Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,209
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa ka horyimid qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha gudaha ee xukuumadda federaalka Soomaaliya, kaasi oo ku saabsan habraaca doorashada Jubbaland. Wasaaradda arrimaha gudaha Jubbaland, ayaa sheegtay in wax shaqo ah aanay ku lahayn dowladda dhexe arrimaha doorashooyinka maamulkooda. Qoraalka ayaa lagu sheegay in Dastuurka KMG ee dalka u yaalla uu xaq u siinayo dowlad goboleedyada in si ka madax bannaan dowladda dhexe u qabsadaan doorashooyinkooda. Halkaan hoose ka akhriso: Goobjoog News Source: goobjoog.com
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Nigeria ayaa ku dhawaaqday go’aan farxad galiyay Soomaaliya, waxaa sheegtay in ay si weyn taageersan tahay go’aankii ay xiriirka ugu jartay dalka Guinea. Nigeria ayaa ku eedeysay Guinea in ay ku xadgudbtay madax banaanida Soomaaliya, islamarkaana ay qaatay tallaabo aad looga xumaado. Mid ka mid Senatorada aqalka sare ee dalkaasi oo lagu magacaabo Shehu Sani ayaa sheegay in ay khalada tahay in dal ka mid ah Africa uu wax aqoonsi ah siiyo Somaliland ama xittaa gobolka kale. ”Waa Khalad in Guinea ama dal ka mid ah galbeedka Afrika uu wax aqoonsi ah siiyo Somaliland ama xitaa gobol kale oo gooni u goosad ka ah Soomaaliya,” ayuu yiri Sani. Sidoo kale waxa uu intaasi ku daray in Nigeria ay aqoonsan tahay hal Soomaali, islamarkaana ay arrimahooda kala xaajinayaan owladda federaalka. “Waxaa jira hal Soomaali, oo aan aqoonsannahay annaga,wanaa in aysan isbeddelin,waxa Soomaaliya ka socda waa iska xaalad, maalin ayeyna noqon doonaan Taariikh”. ayuu hadalkiisa sii raaciyay. Hadalkan ayaa ku soo aadaya, xilli dhawaan dowladda Soomaaliya ay gabi ahaan xiriirkii u jartay Guinea, kadib markii ay soo dhaweyn maamuus sare keh u sameysay Madxaweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi oo booqasho rasmi ah ku tagay dalkaasi. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  3. Dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland ayaa jawaab kulul ka bixiyey war ka soo baxay Villa Somalia kuna aadanaa inay maamuli doonto doorashada madaxtinimada iyo barlamaanka [...] Source
  4. Kismaayo (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa Dowladda Soomaaliya usoo diray jawaab kulul iyo digniin ku aadan Shantii qodob oo ay Xalay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u Heshiisiinta. Maamulka Jubbaland ayaa sheegay inaysan marnaba gorgorton Dowladda kala geli doonin arrimaha ku aadan Doorashada gaar ahaan: Guddiga Doorashada, Hab raaca Doorashada, Goobta Doorashada, Qaabka Xulista Xubnaha Baarlamaanka iyo Amniga Doorashada. Jubbaland ayaa sheegtay in dhammaan howlahaas kor ku xusan ay iyada Xaq u leedahay isla markaasna aysan jirin door uga furan Dowladda Federaalka. Maamulka Jubbaland ayaa sheegay inay Dowladda Soomaaliya caadeysatay ku xad gudubka Dasuurka dalka oo iyada lagu soo doortay, wuxuuna Maamulka sheegay in wixii cawaaqib xumo ee ka dhasha faragelinta Jubbaland ay dowladda qaadan doonto mas’uuliyadeeda. Ugu dambeyntii Jubbaland ayaa Shacabka Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamka ugu baaqay inay si dhow ula socdaan waxay ay ugu yeertay siyaasad gurawacan oo ay wado Dowladda Federaalka Soomaaliya. Wasaarada Arrimaha Gudaha dowlada federalka ayaa soo saartay qoddobo ku saabsan doorashada Jubbaland kuwaasoo ay qodobadiisu ka mid ahaayeen sida loo soo xulayo xildhibaanada,doorka haweenka iyo halka lagu qabanayo doorashada. Halkaan hoose ka akhriso jawaabta Jubbaland Caasimada Online Xafiiska Kismaayo Caasimada@live.com
  5. War-Saxaafadeed kazoo baxay Jabhda Ururka ONLF ayaa waxaa looga hadlay dagaal beeleedyo u dhaxeeya Soomaalida degan dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya,kuwaas oo maalmihii la soo dhaafay [...] Source
  6. Ergeyga gaarka ah ee Xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan ayaa markii u horrraysay la filayaa in uu todobaadkan socdaal ku yimaado magaalada Garoowe ee caasimadda dowladda Puntland. Wararka laga helayo xafiiska madaxweynaha Puntland ayaa sheegaya in Mr Swan uu Isniinta berriya socdaal ku imaan doono magaalada Garoowe isagoo la kulmi doona madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni iyo xubno ka tirsan golaha xukuumaddiisa waxaana sida la sheegayo kulankoodu u badnaan doona is-barasho maadaama Ergeygan uu cusubyahay. Sidoo kale labada dhinac ayaa ka wada-hadli doona xoojinta wada-shaqeynta dowladda Puntland iyo xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya ee (UNSOM) oo Mr Swan oo la soo magacaabay 30-kii bishii May ee sannadkan kadib markii dowladda Soomaaliya ay dalka ka ceyrisay ergeygii ka horreeyay ee Nicholas Haysom. Waxaa kale oo la sheegayaa in ay ka wada-hadli doonaan xaaladda amni iyo tan siyaasadeed ee Soomaaliya gaar ahaanna xiriirka dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Puntland oo aan wanaagsaneyn iyadoo puntland ay bishii May ee sannadkan joojisay xiriirkii wada-shaqayneed ee kala dhexeeyay Villa Somalia. Puntland ayaa hore u ballan-qaadday in ay si dhow ula shaqeyn doonto ergeyga cusub ee Qaramada Midoobay u soo magacowday Soomaaliya James Swan sida ku xusan dikreeto 3-dii bishii June ee sannadkan ka soo baxday xafiiska madaxweynaha Puntland oo lagu soo dhoweeyay magacaabistiisa. PUNTLAND POST The post James Swan oo socdaalkii ugu horreeyay ku imaanaya caasimadda Puntland ee Garoowe appeared first on Puntland Post.
  7. Dagaal xooggan oo u dhaxeeyay dadka degaanka iyo maleeshiyaadka Alshabaab ayaa la sheegaya in uu ka dhacay degaanno u dhexeeya degmooyinka Halgan iyo Buullo-burde ee Gobolka Hiiraan. Wakaaladda SONNA ayaa sheegtay in Dagaalka uu bilowday kadib markii maleeshiyada ka tirsan Al-shabaab ay dadka xool-dhaqatada ah ee ku nool dhulkaasi ku amreen in ay xoolo keenaan balse ay fuliyaan dalabka Al-shabaab. Xoola-dhatada degaanka oo hubaysan ayaa sida wakaaladdu sheegtay waxay malayshiyaadka Al-shabaab ka dileen ugu yaraan 5 dagaallame oo saraakiil ku jirto kadib dagaal culus oo labada dhinac dhex maray. Ha’yeeshee SONNA kama aysan hadlin khasaaraha gaaray dadka xoola-dhaqatada ah ee Al-shabaab la dagaallamay sidoo kalena ma jirto cid si madax-bannaan u xaqiijisay khasaaraha halkaasi ka dhashay. Al-shabaab ayaan dhankooda weli wax war ah ka soo saarin dagaalka ka dhacay gobolka Hiiraan iyo khasaaraha ka dhashay midna. PUNTLAND POST The post Xoola-dhaqato hubaysan oo la sheegay in ay saraakiil ka dileen Al-shabaab appeared first on Puntland Post.
  8. Taliyaha qeyba Booliska gobolka mudug ee dowlad goboleedka Galmudug Maxamed Nuur Cali ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen gabadh mudda iska dhigeysa in ay nin tahay islamrkana dumar kale ku guursatay magaaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Taliyaha ayaa sheegay in gabadhaas lagu magacabo Deeqo Abdulaahi la qabtay iyadoo ku hubaysan bastoolad waxaana uu tilmaamay in baaritaan dheer oo ay ku sameeyeen kadib la ogaaday in aysan nin ahayn. Gabadha ninka iska dhigeysay oo weriyaasha loo soo bandhigay aya qiratay in waxa lagu soo eedeyay uu run tahay iyadoona dhinac kale sheegtay in bastooladda lagu qabtay ay ku waardiyeesan jirtay dukaan ay laheyd. Halkaan hoose ka daawo shirka jaraa’id ee taliyaha PUNTLAND POST The post Haweeney dumar kale guursatay oo Gaalkacyo lagu qabtay appeared first on Puntland Post.
  9. Gaalkacyo (Caasimadda Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo ku sugan Magaalada Dhuusamareeb ayaa lagu waddaa in Maanta ah uu gaaro Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Wasiirka Arrimaha dibadda ayaa Warbaahinta u xaqiijiyay in Ra’iisul Wasaaruhu uu tagi doono Magaalada Gaalkacyo, islamarkaana uu bulshadda halkaasi kunool kala hadli doono sidii loo dhameyn lahaa Khilaafka maamulka Galmudug. Kheyre ayaa la kulmi doono Odayaasha dhaqanka Magaalada Gaalkacyo, islamarkaana u sharaxi doona Wajiga cusub ee Galmudug, maadaama dowladda Soomaaliya ay la wareegtay dib u heshiisiinta iyo doorashadda Galmudug. Ra’isulwasaaraha ayaa la filayaa inuu Odayaasha Beesha Sacadka uu kala hadlo qorsho la doonayo in ciidamada Maleeshiyaad halkaas ku sugan lagu soo wareejiyo Dowladda Soomaaliya. Xog ay heshay Shabakadda Caasimadda Online ayaa sheegeyso Inay Odayaasha Gaalkacyo ay diideen inay hubka wareejiyaan isla markaasna ay taas keentay inuu Ra’isulwasaaraha Maanta safar ku aado halkaas. Ra’isulwasaaraha ayaa doonayo inuu odayaasha kasoo dhaadhcsiiyo inay hubka wareejiyaan isla markaasna ay ciidamadaas la wareegto dowladda laguna daro liiska Ciidamada Dowladda ee mushaarka ka qaato Dowladda. Ra’isulwasaaraha ayaa horey hubka uga soo wareejiyey Ciidamadii Ahlu Sunna ee ku sugnaa Dhuusamareeb iyo Guriceel, sidoo kale wuxuu kasoo wareejiyey ciidamadii ku sugnaa Xiraale iyo Ballanbale. Caasimada Online Xafiiska Gaalkacyo Caasimada@live.com
  10. Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta ka qaybgalay maalinka koobaad ee furitaanka Bandhiga Carwada Buugaagta ee Kismaayo. Madaxweynaha ayaa mid mid u dul istaagay Buugaagta lagu soo bandhigay #KBF2019 isagoo qaar kamid ah qorayaasha buugaagtan ka gudoomay buugag ay qoreen waxaa kale oo Madaxweynahu uu halkaas kasoo iibsaday qaar kamid ah buugaagta lasoo bandhigay. Madaxweynahu waxaa kale oo uu goobtaas Khudbad ugu jeediyay qaar kamid ah kasoo qaybgalayaasha Bandhigan isagoo sheegay in uu Aad ugu faraxsanyahay in uu goobjoog ka noqdo Carwadan oo ah tii Sadexaad ee ay hirgaliso Madasha Maan kulan. Carwada bandhigga buugaagta Kismaayo wuxuu soo maray marxalado kala duwan waxaana markii ugu horreysay laga hirgaliyay magaalada Kismaayo 21 iyo 22 2017, waxaana markii ugu horreysay lagu beegay maalinta afka Soomaaliga, waxaana kaso qayb galay 15 qoraa oo kala yimid Muqdisho, Hargeysa, Garoowe, Nairobi, Canada iyo meelo kale oo dalka iyo dibadisa ah iyo marti sharaf kala duwan oo iskugu jira reer Kismaayo dad kale oo kala yimid. “Soomaaliya maanta waxay maraysaa meel lagu faano marka la eego dhanka waxbarashada, akhriska, qoraalka iyo dhiirigalinta joogtada ah ee ay bulshadu iyagu isku sameeyaan, Waxaana boggaadinayaa dhammaan bandhig buugaageedyada kala duwan ee sannad walba lagu qabto magaalooyinka waa weyn ee dalka sida Muqdisho, Caddaado, Garoowe, Hargeysa, Baydhabo” ayuu yiri Madaxweynahu. Madaxweynaha ayaa sheegay in burburkii dalka ka dhacay uu sameeyay qaybo badan oo kamid ah waxyaabaha Aas Aasiga ah balse hada laga soo kabanayo oo Soomaaliya hormar la taaban kahor ay gaadhay sanadahii u danbeeyay. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Jubbaland oo si rasmi ah u daahfuray carwada bandhiga buugaagta Kismaayo appeared first on Puntland Post.
  11. Hargeysa (Caasimada Online) ― Xukuumada Somaliland ayaa dowladda Federaalka Somaliya waxay ku eedeysay inay ku howlan-tahay sidii ay u sii kala fogeyn lahaayen Somaliya iyo Somaliland. Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland, Yaasiin Faratoon ayaa sheegay talaabooyinka Dowladda Federaalku qaadeyso inay sii hurin karaan xiisada ka dhaxeysa oo ay ka dhalan karto cadaawad hor leh oo hog mugdiya kusii rideysa isku soo dhawaansho dambe. Wasiir Faratoon ayaa sidoo kale waxa uu sheegay inay jiraan talaabooyin badan oo Dowlada federaalku ay ku go’doomineyso Somaliland, midaasi oo ku tilmaamay inay sii fogeynayso Somaliland, kana mid noqoneyso dhibaatooyinka ay hore uga go’aday Somaliya. Faratoon ayaa waxa kale oo uu ka dhawaajiyey inay Dowladda Federaalku ay xiriirka u jari doonto dalal kale oo ay Somaliland la yeelaneyso macaamilo fiican, haddii ay sii joogteyso hab-dhaqano uu ku sheegay inay yihiin aragtiyo gaaban oo aad looga fiirsan. Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maalintii khamiistii si rasmi ah u shaacisay in gabi ahaan ay xiriirka u jirtay dowladda Guinea, kadib markii si maamuus leh ay u soo dhaweysay Madaxweynaha Somaliland oo haatan booqasho ku jooga gudaha dalkaasi. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  12. A stowaway refugee found on a plane from Ethiopia to the Swedish capital Stockholm survived the 10-hour journey via Vienna in a pressurized container in the cargo hold, police said on Monday. Source: Hiiraan Online
  13. In our series of letters from African journalists, technology writer Andile Masuku looks at what the launch of Facebook's digital money could mean for Africa. Source: Hiiraan Online
  14. They are trapped in squalid detention centres on Libya’s front lines. They wash up on the banks of the Rio Grande. They sink without a trace — in the Mediterranean, in the Pacific or in waterways they can’t even name. A handful fall out of airplanes’ landing gear. Source: Hiiraan Online
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaarada Arrimaha Gudaha Soomaaliya ayaa Caawa soo saartay habraaca doorashada madaxtinimo ee maamulka Jubaland, kaasoo la filayo iney dhacdo bisha 8-aad ee sanadkan 2019. War saxaafadeed ka soo baxay Wasaarada ayaa lagu sheegay in Wasaarada iyo xubno ka socda beesha Caalamka ay goob joog ka noqon doonaan geedi socodka doorashada. Halka doorashada ka dhaceyso ayey Wasaarada ku sheegtay iney noqoneyso xarunta Qaramada Midoobe ee magaalada Kismaayo ama Akadeemiyada Booliska ee magaalada Kismaayo, sid aku cad qoraalka. Wasaaradda ayaa ku baaqday inay xildhibaanada soo xulaan Odayaasha Rasmiga ah ee Jubbaland isla markaasna halkii kursi loo soo xulo Hal Xildhibaan oo kaliya. Sidoo kale Wasaaradda ayaa sheegtay iyadoo la tixgelinayo qoondada Haweenka in laga rabo beel kasta oo ay kusoo aado 3 xildhibaan inay halmid ka dhigaan Haween. Hadalka kasoo baxay Wasaaradd ayaa u muuqday mid lagu doonayo inu awood loogu sheegto Maamulka Jubbaland isla markaasna waxaa ka muuqday Hanjabaad iyo inay dowladda rabto inay faragelin ku sameyso doorashada Jubbaland. Dowladda ayaa u muuqato inay dagaal kula jirto Axmed Madoobe oo ah Hoggaamiyaha Jubbaland kaasoo diiday inay dowladda wax saameyn ah ku yeelato doorashada Maamulkaas isagoo magacabay guddi Doorasho. Dowladda ayaa dhawaan weerar siyaasadeed ku qaatay Galmudug, waxayna u muuqataa inay markaan usoo jeesatay Maamulka Jubbaland inkastoo la qiyaasayo inuu Axmed Madoobe ka saameyn badan yahay Xaaf isla markaasna ay adkaan doonto inay dowladda hesho duleel ay kasoo gasho. Axmed Madoobe ayaa awood ahaa gacanta ku hayo Kismaayo, wuxuuna leeyahay ciidamo badan oo aan hoos tagin kuwaas oo daacad u ah Axmed Madoobe tan iyo markii uu Shabaab ka tirsanaa iyo markii uu ka baxay oo uu Raaskambooni sameystay. Axmed Madoobe ayaa waraaqo horey ay usoo saartay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ku tilmaamay inay yihiin kuwa riyi ah isla markaasna aysan dowladda awood u laheyn inay soo farageliso doorashada Jubbaland. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  16. July 6 (UPI) -- Hall of Fame Quarterback Kurt Warner and his wife Brenda donated a fully furnished Habitat for Humanity home to a single mother and her four daughters Saturday. Source: Hiiraan Online
  17. July 6 (UPI) -- Hall of Fame Quarterback Kurt Warner and his wife Brenda donated a fully furnished Habitat for Humanity home to a single mother and her four daughters Saturday. Source: Hiiraan Online
  18. PARIS (Reuters) - French President Emmanuel Macron said on Saturday he and Iran’s President Hassan Rouhani had agreed to seek conditions for a resumption of dialogue on the Iranian nuclear question by July 15. Source: Hiiraan Online
  19. After months of political uncertainty, Sudan has taken its first step towards a democratic transition, but getting the ruling generals to deliver on a power-sharing accord with protesters remains a challenge. Source: Hiiraan Online
  20. What is the point of sending someone to prison - retribution or rehabilitation? Twenty years ago, Norway moved away from a punitive "lock-up" approach and sharply cut reoffending rates. The BBC's Emma Jane Kirby went to see the system in action, and to meet prison officers trained to serve as mentors and role models for prisoners. Source: Hiiraan Online
  21. Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa soo saartay war-saxaafadeed ay ku caddeynayso in dowladda federaalka Soomaaliya aysan Wax door ah ku lahayn hannaanka doorashada dhawaan ka dhici doonta Jubbaland. war-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in dowlad goboleedka Jubaland ay gebi ahaanba iyadu mas’uul ka tahay qabashada doorashadeeda sidaasi darteedna aan dowladda Federaalka Soomaaliya waxba laga weydiin doonin arrimaha doorashadaasi. Sidoo kale dowlad goboleedka Jubaland ayaa sheegtay in haddii xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay ka waantoobi weydo xad-gudubyada joogtada noqday ay dowlad goboleedka Jubaland joojin doonto dhammaan wixii cilaaqaad iyo wada-shaqeyn ahaa ee kala dhexeeyay Villa Somalia. Jubaland ayaa ugu dambeyntii shacabka Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamka ugu baaqday in ay si dhow ula socdaan siyaasadda gurracan ee sharciga baalmarsan oo sida ay sheegeen Villa Somalia kula dhaqmayso Jubaland. PUNTLAND POST The post Jubaland oo jawaab adag siisay dowladda Federaalka Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  22. Somaliland has hit back at Somalia for what it termed at the latter’s bullying of her international friends. Source: Hiiraan Online
  23. The White House said in June the visit would deal with economic and security ties as well as counterrorism issues Source: Hiiraan Online
  24. Ganacsade Soomaaliyeed ayaa xalay Kooxo Burcad Koonfur Afrikaan ah waxay ku dileen goob ganacsi oo uu ku lahaa gudaha waddankaasi sid ay soo sheegayaan Soomaalida halkaasi ku nool. Ninka dhalinyarada ah oo lagu magacaabi jiray Xuseen Cali Saqiir ayaa Goob Ganacsi kulahaa degaanka ka tirsan gobolka Mpumalanga ee Wadanka koonfur Afrika waxaana sida la sheegayo uu ganacsiga halkaasi ka bilaabay dhowaan. Soomaalida ku nool dalka Koonfur Afrika ayaa warbaahintu ka soo xigatay in muwaaddinka la dilay uu waddanka Koonfur Afrika ku noolaa muddo 9 bilood kaliya isla markaana dhawaan uu ka tegay Magaalada Jowhar ee Xarunta gobolka Shabellaha Dhexe. Kooxa Burcada aheyd ee dilka geysatay ayaa Goobta ka baxsatay,waxaana Meydka Muwaadinka Soomaaliyeed Goobta ka qaaday qaar ka mid ah Ganacsatada Soomaalida oo deris la ahaa Ninka la dilay. PUNTLAND POST The post Ganacsade Soomaaliyeed oo lagu dilay Koonfur Afrika appeared first on Puntland Post.