-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xujo culus ayaa hortaalla hoggaamiyaha maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen iyo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud. Xiisad markii hore u muuqatay inay laheyd meel laga qabto ama laga xisaabiyo ayaa hadda isku rogtay beelo is-eryanaaya iyo xildhibaanno uu buuqooda sababay in mar labaad uu baaqdo kulankii golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya. Sheekh Aadan Madoobe, guddoomiyaha golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa la sheegay inuu go’aansaday in uusan furin golaha illaa banaanka lagu soo xalinayo xiisadda taagan ee ka dhalatay arrintii Xudur iyo xildhibaannada kasoo jeeda Koonfur Galbeed ee dilka loogu hanjabay. Lafta-gareen sida iska cad wuxuu maanta haystaa fursad aan soo marin intii uu xafiiska joogay Xasan Sheekh, waana inay beeshiisu 90% ka careysan tahay sida loola dhaqmay xildhibaanadooda, iyagoo durba kun tillaabo dib uga baxay nidaamka Xasan Sheekh. Dad u muuqday inay iska iibinayaan madaxweyne Xasan Sheekh ayaa mowduucii midnimada iyo difaaci dalka u beddelay wax uu Xasan Sheekh leeyahay ama ay reer gaar ah leeyihiin, taas oo si weyn u kala qeybisay bulshada. Mucaaradnimada iyo gadoodka deg-degta ah ee curtay ee reer Koonfur Galbeed ay u qaadeen madaxweyne Xasan Sheekh waa mid Lafta-gareen siin karta dib u doorasho fudud, haddii uu ku dhawaaqo doorasho dev deg ah. Fursadan oo kale Saciid Cabdullaahi Deni ayey soo martay, waana uu ka faa’iideystay. Waxaa la xasuusta iyada oo reer Puntland si weyn u diidan yihiin Saciid Deni ayuu Xasan Sheekh Muqdisho ka yiri “Puntland 24 saac ayey ku dumeysa” taasina waxay reer Puntland ku qasabtay inay Saciid Deni ku faro adeygaan, iyaga oo cadaawad deg deg ah u qaaday nidaamka Xasan Sheekh. Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa sidoo kale la xasuusta inuu isla isbuucaasi uga sii daray xaalka, isaga oo ka hadlayay arrimaha Puntland. Hadaladdii xanafta lahaa ee Xasan Sheekh iyo Xamza ee la xiriiray arrimaha Puntland waxay Saciid Deni siiyeen jaceylka reer Puntland iyo inuu dib ugu soo laabto kursiga, iyada oo loo arkay qofka qura ee reer Puntland ka difaaci kara Xasan Sheekh iyo kooxdiisa. Maanta fursad taas lamid ah waxay soo martay Lafta-gareen. Waxaa si aan la fileyn u taageeray Xildhibaanno iyo siyaasiyiin markii hore diidaana, sidoo kale shacabka kasoo jeeda Koonfur Galbeed ayaa xooggooda maray dhanka Lafta-gareen. Waxaana la isku raacsan yahay in haddii uu maanta doorasho aado in uusan jirin qof kale oo kursiga ka qaadan kara marka la cabiro heer kulka siyaasadeed ee reer Koonfur Galbeed. Inkasta oo marka la fiiriyo xaaladda dalka ku jiro ay Lafta-gareen waajib ku tahay inuu midnimada dalka ilaaliyo, dowladnimada guudna u dhimriyo, haddana markii indhaha siyaasadda lagu eego kooxda Xasan Sheekh la joogta iyaga oo isleh Xasan Sheekh qanciya ayey dhinaca Lafta-gareen u abuureen fursad siyaasadeed oo xoog leh. Waa ilduuf labaad oo ku kaceen Xasan Sheekh iyo kooxdiisu labo sano gudahood, taas oo muujinaysa faham xumadooda siyaasadeed, waxaana hadda la eegaya haddii uu Lafta-gareen fursadaan ka faa’iideysanayo iyo haddii uu midnimada dalka darteed u cafinaayo qalad siyaasadeedkan ay galeen Xasan Sheekh iyo kooxdiisu. The post Lafta-gareen ma ka faa’iideysan doona fursadda ay siiyeen Xasan iyo kooxdiisa? appeared first on Caasimada Online.
-
Mogadishu (HOL) — Over a week after Brazil's refugee policy change, a group of Somali youths remains stranded at São Paulo International Airport, unable to enter the country under the new immigration laws. The group, which had travelled from South Africa en route to the United States, was stopped upon arrival and told to stay at the airport as Brazilian authorities reviewed their cases. Source: Hiiraan Online
-
In a camp for internally displaced people in Mogadishu, a 17-year-old girl who wished to remain anonymous opened up about a painful ordeal she endured as a child. At the age of 12, she was subjected to female genital mutilation (FGM), a traditional practice that has left her with lasting physical and emotional scars. Source: Hiiraan Online
-
Beijing (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey shir doceed muhiim ah oo ku saabsan iskaashiga dhaqaalaha buluugga ee Soomaaliya iyo Shiinaha intii lagu guda jiray shirweynaha Shiinaha iyo Afrika ee ka dhacay Beijing. Shirkaan ayey hoggaamiyayaasha iyo wakiilada dalalka Afrika iyo Shiinaha uga wada-hadlayaan xoojinta iskaashiga dhaqaale iyo istaraatijiyadaha horumarineed ee Afrika iyo Shiinaha. Wasiirka kalluumeysiga iyo dhaqaalaha buluugga Axmed Xasan Aadan ayaa kaalin muhiim ah ka qaatay shirka isaga oo soo bandhigay sida Soomaaliya ugu heellan tahay horumarinta dhaqaalaha buluugga iyo baahiyaha dalka ee ku aaddan casriyeynta kaabayaasha kalluumeysiga. Shir doceedkan waxaa ka qeyb-galay daneeyayaal muhiim ah wuxuuna ujeedadiisu ahayd in la xoojiyo iskaashiga Soomaaliya iyo Shiinaha gaar ahaan dhinaca dhaqaalaha buluugga, iyada oo mudnaan la siinayo isticmaalka waara ee kheyraadka badaha si loo gaaro koror dhaqaale. Wada-hadallada ayaa sidoo kale taabtay maalgashiga suurtagalka ah ee Shiinaha ee kaabayaasha badda ee Soomaaliya, sida dhismaha dekedaha casriga ah iyo xarumaha farsamaynta, kuwaas oo muhiim u ah kobcinta warshadaha kalluumeysiga dalka. Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada-hadalay barnaamijyada cilmi-baarista wadajirka ah si loo fahmo oo loo ilaaliyo nidaamka deegaanka badda. Dowladda Shiinaha ayaa muujisay ahmiyadda ay u leedahay inay taageerto Soomaaliya iyada oo loo marayo kanaallo kala duwan, oo ay ku jiraan caawinaad dhaqaale, khibrad farsamo, iyo barnaamijyo awood dhisid. Taageeradan ayaa kaalin weyn ka ciyaari karta sidii Soomaaliya ay u gaari lahayd yoolalka horumarineed iyo sidii loo xoojin horumarada dhinaca Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Bulluugga ee dalka. Si kastaba, shir doceedkaan ayaa ahaa madal loogu tala-galay xoojinta xiriirka labada dhinac ee Soomaaliya iyo Shiinaha, isagoo dhiirri-gelinaya iskaashiga labada dowladood si loo hormariyo koritaanka dhaqaale waara. The post Sawirro: Xasan Sheekh oo guddoomiyay shir xasaasi ah oo ku saabsan biyaha Somalia appeared first on Caasimada Online.
-
COLUMBUS, Ohio (WCMH) — Ohio is home to the second largest Somali population in the U.S. and now there is a place to uplift their heritage after a new museum opened last weekend. Source: Hiiraan Online
-
Beijing, 05, September, 2024, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa guddoomiyey shir doceed muhiim ah oo ku saabsan iskaashiga Dhaqaalaha Buluugga ee Soomaaliya iyo Shiinaha intii lagu guda jiray shirweynaha Shiinaha iyo Afrika ee ka dhacay Beijing halkaas oo hoggaamiyayaasha iyo wakiilada dalalka Afrika iyo Shiinaha ay uga wada hadlayaan xoojinta iskaashiga dhaqaale iyo istaraatijiyadaha horumarineed ee Afrika iyo Shiinaha. Wasiirka Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga, Mudane Axmed Xasan Aadan, ayaa kaalin muhiim ah ka qaatay shirka isaga oo soo bandhigay sida Soomaaliya ugu heellan tahay horumarinta Dhaqaalaha Buluugga iyo baahiyaha dalka ee ku aaddan casriyeynta kaabayaasha kalluumeysiga. Shir doceedkan waxaa ka qeyb galay daneeyayaal muhiim ah wuxuuna ujeedadiisu ahayd in la xoojiyo iskaashiga Soomaaliya iyo Shiinaha gaar ahaan dhinaca Dhaqaalaha Buluugga, iyada oo mudnaan la siinayo isticmaalka waara ee kheyraadka badaha si loo gaaro koror dhaqaale. Wadahallada ayaa sidoo kale taabtay maalgashiga suurtagalka ah ee Shiinaha ee kaabayaasha badda ee Soomaaliya, sida dhismaha dekedaha casriga ah iyo xarumaha farsamaynta, kuwaas oo muhiim u ah kobcinta warshadaha kalluumeysiga dalka. Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadalay barnaamijyada cilmi-baarista wadajirka ah si loo fahmo oo loo ilaaliyo nidaamka deegaanka badda. Dowladda Shiinaha ayaa muujisay ahmiyadda ay u leedahay inay taageerto Soomaaliya iyada oo loo marayo kanaallo kala duwan, oo ay ku jiraan caawinaad dhaqaale, khibrad farsamo, iyo barnaamijyo awood dhisid. Taageeradan ayaa kaalin weyn ka ciyaari karta sidii Soomaaliya ay u gaari lahayd yoolalka horumarineed iyo sidii loo xoojin horumarada dhinaca Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Bulluugga ee dalka. Shir doceedkaan wuxuu ahaa madal loogu talagalay xoojinta xiriirka labada dhinac ee Soomaaliya iyo Shiinaha, isagoo dhiirrigelinaya iskaashiga labada dowladood si loo hormariyo koritaanka dhaqaale waara. Source: goobjoog.com
-
Mogadishu (HOL) — Djibouti's Foreign Minister, Mahamoud Ali Youssouf, has called on Ethiopia to embrace a proposal to relieve tensions with Somalia. Speaking at the China-Africa Summit, Youssouf expressed optimism that Ethiopia would respond positively to the initiative, which involves offering Ethiopia exclusive access to a Djiboutian port. Source: Hiiraan Online
-
Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha dowladda Qatar u fadhiya Soomaaliya, Mudane Dr. Cabdallag Bin Saalim Alnuceymi Guddoomiye Cabdi Xaashi iyo Safiirku ayaa ka wada hadlay adkaynta xiriirka Soomaaliya iyo Qadar, arrimaha bani’aadannimada, iyo dardargalinta taageerada dhinacyada horumarinta Soomaaliya gaar ahaan deegaannada Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya. Sidoo kale safiirku waxaa uu ballanqaaday inuu ka shaqayn doono in xiriir toos ah ay wada yeeshaan Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Golaha Shuurada Dowladda Qadar, si ay isu waydaarsadaan khibrada shaqo, sharci dajin iyo kor-joogtayn. Source: goobjoog.com
-
Masuuliyiinta dalka Venezuela ayaa xiray askari ka tirsan ciidamada badda Mareykanka oo ku socdaalayay dalalka Latin America, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha wasaaradda Gaashandhigga Mareykanka ee Pentagon-ku. Afhayeenka amniga qaranka ee Aqalka Cad, John Kirby, ayaa xaqiijiyay in xubin ka tirsan ciidamada Mareykanka lagu xiray dalka Venezuela, wuxuuna carrabka ku adkeeyay in Washington ay isku dayeyso inay macluumaad dheeri ah oo ku saabsan arrintaas ay ka hesho mas’uuliyiinta Venezuela. Xarigga askarigan ayaa jawaab u ah diyaarad uu leeyahay madaxweynaha Venezuela Nicolás Maduro oo mareykanku uu qabtay, ayagoo saraakiisha dalkaasi ku doodaya in diyaaraddaas markeedii hore Mareykanka si sharci darro ah looga dhoofiyay, islamarkaana qaab suuq madow ah lagu iibiyay. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wasiirada Xukuuumadda Soomaaliya oo maanta shirkoodii caadiga ahaa ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa qaaday tallaabo la xiriirta xiisadda kasii dareysa ee Soomaaliya iyo Itoobiya. Shirkan oo uu guddoomiyay ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa waxaa intiisa badan diiradda lagu saaray xiisadda taagan, gaar ahaan ilaalinta madax banaanida dalka. Golaha oo bayaan culus soo saaray ayaa guud ahaan dadka Soomaaliyeed ugu baaqay inay u istaagaan difaaca madax banaanida Soomaaliya. Hoos ka akhriso bayaanka oo dhammeystiran:- Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah, ayaa looga hadlay ilaalinta madax-bannaanida, wadajirka ummadda Soomaaliyeed, amniga iyo la dagaallanka kooxaha Khawaarijta ah. Shirka oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa loogu baaqay dadka Soomaaliyeed; In ay si wadajir ah u difaacdaan madax-bannaanida, gobonnimada iyo midnimada ummadda Soomaaliyeed. In laga fogaado wax kasta oo keeni kara kala qeybsanaan bulshada dhexdeeda ah. In laga wada shaqeeyo hirgelinta xasillooni siyaasadeed, meelna looga soo wada-jeesto ciribtirka kooxaha Khawaarijta ah iyo wax walba oo khatar ku ah qarannimadeenna. Golaha ayaa uga mahadceliyey Ciidanka qalabka sida iyo shacabka Soomaaliyeed kaalintooda ku aaddan difaaca dalka iyo la dagaallanka Khawaarijta. Sidoo kale shirka Golaha Wasiirrada ayaa lagu meelmariyey Heshiis is-afgarad oo u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Kenya, kaas oo ku saabsan iskaashiga Dalxiiska. The post Golaha Wasiirada oo qaaday tallaabo cusub oo la xiriirta xiisadda Itoobiya + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
-
Habka canshuuraha waxaa loola jeedaa shuruucda, xeerarka, iyo siyaasadaha dowladda ee lagu caawiyo qiimeynta, uruurinta, iyo maaraynta canshuuraha kala duwan. Waxay u tahay saldhigga dhaqaalaha, iyadoo ay dowladdu heli karto qalab iyo agabyo kala duwan oo ay ku kasbato dakhliga canshuuraha sida canshuurta dakhliga, canshuurta shirkadaha, canshuurta qiimaha lagu daray (VAT), iyo canshuuraha kale ee kastamka. Habka canshuuraha ee waxtarka leh waxay hubisaa u hoggaansanaanta iyadoo loo marayo kormeerada, ciqaabta u hoggaansan la’aanta, iyo xalka sharciga; sidaas darteed, waxay tahay laf dhabarta horumarinta bulsho iyo dhaqaalaha dalka. Canshuurta qiimaha lagu daray (VAT) ayaa xilligan ka mid ah tiirarka muhiimka ah ee nidaamka canshuuraha casriga ah, gaar ahaan dalalka soo koraya. VAT waa canshuur qaadaysa qiimaha lagu daray alaabta iyo adeegyada heer kasta oo wax soo saar ama qaybinta. VAT Waxaa la soo bandhigay qarnigii 20-aad dhammaadkiisa iyadoo ay si madax-bannaan u sameeyeen Wilhelm Von Siemens oo ka socda Jarmalka iyo Thomas S. Adams oo ka socda Maraykanka, waxaana ay keentay isbeddelo weyn oo ku saabsan qaababka canshuuraha. Intii lagu jiray 1960-meeyadii iyo 1970-meeyadii, VAT waxaa qaatay inta badan wadamada Yurub iyada oo loo arko inay tahay beddel waxtar leh oo ka wanaagsan canshuuraha iibka dhaqameed, waxaana ay noqotay mid ka mid ah horumarrada ugu muhiimsan nidaamyada canshuuraha caalamiga ah ee qeybta labaad ee qarnigii 20-aad. Maanta, VAT waxay ka shaqeysaa in ka badan 160 dal, oo ay ku jiraan dhammaan dalalka soo koraya, halkaas oo ay ka tahay tiir muhiim ah ee ururinta kheyraadka. Afrika Sub-Saharan, 80% dalalka ayaa ku shaqeeya VAT, taas oo hadda ka qaybqaadata qiyaastii rubuc dakhligii canshuuraha oo dhan. Soomaaliya oo Hirgelinaysa VAT Cusub Laga bilaabo 1-da Abriil 2024, Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay bilaawday hirgelinta nooc balaadhan oo ah VAT oo lagu xadiday 5%, iyada oo la rajeynayo in la ballaariyo saldhigga dakhligii dalka. Natiijada, hirgelinta qaanuunkan cusub ayaa arki doonta in habka canshuuraha uu balaadhiyo si uu u qabto qeybaha kala duwan sida (isgaarsiinta, adeegyada maaliyadeed, adeegyada bulshada, iyo macaamilada dijitaalka ah) taasoo muujinaysa isbeddel muhiim ah oo ka duwan diiradda hore ee la saaray kaliya dhoofinta, ganacsatada, hoteelada, iyo soo saarista. Canshuurtaan ayaa si ballaadhan ugu dhaqangelaysa ganacsiyada sida shirkadaha isgaarsiinta, bangiyada, ganacsatada, iyo bixiyeyaasha adeegyada. Sidoo kale Canshuurta ayaa markii ugu horreysay laga qaadaya dadka isticmaalka lacagta Mobeelada sida EVC oo markaste oo ay wax iibsanayaan laga rabo Canshuurta 5%. Wasiir Biixi Iman Egeh Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa tilmaamay in heerka canshuurtaan cusub uu ka hooseeyo 15% ilaa 18% oo lagu soo rogay dalalka dariska ah sida Kenya, Rwanda, Itoobiya, Tanzania, iyo Uganda, si loo fududeeyo u hoggaansanaanta loona yareeyo culayska saaran jeebka dadka Soomaaliyeed. In kasta oo dowladda ay muujineyso rajo, jawaab celinta dadweynaha waxay noqotay mid kala duwan oo ku saabsan hirgelinta canshuurtaan. Dhinaca kale, canshuurtani waxay noqon kartaa waxa Soomaaliya u baahan tahay si loo gaaro xasilooni maaliyadeed iyo in laga yareeyo ku tiirsanaanta caawinaada dibadda. Dhinaca kale, waxaa jira walaacyo waaweyn oo ku saabsan saameynta canshuurtaan ku yeelan doonto qiimaha nolosha ee dalka oo ay ku jiraan saboolnimo iyo dhaqaalaha aan rasmi ahayn. Walaacyada dadweynaha ayaa la xusay, gaar ahaan canshuurta cusub ee macaamilada lacagaha mobilka, kuwaas oo ah aalad maaliyadeed muhiim u ah Soomaalida. Waxaa jira walaacyo ku saabsan suurtagalnimada canshuur laba jeer ah, iyadoo canshuuraha dhoofinta laga yaabo inay horey u bixiyeen alaabta ka hor inta aysan gaarin macaamiisha oo hadda sidoo kale lagu qaadi doono VAT. Si loo xalliyo walaacyadaan, Golaha Wasiirada ayaa hirgeliyey tallaabooyin dhowr ah si loo tirtiro ama loo yareeyo canshuuraha dhoofinta lagu soo rogo goobta gelitaanka. Dhibaatooyinka aasaasiga ah ayaa ah, marka loo eego, la’aanta nidaamyada shuruucda heer qaran iyo awoodda hay’adaha la rabo si ay u hirgeliyaan uruurinta VAT. In kasta oo Hay’adda Ururinta Dakhliga oo loo xilsaaray maamulidda canshuuraha ay ku qeexan tahay Golaha Wadatashiga Qaranka ee Heshiiska Baidoa, hawlgelintiisa ayaa weli ku jirta heer bilow ah. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wasiirka Maaliyadda Egeh ayaa ammaanay VAT ,Waxay sheegeen in ay tahay waajibaadka muwaadiniinta in ay bixiyaan canshuuraha oo ay gacan ka geystaan dhisidda qaran. Tani waxay noqon doontaa xididka ugu muhiimsan ee go’aamiya guusha ama guuldarada isbeddelka canshuuraha, Tani waxay ka dhigan tahay in ay ku xirnaan doonto sida dowladdu ay si dhab ah ugu wajihi doonto xalinta dhibaatooyinka qaab-dhismeedka canshuuraha Soomaaliya sanadihii la soo dhaafay, iyo sida wanaagsan ee ay u dhiseyso hay’ado xooggan iyo nidaamyo sharciga ah oo lagu dammaanad qaadi karo habraac canshuureed oo caddaalad ah oo waxtar leh. Xaaladda Goboleed Hirgelinta canshuurta qiimaha lagu daray (VAT) ee 5% ee Soomaaliya waa tallaabo muhiim ah oo ku saabsan siyaasadda maaliyadeed ee dalka, laakiin sidee ayay u dhigantaa dalalka dariska ah ee Geeska Afrika iyo kuwa kale? Aan eegno xaaladda goboleed. Dalka deriska ah, heerka VAT ee Soomaaliya ayaa si weyn uga hooseeya kuwa dalalka Bariga Afrika. Kenya waxay hirgelisay heerka VAT ee 16%, halka Itoobiya ay leedahay 15% VAT. Uganda iyo Tanzania waxay leeyihiin heerar sare, labaduba waxay ku soo rogaan 18% VAT. Farqiga weyn ee heerarkan wuxuu Soomaaliya siin karaa faa’iidooyin dhowr ah. Marka hore, heerka hoose ee Soomaaliya wuxuu siin karaa faa’iido tartan, taasoo ka dhigaysa dalka mid soo jiidasho leh ganacsiyada. Tani waxay dhiirrigelin kartaa maalgelinta shisheeye iyo kor u qaadi kartaa kobaca dhaqaale. Marka labaad, heerka hoose ee VAT wuxuu fududeyn karaa culayska saaran macaamiisha, taasoo muhiim u ah dalka oo weli la tacaalaya saboolnimada iyo caqabadaha dhaqaale. Ugu dambeyntii, bilaabista heer hoose waxay u oggolaanaysaa isbeddelka si fudud, iyadoo ganacsiyada iyo macaamiishuna helayaan wakhti ay ku qabsadaan nidaamka canshuuraha cusub. Xaaladda guud ee Afrika, habka Soomaaliya wuxuu si dhow ula jaanqaadi karaa qaar ka mid ah dalalka ugu dhaqaallaha weyn ugu weyn qaaradda. Koonfur Afrika, oo ka mid ah dalalka ugu dhaqaallaha xooggan qaaradda, waxay leedahay 15% VAT. Naayjeeriya, dhaqaale weyn oo Afrika ah, waxay leedahay 7.5% VAT, taasoo u dhow heerka Soomaaliya. Dhinaca kale, Algeria waxay leedahay heerka VAT ee ugu sarreeya Afrika, oo gaaraya 19%. Kala duwanaanshahan heerarka VAT ee qaaradda wuxuu muujinayaa xeeladaha dhaqaale ee kala duwan iyo siyaasadaha maaliyadeed ee dalalka Afrikaanka ah. Horumarka Maaliyadeed ee Waaweyn ee HPIC. Hirgelinta VAT 5% ee Soomaaliya waxay ku jirtaa qaab-dhismeedka isbeddelada dhaqaale ee waaweyn oo lagu dhaqaaqay iyadoo qayb ka ah barnaamijka Dalalka (HPIC), oo ay hogaaminayaan IMF iyo Bangiga Adduunka si loo gaadho ka-dhaafitaan buuxa oo deynka ah dalalka leh heerarka deynta aadka u sarreeya, si ay u dedejiyaan lacagaha loogu talagalay yareynta saboolnimada iyo horumarinta dhaqaale ee waara. Barnaamijka HPIC ee Soomaaliya wuxuu qayb ka ahaa habraaca dheer ee isbeddelada maamulka wanaagsan, maaraynta maaliyadda, iyo kor u qaadista ururinta dakhliga gudaha. Bulshada caalamku waxay bixisay taageero weyn oo Soomaaliya ah si ay u dhisaan hay’adaha dowliga ah iyo dhaqaalaha, taas oo ay ku dhaawacantay dagaalka sokeeye. Isbeddelka ayaa yimid markii Dastuurka Kumeel-gaarka ah ee 2012 la ansixiyay, kaas oo aasaasay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladaha Xubnaha Federaalka. Taageerada xooggan ee bulshada caalamka, Soomaaliya waxay qaaday tallaabooyin ballaaran oo lagu xoojinayo hay’adaha siyaasadda dhaqaale iyo maaliyadda iyo hagaajinta maamulka. Jidka loo maray ka-dhaafitaanka deynta ee Soomaaliya iyadoo qayb ka ah barnaamijka HPIC wuxuu ahaa mid dheer oo adag, oo ay qaadatay qiyaastii toban sano. Tani waxay ku lug leedahay dib-u-dhiska dowladda iyo dhisidda hay’adaha dowliga ah, laakiin sidoo kale waxaa lagu xallinayay dhibaatooyinka hay’adeed iyo kor u qaadista kalsoonida shacabka ee dowladda iyada oo la adkeynayo maaraynta maaliyadda dadweynaha. Tallaabooyinka muhiimka ah ee isbeddelka maamulka maaliyadeed iyo hufnaanta waxay ahayd qorshaynta iyo fulinta miisaaniyadda oo ka wanaagsan iyo kormeer adag oo ku saabsan kharashaadka dadweynaha. Gaar ahaan, dowladda waxay si weyn u fiirsatay dhisidda tartanka qaybta gaarka ah iyada oo loo marayo aqoonsiga dijitaalka ah, iskaashiga federaal-dowladaha hoose ee caafimaadka iyo waxbarashada, iyo dhisidda awoodda tirakoobka. Mid ka mid ah tallaabooyinkaas ayaa ahayd bixinta deymaha hay’adda Horumarinta Caalamiga (IDA), taas oo ah isha ugu weyn ee maalgelinta horumarinta ee dalalka dakhligoodu hooseeyo. Tani waxay u suurtagelisay IDA inay dib ula xiriirto Soomaaliya sanadkii 2020, iyadoo kordhisay taageerada dalka ilaa $2.3 bilyan oo ka mid ah deeqaha iyo taageerada farsamada. Dib-u-xiriirinta IDA, oo ay taageerayaan IMF iyo Bangiga Horumarinta Afrika, ayaa ahayd shuruud muhiim ah si Soomaaliya ay u horumarto kiiskeeda ee ka-dhaafitaanka deynta. Barnaamijyada isbeddelka HPIC waxaa ka mid ahaa qaadashada Qorshaha Horumarinta Qaranka ee 9-aad. Tani, oo ay weheliso bilowga barnaamijka Taageerada Lacagta Dheeraadka ah (ECF), waxaa loo arkay mid ku filan inay Soomaaliya dib ugu heshiso xasilooni macro dhaqaale, inkasta oo caqabado badan sida caabuqa COVID-19, abaaraha ugu xun tan iyo tobanaannadii, isbedelka cimilo, iyo khataro amni oo daran. Tani waxay caddeyneysaa sida dowladda Soomaaliyeed ay u leedahay lahaansho isbeddeladaas, iyadoo ku guuleysatay inay fuliso toban iyo saddex ka mid ah toban iyo afar shuruudood oo loo baahan yahay si loo gaaro heerka Dhamaadka ee HPIC. Qaar ka mid ah shuruudahaas waxaa ka mid ahaa maamulka maaliyadda dadweynaha iyo kharashaadka, hagaajinta ururinta dakhliga gudaha, maamulka, qeybaha bulshada, iyo tirakoobka. Wasiirka Maaliyadda ee FGS, Bihi Iman Egeh, ayaa sheegay in dowladda ay hirgelisay isbeddelo badan oo kor u qaaday siyaasadda maaliyadeed, maaraynta maaliyadda dadweynaha, iyo awoodda ururinta dakhliga, sida soo bandhigida otomaatiga iyo dijitaalka si loo uruuriyo dakhliga. Sida uu sheegay, isbeddeladani waxay kordhiyeen dakhliga 25%. siddeeddii bilood ee la soo dhaafay. Wuxuu sidoo kale sheegay in Soomaaliya laga filayo kororka dhaqaale ee 3.7% sanadkii 2024, oo ka sarreysa 2.8% sanadkii hore (2023). Qaar ka mid ah dadka waxay u arkaan tan inay tahay tallaabo muhiim ah oo fursad u siineysa horumarinta dakhliga gudaha iyadoo la adeegsanayo VAT. Waxay ka caawin kartaa in la yareeyo dheelitirka miisaaniyadda iyo in la gaaro xasilooni maaliyadeed. Soomaaliya waxay ku dadaashay arrintan sanadihii la soo dhaafay: ururinta dakhliga gudaha ayaa korodhay oo ka socota $229.56 milyan sanadkii 2021 ilaa $262.67 milyan sanadkii 2022, taasoo ka sarreysa bartilmaameedka $250.10 milyan. Si kastaba ha ahaatee, inkasta oo horumarkan, saamiga dakhliga Soomaaliya ee GDP uu weli hooseeyo marka loo eego dalalka dariska ah iyo dalalka kale ee khatarta iyo khilaafka ku jira gobolka. Miisaaniyadda dowladda Federaalka ee 2024, oo dhawaan la ansixiyay baarlamaanka Diseembar 2023, waxay weli ku tiirsan tahay taageerada deeq bixiyayaasha, iyadoo 66.7% ee miisaaniyadda laga filayo deeq bixiyayaasha. Mawduuca miisaaniyadda ee 2024, “Ku Tiirsanaanta Dakhligeena Gudaha,” ayaa dhinaca kale, muujinaya go’aanka dowladda ee kor u qaadista ururinta dakhliga gudaha. 20% ee miisaaniyadda waxaa loo qoondeeyey bixinta adeegyada bulshada, 24.5% ayaa loo diri doonaa difaaca iyo amniga, iyo 22.3% ee miisaaniyadda ayaa loogu talagalay horumarinta dhaqaale. Mustaqbalka Marka Soomaaliya hirgeliso VAT-ka cusub ee 5%, dalka wuxuu marayaa xaalad dhaqaale oo muhiim ah. Tallaabadan geesinimada leh, oo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wasiir Maaliyadda Egeh ay u aqoonsadeen inay tahay marxalad muhiim ah, waxay ka tarjumaysaa horumarka Soomaaliya ee isbeddelada dhaqaale iyo go’aankeeda ku aaddan is-xisaabtan maaliyadeed. Guusha isbeddelka canshuurtaan ayaa ku xirnaan doonta dhowr arrimood. Dowladda waa inay si hufan u hirgelisaa nidaamka VAT, wax ka qabataa walaacyada bulshada, oo sidoo kale ka gudubtaa caqabadaha dhaqaalaha aan rasmi ahayn ee Soomaaliya. Bilaha soo socda ayaa muujin doona haddii nidaamkan cusub uu awood u yeelan karo inuu helo dheelitirnaan sax ah oo u dhaxaysa kordhinta dakhliga dowladda iyo taageeridda kobaca dhaqaale iyada oo aan si xad dhaaf ah ugu culaysin muwaadiniinta. Marka Soomaaliya ay u socoto hirgelinta mabda’a “Ku Tiirsanaanta Dakhligeena Gudaha,” adduunka ayaa si xiiso leh u daawanaya. Miyaa nidaamka cusub ee VAT uu dhisi doonaa Soomaaliya ka madax-bannaan kaalmada dibadda, isagoo hormarinaya adeegyada bulshada iyo kaabayaasha dhaqaalaha? Mise wuxuu soo bandhigi doonaa caqabado cusub oo ku jira xaalad dhaqaale oo durugsan? Jawaabaha su’aalahaas ayaa si tartiib ah u soo baxaya, iyagoo laga yaabo inay bixiyaan casharro qiimo leh oo loogu talagalay dalalka kale ee soo koraya ee raadinaya madax-bannaani maaliyadeed. Soomaaliya iyadoo taagan heerkan dhaqaale, hirgelinta VAT ayaa calaamad u ah talaabo muhiim ah oo ku wajahan waddada dalka ee xasiloonida dhaqaale iyo is-xisaabtanka. Source: goobjoog.com
-
In Isbitaallada laga dhaafo canshuurta qiimaha lagu daray (VAT) waa talaabo muhiim ah oo saameyn ballaaran ku leh nidaamka adeegyada caafimaadka. Go’aankan waxaa leh dhowr macne oo muhiim ah: Taageerada Adeegyada Caafimaadka: Dhaafka VAT-ga isbitaallada waxay ka dhigan tahay in dowladda ay aqoonsan tahay muhiimadda adeegyada caafimaadka iyo baahida loo qabo in la yareeyo kharashyada ku baxa. Isbitaalladu waxay bixiyaan adeegyo caafimaad oo muhiim ah, sida daaweynta iyo qaliinka, kuwaasoo saameyn weyn ku leh caafimaadka bulshada. Dhaafka canshuurtaan waxay gacan ka geysaneysaa in la yareeyo kharashyadaas, taasoo u oggolaanaysa isbitaallada inay bixiyaan adeegyo caafimaad oo tayadoodu wanaagsan tahay. Kororka Tayada Adeegyada: Marka isbitaalladu aysan bixin canshuurta VAT, waxay heli karaan fursad ay ku kordhiyaan tayada adeegyada ay bixiyaan. Taasi waxay noqon kartaa iyada oo lagu maalgelinayo qalabka cusub ee caafimaadka, tababarka shaqaalaha, iyo hagaajinta kaabayaasha isbitaallada. Natiijadu waxay noqon kartaa adeegyo caafimaad oo fiican oo ka dhigaya isbitaallada kuwo awood u leh inay si fiican u daboolaan baahida bukaannada. Hagaajinta Dhaqaalaha: Dhaafka VAT-ga isbitaallada waxay sidoo kale ku xiran tahay sidii loo dhisi lahaa nidaam canshuur oo cadaalad ah oo xoojinaya dhaqaalaha gudaha. Tani waxay si toos ah u saameyneysaa bulshada iyadoo la helayo adeegyo caafimaad oo la awoodi karo, taasoo yareynaysa ku tiirsanaanta deeqaha iyo deynaha caalamiga ah. Dowladda waxay isku dayeysaa in ay kordhiso dakhliga gudaha iyadoo xakameyneysa kharashyada ku baxa adeegyada caafimaadka. La Qabsiga Dhaqamada Gobolka: Dhaafka VAT-ga isbitaallada sidoo kale waxay ku xirantahay in dowladda Soomaaliya ay u dhiganto dhaqamada ugu wanaagsan ee gobolka iyo qaaradda. Dalal badan oo gobolka ah waxay isbitaallada ka dhaafaan canshuuraha si ay u taageeraan adeegyada caafimaadka. Dowladda Soomaaliya waxay doonaysaa in ay hirgeliso nidaam isku mid ah si loo hubiyo in adeegyada caafimaadka ay noqdaan kuwo la awoodi karo oo tayo leh. Saameynta Canshuurta VAT ee Qalabka: Inkastoo isbitaallada laga dhaafay VAT-ga, canshuurta ayaa weli saameyn doonta iibsashada qalabka iyo agabka kale ee isbitaallada. Tani waxay u baahan tahay in isbitaalladu ay u diyaar garoobaan kharashyo dheeraad ah oo la xiriira qalabka caafimaadka. Gabagabadii, dhaafka VAT-ga isbitaallada ayaa ah talaabo la bogaadin karo oo loogu talagalay in lagu taageero adeegyada caafimaadka, iyadoo sidoo kale laga fiirsanayo saameynta dhaqaale ee guud. Tani waxay si weyn uga qeyb qaadaneysaa hagaajinta tayada iyo helitaanka adeegyada caafimaadka ee bulshada Source: goobjoog.com
-
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in isbitaallada laga dhaafi doono canshuurta qiimaha lagu daray (VAT) kadib hirgelinta nidaamka canshuuraha cusub ee 5%. Wasiirka Kuxigeenka Wasaaradda Maaliyadda Abdiqafar Haange, ayaa sheegay in go’aanka lagu qaadayo VAT isbitaallada uu ka jawaabayo walaacyada isbitaallada iyo sidii loo taageeri lahaa koritaanka adeegyada caafimaadka si ay si fiican ugu daboolaan baahida muwaadiniinta. Wasiirka Kuxigeenka ayaa intaa ku daray in go’aankan uu sidoo kale la jaanqaadayo dhaqamada ugu wanaagsan ee dalalka gobolka iyo qaaradda, kuwaas oo isbitaallada ka dhaafa VAT maadaama ay bixiyaan adeegyo muhiim ah. Si kastaba, VAT ayaa weli saameyn doonta iibsashada qalabka iyo agabka kale ee isbitaallada. Hirgelinta VAT 5% ayaa markii hore sababtay dhaleeceyn xooggan oo ka timid ganacsatada Muqdisho, taasoo keentay xiritaanka suuq weyn oo magaalada ah, Bakaro, muddo laba maalmood ah. Si kastaba, wada-hadallo dhexmaray dowladda iyo ganacsatada ayaa soo afjaray khilaafkaasi. Hirgelinta VAT-ka cusub waxay tahay tallaabo muhiim ah oo dowladda ku doonayso inay ku kordhiso dakhliga gudaha iyo yareynta ku tiirsanaanta deeqaha iyo deynaha caalamiga ah. Source: goobjoog.com
-
Jigjiga (Caasimada Online) – Dowladda Itoobiya ayaa mar kale maanta qaaday tallaabo cusub, waxayna saraakiisha ugu sarreeya ciidamada usoo dirtay magaalada Jigjiga ee xarunta is-maamulka Soomaalida Itoobiya. Taliyaha guud ee Ciidanka Itoobiya Berhanu Jula iyo wafdi uu hoggaaminayo oo uu ku jiro ku xigeenkiisa Janeraal Abebaw Taddese ayaa maanta ka dagay garoonka magaalada Jigjiga, halkaas oo si weyn loogu soo dhaweeyay. Waxaa soo dhaweynta ka qayb-galay madaxweyne Mustafe Cagjar, hoggaanka Nabadgalyada Dayib Axmednuur iyo mas’uuliyiin kale oo kamid ah ismaamulka Degaanka Soomaalida. Ujeedka safarka saraakiishan Itoobiyaanka ah ayaa waxaa lagu sheegay inay la xiriirto ka qaybgalka xuska 47-aad ee !asaaska Ciidamada Taliska bariga Itoobiya oo markii u horreysay lagu qabanayo magaalada Jigjiga. Taliyeyaasha ayaa maalmo sii joogi doono halkan, waxaana lagu soo warramayaa in munaasabadda xuska ay socon doonto muddo todobaad ah, sida laga soo xigtay mas’uuliyiin ka tirsan dowlad deegaanka Soomaalida. Sidoo kale taliye Burhanu Julla xarigga ka jaraya xarunta tababarada taliska ciidanka bariga Itoobiya oo laga furayo xerada Garabcase oo ku taalla duleedka magaalada Jigjiga. Arrimahan waxay kusoo aadayaan, ayada oo ay kasii dareyso xiisadda u dhexeysa dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya oo haatan waji cusub yeelatay, kadib markii ay kusoo biirtay Masar oo weli Itoobiya isku hayaan wabiga Nile. Itoobiya waxay maalmihii lasoo dhaafay magaalooyinka u dhow xadka Soomaaliya ka wadday dhaq-dhaqaaqyo milatari oo u muuqdo inay u diyaar garoobeydo dagaal cusub. Maamulka Ra’iisul wasaare Abiy Axmed ayaa hadda qaaday dhabihii dagaalka, wuxuuna soo badhigay hub culus oo ay ku jiraan Gantaallada Balastikada ee M-20, waxayna tani muujineysaa in Itoobiya ay markan diyaar garowday dagaal toos ah. Dhammaan, tallaabooyinkan ayaa sii hurinaya xiisadda haatan ka taagan gobolka oo ku dhow in la’is fara saaro, maadaama dhinacyada uu mid kasta sameynayo dhaq-dhaqaaq iyo abaabul ciidan oo aad u wayn. The post Saraakiisha ugu sarreysa ciidamada Itoobiya oo yimid… appeared first on Caasimada Online.
-
Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah, ayaa kulankaas waxaa looga hadlay ilaalinta madax-bannaanida, wadajirka ummadda Soomaaliyeed, amniga iyo la dagaallanka kooxda Alshabaab. Shirka oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa loogu baaqay dadka Soomaaliyeed in ay si wadajir ah u difaacdaan madax-bannaanida, gobonnimada iyo midnimada ummadda Soomaaliyeed. In laga fogaado wax kasta oo keeni kara kala qeybsanaan bulshada dhexdeeda ah. In laga wada shaqeeyo hirgelinta xasillooni siyaasadeed, meelna looga soo wada-jeesto ciribtirka kooxaha Khawaarijta ah iyo wax walba oo khatar ku ah qarannimadeenna. Golaha ayaa uga mahadceliyey Ciidanka qalabka sida iyo shacabka Soomaaliyeed kaalintooda ku aaddan difaaca dalka iyo la dagaallanka Khawaarijta. Sidoo kale shirka Golaha Wasiirrada ayaa lagu meelmariyey Heshiis is-afgarad oo u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Kenya, kaas oo ku saabsan iskaashiga Dalxiiska. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa ka digay wax uu ugu yeeray abaabulka qabyaaladeysan ee baryahan danbe hareeyay baraha bulshada iyo Siyaasadda Soomaaliya. Sheekh Shariif ayaa ku eedeeyey madaxda dowladda federaalka Soomaaliya inay ku mashquulsan yihiin kala qaybinta cududda shacabka Soomaaliyeed halkii ay ka shaqayn lahaayeen isku duubnida dadka. Hoos ka aqriso qoraalka Shariif. WAR-SAXAAFADEED Waxaan aad uga xumahay abaabulka qabyaaladeysan oo baryaan danbe hareeyay baraha bulshada iyo Siyaasadda Soomaaliya, kaasoo dhawacaya wadajirka umadda Soomaliyeed iyo masiirkooda, sidaa awgeed, waxaan kadigayaa fal kasta oo dhaawici kara madaxbannaanida dhuleed, Badeed iyo cireed ee Soomaaliya, waaxana u arkaa dariiqa kaliya ee aan ku difaaci karno dalkeena inuu yahay midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed, iyadoo aan loo eegayn degaan, koox iyo qabiil toonna. Waxaan ka xumahay in madaxda dowladdu ay ku mashquulsan tahay kala qaybinta cududda shacabka Soomaaliyeed halkii ay ka shaqayn lahaayeen isku duubnida dadka. Waxaa muuqata in madaxweynaha JFS aysan u qiyaasnayn khatarta dalku ku jiro iyo sida maanta loogu baahan yahay in laga shaqeeyo tillaabo kasta oo keeni karta midnimada iyo wadaajirka Shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay ku noolyihiin. Waxaa wax aad looga xumaado ah abaabulka iyo dhiirri-gelinta qabyaaladda huwan iyo hadalada aan habboonayn ee la isku marinaayo warbhaahinta, waxaana cad in ay meesha ka maqantahay doorkii xukuumadda oo gabtay howlihii kaga aadanaa jiheynta, mideynta iyo u abaabulka dadka soomaaliy- eed sidii ay dalkooda u difaacan lahaayeen. Waxaan ugu baaqayaa ummada Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan in ay ka gudbaan qabiilaysiga, is-collaysiga iyo khalaafaadka dhexdooda ah, una midoobaan difaaca qarankooda. Waxaan xasuusinayaa shacabka Soomaaliyeed inay dowladdoodii ku waayeen qabyaalad sidaa daraaddeed wakhtigaan aysan habboonayn in jidkaas xun dib loo raaco. Ugu danbayn waxaan ugu baaqayaa madaxda dowladdu inay wax ku eegaan indho qaran ee aysan kusoo hoos noqon wax kala dhantaalaya awoodda dadka. Marka la joogo difaaca dalka waa inay meesha ka baxdaa kanaa igasoo hor-jeeda iyo kanaan isku koox nahay. Madaxda Qaranku waa inay la yimaadaan aragtidii la isugu wadi lahaa sha- cabka loogana gudbi lahaa isu adeegsiga awoodda dowladeed. The post Sheekh Shariif oo ka digay abaabul qabyaaladeysan oo uu sheegay inuu ka socdo… appeared first on Caasimada Online.
