Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,146
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Hargeysa)-Hay’adda u dooda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International ayaa ku boorisay dowladda Sacuudiga in ay caddeyso halka ay ku maqan yihiin laba muwaadin oo dhashay Qatar kuwaasi oo la aaminsan yahay in bishii hore lagu xidhay Sacuudiga. Labada qof ayaa la waayay badhtamihii bishii hore ee Agoosto, xilli ay safar booqasho ah ay u aadeen qeybo ka mid ah bariga Sacuudiga oo ay ku nool yihiin qoyskooda. Sida laga xaqiijiyay war saxaafadeed ka soo baxay hey’adda Amnesty ayaa lagu yidhi sababta loo la yahay Cali Naasir Cali Jarallah iyo wiilkiisa oo 17 jir ah oo lagu magacaabo Cabdullahi Cali Naasir, in ay xabsi ku Jiraan. Dhanka kale warsaxaafadeedka Amnesty ayaa loogu baaqay boqorka Sacuudiga mr Salmaan Bin Cabdi Casiis in uu macluumaad dheeri ah ka bixiyo muwaadiniinta Qatar ee Maqan. Wiilka iyo aabbihii ayaa dhanka kale la sheegay in ay heestaan dhalashada Sacuudiga. Source
  2. (SLT-Muqdisho)-Danjiraha Soomaaliya ee midowga Yurub Dr. Cali Saciid Fiqi ayaa ka hadlay go’aanka rasmiga ah ee dowladda Soomaaliya ee la xidhiidha dalabkii Kenya ee ahaa in dib loo dhigo dacwada Badda ee maxkamada Cadaallada ICJ oo qorshuhu yahay in 09 bishan September Isniinta toddobaadka dambe la daah furo. Danjiraha ayaa sheegay in Soomaaliya gaadhsiisay maxkamada fariinteeda la xidhiidha in ay diyaar u tahay dhageysiga dacwadda, isaga oo intaa ku daray inay u diyaaar-garoobayaa Isniinta in ay tagaan maxkamadda laakiin ilaa Jimcaha sugayaan go’aanka maxkamada. “Tallaabada ay Kenya qaadday waxay dhaawac ku tahay garsoorka iyo in la xalliyo muranka daba-dheeraaday ee dhex yaalla labada dal, mowqifka dowlada Soomaaliyana waxaa uu yahay in cadaaladu shaqeyso oo aan dib loo dhigin dhegeysiga dacwada” ayuu yidhi danjiraha Kenya ayaa dalabatay dib loo dhigo dacwadda dhageysiga labaad ee dacwada Badda ee kala dhaxeysa Soomaaliya, iyadoo taa sabab uga dhigtay in ay qorsaneyso qarreeno cusub oo ku matala doodda maxkamada. Lama oga go’aanka maxkamada ay ka qaadan doonto taallaabooyinkan iska soo horjeeda ee labada dal Soomaaliya iyo Kenya oo ee la xidhiidha dhageysiga dacwada Badda. Source
  3. (SLT-Tel-aviva)-Dowladda Israa’iil ayaa ku eedeysay ururka Xisbullah, dhisida warshad soo saarta gantaalaha culus oo ay ka hirgalisay degaanka Bekaa ee gudaha wadanka Lubnaan. War saxaafadeed ka soo baxay millatariga Israa’iil oo ay ku jiraan sawiro lagu soo qaaday dhanka dayax gacmeedka ayaa lagu sheegay in dhismaha warshadaan ay ka taageereyso dowlada Iiraan. Gantaalaha oo loo yaqaan IDF ayaa Israa’iil sheegtay in ay farsameysay kooxda Xisbullah ee dalka Lubnaan. Dhanka ururka ayaa ka gaabsaday in uu ka hadlo sheegashada xukuumada Tell Aviv oo ku aadan in ay bilowday dhisida warshada farsameysa gantaalaha oo ah kuwo loogu talagalay in lagula diriro diyaaradaha Dagaalka. War saxaafadeedkan ayaa dhanka kale lagu soo koobay in kooxda Xisbullah ay dooneyso in gantaalahan ay u adeegsato burburinta kaabayaasha dhaqaalaha Israa’iil . Hadalkaan ayaa imaanaya iyadoo maalmo ka hor uu dagaal xooggan dhanka xadka labada wadan uu ku dhax-maray millatariga Israa’iil iyo dagaalyahanada Xisbullah ee dalka Lubnaan. Source
  4. Wararka ay Howlwadeenada Puntlandi Helayaan waxay sheegayaan in Kiiska Bada ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya uu gaari doono sanadkaan soo socda sidaas awgeed uusan [...] Source
  5. Garoowe (Caasimada Online) – Taliyaha ciidamada Daraawiishta Puntland, Sarreeye Gaas Yaasiin Cumar (Dheere) oo haatan ku sugan degmada Baran ee gobolka Sanaag ayaa si kulul uga hadlay xiisada dagaal ee u dhexeysa maamulkaasi iyo Somaliland. Taliye Yaashiin Dheere oo khudbad u jeedinayey ciidamada Puntland ee ku sugan halkaasi ayaa sheegay gobolku uu ku jiro xaalad dagaal, islamarkaana uu leeyahay cadow fara badan. ‘’Gobolka kan waad ogtihiin maanta cadow badan ayaa ku soo wajahan xaalad dagaal buu gobolku ku sugan yahay nina looga sheekeyn maayo.’’ Ayuu yiri taliyaha ciidanka Daraawiishta Puntland. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in degmada Baran ay ku soo wajahan yihiin ciidamada Somaliland iyo Al-Shabaab oo wada socda, sida uu hadalka u dhigay. ‘’Ciidanka gobolladaas waqooyi ka taliya ay soo wadaan iyo Shabaab oo labadoodu aan kala harin wada soccdaan waxay ku soo wajahan yihiin deegaankan.’’ ayuu intaasi raaciyey taliyuhu. Ugu dambeyn wuxuu carabka ku adkeeyey in Puntland aysan weerar aheyn, islamarkaana ay iska difaaci doonto cidkasto oo dulaan ku soo qaada. Inta badan madaxda Somaliland iyo Puntland ayaa dhanka warbaahinta isu mariya eedeymo culus, kuwaas oo marar badan ciidamadoodu ay ku dagaalameen gobollada Sool iyo Sanaag ee waqooyiga Soomaaaliya Caasimada Online Xafiiska Garoowe caasimada@live.com
  6. Waxaa maanta si rasmi ah loo soo xirayaa shirka dib u heshiisiinta beelaha Habargidir ee muddada ka socday magaalo xeebeedka Hobyo ee gobolka Mudug, Galmudug. Shirka ayaa arbacadii lagu doortay guddoomiyaha golaha hoggaaminta beesha oo noqday Prof. Cabdulqaadir Maxamed Shirwac. Shirkan ayaa laga heshiiyey dhammaan wixii beelahaasi soo gala gaaray xiliyadii hore, waxaana la filayaa in hoggaanka cusub uu ka shaqeeyo midnimada iyo wadajirka beesha iyo aayaheed. Shirka xiritaankiisa waxaa jooga mas’uuliyiinka ka tirsan dowladda federaalka ah uu hoggaaminayo ku-xigeenka 1aad ee golaha aqalka sare mudane Abshir Maxamed Axmed iyo xildhibaanno ay ku jiraan Mahad Salaad, Axmed Fiqi, Saabir Shuuriye, Cabdi Qeybdiid iyo murashaxa madaxweynaha Galmudug xildhibaan Cabdiraxmaan Odowaa. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  7. Wararka maanta oo Khamiis ah ka imaanaya magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud ayaa waxay sheegayaan in halkaasi uu ka soconayo diyaar garow ku aaddan furitaanka shirka dib u heshiisiinta Galmudug. Shalay oo Arbaco ahayd ayaa lagu waday in shirkan uu furmo, balse arrimo farsamo ayuu dib u dhacay, waxaana taasi ay keentay in qorshaha furitaanka maanta loo soo wareejiyo. Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre ayaa ku sugan magaalada Dhuusamareeb, wuxuuna furi doonaan shirkan dib u heshiisiinta ah. Ammaanka magaalada Dhuusamareeb ayaa aad loo adkeeyey, waxaana ku sugan ciidamada dowladda federaalka iyo kuwa AMISOM. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
  8. Dagaal u dhaxeeyey ciidanka xoogga dalka iyo Al-shabaab ayaa xalay ka dhacay deegaanka Cumar Dheere oo ku yaalla duleedka degmada Afgooye, waxaana ka dhashay khasaare kala duwan. Kolonyo ay la socdeen ciidanka DFS, kuna wajahnaa deegaanka Sabiib ayaa la sheegay in jidka ay u galeen dagaalyahannada Al-shabaab, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal saacad ka badan socday. Lama oga khasaaraha Labada dhinac soo kala gaaray inta uu la egyahay, balse waxaa la sheegayaa inuu khasaare jiro. Saraakiisha ciidanka dowladda ee Shabellaha Hoose kama aanay hadal dagaalkan, sidoo kale ururka Al-shabaab wax war ah kama aanu soo saarin dagaalkan ay la galeen ciidanka dowladda. Xaaladda deegaanka Cumar Dheere ayaa ah mid aad u deegan, iyadoo ciidanka dowladda ay socdaalkooda sii wateen, islamarkaana ay gaareen deegaanka Sabiib. Al-shabaab ayaa weeraro gaadmo ah mararka qaar ku qaadda ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  9. Muqdisho (SMN) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxay soo bandhigtay mowqifkeeda ku aadan codsiga ka yimid dalka Kenya. Dalabka xukuumadda Nairobi ayaa wuxuu yahay in muddo 12-bilood ah dib loo dhigo dhageysiga gal-dacwadeedkan. Safiirka dalka u qaabilsan arrimaha Midowga Afrika ayaa shaaciyey in xukuumadda aysan aqbali doonin soo jeedintaasi. Danjire Saciid Cali Fiqi ayaa tibaaxay in kiiskan aanan lagu xalin doonin meel ahayn Maxkamadda Cadaaladda Aduunka. Umadda Soomaaliyeed ayuu ku tartarsiiyey in aysan ka walwalin in wada hadal ay ka gelayaan galkan, taasi oo ay rabitaanka Kenya. Ugu dambeyntii, ICJ ayuu daboolka ka qaadey in ay ka dhowrayaa in ay go’aan kasoo saarto dalabka Kenya illaa iyo Jimcaha soo aadan. Hoos ka dhageyso codka https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/09/Fiqi1.mp3 View the full article
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda warfaafinta Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa si kulul uga hadlay rabshadaha iyo dhibaatooyinka dadka ajnabiga ah oo ay Soomaalidu ku jirto loogu geysanayo gudaha dalka Koonfur Afrika. War ka soo baxay xafiiska wasiir Maareeye ayaa lagu sheegay in dowladda federaalka ay si u dhow ula socota boobka iyo rabshadaha ka socda dalkaasi, islamarkaana ay aad uga xun tahay. Sidoo kale waxa ay dowladdu ugu baaqday dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Koonfur Afrika in ay muujiyaan feejignaan iyo taxadar dheeri ah. Halkan hoose ka aqriso: Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay maalmahan ishaa ku haysa rabshadaha ka dhacaya dalka South Africa oo ay ku noolyihiin muwadiniin Soomaaliyeed oo u badan ganacsato kuwaasoo weeraro lagu qaaday sanooyinkii lasoo dhaafay iyo rabshadaha hada dhacayaba ay kasoo gaadheen waxyeelo nafeed iyo mid hantiyeed. Dowlada Soomaaliya waxay ka xuntahay falalka boobka iyo barakicinta ah ee loo gaysanayo muwaadiniinta Soomaaliyeed iyo ganacsigooda, waxayna ka codsanaysaa dowlada South Africa inay ilaaliso oo ay damaanad qaado badqabka muwaadiniinta Soomaaliyeed iyo hantidooda. Ugu danbayn, dowladda Soomaaliya waxay muwaadiniinteeda deggan dalka South Africa ugu baaqaysaa in ay feejignaan iyo taxadar dheeri ah muujiyaan hadba wixii soo kordhana lawadaagaan safaaradda Soomaaliya dalka South Afrika. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  11. Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa si kulul waxa ay uga hadashay dhibaatooyinka lagu hayo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool dalka Koonfur Afrika, iyadoo baaqna u jeedisay Soomaalida ku nool wadankaasi. War-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda warfaafinta ee xukuumadda federaalka, ayaa lagu sheegay in dowladda ka xun tahay dhibaatooyinkan aadka usoo noq-noqday. Sidoo kale, dowladda ayaa fartay muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku sugan Koonfur Afrika, iney muujiyaan feejignaan iyo taxaddar dheeraad ah. Halkaan hoose ka akhriso: Goobjoog News Source: goobjoog.com
  12. Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, ayaa Magaalada Dhuusamareeb kulan kula qaatay Odayaal iyo wax-garad ka socda degaannada Huurshe iyo Xeraale oo muda Saddax Sano ah ay u dhexeysay colaad uu Dhiig badan ku daatay. Kulanka oo ay goob joog ka ahaayeen xildhibaannada degaannadaas ku matela Dowladda dhexe, ayaa qeyb ka ahaa dhammeystirka dedaallo uu Ra’iisul Wasaaruhu soo billaabay dhammaadkii Bishii June ee Sannadkan mar uu socdaal ku tagey Huurshe iyo Xeraale. Ra’iisul Wasaaraha Dalka ayaa xilligaasi Labada dhinac kala hadlay soo Af-jaridda codaalla iyo furidda bog cusub oo ah mid nabadeed. Odayaasha Labada dhinac ayaa Ra’iisul Wasaaraha uga mahad celiyay dedaalka hagar la’aaneed ee uu Galmudug ka wado, waxayna ballan qaadeen in ay ka shaqeynayaan nabadda, wada noolaanshaha, horumarinta degaanka iyo Bulsha ,si loo helo mustaqbal wanaagsan oo ka Madax bannaan colaado iyo rabshado dib u sii dhiga horumarka ay ummaadda Soomaaliyeed hiigsaneyso. Ra’iisul Wasaare , Xasan Cali Khayre, ayaa Odayaasha Huurshe iyo Xeraale u ballan qaaday in Dowladda Soomaaliya ay ku Garab taagan tahay ka mira dhalinta dedaallada nabadda iyo horumarka, iyaguna laga doonayo in ay dowrkooda nabad-doonnimo qaataan oo ay daacad ka noqdaan dhismaha Mustaqbalka Dadka iyo degaanka, wixii horay u dhacayna laga barto casharro qeyb ka qaadanaya wadajirka iyo is-dhex galka Bulshada. Source: goobjoog.com
  13. Muqdisho (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay gobolka Shabeellaha Hoose. Iska hor-imaadka oo u dhaxeeyay ciidamada dowlada iyo AlShabaab ayaa ka dhacay duleedka degmada Afgooye. Is-rasaaseynta ayaa ka dambeysay markii xoogaga Shabaab ay duulaan ku ekeeyeen fariisin ay halkaasi ku leeyihiin ciidanka. Inta la xaqiijiyey shan oo ah dhinacyadda ayaa ku naf-waayey isku dhaca oo la sheegay in uu in muddo ah socday. Ma jiro wax war ah oo ku aadan dagaalkan oo kasoo baxay Taliska Ciidanka Soomaaliya iyo dagaalameyaasha Al-Shabaab. Ciidanka xooga ayaa fariisin ka sameystay duleedka Afgooye si ay uga hubiyaan ammaanka guud ahaan magaaladaasi uu maro webiga Shabeelle. View the full article
  14. Taliyaha guud ee ciidamada Daraawiishta dowladda Puntland S/Gaas Yaasiiin Cumar Dheere ayaa markii u horraysay todobaadkan socdaal ku tegay magaalada Badhan ee gobolka Sanaag. Taliyaha ayaa shalay booqday difaacyada ay ku sugan yihiin ciidamada Daraawiishta Puntland ee degmada Badhan gaar ahaanna saldhiga ay fadhiyaan ciidankii ugu dambeeyay ee ka soo wareegay Somaliland. Jenanka oo khudbad u jeediyay cutubyo ka tirsan ciidamada Puntland ayaa halkaasi ka sheegay in Somaliland iyo Al-shabaab oo is-bahaystay ay doonayan in ay dagaal ku soo qaadan degmada Badhan iyo degaaannada kale ee gobolka Sanaag si ay u dhibaateeyan shacabka Puntland. S/Gaas Yaasiin Cumar wuxuu ciidamada ku amray in ay u diyaar-garooban difaaca gobolka iyo ilaalinta shacabka maadaama sida uu sheegay ay Somaliland doonayso in ay dagaal ku qabsato gobolka Sanaag. Hoos ka daawo muuqaalka PUNTLAND POST The post Taliyaha ciidamada Puntland oo sheegay in Somaliland iyo Al-shabaab oo wada socda ku soo wajahan yihiin gobolka Sanaag appeared first on Puntland Post.
  15. Muqdisho (SMN) – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa maanta xafiiskiisa xarunta Wasaaradda ku qaabilay Wakiilka cusub ee hey’adda Qaramada Midoobey ugu xilsaarran qaxootiga ee marka magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaan(UNHCR) xafiiskeeda Soomaaliya, Mudane Johann Siffointe, oo wareejiyay caddaymihiisa aqoonsi wakiilnimo. Wasiirka waxa uu carabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay joogtaynta iskaashiga u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo UNHCR si kor loogu qaado howlaha bini’aadanimo ee UNHCR ay ka fuliso gudaha dalka, isagoo tilmaamay in la hubiyo in si mutadawacnimo ah dib loogu soo celiyo dalka qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool Kenya iyo Yemen iyo in la isku dayo in la abuuro jawi sare oo hagaagsan iyo sare u qaadida heerka nololeed ee dhammaan Soomaalida. Waxa uu ka dhawaajiyay baahida loo qabo in la isku duwo dadaallada dhammaan mas’uuliyiinta Soomaalida iyo UNHCR si loo gaaro ahmiyadaha ugu sarreeya ee bina aadminimo ee dib-u-dajinta dadka soo gurya-noqonaya iyo in la siiyo taageerada lagama maarmaanka ah. Kulanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Saciid Xaaji Maxamuud, Agaasimaha Habmaamuuska, AVV. Xirsi Xaaji Culusow, Kuxigeenka Wakiilka UNHCR ee Soomaaliya, Mudane Takeshi Moriyama iyo mas’uuliyiin kale. View the full article
  16. Madaxweynaha wadanka Venezuela Nicolas Maduro ayaa ku dhawaaqay inay heegan culus geliyeen ciidanka dalkaasi ee ku sugan xuduudka Colombia si ay uga hortagaan weerar kaga yimaada dalkaasi. Maduro, waxa uu sheegay in tallaabadaan ay uga golleeyihiin inay kaga hortagaan tallaaba kasta oo uu qaado dhiggiisa dalka Colombia Ivan Duque oo dhowaan dalbaday in loo baahan yahay isbedel ka dhaca Venezuela. Saraakiil katirsan wadanka Venezuela ayaa sheegay in laga shallayn doono waxa ay ugu yeereen “Dagaal sokeeye” oo ka dhex dhaca labada wadan, waxaana ay tilmaameen in Ivan Duque uu yahay shaqsi ku shaqeeya siyaasadda arrimaha dibadda Maraykanka. Maraykanka iyo Colombia ayaa taageero u muujiyey jabhado iyo dhaqdhaqaaqyada ka soo horjeeda madaxweyne Nicolas Maduro si ay xukunka uga tuuraan. PUNTLANDPOST The post Madaxweynaha Venezuela oo amray dagaal ka dhan ah Colombia iyo Maraykanka. appeared first on Puntland Post.
  17. Muqdisho (SMN) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxay war kasoo saartay weerarada ajaaniib naceybka ee waddanka Koonfur Afrika, kuwaasi oo lagu beegsanayo ajaaniibta ay Soomaalida kamid yihiin. Hoos ka akhriso qoraalka Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay maalmahan ishaa ku haysa rabshadaha ka dhacaya dalka South Africa oo ay ku noolyihiin muwadiniin Soomaaliyeed oo u badan ganacsato kuwaasoo weeraro lagu qaaday sanooyinkii lasoo dhaafay iyo rabshadaha hada dhacayaba ay kasoo gaadheen waxyeelo nafeed iyo mid hantiyeed. Dowlada Soomaaliya waxay ka xuntahay falalka boobka iyo barakicinta ah ee loo gaysanayo muwaadiniinta Soomaaliyeed iyo ganacsigooda, waxayna ka codsanaysaa dowlada South Africa inay ilaaliso oo ay damaanad qaado badqabka muwaadiniinta Soomaaliyeed iyo hantidooda. Ugu danbayn, dowladda Soomaaliya waxay muwaadiniinteeda deggan dalka South Africa ugu baaqaysaa in ay feejignaan iyo taxadar dheeri ah muujiyaan hadba wixii soo kordhana lawadaagaan safaaradda Soomaaliya dalka South Afrika View the full article
  18. Hobyo (SMN – Shirkii mudooyinkii dambe ka socday magaaladda xeebta ah ee Hobyo ayaa lagu wadaa in Khamiista maanta ah lasoo gabagabeeyo. Xiritaanka kulankaasi ayaa waxaa la sheegayaa in ay ka qeybgeli doonan mas’uuliyiin halkaasi tegi doonta gelinka hore ee maanta. Shirkan oo u dhaxeeya beelweynta Habar-gadiir ayaa waxaa Arbacadii lagu doortay hogaanka guud ee Beeshaasi. Gabagabadda ayey wararku sheegayaan in laga soo saari doono war-murtiyeed ku aadan qodobadda kasoo baxay isu imaatinkaasi. View the full article
  19. Dhuusamareeb (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre ayaa goob joog ka noqday saxiixa heshiis nabadeed oo ay gaareen bulshada ku nool deegaannada Xeraale iyo Huurshe ee gobalka Galguduud. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo u mahad celiyay dhammaan dhinacyadii ka qayb qaatay in lagu guuleysto dhammeynta colaadda dhiigga badani ku daatay iyo saxiixa heshiiska bogga iyo nolosha cusub abuuraya, ayaa bulshada Huurshe iyo Xeraalle kula dardaarmay in ay ilaaliyaan oo aan dib loogu laaban colaaddii, lagana barto casharro nololeed. Heshiiska dhex maray bulshada Xeraale iyo Huurshe ayuu Ra’iisul Wasaaruhu sheegay in uu taariikhda dalka baal dahab ah ka gelayo, waxa uuna bulshada Galmudug iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ugu baaqay in ay uga daydaan geesinnimada lagu dhammeynayo colaadaha, deegaan kasta oo colaad ay ka jirto lasoo af-jaro, nabaddana la qaato si horumar loo gaaro. Odayaasha labada dhinac ayaa Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre uga mahad celiyey dadaalladiisii hagar la’aaneed oo ugu dambeyn sababay in reer Xeraale iyo Huurshe ay wada saxiixaan Heshiiska nabadeed oo bilaaw u ah nolol iyo iftiin cusub oo ay ku naaloodaan dad walaala ah oo ku kala irdhoobay colaadda. Ra’iisul Wasaaraha ayaa ballan qaaday in dowladda Soomaaliya ay qaadeynso dowrka uga aadan hir-gelinta qodobada heshiinska nabadeed ee wadajirka ay qalinka ugu duugeen reer Huurshe iyo reer Xeraale. View the full article
  20. Wasaaradda deegaanka iyo beeraha dowladda Puntland ayaa ka digtey Ayax aad u tiro badan oo maalmihii ugu dambeeyey ku habsadey deegaamo katirsan gobolada Bari iyo Sanaag. Ayaxaan oo ka soo kicitimay wadanka Yemen ayaa ku habsadey beeraha Cawsane, Ceel-lahelay, Raq, Xudeera, Badhan, Hadaaftimo oo dhamaman katirsan gobolka Sanaag iyo deegaamo beereedyo katirsan gobolka Bari. Wasiiru dowlaha wasaaradda deegaanka, beeraha, isbedelka Cimilada iyo waraabka dowladda Puntland Cabdirashiid Cali Geelle oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Badhan ayaa sheegay in Ayuxu uu saamayn ku yeeshay dhammaan deegaamada uu ku habsadey ayna qiimayn ku soo sameeyeen. Wasiirka ayaa intaasi ku daray in uu hadda duulaan ku yahay deegaamada buuraleeyda ah ee gobolka Bari gaar ahaan aagga Galgala uuna Ugxaan badan ku reebay dhulkii uu horay u fariistay. PUNTLANDPOST The post Puntland oo ka hadashay Ayax fariistay gobolada Bari iyo Sanaag. appeared first on Puntland Post.
  21. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/09/Warka-Subax-05092019.mp3 View the full article
  22. Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug ayaa waxaa maanta oo Khamiis ah lagu wadaa inuu ka furmo shirka dibu heshiisiinta beelaha degan deegaamada Galmudug. Waxaa magaalada ku sugan dhammaan ergooyinkii ka qaybgeli lahaa shirka sida ay sheegeen guddiga gacanta ku haya, inkastoo uu horay muddo saddex jeer ah shirku dib ugu dhacay. Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo maalmahaan ku sugnaa Dhuusamareeb ayaa waxaa uu furi doonaa shirkaan oo ahmiyaddiisu tahay dhismaha Galmudug ay ku midaysan yihiin dadka degan Galgaduud iyo Koonfurta gobolka Mudug. Ciidanka AMISOM, kuwa dowladda Soomaaliya iyo Ahlusuna ayaa aad u adkeeyey ammaanka guud ahaan magaalada Dhuusamareeb iyo goobaha uu shirku ka qabsoomi doono. PUNTLANDPOST The post Shirka dibu heshiisiinta Galmudug oo ka furmaya Dhuusamareeb. appeared first on Puntland Post.
  23. Kenya will continue to work with other countries to deliver security in Somalia until the country is safe, Deputy President William Ruto has told BBC Hardtalk’s Stephen Sackur. Source: Hiiraan Online
  24. Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa dowladda Koonfur Afrika ka dalbatay in ay ilaaliso oo dammaanad qaaddo bed-qabka muwaaddiniinta Soomaaliyeed ee ku nool dalkaasi iyo hantidooda kadib markii ay soo batay weerarada lagu beegsanayo ganacsatada Soomaaliyeed ee halkaasi deggan. Dowladda Soomaaliya waxay sheegtay in ay maalmahan isha ku haysay rabshadaha ka dhacaya dalka Koonfur Afrika ee ay ku nool yihiin muwaaddiniin Soomaaliyeed oo u badan ganacsato kuwaasi oo sida dowladdu sheegtay sannadihii u dambeeyay waxyeello nafeed iyo mid hantiyeedba ka soo gaartay weerarro lagu beegsaday. Dowladdu waxay walaac ka muujisay boobka iyo bara-kicinta loo gaysanayo muwaaddiniinta Soomaaliyeed ee dalkaasi ku nool iyo hantidooda waxaana ay ugu baaqday muwaaddiniinta Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika in ay feejignaan iyo taxaddar dheeriya muujiyan hadba wixii soo kordhana la wadaagan safaaradda Soomaaliya ee Koonfur Afrika. Hoos ka akhriso qoraalka PUNTLAND POST The post Dowladda Soomaaliya oo Koonfur Afrika ka dalbatay in ay ilaaliso muwaaddiniinta Soomaaliyeed ee dalkeeda ku nool appeared first on Puntland Post.