-
Content Count
215,417 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
(SLT-Hargeysa)-Xildhibaan Axmed Barkhad Obsiiye, oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada, kana soo jeeda Gobolka Awdal, ayaa ka hadlay xiisada ka taagan Deegaanka Saylac, waxaanu sheegay in aan Madaxweynaha looga baahnayn inuu xalka xiisadan u diro Wasiiro, balse looga fadhiyo inuu u diro Xeer-beegti, Guurti iyo Madax-dhaqameed. Xildhibaan Axmed Barkhad Obsiiye, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ku baaqay in la dhammeeyo oo wax laga qabto dhibaatooyinka tabasho ee jira, waxaanu ugu horAyn yidhi “Xiisada ka taagan Deeganka Saylac, ee keentay inay is qabtaan laba reer oo walaalo ah, oo waliba xiisadooda iyo waxay isku hayaan ay sababtay inay dhimasho timaado, maaha arin la fududaysan karo, mana ah arin sahlan, ee waa arin loo baahan yahay in si xeer-beegti iyo guurtinimo ku dheehan tahay loo galo, loona dhammeeyo waxay isku hayaan labada reer, laakiin Madaxweynuhu wuxuu u soo diray saddex wasiiro, oo ka tirsan Xukuumaddiisa, kuwaas oo kala ah Wasiirka Caafimaadka oo dhalinyaro ah, Wasiirka Gaashandhiga oo dhalinyaro ah, iyo Wasiirka Biyaha Saleebaan Cali Koore, arintana maaha arin ay Wasiiro wax ka qaban karaan, ee Madaxweyne xiisada ka taagan Deegaanka Saylac saddex Wasiir oo aad u soo dirtaa waxba kama qaban karaan, ee xeer-beegti, guurti iyo odayaal baa wax ka qaban kara, oo ay hawshoodii tahay, arintan maanta wax waa laga qaban karaa, laakiin haddii sidaas loo daawado, oo cidii shaqadan lahayd loo xilsaari waayo, faraha ayey ka baxaysaa, ee maanta ayey wax waba dhaw yihiin ee Madaxweyne cida shaqadan leh u dir”. Mar uu ka hadlaayey tabashooyinka jira ayaa yidhi “Gobol kastaaba wax buu tabanaya, tabasho kasta oo jirtana in halkeeda lagu dhammeeyo weeye, in la is adkeeyo, ama la is diidsiiyo tabashooyinka jirana maaha, inta la is diidsiinayo waxaa ka haboon oo ka qurux badan in la yidhaahdo waxba lagama qaban karo, anagu hore ayaanu uga hadlaynay arrimaha saami-qaybsiga, in wax laga qabtaana waa mid aanu filayno oo aanu sugayno”. Mar uu ka hadlaayey Daahir Rayaale ayaa yidhi “Madaxweynihii hore Somaliland Muddane Daahir Rayaale Kaahin, si odaytinimo ayuu u hadlay, dardaaran iyo talooyina uu soo jeediyey, in talooyinkiisa la tixgeliyo oo la qiimeeyo ayaa haboon” Source
-
(SLT-Hargeysa)-Garyaqaanka guud ee Qaranka Somaliland, Cabdisamad Cumar Maal ayaa sheegay inaan cid Somaliland ka tirsani aanay ka qaybgali karin arimaha siyaasiga ah u gaarka ah Somalia, marka laga reebo arinta waddahadalada Somaliland iyo Somalia oo xukuumaddu ay ka qaybgali karto. Garyaqaanka guud ee Somaliland, Cabdisamad Cumar Maal, waxa uu sidaasi sheegay mar uu maanta u waramayey Telefishanka HCTV, isagoo arintaasi ka hadlayana waxa uu yidhi “Ninka odhanaya ama cida odhanaysa inay ka qabgasho caleemo-saarka gobol ka mid ah Somalia waa arin siyaasadeed, arimaha siyaasiga ahna in laga qaybgalo waxa aynu u leenahay go’aan labada aqal ee Baarlamaanka Somaliland ay si wadajir ah usoo saareen oo ay hore ugu mamnuuceen in dhamaan qaybaha bulshada, ha noqoto aqoonyahan, Madaxdhaqameed, Siyaasiyiin iyo xildhibaan ciday doonaanba ha noqotee inaanay ka qaybgali karin arimaha siyaasiga ah ee Somalia,” ayuu yidhi Garyaqaanka guud ee Somaliland, Cabdisamad Cumar Maal, waxaanu intaasi ku daray “Waxa kaliya ee Baarlamaanku waxkabadal ku sameeyey oo u ogolaaday xukuumadu inay ka qaybgali karto arimaha wadahadalada Somaliland iyo Somalia ay wadaleeyihiin, markaa cida kaliya ee awood u leh (mandate) inay ka qaybgalaan arimaha siyaasiga ah ee Somalia waa xukuumadda, cid kale oo Somaliland magaceeda ku hadli karta ama sheegan karta oo dhanaysa waxaan ka qaybgalayaa arimaha Somalia, ama caleemo-saar ha noqoto ama shirarkooda ha noqoto ama dawladd dhisidooda ha noqotee ama dib u heshiisiintooda ha noqotee ma jirto,” ayuu yidh Garyaqaanka guud ee Qaranka Somaliland Cabdisamad Cumar Maal. Source
-
Wixii ka danbeeyey doorashadii ka dhacdey magaalada Kismaayo, shacabka ku nool Jubaland, gaar ahaan kuwa ku sugan Kismaayo waxey marti u noqdeen ciqaab wadareed aysan muteysan taas oo kaliftey in shacabku dareemo in aysan wax xaquuq ah ku laheyn dowladda Soomaaliya ee maanta dalka ka talisa. Dowlada federalka Soomaaliya ee uu hogaamiyo madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa qaadey talaabooyin guracan oo lagu cunaqabateynayo shacabka magaalada Kismaayo oo markii hore marti u ahaa siyaasado isdiidan oo degaanka iyo dalka ka jira. Arrimahaan ayaa waxaa sabab u ah qorshe afduub lagu micneeyay oo ay dowladda Soomaaliya ka damacsaneed doorashada Jubbaland. Talaabada dowladu ay ku dooneysey in ay ku maamusho doorashada Jubbaland ayaa fashilantey kadib markii maamulka Jubbaland uu ku sameeyay is hortaag iyagoo ka cararaya doorasho la mid ah midii ka dhacday Baydhabo 2018-kii. Natiijada doorashadii ka dhacday Kismaayo ayaa lagu sheegay in uu markale hogaanka Jubbaland uu ku guuleestay Axmed Madoobe, waxaana goob joog ka ahaa Xildhibaano ka tirsan Labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo masuuliyiin kale. Madaxda dowladda Soomaaliya ayaa lagu eedeynayaa in ay qaadeen talaabooyin adag oo aan dan ugu jirin degaanka iyo shacabka, taas oo la sheegay in ay Kismaayo u horseeday nolal xumi dadka degaanka soo wajahday. Dadka degaanka ayaa ku tilmaamay go’aanka duulimaadka ciqaab wadareed aysan xaq u laheyn maadama aysan jirin qalad ay qaranka iyo dowladaba ka galeen. Waxaa istaagey dhamaan adeegyadii dadweynaha magaalada Kismaayo iyo deegaanada ku hareereysan waxaa ku dhintey 3 ruux kuwaas oo xanuunkooda wax looga qaban waayey magaalada Kismaayo loona soo qaadi lahaa Kismaayo sida ay sheegeen masuuliyiinta Jubbaland. Siyaasiin badan ayaa arintaan ku tilmaamay dambi ka dhan ah xuquuqda aadanaha iyo midda muwaadinka iyagoo dowladda ugu baaqay in ay arrintaasi ka laabato. Go’aanka duulimaadka Kismaayo ayaa sababay in Wasiirka amniga Jubaland Cabdirashiid Xasan (Janan), oo ay dowlada Soomaaliya horey u burisey dacwad loo heestey ka qabato garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde, waxaana arrintaasi markale sababtay jahwareer siyaasadeed oo xoog leh. Qaar kamid ah shacabka Soomaaliyeed ayaa arintaan ku micneeyay mid cabsi iyo dowlad nacayb ku abuuri karta shacabka Jubbaland ee aan ku lug lahayn qalalaasaha siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan kuwa Jubbaland iyo Dowladda Dhexe. Daneeyaasha arimaha Soomaaliya ayaa dowladda ugu baaqay in ay dib u eegis ku sameyso go’aan kasta oo ay ka qaadaneyso xiisadda kala dhaxeyso Axmed Madoobe maadama shacabka ay wajahayaan dhibaatooyin daran. W/Q: Istar Cali Mataan Toronto, Canada AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Madaxtooyada Somaliland ayaa shaacisay in madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo ergedii nabadaynta gobolka Sanaag, ay maanta is Af-garad buuxa ka gaareen soo af-jaridda colaaddii u dhexaysay jabhadda Caarre iyo xukuumadda Somaliland. Sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay madaxtooyada Somaliland, kulan dhexmaray madaxweyne Biixi iyo ergadii nabadaynta, ayaa la iskula qaatay in si degdeg ah loosoo af-meero arrinta ka taagan degaanka buuraleyda waqooyi ee gobolka Sanaag, islamarkaana wada-jir loo taageero nabadda iyo deggenaanshaha gobolka, waxaana madaxweynuhu aqbalay inuu cafiyo ciidamada ku sugan halkaas, islamarkaana la qarameeyo. Salaadiin, cuqaal iyo waxgarad ay ka mid yihiin Suldaan Maxamed Suldaan Xirsi-qani, Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir, Suldaan Cali Badda-cas, Suldaan Cabdiraxmaan Aw Good, Chief caaqil Maxamuud Nuux, Xildhibaan Saleebaan Cawad Bukhaari, Sheekh Cawil Faatax iyo waayeel kale oo ka mid ah ergada nabadaynta, ayaa madaxweynaha la qaatay in dhammeeyo dhibaatadaas, waxana uu madaxweynuhu shaaca ka qaaday in xukuumadu diyaar u tahay adkaynta nabada iyo horumarka gobolka, isaga oo caddeeyey inaan cidina ka sarrayn shuruucda dalka u dejisan. Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, waxa uu guddida u sheegay in uu nabadda darteed diyaar u yahay inuu awooddiisa ku meelmariyo wax kasta oo arrintaas lagu soo afmeerayo,isagoo madasha kaga dhawaaqay inuu cafiyey dhammaanba ciidamada la socda Col. Siciid Cawil Caarre, balse wuxuu xusay in Cafis loo fidiyo Siciid Laftiisu u baahan yahay sharciyad la raaco, maadaama ciidamada iyo saraakiishoodu kala kiis yihiin. “Ciidamadu waxa ay u kala qaybsan yihiin saraakiil iyo askar, waana kala kiis, innamada halkaas jooga sarkaalka sare mooyaane intooda kale dhammaantood wax allah wixii qaranku dembi u haystay waan ka saamaxay, sharcigaana ii oggol, laakiin gaashaanlaha sare ee hoggaaminaya waxaynnu u baahannahay inaad iisoo martaan sharci aan ku saamixi karo, qofku markuu xidhan yahay oo dembigii uu qaatay oo uu xabsi ku jiro oo laga fikiro qofkii dembigii wuu ka baxay Saamax iyo qofkii dalka ma joogo” ayuu yidhi madaxweyna Somaliland. PUNTLAND POST The post Somaliland oo ku dhawaaqday in heshiis laga gaaray colaaddii jabhadda Col. Caarre appeared first on Puntland Post.
-
Baaristii ku socotay daawada gaaska ee “Ranitidine”, kuna magac dheer “Zantac” ayaa soo gabagabowday, waxaana la xaqiijiyay inay sax tahay in daawadaasi ay ku jirto maadada loo yaqaano “NDMA” taasoo lala xiriirinayo xanuunka kansarka. Wadamo badan ayaa isku raacay in la joojiyo sida ugu dhakhsiyaha badan, waxaana amar lagusoo saaray in suuqyadooda laga ururiyo. Zantac oo la ogsoon yahay in aad looga isticmaalo Soomaaliya, ayaa dhaqaatiirta arrintaan la socda waxay soo saareen digniin iyo baaqyo ku socda ummadda Soomaaliyeed oo ku saabsan joojinta Kiniinkaan. Maxay kala socotaa wasaaradda caafimaadka Puntland? Warbaahinta Puntland Post waxay xogta ku haysaa in wasaaradda caafimaadku dhawaan la filayo inay ku dhawaaqdo amar daawadaan looga mamnuucayo gudaha Puntland, laakiin u baahan yahay in la fuliyo. Hay’adda Cuntada iyo Dawooyinka ee Mareykanka ayaa sheegtay dawooyinka loo yaqaan ‘ranitidine’ oo ay kamid tahay Zantac, in ay ku jiraan aalkolada loo yaqaan’ nitrosamine oo ay suurtogal tahay in laga qaado cudurka kansarka bini-aadamka. Puntland Post The post Daawada gaaska ee Ranitidine oo la ogaaday in laga qaado Kansarka. appeared first on Puntland Post.
-
By AGGREY MUTAMBO Somalia’s rise from the ashes of civil war faces the threat of another collapse if it does not establish competent courts, critics of President Mohamed Farmajo say. Politicians drawn from opposition groups say lack of a credible judicial system is one reason lawlessness thrives, with key decision makers still squabbling on how to create a new constitution. In a controversial memorandum, Abdallah Ahmed Ibrahim, a political leader, wants the African Union Mission in Somalia to talk less about military support and focus on setting up courts. CONSTITUTIONAL COURT “Amisom has been around since 2007 yet we face the same problems. We don’t have a reliable judicial system and there is no constitutional court. There is no competent agency to address differences between the arms of government or the federal government and the states,” he said in Nairobi last week. “I appeal to the AU, the Arab League, UN and other international partners to establish independent courts. It does not matter if they will have foreign judges initially because we do not seem to trust one another. The existing courts are not independent but under the control of politicians,” he said. Ibrahim, known by his nickname “Afwaranle” is a journalist who contested the Jubbaland presidential race in August. The executive member of Cahdi Party in Somalia says he learnt there was no competent organisation to handle post-election grievances, and that civilians resorted to dealing with problems using al-Shabaab and other militia. “It means al-Shabaab will still thrive,” he said. SHABAB COURTS The Sunday Nation could not verify the truth in the Shabaab courts claim but a recent Voice of America report indicated the militant group has infiltrated government departments, collecting taxes and meting out punishment. Ibrahim’s views came just as donors met in Mogadishu to discuss the key Transition Plan that includes holding universal suffrage elections by 2021. The targets, in a document called the Mutually Accountability Framework, include stabilising the national army, passing electoral laws by December and promulgating a new constitution by next June. But it also lists judicial reforms that will see the country establish courts. Somalia Deputy Prime Minister Mahdi Gulaid admitted that there are problems. “We are under no illusion to underestimate the many challenges ahead of the country’s full recovery, which demands concerted political and financial commitments, from local and international partners,” he said. All that though must start with the politics, donors said. DONORS “These issues cannot be solved unless we believe in the idea of win-win again. An idea that the reconstruction of Somalia … matters more than our personal differences,” British ambassador to Somalia Ben Fender said. And as he spoke, some representatives of the federal states were absent. “The targets sound nice but may not be feasible at the moment,” said Abdimalik Abdullahi, a researcher on Horn of Africa. “The prerequisite is political inclusivity. That is missing.” Wadajir Party leader Abdishakur Abdirahman said Somalia’s partners are peppering over lack of political inclusivity “which is the reason behind stalled reforms”. “Security architecture and transition plans have collapsed and the militants have infiltrated the intelligence agency,” he said. UNCERTAINTY “Election uncertainty poses danger to the security and political stability of the country,” he said, referring to the squabbles between the two levels of government. Recently, President Farmaajo’s government took control of Galmudug state when it failed to conduct elections. Its leader Ahmed Duale Guelleh argues that his term ends in 2021. It also imposed flight restrictions to Jubbaland to stop the inauguration of Ahmed Madobe as president after it refused to recognise his victory. “To this government, you may be a friend today and an enemy tomorrow,” Ibrahim added, referring to the arrest of Jubbaland Security Minister Abdirashid Hassan Abdinur “Janan”. ARRESTED “If he toed their line, he would be free. He has been arrested for crimes he committed many years ago. It is a political move.” Accused by the UN Somalia and Eritrea Monitoring Group of killings, torture, detentions, illegal renditions and other crimes between 2014 and 2015, Janan was often free to travel around Somalia. Somalia’s lack of a proper judiciary is compounded by corruption. Transparency International lists Somalia as the most corrupt African country and that “corruption occurs at all levels in the public and private sectors”. In September though, Somalia enacted antic-corruption law, paving the way for the establishment of a watchdog. Source: Daily Nation
-
Siyaasiga Cali Khaliif Galeyr oo sheegta inuu yahay Madaxweynaha maamulka Khaatuma ayaa maanta soo gaaray gudaha magaalada Muqdisho. Galeyr ayaa u jeedka socdaalkiisa ku sheegtay inuu la xariiro arrimo isaga u gaar ah, wuxuuna tilmaamay inuu joogi doono muddo 10 cisho ah. Sidoo kale waxa uu Siyaasiga Cali Khaliif Galeyr ka warbixiyey wadahadallada u socda maamulkiisa iyo Somaliland. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/Cod-2-Soofa.mp3 View the full article
-
Xildhibaano ka tirsan golaha shacabka iyo siyaasiyiin maanta kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee maamulka Jubbaland. Kulanka oo ahaa mid ballaaran ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb galay xubno ka tiran isbedal doonka Jubbaland, iyadoona diirada lagu saaray xaaladda cakiran ee maamulkaasi. Sidoo kale waxaa kulankan lagu cambaareeyey diyaaraddii shalay ka degtay Kismaayo, taas oo siday C/kariin Xuseen iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan. Halkan hoose ka dhageyso Warbixinta. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/Safiyo-Cusmaan-Cabdulle.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay dib magaalada Kismaayo ugu celisay dad uu Maamulka Jubbaland ka soo musaafuriyay magaaladaasi. Dadkan ayaa waxaa Magaalada Kismaayo laga soo saaray diyaarad u soo socotay Magaalada Muqdisho, ka dib markii Maamulka Jubbaland uu dadkaasi u arkay kuwo la safan garabyada kale ee siyaasadeed ee ka jira Kismaayo, kana soo horjeeda maamulkaasa. Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa sheegay in dowladda ay ku amartay diyaaraddii dadkaasi keentay Magaalada Muqdisho in ay dib ugu celiso Magaalada Kismaayo. Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa Maamulka Axmed Madoobe ku eedeeyay in dadka deegaanka uu guryahooda ka soo barakicinayo, dowladuna ay bilowday in ay dib ugu celiso maamulkii soo barakiciyay. Xildhibaan Jeesow oo la hadlay Radio Kulmiye ayaa ku waramaya in Magaalada Kismaayo ay tahay magaalo uu xaalkeedu murugsan yahay, laguna xir xirayo dadka Soomaaliyeed, sida uu yiri. Jeesow ayaa sheegay haddii Maamulka Axmed Madoobe uu dadkaasi dilo aanay dowladda maxkamad ku soo taaggi karin, iyadoona uu walaac ka muujiyay tallaabada dadkaasi dib loogu celiyay Kismaayo. Ciidamada ammaanka Jubbaland ayaa maalmihii la soo dhaafay Magaalada Kismaayo ku qab qabanayay siyaasiyiinta iyo xubnaha ka mid ah garabka is bedel-doonka ee fadhigiisu yahay magaaladaasi. Maamulka Jubbaland ayaa marar badan Magaalada Muqdisho u soo musaafuriyay dad uu ka soo eryay Magaalada Kismaayo, oo musaafurintoodu ay la xiriirto arrimo siyaasadeed. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Hogaamiyaha maamulka Khaatumo, Prof. Cali Khaliif Galeyr ayaa maanta shaaciyay isagoo ku sugan magaalada Hargeysa inuu u ambabaxayo magaalada Muqdisho. Prof. Galeyr ayaa sheegay in uu Muqdisho u tageyn arrimo siyaasadeed, balse uu ugu safrayo arrimo gaar ah oo kaga xiran caasimada umadda Soomaaliyeed ee Muqdisho. Cali Khaliif ayaa sidoo kale waxa uu rajo fiican oo ka duwan quustii hore ka muujiyey dhaqan-galida heshiiskii uu la galay Xukuumadii Siilaanyo, taasi oo uu sheegay in uu Madaxweyne Biixi uu fulinayo. Prof. Cali Khaliif Galeyr, oo arrimahaasi ka hadlayana wuxuu yiri “Wax siyaasad ku shuqul leh maaha waxaan Xamar u aadayo, waa wax gaar ah oo shaqsi ah. waxaana soo laabanaya muddo toban cisho ah”. “Howsha reer khaatumo halkan bey ka socota (Somaliland). Waxaana ku rajo weynahay in markaan soo noqdo arrintan la kala tuuro, meel fiicana wey mareysa”. Wuxuuna intaas kusii daray “Muuse Biixi iyo Siilaanyo waxay ahaayeen xisbigii Kulmiye, Muuse-na wuxuu ahaa guddoomiyaha kulmiye, heshiiskana waxaanu la galnay maamulka Kulmiye. Wal-wal kamaanu qabin in Muuse fulin waayo ee fursadii unba suuroobi weyday oo waxay u baaqdeen hab farsamo”. Prof. Cali Khaliif Galeyr ayaa dhowr-jeer oo hore sheegay in xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi ay ka dhago adeygayso fulinta heshiiskii uu la galay Xukuumadii madaxweyne Siilaanyo, balse dhawaaqan maanta ayaa waxa uu muujinaya inay wax iska badaleen aragtidii Biixi ee ku aadaneyd heshiiskaasi. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in maanta xiisad xoogan ay ka taagan tahay qeybo ka mid ah degmada Jalalaqsi ee gobolkaasi. Xiisada ayaa lagu soo warramayaa inay u dhexeyso ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM iyo ciidamo ka amar qaata maamulka degmadaasi. Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in xiisadu ay timid, kadib markii Booliska degmada ay diideen in la damiyo isgaarsiinta, si loo sameeyo howgallo miino baaris ah. Iska hor imaad kooban ayaa sidoo kale la sheegay inuu dhexmaray labada dhinac, kaas oo uu ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Mid ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay Shabellle ayaa ka warbixiyey, sida ay wax u dhaceen, wuxuuna sheegay in haatan ay kala xiran tahay magaalada. Dhinaca kale Shabelle ayaa wax ka weydiistay shaqaaqadaasi guddoomiye ku xigeenka dhinaca samafalka iyo horumarinta mashaariicda degmada Jalalaqsi, Maxamed Cabdi Abiikar, wuxuuna carabka ku dhuftay inuusan jirin dagaal dhacay degmadaasi, basle wuxuu tilmaamay inuu jiro qarax uu ku dhintay hal qof oo shacab ahaa oo ka dhacay halkaasi. Arrintan ayaa ku soo beegmeysa, iyadoo shalay ciidamada Jabuuti ay is hortaag ku sameeyeen mas’uul ka tirsan maamulka gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya oo doonayey inuu gudaha u galo garoonka Ugaas Khaliif ee M/ Beledweyne. View the full article
-
Ciidamada dalka Jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ee Soomaaliya ayaa ka cabanaya mushaar la’aan heysata in ka badan muddo hal sano ah. Wargeyska Indian Ocean Newsletter ayaa qoray in ciidamadani aysan qaadan wax mushaar ah muddo sanad ah. Sidoo kale wargeyska oo soo xiganaya saraakiil ayaa sheegay in ciidamada kale ee AMISOM ay qaateen mushaaraadkooda, balse kuwa Jabuuti aysan weli helin. Askari kasta oo ka mid ah ciidamada Jabuuti ee AMISOM ayaa mushaar ahaan u qaata 800 oo Dollerka Mareykanka ah, waxaana lagu soo warramayaa in Midowga Africa uu mushaarka ciidamadaasi ku wareejiyey dowladda Jabuuti, balse aysan weli iyadu bixin. Cabashada ciidamadan oo muddo dheer soo jiitameysay ayaan weli jirin wax jawaab ah oo ay ka bixisay dowladda Jabuuti. Ciidamada Jabuuti ee AMISOM oo dagaal kula jira Al-Shabaab ayaa ka howlgala deegaanada HirShabelle, gaar ahaan gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya. View the full article
-
Eedaysane Cabdirashiid Xasan Cabdi-Nuur (Janan ) oo ahaa wasiirkii amniga Jubbaland iyo Buulle Aadan Maxamed oo ahaa taliyihii Ciidamo ka howl geli jiray Doolow iyo Beled Xaawo oo loo wada heysto taciyaddo ka dhacay Gobalka Gedo ayaa maanta la hor geeyay Maxkamadda Gobalka Banaadir. Cabdirashiid Xasan CabdiNuur (Janan ) ayaa Bishii hore Ciidanka Booliska Soomaaliyeed soo qabteen isaga oo socdaal ku marayay magaalada Muqdisho kuna sii jeeday dalka Itoobiya. Booliska dalka ayaa sheegay in eedaha loo haysto Wasiirkii Amniga Jubbaland soo dhameystirayso Waaxda dambi barista Booliiska ee C.I.D-da. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/Warka-Duhur-06102019.mp3 View the full article
-
Maanta oo Axad ah ayaa maxkamadda Gobolka Banaadir la horkeenay wasiirka amniga dowlad goboleedka Jubbaland, C/rashiid Xasan Cabdi Nuur (Janan), kaas oo garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ay DFS kasoo xirtay 31-kii August ee 2019. Maxkamadda ayaa sidoo kale waxaa maanta la geeyey Buulle Aadan Maxamed oo isna ahaa taliyahii ciidamada ka howlgeli jiray degmada Doolow, waxaana Labadoodaba loo haystaa iney ka dambeeyeen dilka dad rayid ah. Waa markii ugu horreysay oo Wasiir Janan la keeno maxkamaddan tan iyo markii ay dowladda federaalka kasoo xirtay Garoonka Aadan Cadde xilli uu kusii jeeday magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya. Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa horey warqad ay usoo saartay waxay ku sheegtay in Janan aanu wax dambi ah lahayn, balse doorashadii Axmed Madoobe kadib ayeey dowladda qabatay, xilli la ogyahay in dowladda iyo Jubbaland uu ka dhaxeeyo khilaaf xooggan. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Kadib canaantii madaxweyne Deni uu kula kacay golihiisa wasiiradda, ayaa dhalisay in qaar kamid golaha wasiiraddu bilaabaan olole ismuujineed. Xubno badan oo katirsan golaha xukuumada oo ay Puntland Post ka gaabsatay inay tilmaam ka bixiso, ayaa abaabulay wada tashiyo ay la yeelanayaan beelaha ay kasoo jeedaan. Wasiiradda oo isticmaalaya baraha bulshada iyo qeyb warbaahinta katirsan ayaa kusoo bandhigaya macluumaadka kulamada ay la qaadanayaan dadka ay ku matalaan arrimaha siyaasada. Qaar kale oo golaha waaiiradda katirsan ayaa baraha bulshada lasoo dhigay iyagoo ka jira arrimo safamaleed. Farriinta ay bixinayaan ayaa umuuqatay olole ismuujin ah iyo inay ka jawaabayaan canaantii madaxweynaha. Ka sakow canaanta madaxweynaha, waxaa golaha wasiiraddu culays badan ka saaran yahay isku shaandhayn la filayo in madaxweynuhu ku sameeyo golihiisa inta uusan sanadku dhamaan. Puntland Post The post Kadib canaantii madaxweyne Deni wasiiraddiisa oo bilaabay olole ismuujin ah. appeared first on Puntland Post.
-
Djiboutian forces serving under AMISOM deployed in Jalalqsi in the Hiiraan region have not been paid their salaries since last December last year despite the government receiving the funds from the African Union, according to Indian Ocean Newsletter. The 6thh Battalion which relieved the 4th Battalion in December 2018 in sector 4 has not received any dues since then. The stipends which are paid by the European through the African Union amount to about $800 for each soldier. The EU cut by 20% the stipends in February 2016 lowering the figure from $1020 to $800. Troops Contributing Countries (TCCs) governments retain 20% of the pay for administrative costs. According to sources privy to the development at the seat of AU in Addis Ababa, the Djibouti government and high-ranking officials in the military pocket the money instead of disbursing them to the soldiers who fight alongside forces from other TCCs in Somalia. Djibouti forces operate within sector 4 in central Somalia which covers the Hiiraan region. View the full article
-
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta sheegtay in ay maxkamad soo taagtay Cabdirashiid Xasan Cabdi-Nuur (Janan ) oo ahaa wasiirkii amniga Jubbaland iyo Buulle Aadan Maxamed oo ahaa taliyihii Ciidamo ka howl geli jiray dagmooyinka Doolow iyo Balad-Xaawo oo sida ay tilmaantay ku wada-eedaysan taciyaddo ka dhacay Gobalka Gedo. Labada mas’uul ayaa dowladdu sheegtay in saaka la soo taagay maxkamadda gobalka Banaadir kadib markii xeer ilaalintu ku soo dacwaysay dembiyo kala duwan oo ay ka geysteen degmooyin ku yaalla gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya. Cabdirashiid Xasan CabdiNuur(Cabdirashiid-Janan) ayaa Bishii hore ciidanka Booliska Soomaaliya soo qabteen isaga oo socdaal ku marayay magaalada Muqdisho kuna sii jeeday dalka Itoobiya. Ciidamada Booliiska ayaa sheegay in eedaha loo haysto Wasiirkii Amniga Jubbaland soo dhameystirayso Waaxda dambi barista Booliiska ee C.I.D-da sida ay baahisay wakaaladda SONNA. PUNTLAND POST The post Wasiir Janan oo maanta la soo taagay maxkamadda gobolka Banaadir appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Maanta waxaa Maxkamada Gobolka Banaadir la horgeeyay Wasiirkii Amniga Maamulka Jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabdi Nuur (Janan ) kaas oo dowladda Soomaaliya ay xirtay. Cabdirashiid Xasan Cabdi Nuur (Janan ) iyo Buulle Aadan Maxamed, ayaa la horgeeyay Maxkamadda gobolka Banaadir waxaana loo heystaa eedo la xiriira dad rayid ah oo lagu laayay Degmada Doolow. Faahfaahin dheeraad ah lagama helin qaabka ay u dhacday maxkamad soo taagitaanka Cabdirashiid Janan. 1 September ayaa Garoonka Aadan Cadde laga qabtay Cabdirashiid Janan xilli uu kusii jeeday Magaalada Adis Ababa ee dalka Itoobiya. Xariga ay Dowladda Soomaaliya u geystay Wasiirkii Amniga Maamulka Jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabdi Nuur (Janan ) ayaa waxaa horay uga dhashay banaanbaxyo ay dhigayeen Shacab kasoo horjeeda xarigiisa. Dowladda Soomaaliya ayaa horey u sheegtay inuu Cabdirashiid Janan yahay dambiile isla markaasna cadaaladda la marsiin doono. Hey’adda Amnesty International ayaa horey u sheegtay inay soo dhaweeneyso xariga Cabdirashiid Janan, waxayna ka codsaatay Dowladda in cadaaladda la hor geeyo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
