Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,156
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Xiisad u dhexaysa ciidamada Puntland iyo Somaliland ayaa ka taagan deegaamo katirsan gobolka Sanaag xilli Puntland ay gacanta ku dhigtay inta badan gobolkaasi. Xiisaddaan ayaa lagu soo waramayaa inay ka taagan tahay deegaamo ay rag katirsan Somaliland iyo ciidamo ay wataan gaareen si ay oday dhaqameedka qaar uga dhaadhiciyaan qorashada ciidamo cusub ee Somaliland u adeega. Taliyihii Ciidamada Soomaaliland ee Magalada Baran Guray Cismaan Saalax iyo Maamulkii degmadaas ayaa dhawaan waxaa ay ku biireen dowladda Puntland taasi oo keentay in Somaliland ay bilowdo qorshada malayshiyaad horleh. Taliyaha ciidamada Somaliland Nuux Ismaaciil Taani ayaa dhowaan sheegay in ciidamada ku biiray Puntland aysan waxba u tarijirin isagoona ugu baaqay ciidanka & siyaasiyiinta ay isku beesha yihiin inay isaga baxaan ayna Sanaag xoog ku qabsan doonaan. PUNTLANDPOST The post Xiisad ka taagan deegaamo katirsan gobolka Sanaag oo Somaliland ciidan u dirtay. appeared first on Puntland Post.
  2. Awdheegle (SMN) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weeray ay madaafiic isku weydaarsadeen ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab oo xalay ka dhacay qeybo ka mid ah gobolka Shabeelaha Hoose ee maamulka K/ Galbeed Soomaaliya. Weerarka oo ahaa mid xoogan ayaa ka dhacay agagaarka degmada Awdheegle oo ay dhowaan la wareegeen ciidamada Milatariga Soomaaliya. Ma cadda illa iyo hadda khasaaraha ka dhashay weerarkaasi, mana jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay labada dhinac. Xaaladda ayaa saaka degan, sida ay soo sheegayaan dadka deegaanka ee ku dhaqan halkaasi. View the full article
  3. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya shirar gaar gaar ah oo ka dhacay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud. Kulamadan oo ahaa kuwa xasaasi ah ayaa waxa ay u dhexeeyeen xildhibaano ay ka mid tahay Senator Jawaahir Axmed Cilmi, siyaasiga Cali Yare Cali iyo Odayaal ka kala yimid magaalooyinka Gurceel, Matabaan Gala-jir, Xanan-buure, Mareer-gur, Gadoon, Dhuusamareeb iyo deegaano kale. Intii ay socdeen kulamadan ayaa waxa diirada lagu saaray kala aragti duwaanaashaha soo kala dhex galay dowladda iyo Ahlu Sunna Waljmaaca. Sidoo kale waxaa lagu soo hadal qaaday shirkaasi qabsoomida shirweynaha dib u heshiisiinta Galmudug oo dowaan ka dhacaya magaalada Dhuusamareeb. Wararka waxa ay sheegayaan in kulamadani laga gaaray is afgarad, islamarkaana lagu ballamay kuwa kale si loo dhameeyo xiisadaasi. Xaaladda Dhuusamareeb ayaa maalmihii dambe aheyd mid kacsan, waxaana ay ka dhalatay, kadib markii ay dowladda dhexe ciidamo badan geysay gudaha magaaladaasi. Caasimada Online Xafiiska Dhuusamareeb caasimada@live.com
  4. Beledweyne (SMN) – Ku xigeenka xeer ilaaliyaha guud ee ciidamada qalabka sida qeybta gobolka Hiiraan, Maxamed C/qaadir Maxamed oo la hadlay Idaacadda Shabelle ee Muqdisho ayaa sheegay in walaac amni ay ka qabaan ergadii dhowaan tegay deegaanada Al-Shabaab ee ku sugan magaalada Beledweyne ee xarunta gobolkaasi. Maxamed C/qaadir Maxamed ayaa tilmaamay in qaar ka mid ah odayaasha ay baxsadeen, kuwa kalena ay gacanta ku hayaan, si ay u hubiyaan. Sidoo kale wuxuu uga digay shacabka in ay guryahooda ku qariyaan ergada maqan oo uu tilmaamay inay muhiim tahay inay soo maraan laamaha amniga. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/08/Cod-Cadaani-.mp3 View the full article
  5. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/08/Warka-Subax-27082019.mp3 View the full article
  6. Hogaamiyaha Hong Kong, Carrie Lam ayaa shaaca ka qaaday in dowladdeedu ay dulqaad eber ah 0% ka leedahay qalalaasaha ka dhacaya magaaladaasi inyar kadib markii la arkay dad maduxu u duuban yahay oo weeraraya ciidanka booliska. Madaxa fulinta Hong Kong Carrie Lam, oo markii ugu horreysey warbaahinta ka soo muuqatay tan iyo markii mudaharaadyadu sii xoogaysteen maalinimadii Axadda ayaa tiri,“Kama aysan duwwana afkaaraha siyaasadeed iyo isir nacaybka dowladda iyo booliskuna waxa ay la macaamili doonaan dhaqdhaqaaqyada sharci darrada ah”. Kadib markii ay soo bexeen kooxaha weerarada samaynaya ciidamada ammaanka ayaa adeegsadey awoodooda dhanka hubka ah si ay isaga caabiyaan kooxahaasi oo mudaharaadyada dhigayey labadii bilood ee ugu dambeeyey. “Qalalaasuhu xal uma noqon doona dhibaatooyinka jira, ficilada la samaynayana mahan kuwa la qurxiyey ama sharci ah, mana isticmaali doono awood si aanu xaaladda dib ugu soo celino laakiin waxaanu mari doonaa hannaan sharci ah” ayey tiri markale Carrie Lam. PUNTLANDPOST The post Hogaamiyaha Hong Kong,”Qalalaasaha sii xoogaysanaya uma dulqaadan doono”. appeared first on Puntland Post.
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiye ku xigeenada maamulka gobalka Banaadir iyo saraakiil kale oo katirsan dowladda hoose ayaa guddoomiyaha cusub ee gobalka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed “Finish” u gudbiyay liiska dad gaaraya 42 qof, oo ka soo jeeda hal beel, kuwaas oo la shaqaaleysiiyay kadib geeridii Allah ha u naxariistee guddoomiyihii gobalka Banaadir ahaana duqii Muqdisho Eng Yariisow. Dadkaan gaaraya 42-ka qof, ayaa qayb ka ah 59 qof oo gobalka Banaadir laga shaqaaleysiiyay markii uu geeriyooday Marxuum Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisow kowdii August, waxaana shaqaaleysiiyay siiyaha xilka guddoomiyaha gobalka Banaadir mudane Ibraahim Dheere. Guddoomiye ku xigeenada ayaa Cumar Finish u sheegay in dadka ugu badan ee la shaqaaleysiiyay halkii sano ee ugu dambeysay ay dhamaantood ka soo jeedaan hal beel ah oo ah beesha Ibraahim Dheere. Dadkan ayaa badankood laga keenay xafiisyada ra’iisul wasaaraha, Mustaf Dhuxulow, Senator Dheg-Dheer iyo guddoomiye ku-xigeenkii hore ee maaliyadda gobalka Banaadir, halka ilaa hadda inta badan ay dadkaasi ka socdaan xafiisyada aan soo sheegnay. Caasimada Online ayaa ogaatay in 5-tii qof ee ka tirsan shaqaalaha cusub ee gobalka banaadir 3-kamid ah ay yihiin hal beel, halka inta kalane ay yihiin beelaha kale ee Soomaaliyeed. Masuuliyiinta la kulmay Cumar Finish, ayaa ka dalbaday in uu saxo habka shaqaaleysiinta dowladda hoose ee gobalka Banaadir islamarkaana uu wax ka qabto dadkii ugu dambeeyay ee laga qoray xafiiska gobalka Banaadir. Isbar-bar yaac iyo kala-dambeyn la’aan xoog leh ayaa ka jirta dowladda hoose ee gobalka Banaadir iyadoo inta ugu badan dadkii la qoray ay la’yihiin shaqo ay qabtaan iyo xafiis ay fariistaan ama ay ku shaqeeyaan. Sidoo kale Caasimada Online ayaa ogaatay in xilal aan sax aheyn lagu bixiyo mushaar fiican si qofka kamid noqonaya shaqaalaha gobalka Banaadir islamarkaana ay wataan madaxda sare loogu qoro mushaar ka roon midka shaqaalaha kale ee dowladda hoose. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ayaa xalay gacanta ku dhigay sarkaal ka tirsanaa Al-Shabaab oo ku sugnaa degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir. Sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan kuwa amniga ee dowladda ninkaasi ayaa laga soo qabtay guri uu ku sugnaa oo ku yaalla xaafadda Carafaad ee degmadaasi. Ma shaacin saraakiishu magaca ninkaasi, balse waxa ay tilmaameen inuu ka tirsanaa qeybta amniyaatka Al-Shabaab. Sidoo kale waxay intaasi ku dareen in haatan ay ku socdaan baaritaano dheeraad ah, islamarkaana ay faah faahinta dib ka bixin doonaan. Muddooyinkii dambe ciidamada dowladda ayaa howlgallo lagu xaqiijinayo amniga ka waday xaafadaha magaalada Muqdisho. Inta badan dagaalyahannada Al-Shabaab ayaa dilal iyo qaraxyo ka fuliya gudaha Caasimada. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  9. Turkey marked the 948th anniversary of the Battle of Manzikert (Malazgirt) Monday, which still deeply reverberates in the history of Anatolia and the world. Source: Hiiraan Online
  10. Japan hosts development talks with African leaders this week, looking to boost its presence on the continent and offer an alternative to investments by an increasingly assertive China. Source: Hiiraan Online
  11. Magacaabida Guddoomiyaha gobolka Banaadir & Duqa magaalada Muqdisho ayaa ku dhacday si lama filaan ah oo Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo si kedis ah shacabka waxaysan fileyn kaga yaabsaday. Bulshada Soomaaliyeed ayaa filan-waa ay ku noqotay in mid ka mid ah hoggaamiye kooxeedyadii hore uu madaxweynaha usoo xusho hoggaaminta maamulka caasimada dalka ee Muqdisho, inkastoo Cumar Finish lagu tiriyo shaqsiyaadka dhinaca hoggaanka iyo anshaxa dadnimo ku wanaagsan. Dadka aqoonta u leh siyaasadda iyo qeybaha kale ee bulshada ayaa magacaabida Cumar Finish su’aal geliyay, iyagoona u arka mas’uul ka duwan madaxdii horay usoo martay maamulka gobolka Banaadir, daliishana waxay tahay in Cumar Finish yahay shaqsi lagu bartay toosnaanta iyo inuu ka horyimaado in wax loo meeriyo ama lagu maquuniyo, howshiisana jecel in isaga u gaar ahaanaado. Waxay su’aal ka taagan tahay siduu amarka u qaadan doonaa Haddaan dib u milicsano waayihiisii hoggaamiye kooxeednimo ee xiligii sagaashameeyadii ilaa 2002-kii, Cumar Finish waxay soo wada shaqeeyeen Al-Xaaji Muuse Suudi Yalaxow oo uu taliyihiisii ciidamada soo noqday, kahor intii aan dowladdii Mbaghati lagu soo dhisin, waxaa degmada Wadajir oo xiligaasi la oran jiray Makka iyo Madiina ka talinayay Muuse Suudi, waxaana aakhirkii ay u kala qeybsantay labo aag oo ay ka talinayeen Muuse Suudi iyo Cumar Finish. Sababihii ay iskugu dhaceen Muuse Suudi iyo Cumar Finish waxaa qeyb ka aheyd dhinaca awooda iyo maamulka, taasoo uu ka biyo diiday Cumar Finish hoggaamiyihiisii awaamiirtii kasoo baxaysay ee la farayay, isla markaana u cuntami weyday, waxaana ka dhashay awood aan la dhayalsan kareyn oo Cumar Finish lasoo baxay, isagoo taageero ka helay saaxiibadkiisii Cusmaan Caato. Intaas markaan kasoo tagno, Cumar Finish wuxuu soo noqday xildhibaan aan dhicin laga soo bilaabo dowladihii C/llaahi Yuusuf, Shariif iyo Xasan Sheekh, wuxuuna ka mid ahaa mudanayashii baarlamaanka ka dhex muuqday ee qalalaasihii siyaasadeed saameyn ku lahaa, iyadoo la og-yahay in baarlamaankii u danbeeyay ee Xasan Sheekh, waxaana la xasuustaa xiligii uu hub fara badan gudaha baarlamaanka lasoo galay xiligii mushkilada siyaasadeed isagoo taageersanaa Prof. Jawaari. Su’aasha ah siduu amarka u qaadan doonaa, sidii guddoomiyeyaashii ka horeeyay, mise ushii Muuse Suudi ula soo baxay ayaa weli u keydsanoo arrintu waxay noqon doontaa Madaxweyne Farmaajo iyo Kheyre “Abeeso ayey faraqa gashteen. Arrinta kale waxay tahay tolow Cumar Finish, ma madaxdii ka horeysay oo kale ayuu wadadoodii mari doonaa sida lagu bartay, oo ma muujin doonaa maqaamka caasimada u baahan tahay mise marka khilaaf yimaado ee uu bixi rabo ayuu ka dhawaajin doonaa ka hadalka Maqaamka Muqdisho mudan tahay iyo in la duudsiiyay xaquuqdeedii ay laheyd. Kuma deg degi karno, waxaase la eegi doonaa bilaha hore marka uu xilka la wareego, iyo sida madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha ula shaqeyn doono ama u fulin doono rabitaanka siyaasadeed ee ay ka leeyihiin maqaamka Muqdisho. W/Qoray: Cali Muhiyaddiin Cali Email: Muxiyaddiin@hotmail.com AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  12. Turkey is trying to gain greater influence in the Arab world—and it’s winning Saudis over with TV dramas and seaside resorts. Source: Hiiraan Online
  13. On Tuesday August 20, Abdirahman Mahdi Madey, chairman of the Ogaden National Liberation Front (ONLF), gave a press briefing to local journalists in Addis Abeba regarding the party’s stand on federalism, election, as well as the progress of its registration on becoming a political party . Shortly after that, Abdirahman sat down with our editor Tsedale Lemma for an exclusive interview. Source: Hiiraan Online
  14. Linkigan Hoose Riixi si aad u akhrido SSE Warsaxaafadeed Qaran News
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Nuur Ibraahim Muumin oo ah Aabaha dhalay Gabar lagu magacaabijiray Ridwaan Nuur Ibraahim oo lagu dilay degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo, ayaa sheegay in Gabadhiisii uu dilay sarkaal lagu magacaabo Cabaas Ibraahim Gurey, oo ka tirsan saraakiisha ciidamada maamulka jubbaland. Waxa uu sheegay in ciidamo uu wato sarkaalkaas ay dadkii ku noolaay magaalada ay guryahooda kasoo saareen, kadibna ay u qeybiyeen boorar uu ku sawiranaa sawirka Madaxweyne Axmed Madoobe, isagoo dadkii ku amray inay dhigaan banaanbax ay ku taageerayaan Axmed Madoobe oo ka mid ah Madaxweynayaal Khamiistii na dhaaftay lagu doortay magaalada Kismaayo. Dadkii ayuu sheegay inay arintaas u cuntami weysay ila markaana ay iska diideen amarkii sarkaalkaas, iyagoo jeex-jeexay boorarkii loo qeybiyey ee uu ku xardhanaay sawirka Axmed Madoobe. Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in gabadha la dilay ay isla goobtii ka aas-aastay banaanbax kale oo looga soo horjeedo amarka sarkaalka, iyagoo banaanbaxooda ku muujiyay inaysan dooneyn in Jubbaland uu madaxweyne ka noqdo Axmed Madoobe, kaddibna sidaas ay ku toogteen gabadhaas Askartii uu watay sarkaalka ka socday Jubbaland. Aabaha dhalay Ridwaan ayaa sheegay inay Maxkamadda Sare iyo Xeer ilaalinta qaranka, ay u gudbiyeen dacwad ka dhan ah taliyahaas, isagoo sheegay inuu hadda Xamar ku suganyahay, isla markaana uusan tagi Karin degmadiisii Ceelwaaq. Halkaan ka dhageyso Wareysi uu siiyay KNN https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/08/Waewysi-Cabaas-Gurey.mp3Caasimada Online Xaafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  16. Nairobi (Caasimada Online) –Baarayaal Kenyaan ah oo ku sugar magaalada Cape Town ee dalka South Africa si ay ugu gun gaaraan baaritaan ku saabsan dhaqaale lacageed oo gaaraya 2.3 bilyan oo dollar oo loo adeegsaday weerarkii Al-Shabaab ku fulisay hotelka DusitD2 bishii June ee sanadkaan. Weerarkaasi oo geystay khasaare dhimasho gaareysay 26 qof ayaa waxaa fuliyay 5 nin oo Shabaab ka tirsanaa, kuwaasi oo afar ka mid ah la toogtay, midna uu isqarxiyay sida ay sheegtay warbixinta arintaan la xiriirta. Wargeyska The Standard ee kasoo baxa Nairobi ayaa qoray warbixin sirdoon iyo baarayaal ku sugan magaalada Cape Town, kuwaasi oo shaaciyay in dhaqaalaha loo adeegsaday weerarkaasi oo dhan 2.3 Milyan dollar lasoo marsiiyay bangi ku yaal South Africa kana timid ganacsade u dhashay dalkaasi. Kooxda baarayaasha oo ka kooban sarkaal ka tirsan Agaasinka Baarista Dambiyada, Unugga Booliiska la-dagaallanka Argagixisada, sarkaal ka tirsan waaxda sirdoonka dambiyada oo ku xiran shirkadda isgaarsiinta Safaricom iyo xubin xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee Kenya. Baarayaasha ayaa diirada saaray magaalada Cape Town si ay u raadraacaan dadka soo diray lacagta iyo ujeedkooda. Macluumaadka waxaa laga soo qaatay Dowladda Koonfur Afrika, si ay farta u gasho kuwa ka-faa’iideysta ee maalgalinta argagixisada. Ilo-wareedyadu waxay sheegeen in baarayaasha ay doonayaan inay wareystaan ​​qof reer Kenya ah oo ku nool Cape Town oo ay booliisku u aqoonsadeen inuu ka mid yahay dadka lacagta u direy Kenya iyaga oo u maraya bangi maxalli ah. Shaqaale ka tirsan bangiga ayaa hadda wajahaya ku wajahaya makamad ku taal Nairobi dacwado la xiriira argagixisanimo.iyadoo la haayoliiska dhowr qof oo arrintaan lugta la gashay. Caasimada Online Xafiiska Nairobi caasimada@live.com
  17. Qaybtii 1-aad ee maqaalka Puntland ma hooyadii fitnadaa mise wa hooyadii federaalka, waxaan ku soo sheegnay qaar ka mid ah hagardaamoyinka ay madaxdii xilalka ka soo qabtay Puntland ku sameeyeen Soomaaliya, gaar ahaan gobollada Koonfurta Soomaaliya. Siciid Deni isagoo hagardaamoyinkii halkii madaxdii hore uga tageen ka sii wadaya aya wuxuu bilaabay qorshe siyaasadeed oo ah: In dawladda dhexe iyo maamulka Jubaland la iska hor keeno. In Faroole iyo Cumar Cabdirashid loo diro Kismaayo si ay taageero dhaqaale iyo mid siyaasadeedba u siiyaan Axmed Madoobe. Si la isaga hor keeno beelaha dega Muqdisho la qaban-qaabiyo shir looga hadlayo maqaamka Muqdisho kaas oo lagu qabto Garowe. Markan waraystay dad badan oo falanqeeya arrimaha Soomaaliya, waxaa lala yaabay oo jawaab loo waayay sababta Deni uga hadlayo maqaamka Muqdisho oo uusan uga hadli karin una soo dhacsan karin dhulka ballaaran oo ka kooban gobollada Sool, Sanaag, iyo Cayn oo Somaliland ka haysato Puntland. Waxaa la iswaydiiyay sababta uusan uga hadli karin maqaamka Laascanood, iyo maqaamka Tuko-raq oo ciidamada Soomaliland ka qabsadeen Puntland. Markii Deni ay u caddaatay inuusan siyaasad iyo xoog midna ku soo dhacsan karin dhulka ka maqan Puntland ayuu wuxuu bilaabay qorshe cusub oo uu ku marin habaabinayo dadka reer Puntland, kuna kala qaybinayo beelaha Soomaaliyeed ee dega Muqdisho, si fashilkiisa loo illaawo. Maxay tahay ujeedada Deni ka leeyahay maqaamka Muqdisho: Inuu hor istaago oo fashiliyo mashruuca lagu dhisayo dekadda Hobyo si dekadda Bosaaso aysan u suuq dhicin. Inuu iska hor keeno dawladda iyo qaar ka mid ah beelaha Muqdisho deggan si Farmaajo u fashilmo. Inuu isagasii jeediyo cadaadiska siyaasadeed ee u dhexeeya isaga iyo madaxwayne ku-xigeenkiisa. Inuu reer Puntland marin habaabiyo kana mashquuliyo fashilka siyaasadeed iyo can milatari ee maamulkiisu kala kulmay soo celin la’anta dhulka maamulka Somaliland xoogga uga qabsatay Puntland Waxaad kaloo is waydiin leh maxaa madaxda Puntland midba midkuu ka dambeeyo uga waddaniyad liitaa, uga waxqabad liitaa, oo ugu adeegaa shisheeye aan rabin in Soomaaliya yeelato dawlad awoodeedu shaqayso oo ay had iyo jeer u hagardaameeyaan qaranimada iyo midnimada Soomaaliyana? Inta uu Deni ku hoos jiro Faroole, Aaran Jaan laga sugi mayo inuu ka shaqeeyo midnimada iyo dawladnimada Soomaaliya. Soomaalidu waxay ku maah-maahdaa “Nin Calool Wayn Iyo Caqli Kala Tage.” Mar kale aan is waydiino Puntland ma Hooyadii Federaalkaa Mise wa Hooyadii Fitnada ay Soomaaliya ka dhaqaaqi la’dahay oo ka midoobi la’dahay. W/Q: Axmed Bashir bashir1631@gmail.com AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  18. Hargeysa (Caasimada Online) ― Hogaamiyaha Jabhada ‘Dulmi-diid’, Kornayl Saciid Caare ayaa si adag uga jawaab celiyay hadal shalay ka soo yeeray Taliyaha ciidamada Somaliland, Nuux Taani oo uu eedeymo ugu jeedinayey. Kornayl Caare ayaa hadalka Taliye Taani ku tilmaamay mid lagu burinayo wada-hadalkii iyo waan-wantii la waday, isagoona xusay in Jabhadiisu ay dagaal u diyaar garoobayaan. Hogaamiyaha Jabhada ‘Dulmi-diid’, Kornayl Saciid Caare oo arrintaasi ka hadlayana, waxa uu si adag isaga difaacay dilal iyo qas uu ku eedeyay Taliyaha Somaliland, wuxuuna yiri “Hadalkaa [Taliyaha] waxaan u arkaa mid aanay waxba ka jirin, waxaan u arkaa naf weyday jano, markaan ka waramo Nuux Ismaaciil Taani, anigu waxaan ciidamada soo galay 1994, ciidamadii ugu horeeyey ayaan ahaa laba kuliyadood baan ka baxay mid akadamiya iyo mid staff college ah, intaaba ciidamada waan ku dhex-jiray, dagaalkii lagu qaaday Ceel-bardaale, Hubka iyo Rasaastaba waxa laga qaadayey taliska guud baa laga qaadayey ninkii BKM-da dhiibay buu ahaa”. “Nuux Ismaaciil Taani waa ninka qaranka Bur-buriyey ee ciidamada qaranka Burburiyey weeyi, ninka ciidamada qaranka qabaa’ilka ka dhigay weeyi, waxa markhaati ku ah afkiisaa ku ah laba kun oo ciidamada qaranka ah ayaa ka baxay ciidamada Qaranka oo dawladd kale galay oo Puntland galay oo wuxuu ku leeyahay awalba ciidanku lacag bilaash ah ayuu iska qaadan jiray bilaash ah isaga ayaa siin jiray oo ku eegayey”. Wuxuuna intaas kusii daray “Caqliga Saliimka ahi waxa uu ku siinayaa in nin eedaysane ah waa la magacaabaa, anigu dambiile maan ahayn, Gacan ku dhiigle maan ahayn maxkamad ayaa isii daysay waana la imagacaabay, markaa maxay Maxkamadu ii sii daysay” “Arinta dilka waxba kama jiraan dadka Ceel-Afweyn yaalaa waa dadkaygii, waa halkii aan ka dhashay, waligay qof gacan bini’aadam wax uma gaysan, waxa weeyi isagaan ku duulanahay Nuux Ismaaciil Taani, Ceel-Afhayna dagaalka ka socda isaga iyo Ina Kaahin ayaa wada”. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  19. Washington DC (Caasimada Online) – La-taliyihii hore ee ololaha doorashada madaxweyne Donald Trump, Michael Caputo, oo ah xeelad yahan Jamhuuri ah, ayaa sameystay shirkad u ololeysa dalalka shisheeye, waxaan kalyantigiisa koowaad noqday Soomaaliya. Cabuto, oo aad ugu dhow saaxiibna la ah madaxweyne Donald Trump, ayaa matli doona Soomaaliya, isaga oo danaheeda ka gadi doona maamulka madaxweynaha. Waa shaqadii ugu horreysay ee loobinimo ama u ololeeye dal shisheeye oo uu qabto Caputo, oo xisbiga Jamhuuriga Mareykanka aad looga ixtiraamo. Waxa uu matali doonaa safaaradda Soomaaliya ee Washington DC, waxaana inuu shaqadan helo ka caawiyey xiriirka muddada fog kala dhaxeeya madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Xiriirka Caputo iyo Farmaajo ayaa kasoo billaabmay magaalada Buffalo ee gobolka New York, markaasi oo madaxweynaha Soomaaliya uu ka qeyb-gali jiray siyaasadda deegaanka ee xisbiga Jamhuuriga. Caputo ayaa sidoo kale sanado badan oo noloshiisa ka mid ah kusoo qaatay Buffalo. “Sharaf weyn ayey ii tahay inaan shaqadan qabanayo” ayuu yiri Caputi oo ka hadlayey shaqada ay dowladda Soomaaliya u magacowday. “Waxaan dareemayaa inay waajib igu tahay inaan qabto” Caputo ayaa aaminsan in Mareykanka uu wax badan ka caawin kara in xasilooni lagu soo dabaalo Soomaaliya. Waxa uu sheegay in isaga iyo Trump ay isku si u arkaan waxa u wanaagsan Soomaaliya. “Waa wax na caawinaya inuu xiriir wanaagsan la leeyahay maamulka [Trump]” waxaa sidaas yiri safiirka Soomaaliya ee QM Abuukar Daahir Cusmaan, oo uu soo xigtay wargeyska Buffalo News. “Waxaan sidoo kale rumeysannahay inuu nala xalin karo arrimo badan” ayuu yiri safiirka. “Soomaaliya waxay ku jirtaa marxalad kala-guur oo xasaasi ah” ayuu yiri Danjire Abuukar, “Mareykanka waa saaxiib muhiim ah, gaar ahaan dhinaca amniga.” Daniraha ayaa sidoo kale sheegay in dowladdiisa ay raadineyso in gacan laga siiyo sidii looga caafin lahaa daymaha hay’adda lacagta adduunka ee IMF. “Dadka Soomaaliyeed waxay u qalmaan nolol la mid ah taan ku haysanno halkan Mareykanka” ayuu yiri Caputo. Caasimada Online Xafiiska Minneapolis caasimada@live.com
  20. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/08/Bar___-Qumanaha-___-Wararka-26082019.mp3 View the full article
  21. ANKARA - Turkey is becoming a favorite destination for many Somali youth, to pursue higher education in order to realize their dreams. Muhammed Ahmed, who graduated in medicine from Antalya University...... Source: Hiiraan Online
  22. (SLT-Hargeysa)-Prof. Cabdi Cali Falanqayn Ku Sameeyay Saamaynta Hadalkii Taliye Nuux Taani, Halkan hoose ka DAAWO Source