-
Content Count
212,085 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kulan muhiim ah isugu yeeray Taliyeyaasha laamaha amniga ee u xilsaaran sugidda amniga Caasimadda ayaa su’aalo ka waydiiyay qaraxii ka dhacay aqalka dowladda hoose ee Xamar. Madaxweynaha ayaa ka dhegaystay Taliska Ciidanka Booliska warbixin gaar ah oo ku saabsan masuuliyadda gaabiskii amni ee dhacay iyo halka ay marayaan baaritaannadii ay ku sameynayeen qaraxii Arbacadii. Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Warbaahinta Madaxtooyada Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa sheegay in madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu faray Xukuumadda in ay si degdeg ah ula timaaddo qorshe dhammeystiran oo ku aaddan hannaanka la dagaallanka dadka sida tooska ah iyo sida dadban u gacan siiya argagixisada Alshabaab. “Suurta gal maha in ay nagu dhex jiraan dadka gacanta siinaya argagixisada dadkeenna dhibaataynaya. Waxaa laga sugayaa Xukuumadda in ay la timaado qorshe lagula dagaallamayo dadkaas.” Ayuu yiri Agaasimaha Warfaafinta. Dhankooda, Guddiga Gurmadka Caafimaad ee dhaawacyadii qaraxan naf-hallignimada ahaa ayaa la wadaagay Madaxweynaha xogta xaaladda caafimaad ee dhaawacyada iyo dadaalkii ballaarnaa ee ay Xukuumaddu ku bixisay sidii loogu heli lahaa gargaar caafimaad oo dhammeystiran. Xubnaha Guddigan ayaa tilmaamay in qaar ka mid ah dadkii ku dhaawacmay weerarradii argagixisanimo ee ka dhacay magaalooyinka Kismaayo iyo Boosaaso ay qayb ka ahaayeen dhaawacyadan caawa la qaaday. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Alle uga baryey in uu caafimaad degdeg ah siiyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) iyo dhammaan masuuliyiintii ku dhaawacmay falkan waxashnimada ah ee ay geysteen argagixisadu, isaga oo sidoo kalena janno iyo naxariis ugu duceeyey masuuliyiintii ku shahiiday. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay Hay’adaha Amniga iyo Guddiga Gurmad Qaraxii D/Hoose ee Xamar appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kulan muhiim ah isugu yeeray Taliyeyaasha laamaha amniga ee u xilsaaran sugidda amniga Caasimadda ayaa su’aalo ka waydiiyay qaraxii ka dhacay Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar. Madaxweynaha ayaa ka dhegaystay Taliska Ciidanka Booliska warbixin gaar ah oo ku saabsan masuuliyadda gaabiskii amni ee dhacay iyo halka ay marayaan baaritaannadii ay ku sameynayeen qaraxii Arbacadii. Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Warbaahinta Madaxtooyada Mudane Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa sheegay in Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu faray Xukuumadda in ay si degdeg ah ula timaaddo qorshe dhammeystiran oo ku aaddan hannaanka la dagaallanka dadka sida tooska ah iyo sida dadban u gacan siiya argagixisada Alshabaab. “Suurta gal maha in ay nagu dhex jiraan dadka gacanta siinaya argagixisada dadkeenna dhibaataynaya. Waxaa laga sugayaa Xukuumadda in ay la timaado qorshe lagula dagaallamayo dadkaas.” Ayuu yiri Agaasimaha Warfaafinta. Dhankooda, Guddiga Gurmadka Caafimaad ee dhaawacyadii qaraxan naf-hallignimada ahaa ayaa la wadaagay Madaxweynaha xogta xaaladda caafimaad ee dhaawacyada iyo dadaalkii ballaarnaa ee ay Xukuumaddu ku bixisay sidii loogu heli lahaa gargaar caafimaad oo dhammeystiran. Xubnaha Guddigan ayaa tilmaamay in qaar ka mid ah dadkii ku dhaawacmay weerarradii argagixisanimo ee ka dhacay magaalooyinka Kismaayo iyo Boosaaso ay qayb ka ahaayeen dhaawacyadan caawa la qaaday. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Alle uga baryey in uu caafimaad degdeg ah siiyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) iyo dhammaan masuuliyiintii ku dhaawacmay falkan waxashnimada ah ee ay geysteen argagixisadu, isaga oo sidoo kalena janno iyo naxariis ugu duceeyey masuuliyiintii ku shahiiday. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/Warka-Subax-26072019.mp3 View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Dowladda Maraykanka waxa ay si xoogan u cambaareynaysa weerarka 24-kii July ka dhacay Muqdisho, waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirtey qoysaska iyo saaxiibbada dhibanayaasha la dilay. Waxaan siddoo kale u duceeneynaa dadka ku dhaawacmay oo uu ka mid yahay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cabdirahmaan Cumar Cusman,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay safiirka Washington. Danjiraha ayaa ammaanay ciidamada Soomaaliyeed iyo shaqaallaha gurmadka degdeg ah ee caawiyey dadkii dhaawacmay. “Waxaan xaqiijineynaa ballanqaadkeena xooggan ee aan ku garab taagannahay dadka iyo xukuumadda Soomaaliyeed anagoo gacan ka geysaneyna dadaallada wadajirka ah ee lagu doonayo baabi’inta kooxaha argagixisada iyo dhisida dal adag oo dadkiisa u horseeda barwaaqo iyo mustaqbal wanaagsan,” ayuu raaciyey. Ku dhowaad todoba qof oo badankooda ah mas’uuliyiin ayaa ku dhimatay dhacdadaasi, sidoo kale waxaa ku dhaawacantay in ka badan sideed oo uu ku jiro duqa caasimada oo dhaawacyadooda loo qaadey dalka Qadar. View the full article
-
Some 152 soldiers graduated from Turkey’s largest overseas military training camp in Somalia, Turkish Defense Ministry announced Thursday. Source: Hiiraan Online
-
Deployed in one of the world's most dangerous conflicts, Somali soldiers risking their lives daily against Al-Shabaab insurgents were growing weary of being paid months late and shortchanged by their superiors. Source: Hiiraan Online
-
WhatsApp is reportedly launching a payments system later this year, starting in India. Will Cathcart, the Facebook subsidiary's global head, said Wednesday it has been testing its payments in India since last year, according to Business Today. Source: Hiiraan Online
-
The mayor of Somalia's capital, Mogadishu, is to be flown to Turkey for treatment along with several others injured in Wednesday's suicide attack that killed six people, officials have told BBC Somali. Source: Hiiraan Online
-
The East African bloc on Thursday condemned the suicide attack that took place in the offices of Mogadishu's mayor on Wednesday which left seven government officials dead with the mayor among those injured. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kulan muhiim ah isugu yeeray Taliyeyaasha laamaha amniga ee u xilsaaran sugidda amniga Caasimadda ayaa su’aalo ka waydiiyay qaraxii ka dhacay Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar. Madaxweynaha ayaa ka dhegaystay Taliska Ciidanka Booliska warbixin gaar ah oo ku saabsan masuuliyadda gaabiskii amni ee dhacay iyo halka ay marayaan baaritaannadii ay ku sameynayeen qaraxii Arbacadii. Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Warbaahinta Madaxtooyada Mudane Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa sheegay in Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu faray Xukuumadda in ay si degdeg ah ula timaaddo qorshe dhammeystiran oo ku aaddan hannaanka la dagaallanka dadka sida tooska ah iyo sida dadban u gacan siiya argagixisada Alshabaab. “Suurta gal maha in ay nagu dhex jiraan dadka gacanta siinaya argagixisada dadkeenna dhibaataynaya. Waxaa laga sugayaa Xukuumadda in ay la timaado qorshe lagula dagaallamayo dadkaas.” Ayuu yiri Agaasimaha Warfaafinta. Dhankooda, Guddiga Gurmadka Caafimaad ee dhaawacyadii qaraxan naf-hallignimada ahaa ayaa la wadaagay Madaxweynaha xogta xaaladda caafimaad ee dhaawacyada iyo dadaalkii ballaarnaa ee ay Xukuumaddu ku bixisay sidii loogu heli lahaa gargaar caafimaad oo dhammeystiran. Xubnaha Guddigan ayaa tilmaamay in qaar ka mid ah dadkii ku dhaawacmay weerarradii argagixisanimo ee ka dhacay magaalooyinka Kismaayo iyo Boosaaso ay qayb ka ahaayeen dhaawacyadan caawa la qaaday. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Alle uga baryey in uu caafimaad degdeg ah siiyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) iyo dhammaan masuuliyiintii ku dhaawacmay falkan waxashnimada ah ee ay geysteen argagixisadu, isaga oo sidoo kalena janno iyo naxariis ugu duceeyey masuuliyiintii ku shahiiday.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Warbaahinta kooxda Al-Shabaab ayaa sheegay in qaraxii ka dhacay xarunta maamulka gobolka Banaadir uu ahaa mid goobta lagu sii diyaariyey. Warbaahinta Al-Shabaab oo soo xiganaysa xubno ka tirsan kooxda oo aan la magacaabin ayaa sheegtay in qaraxaas loo adeegsaday “maaddo qaraxda oo lagu sii diyaariyay gudaha xarunta maamulka gobolka Banaadir.” Sarkaalka lasoo xigtay oo aan la shaacin magaciisa ayaa sheegay in uu qaraxu ku diyaarsanaa gudaha xarunta islamarkaana loogu talagalay in lagu beegsado wakiilka gaarka ah ee QM u jooga Soomaaliya James Swan. Waxaa sidoo kale ay sheegeen in “cillado farsamo oo dhacay darteed ay maadadu qarxi weysay intii uu joogay wakiilka balse ay goor dambe ku qaraxday saraakiisha maamulka gobolka Banaadir” oo halkaas ku shirayay. Warkan cusub ee ah in qaraxu ku diyaarsanaa xarunta ayaa ka duwan kan maamulka gobolka oo ah inay is-qarxisay haweeney nafteeda haligtay. Hadalka Shabaab ayaa u muuqda mid is-burinaya ujeedkuna yahay in lagu taageero sheegashada ah in qaraxa lala beegsaday James Swan, taasi oo khuburada amniga ku sheegeen isku day weerarka looga dhigayo mid caalami ah. Khuburada amniga ayaa rumeysan in qaraxan iyo booqashada Swan ay ka dhaxeysay kaliya inay si kam ah isugu soo aadeen. Waxa ugu weyn ee hadalka Shabaab burinaya ayaa ah xaqiiqda ah in sheegeen in qaraxu markii hore u qarxi cillado farsamo, taasi oo dhalineysa su’aasha ah “haddii marki hore cilad darteed u qarxi waysay maadada, sidee markii dambe ku qarxay, yaa u tagay maadada oo ciladii ka saaray?” Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska qaybta Booliiska Soomaaliya ee gobalka Banaadir ayaa wada diyaarinta Sharci cusub oo isbadal loogu sameynayo qodob kamid ah Sharuucda cadeyneysa Xuquuqda muwaadinka islamarkaana saameyn ku leh shaqada Booliska. Saraakiil ka tirsan Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya ayaa Caasimada Online u sheegay in Taliska Booliiska Gobalka ay soo gudbiyeen in la dhareeyo waqtiga ay Maxkamad la’aan xabsi ku heyn karaan dadka la soo qabto oo soo gala gacanta Ciidamada Booliiska ka hor inta aan la saarin Maxkamad. Dalabka Ciidamada Booliiska ayaa ah in 48 saac aysan ku filneyn oo ay u baahan yihiin in la siiyo ugu yaraan 90 cesho si baaritaan dheer loogu sameeyo qofkii laga shakiyo kadibna la horgeeyo Maxkamad, wixii markaas ka dambeeyana go’aan Maxkamad lagu sii daayo ama lagu sii haayo. Dadka aan la hadalnay ayaa noo sheegay in Sharcigaan loo gudbin doono Golaha Wasiirada markii uu ka soo dhamaado Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaliya Xasan Cali Kheyre. Dastuurka dalka iyo xeerarka kale ee dalka u yaalo ayaa tilmaamaya in qofka muwdaanka ah aan Xabsi lagu sii heyn karin muddo ka badan 48 saac, iyadoo aan ku dhicin Xukun Maxkamadeed. Arintaan ayaa Taliska Booliiska Gobalka Banaadir waxay u arkaan in ay aad u yartahay islamarkaana aysan qof uga dhamaan karin muddo 48 saac oo ay u baahan yihiin waqti ku filan oo ay baaritaan ku sameeyaan. Haddii ay arintaan dhacdo waxay noqon doontaa dhibaato daran oo ay wajahaan Shacabka Soomaaliyeed madaama ay noqonayso in go’aanka loo gacan geliyay Booliiska garsoorkiina meesha laga saaray. Sidoo kale arintaan ayaa waxay noqoneysaa in hoos loo dhigay adeegga Garsoorka isamarkaana la baneestay ku xadgudubka Xuquuqda Muwaadinka Soomaaliyeed. Lama oga go’aanka uu ka qaadan doono Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo Xubnaha Golaha Wasiirada. Sidoo kale lama oga go’aanka ay ka qaadan doonaan Baarlamaanka dalka hadii sharcigaan la horgeeyo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Kismaayo (Caasimadda Online) – War-saxaafadeed ka soo baxay Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa looga jawaabay qoraal ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, kaasoo lagu tilmaamay inuu yahay mid hareer marsan sharciga iyo Dastuurka Kumeel gaarka ah. Jubbaland ayaa sheegtay in dowladda Federaalka ay faragelin qaawan ku heyso arrimaha doorashooyinka, isla markaana ugu baaqday Beesha Caalamka inay si dhow ula socdaan, wixii caaqib ah ee ka dhasha fara gelintaas. Halkaan ka daawo Wararkii ugu dambeeyey qaraxii Xarunta Gobolka Banaadir iyo liiska dhimashada Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Puntland Lacag ayaa Dowladdu federalka ugu deeqday dhismaha wadada Boosaaaso. Lacagtan waxaan oran karaa Bam ka weyn, waxay u muuqatay Kasbo ay Dowladdu ku ogaaneyso Xikmadda Madaxda Maamulka & Mowqifka shacab weynaha Puntland. . Falkan ay Dowladdu deeqda ku bixisay boqol waji oo xun & ka badan oo wanaag leh ayaa loo dhigi karaa, loona fasari karaa. wajiga qura ee aan qaadanay waa kan dadkii kala dilay, waa kan abuuruay af-lagaado & caay anshax xumo gaarsiisan. waxuu kala dilay Saaxiibo aragtidaa yar isla waayay, waliba dadka qaar waxay dhigteen jaamacdo, qaarkood ayaa heysta shahaadada sare (PHD) waxayna qorayaan afkaar & macno Awoowaha aan Alifka dhigan uusan ku dhiiran karin. Yaa qaadaya mas,uuliayada xumaantaa leh…??? Yaa Jiilka soo koraya ee raba in ay aduun weynaha wax la qeybsadaan jidka xun & dhiilada aan cimriga laheyn galiyay..?? yaa qiimaha Dowladnimo & macnaha hoggaan dilay oo ku soo dhameeyay fal yar oo looga gudbi karo si degan oo aan jabaq laheyn…??? Inataba waxaa Ma,suul ka ah Hoggaamiyaasha Soomaali…. Dowaldda haddaan xumeyno talaabadeed Maamul ahaan ma saxna. Xoolaha Dowladdu hal mar si sahlan jeebka loogama soo bixiyo. haddi la khaldamo oo Wasiiirku iska soo siiban karo Doolarka Dowladda waxaa jira xeer & Nidaam Lacagta baxeysa u degsan, haddii ay ku socoto Maamul Gobol oo Nidaam ahaan ka baxsan Dowladda dhexe ayaduna waa mid ka sii daran oo hooos tageysa Dastuurka Guud ee Dowladda Federaalka kala hagaya…. Haddiiba ay Dowladdu ku dhiiratay falkaa, maamulka Puntlan falkan si siyaasadeysan uma qeexin. Inta ay abuurtay talaaabada ay qaadeen oo ah in ay Lacagta joojiyaan, Gudigii Wadadana soo xiraan ma aysan abuuri laheyn dhacdadan haddi Maamulka Puntland uu ka aamusi alahaa. Waxaad mooddaa Hoggaamiyaha Soomaali markuu Madaxyahay oo uu Magac weyn wato & waaguuu Caruurtaa ahaa isku si in uu dhacadada ula fal galo. kursiga Madax ee uu hadda fadhiyo & Dugsigii Hoose uu soo dhigtay waxaa kala bara da,da & qaab Labiska bes, laaakin Caqliga & Misaanku waa mid. Waxaa Madaxda Puntland La gudboonaa in ay arintan qiimeeyaan. haddii la taliyaasha Madaxweyanaha & Xubnaha Golaha Wasiiradu uu dheeh ka galao go,aanka ugu suuban waxay u aheyd in ay la kaashadaan la-taliyaal banaaanka ah, si gaar ah aqoonayahno Siyaasada soo dhigtay, nasiib xumo Falka maamulka Puntland qaaday waxuu feyday garashada Siyaasi & heerka Hoggaan ay madaxdeeenu ka joogaan maaareynta dhacdooyinka xasaradaha abuuri kara… . Tusaale. Falka madaxda Puntland waxaa taageero badan ku helay Madaxad Dowladda federaalka, oo ayagu buun-buuninta kursiga ku jooga. Dhanka kale Gudiga Dhismaha Wadada Boosaso ayagoo awalba ammaan mudnaa ayaa haddana waxaa magaci & mamuski u sii kordhiyay Xariga & talaabada laga qaaday Lacagta. intaa waxaa ka daran Buuqa ka soo yeeeray Xildhibaanada qaar oo diiday talaabada Maamulka Puntland ka qaaaday Lacagta Dowladda Federalka. tan oo la dhihi karo waa gogol xaar ah in Riawayadihi ay dhigi jireen Xildhibaanada Muqdisho ay alifaadoodu dib uga bilaabato Garoowe. Intaaas & tusaale ka sii badanba waxaa dhaliyay go,aankakhaldamay ee Madaxda Maamulka Puntland. Gabagabo. haddaad rabto in aad sawirato dhibaatooyinka Siyaasi ee Soomaaliya & sababaha ay Hoggamiyaasheenu ugu guul dareeysteen in ay maareeyaan Khilaafka Siyaaasi waxaad kor istaagtaa Khilaafkan ay abuurtay Dowladda Federaalka & Talaabada ay qaadeen maamulka Puntland. Xasilooni Siyaaasi… W/Q: Mahdi Muse mahdimuse13@gmail.com AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Inta ku dhimatay qaraxii shalay Allah u naxriisto, inta dhaawaca ahna, caafimaad degdeg Allah siiyo. Inta badan, nin weliba geeridii iyo dhaawaca qofkii quseysay ayuu la qiirooday, inta kalena Allah u naxriisto. Balaayada adiga kaa maqan qeyrkaa bay ku maqantahay. Tiro male qaraxyadu, dhimashada iyo dhaawacana ka daran. Marka ay mashaqada dhacdo mid kasta wuxuu lasoo boodaa dhaleeceyn iyo dhoocaar ku socota, dowladda iyo madaxdeeda. Waxaa la is weydiiyaa su’aalo badan oo ka mid aha “ sidee qaraxu ku dhacay?, side kusoo gudbay?, maxaa loo baari waayay, maxaa kusoo beegay iyo kuwo lamida! Maxaa libaax loo jeedo raadkiisa loo raadinayaa?!! Ninna kuma dhiirado inuu dhaleeceeyo cidda sheegatay mas’uuliyadda qaraxa. Qofna ma darso waxa daa’imiyay qaraxyada. Midna isma weydiiyo maxaa mashaqadan loo maareyn la’yahay, qof saadaaliya majiro halka ay sartu ka qurunsantahay! Soomalidu waxay ku maahmaahdaa “Qur’aanka alifka ka halaaba Albaqra kuma tooso”. Qaraxyada waxba lagama qaban karo iyadoon la is weydiin sidee qarax looga hortagi karaa. Marka ay timaado warcelinta SIDEE ayey imaan kartaa xalka SIDAAN. Sideedaba in amni la sugo waxaa ka horeysa in caddaalad la helo, taasna sir ma ahoo, reer galbeedka marka iyaga dhexdooda ay cadaalada isku sameeyeen ayaa Ilaahey amni siiyay. Ma ahan wax caad saaran in Soomaliya guud ahaan aysan caddaalad ka jirin. Qolo kasta howsheeda uu qabiil ku dhisanyahay. Majo ilaa madax, Madaxweyne ilaa iyo agaasime waxey xil ku hayaan qaab qabiil. Meel kaleba yaanan ka doonine, Maxkamaddi caddaalada la sugayay waxay ku dhisantahay qabiil 4.5. Marka ay sheekadu halkaas mareyso, qof weliba kursigiisa wuxuu ku matalaa beesha uu kasoo jeedo. Haddii isaga tagana mid xigtadiisa ah baa xilka la wareega. Bal adiga is weydii, ninka qaab ceynkaas ah madax kugu ah, wasiir kugu matala, wax kugu agaasima, taliye ciidan kugu ah, askarina kugu aha, CADDAALAD intee la eg ayuu u sameyn karaa dhamaan shacabka Soomaaliyeed ee la yiri wuu matalaa?! Bal adba! Soomaliya si ay dhibka uga baxdo waxay u baahantahay CADDAALAD. Caddaaladu waxay howlkasta iyo shaqsi kasta u jiheysaa halkii loogu talagalay. Taasna iskama lihihiye, Eebbihii na abuur ayaa na faray inaan noqona kuwo caddaalada u taagan kana hormarino wax kasta xittaa nafteena, waalidkeen, qaraabadeen IWM. Surat Al-Nisa 135. Marka ay caddaalad jirto, waxaa madax noqonaya nin aan qabiil lagu soo dooran. Waxaa xil qabanaya, shaqsi, aqoon ama khibrad lagu soo xulay. Waxaa ciidan noqonaya kuwo caddaalad lagu soo xulay. Dowlada hadda jirta iyo kuwii ka horeeyay, majirto mid isku dayday dhisidda maxkamada sare ee caddaalada iyo dastuurka, taasoo ka madax banaan dhamaan hoggaanka dalka. Oo maxaa loo dhisi waayay miyaad aqrist i weydiin? Iga hoo jawaabta ”Waxaa caddaalad u istaaga nin isaga caddalad lagu soo doortay. DHAN. Ma ahan wax la beenin karo in dad badan ay caddaalad u doontaan Alshabaab, xilli ay dalka ka jiraan maxkamada loo igmaday howlahaas. Waxay taasi ku tusineysaa muhiimadda caddaaladu leedahay iyo dadka inay u raadsanayaan cidkasta ay ka helayaan. Ha sugin amni iyo barwaaqo inta howl kasta lagu saleenayo qabiil bedelkii caddaalad ama yaa u qalma. Shacabka soomaliyeed waxaa la gudboon inay runta usoo jeestaan, riyadana ka baxaan, cilladana meel looga soo wada jeesto, inta ka horeysa geeridii galbeed ka dhacdaa gondahaaga ka filo. Wa billaahi towfiiq W/Q: Abdinasir Safaana Email: Safaanahaji@gmail.com AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Wargeyska “The New York Times,” ayaa qoray warbixin la xiriirta in qarax ka dhacay magaalo xeebeedka Boosaaso, ay ka dambaysay dowladda Qadar (Qatar). Wargayska eedaas, waxuu sal uga dhigay wadahadal telefoon dhexmaray nin ganacsade reer Qadar ah, Khalifa Kayed al-Muhanadi, iyo Safiirka dalka Qadar u fadhiya Soomaaliya Danjire Xassan bin Xamza Hashem. Sida wargayska uu qoray, wada-sheekaysiga waxuu dhacay May 18, 2019 kaasoo ku beegan todobaad uun ka hor qaraxa ka dhacay Boosaaso. Ganacsadaha reer Qadar, ayaa ku yiri Safiirka “Qaraxa iyo dilka waan garanaynaa cidda ka dambaysa,” isagoo sii wata hadalkiisa ayuu Mudane Al-Muhanad yiri “Saaxiibadeen ayaa ka dambeeyey qaraxii u dambeeyey.” Ujeeddada laga lahaa qaraxaas, waxuu ku sheegay mid joogitaanka Imaaraadka Carbeed looga saarayo meesha (magaalada Boosaaso). “Ha eryeen qolyaha Imaaraadka, si aysan ugu cusboonaysiin heshiisyada, waxaanan heshiisyada keeni doonnaa halkan Dooxa,” ayuu yiri Muhanadi sida uu qoray wargeyska – The New York Times. Dhanka kale, arrinka xiisaha leh ayaa ah, in wargeyska “The New York Times,” uu cadeeyey in codkaas wada-sheekaysiga uu duubay sirdoon wadan, ay is hayaan dalka Qadar. Taas oo loo fasirtay Imaaraadka Carbeed oo ah isha xogta, eeda loo jeedinayo dalka Qadar. Marka dib loo celiyo waqtiga, waxaa jirta in xurgufta khaliijka ka bilaabatay kadib markii la jabsaday website-ka Wasaarada Warfaafinta Qadar, laguna qoray warar waxyeeleyay amaanka, iyo danaha qaranka dalkaas yar, balse saamaynta weyn ku leh dunida. Jabsiga website-ka Qadar, waxuu dhacay Mach 24, 2017 wax yar kadib markii Madaxweyne Donald Trump uu dhammeystiray kulan dheer oo looga hadlayey la-dagaallanka argagixisannimada oo uu la yeeshay hoggaamiyayaasha Khaliijka, (Independent – July 20, 2017). Inkastoo bilowgii Madaxweyne Trump, uu rumaystay waxii lagu shubay, haddana dib ayuu uga joogsaday, kadib markii sirdoonka Maraykanka ogaadeen in ay aheed shirqool ay ka dambaysay Imaaraadka Carbabta. Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya, Mudane Axmed Ciise Cawad, ayaa yiri “Dowlada Qadar waxay soo saartay war saxaafadeed ay ku cadeyneyso ineysan ku sifoobin waxa uu qoray wargeyska New York Times.” “Siyaasadda Arrimaha Dibedda ee Qadar ayaa had iyo jeer ahayd mid abuuraysa deganaansho iyo barwaaqo – kuma mashquulnno arrimaha gudaha ee dalal madax bannaan,” ayaa lagu yiri war saxaafadeed ka soo baxay Wasaarada Warfaafinta Qadar. Sidoo kale, waxay balan qaaday in ay baaritaan ku samaynayaan Mudane Al-Muhanad. Intaas wuxuu raaciyay wasiir Cawad, “Safiirkooda Muqdisho ayaa inoo yimid, sharaxaad badan ka dibna waan ku qanacnay,” (VOA Somali – July 23, 2019). Hase yeeshee, su’aasha waxay tahay maxaa hadda loo soo bandhigay fadeexadda? Maxaase ka run ah jiritaanka warkaan? Khabiirada siyaasada gobolka, waxay rumeysan yihiin in Imaaraadka Carbabta dhibaato u aragto, xiriirka dhow ay dowladda Soomaaliya la leedahay Turkiga iyo Qadar. Waxay Abu Dhabi rumaysan tahay in dalalkaas caqabad ku yihiin qorshayaashii ay ka leedahay Soomaaliya. War laga soo xigtay koox u dhaqdhaqaaqda xuquuqda aadanaha oo dacwad ku oogtay shirkadda NSO oo fadhigeedu yahay Israa’iil iyo Qubrus, ayaa sheegtay in kolkii hore “Pegasus sofware” Imaaraadka uu u adeegsaday in lagu basaaso kuwa kacdoonka siyaasadda ka wada gudaha iyo dibedda, iyada oo loo marayo taleefoonadooda gacanta. Wargeyska wuxuu intaa raaciyay in “kadib markii loo soo jeediyay Imaaraadka in la casriyeyo teknoloojiyada ayay codsadeen in la gaarsiiyo awood ay ku dhegeysan karaan Amirka Qadar, kan Sacuudiga ee nabadsugidda ka mas’uulka ah, Ra’iisul-wasaaraha Lubnaan iyo tifaftiraha wargeys ka soo baxo dalka Ingiriiska,” (Haaretz – August 31, 2018). Mudane Cigaal oo wax ka qora Soomaaliya ayaa yiri, “Imaaraadka markii ay ku fashilmeen xeeladdahii hore oo ay doonaysay inay jilbaha dhulka ugu dhigto dowladda Soomaaliya, miyeyasan tani ahayn isku-day hor leh,” Intaas wuxuu raaciyay in “ujeeddadu tahay si la iskaga hor-keeno, (1) Qadar iyo Soomaalida, (2) dowladda dhexe iyo mucaaradka.” Balse, “Waqti dheer, Imaaraadku wuxuu sameenayey giraan ka badan nus dersin dekedo ganacsi ama saldhig milatari oo ku hareereysan Gacanka Cadmeed iyo Geeska Afrika, oo ay ku jirto saldhig militari oo weyn Assab, Ereteriya, oo loo adeegsaday in laga qaado hawl gallada Yemen,” (Al-Jazeera – July 23, 2019). Imaaraadka Carabta, waxuu heshiisyo baal-marsan dowladda Soomaaliya la galay maamulada Somaliland iyo Puntland. Waxay saldhig ciidan ka samaysteen Berbera, raali la’aanta dowladda Soomaaliya. Sidoo kale, Abu Dhabi waxuu khilaaf dekedaha kala dhaxeeyaa Jabuuti. Intaas waxaa uga daran in “dowladda Soomaaliya ay maalinba maalinta ka dambeyso ka taag badaneyso – dhaqaale, siyaasad iyo diblomaasiyadba, kuwii ka horeeyey, taasina ay keeni karto in Abu Dhabi aysan helin waxa guracan ay raadineyso,” ayuu yiri Cabdalla Jaylani oo ka faallooda Geeska Afrika. “Qaabka wada-sheekaysiga u dhacay, waxay u muuqataa, in ganacsadaha Al-Muhanadi uu ku shirqoolayay safiirka Xassan bin Xamza, isla-markaasna codka duubistiisa wax ka og’aa,” ayuu yiri Cigaal. Wararaka ku wareegsan qaraxa waxaa sheegayey ganacsadaha, safiirkana waxuu ahaa mid dhagaysanayey. Halkaas waxaa ku jira tuhun ah, in sirdoonka duubayey iyo ganacsade Al-Muhanadi ay is ogaayeen. Eeda safiirka ayaa ah inuusan naqdin, taas waxaa loo fasiran karaa inuu ku anfariiray warka uu sheegayo ganacsade Al-Muhanadi. Inkastoo, Wasaarada Arrimah Dibedda Itoobiya, ku gaabsatay inay baaritaan ku samaynayso cidii ka dambaysay in website-keeda la soo dhigo khariiradda Soomaaliya oo ku daraysa Itoobiya, isla- markaasna Somaliland u aqoonsanayso dal madax-banaan. Khabiirada siyaasadda Geeska Afrika waxay rumeysan yihiin inay aheed mid wax lagu yeelanayey xiriirka isa soo taray ee ka dhaxeeye Soomaaliya iyo Itoobiya, isla markaasna waxay u muuqata in website-ka la jabsaday (Jamhuuriyadda – July 3, 2018). Waxaa intaas dheer, in Muddane Aby Ahmed, mar uu ka hadlayey isku daygii afgambi fashilmay ayuu yiri “waxaa ka dambeeyay afgambigaan ciidamo calooshu u shaqaysta yaal ah,” taasoo loo fasiran karo dowladd shisheeye ah. Dhanka kale, Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo, ayaa agaasimaha Madaxtooyada u magacaabay Dr. Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade) oo khabiir ku ah culuunta kumbiyuutarka (computer science), xog-dhigista (date-base) iyo barnaamijyada la xiriira teknoolajiyadda. Tani waxay cadeen u tahay welwelka Villa Soomaaliya ay ka qabto in la jabsado xogta Qaranka. Haddii uusan ahayn warka wargeyska lagu qortay “hal dhagax laba shinbir ku dil,” amase “fadeexee Qadar, fashilina Soomaaliya,” haddaba waa maxay ujeeddada kale oo ka dambeysa!?! W/Q: Saciid Cabdisalaam iyo Cabdulqaadir Cariif Qassim AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/Bar___-Qumanaha-____-Wararka-25072019.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa soo baxaya warar kala duwan oo ku saabsan xogta qaraxii shalay laga fuliyey xarunta maamulka gobolka Banaadir iyo qofkii ka dambeeyay. Caasimada Online ayaa xiriiro la sameysay Saraakiisha Ciidamada Booliiska Soomaaliya ee baaritaanka kuwada weerarkii xanuunka badnaa ee shalay ka dhacay Xarunta Dowladda Hoose ee Gobalka Banaadir ayaa sheegay in ay hayaan warar lagu kalsoon yahay oo ku saabsan qofkii weerarka fuliyay. Wararka aan ka helnay masuuliyiinta amaanka iyo Saraakiisha Gobalka Banaadir ayaa sheegaya 90% baaritaankii la sameeyay ay sheegayaan in weerarka ay fulisay Gabar magaceeda lagu soo koobay Basiiro, oo aheyd Agaasimaha dadka baahiyaha gaarka ah qaba ee gobalka Banaadir islamarkaana aragga naafo ka aheyd. Sarkaal katirsan Ciidanka Booliiska Soomaaliya ayaa Caasimada Online u sheegay in Gabadhaan ay weerarka fulisay waxaana soo abaabulay gabar kale oo caawiye u aheyd qofka is qaxriyay oo argga naafo ka aheyd. Basiiro, oo markii hore ku shaqeyn ku jirtay dhismaha Guri Hooyooyinka ayaa dhowaan ka shaqa bilaawday maamulka Gobalka Banaadir, waxa ayna aheyd qofka kaliya ee aan la baarin oo albaab gaar ah ka soo gala gobalka Banaadir. Gabadhaan ayaa ka soo gali jirtay Albaabka wayn ee Gaadiidka laga soo geliyo waxayna wadatay qof kale oo dumar, waxaana la sheegay in aan la baari jirin maadaama aysan soo mari karin goobaha dadka lagu baaro oo ay yaalaan qalab casri ah oo dadka dhib badan kamaraan markii la baarayo. Saraakiisha Ciidamada Booliiska ayaa sheegay in ay baarayaan oo ay meesha ka baxsatay gabadhii soo abaabushay weerarkaan ee Caawiyaha u aheyd qofkaan aragga la’a ee is qarxisay. Waxyaabaha kale oo ay Caasimada Online ogaatay waxaa kamid ah in qofka is qarxiyay ay fadhiday kurisga 5-aad ee Guddoomiyaha Gobalka Banaadir oo aan loogu talagalin islamarkaana aysan markii hore fariisan jirin. Qofka la raadinayo ayaa xarunta gobalka ka baxsatay ka hor inta uusan qaraxa dhicin waxaana la’yahay meel ay jaan iyo cirib dhigtay. Gabadhaan is qarxisay ee Aragga naafaha ka aheyd islamarkaana aheyd agaasimaha dadka baahiyaha gaarka ah qaba ee Gobalka Banaadir ayaa markii ay dadka u sheekeyneyso waxaa ka muuqday in ay aheyd qof wadani ah oo balse wajaheyso waayo iyo daruufo adag waana sababta dad badan ay u aamineen. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Fikrada Guban: Wajaale, Arabsiyo waxay u qalmaan degmooyin is-maamula July 21, 2019 Baarlamaanka wakhtigiisu dhammaaday waxay shalay ansixiyeen sharci ay ku qiimeenayaan degmooyinka Somaliland. Waxay u kala qaybiyeen degmooyinka afar darajo. Hase ahaatee, baarlamaanka ma uusan faahfaahin , shuruudaha lagu qiimeeyey sida tirada dadka, iwm; taasina waxay dhalisay jahwareer hor leh. Laakiin, arrinta uga yaabka badan waxay tahay, sida deegaanooda qaarkood degmooyin loogu magaacabay, kuwa kalena iyagoo tiro dad, baaxad dhul iyo dhaqdhaqaaq ganacsi leh loogu reebay degmoyinka ka jira wadanka. Tusaale ahaan, side bay ku dhacday in Tog-Wajaale, oo ah goobta ganacsiga ee Somaliland ugu weyn, iskuna xidha Somaliland iyo Ethiopia, lehna dhul baaxad weyn oo ku habboon beeraha; Arabsiyo oo dadka ku nool sannad walba ay kordhiyaan aysan noqon degmooyin madaxbannaan oo is maamula. Laakin, Dila, Awadal; Dar-Salaam iyo Faroweyne, Hargeysa agagaarkeeda; Duruqsi, Toghdheer; iyo Xiis, Sanaag, ay ku noqdeen degmooyin. Dadka ku nool Wajaale iyo Arabsiyo way ka badan yihiin kuwa ku nool degmooyinkaas. Degmada Wajaale waxaa hoos yimaada 23 tuulo. Dawlada dhexe iyo ta hoosaba waxaa ks soo gala canshuur baxad leh oo laga qaado shacabka.sida beeralayda iyo xoolo dhaqatada,dhulka, iyo ganacsatada. . Magaalada Wajaale aad iyo aad bay u fiday labaatankii sano ee ugu dambeeyey. Waana meelaha ugu dhul qaalisan Somaliland. Waxaa ka socda dhismayaal iyo bakhaaro waaweyn. Laakiin, wadooyinkeeda waxay u baahan yihiin in la hormariyo.Adeegyada aasaasiga ah dhamaan way leedahay degamadu. Wajaale way ka bilic wacan tahay degmooyin badan oo dalka ka mid ah lana siiyay darajada uu dhigayo xeerka ismaamulka gobolada iyo degmooyinka ee dhawaan markale golaha wakiiladu ansixiyeen. Dadweynaha wajaale iyo Arabsiyo waxa ay doonayaan waa xuquuqdooda ay isku maamuli lahaayeen. Laakiin, waxa ka hortaagan faragelin baahsan iyo xakameyn oo ay ku hayso Wasaarada Arrmiha Gudaha, oo u dhaqanta sidii ‘Faqshta” oo kale. Waxaa kaloo caqabad ku ah siyaasiintii u hana qaaday Gabiley oo noqday kuwa a deega dano xisbi iyo mid gaar ahaaneed, laakiin hadda hawlgab noqday Maanta, Gabiley waxay ku leedahay baarlamaan ku sheega hal xildhibaan oo keliya.Waa tiradii ay ku lahayd Somaliland markay xorriyada ka qaadatay UK. Labo ka mid ah xildhibaanada Gabiley way dhinteen, waxaana lagu bedelay wakiilo degaano kale matala.Ku soo dhawow dimiqoradiyada Somaliland. Somaliland waa meesha aad helayso xuquuqdaada ama sadbursiba marka aad abaabusho mudaaharaad lagu gubayo taayaro, dariiqa dhagax lagu gooyo, ama lagu hanjbo “Somaliland baa lagu kala tegayaa haddii aanan helin waxan ama waxaas”. Ficiladaas foosha xun oo kale deegaanado qaarkood ayaa ku helay waxaysan u qalmin. Dadka reer gabiley way ka daaleen balamo madhan ah oo codod lagu helo xilliga doorashooyinka. 2010 iyo 2017 waxay Gabiley u codaysay xisbiga Kulmiya. Biixi, madaxweynaha ma uusan ahaadeen manta codadka Gabiley. la’aantood. Maxaase loogu abaalguday reer Gabiley ? In lagu madaaliyo gobol aan jirin, Wasaarada arrimaha gudaha ay ka dhammaan waydo golaha deegaanka Gabiley.Iyo, in loo magaacabo Wasarad madhan wasiirka metelaya Gabiley. Waa in reer gabiley ay ka kacaan hurdada ay ku jireen mudada dheer. Maamul xumada ka taagan iyo is qab qabsi joogatada ee golaha deegaanka Gabiley waa qorshe laga soo abaabulay Madaxtooyada Somaliland iyo Wassarada arrimaha Gudaha tan iyo 1993, waxaana suurto geliyey danaystayaal reer Gabiley sida Abiib-Tima-cade iyo kuwa la mid ah.Laakiin, Biixi fursad ayuu u haystaa in wax ka bedelo habkii loola dhaqmo Gabiley. Wixii tegay tage. Sidee bay reer Tog-wajaale iyo Arabsiyo u heli karaan arrimahooga inay ka taashadaan ayna isku maamulaan sida uu waafaqsan yahay dastuurka— ila iyo hadda aan dib loo eegin ee Somaliland. Dadweynaha reer Gabiley ama Somaliland oo dhanba khaatiyaan bay ka joogaan Gole deegaan oo tiro badan, lagana hago Wasaarada Arrmiaha Gudaha, wax hagardaamyo ahayn aan u qaban reer Gabiley. Tusaale ahaan, soo ma habboona in wajaale, Arabsiyo, Allaybaday iyo Gabiley mid walba u lahaado mayor dadka ay si toos u soo doortan iyo gole deegaan oo aan ka badnayn 3-4 qof. Waa sida ay addunnka uu u shaqeeyo.Mayorka iyo golahaas ay masuul ka noqdaan siday ugu adeegi lahaayeen dadka soo doortay. Haddii ay shqadooda ay ka soo bixi waayeen, dadweynaha ayaa ku ridi kara codkaada. Maxaase keenay xildhibaan dadweynahu ay soo doorteen in uu ka amar qaato Wasaarada Arrimaha Gudaha? Ma doonayno dhaqankii “Faqashata” ku dhisnaa “population control” in lagula dhaqmo golaha deegaanada Somaliland. Wasaarada Arrmiha Gudaha waa inay faraha ka la baxdaa arrimaha golaha deegaanada(Local govenrments). Dastuurka Somaliland ayaa si cad u qeexaya inay golaha deegaandano ay masuul ka yihiin, nabagelyada, biyaha iyo kororntada, waxbarashada, caafimaadka, iyo xitaa isgaadhsiinta. Dadweynahu waa inay xor u noqdaan siday ay u maamuli lahaayeen arrimahooga.Habka loo qiimaynayo degmooyinka uu noqdaa mid cadaalad ku dhisan oo aan ku dhisnayn deegaan ama reer jeclaysi. Sida ka muuqata degmooyinka qaarkood laguma xulin si xaq ah. Taasna waxay dhalin kartaa in dawladu ay ku weydo kalsoonida qaybo ka mid ah bulshadeenna. Ugu dambeyn, si loo adkeeyo maamulka iyo nabadgelyada Somaliland, waa in deegaaanada Wajaale, Arabsiyo, Alleybadey iyo kuwa kaleba si toos u soo doortaan mayorka iyo golaha deegaankaba. Xakameyn, cabudhis dadweyne, iyo siyaassin la iibsado kama shaqayn doonto Gabiley. Reer Gabiley waxay u dagaalameen inay arrimahooga ay maamulaan, Somalilandna noqoto ummad isku maamusha dastuur. Wixii kale waa fawdo iyo qab-qabsi hor leh. Ali-Guban Mohamed Editor, Gubanmedia.com Covering Horn of Africa Region aliadm18@gmail.com Qaran News
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Ergeyga gaarka ah ee xoghayaha Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya James Swan ayaa la filayaa in socdaal uu ku yimaado caasimada Somaliland ee Hargeysa. Danjire James Swan iyo wefdi uu hogaaminayo ayaa waxa la filayaa in magalada Hargeysa soo gaaran. Swan ayaa waxa uu kulamo kala duwan la qaadan doona Madaxweynaha Somaliland iyo Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Xisbiyada mucaaridka iyo xukuumada Madaxweyne Biixi. James ayaa socdaalkan uu ku imanayo Hargeysa wuxuu noqonaya safarkiisi ugu horeeyay ee uu ku yimaado Caasimada Somaliland, tan iyo markii labo bilood ka hor loo magacaabay xilkaasi. Danjire James ayaa waxa la filayaa in culeys xoogan uu ku saarayo Xukuumada Muuse Biixi iyo Xisbiyada Mucaaridka sidii ay doorashooyinka Somaliland ugu qabsoomi lahaayeen waqtigooda. Danjiraha ayaa sidoo kale waxa uu Mas’uuliyiinta Somaliland kala hadli doona sidii dib loogu furi lahaa wada-hadalada Soomaaliya iyo Somaliland, oo mudo badan hakad ku jiray. James Swan ayaa shalay ka bad-baaday qaraxii ka dhacay xarunta maamulka G/Banaadir, kadib markii uu daqiiqado ka hor un ka baxay xarunta dowladda hoose ee Xamar oo uu kula shirayey guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho Eng. Cabdiraxmaan Yariisow. Al-Shabaab ayaa sheegtay in Swan uu ahaa bartilmaameedka qaraxaas. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Culimaa’udiinka Soomaaliyeed ayaa soo saaray fatwo ku aadan dhaqaalaha la siiyo Al-Shabaab, uguna baaqay ummadda Soomaaliyeed iyo ganacsataduba ugu baaqay in aan gabbaad la siin, lana taageerin Kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish. Guddoomiye ku xigeenka Dalladda Culimaa’udiinka Soomaaliyeed, Sheekh Nuur Baarruud Gurxan, oo u warramayay warbaahinta Qaranka ayaa ganacsatada dhaqaalaha ama canshuurta siiya Al-Shabaab ugu digay in aysan u hoggaansamin awaamiirta kuwa uu hseegay inay caadeysteen daadinta Dhiigga Ummadda Soomaaliyeed. Wuxuuna intaa raaciyay in ganacsatada qaarkood ay si wanaagsan ugu qeyb qaadanayaan “xasuuqa ay Al-Shabaab iyo Daacish ku hayaan shacabka”, mar haddii ay dhaqaalaha ay bixiyaan “lagu soo iibiyo hubka iyo qaraxa lagu laynayo Ummadda Soomaaliyeed.” “Qofkii cabsi uu ka qabo Al-Shabaab awgeed lacag u siiyo, ha ogaado in uu qeyb ka yahay dembiyada ay geysanayaan” ayuu yiri. “Waxaan ku talinayaan in dadka bixiya lacagta ama canshuurta inay ay ka towbad keenaan arrintaasi oo halis ku ah aakhiradooda Alle hortiisa aysan mar marsiiyo ka noqoneyn waxaan ku badbaadinayay maalkeyga iyo nafteyda” ayuu yiri Sheekh Nuur. Guddoomiyaha hay’adda Culimada Soomaaliyeed, Sheekh Bashiir Axmed Salaad, ayaa isna dhallinyarada “la marin habaabiyay” ugu baaqay in ay ka soo laabtaan “Waddada qaldan iyo fikirka gurracan ee Kooxda Al-Shabaab.” Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com