Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,933
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha hay’adda qaxoontiga iyo barakacayaasha Cabdikariin Xinif ayaa sheegay in beesha degta gobolka Awdal ay saami dheeraad ah ku fadhiyaan golaha wakiillada, Halkan hoose ka DAAWO Source
  2. GAROWE (HOL) - The second annual Puntland Investment Forum brining together entrepreneurs locally and abroad opened today in Puntland’s administrative capital Garowe. Source: Hiiraan Online
  3. Madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland Saciid Deni ayaa maanta waxaa uu ka furay magaalada Garowe shirka maalgeshiga Puntland. Shirkan oo socon doona muddo saddex maalin ah ayaa lagu soo bandhigay kheyraadka deegaannada Puntland iyo sida looga faa’ideysan karo. Shirkan oo aad loo agaasimay waxaa qeyb ka aha shirkado iyo ganacsato ajaanib ah oo ka kala socda dalalka Shiinaha, Carabta iyo dalal kale. Puntland waa dowlad goboleed qaan-gaaray, waxaa uuna horay heshiisyo ula galay dalal ay ku jirto Imaaraadka, sidoo kale waxaa uu xiriir ganacsi oo fiican kala dhaxeeyaa Itoobiya. Wararka Shirkan Kala Soco, Goobjoog News Goobjoog News Source: goobjoog.com
  4. Wasiirka wasaaradda arrimaha Dastuurka ee XFS Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa ku dhawaaqay in sedaxda hay’adood oo kala ah, Wasaaradda,Gudigga La-socodka Dib-u-eegista Dastuurka, Gudigga Madaxabanaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka ay ka go’antahay dhameystiro dastuurka. Wasiir Saalax Axmed Jaamac oo maanta muqdisho ku daah furay Banbax-howleedka ayaa yiri: “waxaa naga go’an hadaanu nahay seddexdan hay’ad in howlaha dastuurka aysan iska noqon arrimo iska furan oo ah mashruuc la iska quuto, waxaan dooneynaa in sida ugu dhaqsiyaha badan ee ugu macquulsan loo dhameystiro dastuurka”. Waxa uu wasiirka uu tilmaamay in kulankan furmaydiiradda lagu saari doonno sidii arrimaha Dastuurka iyo dhameystirkiisa. Sidoo kale, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dastuurka Maxamed Abuukar Zubeyr , waxa uu sheegay in kulankan uu muhiim u yahay seddexda hay’ad maadaama waqtigii loo qabtay dhameeystirka dastuurka uu gebo-gebo marayo. Muumino Sheekh Cumar oo ah Gudoomiye Ku-Xigeenka Gudigga Madaxabanaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka ayaa dhankeeda sheegtay in ka guddi ahaan ay aad ugu faraxsanyihiin ka qaybgalka kulankan, waxaa kale oo ay xustay in gudigga madaxbanaan uu shirka ku soo bandhigi doono waxqabadkiisa iyo waxa u qorsheysan. Dhanka kale Senator Cabdi Qaybdiid oo ah Gudoomiyaha Gudigga La-socodka Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka ee Baarlamaanka ayaa sheegay in shirkan uu yahay mid looga hadlay sidii howlaha masiiriga ah ee dastuurka dhameystirkooda guul looga gaari lahaa. Waxaa xusid mudan,in uu banbax-howleedkan uu socondoono muddo seddex maalin ahm iyadoo looga doodi doonaa qorsho-howleedyada u degsan hay’adaha dib-u-egiista dastuurka, waxaana dhamaadka banbax-howleedka laga soo saari doonaa War-murtiyeed shacabka lala wadaagi doono. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  5. (SLT-Hargeysa)-Madaxweyne Biixi Oo War Cusub Oo Kale Ka Soo Saaray Saldhigii Millatari Ee Imaaraadka Carabtu Ka Dhisanayay Magaalada Berbera, Halkan hoose ka DAAWO Source
  6. Balcad (SMN) – Ciidamada dowladda Somalia iyo kuwa AMISOM ayaa maanta howlgallo balaaran ka sameeyey duleedka degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe. Howlgallada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa waxa ay ciidamadu ka sameeyeen agagaarka deegaanka Gololey oo shalay qarax lagula eegtay mas’uuliyiin ka tirsanaa HirShabelle. Ilo deegaanka ah ayaa Shabelle u sheegay in howlgalladaasi lagu soo qab qabtay dad u badan u dhalinyaro, kuwaas oo baaritaano, kadib ay ciidamaduu sii daayeen. Muddooyinkii la soo dhaafay ayaa waxaa amni xumo aad u baahsan ay ka jirtay waddada dheer ee isku xirta degmooyinka Balcad iyo Jowhar ee gobolka Shabeelaha Dhexe. View the full article
  7. Awdheegle (Caasimada Online) – Inta ugu badan shacabka ku nool degmada Awdheegle ee gobalka Shabeellada Hoose ayaa ka soo horjeestay amarro ay dul-dhigeen dagaalamayaasha Al-Shabaab ee dhowaan laga saaray degmadaasi. Al-Shabaab ayaa dadka degaanka ku amray in ay ka baxaan degmada mar hadii ay gacantooda ka baxday, sidoo kalane aan waxba laga iibsan ciidamada dowladda ee qabsaday iyo in aan lala sameynin wax macaamil ah balse dadkii degaanka ayaa la sheegay in ay isku raaceen in amaradaasi oo dhan laga soo horjeesto. Qaar kamid ah masuuliyiinta milateriga Soomaaliya ee ku sugan degmada ayaa Caasimada Online u sheegay in degmada ay ku nool yihiin dad adag oo go’aan leh islamarkaana ay diideen in ay hogaasamaan amarada A-Shabaab oo degaanka iyo nolasha halis ku ah. “Shacabka waxay isku raaceen in aysan u hoggaansamin amarrada Al-Shabaab iyo cunaqabateentooda waana bulsho adag oo ay ka go’antahay dowladnimada iyo nabadgalyada” ayuu yiri sarkaal ka tirsan milateriga Soomaaliya oo ku sugan Awdheegle. Caasimada Online ayaa ogaatay in dadka degaanka ay ka shaqo badan yihiin ciidanka degmada ku sugan islamarkaana ay sameeyeen is xilqaan amni oo gaar u ah inkastoo ay qabaan walaac amni oo ah markii ay dibadda ka aadaan degmada Awdheegle ee gobalka Shabeellada Hoose. Al-Shabaab ayaa hore amarro dhaqan galay u dul-dhigay dhamaan shacabka ku nool goobaha ay la wareegeen ciidamada Soomaaliya, waxaana kii ugu dambeeyay uu ka dhaqan galay degaanka Bariire ee u dhaw degmada Afgooye ee gobalka Shabeellada Hoose. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  8. Dhuusamareeb (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuridda federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmajao) ayaa saacadaha soo socda ku wajahan magaalada Dhuusamareen ee Caasimadda dowlad goboleedka Galmudug. Qaban qaabo iyo soo dhoweyn loogu jiro wafdiga Madaxweynaha ayaa haatan laga dareemaya gudaha magaaladaasi. Ammaanka ayaa sidoo kale aad loo adkeeyey, iyadoo ciidamo dheeraad ah lagu arkayo waddooyinka degmada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud. Madaxweyne Farmaajo ayaa soo xiri doono shirka arrimaha dib u heshiisiinta Galmudug oo lagu wado in la soo gabagabeeyo maalinta beri ah. Shirkan ayaa waxaa diirada lagu saaray arrimaha dib u heshiisiinta, ka hor doorashada Galmudug ee la filayo in dhowaan ay ka dhacdo halkaasi View the full article
  9. Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash oo khudbad ka jeediyay shirka Maalgashiga Puntland ee maanta Garoowe ka furmay ayaa sheegay in Puntland ay ka jirto xasilooni iyo nabad sahlaysa horumarinta ganacsiga iyo maalgashida si loo hiigsado koboc dhaqaale. “Waa arrin bogaadin iyo amaanba mudan in Hoggaanka Dowladda Puntland garowsado xilligan in ay haboon tahay in la yagleelo himilada la xiriirta horumarinta ganacsiga si loo hiigsado koboc dhaqaale oo waara. Waxaa sidoo kale xusid mudan in hada Dowladdu diyaar u tahay xoojinta maalgashiga gudaha iyo dibeddaba maadaama ay wax ka qabatay waxyaabaha soo jiidan kara maalgashiga, sida xasiloonada ay Puntland ku naaloonaysey mudo ka badan 21 sano iyo abuurida jawi sahli kara horumarinta ganacsiga si loo tiigsado kobcinta dhaqaalaha” ayuu yiri madaxweyne ku xigeenka Puntland. Hoos ka daawo khudbadda madaxweyne ku xigeenka PUNTLAND POST The post Axmed Karaash: Puntland waxaa ka jirta xasilooni iyo nabad sahlaysa horumarinta ganacsiga iyo maalgashiga appeared first on Puntland Post.
  10. Muqdisho (SMN) – Faah faahinno kala duwan ayaa ka soo baxaya dil maanta askari ka tirsanaa ciidamada dowlada loogu geystay isgoyska Sanca ee magaalada Muqdisho. Ragga ku hubeysnaa Bistoolado ayaa toogtay askarigaasi oo la sheegay inuu xirnaa dharka tuutaha Milatariga Soomaaliya. Dad goobjoogayaal ah ayaa Shabelle u sheegay in dalbleydii ka dambeysay dilkaasi ay goobta isaga baxsatay. Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ayaa gaaray meesha ay wax ka dhaceen, kuwaas oo meydka ka qaaday goobta, kadibna baaritaano kooban ka sameeyey halkaasi. Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha hay’adaha amniga oo ku aadan Dilkaasi. Muddooyinkii dambe ammaanka Muqdisho ayaa ahaa mid dagan, iyadoona ay howlgallo ka wadeen ciidamada Booliska Soomaliyeed. View the full article
  11. Muqdisho (SMN) – Wasiirka wasaaradda arrimaha Dastuurka ee XFS Mudane Axmed Jaamac ayaa ku dhawaaqay in sedaxda hay’adood oo kala ah, Wasaaradda,Gudigga La-socodka Dib-u-eegista Dastuurka, Gudigga Madaxabanaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka ay ka go’antahay dhameystiro dastuurka. Wasiir Saalax Axmed Jaamac oo maanta muqdisho ku daah furay Banbax-howleedka ayaa yiri: “waxaa naga go’an hadaanu nahay seddexdan hay’ad in howlaha dastuurka aysan iska noqon arrimo iska furan oo ah mashruuc la iska quuto, waxaan dooneynaa in sida ugu dhaqsiyaha badan ee ugu macquulsan loo dhameystiro dastuurka”. Waxa uu wasiirka uu tilmaamay in kulankan furmaydiiradda lagu saari doonno sidii arrimaha Dastuurka iyo dhameystirkiisa. Sidoo kale, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dastuurka Maxamed Abuukar Zubeyr , waxa uu sheegay in kulankan uu muhiim u yahay seddexda hay’ad maadaama waqtigii loo qabtay dhameeystirka dastuurka uu gebo-gebo marayo. Muumino Sheekh Cumar oo ah Gudoomiye Ku-Xigeenka Gudigga Madaxabanaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka ayaa dhankeeda sheegtay in ka guddi ahaan ay aad ugu faraxsanyihiin ka qaybgalka kulankan, waxaa kale oo ay xustay in gudigga madaxbanaan uu shirka ku soo bandhigi doono waxqabadkiisa iyo waxa u qorsheysan. Dhanka kale Senator Cabdi Qaybdiid oo ah Gudoomiyaha Gudigga La-socodka Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka ee Baarlamaanka ayaa sheegay in shirkan uu yahay mid looga hadlay sidii howlaha masiiriga ah ee dastuurka dhameystirkooda guul looga gaari lahaa. Waxaa xusid mudan,in uu banbax-howleedkan uu socondoono muddo seddex maalin ahm iyadoo looga doodi doonaa qorsho-howleedyada u degsan hay’adaha dib-u-egiista dastuurka, waxaana dhamaadka banbax-howleedka laga soo saari doonaa War-murtiyeed shacabka lala wadaagi doono. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
  12. Muqdisho (SMN): Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/09/Warka-Duhur15092019.mp3 View the full article
  13. Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo uu weheliyo madaxweyne ku xigeenka Axmed Cilmi Cismaan, ayaa maanta magaalada Garoowe ka daah-furay shirka Maalgashiga Puntland oo lagu soo bandhigi doono fursadaha Maal-geshi ee ka jira Puntland kaasi oo socon doona mudda saddex maalmood ah. Shirka waxaa ka qeyb-galaya ganacsato Soomaaliyeed iyo kuwa Ajnabiya oo ka kala socda dalal ka tirsan Afrika, wadamada Carabta, Shiinaha iyo Eeshiyada kale kuwaasi oo mudada shirku socdo loo bandhigi doono fursadaha maal-geshi iyo kuwa ganacsi ee ka bannaan gudaha Puntland. Madaxweynaha Puntland iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland ayaa kormeeray qaybta bandhigga Ganacsatada Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa Puntland oo ay kusoo bandhigeen Ganacsigooda iyo wax-soosaarkooda, waxaana ay ku bogaadiyeen dedaalkooda ganacsi iyo kasoo qayb-galkooda Shirka. Sidoo kale madaxweynaha Puntland oo shirka khudbad ka jeediyay ayaa ka qeyb-galayaasha ku dhiirr-geliyay in ay maal-gashadan Puntland ” Dowladda Puntland waxay dejisay siyaasad maalgashi oo kuu saamaxeysa inaad maalgashi ku sameysid Puntland qayb walba iyo meelkasta oo aad daneynaysid” ayuu yiri madaxweyne Deni. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo Garoowe ka daah-furay shirka Maalgashiga Puntland appeared first on Puntland Post.
  14. Iyadoo maalmahaanba ay Beesha Caalamku wadeen ukala dabqaadis ay u kala dabqaadayaan Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa hadana waxaa jira culeysyo ka imaanaya [...] Source
  15. (SLT-Hargeysa)-Hooyooyin Cabasho La Hor-yimid Xarunta Baarlamaan Somaliland Oo Farriin U Diray Madaxweyne Biixi Iyo Dawladda Hoose Hargeysa, Halkan hoose ka DAAWO Source
  16. Dugsiyada gaarka ahi ma gayaan sidan wasaaradu wax u wado. Qalinkii Cabdi Caawiye Waxaa xaqiiqo ah markii laga soo laabtay barakicii iyo qoxoontigii uu sababay dagaalkii lala galay Dawladii Siyaad Barre 1991 waxa dalka lagu soo noqday iyada oo ay baaba’een dhamaan waxyaabihii laf dhabarta u ahaa aasaaska nolosha sida goobihii caafimaadka, goobihii waxbarshada, goobihii isgaadhsiinta , goobihii ammaanka IWM. Ta aynu u socono oo ah ta tacliinta markii ay idlaadeen dhamaan goobihii waxbarshada waxa ay macalimiintii qaaliga ahayd ee falkooda iyo foolaadkooduba ku qotomay muwaadinimadu ay ardeydii qaxa kasoo noqotay u xaadhxaadheen dugsiyadii dumay ee burburay. Waxa bilaabmay hayaankii geedi socodka waxbarashada waxa uuna qaaday waddo toosan waayo waxa wadey dad daacad ka ah waxbarista ubadkooda oo aan u joojinayn dhibaatooyinkii markaa jirey oo ay ugu weynaayeen amni-daro , duruufo dhaqaale oo dhinac walba lahaa IWM. Waxa la abuuray wasaarada waxbarashada oo si fiican u hanno qaaday, waxa soo batay ardeydii, waxa soo yara noolaaday kaabayaashii dhaqaalaha waxa la dhisay dugsiyadii dawladaa oo jiingado la saaray qaar ka mid ah. Maalinba maalinta ka dambaysay waxa aad usoo kordhaayey kor u kaca iyo hore u marka dugsiyada dawlada. Waxaan xasuustaa anigoo ka mid ahaa ardeydii lagu bilaabay waxbarashada dalka, horumarkii iyo dedaalkii wasaaradii waxbarshada ee xiligaasi waxa uu gaadhay in la bilaabo banaamijkii keddis ee dugsiyada oo lagu qaban jirey garoonka kubadda gacanta Timo-cadde ee Hargeysa. MAXAA IS BEDELAY? 2008 wixii ka dambeeyey waxaa hoos u dhacay laga dareemayey dugsiyada dawlada oo ay sababo u ahaayeen qoddobo dhawr ah • Shaqaalaha wasaarada oo fadhiid noqday. Haddii aad warqad ka donato waxa aad sugsysay inta uu soo toosaayo gudoomiyaha ama • Maciishada oo qaali noqotay iyo macalimiintii oo wixii ay qaadanayeen noloshii qoyskooda dabooli weyday. Taasi waxa ay keentay cagajiid sababtoo ah macalinku wuxuu wax ku dhigaa niyad. Nin biilkii la werwerayaa muxuu wax dhigi. • maamulayaasha dugsiyada oo yeeshay dugsiyada ay joogaan qaarkood ayaa 20 sanno aan la bedelin. • Kormeerka wasaarada oo noqday rag da’ahaan u daalay baahi dhaqaalena qaba. Waxaan arki Jirey kormeerkii oo dhididsan oo soo daalay ayaa kuu immanaaya adigoo fasalka ku jira ileyn waa dad iswada garanaayee wixii aad hayso ayuu gacanta kula galin taasina kala dambayntii iyo gaabkii u dhexeeyey kormeerka iyo macalinka ayey meesha ka saartay. • Xafiisyadda wasaarada oo waqtigaa ahaa meel aad u dhaashay oo aad moodo in aan loox lagu kordhin sidii dalka loo soo galay inkastoo hadda aad loo hagaajiyey. Isku soo wadda duuboo dhibaatoouinkaa iyo qaarkale ayaa ragaadiyey dugsiyada dawlada ee maaha waxa wax u dhimay DUGSIYADA GAARKA LOO LEEYAHAY. Waqti ka dib wax aad hoos ugu dhacaday dardartii iyo hufnaantii dugsiyada Waxbarashada dawlada ta soo marba marka kasii dambaysa sii nusqaamsysay. Intaa ka dib waxa soo baxay dugsiyo gaar loo leeyahay oo tayadii iyo tusaalihii fiicnaa ee waxbarshada kor usoo qaaday. Waxa ay abuureen deegaano ku haboon waxbarshada waxa ay tayeeyeen nidaamka kala dambaynta Iyo daba galka macalinka, waxa ay kor u qaadeen dhaqaalihii macalinkii aynu soo sheegnay ee dhulka yaalay iyaga oo siiyey mushahar dabooli karaaya baahiyaha aasaaska noloshooda. Ogaw dugsiyadani waxa ay ogolaansho iyo waddashaqayn fiican ka heleen bahdii wasaarada waxbarshada oo u arkaayey dugsiyo waxyaabo taban oo la taaban karo kusoo kordhiyey saaxadii waxbarshada Somaliland. Muddo kadib waxa soo kordhay dugsiyadii gaarka ahaa dugsiyada aan ka xasuusto waqtiyadii hore waxaa ugu tun weynaa Ileys, Nuuradiin, 17may iyo qaar kale. Aragridii Bulshsda ee Dugsiyada gaarka ah. Markii ay bulshadu aragtay sida ay usii quusayso tayadii waxbarshada ee dawladu, waxa ay doorbideen oo ay ileys iftiiminaaya nolosha caruurtooda ka arkeen dugsiyada gaarka ah. Waxana ay u kaxeeyeen caruurtoodii dugsiyada gaarka ah. Aminba aminta ka dambaysa waxa la sii kobcinaayey tayada waxbarashada dugsiyada gaarka ah xagga kii dawladuna sii nusqaamayey markii uu waayey cid kor u qaada. Dugsiyadii gaarka ahaa waxa ay u hagar baxeen da’yartii waxa ay keeneen agabkii wax barashada oo dhamaystiran. Waxa ay kor u qaadeen tayadii barayaasha dugsiyada hadda ogow maaha barayaasha dugsiyada gaarka oo kaliya ah macalimiintu waa kuwii dawlada lkn gelina dugsiyada gaarka ayey tagaan gelina dugsiyada dawlada. halkaana waxa kasoo baxay qodob ah in ay kabeen dhaqaalihii macalinkii qaadanayey wax aan dhinacna kaga dhacayn baahidiisa nololeed iyagoo u qoray mushahar ka ugu qaalinsan ee wadanka. Dugsiyada gaarka ahi waxa aysiiyaan macalinka 3 cisho la jooga lacag ka badan 350$. Waxa ay dugsiyada gaarka ahi shaqo abuur u sameeyeen in ka badan kumanaan muwaadin oo isugu jira Macalimiin, maamulayaal, basleyaal, ilaaliyayaal, cunto sameeyayaal, iyo nadiifiyayaal iyo qaarkale oo badan. Hadda ha moodin inaan u jeedo dugsiyada gaarka ahi lacag bay leeyihiin lkn waxaan u jeedaa dhaqaale ahaan macalinkii duruufaysnaa way kabaan. Su’aasha maanta wasaarada waxbarashadu dugsiyadii intaas oo faa’iido ah usoo kordhiyey umada iyo macalimiinta badankooda maxaa ay u rabtaa in ay cagta hoos galiyaan oo la waayoba? Maxaa ay tahay cadaawada at wasaarada waxbarashu u qabto dugsiyada gaarka ah?. Miyaanay muwaadiniin ahayn oo aanay macalimiintii wadanka ahayn? Miyaanay wasaaradu ahayn ta iyadu halkaa dhigtay dugsiyada dawlada? Jawaabahaas iyo falan qayntoodaba kala soco maqaalada dambe. Shaywaal12@gmail.co Qalinkii Cabdi Caawiye 063-4115877 Qaran News
  17. Kulanka oo aad u baahan waxaa kasoo qayb galay kasokow Ganacsatada Soomaaliyeed Ganacsato kakala timid Hindiya, Shiikhaa, Sacuudiga, Emaaraatka, Itoobiya, Turkiga, Ingiriiska, Jarmalka ,Jabuuti iyo [...] Source
  18. (SLT-Burkina Faso)-Hoggaamiyeyaasha wadamada dhaca galbeedka Afrika ayaa kulan ay ku qaateen dalka Burkina Faso ku dhawaaqay in hal billion oo dollar ay u qoondeeyeen ka hortaga falalka amni-darro ee ku sii baahaya gobolka Sahil. Dhaqaalahan ayaa la adeegsan doonaa sannadka soo socda ee 2020-ka illaa 2024-ta sida lagu sheegay kulanka wadamada dhaqaalaha oo loo yaqaan (ECOWAS) ee ka dhacay magaalada Ouagadougou. Dhanka kale waddamada Mauritania iyo Chad ayaa ku biiray dalalka (ECOWAS) ee galbeedka Afrika. Dhanka kale madaxweynaha Niger Mahamadou Issoufou ayaa sheegay in waddamada galbeedka Afrika ay go’aansadeen inay wadaagaan dhaqaalaha si loola dagaalamo kooxaha Argagixisada. Dhaqaalaha sabtidii shalay laga yaboohay Burkina Faso ayaa adeegsan doona ciidanka amniga ee wadamada galbeedka Afrika. Source
  19. Borama (Caasimada Online) ― Maalmihii u dambeeyay ayaa waxa magaalada Boorama ee gobolka Awdal ka dhacayey falal lidi ku ah amniga, taasi oo cabsi xoogan ku abuurtay bulshada ku dhaqan magaalo madaxda gobolka Awdal. Boorama ayaa la daala dhaceysa cabsi amni, taasi oo ay ka dambeeyan dhalinyaro kooxo isku baahaystay, kuwaasi oo rabshado xoogan sameeynayey habeenimadii la soo dhaafay. Kooxahaasi ayaa sababay bur-burin iyo boob hantiyeed, isla markaana dab qabad-siiyay guryo ku yaalay gudaha Magaalada Boorama, iyagoona dad ku waxyeeleyay rabshadahaasi oo dhammaantood ku cusub magaalada. Caasimada Online oo isku dayday inay wax ka weydiiso Badhasaabka Gobolka Awdal, amni darada maalmihii u dambeeysay ka jirtay magaalada Boorama iyo cabsida balaadhan ee ku habsatay bulshada ku nool, ayeysan u suurta-galin. Dhinaca kale, Caasimada Online ayaa waxay isku deyday inay wax ka weydiiso xaalada amni daro iyo rabshadahaasi Saraakiil ka tirsan ciidamada Booliska gobolka Awdal, kuwaasi oo noo xaqiijiyey inay gacanta ku soo dhigeen qaar kamid ah dhalinyaradii falalka amni daro ka geystay magaalada Boorama. “Waxa dhacay maalmihii u dambeeyay, dhallinyaro kooxo ah oo nidaamkii aanu ku naqaanay ka duwan, kuwaasi oo hantida, gaadiidka iyo meheradahaba burburinaya, dadkana waxyeelo u geysanaya, dhacdooyinkaasi dhowrkii habeen ee u dambeeyay ayay ka socotay magaalada, markaa annaga oo la kaashanayna Ciidanka iyo dadweynaha Gacan adag ayaanu ku qabanay” ayuu yiri Sarkaal ka tirsan booliska Borama oo Caasimada Online la hadlay. Taliyaha qeybta booliska ee gobolka Awdal, Gaashaanle sare Guutaale ayaa isaguna sheegay in dhalinyartaasi ay maalmihii u dambeeyay ay culeys badan ku hayeen magaalada, isagoona xusay inay rabshadahaasi qeyb ka ahaayen dad waalid ah, wuxuuna yiri “Dhallinyaro koox-koox ah ayaa culays badan ku hayey magaalada, imika illaa labaatameeyo ayaa saldhigyada ku xidhan, waalidna way ku jiraan, doraadna qaar ayaanu jeelka u gudbinay. waxaana si gaara ugu mahad-celinayaa dab-damiska oo aqalada ay gubeen aad noola hawl-galay”. Si kastaba, magaalada Boorama ayaa inta badan waxa lagu tirin jiray magaalooyinka ugu nabad-gelyada badan deegaanada Somaliland, balse rabshadihii maalmihii u dambeeyay ka dhacayay, ayaa ka dhigaya mid xaaladeedu aysan daganeyn, inkastoo ay laamaha amaanku ku howlan-yihiin soo afjarida falalkaasi lidiga ku ah amniga. Caasimada Online Xafiiska Borama Caasimada@live.com
  20. Hal Qof oo Dumar ah ayaa Xalay ku Geeriyootay Magaalada Berbera, ka dib markii uu ku dhacay Taawarrada Laydhka oo Shub ka samaysnaa, kaasi oo ku hor taagnaa Gurigeeda oo ku yaalla Xaafadda Daaroole. Haweenayda Geeriyootay ayaa iyada iyo Carruurteeda oo 7 ah waxay seexdeen Guriga Hortiisa, maaddaama oo ay xilligan kulushahay Magaalada Berbera, si ay halkaa ugu laydhsadaan, laakiin Saqdii dhexe oo ay Hurdaan Hooyada iyo Carruurteeda ayaa Taawarku soo dhacay, waxaanu ku habsaday Hooyada oo keliya, halka Carruurta aanu waxba yeelin. Sidaana waxa sheegay Weriye Maxamed Cabdillaahi (Soo-fadhiiste) oo ka mid ah Weriyeyaasha ka hawl-gala Magaalada Berbera, kaasi oo barka uu ku leeyahay Facebook ku baahiyey Warkan naxdinta leh. Meydka haweenayda uu Dilay Taawarka ku soo dhacay ayaa waxa Saaka ka hoos saaray Dadka jaarka, sida uu sheegay Weriye Soo-fadhiiste. Lama oga in Taawarku si caadi ah u soo dhacay iyo Xadhkaha Laydhka ee uu siday Gaadhi jidhay, taasina sababtay inuu Taawarku soo jabo. Illaa hadda Maamulka Iyo Laamaha Amnigu kama hadal Geerida Naxdinta leh ee ku timid Hooyada Taawarku dilay. Source