-
Content Count
213,984 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Kismaayo (SMN) – Mas’uuliyiinta Jubbaland ayaa shaaciyey in ay xoojinayaa tayadda arrimaha Garsoorka iyo Caddaaladda. Maxamed Sheekh Yuusuf Cumar, wasiirka Cadaaladda dowlad goboleedkaasi ayaa xusay in sarre u qaadidada arrimahaasi ay keeneyso horumar. Maxamed Sheekh Cusmaan, xeer-ilaaliyaha maamulkaasi, ayaa ku booriyey garsooreyaasha in ay dhex u noqdan shacabka. Hadalkan ayaa wuxuu kasoo baxay shir ku saabsan Arimaha Garsoorka iyo Dambi Baarista oo lagu qabtay magaaladda Kismaayo. View the full article
-
SAMIQAYBSIGA GOBOLADA WAXA SALDHIG U AH DASTUURKA QARANKA IYO XEERARKA QARANKA EE HOOS YIMAADA. Somaliland waxay soo martay marxalado badan. Mid kastana waxaa lagaga soo gudbay wada tashi. Somaliland beelaha degaa waxay mar hor isku raaceen in laga gudbo xiligii axdiqarameedka oo saldhigiisu ahaa in beelo wax lagu qaybsado. Waxaa afti loo qaaday umada somaliland waxaana lagu heshiiyey in la isku xukumo dastuurka qaranka somaliland. Golaha guurtida golaha baarlamaanka xisbiyada qaranka maxkamadaha iyo xukuumadaba waxa saldhig u ah DASTUURKA QARANKA SOMALILAND. Saami qaybsiga goboladu maaha mid qabiil ah. Waa mid gobol. Hadii sadexda xisbi qaran iyo baarlamaanku adkayn waayaan ku dhaqanka dastuurka waxa dhici doonta in shakhsiyada danaystayaasha ahi bulshada si xun wax ugu sheegi doonaan sida maantaba xildhibaano golaha baarlamaanka ka tirsani u hadlayeen goboladana reero ka dhigayeen. Aniga aragtidayda waxaan aaminsahay in saami qaysigu noqdo mid gobol ku salaysan oo laga saaro reeraha. Sadexda xisbi waa inay ku fara adaygaan ku dhaqanka iyo ku xisaabtanka tastuurka si doorashadu xiligii loogu talagalay u dhacdo. Waa in xildhibaanku ku soo baxaa tirada u codaysay. waa inay kala qaataan darajooyin oo xildhibaanka 15000 ku soo baxay la darajo noqon xildhibaanka ku soo baxay 200 ama wax ka yar. hadii kale cadaalad darada maanta ka dhex taagan golaha ayaa jiri doontaa oo xildhibaan laba boqol oo cod haysta ayaa aamusiin doona xildhibaan ku soo baxay toban kun oo cod Waa in laga foojignaadaa xildhibaanada is og in aan mar labaad la dooranayn ee mushaaradii waayaya sawaxanka qaylada iyo kicinta bulshada ee ay samayndoonaan. MIDKA AF KU QALIICIYA, MIDKA AWOID KU QALOOCIYA IYO MIDKA QALIN KY QALOOCIYA ILAAHAY HA INAGA QABTO AAMIIN AAMIIN WA BILAAHI TAWFIIQ MAHDI JAMA Qaran News
-
PRESS RELEASE Terror attacks in central Cairo, Egypt Terrorism cannot be justified for any reason TOKYO, Japan, August 7, 2019/ — Statement by Press Secretary Takeshi Osuga In relation to the car bomb terror attacks in central Cairo, Egypt on August 4 (local time) which caused a large number of casualties, Japan expresses its sincere condolences to the bereaved families and extends its heartfelt sympathy to the injured. Terrorism cannot be justified for any reason. Japan firmly condemns such an act of terrorism and expresses its strong solidarity with the Government and the people of the Arab Republic of Egypt. Distributed by APO Group on behalf of Ministry of Foreign Affairs of Japan. SOURCE Ministry of Foreign Affairs of Japan Qaran News
-
Muqdisho (SMN) – Kooxo hubeysan oo dhac iyo boob u geysanaya shacabka ayaa lagu waramayaa in ay kusoo badanayaa qaybo kamid ah xaafada Kaawa Godey, degmada Dharkenlay ee magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho. Burcadda oo la sheegayo in ay hakad geliyeen isu socodka habeenkii ee xaafadda ayaa rayidka ka qaadanaya agabka ay sitaan. Cabdi Salaan Maxamed, oo kamid ah saraakiisha ciidamdda ayaa maamulka gobolka ugu baaqay in ay wax ka qabtaan arrintan. Sarkaalkan ayaa wuxuu hoosta ka xariiqay in hadii aanan si degdeg ah wax loola tacaalin qaddiyadan ay sababi karto in ay sii bataan burcadda. Tani ayaa kusoo hagaageysa iyadda oo mudooyinkii dambe ay joogsadeen howlgalada ka dhank ah kooxaha dhaca geysta oo ay sameyn jireen ciidamada dowladda, kuwaasi oo dabley badan lagu soo qabqabtay. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Taliska Ciidamada Soomaaliya ayaa shaaciyey in adeegyadda dowliga ah la gaarsiin doono degaanadii dhowaan laga qabsaday Al-Shabaab. Taliye ku xigeenka xoogaga dowladda ayaa tibaaxay in adeegyaddaasi ay qayb ka yihiin kuwa muhiim u ah nolosha bini’aadamka. Cabdi Xasan Maxamed ayaa intaasi ku daray in howlgaladda lagu xorreynayo tuulooyinka ay haysato Al-Shabaab ay sii socon doonan. Dhinaca kale, sarkaalka oo ka warbixiyey howlgalo saacadihii lasoo dhaafay ka socda Awdheegle ayaa guulo ka sheegtay. Isaga oo sii hadlaya ayuu xusay in howlgalo Miino baaris ah oo ay ciidamadu sameeyeen ku guuleysteen in ay kusoo saaran walxo qarxa. Ugu dambeyntii, xaaladda degaanka ayuu tibaaxay in ay tahay mid wanaagsan, isaga oo shacabka ku booriyey in ay la shaqeeyan ciidamada difaaca qaranka. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha cusub ee ciidanka AFRICOM ee Mareykanka Jeneraal Stephen Townsend oo shalay soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa kulan gaar ah la qaatay Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre. Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay, sidii la’isaga kaashan lahaa dagaalka adag ee lagula jiro Xooggaga Al-Shabaab oo weli ku xoogan gudaha Soomaaliya. War ka soo baxay AFRICOM ayaa lagu sheegay in booqashada taliye Townsend ay la xiriirto dardar gelinta howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab, dhaqaalaha iyo xasilloonida dalka. Taliyaha cusub kulanka ka hadlay ayaa sheegay in ujeedka uu Muqdisho u yimid uu yahay sidii cadaadis wadajir ah loo saari lahaa Al-Shabaab. Wuxuu sheegay in ay ka go’an tahay in la wiiqo awooda Al-Shabaab, si looga hortago weerarada ay ka geystaan Muqdisho iyo magaalooyinka kale ee ku yaalla dalka. Ugu dambeyn Jeneraal Townsend ayaa kula taliyay dowladda Soomaaliya in ay ku heyso Al-Shabaab meesha ay hadda joogto, islamarkaana ay sii wado howlgallada ka dhanka ah. Mareykanka ayaa ka mid ah dalalka, sida dhow u taageero Soomaaliya, waxaana uu qeyb ka yahay dagaalka lagula jiro dagaalyahannada Al-Shabaab. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Muqdisho (SMN) – Dhageysteyaasheena ku xiran website-ka waxaan halkan idin kugu soo gudbineynaa Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/08/Warka-Subax-08082019.mp3 View the full article
-
Shir socday teer iyo Isniintii oo ay ku sugan yihiin Isimada iyo culimada ilaa 50 wadan oo qaaradda Afrika ah ayaa ka socda magaalada Maka ee dalka Sacuudiga, xilligan carafadda. Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Yaasiin oo ka mid ah Isimada marjaca ah ee Puntland ayaa ka mid ah ilaa toban Soomaali ah oo isugu jira Isimada dhaqanka iyo culimo ka tegay Soomaaliya. Shirka ayaa lagu lafa-gurayaa arrimaha dacwadda diinta iyo doorka Isimada dhaqanka ee Afka ay ka qaadan karaan. Shirka oo ay soo qaban-qaabisay mu’asaso arrimaha Diinta ka shaqaysa waxaa gudoominaya Bender Bin Salmaan Aala-sucuud oo ka mid ah boqortooyada dalkaas. Luuqadaha Carabiga, Ingiriisiga, Farance iyo Hawsa ayaa lagu guddoominayaa shirka, Soomaaliya ayaana hoggaaminaysa wadamada ku hadla af-carabiga ee shir dhaqameedkaas ku sugan. Isimada Soomaaliya ayaa intii shirku socday waxaa si weyn loogu ammaanay doorka ay ka qaataan xalinta khilaafaadka iyo horumarinta bulshada gudaha, sida uu sheegay Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Yaasiin oo warbaahinta uga waramay shirkan. Culimada waa weyn ee Sucuudiga ee kala ah Sheikh Cabduraxmaan Sudaysi oo ah imaamka xaramaynka, Dr. Sheikh Salax Al-fowsaan iyo culimo kale ayaa Isimada dhaqanka ee shirkaas la kulmay hoos ka ee sawirada shirka PUNTLAND POST The post Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Yaasiin ka qayb-galay shir ay kulmeen Isimada 50 wadan oo Afrika ah appeared first on Puntland Post.
-
Guddoomiyaha Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Federalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheikh Cabdiraxmaan ayaa gaaray magaalada Cape town ee dalka Koonfur Africa si uu ula kulmo jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool magaaladaasi Cape town. Guddoomiyaha ayaa waxaa halkaasi ku soo dhoweeyay mas’uuliyiinta safaaradda Soomaaliya ee Koonfur Afrika iyo xubno kamid ah Jaaliyadda ku nool Cape town. Guddoomiye Mursal ayaa lagu wadaa in uu kulan la qaato Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaas ku sugan gaar ahaanna magaalada Cape town oo uu horumarka iyo dib u-dhiska dalka. Guddoomiyaha ayaa maalmahan ku sugnaa dalka Koonfur Afrika oo uu kaga qeybgalay shirka Baarlamaanada Afrika ee dalkaasi lagu qabtay todobaadkan. PUNTLAND POST The post Guddoomiye Mursal oo la kulmaya jaaliyadda Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika appeared first on Puntland Post.
-
Baarlamanka dalka Kenya ayaa loo gudbiyey mooshin ku wajahan xukuumadda, kaasi oo ku saabsan habka ay tahay inay u xaliso muranka badda ee kala dhaxeeya Soomaaliya, si baarlamanka u ansixiyo. Mooshinkan oo uu diyaariyey hoggaamiyaha aqlabiyadda ee baarlamanka, Aadan Ducaale ayaa ka codsanaya dowladda inay xaliso muranka badda islamarkaana ay ilaaliso madaxbannaanida iyo sharafta dhuleed ee Kenya, si waafqsan qodobada 5, 241(3), 255 ee dastuurka Kenya, sida lagu yiro qaraarka. Mooshinka ayaa soo jeediyey dhowr tallaabo oo ay tahay in dowladda ay qaado kuna wajahdo murankan, waxaana ugu weyn: 1 – In marka ugu horreysa, islamarkaana ah sida la doorbidayo, ay dowladda Kenya kala hadasho dowladda federaalka ah ee Soomaaliya in murannka lagu xaliyo hab diblomaasiyadeed ayada oo loo marayo marinnada la heli karo ee Afrika, sida Midowga Afrika, IGAD iyo ururka EAC. 2 – In dowladda Kenya ay u ku wargeliso QM, in ay kasoo horjeedo in maxkamadda caalamiga ah ee caddaaladda ee ICJ ay sharciyad u leeedahay inay gasho kiiska muran badeedka ee Soomaaliya iyo Kenya, ayada oo la tixraacayo diidmadii ay Kenya ka sameysay sharciyadda ICJ, sanaddii 1965. 3 – Haddii arrimahaas ay guuldarreystaan, in kadib Kenya ay eegto hababka kale ee sharciga iyo dastuuriga ah, ee ay ku difaaceyso dhulka jamhuuriyadda, taasi oo ay ku jirto in ciidamada Kenya ee KDF la geeyo xuduud badeedka lagu muransan yahay, si ay u gutaan waajibka ka saaran madaxbannaanida iyo sharafta dhuleed ee Kenya, si waafaqsan qodobka 241(3) ee dastuurka. Mooshinka Kenya ayaa imanaya ayada oo maxkamadda ICJ ay mar kale dhageysan doonto dacwadda badda ee u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya, bisha September ee 2019. Xigasho: VOASOMALI PUNTLAND POST The post Baarlamanka Kenya oo loo gudbiyey mooshin ku aadan muranka badda Somalia iyo Kenya appeared first on Puntland Post.
-
At least 20 people have been admitted at Mandera County Hospital with multiple injuries after the Nairobi-bound bus they were travelling in overturned. Source: Hiiraan Online
-
Pakistan announced Wednesday that it is expelling the Indian High Commissioner and suspending bilateral trade with India, days after New Delhi stripped Indian occupied Kashmir of its special autonomy. Source: Hiiraan Online
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Guddiga madaxa bannaan ee xuduudaha iyo doorashooyinka Jubbaland Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay iney soo gaba gabeeyeen soo xulida xubnaha ku tartamaya kursiga Xildhibaanimo ee Baarlamaanka soo socda Jubaland. Shir Jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Kismaayo waxa uu ku sheegay in odayaasha dhaqanka ay ka soo dhamaatay soo xulida Saddexda qof ee kursigiiba ku tartamaya, dadkan mid kamid ah waa Xildhibaanka kursiga difaacanaya iyo laba qof oo lagu soo daray. Xamse Cabdi Barre ayaa tilmaamay in wixii haatan ka danbeeyay ay iyaga u soo wareegtay dhameystirka howshan, wuxuuna tilmaamay in Gudigooda ay marsiinayaan habraacan, si ay u soo saaraan Xildhibaanka kamid noqonaya Baarlamaanka 2-aad ee yeelanayo maamulka Jubaland. Guddoomiyaha Guddiga madaxa bannaan ee xuduudaha iyo doorashooyinka Jubbaland ayaa ugu danbeyn Shacabka Jubaland ugu laab qaboojiyay iney Guddigooda ku kalsoonaadaan, wuxuuna raja ka muujiyay in doorashada soo socota ay si cadaalad ah ku dhacdo.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa waxa ay ka jawaabtay cabasho ka soo yeertay Guddiga Ganacsatada Diyaaradaha Soomaaliya, cabashadaasi oo ay ka keeneen Shirkadda Ethiopian Airlines oo Gobolo ka mid ah Soomaaliya Safar ku tagta. Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Oomaar ayaa sheegay inuu jiro heshiis u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya oo ku saabsan dhanka Duulimaadyada ah, kaasi oo horay loo kala saxiiday 1988. Wuxuu sheegay heshiiskaasi inuu dhigaayo in Diyaarada Ethiopian Airlines ay si toos ah uga soo bixi karto Addis Ababa ayna u safri karto magaalo ka mid ah dalka Soomaaliya, balse heshiiska uusan dhigeyn in Muqdisho ay ka baxdo oo Boosaaso ay u safarto. Wasiir Oomaar ayaa sheegay kaliya in heshiiskaasi uu sidaasi dhigaayo, balse aysan jirin duulimaad Shirkadda Ethioopian Airline ay ka dhex sameyso Magaalooyin ka mid ah Soomaaliya. “Maya Diyaarada Ethiopan Airlines waxa ay fasax u qabtaa labada dal dhexdooda inay ka shaqeyso, Marka ma jirto Diyaarada Itoobiya Airline oo wadanka gudihiisa rakaab ka qaada oo Muqdisho inta ka qaado Boosaaso ay ku tageyso, laakiin waxa ay sameysaa duulimaad ay uga soo baxeyso Itoobiya gudihiisa oo ay ku tageyso Hargeysa iyo Garowe.” Ayuu yiri Wasiir Oomaar oo la hadlay VOA. Shirkadda Ethiopian Airlines ayaa duulimaad uga dagata Magaalooyinka Garowe iyo Hargeysa, iyadoo sanadkaan qaaday qaar ka mid ah xujeyda Somaliyed, taasi oo Shirkadaha cabashada ugu wayn ay ka keeneen. Labadan Magaalo ee ay ka dagato Shirkadda Diyaaradaha Itoobiya ayaa waxaa loo ogol yahay kaliya marka ay ka duusho Addis ababa sida heshiiskaasi uu dhigaayo. Hoos ka dhageyso wareysiga https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/08/b1630ba9-0a1c-498f-8558-10b794fb4c3a_48k.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Awdheegle (Caasimada Online) – Ururka Al-Shabaab ayaa waxa ay dhaq dhaqaaq Ciidan oo xoogan ay ka wadaan deegaano ka tirsan Gobolka Shabellaha hoose, kadib markii Ciidamada dowladda iyo kuwa Amisom ay qabsadeen gacan ku haynta Degmada Awdheegle. Xoogaga Shabaab oo doonaya inay dib u qabsadaan Degmada Awdheegle ayaa lagu soo waramayaa in dhaq dhaqaaq Ciidan oo xooggan ay ka wadaan Tooratoorow iyo deegaanka Mubaarak oo ku dhaw Degmada Awdheegle. Qaar ka mid ah dadka deegaanka Mubaarak ayaa sheegay in saacidihii la soo dhaafay ay arkayeen gaadiidka fara badan iyo Ciidan dagaal oo Shabaab ka tirsan kuwaasi oo soo gaarayay deegaanka Mubaarak. Qorshaha Shabaab wuxuu yahay dib u qabsashada Degmada Awdheegle, maadaama ay u tahay meel istaraatiiji ah oo ku dhaw Magaalada Toora toorow. Ciidamada dowladda iyo Amisom oo shalay uni qabsaday Awdheegle ayaa isla xalay la kulmay weerar abaabulan oo Shabaab ay ku soo qaadeen, inkastoo Shabaab guulo ka sheegteen weerarkaasi, haddana Saraakiisha Militariga kama hadlin. Dowladda Somaliya ayaa bilowday qorshe dagaal oo Shabaab looga saarayo deegaanada Shabellaha hoose, inkastoo dhaq dhaqaaqa noocaan oo kale ah dhawr mar Ciidamada ay sameeyeen oo ay dib uga soo laabteen deeganadii ay gaareen. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/08/Bar___Qubanaha-07082019.mp3 View the full article
-
Click here Qaran News
