Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,014
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Hargeysa (Caasimada Online) ― Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xirsi [Sheekh Aadan Siiro], ayaa weerar ku qaaday Madaxweyne Muuse Biixi iyo Qoyskiisa, isla markaana ku eedeyay inay ku takri-falayaan awoodii dowladeed. Sheekh Aadan Siiro ayaa sidoo kale Muuse Biixi iyo Qoyskiisa ku eedeyay inay wadaan dhul boob iyagoo adeegsanaya awooda xukuumada. Sh. Aadan ayaa wax aan la aqbali karin ku sheegay in awood dowladeed dhul lagu boobo, isagoona ka dhawaajiyey inay arrintaasi tahay dulmi cad oo loo baahanyahay in wax laga qabto. Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xirsi [Sheekh Aadan Siiro] oo arrimahaasi ka hadlayana, wuxuu fariin u direy Madaxweyne Biixi, wuxuuna yiri “Waddanka waxa ka dhacay dhul boob ay Xukuumaddu kow ka tahay, maanta Buurta Kala-jeexan, 3 boqol oo Caa’iladood oo kii ku dhashay 30-jir yahay, 40-jir yahay ayaa loo soo xukumay Madaxweynaha iyo Qoyskiisa oo la leeyahay halla dumiyo, wax la aqbali karayo maaha, war Dulmiga diida Maalinba Qof bay qabsanaysaaye”. “Madaxweynaha waxaanu leenahay in Walaalkaa loo soo xukumo 300-Guri oo dhisan oo Dad ehelkaaga ahi ku nool yihiin, caqli iyo Sharci ahaanba wax la aqbali karayo maaha. Waxaanu leenahay, Madaxweyne haddaanad ka Raalli ahayn jooji”. “Kuwa Maxkamadaha fadhiya waxaanu leenahay Waar Ilaahay ka yaaba oo Dadka u caddaalad fala. Sidaad ogtihiin Ummaddii way soo oodatay, Meheradahii oo dhan baa kacay, Dadkii dhibaato badan oo dhaqaale ayaa haysa, Xukuumadda Talada haysaa waxay keentay in dhaqaalihii xidhmo isla-markaana Dadku ay soo wada ootaan, markaa waxaanu leenahay Waar dhaqaalaha hala furfuro”. Wuxuuna intaas kusii daray “Madaxweynaha waxaanu leenahay Xukuumaddii kaa horraysey saddex meelood bay dhaqaalaha u qaybin jirtay, laba meelood Ummadda ayay ku soo celin jirtay oo Wareeggeedu wuu badnaa, meelna iyagaa farsamaysan jiray, Waxaana la leeyahay Saddexdiiba Adiga ayay kugu arooreen, wax la aqbali karayo maaha in Dadkuna soo ootaan”. “Miisaaniyaddu sanadkii waa 370 Million, Askarigii 80-Dollar ayuu qaadanayaa, Mashaariic ma hayno, Dadkiina way soo wada ooteen, markaa waxaanu leenahay Waar Xukuumaddu Dhaqaalaha ha furfurto. Madaxweynaha Maanta jooga ee Somaliland waxaanu leenahay waar Talada qaybi, waar wixii tuhun keenaya ka fagoow”. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  2. Hargeysa (Caasimada Online) ― Madaxweynihii hore ee Somaliland, Mudane Daahir Rayaale Kaahin ayaa maanta markii u horeysay ka hadlay xiisada dagaal ee ka dhex aloosan Xukuumada Somaliland iyo Jabhada uu hogaamiyo Korneyl Caare. Daahir Rayaale ayaa sheegay in xalka lagu dhameyn karo colaadaasi dagaal uu yahay ‘Heshiis’, isla markaana xukuumada Biixi looga baahanyahay inay la heshiiso Jabhada Korneyl Caare. Madaxweynihii hore ee Somaliland, Daahir Rayaale ayaa sidoo waxa uu ka hadlay beelaha ku dagaalsan deegaanada Ceel-Afweyn, isagoona si guudna uga hadlay xaalka ay hadda mareyso Somaliland, wuxuuna yiri “Waxaan ku talinayaa halaga heshiiyo wax kasta oo khilaaf ah”. “Dalku waa khayr ee alle haw siyaadiyo wixii khilaaf ah ee aan dadka waxba u tarayna halayska daayo, khilaafka ilaahay ayaa inagala dardaarmay oo umada waxba uma taro, khilaafka halayska daayo oo umadu ha noqoto kuwo iska reeba xumaha iskuna waaniya samaha”. “Waxaan ku talinayaa in Caare iyo cid kastaba heshiis lagu dhameeyo arrimaha meeshaas ka taagan, madaxweynuhu isaga ayaa dalka ugu sareeya ee waa in wax kasta maarayn karo oo uu nabada ku soo dabaali karo uu ku soo dabaalo”. Wuxuuna intaas kusii daray “Mida kale Arintasi waa musiibo umada ku dhacday wax loo baahan yahayna maaha, waxaan umadaas kula talinayaa dad walaalo ah ayaad tihiin oo ma kala guuraysaan aniguna deegaankaas waan aqaanaa” “Mar hadaydaan kala guurayn oo ilaahay iskiin badan inaad iska daysaan dilka iyo dhagarta uu ilaahay mamnuucayiska daysaan oo aad walaalowdaan oo aad isa saamaxdaan weeyaan”. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  3. Abu Dhabi (Caasimada Online) – Dowladda Imaraadka ayaa taageertay Dikareetadii Raysalwasaare Hindiya Narendera Modi uu ku laalay Qodobka 370 ee dastuurka dalkaasi ee u fasaxay gobalka Muslimiinta Kashmiir ismaamul u gaar ah. Safriika u fadhiya Imaraadka Dalka Hindiya Ahmad Al Banna ayaa ku tilmaamay go;aankaasi mid horseedi doono gobolka Kashmiir Barwaaqo iyo Nabad waarta, isagoo sheegay in arrintaasi tahay mid khusayso arrimaha gudaha ee dalkaasi oo ay tahay in la tixgaliyo. ” Waxaan rajaynayaa in isbedelka dhacay uu horseedi doono horumarinta cadaalada, amniga iyo kalsoonida Kashmuur, islamarkaana uu dhiirigalin doono deganaansho iyo amniga ka dhaca gobolka“ Sidaas waxaa wargayska Gulf news u sheegay Safiirka Albanna. Imaraadku wuxuu muddu dheer xiriir wanaagsan la lahaa wadamada Hindiya iyo Baakistaan, waxayna aad uga fogaan jireen inay dhexgalaan khilaafka iyo colaada u dhaxaysa labadaas wadan ee ku hubaysan hubka Nukliyeerka. Imaraadku wuxuu ka mid noqday 8 wadan oo muslimiin ah oo Wadanka Shiinaha ku taageeray Sida uu ula dhaqmo muslimiinta Uyghurs ee Shiinaha oo Malaayiin ka mid ah lagu hayo xeryo waaweyn. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  4. Ceerigaabo (Caasimada Online) ― Waxgaradka iyo Odayaasha beelaha Somaliland ayaa mudooyinkii u dambeeyay waxay isku soo jiid iyo waan-waan ka dhex wadeen Jabhada Kornayl Caare iyo Xukuumada Somaliland, taasi oo muddooyinkii dambe hakad galisay dagaalkii labada dhinac. Suldaan Axmed Cismaan [Cade-gude] oo kamida Madax-dhaqameedka waan-waanta ka dhex waday labada dhinac ayaa ka warbixiyey halka ay marayaan dhex-dhexaadinta ay ka dhex wadeen xukuumada Somaliland iyo Jabhada Korneyl Caare. Suldaanka ayaa sheegay in Jabhada Korneyl Caare ay isku af-garteen in xiisada kala dhaxeysa xukuumada Biixi ay wada-hadal ku dhameeyan, isla markaana ay dhinacooda ka jirin wax caqab ah oo sii hurinaysa xiisadaasi. Suldaan Cade-gude ayaa sidoo kale waxa uu ka dhawaajiyey in xalka kama dambeysta ah ee xiisadaasi uu gacanta ugu jiro Madaxweynaha Somaliland oo hadda dalka Sacuudiga ugu maqan gudashada acmaasha Xaj-ka. Suldaan Axmed Cismaan [Cade-gude] oo arrimahaasi ka hadlayana wuxuu yiri “Markaan arintaas nuxurkeeda soo ururiyo waxba been badan iyo ku tidhi ku teen oo la sheegayaa waxba ma tarayaan balse ujeedadu waxa weeyaan in ninkaas sarkaalka ah iyo jabhadiisaba aanu ku soo dhamaysanay in arintaas si salmi ah oo isfaham iyo miiska wada hadalka lagu dhamaysto”. “Arintaasna waxaan u soo gudbinaynaa oo aanu u soo anba baxnay dhinaca madaxweynaha runtiina intii aanaan hargeysa soo gaadhin caasimada ayuu xajka u baxay, isaga ayaa la sugayaa oo laga war dhawrayaa laakiin xagaas wax ku qaydhin oo xumaan ah haba yaraatee kuma ogin”. Wuxuuna intaas kusii daray “Arintana xaqiiqatan inay xumaato iyo inay samaato waxay ku xidhan tahay madaxweynaha, wax kasta oo dalka ka jiraana inay waxay ku wanaagsanaanayaan iyo waxa ay ku xumaanayaan waxay ku xidhan tahay madaxweynaha iyo xukuumadiisa, waxaanan ilaahay ka rajaynayaa inuu waafajiyo sida xaqa ah ee wanaagsan ee dalkan iyo dadkanba dan u ah”. “Shacabka Somaliland waxaan u cadaynayaa in arintaas aanu wanaag kaga keenay xagaas Sanaag, halkana iyada oo aanu wanaagii u gayn doono madaxweynaha iyo xukuumadiisa, wixii ka soo baxaana ay noqon doonaan wax madaxweynaha iyo xukuumadiisu haday wanaag ku dhameeyaana ay wanaag tahay”. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  5. Kismaayo (Caasimada Online) – Guddiga madaxa banaan ee Xuduudaha iyo Doorashooyinka Jubbaland ayaa caawa ku dhawaaqay liiska Xildhibaanada Cusub ee Baarlamaanka labaad ee Dowlad Goboleedka Jubbaland. Xildhibaanada ayaa ka kooban 75 Xildhibaan, balse laba ka mid ah ayaa shaacintooda waxa ay dib ugu dhacday arrimo farsamo sida xubnaha Guddiga ay sheegeen.
  6. Guddiga madaxa bannaan ee xuduudaha iyo doorashoyinka Jubbaland ayaa ku dhawaaqay liiska xildhibanada cusub ee Baarlamanka Jubbaland. Guddiga ayaana soo gudbiyay liiska xildhibaanada cusub oo gaaraya73 mudane, oo dhawaan laga soo kala xulay deegaanada Jubbaland beelaha daga. Xildhibaanada caawa la soo gudbiyay ayaa soo dooran doonaan kuddoonka baarlamaanka iyo ku-xigeenadiisa , ayadoo ka dib loo gubi doono doorashada madaxweynaha Jubbaland oo ay u tartamayaan murashaxiin dhowr ah kuwaas oo uu ka mid yahay madaxweynaha xilkiisa uu dhamaaday ee Axmad Maxaned islaam Madoobe. Halkaan Ka Akhriso magacyada mudanayaasha baarlamaanka Jubbaland Goobjoog News Source: goobjoog.com
  7. Guddiga madaxa-bannaan ee doorashooyinka iyo Xuduudaha dowlad goboleedka Jubaland ayaa caawa shaaciyay liiska xildhibaannada cusub ee Baarlamanka Jubaland. Liiska xildhibaannada cusub oo ka kooban 73 Xildhibaan ayaa sida guddigu sheegay muddo 20 cisho ah ay soo xulayeen Odayaasha dhaqanka Jubbaland islamarkaana ugu dambayn u soo gudbiyeen Guddiga madaxa-bannaan ee doorashooyinka si waafaqsan hannaanka doorashooyinka Jubbaland. Hoos ka akhriso liiska oo dhan PUNTLAND POST The post Liiska xildhibaannada cusub ee Jubaland oo lagu dhawaaqay appeared first on Puntland Post.
  8. Guddiga doorashooyinka madaxa banaan ee dowlad gobaleedka Jubbaland ayaa caawa ku dhawaaqay liiska xildhibaanada cusub ee la soo xulay. Guddiga ayaa ayaa soo gudbiyay magacyada xildhibaanada ay soo xuleen odayaal dhaqameedka, kuwaas oo noqonaya xildhibaanada dowlad gobaleedka Jubbaland. Xildhibaanada la soo gudbiyay ayaa la filaaya in dhawaan in ay doortaan guddoomiyaha iyo madaxwerynaha jubbaland hoggaamin doono afarta sano ee soo socoto. wixii ku soo kordha halkan kala soco Goobjoog News Source: goobjoog.com
  9. Ciidamada Puntland oo kaashanaya sirdoonka iyo shacabka gobolka Sanaag ayaa ku guulaystey inay gacanta ku soo dhigaan rag katirsan Alshabaab oo ka soo ambabaxay dhanka [...] Source
  10. Madaxweynaha Maamulka Koonfur galbeed Cabdicasiis xasan Maxamed (Lafgareen) ayaa Xafiiskiisa ku Qaabiley wafdigii oo uu hogaaminaayey Wasiirka Wasaaradda Boostada isgaarsinta iyo Teknoolajiyada Dowladda Federaalka oo Maanta Baydhabo gaaray. Soo dhaweyn akdib kulan gaar ah oo ay wada qaateen ayaa labada dhinac waxaa ay uga wada hadleen wadashaqeynta dowladda federaalka iyo Maamulka Koonfur Galbeed. Wasiirka Wasaaradda Boostada isgaarsinta Xukuumadda Soomaaliya Eng, Cabdi Canbshuur Xasan ayaa sheegay in ay ka ga go’an inay wadatashi joogto ah iyo xiriir aad u dhow oo wadashaqeyneed la yeeshaan dowlad goboleedyada dalka oo dhan si loo helo qorshe loo wada dhanyahay. Wasiir Cabdi Canshuur ayaa la filayaa in Maalinta Berrito ah uu Magalada Baydhabo ka furo shir wadatashi ah oo u dhaxeeya Wasaaradaha Boostada, Isgaarsiinta & Tiknolojiyadda Feer Federaal & Heer Dowlad-goboleed. Source: goobjoog.com
  11. Hague (Caasimada Online) – Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda ee loo soo gaabiyo ICJ ayaa shaaca ka qaaday inay qasab tahay inuu dhaqan galo go’aanka ay ka gaarto kiiska badda Soomaaliya ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya, kaasi oo horyaalla maxkamadda. Hadalkan ayaa imanaya ayada oo dhowaan ay soo baxeen warar sheegaya in laga yaabo in Kenya ay ku gacan seerto go’aanka maxkamadda, haddii uu noqdo mid aan dhankeeda u janjeeirn. Dacwadda Kenya iyo Soomaaliya, ayaa waxaa mar kale ay maxkamadda ICJ dhageysan doontaa inta u dhaxeysa 9-ka ilaa 13-ka September ee 2019, waxaana la filayaa in go’aanka maxkamadda lagu dhowaaqyo sanadka 2020 dhexdiisa. Madaxweynaha xeer-beegtadda caalamiga ah ICJ, Cabdiqawi Axmed Yuusuf, ayaa wareysi uu siiyey taleefishinka Universal, waxa uu ku sheegay inaysan dhici doonin in la iska tuuro go’aanka maxkamadda, marka ay shaaca ka qaaddo. “Annaga go’aanayadda, qasab waaye in la hirgeliyo, maxaa yeelay Maxkamadii Cadaaladda Aduunyadda ayaanu nahay,” ayuu yiri. Cabdiqawi oo Soomaali ah ayaa sheegay in marka horeba, marka ay dowldaha hor-imanayaan maxkamadda, oo ay doonayaan inay kiisaskooda dhageysato, ay taas macnaheedu tahay inay aqbali doonaan go’aan kasta oo ay maxkamadda gaarto, taasi oo ah waxa Kenya ay horey u sameysay. Hoos ka daawo Cabdiqawi Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  12. (SLT-Burco) Xildhibaan Mubaarig Bidhi Oo Si adag Uga Hadlay Xidhnaan-shiyaha Biriijka Burco Iyo Garoonka Diyaaradaha Source
  13. Kumanaan xujay Soomaaliyeed ah ayaa sanadkaan gudanaya waajibaadka Xajka waxaana xusid mudan in wax ka bedel badan oo Xajka lagu sameeyey ay Soomaalidu sanadkaan heleen xujay ka badan intii hore. Axmed Cabdi Samatar oo kamid ah madaxda shirkadaha in ka badan 400 oo xujayda ah ka qaaday deegaamada Puntland ayaa xaqiijiyey in 3 xujayda Soomaaliyeed kamid ah geeriyoodeen inta aysan bilaabin gudashada Acmaasha Xajka. CODKA HOOS KA DHEGAYSO Xukuumadda Puntland iyo qaar kamid ah dowladaha xubnaha ka ah dowladda federalka ah ee Soomaaliya ayaa horay u dhaliilay gudiyadii DFS u magacawday arrimaha Xajka iyagoona caddeeyey in la musuq maasuqay qaybsiga tirada Xujayda. PUNTLANDPOST The post Tirada dhimashada Xujayda Soomaaliyeed ee sanadkaan 2019. appeared first on Puntland Post.
  14. Ceerigaabo (Caasimada Online) ― Wararka naga soo gaaraya deegaanada Ceel-Afweyn ayaa sheegay in uu maanta uu markale dagaal ka qarxay degmada Ceel-Afweyn ee Gobolka Sanaag. Dagaalkan ayaa waxa uu dib uga dhex qarxay labo beelood oo mudooyinkii u dambeeyay isku dagaalsanaa deegaanada degmada Ceel-Afweyn, kuwaasi oo colaadooda mudooyinkii u dambeeyay soo cusboonatay. Wararka ayaa sheegaya in dagaalkan ilaa hadda ay ku geeriyooden labo qof, halka afar kalena ay ku dhaawacmeen, inkastoo si dhaba loo ogeyn baaxada khasaaraha ka dhashay dagaalkan oo hadda lagu soo waramayo inoo socdo. Ciidamada Booliska Somaliland iyo Maamulka Gobolka Sanaag ayaa sidoo kale waxa lagu soo waramayaa inay ku howl-yahiin sidii loo damin lahaa xiisadan dagaal ee dib uga dhex qaraxday labada beel ee wada dagan degmada Ceel-Afweyn. Wixii ka soo kordha dagaalkan kala soco Caasimada Online Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  15. War ka soo baxay Wasaaradda Amniga Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa waxaa amar la dul-dhigay dadka ku nool Magalada Gaalkacyo, kaas oo la xiriira dhinaca Amniga. Amarkaan ayaa sigaar ah loo faray dadka ku nool Magalada Gaalkacyo,waxaana lagu amray inay is diiwaangeliyaan dadka hubka ku dhex heysta Magalada, isla markaana an ka tirsaneyn Ciidamada Dowladda iyo kuwa Galmudug. Sidoo kale waxaa la sheegay in cid alaala cidii qaadan weysa Amar kasoo baxay Wasaaradda Amniga Maamulka Galmudug laga qaadi doono tallaabo sharciga waafaqsan Maalmihii lasoo dhaafay Saraakiil ka tirsan Wasaaradda Amniga Galmudug ayaa socdaal ku joogay Gobolka mudug kuwaas oo kulamo kala duwan la qaadanayay Maamulka Gobolka kan Degmada iyo Saraakiisha Booliiska si loo xoojiyo Amaanka iyo Xasiloonisa guud ee Gobolka mudug. Halkaan Akhriso wareegtada Goobjoog News Source: goobjoog.com
  16. Makka (Caasimada Online) – Boqolaal Xujey Soomaali ah ku sugan magaalada Makka ayaa sheegay inaysan weli gudanin waajibaadka xajka iyaga oo eedo u jeediyey shirkadaha loo idmay inay xujayda u adeegaan. Xujeydan oo la hadlay idaacadda VOA ayaa sheegay in shirkadihii keenay ay meel cidlo ah isaga tuureen, islamarkaana ay garan waayeen sida loo guto waajibaadka xajka. Tirada Soomaalida aan xajin ayaa lagu sheegay 400 oo qof, kuwaas oo sheegay in xitaa aysan helin meel degaan ah oo ay seexdaan. Dadka aan xajka gudan ayaa cabasho ka muujiyey ilaa afar ka mid ah shirkadaha Soomaalida ee sanadkan xajka usoo qaaday Soomaalida, oo ka baxay ballantii ay dadkan kasoo qaadeen. Waxay sheegeen in markii hore ay shirkadahan si wanaagsan u wadeen howsha oo ay dejiyeen hoteello, balse markii Xajka uu soo dhowaaday ay meel cidlo ah uga tageen. Cabashada xujayda ayaa waxaa ka jawaabay wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha diinta iyo awqaafta Cusmaan Aadan Dhuubow oo isna ku xugan Xajka, kaasi oo sheegay inuusan ka war-hayn dad aan xajin. Cusmaan ayaa sheegay inay jiri karaan qaladaad dhacay oo xagga acmaasha cajka ah, balse uusan rumeysneyn inay jiraan dad aan gebi ahaanba xajka gudan. Hoos ka dhageyso wareysiyo ku saabsan cabashada dadkan iyo jawaabta wasiirka. Codadka xujeyda cabaneysa https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/08/Xujey-cabaneysa.mp3Jawaabta wasiir ku-xigeenka https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/08/Jawaabta-wasiirka.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  17. Camel milk looks set to be the latest foodie trend. Already a traditional staple in North African diets, camel milk boasts double the amount of iron and vitamin C as traditional cows’ milk, and has become known for its numerous health benefits. Little wonder then that it’s slowly gaining in popularity across the world with the market expected to grow by nearly 10%. Keen to try? We reveal seven reasons why you should give it a go… 1. It Has Numerous Health Benefits “Camel milk is traditionally considered to have medicinal characteristics with potential health benefits,” explains Berta Corbera, Probio7 Nutritionist. “It’s actually the closest to human breast milk and has incredibly high levels of nutrients and bioactive components. The milk itself contains both low amounts of cholesterol and of lactose – the milk sugar – along with a superior healthy fat content.” Nutrient-wise, you can expect high levels of potassium, magnesium, copper, sodium, zinc and B vitamins, plus a protein content far greater than other sources on the market. If all that wasn’t enough, it’s also reported to improve specific friendly gut bacteria, which makes it an ideal option for those with digestive issues. 2. Research Shows It Positively Impacts Those With Autism This is one that still needs more research, but certain medical research has suggested that camel milk has created a positive impact on children with autism to help them improve behavioural techniques including eye contact, communication, emotional expression and self-organisation. It sounds like quite a stretch, but it’s worth trying if reports are to be believed. 3. Lactose Intolerance Sufferers Can Drink It “Everyone can have camel milk – even newborns,” says Berta. “It’s been shown to be suitable for lactose intolerant people, too. The main reason it’s a better choice for them is because it doesn’t contain beta-lactoglobin, which is the protein found in cow’s milk that causes allergic reactions. In fact, a recent report showed that for individuals allergic to cow’s milk, the least allergenic alternatives in descending order are human, camel, sheep and goats’ milk.” 4. You Can Find It In A Range Of Products, Not Just Milk Diversifying the range and flavours, you’ll find that camel milk is in fresh milk, flavoured milk, certain cheeses, ice-cream, yoghurt and milk powder, so the options are abundant. “If you’re unsure, take camel milk with your porridge, coffee, or in your cereal. And if you have fussy kids, try adding some chocolate or strawberry syrup, sprinkle it with all-natural stevia, or make a smoothie with your favourite fruit,” recommends Berta. 5. It’s More Sustainable Than Other Milk Options As well as being more nutrient-dense than other options on the market, camel milk is also said to be more sustainable. “Both plant-based and dairy milk industries have a major environmental impact around the world. Some of the disadvantages of taking these milks are potential plant genetic modifications, poor land use, vast water consumption and even a devasting impact on the Amazon rainforest,” says Berta. “Camel milk seems a better option because camels are not true ruminant animals like cows, so they produce significantly less methane compared to ruminant livestock.” 6. The Taste Is No Different & Far From Bitter Most testers say it tastes exactly like milk, just a little more distinct. Expect it to be slightly salty, but also smooth, refreshing and fulfilling – never sour or bitter. 7. Camel’s Milk Has Anti-Viral Properties In addition to its many health benefits, the components of camel milk are believed by many researchers to have anti-bacterial properties. “Some scientists believe that camel milk acts as an anti-inflammatory, calming inflammation caused by immune system dysfunction,” confirms Berta. Sheerluxe Qaran News
  18. Taliska Ciidamada Booliska Gobolka Bari ee Maamulka Puntland ayaa waxaa ay war ka soo saareen dil askari ka tirsanaa Ciidamada Puntland uu u geystay Nin u dhashay dalka Kenya iyo qarax ka dhacay Magalada boosaaso. Warkaan kasoo baxay taliska Booliska Gobolka Bari ayaa lagu sheegay in Ciidamada Ammaanka Puntland ay gacanta kusoo dhigeen Askarigii dilay Ninka Kenyanka ahaa, isla markaana ay cadaalada marsiin doonaan. Dhinaca kale taliska Booliska Gobolka Bari ayaa sheegay in uu fashilmay qarax Ciidamada Puntland lagula Beegsaday Aaga Hotel Boosaso, Iyadoo uu dhaawac fudud ka soo gaaray Askari ka Tirsan Ciidamadda Puntland. Dhowrkii bilood ee u dambeysay ayaa waxaa xumaday amniga Magalada Boosaaso, iyada oo tora ka dhowr jeer ay qaraxyo ka dhaceen sidoo kalena lagu dilay Madaxii Shirkadda P&O oo hoostagta Shirkadda DP World. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  19. Ciidamada Amniga dowladda Puntland ayaa maanta degmada Badhan ee gobolka Sanaag ku qabtay xubno lagu tuhmayo in ay ka tirsan yihiin malayshiyaadka Al-shabaab oo ku socday buuraleyda Galgala ee gobolka Bari halkaasi oo ciidamada Puntland ay kula dagaallaman kooxo ka tirsan Al-shabaab. Xubnaha la qabtay oo ka soo amba-baxay magaalada ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag ayaa gaarigii ay wateen lagu joojiyay kantaroolka degmada Badhan balse mid kamid ah oo isku dayay in uu cararo ayaa ciidanku toogasho ku dileen halka saddexdii kale oo isdhibayna la qabtay sid ay xaqiijiyeen mas’uuliyiinta degmada Badhan. Xubnahan ku eedaysan Al-shabaab oo ka soo jeeda Koonfurta Soomaaliya ayaa sida la xaqiijiyay markii hore waxay ka yimaadeen dhanka Koonfurta iyagoo ka soo wareegay dhinaca Somaliland. Saraakiisha Amnigu weli faahfaahin kama bixin agabka ay wateen raggan ee lagu soo qabtay inkastoo hadda ay ku xiran yihiin xabsiga magaalada Badhan ee gobolka Sanaag halkaasi oo su’aalo lagu weydiinayo. Sidoo kale waxaa galabta la aasay ninkii afraad oo ciidanku toogasho ku dileen kadib markii uu isku dayay in uu baxsado. PUNTLAND POST The post Rag lagu tuhmayo Al-shabaab oo lagu qabtay degmada Badhan ee gobolka Sanaag appeared first on Puntland Post.
  20. Waxaa dibudhac kuyimid shaacinta magacyada xildhibaanada cusub ee barlamaanka maamul goboleedka Jubbaland oo balantu ahayd in lagu dhawaaqo maanta oo Isniin ah 12/08/2019. Shaacinta barlamaanka cusub ee Jubbaland ayaa waxaa dib loogu dhigay maalinimada berri ah kadib markii khilaaf soo kala dhex galay guddoomiyaha iyo guddoomiye ku-xiegenka gudiga doorashada ee Jubbaland. Guddoomiye ku-xigeenka guddiga doorashada Jubbaland ayaa sheegay inuusan waafaqsanayn kana soo horjeedo warqaddii uu beesha caalamka u gudbiyey guddoomiyaha guddiga doorashada ee Jubbaland, taasi oo sababtay in lagu heshiin waayo xubnaha barlamaanka. Ilo xogagaal ah ayaa Puntlandpost u xaqiijiyey in ciidamo katirsan kuwa Jubbaland ay tageen guriga guddoomiye ku-xigeenka doorashada Jubbaland si loola socdo xaalkiisa haseyeeshee uusan ku sugnayn xilligaasi. Qaar kamid ah odayaasha dhaqanka Jubbaland ayaa horay uga soo horjeestey qaabka ay wax u wadaan guddiga doorashada Jubbaland waxaase xusid mudan inay socdaan dedaalo labada guddoomiye loogu kala dab qaadayo. PUNTLANDPOST.COM The post Guddoonka gudiga doorashada Jubbaland oo isku khilaafay xubnaha barlamaanka cusub. appeared first on Puntland Post.
  21. African stars joined Muslims all over the world in celebrating Eid-al-Adha by sharing their best wishes and prayers on social media. Players including Liverpool’s Mohamed Salah, Ajax’s Hakim Ziyech, Napoli’s Kalidou Koulibaly, Aston Villa’s Mahmoud Trezeguet, Bursaspor’s Shehu Abdullahi joined in. On Sunday, the players took time off their football duties to be with their families. Goal Qaran News