-
Content Count
214,011 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (SMN) – Wax-garad Soomaaliyeed ayaa wuxuu ku baaqay in wada hadalka Somaliland ay noqdaan kuwa si qoto dheer looga baaraan-degay. Indheer-garadkan oo ka qeybgalyey barnaamijka Maxaa ka run wixii la sheegay ee Idaacadda Shabelle ayaa ku baaqay in wada xaajoodyaddu noqdaan mirodhal. Aqoonyahanka ayaa soo jeediyey in wada hadalada laga qeybgeliyo xubnaha Somaliland ku metala dowladda federaalka ah. Halkan hoose ka dhageyso warka oo cod ah https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/Warbixin-3.mp3 View the full article
-
Washington (SMN) – Ilhaan Cumar ayaa si cad waxay u sheegtay in uusan marnaba cabsi gelin karin madaxweynaha Mareykanka. Donald Trump ayaa waxa uu horey hadalo cunsurinimo ugu weeraray gabadhan ka tirsan Congress-ka Mareykanka. Ilhan ayaa mar sii horeysay waxay Trump si diiran ugu soo dhaweysay gobolka laga soo doorto ee Minnesota. Iyadda oo la hadleysay taageeroyaasheeda waxay uga mahadnaqday garab-istaagooda, markii ay weerar kala kulantay Trump iyo xulafiisa. Xildhibaanadan asal ahaan Soomaaliya kasoo jeeda ayaa wadankaasi Mareykanka waxay ku gashay qaab qaxooti ah markii ay dalka uga carartay colaad. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Wararka aan ka heleyno Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in duqayn xoog leh oo loo adeegsadey diyaaradaha nuuca dagaalka ah ay ka dhacday Deegaanka Kunya-barow ee gobolka shabelada Hoose. Duqeynta ayaa lasheegey in lagu beegsanaayey Sarkaal sare oo Ka tiraanaa xarakada Al shabaab una qaabilsanaa Siyaasada guud ee Xarakada Al shabaab. Sarkaalkaan ayaa laduqeeyey xilli uu ku jirey safar dhulka ah, isla markaana labo gaari uu watay oo xiligaasi kuyabarow duleedkeda marayay. Xiriiro aan lasameynay saraakiil ka tirsan ciidanka nabadsugida oo kusagan shabeeleha hoose ayaa sheegey in howlgalka iska kaashadeen ciidamada mareykanka oo fadhigoodu yahay Beleddoogle iyo sirdoonka soomaaliya. Saraakiishan ayaa xaqiijiyey in uu ku dhintay weerarka hogaamiye sare oo katirsanaa alshabaab oo magaciisa lgu soo koobay Maxamad isla markaana ahaa madixii siyaasada guud ee alshabaab iyo Taliyaha xabsiyada qarsoon ee alshabaab iyo 2 askari oo kale oo ilaaalo u ahaa. Duqeynta ayaa lasheegey in cecelis ahaanay ku dhinteen 4 ruux 2 masuul iyo ilaaladooda ah sida Saraakiishaasi xaqiijiyeen. Lama soo sheegin wax Khasaaro ah oo dadka deegaanka soo gaarey waxaana adag in dadka deegaanka lahelo xilliga oo habeen ahayd awgeed. Wixii kusoo kordha dib ayaan idinka soo gudbin doonaa View the full article
-
Xeraale (SMN) – Ciidamo taabacsan dowladda Soomaaliya ayaa maanta la wareegay degaanka Xeraale ee gobolka Galgaduud. Xoogagan ayaa kamid ah kuwa ay dhowaan xukuumadda federaalka ah u qarameysay dowlad goboleedka Galmudug. Saraakiisha horkaceysay ciidankaasi ayaa sheegay in ay ka shaqeyn doonan nabad-gelyadda tuuladaasi muhiimka ah. Dowladda Fedeaalka Soomaaliya ayaa dhowaan shaacisay in ay bilaabeyso howlgalo lagu xoreynayo degaanka ay Galmudug ka haysato Al-Shabaab. View the full article
-
For the past eight months, home to Dahabo Abdullahi has been a hut made of sticks and plastic sheeting in a “privatised” camp in the Somali capital. Like many of the more than half a million displaced people living in and around Mogadishu, she pays a “gatekeeper” part of her food ration every month as an entry fee and for the provision of basic services. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (SMN) – Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka ayaa beeniyay in dowladda federaalka ay siyaasadeysay ganacsiga iyo dhaqaalaha Somaliland. Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa shaaciyey in madaxda waddanka ay ka shaqeynayaa isu soo dhowaanshiyaha umadda Soomaaliyeed. Mr Khadar ayaa intaasi raaciyey in markabkii siday xoolaha ee ka baxay degaanada Somaliland ee ku xayirnaa Sacuudiga xayiraada laga qaadey. Hadalkan ayuu ka dhawaajiyey ku simaha wasiirka koowaad ee xukuumadda Soomaaliya xili uu warbaahinta la hadlay. Tani ayaa waxay kusoo aadeysaa iyadda oo maamulka Somaliland uu dowladda federaalka ku eedeeyay in uu saaray cadaadis dhinac kasta ah. View the full article
-
Muqdisho (SMN): Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/Warka-Duhur-19072019.mp3 View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha Diinta Soomaaliya, Sheekh Nuur Maxamed Xassan, ayaa Shalay Galab sagootiyay dufcaddii 1-aad ee Xujeyda Soomaaliya. Sheekh Nuur, ayaa Alle ugu mahadceliyay sida ay howsha ugu fududaatay, wuxuuna intaa raaciyay in Magaalada Makka ay Xujeyda Soomaaliyeed uga sii hor mariyeen shaqaale ka tirsan Wasaaradda, kuwaas oo ka saacidi doono wax kasta oo ay u baahan yihiin. “Waxaan daahfurnay nidaamka Fiiso bixinta Xajka annaga oo sagootinnay dufcadii 1-aad ee xujayda Sanadkan 1440/ 2019,” ayuu yiri Wasiirka. View the full article
-
Baydhabo (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa ku warramaya in saacadihii la soo dhaafay duqeyn khasaaro geysatay ay ka dhacday qeybo ka mid ah gobolkaasi. Duqeynta oo aheyd mid xoogan ayaa ka dhacday agagaarka deegaanka Kuunyabarow ee gobolkaasi. Sida la sheegay duqeyntani ayaa lala bartilmaameedsaday gaari ay la socdeen xubno ka tirsan oo Al-Shabaab , xilli uu marayay duleedka deegaankaas. Ugu yaraan afar ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab ayaa ku dhintay, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo lagu kalsoon yahay. Afarta qof ee dhintay ayaa kala ahaaa labo sarkaal oo ka tirsanaa Al-Shabaab, iyo labo dagaalame oo lagu sheegay inay ilaalo u ahaayeen saraakiishaasi. Lama oga heybta diyaaradaha dagaal ee fuliyey duqeyntaasi, balse inta badan Mareykanka ayaa duqeymo ka fuliye koonfurta Soomaaliya. Sidoo kale ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka gobolka iyo Al-Shabaab oo la xariira duqeyntaasi. Weerarkan dhanka cirka ah ayaa ku soo aadaya, xilli muddooyinkii dambe ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay howlgallo ka wadeen deegaano ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya. Halkaan ka daawo Jubbaland oo burbur qarka u saaran iyo nashqadii Shabaab u fududeysay Qaraxii Kismaayo Caasimada Online Xafiiska Baydhabo Caasimada@live.com
-
Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka maxaa ka run wixii la sheegay? Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/Bar___-Kulanka-Jimcaha-19072019.mp3 View the full article
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah ula wareegtay amniga deegaanka Xeraale ee gobolka Galgaduud. Dowladda ayaa Xeraale geysay ciidamo ka tirsan kuwa Milatariga, gaar ahaan kuwa qeybta 21-aad ee Xoogga dalka Soomaaliyeed. Sida aan wararka ku heleyno ciidamadani ayaa durbo fariisimo cusub ka sameystay gudaha deegaankaasi. Generaal Yuusuf Kaanti oo ah taliyaha qeybtaasi ayaa saraakiisha ciidanka kula dardaarmay inay muujiyaan karti, dul-qaad iyo mas’uuliyad dheeri ah. Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa u sheegay Caasimada Online in ciidamada dowladdu islamarkiiba howlgallo amni xaqiijin ah ay ka bilaabeen halkaasi. Waxgaradka deegaanka Xeraale ayaa horay askar, gaadiid iyo hub ugu wareejiyey dowladda, kadib markii u booqsho ugu tagay Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre. Todobaadkan gudihiisa ayey aheyd markii ciidamada dowladdu ay la wareegeen ammaanka magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug. Halkaan ka daawo Fadeexad culus oo lagu eedeeyey Farmaajo Caasimada Online Xafiiska Dhuusamareeb Caasimada@live.com
-
The company hopes the aircraft will be cleared to fly again in the Autumn following two crashes in which hundreds died. Source: Hiiraan Online
-
When the racist chant began Wednesday night — “Send her back! Send her back!” — President Trump paused to let the white-supremacist anger he had stoked wash over him. George Wallace would have been so proud. Source: Hiiraan Online
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah Musharraxiinta Jubbaland oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Kismaayo ee xaruunta gobolka Jubbada Hoose ayaa shaaciyey inay kalsoonidii kala laabteen guddiga doorashada maamulkaasi. Musharraxiintan ayaa tilmaamay in xubnaha guddiga ay garab u yihiin Axmed Madoobe, islamarkaana ay u Ololeynayaan, sida ay hadalka u dhigeen. Sidoo kale waxa ay ku eedeeyeen inay hareer mareen habraaca doorashada dowlad goboleedka Jubbaland, iyaga oo sheegay in waajib ay aheyd in korjoogto ka noqdaan dowladda federaalka Soomaaliya iyo beesha caalamka. “Kalsoonidii waan kala laabanay guddiga doorashada Jubbaland, haddii doorasho dhacdo natiijadii ka soo baxdo ma aqbali doono.” Ayuu yiri Cabdiraxmaan Daqare oo ka mid ah Musharixiinta isbeddel doonka ah. Arrintan ayaa ku soo aadeysa, xilli shalay guddiga doorashooyinku ay soo saareen shuruudo adag oo la hordhigay Musharraxiinta sanadkan u tartamaysa hoggaanka sare ee maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland. Isdiiwaan gelinta ayaana shalay si rasmi ah uga bilaabatay magaalada Kismaayo, taas oo ku eeg beri oo Sabti ah taariikhduna ay tahay 20-07-2019-ka. Halkaan ka daawo Fadeexad culus oo lagu eedeeyey Farmaajo Caasimada Online Xafiiska Kismaayo Caasimada@live.com
-
As the NBA renews its multi-million dollar push into the African sports market – launching a new league on the continent, hosting US teams in flagship South African fixtures and setting up training academies and youth programmes – local stars such as Embiid offer an unparalleled opportunity to win over new fans and boost the commercial potential of the brand. Source: Hiiraan Online
-
Over the last two decades, the levels of trade and investment between China and Africa have increased significantly. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Sarreeye gaas Cabdi Xasan Maxamed oo ah ku simaha taliyaha ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa xubno isugu jira Dhaqaatiir iyo Kalkaaliyaal Caafimaad oo la Dalacsiiyey u xiray darajada Sarkaalnimo. Saraakishan la Dalacsiiyey oo gaaraya illaa 83 xubnood ayaa dhawaan ku soo biiray ciidanka Xoogga Soomaaliyeed. Taliyaha ciidanka Dhulka S/Guuto Odowaa Yuusuf Raage oo munaasabad loo qabtay saraakiishan ka hadlay ayaa u sheegay Dhaqaatiirta iyo Kalkaaliyaasha Caafimaad in ay aqoontooda wax ugu qabtaan Ciidanka dowladda Soomaaliya. Dhankiisa ku simaha taliyaha ciidanka Xoogga dlka, Ahna taliye ku xigeenka S/gaas Cabdi Xasan Maxamed ayaa kula dardaarmay xubnaha darajada la siiyey in ay u diyaar garoobaan shaqo adag, maadaama uu ciidanka Xoogga dalku ku jiro dagaal ka dhan ah Al-Shabaab. Saraakiisha la Dalacsiiyey oo dhalinyaro u badan ayaa markii ugu horreysay si rasmi ah u shaqo bilaabay bishii December ee sanadkii hore 2018-kii. Habeen hore ayey aheyd markii Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) uu Dalacsiiyey saraakiil ka tirsan ciidanka Booliska Somaaliyeed, gaar ahaan kuwa ka howlgala gudaha magaalada Caasimada ah ee Muqdisho. Halkaan ka daawo Fadeexad culus oo lagu eedeeyey Farmaajo Halkan hoose ka daawo Sawirrada: Halkaan ka daawo Jubbaland oo burbur qarka u saaran iyo nashqadii Shabaab u fududeysay Qaraxii Kismaayo Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Garowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi (Deni) ayaa amar culus dul dhigay golaha wasiirada maamulkaasi, kadib shir ay ku yeesheen magaalada Garowe ee xarunta gobolka Nugaal. Deni ayaa faray dhammaan wasiiradiisa inay fuliyaan wareegto uu shalay soo saaray oo la xariirtay in aan la deegaameysan dhul daaqsimeedka Dooxooyinka Waw iyo Bixin. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in marnaba aan la ogolaan doonin in la dego ama la dhisto dhul daaqsimeedyada ku yaallada deegaanada dowlad goboleedka Puntland. Madaxweynae Deni ayaa xusay in tallaaabo adag oo sharciga waafaqsan laga qadi ciddii lagu arko. Ugu dambeyn waxa uu ugu baaqay shacabka in ay fuliyaan amarkan, islamarkaana ay ka shaqeeyaan horumarka deegaankooda, Puntland oo ah maamulkii ugu horreeyey ee ka aas aasmay dalka ayaa waxaa muddada ay jirtay ay ku tallaabsatay horumar ballaaran oo la taaban karo. Halkaan ka daawo Fadeexad culus oo lagu eedeeyey Farmaajo Halkan hoose ka aqriso: Caasimada Online Xafiiska Garowe Caasimada@live.com
-
Muqdisho (SMN) – Guddiga Owqaafta, Cadaaladda iyo Arrimaha Diinta ee Aqalka Sare baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku bogaadiyey Wasaarada Awqaafta xukuumadda federaalka sida ay Xujeyda ugu fududeeyeen in ay visaha ka helaan dalka. Shariif Sheekhunaa Maye, gudoomiyaha guddigaasi ayaa wax lagu farxo iyo talaabo taariikhi ah ku tilmaamay, isaga oo kaga mahad-celiyey mas’uuliyiinta Wasaarada dadaalka ay u galaan hirgelinta talaabadaasi. Dhankiisa, ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka, Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa soo dhaweeyay arrintan, isaga oo xusay in ay qayb ka tahay qorshaha xukuumada ee adeegyada loogu soo dhaweynayo bulshadda Soomaaliyeed. Xujeyda Soomaaliyeed ee sanadkan 2019 xaadireysa gudashada mid kamid ah tiirarka Diinta suuban ee Islaam-ka ayaa waxay tiradoodu gaareysaa in ka badan 10-kun, taasi oo ka badan tiradii sanadkii hore oo ahayd ku dhowaad Shan kun. View the full article
-
Popular Contributors
