-
Content Count
212,135 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (PP) ─ Ururka Al-shabaab oo sheegtay inay mas’uul ka yihiin qaraxii maalin ka hor ka dhacay xarunta maamulka gobolka Banaadir ee Xamar ayaa sharraxaad dheeraad ah ka bixisay qaabkii ay qaraxaas u filiyeen. War ay kooxdu ku daabacday shakabadaha taageera ayaa lagu sheegay in qaraxaas ay doonayeen inay ku dilayaan ergayga QM ee Somalia, James Swan, balse uu ka badbaaday, kaddib markii qaraxa ay lasoo gudboonaatay cillad sababtay inuu qarxi waayo. Kooxda ayaa sheegtay in qaraxa uu goor-dambe oo maalintaas ah qarxay, ayna dhibaato kasoo gaartay xubno ka tirsan maamulka gobolka Banaadir oo uu ku jiro guddoomiyaha gobolka Banaadir, C/raxmaan Cumar Cismaan [Inj. Yariisow] oo dhaawiciisa loo qaaday dalka Qatar. Sidoo kale, kooxda ayaa sheegtay in qaraxaas uu ahaa mid horay loogu sii diyaariyay miiska shirarka xarunta maamulka Gobolka Banaadir, balse ma sheegin cidda gacan ku siisay in qaraxaas ay goobta ku diyaariso. Hadalka Al-shabaab ayaa wuxuu meesha ka saarayaa hadallo dhawaan la isla dhex-marayay oo sheegayay in qaraxaas ay fulisay haweeney indhaha naafo ka ah oo ka tirsan shaqaalaha maamulka gobolka Banaadir, taasoo isla goobta ku dhimatay. Dhanka kale, Hay’adaha amniga dowladda Soomaaliya – ayaan weli waxr ah kasoo saarin qaraxaas iyo sidii uu u dhacay, waxaase socda baaritaanno lagu sameynayo cidda gacan ka geysatay iyo qaabka xarunta maamulka loo geliyay walxahaan qarxa. Ugu dambeyn, Weerarkaas oo noqonaya kii ugu xumaa noociisa ee si toos ah loola beegsado xarunta maamulka gobolka Banaadir ayaa waxaa ku naf-waayay agaasimayaal iyo guddoomiyeyaal ka tirsan maamulka gobolka oo ay ku jiraan kuwo muhiim ah, waxaana ku dhaawamay tiro kale oo uu ka mid yahay Inj. Yariisow, kuwasoo dhaawacooda loo qaaday dalka Qatar. PUNTLAND POST The post Al-shabaab oo Faah-faahisay sidii loo fuliyay Qaraxii ka dhacay Xarunta Gobolka Banaadir appeared first on Puntland Post.
-
Wasaaradda Arrimaha gudaha iyo Dib u-heshiisiinta dowlad goboleedka Jubaland ayaa shaacsisay in liiska odoyaasha dhaqanka soo xulaya xildhibaannada maamulka ee uu soo saaray guddiga doorashooyinka iyo xuduudaha Jubaland uu yahay mid sax ah oo waafaqsan diiwaanka wasaaradda ee odoyaasha dhaqanka. Wasaaaradda ayaa sheegtay in ay ku tix gelinayso guddiga madaxa-bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha Jubaland waajibaadkooda Dastuuriga ah ee ay ugu horreeyaan qabashada iyo kala hormarinta jadwalka doorashada Jubaland. Jubaland waxay sidoo kale caddaysay in aysan wax wada-shaqeyn ah oo ku saabsan doorashada Jubaland oo dhexmaray ama dhexmari kara Wasaaradda Arrimaha gudaha iyo Dib u-heshiisiinta dowlad goboleedka Jubaland iyo Wasaaradda Arrimaha gudaha iyo Dib u-heshiisiinta xukuumadda Federaalka Soomaaliya. Sidoo kale waxay dowladda Federaalka Soomaaliya ugu baaqday in ay fara-gelinta ka dayso doorashad Jubaland islamarkaana ay ixtiraamto Dastuurka iyo Nidaamka dalka u yaalla ee kala qeexaya awoodaha heer Federaal iyo heer dowladgoboleed. Halkan hoose ka akhriso war-saxaafadeedka PUNTLAND POST The post Jubaland oo sheegtay in doorashadeeda aysan meelna ka soo geli karin dowladda Federaalka Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (SMN) – Gudoomiye ku xigeenka maamulka gobolka Banaadir ayaa shaaciyey in adeegyadii uu maamulku bixin jiray ay si caadi ah ku socdaan. Ibraahim Cumar Mahad-alle ayaa shaaca ka qaaday in laamaha ammaanka ay ku howlan yihiin baaritaanka qaabkii u dhacay weerarkii Arbacadii. Ku simaha gudoomiyaha gobolka Banaadir ayaa intaasi raaciyey in aysan waxba iska bedelin shaqadii gobolka, muwaadiniintana loogu shaqeyn doono sidii hore. Gudoomiye ku xigeenka maamulka iyo maaliyadda gobolka Banaadir ayaa yiri “ugu dambeyntii, [AlShabaab] waan ka adkaan doonaa”. Dadweynaha ayuu ku booriyey in ay is-dejiyaan, kana dhowr-sugaan warbixinta baaritaanka ay sameynayaa laamaha ammaanka. Weerarkii Al-Shabaab ee xarunta gobolka Banaadir ayaa wuxuu galaaftay todoba mas’uul, iyadda oo uu ku dhaawacmay duqa caasimada oo Qadar loo qaadey. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa ballan qaad cusub oo ka dhan ah Al-Shabaab u sameysay dowladda Soomaaliya, kadib qaraxii Arbacadii ka dhacay xarunta dowladda hoose ee Xamar. Safiirka Mareykanka u fadhiya Muqdisho Donald Yamamoto oo ka hadlay weerarkaasi ayaa marka hore Tacsi u diray ehellada ay dadkoodu ku dhinteen, isagoona ku dhaawaca ah u rajeeyey caaafimaad deg deg ah. Donald Yamamoto ayaa sheegay in dowladdiisu cambaareyneyso weerarkaasi oo uu ku tilmaamay mid baahalnimo ah. Dhanka kale wuxuu carabka ku dhuftay in Mareykanka uu xoojinayo taageerada Soomaaliya, islamarkaana uu ka gacan siinayo baabi’inta Argagixisada. “Waxaan xaqiijineynaa ballanqaadkeena xooggan ee aan ku garab taagannahay dadka iyo xukuumadda Soomaaliyeed anagoo gacan ka geysaneyna dadaallada wadajirka ah ee lagu doonayo baabi’inta kooxaha argagixisada iyo dhisida dal adag oo dadkiisa u horseeda barwaaqo iyo mustaqbal wanaagsan.” ayuu yiri Yamamoto. Ugu dambeyn waxa uu amaan iyo boggaadin u jeediyey ciidamada ammaanka iyo kooxaha gurmadka deg dega ah, siday u caawiyeen dadkii ku waxyeeloobay weerarkii gobolka Banaadir. Weerarkan oo ismiidaamin ahaa ayaa waxaa sheegatay Al-Shabaab, waxaana ku dhintay ku dhawaad 10 Qof oo ay ku jiraan guddoomiyeyaal degmo iyo agaasimeyaal heer gobol. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Muqdisho (SMN) – Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxay ka codsatay shacabka in ay laba jibaaraan la shaqeynta hay’addaha ammaanka. Cabdinaasir Saciid Muuse, wasiir ku xigeenka amniga ayaa sheegay in dowladda ay ka go’an tahay ciribtirka Al-Shabaab. Mr Muuse ayaa wuxuu ku nuux-nuux saday in weerarada kooxdaasi aysan u hakan doonin howlaha dib u dhiska dalka, sidda uu hadalka u dhigay. Arbacadii ayey ahayd markii weerar is-miidaamin oo ay Al-Shabaab sheegatay lagu beegsaday xarunta gobolka Banaadir. Dhacdadaasi ayaa galaafatay nolosha todoba mas’uul, waxaana ku dhaawacmay in ka badan tiradaasi oo uu ku jiro duqa caasimada, Cabdiraxmaan Eng Yariisow. View the full article
-
Wanlaweyn (SMN) – Howlgalo ay sameynayaan ciidamadda dowladda Soomaaliya ayaa ka socdo qaybo kamid ah degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeellaha Hoose. Dhaqdhaqaaqan ayaa ka dambeeyay markii askari ka tirsan ciidanka Bangaraafta lagu dilay shalay gelinkii dambe magaaladaasi. Dilka ayaa la sheegay in ay ka dambeeyeen dabley qaab beeleed u abaabulnaa, kuwaasi oo goobta isaga baxsaday durbadiiba. Xoogaga dowladda ayaa isla shalay dhowr qof u soo xiray falkaasi, waxaana saaka la sheegayaa in ay wadaan howlgalka. Qof kamid ah dadka degaanka ayaa Idaacadda Shabelle u sheegay in howlgaladda ay sameeyeen isu socodka degmadda. Mudooyinkii dambe degmada Wanlaweyn waxaa kusoo badanayey dilalka ay maleyshiyaadka hab beeleed u geysanayaan ciidamada dowladda. View the full article
-
Bank and partners prioritise the African Education Fund Abidjan, Côte d’Ivoire, 23 July, 2019 – The African Development Bank, the Association for the Development of Education in Africa and the African Union are recommending the establishment of the African Education Fund as the unique African mechanism to address the challenges of education and skills development in Africa. A joint declaration in support of the African Education Fund was produced after a workshop organised in Abidjan 16 -17 July, 2019 “The African Education Fund is a vision many education stakeholders in Africa have had but could not put into practice. It is no longer just a vision – it is a reality,” Oley Dibba Wadda, the Bank’s Director of human capital, youth and skills development, told more than 50 attendees representing 12 African governments, 4 regional economic communities and other development partners specialising in finance, skills development, and education. Workshop organisers sought inputs from regional member countries on the structure of the African Education Fund and highlighted the need to strengthen its position as a ‘go to’ resource for financing education across the continent. “The AEF is a unique, Africa-initiated and continental mechanism for resourcing post-secondary education in Africa” said Albert Nsengiyumva, Executive Secretary of the Association for the Development of Education in Africa. Beatrice Njenga, Head of the Education Division at the African Union Commission, reminded workshop participants that the Fund was not intended to be a substitute for existing funding mechanisms. “The African Education Fund complements these mechanisms at national and international levels”. Côte d‘Ivoire’s Minister of education and technical, vocational education and training, Kandia K. Camara, opened the workshop, emphasising the need for countries to be accountable and to take ownership of Africa’s education and training. Camara also encouraged participants to pay special attention to supporting girls and people with disabilities in the structure of the fund. The two-day series of presentations, discussions and group sessions explored strategies for financing projects intended to contribute to human capital and skills development across Africa under the banner of the African Education Fund. For more information, please contact: Chawki Chahed, Chief Communications Officer, African Development Bank, email: c.chahed@afdb.org Stefano De Cupis, Senior Communication Officer, ADEA, email: s.decupis@afdb.org Qaran News
-
African Development Bank welcomes Fitch’s affirmation of AAA Rating: Driven by extraordinary shareholder support Abidjan, Côte d’Ivoire, July 25 2019 – The Fitch rating, of the African Development Bank, published 24th July in London, is affirmed as AAA, with a stable outlook, on improved assessments, qualifications and estimates. The rating provides a significant boost for the Bank at a time when it is discussing a substantial general capital increase to finance its strategy and activities over the next few years. Fitch Ratings is one of the leading global providers of credit ratings, commentary and research. The agency upgraded the intrinsic assessment to ‘aa’ from the previous ‘aa-‘driven by an improvement in Fitch’s assessment of the Bank’s business environment. The Bank’s ‘aaa’ support from its shareholders was based on Fitch’s forecasts that the Bank’s net debt will be fully covered by callable capital from ‘AAA’ rated member countries by 2021. The projection assumes shareholder approval of an increase in subscribed capital from 2020, and lending growth averaging 7% year on year in 2019-2021. Other key points from the Fitch rating include the following: The Bank’s solvency assessment of ‘aa’ primarily reflects its ‘strong’ capitalisation. The equity to asset and guarantees ratio remains within the ‘strong’ range. Fitch’s usable capital to risk-weighted assets (FRA) ratio, newly introduced, was just below the threshold for an ‘excellent’ assessment (35%) at end-2018 and is likely to be ‘excellent’ in 2019. Overall risk is rated as ‘low’, with risk management policies seen as conservative and assessed as ‘excellent’. Concentration risk is considered ‘low’ and has benefited from the Exchange Exposure Agreement with other development finance organisations. Equity participation is expected to remain below 5% of the banking portfolio by 2021, in line with the internal limit of 15% of risk capital. FX and interest rate risks are very limited and conservatively managed. The liquidity assessment is ‘aaa’ and the quality of liquid assets is ‘excellent’ The Bank’s business environment now translates into no negative adjustment (from a one notch negative adjustment previously) to the improved intrinsic rating, which reflects a stronger assessment of the bank’s strategy to ‘medium’ risk from ‘high’ risk. The Bank’s outlook is rated as Stable. As the Fitch rating states, the process for a General Capital Increase (GCI-VII) is expected to be completed by end-2019, including a final agreement on its amount. The President of the African Development Bank, Akinwumi Adesina welcomed the assessment and said, “I am delighted by the affirmation of the AAA rating as well as the accompanying explanations, which clearly explain the solid and comprehensive reasons for the overall improvements in the intrinsic rating, as well as the ‘extraordinary support’ we receive from our shareholders. It is a massive boost for the Bank to be encouraged so strongly in the year of the General Capital Increase and with so much hard evidence provided. He added that “It is also a tribute to all our stakeholders, partners, and those who have been working at and with the Bank during this past year. Fitch’s rating is not just about our credit; it speaks volumes for the Bank’s solid achievements, consistent strategy, development impact, leadership, and overall direction.” Qaran News
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee maamulka Jubbaland ayaa heegan buuxa la geliyey, kadib go’aankii uu maamulkaasi xiriirka ugu jaray dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Wasiirka waarfaafinta dowlad goboleedka Jubbaland Injineer Cabdi Xuseen oo la hadlay warbaahinta ayaa shaaciyey in dhammaan in ciidamada maamulkaasi ay u diyaar garoobeen ka hortaga falal uu sheegay inay maleegayaan cadowga Jubbaland. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in si weyn loo adkeeyey amniga magaallo Xeebeedka Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Injineer Cabdi Xuseen ayaa carabka ku adkeeyey in go’aankoodii ahaa in mas’uuliyiinta dowladda aysan tagi karin deegaanada maamulkaasi uu weli sidiisii yahay, islamarkaana ay dhaqan gelin doonaan, inta ay ka dhaceyso doorashada dowlad goboleedka Jubbaland. Arrintan ayaa qeyb ka ah dadaallo uu doonayo Axmed Madoobe inuu kaga hor imaado dowladda Soomaaliya oo isku dayeyso inay meesha ka saarto, si uu isbedal uga dhaco halkaasi. Doorashada Madaxweynaha iyo mida Baarlamaanka Jubbaland ayaa dhici doonto bisha soo socota ee Augusto, lamana oga tallaabada xigta ee ay qaadi doonto dowladda dhexe, maadaama maamulka Axmed Madoobe uu ka qaatay go’aan culus. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
-
Marka (SMN) – Wararka naga soo gaaraya magaaladda Marka ee xarunta gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in ay halkaasi ka taagan tahay xiisad. Xiisadda oo laga cabsi qabo in gacan ka hadal isku rogto ayaa salka ku haysa iska hor-imaad dhex-maray ciidamo kawada tirsan dowladda. Isku dhacaasi oo galaaftay nolosha tobban ruux ayaa yimid ka gedaal markii ay isku qabteen xoogaga Khaad, sidda la sheegay. Tobanaan kale oo ku dhaawacmay ayaa kuwa waxyeeladoodu daran tahay la sheegayaa in loosoo qaadayo magaala madaxda dalka ee Muqdisho. Kulamo ay garwadeen ka yihiin dhinacyo kala duwan oo xiisadaasi lagu xalinayo ayaa waxaa lasoo warinayaa in ay socdaan. Xaaladda Marka ayaa haatan mid degan, balse waxaa lagu waramayaa in ay tahay mid aanan cago badan ku taagneyn. Inta badan dagaaladda dhex-maray ciidamada dowladda ayaa ah kuwa soo laab-laabta, mana muuqato dedaalo wax looga qabanyo arrintaasi. View the full article
-
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kulan muhiim ah isugu yeeray Taliyeyaasha laamaha amniga ee u xilsaaran sugidda amniga Caasimadda ayaa su’aalo ka waydiiyay qaraxii ka dhacay aqalka dowladda hoose ee Xamar. Madaxweynaha ayaa ka dhegaystay Taliska Ciidanka Booliska warbixin gaar ah oo ku saabsan masuuliyadda gaabiskii amni ee dhacay iyo halka ay marayaan baaritaannadii ay ku sameynayeen qaraxii Arbacadii. Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Warbaahinta Madaxtooyada Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa sheegay in madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu faray Xukuumadda in ay si degdeg ah ula timaaddo qorshe dhammeystiran oo ku aaddan hannaanka la dagaallanka dadka sida tooska ah iyo sida dadban u gacan siiya argagixisada Alshabaab. “Suurta gal maha in ay nagu dhex jiraan dadka gacanta siinaya argagixisada dadkeenna dhibaataynaya. Waxaa laga sugayaa Xukuumadda in ay la timaado qorshe lagula dagaallamayo dadkaas.” Ayuu yiri Agaasimaha Warfaafinta. Dhankooda, Guddiga Gurmadka Caafimaad ee dhaawacyadii qaraxan naf-hallignimada ahaa ayaa la wadaagay Madaxweynaha xogta xaaladda caafimaad ee dhaawacyada iyo dadaalkii ballaarnaa ee ay Xukuumaddu ku bixisay sidii loogu heli lahaa gargaar caafimaad oo dhammeystiran. Xubnaha Guddigan ayaa tilmaamay in qaar ka mid ah dadkii ku dhaawacmay weerarradii argagixisanimo ee ka dhacay magaalooyinka Kismaayo iyo Boosaaso ay qayb ka ahaayeen dhaawacyadan caawa la qaaday. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Alle uga baryey in uu caafimaad degdeg ah siiyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) iyo dhammaan masuuliyiintii ku dhaawacmay falkan waxashnimada ah ee ay geysteen argagixisadu, isaga oo sidoo kalena janno iyo naxariis ugu duceeyey masuuliyiintii ku shahiiday. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay Hay’adaha Amniga iyo Guddiga Gurmad Qaraxii D/Hoose ee Xamar appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kulan muhiim ah isugu yeeray Taliyeyaasha laamaha amniga ee u xilsaaran sugidda amniga Caasimadda ayaa su’aalo ka waydiiyay qaraxii ka dhacay Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar. Madaxweynaha ayaa ka dhegaystay Taliska Ciidanka Booliska warbixin gaar ah oo ku saabsan masuuliyadda gaabiskii amni ee dhacay iyo halka ay marayaan baaritaannadii ay ku sameynayeen qaraxii Arbacadii. Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Warbaahinta Madaxtooyada Mudane Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa sheegay in Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu faray Xukuumadda in ay si degdeg ah ula timaaddo qorshe dhammeystiran oo ku aaddan hannaanka la dagaallanka dadka sida tooska ah iyo sida dadban u gacan siiya argagixisada Alshabaab. “Suurta gal maha in ay nagu dhex jiraan dadka gacanta siinaya argagixisada dadkeenna dhibaataynaya. Waxaa laga sugayaa Xukuumadda in ay la timaado qorshe lagula dagaallamayo dadkaas.” Ayuu yiri Agaasimaha Warfaafinta. Dhankooda, Guddiga Gurmadka Caafimaad ee dhaawacyadii qaraxan naf-hallignimada ahaa ayaa la wadaagay Madaxweynaha xogta xaaladda caafimaad ee dhaawacyada iyo dadaalkii ballaarnaa ee ay Xukuumaddu ku bixisay sidii loogu heli lahaa gargaar caafimaad oo dhammeystiran. Xubnaha Guddigan ayaa tilmaamay in qaar ka mid ah dadkii ku dhaawacmay weerarradii argagixisanimo ee ka dhacay magaalooyinka Kismaayo iyo Boosaaso ay qayb ka ahaayeen dhaawacyadan caawa la qaaday. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Alle uga baryey in uu caafimaad degdeg ah siiyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) iyo dhammaan masuuliyiintii ku dhaawacmay falkan waxashnimada ah ee ay geysteen argagixisadu, isaga oo sidoo kalena janno iyo naxariis ugu duceeyey masuuliyiintii ku shahiiday. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/Warka-Subax-26072019.mp3 View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Dowladda Maraykanka waxa ay si xoogan u cambaareynaysa weerarka 24-kii July ka dhacay Muqdisho, waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirtey qoysaska iyo saaxiibbada dhibanayaasha la dilay. Waxaan siddoo kale u duceeneynaa dadka ku dhaawacmay oo uu ka mid yahay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cabdirahmaan Cumar Cusman,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay safiirka Washington. Danjiraha ayaa ammaanay ciidamada Soomaaliyeed iyo shaqaallaha gurmadka degdeg ah ee caawiyey dadkii dhaawacmay. “Waxaan xaqiijineynaa ballanqaadkeena xooggan ee aan ku garab taagannahay dadka iyo xukuumadda Soomaaliyeed anagoo gacan ka geysaneyna dadaallada wadajirka ah ee lagu doonayo baabi’inta kooxaha argagixisada iyo dhisida dal adag oo dadkiisa u horseeda barwaaqo iyo mustaqbal wanaagsan,” ayuu raaciyey. Ku dhowaad todoba qof oo badankooda ah mas’uuliyiin ayaa ku dhimatay dhacdadaasi, sidoo kale waxaa ku dhaawacantay in ka badan sideed oo uu ku jiro duqa caasimada oo dhaawacyadooda loo qaadey dalka Qadar. View the full article
-
Some 152 soldiers graduated from Turkey’s largest overseas military training camp in Somalia, Turkish Defense Ministry announced Thursday. Source: Hiiraan Online
-
Deployed in one of the world's most dangerous conflicts, Somali soldiers risking their lives daily against Al-Shabaab insurgents were growing weary of being paid months late and shortchanged by their superiors. Source: Hiiraan Online
-
WhatsApp is reportedly launching a payments system later this year, starting in India. Will Cathcart, the Facebook subsidiary's global head, said Wednesday it has been testing its payments in India since last year, according to Business Today. Source: Hiiraan Online
-
The mayor of Somalia's capital, Mogadishu, is to be flown to Turkey for treatment along with several others injured in Wednesday's suicide attack that killed six people, officials have told BBC Somali. Source: Hiiraan Online
-
The East African bloc on Thursday condemned the suicide attack that took place in the offices of Mogadishu's mayor on Wednesday which left seven government officials dead with the mayor among those injured. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kulan muhiim ah isugu yeeray Taliyeyaasha laamaha amniga ee u xilsaaran sugidda amniga Caasimadda ayaa su’aalo ka waydiiyay qaraxii ka dhacay Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar. Madaxweynaha ayaa ka dhegaystay Taliska Ciidanka Booliska warbixin gaar ah oo ku saabsan masuuliyadda gaabiskii amni ee dhacay iyo halka ay marayaan baaritaannadii ay ku sameynayeen qaraxii Arbacadii. Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Warbaahinta Madaxtooyada Mudane Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa sheegay in Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu faray Xukuumadda in ay si degdeg ah ula timaaddo qorshe dhammeystiran oo ku aaddan hannaanka la dagaallanka dadka sida tooska ah iyo sida dadban u gacan siiya argagixisada Alshabaab. “Suurta gal maha in ay nagu dhex jiraan dadka gacanta siinaya argagixisada dadkeenna dhibaataynaya. Waxaa laga sugayaa Xukuumadda in ay la timaado qorshe lagula dagaallamayo dadkaas.” Ayuu yiri Agaasimaha Warfaafinta. Dhankooda, Guddiga Gurmadka Caafimaad ee dhaawacyadii qaraxan naf-hallignimada ahaa ayaa la wadaagay Madaxweynaha xogta xaaladda caafimaad ee dhaawacyada iyo dadaalkii ballaarnaa ee ay Xukuumaddu ku bixisay sidii loogu heli lahaa gargaar caafimaad oo dhammeystiran. Xubnaha Guddigan ayaa tilmaamay in qaar ka mid ah dadkii ku dhaawacmay weerarradii argagixisanimo ee ka dhacay magaalooyinka Kismaayo iyo Boosaaso ay qayb ka ahaayeen dhaawacyadan caawa la qaaday. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Alle uga baryey in uu caafimaad degdeg ah siiyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) iyo dhammaan masuuliyiintii ku dhaawacmay falkan waxashnimada ah ee ay geysteen argagixisadu, isaga oo sidoo kalena janno iyo naxariis ugu duceeyey masuuliyiintii ku shahiiday.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Warbaahinta kooxda Al-Shabaab ayaa sheegay in qaraxii ka dhacay xarunta maamulka gobolka Banaadir uu ahaa mid goobta lagu sii diyaariyey. Warbaahinta Al-Shabaab oo soo xiganaysa xubno ka tirsan kooxda oo aan la magacaabin ayaa sheegtay in qaraxaas loo adeegsaday “maaddo qaraxda oo lagu sii diyaariyay gudaha xarunta maamulka gobolka Banaadir.” Sarkaalka lasoo xigtay oo aan la shaacin magaciisa ayaa sheegay in uu qaraxu ku diyaarsanaa gudaha xarunta islamarkaana loogu talagalay in lagu beegsado wakiilka gaarka ah ee QM u jooga Soomaaliya James Swan. Waxaa sidoo kale ay sheegeen in “cillado farsamo oo dhacay darteed ay maadadu qarxi weysay intii uu joogay wakiilka balse ay goor dambe ku qaraxday saraakiisha maamulka gobolka Banaadir” oo halkaas ku shirayay. Warkan cusub ee ah in qaraxu ku diyaarsanaa xarunta ayaa ka duwan kan maamulka gobolka oo ah inay is-qarxisay haweeney nafteeda haligtay. Hadalka Shabaab ayaa u muuqda mid is-burinaya ujeedkuna yahay in lagu taageero sheegashada ah in qaraxa lala beegsaday James Swan, taasi oo khuburada amniga ku sheegeen isku day weerarka looga dhigayo mid caalami ah. Khuburada amniga ayaa rumeysan in qaraxan iyo booqashada Swan ay ka dhaxeysay kaliya inay si kam ah isugu soo aadeen. Waxa ugu weyn ee hadalka Shabaab burinaya ayaa ah xaqiiqda ah in sheegeen in qaraxu markii hore u qarxi cillado farsamo, taasi oo dhalineysa su’aasha ah “haddii marki hore cilad darteed u qarxi waysay maadada, sidee markii dambe ku qarxay, yaa u tagay maadada oo ciladii ka saaray?” Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com