Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,095
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Xulalka 15 Jirada Soomaaliya Iyo Eritrea ayaa kulan ciyaareed xiiso badan oo ka tirsana tartanka dhallinyarada Bariga iyo Bartamaha Afrika 2019 ee Ceacafa ku qaatay garoonka Asmara ee caasimada wadan Eritrea. .Labada xul ayaa qeybta kowaad soo bandhigay ciyaar aad u wanaagsan,inkastoo aysan iska dhalin wax gool waxaana kulanka kasoo qeybgalay taageerayaal aad u badnaa. Markii leysku soo laabtay dheesha qeybta labaad labad dhinac ayaa iska dhaliyay min gool,iyadoo ciyaarta waqtigii looga talagalay ay kusoo idlaatay barbaro 1-1 oo ay ku heshiiyeen Soomaaliy iyo Eritrea. “Waxaan soo bandhigay ciyaar aad u wanaagsan,balse nasiibka ayaa noqday in aan ku dhamaysano barbar 1-1 waxaan ku faraxsanahay bandhiga aan soo bandhigay” ayuu Goobjoog Sports u sheegay Cabdullahi Maxamed Aadan oo ka tirsan xulka Qaranka 15 Jirada Soomaaliya. Source: goobjoog.com
  2. Minneapolis (Caasimada Online) – Danjiraha Soomaaliya ee Qaramada Midoobey Abuukar Daahir Cismaan (Abuukar Baale) oo 17-kii Bishan dadweyne Soomaaliyeed kula hadlayay dalka Mareykanka ayaa waxaa uu ka hadlay doodda Kenya ee ka dhanka ah Al-Shabaab iyo qorshaha ka dambeeya qaraarka 1267. Qaraarkan oo Kenya ay dooneyso in lagu daro Al-Shabaab ayaa waxaa si aad ah uga soo horjeeda dowladda Soomaaliya, oo rumeysan in laga leeyahay ujeeddo aan Shabaab ahayn. Danjiraha ayaa is-weydiiyay sababta ciidanka Kenya ay u daawanayaan dhuxusha laga dhoofiyo Kismaayo ee ay Al-Shabaab ay lacagta uga badan kasoo gasho, haddiiba ay doonayaan oo ay daacad ka tahay in la cunaqabateeyo Al-Shabaab. Waxaa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay heyso sawirro caddeynaya dhuxul laga dhoofinayo koofurta Soomaaliya, ciidanka Kenyana korjoogaan oo ay daawanayaan, islamarkaana ay Al-Shbaaab dhaqaale ka helayaan. Danjiraha ayaa sheegay doodda Kenya aysan ahayn Al-Shabaab balse ay tahay in la dhibaateeyo shacabka Soomaaliyeed, sababtoo ah haddii Al-Shabaab lagu daro qaraarka 1267, ay qatar ku tahay dadka ku nool degaannada ay ka taliyaan Al-Shabaab oo aan gargaar la gaarsiin doonin haseyeeshee hadda la gaarsiiyo. Waxa uu sheegay in taas ay la qabaan dhammaan hay’adaha caalamiga ah oo warqad ay kaga soo horjeedaan qaraarkan u diray xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka Mike Pompeo. Ka sokow arrimaha gargaarka, qaraarkan ayaa Kenya ay uga faa’iideysan kartaa inay ku beegsato hantida ganacsatada Soomaaliyeed, kulana wareegto, iyo xawaaladaha oo aan awoodi doonin inay lacag gaarsiiyaan shacabka ku nool goobaha ay haystaan Shabaab. Inkasta oo qaraarkan u muuqda mid Shabaab ka dhan ah, haddana xaqiiqda ayaa ah inuusan shaqo ku lahayn Shabaab, balse uu yahay mid lagu beegsanayo shacabka Soomaaliyeed, waxaana caddeynta ugu weyn ay tahay sababta Kenya ay ololahan hadda u billowday, ayada oo markii ugu horreysay uu golaha ammaanka ansixiyey 15-kii October 1999-kii. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  3. (SLT-Hargeysa)-Muwaadin Reer Somaliland Ah Oo Ka Badbaadey Shirqool Dil Ah Oo Uu La Beegsaday Maayarka Burco Iyo Qaabka Uu Uga Badbaadey, Halkan hoose ka DAAWO Source
  4. (SLT-Hargeysa)-Xildhibaano, siyaasiyiin iyo dad aqoonyahan ah oo caan ka ah dunida ayaa jawaabo ka bixiyay maqaal lagu qoray wargeyska caanka ah ee Daily Mail oo uu ku sheegay in Somaliland tahay dal dagaal ragaadiyay. Wargeyska ayaa wuxuu warbixintiisa ku sheegay in dawladda Maraykanku ay dal-ku-galkeeda u diiday gabadh ay isku lammaanyihiin Raysalwasaaraha Ingiriiska oo kal hore socdaal ku timid Somaliland lana kulantay Madaxweyne Biixi. Sababata dal-ku-galka loogu diiday ayuu wargeysku ku sheegay booqashada ay ku timid Somaliland. Hase yeeshee shakhsiyaad caan ka ah dalka Ingiriiska iyo dalalka reer Yurub iyo weliba Maraykanka oo la ixtiraamo ayaa cambaareeyay go’aanka Maraykanku dal-ku-galka ugu diiday gabadhaas iyagoo sidoo kale wargeyska ku cambaareeyay kelmada uu Somaliland u adeegsaday ee ah dal uu dagaal ragaadiyay, markii uu ka hadlaayay booqashada ay gabadhaasi ku timid Somaliland. Stephen Doughty MP Xildhibaan Stephen Doughty oo ka tirsan Baarlamaanka Ingiriiska, socdaalana ku yimid Somaliland ayaa bartiisa twitterka wuxuu ku qoray “Donald Trump si wayn ayuu ugu khaldan yahay siyaasadan, balse sidoo kale Daily Mail sida ay hadalka u dhigtay waa si qaloocan oo aan sax ahayn. Somaliland maaha dal dagaal ragaadiyay. Waxaan ku tegay sanadkii hore halkaas [Somaliland] safar guul ah aniga oo la socda xildhibaan Liz McInnes iyo xildhibaan Matthew Offord. Waa meel horumar leh oo dadka soo dhowaysa.” Michael Walls Mr. Michael Walls oo ahaa madaxii horkacayay goob-joogayaashii doorashooyinkii kala duwanaa ee Somaliland, aqoon badana u leh Somaliland ayaa isagoo xoojinaya qoraalka xildhibaan Stephen, wuxuu isna twitterka ku qoray oo uu yidhi “Si buuxda ayaan kuugu raacsanahay; Somaliland waa ka dheer tahay dal dagaal ragaadiyay. Tani waa tusaale kale oo muujinaya sida qaar ka mid ah siyaasadaha caalamiga ah iyo suxufiyiintu ay u abuurayaan natiijooyin khaldan iyaga oo si joogto ah uga been sheegaya xaqiiqda. Booqo Somaliland si aad adigu indhahaaga ugu soo aragto.” James Carver James Carver oo ah siyaasi caan ka ah Ingiriiska, horena uga tirsanaa Baarlamaanka Midowga Yurub, ayaa wuxuu isaguna bartiisa twitterka ku qoray qoraal kooban oo uu ku sheegay inuu rajaynayo in maqaalka uu wargeysku qoray uu Somaliland faa’iido u leeyahay kana caawin doono aqoonsi raadiska, isagoo xusay inuu Somaliland socdaal ku yimid 5 jeer, waxaanu isweydiiyay inuu baajiyo socdaal u qorshaysan inuu Maraykanka ku tago, waxaanu yidhi “Waxaan rajaynayaa in arinkani uu ku soo jeediyo indhaha dedaalka socda ee xaqa ah ee loogu jiro sidii ay Somaliland dib ugu heli lahayd aqoonsi caalami ah. Dalkan quruxda badan ee nabadda ah waxaan booqday shan jeer. Malaha waa inaan baajiyaa qorshahaygii ahaa inaan safar ku tago Maraykanka.” Michael Rubin Michael Rubin oo isna ah khabiir Maraykan ah ayaa qoray qormo uu kaga hadlay sababta uu Maraykanka uu haweenaydaas ugu diiday dal-ku-galka ee ah inay booqatay Somaliland, isagoo ku tilmaamay nacasnimo cadaan ah, “In lagaga horjoogsado lammaanaha Boris Johson Maraykanka waxay booqatay Somaliland waa nacasnimo cadaan ah.” Source
  5. (SLT-Hargeysa)-Waxa Maalmihii u dambeeyay soo baxayey Warar sheegaya in Maamul-gobolleedka Soomaaliyeed ee Puntland ay Idaacad ku rakibeen Bariga Gobolka Sanaag, gaar ahaan Magaalada London. Idaacaddan oo Wararka sheegayaa soo badanayeen ayaa Guddiga Joogtada ah ee Golaha Guurtidu waydiiyeen waxay Xukuumad ahaan kala socdaan, waxaanu Wasiirka oo su’aashaa ka jawaabayaa uu sheegay in aanay maqal wax Idaacad ah oo Maamulka Puntland keenay bariga Somaliland. Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta ee Somaliland, Maxamed Muuse Diiriye oo ka jawaabaya su’aasha laga waydiiyey waxa ka jira in Puntland keentay Idaacad Bariga Gobolka sanaag ayaa yidhi “Idaacaddaas maanaan maqal, haddii la idinku yidhina waynu dooni, welise annagu ma hayno..” Source
  6. Burco(SL-T):: Wiil Yar Oo Ku NooL Burco Oo La Ildaran Xanuun Aan Dalka Waxba Lagaga Qaban Karin Iyo Waalidkii Oo Muslmiinta Ka Codsaday In La Soo Caawiyo Source
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa faafaahin dheeraad ah ka baxaysaa khasaaraha ka dhashay iska horimaad xooggan oo ka dhacay Xaafadda Saban Saban ee degmada Dayniile ee gobolka Banaadir sidda ay xaqiijiyeen goobjoogayaal. Iska horimaadka ayaa u dhaxeeyay Maleeshiyaad hubeysan iyo Ciidamo ka tirsan maamulka degmada Dayniile. Dagaalkan ayaa waxaa la sheegayaa inuu yahay mid salka ku haayo Muran dhul ku yaalla Xaafadda Saban Saban, waxaana la maqlay rasaas xoogan oo ay isku fureen Dablayda hubay ciidanka amaanka Deyniile. Ciidanka Booliska degmada Dayniile oo hoggaaminayay Xoghayaha degmada Mahad Shilaawe ayaa goobta ku baxay, waxaana la sheegay in Mahad uu dhaawac kasoo gaaray Iska horimaadka dhex maray Dablayda hubaysan iyo Ciidanka Amaanka Deyniile. Goobjoogayaal ayaa sheegay in ay jiraan Khasaare soo kala gaaray labada Maleeshiyaad balse aysan Xaqiiji karin dadka ku waxyeeloobay dagaalka. Muran ku saabsan dhul ayaa la sheegay in maalmihii ugu dambeeyay uu ka taagnaa degmada Dayniile gaar ahaan Xaafadda Saban Saban, waxaana halkaasi kuwa sugan Maleeshiyaadkii dagaalamay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  8. Dagaal culus oo leysku adeegsaday hub kala duwan ayaa duhurnimadii maanta ku dhaxmaray degmada Deyniile gaar ahaan agagaarka xeradii Saban saban ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo maleeshiyaad u abaabulan hab beeleed. Dagaalka oo saameyn ku yeeshay dadka rayidka ah ee degan deegaanka lagu dagaalamay ayaa salka ku hayay muran dhinaca dhulka oo muddo dheerba halkaa ka taagnaa. Wararku waxaa ay sheegayaan in dagaalka uu sababay khasaare isugu jiray dhimasho iyo dhaawac, waxaana dadka ku dhaawacmay iska horimaadka ku jira xoghayihii degmada Deyniile Mahad Sharaawe oo la sheegay in ay uu hoggaaminayay ciidamada dowladda ee qeybta ka ahaa iska horimaadka. Ma jiro ilaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay dhinaca saraakiisha dowladda Soomaaliya oo la xiriira iska horimaadkan ka dhacay demada Deyniile. Ma’aha wax ku cusub magaalada Muqdisho dagaallada ku saleysan muranka dhulka oo ay ku lug yeeshaan ciidamada dowladda Soomaaliya. HOL Qaran News
  9. ISCO Somaliland members sign a governing document Today, Saturday 24th August 2019, the Independent Civil Society Organisations (ISCO Somaliland) signed a memorandum of understanding that will serve as the governing rules and regulations for ISCO Somaliland. The signatories represent diverse organisations across the country who are working on different issues including minority rights, youth, women rights, researches, democratisation, child rights, human rights advocacy and development. The purpose is to establish a platform to cooperate on areas of democracy and civic space. “We will always act in accordance for the best interest of democracy and civic space based on the constitutional principles and international standards,” says Ms Sahra Mohamed Ali of the Centre for Youth Empowerment, who is based in Burao. “A platform of this kind aims to focus on grass root level organisations and more on the regions outside of the capital, Ms Umulkhayr Said Hassan, the chairperson of Somaliland Women Association (SOWA) from Borama said. The platform is open for every independent civil society organisation. Issue of independence is explicitly elaborated in a partnership suitability form and is compulsory for all member organizations to undergo. “We are glad to be part of a civil society gathering dedicated to collectively work on the issue of common interest and to cooperate for enhancement of democracy and civic space,” Ms Yasmin Omar Haji Mohamoud, the chairperson of Human Rights Centre, which will serve as the secretariat of the platform said. All member organisations are committed to sustaining an independent and vibrant network of civil society actors and groups that are responsive and accountable to the people. It is a requirement and strongly agreed on ISCO Somaliland to remain politically nonpartisan Qaran News
  10. Ururada bulshada rayidka ah ee madaxabanaan oo heshiis is-afgarad gaadhay maanta Maanta oo sabti ah, 24 August 2019, is-bahaysiga Ururada Bulshada Rayidka ah ee Madaxa-banaan (ISCO Somaliland) waxay saxeexeen Heshiis Is-afgarad oo noqon doona xeerka maamulaya is-bahaysiga ururada bulshada rayidka ah ee madaxa banaan ee Somaliland. Ururo ka kala socda gobolada dalka oo dhan oo ka shaqeeya arimo kala duwan oo ay ka mid yihiin kuwo ka shaqeeya xuquuqda beelaha la hayb sooco, dhalinyarada, xuquuqda dumarka, cilmi baadhista, dimoqraadiyadda, xuquuqda caruurta, u doodista xuquuqal insaanka, iyo horumarka. Ujeedada laga leeyahay waa in la abuuro hanaan ay isku kaashaan karaan ururadani si ay uga shaqeeyaan arimaha dimoqraadiyadda. Ururadu waxaay ka shaqayn doonaan hadba sida u danta ah dimoqraadiyadda iyo in bulshadu ka qayb qaadato talada dalka si ku dhisan mabaadida dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland iyo halbeegyada caalamiga ah. Is-bahaysigu wuxuu bartilmaameedsan doonaa ururada deegaanada ka shaqeeya ee bulshada ku dhow, gaar ahaan gobolada caasimadda ka baxsan. Is-bahaysigu waa mid u furan dhamaan ururada madaxa banaan ee ka tirsan bulshada rayidka ah. Shardiga u wayni waa in ururadu ay si buuxda ugu madax-banaanaadaan si loogu ogolaado inay ku soo biiraan is-bahaysigan. Waxa naga go’an in aanu abuuro nidaam raagi kara oo abuura wada shaqayn firfircoon oo u jawaabta shacabka, cidda xisaabisaana tahay shacabka. Waxa waajib ku ah Is-bahaysiga inay siyaasad ahaan noqdaan kuwo ka madax banaan xisbiyada siyaasadeed ee dalka ka jira. Qaran News
  11. Somalia has rejected the Commission of the African Union invitation to a briefing on the maritime row with Kenya. Instead, it has expressed confidence in the International Court of Justice.... Source: Hiiraan Online
  12. Baardheere (SMN) – Iyada oo ay weli sii socoto burburinta ay Ciidanka Kenya ku hayaan xarumaha Shirkadaha Isgaarsiinta Soomaaliya ee Gobollada Jubbooyinka & Gedo ayaa Ciidanka Kenya shalay Jimco, August 23, 2019 burburiyeen xaruntii ay Shirkadda Hormuud ku leheed tuulada Cows-qurun oo hoos tagta Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo. Ciidanka Kenya ayaa gubista xaruntaan waxa ay u adeegsadeen Qaraxyo ay ku xireen dhammaan derbiyada dhismaha iyagoo ka dibna qarxiyey, waxaana goobta ku bur buray Dhismihii Shirkadda & qalabkii yiiley oo ka koobnaa BTS, Link-yo, 2 dab dhaliye, Tower & Agabkii kale ee Xarunta Yiilay. Ma jiro wax khasaare nafeed ah oo ka dhashay burburinta xaruntan, waxaase ay dhibaato nololeed ku reebtay bulshada ku nool Deegaanka Cowsqurun & Tuulooyinka ku xeeran, maadaama ay dadku isticmaalaan lacagta Telephones-ka la isugu diro ee EVC Plus. Afhayeen u hadlay shirkadda Hormuud Telecom ayaa Saxaafadda u xaqiijiyey in Ciidanka Kenya burburiyeen xarun shirkaddoodu ku leheed Deegaankaasi. Ciidanka Kenya ayaa sanadihii la soo dhaafay burburin sharci darro ah ku hayey Xarumaha Shirkadda Hormuud sida: Jaldeys, Cali Buley, Diif, Khadiijo Xaaji, Ceelbaande, Dhuyacgaroon, Geriley & Dhamase oo ka kala tirsan Gobollada Jubbada Hoose & Gedo. View the full article
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Qoyska Gudoomiyihii hore ee AUN Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Eng Yariisow ayaa maanta tagay Aqalka Dowladda hoose ee Xamar waxa ayna booqdeen Xafiiskii uu ku shaqayn jiray Eng Yariisoow. Qoyska Marxuun Yariisoow, ayaa waxaa xarunta ku soo dhaweeyay gudoomiye ku xigeenka Maamulka iyo Maaliyada Gobolka Banaadir Ibraahim Cumur Mahadale Ibraahim Dheere waxa uuna ugu mahadceliyay Booqashadda ay ugu yimaadeen. ”Waxaan maanta xarunta Dowladda Hoose kusoo dhaweeyey qoyska Allaha u naxariistee Duqii hore ee Muqdisho ahaana Guddoomiyaha gobolka Banaadir Shahiid Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow) Waxaan soo kala tusay qaybaha kala duwan ee xafiisyada Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar iyo howlaha socda oo maamulku dar-dar ku wado” ayuu yiri Mahadalle. Gudoomiye ku xigeenka Maamulka iyo Maaliyada Gobolka Banaadir Ibraahim Cumur Mahadale Ibraahim Dheere ayaa sheegay in ay u balan qaadeen Elahada Gudoomiyihii hore in ay sii wadi doonaan shaqada ay u hayaan Magaaladda Muqdisho. “Waxaan u ballan qaadnay in aan sii wadi doono dedaalkii, dhabar adaygii, shaqadii geesinimada lahayd iyo wadaninimadii uu ku sifoobey ayana noqon doonto mid mar waliba xusuus ku sii ahaan doonta qalbiyadeena” ayuu hadalkiisa sii raaciyay. Gudoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Eng Yariisow ayaa u dhintay dhaawac ka soo gaaray Weerar ismiidaamin ahaa oo Al shabaab sheegatay Masuuliyadiisa kaas oo 24 Juulay ee sanadkaan lagu qaaday Xarunta Gobolka Banaadir.
  14. Leaders of the International Federation of Journalists (IFJ) met yesterday the President of Somalia, Mohamed Abdullahi Mohamed Farmaajo, at Villa Somalia – Somalia’s governing house. The delegation led by IFJ President Younes Mjahed, included the President of the Federation of African Journalists (FAJ) Sadiq Ibrahim Ahmed, the Vice President of Eastern Africa Journalists Association (EAJA) Stephen Ouma Bwire, the Secretary-General of National Union of Somali Journalists (NUSOJ) Omar Faruk Osman, and IFJ Gender Council Member Mounia Belafia. The discussions centred on press freedom developments in Somalia, in particular on the safety and security of journalists, the professionalisation of journalists’ work and the enforcement of the right to freedom of association. President Farmaajo expressed the total commitment of his government to protect freedom of expression and of association, highlighting that journalists have been free to do their work, even when their reporting at times bordered on incitement and sensationalism. He encouraged the IFJ to help their Somali colleagues enhance their professional ethics in order to ensure responsible journalism. In his response, Mjahed acknowledged recent actions taken by the Federal Government of Somalia in prosecuting soldiers accused of mistreating working journalists and the changes that have been taking place to confront ingrained impunity and create a better environment for journalists to do their work and exercise their right to freedom of association. He, however, pointed out to the horrendous challenges journalists in Somalia and their union, NUSOJ, had to endure for many years and applauded that the federal government had taken steps to draw a line behind the past history marred by recurrent abuses of journalists. He said “the IFJ and its member unions worldwide as well as the global labour movement has supported NUSOJ and its members during the darkest hours where the Somali authorities clamped down free trade unionism, denied journalists of their right to peaceful assembly, and interfered with their union. We welcome the commitment in unequivocal terms by President Farmaajo to turn the page and carry through the State’s obligation of ensuring journalists’ safety.” The IFJ delegation noted that the 5th General Assembly of NUSOJ being held in Mogadishu without being attacked and disbanded by State Security Apparatus was a major sign of change. The previous 4th General Assembly was disbanded in February 2016 by government security agents and had to be moved to Galkayo in the Puntland State of Somalia. The delegation also met in her office the Federal Minister for Women and Human Rights Development, Deqa Yasin Haji Yusuf, to discuss support to women journalists, institutional protection of freedoms of expression and association, and the engagement of the IFJ with Somalia at the UN Human Rights Council where Somalia is currently a member. Minister Deqa Yasin spelt out the federal government’s engagement to uphold the basic human rights of its citizens such as journalists and women. Other meetings involved Somali Prime Minister Hassan Ali Khaire and Minister of Information Mohamed Abdi Hayir. Mjahed concluded his visit by congratulating his hosts, the National Union of Somali Journalists (NUSOJ), for the success of their general assembly. He said “I am proud to be the first IFJ president to come to Somalia to bring the greetings of unions of journalists worldwide to your fifth general assembly. We have for many years stood with Somali journalists, their union NUSOJ and its leaders despite the attacks and campaign of vilification carried out relentlessly by government agents and their hired hands who put a considerable effort to sow confusion and uncertainty among IFJ affiliates but failed. The IFJ delegation has witnessed a vibrant & representative general assembly that made us proud of the solidarity and resilience of Somali journalists who are in good hands as long as NUSOJ continues to thrive and grow.” View the full article
  15. Muqdisho (SMN) – Dowladda Soomaaliya ayaa diiday casuumaad uga timid ururka Midowga Afrika, kaas ku saabsan kiiska Badda ee Soomaaliya iyo Kenya. Martiqaadkaasi oo xukuumadda loo soo gudbiyey balse ay diiday ayaa wuxuu ku saabsanaa ka soo qeyb galka kulan is-xog-wareysi ah oo guddiga ururka soo agaasimay. Xukuumadda Soomaaliya ayaa u sheegtay Midowga Afrika in ay kalsooni ka qabto in Maxkamadda ICJ ay gal-dacwadeedkan ku ridi doono xukun cadaalad ah. ICJ oo fadhigeedu yahay magaaladda Hague, Netherlands, ayaa dhageysiga kiiskan dib ugu muddeysay 9-ka illaa iyo 13-ka bisha September ee sanadkan 2019-ka.i. Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa warqad ku taariikheysan 21-ka August 2019 ku sheegtay “in aysan habooneyn” in ay aqbasho casuumaada AU-da maadaama kiiska uu horyaalo xeer-beegtada dunida. Iyadda oo sharaxeysay sababta ay Soomaaliya kiiskan ula aaday Maxkamadda, wasaaradda ayaa xustay in aysan Kenya wax heshiis ah kala gaari karin qaddiyadan. Dowladda federaalka waxay dacwadda xareysay 2014-kii. “Kenya waxay si khaldan ugu turjuntay talaabadaasi mid aanan saaxiibtnimo ahayn,” ayaa lagu yiri bayaanka oo nuqul kamid ah uu helay mareega GO, xafiis wareedkiisa Muqdisho. Dhinaca kale, qoraalka ayaa waxaa lagu cambaareeyay talaabadda Xildhibaanadda Kenya ku sheegeen in ciidamadooda ay diyaar u yihiin in ay difaacan dhulkooda. Sidda lagu sheegay jadwalka ICJ, Soomaaliya ayaa dooda labaad waxay soo bandhigi doonta Khamiis, 12-ka September, halka Kenya ay jawaabteeda la imaan doonto Jimce, 13-ka September. Kenya iyo Soomaaliya ayaa isku haya goob badeed lagu sheegay 100 KM oo isku wareeg ah, halkaasi oo hodan ku ah noocyo kamid ah kheyraadka sida Gaaska iyo Naqaska. View the full article
  16. Prime Minister of the Federal Government of Somalia, Hassan Ali Khayre, closed the book fair in Mogadishu. He embolden the young writers in Somalia to help change the negative image of the country by showing the side the world doesn’t see, and contribute in building a bright future that attracts the world. Source: Hiiraan Online
  17. Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Kooxda Ahlu-Sunna Waljamaaca ayaa maanta xukun fulisay labo nin oo horay Kufsi uga geystay degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud. Ugu horreyn, Xubnaha garsoorka Ahlu-Sunna ayaa aqriyay xukunka dhallinyaradan oo loo xiray kufsi Guriceel ka dhacey dhowr bilood ko hor, waxaana markaa kadib dadka hortooda la leenay maxaabiista oo ay jeedaleen xubno booliska Ahlu-Sunna. Ahlu-Sunna ayaa saaka dadweynaha magaalada ku wargalisay in ay yimaadaan barxadda magaalada si ay u daawaddaan xukunka lagu ridaayo labadda ruux ee loo heystay kufsi ka dhacay Guriceel. Fagaare ku yaalla Dhuusamareeb oo ay ku sugnaayeen dadweyne fara badan ayaana ugu dambeyn raggaasi lagula dhuftay min 100 jeedal ah. Sidoo kale waxaa goobta uu xukunka ka dhacayey ku sugnaa ciidamo ka tirsan Booliska Galmudug oo sugayey ammaanka. Halkan hoose ka daawo Sawirrada
  18. Cadaado (SMN) – Guddoomiyaha maamulka Camaara ee gobolka Mudug Yuusuf Salaad Maxamed oo la hadlay Idaacadda Shabelle ee magaalada Muqdisho ayaa beeniyey Xooggaga in Al-Shabaab ay la wareegeen gacan ku heynta deegaankaasi. Guddoomiyaha ayaa been abuur ku tilmaamay wararkaasi, wuxuuna sheegay inay faafiyeen dad leh dano gaar ah, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale wuxuu intaasi u daray in haatan xaaladdu ay degan tahay, islamarkaana howlgallo lagu xaqiijinayo amniga ay ka sameeyeen halkaasi. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/08/cod-1-faadumo.mp3 View the full article
  19. Kismaayo (SMN) – warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qaraxyo siyaaso kala duwan uga dhacay qeybo ka mid ah gobolka Jubbada Hoose ee koonfurta Soomaaliya. Qaraxyada oo ahaa miino ayaa waxaa sheegatay Al-Shabaab, kadib qoraal ay ku baahisay baraha Internet-ka. Al-Shabaab ayaa shaacisay in qaraxa koowaad uu ka dhacay deegaanka Buulogaduud, islamarkaana ay la beegsatay ciidamo Mareykan ah iyo kuwa Jubbaland. Sida ay sheegatay Al-Shabaab wax ay qaraxaasi ku dishay hal askari oo ka tirsanaa ciidamada daraawiishta ee mamaulaasi. Sidoo kale waxa ay tilmaamtay in qarax kale oo ka dhacay deegaanka Qaamqaam ee gobolkaasi ay ku dishay saddex ka tirsanaa ciidamada Jubbaland, kuna dhaawacday mid kale, kuwaas oo ku sugnaa bar koontarool oo ku taalla deegaankaasi. Qaraxyadan ayaa ku soo aadaya, iyadoo haatan howlgallo ballaaran ay ka socdaan gobollada Jubbooyinka oo ay weli ku xoogan yihiin dagaalyahannada Al-Shabaab. View the full article
  20. Dhuusamareeb (SMN) – Ahlu Sunna Waljamaaca ayaa maanta xukun fulisay labo nin oo horay Kufsi uga geystay degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud. Ugu horreyn xubnaha garsoorka Ahlu-Sunna ayaa goobta ka akhriyey eedeymaha iyo xukunka lagu riday raggaasi. Fagaare ku yaalla Dhuusamareeb oo ay ku sugnaayeen dadweyne fara badan ayaana ugu dambeyn raggaasi lagula dhuftay min 100 jeedal ah. Sidoo kale waxaa goobta uu xukunka ka dhacayey ku sugnaa ciidamo ka tirsan Booliska Galmudug oo sugayey ammaanka. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
  21. During the brutal war with the North, running from the early 1980s until 2005, both sides had wiped out much of the wildlife to supply their fighters and raise cash. That war was now over, but the wildlife massacre continued. Source: Hiiraan Online
  22. The Afghan Taliban and the United States have reached an agreement on a time frame of pullout of foreign forces from Afghanistan, Taliban chief spokesperson Suhail Shaheen said on Friday. Source: Hiiraan Online