Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,511
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Degmada Baargaal ee gobolka Gardafuu Puntland waxaa lagu gabagabeeyay shirar muddo u socday beelaha Aadan Cabdiraxmaan, waxaana laga soo saaray war-murtiyeed. Hoos ka akhriso war-murtiyeedka Sidii lala wada socday, shirar muddo u socday Beelaha Aadan C/raxman soona bilowday sannadkii 2017-kii, kana kala dhacay magaalooyinka Baargaal, Taageer, Qoraxaad iyo Boosaaso, shirarkaas oo beelaha Aadan Cabdiraxmaan si wadar ah, oo aan wax khilaaf ah lahayn, isugu waafaqeenin ay yeeshaan isim mideeya, isla shirarkaas beeluhu waxay ku sifeeyeen qofka ay doonayaan iyo shuruudo qoraal ahaan loo soo gudbiyey, oo saxiix leh. Iyadoo la tixgelinayo rabitaanka iyo soojeedintii beelaha waxaa la dhisay guddi xeerbeegti iyo indheergarad ah, oo sameeya hannaan iyo xeerar haga xulista iyo ansixinta isimka cusub. Iyadoo xeerarkaas la dabakhayo, bishii Febraury 2018 shir ka dhacay magaalada Boosaaso, oo ay ku kulmeen nabadoono iyo waxgarad ayaa waxaa la calaamadiyey in Sh. Maxamed Muuse Axmed(Indhataag) noqon karo shakhsigii ay doonayeen beelaha Aadan Cabdiraxmaan. Intaas ka dib, xeerarka la dejiyey waxay dhigayeen in ergo isu dheelitiran, oo beelaha Aadan Cabdiraxmaan si madax bannaan u soo xushaan, ay hal meel ku kulmaan, loona soo bandhigo isimka la calaamadiyey, oo ay ka doodaan, wixii turxaan iyo tabasho ahna iska qanciyaan, ka dibna si wadar ah ku aqbalaan. Haddaba, si beeluhu u aqbalaan isimka cusub ayaa markii ay taariikhdu ahayd 15-kii April 2019 kulan uu guddigu ku yeeshay Bosaso wuxuu bixiyey iclaan ku saabsan in shirka aqbalaada suldaanku ku qabsoomi doono Baargaal marka taariikhdu tahay 15-ka bisha soonfur ( oo ku beegan 19-kii June 2019) Waxaa Beelaha lagu wargeliyey in ay soo diyaarsadaan mudadaas ka hor 55 guurti ah: 15 xubnood beesha liibaan cabdisamad, 15 xubnood beesha Yoonis Cabdisamad, 10 xubnood beesha Maxamuud Cabdisamad, 15 xubnood beesha Ibraahim Cabdisamad. Iyagoo shaqadaas fulinaya, ayaa 8 xubnood oo guddiga qabanqaabada ka mid ah waxay Bosaso kasoo safreen markii la gaaray waqtigii shirka loo balansanaa. Sidoo kale aqlabiyadii guurtidii lagu balansanaa ayaa soo xaadiray Baargaal waqtigii la cayimay. Shirka oo la furay 1dii July 2019, soona idlaaday 07/07/2019 ayaa waxaa uu marayey marxalado kala gedisan oo isqancin, turxaanbixin, wacyigelin iyo doodo furan ah. 6dii bisha July 2019 ayaa shirka oo ay soo xaadireen 50 xubnood oo guurti ah, waxay si wadar ah u aqbaleen in Suldaan Maxamed Muuse Axmed uu yahay suldaanka guud ee beelaha Aadan Cabdiraxmaan mideeya. Sidaa awgeed, go’aadan ayaa meelmaray: 1. In Taariikhdan laga bilaabo uu Suldaan Maxamed Muuse Indhataag yahay isimka guud ee beelaha Aadan Cabdiraxmaan, uuna beesha iyo ummadda soomaaliyeedba ka mudan yahay ixtiraam isimnimo. 2. In xafladda caanashubka Isimku ay dhacdo 1da November 2019. 3. In guddiga qabanqaabadu soo gudbiyo goobta caanashubka, isla markaasna uu iclaamiyo muddo 60 cisho ah ka dib taariikhdan. Sidoo kale, guurtidii, korjoogtadii, culimadii, nabadoonadii iyo jaaliyadihii shirka kasoo aragti dhiibtay waxay soo jeediyeen kuna baaqeen: 1. In si guud looga qayb qaato horumarinta Gobolka gardafuu iyo amnigiisa 2. In loogu baaqo dowladda, hay’adaha iyo dhammaan shacabka reer puntland in si degdeg ah wax looga qabto musiibada dabiiciga ah ee ku dhacday magaalo madaxda gobolka Gardafuu ee Caluula. 3. Shirku wuxuu ugu baaqayaa in Dowlada (Federal iyo Puntland) iyo shacabka reer puntland inay ka qayb-qaataan hirgelinta wadada halbowlaha ah ee Kalabayr-Caluula. 4. In si guud looga shaqeeyo horumarinta deegaanka lagana hortago wax kasta oo keeni kara xaaluf deegaan oo saameeya badda iyo birigaba. 5. In la dhiirigeliyo nolosha reer miyiga loona abuuro fursado lagu taageerayo. 6. In laga wada qaybqaato hirgelinta ceelka Qorraxaad iyo dhammaan dhulka biyo la’aantu ka jirto. Liiska guurtida 1. Siyaasi: C/raxmaan Caynab Muuse 2. Caaqil: Saalax Cumar Samatar 3. Caaqil: Maxamud Ismaaciil Liig 4. Caaqil: Maxamed Abshir Yuusuf 5. Caaqil: Carays Muumin Xisaab 6. Caaqil: Dacar Cadaawe 7. Maxamed Cumar Cabdalle 8. C/kaariin Maxamed Ismaaciil 9. Aqoon: Abdi Saalax Muuse 10. Maxamud Maxamed Cumar 11. Sh. Siciid Yusuf Aadan 12. Rooble Cartan Dumbuje 13. Jaamac Caduur 14. Nuux Saalax Xuseen 15. Siciid Maxamed Axmed 16. Ganacsade: Warsame Shire Cismaan 17. Caaqil: Cabdi Xaaji Yuusuf 18. Caaqil: Mire Caynab Siciid 19. Sh. Cali Saciid Cali 20. Mudane: Ayaanle Abshir Axmed 21. Ganacsade: Buruuj Buux C/raxmaan 22. Caaqil: Aadan Cali Muumin(Aadan Bacaraar) 23. Sh. Bootaan Muse Maxamed 24. Caaqil: Cawil Macalin Maxamuud 25. Ganacsade: Shire Cali Kolon 26. Maxamed X. Axmed Awcali 27. Siciid Awaare Saalax 28. Sh. Daahir Faatax Maxamud 29. Mudane: Jaamac Ciise Jaamac 30. Aqoonyahan: C/fataax Maxamed Muse 31. Xareed Maxamed Muse 32. C/raxmaan Axmed Tuurcade 33. Maxamed Siciid(Maax) 34. Cali Xaaji Cumar 35. Abdi Muse Yusuf (Abdi biid) 36. Siciid Cali Saalax 37. Axmed Maxamedu Bilaaweciid 38. Warsame Hiirad 39. Maxamed Jaamac Muuse (Sumaag) 40. Warsame Baxsi Bile 41. Cabdi Axmed Salaad 42. Faarax Saalax Yuusuf 43. C/raxmaan Maxamud Saalax 44. C/laahi Maxamud Siciid 45. Yusuf Maxamud Siciid 46. Warsame Nuur Maxamed 47. Yaxye Cumar Siciid Sharmaarke 48. Cismaan Sicii 49. Cismaan Saalax Maxamed 50. C/risaaq Maxamuud Siciid Liiska ka qaybqaatayaasha Jaaliyadaha dibadda 1. Jaaliyadda UK: Siyaasi Aadan Maxamed Cali 2. Jaaliyadda Canada: a. Proff Maxamud Maxamed Muse b. Proff: Maxamed Saalax Cabdalla (Caqli beeso) 3. Jaaliyadda Yemen: a. Sh Jamac Caynab Siciid (Jaamac Gaas) b. Maxamud Ibraahim Muse Sagaaro(Afka Ganacsatada Yemen) 4. Jaaliyadda Swezerland: Proff Maxamed Xareed Cali 5. Jaaliyadda Holand: Proff Maxamed Alore 6. Hargeysa: Siyaasi C/raxmaan Maxamed Bangax 7. Muqdisho: a. Cumar Salaad C/raxmaan b. Maxamed Maxamuud Daldal c. Maxamud Axmed Cisman d. Xuseen Salaad C/raxmaan Nabadoonada 1. Nabadoon: C/laahi Caynab Muuse 2. Nabadoon: Axmed Salaad C/raxmaan Martisharaf kor u dhaafaysa 50 qof Xubnaha guddiga qabanqaabada shirka 1. Proff: Maxamed Muumin Yuusuf 2. Sh. Maxamud Maxamed Bulxan 3. Sh. Xuseen Cumar Siciid 4. Ex. Xil: Maxamed Maxamud Saalax (Abubaraa) 5. Samafale: Cumar Cismaan Siciid 6. Gan: Ducaale Siciid Maxamuud 7. Ustaad : Xareed Saalax Yuusuf 8. Eng : Ali Said Omar The post Baargaal: War-murtiyeed laga soo saaray Shir u socday Beelaha Aadan Cabdiraxmaan appeared first on Puntland Post.
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta meel mariyey Xeerka Saxaafadda Soomaaliyeed, kadib kulan ay ku yeesheen magaalada Muqdisho. Xildhibaanada ayaa cod gacan taag ah ku ansixiyey sharcigan, kaas oo ay u soo gudbisay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya. Illaa 139 mudane oo ka tirsan golaha shacabka ayaa Haa ugu codeeyay, ma jirin cid diiday, balse waxaa ka aamusay hal xildhibaan, sida uu ku dhawaaqay guddoonka baarlamaanka. Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta xukuumadda Soomaaliya Aadan Isaaq ayaa uga mahadceliyay xildhibaanada meel marinta Xeerka Saxaafadda Soomaliyeed. Aadan Isaaq ayaa sheegay in sharcigani uu aas-aas u yahay geedi socodka dimuqraadiyadda. Xeerkan oo muddo kadib wax ka bedal lagu sameeyey ayey ugu dambeyn ansixiyeen mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya. Madaxda warbaahinta iyo wariyeyaasha madax banaan ayaa horay dood uga keenay xeerkan, taas oo keentay in markale dib loogu laabto qodobada qaar ee ku jira. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  3. Muqdisho (SMN) – Xildhibaannada golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay Muqdisho ayaa ansixiyey xeerka saxaafadda Soomaaliyeed. 139-mudane ayaa Haa ugu codeysay cid diidday ma jirto,hal Xildhibaan ayaana ka aamusay,sidaas ayuuna ku ansaxay Ku simaha ahna Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Soomaaliya Mudane Aadan Isaaq ayaa uga mahad celiyay Golaha Shacabka iyo Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Boostada iyo isgaarsiinta ee Golaha shacabka meel marinta iyo wax ka bedelka xeerka saxaafadda. Mudane Aadan Isaaq, Ku simaha ahna Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa sheegay in Xeerkaan uu aas-aas u yahay geedi socodka dimuqraadiyadda. View the full article
  4. Muqdisho (Caasimadda Online)- Ciidamada Amniga ayaa ka hortagay gaari waxyaabaha qarxa lagu soo raray oo saaka ku qarxay agagaarka Isbitaalka Digfeer, kaddib markii gaariga uu isku dayay inuu maro jid xirnaa oo carro ku go’neyd. Gaarigan oo ahaa nooca Toyota Prada ayaa darawalka waday uu isku dayay inuu ka bootiyo carro-tuurka, balse waxaa ka shakiyay Ciidamada Amniga, kuwaasoo ku amray inuu gaariga ka dego. Ciidamada ayaa dhowr rasaas ku riday, waxaana ciidamada ku amreen dadka inay ka fogaadaan, iyadoo saacad ku dhowaad kadib uu gaariga qarxay, iyadoo ninkii darawalka ahaa aanu gaariga bannaanka uga soo bixin. Wararka qaar ayaa sheegaya in dhaawacyo soo gaaray Ciidamada gaariga hareereeyay, waxaana dhaawacooda yahay mid fudud, sidoo kale dad kale ayaa iyana lagu soo waramayaa in khasaare ka soo gaaray qaraxa oo ahaa mid aad tankiisa u badnaa. Goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa ka muuqday burbur xooggan oo sababay qaraxa, waxaana muuqatay in qaraxa uu ahaa mid aad tankiisu u badnaa, isla markaana uu geysan lahaa khasaare intaas ka badnaa, haddii uu u gudbi lahaa goobaha dadka ku badan yihiin. General Zakiya ayaa barteeda Twitterka kusoo qortay dhawr qoraal oo ay ku faahfaahineysay qaraxaas la fashiliyey waxaana qoraaladeeda kamid ahaa: ” Hay’adaha Amniga oo xogta qaraxa horay ula socday ayaa manta fashiliyay qaraxa la rabay in shacabka lagu waxyeeleeyo, dhagar qabaha ayaa is ku dayay in uu gaariga xoog ku soo jiirsiiyo goob u xiran Ciidamada amaanka” “Waxaa hay’adaha amaanka u suurtagashay in ay xiraan goobtaas shacabkana ay ka fogeeyaan qaraxa ka hor. Nasiib wanaag wax dhimasho iyo dhaawac shacab ah kama aysan dhalanin qaraxa” ” Waxaan si gaar ah ugu mahad celineenaa shacabka xogta nala wadaagay anagoo awal digniin ka bixinay gaariga qarxay” La Taliyaha Amniga Madaxweynaha Cabdisaciid Muuse Cali ayaa ku ammaanay Ciidamada Amniga sida geesinimada leh ee ay uga hortageen gaariga qarxay ee Muqdisho ku soo socday, waxaana uu xusay in awoodda Ciidanka Booliska ay sii xoogeysaneyso, tallaabooyinka degdega ee ay uga hortagayaan iyo xirfadooda sare. Dhinaca kale warar soo baxaya ayaa sheegaya in gaari kale oo qarax sida uu ku jiro magaalada, waxaana Ciidamada lagala hadlay gacanka qadka isgaarsiinta, iyadoo lagu amray inay ka hortagaan gaariga oo la sheegay in noociisu yahay kan Soomaalida u taqaano Leyla-Calaawi. Ciidamada Amniga ayaa muddooyinkii u dambeeyay kordhiyay howlgalada lagu sugayay amniga Caasimadda Muqdisho, iyagoo xiray jidad badan oo magaalada ka mid ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  5. At least three people including a policeman were killed and five others injured after a vehicle loaded with explosives went off at a security checkpoint in Mogadishu on Monday. A security officer who confirmed the incident said the two al-Shabab militants and the policeman were killed during a confrontation when a vehicle-borne improvised explosive device attempted to forcibly pass through a security checkpoint but was thwarted. “The vehicle loaded with explosives exploded after security officers manning the checkpoint intercepted it in an area close to Erdogan hospital in Hodan district,” said a police officer who declined to be named. The officer said the suicide bomber blew him up after being prevented to pass through the checkpoint, damaging some of the nearby buildings. The Somali National Army backed by African Union Mission in Somalia drove al-Shabab out of Mogadishu, but the group is still capable of conducting attacks, targeting government installations, hotels, restaurants and public places. View the full article
  6. Hargeysa (Caasimada Online) ― Xukuumada Somaliland ayaa maanta markii ugu horeysay ka hadashay ajaanib ka shaqeysa dekadda Berbera oo dad careysan ay weerar ku qaaden. Muwaadiniinta reer Somaliland ee ka xamaasha dekeda Berbera ayaa todobaadkii la soo dhaafay weerar dhaawacyo culus sababay u geystay shaqaale Ajaanib ah oo ka howl-galayay isla dekedaasi. Hind Jaamac Xersi, Wasiirka Shaqo gelinta Arrimaha Bulshada Somaliland ayaa si adag u cambaareysay falkaasi dhaawacyada culus loogu geystay 5-qof oo kamid ah ajaanibka ka howl-gala dekeda Berbera. Hinda ayaa ka dhawaajisey in falkaasi ay ku kaceen dadkaasi uu ka soo horjeedo sharciga iyo dastuurka u dagsan Somaliland, isla markaana laga ogolaan doonin in dadka leyska weeraro. Waxay sidoo kale xustay in qofkasta oo wax tabanay uu soo maro sifaha uu sharcigu u jideeyay in uu ku dhiibto cabashadiisa, iyadoona markale si adag uga digtay dadka ku kacaya falalkaasi inay caadeystan. Hinda ayaa ugu dambeyntiina waxay sheegtay in xeerka Shaqaalaha rayidka Somaliland uu horyaallo Golaha wakiilada, isla markaana ay rajeynayaan in la ansixiyo Maalinta Khamiista ah ee so socota, kaasi oo wax ka qaban doonta cabashooyinka bulshada reer Somaliland kasoo gudbiyaan shaqooyinka la siiyo dadka Ajaanibka ah. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  7. Muqdisho (SMN) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal toos ah oo ciidamada ammaanka dowladda Soomaaliya iyo dagaalyahanno ka tirsa Al-Shabaab maanta ku dhex maray xaafadda Seybiyaano degmada Hodan ee gobolka Banaadir. Dagaalka oo muddo kooban socday ayaa yimid, kadib markii rag ka tirsan Al-Shabaab ay isku dayeen inay xoog ku soo dhaafaan bar koontarool oo ciidamadu ku leeyihiin halkaasi. Intaasi kadib ayaa la sheegay in iska hor imaad xoogan u dhex maray labada dhinac, kaas oo uu ka dhashay khasaare xoogan. Ugu yaraan 7 qof oo isugu jira askar iyo shacab ayaa ku dhintay dagaalkaasi, halka ay ku dhaawacmeen tiro intaasi ka badan, sida ay Shabelle u xaqiijiyeen dad goobjogaayal ah. War ka soo baxay dowladda Soomaaliya oo looga hadlay dagaalkaasi ayaa lagu sheegay in ciidamada ammaanka ay toogteen labo ka tirsanaa kooxihii weerarka soo qaaday. Al-Shabaab oo dhankooda ka hadlay waxa ay sheegeen in weerarka ay fuliyeen dagaalyahanno ka tirsan kuwooda, islamarkaana khasaare lixaad leh ayku gaarsiiyeen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Warka ka soo baxay Al-Shabaab ayaa intaasi ku daraya in ay cagtay mariyeen koontorool lagu baaro gaadiidka oo ciidamadu ay ku lahaayeen halkaasi. Sidoo kale Al-Shabaab ayaa shaaciyay in dhankooda labo xubnood ay uga dhinteen dagaalkaasi, sida ay hadalka u dhigeen. Dhinaca kale warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax loo adeegsaday gaari Baraado ah oo laga soo buuxiyey walxaha oo saaka ka dhacay agagaarka isgoyska Digfeer, gaar ahaan ka soo hor jeedka xarunta Daaqa Qaranka ee magaalada Muqdisho. Gaariga qarxay oo ay fashiliyeen ciidamada ammaanka ayaa waxaa la sheegay in ay la socdeen illaa labo ruux oo diiday inay ka soo dagaan, taas oo keentay in la lagu furo, rasaas dhalisay in gaariga uu qarxo. Inta la xaqiijiyey hal qof oo shacab ahaa ayaa ku dhintay qaraxan, iyadoo ay ku dhaawacmeen ku dhawaad 10 kale oo isugu jiro askar iyo shacab. Marxuumka geeriyooday ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Xuseen Indhe-Gaduud, kaas oo la sheegay inuu ahaa 16 sano jir. Ma jirto illa hadda cid sheegatay masuuliyadda qaraxaasi ay ka hortageen ciidamada Booliska Soomaaliya. View the full article
  8. Muqdisho (SMN): Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato: https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/Warka-Duhur-08072019.mp3 View the full article
  9. Xildhibaannada golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa ansixiyey xeerka saxaafadda Soomaaliyeed. 139-mudane ayaa Haa ugu codeysay cid diidday ma jirto,hal Xildhibaan ayaana ka aamusay,sidaas ayuuna ku ansaxay Ku simaha ahna Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Soomaaliya Aadan Isaaq ayaa uga mahad celiyay Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Boostada iyo isgaarsiinta ee Golaha shacabka meel marinta iyo wax ka bedelka xeerka saxaafadda. Mudane Aadan Isaaq, Ku simaha ahna Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa sheegay in Xeerkaan uu aas-aas u yahay geedi socodka dimuqraadiyadda. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  10. East African bloc on Sunday welcomed the launch of an exercise to integrate forces of moderate Islamic group Ahlu Sunna Waljama'a (ASWJ) into Somali security forces. Source: Hiiraan Online
  11. 01-Juun 2019-Guddoomiyaha Kooxda kubbadda cagta Horseed DR Maxamed Axmed Maxamed ayaa kulan la qaatay Ciyaartooyda,Macalamiinta iyo shaqaalaha kooxda,isagoo ugu Mahad celiyay horomarka ay kooxdiisa samaysay labadii sano lasoo dhaafay. 02-Juun 2019-Tababaraha Kooxda Horseed Cabdi Wali Maxamed Maxamuud (Cabdi Joon) ayaa sheegay in ay soo laabtay haybadii lagu yeeqeenayay kooxda Ciidanka xooga ee Horseed,isagoo qeexay in uu haysto ciyaartood da’yar ah oo kaalin wanaagsan ka qaadan kara ku guulaysiga hanashada tartamadda kubbadda cagta gudaha sanadaha soo aadan. 03-Juun 2019-Wasiirka ciyaaraha iyo dhallinyarada maamulka Galmudug Bashiir Maxamed Aw Cali ayaa isku duwaha gobolka Galgaduud ee wasaarada ciyaaraha u magacaabay Cali Mahad oo ka mid ah dhallinyarada fir fircoon ee Galmudug. 04-Juun 2019-Xoghayaha naadiga Muqdisho City Club Maxamed Cumar Xaashi iyo guddoomiyaha taageerayaasha kooxda Axmed Salaad Dhiblaawe ayaa kulan la qaatay taageerayaasha kala duwan ee kooxda dowladda hoose ee Muqdisho City waxaana kulankaas lagu gorfeeyay mideenta isku xirka maamulka,Ciyaartooyda iyo taageerayaasha Muqdisho City Club. 05-Juun 2019-Madaxda xiriirka kubbadda cagta ee kala Cabdiqani Saciid Carab,Cali Cabdi Maxamed iyo DR.Yuusuf Muxidiin Axmed ayaa waddanka Faransiiska ugu qeybgalay shirka istaraajiyada iyo horomarinta kubbadda cagta iyo dib u doorashada guddoomiyaha xiriirka kubbadda cagta calaamka Ginao Infantino oo markale loo doortay hogaaminta xiriirka kubbadda cagta ee FIFA. 06-Juun-2019-Maamulka kooxda dowladda hoose ee Muqdisho City Club ayaa soo dhaweeyay ka qeybgalka tartanka kooxaha Afrika ee Caf Confedaration,waxayna sheegeen in ay guulo lagu farxo usoo hooydoono dalka markii ay ka qeybgalaan. 07-Juun 2019-Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta Cali Cabdi Maxamed Cabdi (Cali Shiine) ayaa wadanka Faransiiska kula kulmay macallin Fabio Capello,Michael Essien iyo Ricardo Santos Leite Kaka waxayna ka wada hadleyn arimo badan oo ku aadan kobac iyo horomarka kubbadda cagta . 08-Juun 2019-Shir sanadeedka maamulka ciyaaraha gobolka Banaadir ayaa lagu qabtay caasimada Muqdisho waxaana ka qeyb galay madaxda gobolka Banaadir,wasaarada ciyaaraha iyo dhallinyaradda dowladda iyo guddoomiyaasha isboortiga degmooyinka Gobolka waxaan lagu soo bandhigay wixii qabsoomay 2018 iyo waxyaalaha la doonayo in la qabto sanada 2019. 09-Juun 2019-Guddoomiyaha kooxda kubbadda cagta Horseed DR.Maxamed Axmed Maxamed ayaa amaanay da’daalka ay muujiyeen ciyaartoyda kooxdiisa labadii sano lasoo dhaafay,isagoo sheegay in ay maamul ahaan ay raali ka yihiin wax qabadka xidigahooda 10-Juun 2016-Wasiirka wasaaarada Ciyaaraha iyo dhalinyarada dowladda Khadiijo Maxamed Diiriye iyo qaar ka mid ah shaqaalaha wasaarada ayaa Magaalada Muqdisho kusoo dhaweeyay Oradyahan Cabdullahi Jaamac Maxamad oo ku guuleystay Bilad Dahab ah. 11-Juun 2019-Ciyaaryahan Anas Aadan Maxamed oo ka mid ah oo da’yarta Soomaaliyeed ee ciyaara kubbadda cagta kuna sugan dalka Austria ayaa ku guulaystay koobka klasse zillertal wuxuuna laacibkan ku haminayaa in guul waaweyn ka gaaro xirfadda kubbadda cagta. 12-Juun 2019-Madaxweynaha dalka Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Madaxtooyada munaasabad dhiirrigelin iyo maamuus ah ugu sameeyey Orodyahanadii wadanka u soo hooyay guulaha kuwaas oo tataramo kala duwan kaga qeyb galay yurub iyo Afrika. Munaasabaddan ayaa waxaa lagu abaalmariyay oradyahanada kala ah Cabdullaahi Jaamac Maxamed, Cabdisalaam Maxamed Axmed iyo Cabdi Daa’uud Rooble oo kaalmaha hore ka galay tartarmo kala gedisan oo ka dhacay wadamada Jubuuti iyo Rwanda. 13-Juun 2019-Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda ciyaaraha iyo dhalinyarada Koonfur Galbeed Awow Shiikh Suufi ayaa magaalada Baydhabo ka furay tartanka ururuka kubbadda cagta Koonfur Galbeed ee (South West State Super League) waxaana tartankan ka qeybgalay ilaa 8-koox oo u diiwaangashan xiririka kubbadda cagta Koonfur Galbeed waxaana qabsoomada iyo abaabulka howshan door wacan ka ciyaaray waxaada horomarinta maamul goboleedyada ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta. 13-Juun 2019-Guddoomiye ku xigeenka arrimaha Bulshada Maamulka Gobolka Banaadir Basmo Caamir Shakeeti iyo iyo guddoomiyaha Isboortiga gobolka Banaadir Xasan Yabarow Wiish ayaa soo xeray tartanka u socday caruurta agoonta Ciidanka booliska iyo Asluubta Soomaaliyeed,maamulka Gobolka ayaa caruurta ciidanka booliska iyo kuwa Asluubta ee tartanka ka qayb galay ku abaalmariyay abaalmarino laacaged. 14-Juun 2019-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cabdirahman Cumar Cusmaan ( Injineer Yariisoow) ayaa soo xeray tartanka kubbadda Cagta oo ka socday degmada Kaaraan waxaana koobkan ka guulaytsay kooxda kubbadda Cagta Jabuuti oo ka dhisan degmada Kaaraan. 15-Juun 2019-Daadir Amiin Cali Raage ayaa kooxdiisa Elman u dhaliyay goolkiisii u horeeyay tan iyo markii uu kusoo biiray 17-November 2018 wuxuuna gool laad ama (Free Kick) ,isagoo ka dhaliyay kooxda Dekedda,xili Elman ay 2-0 kaga badisay Dekedda. 16-Juun 2019­-Maamulka kooxda dowladda hoose ee Muqdisho City Club oo ka shaanaya waxyaaalaha kala duwan ee naadiga ayaa sanadkii labaad hindisay mashruuca dhisida da’yarta kubbadda cagta kuwaas oo loo diyaarinayo ka mid noqashada horomarka kooxda iyo sidoo kale in ay ka faa’deestaan naadiyada ka dhisan dalka iyo xulka qaranka. 17-Juun 2019-Wasiirka ciyaaraha iyo dhalinyarada Puntland,agaasimaha wasaarada iyo guddoomiyaha xiriirka kubbadda cagta Puntland Maxamed Cali Ciise (Ciiro) ayaa Degmada Boocame ee Gobolka Sool kusoo xeray koobka u socday kooxaha horyaalka heerka 1aad ee demada Boocame ee gobolka Sool 18-Juun 2019-Guddoomiyaha kooxda kubbadda cagta Elman Cabdirisaaq Faarax (Garooje) ayaa bogaadiyay isku xir wanaagsan ay ciyaartooyda kooxdiisa muujiyeen dib ay usoo celiyeen hanaanka kooxda ka dib markii ay ku dhamaystay kaalinta 3-aad ee horyaalka Somalia Preimie League 2018-2019. 19-Juun 2019-Kooxda Heegan ayaa la shaaciyay in ay ka qeyb galayso koobka bariga iyo bartamaha Afrika waan markii 2aad ay ka qeybgalayso mudo dhan afar sano gudahooda,maadaama kooxdan sanadkii 2015 ay ku guulaystay horyaalka Soomaalia Premier League. 20-Juun 2019-Kooxaha kubadda cagta Horseed iyo Dekedda oo ku loolamayay hanashada horyaalka Somalia Premier Legue 2018-2019 ayaa kulankoodii 2aad ee xili ciyaareedka ku kala baxay barbaro 1-1,balse kulankaa waxaa loo diiwaan geliyay kulankii ugu taageeraha badnaa horyaalka Somalia Premier League fasal ciyaareedka 2018-2019. 21-Juun 2019-Gudoomiye ku Xigenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir Ibraahim Cumar Mahadale iyo guddoomiyaha isboortiga gobolka Banaadir Xasan Yabarow Wiish ayaa ka furay tartan kubada Cagta oo loo qabanayo 6da waxood oo ka tirsan waxyaha Degmada yaaqshiid ee Gobolka Banaadir. 20-Juun 2019-Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Eng.Cabdi Raxmaan Cumar Cusmaan( oo ay wehliyaan madaxda Gobolka Banadir ayaa degmada Boondheere kusoo xeray tartan u socday dhallinyarada degmada,guddoomiye Yariisow ayaa bogaadiyay is-dhaxgalka bulshada ay wadaan madaxda ciyaaraha degmooyinka. 22-Juun 2019-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Eng.Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow iyo wasiirka ciyaaraha dowladda Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa dhagax-dhigay dhismaha Wadada u dhaxeysa Isgoysyada Cali Kamiin & Ifka Xalane ee Magaalada Muqdisho.Wadadaas oo kala kala tirsan Wadooyinka Warshadaha iyo Soddonka ayaa hormarta Garoonka Kubadda Cagta ee Stadium Muqdisho 23-Juun 2019-Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda Koleyga Cabdullaahi Nuur Maxamed Cadaani iyo Xiriirayaha Xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda Koleyga iyo Hey’adaha Caalamiga Injineer Baana Cabdalla Cali ayaa ka qeyb galay Shiweynihi 17-aad ee Xiriirka kubadda Koleyga qaaradda Afrika kaasoo lagu dooranaya hogaanka cusub ee kubadda Koleyga Qaaradda Afrika ee afarta sano ee soo socota iyo hogaamiyaasha heer Zone ee qaaradda kaasoo ka dhacay dalka Mali. 24-Juun 2019-Caadil Nuur Cali ayaa guul ugu horeeyay horyaalka Somalia Premier League u dhaliyay kooxdiisa Dekedda,isagoo kaga soo biiray naadiga dowladda hoose ee Muqdisho City Club. 25-Juun 2019-Gudoomiyaha isportiga Gobolka Benadir Xasan Aadan Xaaj Yabarow ayaa kormeeray garoonka qoob dooro ee Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir Kormeerkaan oo ahaa mid uu ugu kuur galaaya habsami u socodka iyo dayactirka ka socda garoonka kormeerkaan oo qeyb ka ah hormarka sportiga iyo dib u soo noleynta Garoomadi burburay. 26-Juun 2019-Kooxda Kubbadda Cagta L.L.P Jeenyo ayaa u laabtay horyaalka heerka 2aad ee (Division 1),ka dib markii ay ku dhameestay kaalinta 10-aad ee kala horeynta horyaalka Somalia Premier League 2018-2019. 27-Juun 2019-Cayaarahanka Liverpool, ee kasoo jeeda dalkeena Cabdi Shariif, ayaa kooxda England u saxiixay qanadaraaskii ugu horeeyay,ee heerka kooxda waaweyn,ka dib markii uu Liverpool tababar la bilaaway,isagoo jira 6-sano iminkana waxaa loo arkaa mid wax badan kusoo kordhin kara kooxda Reds. 28-Juun 2019-Feysal Axmed Xasan oo ka tirsan kooxda dowladda ee Muqdisho City Club ayaa dhaliyay goolkii ugu horeeyay horyaalka Somalia Premier League,xidigan ayaa ka ka mid ahaa dhallinyaradii dalka usoo gaaray ciyaaraha saaxiibtinimo iyo is-dhaxgalka bulshada. 29-Juun 2019-Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee xirirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiine) ayaa guul u rajeeyay kooxaha kala ah Heegan,Dekedda,Muqdisho City Club iyo Horseed oo sanadkan ka qeyb galay tartamada kala duwan ee qaarada Afrika,Dekedda ayaa ka qeybgalaysa Caf Champains League,Muqdisho City Club ayaa iyadana ka qeyb galaysa Caf Confederation,Heegan ayaa qeyb ka ah tartanka Cecafa,halka xidigaha,Horseed ay iyagana ka qeybgalayaan tartanka Jamaacatul Carabta waana mudo dheer ka dib afar koox ay safaro u aadan dibadda. 30-Juun 2019-Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre ayaa booqday garoonka kubbadda Cagta Dhuusamareeb,Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa la jimicsaday dhallinyarada garoonka ku qaadanaysay tababar wuxuuna dhallinyarada ciyaaraha ee dhuusamareeb u sheegay in ay dowladda dib u dayactir ku samaynsano garoomada kubbadda cagta dhuusamareeb,si ay dhallinyarada ay xirfadooda ugu soo bandhigaan goobo casri ah. Halkan Ka Daawo Warbixinta Dhacdooyinka Bisha Juun 2019 Oo Muuqaal Ah W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Email-qalinle39@gmail.com Source: goobjoog.com
  12. Getting access to a small bank loan enabled widowed mother Fowzia Jama’a Haybe to turn her life around when it seemed there was no hope. Source: Hiiraan Online
  13. Muqdisho (Caasimadda Online) – Ururka Al-Shabaab ayaa ka hadlay weerar ay kooxo ka tirsan Maanta ku qaadeen Koontaroolka Seybiyaano ee Magaalada Muqdisho oo ay ku sugan yihiin ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya. Al-Shabaab ayaa sheegay in ciidamo ka tirsan ay weerarkaas fuliyeen isla markaasna ay u suurtagashay inay gacanta ku dhigaan Koontaroolka sida ay hadalka u dhigeen. Sarkaal ka tirsan Xarakada Al-Shabaab ayaa Idaacadda Andalus u sheegay in ciidankooda ay weerareen koontaroolka islamarkaana ay laayeen ciidankii halkaas ku sugnaa. Sidoo kale wuxuu sheegay inay ciidankooda iska caabiyeen ciidamo gurmad ah oo soo gaaray goobta kuwaas oo uu sheegay inay khasaare culus gaarsiiyeen. “Koontaroolka cagta ayaan marinay ciidamadii joogayna waan leynay, ka dibna ciidankeena dib ayey kaga soo gurteen goobta marka laga reebo laba walaal oo halkaas nooga shahiiday” ayuu yiri sarkaalka u hadlay Al Shabaab. Mas’uuliyiinta hay’adaha Amniga ayaa waxa ay sheegeen in Ciidamada Ammaanka ay toogteen laba ka mid ah raggii rasaasta ku furay barta koontorool oo ay Ciidamada Dowaladda ku leeyihiin Seybiyaan,kuwaas oo doonayay inay si awood ah wadada ku maraan. Ilaha madaxa banaan ayaa sheegayo inay Kooxda Shabaab oo saarnaa gaari yar ay rasaas ku fureen ciidamadii ku sugnaa Koontaroolka isla markaasna ay toogteen qaar ka tirsan ciidamadii halkaas ku sugnaa. Sidoo kale wararka ayaa sheegayo inay Ciidamada Dowladda toogteen Seddex ka tirsan dableydii weerarka soo qaaday, waxaana meesha sidoo kale ku dhintay dad shacab ah oo gaarayo illaa 4 qof halka uu dhaawaca intaas ka badan yahay. Is rasaaseyntaan ayaa kusoo aadeyso saacado kadib markii ay Ciidamada Dowladda fashiliyeen gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyey oo isku dayey inuu xoog ku maro jid ay Ciidamada Dowladda ku xireen Carro iyo dhagxaan. Al-Shabaab weli ma aysan ka hadlin qaraxii lagu fashiliyey Muqdisho, waxaana caado u ah inaysan ka hadlin howlgalada ay ku fashilmaan. Xaaladda Magaalada Muqdisho oo maalmihii dambe aheyd meel dagan ayaa Maanta u muuqato mid khasan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  14. Cadaado (Caasimadda Online) – Wararka hadda naga soo gaarayo Magaalada Cadaado ayaa sheegayo inay Odayaasha Magaaladaas ay diideen inay la kulmaan Ra’isulwasaare Kheyre. Ra’isulwasaaraha oo xildhibaano kasoo jeedo Cadaado u diray inay isugu keenaan Odayaasha ayaa waxaa ugu dambeyn la diiday inay kulmaan. Odayaasha Cadaado ayaa Xildhibaanadii u imaaday u sheegay inaysan marnaba la kulmi doonin Ra’isulwasaare Kheyre iyagoo sheegay inuu ka baxay ballan ay horey u galeen. Xildhibaanada kasoo jeedo Cadaado oo isku dayey inay odayaasha ku qanciyaan la kulanka Kheyre ayaa lasoo sheegayaa inuu fashilmay kadib markii ay Odayaasha ku adkeysteen inaysan marnaba hor fadhiisan doonin Ra’isulwasaaraha. Odayaasha ayaa Xildhibaanada deegaankaas kasoo jeedo u sheegay inaysan iyaga laheyn go’aanka Cadaado sidaas darteedna ay go’aan ku gaareen inaysan wadahadal la furin Ra’isulwasaaraha oo ay ku eedeeyeen inuu ballan hore ku furay. Ra’isulwasaaraha iyo wafdigiisa oo waji gabax kala kulmay Cadaado ayaa lasoo sheegayaa inay u baxeen dhanka Gaalkacyo iyagoo hadda sii marayo Gelinsoor. Ra’isulwasaaraha ayaa kusii jeedo Gaalkacyo waxayna wararka halkaas ka imaanayo sheegayaan in Odaayasha Gaalkacyo ay Ra’isulwasaaraha u diyaarsadeen shuruudo adag. Wixii kusoo kordho kala soco Caasimadda Online Caasimada Online Xafiiska Cadaado Caasimada@live.com
  15. A woman was among four people executed by Al-Shabaab militants on claims that some of them have been spying on behalf of Kenya Defense Forces in Somalia. Details of the identity of the woman remain scanty before reports indicate that she was linked to spying network, precipitating execution in cold blood. Two others were executed with the woman on Sunday after trial by the Al-Shabaab court, which found them guilty of going against the rules. Also stoned to death was and found guilty of raping a 16-year-old girl in the town of Jamame, South West of Gedo region of Somalia. Spying on behalf of ‘enemies’ is a major crime in Al-Shabaab controlled regions and those linked to it are often executed by firing squad. The execution of the unidentified woman comes at a time KDF is planning to fully withdraw from Somalia to Kenyan borders with 2021 put as the final year. View the full article
  16. Xubno ka tirsan ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, abwaaniin iyo qareennada difaaca weriye Cabdimaalik Muuse Coldoon ayaa si adag u cambaareeyay xukunka ay maxkamadda magaalada Hargeysa saaka ku ridday weriye Coldoon. Maxkamadda magaalada Hargeysa, ayaa suxufigaasi ku saaka ku xukuntay, saddex sano iyo lix bilood oo xabsiya, kadib markii sida ay maxkamaddu sheegtay lagu helay in uu aflagaaddeeyay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo in uu sumcad-dil u geystay iskuulka Abaarso oo ku yaalla Somaliland. Haddaba, xubnaha ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, abwaanno iyo Qareennada difaacaya suxufi Coldoon ayaa caddaalad-darro ku tilmaamay xukunkaasi, waxaana ay sheegeen in aysan jirin aflagaaddo iyo sumcad-dil uu gaystay, balse lagu haysto ra’yigiisa shakhsiga ah iyo dhaliilo uu u jeediyay xukuumadda Muuse Biixi. Sidoo kale, waxay sheegeen in ra’yiga iyo dhaliisha uu suxufiga jeediyay, ay yihiin kuwa waafaqsan dammaanad-qaadka xorriyadda aas’aasiga ah ee uu muwaaddiinta Somaliland u ogolyahay Dastuurka, islamarkaana ciqaab lagu mutaysan karin. Waxaa kale oo ay maamulka Muuse Biixi ku eedeeyeen. in uu garsoorayaasha maxkamadda ku khasbay, xukun ay madaxtooyadu soo go’aamisay, taasi oo ay ku tilmaameen fara-gelin lagu sameeyay hannaanka Garsoorka Somaliland. Halkaan ka daawo shirkooda jaraa’id PUNTLAND POST The post Xukunkii lagu riday weriye Coldoon oo la sheegay in ay soo qortay madaxtooyada Somaliland appeared first on Puntland Post.
  17. Wafdiga gudoomiyaha Golaha shacabka BJF soomaaliya Amb Mohamed mursal sheekh cabdiraxmaan ayaa waxaa Ku wehlinaya xilibaano , wasiiro katirsan xukuumadda , iyo saraakiil katitsan Dawladda , waxaana garoonka Ku soo dhaweeyay madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur galbeed iyo mas’uuliyiin kale oo koonfur galbeed ka tirsan , Gudoomiyaha ayaa markii uu ka dagay garoonka diyaradaha degmada xudur waxaa uu dadkii soo dhaweeyaya uu uga mahad celiyay sida gacaltooyada ah ee ay uga qeyb qaateen soo dhaweynta balaaran ee ay usameeyeen shacabka degmada xudur Gudoomiyaha ayaa isla maanta waxaa uu dhagax dhigay dhismooyin cusub oo degmada ah halka kuwa kalena uu xarigga ka jaray , waxaana kamid xarumaha uu dhagax dhigay 1-Xaruunta Hay’adda Socdaalka Iyo Jinsiyada Iyo 2-Airporka Degmada Xudur Sidoo kale waxaa goobaha xarigga uu kajaray gudoomiyaha Golaha shacabka ay ahaayeen 1-Iskuulka Hoose Iyo Dhexe ee Xudur iyo 2-Xaruunta Degmada Xudur Gudoomiyaha iyo wafdigiisa ayaa inta ay Ku suganyihiin xarunta maamulka bakool ee xudur waxaa uu kulamo gaar gaar ah la yeelan doonaa mas’uuliyiinta iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Ku dhaqan degmada xudur waxaana safarkaan uu noqonayaa kii ugu horeeyay ee gudoomiyahu Ku tago Xudur tan iyo markii uu Ku Guuleysatay doorashadii Xilka gudoomiyaha Golaha shacabka ee BJF soomaaliya PUNTLAND POST The post Guddoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya oo gaaray degmada Xudur ee gobolka Bakool appeared first on Puntland Post.
  18. Naadiga ciidanka booliska Soomaaliyeed ee Heegan ayaa kulankii 2aad ciyaaraysa tartanka kooxaha bariga iyo bartamaha Afrika 2019,iyadoo kulan adag la leh xidigaha Proline oo ka dhisan wadanka Uganda. Kooxda Heegan oo kulankii 1-aad ciyaartay tartanka Cecafa Kigame Club 06-July 2019 waxa ay guul daro 2-0 kasoo gaartay xidigaha Green Eagles ee ka dhisan dalka Zambia. Dhinaca kale kooxda Proline FC oo iyadana ka dhisan wadanka Uganda kulankii 1-aad ciyaarahan waxaa 1-0 kaga badiyay wilasha Apr FC oo ka mid ah naadiyada dalka Ruwanda oo tartankan marti geliya. “Tababar xoogan ayaan qaadanay kulan ka hor waxaan xooga saaraynaa in aan ka farxino taageerayasheena iyo in aan guul u soo hooyno dalkeena Soomaaliya” waxaa sidaas Goobjoog Sports ugu waramay kabtanka kooxda kubbadda cagta Heegan Cumar Xaaji Baanow Gaxtaani. Ogeysiiska Kulanka Tartanka-Cecafa Kigame Club Cp Kooxaha-Heegan VS Proline Tariikhda-08-07-2019 Maalinta-Isniin Saacada:-1:00 pm Garoonka-Kigali Stadium Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
  19. Wasiirka Maaliyadda xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa shir guddoomiyay kulanka Todobaadlaha ah ee kooxda la socodka deyn cafinta Soomaaliya SMP. Mudane Beyle iyo Guddiga ayaa waxay kulankooda kaga wada hadleen halka ay wax marayaan. Sidoo kale waxay guddiga iyo wasiirku ka doodeen fulinta iyo dhameystirka shuruudaha ka dhiman cafinta deymaha lagu leeyay Soomaaliya. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dedaallo xooggan ugu jirta sidii deymaha lagu leeyay loogu cafin lahaa, iyadoo kasoo baxday shuruudo badan oo ku hor gudbanaa deyn cafinta. PUNTLAND POST The post Wasiir Beyle oo la kulmay Guddiga deyn cafinta Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  20. Hoggaanka dhaqanka degmada Cadaado ee Gobolka Galgaduud ayaa sida la sheegayo gebi aanba diiday in ay la kulmaan Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xassan Cali Khayre Xasan oo saaka tegay degmadaasi Cadaado. Waxgaradka iyo odoyaasha ayaa diiday la kulanka ra’iisul wasaare Khayre waxaana ay ku eedeeyeen in uu uga baxay balan hore iyagoo caddeeyay aysan la kulmi doonin ilaa uu fuliyo balantii uu la galay. Balse Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka sii gudbay degmada Cadaado kadib markii uu la kulmay siyaasiyiinta ku sugan degmadaasi oo uu ka codsaday in ay taageeran qorshaha dib u-heshiisiinta Galmudug oo sida uu sheegay ay waddo dowladda Federaalka Soomaaliya. Ra’iisul wasaaraha iyo wefdigiisa oo ka soo amba-baxay degmada cadaado ayaa waxay ku sii jeedaan Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta gobolka Mudug halkaas oo ay haatan ka socoto soo dhoweyntooda. PUNTLAND POST The post Hoggaanka dhaqanka Cadaado oo diiday in ay la kulman Khayre appeared first on Puntland Post.
  21. Puntland President Said Abdullahi Deni sacked the director general of the ministry of finance Abdirizak Mohamed Hassan, who has been in office for several years. Faisal Abdullahi Warsame was appointed as the new director general of the ministry of finance, according to a presidential decree issued early on Monday. The fired official who served as a general director of the ministry of finance since the formation of Puntland in 1998, has now been appointed the director of the livestock center. The president also dismissed central bank chief, auditor and accountant general of the government. In the presidential decree, the reason behind the sacking was not mentioned, but the president has been making steps seems to be reformed since he took office in January 2019. View the full article
  22. Muqdisho (Caasimadda Online) – Kooxo hubeysan hubeysan oo watay gaari yar ayaa rasaas la dhacay Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya oo ku sugnaa Koontaroolka Gawaarida lagu baaro ee Seybiyaano Magaalada Muqdisho. Dableydaan oo loo maleenayo inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab ayaa weerar toosh ah oo qorsheysnaa kusoo qaaday Koontaroolka Seybiyaano oo ay ku sugan yihiin ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya. Rasaasta oo socotay dhawr daqiiqo isla markaasna la is dhaafsaday rasaas aad u culus ayaa waxaa la sheegayaa inay ka dhalatay khasaaro xooggan. Sida wararka hordhaca ah sheegayaan waxaa halkaas ku dhintay ku dhawaad 8 qof oo isugu jiray Ciidamadii Dowladda ee halkaas ku sugnaa iyo dad shacab ah oo halkaas joogay. Waxaa la sheegay in la dilay 3 ka tirsan Ciidamadii weerarka soo qaaday Gurmad badan oo Ciidamada Dowladda ah ayaa gaaray halkaas, waxaana hadda khasan goobta ay is rasaaseynta ka dhacday oo ah meel aan loo ogoleyn inay gawaarida maraan. Is rasaaseyntaan ayaa kusoo aadeyso saacado kadib markii ay Ciidamada Dowladda fashiliyeen gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyey oo isku dayey inuu xoog ku maro jid ay Ciidamada Dowladda ku xireen Carro iyo dhagxaan. Xaaladda Magaalada Muqdisho oo maalmihii dambe aheyd meel dagan ayaa Maanta u muuqato mid khasan. Wixii kusoo kordha kala soco Caasmadda Online. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  23. Madaxweyne Deni ayaa Wasiiru Dowlaha Madaxtooyadda Arrimaha Dastuurka u bedelay Wasaaradda Cadaaladda, Arrimaha Diinta iyo Dastuurka. Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne, Lr 40, ee 8da Luulyo, 2019, ku bedelay Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada ee Arrimaha Dastuurka. Madaxweynaha Dowladda Puntland Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland. Markuu arkay: Xeer Madaxweyne Lr 01, ee 10ka February 2019, kuna Saabsanaa Magacaabidda Golaha Xukuumadda Cusub. Markuu tixgeliyey: Dib u habaynta lagu sameeyey Wasaaradaha iyo Hay’adaha kala duwan ee Dowladda. Wuxuu xeeriyey: 1. Waxaa Saalax Xabiib Jaamac oo ahaa Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Arrimaha Dastuurka loo bedelay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Cadaaladda, Arrimaha Diinta iyo Dastuurka. 2. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo. Wuuna saxiixay Madaxweynuhu PUNTLAND POST The post Diktreeto: Wasiiru-dowlihii Dastuurka Puntland oo loo beddelay wasaaradda Caddaaladda appeared first on Puntland Post.
  24. Somali police foiled a car laden with explosive in Mogadishu on Monday morning. The vehicle loaded with explosives explodes after it was intercepted by police in an area close to Erdogan hospital in Hodan district. The witnesses said the car exploded as security agencies were cordoning off the area. No casualties were reported according to Somali Intelligence agency. The number of car bomb attacks in the capital has reduced dramatically since the holy month of Ramadan in which the security of the city was intensified through the introduction of extra police and checkpoints. Scroll down for the latest pictures: View the full article