Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,204
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Dalka Djibouti waxaa maanta loo dabaal-degayaa 42 sano guuradii ka soo wareegtay xoriyaddooda, Djibouti waa dhul iyo dad Soomaaliyeed, waa dad aanu isku dhiig, dhaqan iyo isku diin nahay, maantana Soomaalida waxaa ay ugu yeeraan Hiil-Walaal. Djibouti waxaa ay ka mid tahay dhulka ku baxay dhagarta gumeystaha, waxaa jirtay in 1884-tii la qabtay shir loogu magac daray shirkii Berlin, waxaa shirkaas kasoo qeyb-galay gumaystayaashii reer Yurub, Mareykanka iyo Boqortooyadii Cusmaaniyiinta. Waxaa lagu qeybsaday Afrika, dalka Soomaaliya waxaa loo kala saaray Shan qeybood oo kala ah: Koofurta oo qeyb ahaan loo siiyay Talayaaniga, Waqooyiga ama Somaliland oo qeyb loo siiyay Ingiriiska, waxaa kaloo Ingiriiska la siiyay Labada Gobol sida Koofur Galbeed oo haatan Xabashida Gumaysato iyo N.F.D oo wali ku jirta gacanta Gumaystaha Kenya halka dhulkii loo yaqaanay xeebta Soomaaliya ama Djabuti qeyb loo siiyay Faransiiska. Djibouti isma dhiibin, ee dagaal ayey la galeen gumeystaha, iyagoo wiilal badan ku waayey xuriyadda iyo in ay la midoobaan Soomaaliya, geesiyaashii soo maray waxaa ugu caansanaa Maxamud Xarbi. Maxamuud Xarbi: Maxamud Xarbi waa geesi u dagaalamay Xoraynta DJibouti, dalka (Masar) ayuu wax ku bartay, sawirkiisana Naadiga Soomalida ee dalka Masar ayaa lagu hardhay halkaas uu wax ka bartay, ururkii PMP ayuu ku dhisay,isagoo si cad u mucaaraday joogitaanka Faransiinska ee Jabuuti. Maxamud Xarbi oo mar Madaxweyne ku xigeen ka noqday is-maamul ay faransiiska u sameeyeen Djabuti 50-meeyadii, waxaa uu hogaaminayey wafdigii ka socday Djabuti ee ka qeyb galay maamlmihii dabaal-degga xuriyadda ee 1da July 1960-kii. Ugu dambeyntii, October 1960-kii ayey cadawga Faransiiska diyaarad kula qarxiyeen badda dusheeda halkaana waxaa ku shahiisay geesiga Maxamuud Xarbi iyo ajaanib kale oo diyaaradda la socday, Maxamuud Xarbi waa geesi kale dayaxu u baroortay. Xuriyadda Djibouti: Dalka Djabuti, Soomaaliya ayaa ku gacan siisay dalka Djabuti in ay xuriyadda ka gaaraan Faransiiska kadib hal qarni uu halkaas gumeysanayey, isagoo u diiday sidoo kale in ay la midoobaan Soomaaliya, ugu dambeyntii maanta oo kale 1977dii ayey xuriyad qaateen. Macluumaad Ku Saabsan Dalka Djibouti: Dalka Djabuti waxaa ay xuriyad qaateen 27-dii June 1977dii, waxaa ay xuriyad ka qaateen dalka Faransiiska, Caasimadda Djabuti waa magaalada Djabuti, Madaxweynihii ugu horeeyay waxaa noqday Xassan Guuleed Abtidoon, 19kii sano ee ugu dambeeyay waxaa madaxweyne ka ahaa Ismaaciil Cumar Geelle. Magaalooyinka ugu caansan waa Djabuti oo caasimadda ah, Carta, Tajorah, Cali Sabiix, Obok, Dakhil, waxaa looga hadlaa Af-Somali, Afka Faransiiska, Afka Carabiga iyo Afka Cafarta. Lacagta Lacaga isticmaalo waa Faranc. Xiriirka Soomaaliya iyo Djibouti: Dalka Djabuti, waxaa uu Soomaaliya u qabtay shirar badan oo dib u heshiisiin ah, Labo ka mid ah 3 shir oo dalkaasi lagu qabtay waxaa lagu dhisay dowlado. Shirarka Djibouti ka dhacay, waxaa ay kala ahaayeen: Shirkii Djibouti June 12, 1991-dii. Shirkii Cartre , August 9, 2000. Shirkii 2008-dii ee heshiiskii dowladdii TFG iyo isbaheysigii ARS). Xilliga la joogo, Waxaa ay qeyb ka yihiin ciidanka AMISOM, Soomaalida gobollada dhexe waxaa ay ula baxeen Hiil-Walaal, waxaa ay ka jecel yihiin ciidanka Madow ee dalka ku sugan. Ugu dambeyntii dalka Djabuti, waa dal xor ah, Laakin waxaa si dadban u maamulo Faransiiska, kama jirto dowlad adag oo dimoqoraadi ah, shacabka Djabuti oo hal Milyan ka yar, si fiican ugama faa’ideystaan Kheyraadkooda, Faransiiska iyo Ciidamo kale oo ajaanib ah ayaa ku dul nool. W/Q: Cabdi Caziz Gurbiye, Goobjoog News Source: goobjoog.com
  2. Xildhibaannada baarlamaanka federaalka ah ee deegaan doorashadoodu tahay dowlad goboleedka Galmudug oo maalmahan kulamo wadatashi ah u joogay Cadaado ayaa xalay magaalada kula kulmay ra’isul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre. Ninka dambe oo arbacadii gaaray halkaasi ayaa xildhibaannada kala hadlay ujeedka safarkiisa iyo kaalinta dowladda ee maamul u sameynta Galmudug. “Kulan salaan iyo xogwaraysi arimaha Galmudug, waxa uuna ku so dhamaaday is afgarad ah in arimaha Galmudug wadatashi laga wada yeesho oo aan la isku mucaaradin si aayaha Galmudug meel wanaagsan loo geeyo” sidaasi waxaa Goobjoog News u xaqiijiyey Xildhibaan Saabir Shuuriye oo qeyb ka ahaa kulanka. Xildhibaannada kulanka joogay waxaa ka mid ah: Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee golaha aqalka sare Senator Abshir Maxamed Axmed, Xildhibaan Saabir Shuuriye, Xildhibaan Cabdiraxmaan Odowaa iyo xildhibaanno kale. Madaxweynaha Galmudug mudane Axmed Geelle Xaaf ayaa sheegay in la galayo doorasho ka dhici-doonta Cadaado. Galmudug ayaa isku qaban-qaabineysa xulista baarlamaanka iyo doorashada madaxweyne, waxaana la filayaa in laga soo hormariyo weji dib-u-heshiisin, oo ay isku arkaan dhammaan beelaha deegaanka, kana tashtaan hiigsiga dad iyo maamulba. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  3. Gudigii kumeel gaarka ahaa ee doorashooyinka Puntland oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garoowe ayaa dhammaan iska casiley shaqadii xafiiska, iyagoona faahfaahin ka bixiyey sababaha [...] Source
  4. Xubnaha gudiga iscasilay Dhammaan xubnihii guddiga doorashooyinka ku meel gaark ah ee Puntland ayaa is-casilay, kadib shir jaraa’id oo ay saaka ku qabtay magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland. Guddiga ayaa sheegay in ay isu’casileen duruufo gaar ah oo la soo darsay, ayna kamid tahay in ay isla jaan-qaadi waayeen xubnaha guddiga iyo qaarkood oo dalbaday is-casilaad, sidaasi darteedna ay go’aansadeen in ay shaqada wada-banneeyan, si loo helo guddi cusub oo isla’ jaan-qaadi kara. Xubnaha is-casilay, ayaa u mahadceliyay dhammaan cid kasta oo gacan ku siiyay shaqadooda mudadii ay xilka hayeen, iyagoo si gaar ah ugu mahadceliyay madaxweynaha Puntland oo ay sheegeen in uu si qiimo leh u aqbalay is-casilaadooda. Madaxweyne Deni, ayaa la filayaa in uu soo magcaabo 5-ta xubnood ee u horreysa guddiga cusub, halka 4-ta kale ay soo magacaabi doonaan golaha wakiilada, si loo dhammaystiro 9-ka xubnood ee guddiga doorashooyinka Puntland. Guddiga cusub ayaa sii wadi doona, geeddi-socodka hirgelinta hannaanka xisbiyada badan ee Puntland oo madaxweynaha haatan xilka hayaa uu ballan-qaaday in uu dardar-gelin doono, si Puntland uga gudubto nidaamka qabaliga ah. halkaan hoose ka daawo iscasilaadda PUNTLAND POST The post Guddigii doorashooyinka Puntland oo is-wada casilay appeared first on Puntland Post.
  5. Ciidamada Mareykanka ayaa sheegay in duqeyn ay ka fuliyeen koonfurta Soomaaliya gaar ahaan Kuunyo Barow June 25, 2019. Qoraal kasoo baxay taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika, ee AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeyntan lagu taageeray xoogga dalka ay waqti iyo dhul u helaan la-dagaalanka Al-shabaab. Duqeyntan ayaa la sheegay in hakiyeen dhaqdhaqaada kooxda, isla markaana looga burburiyey hanti badan. Mareykanku waxaa ay sheegeen in hal qof lagu dilay weerarkaas, sidoo kale aaney wax ku nqon wax rayid ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  6. Hargeysa (Caasimada Onine) – Maxamed Sidiiq dhamme oo ah wiil dhalinyaro ah oo ka tirsan Xisbiga Wadani ayaa waxaa saaka xukun xasbi ah ku riday maxkamadda darajada koowaad gobolka Maroodi-Jeex ee maamulka Somaliland. Wiilkan oo ku dhawaad labo bil ku xirnaa magaalada Hargeysa ayaa lagu eedeeyay in uu aflagaado u geystay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi. Maxkamadda Maroodi-Jeex ayaa lix bil ah oo xabsi ah ku xukuntay ninkaasi, kadib markii saaka la horgeeyay. Maxamed Sidiiq dhamme ayaa ah guddoomiyaha garabka dhalinyarada xisbiga mucaaradka ee Wadani. Wararka qaar ayaa sheegaya in xukunkan uu racfan ka qaatay mas’uulkaasi. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in xisbiga uu ka tirsanaa ee Wadani haatan uu wado dadaallo si damaanad ah loogu sii deynaayo wiilkaasi. Somaliland ayaa inta badan xarig kula dhaqaaqda xubnaha mucaaradka ee ku sugan deegaanadeeda, waxaana maamulkaasi lagu eedeeyaa caburin joogta ah. Dhawaan ayey aheyd markii la sii daayey Xildhibaan Dhakool oo muddo xirnaa, kadib markii uu ka soo horjeesay xuska 18-ka May ee Somaliland. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa caasimada@live.com
  7. (SLT-Darasalaam)-Ganacsade u dhashay dalka Kenya ayaa dad aan haybtooda la garanayni ay ku afduubeen magaalada Darasalaam ee dalka Tanzania, sida uu xaqiijiyey taliyaha ciidamada bileyska dalka Tanzania, Dan Kazungu. Ganacsadaha la Afduubka ayaa magaciisa lagu sheegay Raphael Ongangi, kaas oo laga afduubay maalintii isniintii isgayska ay ku kulmaan jidadka Msasani iyo Karume, waxaana la sheegay in ay afduubeen dablay saarnayd saddex gaadhi iyo hal dhugdhuglay ama mooto. Haweenayda uu qabay ninkaasi ganacsadaha ah oo la yidhaahdo Veronica ayaa dawlada iyo taliyaha ciidamada dalka Kenya ku wargalisay dhacdadaasi, waxaanu sidoo kale xaqiijiyey afduubkaasi inuu dhacay taliyaha ciidamada bileyska ee dalka Tanzania Dan Kazungu, kaas oo sheegay inay ku hawlan yihiin arinta falkaasi. Source
  8. Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka, mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa gobalka Hunnan ee dalka Shiinaha uga qayb gelay munaasabadda daah-furka dhoofinta ganacsiga iyo dhaqaalaha ee ka dhexeysa Shiinaha iyo Afrika iyo madasha iskaashiga ganacsiga iyo dhaqaalaha Shiinaha iyo Afrika. Halku-dhigga shirka daah-furka ayaa ahaa guul ka gaaridda wada-shaqaynta dhaw ee Shiinaha iyo Afrika ay ka yeelanayaan dhaqaalaha iyo bah-wadaagnimada ganacsiga. Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa khudbad uu ka jeediyay munaasabadda daah-furka waxa uu ku sheegay in si wadajir ah looga shaqeeyo horumarinta dhaqaalaha, iskaashiga ganacsiga uu muhiim u yahay Shiinaha iyo qaaradda Afrika. Munaasabadda shaacinta dhoofinta ganacsiga iyo dhaqaalaha ee ka dhexeysa Shiinaha iyo Afrika iyo madasha iskaashiga ganacsiga iyo dhaqaalaha Shiinaha iyo Afrika ayaa waxaa kasoo qayb galay 800 oo ruux oo ay ku jiraan madaxda Shiinaha iyo Afrika, saraakiil metelaysa hey’ado caalami ah, hal abuurayaal ganacsi, khuburo iyo aqoon-yahanno. Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay ku hawllantahay kobcinta dhaqaalaha dalka, horumarinta ganacsiga iyo sare u qaadidda heerka wax dhoofinta dalka, waxaana ay xubna ka noqtay suuqyo iyo madallo caalami ah kuwaas oo qayb ka qaadanaya ka guul gaaridda himilada ummaadda Soomaaliyeed. PUNTLAND POST The post Soomaaliya oo ka Qeyb-gashay Daah-furka Madasha Iskaashiga Ganacsiga Iyo Dhaqaalaha Shiinaha iyo Afrika appeared first on Puntland Post.
  9. Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xalay madaxtooyada Puntland ee Garoowe ku qaabilay safiirka dalka Itoobiya u fadhiya Soomaaliya Mudane Jamaaludiin Mustafe Cumar oo ay weheliyaan masuuliyiin ka tirsan safaaradda dalkaasi ee Soomaaliya iyo masuuliyiinta qunsuliyadda Itoobiya ee Puntland. Kulanka ayaa waxaa Madaxweynaha ku weheliyey masuuliyiin ka tirsan Golaha xukuumadda Dowladda Puntland iyo Af-hayeenka Madaxtooyada Puntland. Madaxweynaha Puntland ayaa ka warbixiyey kulanka ay wadaqaateen weftiga Safiirka Itoobiya ee Soomaaliya, waxaana uu xusay Madaxweynuhu inuu ku faraxsan yahay muddo dheer ka dib inay safiirka Puntland ku yeeshaan kulan shaqo oo muhiimaddisa leh. “Waxaa caawa magaalada Garoowe safar shaqo noogu yimid safiirka dalka Itoobiya u fadhiya Soomaaliya oo saldhigiisu yahay magaalada Muqdhisho, waxaan aad ugu mahadcelinayaa safiirka oo ah shaqsi muddo dheer Soomaaliya kasoo shaqeeyey, waxa uu ka shaqeeyey dalka wakhti adag oo aan u baahnayn taageerada caalamka” “Waan ku faraxsanahay in aan Garoowe isku aragno anagoo muddo badan soo wada-shaqaynay magaalada Muqdisho xilligii aan Wasiirka qorshaynta ka ahaa asna uu qunsulka ka ahaa”. Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland. Sidoo kale Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa tilmaamay in ay weftiga safiirka wadayeesheen shir muhiim ah oo looga hadlayo xiriirka guud ee dalka Itoobiya iyo Soomaliya, gaar ahaan Puntland ee arrimaha ganacaiga iyo amaanka. Dhinaca kale Madaxweyne Deni ayaa dowladda Itoobiya uga tacsiyeeyey masuuliyiintii ku nafwaayey qalalaasihii ka dhacay dalkooda todobaad ka hor, waxaa uu sheegay in talaabadaasi noqoto mid ay ka bartaan cashar oo u horseedda wadajir iyo horumar. Safiirka Itoobiya ee Soomaaliya Jamaaludiin Musatafe Cumar ayaa dhankiisa Madaxweynaha uga mahadnaqay qaabilaadda iyo soo dhoweynta isaga iyo weftigiisa, waxa uu sheegay inay Madaxweynaha ka wada-hadleen xidhiidhka wadashaqayneed ee labada dhinac. “Mudane Madaxweyne waan kuugu hambalyeynayaa shaqooyinka wanaagsan ee kuu qabsoomay mudada aad joogtey, waxaan Madaxweynaha ka wadahadalnay xoojinta Iskaashiga soo jireenka ah ee Puntland iyo Itoobiya ee dhinacyada Ganacsiga iyo Amniga, waxaan xoojinaynaa wada-shaqaynta ka dhexaysa Qunsuliyadda iyo Puntland, ka safaarad ahaanna diyaar ayaan u nahay wada shaqaynta Puntland” Ayuu yiri safiirka Itoobiya ee Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo Xarunta madaxtooyada Garoowe Ku Qaabilay Safiirka Itoobiya ee Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  10. kamid ah eedaysanayaasha oo faraxsan Xabsiga weyn ee magaalada Garoowe waxaa ku xiran taliyihii Laanta denbi-baarka CID-da ee gobolka Nugaal Col. Abshir Cismaan Cali kadib markii maalmo ka hor lagu soo xiray amar uu bixiyay madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni. Taliyaha ayaa sida la sheegayo lagu soo eedeeyay in uu bixiyay macluumaad la xiriira baaritaanka kiiskii Caa’isho oo shaki gelin kara sax ahaanshaha xukunkii lagu riday saddex nin oo ku eedaysan in ay kufsi iyo dil u gaysteen gabadhii yareyd ee Caa’isha Ilyaas Aadan. Qareennada difaacaya saddexda eedaysane ayaa marar kala duwan ku dooday in hannaanka loo baaray kiiska Caa’isha ee adeegsiga dheecaanka hidde-sidaha DNA aan macluumaad buuxa laga bixin taasina ay shaki gelinayso xukunka ku dhacay eedaysanayaasha. Sidoo kale waxaa saddex jeer dib loo dhigay dhegaysiga dacwadda rafcaanka ee ragga ku eedaysan kiiska Caa’isha oo hore maxkamadda derejada kowaad ee gobolka Nugaal dil ku xukuntay. Dacwadda rafcaanka ayaa mar kale la go’amiyay in dib loo dhegaysto maalinta Sabtida ah ee todobaadka soo socda. PUNTLAND POST The post Maxaa lagu haystaa taliyihii Laanta CID-da gobolka Nugaal? appeared first on Puntland Post.
  11. Afgooye (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaallo u dhexeeyay ciidamada dowladda iyo Al Shabaab oo xalay ka dhacay gobolka Sh/ Hoose. Dagaalladan ayaa yimid, kadib markii Al Shabaab ay weeraro ku qaadeen fariisimo ciidamada Milatariga Soomaaliya ay ku leeyhihiin gobolkaasi. Weerarka koowaad ayaa la sheegay inuu ka dhacay deegaanka Buulo-Mareer, waxaana la sheegay in uu xigay dagaal toos ah oo dhexmaray labada dhinac. Ugu yaraan hal askari ayaa ku dhintay dagaalkaasi, halka uu ku dhaawacmay mid kale, sida ay xaqiijiyeen ilo deegaanka ah. Dhanka kale weerar qorsheysan ayaa lagu soo warramayaa in xalay Al Shabaab ay ku qaadeen deegaanka Ceel-Kaliini oo hoostaga gobolka Shabeelaha Hoose. Weerarka oo ahaa mid culus ayaa waxaa la sheegay in ciidamada dowladda oo ku sugnaa halkaasi ay sameeyeen iska cabin xoogan. Ma cadda illaa iyo hadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkaasi iyo dagaalka xigay intaba. Weli ma jiro wax hadal ah oo ka baxay Al Shabaab iyo saraakiisha dowladda oo ku aadan dagaalladaasi. Inta badan dagaalyahannada Al Shabaab ayaa weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ka fuliya gobolka Shabeelaha Hoose ee Koonfur Galbeed Soomaaliya. View the full article
  12. (SLT-Hargeysa)-Goroonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa gaar ahaan dhabada ay diyaaraduhu Ku soo dagaan ama ay ka hadaan ayaa saaka xoolo soo galeen. Xoolahaasi ayaa gacan ku haynta dhabadaasi in mudo ah gacanta ku hayay una diiday in ay soo fadhiistaan wax diyaarad ahi. Diyaarada fly Dubai oo siday rakaab tiro badan ayaa ku soo degi kari weyday madaarka Hargeysa, saaka subaxdii hore, waxana la arkaayay diyaaradaasi oo magaalada dul heehaabaysa iyada oo madaarka ka codsatay in xoolaha laga saaro, taasi oo aakhirkii si nabadgalyo ah u soo caga dhigatay. Lama garanaayo sababta keentay in xooluhu soo galaan madaarka madaama oo dad arintaasi ku mushaar qaadan jiray ay jiri jireen. Dhanka kalana dadka rakaabka ahaa ayaa muujiyay farxad markii ay diyaaraduhu ay la socdeen ay si nabadgalyo ah u soo fadhiisatay Arinkani kama ay hadal maamulka maadaarku in kasta oo agaasime Rodol ku joogo booqasho Nairobi, hore ayaa taar loogu xidhay madaarka si aanay xooluhu u soo galin in kastoo albaada qaar kasoo geli karaan madaarka ayaa baryahan danbe habacsanaan ka muuqaataa iyadoo la galay waqtigii fasaxa Xagaaga. Source: Qaran Source
  13. (SLT-Hargeysa)-Maxkamadda Gobolka Maroodijeex ayaa xukun ku riday Maxamed Sidiiq Dhamme guddoomiyaha garabka dhallinyarada WADDANI. Maxkamadda ayaa ku xukuntay lix bilood oo xadhig ah oo ah waxa ay sheegtay in lagu helay dambi ah aflagaaddo madaxweyne. Source
  14. (SLT-Hargeysa)-Cabdillaahi Geeljire Oo Sheegay In Ganacsato Ka Dambeyso Go’aanka Sucuudiga Ee Xoolaha Somaliland, Halkan hoose ka DAAWO Source
  15. Cadaado (Caasimada Online) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya shirar gooni gooni ah oo xalay ka dhacay magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud. Kulamadan ayaa waxaa garwadeen ka ahaa Ra’iisul wasaaraha XFS Xasan Cali Khayre oo xalay ku hoyday gudaha magaaladaasi. Sidoo kale waxaa kulamada ka qeybgalay Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) iyo Xildhibaano ka tirsan labada gole oo ka soo soo jeeda maamulkaasi. Shirarkan ayaa intooda badan waxaa diirada lagu saaray xaaladaha siyaasadeed ee Galmudug, gaar ahaan sida loo wajahayo doorashada maamulkaaasi. Wararka qaar ayaa sheegaya in wax natiijo ah aan la gaarin, balse lagu ballamay kulamo kale oo maanta ka dhacaya halkaasi. Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo saddexdii cisho ee la soo dhaafay ku sugnaa gobolka Galgaduud ayaa dadaal xoogan ku bixinaya xalinta xiisadaha taagan Galmudug. Khayre ayaa horay ugu dhawaaqay in doorashada lagu qabanayo Dhuusamareeb, halka taasina uu ka soo horjeedo Xaaf. Afarta bisha soo socota ee Julay ayaa la filayaa inay qabsoonto doorashada, balse waxaa weli jira caqabada ka horreeya oo u baahann xalin deg deg ah. Caasimada Online Xafiiska Cadaado caasimada@live.com
  16. (SLT-Hargeysa)-Shacabka Jamhuuriyadda Somaliland, waxa ladh iyo dacar ku kiciyey hadalka Madaxweynaha Maamulka Muqdisho ee ah, “Wax walba waxa loo hurayaa sidii loo soo celin lahaa Somaliland”. Waxa gef ah in Maamulka Muqdisho iyagoo og dhibtii ay u gaysteen shacabka Jamhuuriyadda Somaliland, in ay waliba ku tiraabaan, waxaanu u dabaal-dagayaa Xornimadii Somaliland ee 26 June 1960-kii. Ma waxay u dabaal-degayaan diyaaradihii iyo madaafiicdii ay la dhaceen shacabka Soamaliland? Marka aadse u dabaal-degaysaan 26 June oo aydaan halgankeedii waxba ku lahayn wax-yeelo mooyee, ma waxaad ujeedaan in aad muujisaan in Somaliland wali tahay qayb ka mid ah Soomaaliya? Waa aragti dhalanteed ah. Waxaannu u aragnaa colaad la sii hurinayo, kala fogaansho iyo dib u soo celinta damaqa xusuusta dhibaatadii gaadhay shacabka Jamhuuriyadda Somaliland. Xafladdaynta Muqdisho iyo hadallada naxliga leh ee maamulka Muqdisho waxa ay la micno yihiin wixii dhibaato aan kuu gaystay ka garaabi maayo, waliba waxaan duudsiyayaa go’aanka Shacabka Somaliland ku gaadheen in ay dib ula noqdaan xoriyaddii kaga luntay walaalnimo jacaylka iyo midnimadii dayaxeedu dhacay. Marar badan masuuliyiinta Soomaaliya waxay soo xigtaan Gabaygii Kanna Siib, Kana Saar ee Alla ha u naxariistee Cabdillaahi Suldaan Maxamed (Timacadde). Balse waxa aanay dhaadanayn in Cabdillaahi Suldaan Timacadde ku saxay gabayga yidhaahda. “Duddadaanu ahayne, Dawlad soo gashay ma ihine, danteennaa laba diiddaye, Dabuub aannu maqlaynay, dareen baannu ka qabnaayoo, dugsigii Baarlamaankiyo, Dekeddii Xamar baa leh, Berbera daadku ha qaado, doonniyi yaanay ku leexan”. ALLAA MAHAD LEH Maxamuud Warsame Jaamac Af-hayeenka Madaxweynaha JSL. Source
  17. (SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlayaaya magaciisa iyo ka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu Dhambaal hambalyo ah u dirayaa dawladda aynu jaarka iyo walaalaha dhaw nahay ee Jamhuuriyada Jabuuti oo ay caawa ku beegan tahay Xuska sannad guurada 42-aad ee kasoo wareegtay markii uu dalkaasi xorriyaddiisa ka qaaday waddanka Faransiiska 27-kii bishii Lixaad (June) sanadkii 1977-kii. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu shacabweynaha dalka Jamhuuriyadda Jabuuti ku bogaadiyey xuska sannad-guurada xorriyadooda oo ku beegan xalay, waxana uu u rajeeyey horumar, bash-bash iyo barwaaqo inay sannadkaa sannadkiisa ku gaadhsiiyo. Madaxweynuhu waxa uu mar labaad ku hambalyaynayaa shacbiga iyo Dawlada Jabuuti xornimada iyo horumarka 42 jirsaday ee ay u dabaal-degayaan caawa, isagoo u rajeynaya inay sanadkan kiisa ku gaadhaan wadajir iyo horumar.” Source
  18. Maamulka degmada Warsheekh ee gobolka Shabellaha Dhexe ayaa ku guuleystay iney xalliyaan khilaaf u dhaxeeyey beello walaalo ah oo ku dhaqan degmadaasi iyo nawaaxigeeda. Beelahan ayaa kala dhacay inta khilaafkoodu jiray Labo gaari oo kuwa xamuulka ah iyosidoo kale Saddex neef oo geel ah. Guddoomiyaha degmada Warsheekh, Korneyl Axmed Xuseen Axmed (Shiidka) ayaa isku keenay waxgaradka Labadan beel, si loo dhammeeyo khilaafkan. Heshiis kadib waxay beelahan isku celiyeen gaadiidkii iyo xoolihii ay kala dhaceen, iyadoo waxgaradku uu ballanqaaday ineysan arrintan oo kale soo noqon doonin. Guddoomiye Shiidka ayaa ugu baaqay beelahan walaalaha ah iney iska cafiyaan wax walbo oo dhacay, sidoo kalena lagu dedaalllo in mar kale aysan dhicin falkan oo kale. Hoos ka arag sawirada: Goobjoog News Source: goobjoog.com
  19. (SLT- Tripole)-Dowlada Liibiya ee ay caalamka aqoonsan yihiin ayaa sheegtay in ay ciidamadeeda dib ula wareegeen magaalada istaraatijiga ah ee Gharyan ka dib dagaal ay la galeen ciidamada mucaaradka. Gharyan ayaa ahayd magaalada saldhig ay gurmad dhanka saadka ah ka helaan dagaalyahanada daacadda u ah Janaraal Khalifa Haftar ee weerarka ku ah caasimada Liibiya ee Tripole. Ciidamada Hafdar ayaa magaladan oo ku taalla Koonfurta Tripoli, gacanta ku hayay tan iyo 2 bishii April markaasi oo ay duulaan xooggan caasimada ay kaga soo qaadeen dhanka bari iyo Koonfur. Ciidamada qaranka Liibiya wali wax faahfaahin ah kama aysan bixin khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi. Goobjoogayaal ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in ciidamada daacadda u ah dowladda Liibiya ay weerar lama filaan ah ku soo qaadeen magalada Gharyan oo ku dhaw caasimadda. Afhayeen u hadlay ciidamada dowladda Liibiya ayaa u sheegay wakaalada wararka ee AFP in qabsashada ay qabsadeen magalada Gharyan “ay guul muhim ah u tahay” taasi oo horseedi karta jabka ciidamada xoogaga uu hogaamiyo Haftar. Waxaa sidoo kale baraha bulshada lagu baahiyay sawiro muujinaya ciidamada dowladda midnimada qaran ku sugan gudaha magaalada islamarkana soo bandhigay maxaabiis ay sheegeen in ay yihiin dagaalyahanada Janaraal Haftar. Dalka Liibiya ayaa waxaa ka taagnaa qas iyo jahwareer tan iyo xukunka laga tuuray hogaamiyihii muddada dheer xukumayay dalkaasi Muammar Gaddafi 2011. Tiro dad ah ayaa ku dhintay tan iyo intii ciidamada Khaliifa Xafdar ay weerarka ku soo qaadeen dowladda midnimada qaran ee ay taageerto Qaramada Midoobey taasi oo uu hogaamiyo rai’sul wasaare Fayez al-Serra. Janaraal Haftar ayaa waxa uu awood ku lahaa bariga Liibiya,waxayna xulafadiisa sheegeen inay doonayaan in ay dib u soo celiyaan ammaanka ayna la dagaalamaan “argagixisada”. Source
  20. Cadaado (SMN) – Ra’iisul wasaaraha XFS Mudane Xasal Cali Khayre oo xalay ku hoyday Cadaado ayaa kulamo ka bilaabay gudaha magaaladaasi. Kulamadan ayaa waxaa lagu soo warramayaa in Ra’iisul wasaaruhu uu la qaadanayo Xaaf, Odayaasha dhaqanka iyo Xildhibaanada BFS ee ku sugan halkaasi Intooda badan kulamadan ayaa diirada lagu saarayaa xaaladda Galmudug, gaar ahaan arrimaha doorashada ee maamulkaasi. Sidoo kale wararka qaar ayaa sheegaya in Ra’iisul wasaare Khayre saacadaha soo socda uu booqan doono degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud. Khayre ayaa dadaallo nabadeed oo xal raadin ah ka wada deegaanada dowlad goboleedka Galmudug. View the full article
  21. Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Qaranka Soomaaliya ayaa markii ugu horreysey ka qeyb galay Shir Sanadeedka Hay’adaha Hantidhowrada Afrika oo sannadkiiba hal mar laqabto loogana hadlo Arrimaha Shaqada iyo Shaqaalaha kaas oo sannadkan ka dhacacaya Caasimadda Kigaali ee Dalka Rwanda. Shirkaan oo socon doona 24-28 Bishaan June 2019 ayaa waxaa kasoo qeyb galay dhammaan Hantidhowrada Dowladaha ku mideysan AFROSAI-E. Waxaana diiradda lagu saarayaa “ka shaqeynta Horumarinta Hantidhawrada Afrika iyo soo bandhigidda shaqo wanaagga laga rabo Hantidhowrada Africa shaqaalahooda iyo waxbarashadooda si loo wanaajiyo kartida & habdhaqanka shaqo ee shaqaalaha Hantidhowrka”. Dhanka kale, Madasha kulanka Hantidhowrradda Afrika ayaa Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Qaranku waxaa uu kusoo bandhigay Hiddaha iyo Dhaqanka dalkeenna Soomaaliyeed, iyadoona lagu ammaanay sida ay u soo bandhigeen Xubnihii matalayay XHGQ. PUNTLAND POST The post Soomaaliya oo ka qeyb-gashay shirka hantidhorka AFrika appeared first on Puntland Post.
  22. (SLT-Yemen)-Saraakiil ka tirsan dagaal-yahanada xuutiyiinta Yemen ayaa sheegay inay wadaan dadaalo lagu hormarinayo gantaalaha difaaca iyo hubka kale Ballistic-da oo ay u adeegsadaan Weerarada. Jenaral Yaxya Saree oo ka mid ah saraakiisha xuutiyiinta ayaa tilmaamay isbadaladan la arki doono, sida ugu dhaqsiyaha Badan. Gantaalaha difaaca ayaa qaban doona madaafiicda-da ay soo tuurayaan isbaheysiga sacuudiga waxaana ay tani noqon doontaa markii ugu horeysay ee Taariikhda Yemen ay hesho gantaalaha Casriga. Sargaal diiday magaciisa ayaa sheegay in kooxda Xuutiyiinta ay ka shaqeynayaan difaaca sharafta iyo diinta shacabka Yemen. Arintan ayaa imaaneysa maalin kadib markii dagaal-yahanada xuutiyiinta ay weerar ku qaadeen saldhig Milatari oo ku yaal koonfurta Sacuudiga. Source
  23. Wararka naga soo gaaraya degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabellaha Hoose ayaa waxay sheegayaan in halkaasi uu ka socdo dagaal u dhaxeeya maleeshiyaad u abaabulan qaab qabiil. Sidey inoo sheegeen dadka deegaanka qaarkood oo aynu la xiriirnay, dagaalkan ayaa ka bilowday goob gaadiidka lacag looga qaado oo maleeshiyaadkan isku qabsadeen. Dagaalkan oo markii hore ka bilowday galbeedka degmada Wanlaweyn ayaa hadana waxaa lasoo sheegayaa in uu ka dhex socdo xaafadaha qaar ee degmadaasi. Inta la xaqiijiyey waxaa dagaalkan ku dhimatay Labo qof oo mid haweeney ahayd, waxaana jira dhaawac soo gaaray dhinacyada dagaallamaya iyo dad kale oo rayid ah. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
  24. Magaalada Garoowe waxaa hadda shir jaraa’id kaga dhawaaqaya inay iscasilayaan dhammaan xubnaha gudiga kumeel gaarka ah ee doorashooyinka Puntland oo la soo dhisay xilligii xukuumaddii [...] Source
  25. (SLT-Qaza)-Hogaamiye-yaasha Falastiin aan ka hor yimid shirka nabadeynta iyo dhaqaalaha ee lagu soo gaba gabeeyay magaalada Manama ee caasimada Baxreyn. Shirka oo socday laba maalin ayaa waxaa hormuud ka ahaa la-taliyaha aqalka cad ee Mareykanka, Jared Kushner. Madaxda Falastiin ayaa tilmaamay in shirkaan markii horeba ay ka soo hor jeedeen maadama uu ahaa mid aan lagu qeexin mustaqbalka siyaasadeed ee dalkooda una xaglinaya Israa’iil. Dowlada Mareykanka ayaa sheegtay in dhaqaalaha $50 Billion oo uu wax ka qabanayo amniga sarena uu u qaadi doono kobaca dhaqaale ee bariga Dhexe. Hanan Ashrawi oo ka tirsan saraakiisha xoreynta Falastiin oo loo yaqaan (PLO) ayaa sheegay in ay ka soo horjeedan shirka lagu soo afmeeray magaalada Banama. Jared Kushner oo ah wiilka uu sodoga u yahay madaxweyne Trump ayaa gabagabadii shirka ku booriyay madaxda Falastiin ee dibad jooga ka ah shirka ay aqbalaan heshiisyadii lagu saxiixay Shirka. Source