Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,054
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Aussie startup Lumachain has secured $3.5 million in funding for its blockchain technology tracking food supply chains, and tackling modern slavery at the same time. Source: Hiiraan Online
  2. “Doorasho 4 Bilood ku dhacaysaa ma jirtee Yaan la caayin caqliga Shacabka !! . qalinkii A/rahman fidhinle UK.” 1- Komishanka Doorashooyinka Qaranku waxay ka gaabiyeen dar-dar gelintii qodoban soo socda: A) Habraacii wadashaqeyneed ee ay la yeelan lahaayeen Golaha Baarlamaanka si Baarlamaanku xeerarka saami qaybsiga u curiyaan B) Dar-dar gelinta iyo dib u furistii Diiwaan gelinta Codbixiyayaasha si howshu u kala socoto oo mudada qorshe hawleedku u soo gaabato C) Miisaaniyada Doorashooyinka iyo Diiwaan gelinta oo aanay ka soo wada xareyn badhkii Xukuumada si diiwaan gelinta Codbixiyayaasha loo sii bilaabo D) Waxay ka gaabiyeen Hab-raacii wada shaqeyneed ee Madaxweynaha iyo ogeysiintii Garsoorka si xukuumadu xil-isaga saarto miisaaniyada qaybta kaga aadan oo dhan E) Waxay ka gaabiyeen dhamaan wada shaqeyntii Waaxyaha qaranka waayo, way arkayeen saansaanta mudo kordhinta ee ay la sugeen waqtigan xeedho iyo fandhaal kala dhaceen ee waqtigii doorashada loo cayimay ay ka hadhay 4-ta bilood. iyaga oo hore u sheegay in ay u baahan yihiin mudo ugu yaraan 10 bilood ah. 2- Golaha Baarlamaanku waxay iyana dhegaha ka fureysteen qodobadan hoose : A) in ay diyaariyaan shuruucdii saami-qeybsiga kuraasta Golaha Wakiilada Gobolada oo mudo aad u dheer soo cakirnaa oo ilaa doorashadii hore hortaalay.. B) Waxay ku fashilmeen in ay xeerarka labada Doorasho ee isku sidkan ay is waafajiyaan oo aanay howsha isla wada sugin ee sii falkiyaan. C) Waxay ku fashilmeen ku dhaqankii waajibaadkii Dastuuriga ahaa ee ay kuraasta Baarlamaanka ku baneyn lahaayeen maadaama uu mudo xileedkoodii dhamaaday. D) Waxay ku fashilmeen in ay sii diyaarinyaan oo miiska sii saaraan xeerarkii lagu bedeli lahaa maadaama uu maandheytkoodii uu dhamaaday. 3- Madaxtooyadu waxay ka gaabisay qodobadan hoose : A) in ay dabo galaan Xeerarka Baarlamaanku miiska hoostiisa uu dhigay ee ay diyaarin waayeen mudadaa dheer ee kolba waqtiga loo sii kordhinaayey. B) Waxay ku fashilmeen Miisaaniyada Doorashooyinka ee komishanka qaranku u soo gudbiyey ee ay xukuumad ahaan qaybtooda soo dhameystiri waayeen. C) Madaxweynuhu wuxuu ka gaabiyey Isfahan la’aantii ay is fahmi waayeen asxaabta qaranka ee mucaaridka ah taas oo uu waqti badani ku lumay. D) Madaxtooyadu waxay ka gaabisay dar-dar gelintii dhamaan qorsheyaashii lagu gaadhi lahaa in Doorashadu waqtigeeda ku qabsoonto. E) Madaxtooyadu waxay ku ribatay ku dhaqankii Dastuurka qaranka iyo waajibaadkii dastuuriga ahaa ee Hanaanka Geedi socodka Dimuqraadiyada JSL ku dhisneynd Maadaama Doorashooyinkii dib u dhaceen oo aanay marna ku qabsoomi karin 4-bilood gudahood. Golaha Baarlamaanka waxaa mudo kordhin qayrul sharci ah loo sameeyey 3 Jeer oo hore, waxaanay kuraasta ku fadhiyaan mudo 3 term ah iyada oo aan marna la qiimeyn ku dhaqanka xeerarka Dastuurka qaranka ee sida cad u qeexaaya waajibaadka Dastuuriga ah ee saaran Sadexda Dhar-dhaar ee Qaranku ka kooban yahay. Shuruucda Dastuurka ee sida badheedhka ah loo jebiyey waxaa ka mid ah dhamaan shuruucdii isla xisaabtanka qoleyaasha qaranka sida ay qeexayaan qodobada 37-aad oo qeexaya waajibaadka isla xisaabtanka, qodobada 56-aad iyo 97-aad oo qeexaaya awoodaha isla xisaabtanka waaxyaha qaranka. Waxaa la jebiyey Hanaankii Dimuqraadiga ahaa, maamul-wanaagii, milgihii iyo macnihii dawladnimo, Waxaa la jebiyey Xil-gudashadii I, is-xisaabintii iyo Xaliibnaantii sadexda hayadood ee qaranka JSL ugu sareeya oo kala ah Fulinta, Xeerdejinta iyo Garsoorka. Dhamaan waxaa xilkoodii gabay hayadihii isla Xisaabtami lahaa ee xilkooda Dastuuriga ah gudan lahaa kuwaa soo Waaxiba ay Waaxda kale xilkii u kordhinayso oo hada xaalkoodii uu iska noqday “dhabarka ii xoq- aan kuu xogee” taas oo shacab weynihii doortay iyo musharaxiintii iyaga bedeli lahaa si badheedh ah loogu heshiiyey si kuraasta loogu sii fadhiyo mudo dheer. ” Bal waa taase shacabka reer Somaalilaan mar qudha ha loo sheego cida xilkeedii gudan wayday ee masuulka ka noqonaysa Doorashooyinkaa mudada dheer dib ugu sii dhacaya.? Waxaa la caayayaa waa caqligii shacab weynihii doortay ee dirtay ee maandheytka mudada kooban ee 5-ta sano ah siiyey. Doorashooyinka mar kasta dib u dhacaaya ee aan waqtigooda lagu qaban waxay Saameyn xoogan oo taban ku yeelanaysaa Sumcadii iyo karaamadii Somalilaan waxaana ay ka dhigaysaa Sawirkii guud ee Somalilaan qorax madow oo sii dhacaysa. Waxay aheyd in aanay ciida ku rafan ee Komishanka doorashooyinku ay mar kasta is cadeeyaan oo ay sii sheegaan halka howshu mareyso iyo in doorashadu dib u dhacayso.. Waxaa ceeb iyo fadeexad qaawan inagu ah in Doorashada Baarlamaanku ay 5-jeer dib u dhacdo halka Dawlada Federaalka Somaaliya ay 3 doorasho baarlamaan qabsadeen inagana ay hal baarlamaan ina hor fadhiyeen 13 sanadood. Waxaan ku soo garoocayaa qormadan : Doorasho 4 bilood gudahood ku dhacaysaa ma jirtee Shacaboow – Shacaboow Tiraa Kaa Gedmane Wax isu gey geyso !!! Allaa Mahada Leh Wa-Laahum-Aclam-Wa-Bilaahi-Tawfiiq Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi (scs) Qalinkii : A/rahman Fidhinle Qoraa Madax banaan Intensive ED BD PA United Kingdom London Qaran News
  3. Militariga Maraykanka ayaa shaaciyay in duqeyn diyaaradeed oo ay ka fuliyeen buuraleyda gobolka Bari ee Puntland ay ku dileen sarkaal ka tirsanaa malayshiyaadka Daacish. Qoraal ka soo baxay taliska ciidamada Maraykanka ee Qaaradda Afrika (AFRICOM) ayaa lagu sheegay in duqeynta oo sabtidii 27-Julay ka dhacday buuraleyda Golis ee gobolka Bari lagu dilay sarkaal ka tirsana Daacish oo kaalin muhiima ka ciyaaray fududaynta hawlaha Kooxda. Waxaa kale oo qoraalka AFRICOM lagu sheegay in duqenta oo lala kaashaday dowladda Federaalka Soomaaliya aysan wax khasaare ah ka soo gaarin dadka rayidka ah ee ku nool dhulka duqeyntaasi laga fuliyay. Sidoo kale waxa uu sheegay in ay sii wadi doonaan duqeymaha ka dhanka ah malayshiyaadka Daacish iyo Al-shabaab ee ku sugan buuraleyda Golis si loo curyaamiyo dhaqdhaqaaqyada ay halkaasi ka wadaan. PUNTLAND POST The post Maraykanka oo sheegay in uu gudaha Puntland ku dilay sarkaal kaalin muhiima ugu jiray Daacish appeared first on Puntland Post.
  4. ISTANBUL -The Turkish Cooperation and Coordination Agency (TIKA), Hayrat Foundation and the UN Refugee Agency (UNHCR) have performed free eye surgeries for 300 people in Kenya’s northern town of Garissa in remembrance of July 15 failed coup attempt martyrs. Source: Hiiraan Online
  5. A Queens man who stalked Rep. Alexandria Ocasio-Cortez has been sentenced to two months of jail time, officials said Sunday. Source: Hiiraan Online
  6. Eagan, MN - Hundreds of community members rallied and marched on the Twin Cities Premium Outlets in Eagan on Saturday afternoon, July 27, to demand justice for Isak Aden, a Somali man who was killed by police in this Saint Paul suburb on July 2. Source: Hiiraan Online
  7. Angry residents stormed a shop in Khayelitsha, Cape Town, on Sunday morning after the owner allegedly shot a man in a dispute over change. Source: Hiiraan Online
  8. Insecurity in Somalia is diminishing the numbers of refugees willing to return home from the Dadaab camps in Kenya, the United Nations said recently. Source: Hiiraan Online
  9. NAIROBI (Reuters) - A U.S. air strike killed a facilitator for an Islamic State-aligned militia in northern Somalia, a statement from the American military’s Africa Command said on Sunday. Source: Hiiraan Online
  10. Kismaayo (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wada talaabooyinkii ugu dambeeyay ee ku aadan doorashooyinka maamulka Jubbaland waxaana saacadihii la soo dhaafay ay qaadatay go’aano adag. Caasimada Online ayaa ogaatay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay la kulantay Taliska ugu Sarreeya Ciidamada AMISOM ayna ka dalbatay in ay amarkii ay bixiso Dowladda uu ka dhaqan galo Kismaayo iyo guud ahaan Jubbaland fulinta amarkaasna laga rabo Ciidamada AMISOM. Dowladda Soomaaliya ayaa AMISOM ka dalbatay in amaanka Kismaayo ay la wareegaan Ciidamada Itoobiya lagana wareejiyo Ciidamada maamulka Jubbaland iyadoo sheegtay in ay musharaxiinta wajahayaan qatarro badan oo dhanka amaanka ah. Sidoo kale Dowladda Soomaaliya ayaa qorsheysay in maalmaha soo socda ay Kismaayo gaaraan mas’uuliyiin katirsan Dowladda Soomaaliya iyo musharaxiin ka walaacsan amnigooda sidaas darteedna looga baahanyahay Ciidamada AMISOM in ay sugaan oo ay la wareegaan amaanka Jubbaland. Taliska AMISOM ayaa bilaabay kulamo ay la qaadanayaan madaxda hey’adaha amaanka islamarkaana ay ku wargeliyaan in amaanka ku wareejiyaan Ciidamada AMISOM waxaana socda kulamo arintaasi ku saabsan. Maamulka Jubbaland, ayaa maalmo ka hor soo saaray go’aano degaanada maamulkaasi looga mamnuucayo masuuliyiinta Dowladda Federaalka Soomaaliya inta ay Jubbaland ku jirto Marxaladda doorashada iyo waqtiga kala guurka ee Jubbaland. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Wargeyska Indian Ocean ayaa qoray in isbeddel weyn oo dhanka maamulka iyo saamiga ah uu ka dhacay Bankiga Salaam African Bank ee dalka Jabuuti. Warbixint wargeyska ayaa lagu sheegay in afhayeenkii hore ee baarlamanka Soomaaliya iyo madaxweynihii hore ee maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan uu noqday qofkii labaad ee saamiga ugu badan ku leh bankiga. Shariif Xasan ayaa ku xiga saami laha ugu weyn bankiga oo magaciisa lagu sheegay Maxamed Axmed Cali oo madax ka ah shirkadda guryaha ee Al-Rayaan, sida warbixinta ay tiri. Wargeyska ayaa sidoo kale sheegay inay suurta-gal tahay in Shariif Xasan uu dhowaan ku biiro guddiga maamula Bankiga, oo sidoo kale ay ka mid yihiin Maxamed Axmed Cali iyo Cusmaan Ducaale Dirir. Xiriir aan la sameynay Shariif Xasan si aan wax uga weydiino arrintan nooma suurta-gelin inaan jawaab ka helno. Shariif Xasan oo ka degay xilka madaxweynaha Koonfur Galbeed bishii November ee sanadii 2018 kadib dagaal siyaasadeed adag oo uu la galay dowladda federaalka, ayaan lagu arag saaxadda siyaasadda iyo goobaha dadweynaha tan iyo markaas. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  12. Ceerigaabo (Caasimada Online) ― Xukuumada Somaliland ayaa markale ka hadashay dagaalkii ka dhacay deegaanka Karin ee degmada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag. Dagaalkan ayaa wuxuu u dhexeyay Ciidamada Jabhada uu hogaamiyo Kornayl Caare iyo Ciidamada Somaliland ee ku sugnaa deegaankaasi. Maxamed Axmed Caalim, Guddoomiyaha gobolka Sanaag oo warbaahinta kula hadlayey gudaha magaalada Ceerigaabo, ayaa waxa uu ka warbixiyay dagaalkaasi, isagoona sheegay in ciidamada Somaliland uusan khasaare badan ka soo gaarin, wuxuuna yiri “Waxa dhacay ciidanka qaranka Somaliland ayaa gaadhay ciidan uu watay Caare, oo ku soo dhowaaday wadada Daallo laga galo, Ciidankuna nasiib wanaag iyadoo waxba ku dhiman, labo gaadhi ayaa Caare laga soo qabtay, isagii iyo saddex gaadhina waxay u yaaceen buurta gudaheeda”. “Si nabad-gelyaa odayaashi looga daba diray, marwalba xaga nabad-gelyada ayaanu ku mareyna, qofna nagama go’o, howshaasi si wanaagsan ayey u socotaa, waanay soo gaba-gaboobeysa”. Wuxuuna intaas kusii daray “Wax khasaara oo dhacay Inan dhaawaca unba jira oo finiin xabado ku dhacay dhagax ay gal-galeen, wax kale oo dhibaata kamay dhicin meesha”. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  13. Muqdisho (Caasimada Online) ― Guddoomiyihii hore ee Maxkamadda sare ee Soomaaliya, Ibraahin Iidle Suleymaan, ayaa codsi u diray Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi. Ibraahin Iidle ayaa Ciidamada Booliska Somaliland ka codsaday in baaris lagu sameeyo dil toogasho oo ka dhacay degmada Ceel-Afweyne. Mudane Iidle ayaa sheegay in dilkaasi loo geystay wiil uu adeer u yahay, oo lagu magacaabi jirey ‘Rooble Mahdi Iidle’. Ibraahin ayaa xukuumada Biixi ka dalbaday in cadaalada la horgeeyay cidii ka dambeysay dilka loo geystay wiilka uu adeerka u yahay. “Waxaan ka codsanaynaa Bileyska Somaliland inay baadhis rasmiya ku sameeyaan toogashada shalay lagu diley Rooble Mahdi Iidle, taas oo ka dhacday magaalada Ceel Afweyn, isla markaana caddaalada la horgeeyo ciddii ka danbeysey” ayuu yiri Ibraahin Iidle. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  14. By: Faysal Mohamed The Kenyan government is pursuing a determined campaign, engaging in outlandish and undiplomatic behavior, and targets Somalia so as to pressure Mogadishu to withdraw an International Court of Justice (ICJ) maritime dispute case it filed against the former in 2014. On Feb. 16, 2019, Kenya expelled Somalia’s Ambassador to Kenya Mohamed Mohamoud Nour and recalled its envoy. It labeled Somalia an enemy state trying to grab its natural resources. On May 21, top Somali diplomats, including ministers and deputies, were denied entry at Jomo Kenyatta Airport for what aviation authorities described as “lack of visas.” The officials were invited to take part in a high-level EU sponsored cross-border conflict management program in Nairobi. It also ordered Somali flights to be investigated at Wajer, banning unaccompanied luggage on aircraft arriving from Somalia, disseminating security fears over Somalia’s direct flights. Kenyan media was also complicit in the pressure strategy. The Standard Digital newspaper accused Somalia of putting Lamu oil blocks on sale, a claim which Somalia swiftly rejected. Kenya has suspended fishing activities off the coast near the Somali border over what it termed a security precaution. The neighboring countries are now wrangling over a sea dispute at the ICJ with both claiming a 100,000 square kilometer sea shelf believed to be rich in oil deposits and other significant mineral resources. On Aug. 28, 2014, Somalia took Kenya to the U.N.’s highest court, suspecting the latter has given the green light to foreign oil exploration companies. But Kenya insisted that the ICJ has no role in taking the case and that it has alternatives to settle the issue with Somalia, citing a memorandum of understanding (MoU) signed back in 2009. On Feb. 2, 2017, the court annulled Kenya’s objection to proceeding to a full hearing of the case. Kenya has since launched a full-blown diplomatic war against Somalia and accused its neighbor of auctioning oil blocks within its maritime borders. Somalia, which is recuperating from two decades of conflicts, has shown more political maturity than Kenya in respecting the case with the ICJ. Kenya, on the other hand, in a diplomatic letter to Somalia on May 21, said that it will use a military force if Somali locals hinder the construction of a fence along its border with Somalia. This is another sign showing that Nairobi has taken Mogadishu’s magnanimity and silence for granted. It’s not working These bullying tactics have no place in international relations and it’s obvious that even superpower governments have botched this option. Kenya thinks that it has leverage over the game as Somalia has no strong functioning government since the collapse of the former government in 1991. Kenya’s suicidal politics only begets regional instability and is jeopardizing the very friendly ties it previously shared with Mogadishu. Intellectuals envisage that Kenya’s egregious decisions might even damage its regional integrity. The U.N.’s only headquarter in the region is located in Nairobi, where Kenya’s aviation authorities confiscated and forced top Somali diplomats to sleep at the airport. These developments are making U.N. and other regional partners more anxious. Kenya is more democratic than other states in the region and its people are renowned for their warm hospitality. That’s why the U.N. had picked Kenya over other states, including Ethiopia. Meanwhile, the al-Shabaab terrorist group in Africa might launch new cross-border attacks, which is blocking any trade that both nations could have. This would have huge economic implications in the future. Nigeria and Cameroon had once been at loggerheads for years over the Bakkasi dispute at the ICJ and that conflict had claimed the lives of 34 people in 1994 after a bloody clash between the two countries. The Nigerian government was behaving like Kenya is today and they tried everything in their power to force Cameroon to pull the case from the court, unfortunately, the ICJ ruled in favor of Cameroon in 2002. I think that this story tells us something very important. If Somalia retaliates, Kenya could lose its position at the U.N.-backed operations of the African Union Mission to Somalia (AMISOM) and investments worth $4 billion made by Somalis in Nairobi. The international partners that collaborate with Somalia could also move their conferences and other crucial events to another safer capital, which is putting Kenya in a position where it can lose indirect revenues that are usually spent in Nairobi. The Somali government must also mitigate Kenya’s role in the Jubbaland state, which is Nairobi’s only space in Somalia’s political spectrum. Kenya’s unwavering measures will not bring Somalia to its knees, but will only deteriorate the regional crisis, including the fight against al-Shabaab, which is not a Somali problem anymore. A sensible solution would require Kenya re-establish its foreign relations with Somalia and act as a big brother, seeking warmer and more diplomatic ways it can deal with the bigger issues such as the ICJ case. Also, Kenya’s Foreign Cabinet Secretary Moica Juma must consult with the right people when working on policy toward Somalia. * Somali journalist and political analyst based in Istanbul
  15. Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam “Axmed Madoobe”, ayaa ka hor yimid dalab uga yimid Taliska Ciidamada Itoobiya ee ku sugan magaalada Kismaayo ee gobalka Jubada Hoose, sida ay Caasimada Online u sheegayn dad ku sugan Madaxtooyada Kismaayo. Dalabka Saraakiisha Itoobiya ee ah kulanka ay la qaadanayaan Madaxweynaha Jubbaland ayaa ahaa maalintii shalay waxa ayna fariinta Madaxweynaha soo gaartay habeen hore. Axmed Maxamed Islaam, Madaxweynaha Jubbaland ayaa ka cudur daartay in uu la kulmo Saraakiisha Itoobiya ee ku sugan magaalada Kismaayo, waxa uuna u sheegay in wax kasta ay doonayaan ay kala hadlaan Saraakiisha Jubbaland ee ku sugan Kismaayo iyo wasiirada ay quseyso. Kulankaan ayaa lagu waday in uu ka dhaca Taliska Ciidamada Itoobiya ee Kismaayo waxaana wali la ogeyn sababta uu Axmed Madoobe uga baaqday kulankaas dhaxmari lahaa Saraakiisha Itoobiya iyo Axmed Madoobe. Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in maanta Saraakiisha Itoobiya ee kusagan Kismaayo isugu yeereen dhamaan Taliyaasha Ciidamada amaanka ee Jubbaland waxa uuna kulankaasi ka dhacay Xarunta Taliska Itoobiya ee Kismaayo. Wali lama oga waxyaabaha ay kawada hadleen dhinacyada waxaana soo baxaya in ay jiraan warar sheegaya in Saraakiishaan laga dabaday in amaanka Kismaayo loo madaxbaneeyo Itoobiya inta ay doorashada ka dhamaaneyso. Axmed Madoobe ayaa la sheegay in kulankaasi uu uga baaqday cabsi uu ka qabo in Ciidamada Itoobiya ay xiraan sidii ku dhacday Musharaxii Koonfur Galbeed Soomaaliya Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
  16. Guddigii dowladda Federaalka Soomaaliya u magacowday qaraxii xarunta gobolka Banaadir ayaa caawa soo saaray warbixin hor-dhac ah oo ay ugu hadleen waxyaabihii u qabsoomay labadii maalmood ee la soo dhaafay. Hoos ka akhriso warbixinta Guddiga Guddigii uu 24-kii bishan Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) u magacaabay maareynta qaraxii ka dhacay Xarunta Gobolka Banaadir iyo sidii gurmad degdeg ah loogu fidin lahaa dhaawacyada ka dhashay qaraxa, ayaa Bulshada Soomaaliyeed la wadaagay warbixin hordhac ah oo ku saabsan waxyaabiihii u qabsoomay labadii maalmood ee la soo dhaafay. Warbixinta Howlaha u qabsoomay Guddiga b. Maareynta Dhaawaca xaqiijiyey illaa hadda dhimashada toban (10) qof iyo dhaawac gaaraya illaa 9 ruux oo uu ku jiro Guddoomiyaha Gobolka Banaadir. Waxaa la helay liiska dhaawaca xaaladdoodu aadka u liidato ee u baahan daryeel caafimaad oo dibedda ah, xamilina kara safar dibedda ah oo gaaraya 6 qof. Waxaa sidoo kale looga faa’iidaystay fursadda imaanshaha diyaaradda dhaawacyadii shacab kale oo caafimaadkooda dalka wax looga qaban waayey, kuwaas oo wax ku noqday Kismaayo (3), Muqdisho (2) & Boosaaso (1). Sidaasi darteed isu-geyn waxaa la qaaday 12 qof oo dhaawac ah. Waxaa isla habeenkiiba loo sameeyey baasaboorro ay ku safraan dhaawaca la qaadayo iyo dadka la safraya ee aan lahayn baasaboorro. t.Dhimashada: Tirada dhimashada la xaqiijiyay waa 10. Waxaa la qorsheyeey sidii loo heli lahaa xiriirka ehelada dadka geeriyoodey, lala wadaagay, lagalana tashtay tacsida, qorshaha iyo goobta salaadda iyo duugta. Allaha u naxariistee 9 ka mid ah dadka geeriyoodey waxaa lagu aasay goobihii loo qorsheeyey. Gabagabo Inkasta oo qeybtii hore ee gurmadka degdegga ah ee Guddiga ay soo dhammaatay, haddana warbixinta uu u gudbiyay madaxda sare ee dalka wuxuu ku taliyay: In hay’adaha ammaanka ay si degdeg ah u soo gudbiyaan natiijada baaritaankooda si loo ogaado sida ay wax u dhaceen. In lala xisaabtamo ciddii lagu helo inay qeyb ka ahayd shirqoolka ama ka gaabisay mas’uuliyaddii saarneyd. In kulan duco ah loo sameeyo mas’uuliyiintii ku shahiiday qaraxa. In meel lagu ogaado Xaasaska iyo Carruurtii ay ka tageen shuhadada. In guud ahaan la kordhiyo diyaar-garowga dal ahaaneed ee xaaladaha noocan oo kale ah, loona sameeyo qorshe dhammeystiran oo isugu jira ka-hor-tag iyo la-tacaalid intaba. Guddiga ayaa u mahadceliyay dalka Qatar oo si degdeg ah gurmad ugu soo fidiyay dhaawacyadii qaraxan. Wuxuu sidoo kale Guddigu u mahadceliyay madaxda ugu sarreysa dalka sida Madaxweynaha, Ra’iisul-waasaaraha iyo Ra’iisul-wasaare ku-xigeenka oo iyagu saacad saacad ula socday hawlaha Guddiga iyo sidii loogu fududeyn lahaa hawlahooda. Ugu dambeyntii waxa uu Guddigu Alle ka baryayaa in uu u naxariisto shuhadadii qaraxa ku geeriyootay, sidoo kalena caafimaad degdeg ah siiyo dhammaan dadkii ku dhaawacmay qaraxa. Eng. Cabdi Cashur Xasan Guddoomiyaha Guddiga. DHAMMAAD PUNTLAND POST The post Warbixin laga soo saaray qaraxii xarunta Banaadir appeared first on Puntland Post.
  17. Doha (Caasimada Online) – Wasiirka dhalinyarada iyo Ciyaaradaha Xukuumadda Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriye oo ku sugan Magaalada Dooxa Isbitaalka lagu dabiibaayo dhaawacyadda ayaa faahfaahin ka bixisay Xaaladda caafimad ee Guddoomiye Yariisow. Wasiirka ayaa sheegtay in Xaaladda Caafimaad ee Gudoomiye Yariisow ay tahay mid ka fiican sidii horay uu u ahaa Markii laga soo qaaday Magaalada Muqdisho. Khadiijo ayaa rajo wanaagsan ka muujisay Xaaladda Gudoomiyaha waxaana ay sheegtay in uu soo roonaanayo Gudoomiye Yariisow oo xilliggaan dhaqaatiirtu ay sheegeen in wanaagsan yahay. Waxa ay sidoo kale sheegtay in dhaawacyadda kale ay ku jiraan kuwa wali liita, islamarkaana intooda badan ay dhaqaatiirku ka muujiyeen rajo wanaagsan. Gudoomiyaha gobolka Banaadir ayaa dhaawac daran kasoo gaaray Qaraxii lala beegsaday xarunta maamulka gobolka Banaadir. Sida ay xog gaar ah ku heshay Caaismada Online, Dhaawaca soo gaaray Guddoomiyaha ayaa u badan firirro ka galay qaybaha sare ee Jirka waxaana dhibka ugu wayn hadda ku haayo hal firir oo aan wali laga saarin. Dad la jooga ayaa Caasiamda Online u sheegay in Guddoomiyaha firirka ugu daran uu uga jira madaxda lana doonayo in maalmaha soo aadan qaliin lagu sameyn doono sida ay dhaqaatiirta xaqiijiyeen. Sidoo kale firirka kale ee halista ahaa ayaa laga saaray Caloosha intii uu ku sugnaa Muqdisho.Hadii lagu guuleesto qaliinkaan, sida la filayo waxay xaaladiisa ku soo noqon doontaa mid caadi ah waxaana ka hari doono xanuun badan uu hadda wajahayo sida ay qabaan dhaqaatiirta dalka Qatar. Isbitaalka ugu wayn ee dalka Qatar ayaa lagu daweynaaa Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho Eng Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisow, waxaana hadda la sheegayaa in uu si tartiib tartiib ah usoo laabanayo ogaalkiisa. Dhaqaatiirka dalka Qatar ayaa dalbaday in la suuxiyo Guddoomiyaha si uu u naxsto islamarkaana ay maskaxdiisa uga guuraan dhamaan Xasuusaha qaraxaan iyo arimaha siyaasiga ah kadibna la doonayo in qaliin lagu sameeyo. Maalintii shalay aheyd waxaa soo gaaray qoyskiisa oo ka yimid dalka UK kuwaas oo dalbaday in ay la kulmaan ka hor inta aan qaliinka adag ee u dhiman lagu sameynin. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  18. Guddiga uu 24-kii bishan Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) u magacaabay maareynta qaraxii ka dhacday Xarunta Gobolka Banaadir iyo sidii gurmad degdeg ah loogu fidin lahaa dhaawacyada ka dhashay qaraxa, waxa uu bulshada Soomaaliyeed la wadaagayaa warbixin hordhac ah oo ku saabsan waxyaabiihii u qabsoomay labadii maalmood ee la soo dhaafay. Warbixinta Howlaha u qabsoomay Guddiga b. Maareynta Dhaawaca 1. Waxaa la xaqiijiyey ilaa hadda dhimashada toban (10) qof iyo dhaawac gaaraya illaa 9 ruux oo uu ku jiro Guddoomiyaha Gobolka Banaadir. 2. Waxaa la helay liiska dhaawaca xaaladoodu aadka u liidato ee u baahan daryeel caafimaad oo dibedda ah, xamilina kara safar dibedda ah oo gaaraya 6 qof. 3. Waxaa sidoo kale looga faa’iiday fursadda imaanshaha diyaaradda dhaawacyadii shacab kale oo caafimaadkooda dalka wax looga qaban waayey kuwaas oo wax ku noqday Kismaayo (3), Muqdisho (2) & Boosaaso (1). Sidaasi darteed isu-geyn waxaa la qaaday 12 qof oo dhaawac ah. 4. Waxaa isla habeenkiiba loo sameeyey baasaboorro ay ku safraan dhaawaca la qaadayo iyo dadka la safraya ee aan lahayn baasabooro. t. Dhimashada: 1. Tirada dhimashada la xaqiijiyay waa 10 2. Waxaa la qorsheyeey sidii loo heli lahaa xiriirka ehelada dadka geeriyoodey, lala wadaagay, lagalana tashtay tacsida, qorshaha iyo goobta salaadda iyo duugta. 3. Allaha u naxariistee waxaa lagu aasey 9 kamid ah dadka geeriyoodey goobihii loo qorsheeyey. Gabagabo Inkasta oo qeybtii hore ee gurmadka degdegga ee Guddiga ay soo dhammaatay, haddana warbixinta uu gudbiyay madaxda sare ee dalka wuxuu ku taliyay: 1. In hay’adaha ammaanka ay si degdeg ah u soo gudbiyaan natiijada baaritaankooda si loo ogaado sida ay wax u dhaceen. 2. In lala xisaabtamo ciddii lagu helo inay qeyb ka ahayd shirqoolka ama ka gaabisay mas’uuliyaddii saarneyd. 3. In kulan duco ah loo sameeyo mas’uuliyiintii ku shahiiday qaraxa. 4. In meel lagu ogaado Xaasaska iyo Carruurtii ay ka tageen shuhadada. 5. In guud ahaan la kordhiyo diyaar-garowga dal ahaaneed ee xaaladaha noocan oo kale ah, loona sameeyo qorshe dhammeystiran oo isugu jira ka-hor-tag iyo la-tacaalid intaba. Guddiga ayaa ugu dambeyntii u mahadceliyay dalka Qatar oo so degdeg ah gurmad ugu soo fidiyay dhaawacyadii qaraxan. Wuxuu sidoo kale Guddigu u mahadceliyay madaxda ugu sarreysa dalka sida Madaxweynaha, Ra’iisul-waasaaraha iyo Ra’iisul-wasaare ku-xigeenka oo iyagu saacad saacad ula socday hawlaha Guddiga iyo sidii loogu fududeyn lahaa hawlahooda. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  19. (SLT-Hargeysa)-Maayarka Magaalada Burco Maxamed Cabdiraxmaan Muraad ayaa ka hadlay Xeerka Ismaamulka Gobollada iyo Degmooyinka oo dhawaan uu Golaha Wakiilladu ansixiyey isla-markaana degmooyinka qaarkood ka dhaliyey dibed-baxyo. Maayarka oo Arrimahaa ka hadlaya yidhi “Wuxuu ahaa Arrin siyaasadaysan, wajal mudugaysan, waxaan tudhaale u lahayn Somaliland buu ahaa oo aan Maanta wadi karayn, waxaan aaminsanahay inuu ahaa inqilaab aan dhiig ku daadan oo dhicisoobay, Dadkii waxaa soo sameeyayna waxay ku talo-galeen in Timaha la is-qabsado oo meel kasta qaylo iyo buuq ka dhaco.” Maayarku waxa kale oo uu sheegay “Waxaanu Dawladda ku hambalyeynayaa inay u aragto arrinka golaha Wakiillada lagu ansixiyey inuu Laf-jab ku yahay Qaranka Somaliland..” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray oo uu dhaliilay Golaha Wakiillada “Maxay Somaliland u baahan tahay Maanta inay yidhaahdaan baan loo baahnaa, in hadalkoodii ay yidhaahdeen (Sababo) in Afarta koonaba laga qayliyo oo laga mudaharaado oo taayiro la gubo oo taana ay Baarlamaanku keeneen maanaan filaynin, markaa wuxuu ahaa in inqilaab loogu talo-galay in lagu waxyeeleeyo Dawlad ahaan.” Maayarka Burco wuxuu farriin u diray Kornayl Caarre oo Shalay Jabhaddiisu la dagaalantay Ciidammada Qaranka ee Gobolka Sanaag “Siciidoow, waynu is garanaynaa oo Maxamed Muraad baan ahay, waxaan ku odhan lahaa yay kula fogaanin, halkaa aad maanta marayso yayna kaalla sii fogaanin, meel ka fog baa jirtee..” ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey oo uu bogaadin hawada u mariyey Madaxweyne Biixi oo uu sheegay inuu Xaaladda Sanaag si wanaagsan u maamulayo, Halkan hoose ka DAAWO Source
  20. Waxaa Xerada tababarka ee Kabamba lagu qabtay Munaasbaada ballaaran oo tababar loogu soo xirayay Leyli Saraakiil oo muddo hal sano iyo bar tababar ugu socoday Dalkana Uganda. Waxaana Munaasabaada tababarka loogu soo xirayay Leyli Saraakiisha goob joog ka ahaa Madaxweynaha Dalka Uganda, Taliyaasha Ciidamada Uganda, Abaanduulaha Ciidanka Lugta ee Dowladda Soomaaliya, isuduwaha Tababarka iyo isdhaxgalka ee Xafiiska Madaxweynaha, Sii-hayaha Safaaradda Soomaaliya ee Uganda, Diplomaasiin, Guddoomiyaha Ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata halkan iyo bulshada qeebaheeda kala duwan. Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ayaa markii uu soo gaaray goobta Salaan sharaf ka qaatay Ciidamada. Leyli Saraakiisha ee Tababarka loo soo xiray ee isugu jiray Soomaaliya, iyo Uganda ayaa soo bandhigay dhoola tus qurux badan. Sido kale Leyli Saraakiisha ee tababarka usoo idlaaday ayaa goobta lagu dhaariyay,sido kale Madaxweyne Yoweri ayaa abaalmarin gudoonsiiyay Saraakiishii kaalmaha horey ka galay mudadii uu tababarka socday. Iyadoona Haaruun oo ka socda dowladda Soomaaliya uu qeyb ka ahaa dadkii abaalmarintaas la guddoonsiiyay. Intii ay socotay munaasabadda ayaa waxaa qudbad ka jeediyay goobta Madaxweyne Museveni, asigoona Saraakiisha ku booriyay inay mar walba dantooda ka hormariyaan danta dadkooda. General Cabdirashiid Cabdullaahi Shire Abaanduulaha Ciidanka lugta iyo Sii-hayaha Safaaradda Soomaaliya ee Uganda Cali Maxamed Maxamuud (Cagabaruur) ayaa Hambalyo u diray dhamaan shacabka Soomaaliyeed iyo Saraakiisha Tababarka loo soo xiray. Saraakiishan tababarka loo soo xiray ayaa isla maanta ka dhoofay garoonka Caalamigga ah ee Entebbe waxaana hoaray u raacay saraakiisha Abaanduulaha Ciidanka lugta General Cabdirashiid Cabdullaahi Shire, iyo isuduwaha Tababarka iyo isdhaxgalka ee Xafiiska Madaxweynaha Bashiir Axmed Maxamed waxaana garoonka ka sagootiyay Siihayaha Safaaradda Soomaaliya ee Uganda Cali Maxamad Maxamuud (Cagabaruur). Dowladda Uganda waxey kamid tahay Dowladaha Soomaaliya taageero buuxda ka siiya tababarda Ciidanka Xooga Soomaaliyeed. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga gurmadka qaraxii xarunta maamulka gobolka Banaadir ayaa goor-dhow soo saaray warbixin hordhac ah oo ku saabsan xaaladda dhaawacyada iyo dadkii u dhintay qaraxa. Hoos ka aqriso war-saxaafadeedka. Warbixinta guddiga ayaa looga hadlay xaaladda dhaawacyada iyo dadkii dhintay, waxaana sidoo kale geba-gebadii guddiga uu soo saaray go’aano shan qodob ka kooban oo ay doonayaan in si deg deg ah loogu dhaqaaqo. War Saxaafadeed – 27 JULY 2019 Guddigii uu 24-kii bishan Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) u magacaabay maareynta qaraxii ka dhacday Xarunta Gobolka Banaadir iyo sidii gurmad degdeg ah loogu fidin lahaa dhaawacyada ka dhashay qaraxa, waxa uu bulshada Soomaaliyeed la wadaagayaa warbixin hordhac ah oo ku saabsan waxyaabiihii u qabsoomay labadii maalmood ee la soo dhaafay. Warbixinta Howlaha u qabsoomay Guddiga Maareynta Dhaawaca Waxaa la xaqiijiyey ilaa hadda dhimashada toban (10) qof iyo dhaawac gaaraya illaa 9 ruux oo uu ku jiro Guddoomiyaha Gobolka Banaadir. Waxaa la helay liiska dhaawaca xaaladoodu aadka u liidato ee u baahan daryeel caafimaad oo dibedda ah, xamilina kara safar dibedda ah oo gaaraya 6 qof. Waxaa sidoo kale looga faa’iiday fursadda imaanshaha diyaaradda dhaawacyadii shacab kale oo caafimaadkooda dalka wax looga qaban waayey kuwaas oo wax ku noqday Kismaayo (3), Muqdisho (2) & Boosaaso (1). Sidaasi darteed isu-geyn waxaa la qaaday 12 qof oo dhaawac ah. Waxaa isla habeenkiiba loo sameeyey baasaboorro ay ku safraan dhaawaca la qaadayo iyo dadka la safraya ee aan lahayn baasabooro. Dhimashada: Tirada dhimashada la xaqiijiyay waa 10 Waxaa la qorsheyeey sidii loo heli lahaa xiriirka ehelada dadka geeriyoodey, lala wadaagay, lagalana tashtay tacsida, qorshaha iyo goobta salaadda iyo duugta. Allaha u naxariistee waxaa lagu aasey 9 kamid ah dadka geeriyoodey goobihii loo qorsheeyey. Gabagabo Inkasta oo qeybtii hore ee gurmadka degdegga ee Guddiga ay soo dhammaatay, haddana warbixinta uu gudbiyay madaxda sare ee dalka wuxuu ku taliyay: In hay’adaha ammaanka ay si degdeg ah u soo gudbiyaan natiijada baaritaankooda si loo ogaado sida ay wax u dhaceen. In lala xisaabtamo ciddii lagu helo inay qeyb ka ahayd shirqoolka ama ka gaabisay mas’uuliyaddii saarneyd. In kulan duco ah loo sameeyo mas’uuliyiintii ku shahiiday qaraxa. In meel lagu ogaado Xaasaska iyo Carruurtii ay ka tageen shuhadada. In guud ahaan la kordhiyo diyaar-garowga dal ahaaneed ee xaaladaha noocan oo kale ah, loona sameeyo qorshe dhammeystiran oo isugu jira ka-hor-tag iyo la-tacaalid intaba. Guddiga ayaa ugu dambeyntii u mahadceliyay dalka Qatar oo so degdeg ah gurmad ugu soo fidiyay dhaawacyadii qaraxan. Wuxuu sidoo kale Guddigu u mahadceliyay madaxda ugu sarreysa dalka sida Madaxweynaha, Ra’iisul-waasaaraha iyo Ra’iisul-wasaare ku-xigeenka oo iyagu saacad saacad ula socday hawlaha Guddiga iyo sidii loogu fududeyn lahaa hawlahooda. Eng. Cabdi Cashur Xasan Guddoomiyaha Guddigga