Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,095
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Washington DC (Caasimada Online) – La-taliyihii hore ee ololaha doorashada madaxweyne Donald Trump, Michael Caputo, oo ah xeelad yahan Jamhuuri ah, ayaa sameystay shirkad u ololeysa dalalka shisheeye, waxaan kalyantigiisa koowaad noqday Soomaaliya. Cabuto, oo aad ugu dhow saaxiibna la ah madaxweyne Donald Trump, ayaa matli doona Soomaaliya, isaga oo danaheeda ka gadi doona maamulka madaxweynaha. Waa shaqadii ugu horreysay ee loobinimo ama u ololeeye dal shisheeye oo uu qabto Caputo, oo xisbiga Jamhuuriga Mareykanka aad looga ixtiraamo. Waxa uu matali doonaa safaaradda Soomaaliya ee Washington DC, waxaana inuu shaqadan helo ka caawiyey xiriirka muddada fog kala dhaxeeya madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Xiriirka Caputo iyo Farmaajo ayaa kasoo billaabmay magaalada Buffalo ee gobolka New York, markaasi oo madaxweynaha Soomaaliya uu ka qeyb-gali jiray siyaasadda deegaanka ee xisbiga Jamhuuriga. Caputo ayaa sidoo kale sanado badan oo noloshiisa ka mid ah kusoo qaatay Buffalo. “Sharaf weyn ayey ii tahay inaan shaqadan qabanayo” ayuu yiri Caputi oo ka hadlayey shaqada ay dowladda Soomaaliya u magacowday. “Waxaan dareemayaa inay waajib igu tahay inaan qabto” Caputo ayaa aaminsan in Mareykanka uu wax badan ka caawin kara in xasilooni lagu soo dabaalo Soomaaliya. Waxa uu sheegay in isaga iyo Trump ay isku si u arkaan waxa u wanaagsan Soomaaliya. “Waa wax na caawinaya inuu xiriir wanaagsan la leeyahay maamulka [Trump]” waxaa sidaas yiri safiirka Soomaaliya ee QM Abuukar Daahir Cusmaan, oo uu soo xigtay wargeyska Buffalo News. “Waxaan sidoo kale rumeysannahay inuu nala xalin karo arrimo badan” ayuu yiri safiirka. “Soomaaliya waxay ku jirtaa marxalad kala-guur oo xasaasi ah” ayuu yiri Danjire Abuukar, “Mareykanka waa saaxiib muhiim ah, gaar ahaan dhinaca amniga.” Daniraha ayaa sidoo kale sheegay in dowladdiisa ay raadineyso in gacan laga siiyo sidii looga caafin lahaa daymaha hay’adda lacagta adduunka ee IMF. “Dadka Soomaaliyeed waxay u qalmaan nolol la mid ah taan ku haysanno halkan Mareykanka” ayuu yiri Caputo. Caasimada Online Xafiiska Minneapolis caasimada@live.com
  2. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/08/Bar___-Qumanaha-___-Wararka-26082019.mp3 View the full article
  3. ANKARA - Turkey is becoming a favorite destination for many Somali youth, to pursue higher education in order to realize their dreams. Muhammed Ahmed, who graduated in medicine from Antalya University...... Source: Hiiraan Online
  4. (SLT-Hargeysa)-Prof. Cabdi Cali Falanqayn Ku Sameeyay Saamaynta Hadalkii Taliye Nuux Taani, Halkan hoose ka DAAWO Source
  5. Semi-final fixtures at the Council for East and Central African Football Associations, CECAFA, under 15 championships, will be played on Wednesday (August 28) in the Eritrean capital Asmara. Source: Hiiraan Online
  6. (SLT-Hargeysa)-Kornayl Caarre Oo Farriimo Culus Soo Diray Kala Diray Madaxweyne Muuse Biixi, Taliye Nuux Taani Iyo Beesha Caalamka, Halkan Hoose Ka DAAWO Source
  7. The Somali government has accused the Kenyan military of destroying mobile phone masts in the south of the country, where Kenyan troops are deployed in the fight against the Islamist militant group, al-Shabab. Source: Hiiraan Online
  8. (SLT-Hargeysa)-Maraykanku Ma Saldhig Millatari Ayuu Ka Doonaya Somaliland??, Halkan hoose ka DAAWO Source
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Ma aheyn sheeko iyo dedaal waqti dheer lagu bixiyay in taliyihii hore ee ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Baashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe) loo magacaabo maareeyaha guud ee wakaaladda hormarinta dhimsaha ee Soomaaliya kadib markii dhowaan laga qaaday xilka taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliyeed. Caasimada Online ayaa ogaatay in Bashiir Maxamed Jaamac, uu shalay iyo xalay kulan la qaatay wasiirka dhalinyarada iyo cayaaraha Soomaaliya xildhibaan Khadiijo Maxamed Diiriye, islamarkaana uu ka dalbaday in xilkaan oo ah boos muhiim ah loo magacaabo, islamarkaana ay kala hadasho ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, oo ay saaxiibo yihiin. Wasiir Khadiijo oo ku qanacday xilkaan islamarkaana kala tashatay Bashiir Goobe iyo xildhibaan xeyle oo qaraabo yihiin labadaba ayaa xalay la kulantay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya iyadoo ka dalbatay in xilkaan uu u magacaabo Sarreeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac. Xildhibaan Khadiijo Maxamed Diiriye oo leh awood badan oo ah guud ahaan xafiisyada dowladda soomaaliya, gaar ahaan xafiisyada madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa Kheyre ka dhameysay magacaabista Bashiir Goobe iyadoo isla-maanta lagu dhawaaqay in Bashiir Goobe loo magacaabay maareeyaha guud ee wakaaladda hormarinta dhimsaha ee Soomaaliya. Sarreeye guud Bashiir Maxamed Jaamac, ayaa dhowrkii bil ee la soo dhaafay ku howlanaa dayactirka taalooyinka qaranka ee magaalada Muqdisho iyo guryo kale oo dan guud ah. Goobaha dayactirka lagu sameeyay islamarkaana uu hogaaminayay Bashiir Goobe, ayaa waxaa kamid ah taaladii Xaawo Taako, madxafka qaranka, tiyaatartka qaranka, taalada Dhagax-tuur iyo maktabaddii qaranka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  10. (SLT-Nairobi)-Dawladda Kenya ayaa maanta si tijaabo ah u billowday dhoofinta saliidda caydhiin oo laga dhoofiyey dekedda magaalada Mombasa, Halkan hoose ka DAAWO Source
  11. (SLT-Hargeysa)-Mas’uuliyiin Reer Somaliland Oo La Gudoonsiiyay Shahaadooyin Been Abuura, Halkan hoose ka DAAWO Source
  12. (SLT-Hargeysa)-Xarunta Xuquuqal iinsaanka Somaliland ayaa Xukuumadda ugu baaqday in Xorriyaddooda loo soo celiyo dhallinyaro 13 bilood ka hor laga soo xidhay Gobolka Sanaag, kuwaasi oo muddada intaa leeg ku xidhnaa Xabsiga dhexe ee Magaalada Hargeysa, iyagoon Maxkamad la hor geynin. War-saxaafadeed ka soo baxay Xarunta Xuquuqal iinsaanka oo soo gaadhay Somalilandtoday ayaa u qornaa sidan “Xarunta Xuquuqal Insaanku waxaay ugu baaqaysa dawladda Somaliland inay joojiso xadhiga aan garsoorku jidayn ee gobolka Sanaag ka dhacaya Xarunta Xuquuqal Insaanku waxaay ugu baaqaysaa dawladda Somaliland inay xorriyadooda u soo celiso afar qof oo sifo sharci darro ah ugu xidhan mudo sanad ka badan iyada oo aan wax maxkamad ah la gayn. Cabdilaahi Faarax Cabdilaahi, 13 jir, Jaamac Ibraahim Xasan, Maxamed Cabdilaahi Maxamed iyo Siciid Jaamac Ismaaciil, 16 jir, waxay booliska Somaliland ka soo xidheen deegaano ka tirsan degmada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag, Julay 2018, iyaga oon haysan amar qabasho oo maxkamadeed. Waxa soo qabqabtay ciidanka sida gaarka ah u tabo baran ee RRU da. Islamarkii la soo qabtayba waxa lagu soo wareejiyay xabsiga dhexe ee Hargeysa, oo boqolaal kiiloo mitir u jira guryohoodii iyo qoysaskoodii. Mar qudha maxkamad lama hor gayn. Sanadkii 2018 waxa isku dhac beeleed oo ka dhacay tuulada Ceeryaan ku dhintay saddex qof. Ciidanka RRU da ayaa la geeyey goobahaas. RRU da ayaa markaa soo xidhay afarta qof ee ilaa iminka xidhan. Qodobka 25aad ee Dastuurka Somaliland wuxuu sheegayaa “qofka xorriyadda looga qaaday fal-dembiyeed lagu eedeeyey awgeed, waxa uu xaq u Ieeyahay in lagu hor geeyo maxkamad 48 (siddeed iyo afartan) saacadood gudahood, laga bilaabo marka Ia qabtay.” Afart qof ee July 2018 la xidhay maxkamad lama gayn. Wax eed ah laguma soo oogin. Mana jirto dacwad laga gudbiyay oo lagu haysto. Waxaay ku jireen xabsiga mudo saddex iyo toban bilood ah iyada oo aan eed lagu oogin, maxkamad la gayn, dembi lagu haystona loo sheegin. Sida ku cad qodobka 47(3) ee Xeerka Habka Ciqaabta qofka xidhan ka hor intaan dacwad lagu soo oogin waa in tobodii maalmood ee kasta hal mar la horgeeyo garsoore. Waxa cad in lagu gefay Xeerka Habka Ciqaabta ee Somaliland. In dad la iskaga hayo xabsi muddo aan cayinayn oo daba furan ah waa arin sharciga ka soo horjeedda. Waxa sidoo kale lagu gefay Xeerka Nidaamka Garsoorka Carruurta oo waxa ka mid ah dadka xidhan laba ciyaal ah oo ka yar da’da 18. Maaha masuuliyiinta dawladdu inay u adeegsadaan khilaafaadka beelaha inay ka dhigtaan marmarsiinyo ay dhinac iskaga riixaan dastuurka. Marka dagaaladu jiraan waa xilliga ku haboon ee la eego kalsoonida iyo awoodda hay’adaha dawladeed. Shaqada garsoorku maaha oo keliya xilliga nabadda, ee sidoo kale garsoorku waa inuu shaqadiisa guto xiliyada rabshaduhu jiraan. Qodobka 9(1) ee Heshiiska Caalamiga ah ee Xuquuqaha Madaniga iyo kuwa Siyaasiga ah ayaa sheegaya “qofna si sharciga ka soo horjeedda ah looma xidhi karo, layskagamana hayn karo, qofna xoriyaddiisa lagagama xayuubin karo sifo sharciga ka baxsan.” Sidoo qodobka 9 ee Baaqa Caalamiga ee Xuquuqda Insaanka ayaa sheegaya “qofna ma mudan karo xadhig ama hayn sharci darro ah.” Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay ugu baaqaysaa dawladda Somaliland inay ixtiraamto dastuurkeeda oo ay sii dayso dadkaas loogu hayo xabsiga sifo ka soo horjeedda qaanuunka Somaliland iyo xeerarka caalamiga ah, iyo inay joojiso falalka kale ee la midka ah ee ka dhacaya gobolka Sanaag. Xaruntu waxaay ugu baaqaysaa garsoorka Somaliland inay ilaaliyaan xorriyaadka dadka oo ay hubiyaan in dadka laga soo xidho gobolka Sanaag la horgeeyey garsoor…” Yasmin Omar H Mohamoud Gudoomiyaha Xarunta Xuquuqal Insaanka Mobile: 0634472011 Email: hrcsomaliland@gmail.com Source
  13. Ismaaciil Yuusuf Raage oo bulshada inteeda badan ay ugu yeeraan (Odawaa) waxa uu ku dhashay Degmada Aadan- yabaaal ee Gobolka Shebeelaha Dhexe Sanadkii 1987-kii wax-barashada Dugsiga Hoose iyo Dhexe waxa uu ku qaatay isla Degmada Aadan yabaal waxbarashada Dugsiga Sare wuxuu ku dhameystay Magaalada Muqdisho Sanadkii 2005-tii. Wuxuu yaraantiisa jeclaa in uu ka mid noqdo ciidamada Soomaaliya, isaga oo ahmiyad gaar ah siinayay ciidamada militeriga, wuxuu ku dadaali jiray midnimada ummadda Soomaaliyeed iyo sidii looga soo kaban lahaa dhibaatooyinkii ay dadka Soomaaliyeed ka dhaxleen kooxaha nabaddiidka iyo dadka gumeysi kalkaalka ah. Ka dib markii uu waxbarashadiisii dhammeystay 15-7 Sanadkii 2006-dii waxa uu ku biiray Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed wuxuu tababar dhinaca ciidamada ah ku tagay dalka Dalka Uganda oo muddo 1 sano ah uu tababar ku qaadanayay, isagoo soo bartay shuruucda Ciidanka iyo ilaalinta madaxda (VIP protection course) markii uu tababarka u soo idlaaday waxaa loo xilsaaray inuu tababare u noqdo ciidan cusub oo dalka Uganda loogeyey tabar xiligaasi wuxuu sii kororsanayay aqoon dheeraad ah oo ku saabsan dhanka ciidanka. Sanadkii 2009-kii waxaa mar labaad loo qaaday tababr layli sargaal oo dalka dibadiisa gaar ahaan Dalka Uganda, Sanadkii 2010-kii ayuu dalka dib ugu soo laabtay isagoo xidigle ah waxaa loo furay siminaar 45 cesho ah oo uu ku qaatay dugsiga haama-dhowr ee magaalada muqdisho. Sanadkii 2010-kii saraakiil uu kamid ahaa waxaa loo magcaabay taliyayaal, waxa uu noqday taliyaha horin 2 aad, ee ciidanka ilaala madaxtooyada muddo ka dibna waxa loo magcaabay Abaandul urur inta uu ka tirsanaa guutada 2aad. Sanadihii 2010-2011-2012 waxa uu ka mid ahaa saraakiishii Ciidanka Xoogga Dalka soomaliyeed ee ka qeyb qaatay xoreynta kooxaha nabaddiidka Gobolada Banaadir, Sh,dhexe iyo Sh,hoose, taa soo uu ku mudteystay in la guddoonsiiyo abaal marin muhiim ah. Sanadkii 2013-kii waxaa tababar ciidan loogu diray Dalka Turkiga muddo hal sano ah kaa soo uu ku qaatay taqaquska ciidanka lugta iyo luqadaha markii uu dalka dib ugu soo laabtay waxa loo dalacsiiyay Darajada Dhamme muddo ka dibna waxaa loo dalacsiiyay Darajada Gaashaanle oo uu ku helay abaal marin ku saabsan howlaha ciidanka. Sanadkii 2014-kii waxaa mar labaad waxbarasho loogu diray dalka dibadiisa gaar ahaan Dalka Turkiga Kulliyada Dagaalka (Turkish Aamry War Collage) markii uu tababarka u soo idlaaday wuxuu dib ugu soo laabatay dalaka. Sanadkii 2016kii waxaa loo magcaabay Taliyaha Horinta 1-aad Ururka 60aad ee Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada, muddo ka dib waxa loo magcaabay Abaanduulaha Ururka 60-aadee ilaalada madaxtooyada. Sanadkii 2018-kii ayaa loo magcaabay Taliyaha Ururka 60aad ee Ilaalada Madaxtooyada Soomaaliya waxaana loo dalacsiiyay Darajada Gaashaale Dhexe. 16-08-2018-kii Digreeto ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa loogu magacabay Abaanduulaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaliyeed waxaana loo dalacsiiyay Darajada Sareeya Guuto. 30-03-2019-kii isbadal lagu sameeyay Hoggaanka sare ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxaa loo magcaabay inuu noqdo Taliyaha Ciidanka Dhulka. 22-08-2019-kii ka dib markii xilka qaadis lagu sameeyay Taliyayaasha Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa loo magcaabay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed. W/D: Ustaad Omar Mohamad Kulmie (Omar British)
  14. Garowe (SMN) – Hantidhowrka guud ee qaranka Dr. Maxamed Maxamuud Cali Afgooye ayaa maanta Muqdisho uga furay howlwadeenada xafiiska hanti dhowrka qaranka, kuwa maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir tababar ku saabsan xoojjnta iyo tayaynta xirfadooda. Aqoon isweydaarsigaan oo socon doona muddo seddex maalmood ah ayaa wuxuu ku saabsan yahay nimaadka casiriga ah oo ay u shaqeeyaan xafiisyada hanti dhowrada caalamka, waxaana ka qeybgalaya howlwadeennada Hanti dhowrka guud ee qaranka, kuwa maamul goboleedyada,gobolka Banaadir, aqoonyahanno iyo qubaro xafiiska hanti dhowrka qaranka Kala shaqeeya dhinaca sharciga. Hantidhowrayaasha maamul goboleedyada ayaa sheegay in tababarkaan uu yahay baahi ay u qabeen dhinaca horumarinta nidaamka baarista shaqada xafiisyada, waxaa kaloo ay soo jeediyeen in la joogteeyo kulamada noocaan oo kala ah. Hantidhowrka guud ee Qaranka Dr. Maxamed Maxamuud Cali Afgooye oo furay aqoon isweydaarsigaan ayaa sheegay in ula jeedada laga leeyahay ay tahay in dalka la gaarsiyo nidaamka hufan oo Isfahan iyo shaqo karti leh ugu adeego bulshada iyadoo ay ka mid tahay in daacadnimo dalka loogu shaqeeyo. Kulamdaan ayaa ah mid sanadkiiba mar ay isugu yimaadaan dhammaan xafiiisyada hantidhowrka heer qaran iyo heer maamul gobaleed, waxaana diiradda lagu saari doonaa dejinta qorshahe horumarsan ee la doonayo in dalka la gaarsiiyo nimaadka casriga ah ee ay ku shaqeeyaan xafiiskayada hanti-dhowrayaasha Caalamka View the full article
  15. Garowe (SMN) – Waxaa maantay magaalada Garowe ee xarunta dowlada goboleedka Puntland si rasmi ah uga furmay shirkii 4-aad ee Madasha Guddiyada Dastuurka ee heer Federaal iyo heer Dawlad goboleed. Shirkan waxaa kasoo wada qeybgalay Guddiga La Socodka ee dib u eegista Dastuurka Baarlamaanka Federaalka Jamhuuriyadda Soomaaliya oo uu hoggaaminayo mudane Cabdi Xasan Cawaale(Qeybdiid) guddoomiyaha guddigaasi,Guddiga Madaxa bannaan ee dib u eegista Dastuurka,Guddoonada Barlmaanada iyo Guddiyada Dastuurka ee Dawladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya. Wuxuu Shirkan soconaya muddo seddex maalmood ah,iyadoo looga tashanayo cutubyada 10-aad ilaa 15-aad oo ay soo diyaariyeen guddiyada Dastuurka heer Federaal. Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowlad goboleedka Puntland Cabdixakiin Maxamed Axmed(Dhoobodaareed) oo shirkaasi si rasmi ah u furay ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in natiijooyin miro dhal ah ay ka soo baxaan dadaalada loogu jiro dib u eegista Dastuurka. View the full article
  16. Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/08/Warka-Habeen-26082019.mp3 View the full article
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamo uu hogaaminayo Taliyaha qaybta Guud ee Booliiska Banaadir Saadaq Cumar Xasan (Saadaq John), ayaa goordhow Aqalka Dowladda Hoose ee Gobalka Banaadir kala baxay 3 qof oo katirsan Shaqaalaha Gobalka. Dadkaan ay Ciidamada kala baxayn Xarunta Gobalka, oo qaarkood jirdil loo geestay sidoo kalane iyagoo jeebeysan gaari la saaray, ayaa waxaa ku jira ku xigeenka Agaasimaha Shaqada iyo Shaqaalaha ee Maamulka Gobalka Banaadir Nuur Axmed Cali. Sidoo kale dadka la xiray ayaa mid kamid ah waxaa la sheegay in ay tahay qof dumar ah oo ka tirsan Shaqaalaha Gobalka Banaadir, sida ay goobjoogeyaal u sheegeen Caasimada Online. Lama oga sababta loo xiray balse warar ayaa sheegaya in Nuur Axmed Cali uu diiday inuu xarunta ka baxo si looga fuliyo baaritaanno la xiriira qaraxii ka dhacay 24-kii July. Nuur Axmed Cali, ku-xigeenka Agaasimaha Shaqada iyo Shaqaalaha ee Maamulka Gobalka Banaadir ayaa sidoo kale ka tirsan Guddiga qaban qaabada Xil Wareejinta Guddoomiyaha cusub ahna duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed “Finish”. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u amba-baxay dalka Japan oo uu ka furmayo Shir Madaxeedka 7aad ee Iskaashiga waddamada Afrika iyo Japan (TICAD). Shirweynaha oo socon doona muddada u dhexaysa 28-ka ilaa 30-ka bishan ayaa Madaxda dalalka ku bahoobay madashan, Ururrada Qaramada Midoobey iyo Midowga Afrika, maalgashadeyaasha iyo khubarradu waxaa ay kaga arrinsan doonaan mustaqbalka xiriirka labada dhinac, ka faa’iidaysiga fursadaha tiknoloojiyadda, kor u qaadista iskaashiga dhinacyada amniga, socdaalka, horumarinta xirfadaha, shaqo abuurka, xuquuqda aadanaha, dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo maalgashiga. Wafdiga Dowladda Federaalka Soomaaliya ee uu hoggaminayo Madaxweynuhu ayaa inta ay ku sugan yihiin magaalada Yokohama ee marti-gelinaysa shirka waxa ay kulan doceedyo la yeelan doonaan qaar kamid ah madaxda kasoo qeyb galaysa. Shirkan waxaa ka soo qayb-galaya Hoggaamiyeyaasha Dalalka Afrika iyo Japan, Hay’adda Qaramada Midoobey ee Horumarinta, Bangiga Adduunka iyo Golaha Guddiga Midowga Afrika. Wafdiga Madaxweynaha ee Soomaaliya ku matalaya shirkan waxaa ka mid ah Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Danjire Axmed Ciise Cawad, Wasiirka Maaliyadda Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Bayle, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Mudane Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade) iyo .La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Dibadda Mudane Balal Maxamed Cusmaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  19. (SLT-Washington)-Kadib markii ay soo noq noqdeen weerarada Ciidanka dowladda Kenya ay ku burburinayan Xarumaha shirkadda Hormuud Telecom ay ku leedahay Gobolada Gedo iyo Jubbada Hoose ayaa waxaa arrintaas markii ugu horreysay ka hashay Ilhaan Cumar. Ilhaan Cumar oo ah Xildhibaan ka tirsan Aqalka Wakiillada Koongareyska dalka Mareykanka ayaa sheegtay in loo baahan yahay in la ilaaliyo hantida shirkadda Hormuud Telecom, isla markaana la difaaco hantideeda. Sidoo kale Ilhaan Cumar ayaa Xustay in Ciidanka dowladda iyo kuwa nabadsugida Dhowraan oo ay ilaaliyan hantida Hormuud iyo dhammaan Shirkadaha kale ee Isgaadhsiineed ee dalka ku yaalla, kuwaasi oo bixiya adeegyo muhiim ah. ”Dowladda Somalia iyo Ciidamada Nabad Ilaalintu waa inay dhowraan (hantida) shirkadda Hormuud iyo dhamaanba Isgaarsiinta Somalia oo qaaraan wayn u gaysta dhaqaalaha dalka, adeegyo muhim ahna bixiya”ayay tidhi Ilhaan Cumar. Waxaa kale oo ay sheegtay Ilhaan Cumar ”Markii aan Somalia booqday 20011, waxaan la yaabay isbeddelka deg degga ah ee tiknolojiyadda Somalia.” ayay raacisay halkeeda. Ciidamada Kenya ayaa dhawaan waxaa ay qaraxyo ku burburiyeen xaruntii shirkadda Hormuud Telecom ay ku laheyd tuulada Caws-Qurun oo ku taalla Gobolka Gedo,iyadoo adeegsaday qaraxyo Miinooyin,waxaana halkaas Shirka uga burburay Tower-kii, Laba Dab-dhaliye, BTS, Link-yo iyo dhismihii xarunta. Source
  20. Hargeysa (Caasimada Online) ― Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi ayaa maanta waxay shaqadii ka joojisay shaqaale ka howl-galayey gegada diyaaradaha magaalada Hargeysa ee Cigaal International Airport. Shaqaalahan ay maanta shaqo joojinta ku sameeysay Xukuumada Biixi ayaa tiradoodu dhameyd 42-shaqaale, waxayna shan shaqo oo kala gedisan ka qaban jireen Garoonka diyaaradaha Cigaal. Wararka aan helayno ayaa sheegaya in sababta shaqaalaha intaa leeg u cayrisay xukuumada Somaliland, ay tahay inay mushaar ka qaatan dowladda federaalka Soomaaliya oo maamulka hawada kala wareegtay Hay’adda duulimaadyada hawada ee qaramada Midoobey (ICAO). Waxaa xusid mudan in Dowladda federaalka Soomaaliya ay mudooyinkii dambe la soo wareegtay maamulka hawada, midaasi oo suurta-gal ka dhigaysa in shaqaalihii hay’adda ICAO ka qaadan jirey mushaarka ay dowladda federaalku la wareegtay. Xukuumada Somaliland ayaa ku doodeysa inay shaqaalahasi soo cadeeyan inaysan ka mid aheyn shaqaalaha ay dowlada federaalku la wareegtay kadib markii maamulka hawada loo gacan-galiyey. 42-ka shaqaale ee maanta la cayriyay ayaa garoonka diyaaradaha Cigaal ka qaban jirey shan shaqo oo kala ahaa: AIS Officers: Maamulka macluumaadka hawada MET Officers: Saadaasha Hawada Air Traffic Controllers: Hagidda diyaaradaha Marshallers: Parking garaynta diyaaradaha FireFighting: Dabdamiska Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  21. (SLT-Hargeysa)-Xoghayaha guud ee xisbiga WADDANI ayaa jawaab adag ka bixiyay hadallo ka soo yeedhay taliyaha ciidammada qaranka Somaliland, Halkan hoose ka DAAWO Source
  22. Muqdisho (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u amba-baxay dalka Japan oo uu ka furmayo Shir Madaxeedka 7aad ee Iskaashiga waddamada Afrika iyo Japan (TICAD). Shirweynaha oo socon doona muddada u dhexaysa 28-ka ilaa 30-ka bishan ayaa Madaxda dalalka ku bahoobay madashan, Ururrada Qaramada Midoobey iyo Midowga Afrika, maalgashadeyaasha iyo khubarradu waxaa ay kaga arrinsan doonaan mustaqbalka xiriirka labada dhinac, ka faa’iidaysiga fursadaha tiknoloojiyadda, kor u qaadista iskaashiga dhinacyada amniga, socdaalka, horumarinta xirfadaha, shaqo abuurka, xuquuqda aadanaha, dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo maalgashiga. Wafdiga Dowladda Federaalka Soomaaliya ee uu hoggaminayo Madaxweynuhu ayaa inta ay ku sugan yihiin magaalada Yokohama ee marti-gelinaysa shirka waxa ay kulan doceedyo la yeelan doonaan qaar kamid ah madaxda kasoo qeyb galaysa. Shirkan waxaa ka soo qayb-galaya Hoggaamiyeyaasha Dalalka Afrika iyo Japan, Hay’adda Qaramada Midoobey ee Horumarinta, Bangiga Adduunka iyo Golaha Guddiga Midowga Afrika. Wafdiga Madaxweynaha ee Soomaaliya ku matalaya shirkan waxaa ka mid ah Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Danjire Axmed Ciise Cawad, Wasiirka Maaliyadda Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Bayle, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Mudane Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade) iyo .La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Dibadda Mudane Balal Maxamed Cusmaan. View the full article
  23. (SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu maanta xafiiskiisa kulan kula qaatay madaxda axsaabta qaranka kulankaas oo lagaga wada hadlay sii amba-qaadka heshiiskii saddexda xisbi qaran ee qabsoomida doorashooyinka, oo ay kasoo qayb-galeen gudoomiyaha xisbiga UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe iyo Hoggaamiyaha Xisbiga Waddani Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan oo wakiil ka ahaa gudoomiyaha xisbiga waddani. Xisbiyada mucaaradka ahi waxay dareen taban ka muujiyeen qaabkii ay u joojiyeen golaha wakiilladu in ay ka doodaan mooshinkii ahaa in la kordhiyo tirada xubnaha Komishanka doorashooyinka qaranka, waxa kale oo ay sheegeen in ay dood adag ka qabaan qaabkii uu u joojiyey ka doodista mooshinka garyaqaanka golaha wakiilladu, sidii ay horeba warbaahinta uga sheegeen. Inkasta oo aynu filaynay in golaha wakiiladu dood geliyo mooshinka ay u soo jeediyeen saddexda xisbi qaran, haddana mar hadii garyaqaankii goluhu dood sharci ka keenay madaxweynuhu waxa uu ku taliyey in aynaan wakhti badan ku lumin dood sharci xiligan, balse laga faa’iideeyo muddada kooban ee aynu haysano, sidaa darteed waxa uu ka codsaday labada xisbi qaran in qayb ka ahaadaan hannaanka geedi socodkii doorashooyinka ee ay horeba saddexda xisbi qaran ugu heshiiyeen. Madaxweynuhu wuxuu labada xisbi qaran ku adkeeyey in muhiimada koowaad la siiyo qabsoomida doorashooyinka, isla markaana waxa uu u soo jeediyey axsaabta qaranka inay dulqaad u yeeshaan wixii ay u arkaan gef iyo khalad inta lagu jiro hannaanka geedi socodka doorashooyinka. Madaxweynuhu waxa uu si cad u balan qaaday in la fulin doono qodobka afraad ee heshiiskii saddexda xisbi gaadheen 27-July-2019 kaasoo dhigayey in golaha wakiilada ee cusub la hor geeyo mooshinka kordhinta labada xubnood ee guddida doorashooyinka qaranka doorashada ka dib. Kulankaasi waxa uu ku dhamaaday jewi degan, waxaanu madaxweynuhu mar kale ka codsaday axsaabta qaranku inay sii wadaan geedi socodka doorashooyinka, sidoo kalena waxa uu ku bogaadiyey axsaabta qaranka dedaalka ay ugu jiraan qabsoomida doorashooyinka. Ugu danbayn madaxweynuhu waxa uu qoraal u kala diray 25-kii-August-2019 axsaabta qaranka iyo golaha guurtida si ay u soo gudbiyaan xubnihii cusbaa ee guddida doorashooyinka qaranka si waafaqsan xeerka doorashooyinka madaxtooyada iyo golayaasha deegaanka xeer Lr. 20/2001. ALLAA MAHAD LEH Maxamuud Warsame Jaamac Af-hayeenka Madaxweynaha JSL. Source
  24. Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u amba-baxay dalka Japan oo uu ka furmayo Shir Madaxeedka 7aad ee Iskaashiga waddamada Afrika iyo Japan (TICAD). Shirweynaha oo socon doona muddada u dhexaysa 28-ka ilaa 30-ka bishan ayaa Madaxda dalalka ku bahoobay madashan, Ururrada Qaramada Midoobey iyo Midowga Afrika, maalgashadeyaasha iyo khubarradu waxaa ay kaga arrinsan doonaan mustaqbalka xiriirka labada dhinac, ka faa’iidaysiga fursadaha tiknoloojiyadda, kor u qaadista iskaashiga dhinacyada amniga, socdaalka, horumarinta xirfadaha, shaqo abuurka, xuquuqda aadanaha, dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo maalgashiga. Wafdiga Dowladda Federaalka Soomaaliya ee uu hoggaminayo Madaxweynuhu ayaa inta ay ku sugan yihiin magaalada Yokohama ee marti-gelinaysa shirka waxa ay kulan doceedyo la yeelan doonaan qaar kamid ah madaxda kasoo qeyb galaysa. Shirkan waxaa ka soo qayb-galaya Hoggaamiyeyaasha Dalalka Afrika iyo Japan, Hay’adda Qaramada Midoobey ee Horumarinta, Bangiga Adduunka iyo Golaha Guddiga Midowga Afrika. Wafdiga Madaxweynaha ee Soomaaliya ku matalaya shirkan waxaa ka mid ah Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Danjire Axmed Ciise Cawad, Wasiirka Maaliyadda Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Bayle, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Mudane Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade) iyo .La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Dibadda Mudane Balal Maxamed Cusmaan. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Soomaaliya oo u dhoofay dalka Japan appeared first on Puntland Post.