Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,481
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Beledweyne (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegtay inuu isku soo dhiibay agaasimihii hore ee madaxtooyada maamulka HirShabelle, oo lagu magacaabo Xasan Cumar Axmed (Xasan Mahdi). Idaacadda Al-Shabaab ee Andalus ayaa baahisay sawirrada iyo codka Xasan Mahdi, oo dhowr bilood ka hor xilka laga qaaday, kaasi oo ay sheegtay inuu isku dhiibay maamulka Al-Shabaab ee gobolka Hiiraan. Xasan Mahdi ayaa wareysiga uu siiyey idaacadda Andalus ku sheegay inuu muddo saddax bilood ah uu agaasime madaxtooyo horey ugu ahaa madaxweynaha maamulka HirShabelle Maxamed Cabdi Waare. Waxa uu sidoo kale wareysiga ku sheegay in uu isaga baxay siyaasadda uu ugu yeeray “mid ku dhisan shisheeye la shaqeynta ee ay ku dhaqmaan maamullada ka jira Koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya.” Xasan Mahdi ayaa sheegay in Shabaabka aysan soo wicin una sheegin inuu isa soo dhiibo, balse uu isaga doortay inuu waco, la xiriiro, islamarkaana u sheego inuu doonayo inuu “towbad keeno”, sida uu hadalka u dhigay. “Markii cashar diini ah la I siiyey, oo qur’aanka la I tusay, xadiiska la I tusay, ayada oo aan la I dhihin riddo ayaa tahay, aniga ayaa ogaaday inana riddo ahaa” ayuu yiri. Caasimada Online Xafiiska Beledweyne caasimada@live.com
  2. Warar Dublamaasiyadeed oo Warbaahinta Puntlandi.com ay ka heleen ilo wargaleena ayaa sheegay in Dowlada asoomaaliya ay Ciidan dheeraada oo ka baxsan Howlgalka Amisom ay ka [...] Source
  3. A group of 50 Somali women refugees producing traditional handicrafts in the Dadaab refugee camps in northeastern Kenya is becoming self-reliant through the promotion of of Somali culture. Source: Hiiraan Online
  4. Burco(SL-T):- Xadhiga Saxafi Coldoon Oo War Cusub Laga Soo Saaray & Madaxweynahe BIIXI Oo Fariin Loo Diray. Source
  5. Ra’iisul Wasaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo ku sugan Magalada Dhuusamareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud ayaa waxaa Maanta uu kulan gaar ah la qaatay hoggaanka Sare ee Ahlusunna Wal-Jamaaca ee ku biiray Galmudug. Guddoomiyaha guud ee Ahlusuna Macalin Maxamuud iyo Madaxa Xukuumadda Sheekh Shaakir ayaa waxaa ay ku booqdeen Ra’iisul Wasaaraha hoyga uu ka degan yahay Magalada Dhuusamareeb. Ra’iisul wasaare Khayre iyo hogaanka Ahlusuna ayaa kulankaan waxay uga wada hadleen sidii loo dhameyn lahaa khilaafkii yaraa ee soo kala dhex-galay dowladda Federaalka & Ahlusunna iyo sidii loo dhisi lahaa Galmudug loo dhan yahay. Xukuumadda Soomaaliya ayaa bogaadisey dedaalada ay madaxda Ahlusuna ku bixinayaan sidii lagu heli lahaa Galmudug loo midaysan yahay. PUNTLANDPOST The post Maxaa ka soo baxay kulankii dhexmaray Ra’iisul wasaare Khayre & madaxda Ahlusuna. appeared first on Puntland Post.
  6. Hargeysa (Caasimada Online) ― Cabdillaahi Abokor Cismaan, Wasiirka Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland ayaa markii u horeysay shaaca ka qaaday in deegaanadeeda laga wado Mashruuc ay soo saxeexday dowlada federaalka. Wasiirka ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya oo ay wehliyaan dowladaha Jabuuti iyo Itoobiya ay wada saxeexeen mashruuca uu baanka horumarinta Afrika ka fulinayo Somaliland, kaasi oo ah wadada isku xidha magaalooyinka Borama iyo Lowyacado. Wasiir Cabdilaahi Abokor oo arrintaasi ka hadlayana wuxuu yiri “Mashruuca waxa Maalgelinaya Baanka Horumarinta Afrika, Mashruuca Hal-abuurkiisana waxa lahayd Dawladda Somaliland, waxaanu markii uu Madaxweynuhu Jabuuti tagay uu ka codsaday Madaxweynaha Jabuuti in Waddadaa (Boorama iyo Lowyacado) wax lagala qabto”. “Madaxweynaha Jabuuti wuu ka hawl-galay waxaanu Baanka Horumarinta Afrika ka codsaday in Waddadaa loo dhiso, waxa ka wada codsaday Dawladaha Jabuuti iyo Itoobiya, Dawladda Soomaaliyana markii dambe qayb ka noqotay, maaddaama oo aanay Somaliland ka mid ahayn Wasiirrada Maaliyadda Afrika ee saxeexa Mashaariicda” Wuxuuna intaas kusii daray “Innaga Soomaaliya waxay inoola mid tahay Itoobiya ama Jabuuti oo kale, Mashruucaana waxa wada saxeexay Saddexdaa Dal, maaddaama oo aynaan innagu ka mid ahayn Baanka Horumarinta Afrika”. “Mashruucaa shaqadiisana Somaliland baa gacanta ku haysa, laakiin Itoobiya, Jabuuti iyo Soomaaliya ayaa wada saxeexay Mashruucaa, maaddaama oo ay qayb ka yihiin baanka Horumarinta Afrika”. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  7. Madaxweynaha Somaliland Iyo Wefti Uu Hoggaaminayo Oo Maanta U Ambo-Baxay Dalka Jabuuti Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hoggaaminayo ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 03-09-2019 safar shaqo ugu baxay dalka Jamhuuriyadda Jabuuti ee aynu jaarka iyo walaalaha nahay. Safarkan shaqo oo qaadan doona muddo kooban ayaa isla maanta markay gaadhaan dalka Jabuuti weftiga madaxweynuhu waxay si rasmi ah u gudo-geli doonan hawlaha shaqo ee ay dalkaasi u tageen. Ujeedada safarka madaxweynuhu wuxuu daaran yahay xoojinta xidhiidhka qotada dheer iyo iskaashiga horumarka ee ka dhexeeya labada dal ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo Jamhuuriyadda Jabuuti. Waxaana Madaxweynaha Safarka ku wehelinaaya wasiirrada wasaaradaha, arrimaha dibeda iyo iskaashiga caalamiga ah, gashaandhiga iyo xannaanada xoolaha iyo horumarinta kalluumaysiga. Qaran News
  8. (SLT-Iran)-Madaxweynaha Iran, Hassan Rouhani ayaa maanta sheegay in dalkiisu aanu wada-hadallo laba dhinac ah la yeelan doonin Mareykanka. Isaga oo ka hadlayey baarlamanka, ayuu Rouhani sheegay in habka kaliya ee wada-hadallo ay ku dhici karaan ay tahay, haddii Mareykanka uu qaado dhammaan cunaqabateenada ka dhanka ah Iran. Waxa uu sidoo kale shuruud ka dhigay in wada-hadallo kasta oo markaas kadib dhacaa, ay noqdaan kuwa ay ka qeyb-galaan dhammaan saxeexayaasha heshiiskii caalamiga ahaa ee Nukliyeerka Iran laga gaaray 2015. Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa heshiiskaas ka baxay sannadii tagtay kadib markii uu si aad ah u dhalleeceeyey qodobada heshiiska, oo ay ku lug lahaayeen dalalka Britain, China, France, Russia, Germany, iyo Midowga Yurub. Trump ayaa toddobaadkii tagay muujiyey inuu u furan yahay inuu la kulmo Rouhani, isaga oo yidhi “waxaa jira fursad aad u wanaagsan”, oo ay Iran ku wada-hadli karaan. Trump ayaa sheegay in heshiis kasta oo cusub oo la galayo uu noqdo mid dhaafsan barnaamijka Nukliyeerka Iran, islamarkaana lago daro in Tehran ay xaqiijiso inaysan xiisad kale ka abuuri doonin gobolka, ayada oo qaadeysa dhaq-dhaqaaq militari iyo weeraro. Waxa kale oo uu sheegay in heshiis kasta uu noqdo mid mamnuucaya barnaamijka Nukliyeerka Iran wax ka badan 10-kii sano ee ku dhignaa heshiiskii 2015. Source
  9. (SLT-Hargeysa)-Wasaarada waxbarashada Somaliland ayaa soo bandhigtay qaabka goboladu u kala heleen deeq waxbarasho oo Itoobiya siisay. Halkan hoose ka akhriso: Source
  10. Ra’isul Wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa saaka hoyga uu ka deggan yahay magaalada Dhuusamareeb kula kulmay guddoomiyaha guud ee Ahlusuna Macalin Maxamuud iyo wasiirka 1aad ee Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan. Kulanka ayaa ujeedkiisa lagu sheegay sidii looga wada hadli lahaa arrimo ay culimada tabanayaan sida: Hirgelinta heshiiskii ay labada dhinac wada galeen iyo hubinta maqaamka ay Ahlus sunna ku yeelan doonto doorashada cusub ee madaxtinimada kadib. Warar kulanka ku dhow ayaa Goobjoog News u sheegay in labada dhinac isafgareen, isla markaana lagu balamay in kulamada la sii wado, shirka dib u heshiisiinta ay Ahlu sunna ka qaadato kaalin libaax. Ra’isul wasaare Kheyre ayaa isniintii gaaray Dhuusmareeb, waxaa uuna kulankan dhacayaa todobaad kadib markii kooxda Ahlu sunna ay sheegeen inuu burburay heshiiskii ay la galeen dowladda federaalka ah. Arbacada waxaa lagu wadaa in Dhuusamareeb laga furo shirka dib u heshiisiinta Galmudug, kaas oo lagu dhisi-doono maamul loo dhan yahay oo ay yeelato dowlad goboleedkaasi. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  11. Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Somaliland, Muuse Biixi Cabdi iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u ambabaxay dalka Jabuuti. Booqashadan oo aan la shaacin inta ay qaadan doonto ayaa waxa ay salka ku heysaa iskaashiga Somaliland iyo Jamhuuriyadda Jabuuti. Mas’uuliyiin ka tirsan maamulkaasi oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ujeedka socdaalka Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi uu la xariiro xoojinta xiriirka labada dhinac. Xubnaha wafdigan qeybta ka ah ayaa waxaa ka mid ah wasiirada arrimaha dibadda, gaashaandhiga, xanaanada xoolaha iyo horumarinta kaluumeysiga ee Somaliland. Ma’ahan booqashadii ugu horreysay ee Madaxweyne Biixi ku tegayo Jabuuti, isagoo horay ula kulmay Ismaaciil Cumar Geelle. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa caasimada@live.com
  12. (SLT-Hargeysa)-Cali Ismaaciil Carab Oo Ku Magac Dheer Duulduul ayaa shaaciyay in haddii la cafiyo kornayl Siciid Cawil Caarre in isagu uu samaysan doono Jabhad kale, Halkan hoose ka DAAWO Source
  13. (SLT-Hargeysa)-Xafiiska afhayeenka Madaxweynaha Somaliland ayaa war ka soo saaray safar uu Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo wafti uu hoggaaminayo ay saaka ugu baxeen dalka Jabuuti. Warkan ka soo baxay madaxtooyadda oo soo gaadhay xafiiska warqabadka Somalilandtoday ayaa u dhignaa sida tan: WAR-SAXAAFADEED Madaxweynaha Somaliland Iyo Wefti Uu Hoggaaminayo Oo Maanta U Ambo-Baxay Dalka Jabuuti Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hoggaaminayo ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 03-09-2019 safar shaqo ugu baxay dalka Jamhuuriyadda Jabuuti ee aynu jaarka iyo walaalaha nahay. Safarkan shaqo oo qaadan doona muddo kooban ayaa isla maanta markay gaadhaan dalka Jabuuti weftiga madaxweynuhu waxay si rasmi ah u gudo-geli doonan hawlaha shaqo ee ay dalkaasi u tageen. Ujeedada safarka madaxweynuhu wuxuu daaran yahay xoojinta xidhiidhka qotada dheer iyo iskaashiga horumarka ee ka dhexeeya labada dal ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo Jamhuuriyadda Jabuuti. Waxaana Madaxweynaha Safarka ku wehelinaaya wasiirrada wasaaradaha, arrimaha dibeda iyo iskaashiga caalamiga ah, gashaandhiga iyo xannaanada xoolaha iyo horumarinta kalluumaysiga. ALLAA MAHAD LEH Maxamuud Warsame Jaamac Af-hayeenka Madaxweynaha JSL. Halkan hoose ka DAAWO Source
  14. Somalia: Wasiir Loo Haysto Hal Milyan Oo Dollar, Halkan hoose ka DAAWO Source
  15. Dowladda Soomaaliya ayaa 9-ka bishaan aynu kujirno ee Sept waxa uu maxkamadda caddaaladda adduunka ee ICJ horgeyn doonaa dood iyo difaac ku aadan kiiska badda ee Soomaaliya iyo Kenya. Arrintaan ayaa waxaa war ka soo saartay dowladda Kenya oo dalbatay in dhegaysiga kiiska badda ee kala dhexeeya Soomaaliya laga saaro garsoore Cabdiqawi Axmed Yuusuf oo ah madaxweynaha maxkamadda ICJ oo ah nin Soomaali ah. PAF oo ah hayad ay madax ka yihiin dad Kenyan ah una dooda arrimaha geeska iyo Bariga Africa ayaa sheegtay in Kenya ay doonayso in doodahaan laga saaro garsoore Cabdiqawi oo ay ku tuhunsan tahay inuu garab la yahay Soomaaliya. Hayadda PAF ayaa sheegtay in garsoorahaan Soomaaliga ah uusan dhex dhexaad ka ahayn kiiskaan isla markaana ay door bidayaan inay maamulayaan garsoorayaal aan labada dhinac xiriir la lahayn. PUNTLANDPOST The post Kenya oo codsanaysa in dhegaysiga kiiska badda laga reebo garsoore Cabdiqawi. appeared first on Puntland Post.
  16. (SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa saaka u ambabaxaya dalka deriska ee Jamhuuriyadda Jabuuti. Sida la sheegay wuxuu ku tagaya martiqaad rasmi ah laakiin, ma jirto wax faahfaahin ah oo laga helayo safarka waxaanay masuuliyiinta wasaaradda arrimaha dibaddu ka gaabsadeen in ay wax tafaasiil ah bixiyaan. Madaxweyne Biixi ayaa la filaya in ay wehelin doonaan xubno ka mid ah golihiisa wasiirrada maana cadda ujeedada safarkan laakiin, wargeyska Geeska Afrika oo safarka wax ka qoray ayaa tilmaamay in ay arrimaha Geeska ee xilligan qayb ka yihiin wada hadalka Biixi iyo Geelle. Madaxweyne Biixi oo socdaalkiisii labaad ku tagaya Jabuuti ayaa cilaaqaad saaxiibtinimo la leh dhiggiisa madaxweyne Geelle oo sidoo kale xidhiidh fiican la leh madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo iyada oo taas bedelkeeda loo arko in xidhiidhka Farmaajo iyo Biixi yahay kii ugu adka ee Somaliland iyo Somalia. Ma cadda in wada hadalka Biixi iyo Geelle ay qayb ka noqon doontu isu soo dhawaynta Madaxweynaha Soomaaliya iyo madaxweynaha Somaliland oo dagaal siyaasadeed ka dhexeeyo. Source
  17. (SLT-Hargeysa)-Mustafe Habane oo ah soo saaraha barmaamijka dawlad wanaag ee ka baxa telefishanka Horn Cable ayaa ka jawaabay eedaha uga yimid wasiirka horumarinta jidadka iyo gaadiid Mudane Cabdillaahi Abokor oo si kulul uga jawaabay barmaamij lagu qaada dhigay wasaaraddiisa, Halkan hoose ka DAAWO Source
  18. Beledweyne (Caasimada Online) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal u dhexeeyey ciidamada dowladda, kuwa AMISOM oo isku dhinac ah iyo Al-Shabaab oo xalay ka dhacay qeybo ka mid ah degmada Buulo-Burte ee gobolka Hiiraan. Dagaalka oo ahaa mid culus ayaa yimid, ka gadaal markii dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab ay weeraro culus ku qaadeen saldhigyo ciidamada Milatariga Soomaaliya iyo kuwa Jabuuti ay ku leeyihiin duleedka degmadaasi. Qaar ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dadagaalka oo ahaa mid foolka fool ah la’isku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan. Dhinaca kale mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Hiiraan ayaa sheegay in ciidamada huwanta ay iska difaaceen weerar ka yimid dhanka Al-Shabaab. Ma cadda illaa iyo hadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaasi iyo weerarka ka horreeyey intaba. Xaaladda ayaa saaka degan, waxaana goobihii lagu dagaalamay ku sugan ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM, gaar ahaan kuwa Jabuuti ee Hiil-Walaal. Caasimada Online Xafiiska Beledweyne caasimada@live.com
  19. (SLT-Nairobi)-Bishan September 9-keeda dalka Soomaaliya waxaa uu dood iyo difaac la hortagidoonaa Maxkamadda Cadliga adduunka ee ICJ oo ku taalla dalkan Holland, iyadoo lagu wado inay dib uga bilaamato dhegeysiga kiiska Badda ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya. Dowladda Kenya ayaa war ka soo saartay kiiska Badda ee kala dhexeeysa Soomaaliya, iyadoo Codsatay in dhageysiga kiiska Badda laga saaro Garsoore Cabdi Qawi Axmed Yuusuf oo ah Madaxweynaha Maxkamadda ICJ, isla markaana ah Nin Soomaali. Hay’add la magac baxay PAF oo sheegtay inay u doodo arrimaha Geeska iyo Bariga Afrika ayna Madax ka yihiin dad Kenyan ah ayaa xustay in Kenya ay dooneyso in garsoore Cabdi Qawi laga reebo dhegeysiga kiiska Badda ee ka dhexeeya Soomaaliya. Sidoo kale Hay’adda PAF oo uu Guddoomiye uu ka yahay David Matsanga, isla markaana u dhashay Kenya ayaa waxaa uu sheegay Cabdi Qawi aanu si dhex dhexaad ah u geli karin kiiska Badda ee labada dal ayna niyaddiisu la jirto Soomaaliya, sidoo kalena dhowr jeer oo hore fagaare ka sheegay in uu jecel yahay Soomaaliya. Ugu dambeyntii Guddoomiye David Matsanga ayaa dowladda Kenya ugu baaqay in ayna ka qeyb gelin dhegeysiga kiiskan badda ee horyaalla Maxkamadda cadaalada adduunka ee ICJ. Source
  20. Dagaal xooggan oo u dhaxeeyey ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya oo garabsanaya kuwa AMISOM iyo Al-shabaab oo dhinac ah ayaa xalay ka dhacay degmada Buulo-burde ee gobolka Hiiraan, waxaana dagaalkaasi ka dhashay khasaare. Sida wararku ay sheegayaan, Al-shabaab ayaa weerar kusoo qaaday saldhig ay ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM ku leeyihiin degmada Buulo-burde, gaar ahaan duleedka degmadaasi. Dadka deegaanka ayaa sheegay in Labada dhinac ay isku adeegsadeen hub aad u culus, iyadoo aan la ogeyn inta uu la egyahay khasaaraha dagaalka ka dhashay. Saraakiil ka tirsan ciidanka DFS ayaa sheegay iney iska difaaceen Al-shabaab, islamarkaana ay khasaare soo gaarsiiyeen. Xaaladda degmada Buulo-burde ayaa ah mid deggan, iyadoo ciidanka xoogga dalka iyo kuwa AMISOM wadaan dhaq-dhaqaaqyo ciidan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  21. Buulo-Burte (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal xoogan oo xalay ka dhacay qeybo ka mid ah degmada Buulo-burte ee gobolka Hiiraan. Dagaalka ayaa yimid, kadib markii Al-Shabaab ay weerar ku qaaday fariisimo ciidamada dowladda iyo kuwa Jabuuti ay ku leeyihiin degmadaasi. Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in labada dhinac uu dhexmaray dagaalka foolka fool ah, islamarkaana la’isku adeegsaday hunka nuucyadiisa kala duwan. Khasaaro dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay dagaalkaasi, balse lama oga inta uu la’egyahay. Sidoo kale ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay Al-Shabaab iyo maamulka gobolka Hiiraan oo ku aadan weerarkaasi iyo dagaalka xigay. Inta badan Al-Shabaab ayaa weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ku qaada ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ee ku sugan gobolkaasi. View the full article
  22. (SLT-Lubnaan)-Diyaaradaha wax basaasa ee Millatariga Israa’iil ayaa bilaabay inay dul heehaabaan qeybo ka mid ah xadka dhanka koonfureed ee Lubnaan sida ay tabinayaan warbaahinta Lubnaan. Arrintaan ayaa ku soo beegmaysa kadib dagaal maalintii shalay xadka labada dal ku dhaxmaray ciidanka Israa’iil iyo dhaqdhaqaaqa ururka Islaamiga ah ee Xusbullah. Wakaalada wararka Lubnaan oo soo xiganeysa sarkaal ka tirsan dowladda ayaa xaqiijiyay in diyaaradaha wax sawira lagu arkay tuulada Al-jabal ee dhacda degmada Marjiyoon, saacadihii hore ee shalay. Shalay ayey aheyd markii dagaalyahanada Xisbullah ay gantaalaha lagula dagaalamo gawaadhida dabaabaadka ee Tangiga loo yaqaan ku weerareen saldhig ay leeyihiin millatariga Israa’iil. Xusbullah ayaa sheegtay inay kaga jawaabeyso weerarkaan duqeyn laba dagaalyahan lagaga dilay oo todobaadkii hore ka dhacday gudaha Suuriya. Sida laga soo xigtay ururka Xisbullah dagaalkii shalay ayey sheegeen in ay ku gubeen mid ka mid ah taangiyada dagaalka oo ku sugnaa bar ciidan oo ku taal degaanka Avivim ee koonfurta Isreal ayna u badan in dhaawac iyo dhimasho ay ka Dhalatay. Source
  23. (SLT-Pakistan)-Ku xigeenka safiirka Hindiya u qaabilsan Pakistan, ayaa la kulmay Kulbhushan Jadhav, oo ah sargaal hore uga tirsanaa ciidanka Hindiya kaasi oo dowlada Pakistan ku xukuntay dil Toogasho. Arintaan ayaa waxaa xaqiijiyay afhayeenka wasaarada arrimaha dibada Hindiya Raveesh Kumar, waxaana uu sheegay in kulanka uu qaatay muddo laba saacadood ah. Booqashada aan xabsiga ugu tagnay Jadhav maanta waxay la xidhiidhaa amarkii ka soo baxay maxkamadda caalamiga ah ee cadaalada, si aan ula socono xaaladda muwaadinkan hindiga ah ee ku xidhan Pakistan, ayuu yidhi Kumar. Hindiya ayaa dhanka kale sheegtay in maxbuuskan uu u muuqday mid saaran cadaadis kaga imaanaya ciidanka amniga Pakistan. Bishii hore ee Agoosto ayey aheyd markii saraakiisha Hindiya ay ku andacoodeen in Pakistan ay diiday in ay booqdaay Jadhav oo jaajuusnimo loo haysto waxaana ay intaa ku dareen in xukuumada Islamabad ay jabisay heshiiska maxaabiista ee Viana. Kulbhushan Jadhav oo hore uga mid ahaa ciidanka badda Hindiya ayaa bishii march laamaha amniga Pakistan ku xidheen gobolka dhaca dhanka koonfur galbeed ee Balochistan. Dowlada Pakistan ayaa intaa ku dartay in Jadhav uu ku safrayay sharci been abuur ah uu laheyn, kuna howlanaa weeraro Argagixiso. Source
  24. Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimaha guud ee madaxtooyada Soomaaliya, Dr Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade), ayaa xafiiskiisa ku qaabilay guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir, ahna Duqa magaalada Muqdisho, Cumar Maxamuud Maxamed ( Cumar Filish). Kulanka oo ahaa mid gaar ah ayaa waxaa diiradda lagu saaray howlaha horumarineed ee gobolka ka socda iyo kuwa horyaalla, iyada oo xoogga la saaray dardargelinta amniga, arrimaha bulshada iyo dib u dhiska goobaha danta guud. Agaasime Fuursade ayaa u ballan qaaday guddoomiye Filish in Villa Soomaaliya ay gacan muuqata ka geysaneyso dhammaan dedaallada lagu horumarinayo adeegyada asaasiga ah ee Bulshada. “Gobolka Banaadir waxaa ku yaal Caasimadii Ummadda Soomaaliyeed, waana muhiim in dhammaanteen aan iska kaashanno soo celinta heybaddii ay Muqdisho ku laheyd Caasimadaha Dunida”. ayuu yiri agaasimaha madaxtooyada Qaranka. Dhanka kale guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho ayaa ka mahadceliyey soo dhoweynta iyo talooyinka agaasinka madaxtooyada Soomaaliya. Ugu dambeyn wuxuu carabka ku adkeeyay in maamul iyo shacaba ay xoogga saarayaan sidii loo heli lahaa Caasimad qurxoon oo amni ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com