Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,984
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. TRIPOLI - Libya's internationally recognized government has allocated 40 million Libyan dinars ($28.5 million) for its defense ministry, it said on Tuesday, stepping up spending to fend off an eastern offensive as the war enters a fifth month. Source: Hiiraan Online
  2. Somali-American supermodel Iman is to receive the Franca Sozzani Award later this year to mark her contribution to the dual universes of modelling and humanitarian work. Source: Hiiraan Online
  3. AFRICA looks set to be the next major battlefield in an emerging "Cold War" between the US and China, experts have claimed. Source: Hiiraan Online
  4. (ERGO) – Two hospitals in the central Somali region of Galgadud are on the brink of closure due to lack of funds to support operations. Source: Hiiraan Online
  5. Kismaayo (PP) ─ Xukuumadda Washington ayaa war kasoo saaray doorashada la filayo inay bishaan dhammaadkeeda ka dhacdo maamulka Jubbaland, taasoo lagu soo dooran doono hoggaamiyaha xigi doona Axmed Madoobe oo muddo xileedkiisu dhammaaday. Mareykanka ayaa sheegay inay muhiim tahay in doorashadaas noqoto mid ku dhacdo si xor ah oo kalsooni ku jirto, iyadoo la digtay fara-gelinnada la sheegayo in lagu hayo doorashada lagu wado inay ka dhacdo Jubbaland. Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka, haweeneyda lagu magacaabo, Morgan Ortagus oo la hadashay warbaahinta ayaa sheegay in dowladda Mareykanka ay rajo badan ka qabto doorashadda Jubbaland inay noqo mid lagu wada kalsoonaan karo. Sidoo kale, Xoghayaha arrimaha dibadda Dowladda Mareykanka ee arrimaha siyaasadda, David Hale ayaa kulan uu Muqdish kula yeeshay, RW Xasan Cali Kheyre wuxuu kala hadlay sidii loo qaban lahaa doorasho qof iyo cod ah. Dhanka kale, Afhayeenka ayaa xustay in dowladda Mareykanka ay ka go,an tahay dadaallada is-beddellada siyaasadeed ah, horumarinta dhaqaale iyo xasilloonida ka socda Somalia. Xoghaye David Hale ayaa ka dalbaday Dowladda Federaalka Somalia inay ka digtoonaato fara-gelin ay ku sameyso doorashada Jubbaland, waxaana sidoo kale uu ku baaqay in sida ugu dhaqsiyaha badan lagu xalliyo khilaafyada ka taagan Galmudug si loo helo maamul loo dhan yahay. Dhanka kale, Muran badan ayaa ka taagan doorashada lagu waddo in bishan dhammaadkeeda ay ka dhacdo Magaalada Kismaayo ee xarunta Jubbaland, waxaana musharraxiinta qaarkood ay sheegeen in loo diiday inay taggaan Kismaayo. Ugu dambeyn, Odayaasha dhaqanka maamulka Jubbaland ayaa gudbiyay liiskii ugu dambeeyay ee xubnaha ka mid noqonaya baarlamaanka labaad ee Jubbaland, mudanayaashaas oo soo dooran doona Madaxweynaha cusub ee dowlad-goboleedka Jubbaland. PUNTLAND POST The post Muxuu Mareykanku ka yiri doorashada lagu wado in dhawaan ay ka dhacdo Jubbaland? appeared first on Puntland Post.
  6. Kismaayo (Caasimada Online) – Murashaxiinta u taagan kursiga ugu sareeya Jubaland ayaa magaaladda Kismaayo kula kulmay ergayga IGAD u qaabilsan arrimaha Soomaaliya. Maxamed Cali Guyo iyo siyaasiyiinta ayaa iska xog-wareystay xaaladihii ugu dambeeyay ee degaanadda maamulkan gaar ahaan amniga, siyaasada iyo doorashooyinka. Tartameyaasha oo kulanka kadib soo saarey war-saxaafadeed ayaa soo bandhigay todob shuruud oo ay ku xireen ka qeybgalka doorashadda oo ay horey uga biyo diideen. Shuruudaha ayaa waxay kala yihiin 1 – In la bedelo guddiga haatan ee doorashooyinka kaasi oo “ku dhisan qaab sharci darro ah un adeegaya danaha madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday ee Axmed Madoobe”. 2 – In lasoo magacaabo guddi doorasho oo cusub, sidda uu qabo dastuurka, kaasi oo aanan lahayn wax xad ah, isla markaana raacaya geedi u socodka daruuriga ah ee loo baahdo. 3 – In odayaasha “saxda ah” ay soo xulaan mudaneyaasha cusub ee ka mid noqonaya baarlamaanka cusub ee dowlad goboleedka Jubbaland, maadaama ay shaki ka muujiyeen kuwa haatan. 4 – In kaliya hal murashax loosoo xulo baarlamaanka cusub, maadaama waqti xaadirkan uu maamulka soo rogay in saddex xubin ay soo xulaan odayaasha kadibna guddiga uu mid kala baxayo. 5 – In doorashada uu maamulo guddi baarlamaani ah 6 – In doorashadda lagu qabto goob dhex-dhexaad ah sidda xarunta Qaramada Midoobay 7 – In ciidamada AMISOM ay sugaan ammaanka goobta ay ka qabsoomeyso doorashadda xitaa amniga murashaxiinta 8 – In dowladda federaalka ay goobjoog ka noqoto doorashadda 9 – In korjoogto caalami ah ay kasoo muuqan madasha ay ka qabsoomeyso coddeynta 10 – In warbaahinta caalamka iyo tan maxaliga ah ay sidoo kale door ku yeeshaan tabinta Qodobada ay miiska soo saaran murashaxiinta kasoo horjeeda Axmed Madoobe ayaa kusoo beegmaya iyadda oo bisha August loo balansan yahay doorashadda ayna haatan socoto soo xulista Xildhibaanada cusub. Sikastaba ha ahaatee, liiska rasmiga ah ee baarlamaanka labaad ee maamulkan xubinta ka ah federaalka Soomaaliya ayaa la filayaa in lagu dhawaaqo 48-da saacadood ee soo aadan. AQRISO BAYAANKA Garowe Online
  7. Hargeysa (Caasimada Online) ― Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa dhowr shuruudood ku xiray dowlada Sacuudiga si uu sanadkan u soo guto waajibaadka Xajka. Madaxweyne Biixi ayaa dhowaan waxa uu boqorka Sucuudigu ku soo daray martida gaarka ah ee uu boqorku sannad kasta ku martiqaado gudashada waajibaadka Xajka, sida ay sheegayan wararka aanu helnay. Biixi ayaa dowladda Sacuudiga u diray waraaq uu ku lifaaqay shuruudaha uu ku xirayo dowladaasi si uu xajka u soo guto sanadkan, isla markaana ugu mahad-celinayo martiqaadka boqorka. Wararka aan helayno ayaa sheegaya in Madaxweyne Biixi uu shuruud uga dhigay in dal ku galka Sucuudiga loo soo saaro Baasaaboorka diblomaasiga Somaliland, lana siiyo hab maamuus Madaxweyne, isla markaana loo abaabulo kulan uu la yeesho boqorka Sucuudiga iyo qodobo kale oo uu ku rabo in Somaliland u muuqato dal madax-banaan. Madaxweyne Biixi ayaa waxa kale oo uu waraaqdasi ku sheegay in Somaliland tahay dal gaar ah oo madax-banaan oo doorata madaxdeeda, isagana ay waajib ku tahay inuu ilaaliyo sharafta iyo karaamada qaranka Somaliland. Boqortooyada Sacuudiga ayaa ila hadda wax jawaab ah ka bixin dalabaadka iyo Shuruudaha Madaxweyne Biixi ku xiray inuu Xajka ku tago martiqaadka uu boqorku u soo diray, balse talabaadan Biixi ayaa u muuqata mid uu ku doonayo inuu sii xoojiyo dhaq-dhaqaaqyada ay Somaliland ku doonayso in dal madax-banaan loo aqoonsado. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  8. Beledweyne (Caasimada Online) – Dadkii ugu badnaa ayaa bilooyinkii ugu dambeeyay ka baxay magaalada Beladweyne ee Xarunta Gobalka Hiiraan waxaana aad looga dareemaya Guud ahaan gobalka gaar ahaan magaalada Beladweyne. Sidoo kale Ganacsigii ugu badnaa ayaa ku bur buray magaalada Beladweyne ee Xarunta Gobalka Hiraan. Qiyaastii wax ku dhow 3 kun oo ganacsi ayaa suuqa ka baxay waxaana sidoo kale la waayay dhamaan ganacsigii yaraa ee la wareejin jiray iyo maqaayadihii yaraa ee dadka danyarta ah. Arimahaan oo dhan ayaa waxaa sabab u ah kadib markii muddo laba sano ah aan lacagta Shilinka Soomaaliga ah laga isticmaalin Guud ahaan Gobalka Hiiraan iyo Gobalada dhexe oo dhan. Caasimada Online ayaa ogaatay in Beladweyne 40% dadkii ku noolaa ay u qaxeen Goballada Banaadir, Bari, Shabeelada Dhexe iyo Shabeelada Hoose. Qaar kale oo ka tirsan dadkaasi ayaa u qaxay gobalada kale ee Puntland. Qaar badan oo kamid ah dadkii ku shaqeysan jiray Gaari gacanada ayaa magaalada isaga baxay waxayna ka tageen dhamaan Gaari gacanadooda kadib markii ay qaadan waayeen islamarkaana ay waayeen cid lacag yar ka siisa. Dadka ku nool Gobalka Hiiraan ayaa wajahaya dhibaatadii ugu darneed taariikhda waxaaana la aaminsan yahay in aysan dhibaatadaan oo kale arkin reer Hiiraan Xataa bur burkii iyo dagaaladii Sokeeye. Ma muuqato haba-yaraatee wax rajo ah oo ay qabaan dadka ku nool Gobalka Hiiraan oo ku saabsan sidii looga bixi lahaa dhibaatada Gobalka saameysay. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka aamustay dhibaatadan mana jirto wax dedaal ah oo gelisay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  9. Kooxda Al-shabaab ayaa degaanka Buula-fulay ee gobolka Baay ku soo bandhigtay, madax-dhaqameed ay sheegtay in ay kamid ahaayeen, ergooyinkii soo xulay Baarlamanka Federaalka Soomaaliya. Qoraal iyo sawirro ay baahisay warbaahinta Al-shabaab, ayaa lagu sheegay in munaasabad Towbad-keen ah loo qabtay 80 xubnood oo kamid ah ergooyinkii soo xulay Xildhibaannada Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ee laga soo doorto Koonfur Galbeed iyo Jubaland. Al-shabaab waxay sheegtay in odayaasha oo fulinaya amarka Al-shabaab, ay uga yimaadeen degaannada Koofur Galbeed iyo Jubaland, si ay uga towbad keenaan soo xulistii xildhibaannada Baarlamanka Federaalka ee laga soo doorto labadaasi dowlad goboleed. Waxa kale oo Al-shabaab ay sheegtay in dhammaan odayaasha mar kale towbadda loo qabtay, dabadeedna muxaadirooyin dhaqan-celin ah la siiyay, laguna amray in ay degaannadoodii gaarsiiyan farriinta Al-shabaab. Waa markii labaad oo todobaad gudihii ay Al-shabaab soo bandhigto odayaal-dhaqameed ay ku sheegtay in ay ka towbad keeneen soo xulistii xildhibaannada Federaalka, iyadoo maalmo ka hor soo bandhigtay in ka badan 80 oday oo ka yimid Galmudug iyo Hirshabeelle. Halkaan ka eeg sawirada PUNTLAND POST The post Al-shabaab oo todobaad guhiis soo bandhigtay 160 oday-dhaqameed oo ka kala yimid afar dowlad goboleed appeared first on Puntland Post.
  10. Jowhar (Caasimada Online) – Waxaa lagu wadaa in maalmaha soo socda ay biyo la’aan daran marti geliyaan dadka ku nool magaalada Jowhar ee Xarunta Maamulka HirShabeelle iyo nawaaxigeeda sida ay noo sheegeen Saraakiil katirsan Gobalka. Sababta arintaan ayaa lagu sheegay in farsamo lagu sameyn doono hal Ceel Biyood oo aad looga isticmaalo magaalada Jowhar ee Xarunta Gobalka Shabeelada Dhexe sida ay sheegeen dadka degaanka. Saraakiil katirsan Shirkadda Farjano ayaa dadweynaha Jowhar ku wargeliyay in dib u habeyn lagu sameyn doono Ceelka biyaha ee Shirkadda mudadaasna ay magaalada Biyo la’aan ahaan doonto. Shirkadda ayaa la sheegay in ay dadka ku wargelisay arrintaan waxaana qoysaska qaarkood bilaabeen in ay sameestaan keydad biyo halka qaar kalane aysan heysan, sida ay soo sheegayaan dadka Jowhar ku nool. Magaalada Jowhar ee Xarunta Hirshabeelle inta badan malahan Keydad biyo iyo haaman waa-wayn oo markaan oo kale la isticmaalo, waxaase aad looga wal walayaa sida ay wax noqon doonaan. Jowhar waxaa ku yaala hal Shirkad oo kaliya oo biya siisa dhamaan Xaafadaha magaalada Jowhar waxa ayna arrintaan saameen ku yeeleyn kartaa guuda ahaan Jowhar iyadoo aysan jirin wax kale oo dadaal ah oo socda. Lama oga mudada ay qaadan karto dib u hagaajinta Haamanka Biyaha ee Shirkadda waxaase la filayaa in ay maalmo qaadato hadii aysan ka badan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  11. Nairobi (Caasimada Online) –Kooxda ladagaallanka Burcad-badeedda xeebaha Soomaaliya ee magacooda loo soo gaabiyo CGPCS, ayaa si adag xukuumadda Somaliland ugu cambaaraysay siidaynta 19 maxbuus oo ku xirnaay xabsi ku yaalla magaalada Hargeysa, kuwaas oo loo heystay falal la xiriira Burcad-badeednimo. Qoraal ka soo baxay kooxda Ururka ladagaallanka Burcad-badeeda xeebaha Soomaaliya ayaa lagu sheegay in go’aan Somaliland ku sii daysay maxaabiista Burcad-badeedda ah, uu si cad u curyaaminayo dagaalka midaysan ee Beesha Caalamku mudada 10 sano ah kula jirtay qawlaysatada xeebaha Soomaaliya. Waxaa lagu sheegay qoraalka in mudadii lagu jiray dagaalkaas lagu guulaystay in hoos u dhaca ballaaran uu ku yimaado Burcad-badeeddii Xeebaha Soomaaliya. September ee sannadkii 2018-kii, ayuu sheegay Ururku inuu soo saaray qoraal uu Somaliland kaga dalbanayo in aan la sii dayn, maxaabiista loo heysto Burcad-badeednimada ee ku xiran magaalada Hargeysa, si aysan u dhiirri-gelin falalka Burcad-badeednimada ah. Sidoo kale, Kooxdu waxay sheegtay in sii daynta maxaabiista, ay gebi ahaanba burinayso heshiiskii is-afgaradka ahaay ee Seychelles ay Somaliland ugu wareejisay maxaabiista xukuman si mudada xukunkooda ay ugu dhameystaan deegaanada Somaliland. Waxaa kale oo ay kooxdu sheegtay, in xukunka lagu riday Burcad-badeedda aan waxba laga beddeli karin, ilaa ay ka heshiiyaan dhamaan dhinacyada ku midaysan ladagaallanka Burcad-badeedda Soomaalida. Qoraalka Ururka ladagaallanka Burcad-badeedda Soomaalida ee (CGPCS) ayaa lagu sheegay in Somaliland dacwad arintaas ku aadan ay ka geeyeen Golaha amaanka ee Qaramada Midoobey, iyadoo kooxdu sheegtay in dacwaddas looga dalbaday Jimciyadda Qurumaha ka dhaxeysa inay talaabada ugu haboon ka qaado Xukuumadda Somaliland. Hoos ka Akhriso Qoraalka Ururka (CGPCS) Premature release of 19 convicted pirates by Somaliland Authorities Caasimada Online Xafiiska Nairobi caasimada@live.com
  12. Dowladda dalka philippines ayaa xaalad deg deg ah ku dhawaaqday, kaddib markii ilaa 622 qof ay gudaha dalkaasi ugu dhinteen cudurka dengue oo ah cudur ay gudbiso kaneecada teeda dheddiga ah. Wasiirka caafimaadka waddanka philippines Francisco Duque ayaa sheegay, in todobadii bilood ee sannadkan u horreeyay la diiwaan-geliyay in ka badan 146,000 qof oo uu soo ritay cudurka Denga, waxaana uu tilmaamay in boqolkiiba % 98 ay si xawliya ku socoto faafista cudurka. Sidoo kale wuxuu sheegay in xaaladda deg deg ah ee dalka la geliyay ay u golaaneyso dowladaha hoose ee magaalooyinka, in ay helaan kaalmo deg deg ah oo ay kula tacaalaan cudurka. PUNTLAND POST The post Dalka philippines oo xaalad deg deg ah la geliyay appeared first on Puntland Post.
  13. Somaliland: President Muse Bihi Accepts King Salman Invite To The Hajj, But Sets Conditions The President of the Somaliland Republic, Muse Bihi Abdi, has conditionally accepted an official invitation from the Saudi Arabian King, Salman Ibn Abdulaziz, to make the Hajj pilgrimage. However, according to reliable sources, President Muse Bihi has made several request to the Saudi authorities prior to accepting the invitation. Our sources indicate that the request are primarily addressing the dignity or Republic of Somaliland and it’s citizens, and their representation in the form of the president. It is not clear whether Saudi Arabia will accede to these requests and whether the President will take part in the Hajj pilgrimage this year. Qarannews.com Qaran News
  14. Warbixintaan qeyb ka mid ah oo duuban horey baan u soo gudbiyay, oo waxaa laga heli karaa Youtube-keyga;- Ubah LIM- Voice – https://youtu.be/y_AcRmnp_MQ Source: Hiiraan Online
  15. Business owners in Cedar-Riverside, the heart of Minneapolis’ Somali community, are mobilizing against the city’s plan to transform a surface parking lot into a new public market. Source: Hiiraan Online
  16. The legal system of a country consists of the body of law applicable as well as the institutions that emanates the law. As lawyers know, legal systems in countries around the world generally fall into one of two main categories: common law systems and civil law systems. Source: Hiiraan Online
  17. Living in 2019 means getting used to the fact that every week brings with it some new, scurrilous attack on Rep. Ilhan Omar (D-MN). Sometimes these come from Democrats; most of the time they come courtesy of Trump Source: Hiiraan Online
  18. Moving to a biometric payment system for military personnel has markedly improved the reliability of soldier pay and revealed 10,000 ‘ghost soldiers’ according to a report by AFP. Source: Hiiraan Online
  19. Headline says ‘Trump urges unity vs racism’, prompting accusations that paper fed president’s narrative. Source: Hiiraan Online
  20. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/08/Bar___-Qumanaha-___-Wararka-06082019.mp3 View the full article
  21. Muqdisho (Caasimadda Online) – Sida ay xogta ku heshay Caasimada Online, 37 Shaqaale oo ka tirsanaa Xafiiska Ra’isul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa laga ceyriyey shaqada. Liiska Shaqaalaha laga ceyriyey Xafiiska ayaa waxaa la dhigay iridda hore ee Madaxtooyada iyadoo Ciidanka ilaalada madaxtooyada lagu amray inaysan shaqaalahaas soo geli karin. Warqadda Shaqaalahaan looga mamnuucay Madaxtooyada ayaa lagu sheegay in loo badalay meel kale inkastoo aan si rasmi ah loo ogeyn laguna qorin waraaqda halka loo wareejiyey. Qaar ka tirsan Shaqaalaha loo diiday inay soo galaan madaxtooyada ayaa sheegay inuu arrintaan ka dambeeyo Axmed Yuusuf Axmed oo ah agaasimaha guud ee Bii’ada ee Xaafiiska Ra’iisul wasaaraha. Shaqaalaha la ceyriyey ayaa ku doodayo in arrintaan ay tahay mid aan loo marin sida saxda ah isla markaasna uu ka shaqeeyey Axmed Yuusuf oo ay sheegeen inuusan isaba aheyn shaqaale rasmi ah. Shaqaalaha la ceyriyey ayaa waxaa lagu amray inay tagaan Xafiiska Shaqada iyo Shaqaalaha, wixii hadda ka dambeeyana aysan soo gelin karin madaxtooyada. Maalmihii dambe waxaa soo badanayey shaqaalaha laga ceyrinayo xafiisyada Dowladda gaar ahaan kan madaxweynaha iyo kan Ra’isulwasaaraha, waxaana la xasuustaa in horey Xafiiska madaxweynaha looga eryey ku dhawaad 50 shaqaale. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  22. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa ka hadashay kulankii dhex-maray madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi iyo odayaasha Mogadishu Clan, soona dhoweysay tallaabadii ay odayaasha qaadeen. Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya, Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay odayaasha dhaqanka ee beelaha Mogadishu Clan ee dhawaan Hargeysa kula kulmay Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi. Nabadoon Maxamed Xasan Xaad oo hoggaaminayay odayaashii dhaqanka ee Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi kala soo wareegay 19-ka Maxbuus ee cafiska uu u fidiyay ayaa Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka uga war bixiyay sidii Soomaalinimada, xushmadda iyo qadarinta laheyd ee loo soo dhaweeyay. Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa madaxweynaha Somaliland ku ammaanay soo dhaweynta Soomaalinimada leh ee uu ku qaabilay odayaasha gobalka Banaadir. Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa sidoo kale odyaasha dhaqanka uga mahad celiyay gacanta ay ka geysteen in mawaadiniintaas Soomaaliyeed ay xorriyaddooda dib u helaan, waxa uuna ku dhiirri geliyay in ay sii wadaan dowrka ballaaran ee dhaqanku ku leeyahay bulshada dhexdeeda. Intii kulanku uu socday ayaa odayaashu waxa ay codsadeen in la soo daayo oo iyana cafis loo fidiyo mawaadiniin kale oo dhallinyaradan ay isku xukun ahaayeen oo ku xiran Puntland iyo xabsiga dhexe ee dalka.
  23. Mac-hadka horumarinta cilmi baarista Soomaaliyeed ee SIDRA ayaa maanta magaalada Garowe ku qabtay kulan ku saabsanaa kaalinta ururada bulshadu ku leeyihiin yoolalka horumarineed ee Waara [...] Source
  24. Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa kulan kula qaatay xarunta Madaxtooyada Garoowe Madaxa Hay’adda Cunnada Adduunka ee WFP Mr.Cesaro Arroyo iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo safar ku yimid Puntland. Madaxweyne ku-xigeenka waxaa ku wehlinaayey kulanka xubno ka tirsan Golaha Wasiirada iyo Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada, waxaana looga wada hadlay arrimo ay ka mid yihiin, is xogwaraysi guud, wadashaqaynta Dowladda iyo Hay’adda WFP, Arrimaha bini’aadamtinimada iyo isbarasho maadaama Madaxa Hay’adda ee Soomaaliya Mr. Cesar Arroyo shaqada ku cusub yahay. Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa Madaxda hay’adda u sheegay in waxqabadka WFP lagu saleeyo hadba baahiyaha deegaanka ka jira ee aan korka loogu keenin waxaan waxba ka bedelayn baahidii jirtey, waxaana uu ku ammaanay shaqada ay dalka ka wadaan. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland oo la Kulmay Wefti Ka Socda Hay’adda WFP appeared first on Puntland Post.