Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,146
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Wararka naga soo gaaraya degmada B/xaawo ee gobolka Gedo ayaa waxay sheegayaan in saakay lagu arkay degmadaasi Meydadka Saddex qof oo mid ay haweeney tahay. Dadka deegaanka qaarkood oo aan la hadalnay waxay inoo xaqiijiyeen in dadkaan xalay ay rag hubeysan kala baxeyn guryahooda, kadibna ay soo dileen. Ciidamada ammaanka ayaa wada howlgallo ay ku baadigoobayaan dadka dilkan ka dambeeyey, iyadoo aanay jirin wax war ah oo kasoo baxay maamulka degmada B/xaawo. Lama oga dadka dilkan geystay waxa ay ahaayeen iyo sidoo kale ulajeedka Saddexdan qof loo dilay. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
  2. Dhuusamaereeb (Caasimada online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dagaal u dhexeeyey ciidamo ka wada tirsan dowladda, gaar ahaan kuwa Danab oo saaka ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug. Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in iska hor imaadka oo ahaa mid kooban uu ka qarxay agagaarka garoonka diyaaradaha Ugaas Nuur ee magaaladaasi. Inta la xaqiiiyey waxaa israsaaseyntaasi ku dhaawacmay hal askari oo ka tirsan ciidamada Milatariga Soomaaliya. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in dagaalkan uu yimid, kadib muran ka dhashay waxyaabaha maanka dooriya oo ay isticmaalyeen askar ka tirsan kuwa dowladda. Xaaladda ayaa hadda kacsan, waxaana lagu soo warramayaa in goobta ay gaareen saraakiil ka tirsan kuwa Xoogga dalka oo ku baxay xiisadaasi, si ay u xaliyaan. Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha hoggaamineysa ciidamada dowladda ee dhowaan la geeyey magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud. Ma’ahan markii ugu horreysay oo ay wada dagaamalamaan ciidamo ka wada tirsan dowladda, waxaana horay magaaladaasi isugu fara saaray ciidamo ka kala tirsan Nabad Sugida iyo Booliska Soomaaliya. Caasimada Online Xaafiiska Dhuusamareeb caasimada@live.com
  3. What are the chances of getting a study permit approved in Canada? If you’re African, it’s currently 25%. Source: Hiiraan Online
  4. Magaalada Garoowe ee caasimadda dowladda Puntland ayaa waxaa ka socda diyaar garawgii ugu dambeeyey ee ku aadan soo dhoweynta ka qaybgalayaasha shirka maalgashiga Puntland. Masuuliyiin dowladeed, ganacsato Soomaaliyeed, madaxda shirkado ganacsi oo ajaaniib ah iyo wakiilo kale ayaa lafilayaa inay maanta soo gaaraan Garoowe si ay shirka uga qaybgalaan. Shirkaan oo socon doona 15 ilaa 17 Sep waxaana lagu soo bandhigi doonaa fursadaha maalgashi ee ka bannaan Puntland iyo habka adduunku uga faa’iidaysan karo. Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Denni ayaa dhowr bilood kahor balan qaaday shirkaan oo waxbadan ku soo kordhin doona horumarka Puntland. PUNTLANDPOST The post Waffuudda ka qaybgelaysa shirka maalgashiga Puntland oo maanta Garoowe ku soo wajahan. appeared first on Puntland Post.
  5. Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre, oo ka qayb galay musaanabad sagootin ah oo wafdiga uu hoggaaminayo loogu sameeyay magaalada Baydhabo, ayaa bulshada Koonfur Galbeed ku ammaanay isku-duubnida, dowlad jaceylka, ka shaqeynta danta guud. Khayre ayaa sheegay in maalmihiisii Baydhabo iyo Xudur uu ogaadey adkeysiga, wadajirka iyo dowlad jaceylka bulshada Koonfur Galbeed, arrintaasina ay ku dhiirri gelineyso madaxda qaranka in laba jibbaaraan shaqada bulshada loogu adeegayo si looga dhabeeyo rejada wanaagsan ee shacabku ka qabaan soo kabashada nimaadka dowladnimo. Ra’iisul Wasaaraha ayaa caddeeyay in dowladda federaalku ay kala ka shaqeyneyso dowlad gobaleedka Koonfur Galbeed, fulinta mashaariic horumarineed iyo xoreynta deegaannada Al-Shabaab ku suganyahay. DAAWO PUNTLANDPOST The post Ra’iisul wasaare Khayre,”Koonfur Galbeed waxaa jooga dad adkays badan dowladdana jecel”. appeared first on Puntland Post.
  6. Shows such as Magnificent Century have come to rival US TV for international popularity, sweeping through the Middle East, Asia and Latin America. What explains their global success? Source: Hiiraan Online
  7. South Korea car manufacturer Hyundai has entered into the Somaliland into the market. Source: Hiiraan Online
  8. Hoggaamiyaasha Turkiga, Iran iyo Russia oo Isniinta todobaadkan ku kulmi doona magaalada Ankara ee caasimadda dalka Turkiga, ayaa mar kale ka wada-xaajoon doona xaaladda cakiran ee ka taagan waddanka Syria, sida ay shaacisay warbaahinta Turkiga. Qoraal jimcii shalay ka soo baxay xafiiska madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan oo ay soo xigatay warbaahinta dalkaasi, ayaa lagu sheegay in saddexda hoggaamiye ay shirkooda ku falan-qeyn doonaan xal u helidda colaadda ka aloosan waddanka Syria, gaar ahaanna xaalad banii’aadanimo oo la sheegayo in ay ka jirto waqooyi galbeed magaalada Idlib. Sidoo kale, kulankaasi saddex-geesoodka ah, waxaa looga hadli doona sidii looga shaqeyn lahaa in kooxaha argagixisadu aysan fursad ka helin, loollanka adag iyo dagaallada raagay ee ka taagan dalka Syria. Warbaahinta Turkiga ayaa sheegaysa in madaxweynaha Russia, Vladimir Putin iyo madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan ay marka shirkaasi dhammaado yeelan doonaan, kulan gaar ah oo uu ka maqanyahay madaxweynaha Iran Hassan Rouhani , kulanka oo looga hadli doono xiriirka Turkiga iyo Russia. PUNTLAND POST The post Russia Iran iyo Turkiga oo todobaadkan shir saddex-geesood ah ka yeelanaya xaaladda wadanka Syria appeared first on Puntland Post.
  9. Xogaha Ku Gadaaman Buugga Cabdi Qays Ugu horreyn Anigoo ah Maxamed Cismaan Muxumed “Ugaaska”aan ku Bilaabo Magaca Eebbe Isaga ayay Mahad oo dhami u sugnaatay, Marka labaad aan Salaan Hawada u soo mariyo Ummada Soomaaliyeed gaar ahaan inta Xiisaysa Akhriska iyo Qoraalka. Ku Fogaan Maayo Inaan soo bandhigo Xaqiiqooyinka Jira Ama aan wada sheegaba, Waayo Maahmaah Soomaaliyeed baa ahayd Lafta Jabi Xaragana ha ka tagin,Waase lagama maarmaan War Sugan oo ka soo baxa dhankayga Inaan idinla wadaago , Wakhtiga Iyo Dhacdooyinka iska soo daba dhacaya ayaa Kalifaya Maqaalkaygan Iyo Aragtidayda labadababa. Waxa kale oo Iyadana aan Xusayaa Inaan Qoraal ahaan Cod ahaan Muuqaal ahaan aanan,hore Bulshada ula wadaagin anoo dhawraya Niyadsamida Iyo hawsha Buuggan oo meel ku tiirsanayd . Bilawgii Buugga Darmaan iyo Dalxiis :- Waxaan buuggan bilaabay 2010kii Aakhirkiisii Muddadii aan waday Ururinta buuggan oo ahayd Afarsano iyo dheeraad Waxaan la kulmay oo aan waraysiyo ka qaaday Dadkii Ugu dhawawaa Abwaanka kuwaasoo aan ka Xusi karo Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi , Cabdillaahi Aadan Xaad “Qarbooshe” Oo ah Abwaanka Walaalkii , Abwaan Saxardiid Maxamed “Jabiye” oo ah Macaliinkiisii Hal-abuurnimo intaanu suugaanta bilaabina uu u ahaa gacanyare u qora Riwaayadaha Iyo Maansooyinka kale ee uu sameeyo Ab.Jabiye(AHN) Sidoo kale waxaan waraysiyo ka qaaday Buuggana aad ka dhex helaysaan Abwaan Aadan Tarabi , Abwaan Axmed Saleebaan Bidde , Qoraa Maxamed Cabdillaahi Riiraash , Fannaaanad Aamina Cabdillaahi Xirsi Oo ah Xaaskiisii hore Una dhashay Curradiisa Ayaan iyo Mustafe , Waxaan Iyagana Maansooyin ka helay Boobe Yuusuf Ducaale , Maxamed Ibraahim Xujaale , Iyo Cabdalle Xaaji Cismaan oo ah qoraa reer Jabuutiya Isagoo aad igagala shaqeeyay Heesihii iyo Taariikhda intii uu Jabuuti Abwaanku ku lahaa , Ma soo koobi karo dadyawga buuggan Darmaan Iyo Dalxiis igala shaqeeyay Waayeel iyo Dhalinyarba way lahaayeen, Waxase igu kalifay iyadoo waxaas oo xoga iyo dadkaaba buugga laga dhex heli karo , Fasiraada khaldan ee laga bixiyay Buugga taas oo odhanaysa , Waa Xog Ugaasku kalighii Qoray , Cid la ogaydna aanay jirin. Haddaba Abwaanka Xogtii aan ka Uruuriyay oo aad u baaxad waynayd Boqol iyo Konton Maansana ku dhawawayd , Dadkii gacanta wayn buuggan ka gaystay waxay ku taliyeen inaan horta daabacaada Koobaad aanan ka badin Boqol iyo Jarjarka Maanso ee hadda Darmaan iyo Dalxiis ku qoran iyo Saddexda Boqol Iyo Afartanka Bog ee Buuggu ka kooban yahay , Wixii Daabacaada Labaad loo gaadho inaan ku daro inta hadhay iyo Xogaha kale ee la heli doono , Sidaa ayuu Madbacada Sagaljet ku galay Buugga Darmaan iyo Dalxiis , Kuna soo baxay 2014 October , Iyadoo aan Bandhigiisiina ku qabtay Maansoor Madal Ilyartu is qarisay 2014 Deceber 11keedii. Waxa iyadana hadal badan la galiyay inaanu Abwaanku Ogayn wax ogolaansho ahna aanan ka haysan . Si Kooban Abwaan Cabdiqays Waanu ka wada soconay Ururinta Buuggiisan bilawgiiba waxa iyaduna jirta Inaan Cajalad kaga duubay markii aan dhameeyay buuggan inaan daabaco Ogolaanshiiyo buuxa uu ii siiyo Waa Ogolaaday inaan daabaco, Markhaatiyaal waxa ahaa oo Cajaladaa ku jira Abwaan Yuusuf Shaacir iyo Maxamed Cumar X.Faarax , Markale Intiinii ka soo qaybgashay ama daawatay Xafladii Goob joog buu Abwaanku ahaa Ereygiisana wuu ka dhiibtay. Bandhigii Ka dib waxaanu u amba baxnay Aniga iyo Abwaanku Jabuuti halkaas oo aanu ugu talo galnay inaanu ka samayno bandhig labaad, dabcan Abwaanka ayaa iga cag horreeyay Usbuuc ka dib baan ka daba baxay, Hawshii baanu guda galnay, Qoladii Bandhiga noo samayn lahayd baa Kuwo ka midi Safar ku Maqnaayeen,dabcan Marti baanu ahayn labadayaduba Qorshuhu wuxuu ahaa inaanu Qolooyinkaa Sugno , Muddadii aanu ku Guda jirnay hawshaa oo ah Khilaafka Bilawgiisa Aasaaska iyo halkan uu ka Unkamay Is afgaran waaga aniga iyo Abwaanku Waxa uu ahaa; Adduunka laga waayo Diradiraale iyo qaar hawl meel wacan la soo gaadhsiiyay kala rida Aniga iyo Abwaanka waxa markiiba na soo dhex galay rag aan Abwaankana wax u tarayn Bandhigana baajinaaya Kuwaasoo Abwaanka ku yidhi Tobankun oo buug baanu kuu samayneynaa, Calaa Buugna Boqol Dollar baanu kuugu iibinaynaa ee PDF ka ka soo qaad ninkan dhalinyarada ah ee Buugaaga qoray, halkaa markay maraysay waa is badalay jawigii daganaa ee aanu Hargaysa kaga soo ambabaxnay , Wuxuu Abwaanku ii soo jeediyay in aan ku soo wareejiyo buugga PDF kiisa oo uu daabacdo Isagu , Anigana Saami ahaan uu isiin doono wixii uu ii garto , Maadaama oo uu leeyahay Tirinta Maansada aan Xogteeda soo Ururiyay, waxaan anigu markii fikir ahaan taagnaa in ay noo qabsoonto Xafladii iyo Ujeedkii aanu Magaalada Jabuuti u tagnay, ka dibna wixii daabacaad labaad ah ee la galayo Xiligii la galayo,goobta lagu galayo iyo Ciddii galaysaaba markaa gasho, iyadoo labadayaduba aanu goob joog ka wada nahay, may suurto galin in Khilaafkaa Jabuuti ka bilaabmay uu halkaa ku dhamaado ,niman Odayaala oo galayna waxba dhanka Abwaanka waa ka dhamayn kari waayeen. Sidaas baanu Bandhigii Jabuuti iyo Arimihii aanu u wada tagnay ku baaqsadeen. Abwaanku waa uu iga soo hor baxay waan kaga dambeeyay hawlo ii gaara awgeed , ka dib markii uu abwaanku Hargaysa yimid waxa uu u tagay Madbacadii aan ka daabacay buugga waxaanu ka qaatay PDFkii aan anigu gacantayda Madbacada ugu dhiibay , Muddo yar ka diba waxaan imid Aniguna Hargaysa markiiba waan Ogaaday in PDFkii Faynelka ahaa ee la daabacay Abwaanka lagu wareejiyay. Koox dhalinyaro u badnaa ayaa is abaabulay oo aad uga xumaaday in Madbacadu bixiso Buuggii iyadoo aan aniga wax Ogolaanshiiyo ah layga haysan Una tagay Madbacadii , Waxay Madbacadu cadaysay in ay bixisay PDF ka buuggaa iyadoo aan aniga wax fasax ah iga haysan ,isla markaana aan ahay Ninka Xogtan la daabacay u keenay . Waxa Iyakuna dhinacooga ila soo xidhiidhay Guddi Odayaal ah oo ay ka Mid yihiin Ab.Yuusuf Shaacir, Qora. Cabdiraxmaan Guri-barwaaqo , Boobe Yuusuf ducale Iyo Maxamed Ibrahim Xujaale . Xidhiidhka hore waxa lahaa Yuusuf Shaacir oo ii sheegay inay doonayaan in ay Odayaal ahaan hawshaa galaan Gaar ahaan Khilaafka aniga iyo Abwaanka , Waan aqbalay Sidaasaanay hawshaa ku galeen waxaanay ka soo saareen Koobiyo Toban Qodob Kuwaasoo Qoraal ahaan aad ka dheehan kartaan Warqadii Heshiiska Almis PUblic Notary And ADVOCATE dhamaan tayana aanu ku wada saxeexnay , Khilaafkiina halkaa ku dajisay dhamaysayna hawshii taagnayd . Iyadoo aan idinla wadaagi doono Heshiiskaa haddana waxa saldhig u ahaa laba qodob 1: In aanan Daabacaad labaad oo Darmaan iyo Dalxiisa Soo saarin isla markaana Abwaanku wixii hadda ka dambeeya uu Isagu daabacdo 2: In aan anigu yeesho Xuquuqda Ururinta Wixii Dambe ee la tifaftirayo laguna Qoro bog horraadka Daabacaadaa labaad ee la soo saari doono , In daabacaada Labaadi ka timid daabacaadii Koobaad ee uu Ururinteeda lahaa Ugaasku Iyo In Hordhaca Mahadnaqa lagu Xuso In Daabacaada Labaadi ka timid daabacaadii Koobaad Badankeedu . Haddaba Maxaa iska badalay ee ku soo kordhay arinkaa sidaa ku fulay ? Ugu Horrayn anigu halkaa markay maraysay ayaan waddankii ka imid, Waxaanse ku war helay PDFkii Abwaanku ka qaatay Madbacada Sagaljet Iyo Buuggiiba in gacanta loo galiyay Cali Yuusuf Cali-Guray , Waxa iigu xigtay Madal ka dhacday Maansoor Hotel oo uu soo qabanqaabiyay Tvga HCTV, laysuguna yeedhay Hal-abuuro badan iyo Qoraayaal Waayeel iyo dhalinyarba leh Kuwaas oo ay ka mid ahaayeen Abwaan Cabdiqays,Iyo Cali Guray oo Abwaanka la socday , in uu goobtaa ka yidhi Cabdiqays buuggaygii hadda waxa gacanta ku haya oo qoraya Cali Guray Isagaana hadalka uga baxayaa , Cali Guray oo isaguna Goobtaa kaga dhawaaqay inuu waddo buuggii Cabdiqays Meel wacana uu u marayo , Gartay Buuggu inuu yahay Darmaan iyo Dalxiis Waxa ii Cadaatay Xogtii isoo gaadhaysay ee ahayd in Buuggii Cali-Guray lagu wareejiyay , Habeenkaa Goobta kama Sheegin Cali In Buug hore jiray oo dadaal rag ku bixiyeen iskaba dhaaf inuu soo hadal qaadee qaabka uu u hadlaayay ayaa ahaa sidii mid Ugub ah , oo aan hortii la qorin isagoo waliba Xogta uu hayaa tahay Xogtii Darmaan iyo Dalxiis , Muddo ka dib waxaan Ogaaday in buuggii la daabacayo oo Madbacada Sagaljet uu ku jiro Faafreebkisii . Waxaan xidhiidh la soo sameeyay Gudidii Hawsha buugga dhamaysay intii aan ka helay oo kala ah Boobe Yuusuf iyo Yuusuf Shaacir Waxaanan u sheegay in Buuggaa la daabacaayo Madbacadana uu ku jiro isla markaana aan soo dhawaynayo Dadaalkii aan bilaabay in meeshisii laga sii wado laakiin lagu dhaqmo heshiiskii hore ee ay u dhigeen Buuggaa , Iswaraysi dheer ka dib waxay ii sheegeen in la raaci doono heshiiskaa ,dhanka kale waxaan xidhiidh la sameeyay Madbacadda daabacaysa Gaar ahaan Cabdi Yuusuf Aar , waxaan isagana u sheegay in Khaladkii hore ee ay madbacadu gashay aan lagu ladhin mid labaad ee hawshaa lagu dhameeyo sidii hore loogu dhameeyay , Waxaanu isagana isla garanay in la raaci doono Heshiiskii hore . Intaa kumaan joogsan ee waxaan Sameeyay Qoraal ka kooban laba bog oo aan kagaga hadlaayo arinkaa iyo Aragtiday daabacada labaad , Waanan Idinla wadaagi doonaa Qoraalkaa . Ugu dambayn 9.9.2019 waxa lagu soo bandhigay Magaalada Hargaysa Buug lagu sheegay in uu qoray Cali Yuusuf Cali-Guray kaasoo lagu qabtay Hotel Maansoor looguna Magacdaray Geeddigii Cabdi-Qays , Qoraalka Iyo Ururintana uu Isagu leeyahay. Waa Maxay haddaba Aragtidayda aan ka qabo Daabacadaa Labaad ee Buuggaa Oo ay dad badani sugayaan ? Ugu Horreyn Waa Buuggii aan anigu Qoray ee Darmaan iyo Dalxiis oo laga Saaray Magacaygii Laguna badalay Magaca Cali-Guray Si kale haddaan u dhigo waa Buuggii hore oo Jaldigii laga badalay , Waxaana Caddayn u ah ; Cidkasta oo gacanta uu u ugu jiro buuggii aan anigu qoray ee Darmaan iyo Dalxiis Waxa uu ka koobnaa Afar Geeddi oo kala ahaa Geeddiga Koobaad , Geeddiga Labaad ,Geeddiga Saddexaad iyo Geeddiga Afraad , looma Magac bixin Buuggan Cusub ee waxa la soo qaatay Afartaa Geeddi ee uu buuggaa Darmaan iyo Dalxiis ka Koobnaa mid ka mida , Iyadoo aan lana xusin In Buugga Darmaan Iyo Dalxiis uu ka koobnaa afartaa Geeddi Gogol dhiga Buuggu Waa Gogoldhigii Buuggii Darmaan Iyo Dalxiis :- Rashiid Sheekh Cabdillaahi(rashiid gadhweyne) oo ah rugcadaa ku xeeldheer arimaha Suugaanta oo aanan labadayadu Wax aqoona isku lahayn ayaan waxaan la kaashaday Ab.Hadraawi oo ay saaxiib dhaw yihiin iyo Yuusf shaacir oo ay is yaqaanaan Inuu Buuggaa Darmaan iyo Dalxiis ee aan anigu wado ku soo darsado aragtidiisa Maansada Cabdi-Qays iyo shaqsiyadiisa sida uu u arko , markii aanu la xidhiidhnay Waxa uu Emailkayga ii soo dhigay qoraal aad u luxdan kaasoo Sharaxaya Maansada iyo Shaqsiyada Ab.Cabdi-Qays , Waxaan isagana dhawr Jeer Waraysiyo ka duubay Ab.Hadraawi Kaas oo aan markii dambe u rogay Qoraal ahaan. Rashiid Gadhwayne iyo Ab.Hadraawi waxay noqdeen Labada qof ee ugu Sharaxaad Toolmoon Maansada iyo Shaqsiyada Ab.Cabdi-Qays , waxaana ay noqdeen Hordhicii ama Gogoldhigii Buugga Darmaan Iyo Dalxiis . Cali-Gurey Isagoo aan Laaxin ka jarin wuxuu Gogoldhig uga dhigay Buuggaa uu isku Magacaabay Rashiid Gadhwayne oo sidaa aan soo sheegay Gogoldhig u ah Buugga aan qoray ee Darmaan Iyo Dalxiis Madashii laysugu yimid wuxuu Cali-Gurey ka sheegay labada qoraal ee Rashiid Gadhwyne iyo Ab.Hadraawi aan ka sameeyay, Isagoo qarinaya Magacayga Iyo Buugga aan qoray labadaba , wuxu yidhi in ay wax ka yidhaahdeen mar shaqsiyada Abwaan Cabdi-Qays wax laga waydiiyay , Iswaydiintu haddaba waxay tahay yaa wax ka waydiiyay? halkayse ku qoran tahay? Midna kama sheegin Goobtaa , Mahadnaqa buugga laakiin Meel dhexe oo uu igu qoray Si aan u arkay marna inuu isleeyahay u Mahadnaq marna uu u duudsiyayo Xogtaa dhamayska tiran ee uu ku takrifalay Waxa uu odhanayaa ; Labadaa Qoraalba waxaan ka soo xigtay Waraysi uu la yeesshay oo ku qoran Buuggiisa . aan’se kuu saxee Ab.Hadraawi ayuunbaan waraystay , Rashiid Gadhwayne Isaga ayaa Gacantiisa Iigu soo qoray oo ku hawshooday . Waxa ku qoran buuggaa uu soo bandhigay Boqol Iyo Labiyo Afartan Maanso laba Maanso oo kala ah Baladwayne Iyo Beeraad oo hadraawi lahaa marka laga reebo Waa Boqol Iyo Afartan Maanso , Waxa Maanso Cusub ah oo uu ku soo daray Saddex iyo Labaatan Heesood qofkii Xogtaa doonayaana Wuu ka baadhi karaa labada Buugba inta ay is dheeryihiin iyo waxa ay ka midka yihiinba , Waxaan aad ula yaabay Magacyada heesaha , gaar ahaan kuwa wakhtiyada hore ah oo aan ka qoray Cajalado aad u badan kuwaasoo Abwaanku Codkiisa ku qaadayo Magacyadii aan u bixiyay markaan u eegay baydadka soo noqnoqaya ama kuwa ugu halku dhiga wanaagsan aragtidayda, sidoodii buu u soo qaadanayaa dhamaantood isagoo aan wax tafaftira ku samayn, haddii aad baadho labada buug tusmooyinkodda oo kaliya uun dheeho . Markale oo uu Mahadnaqa Buugga igu daray anoo waliba meel dhexe ku jira Wuxuu Cali-Gurey Sheegayaa In uu iga soo Xigtay Maansooyin dhawra oo aanu meel kale ku arag, buugga aan qoray mooyaane , Isagoo marka laga tago Heesahaa uu ku soo daray ee Kooban inta kale Gabi ahaanteedba ay tahay Daabacaadii Koobaad ee Darmaan Iyo Dalxiis Maansooyinkii ku qornaa Haddii aad Maqli jirtay Qoraalo kooban oo la kala dhaco, Waxa Akhriste ku horyaala Buug dhan oo Magacii Qoraha Iyo Uruuriyaha laga badalay ,Mid kale oo aan u soo dhib mudanna lagu qoray. Yaanan Mawduuca ka bixine , Waxa suuqa la galiyay inaan Qoray Buug inta badan Maansada ku qoran aanu lahayn Ab.Cabdi Qays! Iswaydiintu haddaba waxay tahay, Haddii aanu Abwaanku lahayn inta badan Maansooyinka ku qoran Darmaan Iyo Dalxiis , Maxaa loogu qoray buuggan hadda la daabacay Boqol iyo dheeraadka Maanso ee looga saari waayay? Dhamaan Maansooyinka aan ku qoray Buugga Darmaan Iyo Dalxiis Afar Heesood oo markii aan daabacay dadwaynaha buuggaasi gaadhay ii sheegeen inaanu isagu lahayn Xigashadoodana aan dad muddakara ka soo xigtay marka laga tago Dhamaan Waa Maansadii Ab.Cabdi-Qays , Afartaa Heesood laba ka mida waa laga saaray Buugga Cusub Laba ka midina wali way ku jiraan . Tolow Maxaa la saxay ? Maxaa Boqolka Maanso ee aan qoray badankeedana Abwaanku aanu lahayn loogu darsaday buuggan Cusub hadday sidaa u jirto? Guntii iyo Gabagabadii:- Cidkasta oo diyaar u noqota inay Abwaanka wax ka qorto Waa u furantahay , Waayo Aniga Kooto iiguma Xidhna Maansada iyo Taariikhda Abwaanku , Laakiin Buuggaa la soo bandhigay ee Loogu Magacdaray Geeddigii Cabdi-Qays , maaha mid Cusub oo ka duwan kii aan anigu soo bandhigay ee Qoraalkiisa Abwaanku Gacanta ka galiyay Cali-Gurey . Laba Mid uun baana Cali-Guray u furnayd inuu u Qalab qaato buug Cusub Kaasoo u dhigma buuggii aan qoray oo ahaa Boqol iyo dheeraad Maanso waxa uu kayga ka soo xiganayana uu ka soo xigto kaliya uu igu Xuso Mahadnaqa Ama Inuu Siduu heshiisku ahaa Sameeyo Daabacaad Labaad Tifaftiro kii hore Labaataneeyada Heesood ee uu hadda ku daray Buugga Cusub uu ku daro , Anigana Xuquuqda Uruurintu Sidii heshiisku ahaa la iigu daayo, oo aan Buugga lagu daabicin Sidan Hadda loo Dhigay . haddaba ka yeeli maayo Adiga Iyo Inta kaleba Xog Iyo Ururin aan tacab idinka galin inaa Magacyadiina ku qortaan, ka dibna aad bandhigyo u samaysataan , Hadday taasi dhacayso anaa u Xaqleh Inaan Qoro Xogta iyo Ururinta Maansada Cabdi-Qays Guddidii Gashay ee dhamaysay khilaafkii Buugga Darmaan Iyo Dalxiis ka Yimid waxaan aad uga xumahay in hortiina uu ku burburo, heshiiskii Odayada aad ka ahaydeen idinkoo haya heshiiskaa aad ku saxeexan tihiin , Marinkeedana aan la marin heshiiskii dhaabadda Cad ahaa ee aad Idinku dhigteen , Arinta kale ee ka sii yaabka badan ayaa ah in Afartii Xubnood ee Gudida ku ahaydeen Saddex ka Mida, kaga qayb gasheen Xafladaa lagu burinaayo Wixii ka Guddi ahaan aad Qorteen, laba ka mida aad kaga hadasheen Goobtaa, Ugu Hambalyeyseen inuu Cali-Gurey Buugga qoray Kuna soo dhawayseen Saaxada Qoraalka Idinkoo aydaan iska hubsan, waxa la qoray iyo Meesha loo maray , Sidoo kale aydaan marnaba Xusin Buuggii aad Odayada ka ahaydeen ee Darmaan Iyo Dalxiis . Waxa Iyaduna gafkii labaad ku jirta Madbacada Sagaljet Iyo Gudoomiyaheeda Cabdi Yuusuf Aar Oo markii hore bixiyay Soft igii Buugga Darmaan Iyo Dalxiis Kaas oo aan ka Qoraa ahaan anigu u dhiibay,Daabacadeedana aan bixiyay. haddana dib u daabacday Buug dhawr Heesood lagu soo darsaday lagana saaray Magacayga Oo kaliya , Iyaka oo og , hayana Heshiiskii hore, waliba aan la xidhiidhay intii aanay daabcin . Qodobka Sagaalaad ee heshiiskaa ayaa waxa uu odhanayaa :- Labada dhinac waxay si wada jira oo rabitaankooda ku salaysan u dhowrayaan Qodobada heshiiska , Iyagoo ilaalinaya niyadsamida iyo is-aaminida heshiiskan kaasoo aan loo isticmaali karin sifo kale,loona fasirankarin si ka baxsan heshiiskan. Haddaba haddii aan la dhawrin Xuquuqdii Ururinta ee aan Bilawgeeda lahaa Sidoo kalena wax War ahna aanan ka hayn inta Cadad ahaan ee la daabacay , Abwaankii Buugga lahaana aanu isagu lahaanshiiyaha Maansada Mooyaane Wax uu iska qoray jirin oo uu kaligii soo bandhigtay jirin , Inta Darmaan Iyo Dalxiis Qof aan U soo dhib Mudani Magaciisa ku Xardhaayo , Waajibka Iyo Damiirka Saxda ah baa i faraaya Inaan Dib boodhka uga soo tumo, Oo aan soo Saaro Qaybtiisii Labaad Iyadoo Tifaftiran . Waxaan aad u soo dhawaynayaa ku Faraxsanahay Bandhig Kasta oo loo sameeyo Iyo Buug kasta Oo laga qoro Abwaan Cabdi Aadan Xaad Cabdi-Qays oo ah Adeerkay Waayeelna ah Mudan in laga Reebo dhaxal ma guuraana ahna Hal-Abuur Koobsaday Dhamaan Nudaha fanka,Una ah Foolaad Faciisa Iyo Inta Rabbi ku Manaystay Murtida Soomaaliyeed , Hore iyo Hadda midtoona aanan waxba u Qabin , Uguna Ducaynaayo Caafimaad iyo Cimri dheer . Qaran News
  10. Dhuusamareeb-(Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa qarka u saaran in ay ka laabato heshiiskii ay 30-ka Xildhibaan ugu balan qaaday kooxda Ahlu-Sunna Waljamaaca kadib walaac soo food saaray. Caasimada Online ayaa heshay xog sheegaysa in xukuumadda federaalka ay baqdin ka qabto saameynta 30-ka xildhibaan ee loo balan qaaday Ahlu-Sunna, waxayna baqdinta ugu badan ka jirtaa halka ay codkooda ku biiri doonaan, maadaama ay loolan adag wajaheyso doorashada Galmudug. Dowladda Federaalka ayaa doonaysa in ay Ahlu-Sunna lacag ugu badasho 30-kii xildhibaan oo ay horay ugu balan qaaday, islamarkaana dowladda ay kala wareegto soo xulista xildhibaannadaas una dhiibto odayaal ayada taageersan. Ahlu-Sunna ayaa markii hore dalbatay in la siiyo 35 xildhibaan, waxaana dalabkooda si weyn uga soo horjeestay Ra’iisul Wasaare Kheyre, iyadoo markii bambe uu madaxweyne Farmaajo arrinta soo fara galiyay Kheyre-na faray in Ahlu-Sunna la siiyo 30 xildhibaan. Ra’iisul Wasaaraha ayaa fuliyay amarka madaxweyne Farmaajo, isga oo xiligaas ku sugnaa Dhuusamareeb, balse hadda ayaa waxaa la sheegay in arrintu ay la xumaatay oo uu is badalay. Hoggaanka Ahlu-Sunna oo dhankooda doonaya in saameyn siyaasadeed ay ku yeeshaan maamulka laga dhisayo Galmudug ayaa wali arinkaan la hor dhigin. Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa xoogga saaraya sidii musharaxa uu wato uu ugu soo bixi lahaa doorashada Galmudug, waxuuna loolan xoogleh kala kulmayaa xildhibaanada mucaaradka ah iyo xisbiga uu hoggaamiyo madaxweynihii hore Xasan Sheikh Maxamuud. Inta badan xildhibaanada mucaaradka ah iyo xigbiga Xasan Sheekh ayaa taageeraya musharax Cabdiraxmaan Odawaa oo ka shacbiyad badan musharaxa ay wadato xukuumadda Nabad iyo Nolol. Dowladda ayaa hadda ka cabsi qabta in Ahlu-Sunna ay heshiis la gasho mucaaradka kadibna soo xulaan madaxweyne aan ahayn kan ay wadato kooxda Nabad iyo Nolol. Caasimada Online Xaafiiska Dhuusamareeb caasimada@live.com
  11. Kismaayo (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdirashiid Xidig oo sheegtay inuu yahay madaxweynaha Jubaland ayaa ka hadlay dhaawacii xalay Kismaayo loogu gaystay Axmed Jaamac Qalyar oo ahaa Gudoomiyihii Golaha Bedbaadada isbedel doonka Jubaland. Hoos ka aqriso qoraal uu Xidig soo dhigay bartiisa facebook. Bismilaah: Ilaahay ayaan caafimaad degdeg ah uga baryeynaa Av. Axmed Jaamac Qalyar oo ahaa Gudoomiyihii Golaha Bedbaadada isbedel doonka Jubaland: Makhribnimadii Caawa ayaa lagu toogtay Magaalada Kismayo, dhakhatirta ayaa la tacaaleysa dhaawiciisa waxaana ilaahay uga baryeynaa inuu xaaladiisa sahlo: Waa hubaal inuu xidhiidh toosa ka dhexeeyo Khudbadii Naflacaariga ahayd ee shalay uu jeediyay Madaxweynihii hore ee Jubaland iyo toogashada Caawa: Golaha Badbaadada isbedel doonka Jubaland Waxaan ka codsanayaa inay usoo duceeyaan Av.Axmed Jaamac: Sidoo kale Golaha isbedel doonka Jubaland Waxaan ugu baaqayaa inay feejignaan dheeriya galaan: Waa hubaal inuusan ruuxna maalintiisa dhaafaynin: Golaha isbedel doonka Jubaland marna ma hakin doono ujeedada iyo goolka isbedel doonka: Shacabka Jubaland, Dowlada Federaalka, Beesha caalamka iyo Ciidamada Amisom Waxaan ugu baaqayaa inay Gutaan masuuliyada ka saaran Ilaalinta Shacabka iyo Dadka masuuliyiinta ee indhaha u ah bulshada: Amaana Alaah: Xidig Kismayo Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  12. African Development Bank launches US$ 2 billion 1.625% Global Benchmark due 16 September 2022 Abidjan, Côte d’Ivoire, 13 September 2019 – The African Development Bank, rated Aaa/AAA/AAA (Moody’s/S&P/Fitch, all stable), has launched and priced a US$ 2 billion 3-year Global Benchmark bond due 16 September 2022, its first US$ benchmark of the year. Launched on September 11, the bond issue is the Bank’s second Global Benchmark of 2019, following a EUR 1 billion 10-year priced in March 2019. With this transaction, the Bank has now raised US$ 4.4 billion in 2019 to date and executed 61% of its borrowing program for the year. The transaction received strong support from investors globally, with order books reaching US$ 2.8 billion and 53 investors participating. The high quality of the order book is illustrated by the strong participation of Central Banks and Official Institutions, taking 64% of the allocations. The African Development Bank decided to take advantage of favorable investor sentiment post summer break to access the 3-year tenor, in spite of volatile market conditions ahead of the Fed Meeting the following week. The mandate was announced on Tuesday, September 10, at 12:00 London time with Initial Pricing Thoughts of Mid-Swaps + 13 basis points (bps) area. The transaction met strong interest from the outset, with Indications of Interest in excess of US$ 1.8 billion (excluding Joint-Lead Managers interest) when order books officially opened at 08:00 London time the following morning, with initial price guidance of Mid-Swaps + 13bps area. Momentum continued throughout the European morning, with orders in excess of US$ 2.5 billion around 11:20 London time. At this time, final pricing was set at Mid-Swaps + 13bps. Following the close of the order book in the US, the size of the transaction was set at US$ 2 billion by 14:20 London time. The transaction was priced at 16:24 London time with a re-offer yield of 1.679%, equivalent to a spread of 8.75bps vs UST 1.5% 15 September 2022, the issuer’s tightest print vs US Treasuries to date. “We are delighted with this successful dollar Global Benchmark, and particularly pleased by both the very high quality of the order book and the solid participation of African Central Banks. The African Development Bank achieved its tightest ever spread to US Treasuries, and we are grateful to our investors across the world for this outcome, and the financing it will bring to the African continent”. Hassatou Diop N’Sele, Group Treasurer, African Development Bank Qaran News
  13. Nabaddoonka la dhaawacay Axmed Jaamac Qalyar Af-hayeenka laamaha Amniga dowlad goboleedka Jubaland ayaa faahfaahin ka bixiyay nabaddoon caan ah oo xalay lagu dhaawacay gudaha magaalada Kismaayo ee xarunta ku meel gaar ah ee Jubaland. Nabaddoonka oo lagu magacaabo Axmed Jaamac Qalyar islamarkaana ahaa guddoomiyaha guddi la baxay Badbaadada Jubaland oo ay samaysteen musharrixiinta isbeddel-doonka xilligii ay socotay doorashada Jubaland ayaa fiidnimadii xalay lagu dhaawacay gudaha magaalada kismaayo. Af-hayeenka laamaha Amniga Jubaland ayaa malayshiyaadka Al-shabaab ku eedeeyay in ay ka dambeeyeen dhaawaca loo gaystay nabaddoonka waxaana uu tilmaamay in xaaladdiisa caafimaad ay ka soo raynayso. Sidoo kale wuxuu sheegay in lagu raad-joogo dableeydii falka gaystay oo goobta ka baxsaday isagoo bulshada Jubaland ugu baaqay in ay ciidamada ka gacan-siiyaan sugidda Amniga. Halkaan ka daawo hadalka Af-hayeenka PUNTLAND POST The post Jubaland oo faahfaahin ka bixisay nabaddoon xalay lagu dhaawacay magaalada Kismaayo appeared first on Puntland Post.
  14. Kenya said it’s seeking an out-of-court settlement of a dispute over an oil-rich territory with Somalia, a week after the United Nations International Court of Justice granted its request to delay the case. “The matters are not black and white,” Kenyan Foreign Secretary Monica Juma said Friday in the capital, Nairobi. A “sustainable solution has to be seen as mutual. We have preference for negotiated settlement.” Both countries claim ownership of an area almost 150,000 square kilometers (57,915 square miles) off the Indian Ocean coastline, said to be rich with oil, gas and tuna fish. In 2014, Somalia went to court to challenge a 2009 agreement that set its maritime border along latitudinal lines extending 450 nautical miles into the sea. The ICJ earlier this month postponed a much anticipated hearing on the matter to Nov. 4 because Kenya said it needed time to recruit a new legal team. Prior to the postponement, Somali Foreign Minister Ahmed Isse Awad said his country is committed to the legal process after previous negotiations with Kenya failed to resolve the matter. Regardless of how the dispute is resolved, it’s threatening to undermine relations between the nations that have forged an alliance in recent years to fight al-Qaeda-linked al-Shabaab militants who’ve staged deadly attacks in Somalia and Kenya for over a decade. “This matter is more important than fish and hydrocarbons,” Juma said. “The most important point is territorial integrity.” Kenya’s move for an out-of-court settlement comes after the African Union’s Peace and Security Council announced plans to appoint a mediator to help resolve the matter, an intervention that Nairobi supports, according to Juma. “We believe that this matter can be resolved amicably,” she said. Source: Bloomberg
  15. Kenya said it’s seeking an out-of-court settlement of a dispute over an oil-rich territory with Somalia, a week after the United Nations International Court of [...] Source
  16. Kadib ku dhowaad laba bil oo ay aamusnaayeen kooxda madaxweyne Farmaajo ayaa qaaday tallaabo ay kaga fal-celinayaan sheegashada ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ee libinta dib qaabeynta ciidamada xoogga dalka Soomaaliya. Xafiiska ra’iisul wasaaraha ayaa 26-kii July qaaday tallaabo aan caadi ahayn, oo ra’iisul wasaaraha uu ku sheeganayo mansabkii madaxweynaha ee taliyaha guud ee ciidamada xoogga dalka. Waxay soo saareen muuqaallo ka kooban laba qeyb oo luuqadaha Soomaaliga iyo English-ka ah, oo cinwaan looga dhigay “Dib u dhalashada libaaxyada Geeska Afrika.” Muuqaalladan ayuu Kheyre ku sheegtay in isaga uu leeyahay dib u qaabyenta ciidamada xoogga dalka, sida diiwaan gelinta habka casriga ah ee raadka faraha, bixinta mushaharka, yareynta musuq-maasuqa iyo ka-saarista ciidamada ee tiro badan oo aan jirin oo magac ahaan un u qornaa. Inkasta oo ay jirto in Kheyre uu kaalin ku lahaa dib qaabeynta ciidamada, haddana dad badan ayey la-yaab ku noqotay inuu kaligiis isku kobo, kana tago madaxweynaha, kadibna xirto tuutaha ciidamada, islamarkaana isu-muujiyo inuu yahay taliyaha guud ciidamada xoogga dalka, oo ah mansab uu gaar u leeyahay madaxweynaha. Xafiiska madaxweynaha ayaa ugu dambeyn maanta ka fal-celiyey tallaabada uu qaaday Kheyre, wuxuuna soo saaray muuqaal la mid ah kii Kheyre, oo madaxweynaha uu ka dhex muuqdo, laguna sheegay in madaxweynaha uu leeyahay libinta dib u qaabyenta iyo guulaha ciidamada ay gaareen. Muuqaalka kooxda Farmaajo ayaa si cad jawaab iyo diidmo ugu ahaa damaca ra’iisul wasaare Kheyre. Labada muuqaal ee labada dhinac ayaa farqiga u dhaxeeya kaliya waxa uu yahay in madaxweynaha uu adeegsaday taleefishinka qaranka, halka muuqaalka Kheyre oo xafiiskiisa uu sameeyey ay baahiyeen warbaahin gaar loo leeyahay oo lacag lagu siiyey. Muuqaalka Kheyre ayaa sidoo kale habka loo diyaariyey iyo qaabka loo jar-jary (Video editing), waxa uu aad uga xirfad sarreeyaa kan kooxda madaxweynaha, waxaana ka muuqata lacagta xooggan ee ku baxday. Dadka fallan-qeeya siyaasadda ayaa rumeysan in ra’iisul wasaaraha oo la rumeysan yahay inuu madaxweyne isku sharxi doono 2021-ka uu soo hormariyey waqtigii ololaha doorashada, islamarkaana kaaga daran’e sheegtay mansabkii madaxweynaha Kheyre. Ololaha Kheyre, oo hadda si xowli ah ku socda, ayaan ku koobneyn kaliya arrimaha ciidamada, waxaana qeyb ka ah dadaallada uu ka wado Galmudug, dadaalkii uu ku fashilmay ee ayada oo aan madaxweyne Farmaajo raali ka ahayn uu heshiis kula galay Axmed Madoobe, iyo booqashada uu toddobaadyadii dhowaa ku bixinayey magaalooyin dalka kal mid ah, oo lacago ugu deeqayey. Dad Kheyre ku dhow ayaa laga soo xigtay in damaca madaxweyne uu Kheyre ku jiray tan iyo maalintii uu xafiiska fariistay, hase yeeshee uu si tartiib ah ololihiisa si hoose ugu billaabay horaantii sanadkan, haddana uu sii xoogeysanayo. Damaca Kheyre ayaa wiiqi kara howlaha dowladda muddada sanadka iyo barka ah ee u harsan, waxaana dadka Kheyre ay soo jeediyeen in haddii uu go’aansaday inuu isu sharxo madaxweyne ay habboon tahay inuu is-casilo oo uu taas xoogga saaro, balse ay khalad tahay inuu damaaciyo kursiga ninkii xilka ku aaminay, islamarkaana hantida dowladda uga faa’iideysto sidii uu kursigiisa kula wareegi lahaa. Hoos ka daawo muuqaallada labada dhinac, waxaana soo horeeye kan Kheyre Muuqaalka Kooxda Kheyre Muuqaalka Kooxda Farmaajo Tifaftirka Caasimada Online Muqdisho, Soomaaliya
  17. When Shireen Ahmed saw the sleek, silver Raptors’ logo on a hijab for the first time, she got chills. After learning of the release of the Toronto Raptors’ Nike Pro Hijab — announced Friday Source: Hiiraan Online
  18. Kismaayo-(Caasimada Online) – Abuukaate Axmed Jaamac Qalyar oo ahaa guddoomiyaha guddigii la-magacbaxay badbaada Jubbaland oo ay sameysteen musharixiintii is-bedal doonka Jubbaland ayaa caawa lagu weeraray magaalada Kismaayo. Axmed Jaamac oo sidoo kale ahaa Nabadoon si weyn looga yaqaanay Kismaayo ayaa dabley hubaysan waxa ay weerar ku qaaday xilli uu ku sugnaa goob Biibito ah oo ku taalla bartamaha magaalada Kismaayo. Xubno ka tirsan xildhibaanada garab madaxweynaha u doortay Cabdirashiid Xidig ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay in dhowr xabad lagu dhuftay, islamarkaana dhaawac daran uu kasoo gaaray rasaasta ay ku fureen kooxdii weerarka ku qaaday. Dhaawaca Nabadoonka oo sida la sheegay aad u daran ayaa hadda lagu dabiibayaa Isbitaalka guud ee magaalada Kismaayo, waxana la xaqiijiyey in ilaa Afar xabadood oo ka mid ah rasaastii lagu furay ay madaxa kaga dhacday. Dableydii dhaawaca u gaysatay Nabadoon Axmed Jaamac ayaa goobta iskaga baxsatay, walina wax war ah oo ku aaday arintaan kama soobixin hey’adaha ammaanka maamulka Jubbaland. Ninkaan ayaan hadda wax jago ah ka heyn garabka is-badel doonka ee madaxweynaha u doortay Cabdirashiid Xidig, balse waxa uu guddoomiye ka soo noqday guddigii ay sida wadajirka ah u magacaabeen musharaxiintii is baheystay ee lamagacbaxay is-badal doonka Jubbaland. Guddigii uu guddomiyaha ka ahaa ayaa soo xulay xildhibaanada Jubaland ee garabka madaxweynaha u doortay Xildhibaan Cabdirashiid Xidig. Caasimada Online Xaafiiska Kismaayo Caasimada@live.com
  19. Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/09/Warka-habeen-13092019.mp3 View the full article
  20. Marka (Caasimada Online) – Ciidamada xoogga dalka ayaa guulo ka shegtay dagaal xalay ka dhacay duleedka magaalada Marka ee gobolka Shabeellada Hoose, halkaas oo ay isaga hor-yimaadeen maleeshiyada Al-Shabaab. Qoraal lagu baahiyey warbaahinta dowladda ayaa lagu sheegay in howl-gallo baaxad leh oo ay ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan guutada 14 Oktoobar ka fuliyeen degaanka Jilib Marka ee gobolka Shabeellada Hoose “lagu bur-buriyay fariisimo ay halkaasi ku lahaayeen malleeshiyada Al-Shabaab.” “Howlaglkan oo ciidanka xoogga fuliyeen xalay ayaa sidoo kale waxay halkaasi ku dileen ugu yaraan lix xubnood oo ka tirsanaa nabad-diidka, iyagoo sidoo kale kala wareegay hub iyo saanad millitari” ayaa lagu yiri qoraalka dowladda. Dhinaca kale, qaar ka mid ah saraakiisha xoogga dalka ee hoggaamineysa dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa warbaahinta qaranka Soomaaliya u sheegtay in ay weli halkaasi ka wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab. Kooxda Al-Shabaab weli wax war ah kama soo saarin dagaalkii xalay. Magaalada Marka ayaa waxaa la filayaa in dhowaan uu booqasho ku tago ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  21. Xogaha Ku Gadaaman Buugga Cabdi Qays Ugu horreyn Anigoo ah Maxamed Cismaan Muxumed “Ugaaska”aan ku Bilaabo Magaca Eebbe Isaga ayay Mahad oo dhami u sugnaatay, Marka labaad aan Salaan Hawada u soo mariyo Ummada Soomaaliyeed gaar ahaan inta Xiisaysa Akhriska iyo Qoraalka. Ku Fogaan Maayo Inaan soo bandhigo Xaqiiqooyinka Jira Ama aan wada sheegaba, Waayo Maahmaah Soomaaliyeed baa ahayd Lafta Jabi Xaragana ha ka tagin,Waase lagama maarmaan War Sugan oo ka soo baxa dhankayga Inaan idinla wadaago , Wakhtiga Iyo Dhacdooyinka iska soo daba dhacaya ayaa Kalifaya Maqaalkaygan Iyo Aragtidayda labadababa. Waxa kale oo Iyadana aan Xusayaa Inaan Qoraal ahaan Cod ahaan Muuqaal ahaan aanan,hore Bulshada ula wadaagin anoo dhawraya Niyadsamida Iyo hawsha Buuggan oo meel ku tiirsanayd . Bilawgii Buugga Darmaan iyo Dalxiis :- Waxaan buuggan bilaabay 2010kii Aakhirkiisii Muddadii aan waday Ururinta buuggan oo ahayd Afarsano iyo dheeraad Waxaan la kulmay oo aan waraysiyo ka qaaday Dadkii Ugu dhawawaa Abwaanka kuwaasoo aan ka Xusi karo Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi , Cabdillaahi Aadan Xaad “Qarbooshe” Oo ah Abwaanka Walaalkii , Abwaan Saxardiid Maxamed “Jabiye” oo ah Macaliinkiisii Hal-abuurnimo intaanu suugaanta bilaabina uu u ahaa gacanyare u qora Riwaayadaha Iyo Maansooyinka kale ee uu sameeyo Ab.Jabiye(AHN) Sidoo kale waxaan waraysiyo ka qaaday Buuggana aad ka dhex helaysaan Abwaan Aadan Tarabi , Abwaan Axmed Saleebaan Bidde , Qoraa Maxamed Cabdillaahi Riiraash , Fannaaanad Aamina Cabdillaahi Xirsi Oo ah Xaaskiisii hore Una dhashay Curradiisa Ayaan iyo Mustafe , Waxaan Iyagana Maansooyin ka helay Boobe Yuusuf Ducaale , Maxamed Ibraahim Xujaale , Iyo Cabdalle Xaaji Cismaan oo ah qoraa reer Jabuutiya Isagoo aad igagala shaqeeyay Heesihii iyo Taariikhda intii uu Jabuuti Abwaanku ku lahaa , Ma soo koobi karo dadyawga buuggan Darmaan Iyo Dalxiis igala shaqeeyay Waayeel iyo Dhalinyarba way lahaayeen, Waxase igu kalifay iyadoo waxaas oo xoga iyo dadkaaba buugga laga dhex heli karo , Fasiraada khaldan ee laga bixiyay Buugga taas oo odhanaysa , Waa Xog Ugaasku kalighii Qoray , Cid la ogaydna aanay jirin. Haddaba Abwaanka Xogtii aan ka Uruuriyay oo aad u baaxad waynayd Boqol iyo Konton Maansana ku dhawawayd , Dadkii gacanta wayn buuggan ka gaystay waxay ku taliyeen inaan horta daabacaada Koobaad aanan ka badin Boqol iyo Jarjarka Maanso ee hadda Darmaan iyo Dalxiis ku qoran iyo Saddexda Boqol Iyo Afartanka Bog ee Buuggu ka kooban yahay , Wixii Daabacaada Labaad loo gaadho inaan ku daro inta hadhay iyo Xogaha kale ee la heli doono , Sidaa ayuu Madbacada Sagaljet ku galay Buugga Darmaan iyo Dalxiis , Kuna soo baxay 2014 October , Iyadoo aan Bandhigiisiina ku qabtay Maansoor Madal Ilyartu is qarisay 2014 Deceber 11keedii. Waxa iyadana hadal badan la galiyay inaanu Abwaanku Ogayn wax ogolaansho ahna aanan ka haysan . Si Kooban Abwaan Cabdiqays Waanu ka wada soconay Ururinta Buuggiisan bilawgiiba waxa iyaduna jirta Inaan Cajalad kaga duubay markii aan dhameeyay buuggan inaan daabaco Ogolaanshiiyo buuxa uu ii siiyo Waa Ogolaaday inaan daabaco, Markhaatiyaal waxa ahaa oo Cajaladaa ku jira Abwaan Yuusuf Shaacir iyo Maxamed Cumar X.Faarax , Markale Intiinii ka soo qaybgashay ama daawatay Xafladii Goob joog buu Abwaanku ahaa Ereygiisana wuu ka dhiibtay. Bandhigii Ka dib waxaanu u amba baxnay Aniga iyo Abwaanku Jabuuti halkaas oo aanu ugu talo galnay inaanu ka samayno bandhig labaad, dabcan Abwaanka ayaa iga cag horreeyay Usbuuc ka dib baan ka daba baxay, Hawshii baanu guda galnay, Qoladii Bandhiga noo samayn lahayd baa Kuwo ka midi Safar ku Maqnaayeen,dabcan Marti baanu ahayn labadayaduba Qorshuhu wuxuu ahaa inaanu Qolooyinkaa Sugno , Muddadii aanu ku Guda jirnay hawshaa oo ah Khilaafka Bilawgiisa Aasaaska iyo halkan uu ka Unkamay Is afgaran waaga aniga iyo Abwaanku Waxa uu ahaa; Adduunka laga waayo Diradiraale iyo qaar hawl meel wacan la soo gaadhsiiyay kala rida Aniga iyo Abwaanka waxa markiiba na soo dhex galay rag aan Abwaankana wax u tarayn Bandhigana baajinaaya Kuwaasoo Abwaanka ku yidhi Tobankun oo buug baanu kuu samayneynaa, Calaa Buugna Boqol Dollar baanu kuugu iibinaynaa ee PDF ka ka soo qaad ninkan dhalinyarada ah ee Buugaaga qoray, halkaa markay maraysay waa is badalay jawigii daganaa ee aanu Hargaysa kaga soo ambabaxnay , Wuxuu Abwaanku ii soo jeediyay in aan ku soo wareejiyo buugga PDF kiisa oo uu daabacdo Isagu , Anigana Saami ahaan uu isiin doono wixii uu ii garto , Maadaama oo uu leeyahay Tirinta Maansada aan Xogteeda soo Ururiyay, waxaan anigu markii fikir ahaan taagnaa in ay noo qabsoonto Xafladii iyo Ujeedkii aanu Magaalada Jabuuti u tagnay, ka dibna wixii daabacaad labaad ah ee la galayo Xiligii la galayo,goobta lagu galayo iyo Ciddii galaysaaba markaa gasho, iyadoo labadayaduba aanu goob joog ka wada nahay, may suurto galin in Khilaafkaa Jabuuti ka bilaabmay uu halkaa ku dhamaado ,niman Odayaala oo galayna waxba dhanka Abwaanka waa ka dhamayn kari waayeen. Sidaas baanu Bandhigii Jabuuti iyo Arimihii aanu u wada tagnay ku baaqsadeen. Abwaanku waa uu iga soo hor baxay waan kaga dambeeyay hawlo ii gaara awgeed , ka dib markii uu abwaanku Hargaysa yimid waxa uu u tagay Madbacadii aan ka daabacay buugga waxaanu ka qaatay PDFkii aan anigu gacantayda Madbacada ugu dhiibay , Muddo yar ka diba waxaan imid Aniguna Hargaysa markiiba waan Ogaaday in PDFkii Faynelka ahaa ee la daabacay Abwaanka lagu wareejiyay. Koox dhalinyaro u badnaa ayaa is abaabulay oo aad uga xumaaday in Madbacadu bixiso Buuggii iyadoo aan aniga wax Ogolaanshiiyo ah layga haysan Una tagay Madbacadii , Waxay Madbacadu cadaysay in ay bixisay PDF ka buuggaa iyadoo aan aniga wax fasax ah iga haysan ,isla markaana aan ahay Ninka Xogtan la daabacay u keenay . Waxa Iyakuna dhinacooga ila soo xidhiidhay Guddi Odayaal ah oo ay ka Mid yihiin Ab.Yuusuf Shaacir, Qora. Cabdiraxmaan Guri-barwaaqo , Boobe Yuusuf ducale Iyo Maxamed Ibrahim Xujaale . Xidhiidhka hore waxa lahaa Yuusuf Shaacir oo ii sheegay inay doonayaan in ay Odayaal ahaan hawshaa galaan Gaar ahaan Khilaafka aniga iyo Abwaanka , Waan aqbalay Sidaasaanay hawshaa ku galeen waxaanay ka soo saareen Koobiyo Toban Qodob Kuwaasoo Qoraal ahaan aad ka dheehan kartaan Warqadii Heshiiska Almis PUblic Notary And ADVOCATE dhamaan tayana aanu ku wada saxeexnay , Khilaafkiina halkaa ku dajisay dhamaysayna hawshii taagnayd . Iyadoo aan idinla wadaagi doono Heshiiskaa haddana waxa saldhig u ahaa laba qodob 1: In aanan Daabacaad labaad oo Darmaan iyo Dalxiisa Soo saarin isla markaana Abwaanku wixii hadda ka dambeeya uu Isagu daabacdo 2: In aan anigu yeesho Xuquuqda Ururinta Wixii Dambe ee la tifaftirayo laguna Qoro bog horraadka Daabacaadaa labaad ee la soo saari doono , In daabacaada Labaadi ka timid daabacaadii Koobaad ee uu Ururinteeda lahaa Ugaasku Iyo In Hordhaca Mahadnaqa lagu Xuso In Daabacaada Labaadi ka timid daabacaadii Koobaad Badankeedu . Haddaba Maxaa iska badalay ee ku soo kordhay arinkaa sidaa ku fulay ? Ugu Horrayn anigu halkaa markay maraysay ayaan waddankii ka imid, Waxaanse ku war helay PDFkii Abwaanku ka qaatay Madbacada Sagaljet Iyo Buuggiiba in gacanta loo galiyay Cali Yuusuf Cali-Guray , Waxa iigu xigtay Madal ka dhacday Maansoor Hotel oo uu soo qabanqaabiyay Tvga HCTV, laysuguna yeedhay Hal-abuuro badan iyo Qoraayaal Waayeel iyo dhalinyarba leh Kuwaas oo ay ka mid ahaayeen Abwaan Cabdiqays,Iyo Cali Guray oo Abwaanka la socday , in uu goobtaa ka yidhi Cabdiqays buuggaygii hadda waxa gacanta ku haya oo qoraya Cali Guray Isagaana hadalka uga baxayaa , Cali Guray oo isaguna Goobtaa kaga dhawaaqay inuu waddo buuggii Cabdiqays Meel wacana uu u marayo , Gartay Buuggu inuu yahay Darmaan iyo Dalxiis Waxa ii Cadaatay Xogtii isoo gaadhaysay ee ahayd in Buuggii Cali-Guray lagu wareejiyay , Habeenkaa Goobta kama Sheegin Cali In Buug hore jiray oo dadaal rag ku bixiyeen iskaba dhaaf inuu soo hadal qaadee qaabka uu u hadlaayay ayaa ahaa sidii mid Ugub ah , oo aan hortii la qorin isagoo waliba Xogta uu hayaa tahay Xogtii Darmaan iyo Dalxiis , Muddo ka dib waxaan Ogaaday in buuggii la daabacayo oo Madbacada Sagaljet uu ku jiro Faafreebkisii . Waxaan xidhiidh la soo sameeyay Gudidii Hawsha buugga dhamaysay intii aan ka helay oo kala ah Boobe Yuusuf iyo Yuusuf Shaacir Waxaanan u sheegay in Buuggaa la daabacaayo Madbacadana uu ku jiro isla markaana aan soo dhawaynayo Dadaalkii aan bilaabay in meeshisii laga sii wado laakiin lagu dhaqmo heshiiskii hore ee ay u dhigeen Buuggaa , Iswaraysi dheer ka dib waxay ii sheegeen in la raaci doono heshiiskaa ,dhanka kale waxaan xidhiidh la sameeyay Madbacadda daabacaysa Gaar ahaan Cabdi Yuusuf Aar , waxaan isagana u sheegay in Khaladkii hore ee ay madbacadu gashay aan lagu ladhin mid labaad ee hawshaa lagu dhameeyo sidii hore loogu dhameeyay , Waxaanu isagana isla garanay in la raaci doono Heshiiskii hore . Intaa kumaan joogsan ee waxaan Sameeyay Qoraal ka kooban laba bog oo aan kagaga hadlaayo arinkaa iyo Aragtiday daabacada labaad , Waanan Idinla wadaagi doonaa Qoraalkaa . Ugu dambayn 9.9.2019 waxa lagu soo bandhigay Magaalada Hargaysa Buug lagu sheegay in uu qoray Cali Yuusuf Cali-Guray kaasoo lagu qabtay Hotel Maansoor looguna Magacdaray Geeddigii Cabdi-Qays , Qoraalka Iyo Ururintana uu Isagu leeyahay. Waa Maxay haddaba Aragtidayda aan ka qabo Daabacadaa Labaad ee Buuggaa Oo ay dad badani sugayaan ? Ugu Horreyn Waa Buuggii aan anigu Qoray ee Darmaan iyo Dalxiis oo laga Saaray Magacaygii Laguna badalay Magaca Cali-Guray Si kale haddaan u dhigo waa Buuggii hore oo Jaldigii laga badalay , Waxaana Caddayn u ah ; Cidkasta oo gacanta uu u ugu jiro buuggii aan anigu qoray ee Darmaan iyo Dalxiis Waxa uu ka koobnaa Afar Geeddi oo kala ahaa Geeddiga Koobaad , Geeddiga Labaad ,Geeddiga Saddexaad iyo Geeddiga Afraad , looma Magac bixin Buuggan Cusub ee waxa la soo qaatay Afartaa Geeddi ee uu buuggaa Darmaan iyo Dalxiis ka Koobnaa mid ka mida , Iyadoo aan lana xusin In Buugga Darmaan Iyo Dalxiis uu ka koobnaa afartaa Geeddi Gogol dhiga Buuggu Waa Gogoldhigii Buuggii Darmaan Iyo Dalxiis :- Rashiid Sheekh Cabdillaahi(rashiid gadhweyne) oo ah rugcadaa ku xeeldheer arimaha Suugaanta oo aanan labadayadu Wax aqoona isku lahayn ayaan waxaan la kaashaday Ab.Hadraawi oo ay saaxiib dhaw yihiin iyo Yuusf shaacir oo ay is yaqaanaan Inuu Buuggaa Darmaan iyo Dalxiis ee aan anigu wado ku soo darsado aragtidiisa Maansada Cabdi-Qays iyo shaqsiyadiisa sida uu u arko , markii aanu la xidhiidhnay Waxa uu Emailkayga ii soo dhigay qoraal aad u luxdan kaasoo Sharaxaya Maansada iyo Shaqsiyada Ab.Cabdi-Qays , Waxaan isagana dhawr Jeer Waraysiyo ka duubay Ab.Hadraawi Kaas oo aan markii dambe u rogay Qoraal ahaan. Rashiid Gadhwayne iyo Ab.Hadraawi waxay noqdeen Labada qof ee ugu Sharaxaad Toolmoon Maansada iyo Shaqsiyada Ab.Cabdi-Qays , waxaana ay noqdeen Hordhicii ama Gogoldhigii Buugga Darmaan Iyo Dalxiis . Cali-Gurey Isagoo aan Laaxin ka jarin wuxuu Gogoldhig uga dhigay Buuggaa uu isku Magacaabay Rashiid Gadhwayne oo sidaa aan soo sheegay Gogoldhig u ah Buugga aan qoray ee Darmaan Iyo Dalxiis Madashii laysugu yimid wuxuu Cali-Gurey ka sheegay labada qoraal ee Rashiid Gadhwyne iyo Ab.Hadraawi aan ka sameeyay, Isagoo qarinaya Magacayga Iyo Buugga aan qoray labadaba , wuxu yidhi in ay wax ka yidhaahdeen mar shaqsiyada Abwaan Cabdi-Qays wax laga waydiiyay , Iswaydiintu haddaba waxay tahay yaa wax ka waydiiyay? halkayse ku qoran tahay? Midna kama sheegin Goobtaa , Mahadnaqa buugga laakiin Meel dhexe oo uu igu qoray Si aan u arkay marna inuu isleeyahay u Mahadnaq marna uu u duudsiyayo Xogtaa dhamayska tiran ee uu ku takrifalay Waxa uu odhanayaa ; Labadaa Qoraalba waxaan ka soo xigtay Waraysi uu la yeesshay oo ku qoran Buuggiisa . aan’se kuu saxee Ab.Hadraawi ayuunbaan waraystay , Rashiid Gadhwayne Isaga ayaa Gacantiisa Iigu soo qoray oo ku hawshooday . Waxa ku qoran buuggaa uu soo bandhigay Boqol Iyo Labiyo Afartan Maanso laba Maanso oo kala ah Baladwayne Iyo Beeraad oo hadraawi lahaa marka laga reebo Waa Boqol Iyo Afartan Maanso , Waxa Maanso Cusub ah oo uu ku soo daray Saddex iyo Labaatan Heesood qofkii Xogtaa doonayaana Wuu ka baadhi karaa labada Buugba inta ay is dheeryihiin iyo waxa ay ka midka yihiinba , Waxaan aad ula yaabay Magacyada heesaha , gaar ahaan kuwa wakhtiyada hore ah oo aan ka qoray Cajalado aad u badan kuwaasoo Abwaanku Codkiisa ku qaadayo Magacyadii aan u bixiyay markaan u eegay baydadka soo noqnoqaya ama kuwa ugu halku dhiga wanaagsan aragtidayda, sidoodii buu u soo qaadanayaa dhamaantood isagoo aan wax tafaftira ku samayn, haddii aad baadho labada buug tusmooyinkodda oo kaliya uun dheeho . Markale oo uu Mahadnaqa Buugga igu daray anoo waliba meel dhexe ku jira Wuxuu Cali-Gurey Sheegayaa In uu iga soo Xigtay Maansooyin dhawra oo aanu meel kale ku arag, buugga aan qoray mooyaane , Isagoo marka laga tago Heesahaa uu ku soo daray ee Kooban inta kale Gabi ahaanteedba ay tahay Daabacaadii Koobaad ee Darmaan Iyo Dalxiis Maansooyinkii ku qornaa Haddii aad Maqli jirtay Qoraalo kooban oo la kala dhaco, Waxa Akhriste ku horyaala Buug dhan oo Magacii Qoraha Iyo Uruuriyaha laga badalay ,Mid kale oo aan u soo dhib mudanna lagu qoray. Yaanan Mawduuca ka bixine , Waxa suuqa la galiyay inaan Qoray Buug inta badan Maansada ku qoran aanu lahayn Ab.Cabdi Qays! Iswaydiintu haddaba waxay tahay, Haddii aanu Abwaanku lahayn inta badan Maansooyinka ku qoran Darmaan Iyo Dalxiis , Maxaa loogu qoray buuggan hadda la daabacay Boqol iyo dheeraadka Maanso ee looga saari waayay? Dhamaan Maansooyinka aan ku qoray Buugga Darmaan Iyo Dalxiis Afar Heesood oo markii aan daabacay dadwaynaha buuggaasi gaadhay ii sheegeen inaanu isagu lahayn Xigashadoodana aan dad muddakara ka soo xigtay marka laga tago Dhamaan Waa Maansadii Ab.Cabdi-Qays , Afartaa Heesood laba ka mida waa laga saaray Buugga Cusub Laba ka midina wali way ku jiraan . Tolow Maxaa la saxay ? Maxaa Boqolka Maanso ee aan qoray badankeedana Abwaanku aanu lahayn loogu darsaday buuggan Cusub hadday sidaa u jirto? Guntii iyo Gabagabadii:- Cidkasta oo diyaar u noqota inay Abwaanka wax ka qorto Waa u furantahay , Waayo Aniga Kooto iiguma Xidhna Maansada iyo Taariikhda Abwaanku , Laakiin Buuggaa la soo bandhigay ee Loogu Magacdaray Geeddigii Cabdi-Qays , maaha mid Cusub oo ka duwan kii aan anigu soo bandhigay ee Qoraalkiisa Abwaanku Gacanta ka galiyay Cali-Gurey . Laba Mid uun baana Cali-Guray u furnayd inuu u Qalab qaato buug Cusub Kaasoo u dhigma buuggii aan qoray oo ahaa Boqol iyo dheeraad Maanso waxa uu kayga ka soo xiganayana uu ka soo xigto kaliya uu igu Xuso Mahadnaqa Ama Inuu Siduu heshiisku ahaa Sameeyo Daabacaad Labaad Tifaftiro kii hore Labaataneeyada Heesood ee uu hadda ku daray Buugga Cusub uu ku daro , Anigana Xuquuqda Uruurintu Sidii heshiisku ahaa la iigu daayo, oo aan Buugga lagu daabicin Sidan Hadda loo Dhigay . haddaba ka yeeli maayo Adiga Iyo Inta kaleba Xog Iyo Ururin aan tacab idinka galin inaa Magacyadiina ku qortaan, ka dibna aad bandhigyo u samaysataan , Hadday taasi dhacayso anaa u Xaqleh Inaan Qoro Xogta iyo Ururinta Maansada Cabdi-Qays Guddidii Gashay ee dhamaysay khilaafkii Buugga Darmaan Iyo Dalxiis ka Yimid waxaan aad uga xumahay in hortiina uu ku burburo, heshiiskii Odayada aad ka ahaydeen idinkoo haya heshiiskaa aad ku saxeexan tihiin , Marinkeedana aan la marin heshiiskii dhaabadda Cad ahaa ee aad Idinku dhigteen , Arinta kale ee ka sii yaabka badan ayaa ah in Afartii Xubnood ee Gudida ku ahaydeen Saddex ka Mida, kaga qayb gasheen Xafladaa lagu burinaayo Wixii ka Guddi ahaan aad Qorteen, laba ka mida aad kaga hadasheen Goobtaa, Ugu Hambalyeyseen inuu Cali-Gurey Buugga qoray Kuna soo dhawayseen Saaxada Qoraalka Idinkoo aydaan iska hubsan, waxa la qoray iyo Meesha loo maray , Sidoo kale aydaan marnaba Xusin Buuggii aad Odayada ka ahaydeen ee Darmaan Iyo Dalxiis . Waxa Iyaduna gafkii labaad ku jirta Madbacada Sagaljet Iyo Gudoomiyaheeda Cabdi Yuusuf Aar Oo markii hore bixiyay Soft igii Buugga Darmaan Iyo Dalxiis Kaas oo aan ka Qoraa ahaan anigu u dhiibay,Daabacadeedana aan bixiyay. haddana dib u daabacday Buug dhawr Heesood lagu soo darsaday lagana saaray Magacayga Oo kaliya , Iyaka oo og , hayana Heshiiskii hore, waliba aan la xidhiidhay intii aanay daabcin . Qodobka Sagaalaad ee heshiiskaa ayaa waxa uu odhanayaa :- Labada dhinac waxay si wada jira oo rabitaankooda ku salaysan u dhowrayaan Qodobada heshiiska , Iyagoo ilaalinaya niyadsamida iyo is-aaminida heshiiskan kaasoo aan loo isticmaali karin sifo kale,loona fasirankarin si ka baxsan heshiiskan. Haddaba haddii aan la dhawrin Xuquuqdii Ururinta ee aan Bilawgeeda lahaa Sidoo kalena wax War ahna aanan ka hayn inta Cadad ahaan ee la daabacay , Abwaankii Buugga lahaana aanu isagu lahaanshiiyaha Maansada Mooyaane Wax uu iska qoray jirin oo uu kaligii soo bandhigtay jirin , Inta Darmaan Iyo Dalxiis Qof aan U soo dhib Mudani Magaciisa ku Xardhaayo , Waajibka Iyo Damiirka Saxda ah baa i faraaya Inaan Dib boodhka uga soo tumo, Oo aan soo Saaro Qaybtiisii Labaad Iyadoo Tifaftiran . Waxaan aad u soo dhawaynayaa ku Faraxsanahay Bandhig Kasta oo loo sameeyo Iyo Buug kasta Oo laga qoro Abwaan Cabdi Aadan Xaad Cabdi-Qays oo ah Adeerkay Waayeelna ah Mudan in laga Reebo dhaxal ma guuraana ahna Hal-Abuur Koobsaday Dhamaan Nudaha fanka,Una ah Foolaad Faciisa Iyo Inta Rabbi ku Manaystay Murtida Soomaaliyeed , Hore iyo Hadda midtoona aanan waxba u Qabin , Uguna Ducaynaayo Caafimaad iyo Cimri dheer . Source
  22. Uganda Airlines has disputed claims that it had grounded one of its planes and failed to make scheduled flights to Somalia this week. Source: Hiiraan Online