Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,984
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Washington DC (Caasimada Online) – Wargeyska Daily Mail ee caanka ah ayaa qoray in Ilhaan Cumar ay xiriir hoose la leedahay nin kaaliye u ah oo lagu magacaabo Tim Mynett. Daily Mail ayaa shaaca ka qaaday in la arkay Ilhaan iyo Tim oo ayaga oo gacmaha is-haysta ka casheenaya maqaayad Talyaani ah oo ku taalla magaalada Los Angeles, bishii March. Ilo-wareedyo ayaa Daily Mail u sheegay in Ilhaan oo 37 jir ah iyo Tim oo 38 jir ay xiriir hoose lahaayeen muddo dhowr bil ah. Tim ayaa waxa uu qabaa haweeney lagu magacaabo Dr. Beth Mynett, hase yeeshee waxaa la sheegay inuu dhowaan ka tagay gurigii xaaskiisa islamarkaana hadda ku nool yahay guri ku yaalla magaalada Washington DC oo sidoo kale Ilhaan ay ku nooshahay, ayada oo xubin ka ah Aqalka Wakiilada Mareykanka . Sawirro ayaa muujinaya in Tim iyo Ilhaan ay si joogto ah isu dhinac joogaan, ayaga oo ka qeyb-galaya dhacdooyin dhowr ah, islamarkaana u wada safray magaalooyinka Los Angeles, New York City, Austin iyo Seattle. Tim ayaa sidoo kale la sheegay inuu waqti la qaato gabadha Ilhaan ay dhashay ee Isra oo 16 jir ah, ayada oo sawirro ay muujinayaan saddexdooda oo wada jooga, waxaana markii ugu dambeysya la arkay bishii July ee dhammaatay. Tim waa nin ka shaqeeya istaraatiijiyadda dhanka doorashooyinka ee dimoqraadiga, waxaana la sheegay in ololaha Ilhaan Cumar ay 250,000 oo dollar siiyeen shirkad lagu magacaabo E Street Group oo uu leeyahay, taasi oo shaqooyin u qabatay Ilhaan. “ICashada caashaq” ee Ilhaan iyo Tim ayaa timid maalmo kadib markii Daily Mail ay shaaca ka qaaday in Ilhaan ay ka guurtay ninkeeda Axmed Xirsi, oo ah aabaha saddexdeeda carruur, islamarkaana uu u socdo qorshe furriin. Afhayeenka Ilhaan, Jeremy Slevin ayaa diiday inuu ka jawaabo arrintan mar ay wax ka qeydiisay Daily Mail. Sidoo kale, xaaska Tim ee Beth oo ah dhaqtar ka howl-gasha qeybta xabsiyada ee dowladda hoose Washington DC ayaa diiday inay wax jawaab ah ka bixiso arrintan. Tim ayaa bilihii ugu dambeeyey lagu arkayey dhammaan dhacdooyinka ay ka qeyb-gasho Ilhaan Cumar. Waxa ay ka wada qeyb galeen munaasabad bishii March ka dhacday xaafadda Woodland Hills ee magaalada Los Angeles oo uu qabtay Golaha Xiriirka Muslimiinta Mareykanka ee CAIR. Maalinkii xigtay munaasabaddaas ayaa la arkay Ilhaan iyo Tim oo ka wada baxaya maqaayadda caanka ah ee Caffé Pinguini ee xaafadda Playa Del Rey eee Los Angeles. Qof goobjooge ahaa ayaa u sheegay Daily Mail inuu arkay Ilhaan iyo Tim oo gacmaha isku haysta dibedda maqaayaddan, oo caan ku ah dadka is-qarinaya. “Su’aasha ayaa ah, maxay u doorteen maqaayaddan. Playa Del Rey ma ahan meel si kam ah la isaga yimaado. Waxaa halkan yimaada kaliya qofka doonaya inaan la arkin” ayuu yiri goobjoogaha oo qadaay Video laga duubay Ilhaan iyo Tim. Hoos ka daawo muuqaallo iyo sawirro laga soo qaaday Ilhaan iyo Tim. Sawirrada qaar waxaa ka muquda xaaska Tim ee Beth.
  2. Qoraal kasoo baxay wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in shaqaalaha dowladda ay yihiin fasax maalmaha Ciidda Carafo. “Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada waxey ku wargalineysa Dhammaan Hey’addaha xukuumadda Federaalka Soomaaliyeed iyo hey’adaha Gaarka loo leyahay Shaqaalahooda in ay fasax tahay maalinta Ciidul Carrafa 3 maalmood oo ku aaddan maalinta Axadda ah 11/08/2019, Fasaxana waa Maalmaha Sabtida, Axadda iyo Isniinta. Sida ku cad sharciga shaqaalaha Qod.30aad, Farqadiisa 2aad na ay fasax yihiin Maalmaha Sabtida, Axadda iyo Isniinta. Waxaa u rajeynaynaa dhammaan shaqaalaha weynaha soomaaliyeed in ay ku ciidaan farxad iyo nabad, waxaanna lenahay “CIID WANAAGSAN KU CIIDA”.” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimaha wasaaradda Batroolka iyo macdanta Soomaaliya, Karar Shukri Doomey ayaa maanta dib loogu soo celiyey shaqadiisa kadib ku dhowaad bil bar markii laga joojiyey. Wasiir ku xigeenka wasaaradda batroolka iyo macdanta Soomaaliya, Maxamuud Cabdulqaadir Hilaal ayaa shaqo joojin ku sameeyey agaasimaha, 25-kii June, isaga oo ku eedeeyey inuu ku xadgudbay xilkiisa, islamarkaana kala qeybsanaan ka dhex-abuuray shaqaalada wasaaradda. Hilaal ayaa sidoo kale ku eedeeyey Karar Shukri inuu sameeyey “qaladaad qaran oo dhowr ah.” Si kastaba, Hilaal ayaa warqad uu maanta soo saaray ku sheegay inuu dib shaqadiisa ugu soo celiyey Karar Shukri Doomey, kadib markii “la saxay arrimihii shaqada looga joojiyey.” “Kadib markii aan saxnay umuurihii shaqada looga joojiyay agaasimaha guud ee wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Mr. Karar Shukri Dhomey oo muddo shaqo hakis ku jiray ayaan maanta si rasmi ah ugu fasaxay shaqadisii, si uu u guto waajibaadka qaran ee loo igmaday. Shaqo wacan agaasime.” Ayuu yiri Hilaal. Hoos ka aqriso warqadda Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  4. Muqdisho (SMN) – Qoraal kasoo baxay wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in shaqaalaha dowladda ay yihiin fasax maalmaha Ciidda Carafo. “Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada waxey ku wargalineysa Dhammaan Hey’addaha xukuumadda Federaalka Soomaaliyeed iyo hey’adaha Gaarka loo leyahay Shaqaalahooda in ay fasax tahay maalinta Ciidul Carrafa 3 maalmood oo ku aaddan maalinta Axadda ah 11/08/2019, Fasaxana waa Maalmaha Sabtida, Axadda iyo Isniinta. Sida ku cad sharciga shaqaalaha Qod.30aad, Farqadiisa 2aad na ay fasax yihiin Maalmaha Sabtida, Axadda iyo Isniinta. Waxaa u rajeynaynaa dhammaan shaqaalaha weynaha soomaaliyeed in ay ku ciidaan farxad iyo nabad, waxaanna lenahay “CIID WANAAGSAN KU CIIDA”.” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya. BAYAANKA View the full article
  5. Muqdisho (SMN) – Dhageysteyaasheena ku xiran website-ka waxaan halkan idin kugu soo gudbineynaa Warka Habeen ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/08/Warka-habeen-07082019.mp3 View the full article
  6. Addis Ababa (Caasimada Online) – Wararka laga helayo dalka Itoobiya ayaa sheegaya inuu fashilmay isku day la doonayey in uu xabsiga uga baxsado madaxweynihii hore ismaamulka Soomaalida dalkaasi Cabdi Maxamuud Cumar. Koox hubeysan oo dhalinyaro ah ayaa la sheegay in isku deyday inay xabsiga ka sii deyso Cabdi Maxamuud Cumar, balse waxaa ka hortagay ciidamada ammaanka, kadib iska hor imaad dhex maray labada dhinac. Sida ay qortay Addis Standard, kooxdan ayaa xabsiga uu ku xiran yahay madaxweynihii hore ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya shantii bishan hordhigay gaari nuuca VAN ah, si uu ugu baxsado, balse isku daygaasi uu fashilmay. Addis Standard ayaa intaasi ku dartay in gacanta lagu dhigay raggii dambeeyey, falkaasi, islamarkaana la xiray. Sidoo kale saraakiil dhinaca amniga ah ayaa sheegay in xilliga uu dhacayey falkaasi uu Cabdi Maxamuud Cumar ku maqnaa maxkamadeyntiisa, islamarkaana ay doonayeen raggaasi in marka la soo celiyo ay xoog kula cararaan. Madaxweynihii hore ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa xabsiga loo taxaabay lixdii August ee sanadkii 2018-kii, waxaana loo heystaa eedeymo ay ka mid yihiin dil, jir dil, barakicin, gudbidda goobo ganacsi iyo kaniisado. Caasimada Online Xafiiska Addis Ababa caasimada@live.com
  7. Police in Ethiopia have made arrests over a plot for an ex-regional president to escape prison detention, the local Reporter Ethiopia have disclosed. Source: Hiiraan Online
  8. Guddiga Dhaqaalaha, Maaliyadda, Ganacsiga, Warshadah, Isgaarsiinta iyo Dalxiiska ayaa 24/07/2019 si rasmi ah ula wareegay Sharciga Shirkadaha oo ka soo gudbay Golaha Shacabka, kaas oo soo gaaray Golaha Aqalka Sare 13/07/ 2019 lana marsiiyay akhrinta kowaad 23/07/2019. Guddigu waxaa uu kulan la qaatay Wasiirka wasaarada Ganacsiga iyo Xubno ka socday wasaarad oo ay qeeyb kayihiin sharci yaqaanada wasaarada ayagoo ku weeydiinayay Su’alo dhoowr ah oo khusiiyo Hindise-sharciyeedka Shirkadaha. Waxaa goob joog ka ahaa kulankaasi Guddoomiyaha Gudiga Senaot Cabdi Axmded Dhuxlow (Dhegdheer) iyo xubno ka tirsan guddiga ayaa kulankan muhiimka aha la yeeshey Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha XFS mudane Eng Cabullaahi Cali Xasan,iyagoo iska xogwareystay hindise sharciyeedka Shirkadaha. Eng Cabullaahi Cali Xasan wasiirka Ganacsiga waxaa kulankaasi ku wehliyay qubaro ku xeel dheer arrimaha ganacsiga iyo mas’uuliyiinta wasaaradda,iyagoona isla gorfeyey meelmarinta sharcigasi oo horey uga soo gudbay Golaha Shacabka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  9. The European Commission publicized on 7 August 2019 a further €50 million in emergency humanitarian aid to help the people affected by drought in the Horn of Africa. Source: Hiiraan Online
  10. Nairobi (Caasimada Online) – Baarlamanka dalka Kenya ayaa loo gudbiyey mooshin ku wajahan xukuumadda, kaasi oo ku saabsan habka ay tahay inay u xaliso muranka badda ee kala dhaxeeya Soomaaliya, si baarlamanka u ansixiyo. Mooshinkan oo uu diyaariyey hoggaamiyaha aqlabiyadda ee baarlamanka, Aadan Ducaale ayaa ka codsanaya dowladda inay xaliso muranka badda islamarkaana ay ilaaliso madaxbannaanida iyo sharafta dhuleed ee Kenya, si waafqsan qodobada 5, 241(3), 255 ee dastuurka Kenya, sida lagu yiro qaraarka. Mooshinka ayaa soo jeediyey dhowr tallaabo oo ay tahay in dowladda ay qaado kuna wajahdo murankan, waxaana ugu weyn: 1 – In marka ugu horreysa, islamarkaana ah sida la doorbidayo, ay dowladda Kenya kala hadasho dowladda federaalka ah ee Soomaaliya in murannka lagu xaliyo hab diblomaasiyadeed ayada oo loo marayo marinnada la heli karo ee Afrika, sida Midowga Afrika, IGAD iyo ururka EAC. 2 – In dowladda Kenya ay u ku wargeliso QM, in ay kasoo horjeedo in maxkamadda caalamiga ah ee caddaaladda ee ICJ ay sharciyad u leeedahay inay gasho kiiska muran badeedka ee Soomaaliya iyo Kenya, ayada oo la tixraacayo diidmadii ay Kenya ka sameysay sharciyadda ICJ, sanaddii 1965. 3 – Haddii arrimahaas ay guuldarreystaan, in kadib Kenya ay eegto hababka kale ee sharciga iyo dastuuriga ah, ee ay ku difaaceyso dhulka jamhuuriyadda, taasi oo ay ku jirto in ciidamada Kenya ee KDF la geeyo xuduud badeedka lagu muransan yahay, si ay u gutaan waajibka ka saaran madaxbannaanida iyo sharafta dhuleed ee Kenya, si waafaqsan qodobka 241(3) ee dastuurka. Mooshinka Kenya ayaa imanaya ayada oo maxkamadda ICJ ay mar kale dhageysan doonto dacwadda badda ee u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya, bisha September ee 2019. Dowladda Soomaaliya weli kama jawaabin qaraarka baarlamanka Kenya. Caasimada Online Xafiiska Nairobi caasimada@live.com
  11. Garowe (Puntlandi) Munaasabad lagu maamuusayo todobaadka Naas-nuujinta Adduunka ayaa lagu qabtay magaalada Garowe ee caasimadda Puntland. Munaasabaddan oo lagu qabtay xarunta wasaaradda caafimaadka ee Garowe, ayaa [...] Source
  12. Leader of Majority in the National Assembly, Aden Duale, on Wednesday, unveiled a notice on behalf of the house concerning the Kenya-Somalia Maritime dispute. Source: Hiiraan Online
  13. Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta mar uu Garoowe ka daah-furayay bilawga Qorshaha Horumarinta Puntland waxaa jeediyay khudbad qayba kamid ah uu ku dhaliilay madaxda sare ee dowladda Federaalka Soomaaliya. Halkaan hoose ka daawo khudbadda uu dhammaystiran PUNTLAND POST The post DENI: Dowladda Soomaaliya qof aan weligiis public office soo marin ayaa madaxa u sarreeya noqon kara appeared first on Puntland Post.
  14. War saxaafadeed ay si wadajir ah u soo saareen Xisbiyada kala ah Himilo Qaran, UPD, Wadajir, Ilays, Xisbiga Nabadda, ayaa waxay uga digeen dowladaha deriska qaarkood faragelinta doorashooyinka dowlad goboleedyada, iyagoo xusay inay wadaan dhaq dhaq dhaqaaqyo cusub oo shaki abuuri kara, waxaa ay ugu baaqeen inay ka fogaadaan oo aanay dhicin mid la mid ah wixii ka dhacay Baydhabo sanadkii hore. Sidoo kale Xisbiyada ayaa walaac ka muujiyay faragelin ay sheegeen in dowladda Federaalka soomaaliya ay ku heyso geeddi socodka doorashooyinka Jubbaland. Halkaan ka Akhriso Goobjoog News Source: goobjoog.com
  15. Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa Koormeer shaqo oo muhiimaddsii ahayd korjoogtaynta hannaanka shaqooyinku u socdaan ku tegay qaar kamida Wasaaradaha dowladda Puntland ee caasimadda Garoowe. Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa kormeerkan ku maray sadex Wasaaradood, iyadoona Wasaaraddahaasi ay ku sugnaayeen, Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dr. Jaamac Faarax, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federalka iyo Dimuquraadiyeynta Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabanacad, Wasiirka Maaliyadda Xasan Shire Abgaal, Wasiir ku-xigeeno, Wasiiru Dowlayaal, Agaasimayaal iyo shaqaalaha Wasaaradahaasi. Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash oo warbixino ka dhegaystay masuuliyiintan kala duwan ayaa bogaadiyey shaqada muuqata ee ay u hayaan shacab waynaha Puntland, waxaana uu kula dar-daarmay inay sii laba jibbaaraan. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland oo Kormeeray Qaar Ka Mid Ah Wasaaradaha Dowladda appeared first on Puntland Post.
  16. Wasiirka wasaaradda Caddaaladda, Arrimaha Diinta iyo Dastuurka Dowladda Puntland Cawil Sheikh Xaamud Maxamed, ayaa maanta magaalada Garoowe ka daah-furay shirka Garsoor Dhaqameedka Puntland oo ay ay soo qaban qaabisay Wasarada Cadaalada, Arrimaha Diinta iyo Dastuurka. Shirka waxaa ka qeyb-galaya mas’uuliyiinta wasaaradda Caddaaladda Puntland, Bahda Garsoorka, saraakiisha hay’adda UNDP iyo Odayaal Dhaqameed ku shaqeeya habka Garsoor Dhaqameedka. Shirkan oo socon doona laba beri, waxaa looga hadli doonaa, sidii sare loogu qaadi lahaa,dhammaan Garsoor Dhaqameedka iyo sidii looga soo saari lahaa Xeerar iyo Siyaasado lagu hago Garsoor Dhaqameedka. Sidoo kale, shirka waxaa looga hadli doona, wada-shaqeynta laamaha Garsoorka Dowlada iyo Garsoor dhaqameedka iyo sidii xogaha ama kiisasaska ay u noqon lahaayeen kuwa keydsan oo markale laheli karo, hadii loo baahdo. Shirka Garsoor Dhaqameedka waxaa kale oo diiradda lagu saari doonaa sidii looga hortagi lahaa, loona xallin lahaa khilaaf kasta oo bulshada soo wajaha. Hoos ka eeg sawirada Shirka PUNTLAND POST The post Shirka Garsoor Dhaqameedka Puntland oo Garoowe ka furmay appeared first on Puntland Post.
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Xisbiyada Wadajir, UPD, Himilo Qaran, Xisbiga Nabadda, iyo Kutlada Badbaado Qaran ee Baarlamaanka ayaa War-saxaafadeed ay si wadajir ah u soo saareen waxa ay kaga hadleen doorashada Jubbaland. Xisbiyada ayaa waxaa ay walaac ka muujiyeen dowladda federaalka oo ay shegeen inay faragelin ku heyso howlaha doorashooyinka ee ka socda Dowlad goboleedka Jubbaland, iyaga oo dowladda ugu baaqay in sugida Amniga ay uga dambeeyaan Jubbaland. Sidoo kale waxaa ay sheegeen inay uga digayaan dowladaha deriska qaarkood inay farageliyaan arrimaha doorashooyinka Jubbaland oo soo ifbaxayaan dhaq dhaqaaqyo Cusub oo shaki abuuri kara sidii ka dhacday magaalada Baydhabo oo aan ka mid aheyn waajibaadkooda . Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka kasoo baxay xisbiyada
  18. The African Union Mission in Somalia (AMISOM) has welcomed the liberation of Awdhegle town in the Lower Shebelle region from Al-Shabaab terrorists. Source: Hiiraan Online
  19. (SL-T)War Deg Deg Ah: Xamse Cadaw yuurure Oo Qabyaalad Cad Kala Dhex Dhigay Gobolkii togdheer Ee Uu Gudoomiyaha Ka ahaa Sido kalena Ku Fashilmay Xasilinta iyo Nabada Degaanada Gobolka Togdheer tan iyo intii loo magacaabay xamse cadawyuurura gudoomiyaha gobolka togdheer waxa soo badanaaya cabashooyinka kala duwan ee ku aadan gudoomiye xamse cadaw yuurura isagoo cudbi kaga furaystay dhagaha cabashooyinkia dadka uu masuulka ka yahay sido kale waaxanoolaanshaha iyo nabada gobolka togdheer waxaa maalin walba Xafiiska Maamulka Gobolka togdheer isasoo hortuba boqolaal kamida odayaasha iyo madax dhaqameedka gobolka kuwas oo dhamaantood Saluugsan sida uu Gudoomiye Xamse Cadaw Yuurura umaamulaayo Gobolka togdheer halka qaar kamida cuqaal iyo salaadiin ay warbaahinta kaga dhawaaqeen amni daro iyo inay dagaalamayaan oo wax iska celinayaan ,Xamse cadaw yuurura oo ku fashilmay arintaas inuu wax ka qabto ayaa mar kale waxa uu ku fashilmay soo af jarida laba beelood oo dhul deegaamaysi isku haysta taaso oo uu kala kulmay fadeexadii abid ugu xumayd iyana isla markaana gudoomiye xamse cadaw yuurure loo adeegsaday rasaas nool oo wax yeelaysay gaadiidkii ay wateen isaga iyo wafti uu hogaaminaayay dadweynaha kala duwan ee ku nool magaalada burco ayaa in badan badan kusoo cel celiya inaanay aqoonba ama aanay aragba badhasaabka gobolka togdheer isago joogay sanado badan gobolka Halka qaarna ay ubaxayaan wali heesihii looqaaday maxamed ibraahin aadan Qabyotire ugu danbayn cabashooyinka shacabka gobolka togdheer oo joogto noqday ayaa waxay jawaabtoodii ka sugayaan madaxweynaha somaliland mudane muuse biixi cabdi a gobolka ka bilaabmay falal aan la mahadin oo carqalad iyo colaad uhorseedikara wada Source
  20. Munaasabaddan oo lagu qabtay xarunta wasaaradda caafimaadka ee Garowe, ayaa waxaa kasoo qeybgalay madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland, Wasiirka caafimaadka, wakiilo ka socday hay’adaha caalamiga, xirfadlayaal caafimaad iyo marti sharaf kale oo xafladda lagu casuumay. Sanadlkan halk ku dhig loo qaatay,” ku dhiirrigalinta hooyooyinku inay sameeyaan Naas ku habboon hadda iyo msutaqbalka. Waa maxay Naas nuujinta habboon? Dr, Cabdiraxmaan Muuse oo kamid ahaa dadkii ka hadlay xaflada ayaa sheegay Naas nuujinta habboon inay tahay, 1: Hooyada markay ilmaha dhasho inay markiiba ilmaha Naaska ku qabato. 2: Lixda bilood ugu horeysay inay hooyadu ilmaha siiyo Caanaha Naaska oo kaliya. 3: In Naas nuujinta loosii wado ilaa labo sano iyadoo loogu darayo biyo iyo cuntooyin fudud. Heerka Naas Nuujinta Soomaaliya, ayaa aad looga deyriyay, iyadoo warbixinta lagu sheegay in tobankii hooyo ee ku nool Soomaaliya saddex kamid ah ay ilmahooda si habboon Naaska u nuujiyaan, tusaale ahaan inay lix bilood Caanaha Naaska ku habaan ilmahooda iyagoo barax tiran. Sababaha ugu weyn heerkaan gaarsiiyay Naas nuujinta ayaa lagu tilmaamay, aqoon la’aan hooyooyinka haysta, heerka wacyi galinta muhiimada Naas nuujintu oo aad ugu yar bulshada dhexdeeda iyo caanaha suuqyada lagu iibiyo loona sameeyo xayeysiisyada oo dagaal kula jira caanihii dabiiciga ahaa ee Naaska hooyada. Si loo dhiiri galiyo Naas nuujinta habboon, waxaa masuuliyiinta dowladda ee ka qeyb galay xaflada isku booriyeen in la dhaqan galiyo xeer dowladda kasoo baxay oo u oggolaanayo hooyooyinka in waqtiyada ay ku jiraan shaqada lasiiyo fasax labo saacaddood maalin kasta ah, si ay fursad ugu helaan inay ilmahooda Naaska soo siiyaan. Waxaa kaloo masuuliyiinta dowladda ay warbaahinta ka codsadeen in la joojiyo xayeysiiyada loo sameeyo Caanaha suuqyada lagu iibiyo oo keenay in hooyadu marka ay dhasho ay suuqa kasoo iibsato Caanahaan, iyadoo laga dhaadhiciyay fikrado qaldan oo ah caanahaas inay ka waxtar fiican yihiin caanaha ku jira Naaskeeda. Wasiirka caafimaadka Puntland, Dr Jaamac Faarax, ayaa hooyooyinka ku baraarujiyay inay ilmahooda ugu yaraan Naaska nuujiyaan 12 ka bilood ee ugu horeysa, si ay ubadkooda uga badbaadiyaan cudurada caanaha Naasku ka difaaco jirka ilmaha. Waxaa sidoo kale wasiirku faray in hooyooyinka Naaska nuujiya ee shaqaalaha dowladda katirsan ay xaq uleeyihiin fasaxa naas nuujinta iyo dhalmada. Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash oo daah-furay Asbuucaan Naas-nuujinta ayaa sheegay in faa’iido ballaaran caruurta ay u leeyihiin naaska oo la nuujiyo, taas oo uu tilmaamay caafimaad ahaan inay tahay wax wanaagsan. Sidoo kale Madaxweyne ku-xigeenka ayaa Madaxda Wasaaradda Caafimaadka Puntland iyo Saraakiisha Caafimaadkaba faray inay wacyigalinta gaarsiiyaan dhammaan gobolada Puntland, isla markaana hooyooyinka la dareensiiyo faa’iidada laga helayo caruurta oo naaska ay siiyaan. Halkaan hoose ka daawo PUNTLAND POST The post Madaxweyne ku-xigeenka dowladda Puntland oo Garowe ka daah-furay Asbuuca Naas-nuujinta Adduunka appeared first on Puntland Post.
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Odayaal, waxgarad iyo siyaasiyiin ka socday beesha Habargidir ayaa maanta tacsi ugu tagay qoyska allaha u naxariistee guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir, Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow. Mas’uuliyiintan ayaa waxa ay gogosha tacsida Injineer Yariisow geeyeen 15 neef oo geel ah, 40 neef oo ari ah, iyo gaari weyn oo raashin ah. Xubnaha beesha Habargidir ayaa waxaa hogaaminayey madaxweynihii hore ee mamaulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf, waxaana ku wehliyey xubno sare oo ka mid ah dhaqanka beesha. Beesha Habargidir ayaa waxaa tacsida ka guddoomay qoyska Yariisow iyo waxgarad iyo odayaal dhaqameed kasoo jeeda beesha Daa’uud ee Wacbuudhan Abgaal ee uu Yariisow kasoo jeeday.
  22. MOGADISHU, Aug. 7 (Xinhua) -- The African Union Mission in Somalia (AMISOM) and Somali security forces have taken control of Awdheegle town from al-Shabab terrorists following a joint military operation, the AU mission confirmed on Wednesday. Source: Hiiraan Online
  23. The terrorist group, Al-Shabaab has attacked a Kenyan border town early Wednesday and as a result has spoiled telecommunication services in the region near the Somali border. Source: Hiiraan Online