-
Content Count
213,491 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
(SLT-Burco)-Xildhibaan Mubaarig Yuusuf Cilmi (Bidhi) oo ka tirsan xildhibaannada Golaha degaanka ee magaalada Burco ayaa ka warbixiyey halka ay marayaan dib u dhiskii lagu samaynayey Biriijyada magaaladda Burco. Xildhibaanka oo warbaahinta Qaranka Somaliland maanta ugu waramayey magaalada Burco ayaa xukuumadda Somaliland uga mahad celiyey sida deg dega ah ee ay u sii daysay lacagihii lagu dhisi lahaa Biriijyadaasi magaalada Burco oo roobabkii dhowaan ka da’ay ay waxyeelo soo gaadhsiiyeen. Xildhibaanka sidoo kale madaxweynaha Somaliland iyo guddida Qandaraasyada Qaranka uga mahadnaqay sida ay u fududeeyeen lacagta ku baxaysa Biriijka Deero Biriij iyo sidoo kalena tartanka ay Guddida Qandaraasyada Qaranku ku shaaciyeen mashruucaasi lagu dhisayo Biriijka Deero Biriij ee magaalada Burco. Sidoo kale Xildhibaan Mubaarig Bidhi waxa uu bulshada gobolka Togdheer ugu baaqay in ay ka qayb qaataan mashaariicda danta guud ee ka dhexeeya bulshada gobolka Togdheer. Source
-
(SLT-Pakistan)-Millatariga Pakistan ayaa sheegay in saddex askari oo ka tirsan ciidankooda iyo shan askari oo ka tirsan millatariga Hindiya ay ku dhinteen iska hor imaad ka dhacay xadka Kashmiir. Afhayeenka millatariga pakistan Janaraal Asif Ghafoor ayaa barta uu ku leeyahay Twitter-ka ku soo qoray in qabarkaan, waxaana uu sheegay in ciidanka Hindiya ay weerar ku soo Qaadeen. Mr Asif ayaa dhanka kale tilmaamay in saddex qof oo rayid ah ay ku dhinteen dagaalka dhexmaray Millatariga Hindiya iyo Pakistaan. Dhanka kale wasaarada arrimaha dibada Hindiya ayaa beenisay in askari lagaga dilay Dagaalka. Dhanka kale xiisadda ayaa kacsan wali iyadoo xalay la dareemayo heegan sare oo labada dhinac ay ku Jiraan. Source
-
Munaasabaddan ayaa waxaa ka qeyb galay Qoyska Marxuum Yariisow oo uu hoggaaminayay wiilkiisa Maxamed Cumar Yariisow, qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaalida ku nool UK. Duqa magaalada London Sadiiq Khan ayaa uga tacsiyadeeyay qoyska geerida Marxuumka, sidoo kale waxaa uu sheegay inay sharaf u aheyd inuu ka qeyb galo munaasabadda xuskan, isagoo xusay inay ku xusuusan doonnaan geesinimadiisa, niyad wanaaggiisa iyo mustaqbalka wanaagsan. Allaha u naxariistee Eng. Yariisow ayaa muddo dheer ku noolaa magaalada London, wuxuuna kaga jiray dadka kaalinta firfircoon ku lahaa qurbo joogta Soomaalida magaaladaas ku noolaa, isagoo ka noqday Hoggaamiye bulsho iyo maamule iskuul, sidoo kale wuxuu madax ka ahaa Ururka u dooda xuquuqda Soomaalida ee UK, Somali Concern Group ee UK Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Boostada, isgaarsiinta iyo Tikonolojiyada Soomaaliya, Mudane Cabdi Canshuur Xasan ayaa eedeyn culus u jeediyey urrurada bulshada rayidka ah. Wasiirka oo ka qeybgalay barnaamijka todobaadlaha ah ee Taleefashinka Qaranka ayaa sheegay in bulshada rayidka ah aysan kaalin fiican ka qaadanin ka qeybgalka siyaasadaha isgaarsiinta dalka. Wasiirku wuxuu sheegay ineysan ururadda bulshada rayidka ah wax dan ah ka lahayn ka qeybgalka qorshayaasha wasaaradda ee daryeelka xuquuqda macaamiisha. Cabdi Canshuur Xasan ayaa sidoo kale ugu baaqay bulshada rayidka ah in ay u diyaar garoobaan la xisaabtanka wasaaradiisa. Waxaa xusid mudan in bulshada rayidka ah ay leedahay xubin ka tirsan Guddiga Isgaarsiinta qaranka sida uu qabo xeerka isgaarsiinta Qaranka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Waxaan jeclaystay inaan aragtidayda ku cabiro Muqdisho guddoonka caynkee ah ayay u baahan tahay iyo tilmaamaha iyo astaamaha mudan in lagu xusho:- 1 – Waa in uu noqdaa qof aqoon iyo tab u leh dhinaca nabadgelayda, sidoo kalena xog ogaal u ah, xaalka dalka iyo arrimaha bulshada gobolka. 2 – Waa in uu noqdaan mid Dowladda iyo dadweynaha ku dhaqan gobolka Banaadir u dhaxeeya asagoo si hufnaan iyo hawlkarnimo leh labada dhanba ula shaqaynaaya balse uusan noqon u adeege ama laga adeegte lagu adeegto. 3 – Waa in uu noqdaa sqod dejin kara ama demin kara xalna u keeni kara dareenka Bulshadda Banaadir ay badankoodu qabaan habdhaqanka dowladda dhexe ee ku aadan Arimaha Maqaamka iyo metelaada gobolka. Taasoo ah in bulshada iyo dadweynaha gobolka banaadir u madax bannaanadaan xulashada iyo doorashada gobolka Banaadir. 4 – Waa in uu noqdaa nin nabaddoona xariir dhaw la leh Bulsadda qeybaheeda kala duwan dhammaantood Muxaafad iyo Mucaarad dhan walba uusan noqon shaqsi dhinac ka raran. Haddaba dowladda dhexe waxaan usoo jeedinayaa in la joogo markii dadweynaha banaadir talada gacantooda lagu celin lahaa, iyadoo afduubka laga jirayo in dadka deegaanku iska soo xulaan guddi kaddibna gudigaasi doortaan gole deegaan, sidaasna golahaa deegaanku ku doortaan guddoomiye aan lagu magacaabin wareegto madaxweyne. Bulshada deegaankana waxaan u sheegayaa inaysan u horran sidii xoolo dar la keenay oo ku qamaamaya biyo ee ay ka fiirsadaan masiirka bulshada ugu tirada badan gobolka ay ku dhaqan yihiin, si loo heli xal looga maarmo qof ku yimid rabitaan qofeed ama aragti kooxeed, una adeega isla kooxdaas uun. Waa iney dadweynuhu bannaanbaxyo nabad ah oo aan dhib lahayn, halkudhigiisuna yahay madax bannaanida talada gobolka ay sameeyaan, kaddibna ay ku muujiyaan dareenkooda. Banaadir uma baahna guddoomiye lagu adeegto ee adeege isu adeege ah W/Q: Cabdullahi Mahdi AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
The African Union and UN have called for peaceful and credible elections in Jubaland, southern Somalia, saying the polls slated for Aug. 24 are critical for the country's stability. Source: Hiiraan Online
-
The Jubaland Council for Change together with the traditional clan leaders had a meeting with Somalia international partners lead by the UNSG Special Representative for Somalia and Head of UNSOM Amb. James Swan. Amb. Swan who officially opened the meeting stated that the International Community’s position in funding ways to comprehensively improve the electoral process of Jubaland to one acceptable to all stakeholders. Source: Hiiraan Online
-
Safiirka Soomaaliya u magacawday India oo gaartay New Delhi
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Safiirka cusub ee dowladda soomaaliya u magacawday dalka Hindia Ambassador Faaduma Cabdullaahi Insaaniya, ayaa gaartay magaalada New Delhi ee caasimada dalka Hindia, halkaas oo soo dhaweyn loogu sameeyay Qaar ka mid ah madaxda iyo Dibolomaasiyiinta dalka Hindiya ,diblamaasiyiinta safaaradda Soomaalida iyo jaaliyada soomaaliyed ee dalkaasi,ayaa ka qeybgalay soo dhoweynta Safiirka cuub ee dowladda Federaalka ay u magacaawday dalkaasi. Ambassador Ambassador Faaduma Cabdullaahi Insaaniya oo ka hadashay kulankii soo dhoweynta ka dib ayaa ka mahadcelisay sida qiimaha leh ay u soo dhaweeyeen madaxda dalka Hindiya iyo diblamaasiyiinta iyo jaaliyada Soomaaliyeed ee ku sugan halkaasi. Siihayaha safaaradda ahna Qunsulka Guud ee safaaradda Soomaaliya ay ku leedahay dalka Hindiya, Axmed Maxamuud Maxamed oo isna kulanka soo dhoweynta ka hadlay ayaa ka warbixiyay howlaha shaqo u qabsoomay safaaradda iyo qorshaha waxqabad ee horyaala PUNTLAND POST The post Safiirka Soomaaliya u magacawday India oo gaartay New Delhi appeared first on Puntland Post. -
Muqdisho (Caasimada Online) – Saraakiisha booliska Soomaaliya ayaa sheegay in maanta degmada Howlwadaag ee magaaladda Muqdisho ay ku dileen afar ruux oo ay sheegeen in ay tooga rabeen agaasime ka tirsan wasaaradda waxbarashadda xukumadda faderaalka Soomaaliya. Taliye ku-xigeenka ciidanka booliska Soomaaliyeed, Jeneral Zakiyo Xuseen Axmed ayaa sheegtay in ciidanka amaanka ay ku guuleysteen in ay toogtaan afar ruux oo midkood dumar aheyd oo doonayay in ay toogtaan agaasimaha howlaha wasaaradda waxbarashada Cabdi Gare. “Ciidanka boliiska degmada Howlwadaag ayaa ku guuleystay in ay ka hortagaan isku day dil lala beegsan rabay agaasimaha howlaha wasaaradda waxbarashada Mudane Cbdi Gare. Israsaaseynta ka dib waxeey ciidamada toogteen dhagarqabayaasha oo ahaa 3 wiilal iyo hal haweeney oo hubka u siday” ayay tiri Zakiya. Boolisku ma sheegin haddii khasaare kale oo ciidamada gaaray ay ka dhalatay is-rasaasaynta dhexmartay ciidankooda iyo dablayda dilka ka fuli rabtay maagaaladda Muqdisho oo ciidanku toogteen. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Taliye xigeenka Ciidamada Booliiska Soomaaliyeed Sarreeye guuto Sakiya Xuseen ayaa sheegtay in ciidanka Booliiska degmada Hawlwadaag ee gobolka Banaadir ay toogasho ku dileen 4 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab. Gen. Sakiya ayaa sheegtay in sidoo kale ciidanku ka hor tageen isku day dil oo xubnaha la toogtay ku doonayeen in ay dilaan mas’uul ka tirsan wasaaradda waxbarashada Soomaaliya oo ay magaciisa ku sheegtay Cabdi Gare. Balse waxay tilmaantay in ciidanku ay ka hortageen falkaasi oo ay ku lug lahaayeen 4 qof oo mid ay haweeney ahayd islamarkaana dhammaantood Booliisku ay goobta ku toogteen. PUNTLAND POST The post Booliiska Muqdisho oo toogasho ku dilay xubno la sheegay in ay isku dayayeen in ay dilaan mas’uul dowladeed appeared first on Puntland Post.
-
The President And His Delegation Were PR Naive The photograph taken during the Hajj pilgrimage in which President Muse Bihi Abdi of Somaliland was depicted with some cronies from the weak FGS entity was to say the least, unfortunate. I would not go as far as to call our President “naive”, but, the optics and public relations side was unwise? The folks in Mogadishu have nothing left but images and public relation scams. And as we have seen, they are making hay with this photo and running around like kids with a new toy. We need serious professionals in public relations with the President on his travels, not a soldier like Mohamed Kahin. I am sure the President was being sincere (although, he is not smiling in the photo) in his effort to great fellow Muslims and Somalis during the Hajj, but, anyone who knows Mogadishu and it’s politicians understands their modus operandi. I cannot understand why, when there are so many media savvy Somalilanders around, not a single one accompanied the President on his visit. Photos like these are gold dust to the decrepit and corrupted rogues in Mogadishu, we should never give them a photo opportunity like that again. Our main fault as Somalilanders is that we try to see the good in everyone, there is nothing good about Mogadishu and it’s politicians. Ali Mohamed Abokor ruraledcomm@yahoo.co.uk. Qaran News
-
Wararka ka imaanaya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in xalay duqaymo iyo weeraro toos ah oo halkaasi ka dhacay lagu laayay maleeshiyaad ka tirsan ururka Al-shabaab. Saraakiil ka tirsan ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo ku sugan gobalka Shabeellaha Hoose ayaa xaqiijiyay in duqaynta lagu beegsaday saraakiil ka tirsan Al-shahabaab sidoo kalena lagu laayay malayshiyaad badan. Hawlgalka qorshaysan ayaa waxa fuliyay ciidamada kumaandooska Soomaaliya iyo saaxiibadooda waxaana uu daba socday howlgal dhowaan ciidanka xoogga dalka ay kula wareegeen degmada Owdheegle iyo deegaano kale oo hoos taga gobolka Shabeellaha Hoose. PUNTLAND POST The post Malayshiyaad badan oo Al-shabaab looga laayay Shabeellaha Hoose appeared first on Puntland Post.
-
Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa waxaa ay sheegeen in Maanta Magalada Muqdisho lagu toogtay Saddex Rag ah iyo Haweeneey doonayay inay degmada Howl-Wadaag ku dilaan Agaasimaha Howlaha Wasaaradda Waxbarashada Mudane Cabdi Gare. Taliye kuxigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Zakiya Xuseen ayaa sheegtay in Ciidamada Ammaanka ay degmada Howl-Wadaag ku toogteen saddex Rag ah iyo Haweeney hubka u siday, kadib is rasaaseyn dhexmartay, iyaga iyo Ciidamada,kuwaas doonayay inay dilaan Agaasimaha “Ciidanka boliiska degmada Howlwadaag ayaa ku guuleystay in ay ka hortagaan isku day dil lala beegsan rabay Agaasimaha Howlaha Wasaaradda Waxbarashada Mudane Abdi Gare. Israsaaseynta ka dib waxeey ciidamada toogteen dhagarqabayaasha oo ahaa 3 wiilal iyo hal haweeney oo hubka u siday ayay tiri Taliye Zakiya.” Taliye kuxigeenka Ciidanka weli si rasmi ah uma sii faah faahin falkaan,hayeeshee ay sheegtay inay Ciidamada Booliska degmada Howl-Wadaag ka hortageen falkaasi la doonayay in lagu dilo Agaasimaha Howlaha Wasaaradda Waxbarashada Mudane Cabdi Gare. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Shalay Wafdigii uu hoggaaminayay Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Amb, james swan waxaa ,arkii ay tageen Magalada Kismaayo ay la kulmeen Madaxda Maamulka Jubbaland iyo iyo musharixiinta aan is diiwaangelin, iyaga oo Madaxda Jubbaland ka dalbaday in waqti kordhin lagu sameeyo xilliga doorashada,isla markaana fursad la siiyo musharixiinta mucaaradka ee aan is diiwaangelin. Hayeeshee dalabkaas ayaa waxaa Maanta ka horymid kana soo horjeestay musharixiinta Madaxweynaha Jubbaland ee horay isku diiwaan geliyay, iyaga oo sheegay in marnaba aysan aqbaleyn in waqti kordhin lagu sameeyo doorashada jubbaland. Qoraal kasoo baxay musharixiinta is diiwaangeliyay oo ku midoobay Magaca Kudlada musharixiinta Madaxweynaha Jubbaland ayaa waxaa ay sheegeen in ay aad uga xun yihin in guddiga doorashooyinka ay ka gaabiyaan inay kala tashadaan geedi-socodka iyo hanaanka doorashooyinka xaqna ay u leeyihiin kadib markii ay soo buuxiyeen shuruudihii musharaxnimo. Waxaa kaloo ay qoraalkooda ku sheegeen in Guddiga doorashooyinka ay sidoo kale ku dhaliilayaan in wafdiga ka socday beesha Caalamka ee tegay Kismaayo aysan la socod siin Guddigu, isla markaana ay muhiimad gaar ah siiyeen musharixiin dano gaar ah wata sida ay hadalka u dhigeen. Ugu dambeyn waxaa ay sheegeen in Madaxweynaha waqtigiisa uu dhamaaday ee Axmed Maxamed Islaam iyo iyaga ay u wada siman yihiin talada Jubbaland,isla markaana aysan aqbaleyn in dib loo furo diiwaangelinta musharixiinta Madaxweynaha ayna u arkayaan in lagu soo darayo dad ay sigaar ah u wataan. Hoos Ka Akhriso War-Saxaafadeed kazoo baxay musharixiinta Madaxweynaha Jubaland ee Is diiwaangeliyay. Goobgoog News Source: goobjoog.com
-
Qudus (Caasimada Online) – Wasaaradda arrimaha gudaha Israel, ayaa sheegtay inay Rashida Tlaib oo ka tirsan Aqalka Wakiilada Mareykanka, u ogolaatay inay booqato qoyskeeda degan Daanta Galbeed ee dhulka la haysto ee Falastiin. Go’aankan ayaa yimid maalin kadib markii ra’iisul wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu uu sheegay inuusan ogolaan doonin in Rashida iyo Ilhaan Cumar oo iyana ka tirasan Aqalka Wakiilada ay halkaas ku tagaan booqasho ay qorsheeyeen. Hase yeeshee waxa uu sheegay in haddii Tlaib ay soo dirsato codsi ay ku booqaneyso qoyskeeda sababo bani’aadanimmo dartood, ay Israel ka fakari doono, haddii ay ballanqaado inaysan dhiiri-gelin in la qaadaco Israel. Tlaib ayaa khamiistii warqad u dirtay wasaaradda arrimaha gudaha Israel ayadoo tiri “waxaan codsanayaa fasax aan ku booqdo ehelkeyga, gaar ahaan ayeydey oo 90 jir ah.” Waxa ay intaas ku dartay in tani ay noqon karto fursaddii ugu dambeysay ee ay ku aragto ayeydeed. “Waxaan xushmeyn doonaa shuruudaha booqashada, mana dhiiri-gelin doono qaadacaad ka dhan ah Israel, inta aan ku guda jiro booqashadeyda” ayey Tlaib ku tiri warqadda oo ay baahiyeen warbaahinta Israel. Wasaaradda arrimaha gudaha Israel ayaa bayaan ay maanta soo saartay ku sheegtay “inay go’aansatay in la ogolaado booqashada Tlaib ee ayeydeed oo 90 jir ah, sababo bani’aadannimo dartood.” Go’aanka ka dhan ah Ilhaan ee loogu diiday booqashada ayaa weli sidiisa u taagan VOA
-
Danjiraha cusub ee soomaaliya u magaacawday dalka Hindia Ambassador Faaduma C/llahi Insaaniya ayaa gaartay magaalada New Delhi ee caasimada dalka Hindia, halkaas oo loogu sameeyay soo dhaweyn diiran. Qaar ka mid ah Madaxda iyo Dibolomaasiyiinta dalka Hindiya ,diblamaasiyiinta safaaradda Soomaalida iyo jaaliyada soomaaliyed ee dalkaasi,ayaa ka qeybgalay soo dhoweynta Safiirka cuub ee dowladda Federaalka ay u magacaawday dalkaasi. Ambassador Faaduma C/llahi Insaaniya oo ka hadashay kulankii soo dhoweynta ka dib ayaa ka mahadcelisay sida qiimaha leh ay u soo dhaweeyeen madaxda dalka Hindiya iyo diblamaasiyiinta iyo jaaliyada Soomaaliyeed ee ku sugan halkaasi. Siihayaha safaaradda ahna Qunsulka Guud ee safaaradda Soomaaliya ay ku leedahay dalka Hindiya, Axmed Maxamuud Maxamed oo isna kulanka soo dhoweynta ka hadlay ayaa ka warbixiyay howlaha shaqo u qabsoomay safaaradda iyo qorshaha waxqabad ee horyaala. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Shacabka ku dhaqan magaalada Jowhar ayaa la soo deristay cabsi ku aadan in Wabiga Shabelle ku fataho xaafado ka tirsan magaalada, kaddib markii uu Wabigu aad u biyo keenay. Wabiga Shabelle ayaa maalmihii la soo dhaafay si aad ah u soo buux dhaafiyay, waxaana dadka deegaanka ay muujinayeen walaac ku aadan in wabiga sameeyo fatahaad. Xaafadaha laga cabsi qabo inuu wabiga ku fataho ayaa waxaa ka mid ah kuwo ku dhow Jiinka Wabiga, waxaana odayaasha iyo waxgaradka ay soo saareen baaq ku aadan in maamulka, ganacstada iyo shacabka gacan ka geystaan si loogu hortago fatahaada. Xilli kasta oo uu Wabiga biyo keeno ayaa waxaa ka dhasha daadad iyo fatahaad, waxaana sabab u ah in aan wabiga marka uu guro la sameyn in carada gudaha ka jirto laga saaro, si loo ballaariyo iyo in aanay biyo xireeno looga gaashaanto mar walba oo uu biyo keeno wabiga. Sanadihii u dambeeyay ayaa fatahaad uu sameeyay wabiga Shabeelle waxaa uu saameeyay boqolaal kun oo qoys oo ka qaxay tuulooyin iyo deegaano ka tirsan magaalada Jowhar, iyadoo magaalada ay noqotay mid go’doon ah oo biyo ay gooyeen waddooyinka looga galayay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Guddoomiyaha guddiga qaban-qaabada shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug, Dr. Cabdiraxamaan Cabdullaahi Baadiyow iyo Xubnaha kale ee guddigga ayaa kormeeray xarunta loogu tala galay in uu ka dhaco shir-weynaha dib-u-heshiisiinta iyo goobaha ay degayaan ergada ka qayb geleysa shirkaasi. Dr. Cabdiraxamaan Cabdullaahi Baadiyow ayaa sheegay in la soo gebagebeeyay diyaar garowga shirka ayna diyaar u yihiin dhammaan waxyaabaha aasaasiga ah ee ku xiran shirka, isla narkaana dhinacya shirka ka qeyb geli lahaa ay liiska ergada u soo direen guddigga. Guddoomiyaha guddiga ayaa caddeeyay in ay dhimman yihiin oo kaliya in ergada la keeno magaalada Dhuusamareeb si 17-ka bishaan uu u furmo shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah musharixiinta madaxweynaha Jubbaland ayaa ka hor-yimid dalabkii wakiilka QM ee Soomaaliya ee ahaa in dib loo furo is-diiwaan gelinta musharaxiinta oo waqtigeedu dhacay. Musharaxiintan, oo la baxay Kutlada Musharaxiinta Madaxweynaha Jublanad, islamarkaana horay isku diiwaan geliyay, ayaa sheegay in marnaba aysan aqbaleyn in waqti kordhin lagu sameeyo doorashada Jubaland. Qoraal kasoo baxay ayay ku sheegeen in ay aad uga xun yihin in guddiga doorashooyinka ay ka gaabiyaan inay kala tashadaan geedi-socodka iyo hanaanka doorashooyinka xaqna ay u leeyihiin kadib markii ay soo buuxiyeen shuruudihii musharaxnimo. Waxaa kaloo ay qoraalkooda ku sheegeen in Guddiga doorashooyinka ay sidoo kale ku dhaliilayaan in wafdiga ka socday beesha Caalamka ee tegay Kismaayo aysan la socod siin guddigu, isla markaana ay muhiimad gaar ah siiyeen musharixiin dano gaar ah wata, sida ay hadalka u dhigeen. Ugu dambeyn waxaa ay sheegeen in Madaxweynaha waqtigiisa uu dhamaaday ee Axmed Maxamed Islaam iyo iyaga ay u wada siman yihiin talada Jubbaland, isla markaana aysan aqbaleyn in dib loo furo diiwaangelinta musharixiinta Madaxweynaha ayna u arkayaan in lagu soo darayo dad ay si gaar ah u wataan. Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka
-
Xukuumadda federalka ah ee Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday inay dowladda xilligaan soo wajeheen caqabado caalami ah oo kaga imaanaya dalka dibaddiisa waxaana ay codsatay in shacabku gacan siiyaan. Wasiirka warfaafinta xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Maareeye ayaa sheegay in sahcabka iyo madaxda qaar aysan ogsoonayn in dowladda federalka ah ay haystaan caqabado dibadda kaga imaanaya haseyeeshee ay ku masshquulsan tahay waxtarka dadkeeda. “Waxaad moodaa Shacabka Soomaaliyeed & madaxda dalka hoggaankooda inaysan ku baraarusaneyn caqabadaha dowladda dhexe ay la kulmeyso,balse halkii laga caawin lahaa dad badani oo ka mid ahi waxgaradka iyo mas’uul kasta ay dowladda culeyska ku badinayaan si ay dowladda u jabto dadaalada ay wado ay ku fashilanto” ayuu yiri wasiir Maareey. DHEGAYSO PUNTLANDPOST The post Dowladda Soomaaliya oo shaacisay inay haystaan caqabado dalka dibaddiisa kaga imaanaya. appeared first on Puntland Post.
-
Click here Qaran News
-
Guddiga dibu heshiisiinta maamulka Galmudug oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay soo gaareen liiska ergooyinka shirka dhowaan ka furmi doona magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud. DAAWO PUNTLANDPOST The post Liiska ergooyinkii shirka dibu heshiisiinta Galmudug oo la soo gudbiyey. appeared first on Puntland Post.
-
Popular Contributors
