-
Content Count
213,136 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Xilli dhulka ay Israa’iil maamusho saacadihii la soo dhaafay ay ku socdeen duqeymo xooggan oo ay Iran kaga jawaabayso weerar ay dhowaan Xukuumadda Netanyahu ku qaaday dalkeeda oo khasaare badan dhaliyay ayaa Mareykanku wuxuu sheegay in Israa’iil ay xaaladda halis ah gashay gantaallada Tehran awgood. Safiirka Maraykanka ee Israa’iil, Mike Huckabee ayaa sheegay in xalay ay ahayd habeen aad u adag gudaha Israa’iil, asagoo intaas ku daray in ilaa 5 jeer uu ku qasbanaaday inuu u cararo goobo gabaad ah oo gantaallada looga dhuunto. Duqeymaha Iran oo isugu jira boqolaal gantaal iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ayaa ka socda goob kasta oo kamid ah Israa’iil, waxaana jira khasaare dhimasho, burbur iyo hakad ku yimid adeeg walba oo nolosha muhiim u ah. Source: goobjoog.com
-
Dowladda Iran ayaa saacado ka hor weerar adag oo jawaab ah ku qaaday gudaha maamulka Israa’iil, ayadoo adeegsatay 150 gantaal oo balaastig ah iyo in ka badan 100 diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ah. Hannaanka difaaca hawada Israa’iil iyo Mareykanka oo garab siinaya ayaa qabtay qaar kamid ah gantaallada Iran, balse waxaa jira kuwo ku dhacay bartilmaameedyo ku yaalla Talaabiib iyo meelo kale, waxayna Israa’iil qiratay in dhimashada ah qof iyo dhaawaca todobaatameeyo kale. Sidoo kale sawirro iyo muuqaallo baraha bulshada la soo geliyay ayaa muujinaya burbur baaxad leh oo gantaallada Iran ay geysteen, halka inta badan dadka reer Israa’iil ay ku jiraan goobo gabaad ah, weerarka iranna uu weli socdo. Dhinaca kale Iran ayaa sheegtay in duullaankii Israa’iil ku qaaday dalkeeda ay uga dhinteen 78 qof oo saraakiil ciidan iyo saynisyahanno u badan, halka qiyaastii 320 kalena ku dhaawacmeen sida u sheegay Danjiraha Tehran u fadhiya Qaramada Midoobay. Si kastaba ha ahaatee xaaladda gobolka Bariga dhexe ayaa weli kacsan, Mareykankuna wuxuu sheegay in weerarrada Israa’iil iyo Iran ay qaadan karaan muddo hal todobaad ah. Source: goobjoog.com
-
The sharing of lethal drone technology with al-Shabaab and IS Somalia could recast the conflict in the Horn and beyond. Source: Hiiraan Online
-
Shan urur siyaasadeed oo dhowaan iska diiwaangeliyay Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka, kuwaasoo kamid ahaa ururradii lagu casuumay gogosha uu fidiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa si wadajir ah u soo saaray war-saxaafadeed ay kaga hadlayaan mowqifkooda ku aaddan gogoshaas. Ururradan siyaasadeed oo kala ah Xaqsoor, Samadoon, DPC, Ramaas iyo Dhulka Hooyo, ayaa sheegay in ay si taxaddar leh u soo dhoweynayaan gogosha Madaxweynaha, iyagoo tilmaamay in gogoshu noqon karto fursad lagu gaari karo natiijo wanaagsan oo dalka ka saarta xaaladda cakiran ee siyaasadeed – haddii la waafajiyo qodobo muhiim ah. Ururradu waxay soo jeediyeen saddex qodob oo ay u arkaan laf-dhabarka guusha gogosha: Caddeynta Ujeeddada Gogosha: In Madaxweynaha si rasmi ah u bayaamiyo in gogoshani tahay madal wada-xaajood siyaasadeed oo rasmi ah, u dhaxeysa dowladda iyo ururrada mucaaradka, laguna doonaayo xal looga baxo ismari-waaga ku xeeran dastuurka iyo doorashooyinka dalka. Dhisidda Guddiga Farsamo: In la dhiso guddi farsamo oo isku dhaf ah oo ka kooban dowladda iyo ururrada mucaaradka, isla markaana diyaariya ajandaha, muddada, habraaca iyo ka qaybgalayaasha gogosha. Kala Saaridda Qodobbada Muranka leh iyo kuwa Midaysan: In Madaxweynaha kala saaro arrimaha ay muranka siyaasadeed ka taagan yahay (sida doorashooyinka iyo dastuurka) iyo kuwa la isku waafaqsan yahay (sida la dagaallanka argagixisada iyo ilaalinta midnimada dalka), si looga fogaado jahwareerinta geedi-socodka. Ururradani waxay ku booriyeen Madaxweynaha inuu yeesho kalsooni iyo ku-dhacyo ku aaddan hoggaaminta gogosha, taasoo ay sheegeen inay ku iman karto haddii la turxaan bixiyo habraaca iyo maaraynta gogosha. Mowqifka Doorashooyinka Ururradu waxay si cad u muujiyeen inay diyaar u yihiin ka qaybgalka doorasho dalka ka dhacda, balse ay tahay in doorashadaasi: Waafaqsan tahay dastuurka iyo xeerarka dalka, Noqoto mid xor ah, xalaal ah, oo daahfuran, Lagu qabto waqtigii loogu tala galay ee dastuurku tilmaamay, Ay maamulaan hay’ado lagu kalsoonaan karo, Lagu galo iyadoo loo marayo xisbiyo siyaasadeed, Si isku mid ah uga dhacdo guud ahaan dalka, Laga heshiiyay dhammaan xeerarkeeda iyo habraacyadeeda. Shantaan urur siyaasadeed waxay muujiyeen diyaar u ahaanshahooda wadahadal lala galo dowladda, si loo helo hannaan doorasho oo xor iyo xalaal ah. Waxay ku nuuxnuuxsadeen inay hayaan aragti hal-abuur leh oo lagu gaari karo doorasho dimoqraadi ah oo loo wada siman yahay, haddii daacadnimo iyo isu tanaasul ay geedi-socodka ka muuqdaan. Source: goobjoog.com
-
Qaar kamid ah dalalka Carabta oo ay ugu horreeyaan Sucuudiga iyo Qatar ayaa si adag u cambaareeyay Weerarkii ay saacado ka hor Israa’iil ku qaaday gudaha dalka Iran, kaas oo ay ku dhinteen hoggaamiyaashii ugu sarreeyay ciidanka dalkaas, saynisyahanno dhanka Nuclear-ka ah iyo masuuliyiin kale. Dalalkan ayaa sheegay in weerarkaasi uu xadgudub ku yahay xeerarka caalamiga ah iyo madax-bannaanida Iran, balse ma sheegin wax tillaabo ah oo ay qaadayaan haddii xaaladdu faraha ka sii baxdo. Dhanka kale Mareykanka iyo Uk ayaa ka hortagey boqolaal diyaaradood oo ay Iran doonaysay inay ku weerarto Israa’iil, ayadoo sheegay in Tel-aviv ay is difaacdo. Si kastaba ha ahaatee Israa’iil oo weerar khasaare baaxad leh sababay ku ekaysay Iran, islamarkaana si weyn u naafaysay wax soo saarkii Nuclear-ka iyo hay’adihii militariga dalkaas ayaa hadda garab istaag xooggan ka helaysa reer galbeedka, halka Iran ay ku jirto xaalad jahwareer ah. Source: goobjoog.com
-
Dowladda Iran ayaa si rasmi ah u shaacisay in Taliyihii Guud ee Ciidanka Qalabka Sida ee dalka, Jenaraal Mohammad Bagheri, lagu dilay weerarro ballaaran oo saakay waaberigii ay Israa’iil ka fulisay caasimadda Tehran. Warbaahinta rasmiga ah ee dalka ayaa xaqiijisay in weerarradaasi ay si gaar ah u beegsadeen hoggaanka sare ee ciidamada, taasoo keentay dhimashada laba ka mid ah saraakiishii ugu awoodda badnayd ee militari ee Iran. Geerida taliyahan ayaa si degdeg ah waxaa uga jawaabay Hoggaamiyaha sare ee Iran, Ayatollah Ali Khamenei, oo isla saaka magacaabay taliyeyaal cusub. Jenaraal Xabibollah Sayyari, oo horey uga u ahaa abaanduulaha guud ee ciidamada tan iyo 2017, ayaa loo magacaabay Taliyaha Cusub ee Ciidanka Qalabka Sida. Dhanka kale, Jenaraal Ahmad Vahidi ayaa loo magacaabay Taliyaha cusub ee Ciidanka Ilaalada Kacaanka (IRGC), xilkan oo ah mid aad u xasaasi ah marka la eego doorarka militari iyo siyaasadeed ee ciidankaasi ku leeyahay dalka iyo gobolka. Weerarradan ayaa ah kuwo sii hurin doonnaa xiisadda ka taagan Bariga Dhexe, iyadoo xiriirka Iran iyo Israa’iil uu marayo heerkii ugu xumaa. Dowladda Iran ayaa ku tilmaantay weerarkaasi mid cadowtinimo ah, waxaana ay ballan qaaday in ay jawaab adag ka bixin doonto. Source: goobjoog.com
-
Israa’iil ayaa weerar ku qaaday caasimadda dalka Iiraan ee Tehran aroornimadii hore ee Jimcaha maanta ah, iyadoo qaraxyo xooggan laga maqlay magaalada, waxayna Israa’iil sheegtay inay bartilmaameedsatay goobaha nukliyeerka iyo kuwa milateriga. Weerarkan wuxuu yimid xilli xiisad xooggan ay ka taagan tahay barnaamijka nukliyeerka Iiraan oo si xowli ah u socday, islamarkaana wada-hadallo dhowaan dhex maray Iran iyo Mareykanka aanay wax weyni ka soo bixin. Guddiga Fulinta ee Hay’adda Caalamiga ah ee Tamarta Atomiga (IAEA) ayaa Khamiistii markii ugu horreysay 20 sano gudahood cambaareeyay Iiraan kadib markii ay diiday inay la shaqeyso kormeerayaasheeda. Iiraan isla markiiba waxay ku dhawaaqday inay dhiseyso xarun saddexaad oo lagu nadiifiyo uranium-ka, isla markaana ay beddeli doonto qaar ka mid ah mashiinnada centrifuge-yada, iyadoo ka dhigaysa kuwo horumarsan. Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa khudbad uu jeediyay ku sheegay in weerarradu sii socon doonaan inta laga takhalusayo waxa uu ku tilmaamay halis, waxaana duqeyntii ugu dambeysay la sheegayaa inay ku dhinteen saraakiil sar sare oo ka tirsan militariga Iran. Dhanka kale Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, Marco Rubio ayaa sheegay in Israa’iil ay qaaday tallaabo ay keligeed ku tahay oo ka dhan ah Iiraan, isagoo xusay in Israa’iil ay la socodsiisay Mareykanka in weerarradu yihiin kuwo ay isku difaacayso. “Annagu kuma lug lihin weerarrada lagu qaaday Iiraan, mudnaantayaduna waa ilaalinta ciidamada Mareykanka ee gobolka,” ayuu yiri Rubio, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay Aqalka Cad. Si kastaba weerarkan oo xogtii horay loo sii helay ayaa sababay khasaare baaxad leh, waxaana la filayaa inay Iran saacadaha soo socda qaaddo weerarro xooggan oo aargoosi ah, ayadoo Israa’iil ay heeggan sare ku jirto. Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni oo ku sugan dalka Itoobiya ayaa lagu wadaa in uu maanta oo Jimce ah dib ugu laabto caasimadda Garoowe. Madaxweyne Siciid Deni oo dhawaanahan safar ku joogay magaalada Addis Ababa ayaa sida wararku sheegayaan halkaasi kula kulmay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Itoobiya, oo ay ka wada-hadleen qodoba ay ku jiraan iskaashiga dhinaca Ammaanka iyo La-dagaallanka Argagixisada. Markii uu Garoowe dib ugu laabto waxaa la filayaa in uu xarigga ka jaro buundo weyn oo dowladdu ka hirgelisay caasimadda, halka sidoo kale uu furi doono Kal-fadhiga 56aad ee Baarlamaanka Puntland, isagoo ka jeedin doona khudbaddiisa dastuuriga ah, taasi oo sida caadada ah uu kaga hadlo waxqabadkii xukuumadda ee intii u dhexaysa labada Kal-fadhi iyo arrimaha markaasi taagan. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo ku maqan dalka Itoobiya ayaa lagu wadaa in uu maanta dib ugu laabto Garoowe appeared first on Puntland Post.
-
Roob Miraale ah oo xalay saq barkii curtay ayaa maaruqay inta badan dooxooyinka Nugaaleed ee dhaca Gobollada Sool iyo Nugaal, halkaasi oo uu saacado badan ku da’ayay Roobkaasi. Roobkan mahiigaanka ah ayaa mowjado daad ah ku harqiyay dooxooyinka Nugaasha, waxaana meelaha uu sida weyn u maasheeyay ku jirta magaalada Garoowe iyo dhammaan dooxooyinka ku xeeran. Isagoo mayay arooryaad ah ayuu sidoo kale saaka ka bariisaynaya hawdka Garoowe ka xiga dhinaca degmada Buurtinle, halkaasi Roobka xooggiisu u dhacay gelinkii danbe ee xalay ilaa waaberkii hore. PUNTLAND POST The post Roob Miraale ah oo xalay maarugay dooxooyinka Nugaaleed appeared first on Puntland Post.
-
Israa’iil ayaa xalay Iran ku qaaday weerar militari oo weyn, kaasi oo ay ku bartilmaameedsatay xarumo muhiim ah, oo ay ka mid yihiin warshado Nukliyeerka iyo dhismayaal ay daganaayeen saraakiil sar sare oo ka tirsan ciidamada Iiraan. Israa’iil ayaa ku dhawaaqday in ay duqeysay bartilmaameedyada Nukliyeerka Iran si ay uga horjoogsato Tehran in ay sameysato hubka nukliyeerka, iyada oo intaa ku dartay in taliyeyaasha Iran iyo warshadaha gantaallada la duqeeyey. Warbaahinta Iran iyo goob joogayaal ayaa sheegay in qaraxyo ay ka dhaceen guud ahaan caasimadda Iran iyadoo lagu soo waramayo inay ku dhinteen saraakiil sare iyo khubarada Nukliyeerka. Sidoo kale, Israa’iil , waxay beegsatay saldhigga gantaallada Kermanshah oo ku yaalla xadka Ciraaq, iyadoo saldhigan uu yahay halka ugu muhiimsan ee Iran ay ka soo qaadi lahayd jawaabta weerarrada ay kala kulantay Israa’iil oo noqonaya , duullaankii u sarreeyay oo khasaare burbur iyo faseexad ah gaarsiiyay Iran. Weerarka Israa’iil ayaa sidoo kale burbur xoog leh gaarsiiyay saldhigga buuraha Zagros, oo la aaminsanyahay in ay yaallaan tirada ugu badan ee gantaalada ballistic-ga ee Iran. Weerarka Israa’iil, kaliya kuma dhisneyn mid khasaare dhaliya oo looga hortaggo nukliyeerka Iran ee sidoo kale wuxuu ahaa weerar ay Israa’iil , xataa ku joojisay inay Iran si awood leh usoo weerarto Israa’ii! Waxaa looga tagay Iran dookh kaliya oo ah ‘dagaal toos’. PUNTLAND POST The post Faahfaahinta: Israa’iil oo xalay duullaan khasaare ba’an dhaliyay ku qaaday Iraan appeared first on Puntland Post.
-
Djibouti has turned down Ethiopia’s request to secure special access to the Port of Tadjourah, affirming its sovereign control of strategic infrastructure as competition for ports intensifies in the Horn of Africa region. According to President Ismaïl Omar Guelleh, Ethiopia sent a delegation requesting the creation of a corridor from its border to the port, along with rights to establish a naval base there. Guelleh clarified that while Djibouti had previously been open to discussions on economic cooperation and port access, Ethiopia’s request went far beyond what had ever been considered and was therefore outright rejected. “The Ethiopians sent us a delegation with a proposal that we could not accept: to establish a corridor with extraterritoriality between the Ethiopian border and Tadjourah and to set up a naval base for their navy. This was not what we had agreed upon. Therefore, this matter is now closed,” Ismaïl told Jean Afrique. Ethiopia, a landlocked country, has been actively looking for direct access to the sea. Last year, Ethiopian Prime Minister Abiy Ahmed made statements suggesting Ethiopia needed such access, which raised concerns among neighbouring countries. However, Ismaïl said relations have calmed down since then, thanks in part to Turkey’s help in getting both sides to talk peacefully. Ismaïl also pointed out that Ethiopia already has access to several ports in the region, including in Djibouti, Berbera (Somaliland), Assab (Eritrea) and Mogadishu (Somalia), without needing to control them. “I believe that Abiy Ahmed has understood that this claim cannot be framed within a power struggle. Ethiopia can access the ports of Assab, Djibouti, Berbera, or Mogadishu without undermining the existence of its neighbours,” he said. “The mediation undertaken by Turkey has played a positive role in this regard. As for us, we have clearly communicated to Addis Ababa that Djibouti is not Crimea.” Djibouti’s decision also reflects its larger policy of standing up against outside interference in its affairs. In 2018, Djibouti cancelled a major port deal, involving the Doraleh Container Terminal, with Dubai-based company DP World, saying it was no longer in the country’s best interest. Even after international courts ruled in favour of DP World, ordering Djibouti to pay $385 million (Sh49.7 billion) for breach of contract, the country has refused to reverse its decision. President Ismaïl strongly criticised the company, saying it tries to force its way into other countries, destabilising them in the process. “We refuse the dictates of DP World and have no intention of yielding to them. Furthermore, I believe, and I am far from being alone in this view, that their overall policy is profoundly destabilising for the entire region,” he said. Eastleighvoice Qaran News
-
Somaliland waxay wajahaysaa marxalad cusub oo taariikhi ah, taas oo xuddun u ah koboc dhaqaale iyo isbeddel weyn oo saameyn doona mustaqbalkeeda. Fursadan dahabiga ah ee ay dhaxlayso Somaliland ayaa soo shaac-baxdasy kadib markii la xaqiijiyay in dhulkeedu uu qani ku yahay shidaal, gaas dabiici ah, iyo macdanaha qaaliga ah sida Lithium. Sahammo ay sameeyeen shirkado caalami ah, sida shirkadda Genel Energy (UK) iyo shirkadda RAK Gas (UAE) ayaa muujiyay xaddi badan oo shidaal iyo gaas ah oo ku jira dhulka Somaliland, taas oo dhidibada u aasaysa mustaqbal dhaqaale oo ifaya. Sidoo kale, warbixin ay baahisay The Advocatepost ayaa daaha ka rogtay in Somaliland laga helay macdanta lithium, taas oo ah curiye muhiim u ah baytariyada iyo korontada la kaydiyo, taas oo qeyb muhiim ah ka qaadata dhaqaalaha cagaaran ee dunida casriga ah. Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta Jamhuuriyadda Somailand Eng. Axmed Jaamac Barre, ayaa xaqiijiyay in sannadka 2026 shirkado caalami ah ay bilaabi doonaan qodista shidaalka, taas oo Somaliland ka dhigi karta mid kamid ah soo saarayaasha tamarta ee Bariga Afrika iyo adduunka. Somaliland waxay gashay weji cusub oo la saadalinayo in uu horseed u noqdo isbeddelka weyn oo dhaqaale, iyada oo si firfircoon u sahminaysa khayraadkeeda shidaal, gaas, iyo macdanaha qiimaha leh. Waxaa kor u kacay dadaallada baadhista saliidda iyo gaasta, qorshayaasha la xidhiidha warshadaynta macdanaha qaaliga ah iyo tamarta la cusboonaysiin karo, taas oo dhanka kale xoojinaysa ujeeddada Somaliland ee raadinta aqoonsi caalami ah. Somaliland waxay haysataa wakhti xaadirkan rejo aad u wayn oo la xidhiidha ka faa’iidaysiga khayraadkeeda dabiiciga ah ee dihin, iyada oo muddooyinkii u dambeeyay ay kor u kacday rejada helitaanka macdanta qaaliga ah ee lithium, iyo awoodda tamarta la cusboonaysiin karo. Somaliland waxay haysataa fursad ay riixayaan dabaylaha dhaqaale ee dunida. Warbixin ay daabacday warbaahinta The Advocatepost oo soo xiganaysa waraysi gaar ah oo ay la yeelatay Wasiirka Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Somaliland, Eng. Axmed Jaamac Barre, ayaa muujisay ifafaale cusub oo rejo weyn leh oo ku saabsan horumarka dhabta ah ee ka socda dalka, gaar ahaan dhinacyada shidaalka iyo macdanta. Tani waa tallaabo weyn oo ku wajahan koboca dhaqaale iyo sare u kaca sumcadda Somaliland ee caalamka. Warbixintu waxay xustay in xukuumadda Somaliland ay xallisay caqabadihii amni ee hore u jiray, taas oo albaabada u furaysa horumar amni oo la jaanqaadi kara horumar dhaqaale. Arrintan ayaa sidoo kale muujinaysa kalsoonida shirkadaha caalamiga ah ay ku qabaan Somaliland. Somaliland waxay maanta haysataa fursad dahabi ah oo ay ku noqon karto quwadda tamarta iyo macdanta ee gobolka. Waa waajib saaran dhammaan hay’adaha dawladda, bulsho-weynta iyo ganacsatada maxalliga ah in la ilaaliyo fursadahan oo laga dhigo kuwo dhab u hirgala, si jiilasha mustaqbalku uga faa’iidaystaan. Qore Axmed M. Saleebaan Qaran News
-
Wefti ka socda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa ka qaybgalay Shir madaxeedka Afrika ee Hydrogen-ta cagaaran oo lagu qabtay South Afrika. Dawladda South Afrika ayaa si rasmi ah ugu martiqaaday weftiga Somaliland ee ka qaybgalay shirkan oo uu hoggaaminayay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka cimilada Jamhuuriyadda Somaliland Dr. Maxamed Aw Daahir oo ay weheliyeen Wakiilka Ganacsiga iyo Arrimaha Gobolka ee Somaliland u qaabilsan Koonfur Afrika Cali Ismaaciil Cilmi, Ayaan Cashuur iyo Axmed Jaamac Ducaale oo fududeeyay iskuduboridka martiqaadkan. Madaxweynaha South Afrika,Cyril Ramaphosa ayaa si rasmiya uga furay Magaalada Capetown shir madaxeedkan oo muhiimad weyn u leh dalalka Afrika oo dhan. Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa shirkan ku muujisay doorkeeda firfircoon ee ku wajahan iskaashiga caalamiga ah ee dhinacyada tamarta cagaaran iyo wax ka qabashada isbeddelka cimilada iyo saameynta ka dhalatay. Qaran News
-
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday in kaalintii Madasha Beesha Caalamka ee C6+ ay hadda soo gebogabowday, iyada oo dowladda ay sheegtay in mas’uuliyadda hoggaaminta siyaasadda dalka ay si buuxda u leedahay. Waa maxay Madasha C6+? Madasha C6+ waxay ahayd hab iskaashi ah oo u dhexeeyay dowladda Soomaaliya iyo beesha caalamka, gaar ahaan daneeyayaasha waaweyn sida Qaramada Midoobay, Midowga Yurub, Midowga Afrika, IGAD, Mareykanka, iyo UK. Madashan waxay kaalin muuqata ku lahayd taageerada dib u dhiska hay’adaha dowladda, horumarinta dimuqraadiyadda, iyo kormeerka geeddi-socodka siyaasadeed. Laakiin hadda, dowladda Soomaaliya waxay ku doodaysaa in dalka uu marayo marxalad cusub oo lagu tiirsan yahay hay’adaha maxalliga ah, lana dardargelinayo madax-bannaanida siyaasadeed iyo mas’uuliyadeed. Maxaa sababay go’aankan? Warqadda loo diray Beesha oo uu ku saxiixnaa Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cali Cumar (Cali Balcad) oo lagu socod siiyay, Ergayga Qaramadda Midoobe James Swan, ayaa lagu sheegay in la gaaray waqtigii lagu adkaysan lahaa madax-bannaanida dalka, iyadoo loo gudbayo nidaam dowladnimo oo si buuxda uga shaqaynaya gudaha. Dowladda ayaa sidoo kale xustay in doorka beesha caalamka uusan ahayn mid joogto ah, balse uu ahaa mid ku meel gaar ah. Arrintan ayaa kusoo beegmaysa xilli dalka uu wajahayo caqabado amni, Khilaafaad siyaasadeed, iyo mid dhaqaale – iyadoo doorashooyin cusubna lagu wado inay dhacaan sanadka 2026. Maxay ka yiraahdeen daneeyayaasha caalamka? Inkasta oo aan si rasmi ah loo helin jawaabta beesha caalamka ee Mowqifka Dowladda, haddana diblomaasiyiin iyo saraakiil hore ayaa sheegaya in wada-shaqayntu aanay gabi ahaanba dhammaan doonin. Balse laga yaabo in ay is-bedel ku keento qaabka loo wajahayo taageerada Soomaaliya. Tani waxay noqon kartaa bilow cusub oo dowladda Soomaaliya ay doonayso inay kusoo ceshato kalsoonida dadkeeda iyo go’aan qaadasho madax-bannaan oo ay ku wajahdo mustaqbalka siyaasadeed. Sida ay qabaan Qubaro kale oo Siyaasadeed. Go’aanka dowladda wuxuu noqon karaa mid muujinaya is-aamin iyo kalsooni siyaasadeed, balse wuxuu sidoo kale xambaarsan yahay su’aalo badan oo ku saabsan diyaar-garowga hay’adaha maxalliga ah, doorka beesha caalamka ee cusub, iyo sida looga hortagi doono caqabadaha jira. Si kastaba, waxaan la ogayn sida uu go’aanka uu dhaqan geli doono, xili weli taageeradda ugu badan ee Soomaaliya ay ku tiirsan tahay Madasha Beesha Caalamka ee loo soo gaabiyo C6+. W/D: Mohamed Farah Ali Source: goobjoog.com
-
Qaran News
-
President Said Abdullahi Deni called for for reversal of constitutional amendments and disqualification of Somaliland MPs, and is wary of pre-election deals with the “opposition.” Kismaayo (PP News Desk) — In 2022, the President of Jubaland State of Somalia, Ahmed Mohamed Islam, skilfully outmanoeuvred Puntland’s President, Said Abdullahi Deni, his former ally, to secure the premiership for the incumbent Prime Minister, Hamsa Abdi Barre. Under the 2022 electoral model, Federal Member States were empowered to select federal MPs and Senators. The Presidents of Puntland and Jubaland unilaterally chose who would represent their regions in the bicameral legislature in Mogadishu. Both leaders had joined the 2021 opposition bloc Badbaado Qaran (National Salvation), which had rejected the illegal term extension granted to the former federal government by the bicameral parliament in 2021. Now, with less than a year remaining in the term of President Hassan Sheikh Mohamud, a loose opposition alliance known as the Salvation Council of Somalia has emerged. Its only unifying stance with Jubaland and Puntland appears to be the continued boycott of political consultations initiated by Villa Somalia. Sharif Sheikh Ahmed , the Former President of Somalia and Chair of the Salvation Council, leads fragmented opposition bloc with limited cohesion; opposes federal electoral model empowering federal member state leaders to handpick MPs and Senators. Jubaland supports amendments to the Provisional Constitution but insists that the Federal Government recognise the legitimacy of President Ahmed Madobe’s 2024 re-election by the Jubaland Parliament. Conversely, Puntland demands a reversal of the amendments, although it lacks the legal standing to challenge revisions made to the federal charter. Puntland’s constitution, ratified in 2012, contradicts several articles of the Provisional Constitution, which has formed the legal bedrock for post-transition Somalia since that year. Puntland also calls for the disqualification of MPs and Senators representing Somaliland. President Deni argued that their participation is illegitimate as long as the Somaliland administration maintains its l claim of unilateral secession made in 1991. While Jubaland endorsed the constitutional amendments, it has since clashed with the Federal Government over the harmonisation of national and sub-national electoral calendars. It has yet to take a clear stance on Somaliland’s federal representation, an issue further complicated by Somaliland’s 2024 illegal MoU with Ethiopia, which prompted the Federal Government of Somalia to designate secession as a national security threat. Ahmed Mohamed Islam “Madobe, the President of Jubaland State of Somalia backs constitutional amendments but insists on recognition of his 2024 re-election. Despite speculation, the prospect of a strategic pact between Puntland, Jubaland, and the Salvation Council remains remote. Former Prime Minister Omar Abdirashid Ali Sharmarke has noted that the Salvation Council doors not favour an electoral model akin to the 2022 framework, which granted Federal Member State leaders the power to select federal MPs and Senators. The Presidents of Jubaland and Puntland appear wary of pre-election political deals that might be revoked post-election. Their ongoing disagreements with Villa Somalia reflect deeper structural tensions in Somalia’s maturing federal system, adopted two decades ago and tested since the end of the transitional period in 2012. This evolving governance architecture in Somalia has underpinned milestones such as debt relief and progress towards lifting the long-standing arms embargo. © Puntland Post, 2025 The post Pro-Change Coalition Elusive in Somalia as Federal States Pursue Divergent Goals appeared first on Puntland Post.
-
Maanta oo ay bishu tahay June 12,2025 waa maalin qiimo weyn u leh wadamada Bariga Afrika. Tansaaniya, Rwanda, Kenya, iyo Uganda ayaa soo bandhigaya oo ansixinaya miisaaniyaddooda qaran, iyaga oo qeexaya mudnaanta dhaqaale iyo qorshayaasha horumarineed. Miisanaayidda 2025/2026 ee Kenya ayaa laga yaabaa inay ka badan tahay Uganda iyo Tanzania marka la isku daro. Wadamadan ayaa qorshaynaya in ay kordhiyaan kharashaadkooda ilaa 5 bilyan oo dollar muddo 12 bilood gudahood ah laga gaarayo June 2026, marka loo eego sanadkii hore. Miisaaniyadda Uganda ayaa u muuqata mid si weyn diiradda loogu saaray arrimaha doorashada, iyadoo qarash badan lagu bixinayo ammaanka iyo maamulka, taasoo ka tarjumaysa mudnaanta kala duwan ee qaranka. Miisaaniyadda Tansaaniya lafteedu may la iman mashaariic waaweyn, waxay ku diiradda saaraysaa inay horumariso mashaariic istiraatijiyadeed oo waaweyn oo socda, oo ay ku jiraan dhismaha jidka tareenka casriga ah ee SGR iyo kaabayaasha waddooyinka, oo ay ku jirto xawaaraha sare ee ay ku socoto magaalada Dar es Salaam. Waa maxay aragtida miisaaniyadeed ee dalalka kale ee Afrika? Qoondaynta Miisaaniyadda 2025-ka waxay muujinaysaa maalgashi la taaban karo oo lagu samaynayo kaabayaasha dhaqaalaha, adeegyada bulshada, iyo isbeddelka dhaqaale ee qaaradda oo dhan. Kuwani waa 10-ka waddan ee Afrika ugu sarreeya ee leh miisaaniyada qaran ee ugu badan, 2025. 1. South Africa – $141.4 billion Koonfur Afrika ayaa hogaaminaysa miisaaniyada ugu badan ee Afrika sanadka 2025, iyada oo loo qoondeeyay lacag dhan $141.4 bilyan. Miisaaniyadda dalku waxa ay mudnaan siisaa kaabayaasha dhaqaalaha, adeegyada bulshada, iyo horumarinta dhaqaalaha. 2. Algeria – $126 billion Algeria waxay si dhow ula socotaa qoondaynta miisaaniyad dhan $126 bilyan, taasoo ka tarjumaysa maalgashi la taaban karo oo lagu sameeyo qaybaha tamarta iyo difaaca. 3. Egypt – $91 billion Masar waxa ay ku jirtaa kaalinta saddexaad iyada oo haysata $91 bilyan, taas oo loo adeegsanayo xagga waxbarashada, caafimaadka, iyo kaabayaasha bulshada. 4. Morocco – $73 Billion Marooko ayaa sidoo kale si muuqata uga soo muuqanaysa liiskan, iyada oo leh miisaaniyad qaran oo dhan $73 bilyan. 5. Angola – $37.847 billion Angola waxa ay ku jirtaa kaalinta shanaad iyada oo leh miisaaniyad dhan $37.847 bilyan, taas oo inta badan ay ku darsatay dakhliga ka soo gala saliidda. 6. Nigeria – $36.7 billion Nigeria, oo ah dalka ugu dadka badan Afrika, ayaa leh miisaaniyad dhan $36.7 bilyan, taasoo loogu talagalay in wax looga beddelo dhaqaalaha iyo kaabayaasha. 7. Kenya – $32.65 billion Kenya waxa leedahay miisaaniyad dhan $32.65 bilyan, iyada oo mudnaanta siinaysa waxbarashada, caafimaadka, iyo kobaca dhaqaalaha. Sida la xusay, miisaaniyadani waxay aad uga badan tahay tan ay dariska yihiin ee Bariga Afrika, Uganda iyo Tanzania. 8. Libya – $26 billion Liibiya, in kasta oo ay jiraan caqabado siyaasadeed, haddana waxay sii wadaa inay ilaaliso miisaaniyad dhan $26 bilyan. 9. Ivory Coast – $25.22 billion 10. Tunisia – $25.16 billion Miisaaniyadaha qaranka ee 2025-ka waxay hoosta ka xariiqayaan sida ay Afrika uga go’an tahay kobaca dhaqaalaha, ballaarinta kaabayaasha dhaqaalaha, iyo horumarinta bulshada. Sida dalalku ay ula halgamayaan caqabadaha sida sicir-bararka, maaraynta deynta, iyo xasilloonida siyaasadeed, qoondayntan miisaaniyadeed waxay noqon doontaa qalab lagu qaabeeyo muuqaalka dhaqaale ee mustaqbalka ee qaaradda. Liiskaan ayaan ka soo xiganay Business Insider Africa. Bbcsomali Qaran News
-
Xisbiga Horseed oo uu hoggaamiyo wasiir ka tirsan xukuumadda Siciid Deni ayaa sheegay in uu si adag uga horjeedo fara-gelin siyaasadeed oo Villa Somalia ku hayso nidaamka dowliga ah ee Puntland. Guddoomiyaha xisbiga Horseed Maxamed Cabdiraxmaan Faroole oo qoraal soo saaray ayaa luuqad adag kula hadlay Villa Somalia, waxaana uu ugu baaqay in ay si buuxda joojiso fara-gelinta siyaasadeed ee ay ku hayso nidaamka dowliga ah ee Puntland. “Xisbiga Horseed wuxuu si adag uga soo horjeedaa faragelinta dowladda Federaalka Soomaaliya ku hayso nidaamka dowliga ah ee Puntland. Puntland waa dowlad-kamid ah nidaamka Federaalka ah ee Soomaliya hormuud-na u aheyd hirgelinta nidaamka Federaalka dalka.” “Xisbiga wuxuu ugu baaqayaa dowladda Federaalka in ay si buuxda u joojiso faragelinta aan sharciyeysnayn, isla markaana la ixtiraamo nidaamka dastuuriga ah ee dalka lagu heshiiyey” ayuu ku yiri qoraalka uu soo saaray guddoomiyaha xisbiga Horseed Maxamed Faroole oo sidoo kale ka tirsan xukuumadda Siciid Deni. PUNTLAND POST The post Xukuumadda Madaxweyne Siciid Deni oo ka soo dhex hadashay xisbiga Horseed appeared first on Puntland Post.
-
Dowladda Puntland oo xalay bayaan kooban soo saartay ayaa sheegtay in ay soo afjartay koox ka tirsan firxadkii argagixisada Daacish oo ku go’doonsanaa godka Curre oo dhaca togga Baallade. Xafiiska Warbaahinta u qaabilsan hawlgalka Calmiskaad oo bayaankan soo saaray ayaa xaqiijiyay in ciidamada difaaca Puntland soo afjareen firxadkii mileeshiyaadka Daacish ee ku go’doonsanaa God-curre oo dhaca togga Baallade. Xafiiska Warbaahinta ee hawlgalka Calmiskaad ayaa sheegay in dhammaan kooxdii godkaasi ku jirtay noqdeen wax la dilay iyo wax is qarxiyay “Ciidanku waxay soo afjareen Firxadkii Argagixisada ee ku dhuumanayey Godka God-curre oo ku yaala Baallade,wax la dilay iyo wax isqarxiyey noqdeen” ayuu u qornaa bayaankaasi. PUNTLAND POST The post Puntland oo soo afjartay firxad ka tirsan Daacish oo ku go’doonsanaa god weyn oo dhaca Baallade appeared first on Puntland Post.
-
Sanadihii u dambeeyay, waxaa si isa soo taraysa u kordhaya tirada dhalinyarada Soomaaliyeed ee tahriibaya, iyaga oo u jihaysanaya dalalka reer Galbeedka sida Yurub, Waqooyiga Ameerika, iyo qaar kamid ah waddamada Bariga Yurub. Waxaa muuqata in doorkii baraha bulshada uu noqday mid si xoog leh u saameeyay go’aanka dhalinyarada ay ku gaaraan inay noloshooda halis u galiyaan safarro khatar ah. Maqaalkan, waxaan ku falanqeyn doonaa sababaha dhalinyaradu u tahriibaan, doorka baraha bulshada, iyo xaqiiqada nolosha muhaajiriinta Soomaaliyeed ee reer Galbeedka. Marka hore, waxaa lagama maarmaan ah in la fahmo waxa dhalinyarada ku riixaya tahriibka. Xaaladda dalka ka jirta oo ay ka mid yihiin shaqo la’aanta, fursad la’aanta waxbarasho tayo leh, amni xumo, iyo helitaanka mustaqbal xasiloon ayaa ah dhibaatooyinka horyaalla inta badan dhalinyarada Soomaaliyeed. Dhalinyaradu waxay dareemaan in ay nolol wanaagsan ka heli karaan meel kasta oo aan Soomaaliya ahayn. Tani waxay dhalinaysaa in mararka qaar aysan si qoto dheer u eegin halista ay wajahayaan marka ay tahriibayaan. Baraha bulshada sida Facebook, TikTok, iyo Instagram ayaa sii hurinaya rabitaanka dhalinyarada ee ay ku doonayaan inay u guuraan dalalka reer Galbeedka. Muhaajiriinta hore u tagay ayaa inta badan la wadaaga muuqaallo nolol qurux badan muujinaya, sida gaadiid raaxo leh, dhismayaal waaweyn, iyo nolol muuqaal ahaan la jecleysto. Tani waxay dhalinyarada u sawirtaa nolol aan dhib lahayn, iyadoo aan la xusin caqabadaha dhabta ah ee ay la kulmaan muhaajiriinta cusub, sida kalinimada, shaqo la’aanta, isir takoorka, iyo cadaadiska la xiriira la qabsiga dhaqan cusub. Waxaa wax laga xumaado ah in safarradaasi halista ah ay sababeen khasaare naf leh oo baaxad weyn leh. Sida laga soo xigtay hay’adda International Organization for Migration (IOM), in ka badan 28,000 qof ayaa ku dhintay ama la waayey tan iyo sannadkii 2014 iyagoo isku dayaya inay badda Mediterranean-ka ka gudbaan si ay Yurub u gaaraan. Dadkaas waxaa ku jira boqolaal Soomaali ah. IOM ayaa sidoo kale sheegtay in sannadkii 2023 oo keliya ay ku dhinteen 3,041 qof badda Mediterranean-ka — tan oo ah tiradii ugu badnayd tan iyo 2017 (IOM, 2024). Dhalinyaro badan ayaa noqda kuwo ku tiirsan dhaqaalaha ceyrta ah ee wadamada qaar u siiyaan quutul duruuriga, taasoo abuureysa nolol aan madax-bannaaneyn. Tusaale ahaan, qaar badan waxay ku nool yihiin guryo ay u kireeyeen dowladda ama hay’adaha gargaarka bixiya, iyadoo aysan helin fursado shaqo oo joogto ah aawadeed. Ugu dambeyn, si loo yareeyo tahriibka dhalinyarada Soomaaliyeed, waa in dowladu, ha noqoto mid maamul ama dowladda dhexe e, jaamacadaha, iyo ururrada bulshada ay abuuraan barnaamijyo dhiirrigeliya rajada iyo fursadaha gudaha. Sidoo kale, wacyigelin dhab ah ayaa looga baahan yahay sidii dhalinyarada loogu muujin lahaa xaqiiqada dhabta ah ee nolosha qurbaha – nolol aan ahayn sawirka qurxoon ee baraha bulshada lagu faafiyo. Dhalinyarada Soomaaliyeed waxay mudan yihiin mustaqbal ifaya, balse ma ahan in riyadaasi loo maro waddooyinka dhimashada. Qorshe wanaagsan, wacyigelin dhab ah, iyo fursado dalka gudihiisa ah ayaa ah furaha xal waara. W.Q: Inj. Cabdikariim Aadan Jaamac, Mn, USA The post Dhalinyarada Soomaaliyeed iyo Tahriibka – Saamaynta Baraha Bulshada iyo Xaqiiqada Reer Galbeedka appeared first on Puntland Post.
-
Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Xuseen Aadan Cige (Deyr), ayaa sheegay in fadeexadii diblomaasiyadeed ee ka dhacday magaalada Geneva ee la xidhiidhay in kala badh weftigii ka socday Dawladda Soomaaliya ay baxsadeen aanay ahayn keliya wejigabax, hase ahaatee ay tahay halbeeg soo bandhigay burburka Hay’adaha dawlanimo iyo musuqa baahsan ee Soomaaliya. Afhayeenku wuxuu ku eedeeyay dawladda Soomaaliya in ay muddo dheer diblomaasiyadda u adeegsanaysay tahriibin iyo inay ka faro-qabsadaan baasaboorka diblomaasiga ah ee dawladda fashilantay ee Soomaaliya.waxaannu ku dooday in maamulka Muqdisho ay metelaadooda diblomaasiga ah u beddeleen inay u adeegsadaan ganacsi iyo tahriibinta sharci darrada ah. Mr. Xusern Deyr wuxuu sidaas ku sheegay qoraal uu ku daabacay barta X(Twitter), waxaanu xusay in Jamhuuriyadda Somaliland si ka duwan Soomaaliya, ay 30kii sannadood ee la soo dhaafay ay dhisatay hay’ado ku sallaysan isla xisaabtan, daahfurnaan, sarreynta sharciga, iyo dawladnimo dimuqraadi ah. Afhayeenka madaxweynuhu wuxuu intaas ku daray in Wufuuda Somaliland ee caalamiga ah ay ku shaqeeyaan si karti, daacadnimo, iyo xil-gudasho leh, waxaannu carabaabay in aanay ahayn marin loo adeegsado khiyaamo, danaysi, iyo musuqmaasuq. Waxa kaloo uu ku dooday dhacdadan dhabar jab ku tahay beesha caalamka oo ay tahay inay kala gartaan farqiga u dhexeeya dawladda fashilantay ee Soomaaliya ee musuqaysa deeqaha loo soo qaadhaamo iyo diblomaasiyadda oo ay uga faa’iidaystaan arrimo qoys, halka Jamhuuriyadda Somaliland ay ka jirto dawladnimo taabogal ah iyo dimuqraaddiyad lagu kabay anshaxa diblomaasiyaddeed. 13 xubnood oo ka mid ahaa 23kii qof ee Soomaaliya uga qaybgalayay shirka 113aad Hay’adda Shaqada adduunka ILO oo lagu qabtay magaalada Geneva ee dalka Swiszerland ayaa baxsaday, waxana arrintaasi wejigabax diblomaasiyaddeed oo caalami ah u soo jiiday dawladda Muqdisho. Qaran News
-
Mayor Abdulkadir M. Mohamud Geddi addresses the media in Garowe following his controversial ban on political gatherings. Garowe (PP Editorial) — Abdulkadir M. Mohamud Geddi, the Mayor of Garowe, the administrative capital of Puntland State of Somalia, has today issued a ban on all political meetings in the city. His directive, which the Puntland Ministry of Interior has not contested, contravenes Articles 14 and 15 of the Puntland Constitution, which guarantee freedom of expression and freedom of assembly. These rights may only be suspended under a declared state of emergency, as outlined in Article 29. The Mayor also instructed hotels in Garowe not to host any group intending to hold a political gathering. His ban makes no exception even for officially recognised political parties established following the controversial 2023 constitutional amendments. This move lends credence to critics who argue that Puntland’s democratisation process has been superficial, serving only to entrench a one-man rule facilitated by a flawed constitution that centralises power in the hands of the President. The Mayor’s order could be seen as tantamount to suspending the Puntland Constitution, an echo of Somalia’s pre-1991 military regime, which scrapped the civilian constitution after the 1969 coup. Ironically, Puntland’s Interior Minister, Abdi Farah Said, who once took up arms against dictatorship and fled to Ethiopia in the early 1980s to fight the Somali army, now appears to support constitutional violations to suppress political dissent. Neither the Office of the Puntland Human Rights Defender nor Puntland’s civil society platform, Puntland Non-State Actors, has commented on what appears to be a deliberate misuse of the Constitution by the current administration. This contradiction undermines Puntland’s credibility when it accuses the Federal Government of tampering with Somalia’s Provisional Constitution while itself curtailing constitutional freedoms guaranteed to Somali citizens in Puntland State of Somalia. © Puntland Post, 2025 The post Garowe Political Ban Draws Parallels to Somalia’s Military Rule Era appeared first on Puntland Post.
-
Xasan Shire Abgaal oo kamid ah siyaasiyiinta saamaynta badan ku leh degaannada Puntland ayaa ku eedeeyay xukuumadda madaxweyne Deni, in ay ka baxday nidaamkii iyo dastuurkii lagu dhisay Puntland, islamarkaana sharciga gacanta ku qaadatay. “Waxaa wax laga xumaada ah in maamulka hadda jira ee Puntland uu si muuqata ugu tuntay nidaamkii dastuuriga ahaa ee lagu dhisay Puntland, isagoo ka leexday hannaankii dowladnimo ee ku dhisnaa kala dambeyn, furfurnaan, iyo ixtiraamka xorriyadaha muwaadiniinta.” “Hadalladii kasoo baxay shirkii maanta lagu qabtay Garoowe ee lagu sheegay in aysan suurtagal ahayn in shirar siyaasadeed lagu qabto gudaha caasimadda haddii aysan dowladdu raalli ka ahayn, waxay si cad u muujinayaan caburin siyaasadeed iyo ka hor imaanshaha qodobbada dastuuriga ah ee dammaanad qaaday isu imaatinka iyo xorriyadda hadalka” ayuu yiri Xasan Shire Abgaal. Mudane Abgaal ayaa sidoo kale sheegay in ay socdaan shirar siyaasadeed iyo wada-tashiyo bulsho oo looga arrinsanayo sidii xukuumadda Deni loogu soo celin lahaa xayndaabka sharciga iyo dastuurka si loo badbaadiyo dowladnimada Puntland “Waxaa socda diyaar garowyo ballaaran: shirar siyaasadeed iyo wadatashi bulsho oo lagu qaban doono guud ahaan deegaannada Puntland.” Halkaan ka akhriso qoraalka Xasan Abgaal PUNTLAND POST The post Xasan Abgaal oo xukuumadda Deni ku eedeeyay in ay ka baxday nidaamkii iyo dastuurkii Puntland appeared first on Puntland Post.