-
Content Count
213,511 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Madaxweynaha JSL Mudane Muuse Biixi Cabdi, markii uu Axadii ka soo laabtay safarkii uu ugu maqnaa dalka Guinea, waxa hadalkii uu saxaafadda siinayay ku daray eedo uu u jeediyay dawladda Talyaaniga oo nuxurkoodu ahaa in Talyaanigu hormuud ka ahaa culaysyada la doonayay in la saaro dalka Guinea iyo Madaxweynahooda si ay u baajiyaan soo dhawayntii uu dalka Guinea u sameeyay Madaxweynaha iyo weftigiisa. Madaxweyne Biixi wuxuu Talyaaniga ku eedeeyay inuu u shaqaynayay dawladda Soomaaliya ee cadaadiskaas waday, wuxuuse Madaxweyne Biixi sheegay inuu Madaxweynaha Guinea gaashaanka u daruuray culayskaas Talyaaniga. Madaxweyne; maaha markii koowaad, mana noqonayso markii u dambaysay ee uu Talyaanigu ka shaqeeyo dibin-daabyada Somaliland, laakiin intaasba waxa ay Somaliland kaga soo gudbaysay dedaalo diblomaasiyadeed oo ay kaga hortagaysay talaabooyinka Talyaaniga. Madaxweynuhu wuu ku amaananyahay inuu shacabkiisa u waramo ama uu la wadaago xogo muhiim ah si ay u feejignaadaan. Laakiin haddana in diblomaasiyadda la ilaaliyaa iyaduna waa muhiim. Eedda uu Madaxweyne Biixi Talyaaniga u jeediyay oo ahayd mid uu warbaahinta toos ugu mariyay marka koowaad waxay Somaliland u abuuri kartaa cadaawad siyaasadeed oo hor leh, marka labaadna waxay dawladda Soomaaliya u samaynaysaa hiil iyo inay hesho cid garab istaagta oo ku taageerta dagaalka ay Somaliland kula jirto. Hadalkaas waxay dawladda iyo madaxta Talyaanigu u qaadan karaan maag oo waxay sii xoojin kartaa dedaalada uu kaga soo horjeedo Talyaanigu danaha Somaliland. Madaxweyne; Somaliland maanta taag uma hayso, mana laha awood ay iskaga difaacdo dagaalo siyaasadeed oo kaga yimaada dunida, gaar ahaan dalalka reer Yurub. Talyaanigu wuxuu ka yahay xubin fir-fircoon oo saamayn leh Midawga Yurub oo ka mid ah quwadaha waawayn ee dunida ka jira. Matalan madaxda sare ee Midawga Yurub oo ay badiyaa qaybsadaan quwadaha Yurub wuxuu sanadkan muwaadin Talyaani ahi ku guulaystay inuu noqdo Gudoomiyaha Baarlamaanka Midawga Yurub. Adigoo og cadowgaaga ayaa haddana laga dheeraadaa inaad wadanka cadowgaaga ah hadalo kul-kulul warbaahinta u mariso, si aanay xaaladu faraha uga sii bixin, waxaana taas bedelkeed loo maraa jidadka diblomaasiyadeed ee ay dawladuhu ku xidhiidhaan. Diblomaasiyadda, nooca loo yaqaan Soft power diplomacy, ayaa maanta dunida noqotay qaaciido faa’iidoyin badan keentay, nuxurkeeduna wuxuu yahay inaad awood u yeelato inaad soo jiidato cid kasta oo kaa soo horjeeda adigoo samaynaya galaan-gal diblomaasiyadeed, halkii aad dagaal toos ah kaga hortagi lahayd. Waa aalad dabacsan oo ay dawladuhu isticmaalaan si ay danahooda ugu guulaystaan. Maadaama oo aanay Somaliland haysan ictiraaf islamarkaana aanay lahayn quwad ciidan oo ay aduunka ugu cago juglayn karto, hubka u fiican ee ay Somaliland haystaa waa diblomaasiyad, galaangal iyo dadaalo xirfadaysan oo si il-baxnimo sare leh, lana jaan qaadsan borotokoolka iyo shuruucda caalamiga ah ee diblomaasiyadeed loo qaado. Waa inay Somaliland ka dheeraataa inay ku dhacdo dabinka ay dawladda Soomaaliya la doonayso oo ah in dagaalo wejiyo badan lagu soo qaado, waana inay Somaliland ka taxadirtaa inay samaysato cadow ama cadowgeeda sii xoojiso sida ay Soomaaliya cadow uga dhigatay dalka Guinea oo aanu xidhiidh diblomaasiyadeed, mid ganacsi iyo mid isu socod toona ka dhaxayn. Somaliland waxa looga baahanyahay inay saaxiibadeedii hore sii xoojiso, kuwo cusuba samaysato gaar ahaan xidhiidh la bilowdo dalalka ay u aragto inay Soomaaliya isku xidhanyihiin si ay markaas Soomaaliya xidhiidhka ugu jarto dalalkaas una sii gasho go’doon diblomaasiyadeed oo ah midka ay Somaliland la doonayso. Madaxweyne; adigoo aqoonsan cadowgaaga oo ka war haya talaabooyinkiisa haddana waxa lagula dhaqmaa diblomaasiyad, dagaalka warbaahintuna ma soo kordhiyo faa’iido, waxa keliya oo uu sababaa in siyaabo kala duwan cadowgaagu u turjumaan hadaladaada. Cidda ay Somaliland is hayaan waa dawladda Soomaaliya, cid kasta oo garab siisa waa inay Somaliland si hoose ula xidhiidhaa ugana shaqaysaa inay kasbato si ay ugu yaraan u yarayso halista kaga iman karta. Ugu danbayntii, waxa u baahan fiiro gaar ah iyo feejignaan hadalada warbaahinta laga sheegayo, gaar ahaan kuwa xidhiidhka tooska ah la leh ama la yeelan kara dalal shisheeye. Diblomaasiyaddu iyo xidhiidhka debedeed mar ayay yihiin sida quraarada oo ay ilaalo u baahanyihiin, mar bay sabaalo iyo farsamo yihiin. Iyada oo madaxwaynuhu ku amaanan yahay inuu shacabkiisa u waramo, taladu waxay tahay gebi-dhaclaynta dunida iyo is-bedelka xawliga ah ee socdaa wuxuu u baahan yahay feejignaan wayn. Source
-
(SLT-Muqdisho)-Kooxda Al-shabaab ee ka dagaalama Koonfurta Dalka Soomaaliya ayaa Qudha ka jaray 18 Qof illaa Maalintii Arbacadii ee Toddobaadkii hore, xilli ay culays ku hayaan duqaymaha Diyaaradaha Maraykanku. Tallaabadan ayaa noqonaysa tii ugu horraysay ee nooceeda ah ee Al-shabaab qaaddo muddo intaa leeg, iyadoo aan hore loo ogayn Tirada Dadka ay Fagaareyaasha ku dilaan. Mitidiinta Al-shabaab ayaa Fagaare ku yaalla Degmada Jamaame ee Koonfurta Soomaaliya ku dilay Afar Qof Axaddii, ka dib Xukun deg-degga ah oo ay soo saartay Maxkamadda Al-sabaab, kaasi oo ahaa inay qabaan dambiga loo haysto. Fagaare ayaa lagu toogtay laba Nin oo lagu eedeeyay inay ka mid yihiin Ciidammada Xoogga ee Soomaaliya iyo Haweenay lagu eedeeyay inay Kenya Basaas u ahayd, Al-shabaab waxay sheegeen in Gabadha ay Basaasnimada ku eedeeyeen ahayd 20-jir, Magaceeduna ahaa Iqra Abdi Aden. Intaasi ka dib, waxa Dhagax lagu dilay Nuur Bakar Jitow oo 18 Jir ah, waxaana lagu eedeeyay inuu kufsaday Gabadh 16 jir ah. Xaakimka Maxkamadda Al-shabaab ayaa Ninka ku xukumay in dhagax lagu dilo, ka dib markii uu sheegay inuu hore u soo guursaday Ninka Kufsiga lagu eedeeyay. Sabtidii Toddobaadkan, Al-shabaab waxay Fagaare ku toogatay Saddex Nin oo lagu eedeeyay inay Ciidammada Dawladda Soomaaliya ka mid ahaayeen, waxaana dilkaasi ka dhacay degmooyinka Kuntu-waaray oo Shabeelaha hoose iyo Bu’aale oo ka mid ah Gobolka Jubbada dhexe, waxa kale oo Al-shabaab halkaa ku dileen Nin ay ku eedeeyeen inuu Sixir ku shaqaysanayey. 3 illaa 4-tii bishan July, waxa Al-shabaab toogasho ku dileen 10 Nin, kuwaasi oo ay dilkooda ku kala fuliyeen Magaalooyinka Hagar iyo Salagle ee Koonfurta Soomaaliya. Al-shabaab waxay 10-kaa Nin ku eedaysay inay Basaasiin u ahaayeen Dawladda Federaalka Soomaaliya, Kenya iyo Hay’adda Sirdoonka Maraykanka ee CIA. Dhammaan Dhibanayaashaa waxa la soo taagay Maxkamadda Al-shabaab, sida ay sheegeen Warbaahinta taageerta Al-shabaab. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Dagaal mar kale ka qarxay Axadii deegaanada Ceel-afweyn ayaa sababay dhimashada sagaal ruux iyo daawaca toban kale, dagaalka ayaa ka dhex qarxay laba beelood oo hore deegaanadaas ugu dagaalami jiray waxaana toddoba qof oo dhimasho ah iyo toban dhaawac ah ay ka soo jeedaan hal beel halka beesha kale hal qof oo ka dhintay. Dad goobjoogayaal ah ayaa laanta afka Soomaaliga ee VOA u xaqiijiyay in labada beelood ee dagaalamay midkood istimaashay gaadiidka tignikada ee dagaalka oo ay ku muquunisay beesha dadka badan ay ka dhinteen. Qaar ka mid ah salaadiinta beelahan ayaa ku baaqay in colaadda la joojiyo iyagoo dagaalka cambaareeyay. Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cali Muuse oo u waramay Geeska Afrika ayaan ayaan darro ku tilmaamay dagaalkaas, waxaanu yidhi “Waa ayaan daro waa masuuliyad daro iyo fool xumo weyn in mar kale colaadi ka dhex dhacdo Beelaha Walaalaha, Umadda Somaliland oo cid kasta leh ayaa u gurmatay sidii loo heshiisiin lahaa Beelahan wada degan, runtii maaha Beelo kala fog, ee waa Beelo is ah, oo isku waalid ah, walaalo ah, isku abtiya, oo is dhalay, wada dhashayna,markaas waxaanu leenahay beelahan yaan quus la idinka istaagin, ee habaar iyo inkaar umadda ha ka shaqeeysanina, ee dagaalka iyo dhiiga daadanaya joojiya, oo ALLE ka cabsada.” Boqor Faysal Cismaan oo isna u waramay laanta Afka Soomaaliga ee VOA, ayaa yidhi “ Waan ka xumahay in dadkaasi uu dagaalkoodu uu marwalba soo noqnoqdo oo maalin walba ay cidi ku dhimato cidna ku dhaawacanto oo xabadu istaagi waydo oo daris xumadu ay dhabaqdo aad ayaan uga xumahay waxaanan dareemayaa qof kasta oo muslim ah aad ayuu uga xun yahay, cida xabada biloday kama warami karo goob joogna maan ahayn si kasta oo ay tahay ilaa gabalku uu dhacay xabadaasi may istaagin, ciidamo kala qabtay iyo ciidamo dhexgalay iyo ciidamo kala joojiyay ma jiraan, dadka halkaas ku dhintay sida ay u badantahay toban qof waa dhaawac sagaalna waa dhimasho labada dhinacba, wax mudan ee layaab leh in qabiil inaga mid ah oo tigniko gudihiisa ku haysta oo xukuumadu ogtahay oo badhasaabku sheegay oo aanay xukuumadu soo qaban in dadkaas lagu weeraray, waxaan ku talin ahaa marka ugu horaysa ciidamadu waa inay magaca ciidan ee ay sitaan amar ku filan oo ay wax ku qaban karaan ay helaan isla markaasna aanay dawladu cidna ka ogolaan inay tigniko wadanka gudihiisa ay ku haysato qoryo ay ugu rakiban yihiin oo ay marka ay doonto la soo baxdo.” Guddoomiyaha golaha guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa dhankiisa sheegay in loo talinaayo inta nool, dagaalkaasuna uu yahay mid socda “Warka aanu haynaa waxa weeye dagaalku wali waa uu socdaa mar haddii aanay cidi kala dhex galin habeenkii ayuunbaa ka dumay ee dagaalku waa uu socdaa, inta dhimatay muhiim maaha waxa muhiim ah waar inta nool maxaynu ka yeelnaa? Arintaasna muddo dheer ayaa soo jirtay, gudidii nabadgalyadu waa ay joogtaa madaxweynuuna waa uu sugayaa, aniguna waan ku biirayaa.” Saxafi ku sugan magaalada Ceerigaabo ayaa Geeska Afrika xalay u sheegay in shalay duhurkii uu dagaal koobani ka dhacay deegaanadaas oo ay ku dhinteen dhawr ruux oo kale. Geesta kalena waxa la sheegayaa inay halkaas gaadheen ciidamo ka tirsan ciidanka qaranka si ay u kala dhex galaan labadaas beelood ee walaalaha ah. Source
-
Muqdisho (SMN) – Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ka hadashay Warar Been abuur ah oo ay baahiyeen qaar ka mid ah Warbaahinta, kaasi oo sheegayey inuu isbeddelay Mowqifka Dawladda ee ku aadan qaddiyadda kiiska horyaalla Maxkamadda Caddaaladda Adduunka ee ICJ. Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, C/nuur Maxamed Axmed ayaa Wararkaasi ku tilmaamay ku been Abuur ah, isaggoo Xusay in Xafiiska Xeer Ilaaliyaha guud ee Qaranka uu wado Baaritaan ku saabsan Ilaha Wararkaan Been Abuurka ah Baahiyey. “Waxaan si cad u beeninaynaa wararka been abuurka ee lagu baahiyay qaar kamid ah warbaahinta ee lagu sheegay inuu isbeddelay mowqifka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee la xiriira qaddiyadda kiiska horyaalla Maxkamadda Caddaaladda Adduunka ee ICJ, Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa baaritaan ku haya ilaha wararkan been abuurka ah” Ayuu yiri C/Nuur Maxamed Axmed View the full article
-
Gaalkacyo (Caasimadda Online) – Waxaa Magaalada Gaalkacyo ee Maamulka Galmudug ka socdo kulamo u dhaxeeyo Ra’isulwasaaraha iyo Odayaasha iyo Siyaasiyiinta Beesha Sacad. Kulanka dhex maray Ra’isulwasaaraha, Odayaasha iyo Siyaasiyiinta Beesha Sacad oo qaatay dhawr saacadood isla markaasna loo diiday Saxaafadda ayaa waxaa kasoo baxayo inay Odayaasha hor dhigaan Ra’isulwasaaraha dhawr qodob. Shabakadda Caasimadda Online ayey u suurtagashay inay hesho illaa seddex kamid ah qodobadii ay Odayaasha iyo siyaasiyiinta hor dhigeen Ra’isulwasaaraha, waxayna kala yihiin sida soo socoto: 1) Inay Dowladda joojiso faragelinta ay ku heyso Galmudug isla markaasna ay iyada sabab u tahay burburka ku yimaaday, waxayna odayaasha iyo Siyaasiyiinta Ra’isulwasaaraha hor dhigeyn inay dowladda daacad ka noqoto dhismaha Galmudug. 2) In Dowladda Federaalka Soomaaiya ay soo dhaweyso shirka ka dhici doono hoobyo isla markaasna ay ogolaato qodobada kasoo bixi doono. 3) In dhismaha Galmudug loo maro qaab ku dhisan awood qeybsiga Beelaha isla markaasna aan laga shaqeyn in la iska hor keeno beelaha ku midoobay Galmudug. Sadexdan qodob ayaa ugu weynaa qobada Khayre hordhigeen odayaasha iyo siyaasiyiinta hase ahaatee kulan kale ayaa caawa lagu balamay si dowlada dhankeeda uga jawaab celiso soo bandhista dhowrkan qodob. Ra’isulwasaarahe Kheyre ayaa wado dadaalo uu ku doonayo in lagu dhiso Galmudug dhameystiran, inkastoo dowladda lagu eedeeyo inay maamulkaas ka wadato dano siyaasadeed oo gaar ah. Ra’isulwasaaraha ayaa dhexda kaga jiro kuna jah wareersan muranka u dhaxeeyo beelaha dago deegaanada Galmudug kuwaas oo uu ka dhaxeeyo loolan siyaasadeed iyo mid beeleed. Wixii kasoo baxo kulamada u harsan labada dhinac kala soco Caasimadda Online. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
After four years of fierce fighting and international outrage, the United Arab Emirates (UAE) is quietly slipping out the back door. Over the past few weeks it has begun to withdraw men and materiel from Yemen, Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax ka dhacay degaan hoos-taga gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya. Qaraxa oo la sheegay in uu ahaa miino ayaa la tilmaamay in uu haleelay gaari ay la socdeen dad shacab ah oo marayey degaanka Kurtun. Warbixinada ayaa tibaaxaya in khasaaraha ay sii cagageyneyso dhimashada lix ruux iyo dhaawaca tiro kale oo qaarkood ay daran tahay xaaladooda. Illo wareedyo ayaa sheegaya in qaraxa lala damac-sanaa kolanyo uu la socdey Jenaraal Cabaas Ibraahim Gurey, oo ah taliyaha ciidanka dowladda ee aagaasi. Jenaraalka oo kasoo baxayey tuulada Gariley ayaa la sheegay in uu wadada ka weecdey balse lama ogga hadii uu helo xogta. Gaariga shacabka ah ee ay miinadu la kacdey ayaa kasoo baxaya magaaladda Ceel-waaq ee goboladda Gedo kuna dhow adka Soomaaliya iyo Kenya. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Dhageysteyaasheena ku xiran website-ka waxaan halkan idin kugu soo gudbineynaa Warka Habeen ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/Warka-Habeen-09072019.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare, ayaa Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyrre, ka dalbaday in uu soo dhaxgalo khilaafka raagay ee kala dhaxeeyo Guddoomiyihii Gobalka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar Dabageed. Waare oo taleefon kula hadlay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa ka codsaday in uu si deg deg ah u soo gaaro magaalada Beladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan islamarkaana uu xal u raadiyo khilaafka u dhaxeeya isaga iyo Dabageed, kaas oo qaatay muddo bil ku dhow islamarkaana ragaadiyay shaqooyinkii gobalka. Xasan Cali Kheyre, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa aqbalay in uu safarkiisa Gobalada Dhexe ku soo gaba-gabeeyo magaalada Beladweyne islamaraakana uu dhameeyo khilaafka u dhaxeeya Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare iyo Yuusuf Axmed Hagar Dabageed oo diiday xil ka qaadis lagu sameeyay. Warar ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in Xasan Cali Kheyre ay suurta gal tahay in uu dhowaan gaaro magaalada Beladweyne ee xarunta gobalk Hiiraan islamarkaana uu xal ka dhax raadiyo Yuusuf Dabageed iyo Madaxweyne Waare. Dhinaca kale waxaa jira warar kale oo sheegaya in Xasan Cali Kheyre uu khamiista dib ugu soo laabto magaalada Muqdisho kadib markii ku dhowaad 20 cesho uu ku soo qaatay degaanada maamulka Galmudug islamarkaana uu soo xaliyay inta badan khilaafkii ka dhax-jiray masuuliyiinta Galmudug, markaas kadibna laga yaabo inuu maalmo kadib aado Hiiraan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Guban View: Pandering to clan identity undermines democracy
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Guban View: Pandering to clan identity undermines democracy Ali-Guban Mohamed Lewis Center, Ohio–Somaliland has a serious clan identity crisis.It was revealed during the 2017 presidential election result; some of the electorate still believe that the election was rigged despite international observers declaring it to be free and fair.But the most serious challenge on Somaliland’s democracy is how the entrenched leadership of the three-party political system is pandering to clan identity to serve their parochial interest. If we do not address the clan identity problem, it could not only undermine our democracy but also destroy the fabric and cohesiveness of Somaliland society. Clan or tribal identity politics is not unique to Somaliland, but it is a disease rife with corruption and cronyism, and it hampers on economic development. Clan identity based politics also impedes citizens’ opportunities to receive basic services such as water, electricity, education and health care, paved roads, jobs, especially marginalized communities. Somaliland election campaigns are conducted not on platforms or ideas, but on political alliances along clan lines.Usually, the winners channel key government posts and resources to their supporters. Clans are not compatible with the ideas of common purpose and inclusiveness but thrive on zero sum gain. The prospects of jobs and other opportunities are scarce; as a result, competition for resources among clans, sometimes, turns into grievances or even deadly violence. Clan identity can also foster mistrust and suspicion among Somalilanders, and to view each other as rival clans instead of as fellow citizens.. The clan identity politics denies citizens the right to choose for their own representatives or the rights for equal representation on the legislature among all voters. Up to now, the three-party political system have not yet agreed on when, how and the manner of 2019 legislative elections will be conducted. The two most contentious issues are: the makeup of the electoral commission and the allocation of seats to the competing clans. Some people are arguing the allocation of the seats should be based on equal number of voters for each constituency in the nation, while others who are supporting the status-quo are arguing to be based on clan identity or regions that were set up not by elected legislature but through executive decrees during Siad Barre military dictatorship —just to sow division among communities. There are also large swaths of land in Guban area that its constituents were repeatedly denied to cast their votes because of pandering to clan identity. It’s an unsustainable political system, and we should replace more united, inclusive Somaliland. However, it’s not going to be easy to replace the current entrenched system, and it would required a generational struggle, and sustained efforts from political, religious and business communities, to get it rid of it. But in the short term, we should at least mitigate the effect it should have on the economic development and the unity of our society. On the political front, we should move away from political party system that depends on clan identity for getting to be elected. The current political system is based on clan for organization, fund raising and other functions of a party. The parties are not national or regional parties; each party belongs or dominated by a certain sub-clan who believe that they own the party. Consequently, the process of nominating candidates for elected offices including the president is not democratic, open and transparent, and it is prone to manipulation and rigging. Instead, the party should be based on platforms, ideas, or vision to tackle the pressing issues of the constituents and the challenges facing Somaliland. The process for the nomination of candidates should be free, and each legislative candidate should also know the constituency they represent. But what Somaliland people need is more freedom and not less on the political space. What we have now is a rig system dominated by three-party monopoly system, which is not working for the electorate. All three political parties are united against the formation of more political parties that are based on political platforms and ideas and not on clan identity. More importantly, to make Somaliland more representative and inclusive for all Somalilanders, we must revisit and open a dialogue on Somaliland constitution. It has been 18 years since the constitution was approved through referendum, but how many our elected leaders have read or follow the constitution? A constitutional convention to review the Somaliland constitution is long overdue. The delegates that would review the constitution must represent people from different backgrounds of all spectrum of Somaliland society. President Bihi has shown the determination to stand up to clan elders who have contributed so much of the clan identity politics that paralyzed Somaliland politics for the past two decades. He already cut off monthly hush money to some of the elders who are ‘exploiters and sowers of division’. Mr. Bihi has also a chance to reform the country by supporting the constitutional convention because the future of the country depends on it.The current political system needs to evolve, the only remedy is a constitutional review convention to make Somaliland government— an effective inclusive constitutional democracy based on the rule of law and accountable to the people—not a state governed through executive fiat. Ali-Guban Mohamed As per usual the opinions expressed in this articale are those of the author and do not reflect the opinions of qarannews.com Qaran News -
Somaliland: Journalist Coldon Given 3 Years Sentence By Court The journalist Abdimalik Muse Coldon has been convicted of three charges pertaining to libel and defamation of character. The Marodi Jeh regional court has imposed a sentence of three and a half years. The verdict will be appealed. The lawyers representing journalist Coldon, have condemned the verdict as an affront to the constitution of Somaliland which protects the rights of the individual in regard to freedom of expression, speech and association. The lawyers for the defendant argued that the Somaliland Public Prosecutors Office and the regional court both, in the charges and verdict, used legal statutes imported from the judiciary of the defunct Somali Republic. Qarannews.com Qaran News
-
Bishii Juun 2019, ee ina dhaaftay ayaa waxaan ka qaybgalay koorso ku saabsanayd doorashooyinka caalamiga. Bare Sare Jeff F, oo ah macallinkii inoo dhigaayey casharada doorashooyinka ayaa wuxuu dhowr jeer na weyddiiyay su’aallooyin la xiriira doorashooyinka Somalia. Shakhsiyan, way igu adkaatay in aan wax badan ka jawaab-celiyo, waxaana u saabab ahaa aniga oo aan xog badan ka hayn nidaamka doorasho, codbixinta iyo qaab-hawleedka guddiga doorashooyinka qaranka. Si taasi aan meesha uga saaro ayaa toddobaadkii la soo dhaafay waxaan akhris badan ku sameeyay nidaamka doorasho ee dalka, dowrka nidaamka xisbiyada badan iyo moodeelka “Centripetal power-sharing model” ee awood-qaybsiga. Intii aan akhriska waday, waxaan ku dul kufay qoraallo badan oo laga sameeyay dowrka togan ee doorashooyinku ku leeyihiin nabadaynta iyo dibu-dhiska qaran-burburay. Culummada wax ka qoray waxaa ka mida Ben Reilly, Andrew Reynolds, Arend Lijphart, Horowitz iwm. Intooda badan waxay isku hawleen raadinta nooca nidaam doorasho ee ku habboon bulshada qabaa’ilka ah, ee ka soo bogsanaysa colaadaha sokeeye. Si la mida, anigana maqaalkan waxaan diiradda ku saarayaa sahminta nidaamka doorasho, qaabka codbixinta iyo awood-qaybsiga ku habboon Somalia. Qaybta koowaad, waxaan kaga hadli doonaa nidaamyada doorasho iyaga oo faahfaahsan. Qaybta labaad, waxaan ku lafoguri doonaa moodalada kaladduwan ee awood-qaybsiga gaar ahaan kan ku habboon Somalia. NIDAAMYADA DOORASHO Sida uu qabo Reynolds (2005), waxaa jira dhowr nidaam doorashooyin laakiin waxaa ugu caansan ama loogu isticmaalka badan yahay saddexdan qaybood, oo kala ah: Nidaamka aqlabiyadda (Plurality) Nidaamka Metelaadda (Proportional) Nidaamka iskudhafka (Mixed) Qaybaha ugu muhiimsan ee uu ka kooban yahay nidaamyada doorasho, waxaa ka mida qaaciddada doorashada (Tus. Cod-dheerida, metelaadda iyo iskudhafidda), haykalka codbixinta (U codeynta xisbiyada ama u codeynta musharaxiinta; hal doorasho ama doorashooyin badan) iyo tiro deegaanaydka (Halkii degmo hal xildhibaan-SMD mise degmadii ba laba ama saddex xildhibaan-MMD). Saddexdaas nidaam doorasho ee kor ku xusan waxaa hoos yimaada sagaal nidaam doorasho hoosaadyo, kuwaas oo kala ah: First Past the Post, Block Vote, Alternative Vote, Party Block Vote and the Two-Round System, Parallel, Mixed Member Proportional, List Proportional Representational iyo Single-transferable vote. Intaas waxaa soo raaca kuwa kale balse ku xareysan qaannad kale. (Menocal, n.d). Astaamaha Nidaamka Aqlabiyadda Nidaamkani wuxuu ku dhaqmaa qaaciddada hal dheerida ah. Yacni musharaxiii ugu cod badan ayaa ku guulaysanaya kursiga degmada. Wuxuu kaloo caan ku yahay “Single-Member District” oo macnaheedu yahay in degmadii ba hal qof uu ka soo baxo. Waa nidaamka ugu badan ee la isticmaalo, iyada oo sidaas ah haddana kuma habboona bulshada dhaqan iyo isir ahaan ba kala qaybsan ee qabaa’ilka ah. Anigu, marnaba kuma taliyeen in Somalia qaadato nidaamkan doorasho waayo wuxuu lumin karaa kalsoonida beelaha laga tiro badan yahay iyo in uu is-horistaago xuquuqdooda metelaadda siyaasiga ah. Astaamaha Nidaamka Metelaadda Kani wuu ka duwan yahay midka hal dheerida ah. Wuxuu caan ku yahay in xisbi walba saamigiisa codeed uu baarlamaanka tiro kuraas ah kaga helo, isaga oo isticmaalaya soo bandhigidda liiska musharaxiintiisa. Waa liis noqon kara mid xiran iyo mid furan (closed and open lists). Nidaamkani wuxuu fursad ka qaybgalineed siinayaa bulshada qaybaheeda kaladduwan gaar ahaan dumarka, laakiin waa metelaad ku xiran in qaabka codbixintu noqoto mid furan. Marka uu furan yahay ayaa u roon dumarka iyo dabaqad walba oo rabta in ay ka qaybgasho awood-qaybsiga dalka. Somalia waxay dooratay nidaamka doorasho ee ku dhisan metelaadda listada (LIST-PR) gaar ahaan qaybtiisa codbixinta ee listada xiran (PR-Closed lists). Kan dambe aad baan uga dayrinayaa waayo waa nidaam ay ku sii dulmanaan karaan bulshada qaybteeda laga awood roon yahay, kaba sii darane wuxuu caqabad ku noqonayaa islaxisaabtanka cod-bixiyaasha (Electoral Accountability), waana mid u nugul musuqmaasuq, eex iyo masuuliyad-darro. Marka ay timaaddo musuqa, qofka xildhibaanka ah (ee doorashada ku yimid) kama cabsanayo islaxisaabtanka laba qolo: xisbiyada mucaaradka iyo cod-bixiyaasha. Maxaayeelay nidaamkan wuxuu awoodda la xisaabtanka siinaya xisbiyada, taas oo ugu dambayn keenaysa in qofka la doortay uu ka cabsado hoggaanka sare ee xisbiga intii uu ka welweli lahaa dadkii soo doortay. Taasi waa dibu-dhac weyn, si looga hortagona waxaan soojeedinayaa in laga guuro nidaamka listada xiran, taa beddelkeeda la qaato nidaamka listada furan, iyada oo la tixgelinayo qaabka codbixinta ee kala xulashada (Preferential voting system), si gaar ahaaneed labada nidaam codbixin ee kala ah: Single-Transferable Vote iyo Alternative Vote. Labaduba waxay awood kala doorasho iyo islaxisaabtan siinayaan cod-bixiyaasha. Qofka musharaxa ee kursi-doonka ah wuxuu ku qasbanaan doonaa in uu cod badan ka dhex raadsado dhammaan beelaha degmo wadaaga ah intii uu isku halayn lahaa keli codka jufadiisa. Sidoo kale, xisbiyada ku loollamaya kursiga degmada iyagana waxay soo xulan doonaan musharaxa kasban kara codadka dhammaan beelaha degmo wadaaga ah. Marka laga soo tego doorashada baarlamaaniga ah, tan madaxtinnimada dalka iyadana waxaan soojeedinayaa in laga dhigo doorasho dadweyne, weliba la tixgeliyo qaabka codbixinta loo yaqaano Alternative Vote, oo ah mid musharaxiinta ku qasbaya in tiro cayiman oo codad ah ay ka haystaan maamul-gobolleedyada dalka. (Fiiri habka codbixinta ee doorashada madaxweynaha dalka Nayjeeriya). Tani wuxuu awood dheeraad ah siinayaa cod-bixiyaasha ama muwaaddinka waayo waa isaga qofka kala xulanaya musharaxiinta, wuxuu isweyddinayaa kee baa ka shaqayn kara maslaxadda guud ee beelaha aynu isla nahay isku deegaan/maamul-gobolleed? Markan oo kale, qofka musharaxa ee cod raadiska ah wuxuu ilaalinayaa, weliba ku dadaalayaa sumcaddiisa iyo masuuliyadda ka saaran deegaanka intii uu ku mashquuli lahaa iska iibinta hoggaanka sare ee xisbiga. Waayo nidaamka listada furan wuxuu awoodda islaxisaabtanka siinayaa muwaaddinka/codbixiyaasha. NIDAAMKA AWOOD-QAYBSIGA Maqaalka ay qortay Alina Rocha ee cinwaankiisu yahay “Why Electoral Systems Matter,” iyada oo soo xiganaysa buugga “Electoral Systems and Conflict in Divided Society” ee ay wada qoreen Ben Reilly iyo Reynolds ayaa waxaa ku xusan saddex moodeel oo awood-qaybsiyada jira ka mid ah, kuwaas oo loogu talaggalay in lagu maareeyo khilaafka siyaasiga iyo loollanka ka dhexeeya bulshooyinka hab beelleedka ku qaybsada figta sare ee awoodda dalka. Waxaan ka soo qaadanayaa laba ka mid ah, waxayna kala yihiin: Moodeelka “Consociationalism” oo ah mid lagu isticmaalo nidaamka doorasho ee metelaadda listada ah (List PR), waxaa lagu kala ilaaliyaa qowmiyadaha ku nool dalka Belgium, Switzerland iyo South Africa. Moodeelka “Centripetalism,” isagana waa mid lagu isticmaalo qaabka codbixinta ee Alternative Vote ka, kaas oo hoos yimaada nidaamka doorasho ee aqlabiyadda. Dalalka adeegsada waxaa ka mida Papua New Guinea iyo Fiji. Awood-qaybsiga 4.5 ta Wixii ka dambeeyay markii uu gumeysigu ka tegay Somalia, moodeelka awood-qaybsiga dalku wuxuu ku bees gareysnaa qaaciddada 4.5 ta oo ah nidaam awood-qaybsi, kaas oo Soomaalidu ku kala qaybsato awoodaha sare ee dalka. Waa nidaam hagraya beelaha darafyada, xuquuqdooda metelaadda siyaasigana duudsiinaya; si kale u dhig, beelaha laga tun roon yahay, dumarka, cuuryaaannada iyo dhallinyarada. Wuxuu na liddi ku yahay horusocodka dimuqoraaddiyadda Somalia. Haddaba, si nidamkani meesha looga saaro waxaan soojeedinayaa in la tijaabiyo nidaamka “Centripetalism.” Waa nidaam ku dhisan awood-qaybsi dhiirrigelinaya in musharaxiinta kala metela danaha beelaha Soomaaliyeed ay si siman ugu wada loollamaan kuraasta degmooyinka. Wuxuu musharaxa ama siyaasiga xukun-doonka ah ku qasbayaa in uu iska gado dhammaan beelaha Soomaalida ama beelaha wada dega degmada uu markaasi kursiga ka rabo. Sidoo kale, wuxuu abuuri karaa wadashaqayn dhex mara siyaasiyiinta dalka, waana wax u fiican nabadaynta iyo dibu-dhiska Somalia. WQ: Hassan Mudane Lafogure Arrimaha Afrika Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
(SLT-Addis Ababa)-Dalka Ethiopia ayaa sheegay in dalkiisu uu u diri doono 50,000 shaqaale ah dalka Imaaraadka Carabta, Sida uu ku dhawaaqay Raysal Wasaaraha dalka Ethiopia. Dalkan ku yaala gacanka Carabta ayaa doonaya xiligan inuu balaadhiyo saamaynta uu ku geeleeyahay Geeska Afrika. “Ethiopia waxa ay qarshaynaysaa in xiliga dhaw ay yarayso shaqo la’aanta ka jirta dalka iyada oo ay soo kordhayaan dadkayaga shaqo doonta ahi, ayuu Abiy Axmed uu ka sheegay Baarlamaanka dalkaasi. Waxaanu intaasi ku daray “waxa ka mid ah barnaamijyada qorshaha dhaw ahi ay ka mid yihiin in aanu shaqaale xirfad leh aanu u dirno dalalka dibada,” ayuu intaasi raaciyey Raysal Wasaaraha dalka Ethiopia. Sidoo kale Raysal Wasaaraha dalka Ethiopia ayaa carabka ku dhuftay in shaqaalahan 50 kun gaadhaya ee ay u dirayaan dalka Imaaraadka Carabta ay tahay heshiis ay wada gaadheen labada dal kaas oo ahaa in dalkaasi loo diro saddexda sano ee soo socda 200,000 shaqaale ah. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Mudane Cali Maxamed Geedi oo ka hadlayay xiisada Soomaaliya iyo Kenya ayaa sheegay in marka hore khilaafka u dhexeeya labada dowladood uu ka dhashay is faham la’aan siyaasadeed. Geedi oo maanta Wareysi ku siinayay wakaaladda wararka Anadolu magaaladda Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika ayaa ugu baaqay madaxda labada dal inay ka fogaadaan khilaafka diplomaasiyadeed ee ka dhashay muranka Badda. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in labada dal oo daris aysan isku noqon karin cadow, sida uu hadalka u dhigay. Prof. Geedi ayaa tilmaamay inuu ka dhexeeyo xiriir qoto dheer oo soo jireen ah, islamarkaana ay yihiin Soomaaliya iyo Kenya labo dal oo leh dano isku xiran. “Kenya cadow kuma noqon karto Soomaaliya, sidaas oo kale, Soomaaliyana cadow kuma noqon karto Kenya” ayuu yiri Cali Maxamed Geedi, Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka. Hadalkan ayaa ku soo aadaya, xilli haatan uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya, kaas oo ka dhashay Muranka Badda. Kenya ayaa dhowr jeer qaaday tallaabo ka dhan ah Soomaaliya, si ay cadaadis ugu saarto, inay ka laabato dacwadda ka furan ICJ. Maxakamadda ayaa la filayaa inay dib u furto kiiskan bisha September ee Sanadkan 2019-ka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
(SLT-Muqdisho)-Ururka Isutagga Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee FESOJ, ayaa cambaareeyay xukunka lagu riday wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon, iyagoo xukuumadda Somaliland ugu baaqey in ay shuruud la’aan kusii dayso Coldoon. Qoraal uu ururku soo saarey ayaa lagu yidhi: “FESOJ waxa ay cambaareyneysaa xukunka lagu riday wariye C/maalik Coldoon oo ah nin samafala ah ,kaas oo maxkamadda gobolka Maroodi Jeex ee Hargeysa ay ku xukuntay 3 sanno iyo bar xabsi ah. FESOJ waxa ay rumeysan tahay ,xukunka xabsiga sadaxda sano iyo barka ah ee lagu riday wariye Coldoon in uu yahay mid liddi ku ah Xoriyatul-ka qowlka iyo dimuquraadiyadda ,sidaa awgeed waxa aan ugu baaqeynaa dowladda Soomaaliland in ay si dhaqso ah oo shuruud la’aan ah ay ku soo sii deyso wariye/ Samafale Coldoon” Source
-
Wasiir ku xigeenka wasaaradda amniga gudaha ee Soomaaliya,mudane; C/naasir Siciid Muuse , ayaa Dalka Yukurayn (Ukraine), kula kulmay mas’uuliyiin ka tirsan hay’adaha amniga ee Dalkaasi. Wasiir C/naasir Siciid, ayaa laamaha ammaanka ee Dalka Ukraine kala hadlay sidii ay Labada Dal u yeelan lahaayeen xiriir cusub oo ku aaddan ka wada shaqaynta arrimaha nabad gelyada, baabi’inta walxaha qarxa, Miino baarista, ka hor tagga iyo la dagaallanka Argagixisada. Wasiir ku xigeenka ayaa sidoo kale Dalka Ukraine kula kulmay, Jaaliyadda Soomaaliyeed oo u badan Arday wax ka barata Jaamacadaha halkaasi ku yaalla, isagoo uga warbixiyay xaaladda guud ee Dalka, horumarka ay gaartay Dowladda Federaalka, sida dhaqaalaha, arrimaha Bulshada, siyaasadda iyo amniga. Wasiir ku xigeenka wasaaradda amniga gudaha ee Soomaaliya, C/naasir Siciid Muuse, ayaa Soomaalida ku nool Ukraine ku dhiirri geliyay in ay dib ugu soo laabtaan Dalkooda Hooyo, kana qeyb qaataan dib u dhiska Dalka. PUNTLAND POST The post Wasiir ku xigeenka amniga oo kulan la qaatay mas’uuliyiin ka tirsan Dalka Ukraine appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maalintii saddexaad koronto la’aan guud ah xarunta maamulka degmada Xamar Weyne ee Gobalka Banaadir kadib markii lagu yeeshay lacag badan oo deen ah. Caasimada Online ayaa ogaatay in shirkadda Korontada ay amar ku bixisay 6-dii bishaan in Korontada laga jaro xarunta degmada Xamar Weyne, waxaana ilaa hadda maqan Korontada. Sababta looga jaray Korontada ayaa masuuliyiinta Shirkadda waxay noogu sheegeyn in iska bixin waayeen lacag lagu yeeshay oo dhowr bil ah. Muddo 3 maalmood ah wax shaqo ah kama socoto xarunta degmada Xamar Weyne waxaana xiran dhamaan shaqooyinkii degmada. Dad badan oo u adeeg doontay ayaa shalay iyo maanta ku sugan xarunta degmada kuwaas oo u badan ganacsatada degmada. Arrintaan waxay fadeexad ku tahay maamulka Gobalka iyo kan degmada waxaana dad badan ay is weydiinayaan sababta loo bixin waayay Koronto muddo bilooyin ah. Degmada Xamar Weyne waxay kamid ah degmooyinka ugu shaqada badan sababtoo ah waxaa ku yaala suuq weyn oo ganacsi, shirkado iyo moolal ganacsi oo horumarka degmada muhiim u ah. Sidoo kale degmadaan waxaa dagan maamulka Gobalka Banaadir oo ku leh xarunta ugu weyn ee Dowladda Hoose. Wali ma jirto wax war ah oo ka soo baxay maamulka degmada oo arintaan ku saabsan. Hore ayaa dhowr Wasaaradood oo ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya looga jartay korontada kadib markii ay iska bixin waayeen. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Kismaayo (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaallo saacadihii la soo dhaafay ka dhacay gobolka Jubbada Hoose ee maamulka Jubbaland. Dagaallada oo u dhexeeyey Al-Shabaab iyo Ciidamada AMISOM, gaar ahaan kuwa Kenya ayaa ka dhacay Afmadow iyo Hoosingow oo ka tirsan gobolkaasi. Weerar xoogan ayaa la sheegay in Al-Shabaab ay ku qaadeen saldhig ciidamada Kenya ay ku leeyihiin degmada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose. Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in weerarkaasi uu xigay dagaal fool fool ah, kaas oo la’isku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan. Dhinaca kale weerar kale ayaa la sheegay rag hubeysan oo ka tirsan Al-Shabaab ay ku qaadeen deegaanka Hoosingow oo ku dhow xadka Soomaaliya iyo Kenya. Wararka ayaa sheegaya in sidoo kale halkaasi ay ku dagaalameen dagaalyahannadii weerarka qaaday ciidamada Kenya ee ku sugan halkaasi. Ma cadda illaa iyo hadda khasaaraha rasmiga ee ka dhashay dagaalladaasi iyo weerarada ka horreeyey intaba. Xaaladda ayaa haatan dagan, hayeeshee ciidanka AMISOM ayaa dhaq dhaqaaqyo ka wada qeybo ka mid ah gobolka Jubbada Hoose ee K/ Soomaaliya. View the full article
-
Hordhac/Gogol-Dhig Allaah ayey mahad oo idili u sugnaatay, nabadgalyo iyo naxariisina Nabigeena Muxammad ah korkiisa Allaha yeelo. Intaa kabacdi; Aqristoow waxaan islahaa, inta dowlada Federaalkee Soomaaliya ku mashquulsan tahay maamulka Gal-Mudug, ayuu Karzai-ga Kenya (A.Madoobe) ku shuban doonaa, si foorfaayt ahna ku qaadan doonaa, doorasho ku-sheeg, gacan-kurimis ah, oo uu ku qabto Kismaayo, iyadoon doowladu usoo jeesanba. Dabcan ma sahlana mana cada, sida dowlada federaalka wax uga qabankato Karzai-ga Kenya (A.Madoobe), maxaayeelay shalay wuxuu ku yimid taangiyada Kenya, duullaankii iyo qorshihii dalka Kenya eey ka laheyd guud ahaan dalka Soomaaliya (Buffer Zone), gaar ahaanna gobolada Jubbooyinka, oo eey rabtay ineey kadhigato, meel eey dowlada Soomaaliya u isticmaasho, iyadaana meesha ku heeysoo, isku halleeynayaa, marka lagasoo tago, ciidamo beeleedka uu dhistay, ee ubadan wiilashii raamaha lahaa, ee gallinka 5-aad, iyo saraakiishi dhiig-cabayaasha ahaa, ee ka tirsanaa maamulkii Cabdi Ileey, ee kasoo baxsaday maamulka Mustafe Cagjar, ciidankaa oo Kenya iyo Imaaraatkana hore ugu hubeeyeen, dilaayaasha xeebta Kismaayo, habeen kasta dadkeey dilaan soodhigana u hogaamiyaan, sida: (1) wasiirka wasaaradaha arrimaha gudaha jubbaland: Maxamed Warsame Darwiish, waana ninkii 2006-dii xasuuqa ba’an ka geeystey magaalada Muqdisho, iyo guud ahaan koonfurta Soomaaliya, xilligii Itoobiyaanka caasimada galeen. (2) wasiirka amniga ee Jubaland: Cabdirashiid Xasan Nuur (Janan), waa ninka cidkastoo Karzai-ga Kenya (A.Madoobe) kasoo horjeesan kartay, ee uu udhalatay dhamaan meelaha kalee daga Jubbaland, gaar ahaan nin-doorkii reer Gado iyo Garbahaarreey kuwada maqan yihiin, illaa Interpol loo gudbiyey magaciisa. (3) Taliyaha Nabadsugida Jubbaland: Khaalid Sheekh Cabdulaahi. (4) Taliyaha Ciidamada Jubbaland: Aadan Maxamed Ibraahim, iyo rag kaloo farabadan, dambiileyaal dagaal ah (War criminals). Dowlada Federaalka waxeey shalay uga guuleeysatay Shariif Xasan, dhowr arin oo isugu hagaagtay. Waa marka koobaade waxaa xiriirkoodu fiicnaa dowlada Federaalka, iyo maamulka cusube Aby Axmed, ee dowlada dowlada Itoobiya. Waxaa dhanka Itoobiya lagasoo dhameeyey, in dhamaan labadalo saraakiishii Tigreega ahaa, ee meesha ku hayey Shariif Xasan Sh, Aadan.Waxaana lagusoo wada badalay, saraakiil wada Oromo ah, oo lagula soo dardaarmay, ineey fuliyaan oo kaliya rabitaaanka dowlada Federaalka Soomaaliya, taasoo sahashay in lala wareego garoonka Beeydhabo, lagana soo dajiyo hub, iyo ciidan, gawaaridii aan xabada karin ee musharaxii dowlada, iyo team-kiisii, iyo waliba dhaqaalihii wax badan lagu kala furfuri lahaa, laguna ridi lahaa Shariif Xasan, dhanka kalana lagu soo saari lahaa musharxa dowlada Federaalka. Ugu dambeyn Shariif Xasan oo ruug cadaa ku ahaa siyaasada Soomaaliya, ayaa arkay in talo farahiisa kabaxday, wuxuuna go’aansaday inuu “Deal qaato” isna casilo.Waana sidii looga takhalusay Shariif Xasan siyaasad ahaan. Ma sahlana in qorshihii dowlada federaalka uga takhalustay Shariif Xasan u isticmaasho Karza-ga Kenya (A.Madoobe), maxaayeelay Keyna oo dowlada federaalka isku kacsan yihiin, laguma qancini karo, wixii lagu qanciyey maamulka Aby Axmed ee Itoobiya, sidaa daraadeed waxaa gacanta ugu jira Garoonka iyo dekeda Kismaayo, isaga iyo ciidamada “Masters-kiisee Kenya”.Waxaa ku filan inuu sidii Cabdiweli Gaas-ba sameeyey, ka mamnuuco dowlada dhexe ineey Kismaayaba kasoo dagi karaan, inta doorashada ka dhamaaneeyso, waloow hadaba dad gudaha Kismaaayo u joogaan dowlada federaalka. Sidoo kale dowlada dhexe waxeey ka gaabisay qorshiihii horee ahaa, in marka hore Bu’aale laqabto, halkaa loogu yeero Karzai-ga Kenya, doorashana halkaa lagu qabto, sidaana looga takhaluso Karzai-ga Kenya, nasiibdarro! Qorshahaa inuu sidiisii usocdo, wuxuu isbadalay kadib markuu Karzai-ga Kenya khalkhal dareemay, ogolaadayna inuu dowlada federaalka laheshiiyo, Kismaayana kula kulmay raysalwasaare Kheeyre iyo taliyaha dadbane NISA (defacto leader) Fahad Yaasiin, taasoo aheyd ciyaar siyaasadeed uu la cayaaray, kadibna uga baxay. Kenya maanta xiriirka Soomaaliya iyo iyada ma wanaagsana. Sidaa daraadeed iyadoo ku xumeeyneeysa Soomaaliya, ayey ku dadaaleeysaa ineey Karzai-geeda (A.Madoobe) si khasab ah u sooceliso, ku shubasho kabacdi. Kenya waxeey ku qanacsan tahay, inuu Jubbaland horjooge usii ahaado Kerzai-geeda, kaasoo heshiiska eey ku yihiin, ineey meesha ku ilaaliyaan, iskana sii joogo, iyagana dhuuqaan dhaqaalaha laga boobo Airport-ka iyo Dekeda Kismaayo, iyo waliba dhaqaalaha eey ka urursadaan dhuxusho sida sharci darada ah looga dhoofiyo gobllada Jubbooyinka. Waa su’aal da’weeynoo madaxa daalineeysee, maxeey doowladu ka qaadikartaa, waakan isaga xulanaya odayaal uu isaga keensaday, kuwaasoo ukeena min sadex xildhibaanoo, oo inta badan uu u farfiiqo, ineey ka keenaan ciidamadiisa dhexdooda, midkii isaga ugu shubi lahaana kasii xusho. Wuxuu sidoo kale caburin, hanjabaad, caga-jugleyn, iyo ciriiri badan ku hayyaa musharixiintii la tartami lahaa.Wuxuu ku sooragay in maleeshiyo beeleedkiisu ka mas’uul yihiin amnigooda, iyo dhaqdhaqaaqooda intaba. Wuxuu ku amray ineeysan qabankarin, isu soobax lagu taageerayo musharax aan isaga aheyn, meel aan isaga fasax looga heeysana, aaneey ka khudbeyn karin, iskadaa ineey cidii eey rabaan u khudbeeyaane.Wuxuu masaafuriyey odayaal iyo ugaasyo dhan oo beelo leeyihin, kuwo macmal ahna usameeyey, kadib markii eey ku adkeeysteen ineey iyaga oo kaliya leeyihiin, soo xulida cida mataleeysa beelahooda, cidii iyaga eey u arkaana soo xulayaan, oo aaneey marnaba kayeeleenin inuu umeeriyo. Waa su’aale maxeey dowlada federaalka ka qaadikartaa Karzai-ga Kenya (A.Madoobe), mar hadii xaalka Jubbaland sidaa yahay? Qoraa: C/Qaadir Maxamed Cismaan (Cabdiboqor) Dhaqaaleyahan, qoraa, iyo falanqeeye siyaasadeed abdulkadirphd@hotmail.com. Minnesota-USA Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Gaalkacyo (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre oo shalay soo gaaray magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug ayaa kulan la qaatay qaar kamid ah dhallinyarada ku nool magaalada. Kulanka ayaa looga hadlay dowrka dhalliyaradu ay ku leeyihiin dib-u-heshiisiinta, dib-u-dhiska Galmudug iyo guud ahaan dalka, midaynta awoodda dhallinyarada iyo u diyaarinta dhallinyarada hoggaaminta dalka. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa u sheegay dhallinyarada in magaalo iyo deegaan kasta oo uu tago uu kulanka ugu horreeya la yeelanayay dhallinyada oo muhiimad gaar ah uu siisanay isaga oo sababtu ku sheegay in dhallinyaradu yihiin hoggaanka mustaqbalka dalka iyo dadka Soomaaliyeed, lagama maarmaanna ay tahay in ay sii ogaadaan fursadaha iyo caqabadaha, fikirkoodana ay ku biiriyaan hannaanka horumarinta qaranka. Dhallinyarada uu Gaalkacyo kula kulmay ayuu Ra’iisul Wasaaruhu ku boorriyay in ay si abaabulaan, muujiyaan cududdooda si ay iyagu u doortaan hoggaankooda mustaqbalka, waxa uuna kula dardaarmay in is abaabulka ka billaabaan Gaalkacyo kadibna ay ku xirmaan dhalliyarada deegaannada ku xeeran si ugu dambeyn loo helo cod dhallinyaro Soomaaliyeed oo midaysan, kana madax bannaan kooxeysi iyo qabiileysi, looguna wada istaago danta guud. Kulanka dhex maray Ra’iisul Wasaaraha iyo dhallinyarada Gaalkacyo ayaa qayb ka ahaa kulamo xariir ah oo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre uu deegaannada Galmudug kula yeelanayay qaybaha kala duwan ee bulshada si ay taladooda ugu daraan qorshaha dhimaha Galmudug dhammaystiran, loo dhanyahay, kana shaqeysa danaha reer Galmudug. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
-
Popular Contributors
