-
Content Count
215,427 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ambassador Cali Siciid (Faqi) oo ah danjiraha Soomaaliya ee Ururka Midowga Yurub ayaa ka hadlay go’aankii ka soo baxay maxkamadda cadaalada adduunka ICJ ee dib loogu dhigay muddo labo bilood ah kiiska Badda ee u dhexeeya dalalka Soomaaliya iyo Kenya. Safiirka ayaa sheegay in ICJ go’aankaasi ay qaadatay,kadib markii ay tixgelisay codsigii ka yimid dhanka Kenya iyo sidoo kale jawaabtii ay ka bixisay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Fiqi ayaa xusay in aysan wax dhibaato ah u arkin go’aankan, islamarkaana uunu aheyn mid dhibaato ku ah Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay soo dhaweynayaan taallabadani, islamarkaana ay ku faraxsan yihiin. ‘’Annaga waxaan u aragnaa go’aan runtii fiican oo ma aragtay laba bilood hadda bisha October kaliya ayaa naga xigta, marka annaga waxaan u aragnaa go’aan aan dhibaato nagu aheyn.’’ ayuu yiri Fiqi. ICJ ayaa xalay ku dhawaaqday in dib loo dhigay dhageysiga dacwadda labada dal, waxaana la dhageysan doonaan 4-ta November ee soo socota, iyadoo doodu ay ku horreyn doonto Soomaaliya. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/09/Danjire-Fiqi-Cod.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Dhuusamareeb (SMN) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre ayaa magaalada Dhuusamareeb si rasmi ah uga furay shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug oo ay ka qayb gelayaan ergo meteleysa dhammaan reer Galmudug. Ra’iisul Wasaaraha oo wasaaradda arrimaha gudaha iyo guddiga qaban-qaabada shir-weynaha uga mahad celiyay dadaalkii dheeraa ee ay u galeen isu keenidda bulshada Galmudug, ayaa sheegay in shirkaani uu gogol xaar u yahay dhismaha Galmudug loo dhanyahay oo ka shaqeynsa danaha reer Galmudug kana qayb qaadata horumarka guud ahaan dalka. Mudane Xasan Cali Khayre ayaa sidoo kale u mahad celiyay Madaxweynaha Galmudug, Ahlu Sunna, dhammaan bulshada reer Galmudug, ciidamada amniga sugaya iyo dhammaan intii gacan ka geysatay in geeddi socodaka dhismaha Galmdug dhammeys ah lasoo gaarsiiyo heerka uu maanta marayo, waxa uuna shirka u rajeeyay in uu guul ku dhammaado. “Shirkaan caawa aan daah fureyno waa albaabkii laga gelaayay dowladnimada Galmudug…. Si loo hehiisyo oo maamul la wada leeyahay loo dhiso waa in danta gaarka ah meel la dhigo oo dan guud laga shaqeeyo….Waa in aan ka guurno fikirka khilaafka ku dhisan, dhaqanka colaadda ku dhisan iyo maslaxadda qabyaaladda ku dhisan”, ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre. Shir-weynaha ayaa inta uu socdo waxa ay reer Galmudug uga tashanayaan dhismaha dowad gobaleedka Galmudug iyo qabsoomidda doorasho xor iyo xalaal ah oo horseedda in maamulka ay dhisanayan uu noqdo maamul ku hoggaamiya wadada horumarka, xariir wannaagsanna la leh dowladda federaalka Soomaaliya. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa bishii June ee sannadkaan waxa uu deegaannada Galmudug ka bilaabay dadaal gundhiggiisu ahaa ka guul gaaridda geeddi sococdka qorshaha reer Galmudug ay ku dhisanayaan dowlad gobaleed dhammeys ah oo loo simanyahay, wanaana dadaalladaas soo dhaweeyeeyay beesha Caalamka, reer Galmudug iyo bulshada Soomaaliyeed oo dhan. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Subax. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/09/Warka-Subax-06092019.mp3 View the full article
-
Somali life in Minnesota got a national audience Thursday when the NPR program 1A highlighted the community and its stories. Source: Hiiraan Online
-
There was relative calm on the streets here in South Africa's largest city Wednesday after days of looting and burning of foreign-owned businesses. Source: Hiiraan Online
-
Warsheikh, 5 September, 2019 – After exercising control and managing peace and security in the area for five years, the African Union Mission in Somalia (AMISOM) on Monday handed over Warsheikh Forward Operating Base to the Somali Security Forces, as dictated by the Somali Transition Plan. Source: Hiiraan Online
-
Dhegeysiga dacwada badda waxuu ka bilaabanaya Maxkamada ICJ September 9, 2019 haddii uusan jadwalka isbedelin. Dowladda Soomaaliya ayaa horgeysay Maxkamada ICJ, dacwad ka dhan ah dowladda Kenya August 28, 2014. Maalintaas wixii ka dambeeyey, xiriirka Muqdisho iyo Nairobi, aad ayuu u sii xumaanaayey. Ka dib markii wadahadalo xaldoon ah, oo soo jiitamayey muddo shan sanadood ah ay miro dhallinwaayeen, ayaa dowladda Soomaaliya maxkamada ka codsatay inay go’aan ka gaarto sohdinta badda ee labada dal, ayadoo la raacayo qaanuunta baddaha caalamiga. Halkii Kenya laga sugayey ka soo warcelinta (muddaca) dacwada, ayay Oktoobar 7, 2015 soo gudbisay diidmo hor u dhac ah. Hase yeeshee, Maxkamadda ICJ ayaa Febraayo 2, 2017 gaashaanka ku dhufatay, doodii marmarsiyada ahayd ee Kenya (preliminary objections). Qaraarku wuxuu caddeyay, inkastoo uu heshiis hore jirey, haddana maxkamada kama horistaagayo gudagashadda waajibkeeda dacwadda hortaal. Soomaaliya iyo Kenya waxay ku kala aragti duwan yihiin jihaynta soohdinta marta xeebta ay waddaagaan. Soomaaliya waxay aaminsan tahay in xuduudeeda badda ay si toos ah ula socoto midda dulka, taasoo ah xariiqda toosan ee loo yaqaan (median line or equidistance line). Aragtida Soomaalia waa tan caalamka guud ahaan isku raacsan yahay. Kenya waxay ku adkeysaneysaa in sohdin-baddeedka ay la wadaagto Soomaaliya ay tahay barbar dhac (parallel) ka soo burqata xariiqda toosan ee labada dal wadaagaan. Sheegashadaas, waxay Kenya ku heleeysaa dhul-badeed Soomaaliyeed oo baaxadiisa lagu qiyaasay 100,000 Sq Km, lana mid ah qiyaas dhuleed (bedka) gobolka Jubaland. Ismandhaafka wuxuu sii xoogeystey, kadib markii ay dowladda Kenya ku xadgudubtey ujeeddada heshiiskii is-afgaradka ee lagu gaarey Nairobi, 2009kii. Kaas oo xusayaa inuusan xallineyn wixii muran ahaa ee labada dal horey ugu socdey ee ku saabsanaa sohdinta kala qaybisa xeebahooda. 2012kii Kenya iyadoo hab qaldan u isticmaalaysa heshiiskii, ayey shirkadaha shidaalka baara ka xaraashtay 8 waxaad oo 7 ka mid ah ku yaalaan aaga Jamhuuriyadda Soomaaliya. Falkaas sharci darrada ah wuxuu xadgudub bareer ah ku yahay, xuquuqda sahaminta iyo uruurinta dakhliga ay ka qaadatay, (The East African – August 25, 2012). Xaraashka Kenya ee badda Soomaaliyeed waxay daba socotey markii hab qadarin la’aan ah oo ay isla weyni ku dheehan tahay, ay gacan dhaaf ku sameysay madaxbannaanida iyo qaranimadda Soomaaliya. Oktoobar 2011, Kenya waxay si ulakac ah ugu xadgudubtay xuduuda Soomaaliya ayadoo ujeeddadeedu ahayd inay hesho maamul goboleed Soomaaliyeed oo hoostaga “buffer state.” Kenya marnaba kuma xisaabtamin inay Soomaaliya ay kala kulmi karaan awood amase hoggaan ka horyimaada hanqaltaageeda ay ku sheeganeyso badda Soomaaliyeed. Taariikhdu markay ahayd Juunyo 2013 ayaa Golaha Wasiiradda iyo Baarlamaanka Federalkaba Soomaaliya, dib u ansixineen go’aankii Agoosto 1, 2009 kaasoo laallay heshiiskii is-afgaradka Soomaliya iyo Kenya, kuna tilmaammey wax kuma oolan (null and void). Tan iyo markii ay ku guuldareysata doodii hor u dhaca ahayd, Kenya waxay ololayneysaa in gogosha garta lagu fiddiyo meel ka baxsan Maxkamadda ICJ. Kenya waxay ku baraarugsan tahay, in xaqiiqda dhabta ah ee sohdin-badeedka ay ku doodeyso uusan salka ku heyn sharuucda caalamka ee xuduudaha baddaha. Intaa ka dib, Kenya waxay bilowday inay isticmaasho xeelad canaad iyo sasabasho iskugu dhafan. Taariidhdu markay ahayd Siteembar 2016, waxay ka qaaday Soomaaliya xayiraaddii safarka dalku galka waddankeeda oo tan iyo 2006kii taagneyd. Daajinta ay Kenya ku kasbanayso Soomaaliya intaa kuma ekaan. Taariikhdu markay ahayd Maarso 2017kii, Kenya waxay u ballan qaaday Soomaaliya, in saraakiisha dowladda ee ku safraya baasaboorada shaqadda rasmiga ah iyo midka diblomaasiga inay dalka Kenya ku geli karaa fasax dal ku gal la’aan. Waxaa dadaalkaas daba jooga, hagardaamo dadban. Taariikhdu markay ahayd Nofeember 2018kii, ayaa Wasaaradda Difaaca Kenya damacday in Soomaaliya ku soo jiido, ka mid noqoshadda Heshiiska Amniga Badweynta Hindiya (Indian Ocean Security Deal), iyadoo farta ugu fiiqeysa in ay dan ugu jirto. Kenya waxey markale weji gabax kala kulantey hankaaggeeddii, kadib markii ay dowladda Soomaaliya ku gacan sayrtay. Haddii uu shiqoolkaas uu u suurogeli lahaa, gacan ku haynta badda (maamulka), waxay u gacan geli lahayd ciidamadda “Kenya Coast Guard,” (Allafricanews – 29/11/2018). Daandaansiga iyo dhagarta Kenya waa arrin la yaab leh. Dowladda Soomaaliya ayaa London ku soo bandhigtay macluumaadka sahminta soosaarista khayraadkeeda, taariikhdu markay ahayd Febaraayo 7, 2019 (seismic data 2014-2016). Islamarkiiba, Kenya waxay jeebka gashatey wanaagii yaraa, inkastoo dowladda Soomaaliya iyo shirkadda Spectrum ay u xaqiijiyeen, in aysan qaadin tallaabo wax u dhimmi kara dacwadda Maxkamada ICJ. Kenya kuma qancin shaki bixintaas, oo waxay durbadiiba ka soo saartey bayaan xanaf leh taariikhdu markay ahayd Febaraayo 16, 2019, kaas oo ay ku soo cayrisayay danjire Moxamuud Axmed Nuur – Tarzan, isla markaasna dib ugu yeeratay mid keedii – danjire Lucas Tumbo. Falkaas oo ka baxsan hab maamuuska iyo xurmada deriswanaaga. Maarso 2019kii, gulufkii boolaxoofteynta waxaa cagta u dhigay, dadaaladii gobolka oo Kenya kaga digayay colaadinta Soomaaliya iyo carqaladeynta nabadda GeeskaAfrika. Islamarkaas, Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo wuxuu ugu tagay Madaxweyne Uhuru Kenyatta fadhigiisa, ayadoo shacabka Soomaaliyeed carro ka muujiyeen kulankaas. Kenya waxay dib boorka ugu jaftey siyaasadeedii cunnoqabateynta Soomaaliya. Maajo 2019kii, waxay xayiraad dal ku gal ku soo rogtay ergadii dowladda Soomaalida uga qayb geli lahaa shir looga arrinsanayay iskaashiga xuduudaha Geeska Afrika, oo ay EUda iyo UNka soo qaban qaabiyeen, laguna qabanayey Nayroobi. Hagardaamadaas waxaa ka dhalatay natiijo ka duwan middii ay ka filaysay. Kenya malaha waxay maleenaysay in Soomaalida oo qabyaalad boqongoysay, aysan ku heshiin karin maareynta khayraadkooda. Waxaase mala’awaalkeedii dhabar jabiyey in baarlamaanka Soomaaliyeed, si sahlan ku ansixiyay sharcigii shidaalka. Kenya markii ay ku waabariisatey, in maamulka Farmaajo-Kheyre aysan dhag jalaq u siinayn daandaangiseeda, ayay cunnoqabateyn hor leh ku dhaqaaqdey. Waxay joojisay duulimaadyaddii tooska ahaa (Nairobi – Muqdisho), mamnuucday rarka aan rakaab la socon ee diyaaraddaha ka soo qaadaan Muqdisho, si ay shacabka ugu kiciso dowladda. Caqabaddaha Kenya ay culays ku saartay dowladda Soomaaliya waxaa kaloo ka mid ahaa, in Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda Kenya, oo la kulmay wafdi ka socday Hargeysa, ayaadoo uu ula dan lahaa qaran jibinta midnimada Soomaaliya. Waxay dhammaan diyaaradaha ka yimaada Muqdisho ku soo rogtay inay ku hakaddaan Wajeer, ka hor inta aysan u gudbin Nairobi. Halka, kuwa ka soo duula Jubaland amase Somaliland, si toos ah ay ugu fasaxan yihiin ka degidda garoonka Nairobi. Intaba markii Muqdisho ay ka danqaweyday, ayay Kenya bilowdey weerar ay ku marmarsiyooneyso la dagaalanka argagaxisada, kuna ololeyneyso qaraarka 1267 oo ku saabsan, in Shabaab loo aqoonsado urur argagixiso caalami ah. Golaha Ammanka QM ayaa diiday August 28, 2019. Weliba, taa bedelkeeda Goluhu wuxuu ku boorriyay dowladda Kenya, inay meelmariso qaraarraka 751 ee lala beegsanayo Shabaab, oo ay ka mid tahay mamnuucida ganacsiga dhuxusha dekedda Kismaayo ka baxda, iyadoo dhaliilo hore ka taaganaayeen mucaamilka ciidamadda Kenya ee maamula dekadda la leeyihiin Shabaab. Soomaaliya waxay markasta iyo meelwalba madaxbanaanideeda ku ilaalsaneysaa, si nabad iyo asluub diblomaasiyad leh, oo ay daris wanaag ku dheehan tahay. Waana tan keentay inay dacwad ka gudbiso Kenya. Sidoo kale, Soomaaliya waxay ka feejigan tahay dhagarta Kenya, ayadoo iska ilaalineysa fal kasta ee laga yaabo inay wax u dhimmi karaan deris wanaaga, ilaa maxkamadda ka soo saarto qaraarkeeda kama dambeys ah. Isku daygii ugu dambeye ee Kenya ku hor istaagayso inay dhacdo dhagaysiga dacwada badda ee hor taalla Maxkamda ICJ, ayaa ah inay codsatay in dib loo dhigo xilligii lagu madlanaa oo ahayd September 9, 2019. Kenya waxay ku marmarsiyooneysaa inay eriday lix qareen oo ku matalayey dhagaysiga dacwada badda, ayna doonayso in waqti loo siiyo si ay u qoroto qareeno cusub. Ilaa hadda Kenya waxaa difaaca uga baxay kharash kor u dhaafaya ilaa 3 malyan doollar, haddana waxaan sir ahayn, in ay u muuqato in fursada guul darrada dacwada ka badan tahay tan midda guusha. Haddaba, uurkummaanle Macharia Kamau waxuu u baahan yahay inuu kala garto waxa la yiraah bisayl iyo bisayl la’aan diblomaasiyadeed, inta uusan ka qoomamayn daris xumidda uu unkay. W/Q: CabdulQadir Cariif Qassim Jamhuriyada.com AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa magaalada Dhuusamareeb si rasmi ah uga furay shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug oo ay ka qayb gelayaan ergo meteleysa dhammaan reer Galmudug. Ra’iisul Wasaaraha oo wasaaradda arrimaha gudaha iyo guddiga qaban-qaabada shir-weynaha uga mahad celiyay dadaalkii dheeraa ee ay u galeen isu keenidda bulshada Galmudug, ayaa sheegay in shirkaani uu gogol xaar u yahay dhismaha Galmudug loo dhanyahay oo ka shaqeynsa danaha reer Galmudug kana qayb qaadata horumarka guud ahaan dalka. Mudane Xasan Cali Khayre ayaa sidoo kale u mahad celiyay Madaxweynaha Galmudug, Ahlu Sunna, dhammaan bulshada reer Galmudug, ciidamada amniga sugaya iyo dhammaan intii gacan ka geysatay in geeddi socodaka dhismaha Galmdug dhammeys ah lasoo gaarsiiyo heerka uu maanta marayo, waxa uuna shirka u rajeeyay in uu guul ku dhammaado. “Shirkaan caawa aan daah fureyno waa albaabkii laga gelaayay dowladnimada Galmudug…. Si loo hehiisyo oo maamul la wada leeyahay loo dhiso waa in danta gaarka ah meel la dhigo oo dan guud laga shaqeeyo….Waa in aan ka guurno fikirka khilaafka ku dhisan, dhaqanka colaadda ku dhisan iyo maslaxadda qabyaaladda ku dhisan”, ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre. Shir-weynaha ayaa inta uu socdo waxa ay reer Galmudug uga tashanayaan dhismaha dowad gobaleedka Galmudug iyo qabsoomidda doorasho xor iyo xalaal ah oo horseedda in maamulka ay dhisanayan uu noqdo maamul ku hoggaamiya wadada horumarka, xariir wannaagsanna la leh dowladda federaalka Soomaaliya. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa bishii June ee sannadkaan waxa uu deegaannada Galmudug ka bilaabay dadaal gundhiggiisu ahaa ka guul gaaridda geeddi sococdka qorshaha reer Galmudug ay ku dhisanayaan dowlad gobaleed dhammeys ah oo loo simanyahay, wanaana dadaalladaas soo dhaweeyeeyay beesha Caalamka, reer Galmudug iyo bulshada Soomaaliyeed oo dhan.
-
Maxkamadda ayaa xukunka ama go’aankaas gaartay kadib markii ay dalabka Kenya ee dib u dhigista u aragtay niyad wanaag iyo iney dhab ka tahay codsigeeda. Maxkamadda ayaa xukunka ama go’aankaas gaartay kadib markii ay dalabka Kenya ee dib u dhigista u aragtay niyad wanaag iyo iney dhab ka tahay codsigeeda. Arrintan waxaa kale oo ka cad in Kenya la siiyey fursaddii ugu dambeysay oo qareenno ku qabsan karaan, isla markaana aan laga dhageysan doonin marmarsiyo kale. Dhinaca kale, caawa golaha nabadda iyo amniga Midowga Afrika ayaa diiday inuu qeyb ka noqdo dacwadda badda ee Kenya iyo Soomaaliya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Xulka kubadda cagta dalkeena Soomaaliya ayaa guul taariikhi ah ka gaaray heerka kowaad ee isreeb-reebka ciyaaraha koobka adduunka 2022. Xulka qaran Soomaaliya ayaa caawa 1-0 ugu awood sheegtay xulka dalka Zimbabwe, kulankii lugta kowaad oo dhacay dalka Jabuuti oo marti galinta wakiil ugu ahayd Soomaaliya. Ciyaaryahanka Anwar Siciid Cali (Shakunda) ayaa xulka Soomaaliya kubbad madaxa ugu dhaliyay daqiiqadii 87-aad ee dhaamaadkii ciyaarta. Xulka Soomaaliya oo dabaal-degaya Waa markii ugu horreysay oo Soomaaliya kulan ka tirsan isreeb-reebka koobka adduunka ay guul ka gaarto, tan iyo markii la asaasay tartankan 1930-kii. Madaxda dowladda Soomaaliya iyo xisbiyada mucaaradka ayaa u hambalyeeyey xulka qaranka, sidoo kale shacabka ayaa aad ugu hambalyeynaya guusha taariikhiga ah. Kulan lugta labaad ayaa dalka Zimbabwe ka dhici doona 10-ka bishan September ee todobaadka dambe, waxaana Soomaaliya haddii ay soo baxdo u gudbi doontaa is araga labaad ee isreeb-reebka koobka adduunka. Koobka adduunka 2022, waxaa marti galintiisa horey ugu guuleystay dal yaraha Qadar. PUNTLAND POST The post Soomaaliya oo guushii ugu horreysay ka gaartay dhacdada ugu weyn kubadda cagta appeared first on Puntland Post.
-
Waxaa caawa fiidkii si rasmi ah magaalada dhuusamareeb ee caasimadda Dowlad gobaleedka Galmudug uga furmay shirka dib u heshiisiinta beelaha dega deegaanada Galmudug iyo dhismaha maamul dadka reer Galmudug u wada dhan yihiin. Xafaladda furitaanka shirka ayaa hadda ka socota hoolka loo asteeyay in lagu qabto shirka ee magaalada dhuusamareeb, waxaana shirka ka soo qeyb galay ra’isul wasaaraha xukuumadda federaalka ah Xasan Cali Kheyre, guddoomiye ku xigeenka 1aad ee aqalka sare Abshir Axmed, xildhibaanno labada gole ee Baarlamaanka federaalka iyo Ergo mataleysa beelaha daga Galmudug oo gaaraya ilaa 500 ergo. Galabta ayey aheyd markii magaalada Dhuusamareeb ay soo gaareen wafdi isugu jira senatarro iyo xildhibaanno uu hoggaaminaayo guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Aqalka Sare Abshir Maxamed Axmed, oo ka mid ahaayeen Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid, Xildhibaan C.raxmaan Maxamed Odawa, Xildhibaan Saabir Nuur Shuuriye, Xildhibaan Axmed Fiqi oo ka soo anbaba baxay magaalada Hobyo oo ay uga soo qeyb galeen xiritaanka shirkii dhawaanahan ka socday magaalada Hobyo,. Dhanka kale guddoomiyaha guddiga qabanqaabada shirka dib uheshiisiinta beelaha Galmudug oo caawa magaalada dhuusamareeb ka furmay Dr, Cabdiraxmaan Cabdullaaahi Baadiyoow, ayaa xusay in shirka dib uheshiisiinta beelaha Galmudug uu yahay aas aas u ah maamul dowladnimo oo ka hana qaada deeganada Galmudug. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Hague (Caasimada Online) – Maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda ayaa dib u dhigtay dhageysiga dacwada kiiska badda ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya, oo qorshuhu ahaa in la qabto 9-ka illaa 13-ka bishan September. Maxkamadda ayaa hadda kiiskaas dib u dhigtay muddo kaba bilood oo ah ilaa bisha November ee sanadkan, sida uu sheegay safiirka Soomaaliya ee Midowga Yurub Cali Fiqi. Go’aankan ayaa yimid kadib markii ay sidaas codsatay Kenya, oo ku andacootay inay dooneyso inay qorato qareenno cusub, kadib markii ay cayrisay qareenadii hore. Si kastaba, maxkamadda ayaan aqbalin codsigii Kenya ee ahaa in kiiska dib loo dhigo muddo 12 bilood ah, waxaana hadda laga doonayaa inay maxkamadda hor-timaado bisha November. Inkasta oo Soomaaliya ay dooneysay inaan kiiska dib loo dhigan, haddana dib u dhigista muddada labada bilood ah, ayaa loo arkaa guul ay Soomaaliya gaartay, sababtoo ah waxaa la rumeysan yahay in Kenya aysan daacad ka ahayn dib u dhigista iyo cudur-daarkeeda. Kenya ayaa la rumeysan yahay inay dooneysay inay muddada 12-ka bilood ah uga faa’iideysato inay cadaadis kale oo caalami ah ku saarto Soomaaliya, kadib markii ay fashilmeen dadaalladeeda hore. Waxaa muuqata inay yar tahay waxa ay Kenya ku sameyn karto laba bilood gudahood, taasi oo weli ah rajo siineysa Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska London caasimada@live.com
-
Adis Aba (Caasimadda Online) – Midowga Africa ayaa go’aan niyadda ka jabiyey Dowladda Kenya ka qaatay Kiiska Dacwadda Badda ee kala dhaxeeyo Soomaaliya. Midowga Africa oo Maanta Magaalada Adis Ababa ku yeeshay kulankoodii labaad ee Golaha nabadda iyo Amniga loogana hadlayey muranka u Dhaxeeyo Soomaaliya iyo Kenya ayaa kusoo dhamaaday guul usoo hoyatay Soomaaliya. Golaha ayaa isku raacay in Kiiska Badda ee Soomaaliya iyo Kenya loo dhaafo Maxkamadda ICJ oo hadda kiiskaas u ballansan 9-ka Bishaan September. Waxay isku raaceen inaysan macquul aheyn in Kiiskaan lasoo wareejiyo maadaama aysan laheyn awood ay ku farageliyaan dacwad ka furan Maxkamadda ICJ. Go’aankaan ayaa meesha ka saaray damacii Dowladda Keny ee ahaa inuu Midowga Africa Kiiskaan soo farageliyo si wadahadal loogu dhameeyo. Maalintii Talaadada ayey aheyd markii Midowga Africa uu dhageystay aragtiyada laba dal, waxayna Soomaaliya midowga Africa ugu baaqday in dacwadaan loo dhaafo Maxkamadda IC maadaama uu kiiska hadda marayo meel dhamaad ah. Dowladda Kenya ayaa cabsi weyn ka qabto go’aanka kasoo bixi doono Maxkamadda ICJ, waxayna durba muujisay inaysan heysan caddeymo ku aadan dooda ay gelisay Badda Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa maanta kormeeray saldhigga Booliiska Dhuusamareeb iyo xarumaha ciidamada kumaandoosta Danab iyo nabad sugidda ee qaybta ka qaadanaya adkeynta amniga magaalada Dhuusamareeb inta ay socdaan howlaha loogu diyaar garoobayo dhismaha dowlad gobaleedka Galmudug loo dhanyahay. Wasiirka amniga iyo Saraakiisha ciidamada ayaa Ra’iisul Wasaaraha ku wehliyay kormeerka oo isugu jiray dhiirri gelin iyo u kuur gelidda hannaanka ay ciidamadu uga shaqeynayaan adkeynta amniga iyo sidoo kale isu diyaarinta ciidamda Danab ee qorshaha xoreynta deegaannada ay argagaxisadu uga sugantahay Galmudug. Ra’iisul Wasaaraha XFS oo la hadlay ciidamada ku sugan xarumaha uu kormeeray ayaa u sheegay in madaxda dowladdu ay aad ugu farasaxsantahay shaqada wanaagsan ee ciidanku qaranka u hayaan, ayna ku faanto ciidamada nafta u huraya ilaalinta nafta iyo maalka ummadda Soomaaliyeed, waxa uuna kula dardaarmay in ay si wadajir ah u laba jibbaaraan shaqada ay qaranka u hayaan. Dowladda Soomaaliya ayaa isku dhinac wadda dadaallada dhismaha Galmudug loo simanyahay iyo qorshaha xoreynta shacabka Soomaaliyeed ee ku dhibaateysan deegaannada ay argagaxisadu uga suganyihiin Galmudug, si marka ay dhismaan hey’adaha dowladeed ee Galmudug, ay dhamaan reer Galmudug u helaan adeegyada aasaasiga ah ee ay xaqa u leeyihiin. View the full article
