Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,491
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Hargeysa)-Cabdillaahi Cukuse Oo Ka Hadlay Kulan Madaxweyne Biixi Ee Wasiirrada Soomaaliya, Halkan hoose ka DAAWO Source
  2. (SLT-Hargeysa)-Xoghayaha Guud Ee Xisbiga WADDANI ayaa ka hadlay kulan uu Madaxweyne Biixi la yeeshay wasiirro reer Soomaaliya ah iyo muran dhul oo u dhexeeya qayska Madaxweyne Muuse Biixi iyo dad muwaadiniin ah, Halkan hoose ka DAAWO Source
  3. Magacyada Madaxda Xajka Soo Gudatay Ee Uu Boqorka Sucuudigu Casuumada U Sameeyay Iyo Madaxweyne Biixi Oo Aan Ka Dhex Muuqan Warbaahinta Arab News ee caanka ka ah dalka Sucuudiga ayaa soo bandhigtay magacyada masuuliyiinta dunida Islaamka ee ka qayb galay casuumada uu boqorka Sucuudiga Boqor Salman sannadkan u sameeyay madaxda iyo dadka caanka ah ee ka qayb galay gudashadii waajibaadka Xajka. Warbaahinta Arab News, ayaa qortay in Boqor Salman uu Isniintii toddobaadkii tagay kulan qaabilaad ah u sameeyay madaxda iyo shakhsiyaadka kale ee caanka ka ah dunida Islaamka ee sannadkan ka qayb galay gudashadii waajibaadka Xajka. Arab News, wuxuu soo bandhigay magacyada madaxda ka qayb gashay martiqaadka uu boqorku sameeyay oo ka dhacday qasriga Mina ee magaalada barakaysan ee Maka, waxaanay kala yihiin: 1 Madaxweynaha Yemen Cabd-Rabbu Mansour Hadi Raysalwasaaraha Djibouti Cabdoulkader Kamil Raysalwasaaraha Guinea Dr. Ibrahim Kasuri Fofana Raysalwasaarihii hore ee Ciraaq Haider Al-Abadi, Shaukat Sudhan, Madaxda xisbiga haya dalka dalka Mauritius oo sidoo kale ah madaxa arrimaha xajka Guddoomiyaha xisbiga Peoples Justice party ee Malaysia Anwar Ibrahim; Raysalwasaare-xigeenk Malaysia Dr. Wan Azizah bint Wan Ismail, oo sidoo kale ah Wasiirka arrimaha haweenka, qoyska iyo horumarinta bulshada ee Malaysia Waxa kale oo madasha joogay guddoomiyayaasha baarlamaanada ee dhawr dal oo Islaam ah. Warbaahinta Arab News, waxa kale oo ay soo bandhigay muuqaalka sawirka ah ee laga qaaday madaxda kulankaas ka qayb gashay, waxaana xusid mudan inaanu Madaxweynaha JSL Muuse Biixi Cabdi ka dhex muuqan madaxda kulankaas ka qayb gashay, iyadoo ay xusid mudantahay in wargeyska caanka ah ee Al-Sharqal Aawsat uu sannadkii hore daabacay in Madaxweyne-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Saylici uu ka mid ahaa madaxda ka qayb gashay casuumadaas uu boqor Salman sannadkii hore sameeyay. Madaxweyne Biixi ayaa dhawr muuqaal oo laga soo duubay waxa ka muuqda in hab maamuus wanaagsan ay dawladu Sucuudigu u samaysay, waxase la isweydiinayaa sababta u u uga baaqday casuumada Boqorka. Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Yaasiin Xaaji Faratoon oo isaguna ka mid ah masuuliyiinta Somalialnd ee soo gudatay waajibaadka Xajka oo uu Geeska Afrika wax ka weydiiyay sababta uu Madaxweyne Biixi uga dhex muuqan waayay madaxda martida u ah Sucuudiga ee uu boqorku casuumay ayaa ka gaabsadya inuu jawaabo. Madaxtooyada Somaliland ayaa hore u sheegtay in Madaxweyne Biixi uu la kulmi doono masuuliyiinta dawladda Sucuudiga marka uu dhammaysto gudashada waajibaadka Xajka. Source:- Geeska Qaran News
  4. Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr. 58, Ogoosto, 17, 2019 ku magacaabay Guddiga ku-meelgaar ka ah ee Doorshooyinka Dowladda Puntland. Madaxweynaha Dowladda Puntland.Markuu arkay: Qodobka 80-aad iyo lifaaqa kowaad firqadiisa koowaad ee Dastuurka Dowladda Puntland. Markuu arkay: Aqoontooda, kartidooda iyo waaya aragnimadooda. XGGW/DPL/85/2019 kuna taariikhaysan Ogoosto 14, 2019, kuna saabsan soo gudbinta xubnaha afarta ah ee golaha Wakiilladu soo sharaxeen. Markuu garawsaday: baahida looqabo in la magacaabo Guddiga Doorashooyinka Dowladda Puntland, si loo dar-dargeliyo geeddi socodka nidaamka dimuquraadiyaynta Puntland. Wuxuu Xeeriyey. Wuxuu Magaacay xubnaha Guddiga Doorashooyinka Dowladda Puntland oo ah sagaalka xubnood ee hoos ku qoran. 1. Cabdinuur Shiikh Maxamed Isxaaq 2. Sahra Jaamac Saalax. 3. Cali Jaamac Faarax. 4. Cabdullaahi faarax Mire. 5. Cabdullaahi Cabdi Ducaalle. 6. Guulleed Saalax Bar.e. 7. Jaamac Xirsi Faarax. 8. Xafso Salaad Maxamed. 9. Cadirisaaq Axmed Siciid. Xeerkani wuxuu dhaqangelayaa markuu Madaxweynuhu Saxiixo, Wuuna Saxiixay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  5. Garoowe (Caasimada Online) ― Madaxweynaha maamulka Puntland, Saciid Cabdulaahi Deni ayaa u muuqda inuu si lama filaan ah u beddelay siyaasaddiisa ku wajahneyd Somaliland, isaga oo maanta ka hadlay xiisada kala dhaxeysa Somaliland ee ka taagan gobolada Sool iyo Sanaag. Deni aya ka dhawaajiyey in Somaliland ay xoog ku haysato deegaano ka tirsan Mamulka Puntland, balse waxa uu markii ugu horreysay xusay in dowlada Puntland ay diyaar u tahay inay wada-hadal ka gasho dhulka ka maqan. Madaxweyne Deni ayaa sidoo kale waxa uu ku baaqay in Somaliland iyaduna ay arrintaasi ka gasho wada-hadal midaasi oo xal u noqon karta dagaaladii labada maamul ku dhex-mari jirey deegaanada goboladaasi. Madaxweynaha maamulka Puntland ayaa wuxuu yiri “Fariinta ugu horaysa waxaan u dirayaa Somaliland, shaatigaaga waa lagugu qabsan karaa, dhulka Puntland ee ay kusoo xadgudubtey, wada-hadal iyo nabad inaan ku dhammayno oo ku gar-naqsadaan baan ugu baaqaynaa”. Hadalka Saciid Deni ayaa u muuqda si-beddel uu ka sameeyey xaaladda uu ku wajahayo Somaliland, isaga oo markii la doortay ballan ku qaaday inuu awood kusoo celinayo dhulka ka maqan, balse hadda ay muuqato inuu soo dabcay. Madaxdii soo martay Puntland ayaa mar walba sheegi jiray in dhulka ka maqan Puntland uusan gelin gorgorton iyo wada-hadal. Ciidamada Puntland iyo Somaliland ayaa lobo daggaal ku dhexmaray degaanka Tukaraq ee gobolka Sool, kadib markii ciidamada Somaliland ay qabsadeen magaalada Tukaraq 8 Janaayo 2018kii. Dagaaladaasi waxaa ku geeriyooday boqolaal askari oo labada dhinaca ah, waxaana lagu kala qabsaday askar, Hub iyo gaadiid dagaal. Caasimada Online Xafiiska Garoowe Caasimada@live.com
  6. Kibera Girls Soccer Academy (KGSA) is a grassroots organization that helps to secure the future of young girls in Kenya by refining their academic and sporting skills. Source: Hiiraan Online
  7. SOMALILAND TA QARSOON !!! Darbijiif Waa inamo iyo hablo , waa dad waaweyn iyo dad aad u yaryar , Waxa ay u hoydaan gidaarada iyo dooxyada ( dixda ) , waxa ay quutaan maalinba waxii ay helaan oo waxa ay cunto ka raadsadaan meelo aanad u quudheen qof binu adam ahi in uu cunto ka raadsado , sida meelaha qashin qubka iyo wax aan dhaamin. Duruufaha iyo daranyada haysata dartood ayaa aanad u kala garanayn wiil iyo gabadh midka uu yahay qofka aad arkaysaa , badhkood waxa laayey gaajo , qaar ka mid ahi waxa ay ku dhinteen balwadaha xun-xun ee nolosha darbijiifnimadu bartay , qaar ka mid ah dooxyada iyo laagaha ayaa qaada marka roobku da ‘o oo ay ku dhintaan. Intooda badan ehelkood ma noola oo ma haystaan waalidiin, kuwa waalidka lehi waa qaar uu waalidkoodii ay duruufuhu naafeeyeen oo ay ku dareen Somaliland ta qarsoon ee aan indhuhu qaban , wadaad iyo wabiin, madax iyo shacab cid u hadasha iyo cid arkaysaa aanay jirin, waxaana ay ku nool yihiin magaalo kasta oo dalka ah. Dadka darbijiifka ahi bulshada daryeel iyo diir nax midna Kama helaan oo duruufta haysata iyo nolosha aanay iyagu dooran ee waayuhu baday ayey cay iyo takoor ku mutaystaan, waxaana loogu yeedhaa dibjir iyo xabaglayaal tusaale uu qofwaliba ugu soo qaato ilmihiisu in aanu kuwaasi oo kale noqon ! Waxa ay la daris noqdeen dhaxanta , gaajada , silica iyo darxumada , damqasho way is daayeen oo nolosha dan kama laha , waayo waxa ay arkayeen sidii ay ku baxeen qaybo badan oo iyaga ka mid ahi oo u dhintay duruufaha la dariska ah , waxaana ay isku dhiibeen noloshaa darbijiifnimada ah . Cidii ay fursad u helaan uma damqadaan waayo mabay arag naxariis iyo cid u damqata, iyagaaba isugu daran oo is dila , waxa ay u nool yihiin sida loo kala itaal roon yahay in la isugu amar ku taagleeyo oo loo kala adag yahay waxii la helana loo kala qaataa. Noloshan tirsiga maalmaha iyo bilaha iyo ciidaha iyagu way ka baxeen oo kuma jiraan , waxa ugu wanaagsan ama xasuus ku reebta maalinta uu cunto helo laba goor oo ka mid ah sadexda wakhti ee wax la cuno iyo kartoon ama joonyad uu cadceeda ama dhaxanta ka hoos gallo! Waa dad u dhashay dalkan ay ku nool yihiin oo la xuquuq ah dadka dalka ku nool , dawlad daryeesha iyo cid danaynaysa midna ma arkaan , marka laga reebo ciidamo caydhsada marka ay meelahaa magaalada soo galaan mooyaane, maalmaha qaar waxaa dhacda in qaar ka mid ahi cid dhibaato u geystaan ama olole lagu qaado dhamaantood oo la xidhxidho inta loogu tago goobaha ay ku noolaayeen. Dadka kale iyo iyagu ma kala wanaagsana , mana kala sareeyaan xaga binu adanimada laakiin duruufaha iyo waayaha ayaa is kor mariyey oo ka dhigay dad kala sareeya oo aan war isku hayn hadana dal iyo magaalo kuwada nool iyaga oo ku kala jira Somaliland ta qarsoon iyo Somaliland ta muuqata wax aan u bixiyey oo kala war la’ a . Waa dad iyagu hadii ay dhintaan, hadii ay xanuunsanayaan, hadii ay dhibaatooyin kale haystaan cid og iyo cid dareemaysaa midina aanay jirin waayo ; waa dad aan muuqan ama indhaha laga laliyo , dhacdooyinkani iyo noloshani maaha mid xikmad iyo macno la’aan ku socota ee waa imtixaan lagu eegayo dadka inta kale iyo masuuliyada dawladnimo iyo cid kasta oo iyaga dhaanta. Muhamed Dhimbiil hormood@hotmail.com +252634241005 Twitter @dhimbiil Image Qaran News
  8. (SLT-Hargeysa)-Wasiirka wasaaradda Maaliyadda Sacad Cali Shire ayaa ka hadlay in Madaxweyne Muuse Biixi laga reebay masuuliyiinta dunida Islaamka ee ka qayb galay casuumada uu boqorka Sucuudiga Boqor Salman sannadkan u sameeyay madaxda iyo dadka caanka ah ee ka qayb galay gudashadii waajibaadka Xajka, Halkan hoose ka DAAWO Source
  9. Muqdisho (Caasimada Online) -War-saxaafadeed kasoo baxay maamulka Puntland ayaa loogu hambaliyeyay taageerana loogu muujiyay doorashadii maanta ka dhacday magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Warqadd kasoo baxday Madaxtooyada Puntland ayaa hanbaliyo loogu diray Guddoonka iyo labadiisa ku xigeen ee maanta lagu doortay magaalada Kismaayo, kuwaas oo hoggaami doona Baarlamaanka cusub ee Jubbaland, kaas oo noqonaya Baarlamaankii labaad ee uu yeesho maamulka Jubbaland. War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Puntland ay aad u soo dhaweyneyso natiijada doorashadii maanta, waxaana amaan loogu jeediyay guddiga xuduudaha iyo doorashooyinka ee maamulka Jubbaland, sidoo kale Puntland ayaa balan qaaday inay si dhaw ula shaqey doonto Baarlamaanka cusub ee maamulkaas. Taageerada ay Puntland u muujisay Baarlamaanka iyo guddoonadiisa cusub ayaa ku soo aadeysa, iyadoo War-saxaafadeed galabta kasoo baxay Xukuumadda Federaalka gabi ahaanba lagu qaadacay sida ay wax uga socdaan magaalada Kismaayo. Qoraal kasoo baxay Wasaaradda arimaha gudaha federaalka iyo dib u heshiisiinta xukuumadda Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in dowladda federaalku ay shir weyne dib u heshiisiin ah ku qabaneyso magaalada Kismaayo, taas oo wax kama jiraa ka dhigeysa hanaanka lagu soo xulay Xildhibaanada cusub ee Jubbaland, kuwaas oo maanta doortay guddoomiye iyo labadiisa ku xigeen. Halkaan ka akhriso War-saxaafadeedka Puntland: Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  10. (SLT-Hargeysa)-Xisbiga mucaaradka ah ee UCID, oo tilmaamay in xukuumaddu ay fashilisay mooshinkii lagu kordhinlahaa Guddiga Doorashooyinka Somaliland, Halkan hoose ka DAAWO Source
  11. Somaliland: Parliament Rejects Motion To Increase NEC Members The Somaliland House of Representatives has rejected a motion to increase the members of the National Elections Commission, NEC, from seven to nine. At a session this morning in Hargeisa, the House whose mandate expired in 2010, and has continued to sit on extension after extension, has blocked the motion which was the outcome of an accord between the three Somaliland political parties. The agreement between the parties, which was brokered partly by the EU envoy, Nicolas Berlanga Martinez, was to find a resolution to the political impasse pertaining to the scheduled parliamentary and local elections council. The Speaker of the House, Bashe Farah, suspended the session, when it become evident that the representatives were about to vote down the motion. It is not clear whether it will be resubmitted after mature consideration. It is quite clear to all Somalilanders and it’s supporters across the globe, that this current House of Representatives and it’s members are one of the main stumbling blocks to holding elections, along with the discredited NEC, the stagnated House of Elders, the opportunistic political parties and the general malaise pertaining to democratic progress. The House of Representatives has also been struggling with the issue of whether or not to increase the number of seats from the current eighty-two, 82, which had been extensively lobbied for by the regions and communities who feel under-represented. Qarannews.com Qaran News
  12. (SLT-Hargeysa)-Guddoomiye ku xigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE Axmed Cabdi Dheere ayaa waxaa uu ka hadley mooshinkii ay saaka golaha wakiilada Somaliland ay laaleen ee ku saabsanaa doorashooyinka iyo heshiiskii saddexda xisbiga qaran, Halkan hoose ka DAAWO Source
  13. Abwaan Aadan Tarabi Jaamac ayaa Somaliland ku tilmaamay meesha ugu liidata ee ay abwaano iyo fanaaniin ku noolaadaan marka la barbar dhigo maamulada kala duwan ee Soomaalida guud ahaan. Abwaanka ayaa xaalada abwaanada iyo dalkaba ku tilmaamay mid jilicsan waxaanu shacbiga ka codsaday in la gaadhay wakhtigii abwaanada iyo fanaaniinta Somaliland loo hadli lahaa si loo taageero, waxaanu sidan u sheegay tilifishanka Sahan, isagoo yidhi “Waxii dawlad Somaliya ka dhashay haday koonfur tahay,haday Jabuuti iyo Kililkaba tahay magaca Somaliya waxii laysku odhan jiray meel Abwaanada iyo fanaaniinta uga liidata Somaliland ma jirto,waliba inay cidhib go’aan ayay jecelyihiin guryo, gaadiid iyo wax muuqda ayaa la doonayaaye maaha abwaanku inuu hadlo uun, maxuu ku hadlaa waa in isaga horta loo hadlaa waligii ma isagaa cid u hadlaaya, dayac intay qabaan yay waliba kii ugu xumaa qabaan, dadkiina waxay leeyihiin waar abwaanadu maxay u hadli waayeen abwaanada idinku u hadla ilaa maalintay dhasheenbay idiin hadlayeen if iyo aakhraba way idinku seegeene bulshadu haw hadasho abwaanada. “ Waxa uu fariin u diray madaxweyne Biixi “Madaxweynaha fariintaan u dirayaa waxay tahay alle xajkana ha kaa aqbalo hawluuna waa ay faro badan yihiin hadaad sidaas ku sii wado mooji waxay noqon doonto dhaliilo badan ayaa jira ayaan leeyahay halaga tashado oo halaysu yimaado una dhago nuglow umadaadu waxay ku leedahay.” Geeska Qaran News
  14. Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaal Iyo Dib u heshiisiinta waxa ay warsaxaafadeed ka soo saartay Arrimaha Doorashooyinka Dowlad Goboleedka Jubaland. Halkaan ka Akhriso Goobjoog News Source: goobjoog.com
  15. (SLT-Washington)-Dawladda Maraykanka ayaa soo saartay waaran qabasho ah oo la doonayo in lagu qabto Markabka Saladiida Iran sidan, kaas oo bishii la soo dhaafay ciidamada Ingiriisku ay qabteen kadib markii ay ku eedeeyeen inuu ku xadgudbay cunaqabatayn caalami ah. Hase yeeshee Markabka The Grace 1 ayaa amar ay soo saartay maxkamada sare ee Gibraltar lagu sii daayey kadib markii 43 maalmood uu xidhnaa. Markabka Iran ayaa ciidamada Ingiriisku ay qabteen 4 bishii July xili uu biyaha badda Mediterranean-ka kadib markii looga shakiyey inuu ku xadgudbay cunaqabatayntii Midawga Yurub ay ku soo rogeen Taliska ka jira dalka Suuriya, oo gaashaanbuur la ah dalka Iran. Dawlada Maraykanka ayaa iyadu isku dayaysa inay mar kale Qabsato Markabka the Grace 1 markii Ciidamada Ilaalada Kacaanka ay ku xidhiidhiyeen ama u aqoonsadeen Argagixiso. Sida lagu sheegay Waaranka la soo saaray maalintii Jimcihii, kaas oo qaybta cadaalada ee dalka Maraykanku ay ku eedaysay Markabkaasi iyo shixnada uu sidaaba inay qayb ka tahay shixnad sharci daro ah oo u socotay dalka Suuriya oo ay ka timid ilaalada kacaanka ee Iran. Source
  16. Wasaaradda arrimaha gudaha Federaalka iyo dib u-heshiisiinta xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in aysan aqoonsan doonin natiija kasta oo ka soo baxda doorashada madaxtinimada Jubaland. War-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda ayaa lagu sheegay in liiska odayaasha dhaqanka ee soo xulay xildhibaannada cusub ee Jubaland aysan waafaqsaneyn diiwaanka rasmiga ah ee wasaaradda Wasaaradda arrimaha gudaha Federaalka iyo dib u-heshiisiinta xukuumadda Soomaaliya. Sidoo kale war-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in dariiq aan sharci ahayn loo maray soo xulista xildhibaannada cusub ee Baarlamanka Jubaland islamarkaana aysan wasaaraddu aqoonsan doonin natiija kasta oo ka soo baxda doorashada madaxtinimada Jubaland. Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka PUNTLAND POST The post Dowladda Soomaaliya oo ku dhawaaqday in aysan aqoonsan doonin natiija kasta oo soo baxda doorashada Jubaland appeared first on Puntland Post.
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa mar kale maanta go’aanno cusub kasoo saartay doorashooyinka Jubaland, xilli maanta halkaas lagu doortay guddoon cusub oo baarlaman. Qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha gudaha iyo federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dhammaan doorasho kasta oo ka dhacday Jubaland ay tahay waxba kama jiraan, maadaama ay “baal marsan tahay dastuurka federaalka iyo habraaca wasaaradda arrimaha gudaha.” Wasaaradda ayaa sheegtay in laba sabab ay ku diiday sax ahaanshaha doorashooyinka Jubaland, oo mid ay tahay; habraaca soo xulista liiska odayaasha dhaqanka oo aan waafaqsaneyn diiwaanka wasaaradda, iyo tan labaad oo ah, inaan dariiq sharci ah loo marin soo xulista golaha wakiilada Jubaland. Wasaaradda arrimaha gudaha ayaa ku baaqday shir dib-u-heshiisiin dhab , oo ay ka qeyb-galaan dhammaan dhinacyada Jubaland, “si looga fogaado qalalaase iyo xailooni darro ka dhacda deegaanada dowladda goboleedka Jubaland.” Hoos ka aqriso qoraalka wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya
  18. Doorashada maanta loo doortay Baarlamaaanka Jubbaland Sheekh Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan, waxay miujinaysaa in Madaxweynaha loo foranstillet Sayid Axmed Maxamed Islaad. In markale ay Baarlamaanku u [...] Source
  19. Gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka Jubbaland Sheekh Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan ayaa Markale loo doortay Gudoomiyaha Baarlamaanka cusub ee Jubbaland , doorashadii maanta ka dhacday magaalada Kismaayo. [...] Source
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamo gaaraya 2,000 oo askari, oo u dhashay Dalka Uganda, ayaa ka baxay Soomaaliya waxaana ay dib ugu laabteen dalkooda, sida ay shaaciyeen saraakiisha Uganda ee Soomaaliya. Ciidamadan oo ka kala socday qeybta ilaalada xafiisyada Qaramada Midoobey ee Soomaaliya iyo guutada 25-aad ee ciidanka Uganda ee Soomaaliya, ayaa dib ugu laabtay dalkooda kaddib markii ay dhameysteen howlihii ay u joogeen Soomaaliya. Askartan ayaa waxaa ay kala ahayeen 529 Askari oo ka mid ahaa Ciidamada Qaramada Midoobey, iyo 1406 Askari oo ka mid ahaa guutada 25-aad ee ciidanka Uganda ayaa gaaray dalkooda. Taliyaha guud ee Ciidanka Uganda David Muhoozioo ciidamadaas la hadlayay ayaa waxaa uu sheegay in Soomaaliya oo nabad noqota ay la mid tahay Afrika oo nabad noqota. Generaal Muhoozi ayaa sheegay in Soomaaliya ay la mid tahay dalalka Afrika,waxa ku dhacayna ay dalkasta oo ka mid ah Afrika ku dhici karaan. “Hadda waxaan tirakoobeynaa guulaha laga gaaray Soomaaliya ee ay horseedka ka yihiin adinka, ciidankii idiinka horreeyay iyo kuwa hadda ku jira” ayuu yiri Generaal Muhoozi. Ciidamada gaaraya 2000 kun ee Askari ayaa la siiyay fasax shan iyo afartan cesho ah oo ay la soo qaadanayaan reerahooda. Dowladda Uganda ayaa dhowr todobaad ka hor ciidankii beddelilahaa Ciidamadaas waxaa ay u soo dirtay Soomaaliya, qeyb waxaa loo daabulay Gobolka Shabeellaha hoose halka qeybta kalena ay la waregeen xafiisyada Qaramada Midoobey ee Soomaaliya oo ay waardiye ka yihiin. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
  21. Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr. 58, Ogoosto, 17, 2019 ku magacaabay Guddiga ku-meelgaar ka ah ee Doorshooyinka Dowladda Puntland Madaxweynaha Dowladda Puntland. Markuu arkay: Qodobka 80-aad iyo lifaaqa kowaad firqadiisa koowaad ee Dastuurka Dowladda Puntland Markuu arkay: Aqoontooda, kartidooda iyo waaya aragnimadooda. Markuu arky: Qoraalka Sumaddiisu tahay XGGW/DPL/85/2019 kuna taariikhaysan Ogoosto 14, 2019, kuna saabsan soo gudbinta xubnaha afarta ah ee golaha Wakiilladu soo sharaxeen. Markuu garawsaday: baahida looqabo in la magacaabo Guddiga Doorashooyinka Dowladda Puntland, si loo dar-dargeliyo geeddi socodka nidaamka dimuquraadiyaynta Puntland. Wuxuu Xeeriyey. Wuxuu Magaacay xubnaha Guddiga Doorashooyinka Dowladda Puntland oo ah sagaalka xubnood ee hoos ku qoran. 1. Cabdinuur Shuukh Maxamed Isxaaq 2. Sahra Jaamac Saalax 3. Cali Jaamac Faarax 4. Cabdullaahi faarax Mire 5. Cabdullaahi Cabdi Ducaalle 6. Guulleed Saalax Bare 7. Jaamac Xirsi Faarax 8. Xafso Salaad Maxamed 9. Cadirisaaq Axmed Siciid Xeerkani wuxuu dhaqangelayaa markuu Madaxweynuhu Saxiixo, Wuuna Saxiixay Madaxweynuhu. PUNTLAND POST The post Dikreeto: Madaxweyne Deni oo Magacaabay Guddiga Ku-meelgaarka Ah ee Doorashooyinka Puntland appeared first on Puntland Post.
  22. Abukaate Xabiib Cabdilaahi Ciise iyo Qareen Mustafe Maxamed Jaamac oo ahaa qareenada u doodaya saddex eedaysane oo loo haysto kiiskii marxuumad Caasha Ilyaas Aadan ayaa [...] Source