-
Content Count
213,933 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Afgooye (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaallo xalay siyaabo kala duwan uga dhacay qeybo badna oo ka mid ah gobolka Shabeelaha Hoose. Weerarka koowaad oo uu xigay dagaal toos ah ayaa ka dhacay degmada Awdheegle, kadib markii weeraro saf mareen ah ay Al-Shabaab ku qaadeen fariisimo ciidamada dowladda ay ku leeyihiin gudaha degmadaasi. Sida ay Shabelle u sheegeen ilo deegaanka dagaalka oo qaatay muddo ka badan hal saac ayaa la’isku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan. Ma cadda illaa iyo hadda khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalkaasi iyo weerarka ka horreeyey intaba. Sidoo kale dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab ayaa xalay weeraray ciidamo ku sugnaa halka loo yaqaano Buunda Yarey oo ka tirsan degmada Afgooye ee gobolka Sh/ Hoose. Iska hor imaad kooban oo u dhexeeyey ciidamada dowladda iyo raggii weerarka soo qaaday ayaa la sheegay inuu ka dhacay halkaasi. Saraakiil ka tirsan kuwa dowladda ayaa sheegay inay iska difaaceen weerarkaasi, islamaarkaana uusan jirin khasaare soo gaaray. Dhanka kale ciidamo roondo ka waday deegaanka Buulo-Mareer oo hoosta degmada Kuntuwaareya ayaa bam gacameen lagu weeraray, sida ay xaqiijiyeen goobjoogayaal. Inta la xaqiijiyey waxaa weerarkaasi ku dhaawacmay illaa 4 qof oo labo mid ah ay ahaayeen Haween, midna uu ahaa askari ka tirsan ciidamada dowladda. Wararka ayaa intaasi ku daraya in weerar kale xalay Al-Shabaab ay ku qaadeen gudaha degmada Qoryooley ee gobolka Shabeelaha Hoose. Weerarka oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa ka dhashay dagaalka toos oo la’isku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan. Ugu yaraan hal qof oo shacab ahaa ayaa ku dhintay dagaalkaasi, halka ay ku dhaawacmeen todobo kale. Taliyaha QoryooleyCali Waal oo wareysi siiyey Shabelle ayaa sheegay in ku dhawaad 10 ka tirsanaa Al-Shabaab ay ku dileen dagalkaasi, sida uu hadalka u dhigay. Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca Al-Shabaab oo ku aadan dagalladaasi ka dhacay gobolka Shabeelaha Hoose ee K/ Soomaaliya. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/09/cod-qoryooley-.mp3 View the full article
-
Dhuusamareeb (SMN) – Shirka dib u heshisiinta Galmudug ee ka socda magaalada Dhuusamareeb ayaa haatan maraya heer gabagaba ah, kaas oo shantii bishan uu daah-furay Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre. Shirka oo socday muddo cisho ah ayaa waxaa ka qeyb galaya in ka badan 700 oo Ergo ah oo matalaya 11-ka beelood ee deega deegaanada Galmudug. Illaa 10 qodob oo xasaasi ah ayaa looga hadlay shirkaasi, sida ay soo bandhigeen guddiga ay dowladdu u saartay arrimaha dib u heshiisiinta ee maamulkaasi. Halkan hoose ka aqriso: 1: Ergadii loogu talo galay Shirka oo aheyd 356 ergo ayaa kor u dhaaftay 700 ergo. 2: Waxaa si nabad ah loogu soo dhaweeyey Caasimadda Dhusamareeb mudo bil ah iyaga oo aan dareemin ciriiri iyo culeys. 3: Waxa ay si xor ah usoo bandhigeen tabashooyinkii ay qabeen iyo qaladaadkii horay usoo dhacay iyaga oo wada qaatay Casharo la xirrira Xallinta Khilaafaadka. 4: Waxa ay wada gar-waaqsadeen baahida loo qabo isa-saamax, is-cafin, is-aaminid iyo Xalay-dhalay. 5: Waxa ay wada bogaadiyeen kaalinta hagar la’aanta ah ee Dawladda Federaalku ka ciyaartay Galmudug gaar ahaan Madaxweyne Farmaajo iyo RW Khayre. 6: Waxa ay wada bogaadiyeen Heshiiskii Garabyada Siyaasadda ee Galmudug. 7: Waxa ay soo wada dhaweeyeen Musharaxiinta Xilka Madaxtinimada Galmudug. 8: Waxa ay wada qireen baahida loo qabo dhismaha maamul cusub oo leh Aragti iyo Tayo, loona wada dhanyahay. 9: Waxa ay wada bogaadiyeen Heshiiskii dhex-maray dadka degan deegaanada Xeraale iyo Huurshe ee soo af-jaray Colaadii loogu magac-daray (Colaada Qarniga) ee Galmudug. 10: Waxa ay wada qireen baahida deg-dega ah ee loo qabo Xoreynta deegaanada Galmudug ee weli ku jira Gacanta Ururka Al-Shabaab. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/09/Warka-Subax-15092019-ww.mp3 View the full article
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Shirweynaha dib u heshisiinta beelaha Galmudug oo weli ka socda magaalada Dhuusamareeb ayaa haatan maraya heer gabagaba ah, kaas oo shantii bishan uu daah-furay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre. Shirka oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa ka qeyb galaya in ka badan 700 oo Ergo ah oo matalaya 11-ka beelood ee Galmudug, sida ay sheegeen guddiga qaban qaabada shirkaasi. Intii uu socday shirka ayaa waxaa looga hadlay illaa toban qodob oo xasaasi ah, kuwaas oo kal ah: 1: Ergadii loogu talo galay Shirka oo aheyd 356 ergo ayaa kor u dhaaftay 700 ergo. 2: Waxaa si nabad ah loogu soo dhaweeyey Caasimadda Dhusamareeb mudo bil ah iyaga oo aan dareemin ciriiri iyo culeys. 3: Waxa ay si xor ah usoo bandhigeen tabashooyinkii ay qabeen iyo qaladaadkii horay usoo dhacay iyaga oo wada qaatay Casharo la xirrira Xallinta Khilaafaadka. 4: Waxa ay wada gar-waaqsadeen baahida loo qabo isa-saamax, is-cafin, is-aaminid iyo Xalay-dhalay. 5: Waxa ay wada bogaadiyeen kaalinta hagar la’aanta ah ee Dawladda Federaalku ka ciyaartay Galmudug gaar ahaan Madaxweyne Farmaajo iyo RW Khayre. 6: Waxa ay wada bogaadiyeen Heshiiskii Garabyada Siyaasadda ee Galmudug. 7: Waxa ay soo wada dhaweeyeen Musharaxiinta Xilka Madaxtinimada Galmudug. 8: Waxa ay wada qireen baahida loo qabo dhismaha maamul cusub oo leh Aragti iyo Tayo, loona wada dhanyahay. 9: Waxa ay wada bogaadiyeen Heshiiskii dhex-maray dadka degan deegaanada Xeraale iyo Huurshe ee soo af-jaray Colaadii loogu magac-daray (Colaada Qarniga) ee Galmudug. 10: Waxa ay wada qireen baahida deg-dega ah ee loo qabo Xoreynta deegaanada Galmudug ee weli ku jira Gacanta Ururka Al-Shabaab. Dhanka kale Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa saacadaha soo socda ku wajahan magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug. Ujeedka safarka Madaxweynaha ayaa ah, sidii uu u soo xiri lahaa shirweynaha dib u heshiisiinta maamulkaasi oo 10-kii maalin ee la soo dhaafay ka socday magaaladaasi. Ammaanka ayaa sidoo kale aad loo adkeeyey, iyadoo ciidamo dheeraad ah lagu arkayo xaafado ka tirsan degmada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud. Caasimada Online Xafiiska Dhuusamareeb caasimada@live.com
-
Key point: Turkey continues to want a homegrown fighter, but it won't match the F-35. Source: Hiiraan Online
-
MOGADISHU, Sept. 14 (Xinhua) -- Somalia has challenged the youth to play a role in the country's decision-making process by participating in preparations for the upcoming elections. Source: Hiiraan Online
-
Kenya has become the third country in Africa to roll out the world’s first malaria vaccine today, joining Malawi and Ghana in a two-year trial. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Warar ay heshay Caasimada Online ayaa xaqiijinaya in madaxda ugu sarreysa dowladda Soomaaliya ay isku raaceen in la xiri karo madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), labadiisa ku xigeen iyo Saraakiil kale oo katirsan maamulkaasi. Xubno ka tirsan hay’adaha amaanka Soomaaliya oo aan la hadalnay ayaa sheegay in amar lagu siiyay qofkii xil ka haya Jubbaland oo soo mara magaalada Muqdisho in ay xiri karaan sida Wasiirka amniga Jubbaland Cabdirashiid Janan. Amarkaan ma ahan mid cusub balse Caasimada Online oo maalmahaan ku waday baaritaan waxay soo ogaatay in markii la amray in diyaaradaha Kismaayo ka baxa iyo kuwa ku socda ay soo maraan magaalada Muqdisho, ciidamadana lagu amray in la xiro Madaxweynaha Jubbaland iyo labadiisa ku xigeen iyo waliba dhowr qof oo kale oo ku jira Wasiirada, Xildhibaanada iyo Saraakiil ciidan. Lama oga sida ay arintaan ku dhaqan geli karto, balse waxaa jira warar sheegaya in Axmed Madoobe uu Kismaayo uga bixi karo oo kaliya dhinaca Badda inta uu kala heshiinayo dowladda Soomaaliya oo la sheegay in ay raadineyso fursad ay ku qabato. Axmed Madoobe ayaa sidoo kale awooda inuu raaciyo diyaaradaha helicopter-ka ciidamada Kenya oo aan u baahneyn inay xiriir la sameeyaan hay’adda duulista, kuna tegi karo Nairobi. Dowladda federaalka Soomaaliya ma awoodo in ay Axmed Madoobe ka soo qabato Kismaayo maadaama ay halkaasi joogaan Ciidamo awood leh oo maamulkiisa ka amar qaata balse ay dooneyso in ay ku qabato Muqdisho markii uu soo maro isagoo transit ah sida Wasiir Janan, taasi oo aan dhici doonin sida muuqato. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Secretary of State Mike Pompeo blamed Iran for coordinated strikes on the heart of Saudi Arabia’s oil industry, saying they marked an unprecedented attack on the world’s energy supply. Source: Hiiraan Online
-
Nairobi (Caasimada Online) – Shirkad qandaraasle Kenyan ah ayaa ku eedeeysay safaaradda Soomaaliya ee Nairobi inay xabistay kadibna jir-dishay shaqaale loo diray si uu ugu gudbiyo gal-dacwadeedka kiis ka dhan ah safaaradda oo laga furay maxkamadda Milindi ee Nairobi. Amos Mutambu ayaa sheegay in loo diiday inuu safaaradda ka baxo waxyar kadib markii uu geeyey galka. Amos ayaa eedeynta ku sheegay kiis ka dhan ah safaaradda oo uu geeyey maxkamadda, sidoo kale-na loo diray wasiirka arrimaha dibedda Kenya Monica Juma, 4-tii September. Amos ayaa waxaa soo dirtay shirkadda qareenada ee HMS, si uu safaaradda u geeyo gal-dacwadeedka kiis u dhaxeeya safaaradda iyo shirkad dhismaha qaabilsan, kaasi oo ku saabsan dayactir ay shirkaddan sheegtay inay ku sameysay dhisme ay safaaradda ku leedahay Nairobi. Wasaaradda arrimaha dibedda Kenya ayaa la sheegay inay kulan arrintan ku saabsan la yeelatay mas’uuliyiinta safaaradda Soomaaliya, waxaana wasiirka arrimaha dibedda Monica Juma ay jimcihii sheegtay in laga yaabo in qofkii loo diray safaaradda “uu hab qaldan u adeegsaday inuu gal-dacwadeedka gaarsiiyo safaaradda.” “Waan ogaan doonnaa waxa dhacay” ayey Monica ku tiri shir jaraa’id. Safiirka Soomaaliya ee Nairobi Maxamed Axmed Nuur Tarsan ayaa beeniyey inay qof ku dhex xirteen safaaradda, wuxuuna wargeyska The East African u sheegay in tani ay tahay been cad. “Ma jirin wax xabisaad ah, mana lihin qolal aan wax ku xabisno. Waxaan filayaa inay ka faa’iideysanayaan khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya Kenya iyo Soomaaliya si ay noo qiyaamaan.”ayuu yiri Tarsan. Muranka la xiriira dayactirka ayaa u dhaxeeya safaaradda iyo shirkadda Kingsley Construction Ltd oo safaaradda ku eedeysay inay ku leedahay lacag dhan $226,318 (Ksh23.4 million) oo ay ku dayactirta dhisme kale oo safaaradda ay ku leedahay xaafadda Lower Kabete. Agaasimaha shirkaddan Everlyne Mutungi ayaa ku doodday safaaradda inay ka cayrisay mashruuca islamarkaana ay damacsan tahay inay qandaraaska ku wareejiso shirkad kale si ay u dhameyso 20% oo ka dhiman dhameystirka. Dowladda Soomaaliya weli ma diiwaan gelin jawaabta dacwadda ay kusoo oogtay shirkadda Kingsley Construction Ltd, waxayna sheegtay in jawaab kasta ay marsiin doonto wasaaradda arrimaha dibedda Kenya. Garsooraha maxkamadda Mary Kasango ayaa soo saaray amar ku-meel gaar ah oo safaaradda ama cid kasta oo matasha u diidaya inay wax howlo dayactir ah ka fuliso dhismaha ku yaalla Lower Kabete, illaa kiiskan meel uu uga dhacayo. Caasimada Online Xafiiska Nairobi caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xisaab malahayn tirada dadkii ka soo qaybgalay Xafladda ku dhawaaqista musharaxnimada Galmudug ee Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor, taas oo ka dhacday magaalada Muqdisho, waxaase ka sii darnaa lacagtii dorraad halkaasi laga bixiyay. Warbixintaan waxaa ka soo xiganeynaa qaar kamid masuuliyiintii munaasabadda ka soo qayb galay oo katirsan dowladda federaalka Soomaaliya, kuwaas oo nooga sheekeeyay dhacdooyinkii dorraad ee munaasabadda. “Waxaan kamid ahaa dadkii dorraad lagu casuumay munaasabadda musharaxnimada Wasiir Qoor-qoor, waxayna indhaheygu qabteen lacagta waalida ah ee lagu bixinayay goobta ay munaasabadda ka socotay” ayuu yiri masuul ka tirsan dadkii goob jooga ahaa. “Waxay aheyd Xaflad lacagta ku baxday qofkii aan tagin uu ka dareemi karay magaalada oo dhan iyo dhowr calaamadood oo kale oo goobta ka muuqatay, balse anigu maxay indhaheygu qabteen, lacag waali ah oo qofkii salaamo musharaxa lasiinayay, waxayna aheyd doolar Kaasha ah (Cash), ma hubo in dadka oo dhan ay helayeen balse aniga dhowr qof ayaa arkay oo gacanta loo geliyay” ayuu yiri qofkaan aan la hadalnay islamarkaana aan qarinay magaciisa. “Intaas oo dhan waxaa ka sii daran, lacag yar ma aheyn wixii la bixinayay, waxaana qofkii loo garto loo jarayay xoogaa lacag ah, musharaxa waxa uu jeebkiisa ka soo bixinayay lacag boqol boqol u xiran waxaana dadka loo jaryay lacag aan ku qiyaasay 500-1000$” ayuu hadalkiisa sii raaciyay qof kamid ah masuuliyiintii goobta ku sugneed. Dadka ugu badan lacagta helay waxay ahaayeen odayaasha dhaqanka ee degaanka, Xildhibaano iyo siyaasiin kale oo degaanka ka soo jeeda iyo kuwa aan ka soo jeedin balse miisaan culus ku leh siyaasadda Soomaaliya, sida ay noo sheegeen qaar kamid ah dadkii goobta ku sugnaa. Dhinaca kale, waxaa maanta magaalada Muqdisho, feel dheer hotel-ka Jazeera ka jira mashquul badan iyo safaf dhaa-dheer oo lagula kulmayo musharax Qoor-qoor oo halkaasi dagan. Dadka raadinaya musharax ayaa ka kooban 3 qayb oo kala ah. Qof u raadsaday shaxaad ama in xoogaa lacag ah uu ka soo helo maadaama agtiisa ilaa dorraad la sheegayo in lagu bixinayay lacag badan dad badanna ay ka heleen. Shaqsiyaad raba in ay ka soo muuqdaan ololihiisa iyo kooxda olalaha kuwaas oo u badan dhalinyaro degaanka u dhashay. Iyo shaqsiyaad siyaasiin ah oo ugu socda hambalyeen, talo soo jeedin iyo sheeko caadi ah. Shaki kuma jiro in lacagtii dorraad la bixiyay ay aheyd midda qaranka oo ay Qoor-qoor gadaal ka riixeyso Xukuumadda Soomaaliya. Warar ayaa sheegaya in malaayiin lacag ah ay siisay dowladda Soomaaliya Wasiir Qoor-qoor ka hor ku dhawaaqista musharaxnimadiisa. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa faah-faahino dheeraad ah ay kasoo baxayaan khasaaraha ka dhashay weerar jid gal ah oo dagaalamayaasha Al-Shabaab ay shalay ku qaadeen kolonyo ka tirsan ciidamada midowga Afrika ee AMISOM oo safar ku marayay deegaan hoos taga degmada Balcad. Al-Shabaab oo war kasoo saaray weerarkaas ayaa waxay sheegeen in ciidamada AMISOM, gaar ahaan kuwa Burundi ay duleedka degamada Balcad ee gobolka Shabeellada Dhexe kaga dileen ilaa 14 askari oo 12 kamid ah ay goobtii lagu dagaalay maydkooda kaga carareen. Afar askari oo labo mayd tahay labana dhaawac ayaa lagu sheegay warka Al-shabaab in ciidamada AMISOM ay geeyeen saldhig ay ku leeyihiin deegaanka Gololey ee gobolka Shabeellada Dhexe. Sidoo kale Al-Shabaab ayaa warka ay kasoo saareen waxa ay ku sheegeen weerarkaas in ilaa 8 askari oo dhaawac ah ay AMISOM diyaarad uga qaaday duleedka degmada Balcad, kuwaas oo lageeyay magaalada Muqdisho. Al-Shabaa ayaa sheegtay in hub badan ay dagaalka kaga furteen ciidamada AMISOM qeybtooda Burundi, oo intooda badan ka howlgala gobolka Shabeellada Dhexe. Markii laga soo tago sheegashada Al-Shabaab majiro wax war ah oo kasoo baxay howlgalka midowga Afrika ee AMISOM oo ku aadan weerarkaas iyo inta uu dhanyahay khasaaraha ka dhashay. Caasimada Online Xaafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Tan in iyo markii ay dhacday doorashadii Jubaland, waxaa la sugayay in Axmed Madoobe hadlo oo la ogaado wuxuu damacsan yahay. Axmed Madoobe waa hadlay wuxuu ku tilmaamay doorashadiisii inay ku timid rabitaanka reer Jubaland iyadoo aan cidna la khasbin, cidnana la laaluushin. Eed iyo Hanjabaad Wuxuu dawladda dhexe ku eedeeyay inay tahay mid waddanka u horseedaysa bur-bur iyo dagaallo hor leh. Wuuna hanjabay oo wuxuu yiri haddii dawladda Farmaajo aysan qaab dhaqankeeda Jubaland wax ka beddalin, arrintu sidaan waa ka adkaan doonta. Hanjabaadda Axmed Madoobe waxaa badanaa loo fasirtay inuu xiriirka u jari doono dawladda dhexe amaba uu oran doono Jubaland Soomaaliya wa ka go’aday oo Kenyay ku biirtay. Taasina waxay noqonaysaa khiyaano iyo bur-burin qaran (High Treason). Si kastaba ha ahaatee arrintaan waa midda walieeg Kenya dabo joogtay oo ahayd inay Jubaland ka dhigato buffer zone ay iyadu maamulato, uuna ka taliyo qof iyada ka amar qaata. Haddii tallaabadaas ku dhaqaaqo, waxay noqonaysaa qas iyo fawdo hor leh. Laakiin sharci ahaan wax dhaqan gali kara ama cidina aqoonsan karto ma noqonayso. waxay muujin doontaa maan gaabnimadiisa iyo sida uusan ula socon ujeeddada fog ee Kenya ka leedahay curyaaminta Soomaaliya iyo xalaalaysiga khayraadka baddeeda. Halka waxa keliya ee isagu raadinayo ay noqonayso Kurisga. Sida muuqata labada dhinac sidii hore way sii kala fogaadeen. Maxaa xal ah? Xalku waa in qori iyo qaaciisba la isla tuuro. In dib u heshiisiin dhab ah laga dhex sameeyo beelaha Jubaland ka hor inta aan doorasho dambe la samayn. In oday dhaqameedyada saxda ah ay beel walba ka soo xulaan xildhbaanadooda. In xildhibaanada saxda ah loo gudbiyo dawladda dhexe iyo tan maamul goboleedka Jubaland. In Saxaafadda iyo beesha caalamku goob joog ku ahaadan rugta doorashada. In maamul ku meel gaar ah loo dhiso Jubaland, xaruna looga dhigo meel aan ahayn Kismaayo. In beesha caalamku ay u hoggaansanto go’aanada dawaladda ee ku aaddan Jubaland. Muxuu Axmed Madoobe ku mutaystay Xukunka Axmed Madoobe aha nin la bidayo aqoon oo waligiis xataa dugsi hoose ma dhigan, waddani ma aha haddii kale Soomaaliya cadow gacanta uma galiyeen, waayo aragnimo dawladeed iyo mid maamul ma leh, ciidankiisa iyo shaqaalaha xukuumaddiisa waxay u badan yihiin Liyuu Boliiskii iyo sirdoonkii Cabdi Ilay oo Jubaland u soo cararay markii la qabtay Cabdi Ilay. Marka sow ma aha in la is waydiiyo muxuu ku Madaxwaynenimada Jubaland ku mutaystay. Ugu dambayn, khatarta ugu wayn oo ay wajahayso midnimada, madax banaanida, dib u heshiisiinta, iyo dib u dhiska Soomaaliya, waa Axmed Madoobe oo raba inuu Jubaland gacanta u galiyo dalal shisheeye ah. Ma mudna Axmed Madoobe inuu Jubaland xoog ku haysto ee wuxuu mudan yahay inuu maro waddadii saaxiibki Cabdi Ilay, iyo tii Qadaafi ay mareen. Allow sharkiisa ka bed-baadi Soomaaliya W/Q: Axmed Bashir bashir1631@gmail.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Hogaamiyaha maamulka Khaatumo, Prof. Cali Khaliif Galeyr ayaa ka hadlay heshiiskii ay la galeen xukuumadii Kulmiye, isagoona sheegay inay weli ka dhago adeygayso xukuumada uu hogaamiyo Madaxweyne Biixi. Prof. Galeyr ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in maamulka Somaliland la kala yeesho, isla markaana rajo xumo ka muujiyay heshiiskii uu hore ula galay xukuumadii Axmed Siilaanyo. Prof Cali Khaliif Galeyr ayaa hadalkaasi ka jeediyey, xaflad hay’ad samo-fal ah loogu sameynayey mujaahid Axmed Ismaaciil Dukhsi oo ka mid ahaa aasaasayaashii ururkii SNM ee uu ka tirsanaa madaxweynaha talada Somaliland haya ee Muuse Biixi, wuxuuna yiri: “Anigu waxaan odhan lahaa oo khalad badan laga fahmay waar Somaliland la wada leeyahay habkii Axmed Ismaacil Cabdi iyo ragiisu ay uga shaqeeyeen aan looga shaqayn walee meel fog ayaa laga dooni, Xamarna waxa yaala waan ognahay Garoowe iyo halkan 4.5 ayay noqtay bal inan tolkii uga dhawahay Somaliland iyo Burcaba ee hadana leh Somaliland ayaan aaminsanahay”. “Haddana aan ka dhaqaaqi karayn heshiiskii madaxweynuu saxeexay oo baarlamaanku gudbiyay, hadalkaas waxaan u leeyahay dad badan ayaa odhan jiray waanu ku maq-maqli jirnaye, saxaafada anigaa ka gaabsaday maxaa yeelay tabliiq siyaasiga aanu ka hadlaynay ayay dadka qaarkii shido iyo xumaan u arkeen waar anaga ayaa Somaliland rabna waar anaga ayaa ka mid ah, cidna marti uma nihin”. Wuxuuna intaas kusii daray “Arrintaas haddii aan la dhamayn, hadda maaha mid la leeyahay hadaydaan waxaas dhamayn anaguna sidas ayaanu yeelaynaa ,waxaanu magaaladan ka maqalno iyo dad mas’uul ah oo aanan ugaba baran inay arimo siyaasadeed ka hadlaan oo ciidamada ah oo nin ciidanka hoggaamiya sidee arimo xaasaasi ah oo qabali ah oo runtii dhib nagu wada haya, cidaad la leeyahay cidii baxdayna tage kuwa kalena haka daba tageen”. “Nin weyn tag lama yidhaahdee wax uu ku tagaa la tusaa, Somaliland cid kale leedahay walee in aanan kamid noqonayn Somaliland aanu marti ka nahay oo aanu baryayno kama mid noqonayno, anigu hadaan ka mid noqdo waaban joogaa Hargeysa ee umada aagaas joogtaa oo la leeyahay 6800 oo ciidan ah ayaa u qoran oo laba milyan oo doolar ayaa ku baxda caaglaynta iyo khaladka Hargeysa ka socda umad kale laguma eedayn karo, ka tagayna waxa uu uga tagay ayuu arkay waar inta yar ee ku hadhayna ha ka didinina”. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Wararka ka imaanaya degaanka Gololey oo qiyaastii 7KM dhanka waqooyi kaga beegan degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha dhexe ayaa sheegaya in gelinkii dambe ee shalay halkaasi uu dagaal culus ku dhexmaray ciidamada AMISOM iyo malayshiyaad ka tirsan Al-shabaab oo weerar ku soo qaaday. Dagaallamayaal ka tirsan Al-shabaab ayaa la sheegay in ay weerar gaadmo ah ku qaadeen ciidanka Burundi ee ku hawlgala magaca AMISOM xilli ay marayeen tuuladaasi Gololey ee hoostagta degmada Balcad iyadoo halkaasi uu ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Al-shabaab ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in dagaalkaasi ay ku dishay ilaa 14 askari oo ka tirsan ciidanka AMISOM ee Burundi islamarkaana ay ku dhaawacday 8 askari oo kale inkastoo aysan jirin cid si madax-bannaan u xaqiijisay sheegashada Al-shabaab. Dhinaca kale ciidamada AMISOM ayaan weli wax war ah ka soo saarin khasaaraha ka dhashay dagaalka halkaasi ku dhexmaray iyaga iyo Al-shabaab. PUNTLAND POST The post Al-shabaab oo sheegtay in ay 14 askari oo ka tirsan AMISOM ku dishay duleedka Balcad appeared first on Puntland Post.
-
Dowladda Mareykanka ayaa cunaqabateyn ku soo rogtay Taliyihii Hore Booliska dalka Uganda, Kale Kayihura sababo la xiriira ku xadgudubka xuquuqda bani’aadamka oo uu galay intii uu xilka hayey. Xeer Madaxweyne oo tirsigiisu yahay 13818 soona baxay 13kii September 2019 ayay dowladda Mareykanka ugu aqoonsatay Taliye hore Kayihura in uu galay dembiyo ka baxsan banii’aadanimada oo kala ah jirdil iyo xarig sharci darro ah oo uu u gaystay dad rayid ah isagoo adeegsaday Ciidanka Gaarka ee Flying Squad oo ka tirsan Booliska Uganda. Gen Kayihura oo taliye ka ahaa Booliiska Uganda mudadii u dhexaysay (2005 – 2018) ayaa sidoo kale waxa cunaqabateyn la saaray xubno ka tirsan qoyskiisa oo ay ku jiraan xaaskiisa Angela Umurisa Gabuka iyo carruur uu dhalay. PUNTLAND POST The post Dowladda Maraykanka oo cunaqabateyn ku soo rogtay taliyihii hore ee Booliiska Uganda appeared first on Puntland Post.
-
Nairobi. Kenya on Friday became the third country to start routinely innoculating infants against malaria, using the world’s first vaccine to combat a disease that kills 800 children globally every day. The vaccine — lab name RTS,S — targets the deadliest and most common form of malaria parasite in Africa, where children under five account for two-thirds of all global deaths from the mosquito-born illness. Kenya joins Malawi and Ghana, which commenced their own pilot programs for the vaccine supported by the World Health Organization (WHO) earlier this year. The vaccine will be introduced in phases across malaria-endemic parts of western Kenya near Lake Victoria, starting with Homa Bay, the country’s health ministry said. “It’s an exciting time for Kenya as we roll out this vaccine in parts of the country where the burden of malaria is the highest,” Health Minister Sicily Kariuki said in a statement. Also Read Markets rally on growing trade hopes, ECB easing Keep off Tanzania govt, Lugola tells ‘activist’ Musiba UN support cuts women dependence in Tanzania, Algeria WB passes $450m to boost human capital in Tanzania RTS,S will be added to the national immunisation schedule in these areas, given alongside other routine shots for children under two. The health ministry said 120,000 Kenyan children were expected to be vaccinated under the pilot programme. The country has distributed insecticide-treated mosquito nets, fumigated homes and improved diagnostics in its fight against malaria. But the disease remains stubborn. The health ministry says malaria claimed more than 10,000 lives in 2016, and infected millions more. As in the rest of the world, children in Kenya bear the brunt of the disease. Up to 27 percent of Kenyan children under five have been infected with the disease, the health ministry said. “This vaccine represents an additional tool that will boost Kenya’s efforts in reducing malaria infections and deaths among children,” Kariuki said. WHO says a child dies roughly every two minutes from malaria somewhere in the world. – 30 years in making – Known under its commercial name as Mosquirix, the vaccine was developed over 30 years by British pharmaceutical giant GlaxoSmithKline in partnership with nonprofit PATH and African research institutes. It is the only vaccine to date to show a protective effect against malaria in young children, WHO says. It acts against Plasmodium falciparum, the deadliest malarial parasite and the most prevalent in Africa, where illness and death from the disease remain high despite some gains. The shots, administered over four doses, have been shown in clinical trials to significantly reduce cases of malaria, and malaria-related complications, in young children. The vaccine prevented about four in 10 cases of malaria and three in 10 cases of the most severe, life-threatening form of the disease, within the trial group, WHO says. Evidence gained from the vaccine pilot schemes could guide decisions about whether RTS,S is rolled out more widely in future, WHO says. “This is the most advanced malaria vaccine that we have today. It has been in the making for the last almost three decades,” Dr Richard Mihigo, WHO’s co-ordinator of immunisation and vaccine development programme, told AFP before the Kenyan launch. “Children are the most vulnerable group to this severe disease that is malaria, so protecting children can make a big impact in preventing malaria.” The disease kills more than 400,000 people around the world every year. Of these about 290,000 are under five. Most are in Africa, where more than 90 percent of the world’s malaria cases — and fatalities — occur. Qaran News
-
Muqdisho-(Caasimada Online)-Ururka Al-Shabaab ayaa caawa weerar culus ku qaaday degmada Qoryoolay ee gobolka Shabeellada Hoose, waxaana halkaas ka dhacay daagaal xoog leh oo sababay in Al-Shabaab ay mudo kooban gacanta ku dhigaan magaalada. Al-Shabaab oo Qoryoolay ku qaaday weerar dhaw jiho ah ayaa shacabka ku nool magaaladaas waxa ay sheegeen in mar qura ay ka war heleen madaafiic kasoo dhaceysa jiha walba oo aan laheyn wax bar tilmaameeda oo gaar ah. Ciidamadii dowladda ee ku sugnaa magaaladaas ayaa waxaa la sheegay in ay iskaga carareen saldhigyadooda, isla markaana Al-Shabaab ay gudaha u galeen magaalada. Ciidamada dowladda ayaa weerar rogaal celis ah daqiiqado kadib ku qaaday Al-Shabaab oo si buuxda ula wareegay gacan ku haynta degmada Qoryoolay, waxaana markale halkaas ka bilaawday dagaal xoog leh oo Shabaab-kii weerarka soo qaaday looga qabsado magaalada. Inta la xaqiijiyay 9 ruux oo Shan ka mid ah ay yihiin haween ayaa lagu dilay dagaalka waxaana la sheegay in dadkaas ay gubteen, kadib markii Al-Shabaab ay madaafiic xoog leh ku garaaceen dhamaan xaafadaha ay ka koobantahay degmada Qoryoolay ee gobolka Shabeellada Hoose. Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka degmada Qoryoolay ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay dhimashada Sagaalkaas qof, waxayna sheegeen in khasaaruhu intaas ka bada karo, madaama Al-Shabaab ay madaafiic ku garaaceen dhamaan xaafadaha magaalada. Dhanka kale Al-Shabaab ayaa isla caawa weerar kale ku qaaday bar koontorool oo laga galo degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose. Inta la xaqiijiyay seddax askari oo ka tirsan Militariga Soomaaliya ayaa lagu dilay weerarkaas oo ka dhacay mid ka mid ah baraha koontorool ee laga galo magaalada Afgooye, waxaana haatan gudaha magaalada laga maqlayaa rasaas goos goos ah, kamana jiraan wax dhaq-dhaqaaq ah oo ay sameynayaan dadka ku nool magaalada. Wali majiro wax war ah oo kasoo baxay Al-Shabaab, kaas oo ku aadan weerarrada ay ku qaadeen magaalooyinka Qoryoolay iyo Afgooye oo ka wada tirsan gobolka Shabeellada Hoose. Caasimada Online Xaafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
“ARAGTIDAYDA BUUGGA GEEDDIGII CABDI-QAYS HORE NA LUUGU YAQAAN DARMAAN IYO DALXIIS.” Cabdinaasir Axmed Abraham. Buugga daabacaddii koowaad ku soo baxay magaca DARMAAN IYO DAL XIIS sannaddii (2014) oo uu ururiyay Maxamed Cismaan “Ugaaska” Tarmintii labaadna ku soo baxay magaca Geedigii Cabdi-Qays gu’gan aan ku jirno (2019) oo uu ururinta ku qoran yahay Cali Guray. Waxa aan ka mid ahaa dadkii ballaysinkii buugga waxa ka ogaa, idil ahaanna marxaladihii kala geddisanaa ee buuggu maray goob-joog u ahaa. Maantana wuxuu Alle igu simay muddo kaddib buuggii oo magaciisii iyo ururiyihiisii ba is-baddaleen iyo wali ba khaladdo farsamo oo dhacay. Sidaa darteed, waxa qormadan aan idin kula wadaagi aragtidayda iyo sida ay wax u dhaceen. Aniga oo aan ka warwarayn qof baa kugu nici iyo mid kale ayaydin isku waayi midna ayaan siday iila muuqdaan wax u sheegi doonaa. Run ka sheegga iyo ka garnaqa dhacdooyinka nololeed ee waayaha ee Alle innagu simaa waa waajib. Anna kama dhago-adaygi karo sida hal-abuur door ah oo inta xaajadan aan ka ogahay dhiggeed ka og. Kuwaas oo wax ay dhawrayaan ba ka waji-dadbay in ay ka run sheegaan duudsi ay goob joog ka ahaayeen sidii uu u dhacay. Caddaaladda iyo kasmada wanaagsan ba waxa ay inna farayaan in haddii ay arrin isku qabtaan Keenna ugu sharafta badan iyo ka innuugu liita sharaf ahaan in marka arrintu joogto garnaqooda kaliya la eego uun arrinta dhextaal ee ay isku hayaan ee aan la eegin sida ay u kala meeqaam sarreeyaan. Sidaas oo kale ayaan aniguna qormadaydan aniga oo arrinta eegaya oo aan qofafka eegayn waxa aan ku xusi doonaa; ● Qorshihii daabacaadda labaad ee Djibouti ee khilaafka dhaliyay. ● Kaalintii buugga ee Ugaaska iyo waxa seegay, ● Doorkii buugga ee Cali-Guray iyo waxa seegay, ● Abwaan Cabdi-Qays maxaa seegay? ● Hal-abuurka maxaa seegay? ● Shirkaddii daabacday buugga maxaa seegay? ● Aniga oo Cabdinaasir ahna maxaa i seegay? QORSHIHII DAABACAADDA LABAAD EE DJIBOUTI EE KHILAAFKU KA DHASHAY? Shirkii labaad ee lagu jaan-goynayo hannaanta daabacaad labaad luugu samaynayo buugga abwaanka ayaan goob-joog u ahaa, wuxuu ka qabsoomay guriga Call Cabdi Faarax. Waxa goobta joogay siyaasiyiin, ganacsato, aqoon-yahan iyo saraakiil ciidanka Djibouti ka tirsan. Sida iiga baxday sheekadii markaa la hayay kulankii iga horreeyay oo usbuuc laga joogo ayaa lagu qorsheeyay in tirada buugga looga daabacayo abwaanka oo lagu sheegay (10.000) meesha laga samaynayo daabacaddaan labaad iyana waxa la Isla af-gartay in ay noqoto “Machadka afafka iyo cilmi-baadhista ee Djibouti” Waxba yaan ku sii dheeraane guud ahaan wax yaabaha kulannadaa la iskula qaatay waxa ay u qaybsamayeen saddex qodob oo kala ah: ● Sidii buugga loo daabaci lahaa, ● Sidii Djibouti luugu bandhigi lahaa, ● Sidii loo suuq-geyn lahaa. Shaqooyinka markii la qaybsaday hawsha xidhiidhka iyo daba galkana loo xilsaaray nin Caddaani la yidhaa oo markaa ahaa la taliyaha Ra’iisal Wasaarihii hore ee Djibouti. Shaqada kaliya ee abwaanka”Cabdi-Qays” loo diray waxa ay ahayd in uu buugga oo PDF-ah ka soo qaado Maxamed, nasiib-darro Cabdi-QAYS iyo Maxamed is-maan-dhaaf baa ka dhex dhacay. Halkaa marka ay marayso qolyaha madaxda ah ee reer Djiboutina dooddoodu tahay KUN nuqul oo buugga daabacaddiisii hore ah Maxamed abwaanka shilin kama siin, haatanna daabacaadda labaad ee abwaanka loo samaynayo ayuu hortaagan yahay oo abwaanka waxba uma ogola. Runtaa dadka arrintaa ku jiray marka gees loo dhigo in ay daacad ahaayeen waxa aan iyana meesha ku jirtay in ay arrimaha qoraalka waxba kala socon. Sidaas oo ay tahay mararka qaar go’aanno degdeg badani ku jiro ayay qaadanayeen. Halkaa waxa aan uga jeedaa way kala basrin kari lahaayeen abwaanka iyo Maxamed, has a yeeshee taasi cakiskeeda ayaa dhacday oo way sii kala fogeeyaan. Ugaasku haddii uu il-duuf sameeyay waxa uu ahaa mid lexo-jeclo sababtay aqoonta aan qof ahaan u leeyahay waa nin gobonnimooyin badan leh hasa ahaayee bakhaylnimo waa iinta kaliya ee aan ku aqaan. Diidmada uu abwaanka PDF-ka u diidayna waxa Cabdi-QAYS galisay cadho laxaad leh. Halkaa waxa ku hakaday hawshii dardarta lahayd ee daabacaadda labaad ee buugga DARMAAN IYO DALXIIS Cabdi-Qays na waxa uu u soo socdaalay Hargeysa. Qoraa Boobe Yuusuf Ducaale oo Djibouti aan diyaarad ka soo wada raacnay iskuna kursi xignay waxa aan uga warramay halka ay wax marayaan in uu arrintaa dhex galo marka aan Hargeysa gaadhno. Cabdi-Qays markii uu Hargeysa yimid ee PDF-kii gacantiisa galay waxa ku dhalatay in buugga daabacadda labaad laga wareejiyo Maxamed oo Cali Guray lagu wareejiyo. KAALINTA UGAASKA EE BUUGGA CABDI-QAYS IYO WAXA SEEGAY Maxamed muddo afar sanno oo wax la jiraan ah ayuu ku mashquul sanaa ururinta suugaanta iyo sooyaalka abwaanka qar iyo buur ba waa u koray ciddii luugu sheego in ay wax uun ka hayso suugaanta Cabdi-Qays. Hayaankaa rafaadka badan waxa ka dhashay in shaqadii Ugaasku midho-dhasho oo buuggu October. 2014 ifka u soo baxo. Meesha kama saari karo in Ugaasku buugga magac iyo manfac ba u galay waana wax iska caadi ah. Maadaama maansooyinka buugga uu ku qoray ay boqol iyo dheeraad ahaayeen garashadaydu marna ba meesha kama saarayn in magaca Ururinta oo xuquuqdiisa ka mid ahayd gabi ahaan ba laga tirtiro. Hadda haddaan u nimaad jawaab u helista su’aasha ah maxaa seegay Ugaaska? Waxa at ila tahay ila tahay in ay Ugaaska seegeen in markii Djibouti la joogay uu yeelo sida uu abwaanku dan moodo kuna taliyo. Waxa aanan ku rajo weynahay in aanu Cabdi-Qays dheefta buugga ka soo baxda waxba ka yeesheen Ugaaska. DOORKII BUUGGA EE CALI-GURAY IYO WAXA SEEGAY Cali shaqada uu buugga ka qabtay aniga oo aan asaraar galinayn maansooyinka cusub ee aan Ugaasku buugga daabacaddii hore ku darinna og haddana sidaas oo ay tahay kaalintiisu waxa ay noqonaysay dib-u-habayn taasi oo aan u dhigmayn ururin. Horta labadooda midna qoraa maaha laakiin ogaalkayga waxa ay kala qaadanayaan, Ururintii Maxamed iyo Dib-u-habayntii Cali. CALI GURAY MAXAA SEEGAY? In uu mahadnaqa ku xuso Maxamed kaalintiisa shaqo ee buugga una daayo magacii ururinta. Isna uu qaato shaqada iyo magaca dib-u-habaynta. Taasi oo ah waxaanan iska odhanayne aan ku jaan-goynaya qaddarka shaqada buugga gashay iyada oo 100 maanso iyo wax la jira uu Ugaasku soo ururiyay 20 na Cali Guray. CABDI-QAYS MAXAA SEEGAY? Aniga oo ixtiraam iyo sharaf badan ba u haya Cabdi Aadan Xaad haddana waxa qabaa in aan nin habari dhashay hal seegi waayin. Sidaa darteed abwaanka waxa seegtay in aanu nabarka korka ka dhayine cid nasteex ah oo aan garabkan Cali Guray na ahayn, Ugaaska aan la safnayn oo dhex dhexaad ah in uu arrinta kala tashto dabadeeday qiimeeyaan mugga tacabka buugga galay, nooca khaladdada ku jira, sida dib luugu habayn karo iyo inta dhiman ee lugu dari karo. Ugu dambaynna ay uga talo-bixiyaan sidii loo kala xadaynayo shaqooyinka iyo kaalmaha ay kala leeyihiin Ugaaska iyo Cali Guray. HAL-ABUURKA MAXAA SEEGAY? Ragga ay ka mid ka yihiin Qoraa Boobe, abwaan Shaacir iyo abwaan Weedhsame oo saddexdoodu ba meesha ka hadlay iyana waxa seegay in ay xusaan kaalintii iyo shaqadii Ugaasku buugga ku lahaa taasi oo aan filaayo in aanay Cali Guray raali-geliseen. Hasa yeeshee, run qadhaadh oo loo baahan yahay ahayd. Haatanna way u furan tahay in shaqada buugga u kala madeeyaan labada qof ee kala ah Ugaaska iyo Cali Guray oo haddii u arkaan in Cali madihii ku soo xad-gudbayo runta u sheegaan. SHIRKADDA DAABACAADDA EE SAGAL JET MAXAA SEEGAY? Guddoomiye Cabdi Yuusuf Aar gef aad u weyn oo khayru-masuulnimo badani ka muuqato ayuu sameeyay markii uu bixiyay xuquuqdii “Soft copy-gii” uu Ugaasku u dhiibay wali ba xataa isaga oo aan ogaysiin. Halkaana waxa ka muuqatay in uu yaraystay Ugaaska marka loo eego ragga “PDF-ka” ka soo doonay oo dhammaantood ahaa rag magac leh hasa yeeshee, arrintu mid dhaqan ma ahayne waxa la gudboonayd in uu yidhaa waxani shaqadayda ayay dhaawacaysaaye ii kaadiya aan Ugaaskii la tashtee. Khaladkan mid ka weyn oo shirkad wax daabacdaa gabi ahaan ba gali karto anigu ma garanayo. ANIGA OO CABDINAASIR AH MAXAA I SEEGAY? Waxa anigana I seegtay qoraalkii aan bartayda Facebook ku baahiyay ee labada saddar ahaa aanan ku sheegayay in Cali Guray gafaf waaweyn galay uu ahaa gabi ahaan ba mid aan ku dagdagay. Qofkii ugu horreeyay ee arrintaa iga la hadlaana wuxuu ahaa Xuseen Badhaani oo ah nin aan saaxiibo iyo ilmaad ba nahay kaasi oo igu yidhi, way kuu furan tahay in aad buugga Gorfeyn ka samaysaa laakiin qoraalka sidan u kooban ee aan caddaymaha wadan waa khalad. Anna waan ka garaabay oo qoraalkii wax baan ka baddalay caawana waanigaa xusay in midkaasi I hoos maray. MAHAD ALLE IYO MAGAN ALLE. Qaran News
