Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,044
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Burco)” Hal Xaaraani Nirig Xalaala Ma Dhasho Golaha Wakiilladu Iyagiiba Xaaraan Ku ” Ex Wasiir Ubaxle. Source
  2. (SLT-Burco) Xarunta Dawlada Hoose Ee Magalada Burco Oo Laga Hirgeliyey Wadooyin Iyo Dhismayaal Casriya + Maayir Muraad Oo Noqday Maayirkii Ugu Waxqabdka Badna Ee Soo Mara Burco. Source
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tababar u soo xirayay Saraakiil iyo Saraakiil Xigeenno ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka oo muddo labo sanno ah lagu diyaarinayey Dugsiga Tababarka Ciidamada ee TurkSom. Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyay munaasabbadda ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in dhallinyarada Soomaaliyeed ay ku biiraan Ciidamada Qalabka sida, iyagoo ay ka go’an tahay inay dalkooda ka difaacaan argagaxisada iyo cadawga u taagan dibindaabyada shacabka. Madaxweyne Farmaajo ayaa hoosta ka xarriiqay in Dowladda Federaalka ay ka go’an tahay dib u dhiska, qalabaynta iyo tayeynta Ciidanka Xoogga Dalka, si loo helo ciidan Soomaaliyeed oo si buuxda ula wareega sugidda amniga dalka. “Waxaad tihiin halyeeyada aan dooneyno in ay tiir u noqdaan ciidamo hanta amniga dalka, shacabkana ka samata bixiya dhibaatada ay ku hayaan argagixisadu. Si taas loo xaqiijiyo waa in aad ku tilmaamantihiin wadaniyad, dhaqan iyo anshax ciidannimo.” Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey Dowladda iyo shacabka dalka aan walaalaha nahay ee Turkiga daddaalka ay ku bixiyeen in saraakiishan lagu carbiyo dalka gudihiisa, waxa uuna xusay in xiriirka u dhexeeya Turkiga iyo Soomaaliya uu yahay mid ku dhisan walaaltinimo iyo saaxiibtinimo. “Waa maalin taariikhi ah in saraakiishan dhallinyarada ah ay akaadimayad dalkeenna ku taal wax noogu bartaan, arrinkaas cidda kugu garab siin karta waa dowlad walaal iyo saaxiibtinimo qoto dheer ay inaga dhaxeyso. Waxaan uga mahadcelinaynaa Dowladda Turkiga sida ay noogu garab taagan yihiin in aan dib cagaheenna ugu istaagno.” Munaasabaddan waxaa goobjoog ka ahaa Guddomiyeha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, Wasiirka Kuxigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Colaad Rooble, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye Gaas Bashiir Cabdi Maxamed, Taliye Kuxigeenka Ciidanka Xooogga Dalka Sarreeye Guuto Cabdi Xasan Maxamed, Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Mudane Francisco Madeira iyo qaar ka mid ah Diblomaasiyiinta ka hawlgala Soomaaliya.
  4. Muqdisho (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa tababar u soo xirayay Saraakiil iyo Saraakiil Xigeenno ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka oo muddo labo sanno ah lagu diyaarinayey Dugsiga Tababarka Ciidamada ee TurkSom. Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyay munaasabbadda ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in dhallinyarada Soomaaliyeed ay ku biiraan Ciidamada Qalabka sida, iyagoo ay ka go’an tahay inay dalkooda ka difaacaan argagaxisada iyo cadawga u taagan dibindaabyada shacabka. Madaxweyne Farmaajo ayaa hoosta ka xarriiqay in Dowladda Federaalka ay ka go’an tahay dib u dhiska, qalabaynta iyo tayeynta Ciidanka Xoogga Dalka, si loo helo ciidan Soomaaliyeed oo si buuxda ula wareega sugidda amniga dalka. “Waxaad tihiin halyeeyada aan dooneyno in ay tiir u noqdaan ciidamo hanta amniga dalka, shacabkana ka samata bixiya dhibaatada ay ku hayaan argagixisadu. Si taas loo xaqiijiyo waa in aad ku tilmaamantihiin wadaniyad, dhaqan iyo anshax ciidannimo.” Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey Dowladda iyo shacabka dalka aan walaalaha nahay ee Turkiga daddaalka ay ku bixiyeen in saraakiishan lagu carbiyo dalka gudihiisa, waxa uuna xusay in xiriirka u dhexeeya Turkiga iyo Soomaaliya uu yahay mid ku dhisan walaaltinimo iyo saaxiibtinimo. “Waa maalin taariikhi ah in saraakiishan dhallinyarada ah ay akaadimayad dalkeenna ku taal wax noogu bartaan, arrinkaas cidda kugu garab siin karta waa dowlad walaal iyo saaxiibtinimo qoto dheer ay inaga dhaxeyso. Waxaan uga mahadcelinaynaa Dowladda Turkiga sida ay noogu garab taagan yihiin in aan dib cagaheenna ugu istaagno.” Munaasabaddan waxaa goobjoog ka ahaa Guddomiyeha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, Wasiirka Kuxigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Colaad Rooble, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye Gaas Bashiir Cabdi Maxamed, Taliye Kuxigeenka Ciidanka Xooogga Dalka Sarreeye Guuto Cabdi Xasan Maxamed, Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Mudane Francisco Madeira iyo qaar ka mid ah Diblomaasiyiinta ka hawlgala Soomaaliya. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
  5. Wasaaradda Arrimaha gudaha Federaalka iyo Dib u-heshiisiinta xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in liiska odoyaasha dhaqanka ee uu soo saaray guddiga doorashooyinka iyo Xuduudaha Jubaland uusan waafaqsaneydn diiwaanka madax-dhaqameedka rasmiga ah ee Wasaaradda ugu qoran odoyaasha beelaha Jubaland. Wasaaradda Arrimaha gudaha Federaalka iyo Dib u-heshiisiinta dowladda Federaalka Soomaaliya waxa kale oo ay sheegtay in ay wasaaradda Arrimaha gudaha Jubaland kala shaqeyn doonto soo saarista liiska rasmiga ah ee odoyaasha dhaqanka beelaha Jubaland ee soo xulaya xildhibaannada maamulka. Sidoo kale waxay ka digtay khatar ay sheegtay in ay ka imaan doonto haddii la bilaabo xulista xildhibaannada Baarlamanka Jubaland iyadoo aan la sixin liiska odoyaasha dhaqanka ee uu soo saaray guddiga doorashooyinka iyo xuduudaha Jubaland. Dhinaca kale waxay wasaaraddu sheegtay in diiwaan-gelinta musharrixiinta madaxtinimada Jubaland aysan ansixi karin iyadoo aan weli la soo xulin xildhibaannada Baarlamanka dowlad goboleedka Jubaland. Halkaan hoose ka akhriso PUNTLAND POST The post Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo qaaddacday liiska odoyaasha dhaqanka Jubaland appeared first on Puntland Post.
  6. Muqdisho (SMN) – Wasaaradda arrimaha gudaha xukuumadda Soomaaliya ayaa ka hortimid liiska Odayaasha Dhaqanka ee ay dhawaan ku dhawaaqday Jubbaland. War ay soo saartay wasaaradda ayaa lagu sheegay in khatar ay ka imaan karta haddii la guda galo xulida Xildhibaanada Jubbaland, iyadoo aan la sixin Odayaasha saxda ah. Halkan hoose ka AKhriso: View the full article
  7. Gambia’s Caf 2021 preliminary opponents Djibouti yesterday got the better of Somali in a friendly game. Source: Hiiraan Online
  8. Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa kulan la qaatay dhallinyarada magaalada Qardho, kulankaas oo looga hadlaayey doorka dhallinyaradu ku leeyihiin horumarinta dalka. Kulanka waxaa Madaxweyne Ku-xigeenka ku wehlinaayey xubno ka tirsan Golaha Wasiirada, Guddoomiyaha gobolka Kar-kaar, Duqa degmada Qardho, dhallinyaro iyo marti sharaf kale. Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa soo dhaweeyey kulamada noocaan oo kale ah oo dhallinyaradu ay kaga hadlayaan horurmarinta Puntland iyo sidii ay qaybtooda u qaadan lahaayeen, waxaana uu tilmaamay in dhalinyarada Puntland ay tusaale lagu daydo u yihiin dhallinyarada dhiggooda ah. Madaxweyne Karaash ayaa dhallinyarada ku booriyey inay ka faa’iidaystaan fursadaha shaqo ee waddanka yaala, kuwaas oo ay ka midyihiin tabcashada Beeraha, Kalluumaysiga iyo farsamada gacanta, waxaana uu caddeeyey in dowladda Puntland ay dhinacyadaasi xoogga saari doonto horumarintooda. Ugu dambayn, Madaxwweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa dhallinyarada kula dar-daarmay inay ilaashadaan Amniga iyo horumarka Puntland, waxaana ugu dambayn uu shahaado sharaf guddoonsiiyey duqada degmada Qardho Cabdi Siciid Cismaan, taas oo dhallinyaradu ay ku maamuuseen. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Oo Kulan La Qaatay Dhallinyarada Qardho appeared first on Puntland Post.
  9. Dooxa (SMN) – War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska Warfaafinta ee dowladda Qatar ayaa looga hadlay warbixintii uu daabacay wargeyska the Newyork times,iyadoo dowladda Qatar arrinkaasi ay siweyn uga jawaabtay. “Dowladda Qatar markasta waxaa ay ku dhisantahay siyaasadeeda arrimaha dibadda in la abuuro jawi degnaansho iyo barwaaqo horseedidi,mana faragelino madaxbanaanida iyo arrimaha gudaha ee dal kale,cidkasta oo sidaasi ku fekereysana nagama mid ahan dowlada haan Qatar” ayaa lagu yiri qoraalkaasi ka soo baxay dowladda Qatar. “Khalifa al Muhannadi ma ahan mana noqon doono qof lataliye ah kana tirsan dowladda Qatar,ma matalo dowladda Qatar,xaqna uma lahan in uu ka hadlo arrimaha masiiriga ah ee dalka Qatar,waanu baari doonaa shaaqsiyada qofkaasi,waxaana uu qaadi doonaa mas’uuliyada hadalkaasi uu yiri,waana ku celinaynaa in uusan marnaba matalin mabaadi,deena”. “Dowladaha Soomaaliya iyo Qatar waxaa ka dhexeeya xiriir wanaagsan,mana faragelino arrimahooda gudaha,xiriirkeeni wuxuu ku dhisan yahay isxushmeynta labada dhinaca iyo ilaalinta danaha labada dal,waxaan u rajeynaynaa dowladda iyo shacabka Soomaaliyed horumar iyo barwaaqo,waaa sii wadi doonaa dadaalka aan ku taageerayno Soomaaliya,ilaa dalka uu gaaro xasilooni waarta.” Waxaa warbixintasi looga codsaday mas’uuliyinta wargeyska newyork times in wareysigaasi ay duubeen baaritaana lagu sameynayo ay kaalin ka qaataan,iyadoo loo marayo shuruucda iyo nidaamka u yaala siyaasadooda xaga Tifaftirka. Dhanka kale Wasiirka Arrimaha dibadda ee Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa ka hadlay arrintani wuxuuna sheegay in safiirka Qatar ee Soomaaliya uu la wadaagay Dowladda Soomaaliya warbixinta la xiriirta Newyork Times iyo eedeymahaasi,wuxuuna wasiir cawad uu xusay in warbixintoodi ay ku adkeynayaan Qatar in aanay waxba kajirin warkaasi la baahiyay,sidoo kale Qatar ay u xaqiijisay in arrintaasi baaritaano dhab ah ay ku sameynayaan. View the full article
  10. Muqdisho (SMN) – Hooyo Khadiijo Cabdi ayaa labo wiil oo ay dhashay ku weysay qaraxii xooganaa ee Isniintii la soo dhaafay ka dhacay agagaarka isgoyska KM4 ee M/Muqdisho. Marxuumiinta oo lagu kala magacaabi jiray Cabdiraxmaan Jeylaani Axmed iyo Cabdirisaaq Jeylaani Axmed ayaa ahaa isku xirfad ka shaqeynayay hal goob. Sidoo kale Hooyo Khadiijo Cabdi ayaa horay waxaa wiil kale looga dilay magaalada Muqdisho, iyadoo geeridani ay murugo xanuun badan ku reebtay xubnaha Qoyska. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/Warbixinta.mp3 View the full article
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa ka hor-timid kuna gacan seertay liiska odayaasha dhaqanka Jubaland ee soo xulaya xildhibaanada maamulkaas, kaasi oo dhowaan ay soo saartay wasaaradda arrimaha gudaha Jubaland. Qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya ayaa lagu sheegay in magacyada iyo liiska ay soo saartay Jubaland usuan waafaqsaneyn kan saxda ah ee dhaqanka beelaha Jublanad ee u diiwaan gashan wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya. Qoraalka ayaa lagu sheegay in wasaaradda ay kala shaqeenyeso wasaaradda arrimaha gudaha Jubaland sidii loo sixi lahaa liiskan. Wasaaradda arrimaha gudaha ayaa ka digtay halista ka iman karta haddii la guda galo soo xulista xildhibaanada cusub ee Jubaland, ayada oo aan la sixin liiska. Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale ku gacan seertay is-diiwaan gelintii Axmed Madoobe ee madaxweynaha Jubaland, inkasta oo aysan si shakhsi ah u magacaabin. Qoraalka wasaaradda arrimaha gudaha ayaa lagu yiri “Wasaaradda waxay caddeeneysaa inaysan ansixi karin diiwaan-gelinta musharaxiinta madaxweynaha Jubaland ayada oo aan la dhameystirin xulista xubnaha baarlamanka.” Hoos ka aqriso qoraalka wasaaradda arrimaha gudaha
  12. The most recent government-sponsored refugees are mostly Somalis who were housed in refugee camps in Ethiopia and Uganda. Source: Hiiraan Online
  13. Siyaasiyiin iyo Waxgarad maanta shir jaraa’id ku qabtay Garowe ayaa Villa Soomaaliya waxay ku eedeeyeen iney abaabulayaan qas iyo Amaan xumo looga dan leeyahay in [...] Source
  14. Muqdisho (SMN) – Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) oo Xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Mudane James Swan ayaa ugu hambalyeeyay xilkan dhawaan loo soo magacaabay. Guddoomiyaha iyo Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya ayaa iska xogwareystay Amniga, siyaasadda guud ee dalka, horumarinta iyo arrimaha gargaarka. Danjire James ayaa uga mahadceliyey Maamulka iyo shacabka Gobolka Banaadir soo dhaweynta wanaagsan, isagoona tilmaamay sida ay uga go’an tahay in ay sii dardar geliyaan wadashaqeynta Maamulka Gobolka iyo Mashaariicda ay ku taageeraan bulshada Caasimadda. Dhankiisa, Guddoomiyaha ayaa la wadaagay Wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya dadaallada joogtada ah ee Maamulka Gobolku ay ku bixinayaan horumarinta iyo sugidda amniga Caasimadda, xal u helista arrimaha barakacaayasha, dib u dhiska kaabeyaasha dhaqaalaha, dariseynta iyo dib u heshiisiinta oo dhammaantood laga gaaray guulo la taaban karo. Guddoomiye Yarisow ayaa sheegay in Maamulka Gobolka Banaadir ay kala shaqeynayaan Wakiil James Swan arrimaha loo egmaday ee hortabinta u leh dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, si loo xaqiijiyo qorsheyaasha ku qotoma xasilinta dalka iyo horumarintiisa. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
  15. Muqdisho (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Sanaag ayaa sheegaya in maanta dhaq dhaqaaqyo ciidan laga dareemayo deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobolkaasi. Sida ay ilo deegaanka ah u sheegeen Shabelle Somaliland ayaa saacadihii la soo dhaafay ciidamo dheeraad ah geysay duleedka magaalada Ceerigaabo ee xarunta G/Sanaag. Ciidamadan oo watay gaadiidka dagaalka ayaa la sheegay inay ka soo baxeen aaga deegaanka Tukaraq iyo galbeedka magaalada Hargeysa ee xarunta maamulkaasi. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamadani saldhigyo cusub ay ka sameysteen dhanka Buuraleyda Ceerigaabao, halkaas oo ay fariisimo ku leeyihiin ciidamo taabacsan Jabhad uu hoggaamiyo Korneyl Caare. Korneylkan aya horay ugu goodiyey inuu weerari doono saldhigyada ciidamada Soomaaliland ee goboollada Sool iyo Sanaag ee waqooyga Soomaaliya. Xaaladda aya haatan kacsan, iyadoona dhaq dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayo agagaarka degmada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag. View the full article
  16. Muqdisho (SMN): Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/Warka-Duhur-24072019.mp3 View the full article
  17. The Brooks area opened its doors in June and July to welcome close to 30 Somali immigrants. Source: Hiiraan Online
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – War hadda nasoo gaaray ayaa sheegaya in hoobiyeyaal lagu garaacay dhowr dhisme oo ku yaalla magaalada Muqdisho, kuwaas oo aan ka fogeyn madaxtooyada Soomaaliya. Goobaha hoobiyeyaasha ay ku dhaceen ayaa waxaa ka mid ah iskuulka 15-ka May, iyo dhismayaal ay deggan yihiin siyaasiyiin oo ku dhow xarunta madaxtooyada. Weli lama helin wax faah-faahin oo ku saabsan hoobiyeyaashan, iyo haddii ay jiraan khasaarooyin ka dhashay. Wixii warar ah ee kusoo kordha kala soco Caasimada online, Insha Allah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  19. Heavily-armed Al-Shabaab militants have launched two simultaneous attacks against Somali military bases in Somalia’s southern Lower Shabelle region on Tuesday night. Local officials said Somali troops repulsed attacks on El-Jaalle military training facility near Marka town, and in El-Salini base near K-50, Lower Shabelle region. There are reports of injuries from the attack on El-Jaalle – per security sources. The region has witnessed attacks on Somali and AU troops in the past by Al-Shabaab which still controls large swathes of rural areas, where it orchestrates assaults and bombings. View the full article
  20. Somali National Army chief General Dahir Aden Elmi, along with top military commanders are in Milano after receiving an invitation from his Italian counterpart Enzo Vecchiarelli. Elmi and Vecchiarelli discussed a range of issues related to the military cooperation between Somalia and Italy and agreed to extend the training mission for Somali troops. Italy is among several EU countries helping the Somali government in the rebuilding of the country’s national army and the fight against the Al-Qaeda-linked Al-Shabab. The two countries share historic relations back to Italy’s colony in southern regions of Somalia in the early 19th century. View the full article
  21. Shirkada Shidaalka ee Dowlada Qatar ayas waxay heshiis la gashay Dowlada Kenya,, waxayna labada Dal ku shuraakoobeen shidaalka laga soo saarayo Sadex Ceel oo ku [...] Source
  22. Doha (Caasimada Online) – Shirka Qatar Petroleum ayaa sheegtay in heshiis la gashay shirkadaha ENI iyo Total, si ay saami 25% ugu yeelato sahminta saddex Baloog oo ku yaala Lamu, oo ah gobol dhaca xadka Soomaaliya iyo Kenya. Qatar waxaa ay saami ah 13. 75 ka iibsatay ENI, halka ay 11.25 ka iibsatay Total, waana saddex Baloog oo ku yaala Laamu Basin. Goobta heshiiska lagu saxiixayey waxaa joogay Saciid Al-Qaabi oo ah wasiiru dowlaha wasaaradda Tamarta ee Qatar ahna madaxweynaha shirkadda Qatar Petroleum. “Waan ku fasaxsannahay in aan ku guuleysanno heshiis shidaal qodis ah oo xeebtan Kenya, waxaa ay sii adkeyneysaa in aan ku sii siqno Afrika” sidaasi waxaa yiri Al-Qaabi. Bolooyadan oo kala ah: L11A, L11B iyo L12 ayaa ku yaalo sida aan sheegay Lamu oo ah bariga Kenya, waxaa ay ku fadhisaa 15,000 square KM, xagga moolka waa 1,000-3,000 oo Mitiri. Heshiiskan ayaa waxa uu u baahan yahay inay ansixiso dowladda Kenya, si uu u dhaqan galo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  23. Qatar’s foreign policy has always been one of creating stability and prosperity and non-interference in the internal affairs of sovereign countries, the Government Communications Office (GCO) on Tuesday said. Referring to the comments of a Qatari national published by the New York Times, the GCO stressed that the person is not, and has never been, an adviser of any sort to the Government of Qatar. In a statement on Tuesday, the GCO said: “The State of Qatar’s foreign policy has always been one of creating stability and prosperity – we do not meddle in the internal affairs of sovereign countries. Anybody doing so is not acting on behalf of our government. In Somalia, the UAE has pursued a foreign policy that seeks to manipulate and control, in exchange for financial support. “Khalifa al-Muhannadi is not and has never been, an adviser of any sort to the Government of the State of Qatar. He does not represent the State of Qatar and he had no right to comment on behalf of the government. We will be investigating this individual and he will be held responsible for his comments, which we reiterated do not represent our principles. “Somalia is an important partner for the State of Qatar, but we do not interfere in their internal affairs. Our relationship with Somalia is built on mutual respect and shared interests. We hope for the best for its government and its people. Our support to them will continue till stability in maintained.” The GCO said though it asked for the recordings from the New York Times to support its investigation into the allegations, the US daily did not grant the request due to their editorial policies. “The GCO respects the policies of the New York Times and will not be taking further action in this regard,” the statement added. Meanwhile, Somali Foreign Minister Ahmed Isse Awad said he agreed with Qatar’s statement which refuted a story carried by the New York Times which alleged complicity in Bosaso attack back in May. “Somalia is satisfied with Qatar’s statement” he confirmed in an interview with journalist Harun Maruf,” HE Lolwah Alkhater, the spokesperson of Qatar’s Foreign Ministry said in a tweet. View the full article
  24. Somalia’s Ministry of Education has announced the results of the national secondary schools’ exam on Tuesday. The Minister, Abdullahi Godah Barre said the first ten students will be offered fully sponsored a scholarship in and outside of the country. Total students of 22, 499 students out of the total 31,500 candidates who sat for the exams have passed. With 8,162 female students and while male counterparts, who progressed to the next level of education are 14,337. Students can check their performance via online profile provided soneb.gov.so. The unified national secondary schools examination was postponed and new exam papers reset following wide spread leakage via the social media on early May. Scores of students were wounded following a protest. An education official was arrested by the police in connection to the leakage. The Somali government has undertaken reforms to improve education sector which is one of the areas affected by the civil war that broke out in the country in the early 1990s. View the full article
  25. Kooxda kubbadda cagta Muqdisho City Club ayaa si heer sare iskugu diyaarisay ka qeyb galka tartanka kooxaha qaarada Afrikca ee CAF Confedration Cup 2019,iyagoo laba ciyaarooda la dheelaya naadiga Malindi Sports Club oo ka dhisan dalka Zanzibar. Guddooomiye ku xigeenka naadiga dowladda hoose ahna la taliyaha maamulka isboortoga Gobolka Banaadir Cabdiqaadir Muxidiin Xaaji (Dacar) ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsanyihiin ka maamul ahaan in mudo dheer ka dib ay kooxda munashiibiya kusoo laabto tartamadii lagu yeeqnay ee qaarada. Maxamed Jeylaani Ajeeloow Isagoo ciyaaryahan ah ayuu kooxda Muqdisho City Club kala qeybgalay ciyaarahan iminka wuxuu aad ugu faraxsanahay in mudo dheer ka dib ay kooxdiisa kusoo laabto ciyaaraha dibadda wuxuu ka sheekaynayaa xiisaha waqtigaas ay u lahaayeen tartamadda dibada iyo dhallinyarada nasiibka u yeelatay iminka iyo munashiibiya difaacaan. Maamulka kooxda Muqdisho City Club ayaa is badal dhinaca macallinka sameeyay,iyagoo horaanta bisha July xilikii macallinimo u magacaabay Maxamed Mestiri Lamjed oo kasoo jeeda dalka Tuniisiya wuxuuna booskan ka badalay Hussein Mblangu Hassan oo u dhashay dalka Uganda Agaasimaha kooxda kooxda naadiga dowlada hoose Cabdifataax Macallin Yuusuf Fooley ayaa Goobjoog u sheegay ka qeybgalka tartamada qaarada ay u lee yihiin qibrad aad u wanaagsan taasina ay u sahlayso in ay guulo kasoo hooyaan. Xidigaha naadiga dowlaldda hoose oo qaarkooda inoogu warbixiyay diyaar garowkooda ayaa sheegay in ay qaateen tababaro kala duwan tartanka kooxaha CAF Confederation ay ka keenidoonaan natiijooyin maadaam sanadkii lasoo dhaafay tartanka jaamacada carabta ay kusoon hareyn baqtiyaa nasiib Abuukar Maxamed Sheekh oo ah Guddoomiyaha kooxda Muqdisho City Club ayaa shacab gobolka Banaadir u balanqaaday in ay usoo hooydoonaan guulo aad u wanaagsan maadaam markii ugu horeesay mudo dheer ka dib ay ku ciyaaraan magaca caasimada. Si kastaba kooxaha Muqdisho City Club iyo Malindi Sports Club ayaa labo kulan isku arkaya tartanka kooxaha CAF Confedration Cup waxaana kulanka 1-aad ay kuwada dheelayaan magaalada Jabuuti ee dalka Jabuuti,halka ciyaarta 2-aad ay ka dhacaysa wadanka Zanzibar. Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Is Diyaarinta Kooxda Muqdisho City Club W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com