranyahay, inta kale military ayey ahaayeen, marka 10 nin oo xoogga dalka ah, oo Xamar laga xukummo, innaga nagama amarqaataan, cid kasta waan u sheegeynaa, haddii ay dambi galaan, cidda amarka ku leh ayaa qaban karta ee annagu ciidankeenna xaq uma laha iney wax ka qabtaan”. Markii uu dilka dhacay waxaa ka hadlay wasiirka warfaafinta Maareeye isaga oo yiri “ waxaa ballanqaadeynaa dowlad ahaan, inakoo kaa shaneyna hey’adaha dowladda heer federaal iyo heer maamul goboleed, inakoo kaa shaneynaa oday dhaqameedyada, inakoo kaa shaneyna culimada iyo waxgaradka Soomaaliyeed in ficilkaas baaris lagu sameeyo, oo dadkii ka dambeeyey ficiladaas cadaaladda la horkeeni-doono”. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  20. (SLT-Berbera)-Cuqaal Taageertay Shirka Buurmadow Iclaamiyay, Halkan hoose ka DAAWO Source
  21. Madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug Axmed Geelle Xaaf oo maanta dib ugu soo laabtay Dhuusamareeb ayaa shir jaraa’id uu ku wehliyey madaxa xukuumadda Sheekh Shaakir ku sheegay iney waxbo kama jiraan iyo sharci-darro tahay warqad ay soo saartay wasaaradda arrimaha gudaha dowladda federaalka ah oo la xiriirtay doorasho ka dhaceysa Galmudug. Madaxweyne Xaaf oo arrimtaan ka hadlaya waxaa uu yiri “Galmudug waa state xor ah, oo madaxbannaan, mustacmarad ma aha, ma aha mid cusub oo hadda la dhisayo, aad iyo aad ayaan ugu xumahay in warqadda soo baxday u muuqatay in Galmudug tahay State cusub, State cusub ma aha Galmudug, shicib ayey leedahay, nidaam ayey leedahay, dastuur ayey leedahay, baarlamaanbey leedahay, madaxbey leedahay, caasimadeedibey joogtaa, in lagu xadgudbo, oo la yiraahdo hadda ayaa doorasho loo qabanayaa anugu meel ay ku taalo ma arag”. Dhanka kale, waxaa uu madaxweynaha ugu baaqay bulshada Galmudug iney fiijignaadaan “waxaan u sheegeynaa umadda Soomaaliyeed iyo inta wax garaneysa, reer Galmudug khaasatan in arrintaas si qoto-dheer uga fiirsadaan, una ogaadaan iney tahay xadgudub sharci-darro ah, haddii madaxdii federaalka ee qaranka ay sharcigii ku tumanayaan, aad iyo aadbaan uga xumahay, in aan sharciga ilaalsanno ayaa nalakooka baanhayanyahay, haddii aan waxa yaga ilaashan weyno, waa nalaku tumanayaa”. Arrintan xildhibaanka waxaa ay imaaneysaa kadib markii wasaaradda arrimaha gudaha ee dowladda Federaalka ay habeen hore saqdii dhexe soo saartay qoraal ku aadan doorasho ka dhaceysa Galmudug, iyada oo ku baaqday in la qabto xilligii loogu talo-galay. Wasaaraddu waxaa ay sheegtay muddada xilheynta madaxda Galmudug ay ku egtahay 4-ta July ee sanadkan, isla markaana loo baahanyah in la qabto shirweyne arrimaha looga tashto. Goobjoog News Source: goobjoog.com