-
Content Count
213,146 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Al-Shabaab ayaa shalay gelin dambe dil toogasho ah ku fulisay nin ay sheegeen inuu ahaa Sixiroole. Toofgashada ayaa ka dhacday fagaare weyn oo ku yaalla degmada Saakow ee gobolka Jubbada Dhexe. Fagaaraha lagu toogtay ninkaasi oo lagu magacaabi jiray Ibraahim Macalin Cabdullaahi ayaa waxaa ku sugnaa boqolaal dadweyne iyo xubno ka tirsa Al-Shabaab. Sidoo kale Al-Shabaab ayaa ninkaasi ku eedeeyey in uu labo jeer Kufsaday gabar uu dhalay, sida ay ku baahiyeen barahooda Internet-ka. Ibraahim Macalin Cabdullaahi ayaa 51 jir ahaa, waxaana maxkamad hootagta Al-Shabaab ay sheegtay inuu qirtay dhammaan eedeymahaasi. Muddooyinkii dmabe Al-Shabaab ayaa kordhiyay falalka toogashada ah, waxaana dhawaan gobollada Jubbooyinka ay ku tootgeen dad ay ku eedeeyeen falal la xariira basaasnimo. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
-
Golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in Maanta lagaga hadlo hindise sharciyeedyo kala duwan, kuwaas oo horay ay u soo ansixiyeen Golaha Shacabka ee BJFS . Ajandayaasha uu Golaha Aqalka sare Maanta ka hadlaya ayaa waxaa ka mid ah, Akhrinta 1-aad ee hindise-sharciyeedka Shidaalka (Bartoolka), Akhrinta 1-aad ee hindise sharciyeedka hawlgabnimada, iyo sidoo kale xaqsiinta iyo hibooyinka xubnaha Ciidamada Qalabka sida. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
When Somalia’s largely-appointed parliament and senate elected Mohamed Abdullahi Mohamed, or Farmajo as he is better known, president, there was optimism in the West Source: Hiiraan Online
-
Kampala (Caasimada Online) – Waxaa lagu wadaa in beri magaalada Muqdisho ay soo gaaraan saraakiil Kumaandoos ah oo tababar culus ku soo qaatay gudaha dalka Uganda. Saraakiishan oo gaaraya illaa 95 oo u badan dhalinyaro ayaa hal sano iyo bar tababar socday ku soo qaatay xerada Kambaba oo ku taalla degmada Mubende ee dalkaasi. Qaban qaabada munaasabad ay ku qalin jabinayaan saraakiishan ayaa haatan ka socota xerada Kambaba oo ah xero weyn oo lagu soo saaro ciidanka Uganda. La-taliyaha Madaxweynaha ee xagga ciidanka iyo taliyaha ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Daahir Aadan Cilmi (Indha-Qarshe) ayaa ka qeyb galaya xafladdaasi. Gelinka dambe ee bari oo Axad ah ayey saraakiishan soo gaari doonaan magaalada Muqdisho. Sidoo kale waxa ay ka qeyb qaadan doonaan howlgalladan ka dhanka ah Al-Shabaab, iyaga oo ka howlgali doono deegaano kala duwan. Uganda ayaa ka mid ah dalalka sida aadka uga qeyb qaata tababarida ciidanka dowladda, waxaana sidoo kale ay ciidamo ka joogaan gudaha Soomaaliya, kuwaas oo qeyb ka ah howlgalka nabad ilaalinta Ururka Midowga Africa ee AMISOM. Caasimada Online Xafiiska Kampala caasimada@live.com
-
Muqdisho (SMN) – Golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in Maanta lagaga hadlo hindise sharciyeedyo kala duwan, kuwaas oo horay ay u soo ansixiyeen Golaha Shacabka ee BJFS . Ajandayaasha uu Golaha Aqalka sare Maanta ka hadlaya ayaa waxaa ka mid ah, Akhrinta 1-aad ee hindise-sharciyeedka Shidaalka (Bartoolka), Akhrinta 1-aad ee hindise sharciyeedka hawlgabnimada, iyo sidoo kale xaqsiinta iyo hibooyinka xubnaha Ciidamada Qalabka sida. View the full article
-
Dalka Faransiiska ayaa waxaa uu canshuur ku soo rogay shirkadaha tiknolojiyadda Mareykanka sida Facebook, Google iyo qaar kale, arrintaas uu ka carooday madaxweynaha Mareykanka Trump. Mr. Trump ayaa sheegay in arrintaas ay tahay cadaalad darro isaga oo intaasi raaciyey “ Faransiiska waxaa uu canshuur ku soo rogay shirkadaheenna tiknolojiyadda, haddiiba kuweenna ay ku soo rogeyso, kuwooda haku soo rogto”. Madaxweynaha Mareykanka oo sii hadlayey ayaa yiri“Waxaan ku dhawaaqi-doonnaa tallaabooyinka ka dhan ah, doqonnimada Macron, weligey ayaan sheegi jiray in khamriga Mareykanka uu ka fiican yahay kan Faransiiska”. Mar la weydiiyey, adiga maba cabi khamri ayaa dhihi jirtayey sidee ku ogaatay in khamriga Mareykanka ka fiican yahay kan Faransiiska? “ Midabka Khamriga Mareykanka ayaa jecleystay” Trump ayaa ku jawaabay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Taliska howlgalka Mareykanka ee Africom ayaa waxaa uu yeeshay hoggaan cusub kadib markii uu madax ka noqday Gen. Stephen J. Townsend, waxaa uu badalay Gen. Thomas D. Waldhauser oo howlgab noqday kadib 43 sano uu shaqeynayey. Townsend oo goobta kala wareejinta ka hadlay ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay hoggaankan cusub isla markaana uu safar ku iman-doono bariga Afrika si uu si dhow ula socdo howlgalka ka socda Soomaaliya. Townsend waxaa uu horay u soo hoggaamiyey ciidamada Mareykanka ee ku sugan Iraq iyo Syria, waxaa uuna la wareegayaa howlgalka Afrika xilli ay dowladda Soomaaliya wajaheyso dhibaato xoog leh oo kaga imaaneysa Al-shabaab. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni oo xalay hadal u jeediyay Qorayaal lagu marti-qaaday bandhiga Buugaagta Garoowe, ayaa si kooban u fasiray farriinta uu dirayo qaraxii ka dhacay xarunta gobolka Banaadir. Madaxweyne Deni, ayaa sheegay xarunta dowladda hoose ee magaalada Xamar, ay tahay meel si weyn amnigeeda loo sugo, islamarkaana qaraxa ka dhacay halkaasi uu tusaale u yahay ,calaamad khatar ah oo muujinaysa rajo xumo cusub. “Xarunta waxaa la ii sheegay in security-gu aad u adkaa, oo aysan ahayn meelaha sida sahlan loo geli karay, marka runtii waa calaamad khatar ah meelihii sidaas oo kaleeto ahaa haddii la gaarayo, oo dadkiiba wax la aamino la garan waayo, iyada lafteedu waa nooc horleh oo dadkii rajo xumo ku abuuraysa” ayuu yiri Deni. Balse, madaxweynaha ayaa dhinaca kale sheegay in uu aaminsanyahay in qaraxaasi wax laga baran doono ” laakiin anigu waxaan aaaminsanahay haddii Ilaahay idinka dhigo, in wax laga baranaayo markii wax dhacaanba waxbaa laga bartaaye”. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Puntland oo fasiraad ka bixiyay qaraxii ka dhacay xarunta gobolka Banaadir appeared first on Puntland Post.
-
Ciidanka Kenya oo gaari xamuul ah ku gubay xadka Soomaaliya
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Muqdisho (SMN) – Wararka naga soo gaaraya xadka kala qeybiya dalalka Soomaaliya iyo Kenya ayaa ku warramaya in saacadihii la soo dhaafay ciidamada dowladda Kenya gaari siday xamuul ay ku gubeen halkaasi. Gaarigan oo siday Sokor ayaa la sheegay inay dab qabadsiiyeen ciidanka Argagixisa la dirirka ee dalka Kenya. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamada ay dhaawaceen wadihihii gaariga iyo qof kale oo la socday. Lama oga illaa iyo hadda ujeedada ka dambeysa falkaasi ay ku dhaqaaqeen ciidamada dowladda Kenya Inta badan ciidamada ammaanka ee dalkaasi ayaa dhibaatooyin xoogan ka geysta deegaanada dhaca xadka Soomaliya. View the full article -
Addis Ababa (SMN) – Siddeedda Waddan ee ku bahoobay Urur Goboleedka IGAD ayaa si wada jir ah u cambaareeyay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee Arbacadii Todobaadkan ka dhacay xarunta Gobolka Banaadir, kaas oo sababay dhimashada Saraakiil ka tirsan Dowladda, Dad uu ku jira Duqa Muqdishana ay ku dhaawacmeen. War ay si wada jir ah usoo saareen, laguna daabacay Jariiradda Strategic Intelligence, ayaa sidaa lagu sheegay. Urur Goboleedka IGAD wuxuu sii wadi doonaa taageerada uu Soomaaliya ka siiyo isu soo dhowaashaha Dowladda dhexe iyo maamullada Dalka ka jira, dhismaha awoodda Millitariga, kaabayaasha dhaqaalaha iyo dagaalka lagula jiro Al-shabaab, si loo hubiyo xasilloonida Gobolka Geeska Afrika. Weerarkii ka dhacay xarunta Gobolka Banaadir ayaa waxaa sheegtay Al-Shabaab, iyaga oo sheegay in bartilmaameedkoodu ahaa Ergayga Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u jooga Soomaaliya James Swan oo maalintaasi shir uga qeyb galay halkaasi. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/Warka-Subax-27072019.mp3 View the full article
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed (Xidig) oo ka mid ah Musharraxiinta ugu caansan ee Jubbaland ayaa ku dhawaaqay inay sameysan doonaan guddi ka madax banaan kan doorashooyinka dowlad goboleedka Jubbaland. Xidig oo Wariyeyaasha kula hadlayey Kismaayo ayaa shaaciyey inay wadaan qorshe ay ku sameysanayaan guddi doorasho oo dhex dhexaad ah, sida uu hadalka u dhigay. Musharrax Cabdirashiid Maxamed (Xidig) ayaa hoosta ka xariiqay in guddiga hadda jira ee uu magacaabay Madaxweyne Axmed Madoobe aysan ku shaqeyn wax Cadaalad ah. Sidoo kale wuxuu ku eedeeyey inay garab u yihiin Musharrax gaar ah, gaar ahaan Axmed Madoobe. Waxa kale uu sheegay in aysan soo xulin Odayaal sax ah, islamarkaana ay laga soo tagay Odayaashii Dhaqanka ee lahaa dhismaha Jubbaland. Doorashada Jubbaland oo dhaceysa bisha soo socota ee Augusto ayaa waxaa weli jira caqabado iyo tabasho. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Erdogan: Turkey to turn elsewhere if US will not sell F-35s
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Click here Qaran News -
wararka ka imaanaya tuulada Karin oo hoostagta degmada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag ayaa sheegayaa in halkaasi uu saaka dagaal ku dhexmaray ciidamada Somaliland iyo jabhadda la baxday DULMIDIID ee uu hoggaamiyo Col. Siciid Cawil Jaamac Caarre. Cutubyo ka tirsan ciidamada Somaliland ayaa sida la sheegayo saaka weerar ku qaaday ciidamada jabhadda Caarre oo shalay u soo guuray degaankaasi karin halkaasi oo ay ku taallo waddo istiraatiijiya oo lagu magacaabo Tabca. Dadka degaanka ayaa soo sheegay in ay maqlayeen daryanka hubka ay isu adeegsanayeen labada dhinac balse weli faahfaahin lagama helin khasaaraha dagaalka dhexmaray ciidamada Somaliland iyo jabhadda Caarre. Dagaalka ayaa ku soo beegmay xilli la hadal-hayay in waan-waan heshiis laga dhex wado xukuumadda Muuse Biixi iyo hoggaamiyaha jabhadda DULMIDIID Col. Caarre kadib markii jabhaddiisu ay gashay gudaha Somaliland. PUNTLAND POST The post Dagaal dhexmaray ciidamada Somaliland iyo Jabhadda Caarre appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay sheegayaan warar soo baxaya waxaa si aad ah loo adkeeyey ammaanka xarumaha Qaramada Midoobay ee magaalada Muqdisho. Wararka ayaa sheegaya in ay jirto cabsi laga qabo weeraro ka yimaada dhanka Al-Shabaab, kadib qaraxii ka dhacay xarunta maamulka gobolka Banaadir. Al-Shabaab ayaa shaacisay in weerarkaasi ay la damacsanaayeen Ergeyga QM ee Soomaaliya James Swan oo kulan uga qeyb galay xarunta dowladda hoose ee Xamar. Sidoo kale Al-Shabaab ayaa horay weeraro kala gadisan ugu qaaday qaar ka mid ah xafiisyada Qaramada Midoobay ee magaalada Muqdisho. Shalay ciidan ka socday dalka Uganda oo qeyb ka ah ciidamada UNGU (United Nations Guard Unit) ayaa lagu soo dhaweeyey xarunta Xalane degmada Wadajir ee gobolka Banaadir. Ciidamadan oo gaarayey 625 askari oo 86 ka mid ah ay yihiin haween ayaa howshoodu waxa ay tahay sugidda amniga shaqaalah QM ee ku sugan Muqdisho. Weerarkii ugu dambeeyey ee lala beegsaday xarunta QM ayaa dhacay 1-dii January ee sanadkan, kaas oo ay waxyeelo ka soo gaartay qaar ka mid ah shaaqalaheeda. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo katirsan Xubnaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, Wasiiro iyo shaqaale kale ay halis galeen islamarkaana ay si dhib leh uga soo baxsadeen Al-Shabaab. Jeesow ayaa sheegay in uu aad uga wal walsanaa Xaalada Madaxdaan balse uu Alle soo badbaadiyay hadda wixii ka dambeeyana ay ka feejignaan doonaan in ay dib ugu laabtaan magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubada Hoose. Magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubada Hoose ayuu sheegay Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow in ay maamulaan Al-Shabaab isagoo Axmed Madoobe ku tilmaamay garab kamid ah Al-Shabaab. “Axmed Madoobe waa Al-Shabaab waxaana qatar galay Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha dalka balse Alle ayaa soo badbaadiyay” ayuu yiri Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya. “Axmed Madoobe waa hogaamiyaha garab kamid ah Al-Shabaab waxa uuna aaminsan yahay fikirkooda sababtoo ah waad ogeed in uu ajaaniib ku tilmaamay dadkii ku dhintay weerarkii Kismaayo” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo katirsan Golaha Shacabka ee baarlamanka Soomaaliya. Dhinaca kale Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa sheegay in uusan rajo ka qabin in uu tago magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubada Hoose inta uu ka shaqeeyo maamulka Axmed Madoobe oo uu ku tilmaamay garab kamid ah Al-Shabaab. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xalay casho sharaf u sameeyey martida kasoo qayb gashay Bandhigga Buugaagta Garoowe oo sanadkii 5-aad la qabtay, waxay ka yimaadeen dhammaan geyiga Soomaalidu degto iyo qurbahaba. Casho sharaftan waxaa Madaxweynaha Ku wehelinaayey masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dowladda, qaban-qaabiyayaasha Bandhigga, abwaano iyo masuuliyiin kale oo madasha lagu casuumay. Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa khudbad dardaaran iyo sagootin ah u jeediyey martidii kasoo qeyb gashay munaasabadda casho sharafta ah. Madaxweynuhu waxa uu kula dardaarmay inay xoojiyan hal-abuurkooda iyo qoraaladooda. Waxa uu sidoo kale soo jeediyey in buug laga qoro bandhigyada noocan oo kale ah si loo helo dhitada wixii qabsoomay iyo horumarka kusoo siyaaday sanad walba. “Runtii fursad bay ii tahay caawa in aan sii dardaarano, waxaan aad ugu faraxsanahay inaan maskaxdii bulshada Soomaaliyeed oo caawa Garoowe ku kulansan in aan la kulmo, aad bay waxay iigu tahay sharaf, waxaana ka mahadcelinayaa cid walba oo fursadaas noo samaysay dadkii qaban qaabiyey Bandhigga Buugaagta”. “Waan idiinka mahadcelinayaa doorkii aad ka qaadateen in aad dadka Soomaaliyeed aqoontooda wax ku biirisaan, baahida dadkiinu idiin qabaan weli waa jirtaa , waxaa ani ii muuqday buugaagta la qoro iyo habka dadka maanta wax u fahmaan in farqi weyn u dhaxeeyo, dadkeenii maanta FACEBOOK ayey ku jiraan qoraal dheerna ku dhiiranmayaan in ay akhriyaan marka arrintaas bal dib u eegis ku sameeya”. Ayuu yiri Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo Casho Sharaf U Sameeyey Martidii ka qeyb gashay bandhiga Buugaagta Garoowe appeared first on Puntland Post.
-
Wasiir ku xigeenka Wasaaradda awqaafta iyo arrimaha Diinta Soomaaliya, Cusmaan Aaden Dhuuboow, ayaa Magaalada Madiina Al-munawara ee Dalka Sacuudi Carabiya kusoo dhoweeyay Xujeyda Soomaaliyeed ee halkaasi gaaraya si ay ugu war qabaan xaaladda Xujeyda. Wasiirka oo ay socdaalkiisa Indha-Indhaynta iyo soo dhoweynta ah ku wehliyaan , Qunsulka guud ee Soomaaliya u fadhiya Magaalada Jiddah , Ilyaas Sheekh Cumar, la taliyaha Wasaaradda, Maxamed C/raxmaan Nadiif iyo mas’uuliyiin kale ayaa waxay gaareen Garoonka Diyaaradaha ee Madiina, si ay ula socdaan Xujeyda halkaa tagaeysa iyo xaaladahooda guud. Cusmaan Aaden Dhuuboow, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda awqaafta iyo arrimaha Diinta Soomaaliya, ayaa sheegay in ay wadaan dedaallo ballaaran oo la xiriira ka war qabka xaaladda Xujeyda iyo fulinta adeegyada ay u baahan yihiin, taas oo ah qorshe ay ugu tala gashay Dowladda Federaalka, isagoo intaa raaciyay in ay sii Laba jibbaari doonaan howlaha ay halkaasi u joogaan. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhowaan u dirtay Dalka Sacuudi Carabiya Guddi ka shaqeeya saacidaadda iyo la socoshada Xujeyda Soomaaliyeed, iyagoo kormeer iyo u kuurgal ku sameeyay inta badan Garoomada ay ka degaan Xujeyda, goobaha ay ka deggen yihiin Dalka Sacuudiga iyo qaabka ay acmaasha u gudanayaan. PUNTLAND POST The post Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya oo Sacuudiga ku soo dhoweeyay Xujeey Soomaaliyeed appeared first on Puntland Post.
-
Erdogan: Turkey to turn elsewhere if US will not sell F-35s
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Turkish President Recep Tayyip Erdogan has said that Turkey will turn elsewhere for fighter jets if the United States does not sell it the F-35 aircraft, adding that Ankara planned to start using the Russian S-400 missile defence system in April 2020. Source: Hiiraan Online -
Kismaayo (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si gaabis ah dusha sare uga eegaysa xaaladda doorashada ee ka jirta magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobalka Jubada Hoose. Wali si toos ah uma aysan faragelin Arimaha doorashada balse waxaa arintaasi lagu micneeyay laba ujeedo oo ay ka damacsan tahay Dowladda Soomaaliya kuwaas oo u horseedi doono in ay ka yelato sida ay rabto. Saraakiil katirsan Villa Somalia ayaa Caasimada Online u sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay Jubbaland faragelin doonto markii ay xaaladda adkaato kadibna ay si fudud ula wareegi doonto xaaladda doorasho. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay raadineyso qalalaaso ka bilaawda Jubbaland oo ay noqoto lama huraan in ay farageliso, kadibna ay la wareegto maamulka iyo hanaanka doorasho maadaama ay tahay Dowladda dalka. Sidoo kale Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa damacsan in ay toos u farageliso Jubbaland markii ay meel gaar ah iska taagaan Mushaaraxiinta sida loo wado doorashada islamarkaana Axmed Madoobe lagu marqaatiyeeyo Beesha Caalamka si sifudud ay Dowladda ula wareegto doorashada. Arimahaan ayaa waxaa lagu micniyay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay hore ugu ceebowday doorashadii ka dhacday Koonfur Galbeed Soomaaliya islamarkaana aysan ku deg degi karin arrimaha doorashada ee ka socda degaanada Maamul Gobaleedyada dalka. Maamulka Axmed Madoobe ayaa wada doorashada waxaana hogaamiyaha Maamulkaasi uu kamid noqday Musharaxiin is diiwaan gelisay oo qaatay Shahaadada Musharnimada Jubbaland. Dowladda Soomaaliya ayaa hore u soo saartay Habraaca doorashada inkastoo uu maamulkaasi ka soo horjeestay. Musharaxiinta ugu saameenta badan ayaa ilaa hadda ka qayb galin diiwaan gelinta iyo shaqada socoto waxayna qabaan doorasho ku saabsan Gudiga iyo maamulkuba. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com