Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,146
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Magacaabida Guddoomiyaha gobolka Banaadir & Duqa magaalada Muqdisho ayaa ku dhacday si lama filaan ah oo Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo si kedis ah shacabka waxaysan fileyn kaga yaabsaday. Bulshada Soomaaliyeed ayaa filan-waa ay ku noqotay in mid ka mid ah hoggaamiye kooxeedyadii hore uu madaxweynaha usoo xusho hoggaaminta maamulka caasimada dalka ee Muqdisho, inkastoo Cumar Finish lagu tiriyo shaqsiyaadka dhinaca hoggaanka iyo anshaxa dadnimo ku wanaagsan. Dadka aqoonta u leh siyaasadda iyo qeybaha kale ee bulshada ayaa magacaabida Cumar Finish su’aal geliyay, iyagoona u arka mas’uul ka duwan madaxdii horay usoo martay maamulka gobolka Banaadir, daliishana waxay tahay in Cumar Finish yahay shaqsi lagu bartay toosnaanta iyo inuu ka horyimaado in wax loo meeriyo ama lagu maquuniyo, howshiisana jecel in isaga u gaar ahaanaado. Waxay su’aal ka taagan tahay siduu amarka u qaadan doonaa Haddaan dib u milicsano waayihiisii hoggaamiye kooxeednimo ee xiligii sagaashameeyadii ilaa 2002-kii, Cumar Finish waxay soo wada shaqeeyeen Al-Xaaji Muuse Suudi Yalaxow oo uu taliyihiisii ciidamada soo noqday, kahor intii aan dowladdii Mbaghati lagu soo dhisin, waxaa degmada Wadajir oo xiligaasi la oran jiray Makka iyo Madiina ka talinayay Muuse Suudi, waxaana aakhirkii ay u kala qeybsantay labo aag oo ay ka talinayeen Muuse Suudi iyo Cumar Finish. Sababihii ay iskugu dhaceen Muuse Suudi iyo Cumar Finish waxaa qeyb ka aheyd dhinaca awooda iyo maamulka, taasoo uu ka biyo diiday Cumar Finish hoggaamiyihiisii awaamiirtii kasoo baxaysay ee la farayay, isla markaana u cuntami weyday, waxaana ka dhashay awood aan la dhayalsan kareyn oo Cumar Finish lasoo baxay, isagoo taageero ka helay saaxiibadkiisii Cusmaan Caato. Intaas markaan kasoo tagno, Cumar Finish wuxuu soo noqday xildhibaan aan dhicin laga soo bilaabo dowladihii C/llaahi Yuusuf, Shariif iyo Xasan Sheekh, wuxuuna ka mid ahaa mudanayashii baarlamaanka ka dhex muuqday ee qalalaasihii siyaasadeed saameyn ku lahaa, iyadoo la og-yahay in baarlamaankii u danbeeyay ee Xasan Sheekh, waxaana la xasuustaa xiligii uu hub fara badan gudaha baarlamaanka lasoo galay xiligii mushkilada siyaasadeed isagoo taageersanaa Prof. Jawaari. Su’aasha ah siduu amarka u qaadan doonaa, sidii guddoomiyeyaashii ka horeeyay, mise ushii Muuse Suudi ula soo baxay ayaa weli u keydsanoo arrintu waxay noqon doontaa Madaxweyne Farmaajo iyo Kheyre “Abeeso ayey faraqa gashteen. Arrinta kale waxay tahay tolow Cumar Finish, ma madaxdii ka horeysay oo kale ayuu wadadoodii mari doonaa sida lagu bartay, oo ma muujin doonaa maqaamka caasimada u baahan tahay mise marka khilaaf yimaado ee uu bixi rabo ayuu ka dhawaajin doonaa ka hadalka Maqaamka Muqdisho mudan tahay iyo in la duudsiiyay xaquuqdeedii ay laheyd. Kuma deg degi karno, waxaase la eegi doonaa bilaha hore marka uu xilka la wareego, iyo sida madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha ula shaqeyn doono ama u fulin doono rabitaanka siyaasadeed ee ay ka leeyihiin maqaamka Muqdisho. W/Qoray: Cali Muhiyaddiin Cali Email: Muxiyaddiin@hotmail.com AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  2. Turkey is trying to gain greater influence in the Arab world—and it’s winning Saudis over with TV dramas and seaside resorts. Source: Hiiraan Online
  3. On Tuesday August 20, Abdirahman Mahdi Madey, chairman of the Ogaden National Liberation Front (ONLF), gave a press briefing to local journalists in Addis Abeba regarding the party’s stand on federalism, election, as well as the progress of its registration on becoming a political party . Shortly after that, Abdirahman sat down with our editor Tsedale Lemma for an exclusive interview. Source: Hiiraan Online
  4. Linkigan Hoose Riixi si aad u akhrido SSE Warsaxaafadeed Qaran News
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Nuur Ibraahim Muumin oo ah Aabaha dhalay Gabar lagu magacaabijiray Ridwaan Nuur Ibraahim oo lagu dilay degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo, ayaa sheegay in Gabadhiisii uu dilay sarkaal lagu magacaabo Cabaas Ibraahim Gurey, oo ka tirsan saraakiisha ciidamada maamulka jubbaland. Waxa uu sheegay in ciidamo uu wato sarkaalkaas ay dadkii ku noolaay magaalada ay guryahooda kasoo saareen, kadibna ay u qeybiyeen boorar uu ku sawiranaa sawirka Madaxweyne Axmed Madoobe, isagoo dadkii ku amray inay dhigaan banaanbax ay ku taageerayaan Axmed Madoobe oo ka mid ah Madaxweynayaal Khamiistii na dhaaftay lagu doortay magaalada Kismaayo. Dadkii ayuu sheegay inay arintaas u cuntami weysay ila markaana ay iska diideen amarkii sarkaalkaas, iyagoo jeex-jeexay boorarkii loo qeybiyey ee uu ku xardhanaay sawirka Axmed Madoobe. Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in gabadha la dilay ay isla goobtii ka aas-aastay banaanbax kale oo looga soo horjeedo amarka sarkaalka, iyagoo banaanbaxooda ku muujiyay inaysan dooneyn in Jubbaland uu madaxweyne ka noqdo Axmed Madoobe, kaddibna sidaas ay ku toogteen gabadhaas Askartii uu watay sarkaalka ka socday Jubbaland. Aabaha dhalay Ridwaan ayaa sheegay inay Maxkamadda Sare iyo Xeer ilaalinta qaranka, ay u gudbiyeen dacwad ka dhan ah taliyahaas, isagoo sheegay inuu hadda Xamar ku suganyahay, isla markaana uusan tagi Karin degmadiisii Ceelwaaq. Halkaan ka dhageyso Wareysi uu siiyay KNN https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/08/Waewysi-Cabaas-Gurey.mp3Caasimada Online Xaafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  6. Nairobi (Caasimada Online) –Baarayaal Kenyaan ah oo ku sugar magaalada Cape Town ee dalka South Africa si ay ugu gun gaaraan baaritaan ku saabsan dhaqaale lacageed oo gaaraya 2.3 bilyan oo dollar oo loo adeegsaday weerarkii Al-Shabaab ku fulisay hotelka DusitD2 bishii June ee sanadkaan. Weerarkaasi oo geystay khasaare dhimasho gaareysay 26 qof ayaa waxaa fuliyay 5 nin oo Shabaab ka tirsanaa, kuwaasi oo afar ka mid ah la toogtay, midna uu isqarxiyay sida ay sheegtay warbixinta arintaan la xiriirta. Wargeyska The Standard ee kasoo baxa Nairobi ayaa qoray warbixin sirdoon iyo baarayaal ku sugan magaalada Cape Town, kuwaasi oo shaaciyay in dhaqaalaha loo adeegsaday weerarkaasi oo dhan 2.3 Milyan dollar lasoo marsiiyay bangi ku yaal South Africa kana timid ganacsade u dhashay dalkaasi. Kooxda baarayaasha oo ka kooban sarkaal ka tirsan Agaasinka Baarista Dambiyada, Unugga Booliiska la-dagaallanka Argagixisada, sarkaal ka tirsan waaxda sirdoonka dambiyada oo ku xiran shirkadda isgaarsiinta Safaricom iyo xubin xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee Kenya. Baarayaasha ayaa diirada saaray magaalada Cape Town si ay u raadraacaan dadka soo diray lacagta iyo ujeedkooda. Macluumaadka waxaa laga soo qaatay Dowladda Koonfur Afrika, si ay farta u gasho kuwa ka-faa’iideysta ee maalgalinta argagixisada. Ilo-wareedyadu waxay sheegeen in baarayaasha ay doonayaan inay wareystaan ​​qof reer Kenya ah oo ku nool Cape Town oo ay booliisku u aqoonsadeen inuu ka mid yahay dadka lacagta u direy Kenya iyaga oo u maraya bangi maxalli ah. Shaqaale ka tirsan bangiga ayaa hadda wajahaya ku wajahaya makamad ku taal Nairobi dacwado la xiriira argagixisanimo.iyadoo la haayoliiska dhowr qof oo arrintaan lugta la gashay. Caasimada Online Xafiiska Nairobi caasimada@live.com
  7. Qaybtii 1-aad ee maqaalka Puntland ma hooyadii fitnadaa mise wa hooyadii federaalka, waxaan ku soo sheegnay qaar ka mid ah hagardaamoyinka ay madaxdii xilalka ka soo qabtay Puntland ku sameeyeen Soomaaliya, gaar ahaan gobollada Koonfurta Soomaaliya. Siciid Deni isagoo hagardaamoyinkii halkii madaxdii hore uga tageen ka sii wadaya aya wuxuu bilaabay qorshe siyaasadeed oo ah: In dawladda dhexe iyo maamulka Jubaland la iska hor keeno. In Faroole iyo Cumar Cabdirashid loo diro Kismaayo si ay taageero dhaqaale iyo mid siyaasadeedba u siiyaan Axmed Madoobe. Si la isaga hor keeno beelaha dega Muqdisho la qaban-qaabiyo shir looga hadlayo maqaamka Muqdisho kaas oo lagu qabto Garowe. Markan waraystay dad badan oo falanqeeya arrimaha Soomaaliya, waxaa lala yaabay oo jawaab loo waayay sababta Deni uga hadlayo maqaamka Muqdisho oo uusan uga hadli karin una soo dhacsan karin dhulka ballaaran oo ka kooban gobollada Sool, Sanaag, iyo Cayn oo Somaliland ka haysato Puntland. Waxaa la iswaydiiyay sababta uusan uga hadli karin maqaamka Laascanood, iyo maqaamka Tuko-raq oo ciidamada Soomaliland ka qabsadeen Puntland. Markii Deni ay u caddaatay inuusan siyaasad iyo xoog midna ku soo dhacsan karin dhulka ka maqan Puntland ayuu wuxuu bilaabay qorshe cusub oo uu ku marin habaabinayo dadka reer Puntland, kuna kala qaybinayo beelaha Soomaaliyeed ee dega Muqdisho, si fashilkiisa loo illaawo. Maxay tahay ujeedada Deni ka leeyahay maqaamka Muqdisho: Inuu hor istaago oo fashiliyo mashruuca lagu dhisayo dekadda Hobyo si dekadda Bosaaso aysan u suuq dhicin. Inuu iska hor keeno dawladda iyo qaar ka mid ah beelaha Muqdisho deggan si Farmaajo u fashilmo. Inuu isagasii jeediyo cadaadiska siyaasadeed ee u dhexeeya isaga iyo madaxwayne ku-xigeenkiisa. Inuu reer Puntland marin habaabiyo kana mashquuliyo fashilka siyaasadeed iyo can milatari ee maamulkiisu kala kulmay soo celin la’anta dhulka maamulka Somaliland xoogga uga qabsatay Puntland Waxaad kaloo is waydiin leh maxaa madaxda Puntland midba midkuu ka dambeeyo uga waddaniyad liitaa, uga waxqabad liitaa, oo ugu adeegaa shisheeye aan rabin in Soomaaliya yeelato dawlad awoodeedu shaqayso oo ay had iyo jeer u hagardaameeyaan qaranimada iyo midnimada Soomaaliyana? Inta uu Deni ku hoos jiro Faroole, Aaran Jaan laga sugi mayo inuu ka shaqeeyo midnimada iyo dawladnimada Soomaaliya. Soomaalidu waxay ku maah-maahdaa “Nin Calool Wayn Iyo Caqli Kala Tage.” Mar kale aan is waydiino Puntland ma Hooyadii Federaalkaa Mise wa Hooyadii Fitnada ay Soomaaliya ka dhaqaaqi la’dahay oo ka midoobi la’dahay. W/Q: Axmed Bashir bashir1631@gmail.com AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  8. Hargeysa (Caasimada Online) ― Hogaamiyaha Jabhada ‘Dulmi-diid’, Kornayl Saciid Caare ayaa si adag uga jawaab celiyay hadal shalay ka soo yeeray Taliyaha ciidamada Somaliland, Nuux Taani oo uu eedeymo ugu jeedinayey. Kornayl Caare ayaa hadalka Taliye Taani ku tilmaamay mid lagu burinayo wada-hadalkii iyo waan-wantii la waday, isagoona xusay in Jabhadiisu ay dagaal u diyaar garoobayaan. Hogaamiyaha Jabhada ‘Dulmi-diid’, Kornayl Saciid Caare oo arrintaasi ka hadlayana, waxa uu si adag isaga difaacay dilal iyo qas uu ku eedeyay Taliyaha Somaliland, wuxuuna yiri “Hadalkaa [Taliyaha] waxaan u arkaa mid aanay waxba ka jirin, waxaan u arkaa naf weyday jano, markaan ka waramo Nuux Ismaaciil Taani, anigu waxaan ciidamada soo galay 1994, ciidamadii ugu horeeyey ayaan ahaa laba kuliyadood baan ka baxay mid akadamiya iyo mid staff college ah, intaaba ciidamada waan ku dhex-jiray, dagaalkii lagu qaaday Ceel-bardaale, Hubka iyo Rasaastaba waxa laga qaadayey taliska guud baa laga qaadayey ninkii BKM-da dhiibay buu ahaa”. “Nuux Ismaaciil Taani waa ninka qaranka Bur-buriyey ee ciidamada qaranka Burburiyey weeyi, ninka ciidamada qaranka qabaa’ilka ka dhigay weeyi, waxa markhaati ku ah afkiisaa ku ah laba kun oo ciidamada qaranka ah ayaa ka baxay ciidamada Qaranka oo dawladd kale galay oo Puntland galay oo wuxuu ku leeyahay awalba ciidanku lacag bilaash ah ayuu iska qaadan jiray bilaash ah isaga ayaa siin jiray oo ku eegayey”. Wuxuuna intaas kusii daray “Caqliga Saliimka ahi waxa uu ku siinayaa in nin eedaysane ah waa la magacaabaa, anigu dambiile maan ahayn, Gacan ku dhiigle maan ahayn maxkamad ayaa isii daysay waana la imagacaabay, markaa maxay Maxkamadu ii sii daysay” “Arinta dilka waxba kama jiraan dadka Ceel-Afweyn yaalaa waa dadkaygii, waa halkii aan ka dhashay, waligay qof gacan bini’aadam wax uma gaysan, waxa weeyi isagaan ku duulanahay Nuux Ismaaciil Taani, Ceel-Afhayna dagaalka ka socda isaga iyo Ina Kaahin ayaa wada”. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  9. Washington DC (Caasimada Online) – La-taliyihii hore ee ololaha doorashada madaxweyne Donald Trump, Michael Caputo, oo ah xeelad yahan Jamhuuri ah, ayaa sameystay shirkad u ololeysa dalalka shisheeye, waxaan kalyantigiisa koowaad noqday Soomaaliya. Cabuto, oo aad ugu dhow saaxiibna la ah madaxweyne Donald Trump, ayaa matli doona Soomaaliya, isaga oo danaheeda ka gadi doona maamulka madaxweynaha. Waa shaqadii ugu horreysay ee loobinimo ama u ololeeye dal shisheeye oo uu qabto Caputo, oo xisbiga Jamhuuriga Mareykanka aad looga ixtiraamo. Waxa uu matali doonaa safaaradda Soomaaliya ee Washington DC, waxaana inuu shaqadan helo ka caawiyey xiriirka muddada fog kala dhaxeeya madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Xiriirka Caputo iyo Farmaajo ayaa kasoo billaabmay magaalada Buffalo ee gobolka New York, markaasi oo madaxweynaha Soomaaliya uu ka qeyb-gali jiray siyaasadda deegaanka ee xisbiga Jamhuuriga. Caputo ayaa sidoo kale sanado badan oo noloshiisa ka mid ah kusoo qaatay Buffalo. “Sharaf weyn ayey ii tahay inaan shaqadan qabanayo” ayuu yiri Caputi oo ka hadlayey shaqada ay dowladda Soomaaliya u magacowday. “Waxaan dareemayaa inay waajib igu tahay inaan qabto” Caputo ayaa aaminsan in Mareykanka uu wax badan ka caawin kara in xasilooni lagu soo dabaalo Soomaaliya. Waxa uu sheegay in isaga iyo Trump ay isku si u arkaan waxa u wanaagsan Soomaaliya. “Waa wax na caawinaya inuu xiriir wanaagsan la leeyahay maamulka [Trump]” waxaa sidaas yiri safiirka Soomaaliya ee QM Abuukar Daahir Cusmaan, oo uu soo xigtay wargeyska Buffalo News. “Waxaan sidoo kale rumeysannahay inuu nala xalin karo arrimo badan” ayuu yiri safiirka. “Soomaaliya waxay ku jirtaa marxalad kala-guur oo xasaasi ah” ayuu yiri Danjire Abuukar, “Mareykanka waa saaxiib muhiim ah, gaar ahaan dhinaca amniga.” Daniraha ayaa sidoo kale sheegay in dowladdiisa ay raadineyso in gacan laga siiyo sidii looga caafin lahaa daymaha hay’adda lacagta adduunka ee IMF. “Dadka Soomaaliyeed waxay u qalmaan nolol la mid ah taan ku haysanno halkan Mareykanka” ayuu yiri Caputo. Caasimada Online Xafiiska Minneapolis caasimada@live.com
  10. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/08/Bar___-Qumanaha-___-Wararka-26082019.mp3 View the full article
  11. ANKARA - Turkey is becoming a favorite destination for many Somali youth, to pursue higher education in order to realize their dreams. Muhammed Ahmed, who graduated in medicine from Antalya University...... Source: Hiiraan Online
  12. (SLT-Hargeysa)-Prof. Cabdi Cali Falanqayn Ku Sameeyay Saamaynta Hadalkii Taliye Nuux Taani, Halkan hoose ka DAAWO Source
  13. Semi-final fixtures at the Council for East and Central African Football Associations, CECAFA, under 15 championships, will be played on Wednesday (August 28) in the Eritrean capital Asmara. Source: Hiiraan Online
  14. (SLT-Hargeysa)-Kornayl Caarre Oo Farriimo Culus Soo Diray Kala Diray Madaxweyne Muuse Biixi, Taliye Nuux Taani Iyo Beesha Caalamka, Halkan Hoose Ka DAAWO Source
  15. The Somali government has accused the Kenyan military of destroying mobile phone masts in the south of the country, where Kenyan troops are deployed in the fight against the Islamist militant group, al-Shabab. Source: Hiiraan Online
  16. (SLT-Hargeysa)-Maraykanku Ma Saldhig Millatari Ayuu Ka Doonaya Somaliland??, Halkan hoose ka DAAWO Source
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Ma aheyn sheeko iyo dedaal waqti dheer lagu bixiyay in taliyihii hore ee ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Baashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe) loo magacaabo maareeyaha guud ee wakaaladda hormarinta dhimsaha ee Soomaaliya kadib markii dhowaan laga qaaday xilka taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliyeed. Caasimada Online ayaa ogaatay in Bashiir Maxamed Jaamac, uu shalay iyo xalay kulan la qaatay wasiirka dhalinyarada iyo cayaaraha Soomaaliya xildhibaan Khadiijo Maxamed Diiriye, islamarkaana uu ka dalbaday in xilkaan oo ah boos muhiim ah loo magacaabo, islamarkaana ay kala hadasho ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, oo ay saaxiibo yihiin. Wasiir Khadiijo oo ku qanacday xilkaan islamarkaana kala tashatay Bashiir Goobe iyo xildhibaan xeyle oo qaraabo yihiin labadaba ayaa xalay la kulantay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya iyadoo ka dalbatay in xilkaan uu u magacaabo Sarreeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac. Xildhibaan Khadiijo Maxamed Diiriye oo leh awood badan oo ah guud ahaan xafiisyada dowladda soomaaliya, gaar ahaan xafiisyada madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa Kheyre ka dhameysay magacaabista Bashiir Goobe iyadoo isla-maanta lagu dhawaaqay in Bashiir Goobe loo magacaabay maareeyaha guud ee wakaaladda hormarinta dhimsaha ee Soomaaliya. Sarreeye guud Bashiir Maxamed Jaamac, ayaa dhowrkii bil ee la soo dhaafay ku howlanaa dayactirka taalooyinka qaranka ee magaalada Muqdisho iyo guryo kale oo dan guud ah. Goobaha dayactirka lagu sameeyay islamarkaana uu hogaaminayay Bashiir Goobe, ayaa waxaa kamid ah taaladii Xaawo Taako, madxafka qaranka, tiyaatartka qaranka, taalada Dhagax-tuur iyo maktabaddii qaranka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  18. (SLT-Nairobi)-Dawladda Kenya ayaa maanta si tijaabo ah u billowday dhoofinta saliidda caydhiin oo laga dhoofiyey dekedda magaalada Mombasa, Halkan hoose ka DAAWO Source
  19. (SLT-Hargeysa)-Mas’uuliyiin Reer Somaliland Oo La Gudoonsiiyay Shahaadooyin Been Abuura, Halkan hoose ka DAAWO Source
  20. (SLT-Hargeysa)-Xarunta Xuquuqal iinsaanka Somaliland ayaa Xukuumadda ugu baaqday in Xorriyaddooda loo soo celiyo dhallinyaro 13 bilood ka hor laga soo xidhay Gobolka Sanaag, kuwaasi oo muddada intaa leeg ku xidhnaa Xabsiga dhexe ee Magaalada Hargeysa, iyagoon Maxkamad la hor geynin. War-saxaafadeed ka soo baxay Xarunta Xuquuqal iinsaanka oo soo gaadhay Somalilandtoday ayaa u qornaa sidan “Xarunta Xuquuqal Insaanku waxaay ugu baaqaysa dawladda Somaliland inay joojiso xadhiga aan garsoorku jidayn ee gobolka Sanaag ka dhacaya Xarunta Xuquuqal Insaanku waxaay ugu baaqaysaa dawladda Somaliland inay xorriyadooda u soo celiso afar qof oo sifo sharci darro ah ugu xidhan mudo sanad ka badan iyada oo aan wax maxkamad ah la gayn. Cabdilaahi Faarax Cabdilaahi, 13 jir, Jaamac Ibraahim Xasan, Maxamed Cabdilaahi Maxamed iyo Siciid Jaamac Ismaaciil, 16 jir, waxay booliska Somaliland ka soo xidheen deegaano ka tirsan degmada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag, Julay 2018, iyaga oon haysan amar qabasho oo maxkamadeed. Waxa soo qabqabtay ciidanka sida gaarka ah u tabo baran ee RRU da. Islamarkii la soo qabtayba waxa lagu soo wareejiyay xabsiga dhexe ee Hargeysa, oo boqolaal kiiloo mitir u jira guryohoodii iyo qoysaskoodii. Mar qudha maxkamad lama hor gayn. Sanadkii 2018 waxa isku dhac beeleed oo ka dhacay tuulada Ceeryaan ku dhintay saddex qof. Ciidanka RRU da ayaa la geeyey goobahaas. RRU da ayaa markaa soo xidhay afarta qof ee ilaa iminka xidhan. Qodobka 25aad ee Dastuurka Somaliland wuxuu sheegayaa “qofka xorriyadda looga qaaday fal-dembiyeed lagu eedeeyey awgeed, waxa uu xaq u Ieeyahay in lagu hor geeyo maxkamad 48 (siddeed iyo afartan) saacadood gudahood, laga bilaabo marka Ia qabtay.” Afart qof ee July 2018 la xidhay maxkamad lama gayn. Wax eed ah laguma soo oogin. Mana jirto dacwad laga gudbiyay oo lagu haysto. Waxaay ku jireen xabsiga mudo saddex iyo toban bilood ah iyada oo aan eed lagu oogin, maxkamad la gayn, dembi lagu haystona loo sheegin. Sida ku cad qodobka 47(3) ee Xeerka Habka Ciqaabta qofka xidhan ka hor intaan dacwad lagu soo oogin waa in tobodii maalmood ee kasta hal mar la horgeeyo garsoore. Waxa cad in lagu gefay Xeerka Habka Ciqaabta ee Somaliland. In dad la iskaga hayo xabsi muddo aan cayinayn oo daba furan ah waa arin sharciga ka soo horjeedda. Waxa sidoo kale lagu gefay Xeerka Nidaamka Garsoorka Carruurta oo waxa ka mid ah dadka xidhan laba ciyaal ah oo ka yar da’da 18. Maaha masuuliyiinta dawladdu inay u adeegsadaan khilaafaadka beelaha inay ka dhigtaan marmarsiinyo ay dhinac iskaga riixaan dastuurka. Marka dagaaladu jiraan waa xilliga ku haboon ee la eego kalsoonida iyo awoodda hay’adaha dawladeed. Shaqada garsoorku maaha oo keliya xilliga nabadda, ee sidoo kale garsoorku waa inuu shaqadiisa guto xiliyada rabshaduhu jiraan. Qodobka 9(1) ee Heshiiska Caalamiga ah ee Xuquuqaha Madaniga iyo kuwa Siyaasiga ah ayaa sheegaya “qofna si sharciga ka soo horjeedda ah looma xidhi karo, layskagamana hayn karo, qofna xoriyaddiisa lagagama xayuubin karo sifo sharciga ka baxsan.” Sidoo qodobka 9 ee Baaqa Caalamiga ee Xuquuqda Insaanka ayaa sheegaya “qofna ma mudan karo xadhig ama hayn sharci darro ah.” Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay ugu baaqaysaa dawladda Somaliland inay ixtiraamto dastuurkeeda oo ay sii dayso dadkaas loogu hayo xabsiga sifo ka soo horjeedda qaanuunka Somaliland iyo xeerarka caalamiga ah, iyo inay joojiso falalka kale ee la midka ah ee ka dhacaya gobolka Sanaag. Xaruntu waxaay ugu baaqaysaa garsoorka Somaliland inay ilaaliyaan xorriyaadka dadka oo ay hubiyaan in dadka laga soo xidho gobolka Sanaag la horgeeyey garsoor…” Yasmin Omar H Mohamoud Gudoomiyaha Xarunta Xuquuqal Insaanka Mobile: 0634472011 Email: hrcsomaliland@gmail.com Source
  21. Ismaaciil Yuusuf Raage oo bulshada inteeda badan ay ugu yeeraan (Odawaa) waxa uu ku dhashay Degmada Aadan- yabaaal ee Gobolka Shebeelaha Dhexe Sanadkii 1987-kii wax-barashada Dugsiga Hoose iyo Dhexe waxa uu ku qaatay isla Degmada Aadan yabaal waxbarashada Dugsiga Sare wuxuu ku dhameystay Magaalada Muqdisho Sanadkii 2005-tii. Wuxuu yaraantiisa jeclaa in uu ka mid noqdo ciidamada Soomaaliya, isaga oo ahmiyad gaar ah siinayay ciidamada militeriga, wuxuu ku dadaali jiray midnimada ummadda Soomaaliyeed iyo sidii looga soo kaban lahaa dhibaatooyinkii ay dadka Soomaaliyeed ka dhaxleen kooxaha nabaddiidka iyo dadka gumeysi kalkaalka ah. Ka dib markii uu waxbarashadiisii dhammeystay 15-7 Sanadkii 2006-dii waxa uu ku biiray Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed wuxuu tababar dhinaca ciidamada ah ku tagay dalka Dalka Uganda oo muddo 1 sano ah uu tababar ku qaadanayay, isagoo soo bartay shuruucda Ciidanka iyo ilaalinta madaxda (VIP protection course) markii uu tababarka u soo idlaaday waxaa loo xilsaaray inuu tababare u noqdo ciidan cusub oo dalka Uganda loogeyey tabar xiligaasi wuxuu sii kororsanayay aqoon dheeraad ah oo ku saabsan dhanka ciidanka. Sanadkii 2009-kii waxaa mar labaad loo qaaday tababr layli sargaal oo dalka dibadiisa gaar ahaan Dalka Uganda, Sanadkii 2010-kii ayuu dalka dib ugu soo laabtay isagoo xidigle ah waxaa loo furay siminaar 45 cesho ah oo uu ku qaatay dugsiga haama-dhowr ee magaalada muqdisho. Sanadkii 2010-kii saraakiil uu kamid ahaa waxaa loo magcaabay taliyayaal, waxa uu noqday taliyaha horin 2 aad, ee ciidanka ilaala madaxtooyada muddo ka dibna waxa loo magcaabay Abaandul urur inta uu ka tirsanaa guutada 2aad. Sanadihii 2010-2011-2012 waxa uu ka mid ahaa saraakiishii Ciidanka Xoogga Dalka soomaliyeed ee ka qeyb qaatay xoreynta kooxaha nabaddiidka Gobolada Banaadir, Sh,dhexe iyo Sh,hoose, taa soo uu ku mudteystay in la guddoonsiiyo abaal marin muhiim ah. Sanadkii 2013-kii waxaa tababar ciidan loogu diray Dalka Turkiga muddo hal sano ah kaa soo uu ku qaatay taqaquska ciidanka lugta iyo luqadaha markii uu dalka dib ugu soo laabtay waxa loo dalacsiiyay Darajada Dhamme muddo ka dibna waxaa loo dalacsiiyay Darajada Gaashaanle oo uu ku helay abaal marin ku saabsan howlaha ciidanka. Sanadkii 2014-kii waxaa mar labaad waxbarasho loogu diray dalka dibadiisa gaar ahaan Dalka Turkiga Kulliyada Dagaalka (Turkish Aamry War Collage) markii uu tababarka u soo idlaaday wuxuu dib ugu soo laabatay dalaka. Sanadkii 2016kii waxaa loo magcaabay Taliyaha Horinta 1-aad Ururka 60aad ee Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada, muddo ka dib waxa loo magcaabay Abaanduulaha Ururka 60-aadee ilaalada madaxtooyada. Sanadkii 2018-kii ayaa loo magcaabay Taliyaha Ururka 60aad ee Ilaalada Madaxtooyada Soomaaliya waxaana loo dalacsiiyay Darajada Gaashaale Dhexe. 16-08-2018-kii Digreeto ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa loogu magacabay Abaanduulaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaliyeed waxaana loo dalacsiiyay Darajada Sareeya Guuto. 30-03-2019-kii isbadal lagu sameeyay Hoggaanka sare ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxaa loo magcaabay inuu noqdo Taliyaha Ciidanka Dhulka. 22-08-2019-kii ka dib markii xilka qaadis lagu sameeyay Taliyayaasha Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa loo magcaabay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed. W/D: Ustaad Omar Mohamad Kulmie (Omar British)
  22. Garowe (SMN) – Hantidhowrka guud ee qaranka Dr. Maxamed Maxamuud Cali Afgooye ayaa maanta Muqdisho uga furay howlwadeenada xafiiska hanti dhowrka qaranka, kuwa maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir tababar ku saabsan xoojjnta iyo tayaynta xirfadooda. Aqoon isweydaarsigaan oo socon doona muddo seddex maalmood ah ayaa wuxuu ku saabsan yahay nimaadka casiriga ah oo ay u shaqeeyaan xafiisyada hanti dhowrada caalamka, waxaana ka qeybgalaya howlwadeennada Hanti dhowrka guud ee qaranka, kuwa maamul goboleedyada,gobolka Banaadir, aqoonyahanno iyo qubaro xafiiska hanti dhowrka qaranka Kala shaqeeya dhinaca sharciga. Hantidhowrayaasha maamul goboleedyada ayaa sheegay in tababarkaan uu yahay baahi ay u qabeen dhinaca horumarinta nidaamka baarista shaqada xafiisyada, waxaa kaloo ay soo jeediyeen in la joogteeyo kulamada noocaan oo kala ah. Hantidhowrka guud ee Qaranka Dr. Maxamed Maxamuud Cali Afgooye oo furay aqoon isweydaarsigaan ayaa sheegay in ula jeedada laga leeyahay ay tahay in dalka la gaarsiyo nidaamka hufan oo Isfahan iyo shaqo karti leh ugu adeego bulshada iyadoo ay ka mid tahay in daacadnimo dalka loogu shaqeeyo. Kulamdaan ayaa ah mid sanadkiiba mar ay isugu yimaadaan dhammaan xafiiisyada hantidhowrka heer qaran iyo heer maamul gobaleed, waxaana diiradda lagu saari doonaa dejinta qorshahe horumarsan ee la doonayo in dalka la gaarsiiyo nimaadka casriga ah ee ay ku shaqeeyaan xafiiskayada hanti-dhowrayaasha Caalamka View the full article