-
Content Count
213,984 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee dowladda Puntland, ayaa Khamiista maanta shaacisay Natiijada Imtixaanka fasallada 8-aad ee dugsiyada dhexe ee Puntland. Qoraal Shaxan ah oo ka soo baxay Wasaaradda, ayaa lagu faahfaahiyay Natiijada Imtixaanka, waxaana sida shaxanka ka muuqata Imtixaanka u fariistay 10,011 arday oo ka kooban 5966 wiil iyo 4045 gabdhood. Imtixaanka waxaa ku gudbay, 9516 arday oo isugu jira 5691 wiil iyo 3825 gabdhood, waxaana ku dhacay 417 arday oo isugu jira 239 wiil iyo 178 gabdhood, halka aysan Imtixaanka gelin oo maqnaayeen 78 arday oo kala ah 36 wiil iyo 42 gabdhood sida ku cad shaxanka wasaaradda. Sidoo kale, wasaaraddu waxay soo bandhigtay 10-ka arday ee kaalmaha sare ka galay Imtixaanka, waxaana kaalinta kowaad galay arday lagu magacaabo Shucayb Xassan Cali oo ka socday dugsiga Girible ee gobolka Bari, isagoo ku gudbay cel-celis dhan %97 boqolkiiba. Kaalinta labaad waxaa gashay Ikraan Maxamed Xassan oo ka socotay dugsiga Daarul-Birri Boosaaso ee isla gobolka Bari oo ku gudubtay cel-celis dhan %96.5 boqolkiiba. Hoos ka akhriso Natiijada oo faahfaahsan iyo kaalmaha sare PUNTLAND POST Cabdiraxmaan ciise Cumar The post Warbixin: Natiijada Imtixaanka 8-aadka Puntland oo faahfaahsan appeared first on Puntland Post.
-
(SLT – Hargeysa) Gudiga Doorashooyinka Somaliland ayaa sheegay in aanay doorashada wakiilada iyo deeganadu aanay qabsoomayn wakhtigii loogu talo galay. Doorashada Baarlamaanka iyo Degaanka ee Somaliland ayaa markii lixaad dib u dhacday, sida ay ku dhawaaqeen maanta guddida doorashooyinka Somaliland oo warbaahinta la hadlay. Guddoomiyaha guddida doorashooyinka Cabdiqaadir Iimaan Warsame ayaa sheegay in aanay farsamo ahaan iyo sharci ahaanba qabsoomi karayn doorashooyinku. Muuqaalka warkan goor dhow la soco Source
-
Xubnaha Guddiga Doorashooyinka Somaliland Doorashooyinka Baarlamanka iyo Golayaasha Degaanka Somaliland ayaa markii lixaad dib u dhacday sida uu goor dhoweyd shaaciyay guddida doorashooyinka Somaliland. Guddoomiyaha guddida doorashooyinka Somaliland Cabdiqaadir Iimaan Warsame ayaa ku dhawaaqay in farsamo ahaan iyo sharci ahaanba midna aysan u qabsoomi karayn doorashooyinka Baarlamanka iyo Golayaasha Degaanka Somaliland. Faahfaahinta kala soco Puntland Post The post Doorashooyinka Baarlamanka iyo Golayaasha Degaanka Somaliland oo markii lixaad dib u dhacay appeared first on Puntland Post.
-
(SLT – Hargeysa) – Dhul-gariir cabbirkiisu yahay 6.0 magnitude ka dhacay Waqooyi-bari Dalka Thaiwan. Dhul-gariirkan ayaa sababay khasaare sahlan , sida ay sheegeen Madaxda Dalkaasi oo soo xiganaya Hay’adaha Arrimahaa u qaabilsan. Hay’adda la socodka Dhul-gariirka ee Thaiwan ayaa sheegtay in dhul-gariirku ka soo bilaabmay Bad-weynta Pacific-ga, gaar ahaan meel 36KM Koonfur-bari ka xigta Magaalada Yilan. Dhul-gariirkan ayaa kor u qaadday biyaha Badda ee ku dhow Yilan, taasina waxay sababtay in biyo sida Duufaanka u socdaa Magaalada soo galaan, isla-markaana waxyeeleeyaan Dhismayaasha oo ay dumiyaan dhismayaasha iyo Alaabooyinkii yaallay. illaa hadda lama sheegin wax dhimasho ah, balse Qoysas gaadhaya 1000 ayaa Laydhku ka maqan yahay muddo dheer. Source
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa ku warramaya in ciidamada dowladda Soomaaliya ay haweeney is qarxin rabtay ku toogteen gudaha magaalada Baardheere ee gobolkaasi. Haweeneydan ayaa bartilmaameedkeedu waxa uu ahaa saldhigga booliska degmadaasi, sida ay sheegeen ilo dhinaca ammaanka ah. Saraakiil ka tirsan kuwa xooga dalka ayaa warbaahinta u sheegay in haweeneydani ay ka soo degtay gaari Caasi ah oo ka yimid magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay. Sidoo kale waxa ay saraakiishu sheegeen in ay bam gacmeed ku tuurtay askar ilaalo ka heysay afaafka hore ee saldhigga, islamarkaana ay ku dhaawacmeen illaa 2 askari. Wararka ayaa intaasi ku daraya in baaritaan lagu sameeyey Meydka haweeneydaasi laga helay walxaha qarxa iyo lambar sireed u gaar ah. Weerarkan la fashiliyey ayaa ku soo aadaya, iyadoo maalmihii la soo dhaafay abaabullo ka dhan ah Xoogaga Al-Shabaab ay ka socdeen degmada Baardheere ee gobolka Gedo. Dowladda Soomaaliya ayaa dhowaan shaacisay in ay wado qorshe ay saldhig uga furaneyso magaaladaasi, kaas oo laga hagi doono dagaalka Al-Shabaab looga saarayo gobolka Jubbada Dhexe. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
-
Taliyaha cusub ee AFRICOM Gen. Stephen Townsend, ayaa arbacadii waxaa uu Soomaaliya ku yimid booqasho aan horay loo shaacin. Ujeedka safarka waxaa lagu sheegay inuu ahaa sida ciidamada ka jooga Soomaaliya uu kala hadli lahaa in cadaadis la saaro Al-shabaab. Dadka uu la kulmay waxaa sidoo kale ka mid ahaa ra’isul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo safiirka Mareykanka Donald Yamamoto. “ Waxaan la shaqeyn doonaa, oo sii xoojin doonaa xiriirkeenna Soomaaliya” ayuu yiri Townsend, isaga oo intaasi raaciyey “Innaga oo kaashanaeyna Soomaaliya iyo saaxiibadeeda caalamka waxaan cadaadis joogta ah saari-doonnaa Al-shabaab” . Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Wararka ka imaanaya degmada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in ciidamada Amniga ee dowladda Federaalka Soomaaliya ay halkaasi goor dhoweyd ku toogteen qof haweenay ah oo doonaysay in ay isku qarxiso saldhiga Booliiska degmada Baardheere. Haweenayda ciidanku toogashada ku dilay ayaa sida la sheegayo ka safar dhulka ah kaga timid magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay waxaana ay aga’agaarka saldhiga Booliiska kaga degtay gaari Hoomey ah oo ka yimid magaalada Baydhabo. Saraakiisha Amniga degmada Baardheere ayaa laga soo xigtay in haweenayda markii ay gaariga ka degtay ay bomba-gacmeed ku tuurtay ilaalada Saldhiga Baardheere islamarkaana halkaasi ay ku dhaawacday ilaa 2 askari oo Booliis ah. Balse ciidanka Booliiska ee ilaalinayay Saldhiga ayaa haweenayda markiiba toogtay xilli ay isku dayeysay in ay isku miidaamiso gudaha Saldhiga degmada Baardheere. PUNTLAND POST The post Haweenay is qarxin rabtay oo Baardheere lagu toogtay appeared first on Puntland Post.
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Dowladda boqortooyada Sacuudiga ayaa marti qaad rasmi ah u fidisay madaxweynaha maamulka Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi oo booqasho ku ku tegay gudaha dalkaasi . Sacuudiga ayaa diyaarad qaas ah u soo diray wafdiga uu hoggaaminayo madaxweyne Biixi, taas oo ka qaaday garoonka magaalada Hargeysa ee xarunta maamulkaasi. Afhayeenka madaxtooyada Somaliland Maxamuud Ducaale oo ka warbixiyey socdaalkan ayaa sheegay in madaxweyne Muuse Biixi Cabdi uu Sacuudiga ku tegay Baasaboorka Somaliland, islamarkaana ay tahay markii ugu horreysay uu madaxweyne reer Somaliland ah ku tago Sacuudiga Baasaboorka maamulkaasi. Maxamuud Ducaale ayaa tallaabadan ku tilmaamay horumar laga sameeyey siyaasadda arrimaha dibadda Somaliland. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in madaxweynuhu safarkiisa uu qotomo soo gudashada waajibaadka Xajka, kadibna uu guda geli doono kulamo uu la qaadanayo madaxda sare ee dalka Sacuudiga, kuwaas oo looga hadli doono xiriirka labada dhinac. Tallabada uu qaaday dowladda Sacuudiga ayaa ah mid wax u dhimeyso Qaranimada Soomaaliya, maadaama Somaliland ay qeyb tahay Soomaaliya, islamarkaana aan loola macaamli karin sida dal madax banaan oo kale. Dhowaan dowladda Somaaliya ayaa xiriirka u jirya Giunea, kadib markii ay casuumaad heer sare ah u sameysay madaxweynaha maamulkaasi oo booqasho ku tegay gudaha dalkaasi. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa caasimada@live.com
-
Wararka naga soo gaaraya magaalada Baardheere ee gobolka Gedo, ayaa waxay sheegayaan in ciidanka Booliiska ay toogteen haweeney la sheegay in ay isku qarxin rabtay saldhigga degmadaasi. Haweeneydan oo gaari ka yimid magaalada Baydhabo uga degtay halkaasi, ayaa la sheegay in ay ugu horreyn Bam gacmeed ku tuurtay askar fadhiday Kontaroolka ka horreeya saldhigga, halkaasi oo ay ku dhaawacmeen Labo askar. Balse ciidankii kale ee ka dambeeyey askartaasi ayaa rasaas ku furay haweeneydan, iyaga oo halkaasi ku dilay, sidey inoo xaqiijiyeen saraakiil ku sugan degmadaasi. Ciidamada ayaa intaasi kadib meydka haweeneydan baaritaan kula dhaqaaqay, waxaana ay ka heleen walxaqa qarxa oo ay xirneyd iyo sidoo kale kaar aqoonsi oo muujinaya iney ka tirsan tahay Al-shabaab. Meydka haweeneydan ayaa la geeyey halka loo yaqaan Taalada oo ah meel fagaare ah, waxaana isugu soo baxay shacabka ku dhaqan degmada Baardheere oo daawanaya. Saraakiisha ammaanka magaalada Baardheere ayaa sheegay in warbaahinta ay dib ka siin doonaan faah faahinno buuxda oo arrintan la xiriirta. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
askari ka tirsan DANAB oo difaac ugu jira Al-shabaab Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan Kumaandooska DANAB ee ku sugan Shabeellaha hoose fashiliyay weerar rogaal-celis ah oo Al-shabaab ay ku qaadday degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha hoose kadib markii maalmo ka hor Al-shabaab laga qabsaday degmadaasi. Hoos ka eeg sawiro muujinaya sida ay ciidanka DANAB u fashiliyeen weerarka Al-shabaab PUNTLAND POST The post Sida Kumandooska DANAB ay u fashiliyeen weerarkii Al-shabaab ku qaadday Awdheegle appeared first on Puntland Post.
-
(SLT – Hargeysa) – Michael Rubin oo ah Xeel-dheere Millatari iyo khabiir ka tirsan Machadka American Enterprise Institute, ayaa Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanka u soo jeediyey in aanay ku shaqeynaynin qorshe maangaabnimo ah oo aanay isu dhiibin Siyaasadda Khiyaaliga ah ee Soomaaliya, waxaanu Maraykanka ku boorriyey inay wax la qabsadaan Jamhuuriyadda Somaliland oo ah waddan ka mid ah dalalka ugu nabdoon, uguna dimuqraadisan Afrika. Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA, ayaa soo xigatay Qormo uu Michael Rubin maanta ku daabacay Shabakadda Washington Examiner oo uu kaga warbixiyey farqiga u dhexeeya Dawladda Somaliland iyo Xukuumadda itaalka daran ee Soomaaliya oo uu sheegay inay ka taliso dhul masaafadiisu aad u yar tahay oo ku yaalla badhtamaha Muqdisho. Khabiir Michael Rubin wuxuu sheegay in Maraykanku uu aqoonsaday Somaliland sannadkii 1960kii, ka hor intii JSL aanay la midoobin Soomaaliya oo ay kala kulmeen xasuuq kaligii taliyihii Siyaad Barre ee ka talin jiray Soomaaliya. Waxa kaloo uu intaas ku daray in Somaliland ay ka baxday midowgii Soomaaliya sannadkii 1991kii, dibna ay ula soo noqotay madax-bannaanideedii, waxaanu ku sifeeyey Somaliland waddan ka mid ah dalalka ugu dimuqraadisan Afrika, isagoo tusaale u soo qaatay inay noqotay dalkii u horreeyey ee doorashada ku galay sawirka laga qaado isha bu’deeda” (biometric iris scans). Michael Rubin wuxuu xusay in masuuliyiinta Somaliland ay xaqiijiyeen in Shirkadaha Shiinuhu ay doonayaan inay la galaan heshiisyo macdanneed, hase ahaatee Somaliland ay doorbidayso inay la shaqeeyaan Maraykanka iyo dalalka Yurub, kuwaasi oo taageeraya dawladda khiyaaliga ah ee Muqdisho. Waxaanu ku dooday in shirkadaha Maraykanka ay ka baaqsadeen inay heshiisyo gaar ah la galaan Dawladda Somaliland, waxaanu carabka ku dhuftay in Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanku ay iska indho-tirayso xaqiiqada ka jirta Geeska Afrika Michael Rubin wuxuu sheegay inay Somaliland noqotay meel laga helayo macdanaha naadirka ah ee laga sameeyo qalabka Elektarooniga casriga ah, waxaanu tilmaamay inay leedahay khayraad kala duwan oo xooluhu ka mid yihiin. Khabiirkaasi wuxuu ka biyo diiday in dawladda Maraykanku lacago badan gelisay Soomaaliya oo aanay ka jirin nabadgelyo, isla markaana 14kii sannadood ee la soo dhaafay ku guulaystay horyaalka Musuqmaasuqa Adduunka, oo si toddobaadle ay uga dhacaan falal argagixiso. Waxa kaloo uu iftiimiyey in Maraykanku maalgeliyo Soomaaliya oo qandaraasyo badan siisa Shiinaha, waxaanu ku adkaystay in siyaasadda Dawladda Maraykanku aanay ku salaysnayn masaalixda dalkaas. Source
-
(SLT – Hargeysa) Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylaci ayaa isku dayey in uu tacsi u diro madaxwynaha dalka Maraykanka Trump isaga oo u sii marinaaya Twitterka, kana tacsiyaynaayey toogashadii ka dhacday labbo magaalo oo ku yaala dalka Maraykanka. Balse Saylici ayaa isku khalday cinwaanada ay leeyhiin Trump iyo wiilkiisa J Trump, isaga oo tacsiyeeyey J Trump, waxaa taa ka sii daran waxa uu si caadi ah ugu qoray bogiisa isaga oo aan dirin fariinta, waxana uu u qoray sidii hadal oo kale ama warbixinaha loogu qoro baraha bulshada si ay dadku u akhristaan, balse nasiib wanaag dad badani ma akhrisan oo waxaa eegay dad ka yar konton qof iyada oo uu qoraalkani ku jiray Twitterka afar casho. Madaxda maamul goboleedyadda Soomaliya ayaa intooda badani waxa ay tacsi u dirin shacabka soomaaliyeey marka ay masiib dhacdo, iyaga oo dalalka caalamkana u kala badiya. Source
-
(SLT – Nairobi) Zuleika Hassan oo ka tirsan Baarlamaanka dalka Kenya ayaa fadhigii baarlamaanka la soo gashay ilmo ay dhashay oo shan bilood jiray. Hase yeeshee Markii haweenaydaasi ay Baarlamaanka la soo gashay ilmahaasi oo ay tilmaantay inay sababtay xaaladd degdeg ah oo la soo gudboonaatay Haweenayda ayaa Gudoomiyaha Baarlamaanka Kenya, Christopher Omulele uu amar ku bixiyey in dibada loo saaray oo ay ku soo noqoto fadhiga Baarlamaanka iyadoo aan sidan. Talaabadan uu ku kacay gudoomiyaha Baarlamaanka dalka Kenya ayaa waxa ka dhalatay cambaaraybn xoog leh oo loo soo jeediyey, taas oo xubno xildhibaano oo ragg ahi ay ku eedeeyeen gudoomiyaha Baarlamaanka inuu ku dhaqaaqay talaabo naxariis daro ah oo ay ku tilmaameen sida uu haweenaydaasi uga saaray Baarlamaanka. Haweenayda Xildhibaanka ah ee Ms Hassan ayaa ugu baaqday baarlamaanku inuu abuuro jawi saaxiibtinimo oo ay qoysaska u muujiyaan si loo helo xubno Hawen ah oo tiro badan oo Baarlamaanka ka mid ah. Sanadkii 2017 ayaya ahayd markii Xildhibaanada dalka Kenya ay meel mariyeen sharci u ogolaanaya shaqaalaha Haweenka ah loo sameeyo meelo ay caruurtooda ku naasnuujiyaan. Source
-
(SLT – Garoowe) Dawladda Thailand ayaa Toddobaadkan ku dhawaaqday in 50 Muhaajiriin u dhashay Dalka Thailand lagu xidhay meel u dhow Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ee Maamul-gobolleedka Puntland. Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha dibedda ee Thailand oo Magaciisa la yidhaa Busadee Santipitaks ayaa Arbacadii Maanta sheegay in Madaxda Maamulka Puntland iyo kuwa dawladda Federaalka ay aqbaleen codsi ay u dirtay Safaaradda Thailand ee Nairobi, taasi oo ahayd in 50-ka qof ee Puntland xidhay dib loogu soo celiyo dalkooda Thailand. “Masuuliyiinta Maamul-gobolleedka Puntland waxay aqbaleen inay xoogsatadan reer Thailand dib u soo celiyaan, fududeeyaana soo celintooda..” ayuu yidhi Afhayeenka u hadlay Wasaaradda Arrimaha dibedda Thailand. Sida laga soo xigtay Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha dibedda, 50-ka Qof oo dhammaan u dhashay Thailand ayaa ahaa Kalluumaysato, waxayna ka shaqaynayeen laba Doonyood oo Magacyadoodu kala yihiin Wadani 1 iyo Wadani 2. Sida ay baahisay Bankok Post Kalluumaysatadan oo ay u dhan yihiin Dhukumantiyadoodii ayaa Maalmaha soo socda Safarkooda dib u noqoshada ahi bilaabmi doonaa. Source
-
(SLT – Hargeysa) Hal toddobaad ka dib markii Maraykanku uu cunaqabateyn saaray Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iran Mohamed Jawad Zarif, arrintaas oo keentay in laga yaabo in Zarif uu waayo xisaabaadkiisa warbaahinta bulshada, ayaa dawladda Maraykanka iyo shirkadaha teknolojiga ay labaduba arrintaas ka aamusan yihiin. Maamulka Trump ayaa cunaqabateeyey Zarif 31-ka bishii July, iyada oo Maraykanku uu sabab u dhigay in uu u adeego Hogaamiyaha Sare ee Iran Ayatullah Cali Khamanei, kaas oo isagana ay dawladda Maraykanku cunaqabateyn saartay, iyada oo Iran cadaadis daran saaraysa. Akoonka twitterka ee Jawad Zarif ayaa waxaa ku xiran 1.2 milyan oo qof, halka 729 kunna ay ku xiran yihiin akoonkiisa Instagaramka, kaas oo ay leedahay shirkadda Facebook. Zarif ayaa wali labada baroodba adeegsada ilaa markii cunaqabateynta la saaray dhamaadkii July. Idaacadda VOA, laanteeda afka Faarisiga ee Iran la hadasha ayaa xiriir la sameysay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanka, iyada oo wax ka weydiisay xisaabaadka Zarif ee baraha bulshada. Afhayeen u hadlay Wasaaradda ayaa sheegay in Twitter iyo Instagaram ay yihiin shirkado gaar loo leeyahay. Source
-
Taliska Kumaandooska Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ee ku sugan gobolka Shabeellaha hoose ayaa fashiliyay weerar ay malayshiyaadka Al-shabaab ku qaadeen degmada Awdheegle ee gobolkaasi oo maalmo ka hor laga qabsaday Al-shabaab. Saraakiisha hoggaaminaysa ciidanka Kumaandooska DANAB ee ku sugan Awdheegle ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in ay dib u celiyeen malayshiyaad ka tirsan Al-shabaab oo isku dayay in ay mar kale qabsadaan degmadaasi Awdheegle oo bilowgii todobaadkan laga saaaray. Saraakiishu waxay sheegeen in dagaal halkaasi ka dhacay ay ku dileen 4 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab halka 5 kalena ay ku dhaawaceen inkastoo aysan faahfaahin khasaaraha dhankooda gaaray. Dhinaca kale Al-shabaab ayaa xaqiijisay in dagaalka uu dhacay balse waxay ka gaabsadeen khasaaraha ka dhashay. PUNTLAND POST The post Kumandooska Soomaaliya oo fashiliyay weerar rogaal-celis ah oo Al-shabaab ku qaadday Awdheegle appeared first on Puntland Post.
-
Baydhabo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa ku sheegaya in saacadihii la soo dhaafay Al-Shabaab ay weerar culus ku qaadeen degmada Awdheegle ee gobolkaasi. Weerarka kadib ayaa waxaa halkaasi ka dhacay dagaal u dhexeeyey dagaalyahannada Al-Shabaab iyo ciidamada dowladda oo maalin ka hor qabsaday degmadaasi. Saraakiil ka tirsan kuwa Xoogga dalka oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa shaaciyey in ay iska difaaceen weerar kaga yimid dhanka Al-Shabaab. Sidoo kale saraakiisha ayaa xusay in dagaalkaasi ay ku dileen illaa afar ka tirsanaa Al-Shabaab, kuna dhaawaceen shan kale, sida ay hadalka u dhigeen. Dhanka kale war ka soo baxay Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in gaari Cabdi Bile ah ay gubeen, kadib weerar ay ku qaadeen degmada Awdheegle. Qoraalka ka soo baxay dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab laguma sheegin waxa khasaare nafeed ah. Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana ciidamada dowladda ay dhaq dhaqaaqyo ka bilaabeen qeybo ka mid ah gobolka Shabeelaha Hoos ee Koonfurta Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Baydhabo caasimada@live.com
-
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federalka Soomaaliya ayaa waxaa uu gaaray magaalada Cape town ee dalka Koonfur Africa halkaas oo ay ku soo dhaweeyeen Madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Dalkaas iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaas ku nool. Safiirka Soomaaliya Koonfur Africa ayaa sheegay in Gudoomiyaha Golaha Shacabka, Maxamed Mursla Sheekh Cabdiraxaan siweyn u soo dhaweynayaan. “Waxaan aad ugu faraxsanahay Mudane Gudoomiye in aad magaaladaan Cape town timaado oo Soomaali badan ku ganacsato sidoo kalena dagan tahay” Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa lagu wadaa in uu kullan laqaato Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaas ku sugan, isagoo kala hadli doona arrimo badan oo harmarka dalka kamid yahay. Wuxuu dalkaasi Koonfur Afrika uga qeybgalay shirka baarlamaanada Afrika ee dalkaasi ak dhacay,kaasi oo looga hadlay arrimo dhowr ah. Source: goobjoog.com
-
Beledweyne (Caasimada Online) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaallo xoogan oo ka dhacay qeybo ka mid ah degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan. Dagaalladan ayaa yimid, kadib markii Al-Shabaab ay weerareen guriga guddoomiyaha Jalalaqsi iyo saldhig ciidamada dalka Jabuuti ay ku leeyihiin gudaha degmadaasi. Qaar ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in iska hor’imaadkaasi la’isku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan. Ma cadda illaa iyo hadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weeraradaasi iyo dagaallada xigay intaba. Dhinaca kale war ka soo baxay Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in guddoomiyaha degmada Jalalaqsi uu si dirqi ah uga badbaaday, kadib weerar ay ku qaadeen hoygiisa. Sidoo kale waxa ay sheegeen in xilliga uu weerarku dhacayey guddoomiyaha iyo ku xigeenkiisa in ay ku sugnaayeen guriga la weeraray. Al-Shabaab ma shaacin khasaaraha gaaray dhankooda iyo kuwa ay geysteen, waxaaan ay tilmaameen in dagaalyahannadii fuliyey weeraradaasi ay dib uga laabteen halkaasi. Muddooyinkii dambe Al-Shabaab ayaa kordhisay dhaq dhaqaaqyadeeda, waxaana ugu dambeeyey weerar ay shalay ay ku qaaday sadlhigga Booliska magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan. Caasimada Online Xafiiska Beledweyne caasimada@live.com
-
Muqdisho (SMN) – Taliyaha cusub ee taliska Mareykanka ee qaaraadda Afrika, Stephen Townsend, ayaa shalay oo Arbaco ahayd wuxuu yimid magaaladda Muqdisho, caasimadda Soomaaliya. War-saxaafadeed kasoo baxay AFRICOM ayaa lagu sheegay in sarkaalkan Ameerikaan ah uu Muqdisho kula kulmay ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre iyo saraakiil ciidan. Bayaanka ayaa lagu xusay in kulanka uu qayb ka ahaa danjiraha Mareykanka uqaabilsan arrimaha Soomaaliya, Donald Yamamota. Warka qoraalka ah ayaa lagu qeexay in dhinacyadda ay kawada hadleen amniga iyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab. AFRICOM ayaa shaacisay in Townsend uu u balanqaaday mas’uuliyiinta Soomaaliya in uu kala shaqeyn doono sidii loo xasilin ahaa waddanka. Waa socdaalkii ugu horeeyay oo uu Soomaaliya ku yimaado Townsend, kaasi oo dhowaan loosoo magacaabay jagadan. Taliska AFRICOM ayaa wuxuu dusha kala socdaa howlgaladda dhanka cirka iyo dhulka oo ciidamada Ameerikaanka ah ay ka fuliyaan wadamada qaaradda Afrika oo ay kamid tahay Soomaaliya. View the full article
-
Taliyaha cusub ee Ciidamada Maraykanka ee ku sugan Qaaradda Afrika (AFRICOM) Gen. Stephen Townsend ayaa Arbacadii shalay socdaal qarsoodiya ku yimid magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya. Qoraal ka soo baxay Taliska AFRICOM ayaa lagu sheegay in taliyaha cusub uu Arbacadii shalay magaalada Muqdisho ku tegay socdaalkiisi u horreeyay ee Qaaradda Afrika uu ku yimaado tan iyo markii uu xilkan qabtay 26-June 2019. Gen. Townsend ayaa Muqdisho kula kulmay Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xassan Cali Khayre iyo saraakiil sare oo ka tirsan Militariga Soomaaliya waxaana labada dhinac ka wada-hadleen arrimaha Amniga iyo La’dagaallanka Argagixisada sida qoraalka ku xusan. Kulanka uu taliyaha cusub ee AFRICOM la qaatay Ra’iisul Khayre iyo saraakiisha sare ee Militariga Soomaaliya ayaa waxaa goob-joog ahaa safiirka Maraykanka u fadhiya magaalada Muqdisho Donald Yamamoto. PUNTLAND POST The post Taliyaha cusub ee AFRICOM oo socdaal qarsoodiya ku yimid magaalada Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Shirkan oo ay martigalisay Dowladda Rwanda waxaa soo qaban-qaabiyay Bankiga Africa(AfDB), Heyada FAO, Hey’ada Maalgalinta Horumarinta Beeraha Aduunka (IFAD), Bankiga Aduunka (WB), Waxaana kasoo qaybgalay Wasiirada Beeraha Afrika, Madaxda Hey’adaha Maaliyadda iyo Beeraha Ee Kor kuxusan, Khuburo kala duwan oo qaarkood haystaan Abaalmarinta Nobel Prize. Shirka ayaa diiradda lagu saaray xaaladda Cunto yarida ee kusii baahaysa Afrika iyo sida Qaaradu uga bixi karto dhibaatada cunto yaraanta ah ee ka dhalatay wax soosaarka Beeraha ee Afrika oo ka hooseeya inuu quudiyo dadka Qaarada, iyo isbedelada Cimiladda oo saamayn ku yeeshay wax soo saarka Beeraha. Shirka Waxaa hoosta looga xariiqay muhiimada ay leedahay in la isku xiro oo wadashaqayn dhow ay yeeshaan dhamaan qaybaha ay khuseyso Hey’adaha maaliyadda aduunka, hey’adaha cilmibaarista iyo culuumta Beeraha iyo ka *****nta wadamada Qaaradu balamada gobolleed iyo kuwa caalamiga ah u sameeyay oo uu ugu horeeyo Qorshaha dhamaystiran ee horumarinta Beeraha Africa ee loosoo gaabiyo (CAADP). Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Soomaaliya oo shirkaas uu uga qaybgalay Wasiirka Beeraha Iyo Waraabka Soomaaliya Mudane Siciid Xuseen Ciid iyo khubaro ka socota Wasaaradda, Waxuu intii shirku socday kulamo kala duwan la yeeshay Wasiiradii halkaas yimid iyo Hey’adaha Caalamiga ah ee Shirkaas soo qabanqaabiyay, Wasiir Ciid ayaana uga Warbixiyay Xaalada Beeraha Soomaaliya. Wuxuu u xaqiiyay in Dowladda Soomaaliya ay ku jirto dadaalo badan oo ay dib ugu soo nooleeneyso kaabayasha Beeraha ,isagoo dhinaca kale Hey’adaha ay arintan quseyso ka codsaday in la taageero qorshaha Dowlada Soomaaliya ee ku salaysan gaarista yoolalka caalamiga ee hoos u dhigida gaajada iyo gaarista badbaado cunto. Wasiirka Beeraha Iyo Waraabka Soomaaliya Mudane Siciid Xuseen Ciid ayaa sidoo kale kulamo la yeeshay madax kala duwan oo magac ku leh Qaaradda Afrika kuwaas oo ay ka mid ahaayeyn Madaxweynihii hore ee dalka Nigeria Olusegun Obasanjo iyo Raiisal Wasaarihii hore ee Itoobiya Hailemariam Desalegn kuwaas oo shirka kasoo jeediyay talooyin wax ku ool ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Baardheere (SMN) – Saraakiisha ciidamada xooga ayaa shaaciyey in dowladda Soomaaliya ay u diyaar-garowday xorreynta gobolada Gedo iyo Jubadda Dhexe. Taliyaha milatariga ee gobolka Gedo ayaa daboolka ka qaadey in ciidamo ka qeyb qaata howlgalada lagula wareegayo labadaasi gobol ay sidoo kale diyaar yihiin. Gaashaanle Sare, Maxamed Cali Cadow Sanka, ayaa ku booriyay xoogaga difaaca qaranka in ay heegan u galaan sidii Al-Shabaab looga saari lahaa labadaasi gobol. Hadalka taliyaha ayaa imaanaya iyadda oo gobolo kale oo dalka kamid ah ay ka socdaan howlgalo ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab. Horaantii isbuucan ayay ahayd markii ciidamada xooga ay qabsadeen degaanka Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose. View the full article
