-
Content Count
215,071 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
(SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha xisbiga Waddani Md Cabdiraxmaan Cirro ayaa 14-kii bishan warqad u diray madaxweyne Biixi, shirguddoonka baarlamaanka iyo beesha caalamka taas oo xambaarsan eedo culus oo ka dhan ah madaxweyne Biixi laguna sheegay in uu buriyay heshiiskii beesha caalamka ee lagu dhexdhexaadiyay xisbiyada. Source
-
(SLT- Johannesburg)-Wararka ka imaanaya dalka Koonfur Africa ayaa sheegaya in kooxo hubaysan ay dileen muwaadin Soomaali ah oo ka mid ahaa ganacsatada Soomaalida ee ganacsiyada ku leh gudaha dalkaas. Allaha u naxariistee muwaadinka Soomaaliga ah ee la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Abdijibaar Abdullaahi jimcaale, waxaana lagu dilay deegaano ka fog Magalada Johannesburg oo ganacsi uu u lahaa kadib markii ay goobtiisa ganacsi ugu galeen koox budhcad ah oo hubaysan. Ganacsato kale oo Soomaali ah kuna nool dalka Koonfur Africa ayaa xaqiijisay in xalay la dilay Allaha u naxariistee Abdullaahi jimcaale, iyada oo ay xusid mudantahay sidaan oo kale in dhowr jeer loo dilay Ganacsato Soomaali ah. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Madaxweynihii hore ee Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa lagu soo dhaweeyey magaalada Hargeysa, kaas oo soo dhaweyntiisa ay ka qaybqaateen masuuliyiin ay Wasiiro xukuumadiisii hore ka tirsanaa ay ka mid yihiin. Xildhibaan Nacnac oo ka mid ah Golaha Wakiilada Somaliland oo qayb ka ahaa xubnihii Madaxweynihii hore ee Somaliland ku soo dhaweeyey dalka ayaa waxa uu yidhi “Saaka waxaanu soo dhaweynaynaa madaxweynihii hore ee Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo warar been ah oo ku saabsan inuu dhintay ama uu xanuunsanayo laga baahiyey, wakaa “Waraabe ka caafimaad weyn”, markaa dadka habaarka ha laga daayo, ummaddii u ducaysayna way mahadsan yihiin, wuu caafimaad qabaa, wakaa saaka soo day,” ayuu yidhi Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye. Source
-
MOGADISHU (HOL) -Three people were killed separately in Mogadishu’s Waberi district Wednesday night under unclear circumstances. Source: Hiiraan Online
-
Ankara (Caasimadda Online) – Saraakiil ka tirsan Mareykanka ayaa dib u eegaya qorshooyinka ah in la daadgureeyo illaa 50 bambaanooyin oo Nukliyeer ah oo muddo dheer lagu keydinayey Saldhigga Ciidamada Mareykanka ee ku yaalla Turkiga ka dib howlgalka militari ee Ankara ee waqooyiga Syria, sida lagu sheegay warbixin. Saraakiil ka tirsan wasaaradaha arrimaha dibadda iyo tamarta Mareykanka ayaa maalma ka hor waxay ka Shireen waxa laga yeelayo 50-ka madax ee hubka Niyukleyrka ee Mareykanka ka yaalla Turkiga iyo qaabka ay ula soo bixi karaan sida uu daabacay Wargeyska The New York Times ee dalka Mareykanka. Dowladda Mareykanka ayaa biloway inay ka fakarto waxa laga sameenayo hubka Niyukleyrka ee u yaalla saldhig milateri oo ku yaalla koonfurta bari ee dalka Turkiga kadib markii laba dowladood uu soo kala dhex galay mugdi. Hubkaas Mareykanka u yaalo dalka Turkiga ayaa la sheegay inuu xayiray Madaxweynaha dalka Turkiga, Rajab Teyib Erdogan oo diiday inuu Mareykanka la baxo hubkiisa halkaas yaalo. Xukuumadda Washington ayaa isku dayeysa sidii xal diblomaasiyadeed loogu heli lahaa arrintan, xilli Turkiga uu waqooyiga dalka Suuriya ka wado duulaan uu ku baacsanayo Kurdiyiinta Suuriya. Madaxweyne Donald Trump ayaa u muuqday mid xaqiijiyay hubka Niyukleyrka ee Mareykanka ugu keydsan dalka Turkiga, taas oo ahayd sir aanan mudo la shaacinin, waxbadanna aanan laga ogeyn. Dhanka kale Donald Trump ayaa dhankiisa sheegay in duullaanka uu Turkiga ku qaaday xadka Suuriya uusan ahayn mid lagu qaaday “xudduuddooda”, waxa uuna intaa ku daray in Kurdiyiintu oo xulufo la ahaan jiray mareykanka aysan ahayn “malaa’ig”. Xubnaha Aqalka Wakiillada ee baarlamaanka Mareykanka oo ay ku jiraan kuwa xisbiga Jamhuuriga ee madaxweyne Trump ayaa cambaareeyay tallaabada uu Mareykanka ciidamadiisa ugala baxay dalka Suuriya. Madaxweyne Trump ayaa warbaahinta u sheegay in mareykanku uusan ahayn “booliska caalamka”. Tobannaan ruux oo rayid ah ayaa lagu dilay howlgalka ay billaabeen ciidamada Turkiga, halka in ka badan 160,000 oo ruux ay ka barakaceen. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Kal-fadhigii 44-aad ee golaha wasiirradda Jamhuuriyadda Somaliland oo uu shir-guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinaayey madaxweyn-k-xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa maanta lagu ansixiyey siyaasadda qaran ee shaqo carbinta, waxaana warbixin lagaga dhegeystay xubno kamid ah golaha wasiirrada. Ugu horrayn waxa golaha warbixin la xidhiidha amniga dalka ka jeediyey wasiirka arrimaha gudaha Somaliland oo ku dheeraaday xaaladda guud ee nabadgelyada dalka. Sidoo kale, waxa goluhu dood dheer iyo falanqayn ka yeesheen wax-ka-beddelka iyo kaabista xeerka shaqaalaha rayidka ah xeer Lr.31-2004 oo mar kale loo ballamay ansixintiisa. Waxaanu goluhu ansixiyey siyaasadda qaran ee shaqo carbinta oo ay soo diyaarisay wasaaradda shaqo gelinta, arrimaha bulshada iyo qoyska. Ugu danbayn waxa golaha lagu soo bandhigay hirgelinta nidaamka wax wada lahaanshaha dawladda iyo shacabka (public private partnership) “PPP”, waxaanu goluhu u saaray guddi soo diyaarisa. ALLAA MAHAD LEH Maxamuud Warsame Jaamac Af-hayeenka Madaxweynaha JSL. Source
-
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Cabdixakiin Maxamed axmed oo hogaaminaya xubno ka tirsan Guddig jogtada ah ee Baarlamanka Puntland ayaa maanta dib ugu soo Laabtay Magaalada Garowe Kadib mudda Saddex Bari oo ay safar ugu maqnaayeen waddanka Uganda. Safarka Guddoomiyaha iyo xildhibaannada weheliyay ayaa ku saabsana Tababar iyo aqoon iswaydraasi la xiriira Arrimaha Golayaasha Xeer-dejinta kaasi ay uga qeyb-galeen Magaalada Kampala ee Dalka Uganda. Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Cabdixakiin Dhoobo ayaa ka warbixiyay aqoon kororsi dalka Ugandha ugusoo dhamaaday xubno ka socday Baarlamanka Puntland iyo kuwa maamul goboleedyada Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed. “Aqoon kororsigu wuxuu ku saabsanaa habka Baarlamanku shaqadiisa u gudanayo ama korjoogtaynta ha noqoto ama matalaadda ha noqoto iyo xiriirada Baarlamaannada kale lala yeelanayo” ayuu yiri Guddoomiye Dhoobo. Hoos ka daawo muuqalka iyo sawirada PUNTLAND POST The post Guddoomiyaha Baarlamanka Puntland iyo wefdi uu hoggaaminayo oo dib ugu laabtay Garoowe appeared first on Puntland Post.
-
Nairobi (SMN) – Siyaasiyiinta dalka Kenya ayaa ku tartarsiiyey madaxweynaha wadankaas, Uhuru Kenyatta in uu ciidamadooda ka saaro Soomaaliya. Boni Khalwale, oo kamid ah siyaasiyiinta ugu caansan Kenya horeyna u soo noqday Xildhibaan, ayaa baaqan u jeediyay Kenyatta. Waxaa uu soo jeediyay in Ciidamada difaaca Kenya ay muddo 8 Sano ah ku jiraan gudaha Soomaaliya islamarkaana sababihii ay u galeen aan wax natiijo ah laga gaarin. Ciidamada Kenya oo Soomaaliya si sharci darro ku soo galay 2011kii ayaa laba sano kaddib qeyb ka mid ah lagu daray AMISOM halka inta kale ay wali ku jiraan gudaha dalka. Xiriirka Soomaaliya iyo Kenya ayaa nan hagaagsaneyn waxayna ka dambeysay markii ay Nairobi jebisay amar kasoo baxay dowladda oo ku aadan socdaalka Kismaayo. Hoos ka dhageyso warka oo cod ah https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/Kenyatta.mp3 View the full article
-
Beledxaawo (Caasimada Online) – Ilaa 3 qof oo kamid ah ganacsatada ugu caansan degmada Beladxaawo ee gobalka Gedo ayaa loo xiray kiiska Cabdirashiid Janan, waxaana xarigga raggan ka dambeeyay Taliska Ciidamada nabad sugidda Jubbaland ee gobalka Gedo, sida ay noo xaqiijiyeen saraakiisha amaanka. Dadka la xiray ayaa ka soo jeeda heybta Madaxweynaha Soomaaliya waxaana xarigooda amray taliyaha nabad sugidda Jubbaland oo lagu magacaabo Cali Xasan Deer, kuna heyb ah wasiirka amniga Jubbaland. Dadka la xiray ee 3-da qof ah ayaa 2 kamid ah waxay kala heesteen shirkado ka shaqeeya biya gelinta Beladxaawo iyo Shirkad dhismooyinka qaabilsan. Shirkadaha iyo ganacsiga ragaan kuma koobna oo kaliya Beladxaawo balse waxay caan sidoo kale ka yihiin Gedo waxaana ka shaqeeyo shirkado ay leeyihiin. Xarigga masuuliyiintaan oo si wayn looga dareemay Gedo ayaa sidoo kale waxaa ku lug leh talihii ciidamada Xoogga Soomaaliya ee gobalka Gedo, sidoo kalane mar kamid noqday Baarlamaankii 8-aad ee dalka Jamaal Xasan Faree iyo Guddoomiyaha Haweenka Beladxaawo Canab Kululi, sida ay noo xaqiijiyeen xubno ka tirsan maamulka gobalka. Ehellada dadka xiran oo aan la hadalnay ayaa noo sheegay in ay jiraan dad kale oo ku heyb ah Madaxweynaha Soomaaliya oo ku xiran degmada Doolow ee gobalka Gedo, kuwaas oo isugu jira cuqaal iyo aqoonyahaano reer Gedo ah. Guud ahaan gobalka Gedo ayaa saacadihii la soo dhaafay aad looga dareemaya arrintaan waxaana isa soo taraya baaqa iyo qayla dhaanta dhaqanka gobalka Gedo taas oo ku saabsan in aan qabiil lagu saleynin Xarigga Wasiir Janan oo u xiran dowladda Soomaaliya. Wali ma jirto wax war ah oo ka soo baxay masuuliyiinta amaanka ee maamulka Jubbaland, waxaana noo suurta gelin xariiro aan la sameynay hay’adaha amaanka Jubbaland iyo kuwa maamulka Gedo si aan wax uga waydiino xiisada gobalka ka taagan. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
-
Gabadh Soomaali ah oo ka mid noqotay 100 haweenka BBC ee 2019-ka Jawaahir Rooble waxay noqotay gabadhii ugu horreysay oo Soomaali ah oo noqotay garsoore kubadda cagta ah. Jawaahir marka ay ciyaaraha dhexdhexaadineyso waxay ku labisataa dhar xijaaban. Markii ay Ingiriiska timid iyadoo 10 jir ah, waxay aragtay in kubadda cagta ay tahay xirfaddii ay ku hamineysay , taasina waxay u horseeday inay noqoto garsoore kubadda cagta ah. Hadda waxay barata climiga garsoorka kubadda cagta iyo maamulka, waxay ku rajo weyn tahay in shahaadada koowaad ee jaamacadda ay dhameyso sannadka 2020-ka. Qaran News
-
Gaalkacyo (SMN) – Ciidamadda ammaanka Puntland ayaa saacadihii lasoo dhaafay waxay howlgalo kala duwan ay ka wadaan magaaladda Gaalkacyo. Dhaqdhaqaaqan ciidan ayaa wuxuu ka dambeeyay markii shalay xarunta gobolka Mudug qarax Miino lagula eegtay taliyihii saldhiga bartamaha. Taliyaha ayaa ka badbaaday falkaas oo ka dhex-dhacay hoygiisa. Lama soo warin wax khasaaro ah oo ka dhashay falkaas. Xoogaga maamul goboleedkaas ayaa howlgaladooda waxay sheegeen in ay ku baadigoobayaan raggii ka dambeeyay weerarkaas. Magaaladda Gaalkacyo ayaa waxaa kala maamula Puntland oo dhanka waqooyi ah iyo Galmudug oo dhanka koonfur ah. Hoos ka dhageyso warka oo cod ah https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/Amni.mp3 View the full article
-
Muslimiin ku guda jiray gudashada Cumrada oo ku dhintay Shil Goobta uu shilka ka dhacay 35 qof oo ajnabi ah ayaa ku dintay afar kalana way ku dhaawacmeen shil bas oo ka dhacay meel u dhaw magaalada barakeysan ee Madiina ee dalka Sacuudiga. Baska ayaa waxa uu ku dhacay gaari ah nooca qaada xamuulka goobta lagu magacaabo xarunta al-Akhal Centre. Shilkan wuxuu dhacay shalay ,sida ay baahisay warbaahinta dowladda. Rakaabka saarnaa Baska ayaa isugu jiray Carab iyo dad ka soo jeedia Aasiya oo ka soo safray magaalada Madiina kuna sii jeeday magaalada Makka halkaasi oo ay ku soo cumreysan rabeen. Ma kala cadda ilaa iyo imika dalalka ay u kala dhasheen ,balse rai’sul wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa sheegay “in uu aad uga naxay” warkaasi. Barasaabka gobolka Madiina Faisal bin Salman Al Sacuud, ayaa sidoo kale ka tacsiiyeeyay geerida ka dhalatay shilkaasi. 5 qof oo ka badbaaday shilka ayaa loo qaaday isbataalka al-Hamna ee magaalada Madiina islamarkana waxay xukuumadda Sacuudiga bilawday baaritaano. Sawiro lagu daabacay warbaahinta gudaha Sacudiga ayaa muujinaya gaariga Baska oo gubtay islamarka daaqadaha ay burbureen. Wargeyska Okaz ayaa ku waramay in rakaabka Baskaasi ay gudanayeen cumrada. Qaran News
-
Muqdisho (SMN) – Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxay safiir cusub u magacowday dalka Koonfur Afrika, sidda ay xaqiijiyeen illo lagu kalsoon yahay. Danjiraha cusub, Maxamed Cali Nabadoonka ayaa wuxuu bedelayaa Jamaal Maxamed Barow kaasoo in muddo ah xafiiska joogay. Nabadoonka ayaa wuxuu ku xigeeno u soo noqday Mr Barow iyo Sayid Shariif, safiirkii hore ee Soomaaliya u fadhiyey South Africa. Si lamid ah, Mr Nabadoonka ayaa wuxuu mar soo noqday qunsulkii Soomaaliya ee Koonfur Afrika oo ah dal muhiim u ah xiriirka arrimaha dibadda ee dalkeena. Koonfur Afrika ayaa waxaa ku nool Soomaali badan, kuwaas oo ku haysta ganacsiyo kala duwan, kuwaas oo la kulmay dilal iyo boob hantiyadeed. Isbedelka ayaa kusoo aadaya iyadda oo xukuumadda federaalka ah ayaa dhowaan shaaca ka qaadey in ay dhisme u iibineyso safaaradda Soomaaliya ee dalkaas. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Cali Khaliif Galyr oo ah hogaamiyaha maamulka Khaatuma State ee ku biiray Somaliland islamarkaana ka dhisnaa gobalada Sool, Sanaag iyo Ceyn ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho waxaana soo baxaya warar kala duwan oo ku saabsan socdaalkiisa. Caasimada Online ayaa ogaatay sababta rasmiga ah ee ka dambeysa socdaalka Cali Khaliif Galyr oo maalmo ku sugan caasiamda Soomaaliya ee Muqdisho kadib socdaal uu uga yimid dalka Itoobiya. Madaxweynihii Khaatuma State Mr Cali Khaliif Galyr ayaa magaalada Muqdisho u yimid sababo caafimaad kadib xanuun uu dareemay, ayada oo ay qoyskiisa kula taliyeen in uu aado Muqdisho si loo daaweeyo. Ehallada Mr Galayr ayaa Caasimada Online u sheegay in madaxweynaha uu ku jiro Isbitaal ku yaalo magaalada Muqdisho islamarkaana laga daaweynayo kiliyada, sidoo kalane lagu sameynayo baaritaano caafimaad. Maalmihii la soo dhaafay ayaa magaalada Muqdisho waxaa ka taagnaa warar sheegaya in Cali Khaliif Galayr uu u yimid Muqdisho marti-qaad uu ka helay madaxda dowladda Soomaaliya islamarkaana loo adeegsan doono kicin dadweyne oo ka bilaawda gobaladii Khaatuma State ee ku biiray Somaliland kadib markii ay la heshiiyeen hogaaankii Madaxweyne Siilaanyo, balse taas ma muuqato. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Muqdisho (SMN) – Cabdiraxmaan Sheekh Cilmi (Cawaale) oo ahaa guddoomiyihii hore ee degmada Maxaas iyo Nuur Ibraahim Mahad-Alle ayaa ka soo hor muuqday maxkamadda ciidammada Qalabka Sida. Xubnahan ayaa waxaa loo haystaa eedeymo la xiriira qarax uu ku dhintay guddoomiye ku xigeenkii arrimaha Amniga iyo Siyaasadda degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan, marxuum Cabdirashiid Cusmaan Carab. Carab oo uu la dhintay sarkaal kale oo gaariga la saarnaa ayaa waxaa la qarxiyey bishii April ee sanadkan 2019. Weerarkaas waxaa dusha saaratay xarakada Al-Shabaab oo baraheeda Internet-ka ku baahisay. Qaraxaas ayaa dhaliyey tuhuno kala duwan, waxaana ay sababtay in lasoo xiro labaddan ruux kadib baaritaano qoto dheer. Dhageysiga kiiskooda ayaa socon doona maalmaha soo aadan, waxaana lagu wadaa in kadib xukun laga soo saaro. Xafiiska xeer-ilaalinta ayaa soo bandhigtay warbixino iyo caddeymaha, kuwaas oo kiiska horey u sii wadaya loona baahan yahay fadhiyo kale oo lagu dhageysto dhinacyadda ay ka dhaxeysa dooda galkan. View the full article
-
Beled-xaawo (SMN) – Saraakiil ka tirsan sirdoonka maamulka Axmed Madoobe ayaa lagu waramayaa in ay magaaladda Beled-xaawo ku afduubteen laba shaqsi. Laba qof oo ganacsato ah ayna kala baxeen hoygooda ayaa waxaa la sheegayaa in qaraabo dhow yihiin madaxweynaha dalka, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Xubnaha afduubka geystay ayaa waxaa la sheegayaa in ay kasoo jeeda Beesha Cabdirashiid Janan, wasiirkii amniga Jubbaland. Janan oo Muqdisho ku xiran ayaa waxaa loo haystaa in uu geystay dilal, waxaana si rasmi ah u bilaabatay maxkamadeyntiisa. Illo wareedyo ayaaa sheegaya in saraakiisha afduubka geystay ay shuruud kaga dhigeen sii deynta ganacsatadda in xorriyadiisa uu helo Janan. “Janan wuxuu xiran yahay Farmaajo,” ayaa laga soo xigtay saraakiisha oo ku dhaqaaqay fal ku cusub guud ahaan dalka Soomaaliya. Hoos ka dhageyso warka oo cod ah https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/Afduub.mp3 View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Dhageysteyaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Warka Duhur Ee Idaacadda Shabelle. Hoos ka dhageyso codka https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/Warka-Duhur-17102019.mp3 View the full article
-
Ankara (Caasimadda Online) – Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa meesha qashinka ku riday waraaq uga timid Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump. Warqadaan uu Erdogan qashinka ku riday ayaa waxaa la qoray markii Ciidamada Mareykanka ay isaga baxeen Suuriya oo ku beegneyd 9-ka Bishaan October. Madaxweyne Trump ayaa Erdogan u sheegay inuusan is adkeyn oo uusan noqon doqon “Ha is adkeynin. Doqon Ha noqon “. Illo wareedyo u dhow madaxtooyada Ankara ayaa BBC u sheegay inuu Erdogan iska diiday waraaqdii uga timid Trump. Waxaa xusid mudan in Maalintii uu Trump waraaqda usoo diray Erdogan inay Ciidamada Turkiga bilaabeen howlgalkooda ka socdo gudaha dalka Siiriya. Waraaqda uu Trump usoo diray Madaxweynaha Turkiga ayaa u qorneyd sidaan: “Heshiis fiican Aan ka wada shaqeyno! Ma dooneysid in aad masuul ka noqotid dilka kumannaan qof, anigana ma doonayo in aan masuul ka noqdo burburinta dhaqaalaha Turkiga , Waana sameyn doonaa”. “Taariikhda sida aad dooneyso ayey kuu xusi doontaa haddii aad midda saxda ah iyo qaabka wanaagsan aad u sameyso tan. Weligaa waxaad noqon doontaa qof xun, haddii wax wanaagsan aysan dhicin.” “ Waana kusoo wici doonaa” ayuu kuso gabagabeeyey Trump waraaqda uu u qoray dhigiisa Turkiga. Madaxweyne Trump ayaa la kulmay dhaleeceyn ballaaran oo ku saabsan ka bixitaanka ciidamada Mareykanka ee Siiriya taasoo la sheegay inay Turkiga fursad u siisay howlgalkooda ka socdo Siiriya. Dhaleeceynta ugu badan ayaa wuxuu Trump kala kulmaya Xisbigiisa. Caasimada Online Xafiiska Ankara caasimada@live.com
