-
Content Count
213,921 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Michael Caputo, Republican strategist, radio talk show host, Senate Intelligence Committee witness, is taking on a new role – foreign lobbyist. And his first client [...] Source
-
Beledwayne (SMN) – Taliska Ciidamadda Soomaaliya ayaa shaaca ka qaadey in ay dileen sarkaal ka tirsan Al-Shabaab kadib howlgal ay sameeyeen. Howlgalka ayaa waxaa la tilmaamay in uu ka dhacay inta u dhaxeysa magaalooyinka Buulaburde iyo Jalalaqsi ee gobolkaas. Korneyl Baakay Daljir, taliyaha Guutada 22aad, qeybta 27aad, oo howlgalka horkacayey ayaa ka gaabsaday in uu shaaciyo magaca sarkaalkaas. Dhinaca kale, ma jiro wax war ah oo ku aadan sheegashadda ciidamada oo kasoo baxay dhanka dagaalameyaasha Al-Shabaab. Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed oo garab ka helaya kuwa Midowga Afrika ee AMISOM, ayaa howlgalo kawada gobolo kala duwan oo wadanka ah. View the full article
-
Hague (SMN) – Maxkamadda Cadaaladda Aduunka ICJ ayaa u yeertay dowladaha Soomaaliya iyo Kenya, sidda ay xaqiijiyeen illo diblumaasiyadeed. Ra’iisul Wasaare ku xigeenka xukuumadda federaalka ah, Mahdi Maxamed Guuleed ayaa dalka ku meteli doono kulankan degdeg ah. Halka Nairobi uu ka socdo Garyaqaanka guud ee waddankaas, Kennedy Ogeto, kaas oo mar sii horeysay iska xaadiriyey madasha. Fadhigan degdeg ah ayaa ka dambeeyay markii Kenya ay soo gudbisay codsi kale oo ku aadan in kiiska dib loo dhigo illaa iyo September 2020-ka. Warar lagu kalsoon yahay ayaa xaqiijiyey in dowladda Soomaaliya ay gabi ahaanba kasoo horjeesatay codsigaasi ayna ku adkeystay 4-ta November oo hore loogu muddeeyay. Sikastaba ha ahaatee, xeer-beegtada hoostagta Qaramadda Midoobay ayaa waxaa lagu wadaa in ay go’aan kama dambeys ah ay kasoo saarto arrinkan maalmaha soo aadan. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Dhageysteyaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa warka Subax ee idaacadda Shabelle. Hoos ka dhageyso codka https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/Warka-Subax-4102019.mp3 View the full article
-
Khartuum (SMN) – Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Dalka Suudaan Maxamed Isxaaq Ibraahim oo dhawaan soo gaaray Caasimadda Seddex Geesoodka ee Khartuum ayaa maanta Nuqul ka mid ah Warqadahiisa Aqoonsiga waxaa ka Guddoomay Wasiirka Arrimaha Dibadda Dawladda Suudaan Marwo Asma Cabdalla. Danijire Maxamed Isxaaq Ibraahim ayaa warbixin kooban ka siiyay Wasiirka Arrimaha Dibada Sudan ka hor inta aysan ka guudoomin Warqadiisa Aqoonsiga Xiriirka wanaagsan ee ka dhaxeeya Labada dal ee Dhan walbo leh, isagoo cadeeyay in Dawladda iyo Shacabka Suudaan aysan marnaba ka gaabin wax u qabashada Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee Ku sugan Dalka Suudaan, kuwaas oo leh qeybaha kala duwan sida Arday, Ganacsato, Jaaliyad, waxuuna intaa ku daray in kan Safiir ahaan uu balan qaadayo inuu ka shaqeynayo siddii kor loogu qaadi lahaa Xiriirka Diblomaasiyadeed ee ka dhaxeeya Labada Dal ee Walaalaha ah. Dhanka kale Wasiir Asma Cabdalla ayaa ka guddoontay Nuqul ka mid ah Warqadahiisa aqoonsiga Danjire Maxamed Isxaaq Ibraahim, wayna u mahad celisay, iyaddoo sheegtay in ay u rajeyneyso in uu ka shaqeeyo xiriir Wanaagsan oo dhax mara Labada dal oo ahaa mid soo jireen ah. Danjire Maxamed Isxaaq oo dhawaan ay Dowladda u magacowday Safiirka Soomaaliya ee Dalka Suudaan ayaa la filayaa in dhawaan Si rasmi ah Warqadihiisa Aqoonsiga uu kaga Guddoomo Cabdi Fitaax Al-Burhaan oo ah Gudoomiyaha Golaha Sare ee Dalka Suudaan. View the full article
-
Inkastoo ay hogaaminta Soomaaliya ka gaareen heerkii ugu sarreeyay oo ah kursiga Madaxweyne ee dalka looga taliyo islamarkaana aysan ku yareen da’ iyo aqoon, waxaa muuqata in wali ay ku dul hardamayaan shacab daalan oo u baahan badbaado iyo nolal wanaagsan. Dhamaantood waxay raadinayaan dano gaar ah iyo masaalix aan ku saleesneen dan guud sida ay qabaan inta ugu badan shacabka magaalada Muqdisho oo soo arkay hogaaminta 3-daan siyaasi ee isku haaya hogaaminta Soomaaliya. Dadka aan ka hadleyno waa Madaxweynayaasha kala ah Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo todobaadyadii la soo dhaafay loolan adag ku dhaxmaraya magaalada Muqdisho. Shacabka gobalka Banaadir, waa dad daalay oo ay daashatay amni darro, shaqo la’aan iyo cadalaad darro. Intaas oo dhan waxaa u sii dheer in hogaamiyaasha Soomaaliya ay uga baxeen balamo ay hore ugu sameeyeen. Sidoo kale waa shacabka kaliya ee aan matalaad ku laheyn dowladda Soomaaliya dhowrkii sano ee la soo dhaafay, sidoo kalane aan heysan maamul madaxbanaan wax u soo dhicin kara xuquuqda kaga maqan dowladda. Intaas oo dhan markii loo eego iyo loolanka socda shacabkaan dhibaataysan maka bixi karaan loolanka Farmaajo, Shariif iyo Xasan? Malaga yaabaa in siyaasiintaan ay dib isugu laabtaan oo ay ka fikiraan dhibaatada heysata shacabkaan kadibna ay go’aamiyaan mustaqbalka dadkaan dhibaateysan? Si gaar ah, madaxweyne Farmaajo ma laga yaabaa inuu garowsado qaladkiisa, kana joogsado caburintii uu sameeyey ee hogaamisay fal-celinta madaxdii isagaka horreysay. Markii laga soo tago loolanka iyo is jiid jiidka siyaasiintaan, malaga yaabaa in shacabka magaalada Muqdisho ay ka shaqeeyaan dantooda iyo badbaadada naftooda maadaama ay marti gelinayaan qatarta Al-Shabaab iyo qatarta siyaasiinta danta gaarka ah ka leh Muqdisho iyo Soomaaliya. W/Q: Safiya Cabdullaahi Garaad AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Xamar waa magaalo aad u nasiib daran markey degaan u naqatay dad aan dareensaneyn qiimaha ay u leedahay Somalida oo dhan…waxaa la xaqiijiyay in dadka ku nool aysan wada jecleyn magaalada. Sababtaasna waxaa dadka qaar ku fasireen inay salka ku heyso takoorid iyo quursi loo qabo dadka ku abtirsada, waayoo Xamar cid walba waa soo dhaweysaa, cidna ma faquuqdo ilaa la gaaray heer la yiraahdo waa xarunta umadda ka wada dhexeysa. Xamar waa meel la wada leyahay haddana la kala leeyahay, waana soco weysay fikradi ahayd ”keyga lihi kaagana kula lihi”. Qormadaan gaaban waxay iftiimineysaa arrimaha hadda ka jira Xamar. Meel kasta waa la xiray dadkuna isuma socon karaan, meeshey rabaan ma gaari karaan, mana soo muuqato inay wadooyinka furmi doonaan mustaqbalka dhaw. Intaas waxaa dheer in labadi dariiq ee Xamar halbowlaha u ahaa ee tegaayay Jowhar iyo Afgooye laga tala baxay in la dayactiro oo dib loo dhiso, iyadoo sabab looga dhigay nabadgelya la’aanta soo wajahday injineeradi Turkiga ee dhisaayay oo Shabaab meeshi ka bursaday. Dowladdi laga sugaayay inay tallaabo ka qaado waxay u wareejisay mashruuci dhismaha wadooyinkaas lagu dhiso SAFAARADO…wallee waa yaab!!! Deeqda dowladda Qadar maxaa u diiday in lagu dayactiro ama lagu dhiso wadooyinka burbursan ee magaalada gudaheeda marka lala aadaayo dibadaha…aaway dadki arrimahaan ka hadli lahaa? Aaway barlamaanki? Mase wuxuu naqday GOLIHI SACABKA EE JAALLE SIYAAD? Ma la heli doonaa dad arrintaani ay khuseyso oo ka hadli kara bahdilidda lagu haayo XAMAR? W/Q: Axmad Calasow AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
On December 6, 2017, as people traveled into the village of Illimey – 80 miles outside of the Somalia capital, Mogadishu – to shop, meet, or simply pass through, the sound of a drone crescendoed in the air until a violent explosion occurred Source: Hiiraan Online
-
Hague (Caasimada Online) – Maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda ee ICJ ayaa kulan deg deg ah ugu yeertay Soomaaliya iyo Kenya oo uu ka dhaxeeyo muran dhanka xuduudda badda ah, sida ay sheegeen ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay. Arrintan ayaa timid kadib markii Kenya ay codsi cusub u dirtay maxkamadda ayada oo dooneysa in dhageysiga kiiska mar kale dib loo dhigo illaa bisha September ee sanadda 2020. Maxkamadda ayaa horey u ogolaatay codsiga Kenya ee ahaa in kiiska dib loo dhigo, waxaana dhageysiga dacwadda oo markii hore la qorsheeyey 9-ka September dib loo dhigay illaa 4-ta bisha November ee soo socota. Codsiga cusub ee Kenya ayaa waxaa si xooggan uga hor-yimid Soomaaliya, oo ku adkeysatay in kiiska la dhageysto 4-ta November, sida maxkamada ay horey u qorsheysay. Sida aan xogta ku helnay, waxaa hadda magaalada Hague ee xarunta maxkamadda ku sugan ra’iisul wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed Khadar iyo qareenka guud ee Kenya Kennedy Ogeto. Maxkamadda ayaa la filayaa inay maalmaha soo socda ku dhowaaqdo go’aankeeda ku aaddan codsiga cusub ee Kenya, kadib marka ay dhageysato wakiilada labada waddan ka kala socda. sida ay sheegeen ilo-wareedyada. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/Bar___Qubanaha-0310209.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ka digay khatar uu sheegay in Soomaaliya ay uga soo wajahantahay dowladda Qatar. Dowladda Carbeed ee Qatar oo galaangal siyaasadeed oo aad u xoogan ku leh siyaadda Soomaaliya, gaar ahaan madaxda hadda talada heysa, ayuu sheegay Cabdiraxmaan C/Shakuur in ay badashay qorsheheedii hore, isla markaana ay 2020/21-ka doorashooyinka lagu wado in ay dalka ka dhacaan ay muruq iyo maalba ku soo saari doonto xubno gaar ah. “Qatar waxay bedeshay qorshihii hore ee ay maalmaha ugu danbeeya ay doorashooyinka dalkeena ka dhaca boorso lacag ku keeni jirtay. Waxay haatan wadaa qorshe cusub, isla markaana duug ah oo ay ku doonayso in ay doorashooyinka 2020/21 ku taageerto mid ka mid ah madaxda Villa Somalia. Dawlad Goboleedkii taageerta qorshahaas waxay u fidanaysaa taageero dhaqaale oo toos, halka tii ka hortimaadana ay dagaal toos ah la gelayso”ayuu yiri C/Raxmaan C/Shakuur Warsame. Qoraalkiisa oo intaas ka dheeraa ayuu siyaasigaasi shacabka iyo siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee wanaaga ka raba dalkaan waxa uu ugu baaqay in ay meel uga soo wada jeestaan damaca dowladda Qatar. “Waxaan ugu baaqayaa shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan siyaasiyiinta damaca ka leh loolanka doorashada 2020/21 in meel looga soo wada jeesto qaska iyo fara gelinta taban ee ay dawlada Qatar ka wado dalkeena”ayuu ku soo gaba-gabeeyay baaqiisa hoggaamiyaha xisbiga Wadajir. Caasimada Online Xaafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Safiirka jabuti waxa uu jabuuti u qaabilsan yahay arimaha cilaaqada labada dawladood sida:‐ ilaalinta xuquuqda dadka reer jabutiga ah ee ku nool dalka, isu fududaynta socdaal labada dal. Hadaba su,aasha isweydiinta leh? Goormuu safiirkii jabuuti noqday Afhayeenka jabuti. Safiir wadanku uu martida ka yahay intuu xayndaabkii diblomasiyada ka baxay oo arimiha siyaasada Gudaha dhexgala oo waliba xisbi mucaarid u jawaaba oo yidhaa waanu iskakaa celin waa kaw. Waxa kale oo iyana layaab leh isla amarka uu madaxweynaha iyo xukumada siiyay ee uu leeyahay haka jawabto. Waxaa kale oo layaable inuu ismaaciil Cumar Geele yahay madaxweyne somaaliyeed. Tana waa cajiib. Qaladaadkaas dartood safiirku waxaa uu ka baxay xayndaabkii diblomasiyada. Qodobka 2aad Faysal Cali waraabe waxaa uu ka hadlay mawqifkiisa siyaasadeed ee uu ka leeyahay dawlada jabuti. Xaqna wuu u leeyahay masiiriga siyaasadiisa uu sheego. Waanan laqabaa aragtidiisa ah wada hadalada somaliland iyo somaliya inaan jabuuti lagu qaban. W/Q Garyaqaan Cabdirisaaq Saabir Source
-
Dhammaan jaamacaddaha ka hanaqaaday Soomaalilaan, waxa ay ka siman yihiin in aanay dan iyo muraad toona la lahayn inay isku eegaan xirfadaha ay bixinayaan waxa ay suuqa ka go’aynayaan. Waxa sida Ayaxa loo soo daayaa arday tiro badan oo la soo baray xirfaddo aan baahi loo qaban oo ardayda dabar ku noqonaysa, aakhirkana keenaysa inuu tahriibo ama ka niyad jabo markii shaqo ku waayo wixii uu mudada badan soo baranayey. Jaamacadduhu kama fal-celiyaan baahiyaha suuqa yaalla, ee u baahan xirfado loo soo barto si ay ardaydu markiiba shaqo uga helaan. Inay jaamacaduhu imika bilaabaan inay isku dheellitiraan baahida suuqa taalla iyo aqoonta ay ardayda barayaan waa bilow fiican. Cir-bixiyeyaashu waxa ay yidhaaheen, dayax gacmeedku, ku dhawaad 80% shiidaalkiisu wuxuu isticmaalaa daqiiqadaha ugu horeeya ee safarkiisa, halka 20% uu ku dhammaysto inta ka hadhay muddada uu sahanka ku jiro. Wax waliba billowgiisu wuu adag tahay. Kulliyadaha iyo Suuqeyntooda. Ra’yi ururin ay samaysay mareegta Weedhsan.net oo ay ka qaaday 150 arday oo dhammaystay jaamacaddaha dalka, oo ka qalin jebiyey kulliyadaha Caafimaadka, Sayniska, Beeraha iyo Waxbarashadda ayaa lagu ogaaday inay 83.7% ay shaqeeyaan. Halka ardayda ka qalin jebisay ganacsigu aanay haba yaraateen wax shaqo ah haynin. Sababta aanay ardayda bartay ganacsigu shaqo markaba uga helayn suuqa waxa ugu wacan laba arrimood oo kala ah, Kow, in suuqyada ay ka buuxaan tirada ardaydii hore uga soo qalin jebisay kulliyadu oo uu ka xidhan yahay suuqu. Laba, in aqoonta lagu barto kulliyada ganacsigu aanu la jaan qaadayn waaqaca ganacsiga Soomaalilaan. Sababtoo ah ardayda ayaa la baraa wax aan khusaynin ganacsiga yaalla dalka ay ku nool yihiin. Ardayga la baro cilmi gaar ahi maaha wax ka shaqaynaya casrigan aynu ku jirno. Aragtidaasina waxa ay noqonatay mid gabbalkeedu dhacay, waa in ardayga la baraa maaddooyin kala duwan si ay u kordho fursada uu hadhow shaqo ku helayo. Dhawaan ayuu nin aanu saaxiibo nahay cosdi shaqo u qortay boos lagu soo xayeysiiyey wargaysada, kaasi oo ahaa xisaabiye. Dabadeed wuxuu weydiiyey masuulkii codsiyada qabanayey bal inta codsi ee soo gaadhay. Wuxuu u sheegay inay shaqada soo dalbadeen 400 oo qof. Hadda waa hal boos, waad garan kartaa inay sida ciidda u tuulmeen dadka bartay xirfadaha suuqa ku batay. Ardayda Iyo Jaamacaddaha Ardayda ka soo baxda dugsiyada kala duwan ee dalku, waxa ay jaamacaddaha soo galeen iyaga oo dhego xidhan oo aan xittaa fikir ka haysan waxa ay baranayaan iyo siday suuqa shaqo uga bannaan tahay. Qorshe la’aan ka jirta dhinaca manhajka jaamacadaha dalka oo aan ka jawaabeyn baahida shaqo ee suuqa taalla iyo waxa la baranayo. Jaamacadduhuna malaha waax ardayda kala talisa waxa ay baranayaan iyo inay hibadooda tahay. Bal horta hibada aynu isla garano. Hibada (gift) qeexid: Hibadu waa awood shaqsiyadeed oo dhalasho ah, waxa ay ka mid tahay abuurka Ilaahay. Hibadu maaha barasho iyo dadaal qofeed, balse waa abuur ilaahay, oo qof kale aanu samayn karin. Hibada waxaan ugu jeedaa wuxuu qofku ku fiican yahay. Adduunka ma jirto qof aan shay hibo u lahayni, balse waxa fiican in qofka la darso markuu yar yahay, bal shaygu hibada u leeyahay iyo ka aanu u lahayn. Sidee lagu ogaan karaa Hibada? Hibadu way qarsoontahay waxaana fiican in la soo shaac-saaro. Carruurta iskuulada dhiganaysa waxa ogaan kara macalinka waxbaraya, waxa kale oo ogaan kara waalidiinta carruurta dhalay, iyagoo isha ku haynaya markay guriga joogaan waxa ay jecel yihiin inay qabtaa. Markaa carruurtu shayga ay ugu jecel yihiin inay bartaan ama qabtaan ayay hibo u leeyihiin. qofku markuu weynaado wuu is-qiimayn karaa, bal wuxuu ku fiican yahay iyo waxaanu ku fiicnayn. Xilliga ugu mudan in la ogaadaa waa markay bulshada soo foodsaarto arrin adag oo ka samata-bixinteeda loo baahan yahay. Marka xallinta arrintaasi la bilaabo ayuu qofkii la soo baxaa hibadi ilaahay siiyay, ka dib wuxuu ogaanayaa inuu ku fiican yahay xallinta, oo aanu hore isugu ogayn. Dadka badankoodu waxa ay dhintaan iyaga oo aan is aqoonin waxa ay ku fiican yihiin iyo wax aanay ku fiicnayn. Madax bannaanida Jaamacaddaha Haddii ay iyagu garan waayeen isku dheellitira waxa aad ardayda baraysaan iyo baahida shaqo ee suuqa taalla, waxa ay ahayd inay dawladdu culays saarto shaqadaa ay ka soo bixi waayeen. Dabcan dawladu waxa ay tixgelisay in aan jaamacaddaha lagu faragelin aqoonta ay ummadda u hayaan, way se garan waayeen kaalintoodii mudnayn inay ka soo dhalaalaan. Wakhtiyadii dawladihii kacaankii lugooyo iyo kuwii ka horreeyey, waxa dhici jirtay inay dawladu jaan-goyso xirfadaha suuqyada looga baahan yahay. Hasayeeshee dadka aqoonta jaamacadaha ku xeel-dheer ayaa arrintaasi ka horyimid oo ku sifeeyey xakameyn aan loo baahnayn, oo dadka xorriyada lagaga qaadayo. Waxa ay tusaale u soo qaateen haddii qof ay hibadiisu tahay inuu barto beeraha, hasayeeshee ay xidhan tahay in beeraha la barto sannadahan oo ay suuqa ku bateen. Waxa dhici karta inuu qofkaasi khasaaro oo ay dantu ku kelifto inuu barto wax aanu jeclayn. Cali Cabdi Coomay Suxufi, qoraa ah. Hargaysa, Soomaalilaan Calicoomay@gmail.com Source
-
(SLT-Hargaysa)Xukuumada somaliland ayaa ka jawaabtay dhaliilo ay shacabka somaliland baraha bulshada u mariyeen wasaarada warfaafinta, dhaqanka iyo wacyi gelinta. Faroom lagu baahiyey boga wasaarada warfaafinta somaliland ku leedahay Facebook ayaa lagu sheegay inaan telefishanka qaranka laga baahin warkii uu safiirka dalka Jabuuti ugu jawaabayey gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Ucid. Fariintan oo uu ku saxeexnaa madaxa wararka ee telefishanka qaranka somaliland Abiib Iimaan Xasan ayaa lagu sheegay in warkii safiirka dalka Jabuti u fadhiya somaliland aanu ka bixin telefishanka ay maamusho dawladu. Fariintan qoraalkan ah ayaa u dhignayd sidan:- Haddii aad meel ku aragtay astaanta Tv ga qaranka macneheedu maaha inuu baahiyey wixii goobtaasi lagaga hadlayey, waa hubsiimo la aan iyo degdeg xad dhaaf ah in lagu saaro eed iyo dambi aanad lahayn, majiro war iyo barnaamij ku saabsan dhacdo social media ha aad ugu baahday oo aanu siidaynay mana siidayno arimahaasi oo kale. BY: MADAXA WARARKA TV-GA QARANKA JSL ABIIB IIMAAN XASAN. Mahadsanidiin Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Filish ayaa maalmaha soo socda lagu wadaa in uu qaado tallaabooyin ballaaran oo isbadal maamul ah. Warar ay heshay Caasimada Online, ayaa xaqiijinaya in guddoomiye Cumar Filish, uu xilalka ka qaadi doono guddoomiyaasha degmooyinka, ku xigeenada iyo agaasimiyaasha gobalka Banaadir. Xil ka qaadista ayaa laga yaabaa in aysan saameynin dhamaan masuuliyiinta boosaska aan soo xusnay balse waxaa la sheegay in dhowaan ay dhici doonto xil ka qaadis iyo magacaabis. Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online, u xaqiijiyay in arintaan ay tahay mid ay isla qaateen madaxda dowladda Soomaaliya waxaana laga bilaabi doonaa guddoomiye ku xigeenada gobalka Banaadir. Arrimahaan ayaa lagu micneeyay in shaqada gobalka ay u baahan tahay in lagu sameeyo isbadal ballaaran oo dhan walba ah. Sidoo kale xogta aan helnay ayaa sheegaysa in xil ka qaadistu magacaabista intuba aysan dhici doonin isku waqti balse socon doonto ilaa todobaadyo waxaana laga yaabaa in ay saameen ballaaran ku yeelato masuuliyiin culus oo ku dhow Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wali magaalada Muqdisho waxaa ku xayiran masuuliyiin ka tirsan maamulka Jubbaland, kuwaas oo dano kala duwan u yimid caasimada Soomaaliya ee Muqdisho, halka qaarkoodna ay transit ku ahaayeen garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho. Caasimada Online, ayaa baaritaan ay samesaywaxay ku ogaatay in dowladda Soomaaliya ay magaalada Muqdisho ku heyso masuuliyiin badan oo ka tirsan Maamulka Jubbaland, kuwaas oo doonayay in ay dib ugu laabtaan Kismaayo. Dadka Muqdisho ku xayiran waxaa kamid ah Xeer-ilaaliyaha Maamulka Jubbaland Axamed Sheeq Cismaan Siciid, oo dhowaan shir uga qaybgalay magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Bay. Shirkaasi ayaa ahaa mid ka dhaxeeya Xeer-ilaaliyaasha Qaranka ee heer dowlad federaal iyo dowladda Dhexe, waxaana shir gudoominyay Xeer-ilaaliyaha Qaranka. Waxaa sidoo kale Muqdisho ku xayiran guddoomiyaha degmada Garbahaarey Iimaan Cadow Kaarshe. Shaqsiyaadka kale ee ku xayiran Muqdisho ayaa isugu jira, agaasimayaal wasaaradeed, agaasime waaxeedyo, guddoomiyaal degmo, Shaqaale ka tirsan Wasaraadaha Jubbaland iyo masuuliyiin kale. Dowladda Soomaaliya ayaa la sheegay in ay is hortaagtay bixitaanka dadkaan, waxaana qaarkood loogu hanjabay in ay la xiro doono hadii ay warbaahinta wareysi siiyaan, sida ay noo xaqiijiyeen masuuliyiin ka tirsan dadka ku xayiran Muqdisho. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
