-
Content Count
213,933 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Sawirkani waa Gorgorkii Caruurta ku cunay deegaanka Gaashaamo, oo lagu dilay deegaanka Xalxalis oo uu u gudbay Qaran News
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa shaaciyay in Ciidamada Booliska ay soo qabteen Shabakad ku howlaneed ka Ganacsiga Carruurta taas oo in mudo ah ay ku raadjoogeen Ciidamada Amniga. Taliye ku xigeenka ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Zakiya Xuseen Axmed ayaa barteeda Facebook ku soo daabacday warbixin la xiriirta in howlgallo ciidamada ammaanku ka sameeyeen Muqdisho ay ku soo qabteen kooxdaan isla markaana su’aallo laga weydiinaya shaqadooda. “Ciidanka Boliiska gaar ahaan Hoggaanka Dembi Baarista ee CID ayaa soo qabtay shabakad ka ganacsata caruurta taasoo la daba joogay muddo hal bil waxaana howlgalkaas lagu soo qabtay 11 eedeysanayaal oo 8 ay yihiin haween. Sidoo kale Taliye Zakiya ayaa waxaa ay hadalkeeda intaasi ku dartay in Ciidamadu ay soo badbaadiyeen 11 Carruur ah oo ay Shabakada doonayeen inay iibsadaan,hayeeshee Ciidamada Booliska Soomaaliya ay la sugayaan waalidoontooda si ay ugu wareejiyaan. Qoraal kooban oo ay ku daabacday baraha Bulshada ayey ku xaqiijisay in shabakaddan lagu daba jiray muddo bil ah maantana gacanta lagu dhigay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
(SLT-Hargeysa)-Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadow ayaa suldaan Cadegude ugu baaq in uu madaxweyne Muuse Biixi ka yareeyo mucaaridada xooggan waxaanu soo bandhigay xil ay beeshiisu waydiisay Madaxweyne Biixi markii uu tallada la wareegay, Caaqil Rashiid Jaambiir ayaa ayaa markiiba ka jawaabay baaq Boqor Buurmadow, Halkan hoose ka DAAWO Source
-
Xarardheere (Caasimadda Online) – Guddoomiyaha Al-shabaab ee Gobolka Shabeellaha Dhexe Yuusuf Ciise Kaba ku tukade oo odayaal isku dhiibay Al-Shabaab kula hadlayey Xarardheere ayaa sheegay in Al-Shabaab ay tahay koox gobonimo u dagaalan ah. Yuusuf oo khudbad dheer u jeediyey odayaasha cafiska u doontay Al-Shabaab ayuu uga sheekeeyey taariikhda dagaalka ay AL-Shabaab kula jiraan Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM. Wuxuu Odayaasha u sheegay in Ciidamada Al-Shabaab ay leeyihiin awood ay isaga difaaci karaan ciidamo kasta oo la keeno Soomaaliya. Guddoomiye Yuusuf ayaa sheegay in cunug uu dhalay uu ka dagaalamay dalka Kenya uuna kamid yahay Al-Shabaab, wuxuuna xusay inaan loo baahneyn Ciidan balse ay ku filan tahay ilmaha ay dhaleen. Wuxuu xusay in mid kasta oo Shabaab kamid ah oo qubo afar xaas ayna ilmo dhallaan Galab iyo Subax sida dooradii oo kale. Ugu dambeyntii wuxuu sheegay inaysan wax dhib ah u arkin waxyaabaha lagu sheego sida Wahaabiyada oo kale, isagoo sheegay in qof kasta oo Muslim ah laga sheego wax qaldan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Baydhabo (SMN) – Wafdi ka socda dowladda Jarmalka ayaa maanta gaaraya magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay, halkaasi oo ay ku soo dhaweeyeen mas’uuliyiinta dowlada goboleedka Koonfur Galbeed. Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa Xafiiskisa ku Qaabilay Wafdigaasi oo ka socday safaaradda Jarmalka ee Soomaaliya,iyagoo ka wada hadlay arrimo dhowr ah. Wafdigaasi waxaa hoggaminaysay danjiraah dowladda Jarmalka ee Soomaaliya Annett Günther iyo ku Xigeenkiisa Markus, kuwaasi oo haatan kulamo la leh madaxda dowlada goboleedka Koonfur Galbeed View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Dhageysteyaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbin doonaa warka Duhur ee idaacadda Shabelle. Hoos ka dhageyso warka https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/09/Warka-Duhur-12092019.mp3 View the full article
-
(SLT- Israel)-Diyaaradaha dagaalka Israa’iil ayaa duqeeyey bartilmaameedyo ay kooxda Xamas ku leedahay Marinka Gaza, ayaga oo ka aargudanaya gantaal ay soo tuurtay kooxdaas, waxaa sidaas bayaan ay soo saareen ku sheegay millatariga Israa’iil. “Gantaallo ayaa Gaza looga soo tuuray dhulka Israa’iil” ayaa lagu yidhi bayaanka oo aan bixin wax faah-faahin ah oo intaas dheer. “Si looga jawaabo diyaaradaha dagaalka ciidamada difaaca Israa’iil waxay weerareen dhowr goobood oo militariga Xamas ay ku leeyihiin waqooyiga Marinka Gaza,” ayuu bayaanka intaas kusii daray. Wakaaladda wararka Falastiin ee WAFA ayaa werisay in diyaaradaha Israa’iil ay habeenkii arbacada soo tuureen ugu yaraan sagaal gantaal oo ku dhacay goobo maran oo ku yaalla xaafadda al-Shajaiyeh ee bariga Gaza. Lama sheegin cid ku dhaawacantay gantaallada ay is-weydaarsadeen labada dhinac. Gantaalladii ugu dambeeyey ee arbacadii ayaa yimid maalin kadib markii gantaallo laga soo tuuray dhulka Falastiin ay ku dhaceen magaalada Ashdod ee Israa’iil, kuwaas oo qasbay in ra’iisul wasaare Benjamin Netanyahu uu ka cararo masrax uu ka waday olole doorasho. Source
-
SAFIIR BAASHE WAA SAFIIRKII UGU WACNAA EE SAFAARAD DIBADEED MADAX INOOGA NOQDA: Halkan waxaan idkunkula wadaagaya waxyaabo kamid ah guulahii u qabsoomay intuu uu joogay Safaarada Kenya. Bashe waa Safiirka ugu shaqada wacnaa ee soo mara xafiisyada dibadeed ee dalka. Hore waxa uu ahaa hormuudkii guushii waynayd ee lagu keenay Mashruuc maalgalin ah oo ugu qiimaha waynaa uguna mudnaa ee Somaliland hesho intii ay Jirtay. Dedaalka uu ugu jiro in la helo maalgashadayaal shisheeye oo saaxib dhaw la noqdo dalkeena Somaliland yaa ah Qorshaha ugu wayn ee ku hawlan Yahay habeen Iyo Maalinba Amb Bashe. Guulaha Waa wayn ee baashe ka gaadhay xidhiidhka Somaliland iyo Kenya Yaa kala ah 1 inuu hagaajiyay xidhiidhka Somaliland Iyo Kenya oo ahaa markii loo magacaabay Wagash Wagash. 2 : Inuu Kor usoo qaaday Rajada Somaliland ka leedahay Ictiraafka Ee Wadamada Bariga Africa (East Africa)iyo Beesha Caalamkaba. 3: Inuu Kulamo Muhiim ah la qaatay Madaxda ugu saraysa Dalka Kenya. Sida Gudoomiye Aqlabiyada Ee Baarlamanka, ADAN DUCAALE.. Governka magalada Daarasalaam iyo Wasiiro ka tirsan golaha Xukuumada Kenya, uu ugu Danbeeyay WASIIRKA MACDANTA IYO TAMARTA, ee dalka Kenya 4 waxa kale uu kulamo Fool ka fool ah la qaatay . Dhamaan Madaxda kala duwan ee Jooga Safaaradaha Dalalka Caalamku ku Leeyihiin Dalka Kenya. Iyo Kuwa Bariga Afrikaba. Waxa uu kulano goos goos oo kala xiliyo iyo xaalada duwan la qaatay madaxda Xafiiska Dalalka aduunku ku Leeyihiin Wadanka Kenya. Oo ah Gateway laga soo galo africa Ama Bariga africaba French Commercial attache At Frence Embassy Nairobi And French Ambassador Of Kenya :Mr’s Aline Kuster-manager . Austarin Ambassador Of Kenya :Kristian Fellner Switzerland Ambassador Of East Africa :Dr Ralf Heckner Dr Maxamed Ali Guyo Especial Envoy For Horn Africa Finland’s Ambassador Kenya and Somalia :H:E Erik Lundberg. Ambassador. (Eng) Mahboub M. Moalim and Denmark, Sweden, Germany, Uk Ambassadors. Ayaa Kulan muhiim kula qaatay xafiisyadooda ay ku Leeyihiin Dalka Kenya. Adam Spirre and Signe Fischer Smidt oo ah madax Sare oo katirsan safaaradaa. Kenya National Cooperation Trade Managing Director Ayuu isna Kulan muhiim ah la qaatay inta uu xafiiska Nairobi joogay. Intii uu baashe joogay Safaarada kenya waxa Somaliland ka ambabaxay Wafti kala duwan oo maqaankoodu sareeyo kuwaas oo si balaadhan loogu soi dhaweeyay dalka Kenya. Iyagoo shaqooyin muhiim ahna kasoo qabtay halkaa. Waftiyadaa ka mid ahaa. Wasiirka Arimaha Dibada Somaliland Yasin M Xiir Faratoon. Maareeyaha Haayada Duulista iyo Madaarada Somaliland. Md Rodol Wasiirka Arimaha Gudaha iyo wafti balaadhan oo xisbiyada Somaliland ka socday. Kulamadaas oo dhan waxa soo Dhiraandhiriyay kana soo shaqeeyay Ambassador Bashe Cawil. Waxaana Biyo kama dhibcaan ah inuu kor usoo qaaday Shaqada Safaarada Somaliland ee dalkaas. Waxa kale oo abaabul wayn ku sameeyay Jaaliyada Reer Somaliland ee dalka Kenya. W/Q Maxamuud Xalane Daahir Gmail :Maxamuudxalane7@gmail.com WED 12:51 Source
-
Away from expanding the port into a major shipping hub, the Berbera corridor project will also build a network of roads to connect the port and neighboring Ethiopia, Somaliland’s main trading partner. As Ronald Kato reports, Berbera has also boosted Somaliland’s political profile, as it seeks international recognition Africanews Qaran News
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxda ugu sarreeyo dalka ayaa lagu eedeeyey inay wadaan qorsho culus oo ay waqti kororsi ku sameenayaan. Maxamed Xasan Idiris oo kamid ah XIldhibaanada Baarlamaajka Soomaaliya ayaa sheegay inuu jiro guuxa ku aadan inuu Baarlamaanka Soomaaliya qorsheenayo in la sameeyo waqti 2 illaa 3 sano ah. Sidoo kale wuxuu sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi isna loo kordhin doono waqtiga weliba iyadoo aan la shaacin. Xildhibaanka ayaa tilmaamay in qorshahaan uu wado Guddiga kumeel gaarka ah ee diyaarinta Sharciga doorashoyiinka ayna diyaariyeen dhowr Ajande oo ay marmarsiiyo ka dhiganayaan si loo sameeyo waqti kororsi 2-3 sano ah. Xildhibaanka ayaa sheegay in sababta loo cuskan doono muddo kordhinta ay tahay in duruufo amni ay jirto taas oo aan suuragal ka dhigi karin doorashadii la filayay inay dalka ka dhacdo,taasina ay noqoneyso meel ka dhac loo geystay Shacabka Soomaaliyeed,isla markaana aysan fulin sababihii loo doortay. Madaxda ugu sareysa Dowladda federaalka Soomaaliya ayuu sheegay inay wadaan qorshahaas mudo kororsiga ah,waxaana uu ka digay in dalka Soomaaliya uu xilligaan ka dhaco dagaalo Sokeeye. Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa goor hore sheegay inuusan waqti ku darsan doonin isla markaasna uu doorashada qaban doono waqtigeeda. Lama ogo sida ay ku suurtageli karto inay Dowladda Soomaaliya waqti kordhin sameysato maadaama taas horey looga diiday madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud. Halkaan hoose ka dhageyso hadalka Xildhibaanka https://radiorisaala.com/wp-content/uploads/2019/09/Wareysi-Xildhibaan-Idiris.mp3 Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Muqdisho (SMN) – Maxkamadda darajada Koobaad ee Ciidamada Qalabka sida ayaa ku dhowaaqday go’aanka dacwad ciqaabeed loo haystay xubno lagu soo eedeeyay Al-Shabaab. Maxkamadda ayaa sheegtay in eedeysane Xasan Cali Macalin Barre , uu Al-Shabaab u qaabbilsanaa dhisgista Gawaarida qaraxyada sida goobaha ay Shacabku ku badan yihiin. Waxaanay sheegtay Maxkamddu in 26/11/2018, uu Suuqa Kaawo Godey ee Degmada Wadajir dhigay Gaari Noociisu ahaa FILDER , kaas oo qarxii uu sameeyayna ay ku geeriyoodeen 12 Qof, kuna dhaawacmeen 7 kale. Sayid Cali Aadan Nuur (Istiin Boy), oo isna Al-Shabaab u qaabbilsanaa soo galinta Magaalada Muqdisho Gawaarida sida walxaha qarxa iyo farsamayntooda. Halka Muxudiin Max’ed Axmed Khaliif (C Jey), isaguna lagu soo eedeeyay in uu ka tirsanaa Kooxda Al-Shabaab iyo in uu hay’adaha baarista u sheegtay Magac been ah. Maxkamadda CQS ayaa ugu dambayn Maanta oo ah Khamiis 12/9/2019-ka Xasan Cali Macalin Barre (XasanBoy) ku xukuntay dil toogasho ah, iyadoo Sayid Cali Aadan Nuur (Istiin Boy) ku xukuntay Xabsi daa’in, halka Muxudiin Max’ed Axmed Khaliif (C Jey) ay ammartay in la sii daayo. Waxayna Maxkamaddu sheegtay in Ciddii aan ku qanacsanayn xukunka ay u furan tahay in uu ka qaato Racfaan. View the full article
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Maxkamadda darajada Koobaad ee Ciidamada Qalabka sida ayaa ku dhowaaqday go’aanka dacwad ciqaabeed loo haystay xubno lagu soo eedeeyay Al-Shabaab. Maxkamadda ayaa sheegtay in eedeysane Xasan Cali Macalin Barre , uu Al-Shabaab u qaabbilsanaa dhisgista Gawaarida qaraxyada sida goobaha ay Shacabku ku badan yihiin. Waxaanay sheegtay Maxkamddu in 26/11/2018, uu Suuqa Kaawo Godey ee Degmada Wadajir dhigay Gaari Noociisu ahaa FILDER , kaas oo qarxii uu sameeyayna ay ku geeriyoodeen 12 Qof, kuna dhaawacmeen 7 kale. Sayid Cali Aadan Nuur (Istiin Boy), oo isna Al-Shabaab u qaabbilsanaa soo galinta Magaalada Muqdisho Gawaarida sida walxaha qarxa iyo farsamayntooda. Halka Muxudiin Max’ed Axmed Khaliif (C Jey), isaguna lagu soo eedeeyay in uu ka tirsanaa Kooxda Al-Shabaab iyo in uu hay’adaha baarista u sheegtay Magac been ah. Maxkamadda CQS ayaa ugu dambayn Maanta oo ah Khamiis 12/9/2019-ka Xasan Cali Macalin Barre (XasanBoy) ku xukuntay dil toogasho ah, iyadoo Sayid Cali Aadan Nuur (Istiin Boy) ku xukuntay Xabsi daa’in, halka Muxudiin Max’ed Axmed Khaliif (C Jey) ay ammartay in la sii daayo. Waxayna Maxkamaddu sheegtay in Ciddii aan ku qanacsanayn xukunka ay u furan tahay in uu ka qaato Racfaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Maxkamada Darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa Maanta oo Khamiis ah waxaa ay xukuno kala duwan ku riday rag loo heysto qarax dad badan ay ku dhinteen oo dabayaaqadii sanadkii 2018 ka dhacay Suuqa Kaawo-Godey Maxkamada Ciidamada ayaa xukun dil ah waxaa ay ku riday Xasan Cali Barre, halka Sayid Cali Aadan Nuur lagu xukumay Xabsi Daa’in iyadoona ugu dambayn maxkamaddu ay siideysay Muxudiin Maxamed Axmed oo lagu waayay dambigaas. Guddoomiyaha Maxamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa warbaahinta u akhriyey xukunka ay maxkamaddu ridey oo rafcaan ka furan yahay. DAAWO PUNTLANDPOST The post Maxkamadda ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya oo xukuno riddey. appeared first on Puntland Post.
-
Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Filish ayaa waxaa uu magacaabay guddi ka kooban 7 xubin, oo ka shaqeyn doono dib-u-furista waddooyinka xiran ee caasimadda Muqdisho. Guddigaan waxaa guddoomiye u ah guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasada gobolka Banaadir Maxamed Tulux. Guddoomiye Cumar Filish ayaa munaasabadii uu xilkiisa kula wareegayay waxaa uu ku balanqaaday inuu furayo waddooyinka Xamar Source: goobjoog.com
-
Falanqayn: Xaggee Somaliland Ku Bixisa Lacagta Ugu Badan?, Halkan hoose ka DAAWO Source
-
Madaxweynaha Iran Xasan Rouhani ayaa sheegay in Maraykanka laga doonayo inuu iska fogeeyo xubnaha dagaalka u ololeeya, hadalkan oo uu ku soo beegay kadib markii la casilay Lataliyihii Amniga Madaxweynaha Maraykanka John Bolton. Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu Lataliyihiisa Amniga John Bolton uu shaqada ka eryey kadib markii ay isku afgaran waayeen arrimo badan oo xasaasi ah oo ay kamid yihiin wadahadaladii lagula jiray Dowlada Kuuriya Waqooyi. Bolton ayaa isagu bartiisa Twitterka ku qoray in aan la casilin balse uu isagu Isniintii lasoo dhaafay istiqaaladiisa u geeyey Madaxweynaha Maraykanka. John Bolton oo horey ulla soo shaqeeyey xukuumada George W Bush ayaa kamid ahaa xubnihii u ololeeyey dagaalkii Ciraaq, isla markaana aad u taageera Israel iyo farogelinta Militari ee Maraykanka ee caalamka, wuxuuna muddooyinkii danbe olole xoogan ugu jiray cadaadiska lagu hayo dowlada Iran. Xog laga helayo Aqalka Cad ayaa sheegaya in marka laga yimaado khilaafka Madaxweynaha in John Bolton ay sidoo kale isku dhaceen xubno awood badan kuleh Madaxtooyada Maraykanka sida, Caruurta uu dhalay Trump, Xaaska Trump iyo waliba Xoghayaha Arrimaha Dibada Mike Pompeo. Madaxweynaha Iran ayaa sheegay in dowlada Maraykanka danteeda ay ku jirto inay iska fogeyso xubnaha dagaalka u ololeeya, wuxuu sidoo kale sheegay in Maraykanka uu meesha ka saaro cunaqabateynta iyo weerarka dhaqaale oo uu ku hayo wadanka Iran. Rouhani ayaa sheegay in cadaadiskii Maraykanka ku hayey Iran uu yahay mid fashilay, isla markaana aysan wax kulan fool ka fool ah la yeelan doonin Maraykanka, illaa la qaadayo cunaqabateynta. Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa la sheegay inuu diyaar u yahay inuu la kulmo Madaxweynaha Iran Xasan Rouhani inta uu socdo shirweynaha Qaramada Midoobay oo ay kawada qeyb geli doonaan, balse hadalka kasoo baxay Madaxweyne Rouhani ayaa u muuqda mid ay Iran ku xoojineyso gorgortanka ay kula jirto Washington. Source
-
Nairobi (Caasimadda Online) – Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa ka hor imaaday qorshaha la doonayo in Ciidamada AMISOM looga saaro dalka Soomaaliya. Kenyatta ayaa sheegay in Ciidamada Kenya aysan marnaba ka bixi doonin dalka Soomaaliya inta ay Al-Shabaab jirto isagoo sheegay inay AL-Shabaab halis weyn ku tahay guud ahaan dalalka Africa. Wuxuu tilmaamay inay Ciidamada Kenya baaqi kusii ahaan doonaan gudaha Soomaaliya inta ay iska dhiibayaan Al-Shabaab sida uu hadalka u dhigay, Uhuru ayaa sheegay in CIidamada Kenya ay kamid yihiin howgalka AMISOM ayna ku shaqeenayaan amarka iyo qorshaha u dajisan howlgalka AMISOM oo ujeedkiisu yahay sidii Al-Shabaab loo ciribtiri lahaa. Dowladda Kenya ayaa dhawaan Qaramada Midoobay u gudbisay Qaraar ka dhan ah Al-Shabaab kaasoo ah qodobka 1267 oo sheegayo in meelaha ay Al-Shabaab ku sugan yihiin laga fuliyo duqeymo aan kala sooc laheyn iyo inaan wax gargaar bini’aadanimo la gaarsiin Karin. Qaramada Midoobay ayaa qaraarkaas ka hor timid waxayna sheegtay inaan la joogin waqti Al-Shabaab la geliyo qodobka 1267, waxaana arrintaas si weyn uga hor imaaday hey’adaha Gargaarka ee Qaramada Midoobay. Dowladda Soomaaliya ayaa horey Dowladda Kenya ugu eedeysay inay qeyb ka tahay dhaqaalaha ay helaan Al-Shabaab, waxayna codsatay in intii la ansixin lahaa qodobka 1267 lagu amro Kenya inay joojiso dhoofinta Dhuxusha oo la aaminsan yahay inay dhaqaale badan ka helaan Al-Shabaab. Hadalka kasoo yeeray madaxweynaha Kenya ayaa kusoo aadayo xilli ay meel xasaasi ah mareyso dacwadda Badda ee Soomaaliya iyo Kenya taasoo dib loo dhigay muddo Laba bilood ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
(SLT-London)-Baarlamaanka UK ayaa ku guulleystay inay ku khasbaan Xukuumadda Boris Johnson inay shaaciso xogta iyo daraasada xukuumadda Ingiriiska ku sameysay waxa dhici kara haddii wadanka UK iskaga baxo Midowga Yurub iyadoo aan wax heshiis ah lala gelin dalalka EU-da. Britain’s Prime Minister Boris Johnson gestures during a press conference on the steps of the Government buildings in Dublin on September 9, 2019. – Irish Prime Minister Leo Varadkar said on Monday that the European Union had not received from Britain any alternatives to the so-called backstop provision in the Brexit divorce deal. (Photo by Lorraine O’SULLIVAN / AFP) (Photo credit should read LORRAINE O’SULLIVAN/AFP/Getty Images) Daraasadan ay xukuumadda ka qarineysay shacabka ayaa waxaa kamid ah in marka wadankaasi ka baxo EU-da ay dhici karto in sicir-barar ku yimaado raashinka daruuriga ah iyo waliba daawooyinka, isla markaana khal khal weyn geli doono suuqa wadankaasi oo ku xidhan suuqweynaha dalalka Midowga Yurub. Shacabka iyo Ganacsatada UK diyaar uma aha inay u babac.dhigaan caqabadaha ka iman kara Brexit ayaa lagu yidhi Daraasadan loogu magacdaray “”Operation Yellowhammer”. Raysalwasaare Boris Johnson ayaa isagu diidanaa in xogta la shaaciyo balse ku khasbanaaday inay daraasadan shaaciyaan kadib markii Baarlamaanka UK uu todobaadkan kalfadhigoodii ugu danbeeyey ay ku ansixiyeen sharci ku khasbaya Boris Johnson iyo Wasiiradiisa inay xogtan shacabka la wadaagaan. Shacabka ayaa walaac weyn ka muujinaya xiisada ka taagan Brexit iyadoo horey ay u jirtay cabsi ah in hoos u dhac dhaqaale dalkaasi soo wajahdo hadii ay ka baxaan Midowga Yurub. Source
-
(SLT-Washington)-Maxkamadda ugu sarraysa dalka Maraykanka ayaa maamulka Trump u ogolaatay qorsheyaasha aadka u xadidaya in dadka soo galootiga ah ay magangalyo dalbadaan. Sharcigan ayaa dhigaya in dadka ka imaanaya dal saddexaaad ay magangalyo halkaas waydiistaan ka hor inta ayna Maraykanka imaan. Waxaa jira dadaallo dhanka sharciga ah oo lagu diidan yahay qorshahan balse xukunkan ayaa ka dhigan in dalka oo dhan laga hirgalin karo hadda. Madaxweyne Trump ayaa Twitter-ka ku soo qoray arrintaasi waa “Guul wayn oo maxkamadda ugu sarraysa Maraykanka ay ka soo hoysay arrimaha xuduudaha iyo soogalootiga”. Source
-
Waxaa maalmahan magaalada Xudur ku sugan ra’isul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, booqashada uu halkaasi ku tagay waxaa qeyb ka ah maareynta ilaa 800 oo isugu jira maleeshiyaadka ka amar qaata wadaadka Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur, qaar kale oo Koonfur galbeed iyo SNA. Wadahadal dheer kadib, xog ay heshay Goobjoog News waxaa ku cad in maleeshiayad Roobow ogolaadeen in la qarameeyo, kana mid noqdaan xoogga dalka, waxaa sidoo kale la isla qaatay in loo kala saaro ilaa saddex qeybood, qeyb Booliiska gaarka ah, Nabadsugidda iyo SNA. Soojedintan uu lahaa madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur galbeed Mudane Cabdi Casis Laftagareen ayaa la ogeyn sida ay u yeeli-doonaan maleeshiyada, oo marka hore shuruuro la yimid. Ciidamada Mukhtaar Roobow waxay dalbadeen inta aan la qarameyn in loo geeyo gaadiidka dagaalka, hub, zaanad kala duwan iyo in mushaar joogta ah loo qoro, waxaana wararku sheegayaan in ay u badantahay in dalabkaasi la fulindoonno. Ciidamadan Wadaadka Mukhtaar Roobow tiro ahaan lama xaaiijin, waxaa ay kala joogeen Xudur, Tiyeegloe, Rabdhuure Sheekh Mukhtaar Roobow waxaa uu tan iyo December sanadkii tagay u xiranyahay dowladda federaalka ah, soo qabashadiisa oo Baydhabo ka dhacday waxaa ku dhimatay in ka badan 15 qof. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Addis Ababa)-Colonel Tesfaye Ayelew oo ka tirsan ciidamada Itoobiya ayaa sheegay in xubno ka tirsan Ururka Daacish lagu qabtay gudaha dalka Itoobiya, ragaan ayaa lagu soo qabtay hawlgalo ay ciidamadu sameeyeen, Xubnahan ayaa u kala dhashay dalalka Suuriya, Yemen iyo Itoobiya balse ma sheegin tirada xubnahaas ee ka tirsanaa ururka Daacish. Daacisha ayaa dhawaan lagaga adkaaday furimo ay ku lahaayeen gudaha dalka Suuriya, sidoo kale waxaa ay fadhiyo ku leeyihiin gudaha Soomaaliya iyadoo dhawr jeer oo hore ay ciidamada maraykanku duqeeyeen. Source
-
(SLT-Ankara)-Wargeys laga leeyahay dalka Turkiga ayaa daabacay macluumaad cusub oo ku saabsan cod la duubay, kaasoo uu wargeysku sheegay inuu diiwaan galiyay xaaladihii ugu dambeeyay ee uu waajahay wariyihii la dilay ee u dhashay dalka Sacuudiga, Jamaal Khaashuqji. Jamaal oo ahaa nin ku caan baxay cambaareynta dowladda ayaa bishii Oktober ee sanadkii hore lagu dilay qunsuliyadda uu Sacuudiga ku leeyahay magaalada Istambul ee dalka Turkiga. Wargeyskan lagu magacaabo Sabah, oo taabacsan xukuumadda Ankara ayaa sheegay in qoraalka uu shalay daabacay laga sameeyay codka lagu duubay gudaha, ka dibna ay gacanta ku dhigeen sirdoonka Turkiga. Waxaa sida la sheegay ku jira xog xasaasi ah, sida erayadii ugu dambeeyay ee uu ku dhawaaqay wariyaha. Khaashuqji ayaa maqaallo u diyaarin jiray wargeyska Washington Post waxaana uu saldhiggiisu ahaa dalka Mareykanka, ka hor inta aan la waayin. Markii ugu dambeysay ee la arkay wuxuu galay qunsuliyadda Sacuudiga ee magaalada Istanbul, 2-dii bishii Oktober ee sanadkii 2018-kii. Wuxuu markaas doonayay inuu halkaas kasoo qaato warqado sharci ah oo uu ugu baahnaa inuu ku guursado haweeneyda u doonaneyd. Dhimashadiisa aan xogta saxda ah laga helin ayaa caro badan usoo jiidday boqortooyada Sacuudi Carabiya, taasoo kasoo saartay warar is khilaafsan oo ku saabsan halka uu ku dambeeyay. Mas’uuliyiinta Sacuudiga ayaa ugu dambeyn dilkii Jamaal ku qeexay howlgal “aan cidna looga amar qaadanin” waxayna dacwad kusoo oogeen 11 nin. Muxuu yidhi Wargeysku? Wargeyska Sabah wuxuu hore ciwaanno badan oo caalami ah uga sameeyay macluumaadka ku saabsan dilka wariyaha – waxaana ka mid ahaa warar muran abuuray – oo la xidhiidha dhimasada Jamaal Khaashuqji. Toddobaadkan wuxuu daabacay laba warbixin oo lagu faahfaahinayo dhimashada Khaashuqji oo ay ka dambeeyeen koox uu ku tilmaamay “kuwa dilalka fuliya”. Warbixintan ugu dambeysay wuxuu wargeysku ku sharraxayaa cod laga duubay goobtii uu dilka ka dhacay. Qormada waxaa lagu xusay xog ku saabsan inuu nin khabiir ku ah dilalka qorsheysan, oo ka mid ahaa kooxda laga soo diray Sacuudiga, kaasoo wariyaha ku tilmaamay inuu yahay “xayawaan loo dilayo danta guud”. Warbixinta Sabah ayaa sheegeysa in Khaashuqji isla markii uu gudaha u galay qunsuliyaddaba uu shakiyay isla markiina loo sheegay in dib loogu celinayo magaalada Riyaad, amar kasoo baxay booliska Interpol awgiis. Hase yeeshee Wariyaha ayaa diiday dalabka raggii halkaas ku sugnaa, oo ay ka mid ahayd inuu farriin qoraaleed u diro wiilkiisa, ka dibna si khasab ah loo diiday, sida uu wargeysku sheegay. Wuxuu markaas ka dib raggii dilayay u sheegay inaysan afkiisa xidhin maadaama uu qabo xanuunka neefta, laakiin isla markiiba uu miyir beelay. Khaashuqji waxaa lagu neef qabateeyay bac madaxa loo galiyay, sida uu sheegay wargeyska Sabah oo xiganayay shanqaraha laga maqlayay codka ku duubnaa cajaladda. Wargeyska ayaa sidoo kale sheegay in cajalku uu duubay shanqarta ku saabsan in la jarjaray meydka Khaashuqji, waxaana falkaas geystay ninka khabiirka ku ah dilalka. Wararka ku saabsan inuu jiro cajal uu ku duuban yahay dilka Jamaal Khaashuqji aya ala isla dhex marayay tan iyo sanadkii lasoo dhaafay. Saraakiisha Turkiga ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu cajalkaas jiro, waxayna sheegeen inay la wadaageen dowlado caalami ah, laakiin wali ma cadda sida uu wargeyskan ku helay. Iyadoo hadda ay muddo ku dhawaad hal sano ah kasoo wareegtay geerida Jamaal Khaashuqji, wali lama helin meydkiisa waxaana intaas jiray cadaadis dhinaca beesha caalamka ah. Horaantii sanadkan, Khabiir ka tirsan Qaramada Midoobay oo ku takhasusay arrimaha la xiriira dilalka aan sharciga loo marin ayaa ku baaqday in baaritaanno madax bannaan lagu sameeyo dhimashada wariyahaas. Agnes Callamard ayaa eerida Jamaal Khaashuqji ku qeexday “Dil aan geed loogu gabbanin” waxayna sheegtay in “ay mas’uul ka tahay dowladda Sacuudi Carabiya”, loona baahan yahay in baaritaanno lagu sameeyo. Dowladda Sacuudiga ayaa gaashaanka u daruurtay hadalka haweeneydaas, waxayna si joogto ah u beenisaa inay mas’uul ka tahay dhimashada wariyaha. Source
-
EDITORIAL. Radio Shabelle website reports that the Somali Finance Minister, Dr Abdirahman Beileh, was attending a meeting in Addis Ababa about debt relief for Somalia. Debt relief is a federal government buzzword. The Federal Government leaders have not explained what debt relief entails beyond occasional tweets from the Finance Minister or the President. Somalia does not have the characteristics of countries that benefit from debt relief. At 2017 London Somalia Conference, the United Nations Secretary General, António Guterres, said AMISOM remains in Somali in response to a global threat from the war-torn country. What are immediate consequences from this situation? More than 90% of funds raised for the reconstruction of Somalia goes to AMISOM operations. Somalia does not have a government that is able to eliminate domestic threat to global security. Foreign peacekeepers are gainfully employed to take the role a Somali Army would play to deter and prevent terrorist threats . How can a country that accesses measly 9% of development aid raised in its name reap benefits of debt relief? Debt relief can open the door for a country to borrow money from other countries or multilateral agencies to perpetuate debt dependency. The military regime ( 1969-1991) saddled Somalia with the lion’s share of the debt Somalia owes several countries and organisations. Since 1991 Somalia has not been able to service the debt, a situation that increases Somalia’s debt. In the eyes of many Somalis debt relief is public relations exercise of the Somali Federal Government. Repeating it in the face of mounting security challenges exposes fallaciousness of debt relief for war-torn Somalia. Send comments to: pp@puntlandpost.com © PUNTLAND POST The post The Fallacy of Debt Relief for Somalia appeared first on Puntland Post.
