Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,001
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Dhuusamareeb (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre ayaa magaalada Dhuusamareeb kula kulmay safiirrada dowladaha saaxiibada la ah Soomaaliya ee saldhiggoodu yahay magaalada Muqdisho iyo wakiillada hey’adaha caalamiga oo maanta magaalada soo gaaray. Kulanka ayaa intiisa badan looga hadlay dadaallada uu Ra’iisul Wasaaruhu hormuudka ka yahay ee lagu dhisaayo Galmudug loo dhan yahay oo qeyb ka qaadata horumarinta dalka iyo ka guul gaaridda himilooyinka ummadda Soomaaliyeed. Mas’uuliyiinta kulanka ka qayb galay ayaa Ra’iisul Wasaaraha ku bogaadiyay dadaalladiisa dhismaha hey’adaha Galmudug, qarameynta ciidamada deegaanka iyo isu diyaarinta xoreynta deegaannada argagaxisadu uga sugan tahay Galmudug. Kulanka waxaa goob joog ka ahaa xubna ka tiran xukuumadda oo ay kamid yihiin wasiirrada arrimaha gudaha iyo amniga iyo sidoo kale madaxa fulinta dowlad gobaleedka Galmudug. Ra’iisul Wasaaraha oo mas’uuliyiinta kulanka uu la qaatay uga warbixiyay heerarka kala duwan ee ay soo mareen dadaallada lagu dhisayo Galmudug, ayaa ka codsaday in ay laba jibbaaraan taageeradooda iyo garab istaagga Soomaaliya si guul wax ku ool ah looga gaaro dhismaha hey’adaha dowladeed ee Galmudug. Mas’uuliyiinta beesha caalamaka ee Ra’iisul Wasaaraha kulanka la qaatay waxaa kamid ahaa wakiillada Qarmada Midoobay, Midawga Afrika iyo IGAD, iyo safiirada Midawga Yurub, Qatar, Turky, Ethiopia, Talyaaniga, Norway iyo Kenya. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyo wafdiga uu hoggaaminayo ayaa maalintii 29-aad deegaannada Galmudug ugu sugan dhismaha Galmudug sal adag, loo dhan yahay oo xariir dhawna la leh dowladda federaalka Soomaaliya. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
  2. Gudoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta mudane Cabdiqani Saciid Carab ayaa ka mid noqday xubnaha cusub ee guddiga fulinta xiriirka kubbadda cagta qaarada Afrika ee CAF,isagoo horay u ahaa guddoomiye ku xigeenka xiriika kubbadda cagta bariga iyo bartamaha Afrika ee Cecafa. Guddoomiyaha warbaahinta xiriirka kubbadda cagta Abuukar Islaw Xasan ayaa Goobjoog u sheegay in booska maanta uu gaaray gudoomiye Cabdiqani Saciid Carab ay Soomaaliya ugu dambeesay mudo dheer tani ay ku timid da’daalka ay wadanka wadaan madaxda xiriirka sanadaha soo aadan la gaari doono guul kale oo xilalka. “Heerka aan maanta ka gaarnay xiriirka kubbadda cagta qaarada Africa waxa ay ku timid da’daalka ay iyo grab istaaga ay ii muuijeen saaxiibdayda shaqada ee X.K.Cagta cagta iyo bahada ciyaaraha Soomaaliya”. “Waxaan umadda Soomaaliyeed meelbo ay jogaan kaga mahad celiyaan fariimaha wanaagsan ay ii soo direen,taasoo ku aadan hambalyo iyo bogaadin anigana waxaan lee yahay Mahadsanidiin 100%” waxaaa sidaas Goobjoog Sports ugu waramay Guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta Cabdiqani Saciid . Guddoomiyaasha kooxaha kubbadda cagta Soomaaliya ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray gudoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta mudane Cabdiqani Saciid Carab,iyagoo arinta ku tilmaamay guul tariikh dalkeena uu kusoo laabanayo darajooyinkii lagu yaqiinay ee xiriirada qaraada iyo caalamka. Ciyaartooyda kooxaha kala gedisan iyo bahda kubbadda cagta dalka ayaa iyagana soo dhaweeyay guulaha uu gudoomiye Cabdiqani Saciid Carab ka sameeyay qaarada Africa,iyagoo mustaqbalka u rajeeyay in uu noqdo gudoomiyaha xiriirka kubbadda cagta caalamka ee FIFA,tani ay ku timid heerka kubbadda cagta wadanka. Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Hambalyada Bahda Ciyaaraha Kubabdda Cagta Ee Cabdiqani W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
  3. Gaalkacyo (SMN) – Gudoomiyaha gobolka Mudug Axmed Muuse Nuur ayaa beeniyey in Puntland ay amar ku bixisay in la soo xiro xubnaha gudiga dhismaha ka wada garoonka kubadda cagta Cawaale oo ku yaalla magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolkaasi. Guddoomiyaha ayaa been abuur ku tilmaamay warar lagu baahiyey baraha bulshada oo lagu sheegay in baaritaano ay ku socdaan guddigaas oo dhawaan lacag kala wareegay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasal Cali Khayre. Sidoo kale wuxuu meesha ka saaray in ciidamo dheeraad ah la geeyey gudaha magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Axmed Muuse Nuur ayaa intaasi ku daray in warkani ay faafiyeen dad yar oo dano gaar ah ka leh arrintaasi. Hadalkan ayaa ku soo aadaya, xilli dowlad goboleedkaa Puntland ay xabsiga dhigtay xubno uu ku jiro guddoomiyaha guddiga dhismaha Waddada Boosaaso oo dhawaan lacag kala wareegay dowladd federaalka ah ee Soomaaliya. Madaxweynaha Soomaaliya oo ka hadlay xariga xubnahaasi ayaa ugu baaqay Madaxweyne Saciid Cabdullaahi (Deni) in si deg deg ah loo sii daayo dadkaasi, inkastoo illaa hadda aysan Puntland jawaabin ka bixin baaqaasi. Dhiacakale Ciidamo ka tirsan kuwa Puntland ayaa maanta isku geedaamay dhismaha bankiga iyo xarumo kale oo ku yaalla waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Ciidamadani oo ahaa kuwa goodsan ayaa ka cabanayay Mushaar la’aan heysata in muddo ah. Wararkii ugu dambeeyey ayaa sheegaya in ciidamada hadda laga qaaday halkaasi, kadib dadaallo ay sameeyeen waxgaradka deegaanka. Cabashada ciidankaPuntland ayaa soo jiitameysay, tan iyo xukuumadii Gaas, kuwaas oo marar badan gadood ka sameeyey deegaanada maamulkaasi. View the full article
  4. Jamaame (SMN) – Howlgallo ay Ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa maamulka Jubbaland ay ka sameeyeen deegaanno ka tirsan gobolka Jubbadda Hoose ayaa waxa ay gacanta ku soo dhigeen saddex qof oo looga shakisanyahay inay ka tirsanyihiin Al-Shabaab. Taliyaha guutada 11-aad qeybta 43-aad ee Ciidanka Xoogga dalka Maxamed Xasan Badal oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in Saddexdaan qof ay saarnaayeen gaari BL ah oo ku wajahnaa magaalada Kismaayo ee xarunta KMG maamulka Jubbaland. Taliyaha ayaa tilmaamay in ay heleen xog ku aadan saddexdaan qof ee la tuhmaayo inay ka tirsanm yihiin Al-Shabaab, kadibna ay gaariga kala degeen. Sidoo kale taliyaha wuxuu sheegay in raggani ay la soo qabteen qalab ay wateen, ayna ku wareejiyeen laamaha amniga si baaritaanno dheeraad ah loogu sameeyo. Ciidamad dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa maalmihii dambe sare u qaaday dhaqdhaqaaqyada ay ka wadaan gobollada Jubbooyinka ee K/ Soomaliya. View the full article
  5. Muqdisho ( Caasimada Online) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax gaari oo barqanimadii maanta ka dhacay agagarka isgoyska KM4 ee magaalada Muqdisho. Qaraxa oo ahaa mid xoogan ayaa wuxuu ka dhashay gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa, kaas oo ku qarxay afaafka hore bar koontarool oo ciidamada dowladda Soomaaliya ay ku leeyihiin waddada aada dhanka garoonka diyaaradaha ee Aada Cadde. In ka badan 15 qof ayaa ku dhintay qaraxaasi, halka ay ku dhaawacmeen tiro intaasi ka badan, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo lagu kalsoon yahay. Dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ayaa isugu jira askar iyo dad rayid ah oo ku sugnaa meesha uu qaraxu ka dhacay. Sidoo kale qarxa ayaa burburiyey dhismayaal ganacsi oo ka agdhawaan halkaasi. War ka soo baxay taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in baabuurka qarxay nuuciisu uu ahaa TOYOTA NOAH . Qoraalkan oo lagu dabaacay bogga Facebook-ga ee taliye ku xigeenka Booliska Soomaaliya Zakiyo Xuseen Axmed ayaa lagu sheegay in weerarkaasi qaraxa loo adeegsaday ay ku dhinteen dad isugu jira askar iyo shacab, inkastoo aan warkan lagu shaacin tiradooda. “Abbaarihii 10:40 subaxnimo ayey Ciidanka amniga ka hortageen baabuur noocisa yahay TOYOTA NOAH oo doonaayay inuu xoog ku maro checkpoint ku yaalla KM4 halkaas oo uu ku qarxay. Waxaa qaraxaas ku dhintay askar iyo dad shacab ah, qaar kalena ay ku dhaawacmeen.” ayaa lagu yiri qoraalka soo baxay taliska ciidanka Booliska Soomaaliyeed. Dhanka kale Al-Shabaab ayaa dhabarka u ritay masuuliyadda qaraxan, waxaana ay sheegeen in bartilmaameedku ahaa koontaroolka ciidamada dowladda. Sidoo kale waxa ay intaasi ku dareen in dhimasho iyo dhaawac ay ku gaarsiyeen ciidamadii ku sugnaa halkaasi, sida ay hadalka u dhigeen. Muddooyinkii la soo dhaafay Al-Shabaab ayaa kordhiyey weerarada iyo dilalka ay ka geystaan gudaha magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  6. MOGADISHU (Reuters) - At least seven people were killed and 27 others wounded when a bomb went off outside a hotel near the international airport in Somalia’s capital Mogadishu on Monday, medical officials said. Source: Hiiraan Online
  7. TORONTO (HOL) - The Minnesota Tigers were crowned winners of the 2019 Annual SomaliWeek Soccer Tournament beating Ottawa FC 3-2 in huge packed at Centennial Park Stadium in Toronto, Canada Source: Hiiraan Online
  8. Muqdisho (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax barqanimadii maanta ka dhacay afaafka hore bar koontarool oo ku taalla waddada aada garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho. Qaraxa ayaa ka dhashay gaari nuuca raaxada ah oo laga soo buuxiyey walxaha qarxa, kaas oo ku qarxay halkaasi. In ka badan 10 qof ayaa ku dhintay qaraxaasi, halka ay ku dhaawacmeen 20 kale, kuwaas oo isugu jira shacab iyo askar ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya. Xilliga uu qaraxu dhacayay ayaa waxaa la sheegay in goobta ay aheyd mid aad u mashquul badan, waxaana baaritaan dheer uu ka socday koontarool ciidamada ammaanka ay ku leeyihiin agagaarka isgoyska KM4 ee magaalada Muqdisho. Sidoo kale dab ka dhashay qaraxa ayaa qabsaday Kaalin Shidaal iyo dhismayaal u badan ganacsi, kuwaas oo uu bur bur xoogan ka soo gaaray weerarkaasi. War ka soo baxay taliska ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa si kooban looga hadlay qaraxaasi. Qoraalkan oo ay barteeda Facebook-ga soo dhigtay taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Zakiyo Xuseen Axmed ayaa lagu sheegay in gaariga qarxay uu ahaa Toyota Noah, islamarkaana uu geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac. “Abbaarihii 10:40 subaxnimo ayey Ciidanka amniga ka hortageen baabuur noocisa yahay TOYOTA NOAH oo doonaayay inuu xoog ku maro checkpoint ku yaalla KM4 halkaas oo uu ku qarxay. Waxaa qaraxaas ku dhintay askar iyo dad shacab ah, qaar kalena ay ku dhaawacmeen.” Ayaa lagu yiri warka soo baxay taliska Booliska Soomaaliyeed. Dhinaca kale Al-Shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda qaraxan, sida ay ku baahiyeen barahooda Internet-ka. Al-Shabaab ayaa shaaciyey in bartilmaameedkoodu uu ahaa koontaroolka ciidamada dowladda ay ku leeyihiin nawaaxiga Lambar Afar, islamarkaana ay ku dileen askar ka tirsanaa ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya, sida ay hadalka u dhigeen. View the full article
  9. Muqdisho (SMN): Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/Warka-Duhur-22072019.mp3 View the full article
  10. July 22, 2019 It looks like history repeating itself It started with the creation of network of key traditional leaders, influential religious personalities and pro-TNG [...] Source
  11. Xiriirka kubbadda cagta dalka ayaa xerada farsamada garoonka Jaamacadaha ku xareeyay dhallinyarada 15-jirada ee matalaysa xulka qaranka kuwaas oo ka qeybgalaya tartanka bariga iyo baratamaha Afrika ee Cecafa. Guddoomiyaha dhallinyarada xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta Cabdullahi Xirse Maxamamuud ayaa ciyaartooyda kula dardaarmay in ilaaliyaan aqlaaqdoda taasina ay tahay mid ay kaliya guul ku garaan. Da’yarta 15-jirada ee markii ugu horeeyay matalaya xulkeena ayaa loo diyaaray goobo wanaagsan ay seexaadaan waalidiinta qaar oo la hadlay Goobjoog ayaa sheegay in ay ugu faraxsanyihiin goobaha loo diyaariyay caruurtooda marka laga eego qolalka jiifka heerka cunada iyo xerada tababarka ee isla garoonka. Madaxa suuqa geeynta xiriika Soomaaliyeed ee kubbadda cagta Cabdi Cusmaan Daameey ayaa sheegay in ay dhallinyaradan ay helayaaan fursado aysan helin kuwii iyaga ka horeeyay ka xariir ahaan ay si dhaw ula socondoonaan waxqabadkooda maadaam ay dhawaan tartanka bariga iyo bartamaha u aadayaan dalka Eritrea. Qaar ka mid ah xirfadlayaasha laga soo xulay tartanka Iskuulada 2019 nasiibna u yeeshay diyaargarowka xulka qaranka ee ka qeybgalka tartamada kusoo wajahan ayaa inoo sheegay in ay shacabka Soomaaliyeed usoo hooydoonaan guulo waaweyn sida ay sanadkii lasoo dhaafay sameeyay dhallinyarad 17-jirada ee kaalinta 2-aad ka galay tartanka iyo bariga iyo baratamaha Afrika 2018 ee ka dhacay dalka Burundi. Cabdisamad Sheekh Caasim oo ah madaxa farsamada xiriirka kubbadda cagta dalka ahna gudoomiye ku xigeenka dhallinyarada ayaa ciyaartooyda da’yarta kula dardaarmay in ay la yimaadaan ciyaar ku dheehan asluub wanaag,taasina ay qeyb ka tahay wax laga rabo in dhallinyaradan xooga saaraan. Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee xiriirka kubbadda cagta Cali Cabdi Cali (Shiine) ayaa ciyaartooydan ku dhiirii geliyay in ay si wanaagsan u qaataan casharada ay siinayaan macallimiintooda maadaam markii 1-aad ay fursad u helayaan in ay matalaan dalkooda Soomaaliya. Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Xulka Qaranka 15-Jirada Ee Lagu Xareeyay Jamaacadaha W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
  12. Maxkamadda sare ee dowladda Puntland ayaa muddaysay dhegaysiga dacwadda loo haysto saddex nin oo ku eedaysan kiiska kufsigii iyo dilkii magaalada Gaalkacyo loogu geystay gabadhii yared ee Caa’isha Ilyaas Aadan. Qoraal saaka ka soo baxay kusimaha guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Puntland Nuur Ciise Maxamed ayaa lagu shaaciyay in maalinta Sabtida ah ee ku beegan 17-Agoosto 2019 ay maxkamaddu dhegaysan doonto gar-maqalka dacwadda loo haysto saddexda eedaysane. Eeedaysanayaasha oo kala ah Cabdifitaax Cabdiraxmaan Warsame Cabdishakuur Maxamed Dige iyo Cabdisalaan Cabdiraxmaan Warsame ayaa hore Maxkamadda derejada kowaad ee gobolka Nugaal waxay ku ridday xukun dil ah kaasi oo Maxkamadda Rafcaanka gobolka Nugaalna ay ku raacday. Balse mar kale ayay rafcaan u qaateen Maxkamadda Sare ee dowladda Puntland oo ah heerka ugu sarreeya ee hay’adaha Garsoorka waxaana haatan laga war sugayaa dhegaysiga dacwaddasi. Halkaan hoose ka akhriso qoraalka PUNTLAND POST The post Maxkamadda sare ee Puntland oo muddaysay dhegaysiga Kiiskii Caa’isha Ilyaas appeared first on Puntland Post.
  13. Maxkamadda sare ee dowladda Puntland ayaa muddaysay xilliga ay bilaabayso dhegaysiga kiiska marxuumad Caasha Ilyaas Aadan oo horay maxkamadaha derejada 1aad iyo rafcaanka Puntland ay [...] Source
  14. Dhuusamareeb (SMN) – Wafdi caalami ah oo ka socda dalalka beesha caalamka ayaa goor dhow gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug. Xubnahan ayaa waxaa halkaasi ku soo dhaweeyey madaxa xukuumadda Galmudug, wasiiro iyo mas’uuliyiin ka tirsan maamulkaasi. Ujeedada wafdigan ayaa la xariirta, sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen dadaallada loogu jiro dhismaha Galmudg. Sidoo kale saacadaha soo socda ayaa la filayaa in xubnahani ka socda beesha caalamka ay la kulmaan Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali oo weli ku sugan halkaasi. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
  15. Dhuusamaraeeb (Caasimada Online) – Xubno kala duwan oo ka socda dalalka beesha caalamka ayaa gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud. Wafdigan oo uu horkacayey ergeyga QM u qaabilsan arrimaha Soomaaliya James Swan ayaa goor dhow ka dagay garoonka diyaaradaha ee magaaladaasi. Madaxa xukuumadda Galmudug, wasiirada heer federaal iyo mas’uuliyiin kale ayaa wafgidan ku soo dhaweeyey halkaasi. Xubnahan ayaa saacadaha soo socdo kulamo gaar gaar ah Dhuusamareeb kula qaadan doono Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya iyo mas’uuliyiinta dowlad goboleedka Galmudug. Kulamadaasi ayaa inta badan diirada lagu saari doonaa xaaladda maamulkaasi, gaar ahaan arrimaha shirka dib u heshiisiinta iyo doorashada. Beesha caalamka ayaa horay ugu baaqday in la dhiso Galmudug oo loo dhan yahay, islamarkaana la’isku keeno dhinacyada isku haya maamulkaasi. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  16. Waxaan rabaa in aan wax yar ka iraahdo lacag ay Dawlada Dhexe u soo dirtay Bosaaso taas oo xasarad abuurtay. Si lacagtaas loo soo diro [...] Source
  17. A suspected car bomb blast has hit Somalia's capital Mogadishu and was followed by heavy gunfire. The number of casualties is not clear yet. Source: Hiiraan Online
  18. A suspected car bomb blast has hit Somalia's capital Mogadishu and was followed by heavy gunfire. The number of casualties is not clear yet. Source: Hiiraan Online
  19. Muqdisho (Caasimadda Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax Xoogan oo ka dhacay Magaalada Muqdisho,kaasi oo Jugtiisa laga maqlay inta badan Degmooyinka Gobolka Banaadir. Qaraxaas ayaa waxaa uu ahaa mid loo adeegsaday Gaari laga soo buuxiyay Waxyaabaha Qarxa,isla markaana waxaa uu ku qarxay Albaabka hore ee Afrik oo ku yaalla Wadada gasha Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Aadan Cadde ee Muqdisho. Sidoo kale Hotelka Afrik ayaa waxaa uu ku dhow yahay Koontaroolka laga ilaaliyo Garoonka Aadan Cadde,iyadoona amniga halkaas siweyn loo sugo,waxaana goobta ku yaalla hotelo ay degan yihiin dad badan. Waxaa socda Gurmad loo sameeynayo dadkii halkaasi ku waxyeeloobay,waxaan uu dab xoogan qabsaday Kaalin shidaal oo ku taalla meel ku dhow Aargada Isgoyska KM4. Wararka qaar ayaa waxaa ay sheegayaan in xiliga uu qaraxa dhacayay wadada ay aheyd mid aad u Mashquul ah oo dadka iyo gaadiidka noocaydiisa kala duwan ay is dhaafayeen. Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya ayaa tegay halkaas,isla markaana waxaa ay ay xireen Aaga uu qaraxa ka dhacay,waxaana hakad ku jira isku socodka gaadiidka iyo dadka. Weli lama Oga Khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxaas ka dhacay Magaalada Muqdisho. Halkaan ka daawo Mursal oo ku kacay Farmaajo iyo Kheyre Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  20. Muqdisho (SMN) – Sida ay ogaatay caasimada Online taliyaha guud ee ciidanka xoogga dalka Kenya General Walter Raria ayaa dhawaan booqasho dhuumaaleysi ah ku yimid gudaha Soomaaliya. Socdaalkan oo aan horay loo sii shaacin wuxuu taliyuhu ku tegay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Sidoo kale taliyaha ayaa booqday xarumo Milatari oo ciidamada Kenya ay ku leeyihiin deegaano ka tirsan dowlad goboleedka Jubbaland. Qoraal ka soo baxay taliska ciidanka difaaca Kenya ayaa lagu sheegay in jeedka safarka taliyaha uu ahaa mid dhiirogelin ah, islamarkaana uu waayo-aragnimadiisa la wadaagayey ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ee Soomaaliya. Warkan laguma shaacin goorta uu taliye Walter Raria yimid gudaha Soomaaliya. Booqashadan ayaa ku soo aadeysa, xilli dhawaan la filayo in doorashada guud ee Jubbaland ay ka dhacdo magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Kenya ayaa la sheegayaa inuu xiriir dhow kala dhexeeyo maamulka Axmed Madoobe oo hadda wajahaya culeys uga imaanayo dowladda Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  21. Mudisho (SMN) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax xoogan oo goor dhow ka dhacay agagaarka isgoyska KM4 ee magaalada Muqdisho. Qaraxa ayaa lagu soo warramayaa inuu ka dhashay baabuur laga soo buuxiyey walxaha qarxa, kaas oo ku qarxay ilinka hore ee hoteel Afriik oo ku yaalla halkaasi. Sidoo kale waxaa goobtaasi ka agdhow barkoontarool oo lagu baaro gaadiidka aada dhinaca garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho. Khasaare kala duwan ayaa jira, balse waxaa haatan socda gurmad ay fidinayaan gaadiidka gurmadka deg dega ah ee Ambalaasta. Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa sidoo kale gaaray goobta, kuwaas oo isku geedaamay halka uu qaraxu ka dhacay. Radioshabelle.com kala soco wixii soo kordha. View the full article
  22. A loud explosion was heard in Somalia’s capital Mogadishu on Monday morning, followed by heavy gunfire, according to our correspondent. The blast was reported in the vicinity of the first security checkpoint of the city’s main airport, Adde Abdulle International airport. Details of the casualties remain sketchy. Developing story. More to follow soon. View the full article
  23. Qarax aad u xooggan ayaa goor dhow waxa uu ka dhacay nawaaxiga isgoyska KM-4 ee magaalada Muqdisho, gaar ahaan goob lagu baaro gaadiidka aada garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde. Sida ay xaqiijiyeen dad goob joogayaal ah, gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa, ayaa lagu weeraray halkaasi, waxaana jira khasaare kala duwan oo qaraxan ka dhashay. Gaadiidka gurmadka degdegga ah ayaa halkaasi ku qul-qulaya, si ay usoo qaadaan dadka waxyeelladu soo gaartay. Si rasmi ah weli looma oga khasaaraha qaraxan uu geystay inta uu la egtahay, iyadoo la maqlayo rasaas ay ridayaan ciidamada ammaanka. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
  24. Wararka naga soo gaarayo Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa sheegayo inuu halkaas ka dhacay qarax xooggan. Qaraxa oo dhawaqiisa laga maqlay inta badan Magaalada ayaa waxaa lasoo sheegayaa inuu ka dhacay isgoyska Km4. Qaraxa ayaa la sheegay inuu ka dhacay Koontaroolka laga aado Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho meel aan sidaas uga fogeyn Hotel Afrik. Wixii kusoo kordha kala soco Caasimadda Online Halkaan ka daawo Mursal oo ku kacay Farmaajo iyo Kheyre Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  25. “I don’t believe the four Congresswomen are capable of loving our Country. They should apologize to America (and Israel) for the horrible (hateful) things they have said,” Trump said in a Twitter post. Source: Hiiraan Online