-
Content Count
215,071 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Nin dhalinyaro ahaa oo dhawaan ka soo laabtay dalka South Africa ayaa ka mid noqday dad shalay gelinkii dambe lagu dilay Deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Magaalada Muqdisho. Wararka ayaa sheegaya in Faarax Indhafuud uu qayb ka ahaa dhinacyadii shalay galab ku wada dagaalamay Deegaanka Ceelasha Biyaha. Dagaalka oo ay ku dhinteen illaa shan qof ayaa daba socdo dagaal maalin ka hor halkaasi ku dhex maray Ciidanka Hay’adda Nabad Suggida ee NISA iyo Ciidamada Dowladda ee Deegaanka Lafoole. Dagaalkan ayaa wuxuu salka ku haya gacan ku haynta Maamulka Ceelasha Biyaha, waxaana guuldareystay dadaalo lagu doonayay in labada dhinac lagu heshiisiiyo. Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegay in Faarax Indhafuud uu ka mid ahaa dadkii ku dhintay dagaalkii labada dhinac ku dhex maray Ceelasha Biyaha. Dadka deegaanka ayaa sheegay in dagaalkan uu labada dhinac ku dhex maray Suuqa Ceelasha Biyaha. Xiisadda ku soo korortay Deegaanka Ceelasha Biyaha ayaa dadka deegaanka qaarkood ku khasbay in ay guryahooda ka cararaan. Dilka Faarax Indhafuud ayaa wuxuu ku soo aadayaa, xilli Arbacadii duleedka Magaalada Johannesburg ee dalka South Africa lagu dilay ganacsade Soomaaliyeed oo lagu magacaabi jiray Cabdijibaar Cabdullaahi Jimcaale. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Somaliland ayaa si rasmiya shaaca uga qaaday lacagta ay lixdii bilood ee u horeeyay sanadkan ay ku bixisay soo iibsashada Qaadka. Dr. Sacad Cali Shire, Wasiirka wasaaradda horumarinta maaliyada Somaliland oo ka qeyb galay kulan lagu lafo gurayey Caqabadaha hortaagan dhaqaalaha Somaliland iyo sidii looga bixi lahaa, oo ay soo qaban qaabiyeen Ardeyda jaamacaduhu, ayaa arrintaasi ka hadlay. Dr. Sacad Cali Shire oo kulankaasi ka hadlayey, ayaa waxa uu ka sheegay in lixdii bilood ee u horeeysay sanadkan ay Somaliland lacag dhan 190-Milyan oo doolar ay ku soo iibsatay Qaad. “Lixdii bilood ee u horeeyay sannadkan waxaynu soo iibsanay 19 milyan oo kilo oo qaad ah, hadaad 10 dollar ku dhufato 190 milyan oo dollar weeye” ayuu yiri Dr. Sacad Cali Shire. Wuxuuna intaas sii raaciyay Wasiirku “Mushkiladu xataa maha lacagta oo keliya ee waa wakhtigii, caafimaadkii, iyo dhaqankii, waana meelaha loo bahanyahy in wax laga qabto”. Wasiirka ayaa sidoo kale waxa uu ka dhawaajiyey in dhaqaalaha Somaliland ay kor u qaadi laheyd haddii ganacsadayaashu ay ku dhiiradaan sameysta Warshadaha, isagoona xusay in aqoon dari baahsan oo dhankaasin ay haysato ganacsatada Somaliland, wuxuuna yiri “Meesha dadka inaga qarin kartaa waa wershadaha, maxaynu wershado u yeelan waynay, waxyaabaha u horeeyaa waa dhaqan, wershad dhaqan uma lihin, inagu waxaynu dhaqan u leenahay ganacsi, laakiin wershad lacagta la geliyo waxa ka soo baxaya maba garanayo ganacsaduhu oo wuxuu ku odhanayaa maxaa khatartaas i gelinayaba”. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
At a lunch held Wednesday at which the current batch of YPPs were invited to share their feedback, Senior Vice President Charles Boamah made it clear that he valued the input of the young professionals. “We want to hear from you directly…We will factor all of your comments into the decisions we make,” he said. Kolawole Olugboye, the YPP coordinator, said the recruitment process was designed to address strategic staffing needs. “The successful YPs will be largely based at the Bank’s headquarters in Abidjan, but also have the opportunity to travel to the various country offices and projects across Africa. The program also enables candidates to move across a range of business units in the Bank to garner the skills to deliver on the job.” Michel N’guessan, a water engineer and finance specialist, said the program compared favourably with that of other multilateral development institutions. “The six-month rotation is the best structure…because it allows you to pick up deep knowledge of the Bank. I learned two important things. The first is: All the decision-makers are human beings. They can make mistakes but it’s more important to review your decisions. The second is: It always takes a collective effort to reach a certain goal.” Frances Emembolu, a young lawyer, also enjoyed the wide range of experience she was exposed to. “The design of the program is highly effective. It gives a young professional an opportunity to, within three years, garner experience from different sectors of the Bank. That enables you to become a well-rounded individual, with transferable skills for working within and outside and the Bank.” Working at the Bank required excellent interpersonal skills and the ability to be a team player, she said. Carefully selected training programs impart skills that young people in the YP program need to become development experts. The programs range from communication skills to project management, investment appraisal, leadership skills, as well as a flagship postgraduate diploma in development with a reputable university. YPs are assigned mentors who lend their professional and personal experience to help the recruits navigate their careers. The Bank’s last YPP recruitment exercise attracted over 7,000 applications from all over the world. The majority of the applicants were aged between 27 and 32 – the target audience – of which about 32% were women, who eventually formed 60% of the successful candidates. Qaran News
-
CAIRO (Reuters) - The 17-year-old South Sudanese refugee finally managed to escape after three months as a prisoner in a Cairo apartment where she was repeatedly gang raped, only to realize that she had become pregnant by one of her attackers. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2017/08/Bar-Qubanaha-17102019-2.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa waxay shaaca ka qaaday in ay soo dhaweynayso go’aanka Maxkamadda Cadaaladda Adduunka (ICJ), ee ay dib ugu dhigtay dhageysiga dacwadda badda ee Somaliya iyo Kenya. Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), Ra’iisal Wasaare Kuxigeenka Soomaaliya ayaa waxaa uu sheegay in dowladdu ogoshahay go’aanka Maxkamadda ICJ oo noqonayo mid kama dambeys ah. Ra’iisal Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay horey u diiday in dib loo dhigo kiiska badda, ha yeeshee aanay ka weynayn go’aanka Maxkamadda. “Dowladda Soomaaliya horey ayay u diiday in dib loo dhigo dhageysiga dacwadda, balse aanay dowladdu ka weynayn go’aanada Maxkamadda.” Ayuu yiri Ra’iisal Wasaare Kuxigeenka Somaliya. Maxkamadda ICJ ayaa waxay go’aansatay in dhageysiga dacwadda la amba qaado 8-da illaa 12-ka bisha June ee sanadka 2020. Go’aanka Maxkamadda ayaa lala wadaagay labada dowladood, si ay u soo diyaarsadaan wixii dood iyo cadayn ah, ee ay la hortaggayan Maxkamadda. Waa markii labaad oo Maxkamadda ICJ ay dib u dhigto kiiska murunka badda la xiriira, ka dib codsiyo uga yimid Dowladda Kenya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
(SLT-Boorama)-Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa ka qayb-galay shirweynaha hirgelinta qoondada haweenka oo lagu qabtay magaalada Boorama ee xarunta Gobolka Awdal shalay. Shirkan oo ay wada-jir u soo qabanqaabiyey Wasaaradda Shaqo-gelinta, Qoyska iyo Arrimaha Bulshada & Isku-xidhka Dalladda Haweenka ee Nagaad, waxa Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland ku wehelinayey xubno ka mid ah Golaha Wasiirrada, madaxda gobolka iyo madax ka socotay Hay’adaha kala duwan ee qaranka Somaliland iyo saddexda xisbi qaran, iyadoo muddada labada maalmood ah ee uu socon doono (Arbacada iyo Khamiista) lagu gorfaynayo sidii haweenka loogu samayn lahaa kooto gaar ah oo ay ku yeeshaan goleyaasha kala duwan ee qaranka. Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland oo halkaas hadal ka jeediyey, ayaa tilmaamay in Xukuumadda ay ka go’an tahay hirgelinta qoondada haweenka, si loo hirgeliyo jewi ay haweenku si furan dhexdooda ugu tartami lahaayeen xilal gaar loogu xidhay. “Runtii waxa farxad weyn ii ah in aan ka soo qaybgalo madashan lagu xoogaynayo ee lagu xoojinayo sidii kootada dumarka loo sharciyeyn lahaa ee Golaha Baarlamanka Somaliland ee uu horyaallo looga sharciyeyn lahaa ama loo dhaafin lahaa, markaa aad iyo aad ayaad ugu mahadsan tihiin, waxaanan leenahay shirkan waannu soo dhawaynaynaa, labada xisbi qaran ee mucaaridka ahna waxa aan leeyahay dan qaran ayeynu wada wadnaa haweenkuna waa haweenkeenii ee aynu ka wada hawlgalno sidii aynu ugu ansixin lahayn,” ayuu yidhi Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland. Maayirka magaalada Boorama Md. Saleebaan Xasan Xaddi oo halkaas ka hadlay, ayaa sheegay inuu rajaynayo in dumarku ay farxad kala noqdon doonaan shirkan lagu qabtay Boorama ee lagaga hadlayo hirgelinta qoondada haweenka laga siinayo golayaasha qaranka Somaliland, waxaannu yidhi; “Dowlad kasta iyo wax kasta oo wanaagsan oo la dhisayo Boorama ayaa lala iman jiray, markaa haddii maanta shirkii halkan lala yimid arrintiinu horta way hirgelaysaa.” Wasiirka Shaqo-gelinta, Qoyska iyo Arrimaha Bulshada Somaliland Marwo Hinda Jaamac Gaani oo iyaduna furitaankii shirkaas hadal ka jeedisay, ayaa tilmaantay in ujeedada shirkan heer qaran yahay sidii loo taageeri lahaa, loona hirgelin lahaa qoondada haweenka Somaliland. “Ujeeddada aannu shirkan u qabanay waa laba ujeedo oo ah in la taageero go’aankii uu Madaxweynaha Qaranka Somaliland ee kootada iyo sidoo kale in anaga iyo Guddidayada axsaabta qaranka, dowladda dhammaantayo anaga oo iskaashanayna aannu ballanqaad cad halkan ka samayno, iyadoo maanta la taagan yahay xiligii doorashada loo baxayey, waxayna xisbiyadu ogolaadeen in doorashadu dhacdo, markaa waxa aannu doonaynaa in aannu ogaano xisbi walba muxuu haweenka u hayaa? Maxaa ka go’an? Haweenku waa cidda soo saarta Madaxweyne kasta, haddana waxa lagaga tagaa meel dhexe,” ayey tidhi marwo Hinda Gaani. Waxayna intaas ku dartay; “Anaga oo ka duulayna Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ee maanta niyadda uu u hayo, dardargelinta, dhiirigelintiisa, is-garab taagiisa iyo ku-dhicidda, markaa anaga oo taas ka duulayna waxa aannu doonaynaa in aannu ogaano (haddii aannu haweenka nahay) cid waliba maxay noo haysaa xisbiyada qarankoow? Agaasimaha Fulinta NAGAAD Nafiisa Yuusuf Maxamed, oo iyaduna halkaas ka hadashay, ayaa sheegtay inay aad ugu faraxsan yihiin ballanqaadka la muujiyey ee lagu caddeeyey hirgelinta kootada haweenka, waxayna tidhi; “Aad ayaan ugu faraxsannahay ballanqaadka iyo ka-go’naanshaha (commitment) la muujiyey, iyadoo aannu maanta ka-go’naanshaha la muujiyey aannu ku qirayno in Madaxweyne-ku-xigeenka iyo Wasiirradii ay halkan marayaan oo ay baarlamaankii labada gole (Guurtida iyo Wakiillada) ay halkan marayaan, saddexda xisbi qaran ay marayaan oo ciddii ay ku xidhnayd taageerada haweenku maanta halkan ayey marayaan oo shirkan way wada joogaan.” Md. Mahdi Ibraahim Buubaa oo ka socday Golaha Wakiillada Somaliland oo isna shirkaas hadal ka jeediyey, ayaa sheegay in iyadoo la iskaashanayo laga wada shaqayn doono sidii sharciga jidanaya qoondada haweenka looga ansixin lahaa labada gole ee Guurtida iyo Wakiillada, waxaannu yidhi; “Waxa aan maanta rajaynaynaa haddii Ilaahay yidhaahdo in innaga oo gacmaha is wada-haysana aynu labada goleba dhaafin doono sharcigaas oo uu hirgeli doono in kooto loo xidho haween-weynaha Jamhuuriyadda Somaliland, kaasoo ay kaga qaybqaataan miiska siyaasadda qaranka lagu jarayo inay qayb ka ahaadaan oo ay soo fadhiistaan.” Marwo Baar Siciid oo ah haweenayda qudha ee ku jirta Golayaasha Baarlamanka (Guurtida iyo Wakiillada) oo iyaduna shirkaas ka hadashay inay aad ugu faraxsantahay shirkan lagu gorfaynayo sidii loo hirgelin lahaa qoondada loogu talogalay in haweenka laga siiyo golayaasha qaranka Somaliland. Wasiirka Arrimaha Gudaha Md. Maxamed Kaahin Axmed iyo Wasiirka Degaanka marwo Shugri Xaaji Ismaaciil Baandare oo iyaguna shirkaas hadallo ka jeediyey, ayaa sheegay in Xukuumaddu diyaar u tahay sidii loo dhaqan-gelin lahaa qoondada haweenka, iyagoo xusay in sharcigaas uu hadda horyaalo Golayaasha Baarlamanka Somaliland, ayna muhiim tahay in laga wada shaqeeyo sidii loo ansixin lahaa si uu u noqdo sharci ansax ah oo lagu dhaqmo. Waxa kaloo furitaankii shirkaas ka hadlay Xoghayaha Guud ee xisbiga KULMIYE Md. Xasan Siciid Yuusuf, waxaannu yidhi; “Xeerka kootaha ee hadda horyaal Baarlamanka waa ballanqaadkii xisbiga KULMIYE ee ahaa marka uu Xukuumadda ku guulaysto in Xukuumadda ka dhalata KULMIYE ay kooto 30% ah u samayso haweenka.” Shirkan ka furmay magaalada Boorama ee xarunta Gobolka Awdal, waxay Xukuumadda Somaliland iyo saddexda xisbi qaran ee KULMIYE, WADDANI iyo UCID ku saxeexeen axdi ballanqaad ah oo lagu muujiyey in laga wada shaqeeyo sidii loo hirgelin lahaa qoondada haweenka Somaliland. Source
-
Maxkamadda cadliga adduunka ee ICJ ayaa dib u dhigtay mar kale dhageysiga dacwada badda ee Soomaaliya iyo Kenya ilaa June ee sanadka dambe. Qoraal maanta kasoo baxay Maxkamadda ayaa lagu sheegay in ay tixgelisay codsiga Kenya, dibna u dhageysan doonto June 8 -12, 2020. Inkasta oo ICJ leedahay waa markii ugu dambeysay hadana ma aha dastuur qoran, oo waxaa ku filan in Kenya geyso marmarsiyo kale iyo codsi dib u dhigis ah. Villa Somalia waa diidaneyd dib u dhigis labada jeer ee maxkmadda dib u dhigtay September ama Novemberta soo socotaba, laakin Kenya doodeeda ayaa adkaatay, taasi oo keentay in la dib dhigo. Maxaa Keenay In Kenya Codsigeeda La Qaato?! Goobjoog News waxaa ay ogaatey in dadka hor socda kiiska badda ee matala dhanka Soomaaliya ay liitaan qareenno ahaan iyo siyaasiyiintaba. Qareennada: Qareennadan oo kala ah: Paul Riichler, Prof. Philippe Sands iyo Prof. Alain Pellet waxaa ay aad uga liitaan, kana khibrad yar yihiin kuwii dalkeenna matalayey kolkii hore, Villa Somalia mar aan weydiiney “Lacag ayaa loo waayey kuwii hore oo mushaarkooda ayaa badnaa” ayey jawaabteeda noqotay. Qareennadan cusub waa dad lagu raacay raqiis, waxayna ku guuldareysteen in ICJ tusaan sida Kenya aaney daacad uga aheyn dacwada ama ay u yastaba howlaha socda, haddii aan la badalinna waxaa ay khatar geli karaan kiiska oo dhan. Siyaasadda: Kenya diblomaasiyad ahaan waa ka awood badan tahay Soomaaliya, Midowga Afrika ilaa xogheyaha Qaramada Midoobey waxay ku qanciyeen in Soomaaliya laga dhameeyo wada hadal, waxaa intaas dheer dadka arrintan lugta kula jiro oo dhammaantood khubaro ah halka Soomaaliya dhankeeda ay siyaasad ahaan hor socdaan Mahdi Khadar ra’isul wasaare ku xigeenka Soomaaliya iyo Safiirkeenna Midowga Yurub Cali Saciid Fiqi, ninka hore diblomaasiyad albaabkeeda ma gelin halka Fiqi uu jilicsan yahay. Guud ahaan, Kiiska badda marka si qoto-dheer loo akhriyo waxaa ku adag Soomaaliya, laakin dadka matalaya oo liita awgeed waxaa shaki weyn ku jira sida ay wax noqon doonaan 6 bil kadib. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo wefti balaadhan oo uu hogaaminayo ayaa dib ugu soo laabtay Boosaaso, kadib Caleema Saarkii Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam. Madaxweyne Deni ayaa mahadbalaadhan u jeediyey shacab weynaha magaalada Boosaaso, isimada, nabadoonada , Wax-garadka, siyaasiyiinta, masuuliyiinta Goleyaasha Dowladda, saraakiisha ciidamada, maamulka Gobolka, kan degmada iyo masuuliyiinta kale ee sida diiran ugu soo dhaweysey garoonka caalamiga ah ee magaalada Boosaaso isaga iyo weftigiisa. “Mar ka u horaysa aad ayaan idiinka mahadcelinayaa, waxaan aad iyo aad ugu faraxsanahay inaan isku soo guryo noqonay anagoo nabad ah iyo idinkoo nabad ah, waxaan sidoo kale Alle ka rajaynayaa hawlihii shaqo ee aan Boosaaso u joogey inay sii socondoonaan” “Dabcan sidaad ka warqabtaan waxaan ka qayb galnay xafladdii caleema saarka magaalada Kismaayo ee loogu qabtay Madaxweynaha la doortay ee Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, runtii wuxuu ahaa caleema saar si mugleh ay Puntland uga qayb gashay, waxaa tegey Wasiiro, Xildhibaano, odayaal iyo wax-garad tiro badan oo kamid ah bulshada Puntland, wuxuu ahaa misaan weyn oo ay Puntland ka qayb gashay aniga iyo Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole oo runtii isagu kaalin weyn kulahaa xilligii ay aasaasmaysey Jubbaland”Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland. Dhinaca kale Madaxweynaha Puntland ayaa salaan iyo mahadnaq balaadhan kasoo gaadhsiiyey shacabka Jubbaland walaalahooda Puntland, waxa uu tilmaamay in Puntland markasta ka go’antahay garab istaagga dhismaha dowladnimada Jubbaland. “Runtii shacabka Jubbaland waxay nasoo fareen salaan, waxay aad uga mahadceliyeen inaan xafladdaasi kala qayb galno iyo garab istaagga aan marwalba garabtaaganahay xaaladaha ay soo mareen iyo dhismihii Jubbaland-ba, ugu dambayn Jubbaland iyadoo kaashanay Shacabka Soomaaliyeed iyo Puntland-ba lugaheeda ayay ku istaagtay, runtii ka qayb galka Puntland madashaasi waxay ahayd arrin muhiimadsiisa leh, anana waan ku faraxsanahay inaan walaalaheen kala qayb galno maadaama Puntland nidaamka Federaalka saldhig u hayd, maamulada kalena waan kala qayb gelaynaa sidan oo kale”. “Magaalada Kismaayo nabadgelyadeedu taam ayay ahayd, culaysyo dhinacyada xuduudaha ka saaran ayaa jirey oo nimankii nabaddiid ka ahaa wayjoogaan, hawada iyo baddana culaysbaa ka saarnaa, dhinaca dhaqaalaha culays adag baa ka jirtey isna, waxaan rajaynaynaa ummadda Soomaaliyeed meelkastay joogaan in bulshada badan ee halkaasi ku dhaqan culayska dhaqaale ee saaran looga gurmandoono“. Ugu dambayn, Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa Puntland ku booriyey inay maalgashtaan magaalada Kismaayo. Dhinaca kale waxa uu Soomaaliya u rajeeyey inay ka raysandoonto dhibkii ay soo martay. “Waan ku faraxsanahay shirkado farabadan oo shirkadihii reer Puntland ahaa ayaa ganacsigoodu magaalada Kismaayo ka muuqdey oo maalgashtay, waan rajaynayaa Soomaaliya dhibkii ay soo martay inay ka raysan doonto, hore loo socondoono, nidaamkii Federaalka ahaa inuu hirgelidoono ayaan Alle ka rajaynayaa, dulqaad, wadahadal iyo is-qancin in looga gudbo wax kasta, nidamkeena weli curdinka ah inuu hirgalaan rajaynayaa”. Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland. Halkaan ka daawo muuqaalka PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Puntland iyo Wefti Balaadhan oo uu Hogaaminayo oo Si Weyn Loogu Soo Dhoweeyey Boosaaso appeared first on Puntland Post.
-
MOGADISHU (HOL) - Public hearings for the maritime case between Kenya and Somalia will now take place in June 2020, the International Court of Justice has said acceding to Kenya’s request for more time. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (SMN) – Maxkamadda Cadaaladda Aduunka ICJ ayaa waxay mar kale dib u dhigtay dhageysiga kiiska badda ee Soomaaliya iyo Kenya. Dhageysiga ayaa lagu wadday in uu qabsoomo 4-ta bisha November ee sanadkan, balse waxaa loo bedelay 12-ka June ee sanadka 2020-ka. War qoraal ah oo kasoo baxay ICJ ayaa waxaa lagu sheegay in aysan mar kale dib u dhigis kale ku sameyn doonin gal-dacwadeedkan. Xukuumadda Nairobi ayaa waxay ku guuldareystay codsi ku aadanaa in muddo hal sano ah dib loo dhigo dhageysiga kiiskan. Dacwaddan ayaa ku saabsan sheegasho been abuur ah oo ay Kenya ku damcineyso qayb kamid ah biyaha Soomaaliya gaar ahaan xuduudka. View the full article
-
Somali security forces have raided online forex centres in the Somali capital, Mogadishu. According to sources, the forces directed the staff at the centres to stop operations and close it. The soldiers raided three centres belonged to Camel Online Forex Institute in Zobe, Suq-Ba’ad and Makka al-Mukarama. It is not yet clear the motive behind the closure of the centres. Trading is conducted over the ‘interbank market’. The online channel through which currencies are traded 24 hours a day, five days a week. Forex is one of the largest trading markets, with a global daily turnover estimated to exceed US$5 trillion. Different forex platforms operating as centres for foreign money exchange are downloadable on Google Play and Apple App Store, and aggressively market themselves through social media, promising huge and instant returns. View the full article
-
Kenyan politician and former Kakamega Senator Boni Khalwale has called for the withdrawal of Kenyan troops from Somalia. In a tweet, the politician said that the troops are no longer needed in Somalia, adding that they have accomplished their mission. The Jubilee affiliated politician was responding to US President Donald Trump’s tweet on the withdrawal of troops from Syria. Khalwale said the Kenyan government should follow suit. “Our government should borrow a leaf from this. Why are our Kenyan soldiers fighting for Somalis in Somalia?” he tweeted. “After defeating 100% of the ISIS Caliphate, I largely moved our troops out of Syria. Let Syria and Assad protect the Kurds and fight Turkey for their own land. I said to my Generals, why should we be fighting for Syria,” Trump said. In March, Kenyan withdrew some of the troops from Busar is in Gedo region. The decision caused tension among residents who feared the resurgence of the militia. The call for the withdrawing of the troops from Somalia is yet to bear fruits after the government ignored the same. The remarks of the politician come at the backdrop of the maritime board row between Kenya and Somalia. The two nations are yet to agree on the board after they sought assistance from International Court of Justice. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Madax ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa magaaladda Muqdisho kaga qeybgalay munaasabad lagu sagootinayey arday dhameysatay heerka koowaad ee waxbarashadda. Ardayda oo tiradoodu ay gaareyso 295 ayaa ka aflaxay 9-ka Kuliyadood ee Jaamacadda Jazeera ee Muqdisho, waana dufcadii 6aad ee ka qalin-jebisa Jaamacada oo kamida kuwa ugu tayada fiican. Madaxda ka qeybgashay ayaa waxaa ku jiray; Cabdi Xaashi Cabdullaahi, gudoomiyaha Aqalka Sarre, Wasiir ku xigeenka Waxbarashadda, Faysal Cumar Guuleed, Xildhibaano iyo marti sharaf kale. Xubnihii madasha ka hadlay ayaa hambalyo u jeediyay ardayda, iyaga oo sidoo kale bogaadiyey Bareyaashii u dhabar-adeegay in ay soo saaraan ardayda si ay dadka iyo dalka wax ugu qabtaan. Hoos ka dhageyso warka oo cod https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/Fad-Joy.mp3 View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa albaabada isugu dhufatay xarumo ganacsi oo ku yaala magaaladda Muqdisho. Kamil Frocis oo qaab online ah ku shaqeysa ayaa xarumo ku lahayd Soobe, Suuq Bacaad iyo wadada Maka Al Mukarama, kuwaasoo la xiray. Shirkadan ayaa howlaha ay qabato waxa uu yahay in ay lacago sarif ah isugu kala bedesho dadweynaha iyadda oo la isticmaalayo online-ka. Sidoo kale, waxaa la sheegayaa in ay shaqadii ka joojisay shirkado kale oo lagu kala magacaabo Hubaal Tracings iyo Kulan Investment. Illaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dowladda oo lagu sharaxayo sababaha keenay in albaabadda loo laabo. Hoos ka dhageyso codka https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/Xiray.mp3 View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/Warka-Habeen-17102019.mp3 View the full article
-
(SLT-Hague)-Maxkamadda Caddaalada Adduunka ee ICJ ayaa markii labaad dib u dhigtay dhageysiga dacwada badda ee u dhaxeysa dowladaha Soomaaliya iyo Kenya. Maxkamadda ICJ ayaa galabta go’aamisey in dhigeysiga dacwada badda ee u dhaxeysa Somalia iyo Kenya laga dhigo June 8- 12 ee Sannadka 2020-ka. Sidoo kale Maxkamadda ICJ ayaa go’aankeeda ku caddeeysey inay fileyso in labada waddan u yimaadaan dhigeysiga Maxkmada. Go’aankaana u yahay mid kama dambeys ah ee mar dambe dib loo dhigi doonin. Safiirka Soomaaliya ee Midowga Yurub Cali Saciid Fiqi ayaa war qoraal ah bogiisa Facebook kusoo qoray ayaa shaaciyay in markii labaad dib loo dhigay Kiiska Badda ee Somalia iyo Kenya. Go’aanka cusub ee dhageysiga dacwadda badda mar kale dib loogu dhigay ayaa yimid kadib markii ay Kenya mar labaad codsatay dib u dhigista. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha gobolka Badhan ee ayaa ka warbixiyay xaaladda amni gobolka Badhan, Halkan hoose ka DAAWO Source
-
Maxkamada ICJ ayaa galabta go’aamisay in dhegaysiga dacwadda badda ee u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya dib loo dhigo. Warka ka soo baxay maxkamadda Cadliga Adduunka ee ICJ ayaa lagu shaaciyay in dib loo dhigay kiiska ilaa June 8- 12, 2020 iyadoo Maxkamadda go’aankeeda ku caddaysayy in ay filayso in labada waddan u yimaadaan dhegaysiga maxkmada,Go’aankaana u yahay mid kama dambeys ah ee mar dambe dib loo dhigi doonin. Ku simaha ra’iisulwasaaraha dalka ahna ra’iisulwasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed Khadar oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dowlada soomaaliya soo dhawayneyso go’aanka kama dambeysta ah ee ay maxkamadu qaadatay. Kenya ayaa marar badan sameysay isku dayo ay ku dooneyso in ay ku baajiso Maxkamadda iyadoo dooneysa in si hoose ay labada wadan u xaliyaan kiiska. Hoos ka daawo hadalka ra’iisul wasaaraha PUNTLAND POST The post Maxkamadda ICJ oo mar kale dib u dhigtay dacwadda badda Soomaaliya iyo Kenya appeared first on Puntland Post.
-
Hague (Caasimada Online) – Maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda (ICJ) ayaa mar kale dib u dhigtay dhageysiga kiiska dacwada badda ee u dhaxeeya Soomaaliya, sida uu goor dhow xaqiijiyey safiirka Soomaaliya ee Midowga Yurub Cali Saciid Fiqi. Maxkamadda ICJ ayaa galabta go’aamisey in dhigeysiga dacwada badda ee u dhaxeysa Soomaalia iyo Kenya laga dhigo June 8-12 ee sanadka 2020. Maxkamadda ayaa go’aankeeda ku caddeysey in go’aankaana u yahay mid kama dambeys ah oo mar dambe aan dib loo dhigi doonin. Waxay sheegtay inay fileyso in labada waddan u yimaadaan dhigeysiga maxkamadda. Go’aanka cusub ee dhageysiga dacwadda badda mar kale dib loogu dhigay ayaa yimid kadib markii ay Kenya mar labaad codsatay dib u dhigista. Jadwalkii hore ee maxkamadda u dejisay dhageysiga dacwadda ayaa ahaa 9-ka illaa 13-ka September, hase yeeshee waxaa dib loogu dhigay illaa 4-ta November kadib codsi ka yimid Kenya. Si kastaba Kenya ayaa dhowr toddobaad ka hor mar kale codsatay in kiiska dib loo dhigo, taasi oo dhalisay go’aanka cusub ee galabta soo baxay. Soomaaliya ayaa labada goorba diiday in kiiska dib loo dhigo, hase yeeshee maxkamadda ayaa tix-gelisat codsiga Kenya. Caasimada Online Xafiiska London caasimada@live.com
-
(SLT-Washington)-Magaalada Washington waxaa toddobaadkan ka socda shirar kala duwan oo ay hey’adaha IMF iyo Bangiga Aduunku ay ku casuumeen madax ka socota dalal badan oo dunida ah, oo iskugu jira kuwa saboolka ah kuwa soo koraya iyo kuwa deeqaha bixiya. Shirkaasi dalalka lagu casuumay waxaa ka mid ah Soomaaliya, oo ay wufuu ka joogaan, ayada oo Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Xassan Cali Kheyre lagu wado inuu ku soo biiro. Mid ka mid ah kulamaddii ilaa iyo hadda dhacay ayaa waxaa ka qeyb galay mudanayaal ka socday baarlamanada 61 dal, Halkan hoose kaga boggo Source
-
Boorama (Caasimada Online) ― Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi ayaa waxay ciidamo hubeysan oo tiro badan dul geysay dadweynaha ku nool deegaanada hoos yimaada degmada Lughaya. Ciidankaasi oo uu hogaaminayo Taliyaha ciidanka qaybta ee gobolka Awdal ayaa waxay gaareen deeganadaasi oo ay kamid yihiin; Gargaara, Osoli, Biyo kulul iyo Wadajir. Caasimada Online oo dadweynaha ku nool deegaankaasi qaarkood la xiriirtay ayaa waxay sheegen inay soo wajahday cabsi balaadhan oo ku aadan ciidankaasi, maadama oo aysan ilaa hadda garaneyn ujeedada rasmiga ah ee loo soo dul dhigay ciidankaasi. Dadweynaha deegaanka ayaa sidoo kale waxay inoo sheegen in labadii Habeen ee u dambeysay aysan si fiican u seexan, isla markaana ay baqdin badan ka qabeen ciidankaasi ay xukuumadu dul dhigtay. Warar kale oo ay Caasimada Online helayso, ayaa sidoo kale waxay sheegayan in amar ka soo baxay Wasaarada arrimaha gudaha Somaliland lagu geeyay ciidamadaasi deeganadaa, kuwaasi oo ujeedkoodana lagu sheegay inuu yahay sidii ay u sugi lahaayeen amniga Beero tiro badan oo ku yaala deeganadaasi. Beerahaasi ayaa muddooyinkii u dambeeyay waxa ku muran-sanaa labo Beelood, kuwaasi oo dhowaana ay shaqaaqo ku dhex-martay Beer ku taala deegaanka Wadajir, halkaasi oo uu ka dhashay iska hor imaad sababay dhimasho iyo dhaawacba. Xukuumada Somaliland ayaa u muuqata mid gabi ahaanba ku fashilantay xal ka gaarista xiisadaasi ka taagan deeeganadaasi, kadib markii dhowaan la isku fahmi waayay wada-hadal ay deeganadaasi ka fureen Wafdi uu hogaaminaayo Wasiirka wasaarada Biyaha Somaliland. Caasimada Online Xafiiska Boorama Caasimada@live.com
