-
Content Count
213,501 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
(SLT-Burco)-Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland, ayaa Hudheellada magaalada Burco ku yaalla uga digtay in lagu qabto Bandhigyada laga tumo Miyuusiga isla-markaana ay ka qayb-galaan Dhallinyarada, sida Hablaha iyo Wiilasha. Isu-duwaha Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland ee Gobolka Togdheer Kayse Xaaji Diiriye oo Maanta Saxaafadda kula hadlay ayaa sheegay in haddii ay joojin waayaan hudheelladu Muusiga la dacwayn doono. isku-duwaha oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Waxaan Hudheellada uga digeynaa hablaha qaaqaawan iyo innamada yaryar ee madaxa fiiq-fiiqay ee Miyuusiga ku garaacanaya hudheellada” ayuu yidhi Kayse Xaaji Diiriye, Isu-duwaha Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ee gobolka Togdheere, waxaanu intaa ku daray “Hadday ka dayn waayaan, Fawaaxishkaa u adkaysan mayno oo waalla dacwaynayaa, waxay ka helaana way leeyihiin..” Isku-duwuhu wuxuu ka warramay Waxyaabaha ay u xil-saaran tahay Wasaaradda Diinta iyo Awqaaftu, “Malcaamadaha iyo Masaajiddada ayaanu diwaangelinaa, Masaajiddadu way noo diwaangashan yihiin, waxaana hadda noo socda Malcaamadaha..” ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey “Wasaaraddu waxay qabataa wax Alaale iyo wixii Fawaaxish ah, wacyi-gelin ayay samaysaa..” Guddiga Wanaag-farista iyo Xumaan-joojinta Somaliland ayaa hore Huteellada Magaalada Burco uga mabnuucay Aroosyada laga tumo Miyuusiga iyo bandhigyada Fanaaniintu ku qaban jireen, amarkaasi oo ay hirgeliyeen Ciidammada Amniga oo la shaqeeya Guddiga Wanaag-farista. Source
-
(SLT-Laascaanood)-Maamul-gobolleedka Puntland ayaa Kaantaroolka Laga galo Magaalada Garoowe u soo rarray Xuduudka Gobolka Sool, arrintaasina waxa ka cadhooday Ciidammada Millateriga ee Somaliland. Saraakiil ka mid ah Ciidammada Qaranka oo Maanta Warbaahinta kula hadlay Magaalada Laascaanood ayaa ka digay Cawaaqib-xumo ka dhalan karta Kaantaroolka Garoowe ee la keenay Xuduudka Gobolka Sool iyo weliba dhul ballaadhsi ay Saraakiishu sheegeen in Puntland ka waddo deegaannada Bixin iyo Qol oo dhammaantood ka mid ah Gobolk Sool ee Somaliland. Mid ka mid ah Saraakiisha la hadlay Saxaafadda ayaa isagoo arrimahaa ka hadlaya yidhi “Hartinimadu ma wax la isku dhacaa, waar joojiya dhul boobka aad ka waddaan Bixin iyo Qol. 3 Cisho gudahood waa in halkaa lagaga waantoobaa, nabadgalyadiina iyo naftiina ilaashada oo noo daaya Annaga.” Sarkaalkan oo hadalkiisa sii wata ayaa ku hanjabay “Haddaydaan joojin, tallaabada aanu ka qaadno waxaad arki doontaan Garoowe oo Bisaduhu ku dhex meeraan…” ayuu yidhi. Puntland ayaa sheegata Mulkiyadda Dhuleed ee Gobollada Sool, Sanaag iyo Buuhoodle oo Somaliland Maamusha. Source
-
Duqa degmada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug Saahid Maxamuud Cali (Xaaji Sayn) ayaa farriin adag u diray waalidiinta dhalay dhalinyarada koox-kooxda u abaabulan ee habeenkii fowdada ka sameeya xaafadaha magaalada Gaalkacyo. Duqa ayaa waalidiinta ugu baaqay in ay ceshadaan carruurtooda fowdada iyo dhibaatada ku haya amniga magaalada Gaalkacyo isagoo ku boorriyay in haddii ay ceshan waayaan aysan ka daba imaan markii ciidamada amnigu gacanta ku soo dhigaan. Xaaji Sayn ayaa ku hanjabay in ay tallaabo adag ka qaadi doonaan dhalinyarada fowdada ku wada magaalada islamarkana ay u dhaadhicin doonaan xabsiyo ku yaalla magaalooyinka kale ee Puntland si aan waalidkood uga daba imaan. Halkaan hoose ka daawo muuqaalka PUNTLAND POST The post Duqa degmada Gaalkacyo oo digniin adag u diray waalidiinta appeared first on Puntland Post.
-
Addis Ababa (Caasimada Online) – Ciidamo Soomaali ah iyo kuwa kale oo ka kala socda qaar ka mid ah dalalka NATO iyo kuwa ku yaalla Geeska Africa, ayaa Dhoolatys Milatari wuxuu uga bilowday bariga dalka Itoobiya. Ciidamadani oo tiro ahaan gaaraya illaa kun askari ayaa soo bandhigaya Dhoolatus aad u ballaaran. Ujeedada laga leeyahay Carbiskan Milatari ayaa ah mid lagu xoojinayo awooda howlgalka nabad ilaalinta Midowga Africa ee AMISOM. Mareykankaa ayaa maal gelinaya Dhoolatuskani oo socon doono muddo labo todobaad ah. Dalalka Africa ee ka qeyb galaya ayaa waxaa ka mid ah Somlia, Jabuuti, Ugnada, Ethiopia, Ruwanda, Ethiopia iyo howlgalka AMISOM. Dowladda Itoobiya ayaa sanadkii labaad marti gelineysa Dhoolatuskani oo loogu magac daray JA19. Soomaaliya oo hadda ka soo kabaneysa burbur xoogan ayey fursad muhiim ah u tahay inay soo bandhigto cududeeda Milatari, kana faa’iido Carbiskaasi. Ciidamada Xoogga oo dib loo dhisayo ayaa dhawaan AMISOM kala wareegaya amniga, kuwaas oo la qorsheynayo in gabi ahaan ay isaga baxaan dalka. Halkaan ka daawo Wararka oo muuqaalo ah Caasimada Online Xafiiska Addis Ababa caasimada@live.com
-
Wararka aan ka helayno Isgoyska Black Sea ee Degmada Hodan ayaa sheegaya in halkaasi uu ka dhacay Qarax, kaas oo la sheegay inuu ahaa Qarax miino.: Qaraxan ayaa wuxuu ka dhacay xarun shirkadda Somtel ay ku leedahay Isgoyska Black Sea, halkaasi oo la sheegay inay ka agdhawaayeen Ciidamada ka tirsan dowladda federalka Somaliya. Illaa laba ruux ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen Qaraxaasi, sidoo kalena ay jiraan dhaawacyo soo gaaray dad ku sugnaa goobta. majiro wax war ah oo ka soo baxay ma’uuliyiinta shirkadda, waxaan kaloo aan jirion cid sheegay Qaraxa lagu weeraray xarunta shirkadda Somtel. Ciidamada dowladda federalka Somaliya oo gaaray goobta ay wax ka dhaceen ayaa halkaasi waxa ay ka wadaan baaritaano, waloow ilaa iyo hadda aan la shaacin dad loo soo qabtay Qaraxa ka dhacay xarunta shirkadda Somtel ee isgooyska Black Sea. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
A Turkish diplomat in Kenya has revealed that both countries are set to sign a double taxation avoidance agreement by the end of this year. Source: Hiiraan Online
-
Wasiirka Kalluumeysiga Puntland Faarax Cawaash Wasiirka kalluumeysiga iyo Khayraadka badda dowladda Puntland, Faarax Maxamuud Cawaash oo maanta shir jaraa’id ku qabtay caasimadda Garoowe, ayaa ka warbixiyay dhul-gariir la sheegay in uu bilowdii todobaadkan ka dhacay Gacanka Guardafui oo ku yaalla bariga fog ee Puntland. Wasiirka ayaa xaqiijiyay, in dhul-gariirkaasi oo cabbirkiisu ahaa 4.5 magnitude, uu Axaddii ka dhacay meel 171km dhanka waqooyi galbeed kaga beegan degmada Bareeda ee gobolka Guardafui, balse aysan wax khasaaro ah ka dhalan. Mudane Cawaash, ayaa sheegay in degaanno ka tirsan gobolka Guardafui laga dareemay dhul-gariirka oo sida uu xusay ay kamid yihiin, tuulooyinka Booli-moog iyo Geesaley oo hoos timaadda degaanka Xaabo. Wasiirka ayaa tilmaamay in wasaaraddiisu ay diyaarisay, koox khubaro ah oo qiimayn ku soo samayn doona, meelaha dhul-gariirkaasi saameeyay, si ay macluumaad buuxa uga keenaan, waxaana uu ballan-qaaday in ay bulshada la wadaagi doonaan macluumaadka halkaasi laga keeno. PUNTLAND POST The post Dowladda Puntland oo ka warbixisay dhul-gariir ka dhacay gobolka Guardafui appeared first on Puntland Post.
-
Barnaamijka “ OGAAL”ee ka baxa Goobjooj TV, uuna wado Prof. Cabdullaahi Maxmed Shirwac, ayaa todobaadkaan looga hadlay dhaqanka, shareecad iyo Garsoorka guud ee dalka. Waxaana marti ku ah Suldaan Cabdi Salaan oo khabiir ku ah howlaha dhaqanka iyo nabadeynta, sidoo kale waxaa ka qeyb galaya Sheekh Cabdullaahi Cabdiraxmaan, oo bare sare ka ah Jaamacadda Muqdisho, aqoonna u leh shareecada. Suldaan Cabdi salaam oo ka jawaabayey su’aal aheyd kaalin intee la’eg bey odayaashu ku leeyihiin garsoorka Soomaalida ee hadda jira ayaa yiri” Arrinka ah kaalinka odayaashu ay ku leeyihiin Garsoorka waa arrin mug leh weeye, waxa ayna hoos dhaceysaa dhaqanka Soomaalida iyo xeerarkeeda, sababuhu waa waslad oo ka mid ah dhowrka wasladood oo isi suran oo garsoorka Soomaalida ah, marka Garsoorka ugu horeyso waxa uu ka soo bilawdaa xeer, markii xeer jiro, xeerkaas gudihiisa ay odayaashu ka duulayaan ayaga oo isticmaalaya ayey garsoorayaan oo dadka ay kala saarayaan, arrintaasna arrin dhaw ma ahan, waa arrin soo jireen ah, intii dadka caddaanka aysan noo iman ka hor wixii lagu dhaqmayay Soomaalidu ama xeeb ha joogto ama xoolaley ha ahaato ama xabaalato qote ha ahaatoo, beeraha ha falato ama farsamo yaqaan, dhamaantood xeerarkaas ayey lahaayeen oo waa ay kala duwanaayeen, laakiin xeer guud oo Soomaalibaa jiray kaalin mug leh ayey ku lahaayeen”. Suldaan oo sii hadlaya “Makhriizi ninka la yiraahdo dhowr boqol oo sano ka hor, waxaa uu soo maray Seylac, Seylac markuu soo marayna waxaa uu ka sheegay waxaa uu yir “ 12 oday iyo odey ka sareeyo ayaa dadka xukumayey, sidoo kale Bortaqiiskii Baraawre ku dagaalamay Muqdisho xeebaheeda burburiyay, waxaa uu sheegay in Muqdisho nidaam ay laheyd oo labo qeyb u kala qeybsan, ilaa 5,000 oo qof ay ku noolaayeen, sidoo kale Baraawe waxa uu ku sheegay in iyadana 5,000 oo qof ay joogeen, oo waliba ay lahaayeen nidaam ay isku soo doortaan, odayaashu ay u yimaadaan ninka Suldaanka u ahaa, oo dhaqankooda iyo diintooda ay isku xukumayeen dhowr boqol oo sano ayaa laga hadlayaa, Soomaalidu marka, Garsoorka Soomaalidu wuu qodan yahay, wuuna gun fog yahay waana muhiin” Dhankiisa Sheekh Cabdullaahi Cabdiraxmaan, oo ka jawaabayey su’ aal aheyd Shareecada Islaamka kaalinta Garsoorka ay ku leedahay iyo sida looga qeyb qaato ayaa yiri “ Noloshu waxa ay ka sameysan tahay maslaxad , Makhluuquna marwaliba maslaxad ayuu raadinayaa , mid waliba siduu maslaxada u raaniyo, maslaxaddii ayaa isi soo galeysa, isqabsi ayaa imaanaya, isqabsigaas imaanaya duruq lagu kala saaro ayuu u baahan yahay, midka lagu kala saarayo waa duruqa shareecadu dajisay, oo laga dajiyay qadaaga ama garsoorka waxa la yiraahdo, Allah waxa uu ku leeyahay saruulkiisa ku kala xukun wixii allah uu soo dajiyay” Sheekh Cabdullahi ayaa intaas ku daray “Marka shareecada Islaamka waxa ay ku dadaalaysaa inuusan isqabsi dhicin oo maxaa yeelay iimaanka ruuxa, taqwadiida iyo caqiidadiisa waasica diiniga ah ayaa wax badan daaweeya, laakiin waaqiyada shareecada waxaa ka mid ah ayadoo taas ay jirto ayaan haddana dabeecadda insaanka aan la hilmaami karin oo ah in ay ka suurto gasho inuu yimaado inay ka suurto gasho inuu yimaado isqabsi, marka inuu ruuxa wax yeesho, oo uu wax ku abuuro , waana mid ay wax ku socoto, marka sedex qodob ayeey ku dhici kartaa: (1). inuu qasdaan ama si kas ah sad bursi wax ku raadiyo (2). in ay jahli ka tahay, oo is moodayo waxaan inuu asagu ku haboon yahay aqoon la’aan ay u geynayso (3). ama inuu nisyaan ama halmaan uu jiro, marka intaasba qaladku waa uu ka omaan karaa, oo shareecada islaamku waxa ay dajisay nidaamka qalaha ah, oo Rasuulka SCW waxaa uu sheegay fadliga qadaha ama garsoorka uu leeyahay islamarkana waxaa waxa uu ka digay qatarta uu leeyahay waxaa uuna yiri “Dadka wax xukuma waa sedex labo ka mid ah waa Ahlu-naar, midka Janada ku jira waa mid xaqii gartay, kuna xukumay, labada Naarta ku jira mid xaqii uu gartay wuuna ka leexday, midna Jahlibuu ku xukumay, shareecada islaamku aad ayeey u boorisay in qadaga xooga la saaro”. Amaa Culimada iyo doorka ay ku leeyihiin bey’adeena Soomaaliyeed sida asalka, in Soomaalida la xasuusan yahay Soomaalidu Muslimiin bey ahaayee, dhaqankana waxaa u soo hayay sida uu suldaanku sheegay labo jiho ayaa jirtay, waxaan dhihi karnaa qadaga ama garsoorka rasmiga ah waa xadiis taariikh ahaan, midna xeerka ayaa la oran jiray midna midka culima ay xanbaarsan yihiinbuu ahaa. Sida rasmiga ah qadaaga ama garsoorka ay soo saaraan culimada ama loo yimaado dadku waa muslimiin caqiidadoodu waxbey amreysaa, diinta islaamkana kuligeed caqiidatan, wa aqlaaqan wa axkaamanna hal jiho ayeey u wada socotaa, sida saxda ah ruuxa muslimka ah waa inuusan qeybsamin waaye, oo dowladdiisa qaanuunkiisa iyo caqiidadiisa in ay isku meel u wada jeedaan, marka dadkeena Soomaaliyeed waa dad Muslimiin ah marka culimada ayaa loo xukun tagi jiray, aad baa loogu kalsoonaa waxyaabaha ay caanka ku ahaayeen waxaa ka mid ahaa sheekhu qabiil ma laheyn, sidaas darteed waxa uu ahaa darbiyo badan oo dadka ka haqab tiro oo si fiican looga cabo, xukunka uu soo saarana aadbaa loogu aamin qabay, door weyn ayeey taariikh ahaan ku lahaayeen culimadu Garsoorka” Dhankale Suldaan Cabdisalaan ayaa la weydiiyay sida qofka qaaliga ama xaakimka ah uu ku noqon karo mid madax banaan ayaa yiri” Haddii aan ka soo galo dhanka dhaqanka dabeecadda garta Soomaalida ay laheyd waxa ay aheyd in loo siman yahay, geedi iyo waa meesha loo siman yahay, waana meesha Soomaalidu ay ka tiraahdo gar waa loo islaam, waa ayagii oran jiray wiilkaga ku marqaati fur magtana ka bixi, ciisuhuna waxa ay yiraahdaan ciise waa wada ciisoo cidina cid caarad ma dheera, arrinka meesha ku jiraa waa ka fakashada qaanuunka iyo garsoorka, waxaana looga fakanayaa aaliyaadkii qafka ka fanaya qaban lahaa oo aan dhameys tirneen. “Midda kale waxaa weeyaan markii la burburay sidii la rabay in loo soo kabto looma soo kaban odayaasha dhaqanka waxaa fuulay wixii dowladdu ay qaadi jirtay, ilaa qofka wax dila ama jamaacaadka wax laaya qabiil ayaa ku duulaya qabiil kale 50 qof haddii meeshaas ay ku dhimato oday ayaa la arabaa inuu go’aan uu ka gaaro ama sheikh”. Suldaanka ayaa sidoo kale ka hadlay fulinta “Waxa ay u baahan tahay wax fuliya, fulintii aya meesha ka maqan fulintana waxa ay ku xiran tahay in la helo garsoor marka hore si shafaafiyaa oo cad oo muuqato ku yimid oo nidaam lagu heshiis yahay ku yimid,marka labaadna asagii xor ah, oo aan ka baqeyn awoodda fulinta iyo sharci-dejinta ama bulshada oo aan ka baqeyn cid kale ama Mushaarkiisa ama aan u baqeynin amnigiisa, haddii uu wax xukumo haddii uu baqayo ninka reer hebel ayuu xukumay oo wax ayuu ku gaarsinaa ama Exsective ka uu ka baqaayo uu is leeyahay amaa xilka lagaa qaadaa baqdinta ayeey ka mid tahay waa inoo xornimo waxaas oo dhan uu ka helaa. Arrimaha hadda soo kordhay Ififaalayaasha hadda cusub , waa arrimo u baahan in maxkamo gaar ah loo sameeyo, arrimaha dhulka waa khilaaf ada u fara badan, sidoo kale Kufsiga ayaa ka mid ah oo waliba ilmo yaryar la kufsanayo oo aan looga tagayne la dilayo”. Dhankiisa Sheekh Cabdullaahi Cabdiraxmaan, oo ka jawaabayay su’aal ayey culimada qudhooda madaxbaanida ay u leeyihiin in cadaaladdii ay sameeyaan islaamku uu farayay inta ay la egtahay ayaa yiri” Door Culimada waxaa weeye qadaa nidaamiya waa loo baahan yahay, islamarkaasi waxaa loo baahan yahay sida suldaanku uu sheegay, qanuunka in la haadiyo oo shareecada islaamka lagu ariisiyo dadku waa muslimiin in shareecada islaamka lagu fariisiyo, wixii hore uu ku qornaana in lagu haadiyo sghareecada islaamka, si loo helo qabuul mushtamaca oo aaminsan yihiin oo ay u soo joogsanayaan qadaagan caadiga ah. Waxaa la sheegaa markii uu soo baxay xeerka qoyska maxkamadihii iyo qanuunkii wax aaday majiro waayo laguma qanacsana oo dadkii rabitaankoodii kama imaanin diinkoodii ma waafaqsana, marka xalka koowaada waxa uu ka imaanaya islaaxan qawaaniin in la sameeyo oo la waafajyo qawaaniinteena wixii marka jiro in lagu soo fariisiyo shareecada Islaamka, culimada doorka ay ka qaadanayaan waxaa waaye in ay noqdaan kuwa ku jeeg gareynaya shareecada islaamka iyo sida ay u waafaqayaan, fiqiga islaamka in la qaanuun gareeyo waa midka lagu soo dhaweyn karo” Marka kale suldaan Bashiir ayaa la weydiiyay su’aal aheyd Culimadii qanuunlii dowliga ahaa inay dhaliilaan ayagiina aysan diyaar u aheyn qanuunka ay wax ka dajiyaan ayaa yir” waxa ay aheyd in waxa ay tabayaan ay u rogaan qoraal Matalan haddii dastuurka ama qawaniinta ka hoseyso ay wax ka tabayaan, Culimadu intay fariistaan in ay majaal u saaranoo ay yiraahdaan sheikh hebel iyo hebel ha soo arkaan bal daldalooda ay waxaan ay la’yihiin in ay soo qodobeeyaan sida fiqiga Shaafiga oo kale waliba qudriga oo deegaankeena oo kale waa faqsan la yiraahdo soo qodobeeya, odayaashana la yiraahdo soo cadeeya waxa uu xeerka. Wixii dhiig ah gooni u saara Wixii dhaqana gooni u saaraan Wixii reeraha iyo haweenka ku saabsan gooni u saaraan Qodobo la tadbiiqin karo ay ka dhigaan, culimadana ayagoo duruufaha eegayo in ay soo u ruuriyaan, anigu ma ogi eedaas cid kale oo lasaarayo maahan waayihii la oran jiray culimadu banaanka ayeey ka joogaan dowladaha madaxdii dalka ayeey noqdeen oo wasiiro ayagoo ah ayeey joogaan” Sheekh Cabdullaahi Cabdiraxmaan, oo ka jawaabayey su’ aal aheyd, sidee ayeey uwada shaqeyn karaan Garsoorka dowliga ah iyo midka islaamiga ah iyo xeerka dhaqanka ayaa yir “ waxaan u maleynayaa wada shaqeyn toos ah oo laysku ogyahay in aysan jirin ee ay tahay cid waliba qofkii u ymaada ay la meel martaa meeshii markaas ayagu ay u arkaan in ay dariiqo ku xali karaan, culimada caalama su’aal ayaba ka saran banaanshada qadaha waxa lagu xukumayo, lakiin markii dadkii kuu yiraahdo ee yiraahda annagu shareecada islamka ayaan rabnaa inaad nagu kala xukuntaan alhan wasahlan weeye meel ay u celiyaan maleh” Dhankiisa Suldaan Cabdisalaan oo ka jawaabay su’aashii hore ee la weydiiyay Sheekh Cabdullaahi Cabdiraxmaan, oo aheyd sidee ay u wada shaqeyn karaan Garsoorka dowliga ah iyo midka islaamiga ah iyo xeerka dhaqanka ayaa yiri “ Wada shaqeynta sedexdan qodob ee ka ah Garsoorka dowliga ah iyo midka islaamiga ah iyo xeerka dhaqanka, wada shaqeyn waa ay ka dhaxeysaa, mana ka dhaxeyso lamana rasmi gareeyn waana arrinta ugu muhiimsan oo aheyd in la rasmi gareeyo, islaamku xitaa wuu qabaa qadaha markii la keeno dadka, haddii waliba dadkii ehelnimo ka dhaxeyso dib ayeey isugu celiyaan bal inay soo heshiiyaan oo kale, haddii ay heshiin waayaan markaas waa la kala xukumaa, Qanuunka laftiisu madaniga markii shirkado oo kale ay is dagaalaan qaadigu islamarkiiba kiiska ma file gareeyo waxa uu yiraahdaa bal adinku soo heshiiya…………”. Haddaba, Barnaamijka oo dhameystiran halkan ka daawo: Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax ka dhacay qeybo ka mid ah degmada Hodan ee gobolka Banaadir. Qaraxa oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa la sheegay in uu ka dhex dhacay laanta shirkadda isgaarsiinta Somtel ay ku leedahay isgoyska Black Sea ee magaalada Muqdisho. Inta la xaqiijiyey waxaa qaraxaasi ku dhintay 2 Qof, halka ay ku dhaawacmeen 3 kale. Labada Qof ee geeriyootay mid ka mid ah wuxuu ka tirsanaa shaqaalaha shirkadda Somtel, halka ruuxa kale uu ahaa mid aan shirkadda ka tirsaneyn oo goobta ka ag dhowaa, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen Goobjoogayaal. Wararka ayaa sidoo kale intaasi ku daraya in goobta uu qaraxu ka dhacay ay kaabiga ku heyso xarun ciidamada ammaanka ay ku baaraan gaadiidka aada dhanka Cirtoogte. Qaraxan ayaa imanaya maalin kadib markii Caasimada Online ay shaacisay in kooxda Daacish ay u hanjabtay shaqaalaha iyo maamulka shirkadda Dahabshiil. Somtel ayaa waxaa leh Dahabshiil, hase yeeshee ma cadda in qaraxan uu daba socda hanjabaadda Daacish iyo in kale. Weli ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay saraakiisha laamaha ammaanka Soomaaliya iyo maamulka Somtel. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Warbaahinta Goobjoog Media Group ayaa marka hore waxaa ay tacsi u dirtay ehelada, asxaabta shaqo wadaagta ahaayeen iyo shacabka Soomaaliyeed ay ka baxeen weriyeyaasha Hodan Naaleeye iyo Axmed oo ku dhintay qarax 12-kii bishan ka dhacay magaalada Kismaayo ee xarunta dowlad goboleedka Jubbaland. “Waxaan dalbaneynaa in la dhowro xuquuqda aadanaha iyo xuriyadda hadalka, isla markaana ay xuriyad shaqo ka helaan dadka ka shaqeeya warbaahinta “ ayaa lagu sheegay qoraalka Goobjoog. Sidoo kale, Goobjoog waxaa ay bogaadisay cid walba oo ka xanuunsatay geerida labada weriye gaar ahaan gabadha “Hodan Naaleeye waxaa ay aheyd mid muujineysay kartida iyo tayada gabdhaha Soomaaliyeed”. Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa maanta shaacisay in Hodan Naaleeye ay u bixin-doonaan abaalmarin sanadle ah. “Iyada oo la xurmaynayo nolosha halabuurnimo ee Hodan Naaleeye, Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga waxa ay bixin doontaa inshaallah (Abaalmarinta #HodanNalayeh). Sanad waliba waxa aanu guddoonsiin doonnaa qof aan u aqoonsannay in uu wax muuqda qabtay oo ka tirsan Qurbajoogga Soomaaliyeed. Nala soco si xog dheeraad ah u heshid”. ayaa lagu qoray bogga faceboogga wasaaradda. Dhinac kale geerida Hodan waxaa ka tacsiyeeyey ra’isul wasaaraha Canad iyada oo hey’ado badan oo dalkaasi ay xuseen, qaarkoodna si gaar ah abaalmarin u balanqaadeen. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Shan ka dib ciyaartooyda kooxda dowladda hoose ee Muqdishu City Club ayaa wahajahaya talaabadooda cusub ee is badalka xag macaliminka,iyagoo qaatay falsada tababarka layliyahooda reer Tunusiya Maxamed Mestiri Lamjed oo jagadan ka badalay Xuseen Blangu oo naadigan hogaaminayay intii u dhaxaysay 2015 ilaa 2019. Tababare ku xigeenka naadiga Muqdisho City Club Maxamed Jeelaani Ajeelow ayaa Goobjoog Sports u sheegay in macallinka yahay mid dhagaysta talooyinka ka imaanayo ciyaartooyda iyo macalimiinta kale. Tababarkan ayaa wax badan ka gedisaan kii macalinkii hore Uganda Mbalnagu Xuseen uu siinayay xidigaha Muqdisho City shantii sano ee lasoo dhaafay qaar ka tirsan ciyaartooyda kooxda oo la hadlay Goobjoog Sports ayaa sheegay in tababarahooda cusub oo xooga saarayo fahanka iyo kubbadda gaagaaban ee (Tiki-Taka). Taageerayaasha naadiga dowladda hoose oo qaarkooda daawanayay tababarkii 1-aad ee macalin Maxmed Mestiri ayaa sheegaya in macalinkooda ka rajeenayaa in tartamada gudaha iyo dibada ay kusoo bandhigidoonaan kubbadda aad u qurux badan soona jiidata taageerayaasha kubadad cagta gudaha iyo dibada. Agaasimaha kooxda M.C.C Cabdifataax Macallin Yuusuf Fooley ayaa Goobjoog u sheegay in ay doonayaan in isboortiga dalka ay markasta wax ku kordhinyaan si ay ugu daysadaan kooxaha kale ee ka dhisan Soomaaliya Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Tababarkii Ugu Horeeyay Uu Bixiyay Macalinka Reer Tuunisiya W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (SMN) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dil barqanimadii maanta kooxo hubeysan ay ka geysteen degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir. Dilka ayaa loo geysatay Maxamed cumar Calasow oo la sheegay inuu ahaa Ganasade, si weyn looga yaqiinay degmadaasi. Marxkuumka la dilay ayaa horay u ahaa Askari ka tirsanaa ciidamada Booliska Soomaaliyeed, sida ay Shabelle u xaqiijiyeen ilo deegaanka ah. Wararka ayaa intaasi ku daraya in ragii ka dambeeyey dilkiisa ay si aayar uga baxsadeen goobta. Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo ka soo baxay laamaha amniga ee dowladda federaalka Soomaaliya . Sidoo kale ma jirto cid sheegatay masuuliyadda dilkaasi, balse inta badan Al-Shabaab ayaa dilal qorsheysan ka fuliya xaafadaha magaalada Muqdisho. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo; Fowzia Maxamed Sheekh, ayaa Shalay Xafiiskeeda ku qaabbishay Wafdi ka socda hey’adda IOM iyo urur Goboleedka IGAD, waxayna ka wada hadleen fulinta mashaariic lagu dhisayo xarumaha Wasaaradda. Mas’uuliyiinta Labada dhinac ayaa ka wada arrinsaday hirgelinta mashaariic lagu dayactirayo xarumaha Wasaaradda Tamarta oo degaameysan doonta xaruntii hore ee Wakaalada Biyaha Xamar ee Degmada Wadajir. Hey’adda socdaalka Aduunka ee IOM ayaa Wasaaradda ka taageertay dhismaha xarunta sheybaarka Biyaha iyo goobo kale, waxaana si gaar ah looga hadlay dhismaha xarunta Wasaaradda, kaas oo dhowaan billaaban doona sida uu qorshuhu yahay. Dhaqaalaha mashaariicdan ayaa waxaa bixinaya Bankiga horumarinta Afrika iyo Urur Goboleedka IGAD, iyadoo hay’adda socdaalka Aduunka ee IOM ay fulinta ka Gacan siinayso Wasaaradda Tamarta iyo kheyraadka Biyaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya. Kulanka waxaa goob joog ka ahaa, Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Cismaan Libaax Ibraahim, qaar kamid ah Agaasimiyaasha Wasaaradda iyo saraakiil ka kala soctay hey’adda IOM iyo IGAD. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
-
Matabaan (SMN) – Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka maamulka HirShabelle ayaa sheegay in meel wanaagsan ay marayaan dadaallo nabadeed oo ay ka wadaan degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan Xildhibaan Cismaaan Cabdullaahi Dhoore oo ka mid ah xubnahaasi ayaa Shabelle u sheegay in ay la kulmeen waxgaradka dhinacyada ku dagaalamaya halkaasi. Wuxuu tilmaamay in meel hagaagsan ay marayaan wada-hadallada lagu doonayo in lagu soo afjaro colaadaasi. Sidoo kale xildhibaan Dhoore ayaa intaasi ku daraya in loo baahan yahay ciidamo isku dhaf ah oo kala dhex galo Maleeshiyaadkaasi, si markale aysan u dagaalamin. Dhinaca kale Cismaaan Cabdullaahi Dhoore oo ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka HirShabelle ayaa ka warbixiyey booqasho ay ku joogaan magaalada Dhuusamarreeb wafdi uu isagu ka mid yahay oo uu hoggaaminayo Madaxwene Maxamed Cabdi Waare. Xildhibaanka ayaa tilmaamay in ay Dhuusamareeb u joogaan arrimo la xariira dhameystirka xiisada dagaal ee ka taagan degmada Mataabaan iyo sidoo kale boggaadinta dadaallada uu Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ka wado deegaanada Galmudug. Shalay Madaxweynaha HirShabelle iyo wafdi uu horkacayo waxa ay gaareen Caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb, halkaasi oo uu kula kulmay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliiya Mudane Xasan Cali Khayre iyo Madaxa Xukuumadda dowlad goboleedka Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan. View the full article
-
Muqdisho (SMN): Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/Warka-Duhur-16072019.mp3 View the full article
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Xoghayaha Arrimaha carabta iyo dowladaha islaamka ee xisbiga Waddani Axmed Safiina ayaa ka hadlay cadaadisyada iyo caqabadaha dhoofka xoolaha ka soo wajahday Xukuumada Somaliland. Xoghaye Axmed Safiina ayaa sheegay inay Somaliland cadaadisyadaasi ugu wacanyihiin inaysan muhiimad gaara siin iibka iyo suuq-geynta xoolaheeda. Xoghaye Safiina ayaa Xukuumada Muuse Biixi usoo jeediyey inay wasaarada Xanaanada Xoolaha ay ka saarto Xoolo dhoofinta, isla markaana laga dhigo Wasaarad u madax banaan shaqooyinka iibka iyo suuq-geynta xoolaha, loona bixiyo ‘Wasaarada Xoola Dhoofinta’. Xoghayaha Arrimaha carabta iyo dowladaha islaamka ee xisbiga Waddani, ayaa arrintaasi kaga hadlay qoraal dheer oo uu soo dhigay bartiisa Facebook, wuxuuna u dhigna sidan: “24 March ee sanadkan waxa aan ku baaqay in wasaaradda xanaanada xoolaha iyo kaluumaysiga laga saaro xoola dhoofinta oo laga dhigo wasaarad u madax banaan shaqooyinka iibka, suuq gaynta, iyo xoola dhoofinta loona bixiyo WASAARADDA XOOLA DHOOFINTA laakiin dhag jalaq looma siin baahi deedana maanta ladareen, marlabaad ayaan ku baaqayaa, waana kan maqaal kii xoola dhoofinta ee 24/3/2019. “Mudane Madaxwayne dalkeena sanad kii waxa laga dhoofin jiray ku dhawaad 2,750,000 oo adhi ah + 750,000 oo geel ah + 500,000 oo Lo ah = 4,000,000 oo neef dhamaan tood waa lab oo dhadig ma’aha waana markii ay dakada iyo maxjarada Berbera u furnaayeen xoolo dhoofinta. Xoolaheenu marakay magaalada berbera soo gaadhaan waxa neefka adiga ah ku baxa 12$, Neefka geela ahna waxa ku baxa 55$, Neefka Lo’da ahna waxa ku baxa 35$, lacag taas oo kukala baxda kharashka xeroolaha berbera, maxjarka, cashuurta dawlada, iyo xamaaliga degakada berbera. Totalka Adiga = 12×2,750,000=33,000,000$ Totalka Geela = 55 × 750,000=41,250,000$ Totalka Lo’da = 35 × 500,000=17,500,000$ Marka laysu geeyo waa lacag adag oo dhan 91,750,000 Dollar hada waa kharash iyo cashuur berbera oo kaliya, cashuurhii gobalada kale dilaaliintii iyo lacagta iibka neefku way idiin hadhay. Xaga iibka wakhtiga carafada sicirka neefka Adiga ah wuxuu gaadhaa 80$ geeluna 400$ Lo’duna 350$ iibkaa sicirka xooluhu wuu dhaafaa wuuna ka yaraadaa. Totalka Adiga= 80×2,750,000=220,000,000$ Totalka Geela = 400× 750,000=300,000,000$ Totalka Lo’da = 350×500,000=175,000,000$ Tootalka iibka = 695,000,000 Dollar. Tootalka guud = 91,750,000 + 695,000,000 = 786,000,000 Dollar Waa todoba boqol iyo lix iyo sideetan MILYAN oo dollar sxb xoola dhoofinta ciyaar ciyaar iyo meel fudud hamoodin, xoolahaasu waxay kakala yimaadaan 1- %30 gobalada Somaliland 2- %30 Gobalada dhexe ee somalia 3- %40 gobalada Dawlad Deegaanka Somalida. Mudane Madaxwayne Dawlad kasta oo dunida kamid ah waxa ay gaar u dhoofiso ama dhaqaale xoogan ka soo galo ayay u sameeyaan wasaarad u gaar ah, tusaale ahaan; dawladaha PATROL ka soosaara ee dhoofiya waxa ay gooni u magacaabaan wasaarada PATROL ka iyagoo leh wasaarada macdata. Dawladii kacaanka ee Madaxwayne Maxamed Siyaad Bare waxa ay lahaan jirtay wakaalada xoolo dhoofinta oo ka madax banaanayd wasaarada xanaanada xoolaha waxana maareeye ka ahaa Raysal wasaarihii labaad ee dawladii Madaxwayne Xassan sheekh maxamuud waa (Dr.Cabdiwali Sheekh Ahmed) oo wakhtigaa ahaa nin dhalin yaro ah, waliba wakhtigaa xoolo dhoofintu gaarka ahayd xoolaha maanta la dhoofiyo ayaa aad iyo aad ayay uga badan, xoolahaasuna imika waxay ka dhoofaan dakada Jabuuti. Kadib markaan arkay :- Wakhtigan oo maxjarada xooliha la furay, Xoolaha la dhoofinayaa ay badateen, Loona baahan yahay suuq gaynta xoolaha ee sayladaha dunida, Dakadii barberina ay xidhan tahay, Dayac wayna ka muuqdo maxjarada, arimahaas is huwan aw good ayaa curiyay TALO NO 1:- oo ahayd Aasaasida WASAARADA XOOLA DHOOFINTA. Iyo kala qaadka wasaaradaha xanaanada xoolaha iyo kaluumaysiga”. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Saddex ka tirsanaa Al-Shabaab ayaa Shalay lagu dilay degaanka Kiunga, oo hoos taga is-maamulka Lamu, markii ay Ciidanka Boliiska Kenya Rasaas is weydaarsadeen xubno ka mid ahaa malayshiyaadka Al-shabaab oo halkaasi dhigayay Miino. Saraakiisha Boliiska Kenya oo u warramay Jariiradda Daily Nation ee Dalkaasi kasoo baxda ayaa sheegay in iska hor imaadkaasi ay iyaga kaga dhaawacantay Laba Sarkaal. Ciidanka Boliiska Kenya, gaar ahaan Unugga ilaalada xudduudaha ee (RBPU ) loo yaqaan, ayaa xilligaasi ku guda jiray howlo gaaf meer ah, waxanay sheegeen in ay ku raad joogaan xubno kale oo ka tirsanaa Malleeshiyada Al-Shabaab. PUNTLAND POST The post Xubno ka tirsanaa Al-shabaab oo la laayey iyagoo qarax dhigaya appeared first on Puntland Post.
-
Xidigaha Xulka qaranka dalka ayaa si wanaagsan iskugu diyaariyay tartanka Chan oo ah koob ay ciyaaraan ciyaartooyda ka dheela horyaalada wadamooda waxaana tababar joogta oo dhinacyo kala duwan ay ku qaateen xeerada farsamada xiririka Soomaaliyeed ee garoonka Jaamacadaha. Xiriirka kubbadda dalka oo da’daalo kala duwan ku bixinaya horomarinta dhallinyarada matalaysa qaranka ayaa bishii March 2019 tababaraha xulka u magacaabay Bashir Hayford oo kasoo jeeda wadanka Ghana,sidoo kale waxaa qorshaha qaranka qeyb ka ah macallimiin kale oo kasoo jeeda isla Ghana Cabdiwali Colaad Qanyare (Gaatamow) oo ka mid ah macallimiinta goolhayaasha xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta ayaa Goobjoog u sheegay in tababarayaasha kasoo jeeda Ghana ay bixiyaan casharo badan oo horomar ah. Hamiga xidigaha xulka ayaa ah in ay sii wadaan horomarinta iyo guulaha wanaagsan ee tartamada qaarada Afrika qaar ka mid ah xiraflayaasha Ocean Stars oo u waramay Goobjoog ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin tartanka Chan waxayna intaa ku dareen in dalka u soo hooydoonaan guulo waaweyn. Macallinka kooxda kubbadda cagta Horseed Cabdiwali Maxamed Maxamuud (Cabdi Joon) ayaa xili kasta u daawasho taga tababarka ay samaynayaan xulka,isagoo dhiiri gelin iyo dardaaran u muujinayay ciyaartooyda naadiga Horseed ee qeybta ka ah safka qaranka Stars iyo kuwa kooxaha kale ee dalka. Kulankii u danbeeyay ciyaartooyda xulka waxa ay natiijo 4-1 ka gaareen xulka Jabuuti bishii December 2018,inkastoo kulankaa uu ahaa mid saaxiibtinimo oo labada wadan u dhaxeeyay Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Diyaar Garoowka Xulka Qaranka Soomaaliya W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa afar maalin kadib shaacisay magaca iyo qabiilka ninkii hoggaaminayey weerarkii dhawaan ka dhacay magaallo Xeebeedka Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Idaacadda Andalus ayaa baahisay wareysi laga duubay ninkaasi, ka hor inta uusan dhicin weerarka. Magaca sarkaalka horkacayey weerarkaasi oo Sabtidii dhacay ayaa lagu sheegay Xasan Sheekh Nuur Kalaashi oo loo yaqaanay (Zubeyr). Sidoo kale Al-Shabaab ayaa sheegay inuu ka soo jeedo beesha Eelaay,g aar ahaan jufada Bohoraad ee degta gobollada Bay, Bakool iyo Jubbooyinka ee koonfurta Soomaaliya. Zubeyr ayaa Al-Shabaab ku biiray sanadkii 209-kii, sida uu ku sheegay wareysiga laga qaaday. Wareysiga oo soconayay qadar dhan 35 daqiiqo ayaa sidoo kale wuxuu kaga hadlay arrimo badan oo la xariiray weerarkaasi iyo u jeedada laga lahaa. Weerarkani oo lagu bartilmaameedsaday Hoteelka Cascasey ayaa ku bilowday Ismiidaamin, iyadoona kadib rag hubeysan ay gudaha ugu daateen Hoteelkaasi. Jubbaland ayaa xaqiijisay in halkaasi lagu dilay 26 Qof, laguna dhaawacay 56 kale oo ay ku jiraan dad Ajnabi ah. Shirqoolada Sacuudiga ee lidka ku ah Islaamka iyo xiriirka sirdoonka Yahuuda Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
-
Tababaraha cusub ee kooxda Muqdisho City Club Maxamed Meatiri Lamajed ayaa kulankii ugu horeeyay la qaatay ciyaartooyda,maamulka,shaqaalaha iyo taageeryaasha naadiga dowladda hoose wuxuuna xilkan kala badalay Husein Mbalangu oo u dhashay Uganda oo kooxdan hogaaminayay shantii sano lasoo dhaafay.. Guddoomiyahay kooxda Muqdishu City Club Abuukar Maxamed Sheekh ayaa sheegay in kulankan uu ahaa mid lagu soo dhawaynayo macalinkooda cusub ayna ka sugayaan in naadiga la gaaro guulo waaweyn. Cabdullahi Cusmaan Daamey oo ah madaxa suuqa geynta xiriirka kubbadda cagta dalka ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay is badalka iyo horomarka ay samaynayaan maamulada kooxaha ka dhisan Soomaaliya. Jaawhir Baarqab oo ah guddoomiyaha haweenka Gobolka Banaadir ayaa maamulka Gobolka kaga mahad celisay da’daalka iyo garab istaaga ay la garab taaganyihiin xidigaha matalaya kooxda dowladda hoose. Sida ay sheegeen maamulka naadiga Muqdisho City Club tababarihii hore waxaa kooxda loogu diray natiijada aad u liitada macalinkan waxaa laga sugayaa in uu yimaado horomar sida uu Goobjoog u sheegay Cabdiqaadir Muxidiin Xaaji Dacar oo ah gudoomiye ku xigeenka naadiga Muqdisho City Club. Si kastaba kooxda Muqdisho City Club ayaa horyaalka Soomaaliya Premier League 2018-2019 ku dhamaystay kaalinta 5-aad ee kala horeynta mana aheyn wax horay loogu bartay M.C.C sanadadii hore. Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Kulankii Dhexmaray Maamulka,Macalinka Iyo Ciyaartooyda W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
-
Popular Contributors
