Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,165
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Addis Ababa)-Xisbiga Dimoqraadiga Amxaarada (ADP) ayaa u magacaabay La Taliyihii Amniga Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya inuu noqda Madaxweynaha Ismaamulka Gobolka Amxaarada, kaddib markii la dilay Madaxweynihii Gobolka Amxaarada Ambachew Mekonnen. Tobaneeyo qof ayaa ku geeriyooday dagaalo ka dhashay isku day afgambi dhicisoobay oo ka dhacay Gobolka Amxaarada, taasoo sababtay in lagu dilo Madaxweynihii Ismaamulka Amxaarada Ambachew Mekonnen. Taliyihii Guud ee Ciidamada Itoobiya ayaa isna lagu dilay Addis Ababa, iyadoo dilkiisa lala xiriiriyay inuu qeyb ka ahaa isku daygii afgambi ee ka dhacay Gobolka Amxaarada. Xubnaha Xisbiga Dimoqraadiga Amxaarada ayaa muddo saddex maalmood shir uga socda magaalada Bahar Dar, waxaana ay isku raaceen in Temesgen Tiruneh loo doorto Madaxweynaha Ismaamulka Gobolka Amxaarada. Gobolka Amxaarada oo dhaca Waqooyi Galbeed dalka Itoobiya ayaa ah qowmiyada labaad ee ugu badan Itoobiya, waxaana loo arkaa gobol miisaan siyaasadeed oo weyn ku leh dalka Itoobiya. Source
  2. (SLT-Rome)-Booliska Talyaaniga ayaa sheegay inay baadhitaano ku heleen Gantaalladda Lidka Diyaaradaha, Boobayaasha Fudud iyo Qalabka laga tuuro Gantaalladda. Hadal ka soo baxay Booliska dalkaasi ayaa lagu sheegay in hubkaasi la soo qabtay, xilli baadhitaan lagu hayey Kooxaha Xag-jirka Naasiyiinta cusub ee Midigta Fog ee deggan magaalada Turin ee dalkaasi, iyadoo hubkaasi laga helay Murashax ka tirsan Xisbiga Fashiistaha ee Forza Nuova Party. Hubka la soo qabtay ayaa waxaa ka mid ahaa Qoriga Boobaha ee lagu magacaabo Scorpion, 306 qoryaha fudud, , 20 Baynaat iyo 800 xabbo ee rasaas kala duwan. Waxaa kaloo la qabtay Gantaalladda Mantra Super 530 F Missiles ee lagu farsameeyo dalka Faransiiska, balse ay lahaayeen Ciiddanka dalka Qatar iyo qoryaha darandooriga u dhaca oo casri ah (The latest generation automatic assault rifles”. Source
  3. (SLT-Riyadh)-Ciidanka amniga Sacuudiga ayaa howlgalo xooggan ka wada deegaano ku yaalla gobolka Hodanka ku ah shidaalka ee dhaca dhanka Bari. Ilo xog ogaal ah oo diiday in magacooda la xuso ayaa u sheegay Tv-ga Nabaa ee fadhigiisu yahay magaalada London in howlgalka lagu qabqabtay dhalinyaro iyo wadaado shiico ah. Ciidanka amniga Sacuudiga ayaa sidoo kale jidh-dil u geestay wiil lagu magacaabayay Majid Cabdullaahi oo toddobaad kadib u Geeriyooday. Gobolka Al-Qaatif ayaa waxaa ku nool shiicada laga tirada badan yahay ee Sacuudiga. Laamaha amniga Sacuudiga ayaa sidoo kale xidhay wadaadka lagu magacaabo Ibraahim ciisa Al-Ismaciili kaasi oo aan la ogeyn halka loola Dhaqaaqay. Howlgalkaan oo sidoo kale lagu burburiyay guryo badan ayaa shacabka gobolka Al-Qaatif ku eedeeyeen dhaxal suge Maxamed Bin Salmaan. Source
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Sacuudiga ayaa ku adkeysatay dalabkeeda ah in ganacsatada Somaliland ee doonaya inay xoolaha u dhoofiyaan dalkaas ay ruqsad kasoo qaataan dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Arrintan ayaa timid, kadib markii dhawaan la sii daayey Markab ka sharaacday Dekedda Berber oo ku xirtay magaalada Jidda, kaasi oo muddo la hayey kadib markii uu Sacuudiga tagay isaga oo ruqsad ka haysan dowladda Soomaaliya. Sida la sheegay Markabkaasi ayaa lagu sii daayey wada-hadallo dhexmaray wakiillo ka socday dowladaha Soomaaliya iyo Sucuudiga, ganacsato u dhashay Somaliland iyo kuwa Sucuudiga ee Xoolaha la wareegayay. Kulankaasi ayaa waxaa ka dhashay, islamarkaana dhinacdyadu ay isla garteen in Markabka laga dajiyo Xoolaha, islamarkaana haatan wixii ka dambeeya Sacuudiga aan la geyn Xoolo aan warqad caafimaad ka wadan dowladda dhexe ee Soomaaliya. Sida ay ogaatay Caasimada Online, Ganacsatada Somaliland iyo wakiillo Somaliland ugu lug lahaa kulankaas ayaa la sheegay in ay aqbaleen inkasta oo kulankii Golaha Wasiirrada ee Somaliland aysa ku soo hadal qaadin heshiiska Markabkaas lagu siidaayay. Dhawaan ayey aheyd markii Somaliland ay beenisay in Ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahadi Maxamed Guuleed (Khadar) uu sii daayey Markabkaasi. Dallad ay ku mideysanyihiin Ganacsato Xoolaha ka dhoofisa Boosaaso ayaa iyaguna la sheegayaa in ay Ganacsatada Somaliland Shuruud uga dhigeen in ay warqad caafimaad ka qaataan Boosaaso si xoolahooda loogu dhoofiyo Dalka Cumaan. Dalka Cumaan ayaa bil kasta loo dhoofiyaan 10,000 (toban kun) oo Dibi kuwaas oo ka baxa Dekadda Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari. Dalalka Sucuudiga, Yemen iyo Cumaan ayaa ah dalalka ugu badan ee Carbeed ee dhoofsada Xoolaha kala duwan ee laga qaado Xeebaha Soomaaliya. Shirqoolada Sacuudiga ee lidka ku ah Islaamka iyo xiriirka sirdoonka Yahuuda Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  5. UN envoy in Somalia on Monday called for a peaceful presidential election in the country's Southern regional State ahead of the poll in August. Source: Hiiraan Online
  6. Nairobi (SMN) – Taliska booliska Kenya ayaa sheegay in ciidamadooda ku sugan xaduuda ay la wadaagaan Soomaaliya ay dileen 3 ka tirsanaa Al-Shabaab oo watay gaari lagu soo buuxiyey waxyaabaha qarxa. Sarkaal sare oo ka tirsan Booliska Kenya oo magaciisa ka gaabsaday ayaa u sheegay wakaalada wararka ee AP in qaraxa gaariga uu xalay fiidkii ka dhacay koonfurta Kiunga oo u dhow xaduuda Soomaaliya. Wararka waxay sheegayaan in qaraxaasi ay ku dhaawacmeen 2 sarkaal oo ka tirsan Booliska Kenya. Waxa uu intaa ku daray in ay aaminsan yihiin in gaarigaasi ay qaraxa ku soo xireen ururka Al-Shabaab ee Soomaaliya oo bartilmaameed ka dhigtay ciidamada amaanka Kenya. Sidoo kale wuxuu sarkaalkan tilmaamay in ragaasi oo saarnaa gaari ay ka buuxaan waxyaabo qarxa ay ku dhuumaaleeysanayeen keymo u dhow nawaaxiga deegaanka Kiunga, Booliskana ay ka war heleen, halkaasina uu gaarigoodii ku qarxay. Al-Shabaab ayaaa muddooyinkii la soo dhaafay kordhiyey weerarada ay ka fuliyaan gudaha Kenya, gaar ahaan deegaanada dhaca xadka Soomaaliya. View the full article
  7. CNN ayaa soo bandhigtay awoodda ciidanka dalka Qatar kadib markii ay Doxa todobaadkan furtay saldhiga militari ee “Dhacaayin” oo xagga badda ah. Dad badan oo Soomaali ah ayaa laga yaabaa iney xiiseeyaan awoodda ciidan ee dalkaasi Qatar mar haddii ay wax badan, oo amniga ku jiro ay ka taageeraan dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Haddaba, Halkan Hoose Ka Akhriso Awoodda Ciidan ee Dalka Qatar: Qoraalkan, waxaa lagu sheegay in gobolka carabta ay ugu jiraan kaalinta 14aad halka dunida ay ku jiro kaalinta 100-aad. Miisaaniyadda ciidamada Qatar ku baxdo sanadkii waxaa lagu sheegay 1.9 Bilyan. Tirada Ciidamada guud ee Qatar waa 12,000, waana dhammaan inta shaqeysa, mana qabaan ciidamo keyd ah. CNN-ka ma sheegin inta dhaladka ah iyo inta la siiyey jinsiyad ee ku jirta ciidankaas. Diyaaradaha dagaal ee Qatar waa 15 diyaarad, kuwa rarka waa 42, diyaaradaha tababarka 31 halka aaney laheyn diyaaradaha qumaatiga u kaca. Madaafiicda: Ciidamada dhulka Qatar waxaa ay leeyihiin: 92 Kaare, gawaariga dagaal oo dhan: 464 iyo 21 lidka ama nooca BM. Ciidamada badda ee dalka Qatar, guud ahaan waa 80 askari, oo heysta 69 doon, ma heystaan maraakiibta quusta iyo kuwa dagaalka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  8. Amira Elghawaby is a writer based in Ottawa I had met Hodan Nalayeh on many occasions and was always struck by her brilliant smile, caring words and positive outlook. Yet, like many other Canadians, it is only now, after her tragic death at the hands of violent extremists, that I have fully come to appreciate her immense contributions. For the past several years, the Somali-Canadian journalist and broadcaster travelled between her home in Toronto and her homeland of Somalia. Her stated objective: To provide uplifting narratives from the country her family, and countless others, had to flee due to war and conflict. Every report she shared was a challenge to the West’s “single story” about the African continent, one most synonymous with despair and tragedy. “The single story creates stereotypes, and the problem with stereotypes is not that they aren’t true, but they are incomplete. They make one story become the only story,” Nigerian author Chimamanda Ngozi Adichie famously said in a 2013 Ted Talk. Until just a few days ago, Ms. Nalayeh was achieving her goal of showcasing another side to Somalia that very few in the rest of the world ever saw. Through Integration TV, her hugely popular YouTube channel, Ms. Nalayeh had most recently uploaded stories from her stay in the port city of Kismayo, including of profiles of local women entrepreneurs. In addition to her videos, she had also recently posted colourful, joyful images of local fishermen, overlooking the crystal blue waters of the Indian Ocean. Inspirational messages infused with her Muslim faith in both English and Somali were liked and shared by tens of thousands of people. She never wavered from expressing her many identities. “We are inspiring millions of Somalis around the world to share their stories, to be authentic, to get to know themselves and where they come from, because all that we’ve known from our country is war. All that we’ve known from our country is division. All that we’ve known from our country is all the negative things,” she told an interviewer in 2017. But even Ms. Nalayeh could not escape the harsh realities that continue to plague her country of birth. On Friday evening, terrorists attacked the hotel she had been staying in with her husband. They were both killed, along with 25 others. She was seven months pregnant. While in life she was able to spotlight all she adored about Somalia, as well as highlight the immense contributions of Somali communities here in Canada, her death represents the very story she so desperately wanted to change. That an act of terrorism would snatch her away from her family, and from communities that found renewed sense of pride in her narratives, has been hard to bear for many. “Somalis around the world have lost a giant,” tweeted Mukhtar M. Ibrahim, editor and executive director of Sahan Journal, based in Minnesota, where news of her death was trending. Many others added their condolences, including Canada’s Immigration Minister and former Somali refugee, Ahmed Hussen. “She became a voice for many,” he tweeted. One of the most poignant reflections came from Somali writer and podcaster Idil Bilan who captured why Somalia’s stories must keep being told. While reporting from the same seaside port, Ms. Bilan was once berated by a security official for trying to shake him off to explore the city on her own. When she began to cry, he said: “Idil, I’m sorry I yelled at you, but you’re new to Kismayo, and I didn’t want you to die. Because we need you, and everyone else abroad here. I need you to be safe, so everyone back home knows it’s safe. And they come back, and I can stop carrying a weapon. “I carried a weapon since 1991, and have fought for so many factions, I can’t keep count. I want the folks with the pens to return, so I can spend my days reading in the afternoon. I don’t want to hold this weapon another day in my life. So stay alive, and help us fix this.” For those of us mourning the silencing of Ms. Nalayeh’s voice, we must commit to better listening to the next generation of voices following in her mighty footsteps. They, too, want to challenge the single story of their communities and help fix what’s broken. Perhaps all that light will help overcome the dark, once and for all. Source: The Globe and Mail
  9. Qoraal caalamiga ah oo UN-ka ay soo saareen ayaa la sheegayaa in Soomaaliya ay ku jiro dalal ay ka jirto cunto yari zaa’id ah, dalalkaas oo 4 ah waa Nigeria, Somalia, Yemen iyo South Sudan. Isla qoraalkaasi waxaa ku jira in dunidan 124 million oo ka tirsan 51 dal ay soo wajaheyso cunto yari, laakin waxaa ugu daran dalalka 4-ta ah. 2017-kii, dalalkaasi ay Soomaaliya ku jirto, waxaa ay cunto yari soo wajahday 32 million, dadkiina waa sii bateen. Dhinaca kale waxaa la sheegayaa in roob yarida, abaarta iyo xoolaha oo aan daaq helin ay cunto yari u keeni Somalia, koonfur bari Ethiopia, bariga Kenya, dalalka Senegal, Chad, Niger, Mali, Mauritania iyo Burkina Faso.” Goobjoog News Source: goobjoog.com
  10. Muqdisho (SMN) – Howlgalka Midowga Yurub ee Soomaaliya ayaa shaaciyey in ay ka go’an tahay sare u qaadidada taageerada dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. War qoraal ah ayuu Ururku ku sheegay inay xoojinayaan taageerada ay xukuumadda federaalka ka siiyaan dhanka dimoqraadiyada iyo horumarinta dadka. Sidoo kale wuxuu shaaca ka qaaday in dowlada federaalka uu ka caawin doono dhismaha hay’addaha dowladda iyo xoojinta cadaaladda. Bayaanka ayaa lagu xusay in taburacaadooda ay sidoo kale ku qotonto sidii Soomaaliya u noqon lahayd dal xasiloon. Ugu dambeyntii War-saxaafadeedkan ayaa Tacsi loogu diray Ehellada ay dadkoodu ku dhinteen weerarkii ka dhacay M/Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. View the full article
  11. Nairobi (Caasimada Online) – Taliska Booliska Kenya ayaa sheegay in ciidamadooda ku sugan xaduuda ay la wadaagaan Soomaaliya ay dileen saddex ka tirsanaa Al-Shabaab oo watay gaari lagu soo buuxiyey waxyaabaha qarxa. Sarkaal sare oo ka tirsan Booliska Kenya oo magaciisa ka gaabsaday ayaa u sheegay wakaalada wararka ee AP in qaraxa gaariga uu xalay fiidkii ka dhacay koonfurta Kiunga oo u dhow xaduuda Soomaaliya. Wararka waxay sheegayaan in qaraxaasi ay ku dhaawacmeen labo sarkaal oo ka tirsan Booliska Kenya. Waxa uu intaa ku daray in ay aaminsan yihiin in gaarigaasi ay qaraxa ku soo xireen ururka Al-Shabaab ee Soomaaliya oo bartilmaameed ka dhigtay ciidamada amaanka Kenya. Sidoo kale wuxuu sarkaalkan tilmaamay in ragaasi oo saarnaa gaari ay ka buuxaan waxyaabo qarxa ay ku dhuumaaleeysanayeen Keymo u dhow nawaaxiga deegaanka Kiunga, Booliskana ay ka war heleen, halkaasina uu gaarigoodii ku qarxay. Al-Shabaab ayaa bilihii dambe kordhiyey weerarada ka dhanka ah ciidamada Kenya ee ku sugan xadka Soomaaliya. Halkaan ka daawo Wararka oo muuqaalo ah Caasimada Online Xafiiska Nairobi Caasimada@live.com
  12. James Swan oo ah ergeyga qaramada midoobey ee Soomaaliya oo isniintii booqasho ku tagay magaalada Kismaayo ee xarunta dowlad goboleedka Jubbaland ayaa adkeeyey in doorashada Jubbaland u dhacdo si xalaal ah Swan oo ka hadlayey kulan uu la qaaday madaxweynaha Jubbalad Axmed madoobe waxaa uu yiri“Waxaan wada hadal la yeeshay madaxweyne Madoobe, waa in xubnaha baarlamaanka iyo madaxweynaha ay doorashadoodu u dhacdaa qaab aan dhib laheyn, waqtigii loogu talo-galay iyada oo aan la fargelin”. Dhinaca kale, ergeyga waxaa uu tacsi u diray dadkii ku waxyeeloobey weerarkii argigixisada ee ka dhacay Kismaayo kaas oo ay dad badan ku dhinteen. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibadda Xukuumadda Soomaaliya Mudane Axmed Ciise Cawad ayaa shaaciyey in dowladda Soomaaliya sanad kasta Xus sanadeed ay u sameyn doonto Marxuumad Hodan Naaleeye. Cawad oo war qoraal ah soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa ballan qaaday in dowladdu sanad weliba ay bixin doonaan abaal-marin loogu magac daray Hodon Naaleeye. Sidoo kale wasiirka ayaa sheegay in abaal-marintan ay ku tartami doonaan dhammaan Qurbe Joogta Soomaaliyeed. Waxa uu tilmaamay in dowladda federaalka ay qiimeyn gaar ah ku sameyn doonto dhaq dhaqaaqa iyo waxqabadka Qurbe Joogta ku soo laabaneyso dalka. Arriintan ayuu tilmaamay Wasiir Cawad in lagu dhiiri gelinayo dadka waxtarka u leh dadka iyo dalka Soomaaliyeed. Hodan Naaleeye oo aheyd gabar Wariye ah, ayaa tabin jirtay sheekooyinka wanaagsan ee Soomaaliya, waxaana ay ku geeriyootay weerarakii xooganaa ee sabtidii la soo dhaafay ka dhacay magaalada Kismaayo ee xarunta KMG maamulka Jubbaland. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  14. SOMALILANDTA QARSOON !!! ==================== Waa danyar aad ka naxayso hoyga ay ka galaan dhaxanta iyo roobka iyo waliba qoraxda kulul ee dalka, waa qoys ka kooban Shan caruur ah iyo labadoodii waalid waxa ay ku soo koreen nolol maalina la qadeeyo maalinta la waayana aan laba tabin waayo waxa ay la qabsadeen gaajada . Qoyska waxa u shaqeeya oo u kalahda hooyadood, waxa ay suuqa la fadhiisataa galaano laws ah iyo galaano hadhuudh ah , maalmaha qaar waxbaba cidi kama iibsato oo sidii ay ku kalahday ayey ku soo noqotaa , maalinta wax laga iibsadona Kama badna laba galaan oo qiimahoogu aanu ka badnayn 10,000/=. Aabohood oo u shaqeyn jiray qoyskan oo dhismaha marba yoomka uu helo ka gali jirey waxa maalin uu ka soo dhacay guri uu dhisayey , waxaana uu naafo ka noqday qaybo ka mid ah laxaadkii uu ku shaqeysanayey, maalin maalin buu baxaa oo uu suuqa u yar dhaadhacaa . Caruurta waxa waxbarasho ku jira sadexda waaweyn oo ah wiil iyo laba gabdhood waxa ay laba ku jiraan dugsiga sare , halka midina dugsiga dhexe sii dhamaynayso, labada yaryari waa ay gaadheen da’ ay wax ku bartaan laakiin waalidkood ma awoodo in uu waxbarasho ka bixiyo , gurigooga waxa ka agdhoow malcaamad quraan iyo madarasad weyn oo caan ah waxa lagu dhigtaa lacag qaaliya oo aanay danyartu hawaysan karin. Sadexda caruur ah ee wax u barta maalinba meel buu aabahood lacagta iskuulka uga soo qaadaa hadiiba uu ka soo helo , maalmaha qaar waxa waxbarashadu ku dhaaftaa fasalada dibadooda iyada oo maamulka dugsigu qofkii aan lacagta bixin fasalka ka saaro oo ay ka maqnaadaan ilaa inta loo soo helayo lacagtii dugsiga lagaga bixin lahaa!!! Qoyskani waxa hareerihiisa degan qoysas kale oo danyar ah oo qoyskani u noqonayo reer ladan , waxa ay haystaan ubad yaryar oo aan helin goobo caafimaad hadii ay xanuunsadaan , waxbarasho aan haysan , biyo aan haysan , huga ay xidhan yihiin inta uu hun dhaafay aanu jidhkoogaba qarinayn , waalidiinta dhashay ubadkani waa dad aan aad u waaweynayn laakiin danta iyo duruufuhu ka dhigeen dad gaboobay, oo xataa xoog ay wax ku qabsan karaan aanu ka muuqan. Xaafada ay degan yihiin waa meel magaalada ka durugsan , ma yaqaanaan maamulka magaalada iyo ka qarankaba oo cidi meeshooda uguma tagto , laakiin waxa ay ii sheegeen in maalmihii doorashada xaafadooda ay xisbiyadu iman jireen oo ay balanqaadyo badan u qaadeen marka ay soo baxaan in ay wax u qaban doonaan oo baahiyaha aasaasiga ah ee nolosha laga kabi doono, ayaan daro cidi dib ugumay soo noqon. Cariishyada iyo buulasha ay ku jiraan waa qaar u nugul roobka oo si dhibyar ayuu u qaadayaa, waa qaar aan dhaxan iyo cadceed midna ka celinayn, waa qaar hadii ay gubtaan lagu madhanayo oo aan cidina ogeyn , waxaana ay hurushoobi doonaan dad iyo duunyoba sidii xaafado badan oo danyarta dalka ahi dab ka kacay ugu madheen , Dadkani markoodii hore waxa ay deganaayeen magaalada dhexdeeda, waxaana dayrkiisa ku dhex noolaayeen dhisme dawladeed oo in badan qabyo ahaa oo ay buulal yaryar uga dhisnaayeen , sidii ay halkaasi ugu noolaayeen ayuun baa maalin ciidan iyo cagaf la dulkeenay waxaana la siiyey qadar daqiiqado ay alaabtooda kaga urursadaan buulashii ay deganaayeen , waxaana laga burburiyey hoygii ay daganaayeen oo lagu yidhi ka qaata meesha. Maalmo ayey banaanka u hoydeen oo ay bacad yaal ahaayeen, waayo ma haystaan meel ay degaan, ma haystaan gaadiid ay ku guuraan , waxaana lagu wargaliyey in guriga ay deganaayeen kaamboolkiisa ay dawladu iibisay oo ay ka iibisay mid ka mid ah ganacsatada ugu waaweyn dalka oo uu isaguna dalbaday in dawladu dadka ka rarto si uu dhisto. Waxa ay ahaayeen iyaguba muwaadiniin xaq u leh in ay dawladoodu siiso guryo ay dagaan maadaama ay yihiin dad danyar ah oo aan haysan taageero iyo dhaqaale midna , hase ahaatee may helin oo dawladoodu dadba uma aragto marka aad aragto sida loola dhaqmay iyo cidlada lagu soo daadiyey, kaaga darane halkaa ay degan yihiin maalinwalba dad baa ugu yimaada oo yidhaahda nooga guura . Waxa jira Somaliland aan aheyn tan magacyada waaweyn leh ee muuqata ee qofka dhinta la yaqaano ee aynu wada tacsiyeyno, ka xanuunsada aynu u wada ducayno, ka la xidho aynu u wada doodno , iyaga hadii maalin ay xataa fursad u helaan in qof warbaahin ahi soo booqdo amaba wax ka duubo, badanka lagama yaaboba in la soo daayo barnaamijkaa laga duubay, amaba sikino kooban uu ka baxo Tvga , hadana codkoogu meelna ma gaadho . Waxa dalka ku nool boqolaalkun oo sabool ah oo noloshaa aan ka soo waramay iyo mid ka sii hoosaysa ku nool oo ah muwaadiniintii dalkan lahaa ee dawladu u dhisnayd ee xaq u lahaa in iyaga mudnaanta la siiyo , maadaama aanay iska bixin karayn waxbarasho, dhakhtar gaar loo leeyahay in ay iska daweeyaan aan awoodin , biyo ay cabaan aan haysan , hoy ay galaan aan haysan ee ay adag tahay sida ay u nool yihiin. Dadkan xataa waxa ka mid ah dadkeenii miyiga deganaa ee ay abaaruhu xoolihii ka madhiyeen oo magaalada soo galay si ay nolol u raadsadaan , waxa ay ahaayeen dad qani ah oo xoolo haysta oo aan cidna u baahneyn laakiin duruufaha ayaa ka dhigay dan yar diifi ka muuqato oo dadku indhaha ka laliyaan , maaha nolol ay doorteen ee wakhtigaa u doorey waxaana ay cashar u tahay iyo imtixaan lagu eegayo dadka inta iyaga dhaanta oo dhan. Nolosha dhabta ah ee dalkeena ka jirtaa waa sadex qaybood inta aan u kuur galay ; 1- qaybi waa taa aan soo sheegay oo waa ta ugu hooseysa ee ugu itaalka daran leh , una baahan gurmad iyo taakuleyn iyo waliba daryeel dawladeed. 2- qaybta labaad waa ta ugu badan dadka oo waa dad xoogsada laakiin waxa ay ku nool yihiin aanu noloshooda wada daboolin , waxaana ay lacagtu kaga baxdaa , kiro guri , Nal , biyo, dhakhtar, waxbarasho iyo wax Yar oo ay afkooga u cunaan , iska daa wax u dhigma e iyaga iyo dayn lagu yeeshaa bilwalba, qaybtani waxa ka mid ah shaqaalaha dawlada, shaqaalaha ganacsiga dhexe iyo hoose, ciidamada iyo sida ay dadku u badan yihiin. 3- qaybta sadexaad oo ah inyar oo u badan ganacsato , iyo siyaasiyiin oo labadooduba xilalka ay haystaan iyo xoolaha ay haystaan ka helay dadka duruufahan aynu ka hadlayno ku nool, waxa soo raaca in kooban hay’adaha caalamiga ah u shaqeysa. Hadii aan duruufaha nololeed ee dadka iyo dalka hoos loo eegin , iyada oo waliba maalinba maalinta ka dambaysa dadka noloshu ku sii adkaanayso, waxa iman doonta in dadku hal maalin isa soo taagaan oo dalka lagu kala awood bato oo uu dhaco kacdoon dadweyne oo khatartiisa lehi. Muhamed Dhimbiil Mohamed Abdi Jama Qaran News
  15. Kismaayo (SMN) – Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa shaaciyey in cabasho ku aadan doorashada maamulkaasi uu u gudbiyey Qaramada Midoobay. Axmed Madoobe oo shalay kulan la qaatay wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan ayaa waxa ay ka wada hadleen arrimo dhowr ah. Madaxweynaha Jubbaland oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay inay isla garteen in loo madax baneeyo qabashada doorashada Jubbaland. Bisha Augusto ee sanadkan ayaa loo ballansan yahay in doorashada lagu qabtao magaaladda xeebeedka Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/cod-jubbland.mp3 View the full article
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Wargeyska Indian Ocean Newsletter oo hoos tagay warbaahinta African Intelligence, ayaa qoray in madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu dhowaan booqan doono dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta. Wargeyska ayaa ujeedada booqashada Farmaajo ku sheegay inuu mas’uuliyiinta dalkaas la samaysto isbahaysi cusub islamarkaana u xaqiijiyo inuu yareyn doono saameynta Qatar ay ku leedahay Soomaaliya. Sida warbixintan lagu sheegay, madaxweynaha ayaa ka walaacsan isbahaysi hoose oo ay sameysteen ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre, ku-xigeenka iyo sii-hayaha agaasimaha hay’adda nabad-sugidda Fahad Yaasiin iyo nin aan la shaacin magaciisa oo madax ka ah shirkad soo saarta shidaalka. Waxaa qoraalkan lagu sheegay in saddexdan mas’uul ay dowladda Kenya kala shaqeynayaan inay la galaan heshiis aan la shaacin waxa uu yahay. Wargeyska ayaa qoray in madaxweyne Farmaajo uu rumeysan yahay in Kheyre uu xiriir qarsoodi ah la sameystay Qatar, oo maal-gelin doonta ololihiisa doorashada 2021. Madaxweyne Farmaajo ayaa Kheyre siiyey awood ballaraan si uu u xoojiyo taageeradiisa gudaha. Xiriir aan la sameynay xafiiska madaxweynaha, waxay sheegeen inaysan illaa iyo hadda waxba ka ogeyn booqasho la qorsheeyey in madaxweynaha uu ku tago dalka Imaaraadka Carabta. Sidoo kale, xafiiska madaxweynaha iyo kan ra’iisul wasaaraha ayaa si isku mid ah u beeniyey sax ahaanshaha warbixinada la xiriira tuhunada labada mas’uul ay kala qabaan, waxayna ku qeexeen wax aan jirin oo lagu qoslo. Tuhunka ku saabsan in Kheyre uu madaxweyne isku sharxayo 2021 waa mid muddo taagnaa, hase yeeshee weli ma jiraan wax caddeymo ah oo muujinaya. Halkaan ka daawo Wararka oo muuqaalo ah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  17. Beledweyne (SMN) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax xoogan oo saacadihii la soo dhaafay ka dhacay gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya. Qaraxa oo ahaa nuuaca Miinada dhulka lagu aaso ayaa la sheegay in lala eegtay ciidamo ka kuwa Itoobiya, xilli ay marayeen deegaanka Halgan ee gobolkaasi. Al-Shabaab oo sheegtay masuuliyadda qaraxaasi ayaa tilmaamay inuu haleelay gaari Uuraal ah oo ay wateen ciidamadaasi. Sidoo kale waxa ay shaaciyeen in qaraxaasi ay waxyeelo dhimasho iyo dhaawac ay ku gaarsiyeen ugu yaraan 20 ka tirsanaa ciidamadaasi, sida ay hadalka u dhigeen. Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay taliska AMISOM iyo maamulka gobolka oo ku aadan qaraxaasi. Inta bada Al-Shabaab ayaa weeraro dhabo gal ah ku qaada ciidamada dowladda iyo kuwa Midowga Africa, xilliyada ay isaga kala gooshayaan gobollada dalka. View the full article
  18. Muqdisho (SMN): Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/Warka-Subax-16072019.mp3 View the full article
  19. The Somali government will roll out an annual award scheme in honour of Hodan Nalaye, a Somali-Canadian TV host who was killed late last week in the city of Kismayo in an Al-Shabaab attack. Source: Hiiraan Online
  20. Kismaayo (Caasimada Online) – Qaramada Midoobey ayaa ka digtay in wax faragelin ah lagu sameeyo doorashada Jubaland ee dhawaan ka dhaceysa maamul goboleedkaas. Wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya James Swan ayaa ka warbixiyay safar uu ku tagay magaalada Kismaayo shalay iyo kulamo uu halkaas kula yeeshay madaxda Jubaland. Swan ayaa sheegay in uu la kulmay Madaxweynaha Jubaland, Guddiga xudduudaha iyo doorashooyinka Jubaland iyo xubno kale oo ay ka mid yihiin Xubnaha labada aqal ee Federaalka ee ka soo jeeda Jubaland. Waxaa uu ka tacsiyeeyay weerarkii ka dhacay Magaalada Kismaayo ee sababay dhimashada 26-ka qof iyo dhaawaca 56 kale, islamarkaana ay sheegatay kooxda Al-Shabaab. Mr James ayaa sheegay in Qaramada Midoobey ay soo jeedineyso in doorashada Jubaland waqtigeeda ku dhacdi islamarkaana wax rabshado ah aysan gelin. Waxaa kale oo uu sheegay in uu ka digayo faragelin nooc kasta oo ay tahay oo lagu sameeyo doorashada Jubaland ee dhaceysa Bisha August. Doorashada Jubaland ayaa waxaa isku haya dowladda federaalka ah ee Soomaaliya oo dooneysa inay maamusho iyo Axmed Madoobe oo diidan. Halkaan ka daawo Wararka oo muuqaalo ah Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
  21. Beledweyne (Caasimada Online) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax khasaaro geystay oo saacadihii la soo dhaafay ka dhacay qeybo ka mid ah gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya. Qaraxa oo ahaa Miino lagu aaso ayaa la sheegay in lala eegtay ciidamo ka kuwa Itoobiya ee qeybta ka ah AMISOM, xilli ay marayeen deegaanka Halgan ee gobolkaasi. Ciidamada la qarxiyey ayaa ku sii jeeday saldhig ay ku leeyihiin deegaankaasi, sida ay xaqiijiyeen ilo deegaanka ah. Dhinaca kale Al-Shabaab oo sheegtay masuuliyadda qaraxaasi ayaa sheegay in qaraxu uu haleelay mid ka mid ah gaadiidka dagaal ee ciidamada Itoobiya. Sidoo kale waxa ay shaaciyeen in qaraxaasi ay waxyeelo dhimasho iyo dhaawac ay ku gaarsiyeen ugu yaraan 20 ka tirsanaa ciidamadaasi, sida ay hadalka u dhigeen. Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay taliska AMISOM oo ku aadan qaraxaasi. Al-Shabaab ayaa inta badan weeraro dhabo gal ah ku qaada ciidamada dowladda iyo kuwa Midowga Africa, xilliyada ay isaga kala gooshayaan gobollada dalka. Halkaan ka daawo Wararka oo muuqaalo ah Caasimada Online Xafiiska Beledweyne Caasimada@live.com
  22. Wasaaradda Arrimaha Debadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay in ay sannad walba bixin doonto Abaal-marin loogu magac-daray Hodon Naaleeye oo ahayd gabar weriye ah oo ku dhimatay weerarkii argagixiso ee dhowaan lagu qaaday hoteel ku yaalla magaalada Kismaayo. Gabadha weriyaha oo mudda dheer ku noolayd waddanka Canada ayaa sannadihii u dambeeyay ku sugnayd gudaha dalka iyadoo ka shaqeynaysay barnaamijyo dhiirri-gelinaya bilicda nabadda iyo horumarka ka socda gudaha Soomaaliya si ay ugu soo dhiirradaan qurba-joogta dalka u dhashay. Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay sannad waliba abaal-marinno guddoon-siin doonto hadba qofkii ka tirsan Qurba-joogta Soomaaliyeed ee loo aqoonsado in uu wax muuqda qabtay iyadoo abaal-marintaasi lagu xusi doono weriye Hodon Naaleeye oo sannadihii u dambeeyay indhaha Qurba-joogta ku soo jeedisay bilicda nabadda iyo horumarka ka socda dalka gudihiisa. “Iyada oo la xurmaynayo nolosha halabuurnimo ee Hodan Naaleeye, Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga waxa ay bixin doontaa inshaallah (Abaalmarinta HodanNalayeh). Sanad waliba waxa aanu guddoonsiin doonnaa qof aan u aqoonsannay in uu wax muuqda qabtay oo ka tirsan Qurbajoogga Soomaaliyeed. Nala soco si xog dheeraad ah u heshid” ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda Wasaaradda Arrimaha Debadda. PUNTLAND POST The post Dowladda Soomaaliya oo abaal-marinno ku bixinaysa magaca Hodon Naaleeye appeared first on Puntland Post.
  23. By the end of Monday, Kenya’s birth registry would have recorded about 3,154 newborns. Source: Hiiraan Online
  24. A prolonged dry spell has ravaged Wajir in the last three months with fears of adverse effects on both residents and their livestock. Source: Hiiraan Online