Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,377
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Sarkaal ka tirsanaa Ciidamada Midowga Africa ee AMISOM, gaar ahaan kuwa Uganda ayaa isku dilay magaalada Muqdisho, sida ay xaqiijisay Wasaaradda Gaashaandhigga ee dalkaasi. Wararka ayaa sheegaya in sarkaalkan uu is dilay, kadib markii uu toogtay Askari kale oo ay Saaxibo ahaayeen, kana wada tirsanaayeen howlgalka AMISOM ee Soomaaliya. Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga dalka Uganda Richard Karemire ayaa xaqiijiyay warkan, waxaana uu sheegay in haatan ay wadaan baaritaan ku aadan dhacdadaasi. Lama shaacin illaa iyo hadda magaca sarkaalkan iyo sidoo kale askariga uu dilka u geystay. Ma’ahan dhacdadan mid ku cusub AMISOM, balse marar badan ayaa la soo wariyay sheekooyin ceykan oo kale ah. Bishii May ee la soo dhaafay ayey aheyd markii Xerada Xalane ee magaalada Muqdisho lagu dilay illaa afar askari oo ka tirsanaa Ciidamada Uganda ee qeybta ka ah AMISOM, kadib marii uu dhexmaray iska hormaad kooban. Ma jiro weli war rasmi oo AMISOM ay ka soo saartay dilkan, marka laga tago hadalka kooban ee ka soo baxay dowladda Uganda. Taliska AMISOM ayaa inta badan qariya xaqiiqada iyo dhibaatootinka jira howlgalkooda, sababo Milatari darteed, taas oo mararka qaar keenta in Warbaahinta aysan xog badan ka helin waxa ka dhacaya Xeryahooda. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  2. (SLT-Hargeysa)-Suldaanka Guud Ee Habaryoonis Oo Ka Hadlay Shirka Burco Ee Ku Dhawaaqay Boqor Buurmadow, Halkan hoose ka DAAWO Source
  3. (SLT-Nairobi)-Dawladda Kenya ayaa doonaysa inay soo faragaliyaan Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay arinta dhinaca muranka xadka badda ee kala dhexeeya Somalia. Waxaanu Xoghayaha Qaramada Midoobay, António Guterres uu u sheegay 15-ka xubnood ee Golaha amaanka in khilaafkaasi uu xoog leeyahay isla markaana ay suurtagal tahay inuu khatar ku yeesho nabada iyo xasiloonida gobolka. Hase yeeshee Wasiirka Arimaha Dibada dalka Kenya oo ka hadashay arintaasi ayaa waxa ay tidhi “Laba todobaad ka hor, arinta (khilaafka xadka badda) waxa tilmaamay Xoghayaha guud oo Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay u muujiyey suurtagalnimada khatarta ay ku keenayso nabada iyo amaanka gobolka,” ayay tidhi Monica Juma oo ah Wasiirka Arimaha dibada dalka Kenya. Waxaana la tilmaamayaa hadii arinta Khilaafka Kenya iyo Somalia aan jidkiisa loo marin ay cawaaqib ku keeni doontaa qaarada oo dhan, isla markaana ay dhiirigalin u noqon karto in wadamada koonfurta ku yaala ay sidoo kale ka doodaan xuduudahooda ay wadaagaan. Waxaanay Dawlada Kenya ay sheegaysaaba in arintani ay saamayn ku yeelan karto Xadka Kenya iyo Tanzania, Tanzaniya iyo Mozambique, Mozambique iyo Koonfur Afrika, hadaan sharciga sidiisa loo dabaqin. Waxaanay Kenya ay ka cabsi qabtaa hadii ay kiiska dhulkaasi waydo, inay sidoo kale waayayso 26 boqolkiiba dhaqaalaha gobolka, kaas oo lagu qiyaaso ku dhawaad 51,105KM oo isku wareeg ah iyo 85 boqolkiiba ama 95,320KM oo isku wareeg ah, marka laga reebo 200 oo ka baxsan oo ah biyaha caalamiga ah ee ay maraakiibtu maraan. Waxaanay tidhi Wasiirka Arimaha dibada ee Kenya iyadoo si cad uga hadlaysa xudunta khilaafka labada dal “Kenya halka ay ka taagan tahay arintan adag ee abuurtay danaha diblomaasiyadeed iyo walaaca amaan way cadahay. Kenya waligeed kamay tanaasulin taako dhulkeeda ah. Kenya way garanaysaa xuduudihii taariikhiga ahaa, Somalia-na sidoo kale way garanaysa,” ayay tidhi Dr Juma, Wasiirka Arimaha Dibada ee dalka Kenya. Qaramada Midoobay ayaa iyaduna ka dharagsan xaalada arintaasi iyo xidhiidhka diciifka ah ee ka sii daraya ee ka dhexeeya Nairobi iyo Muqdisho, waxaanay arintani ay cirka isku sii shareertay Somalia oo lagu eedaynayo inay iibinayso ceelal shidaal oo gudaha ugu jira xadka Kenya. Taas oo timid markii lagu iibiyey bishii February 7-deedii, intii uu socday Shirkii Saliida iyo Qaasta Somalia ee ka dhacay magaalada London ee dalka Ingiriiska, kaas oo Kenya ay aad uga soo horjeedsatay oo ay ku tilmaantay gardaro. Taas oo sababtay in Nairobi ay ku dhaqaaqdo inay si degdeg ah ugu yeedhay Safiirkii ka joogay Somalia iyo iyadoo soo eriday 16-kii February in diblomaasiinta Somalia ay Nairobi iskaga baxaan. Source
  4. Beledweyne (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka HirShabelle, Maxamed Cabdi Waare ayaa bixiyay diyada taliyihii qeybta Booliska gobolka Hiiraan Gaanshaanle Dhexe Maxamed Macow oo dhawaan lagu dilay dagaal ka dhacay deegaanka Kala-bayr ee gobolkaasi. Taliyaha ayaa ku dhintay iska hor imaad dhex maray ciidamo ka tirsan kuwa maamulka HirShabelle iyo maleeshiyaad taabacsanaa guddoomiyihii xilka laga qaaday ee Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed). Sida ay ogaatay Caasimada Online, Madaxweyne Waare ayaa shalay bixiyay diyada marxuumka, waxaana uu ku wareejiyay odayaal ka socda ehelladiisa. Dhinaca kale, wararka ka imaanaya Beledweyne ayaa ku warramaya in ay fashilmeen kulamadii ka socday magaaladaasi ee lagu xalinayay xiisada maamul ee ka taagan gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya. Kulamadan oo ay wadeen Odayaasha Dhaqanka, Xildhibaano iyo Wasiiro, laguna dhex dhexaadinayay HirShabelle iyo Yuusuf Dabageed ayaa la sheegay in lagu kala booday. Wararka qaar ayaa sheegaya in Dabageed uu diiday in uu sameeyo wax tanaasul ah, islamarkaana uu aqbalo xilka qaadistii lagu sameeyay, taas oo keentay in is mari waa ay ku soo dhammaadaan kulamadaasi. Sidoo kale, warar kale oo aan helnay ayaa ku warramaya in dhankiisa Madaxweynaha dowlad goboleedka HirShabelle uu ka biyo diiday qodobada qaar, gaar ahaan in uu ka laabto go’aankiisii hore ee xilka qaadista. Xiisada ayaa haatan sii xoogeysaneysa, waxaana jirin isku soo dhawaansho labada dhinac ah. Dowladda Soomaaliya oo guddi uu saartay arrintan ayaa waxaan weli muuqan dadaalkii looga baahnaa ee ka hortaga xiisadaasi. Xaaladda Beledweyne ayaa hadda marka la’eego waxa ay tahay mid kacsan, waxaana saacadihii la soo dhaafay Ciidamada AMISOM, gaar ahaan kuwa Jabuuti ay bilaabeen in ay isaga baxaan magaaladaasi. Ciidamada ayaa si shalay, illaa maanta si tartiib tartiib ah u baneynaya fariisimo ay ku leeyihiin gudaha magaalada Beleweyne ee xarunta gobolka Hiiraan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  5. Nabadoon Maxamed Cali Jaamac (Majante) oo kamid ahaa isimada Jubbaland ee soo xulaya barlamaanka maamulkaasi ayaa sheegay in dad dano gaar ah leh ay ku [...] Source
  6. 19 qof oo kamid ah shaqaalaha dawlada Puntland ayaa maanta ku guulaystey deeq waxbarasho oo isugu jirtay Master iyo Degree. Source
  7. Hargeysa (Caasimada Online) ― Xildhibaan Dhakool ayaa maanta markii u horeysay la hadlay warbaahinta, kadib markii shalay xoriyadiisa ay u soo celisay xukuumada uu hogaamiyo Muuse Biixi. Dhakool ayaa sheegay in habeenkii laga soo xirayey gurigiisa loola dhaqmay si aan dowladnimo aheyn oo baal-marsan sharciga, balse waxa uu xusey in intii xabsiga uu ku jirey loola dhaqmay si wanaagsan. Xildhibaan Dhakool ayaa sidoo kale waxa uu sheegay inaysan xiran Beel gaar ah ee balse ay xirteen shaqsiyaad uu tiradooda ku sheegay Todobo Nin oo necbaa ay ka dambeeyen xarigiisa. “Umadda reer Somaliland iyo weliba deegaanadeyda aan ka soo jeedo mid baa u sheegaya, waxaan u sheegaya Aniga qabiil ima xiran, Isaaq ima xiran, Habar-awalna ima xiran, Sacad Muuse-na ima xiran, xarigeygaasi Todobo Nin oo awalba i necbaa baa sabab u aheyd, himikana meel kheyr leh ayuu Alle dhigi doona” ayuu yiri Xildhibaan Dhakool. Ugu dambeyntiina Xildhibaanka ayaa wuxuu u mahad-celiyay dhamaan cid kasta oo ka xumaatay xarigiisa, kana qeyb qaadatay inuu dib u helo xoriyadiisa, isagoona si gaara ugu mahad celiyay siyasiyiinta xisbiga mucaaridka ah ee Waddani. Waxa sidoo kalena uu sheegay xildhibaanku inuu cafiyey dadkii sida qaldan uga fal-celiyay xarigiisa, isagoona xusey in Eng Faysal Cali Waraabe oo kamid ahaa dadkii ka hadlay uusan cafis u baahneyn oo uu yahay nin waalan oo ‘Mar-fucul qalam’ ah oo aan dambi laheyn. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  8. Suldaan Maxamed Xirsi Qani oo ka mid ah salaadiintiinta Habaryoonis ayaa daboolka ka qaaday in shirka beelaha West Burco Clan iyoHabarjeclo uu ahaa mid qoshaysan oo soo bilaabmay sanadkii hore badhatamihisa, waxna uu shirkani ka dhashay ayuu yidhi xiligii lagu jiray shirkii heshiisiinta Ceelafweyn ooo uu sheegay in uu hindisahiisa uu lahaa suldaan Maxamed Guuleed oo ka mid ah salaadiinta East Burco Clan oo walibana uu raaciyay in ay dhigayaan gogosha shirkaasi. Suldaan Maxamed Xiirsi Qani waxa uu sheegay in ay aqbaleen shirkaasi oo ah mid lagu walaalaynaayo beelaha East Burco Clan iyo West Burco Clan oo meesha laga saaraayo xurguftii ay ka tagtay doorashadu, sudlaan Qani waxa uu sheegay in kulan kan la mid ah ay la yeesheen madaxweynaha oo isna meesha lagaga saaraayay xurguftii ay doorashadu ka tagtay. Shirka East Burco Clan iyo West Burco Clan uu dhacayaa waananu la soconaa oo raali ayaanu ka nahay, mana aha mid cid lagu xumaynaayo cidna lagu fogaynaayo waxa aanu aamnisnahay in dalka oo dhan uu gaadho oo aan loo arag xumaan iyo dhib toona. Boqor Buurmadow shirka uu ka hadlaayo uu ku saxsanaa lakiin yaan loo arkin mid mucaaridnimo oo isaga laga dhex arkaayo, isagu nalama uu joogin kolkii arinka shirka la dajinaayay uu naga maqnaa lakiin hada saxaafada ayuu ka sii daayay mana aha in anaga la noo arko in aanu isaga kula socono mucaaridnimo oo shirku yahay mid mucaarid ee waa mid isku soo dhawayn umadeen ah, hadii se loo arko mid mucaarid sababta oo ah hadalka Buurmadow waxa aamn arintaasi u aragnaa in garaadkayga lagu ciyaaraayo. Waxana uu sheegay in ay West Burco Clan ahaan ay hada xulayaan ergadii shirkaasi uga qayb Gali lahatd Qaran News
  9. Kenya has sought the intervention of the United Nations Security Council (UNSC) on the maritime border dispute with Somalia. Source: Hiiraan Online
  10. Dowled gobaleedyada Galmudud iyo Hirshabeelle , ayaa si wadajir ah u dhagax dhigay mashruuc lagu horumarinayo degmada Matabaan ee gobalka Hiiraan, ayna ka faa’ideysan doonaan bulshada ku dhaqan. Madaxa xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan, oo uu wehliyo wasiir ku xigeenka howlaha guud iyo guriyeenta ee Hirshabeelle Cabdi raxmaan Cabdi Iidoow, gudoomiyaha dagmada Mataan Xuseen Salaad Ibraahim iyo xubno kale, ayaa ka dhagax dhigay laba mashruuc oo laga hirgalin doono degmada Matabaan. Mashaariicda ayaa mid ka mid ah waxaa lagu dhisayaa suuqa degmada oo si casri ah loo dhisi doono, kaas oo bulshada deegaanka ay waxbadan ku soo kordhin doona ganacsigooda, ayaga oo helaya suuq waasac ah. Sidoo kale mashruuca 2aad ayaa magaalada waxaa looga higalinayaa Leyrarka cadceeda ku shaqeeyo, kaas oo ay bulshadu ka faa’idaysan doonaan xiliyada habeenkii ah. Guddoomiyaha degmada Matabaan Xuseen salaad Ibraahim, oo goobta dhax dhigga ka hadlay ayaa xusay in mashaariicdaan ay bulshada deegaanka ay ka caawineyso dhinacyada waxbarashada iyo ganacsiga, waxa uuna intaas ku daray in mashruucaan ay fulin doonto hay’adda IOM. “ Mashruucaan waxa ayaa naga kaalmey doonaana dhinacyada waxbarashada iyo ganacsiga xilliga habeenkii ah, oo bulshadu ay dhib badan ay ku qabtay, sidoo kale waxaan rajeynaynaa inuu naga caawiyo amniga sugitaankiisa oo kaalin muhiim ah uu ka qaadan doono, mashaariic badan ayaa deegaanka u soo socoto, waxaan rabaa inaan halkaan uga mahad celiyo heya’adda IOM oo ayadu mashruucaan gacanta ku hayso” Sidoo kale wasiir ku xigeenka howlaha guud ee Hirshabeelle Cabdi raxmaan Abdi Iidoow, ayaa xusay in ay muhiim tahay in si wadajir ah looga wada shaqeeyo horumarinta deegmada Matabaan, “ Mashaariic badan ayaan rajaynaynaa in la dhagax dhigidoono, oo ay ugu horeeyaan Iskulladii, xarumahii caafimaadka iyo qeybo kale oo kala duwan, annaga ka wasaarad ahaan howlaha guud iyo guriyeenta dowled gobaleedka Hirshabeele, habeen iyo maalin waxaan u taagnaan doonaa in Matabaan ay ka dabatagto degmooyinka kale ee gobalka Hiiraan” Dhanka kale madaxa xukumadda dowled gobaleedka Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan, ayaa kula dardaarmay bulshada degmada Matabaan ilaalinta xarumaha danta guud ee laga hirgalinnayo degmada loona baahan yahay in sifiican looga faaiideysto, “ Degmadaan maadaama ay tahay degmo qadiimi ah oo dagmooyinkii ugu horeeyay ee dalka ay ka mid tahay waa in ay noqotaa degmada hadana horumarka ugu horeysa” Degmada Matabaan ayaa ah dagmo ka mid degmooyinka ugu qadiimisan dalka, ayaa hadda waxa ay higsanaysaa horumar dhanka bulshada ah ayadoo bulshada deegaankana ay aaad u soo dhaweeyeen mashaariicdaan lagu hormarinayo degmada Matabaan ee gobalka Hiiraan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  11. Qaahisa (Caasimadda Online) – Waxaa iska soo daba dhacayo jawaabaha laga bixinayo geeridii ku timid madaxweynihii shariciga ahaa ee dalka Masar Maxamed Mursi kaasoo Shalay oo Isniin ah ku dhex dhintay howl ay ka socotay maxkamadeyntiisa kadib markii la sheegay inuu wadnaha istaagay. Dowladda Soomaaliya, gaar ahaan madaxweynaha ayaan weli wax war ah kasoo saarin geeridii ku timid Madaxweynihii Shanaad ee dalka Masar Maxamed Mursi. Inkastoo aan la ogeyn sababta ay dowladda Soomaaliya ugu aamustay geerida Mursi haddana waxaa la rumeysan yahay inay Dowladda Soomaaliya xiriir dhow la leedahay dowladda Sacuudiga oo aad u neceb ururka Ikhwaanul Muslimiin oo Mursi uu ka tirsanaa iyo Cabdi Fataax Siisii oo ah ninka afgambiga ku sameeyey Mursi. Wararka ayaa sheegaya in dowladda Soomaaliya ay ilaalineyso xiriirka dhow ee ay la leedahay Dowladda Sacuudiga, waxaana la aamisan yahay inaysan Sacuudiga jecleyn Mursi sababtaasna ay keentay inay Dowladda Soomaaliya ka aamusto. Dowladda Soomaaliya ayaa horey uga tacsiyeysay dhimashooyin adduunka ka dhacay oo qaarkood marka loo eego ka maqaam hooseeyey ama aan Islaamka muhiim ugu ahayn sida madaxweyne Mursi allaha jannada ha ka waraabiyee, ay kamid ahaayeen: Tacsi ay u dirtay Ciraaq iyo ehellada dhibanayaasha doonta dalxiis ee ku qalibmatay webiga Dajla ee Magaalada Mosul, xarunta Gobolka waqooyi ee Naynawa 21 Maarso. Dowladda Soomaaliya ayaa Tanzania uga tacsiyeysa Doon ku qalibmatay harada Victoria waxaana halkaas ku geeriyooday 100 qof. Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa Shacabka iyo Dowladda Federaalka Itoobiya uga tacsiyadeysay shilkii diyaaradeed ee ka dhacay dalkaasi Itoobiya,kaasi oo saameyn ku yeeshay dad rakaab ah oo ka soo kala jeeda dalal kala duwa Madaxweyne Farmaajo ayaa March 20, 2018 ka tacsiyeeyay geerida R/Wasaarihii hore ee Jabuuti Marxuum Barkat Gourad. Madaxweynaha JF Soomaaliya July 15, 2017 Boqorka Sacuudiga uga Tacsiyeeyay Geerida ku timid Allaha u naxariistee Amiir Cabdiraxmaan Bin Cabdulcasiis oo ka tirsanaa Qoyska reer Boqor. Waxaan idiin soo gudbineynaa jawaabihii ugu muhiimsanaa oo ay Dowladaha iyo Hey’adaha Adduunka ka bixiyeen geerida ku timid Allaha u naxariistii Maxamed Mursi. Qaramada Midoobay Qaramada Midoobay ayaa sheegtay inay tacsi u direyso qoyskii uu ka dhintay Madaxweynihii la jeclaa ee Masar Maxamed Mursi kaasoo dhintay Maalintii Isniinta aheyd kadib shir jaraa’id oo uu qabtay Afhayeenka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Stephen Dugrick . Turkey Madaxweynaha Dalka Turkiga Erdogan oo ka hadlay geerida ku timid Mursi ayaa yiri “Allaha u naxariisto walaalkeen Mursi, wuxuu ahaa shahiid taariikhda ku galay sida uu ugu soo halgamay dimoqraadiyadda.. wuxuu shan sano ka badan ku jiray xabsi dulmi ah… wuxuu xukunka ku yimid doorasho dimoqraadi ah.., Daalimka C/fataax Siisi ayaa afgembi xukunta ugala wareegay, isagoo laayey 50 qof..” Qadar Waxaa kaloo geerida Maxamed Mursi ka hadlay Amiirka dalka Qatar oo farriin uu soo dhigay bartiisa twitter-ka ku yiri: “Waxaa nasoo gaaray geerida lama filaanka ah ee madaxweynihii hore Masar Dr. Maxamed Mursi… Waxaan tacsi u dirayaa qoyskiisa iyo shacabka aanu walaalaha nahay ee Masar..” Malaysia Haweeneyda ku xigeenka u ah Ra’isulwasaaraha dalka Malaysia Wan Azizah Wan Ismail ayaa sheegtay in geerida Maxamed Mursi ay khasaaro weyn ku tahay Dimoqraadiyada iyadoo tacsi u dirtay qoyska marxuumka iyo dhammaan Shacabka Masar. ” Waxaan dareemay murugo aad u weyn markaan maqlay dhimashada Mursi, kaasoo lagu soo doortay si Dimoqraadi ah si uu u noqdo Madaxweynaha Shanaad ee Masar, tani waxay khasaaro weyn ku tahay Dimoqraadiyada” ayey tiri Wan Azizah Wan Ismail oo qoraal kusoo qortay Twitter-ka Mareykanka Afhayeen u hadlay Dowladda Mareykanka ayaa kusoo gaabsaday inay maqleyn geerida Mursi balse aysan heyn faahfaahin dheeraad ah, mana jirin tacsi uu diray. Xarakada Xamaas Xarakada iska caabinta Xamaas ayaa ka tacsiyeysay geeridii ku timid Maxamed Mursi waxayna bayaan kasoo baxay ku tiri ” Raali ayaan ku nahay qadarta Alle, Qadarta ku dhacday dadka Masar ee aan walaalaha nahay , Shacabka reer Falastiin, Dowladaha Carabta , kuwa Islaamka, iyo wadamada Xorta ah ee adduunka” Xamaas ayaa sheegtay inuu Mursi geeriyooday kadib markii uu dadaal badan ku bixiyey Qadiyadaha Masar, iyo Qadiyadaha Umadda oo ay ugu horeyso midda Falastiin, waxayna tilmaamtay inuu waqti badan ku bixiyey difaacitaanka Qudus iyo Masjidka Al-Aqsa tan iyo markii uu xubin ka noqday Baarlamanka Masar. Halkan ka daawo muuqaalka sirtii uu Mursi doonayey inuu shaaciyo Halkan ka daawo muuqaal ku saabsan sidii uu u dhintay Mursi Caasimada Online Xafiiska Qaahir Caasimada@live.com
  12. The U.S. Agency for International Development (USAID) has provided 185 million dollars in humanitarian assistance to help Somali people facing acute food shortage. USAID administrator Mark Green said in a statement issued on Monday evening that the funds will address food insecurity and acute malnutrition, and deliver safe water and emergency health care to people affected by ongoing conflict and prolonged drought. The Horn of Africa nation is currently facing emergency levels of hunger, with an estimated 2.2 million people experiencing life-threatening food insecurity and requiring immediate food assistance. Meanwhile, the U.S. announced on Monday that it has reopened a permanent USAID Mission in Somalia after more than 28 years since its closing on Jan. 5, 1991. According to USAID, the team which is led by mission director Jeffrey Bakken will work with the Somali government to advance peace and stability in Somalia. View the full article
  13. Mohamud Abdullahi Isse Sangub, famous Somali playwriter, songwriter and actor passed away in the Ethiopian capital on Tuesday. Somali poet Hersi Duh, confirmed his death to the Somali media today Tuesday. According to sources, he will be given a state funeral in Jigjiga, the capital of Somali regional state in Ethiopia. The 75 years old was born in Dhagax Bur in former Ogadenia region in Ethiopia in 1944. He composes more than 40 interesting plays and countless songs. He lived in the United States before returning to Djibouti and then Somalia where he lived the remaining part of his life following the controversial play “Qabyo” that showcased the challenges of Somalis in the Diaspora. View the full article
  14. Deegaanka Caluula ee gobolka Garada Fuu ayaa waxaa ku soo fatahmay biyaha badda, waxayna dumiyeen oo ay la tageen guryo farabadan oo ku yaalay xeeliga [...] Source
  15. Xildhibaan Dhakool oo katirsan golaha wakiilada ee maamulka Somaliland ayaa maalinimadii shalay ahayd laga soo daayey xabsi kuyaal magaalada Hargaysa oo uu ku xirnaa in [...] Source
  16. Roobabkii guga ee ka da,ay dhaawn deegaanka Carta ee gobolka Bari ayaa waxa ay wax yeelo xoogan ay gaarsiiyeen waddadii muhiimka ahayd ee dhexmari jirtay [...] Source
  17. Gaalkacyo (SMN) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howlgallo Ciidamada ammaanka Puntland saacadihii la soo dhaafay ay ka sameeyeen Waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Howlgallada oo ahaa kuwa ballaaran ayaa waxa ay Ciidamadu ka fuliyeen xaafado dhorw ay oo ku yaalla magaaladaasi. Saraakiil ka tirsan kuwa ammaanka ee Puntland oo la hadlay Shabelle ayaa sheegay in u jeedka howlgalladan ay ahaayeen kuwa lagu xaqiijinayay amniga, loogana hortagayay falalka ammaan dari ee mararka qaar ka dhaca halkaasi. Muddooyinkii la soo dhaafay ayaa waxaa faraha ka sii baxayay amniga Gaalkacyo, iyadoona ay ka dhaceen dilal qorsheysan oo qaarkood ay sheegteen Al Shabaab. View the full article
  18. Kabtan ka tirsan askarta ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa ka socda dalka Uganda ayaa isdilay kaddib markii uu toogasho ku dilay askari ka mid ah kuwa AMISOM. Kabtankan oo aan magaciisa la shaacin ayaa xabbad isku dhuftay kaddib markii uu dilay askari kale iyadoo aan illaa hadda la ogaan sababta keentay dilka askariga sida uu saxaafadda u sheegay afhayeenka wasaaradda gaashaandhigga ahna afhayeenka ciidamada Ugand Richard Karemire isagoo ka gaabsaday inuu faahfaahin dheeri ah bixiyo. Dhacdadan ayaa imaaneysa bil kaddib markii askar kale ay istoogteen bishii May 13 2019, waxaan sidoo kale la helin faahfaahinta dhacdadaas sida uu sheegay Richard Karemire. Shilalka keena inay isdilaan askarta ama dadka rayidka ah ayaa caadi noqday bilihii la soo dhaafay. Sannadkii 2016 Isaac Obua ayaa toogtay 7 ka mid ah askar ku sugnaa xerada Militari ee Makindye ka hor intii uusan istoogan. Bishii December 2018 Maxkamadda ciidamada Uganda ayaa ku xukuntay Newton Okello 80 sano oo xabsi ah kaddib markii uu toogasho ku dilay haweeney uur leh, Ninkeeda iyo cunug ay dhaleen. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  19. Kenya ayaa baadi-goob ugu jirta faragelin caalami ah oo golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ku sameyso muran badeedka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya. Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa la sheegay inuu si aan caadi ahayn u hor dhigay khilaafka labada dal 15ka xubnood ee Golaha Ammaanka iyo qatarta muran badeedkan uu u geysan karo nabadda iyo xasilloonid gobolka. “Laba usbuuc ka hor, arrinta ku saabsan muran badeedka ayaa xoghayaha guud ee qaramada midoobay uu soo hadalqaaday isagoo u sheegay Golaha Ammaanka halista khilaafkan u dhaxeeya Kenya iyo Soomaaliya uu u leeyahay nabadda iyo amniga gobolka,” ayey tiri Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee dowladda Kenya Monica Juma. Kenya ayaa sheegtay in haddii Soomaaliya ay ku adkeysato dacwadda hortaalla Maxkamadda Caalamiga ah ee caddaaladda inay yeelan doonto saameyn kale taasoo ah in qaaradda isqabqabsi nuucaan oo kale ah uu ka billawdo iyadoo murankaan uu sababi doono in dalalka dhaca woqooyiga ay iyaguna ka wada-xaajoodaan xudduudahooda. Kenya waxay sheegtay in arrintan ay keeni doonto in muran dhex maro Kenya iyo Tanzania, Tanzania iyo Mozambique, Mozambique iyo Koofur Africa waa haddii arrinta Kenya iyo Soomaaliya ay sidan ku sii socoto. Qaramada Midoobay ayaa qilaafka Soomaaliya iyo Kenya soo gaaray kaddib markii xiriirka Nairobi iyo Muqdishu uu xumaaday waxaana muranka sii huriyey markii ay Soomaaliya suuq geysay shidaalka dhul badeedka lagu muransan yahay sida ay sheegtay Monica Juma. Kenya ayaa arrintaas ku tilmaantay mid daandaansi ah islamarkaana gardarro ah. Kenya ayaa haddii ay ku guul-darreysato dacwadda hoos u dhac dhaqaale oo weyn soo wajihi doonaa gaar ahaan goobaha lagu muransan yahay. Inkastoo Kenya ay ka dalbatay Soomaaliya inay dib uga laabato suuqgeynta shidaalka ee shirkii London laakiin Kenya ayaa sheegtay in Soomaaliya ay ka gaabisay dib uga labashada go’aankeeda. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  20. Muqdisho (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u tacsiyeeyay qoyskii, qaraabadii iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Abwaan Maxamuud Cabdullaahi Ciise (Singub) oo maanta ku geeriyoodey magaalada Addis Ababa. “Innaa Lilaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun. Waxaan murugada iyo tiiraanyada la qaybsanayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan qoyskii iyo qaraabadii uu ka baxay Marxuum Maxamuud Cabdullaahi Ciise (Singub) oo ku geeriyooday magaalada Addis Ababa.” “Abwaan Maxamuud Cabdullaahi Ciise waxa uu ahaa abwaan iyo jilaa Soomaaliyeed oo qayb libaax ka qaatay koboca fanka iyo wacyigelinta bulshada Soomaaliyeed. Abwaanku waxa uu sidoo kale noqday askari ka tirsan Ciidanka Xoogga oo naftiisa u huray difaaca qarannimada iyo jiritaanka Soomaaliya. Abwaan Singub waxa lagu xasuustaa ruwaayadihii iyo heesihii waddaniga ahaa ee uu sameeyay kuwaas oo uu ku wacyigelin jiray shacabka Soomaaliyeed.” Madaxweyne Farmaajo ayaa Eebbe uga baryay Marxuumka inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, qoyskiisa iyo dhammaan qaranka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyoodeyna samir iyo iimaan ka siiyo. Innaa Lilaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun. View the full article