Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,933
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Amiirad Sucuudiyad ah ayaa lagu xukumay 10 bilood oo xadhig dibad jooga ah oo waxa lagu helay in ay af-duubatay oo ay garaacday nin ka shaqaynayey guri kuwa raaxada ah oo ay Paris ka deganayd. Xassa Bint Salmaan waa 43 jir waxaana dhalay boqorka Sucuudiga Salman Bin Cabdelcasiis. Waxa lagu eedeeyey in ay amar ku siisay boodhi gaadhkeeda inuu garaaco nin ka shaqeeya cillad saaridda qasabadaha oo sida la sheegay sawirro kaga qaaday gurigeeda dhexdiisa. Ashraf Ciid, oo ah ninka dacweeyey, ayaa sheegay in ninka boodhi gaadhka u ahaa ku qasbay inu uu Amiiradda cagaha ka dhunkado. Maanta ayaa maxkamad Faransiis ahi Amiiradda ku heshay dembi ah in ay gacan ka geysatay jidh dil iyadoo adeegsanaysa hub iyo in ay sidoo kale af-duub qof qayb ku lahayd. Amiiradda oo hore waaran qabasho oo caalami ah loogu jaray, ayaa xukunka lagu riday iyada oo maqan, waxaana sidoo kale lagu ganaaxay 10,000 Euro. Hase yeeshee, iyadu hore ba way u beenisay eedahaa loo haystay. Ninkii boodhi gaadhka u ahaa oo la yidhaa Raani Saciidi, ayaa isagana lagu xukumay sideed bilood oo xabsi dibad joog ah iyo 5,000 Euro oo ganaax ah. Sidee wax u dhaceen Bishii Sebtember 2016 ayaa Ashraf Ciid waxa loogu yeedhay aqal ku yaal dabaqa shanaad cimaarad kuwa qaaliga ah oo ku taal Avenue Foch ee magaalo madaxda Faransiiska, si uu u hagaajiyo qasabad jabtay. Ninkaa shaqaalaha ah oo dhalasho ahaan Masri ah ayaa sheegay in uu sawirro uun ka qaaday qolka maydhashada ee loogu yeedhay inuu qasabadda u hagaajiyo. Laakiin Amiiraddu waxay sida la sheegay ka cadhootay markii ay aragtay in meesha uu sawirayey muraayad ku taallay muuqeedu ka soo baxay. Hase yeeshee xaashida dacwadda waxa ku caddayd in ay markiiba u yeedhay Saciidi oo ay amar ku siisay inuu garaaco isla markaana qol ku xidho. Mar ayaabay amiiraddu sida la sheegay ku qaylisay “eyga dil, nolol ba ma istaahilee”. Saciidi waxa uu maxkamadda bishii July u sheegay in uu malqay Amiiradda oo i soo gaadh ku dhawaaqaysa, markuu ku soo cararayna uu arkay Ciid iyo iyada oo telefoonka isku haysta. “Waan qabtay oo aan ka awood roonaaday, maan garanayn wuxuu Amiiradda u sheeganayey” ayuu yidhi, waxaanu farta ku fiiqay in ninkaasi doonayey inuu sawirrada Amiiradda iibiyo. In Amiirad sawirro laga qaadaa sharciga Sucuudiga waa ku dembi. Hase yeeshee qareennada difaacayey Amiiradda ayaa sheegay in ay shaki leedahay in maalmo ka dib uu ku noqday guriga isaga oo sita qaan sheeg qiimaheedu yahay 21,000 Euro. Waa tuma Amiirad Xassa Warbaahinta dawladda Sucuudiga ayaa Amiirad Xassan ku amaantay adeegyada aadamenimo iyo u ololaynta xuquuqda dumarka. Waxa la sheegay in ay maalmo kooban ka dib dhacdadaa ay Faransiiska ka tagtay, hase yeeshee Amiiradda su’aalo ayaa laga weydiiyey eedaha loo haystay. Bishii Maarij 2018 ayaa garsoore Faransiis ahi waaran qabasho ah u jaray, waxaanay taasi ku qasabtay in aanay Sucuudiga ka bixin. Qareenkeeda, Emmanuel Moyne, ayaa sida la sheegay yidhi Amiiraddu diyaar ayay u ahayd in ay maxkamadda kaga qayb gasho khadka Skype-ka. Qaran News
  2. Jowhar (Caasimada Online) – Taliska Ciidamada Milateriga Soomaaliya ee Gobalka Shabeelada Dhexe ayaa magaalada Muqdisho u soo wareejiyay qaar kamid ah odayaashii dhaqanka ee u tagay Al-Shabaab, kuwaas oo ay Milateriga Soomaaliya horraantii bishaan ka qabteen degaanka Ceel-baraf ee gobolkaas. Qaar ka mid ah waxgaradka gobalka Sh/Dhexe ayaa Caasimada Online u sheegay in odayaashaan oo gaaraya ku dhowaad 60 qof islamarkaana laga soo qabtay Ceel-baraf ay la wareegtay dowladda Soomaaliya, waxayna arrintaan ka dambeysay kadib markii saraakiisha Milateriga oo haayay ay keeneen Muqdisho. Mid kamid odayaasha dhaqanka ee gobalka Sh/Dhexe oo hadda ku sugan magaalada Muqdisho, ayaa noo sheegay in halkaan ay u yimaadeen sidii loo sii deyn lahaa waxgaradka xiran oo ay la soo wareegtay dowladda Soomaaliya. “Odayaashu, waa ku dhawaad 60 qof oo halbeel ka soo jeeda waxaana laga qabtay Ceel-baraf waxaana loo soo wareejiayay Muqdisho” ayuu yiri mid ka mid ah waxgaradka aan la hadalnay oo soo gaaray Muqdisho. “Dowladdu, Al-Shabaab kama celin karto odayaasha waana xireysaa, waxaase iiga sii daran in odayaashii u tagay oo dhan aan la xiran laakiin hal beel la beegsado” ayuu hadalkiisa sii raaciyay nabaddoonka aan lahadalnay. Muddo ku dhow 15 cesho ayay odayaashaan dhaqanka ku jiraan xabsi ku yaala magaalada Muqdisho iyo kii laga soo wareejiyay ee gobalka Sh/Dhexe sida ay noo sheegeen ehellada odayaasha xiran. Wali ma jirto wax war ah oo ka soo baxay dowladda Soomaaliya oo arintaan ku saabsan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  3. Farmaajo Annual Medical Check–up Report 1-Ultrasound found abdominal Jubaland abdominal pain, Galmudug nausea, Puntland vomiting, Southwest abnormal colon bacteria and Hirshabeele lumps. 2-MRI machines detect severe nepotism tumors, dictatorial trauma, constitutional development delay disease, federalism developmental anomalies, early Ethiopian multiple sclerosis, Somaliland stroke, madoobe sleep disorder, Shabab infection, and American headache. 3-PET scan found small cancerous like term extension fever, Fahad type changes in brain, Khaire heart beat fluctuations, and federalism neurological disorders. 3- CT scanners detected clan bone and opposition joint problems, complex cadaalad fractures and extensive travel tumors, qaraabo influenza, musuqmaasuq heart disease, mariixan emphysema 4- X-ray machines detect qolo naceyb, some clan love infection, laaluush syndromes, acute nariixanism, chronic Hiiraan hate, puntland conditions, Mogadishu cystic fibrosis. 5- laser eye imaging shows sharp tribal vision, blurry vision for federalism, clear centralism, selective miscalculation, poor judgement foreign cataract, qabiil diabetic type one, and Galmudug glaucoma, qabiiliste eye disorders include Nabad nacayb and shabab jacay! Recommendations: Please see your American specialist as soon as possible for further consultations & for possible therapy. Qaran News
  4. safiirka Midowga Yurub Nicolás Martine iyo madaxda Puntland 15-Sep-2019 Dowladda Puntland ayaa mar kale xaqiijisay in Midowga Yurub uu dib u bilaabi doono dhismaha wadada Garoowe-Gaalkacyo oo bishii September ee sannadkii 2018 la joojiyay kadib markii musuq maasuq lagu eedeeyay hay’adda waddooyinka Puntland ee PHA. Af-hayeenka xukuumadda Puntland Jaamac Yuusuf Jaamac (Dabaraani) oo ka warbixinayey kulan shalay dhexmaray madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Nicolás Berlanga Martine ayaa xaqiijiyay in mar kale uu Midowga Yurub ballan-qaaday dib u bilaabidda mashruucii istaagay ee dhismaha wadada Garoowe-Gaalkacyo. Mashruuca dhismaha wadada Garoowe-Gaalkacyo waxaa la daah-furay 11-Maarso 2015 waxaana xilligaasi la shaaciyay in ay ku baxayso lacag dhan $21 malyan oo Dollar taasi $18 malyan oo kamid ah ay bixinayso Midowga yurub halka $3 malyan ee kalena ay bixinayso dowladda Jarmalka. Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) oo ay weheliyeen safiiradii Midowga yurub iyo Jarmalka xilligaasi u qaabilsanaa Soomaaliya Michele Cervone d’urso iyo Andreas Pesxhke ayaa maalintaasi ballan-qaaday in xukuumaddiisa ay ka go’antahay fulinta mashruuca. Balse qoraal 5-September 2018 ka soo baxay safaaradda Jarmalka ee magaalada Nairobi ayaa lagu shaaciyay in la joojiyay mashruuca kadib markii ay musuq maasuqdat hay’adda waddooyinka Puntland ee PHA. Hayeeshee dowladda Jarmalka ayaa mar kale 7-di bishii April ee sannadkan sheegtay in dib loo bilaabi doono dayac-tirka iyo dhismaha wadada Garoowe-Gaalkacyo kadib kulan dhexmaray safiiradda Jarmalka ee Soomaaliya Annett Günther iyo madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni. Jarmalka waxaa fulinta mashruucan u qaabilsan hay’adda Horumarinta iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee GIZ taasi oo mashaariic kalena ka fulisay degaannada Puntland. Halkan ka daawo hadalka Af-hayeenka PUNTLAND POST The post Midowga Yurub oo xaqiijiyay in uu mar kale dib u bilaabi doono dhismaha wadada Garoowe-Gaalkacyo appeared first on Puntland Post.
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna duqa Muqdisho Cumar Filish ayaa xalay kulan la qaatay qaar ka mid ah xildhibaannada beelaha Mogadishu Clan ee baarlamanka Soomaaliya. Kulanka ayaa looga hadlay sidii xildhibaannada Mogadishu Clan ay ula shaqeyn lahaayeen maamulka gobolka Banaadir, looguna midoobi lahaa in magaalada amnigeeda lasugo iyadoo laga mideysan yahay. Cumar Filish ayaa xildhibaannada u sheegay in xilka uu ka hayo gobolka uu ayaga ku matalo, balse qof kasta ay muhiim tahay inay talo ka gaysato sidii gobalka Banaadir looga saari lahaa marxaladaha amni xumo ee haysata. Cumar Filish ayaa isku dayaya inuu wanaajiyo amniga gobolka, si taasi ay u suurta-geliso in la furo waddooyinka xiran ee magaalada, oo shacabka ay aad u dhibsadeen. Xildhibaannada iyo duqa Muqdisho ayaa isku raacay in ay si joogta ah u kulmaan la iskuna xirnaado, si looga wada shaqeeyo danta dadka gobolka u dhashay. Xildhibaannada la kulmay Filish ayaa u badnaa kuwa kasoo jeeda beesha Mudullood iyo qaar ka mid ah kuwa beesha Habar-gidir, inkasta oo ay kulanka sidoo kale joogeen xildhibaano kasoo jeeda beelaha kale ee Mogadishu Clan.
  6. Safarkii Raisul Wasaaraha Soomaalia Mudane Xasan Cali Khayre uu ku tagay Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya maxaa ka soo baxay? Safar qaatay Mudo hal isbuuc ayuu ku tagay sedexda gobol ee maamulk koofur galbeed ee Soomaliya maalitiisa ugu horeeysay waxaa ka degay magaalada baydhabo ee gobolka Bay oo ah xaruunta kumeel gaarka ah ee maamulka wuxuu raisul wasaaraha soomaaliya ka hergliyey dhowr mashruuc ay ka mid yihiin dhagax dhiga wado dhex marta magaalada Baydhabo iyo in uu bixiyey lacag dhan $150,000 (Boqol iyo Konton Kun oo Dollars) oo lagu dhiso garoonka kubada cagta ee Dr Ayuub iyo mashaariic kale oo badan wuxuu Raisul Wasaare Khayre magaaldaas ku sugnaa mudo ku dhow sedex maalmood, wuxuu u gudbay magaalada Xudur ee gobolka Bakool iyadana wuxuu soo dhagax dhigay dhowr mashruuc ay ka mid yihiin dhagax dhiga Isbitaalka Guud ee Xudur iyo Guriga Martida ee degmada Xudur wuxuu kaloo qarameeyey ciidamo ku sugan degmada xudur iyo mashaariic kalo oo badan wuxuuna ku sugnaa Mudo ku dhow sedex maalmood. Hadaba Su’aasha Is weydiinta mudan waxay taahay Shabeellaha Hoose maxaa loo xaqiray? Gobolka Shabeellaha hoose waa gobolka ilbaxnimada iyo xadaarada waa gobol ay shacabkiisa dad nabadeed yihiin waa barwaaqo sooran waa gobol leh wax soo saar waa gobol ku filnaan kara dhammaan soomaaliya inteeda kale quudin kara bulsho weynta Soomaaliyeed, Hadaba dhowr su’aalood aan ka jawaabno. Baraawe Degmada Baraawe ee gobolka Shabeellaha Hoose waa magaalada madaxda rasmiga ah ee maamulka koofur galbeed soomaali ma ay helin xaqii ay laheyd oo ah in loo soo wareego caasumada laguna shaqeeyo manasb iyo meqaam waxay laheyd ku dhex hesho. Qoryooley Degamada qoryooley ee gobolka sh/hoose xiligii la xoreeyey ilaa maanta majirto maalin ay ka soo bexeen ciidamada xooreeyey ee amniga suga u dhinta diifaaceeda xalaydaan qoyan waxaa soo weeraray Ururka Nabad diidka ah ee UGUS way iska difaaceen ma helaan xuquuqda ay ku lahaayeen dowaladooda mid dhex iyo mida maamul goboleed koofur galbeed ciidamada xoreeyey degmada qoryooley ilaa maanta heeganka ugu jiro difaaca shacabkeeda maalintii ay xoreeyeen ilaa maanta oo ay ku sugan yihiin mudada laga joogo xoreynta magaalada ay tahay in ku dhow 7 sano maalina aysan ka soo bixin habeen kasta cadawga soo weeraro waxay xaq u laaheeyn in ay ka helaan dowladooda soomaaliyeed iyo mid koofur galbeed dhiiro gelin ay ka mid in ay helaan mushaaraad iyo in qarameeyo laakin weli ma dhicin taas. Afgooye Degmada Afgooye ee Gobolka Sh/hoose waxaa maalin kasta sii joogta ah looga qaadaa shacabkeeda lacag baad ah oo aan waxna loogu qaban shacabkeeda, baahida wakhti xaadirkaan ka taagan degmada Afgooye waxaa waaye Isbitaalka guud ee degmada Afgooye oo gabi ahanba xermi rabo daruufo daawo la’aan ah iyo derbigigii isbitaalka ku wareegsanaa oo dumay, shacabka degmada afgooye aad ayey uu dhiig baxayaan gargaar ayey u baahan yihiin. Marko Degmada Marko ee Gobolka Sh/hoose Raisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa safar qaatay saacado kooban ku tagay magaalada Marko ee Gobolka Shabeellaha hoose inta uu ku sugnaa waxaa laga abuuray qalqal amni taasi oo loo qadan karo Bay waa Amni, Bakool na waa Amni laakin shabellaha hoose Amni ma ahan suur galna ma ahana in uu maamulka koofur galbeed ee caasumadiisu tahay Bawraawe ee gobolka Sh/hoose in uu u soo guuro shabellaha hoose taasi waa siyaasada uu ka shaqeynaayo mudane C/casiis lafta gareen. Hada inta uu raiusal wasaaraha ku sugnaa magalada marko cadey muxu mashruuc ah uu ka hergeliyey ama uu ka dhagax dhigay hadii ay run tahay hadalkii Madaxweyne C/casiis lafta gareen ee ahaa Raisul wasaare ku soo dhowoow gobolka shabeellaha hoose oo ah gobolka wax soo saarka maamul koofur galbeed soomaaliya iyo magaalada marko oo ah magaaladii ganacsiga ee maamulka koofur galbeed maxay u heli weyday wixii ay heleen Bay iyo Bakool Mudane lafta gareen aan kugu hadal qabsadee waxaan maqli jiray MAA CIIL SOOKEYE AYAA KU HAAYA MISE CIDI SALKEEDA AYAA LAGAA HAAYAA. Dhalinyadrada Sportska Gobolka shabeellaha hoose oo ah laf dhabarta sports soomaaliyeed hadii taariikhda dib loogu noqdo Qaranka soomaaliyeed ee dhanka ciyaaraha gobolka shabeellaha hoose kaalin mug leh ayey ku lahaayeen kuna leeyihiin maanta mudane Raisul Wasaare ma weysan xaq ku laheyn in la dhiiro geliyo oo ay helaan wixii Bay iyo Bakool ay helaan ma weysan xaq u laheyn in ay helaan Garoomo ay ku ciiyaaraan si la mid ku Bay iyo Bakool Ma weysan xaq u laheyn in ay helaan agab sports hada ogoow sportska Shabeellaha hoose waa kaabaha sportska Qaranka Mudan C/casiis Lafta gareen aan kugu hadal qabsadee waxaan maqli jirtay MA CIIL SOOKEEYE AYAA KU HAAYA MISE CIDI SALKEEDA AYAA LAGAA HAAYAA. Rabi ha sugu xaqa shabellaha Hoose. Hada shacabka Gobolka Shabeellaha Hoose walaalyaal Maxaa idinla gudboon hadii ay aad u jeedaan in la idin xaqiraayo maad is muujisaan oo aad dareenkiina soo gudbisaan, waxaa idin la gudboon hadii Aydan haysan Wakiilo indin ku metela dowlada dhex iyo dowalada goboleedka labada waxaa keliya idin la gudboon waa I aad baanaan bax nabadeed aad ku muujisaan cabashadiina iyo tabashooyinkiina. Rabi ha idin amaansado xaqiina Allah sugo reer shabeellaha hoose. Mahadsanidiin W/Q: Mohamed Ali Barre Email: Moaliybarre@gmail.com Nairobi, Kenya AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  7. Sawirka 20-Agoosto 2019 mudaharaad habeen Laascaanood Wararka ka imaanaya magaaalada laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa sheegay in halkaasi xalay lagu dilay askari ka tirsan ciidanka Asluubta Somaliland ee gacanta ku haya xabsiga Laascaanood. Goobjoogayaal ku sugan degmada Laascaanood ayaa warbaahinta Puntland Post u xaqiijiyay in dilka askariga uu fuliyay nin hubaysan oo sida dadka qaar sheegeen isna ka tirsanaa ciidanka Asluubta Somaliland inkasto aysan mas’uuliyiinta Somaliland weli ka hadlin dhacdada islamarkaana aan si rasmiya loo xaqiijin in shakhsiga wax dilay uu askari ahaa iyo in kale. Sidoo kale rasaastii uu riday ninka askariga toogtay ayaa waxa ku dhaawacmay qof shacab ah oo halkaasi ku sugnaa waxaana goobta isaga baxsaday ruuxii dilka gaystay sida ay sheegeen goob-joogayaashu. Booliiska Somaliland oo xalay hawlgallo ka sameeyay magaalada Laascaanood kadib dilka askariga ayaan weli war ka soo saarin natiijada hawlgalkooda. PUNTLAND POST The post Asakari ka tirsan ciidamada Somaliland oo xalay lagu dilay magaalada Laascaanood appeared first on Puntland Post.
  8. KUWAIT CITY - The Ministry of Commerce and Industry has brought to the attention of the concerned officials in the ministry to tighten control over the markets and ban the import of Somali coal fearing Source: Hiiraan Online
  9. Roberta Rampton, Rania El Gamal WASHINGTON/DUBAI (Reuters) – The attack on Saudi Arabia’s oil facilities on Saturday that has threatened global oil supplies came from a [...] Source
  10. The idea that Africa’s youth bulge is the key to sustained economic growth—a so-called demographic dividend—is a popular talking point for aging African leaders who coopt such language in an effort to signal faith Source: Hiiraan Online
  11. Masuuliyiinta ay Al-shabaab ay sida aadka u raadiyaan Waxaa kamid ah Xildhibaan Xuseen Carab Ciise oo Xukuumadii Madaxweyne Sharif soo noqdey Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya, walibana [...] Source
  12. (SLT-Laascaanood)Nin hubaysan ayaa caawa Askari ka tirsan ciidamada Asluubta ku dilay badhtamaha magaalada Laascaanood halka uu nin kale oo shacab ahna ku dhaawacay. Wararka qaar ayaa sheegaya in ninka wax dilayna ka tirsan yahay ciidamada Asluubta. Wali macadda sababta Dilka dhalisay iyo in la qabtay gacan ku dhiiglihii. Xarunta Gobolka Sool ee Laascaanood ayay marar badan ka dhacaan Dilal toogasho ah, in kasta oo mudooyinkii danbe xaaladda Ammaanku ka soo raynaysay. Source
  13. New York (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa ku guuleysatay inay ugu dambeyn joojiso qorshihii Imaaraadka Carabta uu saldhig militari uga sameysan lahaa magaalada Berbera, kadib cadaadis xooggan oo caalami ah, Caasimada Online ayaa sidaas ogaatay. Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ayaa shalay si lama filaan ah u shaaciyey in garoonka la qorsheynayey in laga dhiso Berbera, si ay u adeegsadaan diyaaradaha militariga Imaaraadka Carabta loo beddelay mid shacab. Muuse Biixi ayaa hadalkaas dib uga gurtay maanta isaga oo sheegay in garoonka ay wadaagi doonaan diyaaradaha militariga iyo shacabka, hase yeeshee Caasimada Online ayaa og in Muuse Biixi isku dayayo inuu dib u saxo hadal uusan ugu talo-gelin oo ka dusay. Xog gaar ah oo aan helnay ayaa sheegeysa in cadaadis socday muddo oo safiirka Soomaaliya ee QM Abuu Daahir Cusmaan Abuukar Baalle uu saaray Imaaraadka Carabta uu gu dambeyn miro-dhalay, kuna qasbay Imaaraadkaa inay isaga baxaan Berbera. Abuukar Baalle ayaa dacwado xiriir oo joogto ah oo ka dhan ah Imaaraadka u gudbiyey golaha ammaanka ee QM, isaga oo ku eedeeyey inay ku xadgudbeyso madax-banaannida Soomaaliya. Sida ay ogaatay Caasimada Online, dacwadii ugu dambeysay ayaa danjiraha wuxuu gudbiyey 4-tii bishan, waxaana Imaaraadka Carabta uu gu dambeyn go’aansaday 8-dii bishan in la joojiyo dhismihii saldhigga, ayada oo lagu amray dhammaan shaqaalihii iyo mas’uuliyiintii inay halkaas isaga baxaan kuna laabtaan Dubai. Qaar ka mid ah dalalka waa weyn ee caalamka ayaa la rumeysan yahay inay cadaadiyeen Imaaraadka, oo rajo ka qaba inuu xubin aan joogto ahayn ka noqdo golaha ammaanka sanadda 2021, ayada oo looga digay in xadgudubyada joogtada ah ay taas ka hor-istaagi karaan. Go’aanka Imaaraadka Carabta uu kaga noqday qorshihiisa saldhigga Berbera ayaa sidoo kale la rumeysan yahay inay qeyb ka tahay is-beddealka ku yimid siyaasaddii Imaaraadka Carabta ee dagaalka Yemen, ayada oo Abu Dhabi ay bilihii dhowaa si tartiib ah uga baxaysay Yemen. Saldhigga Berbera ayaa ujeedadiisa waxaa qeyb ka ah in loo adeegsado in laga weeraro Yemen. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  14. Shalay Xayaysiisku Wuxu Ahaa Galmo Oo Dhan Iyadoo Kufsi Lagu Soo Gabbanayo; Maantana In Qofku Nafta Iska Jaro; Waa Sidaa Arrinku Marka Dhaqanka NGO Gu Kula Fogaado; Mashruucaysi Baa La Yidhaa; Waar Ilaahay Baa Risiqa Bixiyee Ha Iska Soo Xambaaranina Dhaqanada Iimaan-Laawayaasha Ku Badan!!! Waxa Xigi In La Sameeyo Xogo Iyo Tirakoobyo Bug Ah, Dabadeedna La Yidhaa Oo Miyaa Ogtihiin Intuu Marayo Is-Dilku Ama Dadka Qudha Iska Jaraa Sanadkii; Maydinkaa Waxbaba Og; Dabadeedna Inta Xaflad Lagu Soo Casuumo Mid Wasiir Ah Ay Kaga Yeedhsiiyaan Sida Babqaaga Arinkaas Oo Uu Halkaa Ku Qiro; Mar Haddii Policy Makers Ku Qiraan Mashkiladdaas, Iyaga Way U Gashay, Maxaa Yeelay Macnaheeda Ayay Garanayaan; Markaasuu U Dararayaa Oo Uu U Qarxayaa Mashruucu!!!! Dhinaca Kale, Ma Dafirayo In Waligeedba Ay Dhici Jirtay Carrigeena Iyo Meel Kasta Oo Bani’aadam Ku Noolyahay Qof Is Dila Iyo Qof Wax Kufsada, Laakiin Waa Wax Kooban Dhulkeena, Mashruucna Ma Noqon Karto; Hadalhaynta Xumaanta Ayaaba Dhiirigalin Ah Iyo Xayaysiis Ah; May La Socotaa!!! Cabdo; Maamul Wanaagga Iyo Ku Dhaqanka Sharciga W/Q: Prof-Abdi Ali Jama Source
  15. Sidaynu la soconay jamhuuriyada Somaliland waxay heshiis caalamiya la gashay dalka imaraatka carabta. heshiisyadaasi waxaa la mariyay oo si buuxda u ansixiyay golayaasha qaranka. Hadaba su’aalaha la iswaydinayaa waxay tahay, maxaa sababay heshiis ay ansixiyeen golayaasha qaranka in si fudud loo burburiyo, iyadoo arintani ay tahay heshiis caalamiya. Waxaynu ogsoonahay Madaxweyne Muuse inuu tagay dalka aynu jaarka nahay ee Jabuuti, halkasoo si diiran loogu soo dhaweeyay, inkastoo meqaamka lagu soo dhaweeyay uu u ekaa oday muddo dalkiisa jabuuti ka maqnaa. Dulucda qoraalkaygan wuxuu yahay waxaynu ogsoonayn Dalka Imaraatka Carabta iyo Dalka Jabuuti inuu xidhiidhkoodii xumaaday, sababaha keenayna uu ahaa markay ogaatay Jabuuti inuu Imaraatka maal galin ku samaynayo Jamhuuriyada Somaliland. Jabuuti waxay si wayn uga cadhootay maal galintaas, waxayna qaaday talabooyin waawayn oo ay doonaysay inay ku burbursio heshiis yada ay wada galeen Jamhuuriyada Somaliland iyo Imaraatka Carabta. Madaxweyne Muuse intii uu talada dalka la wareegay wuxuu qaaday talabooyin uu ku baabi’inayay heshiisyadii ay gashay xukuumadii isaga ka horeysay ee uu Hogaaminayay Axmed Silanyo, Madaxweyne Muuse waxaa si wayn u bogaadiyay dawlada Somalia, tasoo sheegtay inuu qaaday Madaxweyne Muuse talaabooyin lagu bad baadinyay dalka Somalia, oo ay ula jedaan kanoqoshada uu ka noqday heshiiskii ay wada galeen Jamhuuriyada Somaliland iyo Imaraatka Carabta ee ku aadana saldhiga meleteri ee Imaraatka laga siyaayay Gobolka Saaxil casimadiisa Berbera, Heshiis golayaal qaran ay ansixiyeen in si fudud looga baxaa waxay lafjab ku tahay qaranimada jamhuuriyada Somaliland, Madaxweyne Muuse labadii socdaal ee ugu danbeeyay qarankan wuxuu usoo qaaday guul darooyin dalkan iyo dadkan qaran jab ku ah, kuwasoo kala ah la kulankii uu la kulmay wasiirka arimada dibada Somalia, wasiirkasoo ahaa kii dalka GINI xidhiidhka u jaray markuu arkay meqaanka ay siyeen Dalkaasi Jamhuuriyada Somaliland iyo Dalka Jabuuti oo Madaxweyne Muuse ay ka saxiixeen qodobo aan la garanayn. Guntii iyo gunaanadka ka madaxweyne mustaqbal ahaan waxaan madaxweyne muuse ku boorinayaa oo aan leeyahay dalkan hadaad usoo halgantay ilaahayna kugu simay talada dalka sharaftiisa iyo karaamadiisa dhawr, heshiisyadii ay gashay xukuumadii ka horeysayna xaqdhawr. awaadan5@gmail.com Source
  16. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/09/Bar____-Qumanaha-___-Wararka-15092019.mp3 View the full article
  17. Xiriirka u dhexeeya Mareykanka iyo Soomaaliya marwalba wuu ka fogaa sidii ugu fiicnaa. Xaqiiqdii, waxaa lagu gartay ixtiraamdarro, munaafaqnimo, xasuuq, is qabqabsi iyo dib u [...] Source
  18. The relationship between the United States and Somalia was always far from ideal. In fact, it was characterized by disrespect, hypocrisy, massacres, letdowns and open [...] Source
  19. Muqdisho-(Caasimada Online) – Deegaan lagu magacaabo Garas Deelle oo qiyaastii 3-KM u jira magaalada Balcad ee gobolka Shabeellada Dhexe ayaa galabta lagu weeraray ciidamo ka tirsan howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM. Weerarka oo ku bilaawday miino dhulka lagu aasay oo haleeshay mid kamid ah gaadiidka gaashaaman ee AMISOM, ayaa waxaa xigay weerar fool ka fool ah, oo gaystay khasaare iskugu jira dhimasho iyo dhaawac. Goobjoogayaal ayaa sheegay in ay arkayeen gadiid dagaal oo ay wateen ciidamada AMISOM oo gubanaya, waxaana la sheegay in goobtii lagu dagaalamay oo aad ugu dhaw degmada Balcad ay gacan ku heynteeda ku hareen kooxdii weerarka soo qaaday ee Al-Shabaab. Wali lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkaas oo ka dhacay waddada xariirisa Muqdisho iyo Balcad, gaar ahaan meel aad ugu dhaw Balcad oo Al-Shabaab aysan horay aysan ugu dhiira jirin in ay weerarro ka geysa jirin, waxeyna wararku sheegayaan in khasaare badan uu dagaalkaas kasoo gaaray dagaalamayaasha Al-Shabaab. Geelle Isxaaq Cismaan oo ah wasiir ka tirsan maamulka Hir-Shabeelle ayaa sheegay in Al-Shabaab ay jab xoog leh kala kulmeen weerarka ay galabta ku qaadeen AMISOM, wali wax war ah oo ku aadan dagaalkaas kama soo bixin dhinacyada AMISOM iyo Al-Shabaab. Weerarkaan ayaa kusoo aadaya iyadoo shalay meel 10-KM u jirta degmada Balcad ee gobolka Shabeellada Dhexe ay Al-Shabaab ku laayeen mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Hir-Shabeelle, oo ka baxay degmada Balcad kuna wajahnaa magaalada Jowhar ee xarunta maamulkaas. Sidoo kale Al-Shabaab ayaa sheegatay in duleedka deegaanka Gololay oo hoos taga degmada Balcad ay isla shalay ku dileen ilaa 14 askari kuna dhaawaceen 8 kale oo ka tirsanaa howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM gaar ahaan kuwa Burundi. Gabi ahaanba waxaa maanta la hakiyay isticmaalka wadada xariirisa Muqdisho iyo Balcad waxaana la sheegay in howlgallo miino baaris ah maanta galinkii dambe ay ka bilaabeen ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya. Waddada xariirisa magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka iyo magaalada Jowhar ee sii marta degmada Balcad ee gobbolka Shabeellada Dhexe ayaa noqotay mid ka mid ah wadooyinka ugu halista badan dalka, waxaana saacadihii u dambeeyay ka dhacay weerarro sil-silada ah. Caasimada Online Xaafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  20. Muqdisho (SMN) – Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay Tubta Qaran ee gaarsiinta caafimaad dhameystiran,kaas oo mawaadin kasta oo Soomaaliyeed u ogolaanaya in uu helo daryeel caafimaad oo heer caalami ah. Wasiirka Wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka bulshada DFS, Fowsiya Abiikar Nuur, oo wasaaraddeedu ay diyaarsay Tubta qaran ee xaqiijinta caafimaadka loo dhanyahay, ayaa sheegtay in Qorshaha tubta uu yahay in mawaadin kasta oo Soomaaliyeed uu helo adeeg caafimaad oo tayeysan oo culeys dhaqaale aan bulshada ku keeneyn. Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka ayaa guul ku tilmaamay in maanta la daah-furay tub adeeg caafimaad oo caalami ah oo gaar u ah Soomaaliya, ka tarjumeysa duruufaheeda, lana jaan-qaadeysa duruufaha caalamiga ah ee jira, waxa uuna codsaday in dhamaam si wadajir ah looga shaqeeyo ka faa’iideysiga tubta caafimaadka dalka. Munaasabadda daah-furka tubta qaran ee caafimaadka, waxaa goob joog ka ahaa wasiiro, xildhibaanno, safiirrada Turkiga iyo Talyaaniga iyo safiir ku-xigeenka Qatar ee saldhiggoodu yahay Muqdisho iyo mas’uuliyiin ka socota WHO, UNFPA, iyo UNICEF. View the full article
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Dhowrkii maalmood ee tagay waxaa baraha bulshada aad looga hadal hayey dhacdo la sheegay inay dhex-martay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed iyo ilaalada madaxwene Farmaajo. Caasimada Online oo arrintan xaqiijin ku sameeyey ayaa la hadashay xubno ka mid ah qoyska Cali Mahdi, kuwaas oo xaqiijiyey inay sax tahay oo ay jirto in ilaalada Farmaajo ay celiyeen madaxweynihii hore. Waxay sheegeen in Cali Mahdi laga celiyay mid kamid ah baraha Koontorool ee laga ilaaliyo madaxtooyada Soomaaliya, iyadoo ilaalada madaxweyne Farmaajo ee loo yaqaano koofiya gaduuda ay ku xujeeyeen in uu la yimaado aqoonsi uu ku maro wadada. Cali Mahdi oo sida aan xogta ku helayno aad uga xumaaday arrintaas ayaa askartii ku war geliyay in uu yahay madaxweynihii hore ee dalka, cid aqoonsi uu uga baahanyahana aysan jirin. Askartii ku sugneed barta koontorool ee laga ilaaliyo madaxtooyada ayaa iyaguna ku adkeystay in wadadaas loo diido in uu maro madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cali Mahdi, hadii uusan wadan aqoonsi. Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa la sheegay in ay gaartay arrintu oo uu soo fara galiyay, waxaana uu xaafiiskiisa ku qaabilay Cali Mahdi oo ka mid ah madaxweynayaashii isaga ka horreeyay, waxa uuna ka raali galiyay falka ay kula kaceen askartiisa. Raali galin kadib ayaa waxa uu madaxweyne Farmaajo ka dalbaday Cali Mahdi in loo sameeyo aqoonsi ama ID CARD uu ku maro wadooyinka xiran ee magaalada Muqdisho, waxaana mar kale arrintaas aad uga carooday madaxweynihii hore Cali Mahdi Maxamed. “Ma anigaa aqoonsi la ii sameynaa, oo ma adigaa aqoonsi aan Xamar ku joogo ii samaynaya?” ayuu yiri Cali Mahdi, sida aan xogta ku helnay kadibna isaga soo tagay xafiiska Farmaajo. Madaxweyne Farmaajo ayaa kadib Cali Mahdi u diray xubno ay ka mid yihiin duqa Muqdisho Cumar Finish, iyo Salaad Cali Jeelle iyo Cali Geedi Maxamed oo ah laba ka mid ah siyaasiyiinta beesha Abgaal ee mushaharka ka qaata Villa Somalia si ay u taageeraan Farmaajo, kuwaas oo Cali Mahdi gaarsiiyey raali-gelin, sidaasna lagu xaliyey kiiska. Caasimada Online Xaafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  22. Somali President is heading to Dhusamareeb, the capital city of Galmudug State in central Somalia for the coming hours to attend the closing ceremony of reconciliation meeting. For the past week, Dhusamareeb was hosting the reconciliation conference in the region which was focusing on the preparation of the upcoming elections in Galmudug. The government troops are tightening the security in the city and new additional troops are seeing in the streets of the districts in Dhusamareeb the capital city of Galmudug State. President Farmaajo will attend the closing ceremony of the reconciliation meeting which is going to an end tomorrow. The president is traveling to Dhusamareeb for the second time while in the office and this comes after the Prime Minster spends for almost 2 months and attend the opening ceremony of the reconciliation meeting. View the full article
  23. Ciidamo kale oo ka amar qaata taliyaha bilayska Puntland Gen. Muxiyadiin Gacamey ayaa caawa galay xarunta Daljir Boosaaso iyagoo handadaad u geystey qaar kamid ah [...] Source