-
Content Count
211,291 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Caabudwaaq (Caasimada Online) – Ugaas Maxamed Ugaas Axmed oo ah Ugaaska guud ee Beesha Sade oo la hadlay warbaahinta ayaa si adag ugu jawaabay dowladda federaalka kadib go’aankeeda ku aadan hubkii lagu dhacay degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud. Ugaaska ayaa ugu horreyntii nasiib darro ku tilmaamay in dowladdy ay u goodiso shacabkii gacanta ku dhigay hubkii sharci darrada ahaa ee lagu qabtay waqooyiga Galgaduud. Sidoo kale waxa uu tilmaamay in dowladda federaalka aysan waxba kasoo qaadin qatar uu sheegay inay baajiyeen shacabka hubkaas gacanta ku dhigay, taasi beddalkeeda loogu beddalay xasuuq bahalnimo ah oo loo gaystay, sida uu hadalka u dhiga. Ugaas Maxamed Ugaas Axmed ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in hubkan uu halis ku ahaa deegaanka, isla markaana uu u gacan geli lahaa kooxo qatar ku ah amniga, balse laga hortegay, kadib markii ay ka war heleen shacabka degmada Caabudwaaq. “Sida la wada ogyahay, koox abaabulan, oo ka ganacsata hubka sharci darrada ah, ayaa saanad ciidan oo kontarabaan ah, soo gelisay waqooyiga Galgaduud,16-kii July 2024, hubkaas, oo ahaa mid aan lagu wargelin hoggaanka dhaqanka, madaxda maamullada iyo guud ahaan dadka deegaanka, ayaa qarka u saarnaa in uu gacanta u galo kooxo halis ah, qatarna galiyo amniga deegaanka, Galmudug iyo guud ahaan Dalka,” ayuu yiri Ugaas Maxamed. Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in ciidamada amniga ee galbinayey hubkaas ay ku guul dareysteen n in ay shacabka ka qanciyaan walwalka amni ee la soo darsay, waxayna taas beddelkeeda ugu jawaabeen sida uu sheegay dagaal galaaftay 12 qof, laguna dhaawacay 50 kale. Ugaaska waxaa kale oo uu ka hadlay qorshaha hadda socda ee lagu doonayo in lagu soo celiy hubkaasi, wuxuuna ku dooday in dhammaan beelaha Soomaaliyeed ay hubeysanyihiin, aysana jirin cid lagu sameeyey hub-ka-dhigis. Gabagabadii wuxuu ka dalbaday dowladda dhexe ina si deg deg ah u qaadato mas’uuliyadda shacabkii ku dhintay dagaalkii ka dhacay deegaanka Shiilmadow ee hoostaga degmada Caabudwaaq, maadaama halkaas ay dhibaato ka dhacday. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan Galmudug iyo dowladda federaalka ay wadaan qorshayaal ku aadan sidii lagu soo celin lahaa hubkii lagu bililiqeystay waqooyiga gobolka Galgaduud, kaas oo dhaliyay walaac, maadaama uu galay gacanta shacabka. The post Ugaaska beesha Sade oo ganafka ku dhuftay hanjabaaddii DF, soona saaray dalab culus appeared first on Caasimada Online.
-
NAIROBI, Kenya (HOL) — Kenyan police have banned all protests in Nairobi's Central Business District (CBD) following a series of violent demonstrations that have resulted in numerous casualties and significant property damage. Acting Inspector General of Police Douglas Kanja announced the ban late Wednesday, citing "credible intelligence" that organized criminal groups intended to exploit the protests for criminal activities, including looting. Source: Hiiraan Online
-
Mogadishu (HOL) — A recent report by the Migration Policy Institute (MPI) reveals the severe challenges faced by Somali migrants returning home after being stranded abroad. The study, "Migration Interrupted: Can Stranded Migrants from Ethiopia, Somalia, and Sudan Rebuild Their Lives upon Return?" highlights the difficulties and successes of these returnees, supported by the EU-IOM Joint Initiative. Source: Hiiraan Online
-
Guddiga doorashooyinka Puntland ee PEC ayaa xalay soo saaray digniin ku saabsan arrimaha ka reebban xisbiyada siyaasadda Puntland ee u tartamaya doorashada saddexda degmo ee gobolka Nugaal. Qoraal ka soo baxay guddiga doorashooyinka Puntland ee PEC ayaa lagu sheegay in Xisbi kasta oo u tartamaya doorashada ay ka reebban tahay in uu hantida dowladda u isticmaalo danihiisa gaarka Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in xisbi kasta ay ka reebban tahay in uu adeegsado koox ama ciidan hubaysan oo uu ku fushado danihiisa doorashada Islamarkaana uu ku xadgudbo jadwalka ololaha doorashada. Guddiga PEC ayaa sidoo kale sheegay xisbi iyo musharax kasta ay ka reebban tahay uu ku kaco fal ka hor imanaya xeerarka iyo habraacyada doorashada goleyaasha degaanka. “Hadaba, Xisbigii ama Musharaxii u hoggaansami waaya xeerarka iyo Habraacyada Doorashada kuna xadgudba awaamiirta kore waxaa laga qaadayaa talaabo sharciga waafaqasan” ayaa lagu yiri qoraalka guddiga PEC. Halkaan ka akhriso qoraalka guddiga PUNTLAND POST The post Guddiga doorashooyinka Puntland oo digniin ka soo saaray qodoba ka reeban xisbiyada siyaasadda appeared first on Puntland Post.
-
JIGJIGA, Ethiopia (HOL) - A recent study has revealed that Ethiopia's Somali Regional State is rich in valuable gum and resin-producing species, which, if appropriately managed, could significantly boost local economies and promote sustainable development in the Horn of Africa. Source: Hiiraan Online
-
Hargeisa (HOL) — Somaliland MP Mohamed Abiib has dismissed charges brought against him by the Attorney General of Somaliland, who requested his removal from the House of Representatives, calling them baseless accusations. Abiib claims President Bihi's administration is targeting anyone who criticizes its failures following its unsuccessful attempts to fulfill its responsibilities. Source: Hiiraan Online
-
Washington to host African Trade ministers for Agoa in July
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
US President Joe Biden's administration will host trade ministers from developing countries in Washington DC next week to discuss plans to extend the African Growth and Opportunity Act (Agoa) until 2041. Source: Hiiraan Online -
For the first time in years, Somalia has recruited female traffic police. This is part of efforts to increase the number of women in public roles amid a security crackdown. The role was previously off-limits for women in the conservative Muslim nation, where they traditionally worked only behind desks in administrative jobs. Source: Hiiraan Online
-
Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah, ayaa lagu dhageystay warbixinno kala duwan oo ku saabsan xaaladda guud ee dalka. Golaha ayaa Wasaaradaha Amniga Gudaha, Gaashaandhigga iyo Caddaaladda ka dhageystay warbixinno ku saabsan amniga guud ee dalka, howlgalladii ugu danbeeyey ee lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ee ay ciidanka Qaranku ka wadaan qaar kamid ah gobollada dalka iyo shaqaaqadii dhawaan ka dhacday Xabsiga dhexe ee Xamar. Shirka Golaha Wasiirrada oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa sidoo kale lagu dhagaystay warbixinno kala duwan oo la xiriira, Arrimaha Xajka, Isku-xirka Dowladaha Hoose iyo la tacaalidda dhaawacyada iyo Cudurrada faafa ee ay kamid yihiin Shuban biyoodka, Gawracatada iyo Jadeecada. PUNTLAND POST The post Shirkii Golaha Wasiirada ee Maanta oo looga hadlay shaqaaqadii dhawaan ka dhacday Xabsiga dhexe ee Xamar appeared first on Puntland Post.
-
Minneapolis (Caasimada Online) – Duqa magaalada Minneapolis Jacob Frey iyo madaxa booliksa magaalada Brian O’Hara ayaa baajiyey safar qorshuhu ahaa in ay Muqdisho ku tegaan bishii Febraayo ee la soo dhaafay, waxaa sidaas lagu ogaaday xog soo shaac baxday shalay. Hogaamiyayaasha magaalada Minneapolis ayaa rajaynayey in socdaalka Muqdisho uu wanaajin doono badqabka bulshada iyo in la dhiso isku xirka bulshada Soomaalida. Warbaahinta CBS News ee Mareykanka ayaa heshay dokumentiyo muujinaya qorshaha Frey iyo O’Hara ay toddobaad booqasho ah ku joogi lahaayeen Muqdisho. Frey ayaa hogaamiya magaalada ay ku nool yihiin Soomaalida ugu badan ee Maraykanka. Axadii, waxa uu ka qeyb-galay in Minneapolis ay u dabaaldegto 10 sano oo ay walaalo yihiin (sister city) magaalada Boosaaso. Emaillo ay heshay warbaahinta CBS News ee Mareykanka ayaa muujinaya madaxa shaqaalaha xafiiska Frey oo ku tilmaamay safarka Soomaaliya “safar caalami ah oo [Frey] uu ka tashanayey muddo shan sano ah.” Si kastaba, Qaar ka mid ah Soomaalida Minneapolis ayaa ka soo horjeestay safarka, iyadoo nin ka mid ah uu u qoray golaha deegaanka Minneapolis in lacagta canshuur bixiyayaasha si taas wanaagsan looga faa’ideysan karo. Safarka ayaa sababay kala kala qeybsanaan soo kala dhexgashay bulshada Soomaaliyeed, ayada dadka kasoo jeedaa beesha Daarood ee degan magaalada, ay ka soo horjeesteen, islamarkaana ay sameeyeen olole ka dhan ah, sida ay xog ku heshay Caasimada Online Dadkaas ayaa diidanaa in booqashada Frey iyo O’Hara ee Muqdisho ay sare u qaadi karto sumcadda caasimadda Soomaaliya, taasi oo ah wax la-yaab leh. Dadkan ayaa sidoo kale 10 sano ka hor ka horyimid qorshe lagu walaaleyn lahaa Muqdisho iyo Minneapolis, taa beddelkeedna u ololeeyey Minneapolis iyo Boosaaso, kuna guuleystay, maadaama ay Minneapolis tiro ahaan iyo saameyn ahaa uga badan yihiin Soomaalida kale. Waxay sidoo kale, hadda mar kale hor-istaageen qorshe sare u qaadi lahaa magaca caasimadda Soomaaliya. Safarka ayaa waxaa la baajiyey kahor saddex maalin inta aanu dhicin, xilli qarash badan oo sugidda amniga Muqdisho ah lagu bixiyey. Xafiiska Frey ayaa sheegay in loo baajiyey cabsi amni darteed, kadib cadaadis iyo cabsi gelin ka timid Soomaalida. The post Safar uu duqa Minneapolis ku tegi lahaa Muqdisho oo olole qabyaalad lagu baajiyey appeared first on Caasimada Online.
-
Jabuuti (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee HirShabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa ka hor yimid mowqifka dowladda Federaalka Soomaaliya kadib markii uu si toos ah ula saftay Xoghayaha Urur Goboleedka IGAD, Workneh Gebeyehu, oo u dhashay Itoobiya, kaas oo amar ku bixiyay in shaqada laga ceyriyo madaxa Xarunta Odoroska Cimilada ee IGAD (ICPAC), Dr. Guuleed Cartan, oo markiisii hore ku yimid magacaabid siyaasadeed taas oo qeyb ka ah nidaamka ay wax ku qeybsadaan dowladdaha xubnaha ka ah IGAD. Arrintan ayaa soo baxday kadib markii Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya ay warqad u dirtay guddoonka golaha wasiirada IGAD, oo ah Jabuuti, horaantii bishan Luulyo, taas oo lagu cadeeyay in magacaabista Soomaaliya, sharci ahaan, ay tahay mid lama-taabtaan ah ilaa dowladda ay kala soo laabato ama badasho. Wareegtadan loo diray gudoonka IGAD oo ah wasiirka arrimaha dibada ee Jabuuti, Maxamuud Cali Yuusuf, ayaa intaas raacisay in xoghayaha IGAD uusan awood u laheyn in uu badalo ama shaqada ka ruqseeyo saraakiisha ku timid magacaabista dalalka xubnaha ka ah urur goboleedka IGAD. Caasimada Online oo arrintan u kuurgashay ayaa soo ogaatay in Jamaal Maxamed Xasan, oo ahaan jiray wasiirkii qorsheynta ee dowladdii Farmaajo, haatana ah agaasime IGAD, uu yahay ninka ugu dhow xoghayaha Workneh Gebeyehu, isla markaana lahaa aragtida ah in lala wareego Xarunta Odoroska Cimilada ee fadhigeedu yahay Nairobi, si dowladda Soomaaliya looga faramaroojiyo hoggaanka. Guuleed Cartan Waare oo ah ku-xigeenka xoghayaha IGAD ayaa Axadii lasoo dhaafay warqad uu ku saxiixan yahay u diray Guuleed Cartan si xilka looga wareejiyo asagoo og in dowladda Soomaaliya ay matalaad siyaasadeed kusoo magacowday horaantii sanadkii 2015-ka. Tallaabadan uu qaaday Waare ayaa lagu sheegay mid qar-iskatuur ah, islamarkaana lid ku ah wareegtadii ay Wasaaradda Arrimaha Dibada Soomaaliya u dirtay gudoonka IGAD ee 6-dii Luulyo 2024 si maamulka IGAD uga laabto go’aankii sharci darada ahaa oo ay doonayeen in shaqada looga fariisiyo Dr. Guuleed Cartan. Go’aanka Waare ayaa si cad uga hor imaanaya danaha Soomaaliya, dhanka kalena, waxay isgarab-taag buuxa u tahay Workneh Gebeyehu-ga Itoobiya xili la aaminsan yahay in xiriirka labada dal uu meel xasaasi ah marayo. Caasimada Online oo hubisay dhammaan warqadihii la isku diray iyo jawaabihii ka dhashay ayaa xaqiijisay in IGAD ay ka halwgalaan hawlwadeeno fara badan oo ka weyn da’da halgabka ee 60-jirka ah. Tusaale ahaan, hawlwadeenada lexdanka gaaray ama ka weyn waxaa ka mid ah Maxamed Cabdi Waare (Somalia), Fatxiya Calwaan (Jabuuti), Muuse Meygaag (Jabuuti), Ismaaciil Waceys (Jabuuti), Mohy Tohami (Sudan), Kebede Tsegaye (Itoobiya), Ameha Sebsiba (Itoobiya). Mas’uuliyiintan oo dhammaantood ka gowsahaysta dalalka ay kasoo jeedaan ayaa ku magacaaban xilal kala duwan, marka laga reebo Maxamed Cabdi Waare oo dhawaan ku soo biiray IGAD, balse isku dayay in uu fuliyo go’aanka xoghayaha IGAD oo ah sifo sharci-darro ah. Shaqsi aad ugu dhow xoghayaha IGAD oo u waramay Caasimada Online, isla markaana ku adkeystay in aan la magac-dhabin, ayaa yiri “Workneh waa uu ka cago jiiday kolkii hore in ku-xigeen looga dhigo qof ka socda Soomaaliya, maadaama uu IGAD u maamusho sida uu doono, balse kusoo biiristii Waare waxay xoojisay dhaqankii sharci darada ee uu ku socday Workneh Gebeyehu, halka Waare-na uu ka noqday wehel ku garabsiiya ku tumashada qawaaniinta kala hagta dalalka ku baheysan Urur Goboleedka IGAD. Waxaa intaas u dheer ismuujin, xog waran ku aaddan arrimaha Soomaaliya iyo tillaabooyin uu kalsooni kaga raadinayo Itoobiyaanka IGAD heysta.” “Waare wuxuu ku andacoonayaa in uu fulinayo awaamirtii la faray, laakiin IGAD sidaas uma shaqeyso, dalalka xubnaha ka ah ayaa iska leh oo ma ahan hay’ad ama shirkad madax-banaan,” sidaas waxaa yiri Maxamed Cali oo si hoose ula socda xiisada ka taagan IGAD. Waxaan hoos idin kula wadaageynaa warqadda Waare qoray ee ka dhanka ah Dr. Guuleed Cartan iyo warqadda wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya. The post XOG: WAARE oo la saftay qorshe ay Itoobiya ka dhex wadday ururka IGAD appeared first on Caasimada Online.
-
Dowladda Pakistan ayaa cabasho rasmi ah u gudbisay xukuumadda Taalibaan ee Afgaanistaan ka dib weerar ay dhowaan kooxo xagjir ahi ay ku qaadeen xero ciidan oo ku taal waqooyiga galbeed ee dalkaasi. Weerarkaasi oo ay ku dhinteen ugu yaraan 8 askari, halka ay tiro kalena ku dhaawacantay sida laga soo xigtay mas’uuliyiinta Amniga dowladda Pakistan. Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Pakistan ayaa sheegtay in ay u yeertay safiir ku xigeenkaAfqaanistaan ee magaalada Islamabad si ay u gaarsiiso qoraal diblomaasiyadeed oo rasmi ah oo ku saabsan weerarkii ka dhacay magaalada Garrison ee ku taalla Bannu. Bayaanka ayaa ku booriyay mas’uuliyiinta Taliban in ay si buuxda oo degdeg ah u baadhaan, isla markaana ay tallaabo adag oo wax ku ool ah ka qaadaan cidii ka dambaysay weerarkaasi. Milatariga Pakistan ayaa sheegay in 10 nin oo aad u hubeysan in ay fuliyeen weerarka Bannu, dhamaantoodna lagu dilay dagaal saacado qaatay oo dhexmaray ciidamada ammaanka. PUNTLAND POST The post Pakistan oo cabasho rasmi ah u gudbiyay Taalibaan kadib weerar lagu qaaday ciidanka Pakistan appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdisaabir Nuur Shuuriye oo ka tirsan golaha shacabka ayaa si toos ah hubkii lagu dhacay Caabudwaaq ugu eedeeyey Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor, isagoo ugu hanjabay in mar dhow Galmudug ay ka samey doonaan is bedel deg deg. Xildhibaan Saabir ayaa sheegay in madaxweyne Qoor Qoor uu adeegsanayo dhalinyaro Facebook isticmaasha, isagoo sumcad dilaya musharaxiin iyo masuuliyiin kale. Saabir ayaa qoraalkaan uu soo saaray ku sheegay in Qoor Qoor oo watigiisii dhamaaday mar hore uu dacaayad ku bixinayo dhaqaalihii dadka reer Galmudug, “Kuleylkaas waxaa ka keenaya rajo beelka heysta,” ayuu yiri Cabdisaabir Nuur Shuuriye. Hoos ka akhriso qoraalka xildhibaanka: Waxaa wax lala yaabo ah in nin ummad dhani ay hoggaan dowlad goboleed ku aaminatay oo hadana uu hada waqtigiisii dastuuriga ahaa dhammaaday in uu inta badan waqtigiisa ku lumiyo kuna mashquulo isagoo weliba ku bixiyanaya xoolihii dadka tabaaleysan – magacdilka iyo cayda siyaasiyiin kula jira tartan siyaasadeed isaga oo adeegsanaya ciyaal facebook biil ka raadsada. Waa nasiib daro iyo maan gaabnimo in uu u maciinsado dicaayad iyo warar beenabuur ah oo facebook lagu qaro in ay inaga hor istaagi karaan in Galmudug isbedel hoggaan lagu sameeyo. Cayda iyo dicaayadda magacdilka ah waxa ay cadayn u tahay quusta iyo rajobeelka ku haya. Faanka iyo isboqrida Facebook gana waxaa isku sabarsiisa qof aan ogeyn in ay jirto maalin kale oo beri ah oo aad weli u baahan tahay in lagu beenfaaniyo. Saaxiib waxaad sugtaa dhowaan waa isbedel iyo power transfer sababtoo ah waa hubaal in xil dadweyne aan SHARCIYAD LA’AAN IYO MAGACDIL DAD aan lagu sii joogi karin. IN AAN JOOGO JECLAAYEE hortaa ayaa la waayey. The post Xildhibaan Saabir Shuuriye oo eedeyn culus oo hubkii la xiriirta u jeediyey Qoor Qoor appeared first on Caasimada Online.
-
Buuloburde (Caasimada Online) – Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya dadka deegaanka ayaa maanta nolosha ku qabtay dhagarqabe Khawaarij ah oo u dhashay qowmiyadda Oromada ee Itoobiya. Arrinta ka yaabisay ciidanka waa in ninkaas ay jirkiisa ku qoran tahay caalamadda Tattoo oo gaalada dhaqan u ah, halka ninkaan uu la socday koox sheegata inay ku dagaalamayaan islaamnimo. Howlgalka lagu qabtay dhagarqabahaan ayaa ka dhacay deegaanka Beerayabaal oo hoos taga degmada Buuloburde ee gobolka Hiiraan, waxaana loo kaxeeyey dhanka Buuloburde, si loogu gudbiyo Muqdisho. Maalmihii lasoo dhaafay howlgallo jab culus lagu gaarsiiyey Khawaarijta Al-Shabaab ayaa ka socday gobolka Hiiraan, gaar ahaan deegaanka maanta ninkaan lagu qabtay ee Beerayabaal. Taliyaha ciidanka dhulka oo goor sii horeysay ka hadlay howlgalka ka socda Beerayabaal ayaa sheegay in halkaas lagu jebiyey argagixisada, isla markaana lagu guuleystay in galbeedka loo dhaafiyo wabiga Shabeelle. Ciidanka xoogga dalka waxaa dagaalka ka socda aagaas ku garabsiinaya dadka xaq u dirirka ah ee reer Hiiraan, kuwaas oo ku guuleystay inta badan dhulkooda inay ka xoreystaan cadowga. Al-Shabaab ayaa ku jabay Hiiraan, sababtuna waa kacdoonka shacabka oo dhiirigelin iyo garaba u noqday ciidanka qaranka oo waajibka koowaad ka dhigtay dabargoynta cadowgaan argagixisada ah. Dowladda Soomaaliya oo kaashaneysa xaq u dirirka reer Hiiraan ayaa qorsheyneysa in maalmaha soo socda uu galbeedka Hiiraan ka bilowdo howlgal culus oo lagu soo afjarayo Khawaarijta, waxaana socda abaabul ciidan oo culus. The post DF oo qabatay nin Itoobiyaan ah oo wata ‘Tattoo’ kana tirsan Al-Shabaab (Sawirro) appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dhacdada ku saabsan hubka lagu qabsaday magaalada Caabudwaaq oo xogtiisa iyo mas’uuliyadda cidda lehba weli la isku tuurtuurayo ayaa waxa uu u muuqdaa mid bannaanka u soo saaraya loollan siyaasadeed lafa-jebis ah oo in muddo ah ka dhex jiray awooddo iyagu is diiddan, balse dhammaantood ay Villa Somalia wada doonayso. Dhinacyadan oo kala ah madaxda hadda ka talisa Galmudug iyo musharraxiinta u hanqal-taagaya inay talada maamulkaas dhaxlaan ayaa dhammaantood ku howlgalaya kalsooni iyo isku-halleyn ay ku qabaan Madaxweyne Xasan Sheekh, maadaama ay wada aaminsan yihiin in taageerada dawladda dhexe ay muhiim u tahay gaarista damacooda. Waxaase layaab ah in loolanka dhexdooda ah uu galaafanayo sumcadda iyo ujeeddooyinka siyaasadeed ee Madaxweyne Xasan. Dhacdooyin dhowr ah oo labadii sano ee la soo dhaafay Galmudug ka dhacay ayaa tusaale fiican u noqon kara sida ay awoodaha is-riixaya ee wada heysta raalli-ahaanshaha Xasan Sheekh ay haddana sababta ugu noqdeen guuldarrooyin waaweyn oo soo gaaray qorshayaashii waaweynaa ee Madaxweynaha. Mid ka mida tusaalayaasha muhiimka ee loo soo qaadan karo waa hawlgalladii dib-u-xoreynta ee dartood uu Madaxweynuhu dhowr billood goballada dhexe ugu maqnaa, kuwaas oo ugu dambeyn dhabar-jebin kala kulmay legdanka is-diiddanayaasha uu Madaxweynuhu wada doonayo ee reer Galmudug. Madaxweynaha Galmudug, Axmed Qoorqoor, markii uu ka badbaaday weerarkii “Laas Gacameey” waxaa xoogeystay hadal-haynta ku saabsan inuu mas’uuliyadda weerarkaas ku eedeeyay Taliyihii NISA ee xilligaas Mahad Salaad. Waa markii ugu horreysay, taariikhda casriga ah, ee mas’uuliyiin xilal sare ka haaya dalka ay isku eedeeyaan argagaxisanimo, waxayse ahayd arrin aan sidii ay u cusleyd loo cusleysanin in Madaxweyne dowlad Goboleed uu tuhmo Taliye Sirdoon. Qoorqoor waxaa loo arkayay nin fursaddii weerarka AS uga faa’ideysanaya dano siyaasadeed si uu meesha uga saaro Mahad Salaad oo uu uga baqayay inuu kursigiisa damacsan yahay. Laakiin ujeeddadii uu lahaa waxaa u suurtogaliyay Madaxweyne Xasan Sheekh, oo aan wax dan ah ka lahayn is-eedeynta iyo is-tuhunka mas’uuliyiintaas xilalka muhiimka ah haaya, xilligaasna waxaa uu Madaxweynuhu ku qasbay Taliyihiisa NISA inuu ka tago Galgaduud oo uu Muqdisho ku laabto, taasoo fursad u noqotay Qoorqoor oo ninkii uu saameyntiisa ka didsanaa si fudud uga bixiyay xeyndaabkiisa. Muddo kaddib waxaa haddana maanta loollan dhibaatadiisa wata uu ka dhexeeyaa Qoorqoor iyo Liibaan Axmed Xasan oo ah musharrax Madaxweyne oo Galmudug ah, kana mid ah dadka ku dhow dhow Madaxtooyada Soomaaliya. Qoorqoor oo isku arka in uu ka soo adkaaday saaxiibkii hore ee Madaxweyne Xasan Sheekh, Mahad Salaad, ayaa mar kale isku dayaya in uu u quus-gooyo Liibaan, si uu ugu kaliyoobo fursadda maamulidda Galmudug oo uu taageerada Xasan Sheekh uga talo-galayo. Waa is-dibrin iyo is-dibin-daabin siyaasadeed oo mar walba cidda ku khasaaraysa ay tahay Villa Somalia. Madaxweyne Xasan Sheekh, tan iyo markii uu xafiiska dib ugu soo laabtay May 2022, waxa uu u muuqday mid ku howlgalaya siyaasad keli-socod ah, isaga oo meel iska dhigay jiheynta iyo kala-qabashada saaxiibbada iyo xubnaha kale ee maamulkiisa ka tirsan. Hab-dhaqankan waxa uu dhiirrigeliyay isqabqabsiga iyo loollanka gudaha ah, kaas oo noqday mid xiriirsan min xafiiska Madaxtooyada illaa xafiisyada kale ee dawladda iyo weliba dawlad-gobaleedyada qaar. Fagaarayaasha Siyaasadda waxaa caan ka ah oo oraah sifeynaysa hab-maamulka Madaxweynaha, taas oo dhaheysa: “ninkii raaya ayaa reerka u haraya”, oo la macno ah in Madaxweynuhu uu isku fiirsado laba kasta oo loollamaysa, xataa haddii dhexdooda ay ku dhimanayso maslaxadda guud ee dalka. W/Q: Cabdicasiis Golfyare The post Xog: Hubkii lagu boobay Caabudwaaq oo abuuray loolan culus oo siyaasadeed appeared first on Caasimada Online.
-
Addis Ababa (Caasimada Online) – Mike Hammer, oo ah ergeyga gaarka ah ee dowladda Maraykanka u qaabilsan Geeska Afrika ayaa bixiyey wareysi uu kaga hadlay xaaladda rasmiga ah ee ka jirta gudaha dalka Itoobiya oo dhexda uga jira qalalaase iyo colaado sokeeye. Ergayga oo toddobaadkii hore safar ku tegay dalka Itoobiya ayaa VOA uga waramay xaaladda Itoobiya ayaa rajo wanaagsan ka muujiyey in hadda xal u helidda colaadaha sokeeye ee gudaha dalkaas rajo badan laga qabo inay guuleystaan. Waxa uu xusay in dadkii ka barakacay gudaha dalka ay billaabeen in ay dib ugu laabteen guryahoodii, xad gudubyadii ka dhanka ahaa xuquuqul insaanka ee gobolka Tigray-na ay si weyn hoos ugu dhaceen. Maraykanka ayaa dhiirigeliyay ‘horumarka sii kordhaya’ ee laga gaarayo dadaallada nabada iyo dib u heshiisiinta ee Itoobiya, labo sano kadib, xabbad joojintii ka hirgashay gobolka waqooyi ee Tigray. Bishii November sannadkii 2022-kii, dawladda Itoobiya iyo hoggaamiyeyaasha gobolka Tigray ayaa gaaray heshiis xabbad-joojin ah oo loo yaqaan Pretoria Agreement ama Joojinta Colaadda, kadib dagaal sokeeye oo laba sano socday, kaas oo burburiyey inta badan waqooyiga Itoobiya. Mike Hammer, ergeyga Maraykanka ee Geeska Afrika wuxuu qiray in ay sii socdaan colaadaha ka taagan gobollada Axmaarada iyo Oromiya, isaga oo sheegay in Maraykanku uu diyaar u yahay in uu taageero dadaal kasta oo lagu nabadeynayo deegaanadaas, iyadoo loo marayo wadahadal. Hammer ayaa toddobaadkii hore u safray Itoobiya si uu uga qayb galo shirkii labaad ee Midowga Afrika oo dib u eegis ku sameynaya dhaqangelinta heshiiskii Pretoria ayaa dalkaas kala soo noqday fekrad ka duwan tii uu ka heystay Itoobiya, sida u uku sheegay wareysigaan. Sidoo kale wareysigaan qeybihiisa dambe wuxuu kaga hadlay xaaladda Suudaan oo dagaalo sokeeye ay ka qarxeen dowladiina burburtay, wuxuuna rajo weyn ka muujiyey in Suudaan nabad lagu soo dabaali karo. Hoos ka dhageyso wareysiga https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2024/07/01000000-0a00-0242-548f-08dca67f5b91_16k.mp3The post Wareysi: Ergeyga Maraykanka Geeska Afrika xog culus ka keenay colaadaha Itoobiya appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah Senatorada Golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa si adag uga hadlay hubkii Isniintii lagu dhacay degmada Caabudwaaq ee waqooyiga gobolka Galgaduud kaas oo ka yimid dhanka Itoobiya. Senator Deeqo Xasan Xuseen oo Wariyeyaasha kula hadashay bannaanka hore ee xarunta Golaha ayaa ku baaqday in hubkaas la bililiqeystay lagu soo celiyo gacanta dowladda federaalka, waxayna sheegtay in shacabku aanay xaq u lahayn hubkaas, uuna halis ku yahay amniga dalka. “Waxaan ku baqayaa in hubkaas la dhacay lagu soo celiyo gacanta DFS si badbaadadii dalka iyo dadka ay iyadana ku hana qaado. Shacabka xaq u malaha inay hubka gacanta ku dhigaan waxaa xaq u leh ciidamada ay koontaroolka hubka yeeshaan” ayay tiri Senatoradu. Sidoo kale waxay farriin u dirtay madaxda dowladda dhexe iyo kuwa dowlad goboleedyada oo ay ugu baaqday inay qaataan mas’uuliyadooda ka saaran badqabka dalka iyo dadka. “Waxaan leenahay mas’uuliyiinta oo ay ugu horreeyaan federaalka, madax maamul goboleedyada iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed cid walba waxaa mas’uuliyad ay ka saaran tahay ilaalinta badqabka iyo amniga dalka” ayay tiri mar kale sii raaciyay Deeqo. Dhankeeda Senator Laylo oo kamid ah Golaha Aqalka Sare ayaa iyaduna sheegtay in hubkan loo adeegsan karo dagaal beeleedyada ka socda gobollada dhexe, isla markaana ay ka imaan karto halis kale oo wayn, waxayna dowladda ka codsatay in lasoo celiyo. “Hubkaas shacabka gacantooda, iyaga oo awal aagag isugu jro waa qatar wayn dowladdu waa in ay xakameysaa,” ayay iyaduna tiri Senetor Layla. Hadalka kasoo yeeray Senatorada Aqalka Sare ayaa kusoo aadaya, ayada oo weli taagan tahay xiisadda ka dhalatay hubkan lagu dhacay degmada Caabudwaaq, waxaana haatan socda dadaallo ku aadan soo celinta hubkaas oo ay wadaan dowladda dhexe iyo Galmudug. The post Senatorada Aqalka Sare oo go’aan culus kasoo saaray hubka lagu dhacay Galgaduud appeared first on Caasimada Online.
-
Somaliland ayaa war ka soo saartay hubkii gacanta u galay malleeshiyaad iyo dad shacab ah oo ku sugan deegaanada Galmudug kaas oo la sheegay inuu ka soo tallaabay xadka dowlad deegaanka Soomaalida. War qoraal ah oo ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Somaliland oo afka ingriiska ku qornaa ayaa lagu sheegay in Somaliland ay welwel xooggan ka muujinayso hubkaas. “Dhacdadii dhawaan ka dhacday magaalada Caabudwaaq oo dad rayid ah iyo maleeshiyo beeleed ay ku qabsadeen hub iyo saanado kale oo badan…waxay sii muujineysaa xaalada adag ee dhanka ammaanka ka taagan,” ayaa lagu yiri warka. Sidoo kale wasaaradda ayaa tiri: “Somaliland, ayaa walaac xooggan ka muujisay khalkhalka uu sababayo hubka faraha badan ee ku dhex faagsan Soomaaliya, sida aan ka arki karno dhacdooyinkii u dambeeyay”. Somaliland ayaa intaa ku dartay in horreyba ay u qabeen walaac ah in lagu deg degay in Soomaaliya laga qaado cunaqabataynta hubka ee saarnayd. “Arrimahani waxay xasuusin dhab ah u noqonayaan walaaca xukuumadda Somaliland iyo dawladaha kale ee safka hore ka qabaan in cunaqabataynta hubka laga qaado Soomaaliya. In kasta oo aan digniino adag bixinay, haddana cunaqabataynta ayaa la qaaday bishii Diseembar 2023”. Somaliland ayaa walaaca ku sheegtay in hubkan oo ay dawladda Soomaaliya ku tilmaantay mid sharci darro ah uu su’aal galinayo in waqtigii saxda ahaa la qaaday cunaqabateynta iyo inkale. Dhanka kale wasiirka arrimaha gudaha ee Puntland Cabdi Faarax Siciid Juxa, oo la hadlay BBC-da ayaa sheegay in uu welwel ka qabo hubkii dadka shacabka gacanta u galay. “Hubkani waxaan u arkaa inuu dhalin karo su’aalo cusub oo ah nabad galyada iyo wada noolaanshaba inuu wax yeeli karo. Welwelkaas ayaan ka qabaa,” ayuu yiri Juxa. Qaar ka mid ah khubarada amniga Soomaaliya ayaa qaba in cunaqabateynta hubka ee Soomaaliya ay u baahan tahay xilligaan kor joogtayn adag, iyaga oo eegaya dhacdadii darraad ka dhacday meel u dhaw degmada Caabudwaaq ee Galmudug. Balse Axmed Kaboole, oo ah khabiir ka faalooda ammaanka ayaa xusay in walaaca Somaliland ka soo saartay arrintan hubka ay yeelan karto dhowr fasiraadood. “Maadaama Somaliland uu khilaaf kala dhaxeeye Khaatumo, waxyaabaha ay ka fekerayso waa in hubkan u gudbo xaduudeeda, marna waa siyaasadd waayo Somaliland markii horeba kuma qanacsanayn in xayiraadka hubka laga qaado Soomaaliya, beesha caalamka waxay tusayana in Soomaaliya balantii xakamaynta hubka aysan ka soo baxayn sidaas darteedna ay khalad ahayd in laga qaado ” ayuu yiri Kaboole oo la hadlay BBC da. Sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada Soomaaliya oo BBC-da la hadlay hase yeeshee ka gaabsaday in magaciisa la sheego ayaa isnaxusay “in hubkaasi uu leeyahay ‘Halis gudaha dalka ah iyo goboladaba.” Hadaba dawladda Soomaaliya oo aan isku daynay inaan wax ka waydiino sida ay arkaan walaacaan iyo sida ay awood ugu leeyihiin xakameynta hubka sharci darrada ah ayaan noo suragalin inaan helono, innaga oo dhawr jeer isku daynay inaan la xiriirno. Maxay dowladda Soomaaliya ka tiri Hubkan Dowladda Soomaaliya iyo maamulka Galmudug ayaa si isku mid ah u sheegay in uu sharci darro ahaa hub ku rarnaa gawaari xamuul ah oo la sheegay inuu ka soo tallaabay xadka dowlad deegaanka ay la wadaagaan Galmudug, kaas oo gacanta u galay maleeshiyaad iyo dad shacaba oo ku sugan degaano hoos taga degmada Caabudwaaq ee Galmudug. War ay soo saartay wasaaradda amniga gudaha ee Soomaaliya ayaaa lagu sheegay in “Hay’adaha Amniga ee DFS oo si joogta ah ula socda isku dayada hubka sida sharci darrada ah lagu soo galiyo dalka, ayaa waxay maalintii shalay oo ay taarkihdu aheyd 15 ka July gacanta ku dhigeen hub ay kooxo ka ganacsada hubka sharci darada kasoo galiyeen dhinaca Ethiopia ee ku began Gobalka Galguduud”. War-saxaafadeedka ayaa la sii raaciyey in ka ganacsiga hubka sharci darrada ah uu fursad u yahay kooxaha argagixisada ah iyo hurinta colaadda beelaha. Soomaaliya ayaa dhammaadka sanadkii tagay waxaa laga qaaday xariyada hubka ee saarnayda dalka muddo ka badna soddon sano, taas oo dowladihii soo maamulay dalka ay si isdaba jooga u dalbanayeen. Qaran News
-
Xilli dagaalka Qaza uu sii xoogeysanayo, ayaa waxaa soo baxaysa cabsi isa soo tareysa oo laga qabo in dagaal kale oo Bariga Dhexe uu ka qarxo – taasi oo cawaaqib xumo ku noqon karta gobolka iyo guud ahaan caalamka. Israa’iil iyo kooxda Xisbullah ee Lubnaan (oo ay taageerto Iran) ayaa sagaalkii bilood ee la soo dhaafay isku ridayay gantaallo xadka ay wadaagaan. Hadii colaadani isu badasho dagaal buuxa, oo xisbullah iyo Israa’iil ay dagaalamaan, waxa ay keeni kartaa in maleeshiyaadka ay Iran taageerto ee Ciraaq, iyo Yemen kus o biiraan oo ay colaada ku fido bariga dhexe islamarkana uu Maraykanku ku lug yeesho. Iran lafteeda ayaa si toos ah u faragelin karta. Qaramada Midoobay ayaa ka digtay “musiibo aan laga gudbi karin” haddii uu dagaal u dhaxeeya Xisbullah iyo Israa’iil uu qarxo. bbcsomali Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanadda Golaha Shacabka ayaa xarunta golaha shacabka ku yeeshay kal-fadhiga shanaad kulankiisa afaraad, kaasi oo uu shir guddoominayay guddoomiye ku-xigeenka labaad ee golaha Cabdullaahi Cumar Abshirow. Ajendaha kulanka ee maanta waxa uu ahaa akhrinta labaad ee hindise sharciyeedka maalgashiga Soomaaliyeed oo uu soo diyaariyay guddiga ganacsiga iyo warshadaha ee golaha shacabka. Xildhibaanadda golaha shacabka oo dood kulul, islamarkaana saacado qaadatay ka yeeshay hindise sharciyeedkan ayaa aad uga dooday qodobada hindise sharciyeedkan, muhiimada uu waddanka u leeyahay iyo sidoo kale hadii uu miisaaniyad leeyahay. Kulanka ayaa waxaa ku sugnaa wasiirka wasaaradda qorsheynta, maalgashiga iyo horumarinta dhaqaalaha ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Maxamuud Cabdiraxmaan Beene-beene. Guddoomiyaha guddiga ganacsiga iyo warshadaha ee golaha shacabka Xildhibaan Maxamed Sheekh Nuur Osman ayaa sheegay in hindise sharciyeedkan uu hore usoo maray akhrinta koowaad, islamarkaana uu marayo akhrintiisa labaad. Wuxuu dhanka kale sheegay inuu miisaaniyadiisa wato maadaamaa dooda xildhibaanadda ee maanta ay ku qotontay miisaaniyadda hindise sharciyeedkan. Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee golaha shacabka Cabdullaahi Cumar Abshirow oo kulanka soo xiray ayaa sheegay in xildhibaanada ay aad uga doodeen qodobada hindise sharciyeedkan. Sidoo kale wuxuu sheegay in guddoonka golaha uu deg-deg u magacaabi doono guddi kasoo shaqeyn doona doodii xildhibaanadda golaha shacabka kulankii kan ka horeeyay ka yeesheen dhismaha hay’adaha madaxa banaan ee aan miisaaniyadda lahayn. Guddigan ayaa warbixintooda goloha ku soo celin doona, islamarkaana uu qaraar arintaasi ku saabsan goluhu soo saaro doono, sida uu sheegay guddoomiye ku-xigeenka labaad ee golaha shacabka. The post BF oo dood adag ka yeeshay sharci muhiim ah oo la horgeeyay iyo guddi loo saaray appeared first on Caasimada Online.
-
Tirada dadka ku dhintay dibadbaxyada Kenya oo koradhay 50 qof ayaa la dilay tan iyo markii ay billowdeen dibadbaxyada looga soo horjeedo dowladda Kenya bil ka hor. Guddiga qaran ee xuquuqul insaanka ee Kenya oo ay dowladdu maalgeliso ayaa sheegay in dhimashadu ay ka dhalatay ka dib markii booliisku ay u adeegsadeen awood xad dhaaf ah si ay u kala eryaan dibadbaxayaasha. Arbacadii, hal qof ayaa lagu dilay koonfurta caasimadda, iyadoo mudaaharaadayaashu ay dalbanayeen in isbadalo dhab ah la sameeyo. Madaxwaynaha ayaa todobaadkii aanu soo dhaafnay kala diray golaha wasiirada. Qaran News