Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,939
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Waxaa socda da’daalo ay Beesha Caalamku ku doonayso inay dhameeyaan Khilaafka u dheexaya Madaxda sare ee Villa Soomaaliya iyo Maamulka Jubbaland. Safiirada Ingiriiska, Sweden iyo [...] Source
  2. (SLT-Hargeysa)-Xisbiga WADDANI Oo Soo Bandhigay Arrinta Loogu Yeedhay Madaxweyne Muuse Biixi Iyo Cidda U Yeedhay, halkan hoose ka DAAWO Source
  3. (SLT-Hargeysa)-Guddoomiye Faysal Cali Waraabe Muxuu Ka Yidhi Xarunta Dhaqanka Ee Hargaysa?, Halkan hoose ka DAAWO Source
  4. Guddoomiyaha Ku xigeenka koowaad ee golaha aqalka sare Senator Abshir Maxamed Axmed oo maanta khudbad ka jeediyay xiritaanka shirka nabadda iyo dib u heshiisiinta magaalada Hobyo ee gobalka Mudug ayaa sheegay in muhiim ay tahay in dadka Galmudug awoodoa iskugu geeyaan sidii loo dhisi lahaa dekadda Hobyo. Guddoomiye Abshir ayaana xusay in muhiimad weyn u leedahay dhismaha dekedda Hobyo dadka degan magaalada iyo guud ahaan deegaanada Galmudug, waxaana uu yiri” Dekedda Hobyo waxaa ay u tahay muhiim dhaqdhaqaaqa ganacsiga iyo hormarka deegaanada Galmudug, waxaana is badali doona qiimaha nolosha deegaanka , waxaan abuurmi doona shaqooyin fara badan, kuwaas oo ka qeyb qaadan doona yareynta shaqa la’aanta baahsan ee aqoonyahanka iyo muruq maalka deegaankan ku nool, horumar dhaqaale ee maanta ka muuqda deegaanada dariska la ah Galmudug waxaa sabab u ah dekedaha ku yaala oo la hirgaliyay, mudanayaal iyo marwooyin waxaan ugu baaqayaa mas’uuliyiina Galmudug, ganasatada iyo dadka kale ee deegaanka ah in ay ka faa’ideystaan fursatdaha maanta taagan oo ay ka mid tahay in dadka deegaanadaan ay u heelan yihiin sidii loo abuuri lahaa loona hirgalin lahaa dhismaha degedda Hobyo”. Sidoo kale guddoomiye Abashir Maxamed oo hadalkiisa siiwato ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya looga baahan yahay in kaalinta kaga aadan ay ka qaadato dhismaha lagu hirgalinayo dekedda magaalo xeebeedka Hobyo. waxaana uu yiri” waxaan ugu baaqayaa dowladda federaalka in ay ka qaadato kaalinta kaga aadan hirgalinta dhismaha dekedda Hobyo iyo dib u yagleelidda Galmudugta cusub ee maanta loo fadhiyo”. Dhanka kale guddoomiye Abshir Maxamed Axmed, ayaa dowladda federaalka ugu baaqay in xayiraadda dhanka duulimaadka ah laga qaado dowlad gobaleedka Jubbaland isaga oo xusay in wixii khilaaf ah lagu dhameeyo liiska wada hadalka waxaana uu yiri” Sidoo kale aniga oo ka faa’ideysanaya fursaddaan waxaan ugu baaqayaa dowladda federaalka in ay xayiraadda duulimaadka ka qaado dowlad gobaleedka Jubbaland, iyadoo wax allaala wixii khilaaf ah lagu xalinayo wada hadal iyo wada xaajood isla markaasna laga fogaado talaabo kasta oo ku noqon karta caqabad nolosha dadka dagan deegaankaas Jubbaland”. Ugu danbeyn guddoomiye Abshir Maxamed Axmed, ayaa ugu baaqay wax garadka dhamaan ka soo qeyb galayaasha shirka in loo iska si ku doobnaasho iyo walalnimo ay ku jirito dismaha dowlagobaleedka Galamud waxaana kadalkiisa ka mid ahaa “ Waxaan ugu baaqayaa waxgardka deegaanadaan Galmudug in ay dadaalkii halkoodii ka sii wadaan ayagoo is ka kaa shanaya dhismaha dowlad gobaleedka marxaladdiisa labaad, isla markaasna uwada dhaqaaqaya si ay ku jirto midnimo uwada guntanaya hormarka dhammaan deegaanada Galmudug, guusha shirkaan waxaa lagu qiimeyn doonaa sida loo hir galiyo qodabadii lagu heshiiyay iyo sida ay ugu qanciyaan beelaha kale ee walaalahood ah xoojinta nabada iyo kuwada noolaansha nabad dhammaan meel kasta oo Soomaaliya ay joogto”. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  5. Golaha Deegaanka Baran ee Gobolka Sanaag ayaa waxay Gudoomiye Xigeenka Duqa Degmada u doorteen Xaawo Maxamed oo noqotay Qofkii Dumar ah oo ugu horeeyey jagadaas [...] Source
  6. Shirkii Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland oo uu shir Guddoominayey Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, Ahna Ku-simaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa todobaadkan looga hadlay Amniga, Shirka Maalgashiga Puntland, Ansixinta Xeerka Tayeynta Caasimadda, Dhismaha Golaha Deegaanka Degmada Badhan iyo Warbixino kale. PUNTLAND POST The post Golaha wasiirada Puntland oo ansixiyay xeerka Tayeynta caasimadda Garoowe appeared first on Puntland Post.
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamo ka tirsan booliiska Soomaaliya ayaa maanta xiray afarta jiho ee la soo galo aqalka dowladda hoose ee gobalka Banaadir. Ciidankaan oo ka tirsan ilaalada gobalka Banaadir ayaa sameeyay gadood, kadib markii ay waayeen xuquuqdii ay lahaayeen dhowrkii bil ee la soo dhaafay. Askarta qaar ayaa dhagxaan ku jiray albaabada laga galo aqalka dowladda hoose waxayna diideen in la galo ama laga soo baxo. Sidoo kale ciidamada ayaa is hortaagay gaadiid ay wateen agaasimayaal gobalka ka tirsan iyo guddoomiyaal degmo. Buuq iyo dood muddo taagneed kadib waxaa lagu guuleestay in la qaado ciidankii gadoodka sameeyay, kuwaas oo wali ku sugan goobihii ay markii hore daganaayeen. Booliiska Soomaaliya ayaa dhowrkii bil ee la soo dhaafay qaadan mushaar, waxaana marar badan laga soo xigtay iyagoo ku doodaya “milateriga waxay furamo laga soo baxo laakiin annaga ma lihin goobo aan ka baxno” waxayna arintaas muujineysaa heerka ay ka taagan tahay ciidanka lagu aaminay amniga Muqdisho. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  8. Bangiga Amal ayaa adeegga cusub ee TACAB KAAL ka daahfuray Magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland, adeegaas ayaa Bangigu ugu talo galay inuu ku maalgaliyo ganacsatada beeralayda ah iyo kuwa doonaya inay ka fii’iidaystaan iibka caanaha iyo xoolaha. Ujeedada Adeegga TACAB KAAL ee Bangiga Amal ayaa ah in uu soo saaro ganacsato ka faa’iidaysta khayraadka Badda iyo Dhulka ayna helaan qalab casri ah ay u isticmaali karaan falidda dallaga, waraabinta beeraha si casriga ah, tacabka xoolaha nool iyo dhaqidooda (Geel, Lo’ iyo Ari), Iyo inuu taabo galinyo aalado casri ah oo u diyaarsan in lagu kaydiyo ama lagu qaboojiyo caanaha iyo hilibka xoolaha. Adeegga TACAB KAAL ayaa ku maalgalinaya ganacsatadaas agabka kala ah:- Greenhouse (qalabka beeraha casriga ah). Solar panels (qalabka tamarta cadeeda looga dhaliyo). Refrigerators (talaagadaha qaboojiya caanaha ama kaluunka) Maalgalinta xoolaha nool (Geel, Lo’ iyo Ari) Calafka iyo daaqa xoolaha. Modern Irrigation System (qalabka waraabka oo casri ah). Adeeegga TACAB KAAL ee Bangiga Amal waa mid ka mid ah adeegyada ugu muhiimsan ee uu Bangiga Amal u hirgaliyay bulshada si loo casriyeeyo habka waraabka beeraha, kaydinta caanaha iyo hilibka oo la istimcaali doono tamarta laga dhaliyo cadceeda. Baniga Amal ayaa sidoo kale waxaa u qorshaysan inuu goor dhaw ka hirgaliyo adeegga TACAB KAAL Magaalooyinka oo dhan sida Muqdisho, Hargaysa, Kismaayo, Burco, Boorame, Qardho, Laascaanood, Buuhoodle, Baydhabo, Baladwayn Iyo Gaalkacyo. Daahfurka Adeegga TACAB KAAL ee magaalada Garoowe ee Gobolka Nugaal ayaa waxaa kasoo qayb galay maamulka Baniga Amal, Masuuliyiinta gobolka, Culimada, Odaashaaya Dhaqanka, Dhalinyarada iyo guud ahaan bulshada ku dhaqan magaalada Garoowe. Waxayna uga mahadceliyeen Bangiga Amal kuna dhiiri galiyeen inuu Bangigu sii wado adeegyada uu u fidinayo bulshada dhamaanteed. Hoos ka daawo sawirada PUNTLAND POST The post Bangiga Amal oo Garoowe ka daah-furay adeegga TACAB KAAL appeared first on Puntland Post.
  9. Kismaayo (Caasimadda Online) – Shirka Golaha Wasiirada ee Maamulka Jubbaland ayaa waxaa kasoo baxay qodobo xasaasi ah oo ku saabsan xarigii loo geystay wasiirkii Amniga ee Jubbaland Cabdirashiid Janan iyo Xayiradii ay Dowladda Soomaaliya saartay Garoonka Diyaaradaha ee Kismaayo. Shirkaan Golaha Wasiirada Jubbaland ayaa waxaa shir guddominayey madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe. Golaha Wasiirada Jubbaland ayaa Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya ugu baaqay in khilaafka iyo tabashooyinka ka jiro Jubbaland lagu xaliyo Sharciga iyo Hay’adaha Dowliga ah dhexdooda. Golaha Wasiirada Jubblanad ayaa sidoo kale cambaareeyey xariga Sharci darada ah ee loo geystay Wasiirka Amniga Jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur. Xariga Janan ayaa imaaday xilli Maxkamadda Gobolka Banaadir ay sheegtay in la laalay dacwadii ka taalay iyadoo sheegtay in Xeer ilaaliyaha Qaranka uu ka laabtay Dacwadaas. Golaha ayaa shirkooda ku sheegay in cawaqibka ka dhasha xariga loo geystay Janan ay mas’uuliyadeeda qaadeyso Dowladda Federaalka Soomaaliya. Golaha Wasiirada Jubbaland ayaa ka hadlay xayiraadii la saaray Garoonka Diyaaradaha Kismaayo kadib markii ay Dowladda Soomaaliya sheegtay in diyaaradaha u socdo iyo kuwa ka imaado Kismaayo ay soo maraan Muqdisho. Ugu dambeyntii Golaha Wasiirada ayaa labadaan arrin u saaray guddi ka kooban 7 Wasiir, waxaana guddigaas loogu baaqay inay xal deg deg ah u keenaan Xayiraadda Garoonka Diyaaradaha Kismaayo iyo Xariga Wasiir Janan. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
  10. Warsheekh (SMN) – Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ayaa Isniintii Todobaadkan kala wareegay howl-galka nabad ilaalinta midowga Afrika ee AMISOM, Saldhig ku yaalla Degmada Warsheekh ee Gobolka Shabeellada dhexe, halkaas oo ay ku sugnaayeen Shantii Sana ee lasoo dhaafay. Taliye ku xigeenka howl-gallada iyo qorsheynta AMISOM, Janaraal; James Nakibus Lakara, oo ka hadlayay munaasabaddii ay Boliiska Soomaaliyeed kula wareegayeen Saldhigga ayaa sheegay in ay midowga Afrika taabba gelinayaan qorshaha kala guurka ee ay Ciidamada Soomaaliyeed kula wareegayaan amniga Dalka marka ay iyagu baxaan 2021-ka. Mr; Nakibus Lakara, ayaa sheegay in ay AMISOM horay u banneysay fariisimo ay ka mid yihiin, Jaamacadda Ummadda Soomaaliya, Mogadishu Stadium, Kulliyadda Ciidamada ee Jaalle Siyaad, Via Afmadoow Kismaayo, haatanna ay wareejinayaan Saldhigga Boliiska Warsheekh. Janaraal; James Nakibus Lakara, ayaa Ciidanka Burundi ee ka howl aagga Warsheekh ku ammaanay sida ay amniga u sugeen, isla markaana u kasbadeen Bulshada halkaasi ku dhaqan, wuxuuna Ciidanka nabad gelyada Soomaaliya ee shaqada kala wareegay kula dar-daarmay in ay muujiyaan karti iyo feejignaan dheeri ah. Wasiir ku-xigeenka amniga gudaha ee Soomaaliya, Cabdinaasir Siciid Muuse, ayaa yididiilo ka muujiyay halka ay ku socoto nabadda Soomaaliya, wuxuu si aad ah ugu mahad celiyay doorka ay AMISOM ka ciyaartay in Dalka lagu soo dabbaalo nabad iyo xasillooni. “Waa iska cadahay in qorshaha kala-guurka aannu si buuxda u wajahayno, waxaana halkaan u joognaa inaan ka marqaati kacno taas,ammaanka Degmada Warsheekh hadda wixii ka dambeeya waxaa mas’uul ka noqon doona Ciidanka Booliska Soomaaliya,”ayuu yiri Wasiir C/naasir. Taliyaha Ciidanka Boliiska Hirshabeelle, Xasan Dhicisoo Xasan, ayaa sidoo kale AMISOM kaga mahad celiyay muddadii ay Warsheekh ku sugnaayeen sidii ay kaga qeyb qaateen ammaanka iyo shaqada naf hurnimada leh ee ay ka hayeen Soomaaliya. Degmada Warsheekh oo 70 Km dhanka Waqooyi ka xigta Muqdisho ayaa tan iyo 2014-kii waxaa ku sugnaa Ciidamada Burundi ee qeybta ka ah howl-galka AMISOM , iyagoo Ciidanka haatan kala wareegay ammaanka Degmadaasina dhowaan ku soo tababaray Magaalada Jowhar ee Caasimadda Hirshabeelle, kuwaas oo la doonayo in ay sugaan nabad gelyada 50 Tuulo oo hoos timmaadda Warsheekh. View the full article
  11. Ceerigaabo (SMN )- Wararka naga soo gaaraya gobolka Sanaag ayaa ku warramaya in maanta xiisad xoogan ay ka taagan tahay gobolkaasi oo dhaca waqooyiga Soomaaliya. Taliyaha ciidanka Daraawiishta Puntland, S/Gaas Yaasiin Cumar (Dheere) oo booqasho ku jooga degmada Baran ayaa si kulul uga hadlay xiisada kala dhexeysa Somaliland. Sidoo kale taliyaha ayaa tilmaamay in degmada Baran ay ku soo wajahan yihiin ciidamada Somaliland iyo Al-Shabaab oo wada socda, sida uu hadalka u dhigay. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/09/www.mp3 View the full article
  12. Awdheegle (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax xoogan oo barqanimadii maanta ka dhacay qeybo ka mid ah degmada Awdheegle ee gobolka Shabeelaha Hoose. Qaraxa oo ka dhashay Miino ayaa la sheegay in ay waxyeelo ka soo gaartay dad rayid ah oo xiligaasi ku jiray olole nadaafadeed. Inta la xaqiijiyey waxaa qaraxaasi ku dhintay illaa labo qof, halka ay ku dhaawacmeen todobo kale oo ahaa dhammaan dad shacab ah. Dhinaca kale ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ayaa gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay, kuwaas oo baaritaano kooban ka sameeyey halkaasi. Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay mas’uuliyiinta gobolka Shabeelaha Hoose oo ku aadan qaraxaasi. Awdheegle ayaa ka mid ah meelihii ugu dambeeyey ee ay ciidamada Milatariga Soomaaliya kala wareegeen dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab. View the full article
  13. Muqdisho (SMN) – Xubno ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, maamul Goboleedyada Dalka iyo Saraakiil ka socota Bankiga Adduunka oo Maanta kulan ku yeeshay Muqdisho, ayaa ka wada hadlay halka ay marayaan horumarka ka jira dhinacyada dhaqaalaha iyo waxbarshada. Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, C/raxmaan Ducaale Beyle, oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in uu meel wanaagsan marayo dhaqaalaha , isla maraana ay Dowladdu ay in badan oo dakhligeeda ka mid ihi ku ku xoojiso dhinaca waxbarshada oo saldhig u ah koboca dhaqaalaha Dalka. Cabdullaahi Goodax Barre, Wasiirka Waxbarashada Xukuumaadda Federaalka Soomaaliya, ayaa isna goobta ka sheegay in Dowladdu ay ka go’an tahay tayaynta waxbarshada Dalka iyo sidii loo horumarin lahaa. Wakiilka Bangiga Aduunka ee Sooomaaliya , Huth Ridel , ayaa sheegay in loo baahan yahay in la sii xoojiyo horumarka Soomaaliya ay ka sameynayso dhinacyada dhaqaalaha iyo waxbarashada oo haatam meel fiican marayo iyaguna ay taageeri doonaan. View the full article
  14. Muqdisho (SMN) – War qoraal ah oo ka soo baxay Xafiiska Qaramada midoobay ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in 12-ka Bishan uu Muqdisho soo gaari doono wafdi heer sare ah oo ka kala socda Jamciyadda Quruumaha ka dhaxeysa iyo Bankiga Adduunka. Ujeeddada booqashada wafdigan ayaa lagu sheegay sare u qaadidda howlaha Bini-aaddan-nimada Soomaaliya, taageeridda nabadda iyo dedaallada horumarinta Dalka. Wafdigan ayaa sidoo kale waxaa uu socdaalkiisu salka ku hayaa sidii loo xoojin lahaa taageerada ay Beesha caalamku u fidiso Soomaaliya, wax ka qabashada arrimaha barakacayaasha iyo sidii xal loogu heli lahaa xaaladaha Bini’aaddan-nimo. Ugu dambayn Wafdiga ayaa la kulmi doona hoggaanka sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamullada xubnaha ka ah, waxanay sidoo kale kulamo la qaadan doonaan hoggaamiyeyaasha Dadka kasoo barakacy Abaaraha iyo shaqaaqooyinka. View the full article
  15. Muqdisho (Caasimadda Online) – War qoraal ah oo ka soo baxay Xafiiska Qaramada midoobay ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in 12-ka Bishan uu Muqdisho soo gaari doono wafdi heer sare ah oo ka kala socda Jamciyadda Quruumaha ka dhaxeysa iyo Bankiga Adduunka. Ujeeddada booqashada wafdigan ayaa lagu sheegay sare u qaadidda howlaha Bini-aaddan-nimada Soomaaliya, taageeridda nabadda iyo dedaallada horumarinta Dalka. Wafdigan ayaa sidoo kale waxaa uu socdaalkiisu salka ku hayaa sidii loo xoojin lahaa taageerada ay Beesha caalamku u fidiso Soomaaliya, wax ka qabashada arrimaha barakacayaasha iyo sidii xal loogu heli lahaa xaaladaha Bini’aaddan-nimo. Ugu dambayn Wafdiga ayaa la kulmi doona hoggaanka sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamullada xubnaha ka ah, waxanay sidoo kale kulamo la qaadan doonaan hoggaamiyeyaasha Dadka kasoo barakacy Abaaraha iyo shaqaaqooyinka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  16. Muqdisho (SMN): Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/09/Warka-Duhur-05092019.mp3 View the full article
  17. Shirkii golaha wasiirada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ay yeeshan Todobaad Waliba ayaa Todobaadkan Waxaa Shirka Shir Gudoomiyey Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Somaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen Shirka ayaa inta uu Socday waxaa uu ahaa mid looga hadlayey Xaaladaha ka jira Gobolada Koonfur Galbeed Somaliya Waxana inta uu Socday Warbixino laga Dhegeystay Qaar kamid ah Golaha Wasiirada Dowlad Goboledka Koonfur Galbeed Somaliya Wasiirka Amniga Koonfur Galbeed Isaag Cali Subag ayaa laga Dhegeystay Warbixin ku aadan Amaanka Guud Gobolada Koonfur Galbeed ,waxaana uu sheegey in Ciidanka Xooga Dalka iyo kuwa Darawiishta Koonfur Galbeed ay Wadaan Howlgalo ka dhan Al-Shabaab ee ku dhuumalaysta tuuloyinka Hosyimada Degmooyinka Koonfur Galbeed Somaliya Sido kale Shirka inta uu socday waxaa looga hadlay Soo Dhoweynta Wafdiga uu Hoggaaminayo Raisul Wasaare Xasan Cali Kheyr ee kuso Wajahan Magaalada Baydhabo Sidii looga Qeybqadan lahaa Maalmaha Shaqada uu ujoogo Baydhabo. PUNTLANDPOST The post Koonfur Galbeed oo shaacisay inuu socdo howlgal lagu xoraynayo deegaamada Alshabab maamulaan. appeared first on Puntland Post.
  18. Xildhibaan Cabdifitaax Ismaaciil Daahir oo ka tirsan golaha shacabka Baarlamaanka Federaalka ahna Guddoomiyaha Guddiga Duulista Hawada, Gaadiidka, Waddooyinka, Dekedaha, iyo Tamarta ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ahna Guddoomiye Ku Xigeenka Siyaasada iyo Istiraatijiyada ee Xisbiga UPD, ayaa sheegay in xayiraadda dhanka hawada ee dowladda federaalaka ay saaray duulimaadka Dowlad gobaleedka Jubbaland ee ay tahay arrin ay ka dhalan karto hoos u dhac dhaqaale iyo arrimo banii’aadamnimo oo soo wajaho shacabka ku dhaqan deegaanada Jubbaland. Xildhibaan Cabdifitaax oo ka hadlayo arrinta xiyiraadda duulimaadka lagu soo rogay Jubbaland ayaa yiri “go’aanka lagu xiyirayo duulimaadyada Kismayo ma aha mid wax yeelaya maamulka Jubaland balse waa mid ciqaab wadareed iyo dhibaato weyn ku ah muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ka soo jeeda degaanadaas. Sidoo kale waa go’aan astaan su’aaleed saaraya lasoo wareegida maamulka hawada Soomaaliya oo sharcigii sahli lahaa uu hadda horyaalo Golayaasha Baarlamaanka. Iyadoo la garan karo in ay adagtay in si xirfadnimo leh (professional) loola shaqeeyo xukuumadda hadda jirta, haddana waa in hoosta laga xariiqo muhimadda ay leedahay in aan Hay’adaha halbawlaha u ah bixinta adeegyada dawlada dhexe, sida hagida diyaaradaha, aan loo adeegsan ujeedooyin ama dano gaar ah oo ay leeyihiin shaqsiyaadka hadda talada hayaa. Waxaan Xukuumadda Federaalka” Halkaan ka Akhriso qoraalka xildhibaanka oo dhameys tiran Xayiraada-Duulimaadyada-Kismayo (3) Goobjoog News Source: goobjoog.com
  19. Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Wararkii ugu dambeeyey ee laga helayo Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug ayaa sheegayo inuu soo if baxay Khilaaf hor leh oo u dhaxeeyo Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Ahlu Sunna. Khilaafka cusub ayaa la sheegay sida aan xogta ku helnay inuu imaaday kadib markii Ahlu Sunna ay codsatay in la hoos geeyo guddiga Doorashada Galmudug. Ahlu Sunna waxay Ra’isulwasaare Kheyre hordhigtay inay iyaga maamulaan Doorashada marka la qabto Shirka Dib u Heshiisiinta Beelaha Galmudug oo la filayo in lagu qabto Magaalada Dhuusamareeb. Dowladda Soomaaliya ayaa codsiga Ahlu Sunna ka hor timid waxayna taas sababtay inuu Khilaafka meesha ugu sareysay gaaro, waxaana saacadihii lasoo dhaafay dhacay kulamo aan loo kala kicin oo u dhaxeeyey Ahlu Sunna iyo Ra’isulwasaare Kheyre. Waxyaabaha ay Ahlu Sunna dalbadeen ayaa ah inay iyaga qaataan Guddiga Doorashooyinka iyo Maamulka Howlaha Doorashada. Wararka qaar ayaa sheegayo in sababta uu shirkii Dib u Heshiisiinta Shalay u baaqday ay aheyd khilaafkaan darteed. Dowladda Soomaaliya ayaa Magaalada Dhuusamareeb geysay Ciidamo badan oo isugu jiray AMISOM iyo kuwa Dowladda, waxaana wiiqmatay awoodii Ciidan oo ay Ahlu Sunna ku laheyd Magaalada Dhuusamareeb. Caasimada Online Xafiiska Dhuusamareeb caasimada@live.com
  20. MOGADISHU (HOL) - Somalia will for the first time in decades be able to regulate labour and employee right, thanks to a newly formed tripartite committee formed by the Ministry of Labour. Source: Hiiraan Online
  21. A World Bank Working Paper on the Somali judiciary unwisely assigns percentages to population sizes of Somali clans, writes Liban Ahmad Writing about Somali politics remains a difficult undertaking nearly thirty years after the ouster of military dictatorship in 1991. For Somali writers and analysts the difficulty lies in the temptation to give in to demands to portray one side as a victim or villain. For foreign analysts a different impediment to an objective analysis gives rise to a tendency either to downplay historical post-1991 injustices or place an inaccurate emphasis on clans that owe their influence to the ability to mobilise clan militias. It is what non-Somali researchers write that carry much weight in the eyes of policy makers from Somalia’s international partners. In 2016 the World Bank published a working paper entitled Political Economy of Justice in Somalia, co-authored by Joakim Gundel. Mr Gundel is a Danish researcher, who wrote a seminal paper on Somali traditional leaders . In January 2019 he delivered a lecture – ‘Is Somalia on Track’? – at the Danish Institute for International Studies. Authors of the Working Paper assign percentages to Somali clans. Somalia has never conducted a census to determine population sizes of Somali clans. The choice to dream up percentages shows that Gundel has not let himself benefit from his long association with Somalia since 1999, first as a researcher and then an influential consultant with a consultancy that published papers on such themes as the Somali civil society. Percentages assigned to Somali minorities ( 6% ) and Dir clan ( 7%) betray unfamiliarity with the power-sharing system known as 4.5, which has been the basis for Somali governments formed since 2000. The power-sharing system lumped unarmed Somali clans into political representation ensuring their marginalisation at the hands of four major clans. Each of the five clans (the other three clans are Mogadishu Clan, Darod and Digil-Mirifle) has 20% of parliament, upper house, cabinet and ambassadorial appointment quotas, for example. Marginalisation of Somali minorities becomes more conspicuous when one looks at Federal Member States formed on the unspoken principle that clans with militias who conquered or defended a territory enjoy benefits of federalism. Somalis placed under rubric minorities have fewer life opportunities not because of numerical disadvantage. Four Somali major clans have agreed to place unarmed Somali clans in a second class citizenship category. Gundel et al pay no attention to the plight of Somali minorities when they characterise dispossession and displacement at the hands clan militias as a strategy used by two Somali clans “who had exploited the civil war to move to south in order to settle in more fertile lands and in Mogadishu.” The largest number of internally displaced people in Somalia hails from fertile lands known as Dhoobey. Militias from armed clans have dispossessed people who, for many generations, have subsisted on small holder farming. There is a risk that the Working Paper can normalise or deepen marginalisation of Somali minorities. The Working Paper in question carries the imprimatur of the World Bank. Liban Ahmad Libahm@icloud.com The post World Bank Deepens Marginalisation of Somali Minorities appeared first on Puntland Post.