Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,427
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Baydhabo (Caasimada Online) – Dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab oo saaka aroortii hore weerar ku qaaday Deynuunaay ayaa la wareegay saldhigga ciidamada dowladda ee deegaankaasi oo dhaca duleedka magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay. Wararka ayaa sheegaya in dagaal xoogan uu ka dhacay halkaasi, kadibna ciidamada dowladda ay isaga baxeen guud ahaan saldhiggaasi. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamada Milatariga Soomaaliya ay markale weerar rogaal celis ah ku qaadeen deegaankaasi. Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegay in dagaal culus uu labada dhinac ku dhexmaray halkaasi. Ma cadda weli khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkaasi iyo dagaalka xigay intaba. Xaaladda ayaa kacsan, waxaana lagu soo warramayaa in ciidamo ka tirsan kuwa dowladda iyo Koonfur Galbeed oo gurmad ah ay gaareen Deynuunaay. Caasimada Online Xafiiska Byadhabo caasimada@live.com
  2. Kismaayo (Caasimada Online) – Waxaa maanta lagu wadaan in magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose lagu qabto doorashada guddoonka baarlamaanka ee dowlad goboleedka Jubbaland. Doorashadan oo ah mid xasaasi ayaa waxaa ay isugu jirtaa guddoomiyaha baarlamaanka iyo labadiisa ku xigeen. Qaban qaabadii ugu dambeysay iyo diyaar garowga doorashadan ayaa haatan si weyn looga dareemayaa gudaha magaallo xeebeedka Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose. Sidoo kale ammaanka ayaa si xoogan loo adkeeyey, iyadoo xarunta ay ka dhaceyso doorashada ay ku sugan yihiin ciidamada Booliska Jubbaland iyo kuwa AMISOM. Qaar ka mid ah xildhibaanada Jubbaland ayaa isku soo sharraxay doorashadan, kuwaas oo horay u jeediyey khudbadaha ay uga hadlayeen wax qabadkooda. Musharrixiinta illaa hadda ay soo bandhigeen guddiga doorashada ayaa waxaa ka mid ah saddexdii guddoomiye ee baarlamaanka koowaad oo uu waqtigiisa dhamaaday. Doorashada madaxweynaha oo markale dib loo dhigay ayaa iyaduna dhici doonto 22-ka bishan, sida uu shaaciyey guddiga madaxa banaan xuduudaha iyo doorashada Jubbaland. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
  3. KHARTOUM, SUDAN - Sudan's Forces of Freedom and Change, the country's main opposition alliance, has nominated economist Mohammed Abdalla Hamdok to serve as prime minister in the country's transitional government Source: Hiiraan Online
  4. Rep. Ilhan Omar compared the Israeli government's banning her from entering the country to South Africa's denying a congressional member entry for being black during the apartheid. Source: Hiiraan Online
  5. Egypt's Zamalek equaled a club record of the biggest African win after kicking off their Champions League campaign with a 7-0 hammering of Somalia's Dekedaha in the first leg of the preliminary round on Friday. Source: Hiiraan Online
  6. Saudi Arabia denies claims that staff at detention facilities treat violent abuse of undocumented migrants ‘like a sport’ Source: Hiiraan Online
  7. MINNEAPOLIS (FOX 9) - A cell phone video of a man making heated statements in a Starbucks parking lot in the Cedar Riverside neighborhood of Minneapolis is raising concerns among those in the Somali community. Source: Hiiraan Online
  8. Wararka ka imaanaya gobolka Baay ee ku yaalla Koonfurta Galbeed ee Soomaaliya ayaa sheegaya in saaka uu dagaal culus ka dhacay degaanka Daynuunaay oo qiyaastii 30KM u jira magaalada Baydhabo. Dagaalka ayaa sida la sheegayo u dhexeeya ciidamada militariga Soomaaliya oo saldhigyo ku lahaa halkaasi iyo malayshiyaad ka tirsan Al-shabaab oo weerar ku qaaday waxaana ka soo baxaya warar is khilaafsan. Wararku waxay sheegayaan in dagaalka halkaasi ka dhacay oo mudda socday ay Al-shabaab kula wareegtay degaanka Daynuunaay balse markii dambe laga saaray inkastoo aan faahfaahin laga hayn khasaaraha kala gaaray labada dhinac. Degaanka Daynuunaay ee lagu dagaallamay waa degaan muhiim u ah sugidda Amniga magaalada Baydhabo waxaana dhowr jeer oo hore weerarro ka gaystay Al-shabaab. PUNTLAND POST The post Al-shabaab oo weerar culus ka geystay degaanka Daynuunaay appeared first on Puntland Post.
  9. Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi, ayaa laga reebay casuumaddii gaarka ahayd ee boqorka Sacuudigu u sameeyay madaxdii sannadka yimi Xajka. Casuumaddan ayuu boqorku ku qaabilaa sannadkasta marka uu Xajku dhammaado madaxda caalamka ee Xajka yimi. Madaxda ka socotay Jabuuti iyo Soomaaliya ayaa sannadka ka qayb-galay casuumadda boqorka halka madaxweyne Biixi, aanu xaadirin. Sannadkii hore madaxweyne ku-xigeenka Somaliland oo xajka tegay ayaa kulankan lagu casuumay oo la kulmay boqor Sacuudiga. Boqorka sacuudiga oo qaabiley wasiirka Diinta & Awqaafta Somalia Qaran News
  10. Maxkamadda Sare ee dowladda Puntland ayaa Saaka oo Sabtiya dhegaysan doonta gar-maqalka saddex xukmane oo ku eedaysan kiiskii kufsiga iyo dilka ahaa ee magaalada Gaalkacyo loogu geystay gabadhii yarayd ee Caa’isha Ilyaas Aadan. Saddexda xukmane oo kala ah Cabdifataax Cabdiraxmaan Warsame Cabdisalaan Cabdiraxman Warsame iyo Cabdishakuur Maxamed Dige ayaa hore Maxkamadda Derejada kowaad ee gobolka Nugaal waxay 12-May ee sannadkan ku xukuntay dil toogasho ah kadib markii ay sheegtay in lagu helay kiiska. Sidoo kale Rafcaan ay u qaateen kadib ayaa Maxkamadda Rafcaanka gobolka Nugaal waxay 30-June ee sannadkan mar kale ku xukuntay dil toogasho ah waxaase ay Rafcaan kale u qaateen Maxkamadda sare ee Puntland oo saaka dhegaysan doonta gar-maqalkooda. PUNTLAND POST The post Maxkamadda ugu sarraysa Puntland oo saaka dhegaysanaysa Kiiskii Caa’isha Ilyaas appeared first on Puntland Post.
  11. Guddiga Madaxa bannaan ee Xuduudaha iyo Doorashooyinka dowlad goboleedka Jubbaland ayaa mudda saddex maalmood ah ku kordhiyay wakhtiga is diiwaan gelinta Musharrixiinta u tartamaya doorashada madaxtinimada Jubaland si ay fursad u siiyaan musharrixiinta aan horay isu diiwaan gelin. Wakhtiga lagu daray is diiwaan-gelinta musharrixiinta ayaa ka bilaabmaya Sabtida maanta ah oo ku beegan 17-Agoosto 2019b waxaana uu ku egyahay maalinta Isniinta ee 19-Agoosto halka doorashada madaxweynaha oo markii hore 19-Agoosto ahayd haatan laga dhigay 22-Agoosto sidaasina waxaa lagu sheegay qoraal kasoo baxay Guddiga oo loo diray Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya James. Dhinaca kale guddiga ayaan waxba ka beddelin shuruudihii ay hore u soo saareen ee lagu xiray musharixiinta u tartamaya doorashada madaxtinimada Jubaland, sida ka tanaasulida xubnaha xilalka haya, mudada degenaanshaha oo laga rabo in Musharaxa uu labo sano ka badan waddanka joogo iyo in uusan Xaas Ajnabi ah qabin. PUNTLAND POST The post Guddiga doorashooyinka Jubaland oo kordhiyay wakhtiga is diiwaan-gelinta musharrixiinta appeared first on Puntland Post.
  12. Kismaayo (Caasimada Online) – Guddiga doorashada iyo xuduudaha Jubaland ayaa mar kale is-beddel ku sameeyey xilligii la qorsheeyey inay dhacdo doorashada madaxweynaha Jubaland, islamarkaana dib u dhigay illaa saddex cisho. Qoraal kasoo baxay guddiga oo loo diray wakiilka QM ee Soomaaliya, iyo wakiilada IGAD iyo Midowga Afrika ee khamiistii booqday Kismaayo, ayaa lagu sheegay in guddiga aqbaly codsigooda ahaa in dib loo furo is-diiwaan gelinta musharaxiinta islamarkaana doorashada waqtigeeda gadaal loo durjiyo. Qoraalka ayaa lagu sheegay in is-diiwaan gelinta musharaxiinta la furay 17-ka illaa 19-ka August, islamarkaana doorashada madaxweynaha oo la qorsheeyey inay dhacdo 19-ka laga dhigay 22-ka August. Guddiga ayaa sheegay in dastuurka u ogolaanayo inay maamulaan islamarkaana gacanta ku hayaan hanaanka doorashada, ayaga oo gacan ka helaya baarlamanka cusub, oo shaqadiisu tahay inuu guddoomiyo kulanka codeynta, islamarkaana ku dhowaaqo natiijada. Si kastaba, guddiga wuxuu sheegay inuu diyaar u yahay in cid kasta oo daneyneysa sida beesha caalamka, iyo labada aqalk ee baarlamanka Soomaaliya ay goobjoog ka noqon karaan codeynta, islamarkaana loo diri doono casuumad. Inkastoo Guddiga madaxa bannaan ee xuduudaha iyo doorashooyinka Jubbaland uu dib u furay waqtiga is diiwaan gelinta Musharaxiinta Mucaaradka, hadana Shuruudihii horay Guddiga u soo saaray ee lagu xiray Musharaxiinta ayaa weli taagan, sida ka tanaasulida xubnaha xilalka haya, mudada degenaanshaha oo laga rabo in Musharaxa uu labo sano ka badan dalka joogo iyo in aanu Xaas Ajnabi ah qabin, taasoo ka dhigan in Musharaxiinta qaar in aanay buuxin karin shuruudahan Hoos ka aqriso warqadda guddiga
  13. Kismaayo (Caasimada Online) – Waxaa goor dhow magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ka bilaabatay codeynta doorashada guddoomiyaha cusub ee baarlamaanka maamulka Jubbaland iyo labadiisa ku xigeen. Ammaanka goobta ay ka dhaceyso doorashada ayaa waxaa sugaya ciidamada Booliska AMISOM iyo kuwa dowlad goboleedka Jubbaland. Doorashada guddoonka baarlamaanka labaad ee maamulkaasi ayaa waxaa ku loolamaya illaa shan musharrax oo dhowaan is diiwaangeliyey. Sidoo kale hoolka doorashada ka dhaceyo waxaa ku sugan, xildhibaanada cusub ee Jubbaland, odayaasha dhaqanka, xildhibaano ka tirsan labada aqal ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya iyo marti sharaf kale. 22-ka bishan ayaa sidoo kale la qaban doonaa doorashada madaxweynaha maamulkaasi, taas oo markale dib loo dhigay, kadib codsi ka yimid beesha caalamka. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada Booliiska Soomaaliya ayaa maanta suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho ku toogtay afar qof ,oo mid kamid ah ay aheyd haweeney, kuwaas oo dhamaantood ka tirsan Al-Shabaab. Faah-faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya xubnaha Shabaabka ah ee la toogtay, sida ay ku waramayaan hey’adaha amaanka iyo ganacsatada Bakaaraha, oo la hadlay Caasimada Online. Caasimada Online ayaa heshay xog ku saabsan qofka dumarka ah ee ku jirta dadka maanta la toogtay, taas oo shegaysa in ay aheyd sarkaal sare oo ka tirsan Al-Shabaab. Dhowr qof oo ka mid ah ganacsatada suuqa Baakaraha ayaa noo sheegay in qofka dumarka ah ee la toogtay ay caan ka aheyd gudaha suuqa. Haweeneydaan ayaa wareejin jirtay dharka, boorsooyinka la gashado mobile-ka iyo airphone-ka mobile-ka lagu dhageesto. Sidoo kale waxay wareejin jirtay boorsooyinka la gashado kaararka aqoonsiga (ID CARDS), iyo tusbaxa electronic-ga ah ee farta la gashado iyo agabyo kale. Magac sax ah oo lagu yaqaano malahan, balse waxay dadka qaar ugu yeeri jirayn Faadumo Deeqo, halka qaar kale ay magaceeda ugu sheegtay Deeqa. Sidoo kale, saraakiil ka tirsan booliiska Soomaaliya ayaa Caasimada Online u sheegay in qofka dumarka ah ay aheyd taliyihii hogaaminayay 3-da wiil ee la dilay, ayna ku amartay in ay dagalaamaan oo aysan is-dhiibin. Waxay booliisku sheegeyn in ay u qaybisay laba bastoolad oo bakaarof iyo mid biljim ah, waxayna isku dayeen in ay is-difaacaan. Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Al-Shabaab u qaabilsan fulinta dilalka qorsheysan ee suuqa Bakaaraha iyadoo madax u aheyd koox arimahaas qaabilsan. Xaqiiqda ah inay iska dhigi jirtay qof ganacsada, ayaa muujineysa in ganacsigeedu ahaa been, balse ay ku gaban jirtay si ay howlaheeda kale u fuliso. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  15. Waxaa uu dib u dhac ku yimid shirkii dib u heshiisiinta ee lagu waday inuu ka furmo Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug. Wararka ay Goobjoog News heleyso waxaa kale oo ay sheegayaan in aan la Shaacin xiili uu qabsoomayo, shirka oo si rasmi ah uu u furmaayo. Wararka oo dhameustiran, la soco. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  16. Muqdisho (Caasimada Online)- Cabdikariim Sheikh Muuse Qalbi-dhagax oo ka tirsan hoggaanka sare ee Jabhadda ONLF, hadda ka horna dowladda Soomaaliya ay u gacan galisay Dowladda Itoobiya, ayaa galinkii dambe ee maanta gaaray magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose. Qalbi-dhagax ayaa waxaa Kismaayo kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Jubbaland, Xildhibaanno ka tirsan labada Aqal dawladda federaalka, Isimada iyo Waxgaradka Jubbaland iyo shacabka ku nool magaalada Kismaayo. Soo dhaweyn kaddib Qalbi-dhagax waxaa loo gudbiyay Guriga martida magaalada Kismaayo, halkaas oo caawa ay kulamo uga socdaan isaga iyo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe). Imaatinka Kismaayo ee Cabdikariim Qalbi-dhagax ayaa kusoo aadaya, xilli ay Jubbaland ka jirto cakirnaan siyaasadeed. Magaalada Kismaayo waxaa ka taagan khilaaf siyaasadeed oo aad u xoogan waxaana Todobaad gudihiis looga kala dhawaaqay labo Baarlamaan oo kala taabacsan musharax Madaxweyne Axmed Madoobe oo dhinac ah iyo musharaxiinta kula loolameysa xilka madaxtinimo oo dhinac ah. Haatan waxaa Kismaayo si weyn looga dareemayaa olole ku aadan doorashada Guddoomiye ay yeeshaan Baarlamaanka garabka Axmed Madoobe iyo tan Madaxweynaha maamulkaas. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  17. Maamulka Magaalo madaxda wadanka Ethiopia ee addis ababa ayaa wada qorshe magaaladaasi lagaga qabqabanayo dadka ka dawarsada jidadka caasimadda. Waxa gabogabo ku dhaw hinde sharciyeed la damacsan yahay in lagu xakameeyo qulqulka dadkan ka dawarsada jidadka magaaladda Addis ababa kaas oo la hor geyn doono waaxda sharci dejinta wadankaasi. Xoghayaha Warfaafinta Ee xafiiska Duqa Magaaladda Addis ababa oo lagu magacaabo Feven Teshome, ayaa warbaahinta u xaqiijisay warkaasi. “Waxa aanu qiyaasnay dad gaadhaya 50,000 oo ah kuwa dawarsadaa in ay ku nool yihiiin jidadka magaaladda Addis ababa, Hindise sharciyeedkan aanu diyaarinayna waxa uu xakamayn doonaa dadkaasi, waana dhibaato bulsho isla markaana sawir xun ka bixinaysa bilicda magaaladda Addis ababa” sidaas ayay tidhi Source
  18. (SLT-Hargeysa)-Dood Adag Oo Ku Saabsan Dib U Dhaca Doorashooyinka Somaliland, Halkan hoose ka DAAWO Source