Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,095
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Washington (Caasimada Online) – Cabsi xoogan oo dhanka amniga ah ayaa haatan soo wajahday Ilhaan Cumar oo ka tirsan golaha Congress-ka dalka Mareykanka. Ilhaan ayaa dalbatay ilaalo dheeri ah oo suga ammaankeeda, kadib markii ay la kulantay hanjabaadyo ku aadan in la dili doono. Qoraal ay soo dhigtay barteeda Twitter-ka ayaa loo adeegsaday erayo xanaf leh, kuwaasi oo ay ka mid yihiin “urtadda Soomaaliya” iyo “in qori lagu dili doono. Sidoo kale afhayeen u hadlay Ilhaan oo u warramay Wargeyska Washington Post ayaa sheegay in kiiskan ay haatan baareyaashu gacanta ku hayaan, islamarkaana ay hubinayaan, haddii uu salka ku hayo arrimo siyaasadeed. Arrintan ayaa ku soo aadeysa, iyadoo dhowaan xisbiga Jamhuuriga oo uu ku jiro Madaxweynaha Mareykanka uu meel mariyey in Congress-ka laga eryo Ilhaan Cumar. Gabadhan Soomaali Mareykanka ah ayaa tan iyo doorashadii dhexe ee Mareykanka waxa uu loolan adag kala dhexeeyaa Madaxweyne Trump. Caasimada Online Xafiiska Washington caasimada@live.com
  2. Tan iyo markii shalay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay uu diidmo ugu codeeyey qaraarkaasi oo lagu doonayay in kooxda Al-Shabaab loogu daro Liiska Argagixisada caalamiga ah ayaa waxaa jira su’aalo badan oo la iska weydiinayo sababta dowladda federaalka ah u diideyso in Al-shabaab lagu daro liiska argigixisada caalamiga ah. Golaha wasiirrada xukuumadda federaalka ah, oo kulan ku yeeshay Muqdisho ayaa ka dooday sida go’aan noocaas ah uu u saameyn karo Soomaaliya waxaana u soo baxday in laga hortago in Al-shabaab lagu daro liiska argigixisada caalamiga ah. Safiirka Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobey Abuukar Maxamed Cusmaan oo arrintan fasiray ayaa sheegaya in qaraarkan ay Kenya soo-jeedisay uu leeyahay ujeedooyin kale oo ka baxsan la-dagaalanka Al-shabaab. Abuukar waxaa uu intaasi ku daray in qaraarka 1267 uu saameyn ku yeelan doono arrimaha banii’aadnimada, gaar ahaan goobaha ay ka taliyaan Al-shabaab. Waxaa kale oo la sheegayaa in haddii Al-shabaab lagu dari lahaa liiska argigixisada caalamiga ay sidoo kale ka saameyn laheyd Soomaaliya arrimaha siyaasadda, horumarinta iyo ammaanka Qaraarkan ay Kenya wadato, waxaa la gudbiyey todobaadkii hore, waxaa kale oo dalabka ku jira in marka Al-shabaab lagu daro liiska argigixisada kadib ay dunida qaado dagaal ka dhan ah Al-shabaab. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  3. “Muuqaalka aan iska duubay ee aan ku lahaa geed hala isaaro wuxuu ahaa mid aan ugu talagay oo aan sidaa ku sii daayay”, ayey tidhi Deeqa Afro oo la hadashay BBC Somali. (SLT-Hargeysa)-Deeqo ayaa dhowr bilood ka hor soo saartay muuqaal ay kaga hadleysay sida ay rabto in la yeelo marka ay dhimato ka dib, kaas oo falcelin aad u kala duwan ka dhaliyay baraha Bulshada. Muuqaalkii ay iska duubtay ee ay ku codsaneysay in aan la aasin ayey ku tidhi: “Waxaan codsanayaa in maalintii ilaahay i oofsado ee aan dhinto in aan wax qabri ah la ii qodin; in aan la i aasin. Arrintan waxaa ka fikirayay muddo aad u badan”. “Adduunka dhul la’aan kama jirto. Waddan kastaa wuxuu leeyahay dhul badaan oo lama degaan ah. Dhul la dhigi karo maydka meeshii laga aasi lahaa”, ayey hadalka ku dartay. “Anigu in la i aaso diyaar uma ahi; in kastoo rajo aad u fiican aanan ka qabin”, ayey tidhi. Deeqa Afro ayaa sheegtay in arrintaas ay horey ugala hadashay hooyadeed ayna ka diiday. Balse waxay dooneysaa in aanan la aasin. “Waxaan aad iyo aad ula yaabaa dadka xabaala dadka kale. Mar alle marka uu qofka dhinto waxaad arkeysaa dad sidaa u soo kala ordaya oo majaafado iyo balaayo uun sita. Waxaan ku dhihi lahaa naxariis darada iska daaya”, ayey Deeqo ku tiri muuqaalka ay soo saartay. Haddaba maxa Deeqo Afro hadalkaa ka keenay? Deeqa Aadan Muuse waxay qirsan tahay in muuqaalka ay sameysay iyadoo og, ayna sidaa ku sii baahisay. Sababta ay u tidhi yaan la i aasin iyadoo sharaxeysay ayay sheegtay in “ay arrintaa jeclayd illaa yaranteeeda”. Deeqa Afro ayaa sheegtay in weligeed halmar oo keli ay tagtay meel qabuura ah, waxayna raacday dhallinyaro ay saaxiibo yihiin oo hooyadood dhimatay, oo ay lu sii raacday illaa qabuuraha, sida ay BBC u sheegtay. Dhinaca kale Qaar ka mid ah culimada soomaalida ayaa si weyn uga naqdiyay hadalka ka soo yeedhay fanaanadan, waaanay ugu baaqeen in ay ka tawbad keento go’aankaasi. Source
  4. (SLT-Hargeysa)-Siyaasiyiin Ka Soo Jeeda Beesha Habar-Awal Oo Xaal Ka Bixiyey Hadalkii General Nuux Taani, Kana Hadlay Hawlo Mujaahid Dhegaweyne U Joogo Burco, Halkan hoose ka DAAWO Source
  5. Afgooye (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howlgallo saacadihii la soo dhaafay ciidamada dowladda ay ka sameeyeen gobolka Sh/ Hoose. Howlgallada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa waxaa fuliyey ciidamada Xoogga ee ka howlgala gobolkaasi. Aadan Cabdi oo ka mid ah saraakiisha ciidamada dowladda oo la hadlay Shabelle ayaa sheegay in ay dileen hal sarkaal, kadib iska hor imaad ay la galeen Al-Shabaab. Dhanka kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo ka soo baxay Xarakada Al-Shababa oo ku aadan dagaalkaasi. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/08/ccc-1.mp3 View the full article
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka ganacsiga iyo warshadaha ee xukuumadda Soomaaliya, Mudane Injineer Cabdullaahi Cali Xasan ayaa shaqo joojin iyo xilka qaadis isugu daray agaasimaha wasaaraddaasi, Cabdullaahi Xayir Ducaale. Wareegto ka soo baxday xafiiska wasiirkan, kuna taariikheysneyd 28/8/2019 ayaa lagu sheegay in xilkaasi uu si KMG u sii heyn doono, Cabdi Casiis Ibraahim Aadan oo hore u ahaa Xoghayaha Joogtada ee wasaaradda ganacsiga Soomaaliya. Agaasimaha xilka qaadista lagu sameeyey waxaa horay shaqada uga joojiyey wasiirkii hore ganacsiga iyo warashadaha, Maxamed Cabdi Xayir, iyadoona markii dambe dib loogu soo celiyey shaqada iyo xafiiskii uu joogay. Haddaba sababta xilka looga qaaday agaasime, Cabdullaahi Xayir Ducaale ayaa lagu sheegay: In Cabdullaahi Xayir Ducaale uu shaqaalaha wasaaradda ka dhex abaabulayo kooxeysi, qabiileysi, cabsi gelin, maamul-xumo, musuq maasuq, been abuur iyo iska horkeen shaqaalaha dhexdooda ah, tan iyo markii uu shaqada kusoo laabtay. Ugu dambeyn wareegtada ayaa lagu amaray in agaasimahu wixii qalab iyo dukumiinti ah ay wasaaradda leedahay uu wareejiyo, kadibna uu iska xaadiriyo wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada Soomaaliya. Halkan hoose ka aqriso: Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  7. (SLT-Muqdisho)-Diyaaraddii u horreeysay ee shirkadda duulimaadyada Uganda Airlines ayaa goor dhowayd soo caga-dhigatay garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cadde. Duulimaadkan ayaa billow u ah duulimaadyo toos ah oo isku xidhaya Muqdisho iyo Kampala. Xaflad lagu daahfuray duulimaadyada ayaa lagu qabtay garoonka diyaarada Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho. Uganda Airlines ayaa dib u habeyn ballaadhan lagu sameeyay, muddo 18 sanno kaddib, iyada oo shirkadda ay billowday duulimaadyo ay ku tageyso dalalka gobolka. Source
  8. (SLT-Washington)-Dowlada Mareykanka ayaa kordhisay cadaadiska ay ku heyso shaqsiyaadka iyo shirkadaha ganacsi ee xidhiidhka la leh wadanka Iiraan. Waaxda maaliyadda ayaa liiska madow waxay ku dartay laba shirkadood kuwaasi oo ay ku eedeysay in ay xidhiidh la leeyihiin ciidanka kacaanka islaamiga ah ee Iiraan. Mid ka mid ah shirkadahan oo laga leeyahay wadanka Hong Kong, kana shaqeysa dhanka Technoolajiyada ayaa ka mid ah shirkadaha lagu eedeeyay in ay caqabad ku tahay amniga Mareykanka. Waxyaabaha kale ee shirkadahan ganacsi waaxda maaliyada Mareykanka ay ku heysato ayaa waxaa ka mid ah in maadada Uranium-ka ee laga sameeyo hubka wax gumaada ay u gudbinayeen dalka Iiraan. Bishii May ee sanadkan ayey aheyd markii madaxweyne Donald Trump, uu ka baxay heshiiskii hubka Nuclear-ka ee wadamada quwadaha oo Mareykanka uu qeybta ka ahaa sanadkii 2015-kii uu ka Baxay. Source
  9. (SLT-Muqdisho)-Xoghayaha Qaramada Midoobey, Antonio Guterres ayaa soo magacaabay ku xigeenka ergeygiisa arrimaha Soomaaliya ee James Swan. Guterres ayaa xilkan u soo magacaabay Aadan Cabdul Mulla oo u dhashay dalka Suudaan sidoo kalena heysta dhalashada dalka Mareykanka. Sidoo kale Mulla ayaa qabanayaa isuduwaha arrimaha gargaarka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya. Ninkan ayaa bedalaya George Canaway oo u dhashay dalka Canada, islamarkaana QM u qaabilsanaa howlgalkeeda Soomaaliya. Diblomaasigan ayaa hore uga soo shaqeeyay dalalka Ciraaq, Syria, Kuwait iyo meelo kalem isaga oo leh wax ka badan 30 sanno oo khibrad ah. 30 kii May ayey aheyd markii Qaramada Midoobey ay James Swan u soo magacawday wakiilkeeda Soomaaliya, kaas oo bedalay ergeygii la eryey ee Nicholas Haysom. Source
  10. (SLT-Washington)-Arday Falastiini ah oo dhowaan waxbarasho ka helay Jaamacada Harvard ayaa laga mamnuucay in uu gudaha u galo dalka Mareykanka. Ismaaciil Ajaawi oo 17 jir ah ayaa su’aalo waxaa weydiiyay saraakiisha waaxda jinsiyadaha iyo socdaalka Mareykanka. Su’aalo weydiintan oo socotay muddo afar saacadood ah ayaa waxaa ka mid ahaa diinta uu haysto ardaygaan iyo shaqsiyaadka caanka ah ee saaxiibka kula yahay baraha Bulshada. Mr Ajaawi oo 17 jir ah oo qaxooti ahaan ugu noolaa dalka Lubnaan ayaa deeq waxbarasho waxaa siiyay hey’adda Hope Fund. Afhayeenka laanta socdaalka iyo Jinsiyadaha Mareykanka Michael McCarthy ayaa war saxaafadeed uu soo saaray ku sheegay in ardaygaan uu ka jawaabi waayay su’uulihii la Weydiiyay. Source
  11. (SLT-London)-Haweenay ayaa laga daweeyay buro maskaxda ka soo baxday ka dib markii dakhtar indhaha ku takhasusay uu baadhitaan ku sameeyay bukaankaas ka dibna indhaheeda ku arkay xaalad aan caadi ahayn. Christel Callow oo 26 jirah oo ku sugan England ayaa hadda aruursanaysa 62,000 gini si ay u hesho nooc dawayn ah oo aan aad looga helin xarunta qaran ee caafimaadka Britain ee NHS loo yaqaanno. Burada inteeda badan waa laga qalay balse waxaa loo sheegay in dawayn kale oo lagu sameeyo ay ka xeel dheeraan karto in lagu daweeyo radiotherapy. Xarunta NHS ayaa gabadhan u sheegtay in dawaynta ay doonayso ay siiyaan dadka buuxiya shuruudaha u yaalla oo kali ah. Christel ayuu madaxu aad u xanuuni jiray muddo labo bilood ah, 22 bishii Luulyo ayayna ballan ka qabsatay dakhtar. Dakhtarka indhaha ku takhasusay ayaana arkay caddaadis saaran isha midigta ah ee gabadha oo qayb ka mid ah ay aad u guduudatay. MRI laga saaray isbitalka Royal Shrewsbury Hospital ayaa muujiyay buro ku dhalatay maskaxda gabadha oo la eg kubadda tayniska lagu ciyaaro. Intaas ka dibna waxaa lagu qalay isbitaalka Royal Stoke Hospital. “Waxay dhaheen muddo dheer ayaad la noolayd, haddii dhakhtarka indhuhu uusan ku arki lahayn waxay u badnaan lahayd in aad eersan lahayd, waaan miyir daboolmi lahaa ama dhinac ayaa i qalali lahaa,” ayay tidhi. Christel ayaa loo sheegay in ay qabto kansar si dhakhso ah u koraya oo la dhoho anaplastic astrocytoma, ayna u baahan karto radiotherapy balse laga yaabo in dawaynta radiotherapy ay waxyeelayso qaybo ka mid ah maskaxdeeda, arrintaasna ay saamayn doonto hadalkeeda iyo dhaqdhaqaaqeeda. Qoyskeeda ayaa raadiyay qaab kale oo loo dawayn karo waxayna heleen proton beam therapy, waana qaab lagu tirtiro unugyada xanuunsan ee jidhka. Arrintaas ayaana lagu bartilmaameedsanayaa burada si loo daweeyo nooc gaar ah oo kansarka ka mid ah. Source
  12. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya kulamo xasaasi ah oo saacadihii la soo dhaafay ka dhacay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud. Kulamadan oo ahaa kuwa aan loo kala kicin ayaa waxaa diirada lagu saaray khilaafka dowladda federaalka iyo Ahlu Sunna Waljamaaca. Sida ay wararku sheegayaan kulamada ayaa waxaa wada qaatay hoggaanka Ahlu Sunna iyo mas’uuliyiin uu hoggaaminayo wasiirka arrimaha gudaha xukuumadda Soomaaliy, Cabdi Maxamed Sabriye. Ilo lagu kalsoon yahay ayaaa Caasimada Online u sheegay in la xaliyey tabashadii ay qabeen ururka Ahlu Sunna Waljamaaca, islamarkaana meesha laga saaray khilaafkii ka taangaan magaalada Dhuusamareeb. Hoggaanka Ahlu Sunna ayaa sheegay inay ka tanaasuleen tabashada ay qabeen, islamarkaana wixii hadda ka dambeeya raali ka yihiin howlaha ay wado dowladda. Arrintan ayaa soo afjareysa xiisadii u dhexeysa dowladda dhexe iyo Ahlu Sunna oo dhankeeda xal ka gaartay kala qeybsanaanta ka jirtay dhexdeeda. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  13. Muqdisho (SMN) – Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka, Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa ayaa ugu baaqay mas’uuliyiinta iyo shaqaadalaha dowladda inay daacad u noqdaan shaqooyinka iyo waajibaadka loo igmaday. Khadar ayaa ku booriyey qof weliba inuu isla xilsaaro ma’uuliyadda loo igmaday, islamarkaana uu si hufan ugu adeego dadkiisa iyo dalkiisa. Sidoo kale wuxuu kula dardaarmay in ay ku dadaalayaan wadaniyada iyo horumarka dalkooda. View the full article
  14. Nabad caddaalad baa lagu Nuugaa Waxa isasoo taraaya hadalada aan ka fiirsashada iyo meel udayga lahayn ee siddii ruux qarras iyo dacari ku kacday oo lalabyo wixii uurka iyo laabta yiil dabada ka keentay, ugasoo baxaaya afafka masuuliyiinta dawlada, weedho iyo ereyo deelqaaf ah oo goor iyo ayaan ugu tiraabaan shir jaraa’id kastoo Xukuumadu qabato, ayaandarada ugu weyn ee jirta oo ah masuul daro, xirfad la’aan, maamul xumo, Hubsiimo daro, mooganaan iyo iyaga oo ah shaqsiyaad in wax loosheego mooyee waxba sheegi karin. Waxa ay noqotay markastoo masuul dawlada Kulmiye ahi hadlo in uu weedho dhiilo, xajiimayn, meel ka dhac, masuul daro iyo xumayn qayaxan oo ku aadan dad gaar ah ku hadlo. Kaga soo bilow dhacdadii ina Geele iyo JABUUTI waakii Af hayeenkii madaxtooyada qaranka Somaliland wuxuu ku hadlay aynu ogayn, wuxuu ugaystay muwaadinka deelqaafka iyo meel kaga dhaca uu xaqiisii muwaadanimo meesha ka saaray ee ka dhigay eedaysane aduunka soo dhacay, weyna ogayn wixii indho la’aan iyo aqoon la’aan Kulmiye iska kaashaday ee xaashida ku duugnayd uu akhriyaayey masuulkaasi. Madaxweynaha qaranka Somaliland waxa isna laga hayaa Dulqaadku waa nacasnimo!. Waxa jiray in isna wasiirka warfaafinta qaranka Jamhuuriyada Somaliland uu siddii dhiil ciir lagu lulaayey barqo kulul lingaxa goostay ee u af-furmay ee yidhi Caare waa Xisbiga wadani iyo Hadalo laga yaxyaxay ku hadlay iyo waxay ciddii maqashaba cadho geliyey, waxa xiktay deelqaafkii qayaxnaa iyo masuul daradii uu ku hadlay taliyaha ciidamada milatariga qaranka Jamhuuriyada Somaliland, isaga oo aanad moodahayn inuu yahay masuul qaran u Hadal ruux asaasaq haleeley, howshii qaranka loo igmadayna qiray inuu ku fashilmay, kol haduu yidhi meesha ciidan kumaan hayne rag meel iska jooga ayaa mushahar iska siin jiray, Takale Taani Markuu leeyey askariga Badhan joogaa waxba ma qabto ee mushaharkuu qaataa, askariga askarigiisa jooga Gabilay malaha isagu magaaladiisuu jooga, yaan joogin tiisii nacal asaf!, tuuleeyey wixii tagayaa hatago, Taaniyow nina dhulkiisa ka tegimaayo se adaa xilka ka tagaaya, Takale Jananku ma Markuu maqlay Caare inuu janan noqday ayuu kala wareegay, waayo xaajo waanwaan Waayeel Dhaqameed iyo mufti wax garad ah ergadeeda wadeen oo markii ay xaaajadii gudbiyeen gudoonkii madaxweynaha iyagoo sugaaya taani waakan dhooqooyey baligii nabada loo qoday, Mar haddii muwaadinka uu sifaha sharciga baal marsan ku sifeeyey taliyuhu markii xilka loo magacaabay muu o dhan waa danbiile (waa dhagar Qabe) odhan maynee, oo markii uu puntiland tagay muu odhan waa danbiile soo qabta, oo Markuu buuraha galay muu odhan waadanbiile, se iminkoo Afka madaxweynaha la naawilaayey Maxaa keenay inuu Nuux Taani Waxan yidhaa??. Waa meel Illaahay wax ka wadee Odayaashii dhaqanka ee madaxyo weynta ahaa ayaa siddii kuray macawiso iyo cumaamado loo xidhay dhan walba u wadhfiyey, markii dhawaaqa taani gaadhay halkii ay ugu caqli celin lahaayeen ayey cumaamadihii iska daadiyeen, iyagaa sheeganaayey Madax dhaqameedada aan dhicin ee Illaahay bixiyo illaahayna Qaado, se in taliye ciidan oo la bedelo ay isku odhaah dhigtaan, una jawaab celiyaan hadalada la midka ah kii taliyaha ama u dhigma, waayo in suldaan, caaqil, garaad, ugaas iyo nabadoonba yidhaahdo maaha Hadduu siddaa u hadlay anakuna si kadaran baanu yeeli Af masuul dhaqan oo cumaamadan maaha waana qalad. Madax Dhaqameedku waa inay nabada ay darafka hayaan ee lawada hayo dacalkooda xejiyaan oo giijiyaan, colaadna in la iclaamiyaa waa ayaan daro waayo reer Somaliland geedka ayey xaajo ku xalin jireen yaa geedka ka fiigaaya?. Nabadu waa waxa Somaliland ku caano maashay, shacabku wuu soo arkay colaad iyo dagaal wuxuu yahay, Nabad ilaahay lagu mahadiyana wey heystaan u malayn maayo in ruux caqli qabaa Nabad colaad ku doorsanaayo, laakiin caddaalad daradu xasilooni daro ayey keentaa, caddaalada ilaahay baa caadil ahe dowladaa ka masuula, hadii dawladii caddaalad daro iyo deel qaaf dadkii iskugu darto soo nabadii ceel ku ridimaayaan, Hadal iyo dhamaan Nabadu waa Kunoolaanshaha Nolosha rasmiga ah ee raasamaalka leh ee jiilba jiil usii gudbiyo hidaha una sii dhiibo dhaqanka duugiisa, se Hubaal Nabad Caddaalad baa lagu Nuugaa ee Xukuumadu caddaalad ha ogaato. Illaahay baa Mahad leh Midnimana Somaliland. Fuad Fartaag Fartaagmuwaadin@gmail.com Qaran News
  15. Danjiraha Qaramada Midoobey u fadhiya Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Abuukar Daahir Cusmaan ayaa Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ku bogaadiyay diidmada Golaha Ammaanka ee qaraarka tirsigiisu yahay 1267. Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa maanta diidmo ugu codeeyey qaraarkaasi oo lagu doonayay in kooxda Al-Shabaab loogu daro Liiska Argagixisada caalamiga ah, oo ka hadlay ayaa yiri. “Shabaab waa urur argagisixo ah oo taasi muran kama taagna, oo waxaa jiray qaraaro ay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ka soo saareen sida kan tirsigiisu yahay 751 kaasoo lagu wiiqayo awoodda Alshabaab iyo dhaqaalaha ay ka sameeyaan dhuxusha. Haddaba kan kaliya haddii la fuliyo waxa uu ku filan yahay ciribtirka Shabaab iyo Shabaab kalkaal” ayuu yiri Cabdinuur Maxamed Axmed Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa sidoo kale sheegay inay soo dhaweynayaan diidmada Golaha Ammaanka ee qaraarka tirsigiisu yahay 1267. “Qaraarka haatan la diiday oo ay dawlado kale dano gaar ah ku wateen, ayaa ujeedkiisu ahaa in lagu curyaamiyo dhaqaalaha Soomaaliya uu caalamku ku taageero kuwaasoo lagu bixiyo dhinacyada horumarinta, ammaanka iyo gargaarka ayaa wuxuu mudanyahay bogaadin”.Ayuu raaciyay Mudane Cabdi-nuur. Agaasimaha ayaa sheegay in ammaan iyo bogaadin mudanyahay Danjiraha dalkeenna u fadhiya Qaramada Midoobay Danjire Abuukar Daahir Cismaan (Baalle) iyo kooxda la shaqeysa dadaalka ay ku bixiyeen hawshan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Xoghayaha Qaramada Midoobey, Antonio Guterres ayaa soo magacaabay ku xigeenka ergeygiisa arrimaha Soomaaliya ee James Swan. Guterres ayaa xilkan u soo magacaabay Aadan Cabdul Mulla oo u dhashay dalka Suudaan sidoo kalena heysta dhalashada dalka Mareykanka. Sidoo kale Mulla ayaa qabanayaa isuduwaha arrimaha gargaarka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya. Ninkan ayaa bedalaya George Canaway oo u dhashay dalka Canada, islamarkaana QM u qaabilsanaa howlgalkeeda Soomaaliya. Diblomaasigan ayaa horay uga soo shaqeeyay dalalka Ciraaq, Syria, Kuwait iyo meelo kalem isaga oo leh wax ka badan 30 sano oo khibrad ah. 30 kii May ayey aheyd markii Qaramada Midoobey ay James Swan u soo magacawday wakiilkeeda Soomaaliya, kaas oo bedalay ergeygii la eryey ee Nicholas Haysom. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  17. Muqdisho (SMN) – Danjiraha Qaramada Midoobey u fadhiya Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Abuukar Daahir Cusmaan ayaa golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ku bogaadiyay diidmada qaraarka tirsigiisu yahay 1267. Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa maanta diidmo ugu codeeyey qaraarkaasi oo lagu doonayay in Al-Shabaab loogu daro Liiska Argagixisada caalamiga ah. “Shabaab waa urur argagisixo ah oo taasi muran kama taagna, oo waxaa jiray qaraaro ay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ka soo saareen sida kan tirsigiisu yahay 751 kaasoo lagu wiiqayo awoodda Alshabaab iyo dhaqaalaha ay ka sameeyaan dhuxusha. Haddaba kan kaliya haddii la fuliyo waxa uu ku filan yahay ciribtirka Shabaab iyo Shabaab kalkaal” ayuu yiri Cabdinuur Maxamed Axmed Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa sidoo kale sheegay inay soo dhaweynayaan diidmada Golaha Ammaanka ee qaraarka tirsigiisu yahay 1267. “Qaraarka haatan la diiday oo ay dawlado kale dano gaar ah ku wateen, ayaa ujeedkiisu ahaa in lagu curyaamiyo dhaqaalaha Soomaaliya uu caalamku ku taageero kuwaasoo lagu bixiyo dhinacyada horumarinta, ammaanka iyo gargaarka ayaa wuxuu mudanyahay bogaadin”.Ayuu raaciyay Mudane Cabdi-nuur. Agaasimaha ayaa sheegay in ammaan iyo bogaadin mudanyahay Danjiraha dalkeenna u fadhiya Qaramada Midoobay Danjire Abuukar Daahir Cismaan (Baalle) iyo kooxda la shaqeysa dadaalka ay ku bixiyeen hawshan. View the full article
  18. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/08/www.mp3 View the full article
  19. TORONTO (AP) Masai Ujiri could see it in the proud posture and wide smiles of the young female players. Source: Hiiraan Online
  20. YOKOHAMA, Japan — With a jealous eye on China’s growing influence, Japan is renewing its vows to Africa. Source: Hiiraan Online
  21. Danjiraha Soomaaliya u fadhiya qaramada midoobey Abuukar Daahir Cusmaan waraysi gaar ah bixinayey ayaa golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ku bogaadiyay diidmada golaha ammaanka ee qaraarka tirsigiisu yahay 1267. “Shabaab waa urur argagisixo ah oo taasi muran kama taagna, oo waxaa jiray qaraaro ay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ka soo saareen sida kan tirsigiisu yahay 751 kaasoo lagu wiiqayo awoodda Alshabaab iyo dhaqaalaha ay ka sameeyaan dhuxusha”, ayuu yiri danjire Abuukar. Dhanka kalena, waxaa go’aankaan siweyn u soo dhoweeyey agaasimaha warfaafinta madaxtooyada Soomaaliya oo boggiisa gaarka ah ku sheegay inay soo dhaweynayaan diidmada Golaha Ammaanka ee qaraarka tirsigiisu yahay 1267. “Qaraarka haatan la diiday oo ay dawlado kale dano gaar ah ku wateen, ayaa ujeedkiisu ahaa in lagu curyaamiyo dhaqaalaha Soomaaliya uu caalamku ku taageero kuwaasoo lagu bixiyo dhinacyada horumarinta, ammaanka iyo gargaarka ayaa wuxuu mudanyahay bogaadin”.Ayuu raaciyay Mudane Cabdi-nuur. Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu markale waxa uu yiri,“Haddaba kan kaliya haddii la fuliyo waxa uu ku filan yahay ciribtirka Shabaab iyo Shabaab kalkaal” ayuu yiri Cabdinuur Maxamed Axmed Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. PUNTLANDPOST The post Soomaaliya oo soo dhoweysey diidmada Qaramada Midoobey ee qaraarka 1267. appeared first on Puntland Post.
  22. Alabama GOP Senate candidate Roy Moore attacked Rep. Ilhan Omar on Twitter Wednesday — telling her to “go back to Somalia from whence she came” — after she referred to him in a tweet as a “child molester.” Source: Hiiraan Online
  23. With the support of FCA, psychotherapist Rowda Olad works in grassroots-level mental health care and participates in the reconciliation work in Somalia. Source: Hiiraan Online
  24. Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa xerada tababarka ciidamada ee Gen. Goordan booqasho sagootin iyo dardaaran ah ugu tegay ciidamo ka tirsan xoogga dalka oo loo diyaariyay howl gallo gaar ah oo Al-Shabaab lagula dagaalamayo. Mudane Xasan Cali Khayre oo ciidamada uga mahad-celiyay naf-hurnimada ay uga qayb qaadanayaan badbaadinta nafta iyo maalka ummadda Soomaaliyeed, ayaa kula dardaarmay in Al-Shabaab ay ka saaraan deegaannada loo qorsheeyay in ay ka fuliyaan howl gallada. DAAWO PUNTLANDPOST The post Ra’iisul wasaare Khayre oo sagootiyey ciidamo loo diray howlgal khaas ah. appeared first on Puntland Post.