-
Content Count
213,939 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
(SLT-Badhan)-Taliyaha ciidamada Daraawiishta Puntland, Sarreeye Gaas Yaasiin Cumar (Dheere) oo ku sugan degmada BaDHan ee gobolka Sanaag ayaa si kulul uga hadlay xiisada dagaal ee u dhexeysa maamulka Puntland iyo dawladda Somaliland Taliye Yaashiin Dheere oo khudbad u jeedinayey ciidamada Puntland ee ku sugan halkaasi ayaa waxa uu sheegay in gobolka Sanaag uu ku jiro xaalad dagaal, Halkan hoose ka DAAWO Source
-
Maxamed Murci Madaxweynihii hore ee Masar wiilkiisa Cabdullaahi Murci ayaa Wadne istaagay ugu geeriyoodey Xaafada Gaza ee Magaalada Qaahira. Aabihiis Maxamed Murci isna sidaas oo [...] Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka, Dr Axmed Cali Daahir ayaa shaaca ka qaaday in dowladda Kenya ay qarka u saaran tahay inay iskaga baxdo kiiska dacwadda badda Soomaaliya ee yaalla maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda (ICJ) Axmed Cali Daahir ayaa sheegay in Kenya ay hadda ka fakareyso sidii ay kiiska uga hari lahayd. Hadalka Axmed Cali Daahir ayaa imanaya laba maalmood kadib markii Kenya ay maxkamadda ICJ ka codsatay in dib loo dhigo dhageyso dacwadda “si ay u qorato qareenno cusub.” Naga filo faah-faahin dhowaan, Insha Allah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Puntland oo dib u eegis ku sameyneyso heshiiskii Seychelles
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Garoowe (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda cadaalada ee Puntland Cawil Sheekh Xaamud ayaa marka hore beeniyey in maamulkaasi uu sii daayey maxaabiis u xirnaa falal burcadbadeednimo kuwaas oo horay loogu soo xukumay Seychelles. Maxaabiistaan oo tiro ahaan gaaraya illaa sodon, una badan dhalinyaro ayaa wasiirku waxa uu sheegay inay weli xiran yihiin. ‘‘Dadkaasi burcadbadeeda ah way xiran yihiin is-afgarad u dhaxeeyey Puntland iyo Seychelles ayaa jira, Puntland cidna ma sii deyn, saxna ma ahan arrintaasi.” ayuu yiri wasiir Cawil Sh Xaamud. Dhanka kale wasiirka cadaalada Puntland oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in ay doonayaan in haatan ay dib u eegis ku sameyaan heshiiskaasi, si ugu yaraan wax looga bedalo. “Annaga oo rabna in aanan jabin heshiiska nagala dhaxeeya Seychelles, haddana waxaan rabnaa in aan sidii hore wax ka bedelno.” ayuu intaasi ku daray wasiirku. Puntland ayaa ka mid ah maamullada sida aadka ah ula dagaalama kooxaha Burcadbadeeda Soomaalida, waxaana ay leedahay ciidamo gaar ah oo ka howlgala xeebaha bari ee Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Garoowe caasimada@live.com -
(SLT-Qaahira)-Wiilka ugu yaraa caruurta madaxweynihii hore ee dalka Masar Maxamed Mursi ayaa ku geeriyooday dalkaasi Masar, kadib markii uu wadno xanuun ku soo booday. Wiilkan oo lagu magacaabi jiray Cabdullaahi Mursi oo da’diisu ahayd 24 jir ayaa xanuunku ku soo booday isagoo markaasi watay baabuur magaaladda Qaahir, sida uu sheegay walaalkiisa Axmed Mursi Madaxweynihii hore ee Masar Maxamed Mursi ayaa geeriyooday bishii June ee sanadkan isagoo markaasi ku sugnaa Maxkamad ku taalla Magaaladda Qaahir. Wiilkan ayaa hore ugu eedeeyay Saraakiisha Masaarida Geerida aabbihii, gaar ahaan Wasiirka arrimaha gudaha Maxamed Tawfii iyo garsooraha Maxkamada qaadaysay kiiska aabbihii Maxamed Shareen. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay in laga bilaabo kowda bisha October ee soo socota ay iyadu dalka keeni doonto shidaalka, isla markaana ay shirkadaha shidaalka hadda keenaa ay iyada ka sii iibsadaan. Qoraal ka soo baxay xafiiska Maareeyaha Haamaha Keydka Shidaalka Berbera ayaa lagu ogeysiiyay ganacsatada shidaalka in ay arrintaasi la socdaan, ciddii diidana aan la siin doonin mar danbe wax shidaal ah. Halkan hoose ka akhriso: Source
-
(SLT-Hargeysa)-Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland, Cabdillaahi Abokor Cismaan ayaa sheegay in Dawladaha Soomaaliya, Jabuuti iyo Itoobiya ay wada saxeexeen Mashruuc uu Baanka Horumarinta Afrika ka fulinayo Somaliland, kaasi oo ah Waddada isku xidha Magaalooyinka Boorama iyo Lowyacaddo, Halkan hoose ka DAAWO Source
-
Baydhabo (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax xoogan oo maanta ka dhacay qeybo ka mid ah degmada Awdheegle ee gobolka Shabeelaha Hoose. Qaraxa oo ahaa nooca miinada dhulka lagu aaso ayaa waxaa lagu soo warramayaa in lala eegtay dad shacab ah oo olole nadaafadeed ka waday halkaasi. Ugu yaraan illaa afar qof oo rayid ahaa ayaa ku dhaawacmay qaraxaasi, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo deegaanka ah. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamada dowladda qarax kadib ay gaareen goobta, islamarkaana ay ka sameeyeen baaritaano kooban. Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha ciidamada dowladda oo la xariira qaraxaasi lala eegtay dadka shacabka ah. Awdheegle oo ay dhowaan la wareegeen ciidamada Milatariga Soomaaliya ayaa waxaa inta badan ka dhaca weeraro iyo qaraxyo ay geystaan dagaalyahannada Xarakada Al-Shabaab. Caasimada Online Xafiiska Baydhabo caasimada@live.com
-
(SLT- Johannesburg)-Booliska koonfur Afrika ayaa xaqiijiyay in laga helay meydka laba qof oo la gubay dukaan ku yaalla magaaladda Alexandra ee ka tirsan caasimada Johannesburg. Tani ayaa ka dhigan in tirada dadka lagu dilay rabshadaha ajaaniib naceybka ah ay gaadhay toddoba qof sida ay booliska Sheegeen. Haa, waxaan xaqiijin karaa dhimashada laba qof oo nolosha lagu gubay in aan ka helnay xarun ganacsi, sidaasi waxaa wakaalada wararka ee AFP u sheegay afhayeenka booliska magaalada Johannesburg, Mr Wayne Minnaar. Dhanka kale wuxuu intaa ku daray in aan la kala caddeyn karin sababta ka dambeysa dilkaan. Sida laga soo xigtay Tv-ga maxaliga ah oo lagu magacaabo NCA meydka labada qof ayaa waxaa soo saaray booliska kadib weerar labadii habeen ee la soo dhaafay lagu qaaday xarumaha ganacsi ee dadka Ajaaniibta. Labada qof ee la dilay ayaa la ogeyn dalalka ay u dhasheen, iyadoo dhibaatada ay sidoo kale saameysay soomaalida ku dhaqan Koonfur Afrika. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Hay’adda u dooda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International ayaa ku boorisay dowladda Sacuudiga in ay caddeyso halka ay ku maqan yihiin laba muwaadin oo dhashay Qatar kuwaasi oo la aaminsan yahay in bishii hore lagu xidhay Sacuudiga. Labada qof ayaa la waayay badhtamihii bishii hore ee Agoosto, xilli ay safar booqasho ah ay u aadeen qeybo ka mid ah bariga Sacuudiga oo ay ku nool yihiin qoyskooda. Sida laga xaqiijiyay war saxaafadeed ka soo baxay hey’adda Amnesty ayaa lagu yidhi sababta loo la yahay Cali Naasir Cali Jarallah iyo wiilkiisa oo 17 jir ah oo lagu magacaabo Cabdullahi Cali Naasir, in ay xabsi ku Jiraan. Dhanka kale warsaxaafadeedka Amnesty ayaa loogu baaqay boqorka Sacuudiga mr Salmaan Bin Cabdi Casiis in uu macluumaad dheeri ah ka bixiyo muwaadiniinta Qatar ee Maqan. Wiilka iyo aabbihii ayaa dhanka kale la sheegay in ay heestaan dhalashada Sacuudiga. Source
-
(SLT-Muqdisho)-Danjiraha Soomaaliya ee midowga Yurub Dr. Cali Saciid Fiqi ayaa ka hadlay go’aanka rasmiga ah ee dowladda Soomaaliya ee la xidhiidha dalabkii Kenya ee ahaa in dib loo dhigo dacwada Badda ee maxkamada Cadaallada ICJ oo qorshuhu yahay in 09 bishan September Isniinta toddobaadka dambe la daah furo. Danjiraha ayaa sheegay in Soomaaliya gaadhsiisay maxkamada fariinteeda la xidhiidha in ay diyaar u tahay dhageysiga dacwadda, isaga oo intaa ku daray inay u diyaaar-garoobayaa Isniinta in ay tagaan maxkamadda laakiin ilaa Jimcaha sugayaan go’aanka maxkamada. “Tallaabada ay Kenya qaadday waxay dhaawac ku tahay garsoorka iyo in la xalliyo muranka daba-dheeraaday ee dhex yaalla labada dal, mowqifka dowlada Soomaaliyana waxaa uu yahay in cadaaladu shaqeyso oo aan dib loo dhigin dhegeysiga dacwada” ayuu yidhi danjiraha Kenya ayaa dalabatay dib loo dhigo dacwadda dhageysiga labaad ee dacwada Badda ee kala dhaxeysa Soomaaliya, iyadoo taa sabab uga dhigtay in ay qorsaneyso qarreeno cusub oo ku matala doodda maxkamada. Lama oga go’aanka maxkamada ay ka qaadan doonto taallaabooyinkan iska soo horjeeda ee labada dal Soomaaliya iyo Kenya oo ee la xidhiidha dhageysiga dacwada Badda. Source
-
(SLT-Tel-aviva)-Dowladda Israa’iil ayaa ku eedeysay ururka Xisbullah, dhisida warshad soo saarta gantaalaha culus oo ay ka hirgalisay degaanka Bekaa ee gudaha wadanka Lubnaan. War saxaafadeed ka soo baxay millatariga Israa’iil oo ay ku jiraan sawiro lagu soo qaaday dhanka dayax gacmeedka ayaa lagu sheegay in dhismaha warshadaan ay ka taageereyso dowlada Iiraan. Gantaalaha oo loo yaqaan IDF ayaa Israa’iil sheegtay in ay farsameysay kooxda Xisbullah ee dalka Lubnaan. Dhanka ururka ayaa ka gaabsaday in uu ka hadlo sheegashada xukuumada Tell Aviv oo ku aadan in ay bilowday dhisida warshada farsameysa gantaalaha oo ah kuwo loogu talagalay in lagula diriro diyaaradaha Dagaalka. War saxaafadeedkan ayaa dhanka kale lagu soo koobay in kooxda Xisbullah ay dooneyso in gantaalahan ay u adeegsato burburinta kaabayaasha dhaqaalaha Israa’iil . Hadalkaan ayaa imaanaya iyadoo maalmo ka hor uu dagaal xooggan dhanka xadka labada wadan uu ku dhax-maray millatariga Israa’iil iyo dagaalyahanada Xisbullah ee dalka Lubnaan. Source
-
Garoowe (Caasimada Online) – Taliyaha ciidamada Daraawiishta Puntland, Sarreeye Gaas Yaasiin Cumar (Dheere) oo haatan ku sugan degmada Baran ee gobolka Sanaag ayaa si kulul uga hadlay xiisada dagaal ee u dhexeysa maamulkaasi iyo Somaliland. Taliye Yaashiin Dheere oo khudbad u jeedinayey ciidamada Puntland ee ku sugan halkaasi ayaa sheegay gobolku uu ku jiro xaalad dagaal, islamarkaana uu leeyahay cadow fara badan. ‘’Gobolka kan waad ogtihiin maanta cadow badan ayaa ku soo wajahan xaalad dagaal buu gobolku ku sugan yahay nina looga sheekeyn maayo.’’ Ayuu yiri taliyaha ciidanka Daraawiishta Puntland. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in degmada Baran ay ku soo wajahan yihiin ciidamada Somaliland iyo Al-Shabaab oo wada socda, sida uu hadalka u dhigay. ‘’Ciidanka gobolladaas waqooyi ka taliya ay soo wadaan iyo Shabaab oo labadoodu aan kala harin wada soccdaan waxay ku soo wajahan yihiin deegaankan.’’ ayuu intaasi raaciyey taliyuhu. Ugu dambeyn wuxuu carabka ku adkeeyey in Puntland aysan weerar aheyn, islamarkaana ay iska difaaci doonto cidkasto oo dulaan ku soo qaada. Inta badan madaxda Somaliland iyo Puntland ayaa dhanka warbaahinta isu mariya eedeymo culus, kuwaas oo marar badan ciidamadoodu ay ku dagaalameen gobollada Sool iyo Sanaag ee waqooyiga Soomaaaliya Caasimada Online Xafiiska Garoowe caasimada@live.com
-
Waxaa maanta si rasmi ah loo soo xirayaa shirka dib u heshiisiinta beelaha Habargidir ee muddada ka socday magaalo xeebeedka Hobyo ee gobolka Mudug, Galmudug. Shirka ayaa arbacadii lagu doortay guddoomiyaha golaha hoggaaminta beesha oo noqday Prof. Cabdulqaadir Maxamed Shirwac. Shirkan ayaa laga heshiiyey dhammaan wixii beelahaasi soo gala gaaray xiliyadii hore, waxaana la filayaa in hoggaanka cusub uu ka shaqeeyo midnimada iyo wadajirka beesha iyo aayaheed. Shirka xiritaankiisa waxaa jooga mas’uuliyiinka ka tirsan dowladda federaalka ah uu hoggaaminayo ku-xigeenka 1aad ee golaha aqalka sare mudane Abshir Maxamed Axmed iyo xildhibaanno ay ku jiraan Mahad Salaad, Axmed Fiqi, Saabir Shuuriye, Cabdi Qeybdiid iyo murashaxa madaxweynaha Galmudug xildhibaan Cabdiraxmaan Odowaa. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Wararka maanta oo Khamiis ah ka imaanaya magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud ayaa waxay sheegayaan in halkaasi uu ka soconayo diyaar garow ku aaddan furitaanka shirka dib u heshiisiinta Galmudug. Shalay oo Arbaco ahayd ayaa lagu waday in shirkan uu furmo, balse arrimo farsamo ayuu dib u dhacay, waxaana taasi ay keentay in qorshaha furitaanka maanta loo soo wareejiyo. Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre ayaa ku sugan magaalada Dhuusamareeb, wuxuuna furi doonaan shirkan dib u heshiisiinta ah. Ammaanka magaalada Dhuusamareeb ayaa aad loo adkeeyey, waxaana ku sugan ciidamada dowladda federaalka iyo kuwa AMISOM. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
