Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,095
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Hargeysa)-War Saxafadeed kasoo Baxay Ururka Qareenada Somaliland ee SOLLA ayaa si kulul u cambaareeyey xildhibaannada ka tirsan golaha deegaanka Gabiley ee xabsiga ku jira. Warsaxaafadeedkan uu uu ku sexeexan yahay gudoomiyaha ururkaasi oo nuqul kamid ahi soo gaadhay Somalilandtoday waxa uu u dhignaa sidan: Ujeedo. War saxaafadeed Cambarayn Xadhiga Xildhibanada Waxay cambaaraynayan Xadhiga qayra sharciga ah e lagu xidhay lixda xildhiban e degmada Gabiley xadhigan xildhibaanadu waa xadhig qayra sharci ah oo ku xad-gudub ku ah dastuurka qaranka JSL. Xadhigan xildhibaanadu waa xadhig aan loo marin nidaam xeered iyo mid caddaladeedtoona waxaana jira gaf sharci oo xad-gudubku ku ah dasturka iyo xeerarka kale e Somaliland ba waxaana la khalday nidaamkii xadhiga e dastuurka qaranku tilmaamay waana sidan hoos ku qoran khaladaadka sharci e ay xukumada gashay e xad-gudubka ku ah dasturka qarankan lagu dhisay Xadhiga xildhibaanada looma marin nidaamkii sharcigu tilaamayey waxaanu xadhigoodu xad-gudub ku yahay Qod.24 xubintiisa 3 aad oo xildhibanada golaha degaanka siinaysa xasaanad sharci ah waxaanu xubinta qodobkani mabnuucaysa in la xidho xildhibaanada golaha degaanka haddii aan ogolaansho laga haysan golaha ay ka tirsanyihiin, waxaana la xidhay iyada oo aan wax ogolaansho ah laga haysan golaha degaanka Gabiley waana xad-gudub dastuuri ah , waxa kale oo sharci ahaan xildhibaanka la xidhi kara marka lagu qabto isaga oo fal danbi ah oo ka badan saddex sanno faraha kula jira taasina may dhicin oo ma jirto waxaana loo qabtay hab ka baxsan nidaamka sharciga ah kana soo hor jeeda mabaadii’da dastuuriga ah e dalka. Xadhiga xildhibaanada wax ogolaansho sharci ah looma haysan ogolaanshahaasi oo ah in marka hore la eedeeyo loona gudbiyo Xafiiska xeer-ilaalinta Gobolka Gabiley ka dibna haddii xeer-ilaaliyuhu ku qanco ay xafiiska xeer-ilaalintu ka dalbada golaha degaanka gabiley in xildhibaanadan Xasaanada laga qaado sidaana uu golaha fadhi kaga dalbado oo ka dib fadhiga golaha haddii laga ogolaado oo ay goluhu Xasaanada kaga qaadan fadhi aan caadi ahayn waxa uu xeer –ilaaliyuhu ka dalbanaya waaran sharci ah si wafaqsan Qod.40 XHC Maxkamada Gobolka Gabiley waxaana lagu qabanlahaa waarankaasi Maxkamadii haddii ay ka ogolaato dalabka Xafiiska xeer-ilaalinta marka nidaamkan la dhamaystiro ayaa la xidhi kara xildhibanada golaha degaanka kaliya Xadhig kasta oo xildhibaan loo gaysto oo aan loo marin nidaamkan sare ku xusani waa xaaran waana qayra dastuuri waxaanay xukumadu ku xad-gudubtay oo jabisay Qodobka dastuurka e .25 xubintiisa kowaad oo mabnuucaysa in aan qofna xoriyada laga qaadi karin lana xidhi karin ilaa loo maro hab-sharciga waafaqsan waxaanu qodobkan xubintiisa kowaad u dhigantahay sidan” Qofna xorriyaddiisa loogama qaadi karo si aan xeerka waafaqsanayn” . xadhigan xildhibaanadana looma marin nidaamkii sharcigu tilmaamay e ku xusan Qod.24 xubintiisa 2aad e xerN0 23/2002 waana gaf sharci iyo ku xad-gudub dastuur , sidoo kale isla Qodobkan 25 e dasturka qaranka JSL xubintiisa 2 labaad wuxu Mabnuucaya in qof la xidho iyada oo aan loo haysan waaran sharci ah oo ka soo baxay garsoore awood sharci u leh waxaanay xubinta qodobkani u qorantahay sidan “ Ma bannaana in qofna la qabto, la baadho ama la xayiro, haddii uusan markaa dembi faraha kula jirin, ama aanu amar qabasho oo sababaysan ku soo saarin Garsoore awood u lihi.” Xadhiga xildhibaanadan looma marin nidaamka uu tilmaamayo Qodobkan dastuuriga ahi waxaana lagu xidhay bilaa waaran sharci oo ma jiro waaran sharci oo u fasaxaya booliska inay qabtan xildhibaanada awood sharci oo ay ku qabtaana may jirin qabashada bilaa waranka ah iyo bilaa ogolaansho golaha degaanka ahi ee ay ku qabteen boolisku xildhibanadana waxay xad-gudub ku tahay qodobkan 25 e dasturka qaranka JSL Xildhibaanada waxa loo diiday markii la xidhay inay la kulmaan qareenadooda iyo ehelkoodaba diidmadaasi waxa diiday oo qareenadii iyo ehelkiiba u diiday inay arkan Taliyaha laanta danbi baadhista booliska oo aan habayaraatee ogolayn in la arko una diiday qareen iyo ehelba diidmadaasina waa mid qayra dastuuri ah waxaana ka dhalanaya danbi ciqaab ah xukumada Somaliland baana dastuurku ku waajibiyey inay talaabo ka qaado cid kasta oo diida xaq dastuuri ah oo qodob dastuur ahi jideeyey waxaana dastuurku siinaya qof kasta oo la xidho ama xoriyada laga qaado wuxu xaq u leeyahay inuu si deg deg ah ula kulmo qareenkiisa iyo ehelkiisaba waxaana suurta galinaya oo deg deg ula kulansiinaya booliska soo xidhay muwaadinka xoriyada la qaaday waana waajib dastuuri ah sida ku cad Qod. 27 e dasturka qaranka JSL xubintiisa kowaad oo u dhigan sidan “ Qofka xorriyadda laga qaaday waxa uu xaq u leeyahay in uu la kulmo sida ugu dhaqsaha badan qareenkiisa, qaraabadiisa ama ciddi kale ee uu codsado” waana gaf dastuuri ah oo ay booliska iyo xukumaduba ku xad-guduben oo qodobkan dastuurka waxa ka xoog badan oo sharci ah amarada khaldan e ay bixinayan masuuliyiinta xukumada iyo taliyeyaasha boolisku sharciguna waa mid ku qoran uun buugaagta oo aan masuuliyiinta xukumada qaban, sababtoo ah sida uu tilmaamayo Qod. 27 xubintiisa 9 aad oo u dhigan sidan “ Ciqaabta lagu mutaysan karo jebinta faqradaha 1aad ilaa 7aad ee qodobkan xeer ayaa caddaynaya’” sidoo kale isla Qod. 25 xubintiisa 3 oo u dhigan sidan “ Dawladda ayaa muwaadiniinta u dammaanad qaadaysa xuquuqda iyo xorriyadaha. Xeer ayaa qeexaya ciqaabta ka dhalan karta ku xad gudubkooda” labadan qodob e dasturka ahi waxay waajib sharci kaga dhigayan xukumada in cid kasta oo ku xad-gudubta xuquuqaha dastuuriga ah e la xidhiidha xadhiga iyo xoriyaadka muwaadiniinta talaabo sharci laga qaado ciqaab danbina uu mutaysanayo sarkaal ama masuul kasta oo ku xad-gudba xuquuqaha dastuuriga ah e aan kor ku soo sheegnay waxaaana dhacda in maalin kasta la jabiyo laguna xad-gudbo qodobada dasturka e ka hadlaya xaqa xadhiga iyo xoriyaadka muwadiniinta waana Qod.24,25,26,27 e dasturka dhamaantood qodobadan waa la jabiya dhaqan kasta ama ficil kasta oo ay xukumadu qaadaysana waxay ka so hor jeedan qodobadan waana mid caado iyo dhaqan ah Maxkamada la hor-geeyey e xadhiga xildhibaanada awood sharci oo lagu horgeeyo oo ay ku rumaan garayn karto ma leh , xadhiga 7 da cisho e ay rumaan garaysayna waa mid qayra sharci ah awoodna uma laha waana Maxkamad aan sharciga baalmartay oo wax aanay awood sharci u lahayn xalaalaysay 7 cisho e ay rumaan garaysayna waa qayra dastuuri sababtoo ah sida uu tilmaamayo xeerka Ismaamulka Gobolada iyo degmooyinku Xadhiga xildhibaanada waxa awood sharci u leh Maxkamada ku taala degmada laga doorto ama gobolka ay xildhibanada ka yihiin Maxkamada ku taala xildhibanadani waxay ka tirsanyihiin Golaha degaanka Gobolka Gabiley waxaana xalaalayntooda la hor-gaynaya Maxkamada Gobolka Gabiley waxaana jidaynaya Qod.26 oo sheegaya in Maxkamada ku taala degmada laga soo doortay la hor-gaynayo xildhibanada golaha deganka sidoo kale waxa tilmaamaya awooda Maxkamada qaadaysa dacwada Qod.5 e xerka habka Ciqaabta xerN0 Law No. 84 of 12 December 1972 waana qayra dastuuri in ay Maxkamada Gobolka Maroodi jeex rumaan garayso Xadhiga xildhibanadan waayo Maxkamadii awooda u lahayd maaha sidoo kale horgaynta la hor-geeyey Xadhiga Xildhibaanada waxay xad-gudubku tahay Qod. 7 aad e XerN0 .24/2003 Maxkamada gobolka Maroodi jeexna waxay xalaalaysay Xadhig xaraan ah oo gaf ku ah dastuurka qarankan JSL Xalaalaynta Xadhiga Xildhibaanada e Maxkamada Gobolka Hargaysi waa xad-gudub dastuuri ah sababta oo ah waxa la hor-geeyey xadhiga aanay awood u lahayn , waxa kale oo ay rumaan garaysay xadhig qayra sharci ah oo gaf sharci ku ah Qod, 24 xubintiisa 3 aad e XerN0 23/2002 oo u dhigan sidan “ Xubinta Golaha lama qaban karo haddii aan oggolaansho laga haysan Golaha ama aanu fal dambiyeed faraha kula jirin” waxa kale oo ay ku gaftay Maxkamada gobolku Qod.25 e dasturka qaranka JSL xubintiisa 2aad oo waxay rumaan garaysay xadhig qayra sharci ah oo aan loo haysan amar ogolaansho sharci ah oo ka so baxay garsoore awood u leh oo aan loo marin nidaamkii xeerku baneeyey kana soo horjeeda Qod,25 xubintiisa 1aad e dasturka qaranka JSL waxaanay Maxkamada gobolka Maroodi jeex ku gaftay Qod 97 xubintiisa 2aad oo u dhigan sidan “Waaxda Garsoorku waxay hawlaheeda u fulinaysaa si Dastuurka waafaqsan, iyada oo ka madax-bannaan waaxyaha kale ee Qaranka” ficilkan ay Maxkamadu samaysayna waa mid ka soo horjeeda qodobkan dastuuriga ah waayo waxa waajib sharci ku ah Maxkamada inay shaqadeeda u gudato si waafaqsan dastuurka islamarkana ka madax banaan awooda waaxyaha kale e qaranka waxaana muuqata inaanay Maxkamadu wax sharci ah eegin oo aanay ixtrimaamin dastuurka qaranka, islamarkaana aanay muujin madaxbanaanidii dasturku siiyey , waxa kale oo ay Maxkamada Gobolka Maroodi jeex ku gaftay Qod,21 e dasturka qaranka JSL oo waajib sharci kaga dhigaya Maxkamada in ay ilaaliso fuliso una fasirto si waafaqsan bayaanada Caalamiga ah waana xuquuqaha dastuuriga ah e ku xusan Qod.25.26.27.28.29.30.31.32 e dasturka qarankan JSL . Ugu danbayntii urur ahaan waxaanu aad uga walaacsanahay ku dhaqanka dastuurka iyo xeerarka wadanka oo maraya meel aad u liidata islamarkana ka sii daraya maalinba maalinta ka danbaysay taasina waxay sii xoogaysay in tacadiyada loo gaysto muwadiniintu uu batay maalin walbana ay si joogta ah ay hayadaha booliska, Xeer-ilaalinta, Maxkamaduhu ugu tuntaan xuquuqda dastuuriga ah e Muwadiniinta reer –Somaliland , waxaa meesha ka baxay ku dhaqankii dasturka qaranka JSL oo aan habayaraatee wax ixtraam ah la siinin laguna shaqayn waxa sharci ah, dasturkii dalkuna noqday amarada ay bixiyaan masuuliyiinta xukumada iyo taliyeyaasha boolisku waana arin cad oo xaqiiqo ah oo taala manta dalka waxana tusaale ugu filan bulshada reer-Somaliland habkii loo xidhay Xildhiban dhakool iyo habkan loo xidhay lixdan xildhibaan e reer Gabiley e la garab maray nidaamka xadhiga e u jideeyey dasturku e ku xusan Qod. 25.26.27.28.29, 21, dasturka qaranka JSL oo aan wax macno leh ahayn halka amarada Madaxda booliska iyo masuuliyiinta xukumaduna ay yihiin kuwa ugu xooga badan e la fuliyo taasi oo ah mid ka baxsan hanaanka suuban e dowladnimo islamarkana xad-gudub ku ah xuquuqda aadamaha waayo xuquuqda muwaadiniinta waxa ilaaliya dasturka qaranka JSL gaar ahaan Qod, 21,24,25,26,27,28,29,30,32 e dhamaana qodobadan xukumada way ka saartay meesha oo maba shaqeeyan lagumana dhaqmo taasi macnaheedu waxa weeyi in aanay dowlada Somaliland ogolayn xuquuqda caalamiga ah iyo xaqa xadhiga iyo xoriyadka e muwaadiniinta dasturku u dammaanad qaaday oo ay ka soo horjeedo xuquuqaha caalamiga ah Waxaanan baaq u diraynaa Madaxwaynaha qaranka JSL , Goleyaasha sharci dajinta, Guddoomiyaha Maxkamada sare in sharciga lagu dhaqmo oo shaqada qaranka lo ohayo lagu dabaqo dasturka qarankan JSL in la ixtiraamo xuquuqaha xadhiga iyo xoriyadaha la xidhiidha loona fasiro si waafaqsan baaqyada caalamiga ah e dunida in talaabo sharci laga qaado cidkasta oo ku xad-gudubta dasturka qarankan JSL oo ah ka ugu sareeya dalka in la joojiyo fullinta amarada taliyeyaasha booliska iyo xukuumada e qayra dastuuriga ah kuwaasi oo aad moodo inay halkii dasturka galay oo aan dastur shaqayn balse ay amaradan qayra dasturiga ahi ay waqti xaadirkan dastuurkii dalkan noqdeen Waa in si deg deg ah xildhibanada xoriyadooda loogu celiyo madaama aan loo qaban hab sharciga waafaqsan xadhigooduna xad-gudub ku yahay Qod.25 xubintiisa 1aad iyo 2aad iyo qod,27 xubintiisa I aad iyo 2aad e dasturka qaranka JSL iyo Qod,24 xubintiisa 3aad e XerN0 23/2002 kuwan oo dhamantood lagu xad-gudbay Waxaanu u soo jeedinaynaa Goleyaasha sharci dajinta inay la xisaabtaman xukumada oo ay kula xisaabtaman ku xad-gudubka dasturka iyo gafafka dhaqanka noqday e ka dhanka ah xuquuqal aadamaha e loo gaysto muwaadiniinta xoriyada laga qaado kuwaasi oo an helin gabi ahaanba xuquuqdii dastuuriga ahayd e u dhalanaysay marka la xidho ama xoriyada laga qaado oo qaab ka baxsan nidaamka dastuuriga ah loo qabto, waana in talaabo sharci laga qaado cidkasta oo ku xad-gudubta dasturkan qaranka JSL waayo ku xad-gudubka dasturku waxa ka dhalanaya danbi ciqaabed ALLah Mohad Leh Mohamed Mohamoud Hashi ———————————————- Guddoomiyaha Ururka Qarenada Somaliland e SOLLA Source
  2. Bishii Ogost ee sannadkii 2009-kii ayuu bilaabay khilaafkii doorashadu inay dhacdo. Wakhtigani wuxuu ahaa dhammaadkii muddo kordhintii xukuumaddii Daahir Riyaale. Khilaakani wuxuu dhashay markii ay guddiga doorashooyinku ku dhawaaqeen in aanay doorashu Madaxtooyadu wakhtigeedii ku dhacayn. Wakhtigii hore loogu muddeeyey inay dhacdo doorashadu waxa ay ahayd 27-ka Sebtember 2009-kii. Doodda murankaasi oo dheerayd awgeed yaanan idinku daaline waxa jiray ergooyin badan oo kala duwanaa oo qaarkood is-xilqaameen si ay xaalada u dejyaan, balse dhammaan dedaaladaasi way dhicisoobeen, markii ay xukuumada iyo xisbiyada mucaaradku ka horyimaadeen. Beesha Caalamka Yaa U Yeedhay? Xisbiga KULMIYE ayuu ahaa kii ku dhawaaqay inay beesha caalamku soo kala dhexgasho iyaga iyo xukuumada Somaliland. Waana baaqii keenay faragelintii ugu horaysay ee shisheeye Somaliland ku sameeyo. Waa Sunne khaldan oo xisbiga KULMIY jideeyey, balse aanay ka baydhin xisbiga WADDANI oo dhinacooda kaga ka daba maray. Iyadoo hadalkaasi laga shidaal qaadanayo ayey markiiba ka jawaabtay xukuumada Itoobiya oo iyada werwer gaar ahi ka haystay Somaliland oo ku xidhan dhinaca amaankeeda xudduuda ay Itoobiya la wadaagto Somaliland oo muddo dheer nabad ahaa. Xukuumadda Itoobiya waxay soo dirtay wefti iyo wefti kale oo ka socda midowga yurub. Bulshadii isu-xilqaantay Ergada Muwaadiniin tiradoodu gaadhayso 100 xubnood ayaa isu xilqaamay inay dhexdhexaadiyaan xukuumada iyo xisbiyada mucaaradka, ayaa shirar wadatashi ah u qabtay ururada Saxaafadda oo ay kala hogaaminayaan C/laahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo ka tirsanaa wargayska SAXANSAXO, Yuusuf Cabdi Gaboobe (Haatuf), Xasan Siciid (Jamhuuriya). Dedaalkii ay ku jireen xubnahan is-xilqaamay waxa xagaal daaciyey xukumadii Riyaale iyo xisbiyadii mucaaradka ahaa, waxa ay markii dambe qaateen lixdii qodob ee beesha caalamku ku dhexdhexaadisay. Waxa ayna qaateen go’aankii ay soo jeediyeen shisheeyuhu. Iyadoo arrintaasi halkaasi taagan tahay ayuu C/laahi Maxamed Daahir (Cukuse) soo bandhigay maqaal kooban, balse nuxur ahaan macno weyn xambaarsan. Maqaalkan wuxuu ku soo qoray wargayska Jamhuuriya 24-kii Sebtember 2009-kii. Kaasoo ciwaan looga dhigay” waxaan ka tacsidaynayaa inta u diir naxaysa iyo muwaadiniintaba Diimuqraadiyadda Galbatay.”Dhinaca kale waxaan mar kale ka tacsiyadaynayaa diidmadii ay hogaamiyayaasha siyaasadeed ee dalku sida cad u diideen ergooyinkii tirada badnaa ee muwaadiniintii iyo waxgaradkii ummadda ahaa. maqaalkani wuxuu ugu dambayntii cannaan dusha kaga tuuray siday xisbiyadu uga door bideen ergaddii dalka kuwa shisheeye, oo ay qaateen 6-dii qodob ee waraaqdda ku xardhanaa. Ergadii Dawladda Itoobiya ee Dhexdhexaadinta Markii uu khilaafkii u dhexeeyey xukuumaddii Daahir Riyaale iyo xisbiyada mucaardku meel sare marayo ayuu dalka yimid wefti ka socda dawladda Itoobiya oo uu hogaaminayo wasiirul dawladihii arrimaha dibadda ee la odhan jiray Takadhe Alemo. Weftigii Itoobiya wuxuu kullano kala duwan la yeeshay xisbiyada Somaliland iyo Baarlamaanka. Markii ay joogeen muddo 7 cisho ah ee ay u kala dab-qaadayeen labadii dhinac ayey dib ugu laabteen dalkoodii iyagoon wax hadal siinin saxaafadda Somaliland. Laakiin xisbiyada mucaaradka ayaa si weyn uga horyimid habkii dhexdhexaadinta ee ay wadeen dawlada Itoobiya. Waxa ay sheegeen inuu weftiga Itoobiya soo jeediyey laba arrimood oo kala ahaa: In doorashada lagu galo diiwaangelinta codbixiyayaasha, oo SERVERKA laga sii shaqeeyo In mudadaasina ku sime ahaan xilka M/weynenimo u sii hayo Riyaale. Xisbiyada mucaaradka ayaa labadaasi qodob u arkay inay taageerayaan xukuumadda Riyaale, markiibana way ku gacansaydheen. Dhinaca xisbiyada mucaaradka ayaa u soo jeediyey weftiga Itoobiya in marka la gaadho 27-ka Sebtember 2009-ka dalka loo dhiso dawlad dhexdhexaad ah oo doorasho dalka ka qabata, oo aanay ku jirin 6-da xubnood ee musharaxiinta u ah 3-da xisbi. 6-dii Qodob ee Beesha Caalamku Soo Saartay Markii ay xukuumadii Riyaale iyo xisbiyaddii Mucaaradku diideen ergadii muwaadiniinta ahayd ee u guntaday xal u raadinta khilaafka ka dhex-aloosnaa xukuumada iyo xisbiyadda mucaaradka, ayey mar keliya aqbaleen 6 qodob oo shisheeye soo saaray, waa ta keentay inay noqoto markii ugu horaysay ee shisheeye wax inoo yeedhiyo sida ka taagan Soomaaliya 24 sannadood ee aynu soo dhaafnay. Lixdii qodob waxay kala ahaayeen: In doorashooyinka lagu galo diiwaangelin In SERVER-ka la saxo oo khubaro caalamiya loo xil saaro, oo ay khuburadaasi caddeeyaan mudada ay hawshaasi laga sugayey ku diyaariyaan. In mudadaasi SERVER-ka ku fulin karo hawshaasi kala saarista khaladaadka codadka ku jiray inay caddaato In tallaabooyinka farsamo ee ay khubaradaasi ku sargooyaan qabsoomidda doorashada ay qaataan amma ogolaadaan xisbiyada Somaliland In mudadaasi loo kordhiyo xukuumadii Riyaale ee wakhtigeed ku dhammaanayey 27-ka Sebtember 2009-ka, da dib 3-da xisbi heshiis wada shaqayn yeeshaan xaalada doorashooyinka In guddiga doorashooyinka la bedelo, iyo inay beesha caalamku taageeri doonto heshiiska 3-da xisbi hirgeliyaan. Xaaladda Maanta Taagan. Heshiiskan saddexda xisbi ee uu isu soo dhaweeyey Ergayga Midowga Yurub wuxuu mid yahay faragelintii labaad ee uu shisheeye gacmaha la soo galo Soomaalilaan, wixii ka dambeeyey la soo noqoshadii dawladnnimada. Baaqa ah beesha caalamka ha soo soo dhexgasho waxa hore u jideeyey xisbiga Kulmiye, waxa se haatan sunnahaasi raacay oo ku baaqay inay beesha caalamka soo dhexgasho iyaga iyo dawlada Soomaalilaan xisbiga Waddani. Cali Cabdi Coomay Suxufi, qoraa ah. Hargaysa, Soomaalilaan Calicoomay@gmail.com Source
  3. (SLT-Hargeysa)-Safiirka Ingiriiska Oo Si Taxadir Leh Uga Hadlay Arrimaha Somaliland Iyo Soomaaliya, Halkan hoose ka DAAWO Source
  4. Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa saaka lagu soo bandhigay qaraxyo ay xaafado ka tirsan Boosaaso ka soo qabteen ciidanka Amniga Puntland ee PSF. Ciidanka PSF ayaa hawlgallo ay ka sameeyeen xaafadda lagu magacaabo Buuraha ee magaalada Boosaaso waxay ku soo qabteen qaraxyadan oo kooxihii diyaariyay ay doonayeen in ay amniga magaalada ku dhibaateeyan. Ciidamada Amniga Puntland ee ku sugan gobolka Bari ayaa maalmihii u dambeeyay hawlgallo lagu adkaynayo nabadgelyada ka waday gudaha magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari xilli loo diyaar-garowbayo xuska maalinta aas’aaskii Puntland ee 1-da Agoosto oo maalmo kooban ka dhiman yihiin. Sidoo kale guud ahaan magaalooyinka waaweyn ee Puntland ayaa waxa ka socda hawlgallo lagu xaqiijinayo nabadgelyada maadaama ay Puntland xusayso sannad-guuradii 21-aad ee ka soo wareegtay aas’aaskeedii oo ku beegan 1-da Agoosto 1998. Madaxweynaha Puntland oo shalay kulan la qaatay saraakiisha Amniga iyo Difaaca ayaa ku amray in si gaar ah in la xoojiyo amniga guud ee Puntland maalmaha lagu jiro Todobaadka dabaaldegyada 1-da August oo dhammaan ka dhacaya gobollada kala duwan ee Puntland. Halkaan hoose ka eeg sawirada PUNTLAND POST The post Ciidamada Amniga Puntland oo qaraxyo fashiliyay appeared first on Puntland Post.
  5. (SLT- California)-Ugu yaraan saddex qof ayaa ku dhintay halka ugu yaraan 11 qof ay ku dhaawacmeen toogasho ka dhacday goob lagu soo bandhigayay cuntooyinka oo ku taalla gobolka California ee dalka Mareykanka. Goob joogayaal ayaa kusoo warramayaa in nin hubeysan uu rasaas ku furay goobta. Muuqaal lasoo geliyay baraha bulshada ayaa muujinaya dadka oo cararaya xilli la maqlayo dhawaaqa rasaasta. Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ugu baaqay shacabka Mareykanka inay is dejiyaan isla markaasna ay feejignaadaan. Duqa magaalada Gilroy, Dion Bracco ayaa warbaahinta Mareykanka u xaqiijiyay in saddex qof ay ku dhinteen weerarka. Munaasabaddan lagu soo bandhigo cuntooyinka ee lagu qabto magalaada Gilroy ee gobolka Carlifonia ayaa sannad kasta lagu qabtaa halkaas, waxaana markii ugu horreysay la bilaabay sannadkii 1979-kii, waxaana xilliyada laga qabanayo munaasabadda goobta mamnuuc ka ah hubka, sida laga soo xigtay bogga maamulka soo qabanqaabiyo munaasabadda. Source
  6. (SLT-Riyadh)-Maxkamada la dagaalanka Argagixisada ee dalka Sacuudiga ayaa dib u dhigtay dhageysiga iyo xukunka danbi ay dowlada ku eedeysay wadaad ka caanka ah ee lagu magacaabo Shiikh Salmaan Al-Cowdah. Wiilka uu dhalay wadaadkaan ayaa xaqiijiyay in xukunka aabbihii dib uu u dhacay ilaa iyo bisha December ee dabayaaqada Sannadkaan. Al-Cowdah oo la filayay in lagu xukumo dil ayaa shalay oo loo balansanaa in uu ka soo muuqdo maxkamada magaalada Riyaad ee dalka Sacuudiga. Balse Cabdulaahi Shiikh Salmaan oo ah wiilka wadaadkan ayaa barta uu ku leeyahay Twitter-ka soo dhigay qoraal ah in dhageysiga xukunka aabihiis dib loo dhigay mudo shan Bilood Ah. Wuxuu yidhi aabahey oo xeer ilaaliyaha guud uu dalbaday in toogasho lagu xukumo ayaa maanta dib u dhac ku yimid Xukunkiisa. Waa markii labaad oo boqortooyada Sacuudiga ay dib u dhigto isla sanadkaan xukunka wadaadkaan oo la xiray bishii Septemper ee sanadkii 2017-dii oo hada ku dhow laba Sano. Shiikh Salmaan Al-Cowdah ayaa xukuumada sacuudiga ku eedeysay in uu ku xadgudbay sharci dalkaasi iyo arimo ay ka mid yihiin kacdoon ka dhan Dowlada. Source
  7. Somali National Army (SNA), backed by African Union forces, on Sunday killed three al-Shabab extremists in Hiraan, in central Somalia, an official confirmed. Source: Hiiraan Online
  8. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya kulamo u dhexeeyey Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre iyo Madaxda Ahlu-Sunna Waljamaaca oo siyaabo kala duwan saacadihii la soo dhaafay uga dhacay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud. Kulamadan oo ahaa kuwa xasaasi ah ayaa waxaa intooda badan diirada lagu saaray khilaafka cusub ee ka dhashay sugida ammaanka magaaladaasi. Ilo ku dhow shirarkaasi ayaa Caasimada Online u sheegay in labada dhinac ay gaareen heshiis is afgarad ah, isla markaana ay qeyb ka tahay in howlihii Dhuusamareeb ay sidoodii u sii socdaan. Sidoo kale labada dhinac ayaa isla gartay in aan deegaanada Galmudug la geyn Ciidamo ka socda dowladda federaalka ah, taas oo aheyd arrinta ugu daran ee la’isku hayey. Labadii maalin ee la soo dhaafay ayaa waxaa magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Cadaado laga soo celiyey diyaarado waday ciidamo ka ambabaxay gudaha magaalada Muqdisho. Sida muuqata Ahlu-Sunna ayaa ka sii mid ahaan doonto howlaha nabad galyada Dhuusamareeb, iyadoo ay si wadajir iskula shaqeynayaan ciidamadeeda iyo kuwa dowladda ee haatan ku sugan gudaha magaaladaasi. Dhawaan ayaa la filayaa in shirka dib u heshiisiinta iyo doorashada Galmudug lagu qabto magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada maamulkaasi. Caasimada Online Xafiiska Dhuusamareeb caasimada@live.com
  9. (SLT-Moscow)-Dad ka badan 1,000 oo ay ku jiraan Hoggaamiyeyaal Xisbiyo Mucaarad iyo Musharraxiin u taagan Doorashada Golaha deegaanka Caasimadda Ruushka, ayaa la xidh-xidhay Sabtidii, markii ay sameeyeen Dibed-bax ay ku dalbanayaan doorasho Xor iyo Xalaal ah. Boqollaal Booliska Rabshadaha la dagaalama ah iyo Cidiammada difaaca Qaranka ayaa la soo dhoobay badhtamaha Caasimadda Ruushka ee Mosco, waxayna xidheen Waddooyinka soo gala halka Mudaharadayaashu ku ballansanaayeen inay iskugu yimaaddaan Tirada Dadka la xidhay ayaa sii kordhaya, laakiin Mudaharaadkan ayaa noqonaya kii labaad ee Mosco ka dhaca Toddobaad gudihii, kan kii horreeyay ayaa dhacay Sabtidii. Sabtidii, Dad ka badan 20,000 kun oo Qof ayaa iskugu yimid Badhtamaha Mosco, kuwaasi oo dalbanayey in doorashada Goleyaasha deegaanku noqoto mid Xor ah. Mudaharaadka Sabtidii dhacay ayaa ahaa kii ugu weynaa, marka laga yimaaddo dibed-baxyadii Sanadihii 2011-2012 lagu diidanaa in dib loo soo doorto Madaxweyne Vladimir Putin. Dadka Mudaharaadaya ayaa diiddan go’aan ka soo baxay Guddiga doorashooyinka Ruushka, kaasi oo Xubno Mucaaradka ka mid ah iyo Shaqsiyaad kale oo tiro yar oo keliya u fasaxaya inay ka qayb-galaan doorashada Golaha deegaanka. Source
  10. (SLT-Washington)-Agaasimihii hay’adda sirdoonka qaranka Maraykanka, Dan Coats ayaa noqonaya qofkii ugu dambeeyay oo xil sare ka hayay maamulka Trump oo shaqada ka tagaya. Madaxweyne Trump ayaa bartiisa Twitter-ka soo dhigay in Mr Coats uu shaqada ka tagayo bisha Agoosto, islamarkaasna uu shaqada ku bedelayo John Ratcliffe oo hadda ah xildhibaan ka tirsan Aqalka Congress-ka, kana soo gala gobolka Texas. Madaxweynaha ayaa ammaanay Mr Ratcliffe, sheegayna in uu dalka ugu adeegi doono si uu jacayl ku jiro. Mr Coats iyo Trump ayaa marar badan isku qabtay arrimo ku saabsan sirdoonka iyo siyaasadda arrimaha dibedda, gaar ahaan arrimaha Ruushka. Shaqada Mr Coats ayaa ahayd in uu ahaa madaxa guud ee hay’adaha sirdoonka Maraykanka ee 17-ka ah oo ay ka midyihiin CIA iyo NSA. Balse intii uu xilka hayay ayaa warbixinada uu soo saaro waxaa mid ka duwan sheegi jiray madaxweynaha oo marar badan durey shaqada hay’adaha sirdoonka. Ninkan ayaa ka mid ah kuwa badan oo siyaabo su’aalo dhaliyay isaga tagay maamulka Trump, waxaana kasii horeeyay xoghayihii difaaca James Mattis iyo kii arrimaha dibedda Rex Tillerson. Warqadiisii is casilaadda ayuu ku sheegay in la gaaray xilligii uu horey u socon lahaa, furana lahaa baalka xiga ee noloshiisa. Trump iyo Coats ayaa isugu dhacay arrimaha la xidhiidha Fadeexadii farogalinta Ruushka iyo waliba arrimaha wada hadalada Kuuriya Waqooyi. Mr Coats ayaa sannadkii hore sheegay in Madaxweyne Trump uusan waxbo oga sheegin kulankii uu la galay madaxweynaha Ruushka Vladamir Putin ee uu albaabada u xirnaa, iyada oo uu dhaqanka yahay in madaxweyne kasta uu xog siiyo agaasimaha sirdoonka haddii uu la kulmo madaxweyne dal cadaw loo arko. Waxa kale oo uu sheegay in haddii Trump uu kala tashan lahaa kulanka uu la yeeshay Putin, in uu talo ka siin lahaa qaabka kulanka, kaas oo ka duwan sidii uu ula kulmay. Waa kuma Dan Coats ? Waxa uu ahaan jirey dublamaasi hore, waxana uu xilka uu hadda ka dagayo qabtay 2017-kii, xiligaas oo uu badelay James Clapper. Waxa uu ka qalin jabiyay labo jaamacadood sanadihii 1960-maadkii, isaga oo qaatay labo shahaado oo sarsare oo kala ah qaanuunka iyo siyaasadda. Labo jeer ayaa laga soo doortay gobolka Indiana, isaga oo galay Aqalka Seneta-ka sanadkii 1989-kii iyo markale oo ahayd 1999-kii. Ninka badelaya Coats oo lagu magacaabo Mr Ratcliffe ayaa ah nin si weyn u taageersan Trump isaga oo xitaa difaacay todobaadkii hore. Source
  11. Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida iyo Denbiyada Culus ee Puntland ayaa saaka u fadhiisatay dhegaysiga dacwad loo haysto askari ka tirsan ciidanka PMPF ee Puntland oo ku eedaysan in uu fududeeyay dilka Maareeyihii shirkadda P&O Paul Anthony Farmosa. Asakariga ayaa kamid ahaa dadkii loo qabtay dilka Maareeyihii shirkadda P&O oo hoostagta DP World kaasi oo 4-Feb-2019 uu nin hubaysan ku dilay gudaha magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari. Dhegaysiga dacwadda kadib ayaa maxkamaddu ku dhawaaqday xukunka lagu riday askariga oo magaciisa lagu sheegay Dable Cabdi cali xirsi waxaana lagu xukumay dil toogasho ah balse sida maxkamaddu sheegtay waxaa u furan bil rafcaan ah. PUNTLAND POST The post Boosaaso: Askari ku eedaysan in uu fududeeyay dilkii Paul oo toogasho lagu xukumay appeared first on Puntland Post.
  12. In meetings with Somaliland’s leadership today, the United Nations Secretary-General’s Special Representative highlighted the importance of building on Somaliland’s achievements as well as preparing for upcoming elections there. Source: Hiiraan Online
  13. Garowe (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee Puntland ayaa gacanta ku soo dhigay walxaha qarxa iyo raggii diyaarinayey, kadib howlgallo ay ka sameeyeen xaafadda Buuraha oo ka tirsan magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari. Howlgallada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa waxaa fuliyey ciidamada sida gaarka u tababaran ee loo yaqaano (PSf) ee maamulkaasi. Ciidamada ayaa warbaahinta ugu soo bandhigay qaraxyadan iyo raggii waday gudaha magaalada Boosaaso ee gobolka Bari. Saraakiisha ayaa shaaciyey in qaraxyadaasi la doonayey in laga fuliyo gudaha Boosaaso, laguna dhibaateeyo dadka shacabka ah, sida ay hadalka u dhigeen. Sidoo kale saraakiishani ayaa intaasi ku sii daray in baaritaanadooda ay sii wadi doonaan, inta lagu guda jiro dabaal daga aas aaska Puntland oo ku beegsan 1-da August. Puntland ayaa xoojisay nabad galyada magaalooyinka maamulkaasi oo dhawaan lagu qabanyo xuska 21 sanad guuradii ka soo wareegtay aas aaskeeda. Al-Shabaab iyo Daacish oo heysta qeybo ka mid ah gobolka Bari ayaa inta badan weeraro gaadma ah ka fuliya halkaasi. Caasimada Online Xafiiska Garowe caasimada@live.com
  14. Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa soo bandhigtay ( Siyaasadda Aqoonsiga & Diiwaangelinta Dadweynaha ) Halkan Ka Akhriso: ID-Policy-Somali-cover-final- Source: goobjoog.com
  15. Lawmakers from pastoralist communities have issued a famine alert warning that their constituents might miss out on the forthcoming population census. Source: Hiiraan Online
  16. Muqdisho (Caasimada Online) -Warbixin ka soo baxday Al-Shabaab ayaa lagu shaaciyey tirada ergada is diiwaangelisay ee u hoggaansamay amarkii dhawaan ka soo baxay kooxdaasi. Warkan ayaa waxaa Al-Shabaab ay ku sheegteen in illaa iyo hadda ay isa soo diiwaangeliyeen 159 Oday oo ka mid ah ergadii soo dooratay xildhibaanada baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya. Al-Shabaab ayaa shaacisay inay la hadleen Odayaasha kale ee aan weli isa soo diiwaangelin. Sidoo kale waxay warbixintooda ku sheegeen in ergadani ay iska soo diiwaangeliyeen maamullada Galmudug, Jubbaland, Koonfur Galbeed iyo Hirshabelle, kuwa Puntlandna taleefan loogu qabtay Towxiidka, sida ay hadalka u dhigeen. Dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab ayaa sidoo kale soo bandhigay liiska iyo sida ay maamul goboleedyada uga kala tageen xubnahaasi Jubaland: 33 Oday dhaqameed. Hirshabeelle 53 Oday dhaqameed. Koofur Galbeed 40 Oday dhaqameed. Galmudug 33 Oday dhaqameed. 15-kii bishan ayey aheyd markii Al-Shabaab ay soo saareen bayaan ku socday ergada, kuwaas oo ay u qabteen inay isku soo diiwaangeliyaan muddo 45 cisho ah, kadib markii ay ku eedeeyeen inay ku kaceen fal Gaalnimo ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  17. Aussie startup Lumachain has secured $3.5 million in funding for its blockchain technology tracking food supply chains, and tackling modern slavery at the same time. Source: Hiiraan Online
  18. “Doorasho 4 Bilood ku dhacaysaa ma jirtee Yaan la caayin caqliga Shacabka !! . qalinkii A/rahman fidhinle UK.” 1- Komishanka Doorashooyinka Qaranku waxay ka gaabiyeen dar-dar gelintii qodoban soo socda: A) Habraacii wadashaqeyneed ee ay la yeelan lahaayeen Golaha Baarlamaanka si Baarlamaanku xeerarka saami qaybsiga u curiyaan B) Dar-dar gelinta iyo dib u furistii Diiwaan gelinta Codbixiyayaasha si howshu u kala socoto oo mudada qorshe hawleedku u soo gaabato C) Miisaaniyada Doorashooyinka iyo Diiwaan gelinta oo aanay ka soo wada xareyn badhkii Xukuumada si diiwaan gelinta Codbixiyayaasha loo sii bilaabo D) Waxay ka gaabiyeen Hab-raacii wada shaqeyneed ee Madaxweynaha iyo ogeysiintii Garsoorka si xukuumadu xil-isaga saarto miisaaniyada qaybta kaga aadan oo dhan E) Waxay ka gaabiyeen dhamaan wada shaqeyntii Waaxyaha qaranka waayo, way arkayeen saansaanta mudo kordhinta ee ay la sugeen waqtigan xeedho iyo fandhaal kala dhaceen ee waqtigii doorashada loo cayimay ay ka hadhay 4-ta bilood. iyaga oo hore u sheegay in ay u baahan yihiin mudo ugu yaraan 10 bilood ah. 2- Golaha Baarlamaanku waxay iyana dhegaha ka fureysteen qodobadan hoose : A) in ay diyaariyaan shuruucdii saami-qeybsiga kuraasta Golaha Wakiilada Gobolada oo mudo aad u dheer soo cakirnaa oo ilaa doorashadii hore hortaalay.. B) Waxay ku fashilmeen in ay xeerarka labada Doorasho ee isku sidkan ay is waafajiyaan oo aanay howsha isla wada sugin ee sii falkiyaan. C) Waxay ku fashilmeen ku dhaqankii waajibaadkii Dastuuriga ahaa ee ay kuraasta Baarlamaanka ku baneyn lahaayeen maadaama uu mudo xileedkoodii dhamaaday. D) Waxay ku fashilmeen in ay sii diyaarinyaan oo miiska sii saaraan xeerarkii lagu bedeli lahaa maadaama uu maandheytkoodii uu dhamaaday. 3- Madaxtooyadu waxay ka gaabisay qodobadan hoose : A) in ay dabo galaan Xeerarka Baarlamaanku miiska hoostiisa uu dhigay ee ay diyaarin waayeen mudadaa dheer ee kolba waqtiga loo sii kordhinaayey. B) Waxay ku fashilmeen Miisaaniyada Doorashooyinka ee komishanka qaranku u soo gudbiyey ee ay xukuumad ahaan qaybtooda soo dhameystiri waayeen. C) Madaxweynuhu wuxuu ka gaabiyey Isfahan la’aantii ay is fahmi waayeen asxaabta qaranka ee mucaaridka ah taas oo uu waqti badani ku lumay. D) Madaxtooyadu waxay ka gaabisay dar-dar gelintii dhamaan qorsheyaashii lagu gaadhi lahaa in Doorashadu waqtigeeda ku qabsoonto. E) Madaxtooyadu waxay ku ribatay ku dhaqankii Dastuurka qaranka iyo waajibaadkii dastuuriga ahaa ee Hanaanka Geedi socodka Dimuqraadiyada JSL ku dhisneynd Maadaama Doorashooyinkii dib u dhaceen oo aanay marna ku qabsoomi karin 4-bilood gudahood. Golaha Baarlamaanka waxaa mudo kordhin qayrul sharci ah loo sameeyey 3 Jeer oo hore, waxaanay kuraasta ku fadhiyaan mudo 3 term ah iyada oo aan marna la qiimeyn ku dhaqanka xeerarka Dastuurka qaranka ee sida cad u qeexaaya waajibaadka Dastuuriga ah ee saaran Sadexda Dhar-dhaar ee Qaranku ka kooban yahay. Shuruucda Dastuurka ee sida badheedhka ah loo jebiyey waxaa ka mid ah dhamaan shuruucdii isla xisaabtanka qoleyaasha qaranka sida ay qeexayaan qodobada 37-aad oo qeexaya waajibaadka isla xisaabtanka, qodobada 56-aad iyo 97-aad oo qeexaaya awoodaha isla xisaabtanka waaxyaha qaranka. Waxaa la jebiyey Hanaankii Dimuqraadiga ahaa, maamul-wanaagii, milgihii iyo macnihii dawladnimo, Waxaa la jebiyey Xil-gudashadii I, is-xisaabintii iyo Xaliibnaantii sadexda hayadood ee qaranka JSL ugu sareeya oo kala ah Fulinta, Xeerdejinta iyo Garsoorka. Dhamaan waxaa xilkoodii gabay hayadihii isla Xisaabtami lahaa ee xilkooda Dastuuriga ah gudan lahaa kuwaa soo Waaxiba ay Waaxda kale xilkii u kordhinayso oo hada xaalkoodii uu iska noqday “dhabarka ii xoq- aan kuu xogee” taas oo shacab weynihii doortay iyo musharaxiintii iyaga bedeli lahaa si badheedh ah loogu heshiiyey si kuraasta loogu sii fadhiyo mudo dheer. ” Bal waa taase shacabka reer Somaalilaan mar qudha ha loo sheego cida xilkeedii gudan wayday ee masuulka ka noqonaysa Doorashooyinkaa mudada dheer dib ugu sii dhacaya.? Waxaa la caayayaa waa caqligii shacab weynihii doortay ee dirtay ee maandheytka mudada kooban ee 5-ta sano ah siiyey. Doorashooyinka mar kasta dib u dhacaaya ee aan waqtigooda lagu qaban waxay Saameyn xoogan oo taban ku yeelanaysaa Sumcadii iyo karaamadii Somalilaan waxaana ay ka dhigaysaa Sawirkii guud ee Somalilaan qorax madow oo sii dhacaysa. Waxay aheyd in aanay ciida ku rafan ee Komishanka doorashooyinku ay mar kasta is cadeeyaan oo ay sii sheegaan halka howshu mareyso iyo in doorashadu dib u dhacayso.. Waxaa ceeb iyo fadeexad qaawan inagu ah in Doorashada Baarlamaanku ay 5-jeer dib u dhacdo halka Dawlada Federaalka Somaaliya ay 3 doorasho baarlamaan qabsadeen inagana ay hal baarlamaan ina hor fadhiyeen 13 sanadood. Waxaan ku soo garoocayaa qormadan : Doorasho 4 bilood gudahood ku dhacaysaa ma jirtee Shacaboow – Shacaboow Tiraa Kaa Gedmane Wax isu gey geyso !!! Allaa Mahada Leh Wa-Laahum-Aclam-Wa-Bilaahi-Tawfiiq Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi (scs) Qalinkii : A/rahman Fidhinle Qoraa Madax banaan Intensive ED BD PA United Kingdom London Qaran News
  19. Militariga Maraykanka ayaa shaaciyay in duqeyn diyaaradeed oo ay ka fuliyeen buuraleyda gobolka Bari ee Puntland ay ku dileen sarkaal ka tirsanaa malayshiyaadka Daacish. Qoraal ka soo baxay taliska ciidamada Maraykanka ee Qaaradda Afrika (AFRICOM) ayaa lagu sheegay in duqeynta oo sabtidii 27-Julay ka dhacday buuraleyda Golis ee gobolka Bari lagu dilay sarkaal ka tirsana Daacish oo kaalin muhiima ka ciyaaray fududaynta hawlaha Kooxda. Waxaa kale oo qoraalka AFRICOM lagu sheegay in duqenta oo lala kaashaday dowladda Federaalka Soomaaliya aysan wax khasaare ah ka soo gaarin dadka rayidka ah ee ku nool dhulka duqeyntaasi laga fuliyay. Sidoo kale waxa uu sheegay in ay sii wadi doonaan duqeymaha ka dhanka ah malayshiyaadka Daacish iyo Al-shabaab ee ku sugan buuraleyda Golis si loo curyaamiyo dhaqdhaqaaqyada ay halkaasi ka wadaan. PUNTLAND POST The post Maraykanka oo sheegay in uu gudaha Puntland ku dilay sarkaal kaalin muhiima ugu jiray Daacish appeared first on Puntland Post.
  20. ISTANBUL -The Turkish Cooperation and Coordination Agency (TIKA), Hayrat Foundation and the UN Refugee Agency (UNHCR) have performed free eye surgeries for 300 people in Kenya’s northern town of Garissa in remembrance of July 15 failed coup attempt martyrs. Source: Hiiraan Online
  21. A Queens man who stalked Rep. Alexandria Ocasio-Cortez has been sentenced to two months of jail time, officials said Sunday. Source: Hiiraan Online
  22. Eagan, MN - Hundreds of community members rallied and marched on the Twin Cities Premium Outlets in Eagan on Saturday afternoon, July 27, to demand justice for Isak Aden, a Somali man who was killed by police in this Saint Paul suburb on July 2. Source: Hiiraan Online
  23. Angry residents stormed a shop in Khayelitsha, Cape Town, on Sunday morning after the owner allegedly shot a man in a dispute over change. Source: Hiiraan Online
  24. Insecurity in Somalia is diminishing the numbers of refugees willing to return home from the Dadaab camps in Kenya, the United Nations said recently. Source: Hiiraan Online