Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,044
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay natiijada imtixaanaadkii shahaadiga ahaa dowladda. Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya Cabdulaahi Goodax Barre oo xalay shaaciyay natiijada imtixaanka ayaa akhriyey war-saxaafadeed ay ku qoran yihiin tirada gudubtay imtixaanka, tirada dhacday iyo 10-ka qof ee kaalinta koowaad ka gashay sannadkaan. Mudane Cabdullaahi Googax Barre ayaa sheegay in ardayda 10-ka ah ee kaalinta koowaad u gudubtay ay dowladda Soomaaliya siin doonto deeq waxbarasho oo lacag la’aan ah dalka iyo dibedda meesha ay doonaan sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale wuxuu sheegay in wasaaraddu ay sameysay Website ay ardaydu si fudud uga heli karaan imtixaanka gaar ahaan arday walba natiijadiisa isagoo gelin doona website-ka www.soneb.gov.so. Halkan hoose ka daawo wasiirka oo faahfaahinaya natiijada PUNTLAND POST The post Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya oo shaacisay natiijada Imtixaanka dowladda appeared first on Puntland Post.
  2. Jowhar (Caasimada Online) – Maamulka Hotel-ka Suubiye ee ku yaalla magaalada Jowhar ee Xarunta HirShabelle ayaa soo saaray amar hoteelka looga mamnuucayo Xildhibaanada iyo Wasiirada HirShabelle. Hotelkaan oo ku yaalla faras magaalaha Jowhar, gaar ahaan Xaafadda Howlwdaag ayaa aad ugu dhow Xarumaha maamulka HirShabelle gaar ahaan Xarumaha Madaxtooyada, Baarlamaanka iyo Xarunta Maamulka Gobalka. Xildhibaanada, Wasiirada iyo shaqaalaha kale ee HirShabelle ayuu hoteelkaan degaan u ahaa waxaana lacagta bil walba lagu dalici jiray Maamulka HirShabelle. Xildhibaanada iyo Wasiirada oo qaar kamid ah la hadlay Caasimada Online ayaa xaqiijiyay arintaan waxaana albaabka hoteelkaan lagu soo dhajiyay amar ah in aysan degi karin Shaqaalaha iyo masuuliyiinta HirShabelle hoteelka Saabir. Dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa ka dambeeyay arintaan waxaana ay amar siiyeen Milkiilaha Hoteelka iyagoo u qabtay muddo kooban in hoteelka looga guuro ama ay soo weerari doonaan. Qof kamid ah maamulka hoteelka oo aan la hadalnay ayaa sheegay in Al-Shabaab ay soo waceen hoteelka Islamarkaana ay amar ku bixiyeen in si deg deg ah hoteelka looga saaro Wasiirada iyo Xildhibaanada ama ay ku soo qaadi doonaan weerar isugu jira dagaal iyo qaraxyo. Al-Shabaab ayaa hore u weeraray hoteello iyo goobo kale oo ganacsi waxaana weerarkii ugu dambeeyay uu ka dhacay hoteelka Cas Caseey ee magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobalka Jubada Hoose. Weerarkaas waxaa ku dhintay 30 qof oo shacab ah waxaana ku dhaawacmay 60 qof oo kale. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  3. Iran has threatened to cut its imports from Brazil unless it allows the refueling of at least two Iranian ships stranded off the Brazilian coast, in a sign of the global repercussions of U.S. sanctions on the Islamic republic. Source: Hiiraan Online
  4. ADDIS ABABA, -- The Chinese-built Ethiopia-Djibouti standard gauge railway on Tuesday received acclaim for driving Ethiopia's import-export endeavors as it leveraged the growing transportation needs of the country. Source: Hiiraan Online
  5. Within this scope, the Hürjet project, which has been evaluated in four main areas of expertise, i.e. flight sciences, aircraft structure, aircraft systems and avionics and electrical systems, have been approved by the evaluation committee in all these areas. Source: Hiiraan Online
  6. Washington, DC - An event in Washington, DC, on Tuesday, billed as the first national gathering of Muslims in politics in United States history, began with a resounding a rebuke of racism and Islamophobia emanating from the White House, and a call for Muslims to become beacons of civic participation. Source: Hiiraan Online
  7. Consumer advocate Ralph Nader on Tuesday urged the Federal Aviation Administration to permanently ground Boeing’s 737 Max jet. Source: Hiiraan Online
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska Ciidamada Booliiska, Milateriga, Nabad Sugidda iyo Asluubta Soomaaliya iyo masuuliyiinta kale ee Qaranka ayaa isku raacay in 2 nuuc oo kamid ah dareeska Ciidamada Soomaaliya aan la isticmaali karin kadib kulamo ka dhacay Muqdisho. Kulamadaan oo kii ugu dambeeyay ka qayb galay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa ka dhacay xarunta Madaxtooyada Soomaaliya iyadoo sidoo kale kulankaasi laga soo saaray digniin culus. Dharkaan oo laba nuuc ka kooban ayaa isugu jira cadaan boor ah oo u muuqaal eg dharka Ciidamada Milateriga Sacuudiga iyo nuuca kale oo ah isla naqshadaas oo cadees ah. Dharkaan ayaa sidoo kale waxaa loo yaqaanaa dareeska Ciidamada Xasilinta, waxaana horey loogu qaybiyay Ciidamadii gaarka ahaa ee Xasilinta balse waxaa hadda la sheegay in Al-Shabaab ay heystaan dharkaas waliba in badan oo kamid ah uu gacanta u galay. Dhinacyada kulanka yeeshay ee soo saaray go’aankaan ayaa sidoo kale go’aamiyay in Askartii lagu arko la qabto hadii ay diidaan qabashana la toogan karo. Afarta talis ee Ciidamada Soomaaliya ayaa lagu wargeliyay in ay fariintaan gaarsiiyaan Ciidamada Soomaaliya islamarkaana dharkaas magaalada iyo guud ahaan dalka looga saaro muddo 30 cisho gudahood. Inkastoo ay hadda ka soo wareegatay dhowr maalmood hadane wali waxaa socoto wargelinta Ciidamada iyadoo wararka qaar ay sheegayaan in Taliyaasha qaar ay gacantooda ku gubeen dharkaan inta laga soo aruuriyay Xeryaha Ciidamada. Al-Shabaab ayaa inta badan si fudud u hela dareeska Ciidamada Soomaaliya waxaana hadda la sheegaa in ayba helaan dharkii ugu dambeeyay ee loo qaybiyay Ciidamada Soomaaliya, gaar ahaan Ciidanka Booliiska dalka, ayada oo aysan caddeyn sida ay u helaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  9. Dowladda Puntland ayaa mar kale ku celisay in baaritaan dhab ah lagu sameeyo eedaymo ku qoran maqaal 22-July lagu daabacay wargeyska New York Times oo dowladda Qatar la xiriiriyay qarax 11-May ee sannadkan ka dhacay bannaanka hore ee maxkamadda derejada kowaad ee magaalada Boosaaso. War-saxaafadeed xalay ka soo baxay madaxtooyada Puntland ayaa looga dalbaday Golayaasha Fulinta iyo Xeer-dejinta dowladda Federaalka Soomaaliya in ay baaritaan dhab ah ku sameeyaan eedaymaha ku qoran maqaalka lagu daabacay New York Times ee dalka Qatar la xiriirinaya qaraxa 11-May ee sannadkan ka dhacay magaalada Boosaaso. Puntland ayaa ballan-qaadday in ay taageeri doonto si buuxda ula shaqeyn doonto baaritaan kasta oo ku saabsan eedaymaha loo jeediyay Qatar ee sheegaya in ay ku lug-lahayd qaraxyadii ka dhacay magaalada Boosaaso. Sidoo kale Puntland waxay sheegtay in ay dhowaan soo bandhigi doonto natiijada ka soo baxday baaritaan ay ku samaysay weeraradii u dambeeyay ee argagixisadu ku fulisay magaalada Boosaaso gaar ahaanna dilkii madaxii shirkadda P&OPorts Paul Anthony Farmosa PUNTLAND POST The post Puntland oo shaacisay in ay soo bandhigayso natiijada baaritaan ay ku samaysay dilkii Paul Anthony Farmosa appeared first on Puntland Post.
  10. Ankara (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibedda Turkey, Mevlut Cavusoglu ayaa wacad ku maray in dalkiisa uu ka aargudan doono Mareykanka haddii uu Ankara cunaqabateyn u saaro soo iibsashadeeda habka difaaca gantaalaha Ruushka ee S-400. “Haddii Mareykanka uu lasoo baxo mowqif cadowtooyo ah oo nagu wajahan, waxaan qaadi doonnaa tallaabooyin aargudasho, sida aan horey u sheegnay. Tani ma ahan hanjabaad ama cayaar cayaar” ayuu yiri Mevlut Cavusoglu. “Ma nihin dal madax u raaricin doona kuwa noo muujiya cadaawad ka dhan ah Turkiga” ayuu yiri wasiirka, oo sheegay in Turkiga aysan marnaba raali ka noqon doonin in loo sheego wixii ay sameyn lahayd. Wasiir Mevlut Cavusoglu ayaa sheegay in si kastaba uu rajeynayo in maamulka Mareykanka uusan qaadin tallaabo noocaas ah. Maamulka Mareykanka ayaa horey ugu hanjabay inuu Turkiga ka saari doono ka qeyb-galka barnaamijka diyaaradaha dagaalka ee F-35, haddii ay soo iibsadaan barnaamijka S-400. Mevlut Cavusoglu ayaa sheegay in Turkey ay baahideeda difaac ka buuxin doonto meelpo kale, haddii Washington aysan siin jiilka shanaad ee diyaaradahan casriga ah ee dagaalka oo ah F-35. Caasimada Online Xafiiska Istanbul caasimada@live.com
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga Qabanqaabada Shirweynaha Dib-u-heshiisiinta Galmudug oo u xilsaaran qaabkii xal waara looga gaari lahaa khilaafaadka bulsho ee ka dhex jira beelaha Galmudug, wuxuu si weyn ugu faraxsan yahay in si habsami leh ugu qabsoomay kulamadoodii hordhaca ahaa ee dar-dar gelinta qorshaha geedi-socodka shirweynaha dib-u-heshiisiinta intii u dhaxeysay 20 – 23ka July 2019. Guddigu wuxuu bogaadinayaa Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo dib-u-heshiisinta iyo dhammaan bulshada reer Galmudug magacaabista iyo taageerada ay guddiga u muujiyeen si khilaafaadka reer Galmudug xal waara looga gaaro. Guddiga Wuxuu uga mahad-naqayaa madaxda sare ee dalka gaar ahaan Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya hawshii baaxadda lahayd ee uu ka qabtay Galmudug muddadii afarta usbuuc ahayd ee uu meelo badan oo ka mida degaannada Galmudug kula kulmay bulshada qaybaheeda kala duwan , taa oo abuurtay jawi sahli kara in reer Galmudug ka heshiin karaan waxyaabihii soo dhex maray iyo dadaalkii mugga lahaa ee Maamulka Dowlad Goboleedka Galmudug ka gaystay suurtagelinta jawi nabadeed. Ugu danbayntii guddigu wuxuu bogaadinayaa kulankii shalay (22 July) ay la yeesheen wakiilada caalamka oo si buuxda u taageray geedi-socodka Shirweyanaha D-ib-heshiisiinta Galmudug. Intaa kadib, guddigu markii uu qiimeeyay xaaladda ka jirta deegaannada Galmudug iyo baahida loo qabo in si deg deg ah loo fidiyo gogol dib-u-heshiisiineed oo lagu lafa guro isla markaana lagu xaliyo khilaafaadka bulsho ee deeagaanada Galmudug wuxuu go’aamiyay:- 1. In ergooyinka ku matalaya beelaha wada dega Galmudug ee tira ahaan loo qoondeeyay beel walba lagu soo xulo, waayo aragnimo la xariirta arrimaha dib-u-heshiisiinta kana kooban qaybaha kala duwan ee bulshada sida; hoggaamiyaasha dhaqanka, culimaa’u-diinka, dhalinyarada, ganacsatada iyo haweenka. 2. In shirweynaha Dib-u-heshiisiinta uu ka dhaco magaalo madaxdada Dawlad Goboleedka Galmudug ee Dhuusamareeb 5ta bisha Agoosto, 2019. 3. In ergooyinka shirweynaha loo qoondeeyay ay soo gaaran goobta shirka 1da Bisha Agoosto, si ay waqti ugu helaan deegaan iyo kulamo gaar-gaar ah. 4. Guddigu wuxuu qoondeeyay in tirada guud ee ergooyinka kasoo qayb gelaya shirka ay noqdaan (356) seddex boqol konton iyo lix ergo. 5. In Wasaaradda Arrimaha Gudaha, iyadoo tixgelinaysa qorshaha guddiga ay diyaariso dhammaan tas-hiilaadka shirweynaha iyo ergooyinka ay u baahanyihiin. 6. Guddigu waxa uu taageero buuxda waydiisanayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Wakiilada Beesha Caalamka u fadhiya Soomaaliya kuna casuumayaa furitaanka shirweynaha. Guddigu wuxa uu bulshada Galmudug ugu baaqayaa in ay taageeraan kalana shaqeeyaan guddiga sidii uu shirweynaha Dib-u-heshiisiinta Galmudug u guuleysan lahaa. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  12. Gabiley (Caasimada Online) ― Wararka naga soo gaaraya magaalada Gabiley ayaa sheegaya in Xukuumada Muuse Biixi ay xabisga dhigeen xildhibaano ka tirsan golaha deegaanka Gabiley. Ciidamada Booliska ayaa xabsiga u taxaabay afar xildhibaano oo ka tirsanaa golahaasi, kuwaasi isla markiiba loo wareejiyey magaalada Hargeysa. Xildhibaanada ka tirsan golaha deegaanka Gabiley ayaa hadda ku xiran xarunta dambi baarista ee Hargeysa, halkaasi oo sida la sheegayo lagu baari doono kiiska xukuumadu u haysato. Wararka aan helayn ayaa waxay sheegayaan in xildhibaanada loo xiray inay ka dambeeyen oo ay abaabulayeen mooshino ka dhan ah maayarka Gabiley, kaasi oo ay rabeen inay xilka kaga tuuran. Warar kale ayaa sidoo kale waxay sheegayan in xildhibaanada lala xiriirinayo inay ka dambeeyen shaqsi ay wareysatay idaacada BBC-da oo sheegtay inuu yahay maayirka magaalada Gabiley. Xarigan xildhibaanada ayaa waxa uu ku soo aadaya xili muran baahsan uu ka jiro golaha deegaanka Gabiley, kaasi oo sababay in golahu uu yeesho labo maayir. Dhinaca kalena, Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland, Maxamed Kaahin Axmed ayaa isagu shalay soo saaray wareegto uu ku mabnuucayo in fadhiyo aan caadi aheyn yeeshan Goleyaasha deegaannada Somaliland, isagoona sheegay in xildhibaannada goleyaasha deegaanka qaarkood ay si khaldan oo fawdo ah u abaabulayaan Mooshino ka dhana Maayarada. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  13. Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo kamid ah Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya xubina a ah Gudiga Baarlamaanka u qaabilsan Amaanka Dalka ayaa si kulul wuxuu uga hadley [...] Source
  14. When tragedy strikes people you have met and known for some time, people with the energy, the ability and the disposition to make changes in their communities and countries: it touches you profoundly Source: Hiiraan Online
  15. Here we are again, mourning yet still another loss of young, vibrant and core of our society—which append to long list victims at the hands of heartless terrorists. First of all, I would like to send my deepest sympathy and condolence to the Somali people Source: Hiiraan Online
  16. Paul Anthony Formos oo ahaa maamulihii Dekada Bosaso wakiilka uga ahaa Shirkada P&O Ports oo hoostimaada PD World waxaa feberaaayo sanadkaan lagu dilay Bosaso, Ninkii [...] Source
  17. Qatar and Somalia denied a news report that suggested Doha had an "interest" in a bombing in northern Somalia carried out by a local armed groupin May. Source: Hiiraan Online
  18. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/Bar___-Qumanaha-__-Wararka-2307-2019.mp3 View the full article
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka mid ahaa xildhibaanno maanta shir jaraa’id qabtay, kana hadlay xaaladda dalka, ayaa sheegay in ay tahay arrin laga walwalo warbixin uu uu soo saaray wargeyska New york times ee dalka Mareykanka ka soo baxa. Wargeyska warbixinta ka soo baxday ayaa sheegay in dowladda Qadar ay ka mid tahay dowladdo falal dil ku ah ammaanka ka geystay Soomaaliya. Sida lagu sheegay warbixinta New York Times, cod uu helay wargeyska oo ah wada-sheekeysi taleefon, ayaa waxaa laga maqlay, Khalifa Kayed al-Muhanadi oo safiirka Qatar ee Soomaaliya Hassan bin Hamza Hashem ku dhahaya “waan ognahay cidda ka dambeysay qaraxyada iyo dilalka.” Al-Muhanadi ayaa sheegay in qaraxyada loo fuliyey “si loogu qasbso Imaaraadka Carabta inay ka cararaan Boosaaso.” Xildhibaan Fiqi ayaa sheegay in ay tahay arrin aan la aqbali Karin, waxaa uuna yri “ Arrinta ay soo saartay New york times ayaa waxaa ay tahay arrin walal nagu beertay, dalkaan waxa ka socda iyo argigisada meesha ay fanka ka hesho, arrintaas guddiga difaaca gudoomiyihiina waa uu joogaa,waxaan dadka soomaaliyeed u sheegeynaa in baaritaankeena iyo xaqeena aan ka gudaneyno waana arrin walwal noo muujineyso runtii” Sidoo kale Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi ayaa nasiib darro ku tilmaamay in safiirka dowladda Qadar u fadhiya dalka,uu wargeysku sheegtay in laga helay cadeymo muu jinaayo in dowladda Qadar ay soomaaliya ka fulisay dilal iyo mashinno lagu qaarijiyay dad ajaanib ah. “ Waxaa nasiib darro ah in la yiraahdo safiirkii dalka Qadar waxa uu ku lug leeyahay mashinno iyo dilal dalka ka dhacay, ayadoo dadka reer Muqdisho ay maalin kaso ay la kulmaan dilal,qaraxyo iyo waxyaabo lamid ah, annaga guddi hoosaadka difaaca ah oo aniga madax u ahay waxaan qaadaneynaa inaan baaritaan sax ah aan galino warbixin sax ahna aan ka soo saarno, haddii uu cadaadana in tilaabada haboon ay qaataan dadka Soomaaliyeed, Baarlamaanka Soomaaliyeedna aan u gudbin doono arrintaasna walwal xoogan ayeey naga muujisay” Dhanka kale Xildhibaanka ayaa sheegay in aan layska indho tiri Karin arrintaan oo ah arrin walwalkeeda leh,waxaa uuna sheegay in Baarlaman ahaan ay waajibkooda gudan doonaan ku aadan arrintaan maanta soo baxday. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  20. Dhuusamareeb (SMN) – Guddiga Qabanqaabada Shirweynaha Dib-u-heshiisiinta Galmudug oo u xilsaaran qaabkii xal waara looga gaari lahaa khilaafaadka bulsho ee ka dhex jira beelaha Galmudug, wuxuu si weyn ugu faraxsan yahay in si habsami leh ugu qabsoomay kulamadoodii hordhaca ahaa ee dar-dar gelinta qorshaha geedi-socodka shirweynaha dib-u-heshiisiinta intii u dhaxeysay 20 – 23ka July 2019. Guddigu wuxuu bogaadinayaa Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo dib-u-heshiisinta iyo dhammaan bulshada reer Galmudug magacaabista iyo taageerada ay guddiga u muujiyeen si khilaafaadka reer Galmudug xal waara looga gaaro. Guddiga Wuxuu uga mahad-naqayaa madaxda sare ee dalka gaar ahaan Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya hawshii baaxadda lahayd ee uu ka qabtay Galmudug muddadii afarta usbuuc ahayd ee uu meelo badan oo ka mida degaannada Galmudug kula kulmay bulshada qaybaheeda kala duwan, taa oo abuurtay jawi sahli kara in reer Galmudug ka heshiin karaan waxyaabihii soo dhex maray iyo dadaalkii mugga lahaa ee Maamulka Dowlad Goboleedka Galmudug ka gaystay suurtagelinta jawi nabadeed. Ugu danbayntii, guddigu wuxuu bogaadinayaa kulankii shalay (22 July) ay la yeesheen wakiilada caalamka oo si buuxda u taageray geedi-socodka Shirweyanaha D-ib-heshiisiinta Galmudug. Intaa kadib, guddigu markii uu qiimeeyay xaaladda ka jirta deegaannada Galmudug iyo baahida loo qabo in si deg deg ah loo fidiyo gogol dib-u-heshiisiineed oo lagu lafa guro isla markaana lagu xaliyo khilaafaadka bulsho ee deeagaanada Galmudug wuxuu go’aamiyay:- 1. In ergooyinka ku matalaya beelaha wada dega Galmudug ee tira ahaan loo qoondeeyay beel walba lagu soo xulo, waayo aragnimo la xariirta arrimaha dib-u-heshiisiinta kana kooban qaybaha kala duwan ee bulshada sida; hoggaamiyaasha dhaqanka, culimaa’u-diinka, dhalinyarada, ganacsatada iyo haweenka. 2. In shirweynaha Dib-u-heshiisiinta uu ka dhaco magaalo madaxdada Dawlad Goboleedka Galmudug ee Dhuusamareeb 5ta bisha Agoosto, 2019. 3. In ergooyinka shirweynaha loo qoondeeyay ay soo gaaran goobta shirka 1da Bisha Agoosto, si ay waqti ugu helaan deegaan iyo kulamo gaar-gaar ah. 4. Guddigu wuxuu qoondeeyay in tirada guud ee ergooyinka kasoo qayb gelaya shirka ay noqdaan (356) seddex boqol konton iyo lix ergo. 5. In Wasaaradda Arrimaha Gudaha, iyadoo tixgelinaysa qorshaha guddiga ay diyaariso dhammaan tas-hiilaadka shirweynaha iyo ergooyinka ay u baahanyihiin. 6. Guddigu waxa uu taageero buuxda waydiisanayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Wakiilada Beesha Caalamka u fadhiya Soomaaliya kuna casuumayaa furitaanka shirweynaha. Guddigu wuxa uu bulshada Galmudug ugu baaqayaa in ay taageeraan kalana shaqeeyaan guddiga sidii uu Shirweynaha Dib-u-heshiisiinta Galmudug u guuleysan lahaa. View the full article