Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,044
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Ciidamada militariga waddanka yemen ayaa sheegay in ay Sabtidii shalay dileen in ka badan 20 xubnood oo ka tirsan malayshiyaadka Xuutiyiinta kadib dagaal culus oo ka dhacay gobolka Ma’rab ee bariga dalkaasi. Af-hayeen u hadlay ciidamada militariga Yemen ayaaa sheegay in dagaalka halkaasi ka dhacay lagu fashiliyay isku day ay malayshiyaadk ka tirsan Xuutiyiinta ku doonayeen in ay si dhuumasho ah ugu gudbaan buuraleyda gobolka Ma’rab. Sida uu af-hayeenka sheegay ciidamada militariga Yemen ayaa kooxda Xuutiyiinya ku khasbay in ay dib uga laabtan gobolka kadib markii lag dilay in ka badan 20 xubnood tiro kalena laga dhaawacay. Balse ma uu sheegin khasaaraha ay dagaalkaasi kala kulmeen ciidamada Militariga Yemen sidoo kale ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhanka Xuutiyiinta oo lagu xaqiijiyay sheegashada militariga Yemen. Waddanka Yemen ayaa sannadkii shanaad waxaa ka socda dagaallo u dhexeeya militariga Yemen iyo xulafadooda Carbeed oo dhinac ah iyo malayshiyaadka Xuutiyiinta oo ka horjeeda waxaana dagaalkaasi uu burbur laxaad leh u gaystay guud ahaan waddanka. PUNTLAND POST The post Militariga Yemen oo sheegay in ay dileen in ka badan 20 xubnood oo ka tirsan Xuutiyiinta appeared first on Puntland Post.
  2. Britain's ambassador to the US described Donald Trump's abandonment of the Iran nuclear deal as an "act of diplomatic vandalism", it has been revealed. Source: Hiiraan Online
  3. Turkey ignored US warnings as it continued Saturday to take delivery of Russia's S-400 missile defence system near Ankara, a defence minstry statement indicated. Source: Hiiraan Online
  4. Children entering school now should finish secondary school by 2030. But if current trends continue one in six will not be in school in 2030 and only sixty percent will be finishing their secondary education. Source: Hiiraan Online
  5. Cilmiga badda waxaa uu ka mid yahay culuumta ay aadka ugu yartahay barashadiisu bulshada Soomaaliyeed guud ahaan, gaar ahaanna dumarka. Qaybo ka mid ah bulshada Soomaaliyeed ayaa u arka in Cilmiga badda uu yahay mid howshiisa ay ka soo bixi karaan oo kaliya ragga oo ay dumarka ku adagtahay. Balse Khadra Cabdi Axmed waa gabadh Soomaaliyeed oo baratay culuumta badda islamarkaana imika ka shaqeeysa wasaaradda dekadaha iyo gaadiidka badda Soomaaliya. Khadra ayaa magaalada Muqdisho timid horaantii sanadkii 2015-kii iyada oo xiligaas ka shaqo bilowday wasaaradda gaadiidka iyo badda waxaana ay ogaatay mudadii ay shaqeeynaysay in jirto fursad waxbarsho oo ah cilmiga badda isla markaana loo aadayo dibadda. Inkastoo Cilmiga badaha Soomaalidu xilliyadii hore u aadi jireen wadamada dibadda hadana Khadra ayaa fursadaan ka heshay sanadkii 2017-kii jamacad ku taala magaalada Maalmo ee dalka Sweden halkaas oo ay ka baratay cilmiga badda ee ay hadda ku shaqeeynayso Sanadkii 2018-kii bishii Nuveember ayey Khadro ka qalin jabisay jaamacadda Maalmo . “Deeqdaan waa mid mar walba suurta gal ah wadamadana la siiyo balse waxyaabaha qofka looga baahanyahay ama qofka lagu xidho ayaa adag oo badanaa aan suurta gal aheyn iminka qof Soomaaliya jooga ama saldhigiisu Soomaaliya yahay in uu dhameystiro shuruudaha looga baahanyahay” ayay tiri Khadro. Mar BBC-du khadro waydiisay waxa ay ku doortay cilmigaan ayaa waxaa ay ku jawaabtay . ” Hadii aan ogaan lahaa Cilmigaan sida uu faa’idada uu leeyahay ama uu horey uga jiri lahaa wadankeena waan diyaarin lahaa laakin jaamacadaha wadankeena oo aan manhanjkeena ku darin cilmiga badda Ayaan ii suurta gelin in aan dhigto waxaa taqasusukeeygu ahaa AMA “ Sida ay khadro sheegtay dadka qaar ayaa baraha bulshada ku daabcay qoraallo sheegay in ay qaxooti aheed hase yeeshee khadra ayaa beenisay waxaana ay sheegaty in deeq waxbarasho ay dibadda ku aadday haatana ay dalkeeda hooyo ku soo laabatay. Sababta ay ku doortay Cilmiga Badda Khadaro ayaa sheegtay in sababaha ay cilmigaan ku doortay ay ka mid tahay in Soomaaliya ay leedahay bad dhirirkeedu yahay 3,333 kiiloomitir isla markaana uu ceegaago khayraad uu kaluunku ka mid yahay oo sidii looga faa’iidaysan laha khayrdkaas iyo furda ay heshay ay ka caawisay in ay ku dhiirto barashada cilmigaan. Khadro ayaa hadda ku dhiira gelinaysa bulshada in ay bartaan cilmigaan badaha oo ay sheegtay in dunida uu muhiim ka yahay iyadoo intasa ku dartay in qof kasta oo Soomaali ah uuu ka faa’iideysan karo. Waa in aan Dumarka ku dhiiro gelinaa cilmiga iyo in ay badda galaan, muranada baddana waxaa keenaya waa khayraadka waana waxaan la qabno bulshada caalamka ayey tiri Khadaro. Xigasho: BBC Somali PUNTLAND POST The post Gabadh Soomaaliyeed oo guul gaartay Cilmiga Badda appeared first on Puntland Post.
  6. CAIRO, July 13 (Xinhua) -- Speaker of the Arab Parliament, Mishaal al-Salami, condemned on Saturday a terror attack at a hotel in the port city of Kismayo in Somalia. Source: Hiiraan Online
  7. Muqdisho (Caasimada Online) ― Siyaasiga Cabdiraxamaan Cabdishakuur Warsame ayaa si adag u cambaareeyay weerarkii Kooxda Al-shabaab ay ka fulisay hotelka Cascaseey ee magaalada Kismaayo. Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ka tacsiyadeeyay dadkii kala duwana ee ku naf waayey weerarkaasi, isagoona si gaar ah uga tacsiyadeeyay eheladii ay ka baxeen Hodan Naaleeye iyo Deeq Ciise Webi oo labadooduba ka shaqeyn jirey arrimaha samafalka. Cabdiraxmaan ayaa sheegay in weerarkan fulintiisa looga faa’iideystay xiisada ka taagan arrimaha doorashada Jubaland iyo loolanka adag ee Siyaasada. Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa arrintaasi kaga hadlay qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook, isagoona ku baaqay in reer Jubaland ay mudnaanta koowaad siiyan nabad-galyadooda, wuxuuna u dhigna qoraalkiisu sidan: “Waxaan canbaaraynayaa weerarka ay argagexisada arxan laawayaasha ahi ku qaadeen Hotel Cascaseey ee magaalada Kismaayo. Allaha u naxariisto dadkii weerarkaa ku shahiiday. Waxaan si gaar ah ugu tacsiyeynayaa eheladii iyo asxaabtii ay ka baxeen Hodan Naaleeye iyo Deeq Ciise Webi oo labaduba ka shaqaynayey samafalka iyo daryeelka bulshadda. Way cadahay in cadawgu uu ka faa’iideystay xili doorashada Jubaland iyo loolanka siyaasadeed. Reer Jubaland waa in ay meel iska dhigaan loolanka siyaadadeed, mudnaantana siiyaan nabadgelyadooda iyo la dagalaanka argagexisada, dawlada Federaalka ahna waa in ay garab ku siisaa”. Halkaan ka daawo Xog xasaasi ah oo ku saabsan shabaabkii weeraray hotelka kismaayo Caasimada Online Xafiiska MuqdishoCaasimada@live.com
  8. TORONTO — Family and friends of Hodan Nalayeh are remembering the Somali-Canadian journalist killed in a terrorist attack this week for her work redefining the global Somali identity through positive storytelling. Source: Hiiraan Online
  9. President Donald Trump's team has settled on a sanctions package to punish Turkey for receiving parts of a Russian missile defense system and plans to announce its plan in the coming days, said people familiar with the matter. Source: Hiiraan Online
  10. NAIROBI, -- Kenya on Saturday called on the world to unite in the fight against global terrorism after Somali militant group al-Shabab killed 26 people, among them three Kenyans, in southern Somalia. Source: Hiiraan Online
  11. DHALIISHA RASMIGA EE XUKUMADDA KULMIYE EE U HOGAAMINAYO MADAXDAWEYNE MUUSE BIIXI IYO FULIN LA’AANTA BALAN-QAADYADDII KAAMBBEYNKA DOORASHADDA ————————————————————— • La dagalanka xoriyatul qowlka • Sixir-bararka • Cadaadiska Xadhiga siyaasi ah • Hoos u dhaca siyasadda arimaha dibadda • Hoos u dhaca iyo xayiradda Ganacsiga dibadeed ee muwadininta reer somaliland. • Khilaafka siyasadeed ee asxbaata qaranka iyo xukumadda ee arimaha dorashoyinka • Khilaafka goboladda bariga • Go’aan qaadasho La’aanta heshiiskii cali khalif ee khaatumo ee xukumadda kulmiye • Xil-gudasho La’aanta iyo habacsanaanta nabadeynta gobolka Sanaag. • Waxbarashadda iskuuladda dowladda (Public School) oo hoos u dhacddey, • Tayadda caafimaadka oo dalka oo dhan Wali Aan xukumaddani kor uqaadin Dadkuna Wali ey qabaan daryeel La’aanta caafimaadkooda • Biyo La’aanta caasimadda iyo dalkoo dhan ey wali dadku ku dhiban yihiin iney heli karaan biyo ku filan. • Waddo xumadda ka jirta dalka oo sababeysa Maalin walba in gaadiidku inuu galo shilal-badan oo ey sababaan geeri kuna naf-Waayaan muwadiniin reer Somaliland ah. • Cidhiidhiga diplomasiyadeed ee soo wajahey xukumadda kulmiye eyna sabab u tahey siyaasadda aan laga fiirsan ee arimaha dibadda. • Hawaddii Somaliland oo aan xukumadeenu dadka u cadeyn sababta loogaga adkaaddey heshiiskii hawadda ee Istanbul ee dowladda Federaalka. Hadii Somalia awood diplomasiyadeed isticmaashey Maxaa xukumadda somaliland UMADDA u sheegeysa • Kala qeybsanaanta shacabka reer Somaliland ee Xanaftii dorashaddu sababtey oo aan xukumaddu Wax-siyasadda oo dadka la isugu soo dhoweynayo aan ila hadda la iman. • Xadhiga siyaasiyiinta asxaabta qaranka iyo saxafiyiinta reer Somaliland. • Saami-qeybsiga shaqalaha xukumadda iyo mansabyadda Siyaasiga ah ee xukumadda kulmiye oo dhinac ka raran? • Wadda-Tashi La’aanta xukumadda iyo aqoonyahanka dalkeena iyo asxaabta qaranka ee xukumadda kulmiye oo ey ku lumeen go’aamo maasiriya oo qarankeenu hormar ku gaadhi laha. • Xukumadda oo aan Ila hadda fulin, waxyabaha ey ku gashey kaambeynka doorashadda. Ilaa hadda hal-qadob oo la taaban karo aaney jirin. Marka lagaa reebo Barnaajimka shaqo qaran, uu aan isna wali la gaadhin waqti qiimeyntiisa la soo bandhigo, madaama oo wali lagu gudda jiro. • Deeqahaa waxbarashadda dibadda oo aan goboladda dalka loo xaqsoorin. Tusaale aan usoo qaadan karo, deeqdii waxbarahso ee Ethiopia siisey Somaliland, Balse goboladda bariga saami ku filan aan laga siin. Isku soo wadda duubo dhaliisha xukumadda ayaa ah midaanan halka ku soo koobi Karin. Waxana qabaa in shacabku qodobaddan oo dhan indhaha Mariyo xukumaddana kula xisaabtamaan. La soco qeybta LABAAD #Ambasador Abdirizak Diinaari Qaran News
  12. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/Bar___-Qumanaha-__-Wararka-13072019.mp3 View the full article
  13. Muqdisho (SMN) – Guuleed Qaasim, oo kamid ah murashaxiinta doorashada xilka madaxtinimada Jubbaland ayaa ka hadlay xaalada guud ee maamulkan. Ugu horeyn, siyaasiga ayaa wuxuu ka tacsiyeeyay weerarkii ay Al-Shabaab ka fulisay huteel ku yaala Kismaayo oo lagu dilay in ka badan 20 ruux. Murashax ayaa sidoo kale wuxuu ku ammaanay ciidamada ammaanka sida ugu dhaqsiyaha badan ee ay kusoo afjareen dhacdadaasi. Isaga oo soo hadal qaadey arrimaha doorashooyinka ayuu sheegay in uu muuqdo shaki ku aadan in ay xiligeeda ku qabsoonto cod-bixinta. Mr Guuleed Qaasim ayaa ku eedeeyay hogaanka Jubbaland in uu caburin ku hayo murashaxiinta oo loo diidan yahay in ay olalahooda qabsadan. Halkan hoose ka dhageyso wareysi uu siiyey Shabelle oo uu kaga hadlayo arrimo badan oo quseeya xaaladaha Jubbaland. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/Wareysi.mp3 View the full article
  14. Authorities in Somalia say the death toll from Friday’s attack on a hotel in the southern Somali port city of Kismayo has climbed to 33. Source: Hiiraan Online
  15. Dhuusamareeb (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, ayaa maanta magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug ku qaabilay wafdi ka socda wasaaradda Gaashaandhigga dalka Qatar. Kulanka Ra’iisul Wasaaraha iyo Saraakiisha Wasaaradda gaashaandhigga Qatar oo looga hadlay xoojinta taageerada Qatar ee dhismaha iyo qalabeynta ciidamada qalabka sida, ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka amniga gudaha, wasuurudowlaha Wasaaradda Gaashaadhigga, Taliyayaasha ciidanka Xoogga, Booliska iyo Asluubta. Dowladda Qatar ayaa ka qeyb qaadaneysa dhismaha ciidamada Xoogga Dalka, gaar ahaan dhismaha xarumaha ciidamada ee ku yaalla Dhuusamareeb arrintaas oo qeyb ka ah barnaamijka taakuleynta ciidamada dowladda Soomaaliya. Wafdiga oo ay wehliyaan taliyayaasha ciidamada dalka ayaa wadajir qiimeyn ugu sameeyay xarumaha ciidamada ee ku yaalla magaalada Dhuusamareeb oo dib-u-dhis laga billaabayo. Dowladda Soomaaliya ayaa ku guuleysatay Qaramaynta ciidamadii Ahlusunna Waljamaaca si ay qayb uga noqdaan ciidamada qaranka, looguna diyaariyo ka qayb qaadashada xoreynta deegaannada Galmudug ay uga sugantahay kooxda Argagaxisada. Tayeynta ciidanka xoogga dalka, dhismaha xarumaha ciidanka, iskudhafka iyo qalababeynta ciidanka, ayaa qeyb ka ah halbeegyada ugu waawayn ee Tubta Amniga Iyo Caddaaladda. View the full article
  16. Muqdisho (SMN) – Wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Francisco Madeira, ayaa si xooggan u cambaareeyay weerarkii shalay gelinkii dambe kooxdaAl-Shabaab ka geysteen Hotel ku yaalo magaalada Muqdisho,h alkaasi oo toboneeyo qof oo shacab ah lagu dilay kuwo kalena lagu dhaawacay. Ambassador Francisco Madeira, ayaa tacsi u diray qoysaska dhibanayaasha ay waxyeelada ka soo gaartay weerarka , isagoona dadka dhaawaca ah u rajeeyay iney si dhaqsi ah u bogsadaan. “Soomaaliya waxay horumar weyn ka sameysay sidii ay u qabsan lahayd dhul baaxad weyn,waxayna argagixisada ka saartay meelo badan oo dalka ka mid ah. Ciidamada AMISOM waxay sii wadi doonaan inay taageeraan Ciidamada Ammaanka ee Soomaaliya iyaga oo sii amba-qaadaya xoreynta deegaanada ku harsan gacanta kooxaha nabad diidka ah,” ayuu yiri Madeira. View the full article
  17. Muqdisho (Caasimadda Online) – Wararka naga soo gaarayo Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa sheegayo inay Ciidamada Dowladda xireen Isgoyska KM4. Aargada Isgoyska Nambar Afar ayaa waxaa lasoo dhigay boorso weyn oo loo maleenayo in laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa. Ciidamada Dowladda ayaa xiray Isgoyska iyo nawaaxigiisa waxaana loo diiday dadweynaha iyo gawaarida inay isticmaalaan. Ciidamada Dowladda ayaa hadda wado baaritaan ku aadan waxa ay tahay boorsadaan, waxaana meesha la keenay eeyo loogu talagalay in lagu baaro boorsadaan. Dhawaan ayey aheyd markii ciidamada Dowladda ay fashiliyeen baabuur waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyey oo isku dayey inuu ka gudbo jid ay ciidamada ammaanka ku xireen carro. Dowladda Soomaaliya ayaa maalmihii dambe aad u adkeysay ammaanka Muqdisho waxayna taas sabab u noqotay in laga hortago weeraro iyo qaraxyo ay fulin lahaayeen Kooxda Al-Shabaab. Halkaan ka daawo Xog xasaasi ah oo ku saabsan shabaabkii weeraray hotelka kismaayo Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
  18. (SLT-Hargeysa)-Wasiirka Hawlaha Guud Iyo Guriyeynta Somaliland Oo Burburiyey Xarunta Korontada Ee Magaalada Laascaanood, Dacwad Ka Dhan Wasiirka Oo Loo Gudbinayo Madaxweyne Muuse Biixi, Halkan hoose ka DAAWO Source
  19. (SLT-Hargeysa)-Golaha Guurtida Oo Hambalyo Iyo Bogaadin U Diray Beeshii Tiknikada iyo Hubka Ku Wareejisay Xukuumadda, Halkan hoose ka DAAWO Source
  20. Dhuusamareeb (SMN) – Wafdi ka socday Qatar ayaa maanta gaarey magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug. Diyaarad qaas ah ayaa waxay wafdigan ka dejisay madaarka caasimada gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya. Garoonka Diyaaraddaha waxaa kusoo dhaweeyay mas’uuliyiin uu ku jiro Wasiir dowladdaha difaaca xukuumada federaalka, Maxamed Cali Xaggaa. Wafdiga oo ka socday Wasaaradda Gaashaandhiga dowladda Qadar ayaa la filayaa in ay kulan la yeeshaan ra’iisul wasaare Khayre oo halkaasi ku sugan. View the full article
  21. Muqdisho (SMN) – Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska iyo Guriyeynta Xukuumadda Soomaaliya ayaa Maanta horgaysay Golaha Baarlamaanka Hindise Sharciyeeyada kala ah:- Hindise Sharciyeedka Wadooyinka. Hindise Sharciyeedka Xamuulka & Xadaynta Cabirka Baabuurta. Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud Cabdi Aadan Hoosow, Wasiir ku-xigeenka Jamaal Xasan Ismaaciil, Agaasimaha Maamulka & Maaliyadda Eng. Maxamed C/qaadir iyo Hawl wadeeno ka tirsan Wasaaradda Hawlaha Guud ayaa hortagay Fadhigii Xildhibaanada Baarlamaanka ee Maanta. Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud Abdi Adam Hoosow ayaa Xildhibaanada Kahor sheegay Muhiimadda Sharciyeedyadan ay u leeyihiin Dalka iyo Heerarkii kala duwanaa ee ay soo martay diyaarintoodu. Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa Marsiin doona Hindise Sharciyeedyadan Akhrinta 1aad & 2aad ayaagoona markaa kadib Ansixin doona. View the full article
  22. Muqdisho (SMN) – Dhageysteyaasheena ku xiran website-ka waxaan halkan idin kugu soo gudbineynaa Warka Habeen ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/Warka-Habeen-13072019.mp3 View the full article
  23. Muqdisho (PP) ─ Wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika ee Somalia, danjire Francisco Madeira ayaa si adag u cambaareeyay weerarki argagixso ee lagu qaaday Hotel ku yaalla magaalada Kismayo ee koonfurta Soomaalya, kaasoo lagu dilay dad badan oo aan waxba galabsan kuwo kalena uu dhaawacyo ka soo gaaray. Danjire Madeira ayaa si naxariis leh ugu tacsiyeeyay qoysaskii iyo dadkii dhibaatadu ka soo gaartay weerarki arxan darada ahaa. Waxaa uu sidoo kale caafimaad buuxa u rajeeyay dadkii ay dhaawacyadu ka soo gareen weererka. Sidoo kale, Ergayga wuxuu weerarkaas ku tilmaamay mid lagu baabi’inayo horumarka Somalia xili uu dalku dib u dhismayo horumarna laga samaynayo amaanka iyo nabada. Dadka weerarka soo qaaday waxaa ay ahaayeen kuwo lahaa ahadaaf guracan oo lagu gaysanayo fal dambiyeedyo, dilal iyo burbur. Ma sheegan karaan in ay u dagaalamayaan in dalka ay dowlad wanaagsan u horseedaan. Ergayga ayaa wuxuu hadalkiisa ku sheegay in Somalia ay horumar balaaran ka samaysay qabsahada dhul badan iyo in argagixisada laga saaro deegaano badan oo dalka ka tirsan. Isagoo intaas ku day in Hawl-galka midowga Afrika ee AMISOM uu sii wadi doonaa taageerada hay’adaha amaanka ee Somalia, iyagoo wali sii wada hawlaha argagixisada looga xoreynayo dhulka haatan ku jira gacantooda. “Annagoo ku samrayna weerarkan, waxaan rabaa inaan ka mahad-celiyo dhabar-adayga dadka Soomaaliyeed, iyagoo uga fal-celinaya weererkaan hawl-karnimo iyo inay sii wadaan dadaalka ay ku dhisayaaan naftooda iyo dalkooda,” ayuu yiri Danjire Madeira. akiilka Midowga Afrika ee Somalia ayaa sheegay in AMISOM ay la shaqayn doontaa dowladda fadaraalka Somalia, dowlad-goboleedyada Somalia iyo beesha caalamka sidii daba-gal loogu samayn lahaa kooxihii ka dambeeyay falkan foosha xun ee dadka badan lagu dilay. Ugu dambeyn, Weerarkaan ayaa waxaa lagu dilay 26-qof oo ay ku jiraan ajaanib tiradooda lagu sheegay siddeed qof, iyadoo laba ruux oo kale oo la sheegay inay u dhasheen dalka Shiinaha ay dhaawacyo kala duwan kasoo gaareen, waxaana dadka dhintay ku jiray wariyeyaal, musharraxin iyo xubno oo ka tirsan hoggaanka bulshada. PUNTLAND POST The post Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya oo si adag u cambaareeyay weerarkii Kismaayo appeared first on Puntland Post.
  24. Muqdisho (PP) ─ Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, C/raxmaan Cumar Cusmaan (Inj.Yarisow) ayaa muwaaddin Soomaaliyeed Luul Maxamed Axmed (Luul Digriyow) ku wareejiyey guri ay lahayd oo laga haystay muddo 28 sano ah. Yariisow ayaa tilmaamay in dadkii degenaa guriga ee diiday inay baneeyaan sharciga la horgeyneyo ayna xabsi nuteysanayaan, isla markaana lagu soo dalacayo kiro 28 sano ah. “Waad u jeedaan maanta Lul Mohamed Ahmed (Lul Dikriyow) oo muddo 28 sano laga heystay. Dadkii degenaa oo diidanaa inay u baneeyaan ayaan u sheegnay inaan sharciga horgeyneyno oo ay xabsi nuteysanayaan iyo inaan ku soo dalaceyno kiro 28 sano ah hadii aysan degdeg uga bixin. Tanoo suurto gelisay inaan maanta ku wareejino. Guddoomiyaha oo furaha gurigaas ku wareejiyey muwaadinkii lahaa ayaa ka digay cawaaqib xumada Aakhiro iyo adduunba sugaysa dadka sida sharci darrada ah u deggan hantida muwaadiniinta kale ee doonaya in dib loogu soo celiyo xaqooda. Dhanka kale, Luul Maxamed oo ahayd muwaadinka lahayd mulkiyadda guriga ayaa uga mahadceliyey Maamulka Gobolka Banaadir dadaalka joogtada ah ee ay ku bixiyeen dib u soo celinta gurigeeda oo sanaddo badan ka maqnaa. Ugu dambeyn, Tallaabadan ayaa waxay qayb ka noqonaysaa dadaallo uu maamulka gobolka Banaadir uu muwaadiniinta Soomaaliyeed ugu celinayay guryahooda laga haysto, waxaana dhawr qof oo kale sidan oo kale dib loogu celiyay gurayhooda oo sannado badan laga haystay. PUNTLAND POST The post Haweeney Maanta lagu wareejiyay gurigeeda oo laga haystay muddo 28-sanadood ah appeared first on Puntland Post.