Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,146
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Nairobi (Caasimadda Online) – Wargeyska Daily Nation ee ka soo baxa Dalka Kenya ayaa sheegay in go’aanka dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ku amartay in diyaaradaha tagaya ama ka baxaya Kismaayo maraan Muqdisho ay tahay ujeeddo ka dhan ah dowladda Kenya. Wargeysku waxaa uu sheegay in Magaalada Kismaayo ay joogaan Ciidamo Kenyaan ah sidoo kalena joogaan Magaalada Dhoobley. Dowladda Soomaaliya ayaa todobaadkii hore ku amartay diyaaradaha ka dagaya Kismaayo ama ka duulaya in ay maraan Magaalada Muqdisho si hubin loogu sameeyo. Hayeeshee dowladda Kenya ayaa u aragta in go’aankaasi yahay mid iyada ka dhan ah. kenya waxa ay dadaal xoog leh ugu jirtaa sidii kiiska Badda loogu dhameyn lahaa meel aan maxkmad ahayn. Laakiin Maxkamadda kiiskaas gacanta ku heysa ee ICJ ayaa sheegtay in dhegeysiga wareegga ugu dambeeya uu bilaabanayo 9ka Bishan September kuna egyahay 13ka Bishan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  2. Former Mandera Senator Billow Kerrow has urged the Somali community to stop consumption of miraa (khat). Source: Hiiraan Online
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, Cumar Maxamed Maxamuud Filish oo si rasmi ah ugu shaqo bilaabay Xarunta Dowladda Hoose ee G/Banaadir, ayaa durba wajahaya caqabado xoog leh oo uga imaanaya xiriirka kala dhaxeeya Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyrre. Caasimada Online ayaa ogaatay in Xasan Cali Kheyre iyo Cumar Maxamed Maxamuud Filish, uusan u dhaxeynin heshiis islamarkaana ay ku kala tageen kulamo ay ku yeesheen Madaxtooyada Soomaaliya ka hor xil wareejinta Cumar Filish. Khilaafka oo salka ku haaya Ciidamada maamulaya Aqalka Dowladda Hoose iyo go’aanka amniga Muqdisho, ayaa sababay in labada masuul ay isku fahmi waayaan. Cumar Filish, duqa cusub ayaa dalbaday in xilka laga qaado taliyaha Qaybta Guud ee Booliiska Gobalka Banaadir kadib markii Saadaq John iyo Cumar Filish isku maan dhaafeen Ciidamo uu Cumar Filish keensaday Aqalka Dowladda Hoose. Duqa cusub ayaa sheegay in uusan la shaqayn karin Saadaq John amniga Muqdishana lagala xisaabtami doono Gobalka Banaadir, dhamaan dadkii kala shaqayn lahaa amniga iyo horumarka Gobalka uu la imaanayo Guddoomiyaha, waana arinta sababtay kala tagga labadaan hogaamiye. Xildhibaano iyo Saraakiil sare oo ka tirsan Gobalka Banaadir ayaa Caasimada Online u sheegay in khilaafka la gaarsiiyay Madaxweynaha Soomaaliya islamarkaana hadda la sugayo Madaxweyne Farmaajo. “Aniga iima muuqato wadashaqayn dhaxmari karta Filish iyo Kheyre hadii aan Farmaajo nidaam u sameynin” ayuu yiri Xildhibaan katirsan Golaha Shacabka oo la hadlay Caasimada Online oo naga codsaday in aanan adeegsan magaciisa iyo codkiisa. Khilaafka Filish iyo Kheyre waxay ka muuqatay munaasabadii Xil wareejinta oo la sheegay in loo diiday Golaha Wasiirada iyo in laga tabiyo Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed kadib markii uu amray Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo la kulmay Kheyre. Xaflada oo aan laga tabin Telefishinka Qaranka ayaa maalin kadib Page-ka TV-ga la soo geliyay Khudbadii habeen hore waxaana la sheegayaa in ay aheyd cadaadis ka yimid dhinaca Madaxtooyada Soomaaliya. Si guud magaalada Muqdisho ayaa laga dareemayaa khilaafka u dhaxeeya labada dhinaca waana hadal heynta ugu wayn ee maalmahaan ka taagan Gobalka Banaadir. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  4. Japan's Prime Minister Shinzo Abe and Somalia's President Mohamed Abdullahi Mohamed "Farmaajo" have agreed that the two countries will continue working together in maritime security. Source: Hiiraan Online
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Senator Iftin Xasan Baasto iyo Xildhibaano kale oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa dhex dhexaadin ka bilaabay khilaafka u dhaxeeya Xildhibaan Cabadirashiid Maxamed Xidig iyo Axmed Maxamed Islaam, oo labadooduba sheegtay Madaxweynaha Jubbaland. Ilo-wareedyo xog ogaal ah ayaa Caasimada Online u sheegay in Xubnahaan ay la kulmeen labada masuul islamarkaana lagu jiro gor gortan iyo doodo kulul. Axmed Madoobe ayaa guddiga u balan qaaday in uu bixin doono lacag iyo balan qaad ku saabsan soo laabashada kursiga Xildhibaanimo ee Xidig ee baarlamanka cusub ee Soomaaliya ee la dhisayo 2020.. Cabdirashiid Maxamed Xidig oo 2 jeer kulan lala qaatay ayaa wali go’aan ka gaarin arrimaha loo soo bandhigay waxaase la sheegay in uu yiri “Axmed balan malahan iyo isku haleyn”. Dadka aan la hadalnay oo qaarkood ay ka tirsan yihiin Guddiga ayaa Caasimada Online u sheegay in ay rajo wanaagsan ka qabaan in maalmaha soo socda ay dhammeeyaan Khilaafka Jubbaland ee 3-da Madaxweyne, islamarkaana ay kadib u istaagi doonaan sidii loo dhameyn lahaa kan dowladda iyo Jubbaland. Axmed Maxamed Islaam, oo todobaadkii hore sheegtay inuu mar kale ku guuleestay hogaanka Jubbaland ayaa u muuqda mid ka sii dhaxbaxaya culeesyadii uu wajahayay, isagoo inta badan la heshiiyay xubnihii mucaaradka ku ahaa markii laga reebo kuwii ugu tunka weynaa ee Seeraar, iyo Xidig oo uu hadda wadahadal kula jiro. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya Waqooyiga Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in xalay fiidkii lagu dilay nin dhalinyaro ahaa, ka dib markii ay qaybaha kore ee jirkiisa ka toogteen rag bastoolado ku hubeysnaa. Dilka oo ka dhacay xaafadda Arjantiin ee Degmada Kaaraan, iyadoo ay dilkaasi gaysteen laba nin oo sida la sheegay ku hubeysnaa bastoolado. Raggan oo aan la garanayn cidda ay ka tirsan yihiin ayaa dilka ka dib waxaa u suurtagashay inay goobtaasi ka baxsadaan, lamana garanayo ujeedada ka dambeysa inay ninkaasi dhalinyarada ah dilaan. Marxuumka oo ka mid ahaa dhalinta ku dhaqan xaafadda Arjantiin ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cadaawe Cabdulle Farey. Ciidamada Booliska oo ku baxay halka uu dilku ka dhacay ayaa tagey goobtaasi, xilli ay baxsadeen dembiile-yaasha, lamana soo sheegin cid ay dilkaasi u soo qabteen. Amniga Magaalada Muqdisho ayaa maalmihii la soo dhaafay ka soo reynaayay, waxaana aad u yaraaday dilalka ay ka gaysanayan ragga bastooladaha ku hubeysan, ee sida dhow loola xiriirinayo maleeshiyada Ururka Al Shabaab. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  7. Hordhac/Gogol-Dhig Allaah ayey mahad oo idili u sugnaatay, nabadgalyo iyo naxariisina Nabigeena Muxammad ah korkiisa Alla yeelo. Intaa kabacdi akhristoow; mar hadiiba muhiim eeysan u aheyn Axmed Madoobe in la qabto doorasho xor iyo xalaal ah, taasoo loo wada dhanyahay, dowlada federaalka, iyo beesha caalamkana goob-joog kawada yihiin, si cadaalad iyo hufnaan wax walba ugu dhacaan, ugu dambeyna natiijo ummada wada ogoshahay uga soo baxdo, hade waa su;aale, mala hurayaa foowdo, iyo in Jubbaland yeelato sadex madaxweyne iyo kabadanoo wado khaldan isku wada doortay? Mar hadiiba xaalku noqday in odayaashii dhaqanka, ee soojireenka ahaa, ee ab-ka-ab ahaa, ee ummadu wada taqaannay, uu Axmed Madoobe kawada dhigay, mid Kismaayo uu kasoo masaafuriyey, ama naftooda lasoo baxsadayoo isaga soo cararay, kadibna wiilal yaryaroo cimaamado uu u xiray, ugaasyo cusub ka dhigtay, iyo mid maalin cad lagu khaarijiyey magaalada Kismaayo dhexdeeda, cidii khaarajiseyba sida: Ugaaskii beesha Gaaljecel, iyo Ugaaskii beesha Jareer weyne. Hade waa yaab iyo amakaage, soow fidno iyo foowdo aan dhamaan dalka iyo dadkaba Axmed Madoobe uma horseedin? Doorasho ku-sheeg nuucaa ku dhacdeyse, soow ma aha, marnaba ineeysan aqbalin dowlada federaalka ah, beesha caalamka, iyo ummada Soomaaliyeedba meelkasteey joogaanba? Mar hadiiba odayaal-kusheegyo maqaar-saar ah, Axmed Madoobe urursaday, maadaama kuwii saxda ahaa, intoodii ugu badneyd lawada masaafuriyey,ama naftooda Kismaayo kalasoo baxsadeen, kadibna sida laga wada dharagsan yahay, kuwan maqaar-saarka ah, Axmed Madoobe ku yiri: Sadex qof iikeena, anigaana midka aan u arko, inuu aniga oo kaliya idooranayo kala baxayee, soow **********nimo cad iyo hogaamiye-Kooxeednimo aan geed loogusoo gamban maaha? Doorasho ku-sheeg nuucaa ku dhacdeyse, soow ma aha, marnaba ineeysan aqbalin dowlada federaalka ah, beesha caalamka, iyo ummada Soomaaliyeedba meelkasteey joogaanba? Mar hadii koox Xil-Dhibaano ku-Sheegyo ah Axmed Madoobe iska sameeystay, kuwaasoo dhamaantood wada ah, askartiisii, Xaasaskii qaar askartiisii ka mid ahaa ka dhinteen, wariyeyaasha Tv-ga Jubbaland, iyo shaqaalaha madaxtooyadiisa iyo gurigiisa martida, si isaga oo kaliya eey udoortaan, soow sax ma aha marna inaan la aqbalin natiijada kasoo baxday, foowdadaa cad? Mar haduu Axmed Madoobe sameeystey kuwo lagu sheegay “Malxiisayaal” iska dhiga ineey isaga la tartamayaan, qaarka ugu badanna dib iska casilaeen, inyaroo lajisha filimkaana lagasoo reebay, si isaga uu isku boqro. Sidaana uu Khamiistii “Madaxweyne” isugu boqray, iyadoo foolxumadaa uu sameeyey, aaneey cidiba ka qarsooneeynoo lawada ogyahay.Soow in lawada diido ma aha, si foowdadaa aan kuwa kaloo mustaqbalka ah ugu dhiiran? Mar hadii xaalku sidaa yahay, kuwa kaloo dhan, ee hore u damacsanaa ineey si hufan ula tartamaan, magaranayo waxa u diidaya, ineey iyagana sidaa wada sameeyaan. Illeen foowdo, waxeey dhashaa foowdo kalee. Mas’uuliyadaana soow qaadi mayaan Axmed Madoobaha wadadaa khaldan inuu xukun ku qabsato go’aansaday, iyo waliba intii foowdadaa qayaxan ku dhiiragaliyey, walibana ku taageeray? Talo soojeedin 1-Dowlada Federaalka iyo saaxiibadeena beesha caalamka, waa ineeysan marnaba ka daalin saarida Axmed Madoobe cadaadis joogta ah, si uu wadada saxda ah, dib ugu soo noqdo, ugana soo laabto wadada foowdada iyo is boqrida, taasoo uu u bilaabay siyaasiyiin badan, dhaliseyna ineey is wada boqraan, tiro kaloo wada sheegatay, ineey wada yihiin “Madaxweeynayaasha” maamulka Jubbaland. 2-Dowlada federaalka iyo saaxiibadeena beesha caalamka, waa ineeysan marnaba aqoonsan foowadaa Axmed Madoobe kaligii isku boqray, waana inaan marnaba la aqbalin tanaasul kastoo sharciyad siinaya is boqrida Axmed Madoone, si loowaayo cidkaloo ku dhiirata, ineey sidiisoo kale is boqorto. 3-Madaama Axmed madoobe markii horaba qorsheeynayey, inuu sida uu sameeyeyba ku shubto, kabacdina, xabad iyo xoog cidkastoo la tartameeysey kuwada maquuniyo, waxaa macquul ah, inuu dagaal ku qaado siyaasiyiinta kalee sidiisoo kale is boqray, isagoo hadafkiisu yahay, inuu Kismaayo xoog uga saaro, ama kasoo masaafuriyo, sidaa daraadeed, dowlada federaalka oo kaa shaneeysa beesha caalamka, waa ineey magaciisa u gudbisaa booliska caalamka, ee looyaqaan Interpol, waa hadii dagaal uu karido Kismaayo, dadna ku dhintaane. 4-Dowalda Federaalka iyadoo kaashaneeysa beesha caalamka, waa ineey ka dhiidhisaa, dacwadna ukala gudbisaa: UN, AU, EU, OIC, Al, ….iwm, faragalinta qaawane Kenya dalkeena ku heeyso, kana shaqeeysaa sidii baarlamaanka dalka u meel marin lahaa, mooshin ciidamada Kenya looga saarayo dalka, iyo waliba kasii mid ahaan shahooda ciidamada Amison ee dalka jooga. Gunaanad Malaha marka intaa oo dhan lawada sameeyey, waxa kaliya ee lagu kala duwanaandoono, ama ugu dambeyn lagu kala bixidoono, waa yaa ********, iyo hub badanoo, uwada awood sheegan kara inta kale, hadii dagaal dhacana xabad iyo qori caaradii, yaa waxkasta ku wada maquunin kara, illeen caqli kale majiree. Hadiise dadka qaar isku qancinayaan, in Jubbaland lagu kala adkaaday, ogaada xaalku waa faanoole farikama qodna’e, waxaana kasoo socda, wax aan wanaagsaneyne. Waxaan Allaah karajeeynayaa, inaan dhiig Soomaaliyeed meeshaas ku daadan. Waxaan Allaah karajeeynayaa in Axmed Madoobe iyo inta foowdadaa kudhiiragalineeysa, Allaah garadsiiyo, ineey dib ugu noqdaan nidaamka, iyo sharciga, dibna u garwaaqsadaan, in loo baahan yahay,doorasho xor iyo xalaal ah, ummaduna u wada dhan tahay, dowlada Federaalka iyo beesha caalamkana goobjoog kawada ahaadaan, si markaa natiijada ummada ugu wada qanacdo. Wa Billaahi Toowfiiq. Qoraa: C/Qaadir Maxamed Cismaan (Cabdiboqor) Dhaqaaleyahan, qoraa, iyo falanqeeye siyaasadeed abdulkadirphd@hotmail.com. Minnesota-USA AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  8. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/08/Bar___Qubanaha-31082019.mp3 View the full article
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Caasimada Online ayaa xog dheeri ah ka heshay xariga wasiirka aminiga Jubaland, Cabdirashiid Janan oo maanta ay ciidamada booliska Soomaaliya ka xireen garoonka diyaaradaha Aadan Cadde. Janan ayaa markii la xirayey wuxuu ka yimid magaalada Doolow ee gobolka Gedo, isaga oo ku socday magaalada Addis-Ababa, balse transit ku ahaa Muqdisho. Ilo-wareedyo ka tirsan maamulka Jubaland ayaa Caasimada online u sheegay in Janan ay shalay u yeertay dowladda Itoobiya, si uu u yimaado magaalada Addis-Ababa, isaga oo la sheegay in lagala hadli lahaa arrimo ku saabsan Jubaland. Lama yaqaan waxa ay ahaayeen arrimahaas, hase yeeshee waxaa horey u jirtay in dowladda Itoobiya isku dayday inay isku soo dhoweyso Cabdirashiid Janan iyo dowladda federaalka Soomaaliya si loogu jebiyo Axmed Madoobe, ayada oo Janan oo Muqdisho yimid dabayaaqadii bishii June. Waxaa sidoo kale xusid mudan in Janan uu haysto baasaboorka dalka Itoobiya, sidaas darteed uu farsmo ahaan yahay muwaadin Itoobiyaan ah. Sida aan xogta ku helnay markii Janan Itoobiya u sheegtay inuu yimaado Addis-Ababa, wuxuu ku war-geliyey inaysan jirin diyaarad toos uga soo baxeysa Kismaayo, kadib xayiraaddii ay saartay dowladda federaalka. Waxaa kadib loo sheegay inuu dhulka soo maro, balse wuu diiday. Markaas kadib ayaa Itoobiya ay u sheegtay Janan inuu tago Muqdisho, kadibna kasoo raaco diyaaradda Ethiopian Airlines, taasi oo uu aqbalay balse markii uu yimid ay xiratay dowladda federaalka. Illaa iyo hadda ma cadda in tegista Janan ee Muqdisho ay ahayd shirqool Itoobiya u dhigtay, ayada oo caawineysa dowladda federaalka Soomaaliya si loo xiro, iyo in dowladda federaalka ay dhexda ka qabsatay oo aysan Itoobiya ku shaqo lahayn. Ilo-wareedyo ka tirsan Jubaland ayaa Caasimada Online u sheegay inay taasi kala caddaan doonto maalmaha soo socda, oo haddii ay noqoto in Itoobiya aysan ku lug lahayn xariga, ay ka dhaadhicin doonto dowladda federaalka ah inay kusoo wareejiso Janan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  10. Saacadihii ugu dambeeyey waxaa laysla dhex marayey in diyaarad laga leeyahay oo hub siddey ay ka degtey garoonka diyaaradaha magaalada Qardho ee caasimadda gobolka Karkaar. Haddaba dowladda Puntland ayaa beenisey in ay jirto diyaarad hub ka dejisey garoonka Qardho ayna warkaasi ka dambeeyeen koox been abuurayaal ah. Taliyaha ciidanka garoonka diyaaradaha ee magaalada Qardho Sharma’arke Ismaaciil Mire oo waraysi siiyey idaacadda Garoowe ayaa sheegay inuusan jirin wax hub ah oo Qardho laga dejiyey. Taliyaha ayaa waraysigiisa ku sheegay in diyaaraddu ay ka mid ahayd duulimaadyadii caadig ahaa ee Puntland isla markaana uusan jirin wax hub ah oo Puntland qabatay maga laga soo dejiyey. PUNTLANDPOST The post Maxaa kajira in diyaarad hub sidda ka degtey garoonka Qardho. appeared first on Puntland Post.
  11. Ciidamada ammaanka dowladda federaalka ee Soomaaliya ayaa garoonka diyaarada ee Aadan Cade, waxaa ay ku xireen wasiirka amniga ee dowlad gobaleedka Jubbaland Cabdirashiid Xasan Nuur Janan. Ciidamada ayaa wasiirka xiray xili uu la socday diyaarad ku sii-jeeday magaalada Adis Ababa ee dalka Itoobiya, waxaan jirin wax war ah oo ka soo baxay laama ammaanka ee dowladda fderaalka oo ku aaday xarigga wasiirka amniga ee Jubbaland. Sidoo kale waraka laga helayo Kismaayo ayaa sheegaya golaha wasiirada dowlad goabaleedka Jubbaland ay hadda u fadhiyaan shir degdeg ah, kaas oo looga jawaabayo xariga dowladda federaalka ee Janan. Dhanka kale Xirigga wasiirka ayaa imaanaya aydoo uu jiro khilaaf xoogan oo dhashay doorashadii jubbaland oo u dhaxeeya dowladda dhexe iyo maamulka Jubbaland. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  12. Kismaayo (Caasimada Online) – Dowlad goboleedkada Jubaland ayaa jawaab ka bixisay go’aankii ay dowladda Soomaaliya ku qasabtay diyaaradaha ka tagaya ama imanaya Kismaayo inay soo maraan Muqdisho, iyo kii ay ku sheegtay inay maamul cusub ugu dhiseyso Jubaland. War-saxaafadeed kasoo baxay Jubaland ayey ku sheegtay in aanay go’aamada xukuumadda Soomaaliya wax saameyn ah ku yeelan doonin dowlad goboleedka Jubbaland. “Waxaan caddeeneynaa in go’aanka arrimaha ku saabsan xayiraadda duulimaadyadda iyo isu socodka shacabka Soomaaliyeed ee deegaanada dowlad goboleedka Jubbaland ay xadgudub ku tahay xuquuqda asaasiga ah ee muwaadiniinta Soomaaliyeed ay xaqa u leeyihiin” ayaa lagu yiri qoraalka. Jubaland ayaa ku dhowaaqday inay iska difaaceyso ficillada dowladda Soomaaliya, oo ay sheegtay inay maamulkaas ku beegsaneyso. “Dowlad goboleedka Jubbaland iyo shacabkeeda oo isku duuban waxay difaacayaan xuquuqdooda dastuuriga ah qiima kasta ha ugu kacdee, mana aqbali doonaan in la burburiyo nidaamkooda, amaankooda, horumarkooda iyo midnimadooda. Ayey tiri Jubaland. Jubaland ayaa ugu baaqday baarlamanka Soomaaliya inay wax ka qabtaan go’aanka dowladda Soomaaliya ay xanibaadda dhanka duuliimaad ku saartay magaalada Kismaayo. “Waxaan ka codsanaynaa wakiiladda golaha shacabka ee JFS oo ka wakiil ah shacabka Soomaaliyeed iyo aqalka sare oo ka wakiil ah Dowlad Goboleedyada dalka, golayaashaas oo codka kalsoonida siiyey xukuumadda ku tumanaysa dastuurka iyo shuruucda dalka u yaala, inay gutaan waajibaadkoodda la xisaabtanka xukuumadda xal deg-degana ka gaaraan ku tumashada dastuurka iyo shuruucda dalka u yaala” ayaa lagu yiri qoraalka.
  13. The world order has become more volatile subsequent to the election of Donald Trump as a President of the United States. Since his election he is running a foreign policy that is inconsistent, incoherent and unpredictable. He is hostile to America’s most important alliance Source: Hiiraan Online
  14. Kismaayo-(Caasimada Online) – Waxaa magaalada Kismaayo lagu xiray guddoomiyihii guddigii doorashadii Jubbaland, garabka la mac baxay Isbedel doonka ee Madaxweynaha u doortay Cabdirashiid Xidig. Ninkaan oo laggu magacaabo Bakaal Cabdullaahi Kooke ayaa sidoo kale waxa uu ka tirsanyahay Xildhibaanada garabka is bedel doonka ee uu hoggaamiyo Cabdirashiid Xidig. Galabta ayaa lagu xiray Garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo, xilli uu doonayey inuu u safrro magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya. Ciidamo ka kala tirsan Booliska Jubbaland iyo kuwa Kenya ee nabad ilaalinta u jooga dalka, ayaa la sheegay inay kala dageen diyaaradda xili ay ka kici rabtay Garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo. Bakaal ayaa sida ay xogta ku helayso Caasimada Online waxa uu hadda ku xiranyahay xabsi ku yaalla Garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo oo xarun ku meel gaara u ah maamulka Jubbaland. Xabsiga lagu xiray ayaa waxaa gacanta ku haya ciidamo Booliis ah oo isugu jira Kenyaati iyo kuwa Boolis ah oo ka tirsan maamulka Jubbaland, walina ma jiro wax war ah oo ku aadan xariga masuulkaas oo kasoo baxay gatabka uu ka tirsanaay ee uu hoggaamiyo Xildhibaan Cabdirashiid Xidig oo dhawaan ay u doorteen inuu Madaxweyne ka noqdo Jubbaland. Sidoo kale xariga Kismaayo loogu geystay Guddoomihii guddiga doorashada garabka is bedel doonka Jubbaland ayaa kusoo beegmay saacado yar kaddib markii Garoonka Muqdisho lagu xiray Wasiirka amniga Jubbaland Cabdirashiid Janan oo Transit ku ahaa Aadan-Cadde kuna jeeday magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya. Caasimada Online Xaafiiska Kismaayo Caasimada@live.com
  15. Muqdisho (SMN) – Wasiirka Amniga Jubbaland, Cabdirashiid Janan ayaa laga soo xiray degmada Doolow ee gobolka Gedo. Xariga Mr Janan ayaa lagu waramayaa in ay ka dambeysay markii ay burbureen wada hadalo uu lahaa ciidamo halkaasi ku sugan. Wararka ayaa intaasi ku daraya in markii ciidamada ay keeneen garoonka diyaaradaha Muqdisho ay ku wareejiyeen booliska CID-da. Ma cadda sababta dhabta ah ee ka dambeysay xarigiisa, balse wada hadalada ayaa la sheegayaa in ay qayb ka ahayeen in loo qaado caasimada dalka oo uu diiday. Ma jiro mas’uul ka tirsan dowladda federaalka ah ee Soomaaliya oo ka hadlay sababaha loosoo qabtay wasiir Janan. Balse warbixinada ayaa tibaaxaya in Janan loo haysto dilal la sheegay in ay ka dhaceen qaybo kamid ah gobolada Jubbaland gaar ahaan Jubadda Hoose. Dhinaca kale, wasiirka warfaafinta Jubbaland, Cabdi Xuseen Sheekh Maxamed, oo la hadlay BBC-da ayaa shaki geliyey xaqiiqadda warkan. “Ma caddeyn karo, balse dowladda federaalka wax kasta waa ay ka suurtogeli karaan, laakiin ma xaqiijin karno,” ayuu hadalkiisa ku daray. Sikastaba ha ahaatee, xariga wasiir Janan oo saxiibo dhow la ah Axmed Madoobe ayaa imaanaya xili dowladdu qaadacday waxyaabihii bishaan ka dhacay Kismaayo. View the full article
  16. Muqdisho (SMN) – Kooxo hubeysan ayaa lagu waramayaa in ay dil ka geysteen waaxda Jabuuti ee degmada Kaaran, magaaladda Muqdisho. Falkan khaarijinta ah ayaa waxaa la sheegay in lagu naf-gooyey nin magaciisa lagu soo koobay Cadde Farey. Wararka qaarkood ayaa intaasi ku daraya in marxuumka uu kamid ahaa ciidamada canshuuraha ee dowladda Soomaaliya. Dadka degaanka ayaa u sheegay idaacadda Shabelle in falka ka dib aysan jirin cid ka tirsan laamaha amniga oo goobta yimid. Dilkan ayaa kusoo aadaya iyadda oo nabad-gelyadda magaaladda ay mudooyinkii dambe ahayd mid xasiloon oo aysan ka dhicin wax dil ah. View the full article
  17. Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/08/Warka-habeen-31082019.mp3 View the full article
  18. Xaflad weyn oo galabta ka dhacday magaalada Muqdisho ayaa waxuu Cabdiraxmaan Odowaa ku iclaamiyey murashaxnimadiisa madaxtinnimada Galmudug. Xafladda waxaa goobjoog ka ahaa guddoomiye ku-Xigeenka 1aad ee aqalka sare mudane Abshir Maxamed Axmed, xildhibaanno ka tirsan labada aqal ee baarlamaanka federaalka ah, siyaasiyiin, dhalinyaro, odeyaasha dhaqanka iyo dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada. Guddoomiye Abshir Axmed oo ka mid ahaa dadkii goobta ka hadlay ayaa taageero u miijiyey Odowaa isaga oo intaa raaciyey inuu yahay nin umadda isu keeni kara, isla markaana bogsiin kara, ka shaqeyn kara danta umadeed oo mid ah, loona baahan yahay in la garab istaago. Dhankiisa Cabdiraxmaan Odowaa oo ka hadlay goobta ayaa sheegay inuu wax ka qaban doono arrimo ay ka mid yihiin siyaasadda, amniga iyo dhaqaalaha, waxaa uu Sidoo kale balanqaaday inuu barnaamijkiisa soo gudbin doono maalmaha soo socda, waxuuna uga digay dowladda iney iskudeydo xoog iyo jajuubka rabitaanka reer Galmudug. Gobjoog News Source: goobjoog.com
  19. MOGADISHU (Xinhua) -- Six al-Shabab militants were killed and nine others injured on Friday in a joint offensive by Somali army and Jubbaland state forces, a military official said on Saturday. Source: Hiiraan Online
  20. Muqdisho (Caasimadda Online) – Booliiska Soomaaliya ayaa maanta garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ku xiray wasiirka amniga Jubaland, Cabdirashiid Xasan Nuur Janan, sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u xaqiijiyeen Caasimada Online. Cabdirashiid Janan ayaa waxa uu ka yimid magaalada, waxaana uu ku socday magaalada Addis-Ababa ee dalka Itoobiya, isaga oo Muqdisho ka raaci lahaa diyaaradda Ethiopian Airlines, sida aan xogta ku helnay. Go’aanka dowladda Soomaaliya ee ah in diyaarad kasta oo ka baxeysa ama tageysa Kismaayo ay soo marto Muqdisho ayaa Janan ku qasbay inuu Muqdisho yimaado, maadaama aysan jirin diyaarar toos u aadi karta Addis Ababa oo ka baxaysa Kismaayo, ayada oo ka fulinayo go’aanka dowladda. Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Mudane Maxamuud C/qaadir Hilaal ayaa sheegay in Cabdirashiid Janan loo heysto dambiyo badan oo uu ka galay Reer Gedo sida uu hadalka u dhigay. Wasiir Hilaal ayaa sheegay in Wasiir Janan ay ku raad joogeen Booliska Caalamiga ah( Interpol) iyo Laanta Dambi Baarista Booliska Soomaaliyeed (CID) isla markaasna ay Maanta suurta gashay in gacanta lagu dhigo. Sidoo kale Wasiir Hilaal ayaa bartiisa Facebook soo dhigay warbixino ay horey usoo saartay Kooxda “UN-Monitoring Group” oo Cabdirashiid Janan ku eedeysay inuu geystay xasuuq dad shacab ah. Waxaa jirta dacwado ay horey ugu soo oogtay xeer ilaalinta qaranka oo la xiriirtay maxaabiis afar qof ah oo uu sanaddii 2015 ku dilay Doolow kadib markii uu xabsiga kala baxay, sida lagu eedeeyey. Hase yeeshee maxkamadda gobolka Banaadir ayaa baabi’isay dacwaddaas 30-kii April 2019, kadib markii sida la sheegay ay ka laabatay xeer ilaalinta.