-
Content Count
213,146 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu eedeeyay in ay sameysay dayacaad amni iyo in aysan weerarkii xanuunka badnaa wali ka bixin Jawaab Dowladnimo waxaana isa soo taraya eedeymaha loo jeedinayo. Su’aalaha dad badan maskaxdooda ka guuxaya ayaa waxaa kamid ah Sidee qofkaan ku galay Xarunta Gobalka oo aad loo ilaaliyo? Yaa u fududeeyay in ay la fariisato Guddoomiyaha gobalka iyo masuuliyiinta kale? Gargaarkii loo baahnaa ma bixisay dowladda? Maxaa diiday in la baaro oo lagu dhawaaqo guddi natiijo ka keena weerarkaas? Maxaa loo qaban masuuliyiintii amaanka ee Xarunta Gobalka? Waxaa soo baxaya in weerarkii dhacay uu ahaa mid maalmo badan la qorsheeyay, islamarkaana waxaa jira tuhun la xiriira in laga yaabo iany gacan ka gaysteen xubno dowladda ka mid ah marka sida uu adkaa amniga goobta la qarxiyey. Xildhibaan Cabdirisaaq Jindi oo katirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya aysan raali ka aheyn in la baaro weerarkii dhacay islamarkaana ay hore u diiday baaritaanka weeraro nuucaan oo kale ah. “Dadkii ay aheyd in labaaro ayaa baaraya dadkii la’laayay sidaasna dowladnimo ma ahan waxaana umadda Soomaaliyeed u cadeynayaa in aysan DF-ka raali ka aheyn in la baaro wixii dhacay oo xog dhab ah laga keeno” ayuu yiri Xildhibaan Cabdirisaaq Jindi oo katirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
WASAARADDA WAXBARASHADDA SOMALILAND: Xubno Xilalkoodii Ku waayey XOG-WARAN Uu Hanti dhawrku La Yeeshay Oo Ay Iskaga Fogeeyeen lacago Magacyadooda lagula baxay Wasiirka Waxbarashada Somaliland Cismaan Jaamac Aadan Iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaraddaas Axmed Abokor ayaa Xilkii ka qaaday Agaasime Waaxeedyo iyo xubno kale oo uu Hantidhawrku waraystay, kuwaas oo iyagu iska fogaayey Lacago magacyadooda ku qornaa inay qaateen oo ay Hantidhawrka u sheegeen inaanay shaqo ku lahayn. dhacdadan ayaa sida la sheegay ay Wasiirka Waxbarashadda iyo Agaasimaha Guud ay aad uga cadhoodeen, isla markaana sababtay in xilka laga qaadaan. sida ay sheegayaan Xogaha laga helaya Amuurtaasi Waxa jira iyaguna Saraakiil kale oo Hantidhawrka Xogta dhabta ah ka qariyey oo la sheegay iyaguna inay arintaasi ku mutaysteen Dalacsiin. Sidoo kale xubnaha Xilkooda ku waayey Warbixinta dhabta ah ee ay Siiyeen Hantidhawrka ayaa waxa ka mid ah Agaasimihii Waaxda shaqaalaha, Agaasimihii Dugsiyada gaarka loo leeyahay Iyo maamulihii dugsiga Farsamada Gacanta ee dawladda iyo xubno kale. dhinaca kala Hantidhawrka Guud ee Qaranka ayaa isagu 5 bilood ka hor baadhis ka bilaabay Wasaaradda Waxbarashadda oo la sheegay inuu ka jirro Musuqmaasuq baahsani, kaas oo aan ilaa imika Wax Natiijo ah kasoo saarin. Isku soo wada duuboo Madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Hantidhawrka Guud ee Qaranka ayaa iyaga la dhawrayaa go’aamada ay ka qaataan aar-goosigan Wasiirka iyo Agaasimaha Guud kula kaceen masuuliyiinta Khashifay lacagaha been abuurka ah ee lagula baxay magacyadooda. Qaran News
-
Muqdisho (PP) ─ Dhaawaca guddoomiyaha gobolka banaadir C/raxmaan Cumar Cismaan [Yariisow] iyo xubno kale oo ka tirsan maamulka gobolka banaadir ayaa goor-dhaw laga duuliyay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho iyadoo loo qaaday dalka dibaddiisa. Diyaarad kuwa ciidamada ah oo ay leedahay dowladda Qatar ayaa dhaawaca Duqa Muqdisho iyo xubnaha kale ka qaadday garoonka Muqdisho, balse lama oga in lagu daweyn doono dalka Qatar iyo dalal kale loo sii qaadi doono. Sidoo kale, Dhaawacyada ayaa waxaa ka mid ah guddoomiyaha degmada Wadhiigley Saynab Xaabsay, waxaana la sheegay in dhakhaatiir fara badan ay la socdeen diyaaradda, si ay kaalmo caafimaad ugu fidiyaan guddoomiye Yariisow haddii ay lasoo darsaan xaalado dhanka caafimaadka ah inta lagu sii jiro duullimaadka. Afhayeenka Gobolka Banaadir, Saalax Cumar Xasan oo markii la qaadayay dhaawaca Yariisow la hadlay saxaafadda ayaa sheegay in Duqa Muqdisho lagu sameeyay laba qalliin oo kala duwan intii uu ku jiray isbitaalka Digfeer ayna xaaladdiisu soo hagaagayso. Dhanka kale, Xaaladda guddoomyaha gobolka Banaadir ayaa inta badan laga dayrinayaa iyadoo ay dhaawacyo halis ah kasoo gaareen qaybta sare ee jirka, waxaana tan iyo xalay dhaawiciisa lagula tacaalayay isbitaalka Digfeer ee Xamar. Ma jiraan warar rasmi ah oo laga heli karo xaaladda caafimaad ee Yariisow, waxaana uu ka mid ahaa dhaawacyadii shalay soo gaaray xubno fara badan oo ka tirsan shaqaalaha maamulka gobolka Banaadir. Qaraxan ayaa la sheegay inay fulisay haweeney indhool ah, balse warkaan ayaan si dhab ah loo hubin, waxaana socda baaritaanno ku aaddan sidii loo ogaan lahaa sida uu qaraxaan u dhacay. Ugu dambeyn, Weerarkii ismiidaaminta ahaa ee shalay ka dhacay xarunta gobolka Banaadir ayaa wuxuu kusoo beegmayaa iyadoo laga hadlyay shirka amniga caasimadda, waxaana weerarkan sheegatay Al-shabaab oo dagaal kula jirta DF. PUNTLAND POST The post Dhaawicii Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo diyaarad khaas ahi ay ka qaaday Xamar appeared first on Puntland Post.
-
Kismaayo (PP) ─ Dowlad-goboleedka Jubbaland ayaa ku dhawaaqay maanta inay hakisay wada-shaqeyntii kala dhexeysay Dowladda Federaalka Somalia iyo in safarro ay ku tagaan Kismaayo mas’uuliyiinta DF, sida golaha wasiirada, xildhibaananada iyo mas’uuliyiinta kale. Go’aankan ayaa wuxuu kasoo baxay kulan ay golaha wasiirada Jubbaland ku yeesheen maanta magaalada Kismayao, kaasoo uu shir-guddoomiye ka ahaa madaxweynaha maamulkaas, Axmed Madoobe. Kulanka ayaa waxaa tacsi loogu diray ehellada dadkii ku dhintay iyo kuwii ku dhaawacmay weerarkii lagu qaaday xarunta gobolka Banaadir ee Al-shabaab ay sheegatay mas’uuliyaddiisa, waxay allah uga baryayaan kuwa dhaawaca uu soo gaaray caafimaad deg-deg ah, halka kuwii dhintay loo baryay Janno Aakhiro. Sidoo kale, Waxaa kulanka looga hadlay xaalada amni ee Jubbaland ina lagu jiro doorashooyinka, waxayna goluhu sheegay in laamaha amnigu ay si adag u sugaan nabad-galyada muddada lagu jiro doorashooyinka si looga hortago isku-dayada argagixisadu ay ku doonayaan dhibaataynta shacabka. Golaha wasiirrada maamulka Jubbaland ayaa waxay dood-dheer ka yeeshay fara-gelin ay sheegeen inay Dowladda Federaalka ku heyso doorashooyinka Jubbaland iyo qal-qal-gelin joogtada ah. Waxayna soo saaray go’aan ah in la hakiyay wada-shaqaynta iyo isku-socodka Dowladda Somalia iyo Jubbaland. Ugu dabmeyn, go’aankan cusub ayaa waxaa gacan-taag ku ansixiyay golaha wasiirrada Jubbanad, waxaana dhamaan shacabka Jubbaland loogu baaqay inay ka shaqeeyaan midnimadooda iyo adkeynta amniga deegaannadooda. PUNTLAND POST The post Maamulka Jubbaland oo ku dhawaaqay inuu hakiyay wada-shaqeyntii kala dhexeysay DF appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (PP) ─ Ganacsato Keenyaan ah ayaa wada qorshe halis ah ku ah ganacsiga qaadka Soomaaliya, iyagoo doonaya inay la wareegaan ganacsiga Qaadka la keeno Somalia, si loo musuq-maasuqo canshuuraha ay dowladdu ka hesho qaadka, laguna curyaamiyo ganacsatada Soomaalida qaadka keena dalka. Waxaa qorshahan ku lug leeyihiin mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Somalia, kuwaasoo garab ku siinaya ganacsatadan in si aan sharci ahayn [Monopoly] ay ku maamulaan ganacsiga qaadka, iyagoo si ay dhaqaale aan sharci ahayn uga sameeyaan arritan. Maalmihii u dambeeyay waxaa soday shirar hoose oo ay lahaayeen qaar ka mid ah ganacsatada aan Sooamalida ahayn ee qaadka iyo mas’uuliyiinta DF ka tirsan iyadoo wararku ay sheegayaan in mas’uuliyiintan laaluush ahaan loo siiyay lacag u dhexeysa 380,000 illaa 400,000 oo doollar, si ay ugu jideeyaan musuq-maasuqa ay doonayaan, iyadoo lacago loo ballan-qaaday mas’uuliyiinta arrintan ku lugta leh, kuwaasoo ka tirsan wasaaradaha ku shaqada leh canshuuraha qaadka. “Waxaa socda qorshe la doonayo in ka ganacsiga qaadka Somalia gacanta loogu geliiyo ganasato aan Soomaali ahayn, kuwaasoo doonaya inay suuqa ka saaraan ganacsatada Soomaaliyeed ee keena qaadka,” ayuu yri mas’uul ka tirsan ganacsatada Soomaaliyeed ee qaadka keena dalka. Sidoo kale, Wararka ayaa waxay sheegayaan in ganacsatadan ay gacan ka helayaan shirkadaha diyaaradaha qaadka keena. Waxaana qorshahoda lagu sheegay inay doonayaan inay mar kale musuq-maasuqaan canshuuraha laga qaado qaadka, iyadoo la ogyahay in dhawaan mas’uuliyiin kala duwan loo xir-xiray musuqmaasuqa canshuuraha qaadka. Dhanka kale, Tallaabadam ayaa waxay ku kooban tahay gobolka Banaadir oo keliya, waana mid u muuqata in la doonayo in lagu curyaamiyo gacansiga, dhaqqalaha iyo shacabka ku nool caasimadda dalka. Ugu dambeyn, Diyaaradaha qaadka keenaya Somalia oo laga leeyahay dalka Kenya ayaa waxay milkiilayaasha iska leh la safteen ganacstada Keenyaanka ah si ay u helaan dhaqaale ka badan midka ay hadda Qaadka ku keenaan Somalia. PUNTLAND POST The post Musuq-maasuqa weyn oo ku wajahan Qaadka Somalia iyo Canshuuraha kasoo gala DF appeared first on Puntland Post.
-
Female bomber in Mogadishu mayor's office targeted UN envoy
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
A rare female suicide bomber used in the deadly al-Shabab attack in the office of Mogadishu's mayor was aiming for the American who is the new United Nations envoy to Somalia and had left the office just minutes earlier, the extremist group and officials said. Source: Hiiraan Online -
Muqdisho (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya shil gaari oo ka dhacay isgoyska Ceel Gaabta, dhinaca degmada Waaberi ee magaaladda Muqdisho. Shilka ayaa waxaa la sheegay in uu yimid ka gedaal markii gaari Booyad ah gaar ahaan nooca shidaalka qaada ay wadada ka baxday, ayna dad jiirtay. Inta la xaqiijiyey afar qof oo shacab ah ayaa waxay ku dhimatay dhacdadan, waxaana ku dhaawacmay tirro kale oo intaasi ka badan. Wariye Aadan Daahir Cabdi [Diyeeshe] oo goobta ku sugnaa ayaa sheegay in gaadiidka gurmadka degdeg ah ee maamulka gobolka Banaadir ay yimaadeen goobta. Dadka dhaawaca ah ayaa la dhigay isbitaaladda caasimadda si loola tacaalo xaaladooda caafimaad, loona badbaadiyo noloshooda. Halkan hoose ka dhageyso wareysi uu Diyaashe ku fahfaahinayo https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/Wareysi-aadan-diyeeshe.mp3 View the full article
-
Shalay waxaa ka dhacay Gobolka Banaadir masiibo qaran. Waxaa ku dhintay ku dhawaad dhowr iyo toban qofood oo iskugu jiray Gudoomiyeyaal degmo, Agaasimeyaal Gobolka Banaadir iyo dhalinyaro amni ahaan ula socday Gudoomiyeyaha Gobolka Banaadir iyo madaxda kale ee meesha joogay. Waxaa dhaawac halis ah soo gaaray Gudoomiyaha Gobolka Eng Cabdirahman Yariisow, Gudoomiyeyaal degmo iyo Agaasimeyaal. Ilaa hada waxaa la xaqiijiyay magacyada sadex Gudoomiye degmo, afar agaasime, la taliye iyo xiriiriyaha Gobolka iyo Hay’adaha Caalamiga oo dhamaantood weerarkaas ku dhintay. Waxayna kala yihiin: 1. Mahad Cilmi Cali (Gudoomiyaha degmada Waaberi). 2. Sahra Xaaji Markiizi (Gudoomiyaha degmada Shangaani). 3. Sabaax Cabdullaahi Asad (Gudoomiyaha degmada Cabdicasiis). 4. Xasan Maxamed Sabriye (La taliyaha dhinaca sharcigada Gobolka). 5. Cabdi Daahir Diirye (Xiriiriyaha Gobolka iyo Hay’adaha Caalamiga). 6. Eng Shuuriye (Agaasimaha Waaxda Qorshaynta iyo Injineeriyada Gobolka). 7. Cabdifitaax Cumar Xalane (Agaasimaha Waaxda Nadaafada Gobolka). 8. Cabdullahi Dheere (Agaasimaha Shaqada iyo Shaqaalaha Gobolka). 9. Basiira Cabdi Maxamed (Agaasimaha Waaxda Naafada Gobolka). 10. Dhalinyaro iyo xoghayeyaal la socday Gudoomiyaha Gobolka. Dhanka amniga xarunta Gobolka Banaadir marka aan qiimeyno, waxaa loo ogolyahay in baaritaan la’aan iyaga iyo gaadiidkooda ay soo galaan Gudoomiyaha Gobolka iyo ku xigeenadiisa. Gudoomiyeyaalka degmooyinka iyo agaasimeyaalkana baabuurta banaanka ayaa looga soo reebaa AFAR BAROOD oo kala duwan ayaana lagu soo baaraa, markaas kadib ayayna soo geli karaan gudaha hoolka shirarka ee shalay lagu qarxiyay. Masiibadii shalay dhacday ilaa hada majirto qof loo soo qabtay, qof isku casilay iyo qof xilka looga qaaday midna, marka laga reebo sheeko suuqa lasoo geliyay oo la leeyahay qofka isqarxiyay waa gabadha Agaasimaha Waaxda Naafada Gobolka Banaadir. Lkn waxaa isweydiin mudan meel amnigeeda sidaas loo adkeeyay oo kuwii lixaadka qabay ay ku adagtahay in ay soo maraan sidee qof indha la’ ugu suuragashay in uu qarax keeno. Sidoo kale gabadhaan mudo dhowr sano ah ah ayay joogtay gobolka, waxayna goob joog u ahayd munaasabado kuwaan ka waaweyn oo madaxda dalka ugu saraysa iyo kuwa ajnabi ahba ay joogeen laguna qabtay xarunta gobolka, marka maxay isugu qarxin waysay?! Dhanka kale, Wasiirka Warfaafinta Xukuumada Soomaaliya oo shalay hadlay qaraxa kadib wuxuu sheegay in lix qofood ku dhinteen weerarkaas. Sida tirada dhimashada looga been sheegayo ayaadna ka garan kartaa in la rabo in la qariyo masiibada meeshaas ka dhacday iyo malaha cidii soo maleegtay sirqoolkaas lagu xasuuqay dhalinyaradii laf dhabarta u ahaa mustaqbalka dalkaan! Waxaa intaas kasii daran, masiibada intaas la’eg ee dhacday ilaa hada Madaxweynaha Soomaaliya kama hadlin, umana tacsiyeyn eheladii dadkaasi ay ka dhinteen. Janaasadoodii maanta kama qayb gelin. Sidii caadada ahaan jirtayna dadkii weerarkaas argagixiso ku shahiiday Salaadii Janaasada lagulama tukan masjidka madaxtooyada. Haddaba, miyaan la dhihi karin mas’uuliyada Al-Shabaab waa lala wadaaga waan la sheegayne! Mahadsanidiin Hon. Mahad Salad
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Maamulka Jubaland ayaa ku dhowaaqay inuu xiriirka u jaray dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, xilli ay sare usii kaceyso xiisadda labada dhinac. Golaha wasiirada dowlad goboleedka Jubbaland ayaa maanta cod aqlabiyad ah ku ansixiyey in la hakiyay wada shaqaynta iyo isku socodka xukuumada federaalka iyo Jubbaland. Golaha ayaa go’aankaan ku sababeeyay “faragalinta qaawan ee dowlada federaalka ku hayso hannaanka doorashooyinka Jubaland iyo khalkhal galinta joogtada ah ee arrimaha Jubbaland.” Mas’uuliyiinta dowladda federaalka ayaa sidoo kale laga mamnuucay deegaanada maamulka Jubaland Golaha ayaa dhammaan shacabka Jubbaland ugu baaqay in midnimadooda ay adkeeyaan isla markaana meel uga wada soo jeedsadaan cidwalba oo dooneysa dhibaateynta amnigooda, sida hadalka loo dhigay. Go’aankan ayaa yimid maalin kadib markii wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya ay soo saratay qoraal ay ku sheegtay in liiska odayaasha soo xulaya xildhibaanada Jubaland ee maamulka uu soo saaray uu yahay mid aan sax ahayn. Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay inuusan jirin musharax is-diiwaan gelin kara inta laga soo xulayo xildhibaanada maamulka, taasi oo ku socotay Axmed Madoobe oo horey isku diiwaan geliyey. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
-
Muqdisho (SMN) – Madax ka tirsan dowladda federaalka ah ayaa ka qaybgalay Aaska mas’uuliyiintii lagu dilay weerarkii Al-Shabaab ee xarunta gobolka Banaadir. Xubnaha la aasay ayaa kala ah; Cabdifitaax Xalane, agaasimihii Waaxda Nafaada gobolka iyo gudoomiyeyaasha degmooyinka Cabdicasiis, Shangaani iyo Waaberi. Xalena ayaa lagu duugay khabuuraha Iskool Buluusiyo, halka saddex gudoomiye degmo lagu aasey khabuuraha Isbitaal Madiina. Ka qeybgaleyaasha Salaada Janaasada ayaa u rajeeyay marxuumiinta naxariista ALLE iyo Janatul Firdowsa. Dhanka kale, mas’uuliyiinta kale ee ku dhaawacantay weerarkan oo uu ku jiro duqa caasimada Eng Yariisow iyo gudoomiyeyaal kale ayaa weli isbitaal ku jira. Gudoomiyeyaasha degmooyinka ee dhaawaca ah ayaa la sheegayaa in xaaladooda ay kasoo fiicnaaneyso sidii hore. Eng Yariisow oo qaliin laba jeer lagu sameeyay ayaa lagu waramayaa in laga yaabo in dibadda loogu qaado baxnaano dheeraad ah. View the full article
-
Kulan maanta ay golaha wasiirrada Jubbaland ku yeesheen Kismaayo, uuna goobjoog ka ahaa madaxweynaha maamul goboleedka Axmed Madoobe ayaa la go’aamiyey in la hakiyo xiriirka kala dhaxeeya dowladda federaalka ah “Waxaa golahu dood dheer ka yeeshay faragalinta qaawan ee Dowlada Federaalku ku hayso hanaanka doorashooyinka Jubbaland iyo khalkhalgalinta joogtada ah waxaana golahu uu soo saaray in la hakiyay maanta laga bilaabo wada shaqaynta iyo isku socodka Xukuumada Federaalka ah iyo Jubbaland go’aankaas ayay golahu gacan taag ku meel mariyeen dhamaan Shacabka ree Jubbaland ayaa loogu baaqay in midnimadooda ay adkeeyaan oo aan mara la kala qaybin” sidaasi waxaa lagu sheegay qoraal fadhiga ka soo baxay. Jubbaland waxaa bisha soo socota ka dhaceysa doorashooyin, waxaa ayna ka cabaneysaa in dowladda federaalka ah ay fargelin ku heyso. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta shir gudoomiyay shirka golaha Wasiirada Jubbaland, waxaana looga hadlay qaraxii Muqdisho iyo arrimaha amniga doorashada Jubbaland. Ugu horayn, Madaxweynaha iyo golaha wasiiradu ay tacsi u direen ehelada dadkii ku dhintay weerarkii ka dhacay xarunta Gobolka Banaadir. Waxaa kale oo kulanka maanta lagaga hadlay xaaladaha amaanka Jubbaland wakhtiga doorashooyinka waxaana golahu uu sheegay in hay’adaha amaanku ay si adag u sugaan nabadgalyada mudada lagu jiro howlaha doorashooyinka si looga hortago isku dayada argagixisadu ku doonayso dhibaataynta shacabka. Intaas kadib waxaa golahu dood dheer ka yeeshay faragalinta qaawan ee Dowlada Federaalku ku hayso hanaanka doorashooyinka Jubbaland iyo khalkhalgalinta joogtada ah waxaana golahu uu soo saaray in la hakiyay maanta laga bilaabo wada shaqaynta iyo isku socodka Xukuumada Federaalka ah iyo Jubbaland go’aankaas ayay golahu gacan taag ku meel mariyeen dhamaan Shacabka ree Jubbaland ayaa loogu baaqay in midnimadooda ay adkeeyaan oo aan mara la kala qaybin. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Dhuusamareeb (SMN) – Guddiga qaban-qaabadda shirweynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug ayaa kulamo kawada magaaladda Dhuusamareeb. Xubnaha guddigaasi ayaa waxay la kulmayaan odayaasha dhaqanka, iyaga oo kala hadlaya ka qaybgalkooda shirweynahaasi. Shirkaasi ayaa waxaa la filayaa in bisha dambe uu ka qabsoomo magaaladdaasi, isla markaana ay kasoo qeybgalaan in ka badan 300 ergo ah. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay ka go’an tahay dhismaha Galmudug middeysan, oo shirweynahaasi qayb ka ah. View the full article
-
Tunisian President Beji Caid Essebsi, the North African country's first democratically elected leader, died Thursday at the age of 92, his office said. Source: Hiiraan Online
-
The victims who got critically injured in Wednesday’s suicide bombing in Mogadishu will be airlifted to Qatar for medical treatment on Thursday. Speaking to the media, the deputy governor of Benadir, Mohamed Abdullahi Tuleh said the several people including Mogadishu Mayor, Abdirahman Osman Omar will be lifted to abroad for further treatment. A plane dispatched by the government of Qatar will land shortly and is expected to take the injures to Doha for treatment,” he said. The plane will be accompanied by staff from Qatari Health ministry including medical team specialized in emergency service. A suspected suicide bomber on Wednesday blew herself up within Mogadishu municipal premises during a meeting. The blast killed six people including district commissioners, directors, and local government officials. Several Others among them Mayor Abdirahman Omar Osman also injured in the explosion. The attack was claimed by al-Shabaab saying it was well-coordinated attack planned to target UN envoy who meeting with the mayor hours ago. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Madaxweynaha Hirshabelle, Maxamed Cabdi Waare iyo Madaxweyne ku Xigeenka, Cali Guudlaawe Xuseen ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray ehelada mas’uuliyiintii iyo Dadkii Shacabka ahaa ee lagu gumaaday xarunta maamulka Gobolka Benaadir, waxaanay Eebbe uga baryeen in uu Janatul Firdowsa ka waraabiyo, kuwa dhaawaca ahna uu Eebbe siiyo caafimaad taam ah. “Hirshabelle waxay ka xuntahay oo ay cambaareyneysaa weerarkaasi argagaxiso oo lagu beegsaday Dad wax gal u ah Bulshada Soomaaliyeed oo u istaagay in Dadka iyo Dalka ay u qidmeeyaan, waxaana sidoo kale tiiraanyada la qeybsaneysaa ehelada Dadkaasi sida gardarrada ah loo laayay, waxaana kuwa dhaawaca ah uu ugu horeeyo Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, C/raxmaan Cumar Cismaan Yariisow ay u rajeyneysaa in uu Eebbe caafimaad buuxa siiyo,” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay madaxtooyada Hirshabeelle. Weerarkaasi bahalnimada ahaa ayaa waxaa ku geeriyooday dhallinyaro fir-fircoon oo door muhiim ka qaadanayay horumarinta Caasimada Muqdisho iyo guud ahaan Dalka. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Onlien) – Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir, Saalax Dheere ayaa faah-faahin cusub ka bixiyey xaaladda caafimaad ee guddoomiyaha gobolka Injineer Yariisow oo ku dhaawacmay qaraxii shalay ka dhacay xarunta gobolka. Saalax Dheere ayaa qoraal kooban oo uu soo dhigay bartiisa facebook ku sheegay “in xaaladda caafimaad ee Duqa Muqdisho, Abdirahman Omar Osman ee aad usoo hagaageyso.” Qoraalka ayuu sidoo kale ku yiri “Shacabka Soomaaliyeed, ee samaha iyo wanaaga jecel, waxaan ka codsaneynaa in ay is-dajiyaan, Isla markaana ducada ugu soo kaalmeeyaan intii shalay waxyeelada kasoo gaartay falkii wuxuushnimada ahaa.” Guddoomiye Yariisow iyo qaar kale oo ka mid ah mas’uuliyiintii shalay dhaawacmay ayaa la filayaa in dalka Qatar loo qaado maanta, si halkaas loogu soo daweeyo. Dhinaca kale, Saalax Dheere ayaa sheegay inuusan jirin bog been abuur ah oo facebook lagu sameeyey kaasi oo iska dhigaya inuu leeyahay duqa Muqdisho. Saalax Dheer oo bogaas tix raacaya ayaa yiri “Waa page been abuur ah, oo aan waxba ka jirin isla markaana sawiradiisa photoshop lagu sameeyay, waxaan ku baaqayaa in aan lagu qaldamin page-jajka been abuukar ah ee tan iyo shalay la isla dhex maraayo social media.” Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Madaxtooyada Tunis ayaa goordhow sheegtay inuu geeriyooday madaxweynaha Tunis Baaji Qaa’id El-sibsi, waxaa uu ku geeriyooday da’da 93 jir-ka. Shalay ayey aheyd markii madaxweynaha loola cararay Isbitaal ku yaala caasimadda kadib markii uu xanuun dareemay. Bishii June ayaa sidaas oo kale waxaa uu galay isbitaal, laakin waxaa laga saaray todobaad kadib markii ay xaaladiisa roonaatay. Waxaa uu dalkaasi madaxweyne ka noqday 2014-kii, doorashadii ugu horeysay ee dalkaasi ka dhacday kadib markii la riday Zain Caabidiin Bin Cali 2011-kii. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
ismaayo (SMN) – Saraakiisha ciidamada Jubbaland ayaa maanta soo bandhigay xubno Ajaaniib ah oo ay sheegeen inay ka barbar dagaalamayeen dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab. Raggan oo gaarayey illaa saddex ayaa lagu soo qabtay howlgal qorsheysan oo ka dhacay degmada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose Jubbaland ayaa shaacisy in ragga Ajaaniibta ah ee la soo qabtay ay dhammaan u dhasheen dalka Tanzania. Ma shaacin hay’adaha amnigu magacyada raggaasi iyo wax ay u qaabilsanaayeen Al-Shabaab. Dhinaca kale ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka Al-Shabaab oo ku aadan xubnahaasi. Muddooyinkii la soo dhaafay ciidamada Milatariga Soomaaliya iyo kuwa maamulka Jubbaland ayaa sare u qaaday dhaq dhaqaaqyada ay ka wadaan gobollada Jubbooyinka oo ay ku xoogan yihiin dagaalayahannada Al-Shabaab. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/Warka-Duhur-25072019-ok-.mp3 View the full article
-
Tunis (Caasimadda Online) – War rasmi ah oo kasoo baxay dowladda calmaaniga ah ee Wadanka Tuunis ayaa lagu sheegay in uu geeriyooday Mohamed Beji Caid Essebsi oo ahaa madaxweynihii wadankaasi. Wararka ka imaanaya dalka Tuunis ayaa xaqiijinaya in Isbitaal Melleteri uu ku dhintay Mohamed Beji Caid Essebsi oo ahaa 92 sana jir muddo shan sanadood ah soo maamulayay wadankan dhaca waqooyiga qaaradda Afrika. Bayaan kasoo baxay madaxtooyada Tuunis ayaa lagu sheegay in madaxweynuhu uu udhintay cudur maalmihii lasoo dhaafay lagala tacaalayay. Essebsi ayaa waxaa uu ku guuleystay doorashadii ka dhacay Tunisia kaddib kacdoonadii ka dhacay dalalka carabta. Halkaan ka daawo Wararkii ugu dambeeyey qaraxii Xarunta Gobolka Banaadir iyo liiska dhimashada Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com