-
Content Count
213,994 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Wariyayaal Ka Hawlgala Warbaahinta Madaxa banaan ee Somaliland Oo Xukuumadda Muuse Biixi Xabsiga Dhigtay Ciidanka Booliiska Somaliland ayaa goordhawayd Xabsiga dhigay Afar wariye oo ka tirsanaa Warbaahinta ERYAL TV kuwaasi oo ku guda jiray Hawl maalmeedkooda shaqo. Wariyayaashan Oo Kala Ah 1.Badri Kozar 2.Caydaruus Maxamed, 3. Cabdiraxmaan Fantastic 4. Iyo Sawirqaade Kamaal oo ka hawlgalayay Telefishanka ERYAL TV ayaa waxa loo taxaabay Saldhiga Ibraahim Koodbuur. Wariyayaashan ayaa sida la sheegay waxa ay duubayeen War cabasho ah. Warkan oo faah faahsan Goodhaw ka akhriso Foorenews.com. Qaran News
-
Tucson (Caasimada Online) – Laba nin oo qaxooti Soomaaliya ka yimid ah ayaa lagu xiray gobolka Arizona ee dalka Mareykanka ayaga isku diyaarinaya inay raacaan diyaarad u qaadi lahayd Masar, si ay ugu biiraan kooxda Daacish. Mas’uuliyiinta federaalka Mareykanka ayaa shaaca ka qaaday in labada nin la xiray Jimcihii kadib bilo ay wadeen qorshooyin halis ah oo ay la-wadaageen qof saaxiib la ah balse si qarsoodi ah uga tirsanaa FBI-da. Labada nin ee Soomaalida ah ayaa magacyadooda lagu kala sheegay Ahmed Mahad Mohamed oo 21 jir ah, iyo Abdi Yemani Hussein oo 20 jir ah. Ahmed ayaa haystay degenaanshaha Mareykanka ee Green Card, halka Abdi uu haa qaxooti. Abdi Yemeni Hussein oo isku magacaabay Abu Jihad ayaa waxaa qorshihiisa ka mid ahaa inuu qarxiyo Aqalka Cad ee Mareykanka, sida laga soo xigtay halka Ahmed uu sheegay inay doonayeen inay noqdaan labada nin ee loogu doonista badan yahay argagixisada dunida. Ahmed wuxuu sidoo kale sheegay inuu doonayey inuu noqdo “midka qoorta ka gooya dadka.” Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in labada nin ay xogtooda heleen bishii August ee 2018 markaasi oo Ahmed uu xiriir la sameeyey shaqaale si hoose uga tirsan FBI-da oo ay ku kulmeen Online, una sheegay inuu diyaar u yahay inuu jihaad aado. Wuxuu sidoo kale sheegay in qoyskiisa ay taas raali ka yihiin. Waxay dejiyeen sheeko been oo ah inay xaflad aroos uga qeyb-galayaan dalka Masar, balse qorshahoodu ahaa inay ku biiraan kooxda Daacish ee Bariga Dhexe. Waxaa lagu xiray albaabka diyaaradda markii ay garoonka diyaaradaha yimaadeen. Waxaa si rasmi ah loogu soo oogay dacwado ku saabsan inay taageero agab siinayeen urur argagixiso oo caalami ah. Caasimada Online Xafiiska Minneapolis caasimada@live.com
-
JAWAAB HADAL KA SOO YEEDHAY GUDDOOMIYEY KU XIGEENKA KOOWAAD EE GOLAHA WAKIILADA JSL Waxan dhegeystey hadalo kasaa-kasaa iyo kibir ka muuqdo oon loo meel deyin oo uu goob fagaara ah isla soo mutuxay Md Axmed Sheikh Cali Ayaanle- waa Guddoomiyaha Koowaad ee Golaha Wakiilada JSl. Markasta oo Doorasho soo dhowaato ayaa waxa inan dhego barjaysa “Saami Qeybsiga Kuraasta Golaha Wakiilada.” Dunida waxa waxa lagu Qeybsada waa tiro koobta rasmiga ah ee dadka. Qaab beeleed iyo 4.5 tabliiqiga Axmed Ismaaciil Samater iyo Cali Khaliif da’yarta kula dhexwareegayaan waxba laguma qeybsado. Ciddii saami qeybsiga samayn lahayd waa adiga iyo 81 kale ee shan iyo toban sannadood ummadda soo hor kambadhuudha. Sidii lagu heshiiyey Doorashadi Deegaanka ee Bish December, 2002-Hal Qof- iyo Hal Cod iyo tiro Rasmi ah! Gobolka aad ka soo jeedo iyo guud ahaan qarankaba cisaabadka aad horjooga ka tahay aya gabay oo wax ma tarayaal iyo mooshin quutayaal noqday. Tusaale Sida Dunidu wax u qeybsato: Dalka Ingriiska: Tirada Xubnaha Aqalka Hoose: 650 Xubnood oo lookala Qeybsada sida soocota: Gobolka “Scotland”== 59 Xubnood Gobolka W/Ireland== 18 xubnood Gobolka “Wales” == 40 xubnood Gobolka “England” == 533 Sidaas waxay ku noqotay waa tiro koo, waana afartaa Gobol. Siyaado doonow indhaha iyo dhegaha furo. Cidina cid kuma xad-gudbikarto oo xaqeeda ma duudsiyi karto. Bilowgii Somaliland markay xiix, xuux, iyo hoos u gurxanku dhamman waayey, waxa markhaati ma doon ah iyo laba kursi oon laha Gobolka Saaxil Laga soo jaray ayaa midna Awdal la siiyey, midna Sanaag Bari. Ayaanlow Reer Sanaag Bari kursigii la siiy si la yaableh ayey ka yeeleen. Adiga ayaan kuu dhaafayaaye saxiibadaad Reer Las Qorey bal ka wareyso. Gobolada dalka waa la wada degaa. Suaal ina Cali Ayaanlow kuraasta aad hadda Gobolkaagu heysto dadka aad ka tirada badantahay intee ayey saami u heleen marka degmo-degmo loo sii qeybiyo? Taydaa keli lihi taada kula lihi dunida kama shaqayso. Wixii Gobolku helo anna isku koobaaya halkee lagaga dhaqma? Maroodi-Jeex nin inaadeerkaa ah ayaa ka soo baxay. Cidi kama hadal oo lama odhan Gobol kale ayuu ka soo jeeda. Doorashadii Deegaanka ee 2012 Gailey waxa kasoo baxay dad laga tiro badan yahay, cidina hoose ugumay fiirsan. Taana Ilaahay iyo Isaaq uunbaa laga helaaye ha u deymo la’aan. Somaliland oon halaqii Afweyne shan farood iyo calaacal kaga dhaqaajay ayaan ku idhi kaama lihi ila wadaag. Ilaahay ka seko taa Isaaq uunbaa laga helaa. Dad iyo duunyaba Isaaq wuu ku shuf beelay waanu u badheedhay. Markaanu ciidamadii Afweyne arladan ku hirdamaynay halkeed ku uumanayd? Ma asxaabul-kahaf- wal raqiim- baad ahayd? Kun iyo kow jeer haddii la tiro koobo, Ina Cali Ayaanlow ku Abshir kuraasta aad maanta haysto inka yar in aad helaysid. Marnaba hal kursi oo siyaada ha u fadhin. Awood dhaqaale iyo tiro ayaad sheegtay intaba soo bandhig, waxaynu barbar dhigi dadka reer Awdal asal ahaan ka soo jeeda ee Shaqaale Dowladeed ah askar ha noqoto ama shaqaale kale. Waa madax ka kow? Haddii Gobolkaagu daalac yeesho waa laguu celin; haddii Gobolka siyaado la socoto waa soo celiye sidaa ula soco. Axmed Cali Ibrahiim Sabeyse July 30, 2019 Qaran News
-
Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in amniga magaalada ay maanta la wareegeen ciidamo loogu talogalay sugidda amniga doorashada. Ciidamadan oo 100 askari ah ayaa waxaa hoggaaminaya Ismaaciil Saxardiid oo horay u ahaa taliyaha qeybta 43aad ee ciidanka xoogga dalka, haatanna ah taliyaha ciidanka amniga doorashada Jubbaland. Wararka ayaa intaasi ku daraya iney jidadka Kismaayo sidoo kale joogaan ciidamo booliis ah, oo horay halkaasi uga shaqeynayey. Dhinaca kale, dad xog ogaal ayaa Goobjoog News u xaqiijiyey in ay magaalada ka baxeen murashaxiinta ay taageerto dowladda federaalka ah, kuwaas oo qaarkood Muqdisho u imaanaya la tashiyo iyo xeelado kale. Xaaladda amni ee magaalada Kismaayo ayaa caadi ah, waxaana loo diyaar garoobayaa doorashada guud ee August. Wararka doorashada Jubbaland, kala soco halkan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Kismaayo (SMN) – Mareeyaha Dekedda Kismaayo Axmed Xaaji Aadan ayaa sheegay in maanta in ay soo saareen saddex Markab oo horay ugu degtay gudaha Dekeddaasi. Sidoo kale Maareeyaha ayaa tilmaamay in haatan ku howlan yihiin soo saarista afar kale oo weli ku jira halkaasi. Waxaana uu tilmaamay in haraadiga Maraakiibtan ay culeys xoogan ku hayeen dhaq dhaqaaqa Dekedda magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/Cod-1-kismaayo.mp3 View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Midowga Afrika ayaa wuxuu si adag u cambaareeyay weerarkii askarta looga dilay dalka Burundi ee Sabtidii lasoo dhaafay ka dhacay duleedka magaaladda Balcad ee gobolka Shabeellaha Hoose. Muuse Faki Maxamed, gudoomiyaha ururkaasi oo war-saxaafadeed soo saarey, ayaa wuxuu shaaciyey in uu tacsi u dirayo eheladda askartaasi oo tiradooda lagu sheegay lix iyo dhaawac saddex. Gudoomiyaha ayaa tilmaamay in ay ku garab taagan yihiin Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM dagaalka ka dhanka ah dagaalamayaasha Al-Shabaab. Sabtidii lasoo dhaafay ayey ahayd markii weerar gaadmo ah oo ay Al-Shabaab ku ekeysay kolanyo ay la socdeen gaadiidka ciidamada Burundi ee qaybta ka ah AMISOM lagu weeraray Balcad. Afhayeen u hadlay ciidamadda wadankaasi ayaa shaaciyey in la la’yahay laba askari, kuwaasi oo aanan nolol iyo geeri meelna lagu sheegin. Inta badan Al-Shabaab ayaa weeraro isugu jira qaraxyo iyo mid toos ah waxay ku beegsadaan ciidamada ajnabiga ah iyo kuwa xooga dalka ee isaga kala gooshaya goboladda kala duwan ee dalka. View the full article
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Ciidamo cusub oo ka amar qaata Madaxweynaha Jubbalad Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa lagu soo warramayaa in maanta ay la wareegeen ammaanka magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Ciidamadan oo u badan kuwa Boolis ah oo dhowaan la tababaray ayaa waxa ay dhaq dhaqaaqyo ka bilaabeen gudaha magaaladaasi, sida ay xaqiijiyeen dad deegaanka ah. Xaaladda ayaa haatan kacsan, iyadoona Musharraxiinta ku sugan Kismaayo ay dareemayaan qal-qal amni. Doorashada Jubbaland ayaa la filayaa in ay dhacdo bisha soo socota ee August, balse waxaa weli taagan caqabado u baahan in la xaliyo. Inta badan Musharaxiinta ayaanan is-diiwaan gelin, waxaana ay cabasho ka yihiin guddiga doorashooyinka oo ay ku eedeyeen inuu si gaar ah ula shaqeynayo Madaxweyne Axmed Madoobe. Lama oga sida ay wax noqon doonan, balse waxaa isha lagu hayaa tartanka adag ee doorashada Jubbaland . Axmed Madoobe oo doonaya in markiii saddexaad la doorto ayaa sanadkan la kulmaya loolan adag iyo cadaadis uga imaanayo dhanka dowladda Soomaaliya. Halkaan ka daawo Sadex baabuur oo qaraxyo sida oo ku jira Muqdisho iyo fadeexad ku soo baxday Cawad Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
-
Kismaayo (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Jubbada Hoose ayaa ku warramaya in maanta xaalad kacsanaan ah laga dareemayo gudaha magaalada Kismaayo ee xarunta gobolkaasi. Xiisada ayaa timid, kadib markii ciidamo u badan kuwa Boolis ah oo ka amar qaata Axmed Madoobe ay la wareegeen amniga magaaladaasi. Ciidamada ayaa isku fidiyey goobaha muhiimka ah ee ku yaala magaallo xeebeedka Kismaayo ee xarunta KMG ah ee maamulka Jubbaland. Sidoo kale arrintan qal-qal amni ku abuurtay Musharraxiinta ku sugan Kismaayo, kuwaas oo la sheegay in qaarkood ay isaga tageen hallkaasi. Doorashada Jubbaland ayaa la filayaa in la qabto bisha soo socota ee August, iyadoo weli xiisado siyaasadeed ay ka taagaan yihiin deegaanada maamulkaasi. Inta badan Musharaxriina ayaanan is diiwaan gelin, iyada oo uu dhamaaday waqtigii lagu daray. Musharraxinta ayana cabasho ka muujinaya guddiga doorashooyinka oo ay ku eedeyeen inuu kaliya la shaqeynayo Madaxweyne Axmed Madoobe. Lama oga sida ay wax noqon doonan, balse waxaa guud ahaan isha lagu hayaa doorashada Jubbaland iyo cida ku soo bixi doonta. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/Warka-Duhur-30072019.mp3 View the full article
-
Wararka ka imaanaya magaalada Cadaado, ee xarunta baarlamaanka Galmudug ayaa sheegaya in odeyaasha dhaqanka ee Cadaado ay ka biyo-diideen soo-jeedinta guddiga ay dib-u-heshiisiinta beelaha Galmudug u magacawday dowladda federaalka ah. Odeyaasha ayaa la sheegay iney guddiga hordhigeen arrimo lagama gudbaan ah, taasi oo ay jawaab u waayeen ergada ra’isul wasaare Xasan Kheyre. Qodobbada ayaa kala ahaa: Ama hala hirgeliyo heshiisyadii iyo Dekrootooyinkii hore, ee dhigayey in Cadaado tahay caasimadda baarlamaanka dowlad goboleedka Galmudug ama hala wada baa’biyo, oo aan hadda inta aan isu nimaado, qoronno heshiisyo cusub oo ay ku jiraan caasimadda maamulka iyo arrimo kale. Guddiga ayaa la sheegayaa iney ku adkeysteen in wixii cabasho looga tashto kulanka Dhuusamareeb, arrintaas oo u cuntami weysay odeyaasha Cadaado. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Waxaa halkaan idinkugu soo gudbinayaa 10 dhacdo oo aan lala wadaagin dowladda hadda jirta ee la magac baxday Nabad iyo Nolol. dhacdooyinkaan ayaa iskugu jira kuwo ku yimid gaabis dowladda dhankeeda ah, kuwo ay gacanteeda ku geesatay iyo marxalado ay ka qaadatay go’aan aa la jecleysan. Inta badan dhacdooyinkaan ayaa ku yimid habacsanaan dhanka dowladda ah oo jaaniska ugu badan siiyay kooxada dagaalka kula jira oo ay ka midka yihiin Al Shabaab iyo Daacish. Maku koobna 10-kaan oo kaliya dhacdooyinka aan hore loo arag ee dhacay inta uu talada waddanka hayay madaxweyne Farmaajo, balse intaan ayaa u arkay in ay yihiin kuwa ugu muhiimsan. 1- Madaxda ugu sarreysa Al Shabaab ayaa hal meel ku kulmay, waxeyna ka hadleen arrimo ay ka midyihiin amniga iyo is badal ku aaddan Wilaayadooda (Maamul goboleedyada), sida ay sheegeen, waana markii ugu horreysay ee sidaas dhacdo. 2- Qarax aan wali la xaqiijin qaabka uu u dhacay oo ay ku dhinteen kuna dhaawacmeen masuuliyiin xilal muhiim ah ka hayo gobolka Banaadir oo uu ka mid yahay guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho ayaa ka dhacay hool shir uga socday gudaha xarunta gobolka Banaadir. 3- Al Shabaab ayaa iskugu yeeray Ergada soo dooratay xildhibaanada dowladda Federaalka Soomaaliya, kuna soo bandhigay meel fagaaro ah, iyagoo dharka ka badalay, waxeyna sheegeen in ay towxiidka u qabteen. 4- Qaraxii ugu saameynta badnaa Soomaaliya isla markaana ugu qasaaraha badnaa ayaa ka dhacay isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho, waxaana ku naf waayay in ka badan Kun qof. 5- Dowladda Soomaaliya ayaa ka taqalustay Hay’addii Sirdoonka Qaranka NISA, waxeyna ku dartey Booliska, Iyadoo magacii Hay’adda Sirdoonka Qaranka jeebka ugu ridday shaqsi lagu xanto in uu yahay milkiilaha dowladda hadda jirta. 6- Dowladda Soomaaliya ayaa u gacan galisay muwaadin Soomaali ah dowladda Itoobiya oo cadaawad soo jireen ah kala dhaxeyso Soomaali, waxeyna sheegtay xukuumadda in uu Qalbi dhagax yahay Argagaxiso. 7- Ciidamada dowladda ayaa weerar qaawan ku qaaday habeen saq dhexe guriga siyaasi hogaamiye u ah xisbi ka mid ah axsaabta dalka oo ka fikir duwan dowladda, iyagoo ku dilay askar dowladda ka tirsan oo ilaalinayay guriga siyaasigaas, isagii oo dhaawac ahna xabsiga u taxaabay, illaa markii dambe Maxkamad uu kasoo muuqdo, wax dambi ahna lagu waayo. 8- Dowladda Soomaaliya ayaa u aqoonsatay Jabhadda ONLF in ay tahay Argagaxiso dhibaato ku heyso dowladda Itoobiya, Waloow ugu dambeyn ay heshiiyeen dowladda Itoobiya iyo Jabhadda ONLF una aqoonsadeen garab ka mid ah mucaaradka. 9- Waxaa markii ugu horreysay la arkay kooxo inta dila qof, ka duubayo muuqaal iyagoo dilaya, meeshana ka baxsado ayagoon la qaban, ka dibna muuqalka ku baahiya baraha bulshada, in kastoo laamaha ammaanka sheegeen in ay qabteen qaar ka mid ah raggaas. 10- Wasiirro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya oo shaqadooda ku jiro ayaa idaacadaha ka maqlay in xilkii laga qaaday, waxeyna ku dhacday wasiirro ay ka mid yihiin Juxa iyo Yuusuf Garaad. Halkaan ka daawo Sadex baabuur oo qaraxyo sida oo ku jira Muqdisho iyo fadeexad ku soo baxday Cawad W/Q:- Nuune Ali Hassan AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Dhuusamareeb (Cadaado ) – Waxgaradka beesha Saleebaan oo maanta kulan la qaatay guddiga qaban qaabada shirka dib u heshiisiinta Galmudug ayaa ka biyo diiday inay ka qeyb galaan shirka la filayo in dhawaan uu ka furmo magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud. Kulankan oo saacado badan qaatay, islamarkaana warbaahinta ay dibad joog ka aheyd ayaa intiisa badan diirada lagu saaray, sidii ay Odayaasha Cadaado uga qeyb galin lahaayeen shirkaasi. Sida ay Caasimada Online u sheegeen ilo ku dhow shirka waxgradka Cadaado ayaa guddoomiyaha guddiga dib u heshiisiinta Galmudug Cabdiraxmaan Macalin Cabdullaahi Baadiyow ku wargeliyey in aysan marbanaba ka qeyb gali doonin gogosha taalla Dhuusamareeb. Cadaado ayaa weli tabasho ka muujineysa in shirka iyo doorashada labaduba lagu qabto halkaasi. Siyaasiyiinta iyo waxgaradka beesha Saleebaan ayaa horay u shaaciyey inuu ballantii uga baxay Ra’iisul Wasaare Khayre, waxaana ay ku eedeeyeen inuu u xaglinayo dhinaca Dhuusamareeb. Si kastaba ha’ahaatee arrimahan ayaa ku soo aadaya, xilli la filayo in shanta bisha soo socota ee August uu furmo shirka dib u heshiisiinta beelaha dega maamulka Galmudug. Halkaan ka daawo Sadex baabuur oo qaraxyo sida oo ku jira Muqdisho iyo fadeexad ku soo baxday Cawad Caasimada Online Xafiiska Dhuusamareeb caasimada@live.com
-
The Federal Government of Somalia sent a delegation to attend the Arabic Comprehensive and exhibition kicked off in Kuala Lumpur, the capital of Malaysia on July 26 and continued until July 28 Somalia was represented by Mohamed Amin Abukar, the commercial and industry attaché at the embassy in Malaysia and other diplomats, according to a statement from the forum obtained by Radio Shabelle. Speaking at the podium, Abukar said Somalia is proud to participate for the second year in such conference which is vital for the economic integration between the Arab World and Asia countries. He urged the business and investors who attended the conference to invest in Somalia, pointing out that the country is on the rise with many opportunities. Finally, Abukar said his country’s Federal Government is ready to welcome anyone who wants to have an investment in the important opportunities in Somalia. View the full article
-
18 July 2019-guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta mudane Cabdiqani Saciid Carab ayaa noqday guddiga fulinta xiriirka kubbadda cagta qaarada Afrika ee CAf,iyadoo siyaabo kala duwan guushan ay u soo dhaweeyeen bahda kubadda cagta Soomaaliya ee gudaha dalka iyo dibada. Xiriirada kubbadda cagta aduunka ee FIFA iyo kan qaarada Afrika ee CAF ayaa iyagana jagadan ugu hambalyeeyay mudane Cabdiqani Saciid,iyagoo u raajeeyay in uu la yimaado wax qabad wanaagsan yoolkooda taa guddoomiye Cabdiqani ayaa Goobjoog u sheegaya in uu aad ugu faraxsanahay guushan. “Guushan waxayna usoo hooyatay dhamaan bahda kubbadda cagta Soomaaliya darajadan in aan helno waxa ay ka dhigantahay in aan wax la qeebsano xiriirada caalamka” waxaa sidaas Goobjoog Sports ugu waramay guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta mudane Cabdiqani Saciid Carab. Bahda kubbadda cagta ayaa fariimo kala gedisan u diray gudoomiye Cabdiqani markii uu xaqiijiyay helitaanka booskan,iyagoo sheegay in arintan tahay wax weyn oo lagu farxo,balse guddoomiye Cabdiqani ayaa kaga mahad celinaya dhiiri-gelinta iyo garab istaaga loo muujiyay,isagoo intaa raacayay wax walbo oo horomar ay gaaraan madaxa Xiriirka kubbadda cagta ay gundhig u yihiin shacabka Soomaaliyeed meelbo ay joogaan. Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Arinkaa W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
-
Twenty Somali Police Force (SPF) officers have ended a seven-day training in Mogadishu aimed at detecting and eliminating extremism in the country, the African Union Mission in Somalia (AMISOM) said on Monday. Source: Hiiraan Online
-
The speaker of Somali Federal Parliament, Mohamed Mursal has met with the president of Puntland Said Abdullahu Deni in Garowe, the administrative capital of the state on Monday. The speaker is in Garowe to attend an occasion to mark the 21st anniversary since the establishment of the regional state which is slated on 1st August. During their meeting, Mursal and Deni at the statehouse discussed ways to improve working relations between the federal government and the regional member states. Deni and his Vice president, Ahmed Elmi Karaash thanked speaker Mursal and his team for the visit and participation of the anniversary celebrations due to be held next Thursday. On his side, Mursal urged the people and the leadership of Puntland state to continue their efforts in maintaining development they achieved in recent years. View the full article
-
The Chairperson of the African Union Commission, Moussa Faki Mahamat condemns in the strongest terms the attack perpetrated on 29 July 2019 by Al-Shaabab militants against AMISOM personnel, which led to a number of casualties. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xaaladda caafimaad guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho Injineer Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Yariisow) ayaa soo hagaageyso, sida ay Caasimada Online u sheegeen mas’uul ku sugan gudaha dalka Qatar. Guddoomiyaha oo weli xaaladdiisa caafimaad ay la tacaalayaan dhaqaatiirta ayey mas’uuliyiintan sheegeen in haatan ay ka soo fiicnaaneyso sidii hore. Agaasimaha xiriirka dadweynaha ee maamulka gobolka Banaadir Yuusuf Cumar oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Facebook-ga ayaa sidoo kale ka warbixiyey xaaladda Duqa Muqdisho, wuxuuna ka dalbaday Ummadda Soomaaliyeed inay u soo Duceeyaan. “Waxaan ku suganahay isbitaalka lagu dabiibaayo guddomiye Yariisow xaaladdiisa caafimaad aad ayey u wanaagsan tahay waxa uu inooga baahan yahay in aan dDucada ku caawino.”ayuu yiri Yuusuf Cumar. Guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo 11 kale oo dhaawacyo ah ayaa ku jira isbitaalka weyn ee Hamad oo ku yaalla magaalada Dooxa ee Caasimada dalka Qatar. Khamiistii la soo dhaafay ayaa Duqa magaalada Muqdisho Injineer Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Yariisow) loo qaaday Qatar, kadib markii uu dhaawac culus ka soo gaaray weerarkii xooganaa ee Al-Shabaab ku qaadeen xarunta dowladda hoose ee Xamar. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa guriga uu ka dagan yahay Dhuusamareeb ku qaabilsay Maxamed Cabdullaahi Darwiish oo baxsad ka ah ciidamada ammanka ee maamulka Puntland. Wiilkan dhalinyarada ah ee la kulmay Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay inuu isaga soo tagay xaafaddii uu ka daganaa Waqooyiga magaalada Gaalkacyo, kadib markii uu ka war helay inay baadi goobayaan ciidamada Puntland ee ka howlgala gudaha magaaladaasi. Sidoo kale wuxuu xusay in cabsi darteed uu u soo hayaamay, islamarkaana u yimid magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug. Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa xog wareystay Darwiilsh, sida ay tahay xaaladiisa, isaga oo u ballan qaaday inuu garab istaagi doono. Maxamed Cabdullaahi Darwiish ayaa ka mid ahaa dhalinyarada sida weyn Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya dhawaan ugu dhaweysay garoonka kubadda cagta Cawaale oo ku yaalla waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Puntland oo ka carootay booqashadaasi ayaa horay u xirtay xubno ka mid ah guddiga dhismaha waddada Boosaaso, kadib markii la sheegay in ay lacag ka guddoomeen Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre. Caasimada Online Xafiiska Dhuusamareeb caasimada@live.co
-
Rand Paul oo ah Senator ka tirsan Mareykanka ayaa Soomaaliya ku tilmaamay dal aan aheyn hanti-goosad ah, oo aaney ka jirin xuquuq dastuuri ah isaga ka deyriyey xaaladda guud ee dalka. Senatorka oo arrintaas ka hadlayey waxaa uu yiri “ Ma jirto hanti-goosad, xuquuqdii uu ilahey dadka siiyey kuma xusna dastuurkooda, todobo beel ayaa dagaalamaya 40-kii sano ee la soo dhaafay”. Arrintan ayuu jeediyey isaga oo ka hadlayey Ilhaan Cumar, waxaa uu Rand Paul u soo jeediyey haweeneydan asal ahaan ka soo-jeeda Soomaaliya iney dib ugu soo noqoto dalkan ku yaala geeska Afrika, oo ay aragto heerka dhibaatada. “Marka ay Soomaaliya booqato, waxaa ay qadarin doontaa Mareykanka”…”Dalkan ay leedahay cadaalad kama jirto, wey timid, waan quudinay, dhar ayaan u xirnay, nolol, waxbarasho iyo caafimaad ayey ku heshay” ayuu sheegay Senator Rand Paul Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Popular Contributors
