Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,146
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. The Prime Minister of the Federal Government of Somalia Hassan Ali Khaire visited Gordon military base, where units of the armed forces are undergoing training courses. The PM accompanied by the army chief thanked the trainers for their service and encouraged the soldiers to successfully complete the training to join the Armed Forces. After completing the training, these troops will become part of the country’s armed forces in the battlefield. The prime minister said that the government forces are the hope of the nation, and to strengthen the gains already achieved in the fight against Al-Shabaab. The Somali government is working hard to build a strong national army to maintain security in the country, and the country’s armed forces have been making significant gains in operations in southern and central Somalia. View the full article
  2. The Minister of Interior, Federalism, and Reconciliation of the Somali government, Abdi Mohamed Sabriye who spoke to the media, denied that the federal government withdrew from an agreement with Ahlu Sunna. Minister Sabriye said the Somali government is still respecting the agreement between the two sides. He also stressed that the central government is striving to make Galmudug issue more inclusive. The agreement was signed by Somali Minister of Interior, Abdi Mohamed Sabriye and Galmudug Chief cabinet, Sheikh Mohamed Shakir Ali Hassan. View the full article
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka, qeybteeda howlgallada dibadda ayaa soo saartay warbixinteeda la xiriirta “Hufnaanta Maaliyadeed ee Dalalka ee 2019”. Warbixintan waxaa lagu eegaa in dalalka ay ka soo baxeen ugu yaraan talaabooyinka hufnaanta maaliyadeed ee loo dejiyey, waxaa kale oo dalalka ka soo bixi waayey la siiyaa talooyin muhiim ah. Qiimeyntan la sameeyey sanadkan 2019-ka, Soomaaliya waxaa lagu daray liiska dalalka aaney ka jirin hufnaan maaliyadeed, inkasta oo la sheegay xoogaa horumar oo dhinacyada qaar ka jira, hadana waxaa la siiyey talooyin ku aadan qorsheyaal dhow iyo kuwoo fog oo ku saabsan sida ay u hagaajin karto hufnaanta dhaqaale. Waxyaabaha Soomaaliya lagu ammaanay waxaa ka mid ahaa in ay daabacday warbixin sanadeedka, weliba waqti macquul ah. Xilliga dib u eegista, xukuumadda federaalka ah waxaa ay daabacday miisaaniyadda iyo warbixinteeda, Internet-ka, weliba waqti macquul ah. Xukuumadda federaalka ah, Internet-ka kuma daabicin wax miisaaniyad ah ilaa sanadkan uu bilowday halka xukuumadihii 2013-2016 ay wasaaradda maaliyadda ku daabici jirtay Internet-ka. Wasaaradaha qaar ee xukuumadda hadda jirta waxaa ay isticmaalaan qarash aan ku jirin miisaaniyadda, isla markaana aaney jirin cid ku sameysa xisaab xir ama la socota. Waxaa intii loogu talo galay ka batay qarashka soo xarooda iyo midka baxaya intaba, sidaasi ay tahay xukuumadda waxaa ay baarlamaanka u keentay miisaaniyad kucelis ah, taas oo kor u qaadeysa aaminaada. Hanti dhowrka iyo hey’adaha kale ee la socda miisaaniyadda waxaa lagu eedeeyey in dadweynaha aaney u soo bandhigin warbixintooda ee keliya ay la wadaagaan baarlamaanka federaalka ah. Waxaa dowladda Soomaaliya lagu ammaanay heshiisyada la xiriira kheyraad qeybsiga ee ay la gashay dowlad goboleedyada iyo meelmarinta sharciga Batroolka. Xukuumadda waxaa lagu ammaanay sida ay u shaacisay heshiiska kaluumeysi iyo leysinada ay bixisay. Ugu dambeyntii, Dowladda Soomaaliya, gaar ahaan wasaaradda maaliyadda waxaa loo soo jeediyey in wax ka qabato: In miisaaniyadda ay dadweynaha la wadaagto marka ay u gudbineyso baarlamaanka federaalka ah. In dadweynaha lala wadaago deymaha gudaha ee xukuumadda qaadato, isla markaana lal socdo. In la soo bandhigo miisaaniyadaha dib u eegista lagu sameeyey iyo qarashyada baxa, oo dadweynaha lala wadaago. In aaney jirin xisaabaad ama qarash ka baxsan miisaaniyadda oo la isticmaalo, kuwaas oo aan lala socon. In warbixinnada hanti dhowrka iyo qarashka baxa lala wadaago dadweynaha In heshiisyada kheyraadka dabiiciga ah lagu bixiyo si waafaqsan heshiiska iyo xeerarka dalka. In dadweynaha lala wadaago arrin kasta. Liiska dalalka ka soo baxay hufnaanta maaliyadda: Afghanistan, Albania, Argentina, Armenia, Bosnia and Herzegovina, Botswana, Brazil, Bulgaria, Burkina Faso, Cabo Verde, Chile, Colombia, Costa Rica, Côte d’Ivoire, Croatia, Czech Republic, El Salvador, Estonia, Fiji, Georgia, Ghana, Greece, Guatemala, Guyana, Honduras, Hungary, India, Indonesia, Israel, Jamaica, Jordan, Kazakhstan, Kenya, Kosovo, Kyrgyz Republic, Latvia, Lithuania, Malaysia, Malta, Marshall Islands, Mauritius, Mexico, Micronesia, Moldova, Mongolia, Montenegro, Morocco, Namibia, Nepal, North Macedonia (formerly Republic of Macedonia), Panama, Paraguay, Peru, Philippines, Poland, Portugal, Romania, Senegal, Serbia, Seychelles, Sierra Leone, Singapore, Slovakia, Slovenia, South Africa, Sri Lanka, Thailand, Timor-Leste, Tonga, Trinidad and Tobago, Tunisia, Turkey, Uganda, and Uruguay. Liiska dalalka ku guul dareystay hufnaanta maaliyadda: Algeria, Angola, Azerbaijan, Bahamas, Bahrain, Bangladesh, Belize, Benin, Burma, Burundi, Cambodia, Cameroon, Central African Republic, Chad, China, Comoros, Congo, Democratic Republic, Congo, Republic , Djibouti, Dominican Republic, Ecuador, Egypt, Equatorial Guinea, Eswatini (Swaziland), Ethiopia, Gabon, Gambia, Guinea, Guinea-Bissau, Haiti, Iraq, Laos, Lebanon, Lesotho, Liberia, Libya, Madagascar, Malawi, Maldives, Mali, Mauritania, Mozambique, Nicaragua, Niger, Nigeria, Oman, Pakistan, Palestinian Authority, Papua New Guinea, Rwanda, Samoa, Sao Tome and Principe, Saudi Arabia, Somalia, South Sudan, Sudan, Suriname, Tajikistan, Tanzania, Togo, Turkmenistan, Ukraine, Uzbekistan, Vietnam, Yemen, Zambia iyo Zimbabwe. Xigasho: Goobjoog News Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  4. (SLT-Sanaag)-Jeneraal Saciid Cawil Jaamac ( Caarre) oo hore uga goostay ciidammada Somaliland, ayaa iska fogeeyay eedo uga yimid taliyaha guud ee ciidamada Somaliland sarreeye gaas Nuux Ismaaciil Taani. Taani ayaa ku eedayay Caarre inuu dad gaadhaya 10 qof ku laayay gobolka Sanaag sidoo kalana dhacay mushaarka ciidanka Somaliland. Jeneraal Saciid Cawil Jaamac ( Caarre) khadka telefoonka ugu warramay wariyaha VOA- ayaa eedaymo culus u jeediyay taliyaha guud ee ciidamada Somaliland sarreeye gaas Nuux Ismaaciil Taani, Halkan hoose ka DAAWO Source
  5. Nadaafin iyo surida Calamo ayaa Kismaayo ka socda, Waxaa la dareemayaa sidii ay maalin ciida kusoo Foos leedahay Magaalada, waxaa loo Durban tumayaa oo la [...] Source
  6. Wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka, qeybteeda howlgallada dibadda ayaa soo saartay warbixinteeda la xiriirta “Hufnaanta Maaliyadeed ee Dalalka ee 2019”. Warbixintan waxaa lagu eegaa in dalalka ay ka soo baxeen ugu yaraan talaabooyinka hufnaanta maaliyadeed ee loo dejiyey, waxaa kale oo dalalka ka soo bixi waayey la siiyaa talooyin muhiim ah. Qiimeyntan la sameeyey sanadkan 2019-ka, Soomaaliya waxaa lagu daray liiska dalalka aaney ka jirin hufnaan maaliyadeed, inkasta oo la sheegay xoogaa horumar oo dhinacyada qaar ka jira, hadana waxaa la siiyey talooyin ku aadan qorsheyaal dhow iyo kuwoo fog oo ku saabsan sida ay u hagaajin karto hufnaanta dhaqaale. Waxyaabaha Soomaaliya lagu ammaanay waxaa ka mid ahaa in ay daabacday warbixin sanadeedka, weliba waqti macquul ah. Xilliga dib u eegista, xukuumadda federaalka ah waxaa ay daabacday miisaaniyadda iyo warbixinteeda, Internet-ka, weliba waqti macquul ah. Xukuumadda federaalka ah, Internet-ka kuma daabicin wax miisaaniyad ah ilaa sanadkan uu bilowday halka xukuumadihii 2013-2016 ay wasaaradda maaliyadda ku daabici jirtay Internet-ka. Wasaaradaha qaar ee xukuumadda hadda jirta waxaa ay isticmaalaan qarash aan ku jirin miisaaniyadda, isla markaana aaney jirin cid ku sameysa xisaab xir ama la socota. Waxaa intii loogu talo galay ka batay qarashka soo xarooda iyo midka baxaya intaba, sidaasi ay tahay xukuumadda waxaa ay baarlamaanka u keentay miisaaniyad kucelis ah, taas oo kor u qaadeysa aaminaada. Hanti dhowrka iyo hey’adaha kale ee la socda miisaaniyadda waxaa lagu eedeeyey in dadweynaha aaney u soo bandhigin warbixintooda ee keliya ay la wadaagaan baarlamaanka federaalka ah. Waxaa dowladda Soomaaliya lagu ammaanay heshiisyada la xiriira kheyraad qeybsiga ee ay la gashay dowlad goboleedyada iyo meelmarinta sharciga Batroolka. Xukuumadda waxaa lagu ammaanay sida ay u shaacisay heshiiska kaluumeysi iyo leysinada ay bixisay. Ugu dambeyntii, Dowladda Soomaaliya waxaa loo soo jeediyey in wax ka qabato: In miisaaniyadda ay dadweynaha la wadaagto marka ay u gudbineyso baarlamaanka federaalka ah. In dadweynaha lala wadaago deymaha gudaha ee xukuumadda qaadato, isla markaana lal socdo. In la soo bandhigo miisaaniyadaha dib u eegista lagu sameeyey iyo qarashyada baxa, oo dadweynaha lala wadaago. In aaney jirin xisaabaad ama qarash ka baxsan miisaaniyadda oo la isticmaalo, kuwaas oo aan lala socon. In warbixinnada hanti dhowrka iyo qarashka baxa lala wadaago dadweynaha In heshiisyada kheyraadka dabiiciga ah lagu bixiyo si waafaqsan heshiiska iyo xeerarka dalka. In dadweynaha lala wadaago arrin kasta. Liiska Dalalka Kasoo Baxay Hufnaanta Maaliyadda: Afghanistan, Albania, Argentina, Armenia, Bosnia and Herzegovina, Botswana, Brazil, Bulgaria, Burkina Faso, Cabo Verde, Chile, Colombia, Costa Rica, Côte d’Ivoire, Croatia, Czech Republic, El Salvador, Estonia, Fiji, Georgia, Ghana, Greece, Guatemala, Guyana, Honduras, Hungary, India, Indonesia, Israel, Jamaica, Jordan, Kazakhstan, Kenya, Kosovo, Kyrgyz Republic, Latvia, Lithuania, Malaysia, Malta, Marshall Islands, Mauritius, Mexico, Micronesia, Moldova, Mongolia, Montenegro, Morocco, Namibia, Nepal, North Macedonia (formerly Republic of Macedonia), Panama, Paraguay, Peru, Philippines, Poland, Portugal, Romania, Senegal, Serbia, Seychelles, Sierra Leone, Singapore, Slovakia, Slovenia, South Africa, Sri Lanka, Thailand, Timor-Leste, Tonga, Trinidad and Tobago, Tunisia, Turkey, Uganda, and Uruguay. Liiska Dalalka Ku Guuldareystay Hufnaanta Maaliyadda: Algeria, Angola, Azerbaijan, Bahamas, Bahrain, Bangladesh, Belize, Benin, Burma, Burundi, Cambodia, Cameroon, Central African Republic, Chad, China, Comoros, Congo, Democratic Republic, Congo, Republic , Djibouti, Dominican Republic, Ecuador, Egypt, Equatorial Guinea, Eswatini (Swaziland), Ethiopia, Gabon, Gambia, Guinea, Guinea-Bissau, Haiti, Iraq, Laos, Lebanon, Lesotho, Liberia, Libya, Madagascar, Malawi, Maldives, Mali, Mauritania, Mozambique, Nicaragua, Niger, Nigeria, Oman, Pakistan, Palestinian Authority, Papua New Guinea, Rwanda, Samoa, Sao Tome and Principe, Saudi Arabia, Somalia, South Sudan, Sudan, Suriname, Tajikistan, Tanzania, Togo, Turkmenistan, Ukraine, Uzbekistan, Vietnam, Yemen, Zambia iyo Zimbabwe. W/Q: Cabdi Caziz Gurbiye, Goobjoog News Source: goobjoog.com
  7. (SLT-Hargeysa)-Raysal wasaare Abiy Axmed oo hadda booqasho ku maraya dalka Koonfurta Kuuriya ayaa maanta booqdey xarunta shirkada weyn ee baaburta sameysa ee lagu magacaabo Hyundai, wuxuuna ku dhiiri galiyey in ay maal-gashato wadanka Itoobiya. Sidoo kale waxa uu wada hadal la yeeshey shirkada weyn ee birta sameysa ee wadankaas laguna magacaabo POSCO, wuxuuna kala hadley suura galnimada in ay sii balaadhiyaan shaqooyinka ay ka wadaan wadanka Itoobiya. Dhinaca kale, waxaa la qabtey kulanka ganacsiga Itoobiya- Kuuriya, kaasi oo lagu qabtey safaarada Itoobiya ku leedahay Kuuriya laguna dhiiri galinaayey ganacsatada Kuuriyaanka in ay maal-gashadaan Itoobiya. Source
  8. Awdheegle (SMN) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya weeraro ay madaafiic isku weydaarsadeen ciidanka dowladda iyo Al-Shabaab oo xalay ka dhacay gobolka Sh/Hoose. Weerarada oo ahaa kuwa xoogan ayaa ka dhacay degmada Awdheegle, deegaanada Shangare iyo Bariire ee gobolkaasi. Al-Shabaab ayaa la sheegay inay madaafiic ku garaaceen saldhigyo ay ciidamada Milatariga ku leeyihiin halkaasi, iyaguna ay dhankooda u jawaabeen. Ma cadda khasaaraha ka dhashay weeraradaasi, mana jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay labada dhinac. Xaaladda ayaa saaka degan, waxaana dhaq dhaqaaqyo ciidamada dowladdu ay ka bilaabeen agagaarka degmada Awdheegle ee gobolka Shabeelaha Hoose. View the full article
  9. (SLT-Moscow)-Dowlada Turkiga iyo Ruushka ayaa gaadhay heshiis lagu dajinayo xiisadda ka taagan gobolka Idlib ee waqooyiga galbeed ee Suuriya. Turkiga ayaa walaac ka muujiyay dagaalka ay millatariga Suuriya oo garab ka helaya kuwa Ruushka ay kula jiraan maleeshiyaadka ku sugan Idlib oo daris la ah Turkiga. Labada madaxweyne ayaa heshiiskan ku gaadhay magaalada caasimada ah ee Moscow salaasadii shalay. Mr Putin ayaa yidhi waxaan aniga iyo Erdogan si wadajir ah ugu heshiinay in la Iska kaashada soo afjarida kooxaha Argagixisada lagana dhigo xaalada gobolka mid Xasiloon. Xukuumada Ankara ayaa markii hore dhaliilsaneyd siyaasada dowlada Suuriya iyo Turkiga u wadaan howlgalka ka socda gobolka Idlib. Source
  10. (SLT-Washington)-Xisbiga Jamhuuriga Mareykanka oo uu ku jiro Madaxweyne Donald Trump ayaa ansixiyey sharci lagu doonayo in Ilhaan Cumar lagaga eryo Congress-ka dalkaasi. Xisbigan oo ka taliya gobolka Alabama ee dalka Mareykanka ayaa cambaareeyey hadallada Ilhaan ee ka dhanka ah Israa’iil iyo wax ay ku sheegeen kala sooca dadka Mareykanka ah. Hindisahan ayaa waxaa soo gudbiyey Tommy Hanes oo ah Xildhibaanka gobolka Alabama ku matala aqalka hoose, iyadoona ay meel mariyeen golaha GOB ee Xisbiga Jamhuuriga. Sidoo kale guddi ka socda golaha deegaanka Alabama ayaa tagi doona xarunta aqalka hoose, iyaga oo doonaya in Ilhaan Cumar laga eryo guud ahaan Congress-ka. Dhanka kale illaa iyo hadda Ilhaan kama ayna jawaabin codsiga ay soo jeediyeen wakiillada gobolkaasi. Trump iyo Ilhaan Cumar ayaa inta badan warbaahinta isku mariya hadallo kulul oo mid kasto ku weerarayo kan kale. Source
  11. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee dowlad goboleedka Galmudug, Mudane Cabdikariin Xuuseen Guuleed ayaa si kulul uga hadlay xiisada u dhexeysa Ururka Ahlu Sunna Waljamaaca iyo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ee ka taagan gudaha magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud. Cabdikariin Xuseen Guuleed oo la hadlay VOA-da ayaa walaac ka miijiyey ciidamada ay dowladdu geysay magaaladaasi, wuxuu xusay inuu ka cabsi qabo inuu dagaal ka qarxo hakaasi. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in haatan Galmudug ay ku socoto fashil iyo burbur, sida uu hadalka u dhigay. “Dowladda dhexe waxaa u soo jeedinayaa arrintaas inay wanaag iyo wada hadal ku maareyso, caqliga inuu taliyo, waxaa ka cabsi qabnaa inuu yimaado dagaal iyo fadqalo”ayuu yiri madaxweynihii hore ee dowlad goboleedka Galmudug. Guuleed oo sii hadlaya ayaa intaasi ku daray “Ciidamada laga soo daabulayo gobolka ay Muqdisho u baahneyd in ammaankeeda lagu sugo, uma maleyn maayo maslaxad inay keeneyso, Galmudug ciidan uma baahno, qori uma baahno, waxay u baahan tahay caqli iyo maskax” Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo shalay hoggaanka sare ee Ahlu-Sunna uu shaaciyey inuu bur-buray heshiiskii ay la gashay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Ahlu Sunna ayaa ku eedeysay dowladda dhexe inay ka baxday heshiiskaasi, waxaana ku dhawaaqday dagaal ay sheegtay inay isku difaaceyso. Caasimada Online Xafiiska Dhuusamareeb caasimada@live.com
  12. (SLT-Tokyo)-Shir Madaxeedka 7aad ee Iskaashiga waddamada Afrika iyo Japan (TICAD) ayaa Maanta oo Arbaca ah lagu wadaa inuu si rasmi ah uga furmo Magaalada Tokyo ee Caasimadda Japan. Shirweynahan ayaa waxaa Soomaaliya uga qeyb galaya Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafti uu hoggaaminayo oo ku sugan Magaaladda Tokyo ee dalka Japan. Sidoo kale inta uu socdo Shirka ayaa Madaxda dalalka ku bahoobay madashan, Ururrada Qaramada Midoobey iyo Midowga Afrika, maalgashadeyaasha iyo khubarradu waxaa ay kaga arrinsan doonaan mustaqbalka xidhiidhka labada dhinac, ka faa’iidaysiga fursadaha tiknoloojiyadda, kor u qaadista iskaashiga dhinacyada amniga, socdaalka, horumarinta xirfadaha, shaqo abuurka, xuquuqda aadanaha, dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo maalgashiga. Shirkan waxaa ka soo qayb-galaya Hoggaamiyeyaasha Dalalka Afrika iyo Japan, Hay’adda Qaramada Midoobey ee Horumarinta, Bangiga Adduunka iyo Golaha Guddiga Midowga Afrika. Source
  13. (SLT-Pakistan)-Raysal wasaaraha Pakistan Imran Khan ayaa ka fiirsanaya in uu xidho garoon diyaaradeed oo ay ka soo degaan shixnadaha ganacsi ee Hindiya. Xayiraada ganacsi ayaa dhanka kale saameyn ku yeelan doona dhaqaalaha Hindiya. Xidhiidhka u dhaxeeya labada wadan ayaa marba marka ka dambeysa sii xoogeysanaya, tan iyo markii xukuumada Delhi ay xayiraada ku soo rogtay gobolka Kashmiir. Qoraal uu ku soo qoray bartiisa wasiirka Seyniska iyo Tiknoolajiyada Fawaad Choudry ayuu ku sheegay in Ra’isul wasaaraha Pakistan uu ka fikirayo sidii uu u xidhi lahaa garoon diyaaradeed oo ku yaalla Pakistan kana soo dagaan shixnadaha Ganacsi. Arintaan ayaa dhanka kale saameyn doonta ganacsiga Hindiya ay u dhoofin jirtay Afghanistan. Source
  14. (SLT-Tehran)-Waaxda cadaaladda ee Iran ayaa sheegaysa in nin haysta jinsiyadaha Britain iyo Iran, 10 sano oo xabsi ah lagu xukumay ka dib markii lagu soo eedeeyay in uu u basaasayay hay’adda sirdoonka Israa’iil ee Mossad. Anousheh Ashouri ayaa sidoo kale lagu ganaaxay lacag dhan $36,600. Xafiiska Arrimaha Dibedda ee UK ayaa xaqiijayay inay taageerayeen qoyska ninkan haysta jinsiyadaha UK iyo Iran. ”Safaaraddeena ku taalla Tehran way sii wadi doontaa codsigeena ku aaddan taageeridda qoyska ninkan la xukumay”, ayuu intaasi ku sii daray xafiiska. ”Sida loola dhaqamo dadka haysta jinsiyadaha kala duwan ee lagu xira Iran, waxaan kiisaskooda ula tacaalaynaa si gaar ah oo ku saleysan heerka ugu sareeysa. Waxaan Iran ku boorrinaynaa in dadkaasi iyo qoysaskooda ay dib u mideeyaan.” Iran ayaa sannadadii ugu dambeeyay xidhay tiro dad ah oo haysta jinsiyado kala duwan iyo kuwa ajaanib ah, kuwaasi oo intooda badan lagu soo eedeeyay dambiyo basaasnimo ah. Dadkaasi waxaa ka mid ah Nazanin Zaghari-Ratcliffe oo haystay jinsiyadaha Ingiriiska iyo Iran ayaa sannadkii 2016-kii lagu xukumay shan sano xarig ah. Dowladda Iran ayaanan aqoonsanayn muwaadiniinta reer Iran ee haysta jinsiyadaha kale. Xidhiidhka Iran iyo UK ayaa toddobaad yadii ugu dambeeyay aanan wanaagsanayn ka dib markii ay isku khilaafeen maraakiibta shidaalka ee ay kala afduubteen. Afartii bishii July markab kuwa shidaalka qaada ah ayaa xeebta Gibraltar waxaa ku qafaashay ciidamada badda ee UK, ka dib markii looga shakiyay in uu markabka baal maray sharciyadii cunaqabateenta ee Midowga Yurub kaas oo ahaa in markaabita shidaalka sidda aysan geli karin gudaha dalka Suuriya. Markabkaasi ayaa la sii daayay 15-kii bishan Ogosto, balse Iran ayaa weli haysata markab kuwa shidaalka qaada ah oo uu ka dulbabanaya calanka Britain, kaaso oo ay Iran qafaalatay 19-kii bishii July. Source
  15. Muqdisho (SMN) – War ka soo baxay hay’adda nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in gacanta lagu soo dhigay nin ka qeyb qaatay qaraxii lagu dilay xoghayihii hore ee maamulka gobolka Banaadir, Marxuum Maxamed Amiin Sheekh. NISA ayaa sheegtay in ninkaasi lagu soo qabtay howlgal qorsheysan oo laga fuliyey xaafadda Carafaad ee degmada Yaaqshiid . Sidoo kale waxa ay hay’addu soo bandhigtay cajalad muujineysa qalab ay ka mid yihiin telefano, batariyaal, fiilooyin iyo agab kale oo ay muuqato in loo adeegsado qaraxyada. Ma shaacin taliska nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka magaca ninkaasi iyo waxa uu u qaabilsanaa Al-Shabaab. “NISA, ayaa howlgal qorshaysan kaga soo qabatay Deg. Yaaqshiid dhagarqabe ka qayb qaatay qaraxii lagu dilay Agaasime Mohamed Amiin. AUN. Gurigiisana waxaa laga soo qabtay aaladahaan.” Ayaa lagu yiri qoraalka NISA. Qaraxa lagu dilay Marxuum Amiin oo ka dhacay agagaarka isgoyska KM4 ayaa waxaa sheegatay Al-Shabaab. View the full article
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa shaacisay in gacanta lagu soo dhigay nin ka qeyb qaatay qaraxii lagu dilay allaha u naxariistee Maxamed Amiin Sheekh oo ahaa xoghayihii hore ee gobolka Banaadir. NISA ayaa sheegtay in howlgal qorsheysan oo ka dhacay xaafadda Carafaat ee degmada Yaaqshiid lagu soo qabtay ninkaasi. Sidoo kale waxa ay hay’addu soo bandhigtay cajalad muujineysa qalab ay ka mid yihiin teleefano, batariyaal, fiilooyin iyo agab kale oo ay muuqato in loo adeegsado qaraxyada. Ma shaacin taliska NISA magaca ninkaasi, balse sarkaalkan ayaa la sheegay inuu ka tirsanaa amniyaat-ka Al-Shabaab. “NISA, ayaa howlgal qorshaysan kaga soo qabatay Deg. Yaaqshiid dhagarqabe ka qayb qaatay qaraxii lagu dilay Agaasime Mohamed Amiin. AUN. Gurigiisana waxaa laga soo qabtay aaladahaan.” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay hay’adda NISA. Qaraxa lagu dilay Marxuum Amiin oo ahaa mid gaarigiisa loogu xiray, islamarkaana ka dhacay agagaarka isgoyska KM4 ayaa waxaa sheegatay kooxda Al-Shabaab. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  17. Muqdisho (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre oo uu wehliyo taliyaha ciidanka xoogga dalka, Sarreeye guuto, Odawaa Yuusuf Raage, ayaa xerada tababarka ciidamada ee Gen. Goordan ku booqday ciidamo ka tirsan xoogga dalka oo loo tababarayo ka qayb qaadashada howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab. Ra’iisul Wasaare Khayre oo u mahadceliyay macallimiinta Xerada Gen. Goordan ee diyaarinaya ciidamada oo tababarku heer gebagebo ah u marayo, ayaa askarta ku dhiirri geliyay in ay si wanaagsan u dhammeystaan tababarka si ay ugu biiraan ciidanka Xoogga. Ciidamadaan ayaa marka loo dhammeystiro tababarka waxa ay qayb ka noqonayaan ciidamada xoogga dalka ee ku sugan furimaha dagaalka. Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in ciidamadu ay yihiin rajada ummadda Soomaaliyeed, lagana doonayo in ay xoojiyaan guulihii ay horay u soo hooyeen ciidamda Soomaaliyeed, si looga mira dhaliyo himilooyinka ummadda Soomaaliyeed. Dowladda Soomaaliya ayaa dadaal xooggan ugu jirta dhismaha ciimada xoogga dalka si ay u hantaan guud ahaan amniga dalka, waxaana ciidamada xoogga dalka oo gudanaya waajibaadka ka saaran qarannimada ay guulo wax ku ool ah kasoo hooyeen howlgallada ka socda koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
  18. Wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib-u-heshiisiinta xukuumadda federaalka, Eng. Cabdi Maxamed Sabriye oo la hadlay bulshada Dhuusamareeb ayaa shaaciyay in dowladda Soomaaliyeed aysan ka bixin qodob kamid ah 10-kii qodob ee dowladda federaalka iyo Ahlusunna ay wada saxiixdeen. Eng. Cabdi Maxamed Sabriye oo sheegay in dowladdu ay ku dadaaleyso in reer Galmudug ay helaan dowlad gobaleed loo dhanyahay ayaa caddeeyay dowladdu ay mar waliba u taagantahay fulinta dhammaan 10-ka qodob ee lagu wada heshiiyay Heshiiska ay dowladda Soomaaliya la gashay Ahlu Sunna waxaa wada saxiixay Wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib-u-heshiisiinta xukuumadda federaalka iyo madaxa fulinta Galmudug, Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  19. Kaltumo Abikar (not her real name) has been raped on two separate occasions this year while seeking domestic work in houses in Mogadishu. Source: Hiiraan Online
  20. Dhuusarameeb (SMN) – Wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib-u-heshiisiinta xukuumadda federaalka, Cabdi Maxamed Sabriye oo la hadlay warbaahinta ayaa beeniyey in dowladda Soomaaliya ay ka baxday heshiiskii ay la gashay Ahlu Sunna Waljamaaca. Wasiir Sabriye ayaa sheegay in xukuumadda Soomaaliya ay weli dhowreyso heshiiska ay wada galeen labada dhinac. Sidoo kale wuxuu carabka ku dhuftay in dowladda dhexe ay ku dadaaleyso sidii loo heli lahaa Galmudug oo loo dhan yahay. Heshiiskan ayaa waxaa wada saxiixay wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya, Cabdi Maxamed Sabriye iyo madaxa fulinta Galmudug, Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan. Halka hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/08/cod-1-guuleed-1.mp3 View the full article
  21. Washington (Caasimada Online) – Xisbiga Jamhuuriga Mareykanka oo uu ku jiro Madaxweyne Donald Trump ayaa ansixiyey sharci lagu doonayo in Ilhaan Cumar looga eryo Congress-ka dalkaasi. Xisbigan oo ka taliya gobolka Alabama ee dalka Mareykanka ayaa cambaareeyey hadallada Ilhaan ee ka dhanka ah Israel iyo wax ay ku sheegeen kala sooca dadka Mareykanka ah. Hindisahan ayaa waxaa soo gudbiyey Tommy Hanes oo ah Xildhibaanka gobolka Alabama ku matala aqalka hoose, iyadoona ay meel mariyeen golaha GOB ee Xisbiga Jamhuuriga. Sidoo kale guddi ka socda golaha deegaanka Alabama ayaa tagi doona xarunta aqalka hoose, iyaga oo doonaya in Ilhaan Cumar laga eryo guud ahaan Congress-ka. Dhanka kale illaa iyo hadda Ilhaan kama aysan jawaabin codsiga ay soo jeediyeen wakiillada gobolkaasi. Trump iyo Ilhaan Cumar ayaa inta badan warbaahinta isku mariya hadallo kulul oo mid kasto ku weerarayo kan kale. Caasimada Online Xafiiska Washington caasimada@live.com
  22. Magaalada Garoowe ee caasimadda dowladda Puntland waxaa maanta lagu soo xirayaa shir looga arrinsanayey arrimaha dastuurka kumeel gaarka ah ee Soomaaliya oo dibu eegis lagu samaynayey. Shirkaan ayaa waxaa muddo saddex maalmood ah uu Garoowe uga socdey guddiyada dastuurka ee barlamaanka labada aqal ee dowladda Soomaaliya iyo dowladaha xubnaha ka ah. Cuttubyada 10aad ilaa 15aad ee dastuurka Soomaaliya ayaa aad diiradda loogu saarayey sida uu Puntlandpost u sheegay mid kamid ah xildhibaanada golaha shacabka u qaabilsan dastuurka ee ka qaybgalay. PUNTLANDPOST The post Shir dib loogu eegayey dastuurka Soomaaliya oo Garoowe lagu soo xirayo. appeared first on Puntland Post.
  23. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/08/Warka-Subax-28082019.mp3 View the full article
  24. Turkey has revealed a United Arab Emirates (UAE) spy network that has been operating all over the country, Source: Hiiraan Online
  25. Kusimaha Madaxweynaha dowladda Puntland, ahna Madaxweyne ku xigeenka Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa kulan casho sharaf iyo xog waraysi isugu jira la qaatay Madasha Guddiyada Dastuurka dalka, kuwaasoo maalamahan uu shir uga socday magaaaladda Garoowe. Kulankan Cashada ah ee Madaxweyne ku xigeenku u sameeyay Madasha Guddiyada Dastuurka oo uu hogaaminayo Senator Cabdi Cawaale Qaybdiid, waxaa ka qeybgalay ku simaha Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowladda Puntland ahna Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Ismaaciil Maxamed Warsame, Xubno ka mid ah Goleyaasha Dowladda Puntland iyo Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada. Madaxweyne Ku-xigeen Axmed Karaash oo khudbad kooban halkaasi ka jeediyay ayaa amaanay dadaalka socda ee lagu qabyo-tirayo Dastuurka Dowladda Federaalka Soomaaliya, wuxuuna sheegay in Puntland diyaar u tahay marteglinta kulan kasta oo la’isugu soo dhoweynayo Ummada Soomaaliyeed, isagoo sheegay in ay fidsantahay gogoshii uu ku dhawaaqay Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni. PUNTLANDPOST The post Madaxweyne ku-xigeenka Puntland oo ka qaybgalay casho sharaf loo sameeyey guddiyada dastuurka. appeared first on Puntland Post.