Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,204
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. July 11, 2019 Hassan Ali KHAYRE has misbehaved in his Galkayo visit as a naughty boy. He has become a disgrace to the FGS, dignity [...] Source
  2. Horay waan u sheegay, mar kalena waan ku soo celinayaa fikirka aan ka qabo Dawladda Federalka Soomaaliyeed. Arinta Gaalkacyo ka dhacday UGUB ma ah. Arimo [...] Source
  3. Maqnaanshiyaha guddiga adeegga garsoorka iyo dhameystir la’aanta dastuurka KMG ah, waxaa ay keentay in dagaal dastuuri ah ka dhex bilowdo wasaaradda cadaaladda iyo arrimaha garsoorka iyo maxkamadda sare ee dalka. Dagaalkan oo qoraallo la isku dhaafsaday, waxaa uu salka ku hayaa labo qodob oo kala ah: Diyaarinta sharciga mac-hadka tababarka garsoorka iyo hab-raaca abuurista mac-hadka. Haddaba, Goobjoog News waxaa ay heshay 3 warqad oo ay is dhaafsadeen maxkamadda sare iyo wasaaradda cadaaladda iyo arrimaha garsoorka, waxaanna akhristayaasha u faah-faahin-doonnaa sida ay wax u jiraan. Ugu horeyn, July 6, 2019-kii, guddoomiyaha maxakamadda sare ayaa wasaaaradda cadaaladda u diray casuumaad ku aadan ka soo qeyb-galka shir looga tashanayo aas-aaska machadka tababarka garsoorka. Wasaaradda cadaaladda ayaa jawaabteeda ku sheegtay in ay gacanta ku heyso diyaarinta qoraalka iyo dhameystirka “Xeerka Mac-hadka garsoorka, oo mari-doona hab-raacyada loogu talo-galay, waxaa kale oo ay ku dooday in mac-hadka uu ahaa waax ka tirsan wasaaradda, waxayna soo-jeedisay in aan lagu degdegin dhameystirka hey’adaha garsoorka inta uu dhaqan-gal noqonayo Xeerka Mac-hadka garsoorka, arrintanna ay wasaaradda lafteeda wadatashi gelin-doonto. July 8, 2019-kii, Guddoomiya maxkamadda sare ayaa magacaabay 7 xubin, oo ah “guddi imtixaan”, guddigan ayaa loogu talo galay iney qaadaan imtixaan loogu tartamayo jagooyinka garsoorenimo iyo kaaliyenimo ee ka bannaan garsoorka dalka. Wasaaradda cadaaladda iyo arrimaha garsoorka oo arrintan ka jawaabtay ayaa sheegtay in hab-raaca loo mari jiray xilliyadii hore uu ahaa labo midkood: (1). Golaha sare ee garsoorka ayaa leh soo-jeedinta magacaabista, xilka-qaadista, anshax-marinta iyo dalacsiinta xubnaha garsoorka. (2). In la magacaabo dad gaar ah, kuwaas oo ah sharci-yahano, macalimiin jaamacad sharci ugu yaraan 10 sano, kuwaas oo leh khibrad iyo waay-aragnimo, laguna kalsoonaan karo, Wasaaradda Cadaaladda oo sii-hadleysa ayaa qortay in hadda dastuurka KMG ah, maadaama dalka uu federaalka ah noqday awoodda magacaabista, xilka-qaadista, anshax-marinta iyo dalacsiinta xubnaha garsoorka uu siiyey golaha adeegga garsoorka, mar haddii uu golahaasi jirinna ay tahay in magacaabis kasta laga talo-geliyo wasaaradda cadaaladda iyo iney magacaabis kasta ku soo baxdo dekereeyo madaxweyne Xogtan Lama Qaadan Karo, Xigasho La’aan Goobjoog News Source: goobjoog.com
  4. Jowhar (Caasimada Online ) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya kulamo kala duwan oo saacadihii la soo dhaafay ka dhacay magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe. Kulamadan oo ay isugu yimaadeen Xildhibaanada HirShabelle ayaa waxa ay uga arrinsadeen Mooshin la sheegay in ay ka wadaan Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare iyo guddoomiyaha baarlamaanka maamulkaasi Cismaan Barre Maxamed. Sida ay ogaatay Caasimada Onlin Xildhibaanada ayaa bilaabay inay saxiixaan Mooshinkaasi ka dhanka ah Waare iyo Barre. Mudanayaasha baarlamaanka ayaa ku eedeeyey mas’uuliyiintaasi xil gudasho la’aan iyo in ay baalmareen Dastuurka u yaalla dowlad goboleedka HirShabelle. Cabdi Xuseen Geedi guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee baarlamaanka ayaa horboodaya Mooshinka, kaas oo fariimo uu ku wargalinayo kulamo caadi ah u diray Xildhibaanada. Kulamadan ayaa lagu soo warramayaa in looga xaajoonayo xaaladda soo korortay. In muddo ah waxaa xiran kulamada baarlamaanka HirShabelle, kadib markii uu golaha fasax galiyey guddoomiye Barre. Dhaq dhaqaaqyadan siyaasadeed ayaa ku soo aadaya,xilli haatan Madaxdweynaha HirShabelle iyo guddoomiyaha baarlamaanka maamulkaasi ay ku sugan yihiin magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan, kuwaas oo xal u raadinaya xiisada ka taagan halkaasi. Caasimada Online Xafiiska Jowhar caasimada@live.com
  5. Muqdisho (PP) ─ Agaasimaha guud ee wasaaradda arrimaha dastuurka DF oo ay wehliyaan La-taliyayaal iyo agaasime-waaxeedyo katirsan wasaaradda dastuurka ayaa kulan la yeeshay agaasimaha guud ee Madaxtooyada dalka oo ay wehliyaan agaasime-waaxeedyo katirsan mdaxtooyada Qaranka iyo qaar ka mid ah La-taliyayaasha madaxweynaha JFS. Ujeedka kulanka ayaa ahaa mid warbixin iyo xog ku saabsan arrimaha dastuurka lala wadaagayay masuuliyiinta Madaxtooyada Qaranka. Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dastuurka Mudane Maxamed Abuukar Zubeyr ayaa jeediyay warbixin ku saabsan howlihii Wasaaradda u qabsoomay, qorshaha Wasaaradda iyo caqabadaha ku hor-gudboon dhameeystirka Dastuurka. Agaasime Maxamed Zubeyr ayaa sheegay in qodobada dastuurka ee u baahan wax-kabadal arrimo farsamo ah la soo dhameeystiray balse ay weli wax ka qabasho u baahanyihiin qodobada arrimaha siyaasadda. Sidoo kale Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ayaa sheegay in Wasaaradda ay dedaal badan ku bixisay arrimaha wacyigelinta iyo waxbarashada madaniga ah ee dib-u-eegista dastuurka. Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka Mudane Nuur Fuudsade ayaa soo jeediyay in xooga la saaro arrimaha wacyigelinta oo dadka aad loo fahansiiyo micnaha dastuurka iyo muuhimadda uu leeyahay, waxuuna ballanqaaday in Madaxtooyada ay garab istaagi doonto Wasaaradda si looga mira-dhaliyo howlaha dhameeystirka dastuurka. Ugu dambayn, waxaa la isku raacay in kulanka noocan oo kale ah la joogteeyo si Madaxtooyada Qaranka ay xog-ogaal uga noqoto howlaha dib-u-eegista Dastuurka. PUNTLAND POST The post Wasaaradda Dastuurka oo Madax ka tirsan DFS uga Warbixiyay Arrimaha Dastuurka appeared first on Puntland Post.
  6. Muqdisho (PP) ─ Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, Inj. C/raxmaan Cumar Cusmaan (Yarisow) ayaa shalay galab garoonka Wiish ee degmada Cabdulcasiis ka furay koob kubadda gacanta ee degmooyinka gobolka Banaadir. Kulanka daah-furka koobka oo ay ku tar tamayeen Degmooyinka Hodan iyo Xamar-weyne ayaa waxaa kasoo qayb galay maamulka Cayaaraha ee heer gobol, masuuliyiin ka tirsan xiriirka kubadda gacanta Soomaaliya iyo boqolaal dadweyne ah oo usoo daawasho tagay. Goddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa sheegay in cayaaraha ahmiyad gaar ah u leeyihiin horumarka iyo isdhexgalka bulshada Caasimadda. “Waxaan halkan ka fureynaa tartanka degmooyinka ee kubada gacanta, shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan shacabka caasimadda, waxaan rabnaa inaan uga mahad celino doorka muhiimka ah ee ay ka qaataan horumarka iyo dib-u-dhiska,” ayuu yiri Yariisow. Dhanka kale, Inj. Yarisow ayaa tilmaamay soo nooleynta kubadda gacanta in ay ka tarjumaysaa aragtida maamulka Gobolka Banaadir uu ku soo nooleynayo sidii ay barisamaadkii ahaan jireen tartamada kala duwan ee cayaaraha. Ugu dambeyn, Maamulka Gobolka Banaadir ayaa wada qorsheyaal lagu doonayo inay isku dhex-galaan dhalinyaradu, kagana fogaadaan fekradaha xagjirnimada ah. PUNTLAND POST The post Duqa Muqdisho oo furay Tartanka Kubadda Gacanta ee Degmooyinka Gobolka Banaadir appeared first on Puntland Post.
  7. Muqdisho (SMN) – Maamulka gobolka Banaadir ayaa xalay magaaladda Muqdisho ka bilaabay howlgal lagu burburinayo goobaha sharci daradda ah ee ku yaala hareeraha wadooyinka. Howlgalkan oo xalay laga sameeyay wadada Maka Al Mukarama ayaa waxaa ka qeybqaatay ciidanka ilaalada degaanka iyadda oo ay goobjoog ka ahaayeen mas’uuliyiinta qaar ee degmooyinka. Madaxda ayaa sheegay in tani ay qeyb ka tahay howlaha uu maamulku wado ee bilic soo celinta caasimadda si ay ula tartatanto dhigeeda magaalooyinka kale ee caalamka iyo dalalka deriska. Cabdifitaax Cumar Xalane, Agaasimaha Waaxda Nafaadda maamulka gobolka gobolka Banaadir, ayaa wuxuu shaaca ka qaadey in muddo 90 casho ah ay caasimada uga nadiifinayaa qashinka Mr Xalena ayaa shaaciyey in amarkan uu bixiyey gudoomiyaha gobolka ahna duqa caasimada, Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow, kaasoo dhankiisa kormeer ku sameeyay howlgalka. View the full article
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar lagu qaaday dad rayid ah oo ku socdaalayey qeybo ka mid ah gobolka Mudug. Dabley hubeysan ayaa lagu soo warramayaa in xalay gaari Rakaab ah oo marayay agagaarka deegaanka Saaxo oo hoostaga magaalada Gaalkacyo ay ku fureen rasaas geysatay khasaare dhimasho iyo dhaawac. Ugu yaraan afar qof ayaa ku dhintay weerarkaasi, halka ay ku dhaawacmeen, tiro intaasi ka badan, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo deegaanka ah. Raggii ka dambeeyey falkaasi ayaa goobta isaga baxsaday aayar, sida aan wararka ku heleyno. Gaariga la rasaaseeyey ayaa ka soo ambabaxay degmada Galdogob, waxaana la sheegay inuu ku soo jeeday magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Lama oga ujeedka loolaayey dadkaasi, mana jiro weli wax war ah oo ka soo baxay maamulka gobolka oo ku aadan dhacdadaasi. Inta badan waxaa gobolka Mudug ka dhaca dilal qorsheysan iyo dagaallo salka ku haya dilal la xariira aanooyin Qabiil. Dhawaan ayey aheyd markii dad rayid ahaa oo gaarayay 13 Qof lagu toogtay magaalada Gaalkacyo, kuwaas oo ka soo kala jeeday deegaanada Koonfur Galbeed iyo HirShabelle. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  9. Gaalkacyo (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha dalka ayaa sheegay in labada maamul ee Gaalkacyo ka jira ay dowladda federaalku kala shaqeyneyso nabadeynta iyo isu soo dhawaanshaha bulshada. “Shacabka iyo dowladda waa wadnaha iyo beerka qofka bini aadamka. Lama kala qaadi karo shacabka iyo dowladda”, ayuu yiri Khayre. Xasan Cali Khayre, wasiirka koowaad ee xukuumadda federaalka ah ayaa hadalka ka sheegay markii uu shalay tegay waqoyga xarunta gobolka Mudug oo uu ka armiyo maamul goboleedka Puntland. Dhanka kale, Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa ballan qaaday in dowladdu ay dhisayso garoonka kubbadda cagta Cawaale ee waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug. View the full article
  10. Gaalkacyo (SMN) – Dabley hubeysan ayaa la sheegayaa in xalay ay rasaas ooda uga qaadeen gaari ay saarnaayeen dad shacab ah. Gaari la rasaaseeyay ayaa lagu waramayaa in uu marayey degaanka Saaxo oo u dhaxeeyay magaalooyinka Gaalkacyo iyo Goldogob. Dadka saarnaa baabuurka ayaa sheegayaa in ay kasoo jeedeen degmada Goldogob ay kusoo wajahnaayeen xarunta gobolka Mudug. Inta la xaqiijiyey afar ruux oo rayid ah ku dhimatay dhacdadaasi xili ay ku dhaawacmeen tirro kale oo intaasi ka baxay. Kooxaha hubeysan ee falka sameysay ayaa la sheegay in ay goobta ka baxsadeen xili aanan wali la ogeyn waxa keenay falkan. Mas’uuliyiinta maamulada Galmudug iyo Puntland ayaa nan wali wax war ah kasoo saarin dhacdadan. Mudooyinkii dambe waxaa degaanada gobolka Mudug waxaa kusoo kordhayey dilalka salka ku haya aanooyinka qabiil. View the full article
  11. Ceerigaabo (SMN) – Maamulka Somaliland ayaa lagu waramayaa in uu ciidamo dheeraad ah kusoo daabulay agagaarka magaaladda Ceerigoobo ee gobolka Sanaag, waqoyga Soomaaliya. Talaabadan ayaa imaaneysa xili ay halkaasi shalay ka dhaceen dibad-baxyo rabshado watay kuwaasi oo waxyeelo sababay. Ciidamada ayaa la sheegayaa ay bilaabeen howlgalo ay uga hortagayaan in mar kale ay halkaasi ka dhacaan banaanbaxyo rabshado wata. Dhanka kale, wararka ayaa intaasi ku daraya in laga cabsi qabo isku dhac mar kale qaybo kamid ah gobolkaasi ku dhexmara ciidamada Somaliland iyo Jabhadda uu hogaamiyo Korneyl Caare. Jabhadda Korneylka iyo ciidamada Somaliland ayaa dhowr jeer horey ugu diriray qaybo kamid ah gobolkaasi oo ay wali isku hor-fadhiyaan. Xaaladda gobolka ayaa la sheegayaa in ay tahay mid kacsan isla markaana laga cabsi qabo iska hor-imaad dhinacyadaasi dhex-mara. Mudooyinkii dambe qeybo kamid ah gobolka Sanaag waxaa kusoo laa-laabanyey dagaalo u dhaxeeya ciidamada Somaliland iyo Jabhadda Korneyl Caare. View the full article
  12. London (SMN) – Wasiirka Arrimaha Dibadda xukuumadda federaalka ayaa beeniyay in ay jiraan kulamo xal loogu raadinayo dacwadda badda ee ka dhaxeysa dowladaha Soomaaliya iyo Kenya. Axmed Ciise Cawad ayaa sidoo kale waxbo kama jiraan ku tilmaamay in ay jiraan dowladdo dhexdhexaadin ka dhex-wado labadda dowladood oo doonaya in ay xaalada wada ku dhameeyaan. Mr Cawad ayaa ku nuux-nuux saday in dowladda federaalka aysan marnaba gorgortan ka geli doonin dacwadda badda, ayna ka dhowrsugayaan go’aanka Maxkamadda Cadaaladda Dunida. Dabayaaqadda sanadkan 2019 ayaa la filayaa in uu soo baxo go’aanka ICJ, kaasi oo mid kamid ah dhageysiyadiisa ugu dambeeya la filayo in dib loo bilaabo bisha soo aadan ee September 2019. Hadalka wasiirka ayaa wuxuu kusoo beegmayaa xili ay taagneyd hadal-heyn ku aadan in uu isbedelay mowqifka madaxda dalka ee kiiska badda, taasi oo uu horey u beeniyay xafiiska madaxweyne Farmaajo. View the full article
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Mudane Axmed Ciise Cawad ayaa ka hadlay shir la sheegay inuu dhex mari doono Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Kenya, kaas oo uu garwadeen ka yahay Ra’iisul wasaaraha dalka Itboobiya. Cawad oo la hadlayay laanta Afka Soomaaliga ah ee BBC-da aya waxba kama jiraan ku tilmaamay kulankaasi oo si aad ah ay hadal heysay Warbaahinta. Wasiir Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay inuusan jirin wax kulan ah oo qesheysan Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo), kaas oo uu la yeelanayo dhiggiisa dalka Kenya Uhuru Kenyatta. Kulankan oo si aad ah loo hadal hayay ayaa wararku waxa ay sheegayeen inuu ka dhacayo magaalada Addis Ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya, balse wasiir Cawad ayaa tilmaamay in wasaaraddiisu ay qaabilsantahay arrimaha dibadda, islamarkaana wararkaasi ay yihiin kuwa la been abuuray. Dhinaca kale Wargeysyada The Nation iyo the East African ee Kenya ayaa shalay sheegay in Itoobiya ay wafdi u kala dirtay Kenya iyo Soomaaliya si xal loogu helo muranka dhul-badeedka u dhexeeya labada dal. Maqaalka wargeyska The Nation ayaa sheegay in Mas’uuliyiinta Soomalida iyo kuwa Kenya uu ka soo xigtay in Abiy Axmed, oo haatan ah guddoomiyaha urur goboleedka IGAD, uu shir u qaban doono labada madaxweyne, Uhuru Kenyatta iyo Maxamad Cabdullahi Farmajo, inkastoo aysan weli arrintan xaqiijin labada Madaxweyne. Arrintan ayaa ku soo beegmeyso iyadoo dowladda Soomaaliya ay beenisay inuu wax isbaddel ah ku yimid mowqifkeedii ku aaddanaa dacwadda ee maxkamadda ICJ. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  14. Muqdisho (SMN) – Dhageysteyaasheena ku xiran website-ka waxaan halkan idin kugu soo gudbineynaa Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/Warka-Subax-11072019.mp3 View the full article
  15. Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Soomnaaliya ayaa u muuqata inay u hoggaansameyso cadaadiska xooggan ee caalamiga ah ee la saarayo ee ku aaddan muranka badda ee kala dhaxeeya dalka Kenya, sida ay werinayaan warbaahinta caalamiga ah. Wararkii ugu dambeeyey ayaa sheegaya in Soomaaliya ay hadda u muuqato inay fursad cusub siineyso xal ka baxsan maxkamadda oo kiiskan laga gaaro, taasi oo ah arrin ay muddo diidaneyd. Wargeyska Business Week ayaa qoray inuu jiro kulan qarsoodi ah oo dhex maray wakiilo ka socda Nairobi iyo Muqdisho, kaasi oo ay dhex-dhexaadisay dowladda Mareykanka, kana dhacay New York. Sidoo kale, wargeyska Daily Nation ee kasoo baxay Nairobi ayaa qoray inay jiraan dadaallo uu wado ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed oo ay gadaal ka riixayaan Mareykanka iyo Britain, kuwaasi oo muddo si hoose u socday balse soo shaac baxay toddobaadkan. Taleefishinka CGTN ee Shiinaha ayaa isna warbixin uu qoray ku sheegay in qorshaha Abiy Ahmed uu yahay in dib loo dhigo kiiska maxkamadda ilaa waqti cayiman si waqti loo siiyo wada-hadallada. Qorshahan ayaa u muuqda mid Soomaaliya laga iibin karo maadaama aysan si buuxda kiiska maxkamadda uga wada baxeyn, oo ay kaliya dib u dhigeyso inta wada-hadallada socdaan, waana midd hadda si xooggan diiradda loo saarayo. Abiy Ahmed ayaa qorsheeyey inay 13-ka bishan kulmaan madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo dhiggiisa Kenya Uhuru Kenyatta. Kulankan ayaan waxaa weli xaqiijin labada waddan. Agaasimaha Madaxtooyada Soomaaliya ayaa qoraal kooban oo uu soo saaray laba maalin ka hor ku beeniyey “inuu is-beddelay mowqifkii Soomaaliya ee ku aadanaa ee kiiska maxkamadda caalamiga ah ee ICJ.” Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  16. Hosted by Edmonton's former poet laureate, Ahmed 'Knowmadic' Ali, Orality features two local nationally recognized poets, Titilope Sonuga and Ian Keteku. Source: Hiiraan Online
  17. Sida la xaqiijiyay afar ruux oo dhinacyadii dagaallamaya ayaa ku dhintay lix kalena waa ku dhaawacantay dagaal culus oo ciidamada Somaliland iyo jabhadda Caarre shalay ku dhexmaray degaanka Dhoob oo qiyaastii 45 dhanka bari kaga beegan magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag. Dagaalkii shalay ayaa bilowday kadib markii cutubyo ka tirsan ciidamada Somaliland oo ka baxay degmada Yubbe ay weerar ku qaadeen ciidamo uu hoggaaminayey Col. Siciid Cawil jaamac Caarre oo ku socday buuraleyda magaalada Ceerigaabo balse xilliga la weeraray ku sugnaa degaankaasi Dhoob. Dadka dhintay ayaa sida la sheegayo waxaa ku jira saddex askari oo ka tirsan ciidamada Somaliland halka maydka hal ruuxna laga soo helay dhufays ay banneeyeen ciidanka jabadda Caarre oo iyagu difaac ku jiray maadaama ciidamada Somaliland weerarka qaadeen. Sidoo kale waxa la sheegayaa in dhaawacyada oo lix ruux gaaraya ay ku jiraan laba kamid ah jabhadda Caarre oo midkood dhaawac fudud qabay uu ka baxsaday isbitaalka magaalada Ceerigaabo iyadoo afarta kalena ay ka tirsanaayeen ciidamada Somaliland. Wararku waxay intaas ku darayaan in jabhadda caarre laga qabsaday gaari nooca dagaalka ah oo god kaga dhacay iyo saddex askari oo saarnaa. Dhinaca kale Somaliland ayaa bandow saartay magaalada Ceerigaaabo ee xarunta gobolka Sanaag halkaasi oo ay shalay ka dhaceen muddaharaadyo looga horjeedo xukuumadda Muuse Biixi laguna taageerayo Col. Caarre. PUNTLAND POST The post Faahfaahinta khasaaraha kala gaaray Somaliland iyo Jabhadda Caarre appeared first on Puntland Post.
  18. Corruption Day by Transparency International in partnership with Afrobarometer, reveals that more than half of all citizens surveyed in 35 African countries think corruption is getting worse in their country. Fifty-nine per cent of people think their government is doing badly at tackling corruption. Source: Hiiraan Online
  19. NAIROBI -- Senegal has been selected to stage the Basketball Without Borders (BWB) Africa 2019 tournament, which will take place from July 28-31 in Dakar Source: Hiiraan Online
  20. Rep. Ilhan Omar, a Minnesota Democrat, hit back at Fox News host Tucker Carlson on Wednesday, after he claimed she hated the U.S. in a segment the night before. She called the three-minute video an example of "white racist supremacist rhetoric." Source: Hiiraan Online
  21. KAMPALA,-- The Federation of Uganda Football Association (FUFA) on Wednesday appointed Abdallah Mubiru as the caretaker coach of the national team. Source: Hiiraan Online
  22. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa bilaawday dhismaha tabeelooyin ka sameysan dhagxaan shub ah oo laga taagay inta badan Isgoysyada Waddada Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho, kuwaas oo la sheegay in lagu xirayo Kaamirooyin casri ah oo ka qeyb qaata sugidda amaanka magaalada Muqdisho Kaamirooyinkaan ayaa lagu xirayaa dhamaan Isgoysyada Maka Al-Mukarama iyo sidoo kale dhamaan Raana-boodka waddada Maka Al-Mukarama ee loogu talagalay in ay ku kala wareegtaan Gaadiidka isticmaala wadadaasi lagu xirayo Kaamirooyinka. Sababta loo keenay Kaamirooyinkaan islamarkaana loogu xirayo waddada Makal Al-Mukarama ayaa lagu sheegay laba sabab oo kala ah. 1 – In ay noqdaan xog keydsan oo laga baaro dhammaan dhacdooyinka Waddadaasi muhiimka u ah dadweynaha Muqdisho islamarkaana ku badan qaraxyada iyo Weerarada Al-Shabaab. 2 – In xal loo helo shaki laga qabo ciidamada qaar oo ku aadan in Gaadiidka ay soo daayaan, markii la weydiinaya ay isku tuur tuuraan ama ay beeniyaan waana sababta ugu muhiimsan oo loo xirayo Kaamirooyinkaan. Wadada Makka Al-Mukarama oo ah meesha ugu adag ee amaankeeda aad loo adkeeyo ayaa ka bixi weysay weerada Al-Shabaab. Qaraxyada ugu badan ee magaalada Muqdisho ayaa waxay ka dhacaan Wadada Maka Al-Mukarama iyo nawaaxigeeda oo ay ku yaalaan goobaha ganacsi ee ugu waa wayn magaalada Muqdisho. Sidoo kale waa goobaha ugu badan oo ay ku kulmaan shacabka magaalada Muqdisho, iyadoo xiliyada dambe ee maalintii iyo habeenadii ay dadweyne soo buux dhaafiyaan maqaayado ku yaala hareeraha wadadaasi. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com